Buluuq al-Maraam (Weyn)

Kitaabka 
Buluuq al-Maraam
 بُلُوغُ اَلْمَرَامِ مِنْ أَدِلَّةِ اَلْأَحْكَامِ

al-Imaam: Ibn Xajar al-Casqalaani

Waxaa diyaariyey: Mashruuca qoraal-u-rogista casharadii
Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xassan.

Decorative Lines

Bismillah

الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام 
على رسول الله وعلى اله وأصحابه أجمعين, 
.أما بعد

Hordhac

Habeen Isniin ah oo bisha Dul-Qacdah ahayd 24, sannadkii 1415H ayuu Shaykh Shariif Cabdinuur Shariif Xassan bilaabay casharo uu ku sharaxayey kitaabka la yiraaho (بُلُوغُ اَلْمَرَامِ مِنْ أَدِلَّةِ اَلْأَحْكَامِ) Buluuqul Maraam min Adillatil Axkaam (Maqsuudkii oo laga gaaro adillada axkaamta sharciga ah!). Sheekhu kitaabka wuxuu ku akhriyey Makkah al-Mukarramah.

Habka aan casharada u diyaarinay:

Af Soomaaliga la qoro iyo Af Soomaaliga dadka intooda badani ku hadlaan way kala gedisan yihiin, tanina waxay sababtay inaan isku dayno inaan waxoogaa yara hagaajino qoraalkii aan cajaladaha ka qornay anagoo yaranayna isbedel ku yimaada sheekha hadalkiisa. Tusaale ahaan: sheekhu wuxuu adeegsanayaa xadiiskanKADA, masaladanTADA, iwm. Kalamadahan oo kale waxaan ku bedelnay sida caadi ahaan loo qoro Af Soomaaliga: xadiiskan, masaladan, iwm.

Sheekhu wuxuu casharada u akhrinayaa arday xer ah oo uu kitaabo kale usoo akhriyey, sida Riyaadus Saalixiinka, goobta uu casharada ka akhrinayaana waa Makkah. Sidaas darteed waxaa dhacda inta badan in sheekhu aanu turjumin kalmadaha qaarkood ee uu carabi ku maro.

Tusaale ahaan:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ:  قَالَ رَسُولُ اللهِ

Sheekhu ma soomaaliyeynayo intaas ee sideeduu ku dulmarayaa. Taasi waxay keentay inaan sidan u soomaaliyeyno:

Abii Hureyrah- radiyal Laahu canhu- waxaa laga weriyey in uu yiri: Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yiri:

Soomaaliyeyntaasi waa mid caan ah oo culumadoo dhani (intaan maqlay) adeegsadaan xertana la baro.

Haddaan helno sheekha oo kalmadda meel kale ku Soomaaliyeeyey kaasaan adeegsanaynaa, haddii kale micna la wada yaqaano oo aan rajaynayno haddaan sheekha usoo bandhigi lahayn inuu ogolaan lahaa ayaan adeegsanaynaa meesheedii.

Haddii ay dani kallifto inaan hadalkii sheekha wax ku kordhino si aan arrin u caddayno, waxaan adeegsanaynaa [ ]. Taas macnaheedu waxa weeyaan qoraalka [ku dhex jira labadan qaws] kama mid aha hadalkii sheekha.

Waxaa xusid mudan:

Salliga Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- ma aanaan Soomaaliyeyn ee sidiisa ayaan u deynay. Sidaas ayey culumadu sheegeen inay habboon tahay- sallal Laahu calayhi wasallam- taas ayaana sharci ahaan sugan. Maadaama ay dikri tahayna sideeda in loo adeegsado ayaa fiican.

Taas waxaa kale oo la mid ah, subxaananuhuu wa tacaalaa, radiyal Laahu canhu ama raximahul Laah, oo aan doorbidnay sidooda Muslimiintu ay u adeegsanayeen weligood inaan u deyno ee aanan waxba turjumin, macnahooduna waa iska cadyahay, Soomaalida badankooduna way fahmayaan.

Waxaan casharada u samaynay cinwaano. Tusaale ahaan, xadiis walba waxaan u qaybinay Matni (qoraalka asliga ah) iyo Sharax (Sheekh Shariif Cabdinuur). Hadduu xadiisku dheer yahay, faqra kasta cinwaan-hoosaad baanu u samaynay si akhrintu u fududaato. Cinwaanadan qaarkood waa hadalkii sheekha oo aan soo qaadanay, qaarkoodna waa ku dheeraad hadalka sheekha.

Danta koowaad ee aanu ka leenahay casharadan diyaarintoodu waa in dadku fahmaan xadiiska Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-, kuna dhaqmaan. Tan labaadna waa inaan culumadeena dedaalkoodi wakhtiga dheer ay ku bixiyeen aan la ilaawin ama uusan ku koobnaanin koox shacabka ka mid ah oo taqaana meesha laga helo iyo sida looga faa’iideystee, aanu umadda oo dhan usoo bandhigno si looga wada faa’iideysto.

Eray bixinta Ibn Xajar:

  1. Todobadaa weriyey: Axmed, Bukhaari, Muslim, Abuu Daawuud, Tirmidi, Nasaa’ii, Ibn Maajjah.
  2. Lixdaa weriyey: Bukhaari, Muslim, Abuu Daawuud, Tirmidi, Nasaa’ii, Ibn Maajjah.
  3. Shantaa weriyey: Axmed, Abuu Daawuud, Tirmidi, Nasaa’ii, Ibn Maajjah.
  4. Afartaa weriyey: Abuu Daawuud, Tirmidi, Nasaa’ii, Ibn Maajjah.
  5. Saddexdaa weriyey: Abuu Daawuud iyo Tirmidi iyo Nasaa’ii.
  6. Muttafaq calayhi: Bukhaari iyo Muslim ayaa weriyey.

Buluuq al-Maraam
Kitaabka Dahaarada
Cutubka Biyaha
Xadiiska | 1aad 

:عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ
قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
فِي الْبَحْرِ هُوَ الطَّهُورُ مَاؤُهُ الْحِلُّ مَيْتَتُهُ 

أَخْرَجَهُ الْأَرْبَعَةُ وَابْنُ أَبِي شَيْبَةَ وَاللَّفْظُ لَهُ وَصَحَّحَهُ ابْنُ خُزَيْمَةَ وَالتِّرْمِذِيُّ وَرَوَاهُ مَالِكٌ وَالشَّافِعِيُّ وَأَحْمَدُ

Abii Hurayrah (radiyal Laahu canhu) waxaa laga weriyey in uu yiri:

Rasuulkii Alle – sallal Laahu calayhi wasallam- badda ayuu wuxuu ka yiri: “Baddu ku lagu dahaaro qaato weeyaan biyihiisu, uu xalaasha yahayna bakhtigiisu.”

Sharax

Sababta uu ku yimidna waxay ahayd waa la weydiiyey oo nin mallaax ahaa oo dooni lahaa ayaa wuxuu yiri: Rasuulkii Alloow  badda ayaan korraa oo aan ku safaraa anaga oo biyo macaan oo badanna aan haysanin, oo waxyar oo cabitaan noogu filan keliya haysana. markaa haddaan biyaha inta macaan ee aan haysano aan ku weyso qaadano waa oomaynaa, ee biyaha badda maku weyso qaadan karraa? Saasaa la weydiiyey. markaasuu sidan ugu jawaabay oo wuxuu yiri:

“Baddu ku lagu dahaaro qaato weeyaan biyihiisu, uu xalaasha yahayna bakhtigiisuna”

Markaas Rasuulka- sallal Laahu calayhi wacalaa aalihii wasallam- hal xukun baa la weydiiyey laba xukun buuna ku jawaabay. Taasuna markaa waxay ka mid tahay fasaaxadiisa  iyo sida uu umaddiisa ugu faa’iidaynayey,  jahliga in uu ka saarana uu u jeclaa.

Biyaha Badda

Biyaha baddu markaa waa daahir[2] oo mudahhir[3] ah; waa lagu dahaara qaadan karaa, waa lagu qubaysan karaa, waa lagu weyso qaadan karaa, dharkaa lagu dhaqan karaa najaasadana lagaga bixin karaa, waa lagu istinjoonayaa…, waa mudahhir weeyaan.

