Sifooyinka Ilaahay  
(Sifaatu Allah)

Waxaa qoray: Osman Said Hersi
E-mail: cismaaneey@live.com

Decorative Lines

Sifaadka Rabi
(Subxaanahu wa Tacaalaa)

Waxaan halkaan ka caddeyneeyna in aan ilaah meel ama jiho loo yeeli karin sidoo kalena aan loo yeeli karin jismi sidoo kalena ilaah aan waxba loo ekeysiin karin ama aan lagu shabihi karin waxna.

Waxaan soo qaadan doonaa aayado dhowr ah iyo axaadiith inoo caddeyneysa intaas aan sheegney kaasoo xoojinaya mowqifka ahlusunna waljamaacah. Jawaab cadna siinaya mushabahada ama mujasimada ilaah meel u yeela ama jiho uyeela.

Waxaan caddeyneynaa in jiho ilaah uyeeleysiga uu keenaayo gaalnino waayo meel oo dhan ilaah baa abuurey, samada ilaah baa abuurey iyo inta ku nool oo dhan ama degan sida:

  • Carshiga
  • Kursiga
  • Looxa maxfuudka
  • Malaa’ikta
  • Jannada iyo
  • Arwaaxda
  • Acmaasha suuban
  • Buruujka (Xiddigaha) i.w.m.

Waana ilaahooda dhamaantood, iyagoon jirin buuna jiray.

Aayadaan hoose ayaana kala saareysa dadka aaminsan in ilaah jiho loo yeeli karo iyo kuwa aaminsan in aan ilaah jiho loo yeeli karin..dhabbada cadna u muujineysa qofkii ilaah hanuun lamaagayo ee ilaah siiyey dhego uu wax ku maqlo ama qalbi iimanku ku nagaado.

Allaah baa ku yiri kitaabkiisa sidan:

{ وهو الذي في السماء اله وفي الأرض اله }

[Isagu waa(ilaaha) samada u,ah ilaah ee dhab ahaan loo caabudo iyo inta ku nool oo dhan hadana dhulka iyo inta ku nool oo dhan u,ah ilaah]..dhab ahaanta loo caabudo ..micnuhu waa in uu yahay abuuraha isagu abuurey labadaba iyo inta ku dhex nool oo dhan .

Cirka iyo inta ku nool wa sida:

Carshiga..iyo biyaha kasareeya looxa maxfuudka iyo qalinka ..kursiga ..malaa,ikta ..jannada..iyo wax kastaa oo ku guda jira ahna abuurkiisa ..hadaba ilaah iyo abuurkiisa la,islama simi karo loomana ekeysiin karo .

Sidoo kale dhulka iyo inta kunool waa:

  • Dadka
  • Jinniga
  • Buuraha
  • Badaha
  • Wabiyada
  • Naarta

Iyo wixii kalee oo ku nool e ah noole iyo jamaadaad intaba .

Hadaba micnuhu waa in aan ilaah loo ekeysiin karin abuurihiisa uu isaga abuuray oo dhan, mana jiraan isaga wax lamid ah ama lala mid dhigi karo.

’’Ma jiraan wax asiga (Ilaahay) la mid ah.’’

(( ليس كمثله شيء ))

Ilaah baa run sheegey.

(… oo ilaah haddana waa ka deqtoone abuurkiisa ilaah baa ku yiri suurad cankabuut.)

{ إن الله لغني عن العالمين }

Ilaah baa run sheegey.

قال الله تعالى: {قل لمن ما في السموات والأرض قل لله} [الأنعام:12 }

{Nabi alloow waxaad tiraahdaa yaa iska leh oo milkiyey oo hantidiisa tahay samooyinka iyo inta ku nool iyo dhulka iyo inta ku nool, dheh (hadaba nabi aloow) allaa iska leh}

Hordhcaas kadib waxaanu halkaan ku caddeyn doonaa; korna kusoo xusney; in aan ilaah jiho ..meel..midna aan loo yeeli karin’ waxna aan loo ekeysiin karin oo aan la oran karin ilaahbaa cirka degan ama ku sugan ama carshiga dushiisa fadhiya ..ama degan ama ku sugnaadey ama thaatadiisa ku sugan ama waa sugnaan xaqiiqa ah.

