Riwaayad Waaqic ah
ee ku Saabsan  

”Maalinta Qiyaamaha”

Posted on October 2, 2014
by Sheekh Abuu Bilal.

Decorative Lines

Bism Allah

Runtii waaba sida uu Allah swt ugu tala galay marka uu waajib ka dhigay hal-mar inuu qofka xajka tago hadduu awoodo, waana waxa loo yaqaano “reality show” Riwaayad run ah, ee aad adiga dhigeyso ee laguugu abaal marinayo, ee weliba danbigaaga oo idil lagu dhaafayo.

Marka qofkii raba inuu arko dhimashada ilaa maalinta qiyaamo ha fiiriyo maanta ilaa iyo berito Xajka, weliba si toos ah (live reality show) waxaa kaloo qof walba ee muslim ah la gudboon inuu isu fiiriyo qofka meydka ah iyo qofka xaajiga ah ee xajka gudanaya.

Mina, 8da dul-hajjah, waa maalinta biyo-dhaansiga ama biyo-dhaaminta (yoomu-tarwiyah) waxaa la rabaa inaad qaadato sahay (cunto iyo biyo) mana jiro waxyaabo kale ee aad u baahan tahay, ka dibna waxaa lagaa rabaa inaad qubeysato ee aad xarmato, labo go’ ee cadcad ee aanan laheyn wax tolmo ah, ka dibna waxaad tageysaa Mina, waad iska fadhineysaa, ma jiro wax kale ee la qabanayo marka laga reebo Quraan, Allah xusid badan iyo baryo aad baryeysid Allahii ku abuuray.

Marka Mina maxaad ku sugeysaa..?

Ma jiro wax kale ee aad sugeyso ee aanan aheyn maalinta Carafada iyo inaad subaxdii waaga marka uu baryo aado bannaanka Carafah.

Qofka marka uu dhinto waa sidaa oo kale, waa la dhaqayaa, waa la carfinayaa, waxa lagu kafinayaa go’yo cadcad ee aan toliin ku jirin, qabriga ayaa la dhigayaa, waxa kaliya ee uu sugayo waa maalinta qiyaamaha.

Maalinta Carafada iyo Banaanka Carafah

Maalinta Carafa 9ka Dul-xajjah inaad joogto Bannaanka Carafah ee leh xuduud uu u sameeyey Nabi Maxamed scw waxa uuna ka mid yahay tiirarka Xajka, ee qofka hadduusan maalinta carafada uusan tagin bannaankaa iyo meesha loogu tala galay, xajkiisa wuu ka buray, waxaana laga rabaa inuu sannadka ku xiga soo xajiyo, xoolana uu gowraco.

Bannaanka Carafah, marka aad fiiriso waxay u eg tahay maalinta qiyaamo, ma jirto ama lama arkayo, kala sareyn, dadka oo idil waxay wataan labo go’, waa meel aad u kulul ee aanan laheyn dhismo, dhir badan iwm.

Ayadoo ay sidaa tahay, hadana qofkii sida uu Allah swt ina amray Xajka u guta, waxaa uu ka helayaa inuu ku soo noqdo sida maalintii uu dhashay oo kale, eesan laheyn wax danbi ah.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: 
{ مَنْ حَجَّ فَلَمْ يَرْفُثْ وَلَمْ  يَفْسُقْ رَجَعَ كَمَا وَلَدَتْهُ أُمُّهُ }

Bal, idinka fiiriya maanta iyo berito, waxaanna lagama maarmaan ah in la isu diyaariyo maalintaa weyn ee ah maalin la xisaabin doono aadanaha, jinniga iyo khalqiga oo idil.

 Decorative Lines

Waxaa qoray:
Sheekh Abuu Bilaal
Posted on: October 2, 2014
Source: miisaan.wordpress.com