Maydita Badda

Maytadiisuna waa xalaal. Yacnii xayawaanaadka badda ee badda ku dhintay, ama kolkii laga soo bixiyo ha dhinto oo kaluumaystuhu uusoo bixiyo, ama baddu intay soo tuurto saa haku dhinto, ama badda dhexdeeda intuu ku dhinto isaga oo kor heehaabaya halaga bixiyo, halaga soo qaatee, intuba markaa xalaal weeyaan. Markaa xayawaanaadka bad ku noosha ah gawrac uma baahna siday doontaba xalaal weeye kaasuna wuxuu la mid yahay Alle- subxaanahuu wa tacaalaa- markuu yiri:

{أُحِلَّ لَكُمْ صَيْدُ الْبَحْرِ وَطَعَامُهُ مَتَاعًا لَّكُمْ وَلِلسَّيَّارَةِ}

Saydul baxri markaa waxaa lagu fasiray waxa badda laga soo qabsado, dacaamkiisana waxaa lagu fasiray waxa isaga oo dhintay oo badda dul sabbaynaya ama xeebteeda yaalla lasoo qabsado.

Xadiiskan waxaa weriyey Afarta (asxaabu sunankii[4] aan soo sheegnay) iyo Abuu Bakar ibn Abii Shaybah (Musannafkiisa) lafdigana [erayadana] Abuu Bakar ibn Abii Shaybah ayaa leh. Kuwa kalena markaa xagga macnaha ayey iyaguna ku weriyeen. xadiiskana waxaa saxiix yeelay Abuu Bakar ibn Khusaymah Muxammad ibn Isxaaq ibn Khuzaymah, imaamkii imaamyada, iyo Tirmidi Abuu Ciisaa Muxammad ibn Ciisa attirmidii,

Xadiiska waxaa kaloo isna weriyey Maalik, Al Imaam Maalik ibn Anas (Muwadda’iisa) iyo Imaam Shaaficii, magiciisuna waa Muxammad ibn Idriis, yaa isaguna ku weriyey  al-Umm. Imaam Axmad ibn Xanbalna Musnadkiisuu ku weriyey. Saddexdaa Imaam ee imaamyada fiqhigana  asxaabul madaahibta kamid ah iyo afartaas asxaabus sunan ah yaa weriyey iyo ibn Abii Shaybah iyo ibn Khusaymah iyo qeyrkood.

Xadiiskuna markaa xadiis saxiixa weeyaan, shaykh Albaanii- raximahul Laah- wuxuu ku saxiix yeelay  Saxiix alJaamic asSaqiir  iyo kutubtiisa kuwo kale oo kamid ahba.

[1] Matni: qoraalkii asliga ahaa ee sheekhu sharaxayo.
[2] Daahir: shayga naf ahaantiisa daahirka u ah, tusaale: caanaha geelu waa daahir laakiin wax laguma daahirin karo lagumana weyso qaadan karo.
[3] Mudahhir: shayga wax daahirin kara.

[4] Asxaabu Sunan: waa culumada alliftay afarta kitaab ee loo yaqaano As Sunan, oo kala ah; Sunan Abii Daawuud (waxaa allifay Imaam Abii Daawuud), Sunan Tirmidi (waxaa allifay Imaam Tirmidi), Sunan Nasaa’ii (waxaa allifay Imaam Nasaa’ii), Sunan Ibn Maajjah (waxaa allifay Imaam Ibn Maajjah). Kitaab walba waxaa lagu soo aruuriyey xadiisyada la xidhiidha axkaamta shariicada. Guud ahaan afartan kitaab way ka daraja hooseeyaan Saxiix Bukhaari iyo Saxiix Muslim.

Buluuq al-Maraam
Kitaabka Dahaarada
Cutubka Biyaha
Xadiiska | 2aad

وَعَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ
قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
إنَّ الْمَاءَ طَهُورٌ لَا يُنَجِّسُهُ شَيْءٌ
أَخْرَجَهُ الثَّلَاثَةُ وَصَحَّحَهُ أَحْمَدُ

Abii Saciid Al-Khudrii (radiyal Laahu canhu) waxaa laga weriyey in uu yiri:

Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yiri: “Biyuhu kii wax daahiriya weeyaan wax nijaasaynayaana aanu jirin.”

Sharax

Abii Saciid magaciisuna waxa weeye: {Sacad ibn Maalik ibn Sinaan}

Xadiiskanina qiso ayuu lahaa oo qisadu waxay ahayd, waxaa la weydiiyey ceel oo bi’ru budaacah (بِئْرُ بُضَاعَة) la dhihi jirey oo Madiina ku yaallay yaa la weydiiyey oo waxaa la yiri yaa rasuulallaah ceelkaa bi’ru budaacah la yiraaho biyahaa lagaaga soo dhaamiyaa waana ceel oo wasakhda laagu tuuro cadirada iyo haweenka dambooligooda iyo bakhtiga, iyo waxyaalahaa lagu tuuro ee maku weyso qaadan karaysaa? markaas maku weyso qaadanaysaa iyo maku weyso qaadanaynaa labadaasaa kala jirta markaasuu hadalkan yiri oo “biyuhu waa kuwo lagu dahaaro qaato oo wax nijaasaynayaana ma jiro.”

Xadiiskaan waxaa weriyey Saddexda ( waa Abuu Daawuud iyo Tirmidi iyo Nasaa’i, siduu soo sheegay.) iyo Axmed. Qeyrkoodna xadiiska waa weriyeen oo isaguna waa saxiix. Xadiis bi’ru budaacah ayaa la yiraahaa oo waa saxiix oo Albaani wuxuu ku saxiix yeelay Saxiix alJaamic asSaqiir, iyo  Irwaa’il Qaliil iyo qeyrkoodba.

Xadiiskanu markaa wuxuu faa’iidaynayaa biyuhu, kolkii daahirkiisa uun la qabsado, in aanay wax nijaasaynayaaba aanu jirin, ha yaraadeen, ha badnaadeen, ha doorsoomeen, yeyna doorsoomin. Xadiisku isagu sidaasuu horta faa’iideynayaa. Waana horta inaan kala qaadno xadiisku wuxuu faa’iideynayo iyo inay jiraan wax kale oo wax ka bedelayo oo ama khasisaaya [meel ku koobaya] ama qeydaya [meel ku koobaya] inay jiraan iyo mucaarid [wax ka hor imanaya] inay jiraan waa kala laba, markaa xadiisku isagu sidaasuu faa’iideynayaa. Laakiin waxaa inoo imaan doona laba arrimood oo xadiiskaas, laba qeyd u kala xiri doonta.

Buluuq al-Maraam
Kitaabka Dahaarada
Cutubka Biyaha
Xadiiska | 3aad

:وَعَنْ أَبِي أُمَامَةَ الْبَاهِلِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ
قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
إنَّ الْمَاءَ لَا يُنَجِّسُهُ شَيْءٌ إلَّا مَا غَلَبَ عَلَى رِيحِهِ وَطَعْمِهِ وَلَوْنِهِ
{أَخْرَجَهُ ابْنُ مَاجَهْ وَضَعَّفَهُ أَبُو حَاتِمٍ}

Abii Umaamah al-Baahilii (radiyal Laahu canhu) waxaa laga weriyey in uu yiri:

Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yiri: “Biyuha wax nijaasaynayaayu ma jiraan illaa wixii ka xoog roonaada (yacnii dooriya) urtiisa, iyo dhadhankiisa iyo midabkiisa.”

Sharax

Abii Umaamata alBaahilii, magiciisa Sudayy ibn Cajlaan (صُدَيّ بن عَجْلَان) ayaa la yiraahaa.

Markaa sidaa macnaheedu waxaa weeyaan biyaha wixii bedelaayu ama ha yaraadeen ama ha badnaadeene inay nijaasaynayaan.

Xadiiskana waxaa weriyey Ibn Maajjah, Abuu Xaatimna waa daciifiyey…..[cajalka waxbaa ka go’an, riwaayada Bayhaqi buu toos u gelayaai intan kadib. Cajal dhammaystiran haddan helno inta maqan waan kusoo daraynaa insha Allaah. Laakiin qeybta dambe wuxuu ku sheegayaa in xadiiskani daciif yahay.]

Matni: riwaayada Bayhaqi

وَلِلْبَيْهَقِيِّ
{الْمَاءُ طَهُورٌ إلَّا إنْ تَغَيَّرَ رِيحُهُ أَوْ طَعْمُهُ أَوْ لَوْنُهُ بِنَجَاسَةٍ تَحْدُثُ فِيهِ}

Bayhaqina wuxuu weriyey: “Biyuhu waa kuwii wax daahiriya, in uu doorsoomo urtiisu ama dhadhankiisu ama midabkiisu nijaaso ku dhex dhacday daraaddeed mooyaane.”

Sharax: riwaayada Bayhaqi

Xadiiskanina markaa kii horuu la mid yahay oo Bayhaqi baa markaa lafdigan isagu ku weriyey. Xadiiskan naftiisu waa daciif oo siduu kii hore daciif ku ahaa buu kanna daciif ku yahay. Waxaana jira xadiis kale oo saddexaad oo saxaabi kale oo saddexaad uu weriyey oo Sawbaan (ثَوبَان) la yiraahoo isaguna sidaas u fasiraayey oo tusinaaya in haddii ay biyaha nijaasadu dooriso inay sidaas biyuhu ay ku nijaasoobayaan.