Waxaas oo dhan in eeyan banaaneeyn baan halkaan ku cadeyneynaa oo eey waliba hadaladas oo dhanba ineey gaalnimo keeneyso haddii la ictiqaado…iyadoo addilladii kore iyo kuwa aad hoos ku arki doontaanba aanu ku caddeyneyno ..addilladaas oo ah kuwa hore kitaabka quraanka kariimka ah ..kadibna aan xusi doono addillada aqwasha rasuulka ee ah nabiga naxariista u ah dhammaan dunidaan aanu ku nool nahay oo dhan nabad iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee.

Addillada Hore ee Qur’aanka Kariimka Ah

1aad: Ilaah (Allaah) Looma Ekeysiin Karo Abuurkiisa

(( ليس كمثله شيء ))

Ilaah  wax lamid ah majiraan haddaad intaas fahanto waxaa kuusoo baxeysa in aan ilaah la oran karin samaduu joogaa waayo dhammaan aayadaha kor ahaanshaha iyo culluwiga macno ahaan kusoo aroorey waa la ta,wiilin hayaa seey wada qabaan badi culimada ama sey tahaa loo qaadan ta,wiil la,aan laakiin laga fogaanaayo in jiho loo yeelo …iyadoo aayadaan kore lasoo qaadanayo.

(.. oo ilaahey waa ka qani uma baahna abuurkiisa ((إن الله لغني عن العالمين))

2aad: Ilaah waxaa uu ku yiri kitaabkiisa hadana

قول الله تعالى :{فلا تضربوا للهِ الأمثال} [سورةالنحل/74]

Yacni ha ku shabihina ama ha ku matalina ama ha u soo qaadanina wax yeelan kara tilmaamihiisa waayo sifooyinka iyo tilmaamaha ilaahey la mid maaha oo ma qaadan karaan abuurkiisa. Wayo deganayaasha samada ilaah kama mid noqon karo ama abuurkiisa lalama simi karo.

3aad: Ilaahbaa qur’aankiisa ku yiri hadana:

{قال الله تعالى :{وللهِ المثَلُ الأعلى} [سورة النحل/60]

Yacni wasfigiisa ilaah ama tilmaantiisa uma eka isaga qeyrkiis, oo ilaah laguma sifeynkaro weynaaye sifaatka ama tilmaanta abuurkiisa.

Aayaadaan ilaahey.. ibn Xibbaan tafsiirkiisu waxaa uu ku leeyahay ..ilaahey kor ahaayey boos la,aan ama deegaan mid aan aheyn sareyn aan waxna dhalin guursanna waxna aan ka tarmin oo ka duwan abuurkiisa, lagana nazahayo oo laga reebayo wax kastoo keenaya gaalnimo oo an ilaah ku bannaaneyn sida ku shabihida ama guurguurka ..iyo wax lamid ah.

4aad: Ilaah baa hadana yiri

{وقال الله تعالى :{هل تعلمُ لهُ سميًّا} [سورة مريم/65] أي مِثلاً،

{’’ma waxaad ogtihiin wax lasami ah ama u ek’’} ilaah ma jiraan ekaankiisa ama wax lamatal ah waxna laguma shabihi karo qofkii ku sifeeyaa ama ku tilmaamaa tilmaan uumihiisa yeelan karo waa uu gaaloobey.

Sida tilamaamaha bani aadamka:

Fadhiga, istaaga, deganaanshaha ama yiraahda ilaahbaa sama ku sugnaadey ama degan ama buuxshey samada waxaa uu ku shabbahay ama u ekeysiiyey malaa’iktiisa waayo waa kamid deganayaasha samada waana ictiqaad gaal-nimo ah oo markaas ka hor imaaneysa aayada Qur’aanka

{قول الله: {ليس كمثله شىء} [سورة الشورى/11
وقول الله تعالى :{هل تعلمُ له سميًّا} [سورة مريم/65].}

5aad: Ilaah baa haddana yiri sidan

{قول الله تعالى :{هُوَ الأَوَّلُ وَالآخِرُ وَالظَّاهِرُ وَالْبَاطِنُ} {سورة الحديد/3
قال الطبري في تفسيره: “فلا شىء أقرب إلى شىء منه، كما قال
:{وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْ حَبْلِ الْوَرِيدِ}[سورة ق/16]” اهـ

{’’issagu waa horeeye iyo danbeeye iyo muuqde iyo hooseeye}

Ibn dabari tafsiirkiisa markaad aragto aayaddaan waxaa uu ku fasiray sidan:

Ma jiraan dhawaanshaha ilaah uu dhow yahay wax ka dhow” sida uu ilaah u yiriba

{”Annagaa kaga dhow adoonka mariinka jiidinka’’} cunto mareenka ah.