Laakiin labada xadiisba, xadiiska Sawbaan iyo Abuu Umaamah labadiisa riwaayaba waa daciif, kol haddii uu daciif yahayna xukun lagama qaadanayo.

Laakiin masalada xukunkeeda oo ah biyuhu hadday nijaasa ku doorsoomaan inay nijaasoobayaan, iyada markaa waxaa weeyaan daliil kalaa laga qaadanayaa, daliilkaasuna waxa weeyaan waa ijmaacul ummah. Umaddoo dhan baa waxay isku raacday biyuhu hadday nijaaso ku doorsoomaan; nijaaso ku dhacday sababteeda ku doorsoomaan, inay ku nijaasoobayaan sidaa. Markaa daliilkaasuu xukunku ku sugnaaday ijmaaca ah mooyaane xadiiskan maanu ku sugnaanin.

Imaamu Shaafici- radiyal Laahu canhu- isagoo masaladan ka hadlaaya buu sheegoo wuxuu yiri xadiiska masaladaa kusoo arooray jiritaankiisa ma sugayaan culumada xadiisku.

Laakiin arrintaa khilaaf kuma jiro. Sidaasoo kale isaguna waxaa sheegay in lagu ijmaacay Tirmidi iyo Ibn Mundir iyo qeyrkood baa sheegay. Ijmaacaasay markaa masaladu ku sugan tahay.

Buluuq al-Maraam
Kitaabka Dahaarada
Cutubka Biyaha
Xadiiska | 4aad

:وَعَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ
قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
إذَا كَانَ الْمَاءُ قُلَّتَيْنِ لَمْ يَحْمِلْ الْخَبَثَ وَفِي لَفْظٍ لَمْ يَنْجُسْ
{أَخْرَجَهُ الْأَرْبَعَةُ وَصَحَّحَهُ ابْنُ خُزَيْمَةَ وَالْحَاكِمُ وَابْنُ حِبَّانَ}

Cabdillahi ibn Cumar (radiyal Laahu canhumaa) waxaa laga weriyey in uu yiri:

Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yiri: “Biyuhu markay gaaraan laba aashuun (qullatayn) ma aqbalaan nijaaso.”

{وَفِي لَفْظٍ: { لَمْ يَنْجُسْ }

Lafdi kalena waxaa ku sugnayd: “Ma nijaasoobo”

Sharax

Qullatayn waa qullah oo laba laga dhigay. Aashuunka weyn baa qullah la yiraahaa, qullana waxaa loogu magacaabay waa mid la qaadi karoo qof xoog leh uu qaadi karo; dhulka ka hinjin karo. Waxaa la mid ah tanaga iyo dhoonharaadda… marka weel weyn oo aashuumada waaweyn iyo haamaha waaweyn iyo sidaasoo kale ah muggiis ayaa qullah la yiraahaa.  Markaa laba aashuun bay noqonaysaa iyo laba haamood iyo wax sidaasoo kale ah ama laba kharbad oo waaweyn siduu Imaamu Shaafici- radiyal Laahu tacaalaa canhu- uu ku fasiray isagu.

[biyuhu markay intaas gaaraan] ma aqbalaan nijaaso oo nijaasada waa iska celiyaan weeye macnaheedu.

Afarta asxaabu sunankaa weriyey, Ibn khusaymana waa saxiix yeelay iyo Ibn Xibbaan (Abuu Xaatim, Muxammad ibn Xaatim Al Bustii) iyo Xaakim (Abuu Cabdillaahi an Naysaabuuriyyi, Muxammad ibn Cabdillaah). Saddexdaasuba mid waliba kitaab saxiix uu ku magacaabay buu leeyahay, oo way saxiix yeeleen. Waana sida ay sheegeen oo xadiisku saxiix weeyaan oo waxaa saxiix yeelay isaguna Shaykh Albaanii Saxiix alJaamic asSaqiir iyo Irwaa’il Qaliil iyo qeyrkoodba.

Xadiiska hadal fara badaan iyo waxbaa ku jirjira oo sanad[1]kiisaa wax laga sheegsheegaa, qaarna isku dayeen inay daciifiyaan, laakiin xadiisku shaki la’aan waa xadiis saxiix ah.

Xadiiskanina markaa xadiiskii labaad ee Abuu Saciid Al Khudrii ayuu shardi ku kordhinayaa oo biyaha Nebigu- sallal Laahu calayhi wacalaa aalihii wasallam- [ka yiri]: “biyuhu kuwa dahuur ah weeyaan oo waxba ma nijaaseeyo” biyaha badan ee markaa laba aashuun (qullatayn) iyo wixii ka badan gaaraya weeyaan.

Laakiin hadday biyuhu yar yihiin oo qullatayn ay ka yar yihiin nijaaso waa aqbalayaan weeyaan oo way nijaasoobayaan.

Marka saddexdaas arrimood marka la isu geeyo; xadiiskii Abuu Saciid Al Khudrii iyo ijmaaca iyo xadiiskan Cabdullahi ibn Cumar- radiyal Laahu canhumaa- baa masalada xukunkeedii oo kaamil ihi inoo soo baxayaa oo waxay noqonaysaa: biyuhu hadday yar yihiinna nijaaso kastoo ku dhacdaayu ama ha dooriso ama yeynan doorinine way nijaasaynaysaa.

Yaraantana xadkeedu waa wixii qullatayn ka hooseeya, qullataynna xadkaa aan sheegnay weeyaan. Biyuhu hadday badan yihiin oo nijaasadaa ku dhacday ay doorisana iyaguna waa nijaasoobayaan. Haddiise biyuhu badan yihiin oo qullatayn iyo wixii ka badan ay yihiin oo nijaasadiina aynan doorinin ma nijaasoobayaan. Saasuu masalada xukunkeedu noqonayaa.

[1] Sanad: xadiis walbaa wuxuu u qaybsamaa laba: sanad iyo matni. Sanadku waa silsiladda dadka kala weriyey laba bilaabo shaykha kitaabkiisa ku qoray ilaa Rasuulka-sallal Laahu calayhi wasallam-. Matniguna waa midhaha/erayada xadiiska.

Buluuq al-Maraam
Kitaabka Dahaarada
Cutubka Biyaha
Xadiiska | 5aad

Matni

:وَعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهُ قَالَ 
قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
{ لَا يَغْتَسِلُ أَحَدُكُمْ فِي اَلْمَاءِ اَلدَّائِمِ وَهُوَ جُنُبٌ }
{أَخْرَجَهُ مُسْلِمٌ}

Abii Hurayrah (radiyal Laahu canhu) waxaa laga weriyey in uu yiri:

Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu ka yiri: “Yaanu ku qabeysanin midkiinna biyaha fadhiya isagoo janaabo qaba.” Muslim baa weriyey.

Sharax

Biyaha fadhiya raakid na waa la yiraahaa waana isku macne, biyahaan soconin weeyaan, [qofkiin] Isagoo janaaba qaba biyihii intuu dhexgalo yaanu ku dhex qabeysanin. Markaa waxa weeyaan biyihii socdey iyagu waa inaanay dhib lahayn. Biyahaas la sheegayaana waa biyihii yaraa.

Riwaayaatka kale: Bukhaari,

:وَلِلْبُخَارِيِّ
{ لَا يَبُولَنَّ أَحَدُكُمْ فِي اَلْمَاءِ اَلدَّائِمِ اَلَّذِي لَا يَجْرِي, ثُمَّ يَغْتَسِلُ فِيهِ }

Bukhaari isaga waxaa u sugnaaday: “Midkiin yaanu ku kaajin biyaha fadhiya ee aan soconin, haddana uu ku [dhex] qubeysto.”

Sharax

Labadaa yaanu isku darin weeye. Markaa biyihii fadhiyey haddii lagu kaajo waa inaan lagu qabeysan. Saasay riwaayadani keenaysaa, laakiin haddii aan lagu kaajin in lagu qabeysan karo bay keenaysaa. Oo kolkaas…. kaadida Banii Aadamku inay nijaas tahay oo biyihii yaraa oo fadhiyey haddii lagu dhex kaajo ay ku nijaasoobayaan, laakiin biyihii socdey iyagu isasoo gaari maayaan oo waxba markaa arrintaasi u yeeli mayso. Biyahu hadday fara badan yihiinna xadiiskii Ibn Cumar baynu kusoo marray iyada dhib malaha. [Fiiri xadiiska afraad]

Riwaayaatka kale: Muslim

{وَلِمُسْلِمٍ: {مِنْهُ

Muslim isaga waxaa u sugnaaday: “Yaanu ku qabeysan biyahaas”

Tii hore waxay ahayd inuu biyaha intuu ku kaajo haddana ku dhex qabeystaa loo diidayey. Tanna waxa weeyaan biyihii intuu ku kaajo inuu biyihii ku qabeysto xattaa intuu weel soo darsado uu dibadda meel kale la tago (musqul iyo la tagaba ha ahaatee). Markaa biyihii fadhiyey ee uu ku kaajay waa inaanu ku qabeysan. Haddaan lagu qabeysan karin markaa kumana weyso qaadan karo. Markaa sidaa macnaheedu waxa weeyaan biyihii haddii lagu kaajo fadhiyey inay saa ku nijaasoobayaan, waa inayse biyahaasu yihiin biyo yar oo qullataynka ka yar. [Fiiri xadiiska afraad]

Riwaayaatka kale: Abii Daawuud

وَلِأَبِي دَاوُدَ:
{ وَلَا يَغْتَسِلُ فِيهِ مِنْ اَلْجَنَابَةِ }

Abii Daawuud isagana waxaa u sugnaaday: “Yaanu kaga qabeysanin janaabada”

Oo markaa riwaayada Abuu Daawuud waxay noqonaysaa:

{ لَا يَبُولَنَّ أَحَدُكُمْ فِي اَلْمَاءِ اَلدَّائِمِ اَلَّذِي لَا يَجْرِي
وَلَا يَغْتَسِلُ فِيهِ مِنْ اَلْجَنَابَةِ}

“Yaanu ku dhex kaadin Midkiin biyaha fadhiya ee aan soconin, janaabana kaga qabeysanin”

Abii Daawuudna magiciisa waxaa la yiraahaa Sulaymaan ibn Ashcas asSijistaanii.

Tanu markaa labadii riwaayo, riwaayadii Muslim ee ugu horreeysay iyo tii Bukhaari bay isku dartay oo labada arrimood bay midba gaarkeed u mancinaysaa (reebaysaa); inuu biyihii fadhiyey ku kaajo gaarkeed bay u nahyidey, biyihii fadhiyey inuu janaabo kaga dhex qabeysto oo dhex galana gaarkeeday u nahyiday (reebtay).

Saddexdaa riwaayadood marka laysu geeyo waxay noqonaysaa biyaha fadhiya inaan laguna kaajin laguna qabeysanin labadiina aan laysku darin (isagoo lagu kaajo iyo isagoo lagu dhex qabeysto).

Laakiin haddii aan lagu dhex kaajin laguna dhex qabeysanin oo biyihii inta lasoo darsado musqusha lala tago oo sidaa lagu qabeysto taas marka dhib maleh.

Xadiiskan riwaayada Abii Daawuudna marka iyadu saxiix weeyaan waxaa saxiix yeelay Shaykh Albaani: Saxiix alJaamic asSaqiir iyo Saxiix Sunan Abii Daawuud.

Buluuq al-Maraam
Kitaabka Dahaarada
Cutubka Biyaha
Xadiiska | 6aad

Matni

:وَعَنْ رَجُلٍ صَحِبَ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ
نَهَى رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنْ تَغْتَسِلَ الْمَرْأَةُ بِفَضْلِ الرَّجُلِ
أَوْ الرَّجُلُ بِفَضْلِ الْمَرْأَةِ وَلْيَغْتَرِفَا جَمِيعًا
{أَخْرَجَهُ أَبُو دَاوُد وَالنَّسَائِيُّ وَإِسْنَادُهُ صَحِيحٌ}

Nin asxaabtii Nebiga (sallal Laahu calayhi wasallam) ka mid ah waxaa laga weriyey inuu yiri:

“Rasuulka Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu reebay in ay haweenaydu ku qabeysato ninka hambadiisa ama ninku uu ku qabeysto haweeneyda hambadeeda, ee ha wada dardarsadeen.

Sharax

Yacnii biyo uu nin ku qabeystay baaldi iyo wax la mid ah oo intuu musqul la galay uu ku qabeystay, haweenay inaynan kaga daba qabeysanin wixii kusoo haray, biyo cusub inay qaatado mooyaane. Ninkuna sidoo kale weeyaane, haweenay biyo ay ku qabeysatay aanu kaga daba qabeysanin intay soo reebtay. Siday yeelayaan markaa? Intay musqushii isla galaan, sida inoo imaan doonta Nebigu- sallal Laahi calayhi wasallam- iyo Caa’ishaba inay yeeli jireen, sacabadooda ha dardarsadeen oo haku wada qabeysteen.

Abuu Daawuud iyo Nasaa’i baa weriyey, Nasaa’i na magiciisu waxa weeyaan Axmad ibn Shucayb. Xadiiska isnaadkiisuna waa saxiix, isnaadka ragga weriyey [xadiiska] baa la yiraahaa. Waana sidaa uu sheegay, xadiisku saxiix weeyaan Ibn Maajjah isaguna waa weriyey, shaykhul Albaani na waa saxiix yeelay oo Saxiix anNasaa’i iyo Saxiix Abii Daawuud iyo Saxiix Sunan atTirmidi iyo Irwaa’ul Qaliil iyo Mishkaatul Masaabiix; kutubahaas faraha badan buu ku saxiix yeelay- xadiisku waa saxiix.

Ninkan uu leeyahay “nin asxaabtii Nebiga ka mid ah” waa ‘ibhaamiyey’[1] oo magiciisa ma sheegin, ninkaasi kumuu noqonayaa? Ibhaamkaasi xadiiska wax ma u dhimaayaa..? Xadiiska ibhaamkaasi waxba u dhimi maayee, haddaan xataa ninkaasi ninkuu yahay aan la garanin kolka mar haddii inuu saxaabi yahay naloo sheegay waxba u dhimi maayee xadiisku sidaas saxiix buu ku noqonayaa; daciif kuma noqonayo.

Illeen saxaabada- ridwaanul Laahi calayhim- kulligood waa wada caadiliin weeyaan oo Allaaba taskiyeeyey[2]- ridwaanul Laahu calayhim- laakiin hadduu weriye (raawi) kale ahaan lahaa oo saxaabi aan ahayn xadiisku sidaas daciif buu ku noqon lahaayoo sida fannu musdalaxil xadiis lagu yaqaano qofka mubhamka ah [aan magaciisa la sheegin] iyo qofka majhuulka [aan la garanayn] ahba riwaayadooda lama qaato.

Markaa ninkaasu ninkee buu marka noqonayaa? Waxaa jira laba nin oo asaxaabo ahoo midkoodba arrintaa laga weriyey, oo midkood waxaa la yiraahaa Cabdullahi ibn Sarjis, ka kalena waxaa la yiraahaa AlXakam ibn Camr al Qifaarii, – radiyal Laahu canhum- labadaa midkood inuu yahay ayey u eg tahay. Inuu mid kale yahayna waa iska suuroowdaa, kollaba ibhaamkaas xadiiska la ibhaamiyey waxba xadiisku kuma noqonayo xadiisku saxiix weeyaan.

Marka xukunku wuxuu noqonaayaa [haddii] raggiyo haweenku intay isla galaan musqusha- dabcan labadii isqabta weeyaan- [oo] ay iskula qabeystaan weelkana dhexdooda intay dhigtaan wada dardarsadaan inaynan dhib lahayn.

________________________________

[1] Ibhaamin: marka silsiladda weriyeyaasha xadiiska aan midkood la magacaabin.
[2] Taskiyeeyey: cadaaladdooda ka markhaati-kacay.

Buluuq al-Maraam
Kitaabka Dahaarada
Cutubka Biyaha
Xadiiska | 7aad

Matni

:وَعَنْ اِبْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهُمَا
أَنَّ اَلنَّبِيَّ صَلَّى اللهِ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يَغْتَسِلُ بِفَضْلِ مَيْمُونَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهَا  
{ أَخْرَجَهُ مُسْلِمٌ }

Ibn Cabbaas (radiyal Laahu canhumaa) waxaa laga weriyey inuu yiri:

Nebigu (sallal Laahu calayhi wasallam) wuxuu ku qubeysan jirey hambada Maymuunah- radiyal Laahu canhaa-” Muslim baa weriyey.

Sharax

Xadiiska waxaa ka horreeyey xadiiskii nahyinaayey in nin uu ku qabeysto biyo ay soo hambaysay oo kasoo hadhay haweeney ama haweenay ay ku qabaysato biyo nin kasoo hadhay [Xadiiska 6aad]. Oo amraayey inay wada dardarsadaan oo ay hareeraha ka joogsadaan.