Dhawaanshaha dareenka ah(xissiga) ah waa uu diidey ibn dhabari ee eey mushabahada qabaan laakiin dhawaanshaha macnawiga ah kaa ma diidin, taana waa daliil in aan ilaah jiho loo yeeli karin .

6aad: Illaah (Allaah) baa Kitaabkiisa Ku Yiri:

{وقال الله تعالى :{وَلَمْ يَكُن لَّهُ كُفُوًا أَحَدٌ} [سورة الإخلاص/4]

Ula jeedadu waa inaanu jirin wax la sey ah Illaah ama u qalma. Aayaddaan waxaa eey fasir ka bixisey aayadii hore aan usoo xusney:

{ليس كمثله شىء}.

7aad: Illaah baa kitaabkiisa ku yiri isagoo ina barahaya inuusan jiho gaar ah loo yeli karin hadana bal ila eeg si tamacun ah aayaddan

وقال الله تعالى
{فَأَيْنَمَا تُوَلُّواْ فَثَمَّ وَجْهُ اللهِ} [سورة البقرة/115

Aayaddaan markii uu fasira hayey ibn xayyaan al-andalusi saatan buu ka yiri sidatan:-” tani waxaa eey daliil cad u yahay iyo u jawaabid qolyaha aaminsan in ilaah jiho jiro waayo ilaah marka uu inoo cadeeyey in loo qaabilo karo loona tukan karo jiho kastaa waxaa uu inoo caddeeyey inaanu jiho gaar ah isugu gaar yeelin,

Bal waxaa uu ina barahayaa ilaah in jihooyinka oo dhan eey yihiin hoosta tasarufkiisa iyo taxta mulkihi (boqortooyadiisa ama lahaanshihiisa)..aayadanna salaatul naafilada bey ka hadleysa ..ama marka aad safarka ku jirto…dhamaad hadalkii ibn xayyaan aal-andalusi.

sideyba kacbadu u tahay kacbada qiblada salaadda muslimiinta ayaa eeysamaduna u tahay qiblada duceystayaasha muslimiinta ..bal eeg midna waa dhulka midna waa samada…micnuhu waa inan ilaah jiho loo yeli karin.

Waxaa la yaableh mushabahada ah wahaabiyada aayadaan waa eey ta,wiiliyaan oo wajiga ilaahey waxaa eey ku fasiraan qibladda ilaaheey cajiiiiib!! waxaadna arkeysaa iyagoo ku leh marna ta,wiilku waa xaaraan..laakiin annaga ahlu sunna wljmaacah ta,wiilka al-mujaahid baanu qadaney oo ahaa ardeygii ibn cabbaas..dhabcan isla culimada wahaabiyada markaan wey nala qabaan, laakiin xadiiska jaariyadda ee oranaya ilaah samaduu joogaa.”

أين الله ؟ قالت : في السماء

Kaasi ma ta’wiiliyaan hadabasow ku dabaqmi mayaan qowlaka eebe marka uulahadla hayo yahuuda.

أَفَتُؤْمِنُونَ بِبَعْضِ الْكِتَابِ وَتَكْفُرُونَ بِبَعْضٍ )
(البقرة: من الآية85

Hadaba waxaad garaneysaa in mushabahada iyadu isburineyso …xaquna uusan macooda aheyn.

Haddana waxaa eeynu soo qaadan doonaa Axaadiith-ta Nabiga ee ka hor imaaneysa in Illaah jiho lagu gaar yeelo.

1aad: Nabigu waxaa uu yiri calyhi saltu wasalaam sidatan

{:”كان الله ولم يكن شىءٌ غيره” رواه البخاري والبيهقي.