Xadiiskan todobaad xadiiskaasuu marka sharxayaayoo nahyigaas Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- muxuu yahay?  Ma taxriim baa yoo xaaraam miyaa arrintaasu mise waa karaaha keliya? Kanaa sharxaayoo na tusinaaya in arrintaasu ayna xaaraam ahayn oo biyo haweenay soo hambaysay hadduu nin ku qabeystana inay sax tahay, haddii caksi ay tahay oo biyo nin soo hambeeyey haweenay ku qabeysatana ay sax tahay. Hadday iskula qabeystaan inay bannaan tahayna iyaduna waxaa imaan doona xadiis kale. Kii horena waa amray ka soo socdaana waa sheegi doonaa.

Maymuuna na waa ibn Cabbaaskan xadiiska werinaya habaryartii weeyaanoo Maymuunah bint al Xaarith al Hilaaliyaa la dhahaa. Ibn Cabbaas hooyadiina waxaa la dhihi jirey Lubaabah bint al Xaaris al Hilaaliyah- radiyal Laahu canhum dhammaantood- Markaa Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- biyo ay Maymuunah janaabo kaga qabeysatay yuu uga dambeeyey suu janaabadii kaga qabeystay.

Riwaayaatka kale: Asxaabu Sunan,

{وَلِأَصْحَابِ “اَلسُّنَنِ}  
اِغْتَسَلَ بَعْضُ أَزْوَاجِ اَلنَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِي جَفْنَةٍ,
فَجَاءَ لِيَغْتَسِلَ مِنْهَا, فَقَالَتْ لَهُ: إِنِّي كُنْتُ جُنُبًا, فَقَالَ:  “إِنَّ اَلْمَاءَ لَا يُجْنِبُ”
{وَصَحَّحَهُ اَلتِّرْمِذِيُّ, وَابْنُ خُزَيْمَةَ.}

Asxaabu Sunanka ayagana waxaa u sugnaaday oo xadiiskan ay ku weriyeen:

“Waxay ku qabeysatay haweenkii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- middood (waa Maymuunee) xeedho [dabadeedna] Nebigaa yimid inuu ku qabeysto xeedhadii yada ahayd, markaasay ku tiri: anigu janaabaan qabey. Markaasuu yiri: “biyuhu ma janaaboodaan”

Sharax

[Yacnii] Janaabadaadii biyaha umaynan soo gudbin weeyaan.

Waxaa saxiix yeelay Tirmidi iyo Ibn Khusaymah.

Waana sidaa uu sheegay oo xadiisku saxiix weeyaan, waxaa saxiix yeelay Albaanii: Saxiix alJaamic asSaqiir iyo qeyrkiiba.

Sidaa Ibn Cabbaas u weriyey oo kale ayey Maymuunana iyaduna qisadan u werisay. Markaa waxa weeyaan sidaa macnaheedu arrintii xadiiskii hore uu sheegay inayna arrintaasu xaaraam ayna ahayn oo biyo ay haweenay ku qabeysatay nin kaga daba qabeysan karo, biyo nin ku qabeystayna haweenay kaga daba qabeysan karto. Laakiin sida ugu fiicani waxa weeyaan kolba ninkii iyo haweenaydii hadday yihiin inay isla wada qabeystaan.

Buluuq al-Maraam
Kitaabka Dahaarada
Cutubka Biyaha
Xadiiska | 8aad

Matni

:وَعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهُ قَالَ  
قَالَ رَسُولُ اَللَّهِ صَلَّى اللهِ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
{طُهُورُ إِنَاءِ أَحَدِكُمْ إِذْ وَلَغَ فِيهِ اَلْكَلْبُ أَنْ يَغْسِلَهُ سَبْعَ مَرَّاتٍ,
أُولَاهُنَّ بِالتُّرَابِ}
{أَخْرَجَهُ مُسْلِمٌ}

Abii Hurayrah (radiyal Laahu canhu) waxaa laga weriyey in uu yiri:

Rasuulkii Alle (sallal Laahu calayhi wasallam) wuxuu yiri: “Midkiin weelkiisa hadduu ey [wax] ku cabbo (afka la galo), markaas daahirinta la daahirinayaa waxa weeyaan todoba goor inuu dhaqo, midda ugu horraysaayu ciid mid lagu daray ay tahay.” Muslim baa xadiiskan weriyey.

Sharax

Wuluuq waxaa la yiraahaa waxyaalaha carrabka wax ku cabba, sida bisadda iyo ugaadha iyo eygiyo kuwaasoo kale, ku cabidda ay biyaha iyo wixii la mid ah carrabka ku cabbaan ayaa wuluuq la yiraahaa. Hadduu ey afka la galo weelkii oo uu afka geliyo markaas daahirinta la daahirinayaa waxa weeyaan inuu dhaqo todoba goor inuu dhaqo midda ugu horraysaayu ciid mid lagu daray ay tahay.

{وَفِي لَفْظٍ لَهُ: {فَلْيُرِقْهُ}

Lafdi uu Muslim leeyahayna waxay ahayd: “ha daadiyo.”

Kolkaasna todobadii goor ha dhaqo.

Riwaayaatka kale: Tirmidi

وَلِلتِّرْمِذِيِّ
{أُخْرَاهُنَّ, أَوْ أُولَاهُنَّ بِالتُّرَابِ}

Tirmidi isna waxaa u sugnaatay oo uu ku yiri: “midda u dambaysa ama midda u horreysaayu [ciid mid lagu daray ay tahay]”

Kan waa shakiyey isagu oo shaki buu ku weriyey.

Laakiin riwaayadii hore ee Muslim ayaan iyadu shakiyin oo dhahday “midda ugu horraysaayu” markaa midda ugu horraysa waa in laga dhigo [ciidda].

Riwaayad (werin) iyadu iska idlaaqaysoo [aan ta hore iyo ta dambe toona ku xaddidayn] midkood  dhahaysaa iyadu waa iska jirtaa, laakiin riwaayadaa Muslim ayaa midda ciidda lagu daraayo xaddiday oo midda ugu horraysa [ka dhigtay].

Xadiiska markaa isaga macnihiisu waxaa weeyaan eygu weelkuu afka la galo inuu nijaasoobayo weelkii iyo sharaabkii ku jireyba. Sharaabkiina hala daadiyaa la yiri weelkiina hala dhaqaa la yiri. Weliba waxaa kale oo uu keenayaa nijaasada eygu inay nijaasa muqallada [la adkeeyey] ay tahay, ta culus inay tahay, oo sida nijaasooyinka kale ee caadiga ah loo daahiriyo inaan loo daahirinayne lagama maarmaan ay tahay in ciid lagu dhaqo. Ciidda bedelkeedii shaambo iyo oomo iyo saabuun iyo ma aha; wax kale marka kuma filla waa ciiddaas.

Sir Alle uu Rasuulkiisa ogeysiiyey yaa meesha iskaga jirta, markaa waxyaalaha kale ee mustaxdathaatka [la sameeyey] ehee sanaacaatka ihi wax la mid ahoo wax lagu nadiifiyaa wey jiri jireen berrigoodii hore, Ashnaan geed la yiraahiyo oo wax lagu dhaqan jiriyo baa iska jira saabuunina waa jiri jirtey. Marka saabuun halagu dhaqo maanuu dhihine, ciid halagu dhaqo buu dhahay.

Waxaa kale oo xadiisku faa’iideynayaa eygu najisul cayn inuu yahay. Daatadiisu [jirkiisa] inay nijaas tahay yuu keenayaa, maxaa yeelay afkiisi haddii la yiri wixii uu geliyo waa uu nijaaseeyey, macnuhu waxa weeyaan inuu afkiisu nijaas yahay, afkiisa iyo lugtiisa iyo dabadiisana ma kala duwana. Haddiiba afkiisu ugu nadiifsanaa jirkiisa waxa weeyaan inta kale way ka sii liidataa.

Kolka haddiiba afkiisi nijaas noqday, wuxuu halkan wadaadka shaarixa ah al Mubaarakfuurii [kitaabka sheekhu haysto waxaa sharax kooban ku daray al Mubaarakfuuri- wadaadka Raxiiqul Makhtuumka qoray] uu sheegayaa masalo cilmi ah oo muhiim ahoo caddaynaysa xikmada arrintaa ku jirtaayu inuu sharcigu eygii uu nijaaseeyey oo uu nijaasul cayn [asal ahaan nijaas u ah] ka dhigay, oo uu haysashadiisa faa’iido la’aan loo haystana uu xaaraantimeeyey, xadiiska me ehee xadiis kale uu ku xaaraameeyey, wixii weelkuu galana in si aada loo nadiifiyo; si aada loo dhaqo uu amray. Marka wuxuu leeyahay:

 “Waxay caddeeyeen dhakhtarada casrigan qaarkood eyda badankeeda xiidmaheeda/ mindhicirkeeda inuu ku jiro dhixrin dheer oo aad iyo aad u yar dhererkeedu uu yahay afar millimitir. Markuu saxaroodo eygu ukumo yaryar oo dixrigaasu uu leeyahay oo aad iyo aad u fara badan ayaa soo baxaysoo saxaradiisa soo raacaysa.

Qaar badan oo ukumahaas yaryar ka mid ah baa waxay ku dhegayaan oo ku harayaan timaha dabadiisa hareeraheeda ku yaalla (kolkaa eyga iyo bisadiyo waxaa la ogyahay waa is leefaanoo wixii wasakhee ku yaaliyo carrabkooday iskaga suuliyaan,) markaa eyga hadduu dabadiisa meelahaa uu leefo waxaa afkiisa iyo carrabkiisa usoo gudbeysa ukumihii yaryaraa ee meesha ku yaallay haddii uu eygii markaa weel afka geliyo ama biyo uu cabbo ama qof uu afka ka dhunkado (sida gaaladu yeelaan iyo sida ferenjiga iyo inta ku daydaa ay yeelaan weeyaane) waxyaalahaas eyga afkiisa taabtay yaa ukumihiisi ay soo raacayaan.

Inay markaa afka ka gasho ayaa u dhib yaraanaysa kolkuu wax cabbaayiyo kolkuu wax cunaayiyo kolkii isaga, markaasay calooshiisa gelaysaa, ukumihii sidaas ahaa. Ukumihii baa dillaacaya. Ukumihii oo dildilaacay oo dirxi noqdayu calooshiisa derbigeeda bay daldaloolinaysaa, xididada dhiigay gaaraysaa, cuduro fara badan bay markaa u keenaysaa maskaxda iyo wadnaha iyo sambabka, dhakhtarada Yurub arrimahaas way arkaanoo waa ay sawiraan, oo maaykraskoobyada iyo waxyaalahaasay ku arkeen.

Eyga arrintaasi ay ku dhacday ee cudurkaa qaba kol hadday noqotay mid aan la garanayn in eyda kale laga sooco mid aad u culus ay tahay, illeen arrintaasi waxay u baahan tahay wakhti dheer iyo baaris dheer iyo qalab aanay dadkoo dhani wada heli karin. Markay arrintu sidaa noqotay buu eygii najisul cayn sharcigu ka dhigay oo weelkii uu taabtay ee afka la galay sidaa in loo daahiriyo uu amray baa yaa waxay noqotay xikmada iyo sawaabta lagama maarmaanka ah bay noqotay. (arrintaana waxaan ku sheegay buu leeyahay Xaashiyatu Ixkaamil Axkaam Sharx Cumdatil Axkaam, ee ibn Daqiiq al Ciid- raximahul Laahu tacaalaa-.)

Sidaasuu markaa had iyo goor, cilmiga cusubi sharciga axkaamtiisa u ayidayaa. Caqliga saxiixa ah iyo cilmiga sugan (ma aha nadariyaatka [aragti, theory] dadka qaarkood ay rumeysan yihiin ee aan la xaqiijinin) ee cilmiga xaqiiqiga ah marna sharciga ma khilaafaan. Illeen Allaah- subxaanahuu wa tacaalaa- waxyaalahan isagaa abuuray sharciganna isagaa amray oo dejiyey.

Alle- sarreeye- wuxuu yiri:

سَنُرِيهِمْ آيَاتِنَا فِي الْآفَاقِ وَفِي أَنفُسِهِمْ حَتَّى يَتَبَيَّنَ لَهُمْ
أَنَّهُ الْحَقُّ أَوَلَمْ يَكْفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ

{فصلت: 53}

“Waxaan ka tusin doonnaa dadka aayaadkanaga jihooyinka (cirka iyo dhulka)  iyo nafafyaalkooda ilaa uu uga cadaado in Qur’aanku uu yahay xaq, ma wuusan kugu kaafin Rabbigaa in uu wax la arko kulligii Alle daalacanaya oo arkaaya uu yahay ” Fussilat: 53. [Sheekhu ma sheegin micnaha aayaddan ee waxaan kazoo qoray tafsiir Shaykh Cumar Faaruuq- Alle ha u naxariistee-.

Buluuq al-Maraam
Kitaabka Dahaarada
Cutubka Biyaha
Xadiiska | 9aad

Matni

:وَعَنْ أَبِي قَتَادَةَ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ 
فِي اَلْهِرَّةِ-: {إِنَّهَا لَيْسَتْ بِنَجَسٍ, إِنَّمَا هِيَ مِنْ اَلطَّوَّافِينَ عَلَيْكُمْ 
{أَخْرَجَهُ اَلْأَرْبَعَةُ, وَصَحَّحَهُ اَلتِّرْمِذِيُّ وَابْنُ خُزَيْمَةَ}

Abii Qataadah (radiyal Laahu canhu) waxaa laga weriyey:

In Rasuulkii Alle (sallal Laahu calayhi wasallam) bisadda uu ka yiri: “Iyadu nijaas ma aha, iyadu waxay ka mid tahay kuwa idinku dhex meeraysta.” {Waxaa weriyey afarta, waxaana saxiix yeelay Tirmidi iyo Ibn Khusaymah}.

Sharax

Abii Qadaata na magaciisu waa al Xaarith ibn Ribciyy.

{الحارث بن ربعي الأنصاري}

Xadiiskani qisuu lahaa oo qisaduu lahaa waxay ahayd: Abuu Qataadah- radiyal Laahu canhu- ayaa guriga wiilkiisa soo galay, wiilkiisu gabar uu qabey oo la dhihi jirey Kabshah bint Kacab ibn Maalik- radiyal Laahu canhumaa- ayaa u soo shubtay biyo weysoqaad ah.

Biyihii kolkay usoo dhigtay gabadhii uu soddoga u ahaa ayey bisadi timi rabta inay cabto, bisaddii buu weelkii u qalloociyey markaasay ka cabtay weysadii. Gabadhii oo soo fiirinaysoo la yaabban yuu Abuu Qataadah arkay- radiyal Laahu canhu- markaasuu yiri adeer miyaad la yaaban tahay? Rasuulka Allaan maqlay isagoo hadalkan lohoo yiri najaas ma aha oo waxay ka mid tahay inta idinku dhex warwareegaysata ee idinku naban.

Waa sidaa ay u saxiix yeeleen oo xadiisku waa saxiix, wuxuu ku saxiix yeelay [Shaykh Albaanii] Saxiix alJaamic asSaqiir iyo Irwaa’ alQaliil.

Markaa xadiisku wuxuu faa’iideynayaa oo sariixba ku yahay (ku cad) bisaddu inaynan nijaas ahayn. Sababka keenay ee anynan nijaas u noqoninna ay tahay iyadoo iska ilaalinteedu mashaqa uu yahay; la iskama ilaalin karo.

Gurigay joogtaayoo marka sida caruurtii oo kale weeyaanoo weelkay iskala gelaysaa dadkii bay taataabaynaysaayoo hadday nijaas tahay marka iyadii oo sidaas dadkii ugu dhex jirta… waa xayawaankaa faa’iidada lohoo guryaha masaskiyo, jiirka iyo xasharaadkaasna ka nadiifisa ah haddii nijaas laga dhigi lahaa cusri baa meesha ka dhalan lahaa, markaa sharciguna cusriga waa ka tuuray.

Alle- subxaanahuu wa tacaalaa- uu yiri:

{وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ}

Alle diinta dhib kama dhigin.” [Sheekhu aayaddan ma fasirin]

Markaa kol haddaynan nijaas ahayn hambadeeda in lagu weysaysto, biyuhuu ku weysaysanaayuu usoo qalloociyoo ay ka cabtay weelkiina markaa waxba lagama dhaqin, biyihiina lama daadinin, biyihii wuu ku weyseystay Abuu Qataadah- radiyal Laahu canhu-.