Micnuhu waa in ilaahey horey u jirey iyadoon waxba aaney jirin, yahayna ilaahey kama zuule suu awalba ahaa, micnhu waa in u jirey iyadoo aaneyba jirin biyo iyo hawo iyo dhul iyo cir toona ama aanu jirin kursi iyo carshi iyo ama eysan jirin malaa,ik iyo insi iyo jinni toona, boos aan la abuurin samo ama iyadoon meelba jirin.

kolka uu ilaahey sameeyey samada iyo carshiga ama meel iyo waqti ..waxba iskama badalin suu ahaa ilaahey oo wa madoorsoome..daatadiisa iyo sifadiisa ama tilmaantiisa isma badalin, masalan haduu abuure ahaa wali waa abuure ..hadduu SAREEYE ama KORREEYE ahaana wali waa SAREEYE ama KORREEYE.

haddaad tiraahdo ilaahey samada dushiisuu joogaa ..waxaad is hilmaansii- sey in uu ahaa jire jooge iyo sareeye markiisii horeba in tuusan samadaba abuurin….oo markaas in ilaahey usoo guurey samada goortuu samada sameyey baad oraneysaa ilaahna waa uu ka nazahanyahay guur-guur..iyo is badal intaba…waayo waa soo jireen ah hadana sii jireen..sifadaasna ama tilmaantaasna waa mid isaga uun ku gaar ah.

2aaad: Nabiga waxaaa uu yiri (Caleyhi Salaatu Wa-Ssalaam) sidatan

{: “اللهم أنت الأوَّلُ فليس قبلَك شىءٌ، وأنت الآخِر فليس بعدَك شىءٌ،
وأنت الظاهرُ فليس فوقَكَ شىءٌ، وأنت الباطن فليس دونَك شىءٌ” رواه مسلم.

Ilaahoow adaa ah horeeye oo ma jirin cid adiga kaa horeysey ..adaana ah danbeeye wax kaa danbeeyaana ma jiraan, adaana ah muuqde cid kaa sareysaana majiraan adaana ah hooseeyey cid kaa sokeysaana majiraan) Abuu-muslim baa wariyey.

Xadiithakaan ibn byhaqi waxaa uu ku fasiray in ilaahey haddaanan jirin cid kasareysa iyo cid ka hooseysa toona micnuhu waa inaan ilaah jiho loo yeeli karin sidaasi daraadeed culimada ahlusunna waljamaaca taasey usoo daliishadaan in aanana ilaah jiho gaar ah loo yeeli karin buu yiri imaam al-beyhaqi…dhamaad hadalkii al-beyhaqi…kulaabo kitaabkiisa al-asmaa,a wasifaat.

sidaasi daraadeed lama oran karo ilaah baa samada iyo xaga jihada kor jira oo jooga saanba loo oran karin dhulkuu ilaah joogaa..micnuhu waa inaan jiho ilaah lagu soo koobi karin.

3aad: Nabigu waxaa uu yiri calayhi salaatu wassalaam sida tan

:أقربُ ما يكونُ العبدُ مِن ربّه وهو ساجد، فأكثروا الدُّعاء“.
رواه مسلم في صحيحه

{adoonku waxaa uu ugu dhowyahay rabbigiisa marka uu sujuudsan yahay}imaamkii jalaaludiin al-suyuudhi ahaana kitabkiisa loo yaqaa (al-tadkira) waxaa uu ku leeyahay tani waxaa eey daliil utahay in aan ilaah jiho gaar ah loo yeeli karin..

4aad: Nabigu waxaa uu yiri (Caleyhi Salaatu wa-Salaam) sidatan

{:”ما ينبغي لعبدٍ أن يقول: إني خيرٌ من يونس بن متَّى” اهـ. واللفظ للبخاري.
رواه البخاري ومسلم عن ابن عباس رضي الله عنهما

Xadiithkaan oo saxiixulbukhaariga iyo muslima aad ku arkeyso oo ah micnaha{ma haboona in qof ku yiraahdo in aan anigu(nabi maxamed ahaan) ka kheyr badanahay yuunis bin mataa} waa (Nabi Yuunise).

Micnuhu waa marka nibiriga uu laqey nabi yuunis ee uu ilaah baryey isaga oo ku jira badda gunteeda iyo caloosha nibiriga markaa aniga oo ilaah kula manaajoonahaya todobada samo korkooda iyo sadr muntaha (Xiligii Dheelminta) in aan ilaah kaga dhawahay ilaah yuunis yaan loo qaadan..micnuhu waa yaan loo qaadan in ilaah kor jiro ama jiho.

Markaan waxaad xusuusaneysaa in marka (Nabi Ibraahim) quraanka uu ku leeyahay {anigu waxaan adahayaa xagaa iyo rabigeyga} ee uu aadey dhulka shaam iyo falastiin micnaha maahan in ilaah halkaa joogo ama micno kale nabi muusaba ilaah waxaa uu kula munaajoodey dhuura siinaa oo ku taal dhulka (masar) micnuhuna maahan in ilaah joogo cirka ama dhulka.

Macnaha dheelmintana maahan in nabiga uu aadey meesha sare in Illaah (Allaah) degan yahay e safarkaas waxaa uu ahaa mid ilaah ku soo barahayey cajaa’ibtiisa samada iyo aayadihiisa.

Islamrkaana xaalad markaas taagneyd e heysatey nabiga oo murugo ah oo ah geeri is daba taal wel-welka looga soo baa’bi inaayey.

Aan kusoo gaba-gabeeyo xadiithkan sida uu ku fasiray (Ibn Qurdubi) tafsiirkiisa (Jamic li Axkaamul Qur’aan) oo ah sidatan:

{وقال المفسّر أبو عبد الله القرطبي في تفسيره ما نصه:
“قال أبو المعالي: قوله صلى الله عليه وسلم:
“لا تفضّلوني على يونس بن متى” المعنى فإني لم أكن وأنا في سدرة المنتهى بأقرب إلى الله منه
وهو في قعر البحر في بطن الحوت، وهذا يدل على أن البارىءَ سبحانه وتعالى ليس في جهة” اهـ
.}

{Waxaa uu ku yiri qur’aan fassirihii (Abu Cabdullahi) ee loo yiqiin (al-Qurdhubi): Waxaa uu yiri (Abul Macaali) hadalka nabiga naxariis iyo nabad korkiisa ha ahaatee:

“Ha iga fadli yelina aniga yunis bin matta” micnuhu waa markaan anigu ahaa mid jooga sidrul muntahaaga agtiisa ee aan ilaah kula munaajoonaayey halkaa ;ma aheyn mid aan uga dhowahay ilaah agtiisa isaga waa nabi yunise isagoo ku sugan badda gunteeda iyo caloosha nibiriga ;kaasaana daliil u,ah in ilaah weynaaye aanu jiho ahaanin }..dhamaad tafsiirkii al-qurdhubi.

5aad: In aan ilaah jiho gaar ah loo yeeli karin waxaa ka mid ah in Nabigu yiri sida tan

ما رواه مسلم في صحيحه عن أنس بن مالك:
“أن النبي صلى الله عليه وسلم استسقى فأشار بظهر كَفَّيْه إلى السماء” اهـ

xadiithkaan waxaa soo wariyey muslim oo ku wariyey saxiixiisa, anasna laga wariyey in nabigu caleyhi salaatu wassalaam uu mar uu ilaah roob ka dalbahayey calaacashiisa korkeeda (gacanta meesha kore) uu kor aadiyey.

micnuhu waa in uu calaacashiisa foorariyey sida aan ilaah ubarina mooyee uu hoos u rogey calaacalihiisa …taana waxaa eey daliil utahay in ilaah aanu jiho jirin jihana aan loo yeli karin jiha kore ama jiho kor walaa hoose toona.

UGU DAANBEYN kani maahan(6aad) xadiith ee daliil caqliyan ah weeye..!!

6aad: Nabi Muuse iyo Nabi Maxamed midba meel buu illaahay (Allaah) kula munaajoodey

  • Midna dhulka
  • Midna samada

Micnahana maahan in Illaah dhulka (Dhuura Siina) jooga (Egypt) saanuba u aheyn mid jooga Illaah samada taas micnaheeduna waa in aan Illaah (Allaah) loo yeeli karin jiho gaar ah ..

Gabagabadii: bal ila arka (Sheekh Maxamed Muttawali al-Shicraawi) oo inoo fasirahaya ayyadda.

وهو الذي في السماء اله وفي الأرض اله

Daawada hoos:

Youtube: Sheikh Mohammad Muttawali al-Shi’rawi

Mar kalena ila dhegeysta (Shiikh Cabd-Alxamiid Kashka) oo hadana sugahaya in aan Illaah jiho loo yeeli karin ahaana soo jireen jirey iyadoon meeli jirin.

Youtube: Sheikh Abd al-Hamid Kishk

Calaakuli xaal war iyo dhamaantiisa ilaah qofkuu hanuun lamaago fahanka nusuusta quraanka iyo axaadiith-ta nabigiisuu fahansiiya …ilaah ha innaga dhigo kuwii fahma oo qaatta kuna camal falo, ilaah kheyrka ha ina waafajiyo aamiin.

Decorative Lines

Waxaa qoray: Osman Said Hersi
E-mail: cismaaneey@live.com