Buluuq al-Maraam
Kitaabka Dahaarada
Cutubka Biyaha
Xadiiska | 10aad

Matni

:وَعَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ
جَاءَ أَعْرَابِيٌّ فَبَالَ فِي طَائِفَةِ اَلْمَسْجِدِ، فَزَجَرَهُ اَلنَّاسُ،
فَنَهَاهُمْ اَلنَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَلَمَّا قَضَى بَوْلَهُ
أَمَرَ اَلنَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِذَنُوبٍ مِنْ مَاءٍ؛ فَأُهْرِيقَ عَلَيْهِ.
{مُتَّفَقٌ عَلَيْهِ}

Anas ibn Maalik (radiyal Laahu canhu) waxaa laga weriyey inuu yiri:

Nin reer baadiye ah ayaa yimid dabadeedna wuxuu ku kaajay qayb masjidka ka mid ah, markaa dadkii baa ku qeyshay, Nebiguna (sallal Laahu calayhi wasallam) wuu ka reebay [inay ku qayliyaan], markuu kaadidiisii dhammeeyey buu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu amray [in la keeno] wadaan biyo ah, kadibna waa lagu kor shubay. {Muttafaqun calayhi.}

Sharax

Ninkaana Dul Khuwaysirah al Yamaanii (اليماني ذو الخويصرة) ayaa la dhihi jirey–radiyal Laahu canhu-. Sidii majliskii loo fadhiyey uun buu kacay meel dhinac masjidka dhinacyadiisi ka mid ah oo gudaha ah ayuu kaadi la fadhiistay, dadkii baa ku qeyshay oo ku roorary, inay garaacaan bay rabeen, rasuulkii Allaa ka reebay [inay wax yeelleeyaan].

Xadiiskanu waa kaan kitaabka kalena kusoo marray ee dhahaayey: kaadida haku goynina ha dhibina, dhaafa, markaasna goor dambe uu yiri kaadidiisa biyaha ku shuba… “waxaa la idiin soo saaray inaad wax fududaysaan ee la idiin ma soo saarin inaad wax cuslaysaan”.

Xadiisku markaa wuxuu tusinayaa:

Waa koow’e, kaadida dadku inay nijaas tahay.

Midda labaad waxa weeye kaadidisii in biyo lagu shubo oo biyo lagu daahiriyo la amray. Midda saddexaad ee uu faa’iideynayaa waxay tahay: in dhulka nijaasooba aynan waajib ahayn in la qodo, oo inta horta la kaakiciyo biyaha haddana kolkaa lagu shubo, ee sida uu yahay uun baa biyihii loogu shubi, ama ciid ha ahaado ama turaab ha ahaado ama balaad (mar-mar) iyo waxyaalahaas iyo shamiitadiiyo, [oo labada dambe] iyagu sida weelka loo dhaqo oo kale baa loo dhaqayaa oo iyagu waa ka dhib yar yihiin.

[Afar] In aanay ku filnayn dhulka daahirintiisa in la qallajiyo. Qallajiya oo kolkuu qallalo ayuu iska daahiroobayaa ma aanuu dhihin Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam-. Markaa wax xadiis marfuuc ah oo dhahaaya dahaaratul ardi jufuufuhaa (جُفُوفُ الأَرْضِ طَهُورُهَا)  ma uu jiro ee laba nin oo taabiciintii ka mid ah midna waa Abuu Qilaabah al Jarmii (أبو قِلابة الجَرْمِي), midna Muxammad ibn Cali al Baaqir  (محمد بن علي الباقر ) la yiraaho- radiyal Laahu canhumaa- labadaa nin fatwadooda weeyaan.

[Shan] Waxaa kale oo xadiisku markaa uu keenayaa dhulka nijaasoobay biyaha lagu daahirinayaayi inaynan wax qiyaas ah oo go’an lahayn. Biyo badan oo meesha ka qaalib noqda baa lagu butaacinayaa. Waxaa kaluu keenayaa biyaha qusaalada la yiraaho (ka nijaaso lagu dhaqay weeyaane) inaynan najaas ayagu ahayn marka. Siduu u keenayaa waxa weeyaan, meeshii kaadidu ay ku dhacday marka lagu shubo wadaan buuxda, biyihii way qulqulayaan oo meeshay kaadidu gaartay meel aan ahayn bay sii gaarayaan. Markaa hadday biyahaasu meeshay gaaraan ay sii nijaasaynayaan ku shuba lama dheheen oo nijaastii bay sii fidinayaan.

[Lix] Waxaa kale oo xadiisku uu keenayaa qofka kolkay lasoo gudboonaato laba arrimood oo kala dardaran oo labadu ay xun yihiin dhibaatana leeyihiin, midkooda khafiifka ah inuu qaato. Saasuu keenayaa. Maxaa yeelay ninkaasi haddii kaadida lagu gooyo dhib baa ka dhalanaya; isagana dhib baa uga dhalan lahaa oo waa xanuusan lahaa, kaadidiina inaanu xajisan karin oo uu waayeel ahaa baa suuroowda, markaa kolkuu la kaco oo uu cararo meel kale na sii gaarsiiyo, marka mafsadadaa badan lahayd. Laba mafsadood yaa lasoo gudbanaatay: masjidkii oo kaadidii lagu daayo oo qofkii uu kusii kaajo waa mafsadah. Isagoo masjidkii meel kale kaadidii sii gaarsiiyaana mafsada kalay ahayd. Markaa Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- middii yarayd ayuu doortay oo ahayd inay kaadida nijaasta ahi meeshaa keliya ku koobnaato meeshiina la daahiriyo.

[Toddobo] Midda kale ee xadiisku keenayaa waxa weeyaan qofka mu’minkii inuu ka xurmo weyn yahay masjidka. Masjidka iyo Kacbada iyo meel kastaba qofka Mu’minka ah xurmadiisa yaa ka weyn. Maxaa yeelay Nebigu- sallal Laahu calayhi wa calaa aalihii wasallam- waxaa ka mid ahaa erayadiisii “kaadida haku goynina”, illeen qof kaadi bilaabay haddii lagu gooyo waa la yaqaanaa inuu xanuusanayo.

Qof darawal ah oo jid ku socda haddii ilmo yar ama qof waayeela ama haweenay ama wax sidaasi ka hor yimaadaan, ardada jaamacaddaan weydiin jirey, dhiniciisana masjid uu yahay oo hadduu ka qabo is yiraaho masjidka uu ku dhacaayo oo masjidka duminaayo, haddii aanu qabaninna uu qofkaa dilaayo, midkoodee buu dooranayaa? dabcan boqol masjidna ha ahaadeene waxaa ka dhib yar, dhagxan illeen weeyaan masjidkuye, qofka Banii Aadamka ah ee Muslimka ah ayaa ka sharaf weyn oo ka xaq weyn, marka intuu qof Muslim ah dili lahaa inuu masjid ha dumiyo ama meel kale ha dumiyee, kol haddii dad ka fara badan aanu ku halaageyn, kaasuu ka dooranayaa. Labada arrimood ee xun middoodi dhib yar yaa la doortaa.

[Siddeed] Kan kaloo laga qaadanayo waxa weeyaan qofka jaahilka ah wixii uu sameeyo ee edeb darro aanu u samayn ee laakiin jahli iyo aqoon darro ay u geyso inaanu canaan ku mudanayn ee inta loo tartiibiyo wax loo sheego. Laakiin qofka isagoo wax garanaaya edeb darro iyo ciyaala-suuqnimo u samaynaya waxaa, qofkaas marka in lagu xanaaqo oo la adbiyo buu mudanayaa, ka jaahilka isaga in tartiib wax loogu sheego oo loo tartiibiyo ayuu mutaa isagu.

Buluuq al-Maraam
Kitaabka Dahaarada
Cutubka Biyaha
Xadiiska | 11aad

Matni

:وَعَنِ ابْنِ عُمَرَ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ
قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
{أُحِلَّتْ لَنَا مَيْتَتَانِ وَدَمَانِ، فَأَمَّا الْمَيْتَتَانِ:
فَالْجَرَادُ وَالْحُوتُ، وَأَمَّا الدَّمَانُ: فَالطِّحَالُ وَالْكَبِدُ}
{أَخْرَجَهُ أَحْمَدُ، وَابْنُ مَاجَهْ، وَفِيهِ ضَعْفٌ}

Ibn Cumar (radiyal Laahu canhumaa) waxaa laga weriyey in uu yiri:

Rasuulkii Alle (sallal Laahu calayhi wasallam) wuxuu yiri: “Waxaa naloo xalaal yeelay laba bakhti iyo laba dhiig. Labada bakhti ayixii iyo mallayga weeyaan. Labada dhiigna beeryarta iyo beerka weeyaan.” Waxaa weriyey Axmad iyo Ibn Maajjah, dacfina waa ku jiraa.

Sharax

Xadiiska dacfi baa ku jira buu leeyahay laakiin daciif ma aha. Xadiisku waa saxiix oo waxaa saxiix yeelay shaykh Albaanii: Saxiix alJaamic asSaqiir iyo Silsilat alAxaadiis asSaxiixah.

Daciif weeye Ibn Xajar naftiisu maanu dhihine, dacfi baa ku jira buu yiri. Wayna kala duwan tahay xadiiskaasu daciif weeye iyo xadiiskaa dacfi baa ku jira. Markaa dacfi khafiif ah ayaa ku jira.

Dacfiga uu sheegayo ee ku jiraana waxa weeyaan xadiiska sanadkiisa[1] waxaa ku jira nin la yiraaho Cabdiraxmaan ibn Sayd ibn Aslam al Cadawi (عبدالرحمن بن زيد بن أسلم العدوي). Ninka Sayd ibn Aslam la yiraaho [Cabdiraxmaanka aabihii], mawlaa Cumar ibn al Khaddaab[2]- radiyal Laahu canhu- isagu nin imaam ah oo Siqa ah (الثًّقة)[3] buu ahaa, wiilashiisa oo saddex ahaa:

  • Cabdillahi
  • Cabdiraxman
  • Usaamah

Saddex kala dardaran bay ahaayeen oo kulligood daciif bay wada ahaayeen. In kastoo taasi jirto, xadiisku wuxuu leeyahay shawaahid[4] oo xadiisku waa saxiix. Dacfiga ku jira ee uu sheegayo al Xaafid ibn Xajar {Raximahul Laahu} wax ka kaba buu helay xadiisku, oo mutaabacaat[5] kale iyo buu leeyahay, xadiisku waa saxiix.

______________________

[1]  Silsiladda weriyeyaasha
[2]  Sheekhu wuxuu sheegay in Sayd ibn Aslam yahay mawlihii Cumar (adoon Cumar xoreeyey), laakiin ninka Cumar xoreeyey waa Sayd aabihiis, Aslam, oo weriyaha xadiiskan awoowgiis ah.
[3]  Siqa, الثًّقة waa kalmad darajeyn oo la adeegsado marka la tilmaamayo heerka ay le’eg tahay kalsoonida lagu qabo weriyahaas (raawi), waana darajo aad u sarraysa. Dhanka kale, weriyaha aan lagu kalsoonayn waa Daciif (ضعيف).
[4]  Shaahid waxaa looga jeedaa: waxaa jira xadiis kale oo markhaati u ah oo arrintan ka hadlaya. Shawaahid waa wadarta Shaahid.
[5]  Mutaabacah: ku raacitaan. Waa marka la helo weriye KALE oo isaguna xadiiska weriyey. Markaa weriyihii daciifka ahaa wuxuu helayaa cid ku raacday wixii uu weriyey oo waa ku xoogaysanayaa.

Buluuq al-Maraam
Kitaabka Dahaarada
Cutubka Biyaha
Xadiiska | 12aad

Matni

:وَعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهُ قَالَ 
:قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
{إِذَا وَقَعَ اَلذُّبَابُ فِي شَرَابِ أَحَدِكُمْ فَلْيَغْمِسْهُ، ثُمَّ لِيَنْزِعْهُ،
فَإِنَّ فِي أَحَدِ جَنَاحَيْهِ دَاءً، وَفِي اَلْآخَرِ شِفَاءً}.
{أَخْرَجَهُ اَلْبُخَارِيُّ، وَأَبُو دَاوُدَ، وَزَادَ}
{وَإِنَّهُ يَتَّقِي بِجَنَاحِهِ اَلَّذِي فِيهِ اَلدَّاءُ}.

Abii Hurayrah (radiyal Laahu canhu) waxaa laga weriyey in uu yiri:

Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yiri: “Markuu dukhsigu ku dhaco midkiin cabitaankii, ha tiimbiyo, haddana haka bixiyo, [sababtoo ah] labadiisa baal midkood waxaa ku jira cudur ka kalena dawo ayaa ku jirta.” Waxaa weriyey Bukhaari iyo Abuu Daawuud, wuxuuna ku daray Abuu Daawuud: “wuxuu ku gaashaamanayaa baalkiisa suntu ku jirto.”

Sharax

“ha tiimbiyo” Qaxwe ama shaah ama caano ama biyo ama maraq waxay noqotaba, hoos ha u wada geliyo. Baalka sunta watuu iska horreysiinayaayoo biyaha isaga xejisiinayaa oo kaga gaashaamanayaa.

Abuu Daawuud iyo Ibn Xibbaan baa siyaadada weriyey, waana siyaado saxiixa iyaduna. Waxaana saxiix yeelay Albaanii: Saxiix alJaamic asSaqiir iyo Irwaa’ alQaliil iyo meelo kale.

Xadiiskan oo kale Abuu Saciid al Khudrii yaa isaguna weriyey oo waxaa laga helayaa:

  • an-Nasaa’ii
  • al Xaakim
  • Axmad
  • Ibn Xibbaan.

Markaa xadiisku saxiix weeyaan.

Xadiiska nacnihiisu wuxuu noqonayaa, dukhsiga labadiisa baal midna waxaa ku jirta sun midna dawaa ku jirta. Markaa, markuu cabitaan ku dhaco wuxuu gelinayaa kan suntu ay ku jirto, kan dawadu ay ku jirtana kor buu u haynayaa. Saas daraadeed, Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu amraayaa in la wada geliyo si ay u nasakhdo dawadaas baalka kale ku jirtaayu suntii baalka kale ku jirtey.

Xadiiskan markaa kuwa cilmaaniyiinta ah iyo acdaa’ul Islaam inay waxyaalo ka sheegsheegaan baa jirta oo qaarkood Abii Hurayrihii weriyey iyo ay aflagaadeeyaan oo waxyaalo dhiba ay u geysteen – radiyal Laahu canhu-, xadiiskuna waa saxiix.

Waxyaalahay ku andacoodaanna waxaa ka mid ah: dukhsi muxuu ka garanayaa baalkan waxaasaa ku yaalla baalkanna waxaasaa ku yaalla? taasna markaa jaahilnimo weeyaan oo waxyaalahan xasharaatka iyo xayawaanaatka iyo xataa ma-noolaha Alle- subxaanahuu wa tacaalaa- mid walbaba si aad iyo aad la yaab u leh buu u ilhaamiyey oo way garanaysaa manaaficdeeda iyo wixii dhibaya.

Ilmaha yar markuu soo dhasho in wax la nuugo yaa baray..?

Naaskuu deydeyaayoo carrabkuu soo bixbixanayaayoo wax uu jaqaa buu deydeyayaa. Xayawaan waliba meeshuu quwada ku leeyahay iyo meesha muhiimka ah ee uu daafacanayo waa garanayaa.

Masku waa kaad aragteen madaxa waa qarsanayaa kolkii la dilayo. Xayawaanku meeshuu quwo ku leeyahay… kii geeso lihi geesuu ku dagaalamaa, kii miciyo lihi miciyuu ku dagaalamaa, kii sun lihi sun buu ku dagaalamaa; midba wixii quwadiisu ay ku jirto, siduu cuntadiisa u kaydsado siduu ilmihiisa u xanaaneysto mid waliba Alle­- subxaanahuu wa tacaalaa- waa kii yiri:

{الَّذِي أَعْطَى كُلَّ شَيْءٍ خَلْقَهُ ثُمَّ هَدَى}

Allaa markaa shay walba masaalixdiisa ku hanuuniyey, oo waa garanayaa shay walbaba waxa jismigiisa ku jira iyo waxa cadowgiisiyo waxa nafcigiisiyo waa yaqaanaa.

Markaa xadiiskan sida kitaabka dahaarada uu ugu keenay waxaa weeyaan: in xasharaadka aan dhiigga lahayn, dhiig qulqula aan lahayn, dhiig dabiici ah aan lahayn, bakhtigiisu inaanu nijaas ahayn, kaasuu u daliishaday. Sida loogu soo daliishanayaana waxa weeyaan dhukhsigii markuu ku dhaco cabitaankii waxaa la yiri hala tiimbiyo oo hala dhexgeliyo.

Waxaa kolkaa suuroowda inuu ku dhinto, gaar ahaan hadduu cabitaan kaasu mid kulul uu yahay, illeen maanu kala qaadine. Ayadoo taasi jirto, markaa cabitaankii hala daadiyo lama dhihin.

Markaa shilinta iyo shinnida iyo dukhsiga iyo kabajaaga iyo jirriqaaga iyo waxa noocaas oo kale ah biyahay ku dhacaan ee ay ku dhintaan waa inaanay nijaasaynayn. Ummul Mu’miniin Maymuunah- radiyal Laahu canhaa- waxay ku weyso qaadan jirtay biyo bahalkan doorshaanka oo fara badan oo bakhti ahi ku jiraan- radiyal Laahu canhaa-.

Decorative Lines

Waxaa diyaariyey:
Mashruuca qoraal-u-rogista casharadii
Shaykh Shariif Cabdinuur

Website: shariifcabdinuur.org
E-mial: buluuq@shariifcabdinuur.org

Source: SomaliTalk.com

Advertisements