Axkaamta Xajjka, Cumrada 
Iyo Shuruudahooda

Qaybta | 1aad
Waxaa diyaariyay:
Cusmaan Bilaad
Email: osmanbilad@hotmail.com

Fadlan halkaan ka akhriso Gudashada iyo Waajibaadka Xajjka

Decorative Lines

Xirashada Cumrada
{Ixraamashada}

Habab dhawr ah midkood ayaad samayn kartaa: In aad iska soo diyaarisid dalkaaga ama degaankaaga oo soo gashatid dharkii Ixraamka. Adiga oo dharkii Ixraamka qaba, ayaa markaad soo gaartid ama intaadan gudbin Miqaatyadii Ixraamka laga xiranayey Ixraamanaysaa. Haddii aad laakiin dooneysid in aad Madiina ku hor martid, hadhow Madiina ka soo Ixraamo. (booqashada Madiina ka mid ma aha Xajka).

Si kastaba xaalku ha ahaadee, haddii Salaad farad ah waqtigeed la joogo, qofku ha tukado si uu Salaadda dabadeed u ixraamto. Haddiise aan salaad farad ah waqtigeed la joogin, ha tukado laba Racko (waqtiyada aan karaahiyada ahayn) oo uu u niyeysanayo sunne weyso, ee aanu u niyeysaneyn sunne Ixraam.

Marka uu qofku Salaaddaas ka soo faaruqo wuxuu niyeysanayaa geliddii Cumrada (qofka Xajkiisu Tamattuca yahay), wuxuuna oranayaa Talbiyada iyo xirashadii Cumrada, waana sidaan:

  • LABBEYKA ALLAAHUMMA LABBEYK,
  • LABBEYKA LAA SHARIIKA LAKA LABBEYK,
  • INNAL XAMDA,
  • WA NICMATA,
  • LAKA WAL MULKA
  • LAA SHARIIKA LAKA}
  • {LABBEYKA ALLAAHUMMA CUMRATAN}

Qofka Xajkiisu Qiraan yahay Cumrada iyo Xajka isku mar ayuu xiranayaa oo Talbiyada kadib wuxuu oranayaa (Labbeyka Allaahumma Cumratan wa Xajjan). Qofka Xaj kaliya xiranayana wuxuu Talbiyada kadib ku xiranayaa (Labbeyka Allaahumma Xajjan). Ninku dhihiddaas kor ayuu u qaadayaa, haweentuse hoos ayey u oranaysaa. Talbiyada qofku ha badiyo hana wado ilaa uu dawaafka Kacbada ka bilaabo. Markii uu qofku dawaafka bilaabo ha joojiyo Talbiyada akhrinteed.

Macnaha Talbiyada

  • Labbeeyka Allaahumma Labbeyka (waa i kan Allahayo, waa i kan),
  • Labbeyka Laa Shariika Laka Labbeyk (waa I kan cidina kulama wadaagto cibaadada waa I kan),
  • Innal Xamda (mahaddii),
  • Wa Nicmata (Nicmadii),
  • Laka Wal Mulka (adiga ayey kuu sugnaadeen iyo mulkiyadduba),
  • Laa Shariika Laka (Cidna cibaadadaasi kaalama dhaxayso).

Xasuus:

Magaalada Jeddah ka mid ma aha meelihii laga Ixraamanayey. Sidaa awgeed haddii aad Jeddah gaartid adiga oo aan Ixraamnayn, waa in aad aaddaa oo ka soo Ixraamataa Miqaatka kuugu dhaw ee laga Ixraamto.

Dhowrista Ixraamka

Markaad Ixraamatid kaddib arrimahaan ha sameyn:

  • Timaha ha xiirin hana jarin
  • Ciddiyaha ha jarin
  • Barafuun iyo catar ha marsan
  • Ha ugaarsan hana dilin xayawaanka
  • Ninka iyo Haweentiisu iskuma tegi karaan
  • Shukaansi guur (Xod-xodasho) ha sameyn
  • Ha mehersan
  • Raggu yaanay madaxa daboolin (koofi iwm)

Dharka Ixraamka waad xiran kartaa intaadan Ixraamka xiran. Laakiin, ha Ixraaman adigoon dharkii Ixraamka qabin (inaadan dharka heli Karin mooyaane). Degaankaaga ayaad iska soo diyaarin kartaa oo dharkii Ixraamka soo xiran kartaa oo markaad soo gaartid Miqaatkii Ixraamashada xiran kartaa Ixraamka. Dallad iyo ookiyaale (muraayadaha indhaha) waad isticmaali kartaa.

Habka Cumrada Loo Guto
{Ixraamashada}

Qaybta | 2aad

Markii uu qofku gaaro Makka, ha aado Xaramka oo ha dawaafo. Markii aad Masaajidka ka gashid albaabka As-Salaam Kacbada xaggeeda aad adiga oo abbaaraya Xajral Aswadka (Dhagaxa Madow). Xajral Aswadku ma aha Kacbada weyn ee marada Madoobi ku dedan tahay. Xajral Aswadku waa dhagax ku jira Kacbada.

Haddaba afarta gees ee Kacbada geesta uu Xajral Aswadku ku jiro soo aad si aad Xajral Aswadka uga bilowdid dawaafka. Diillin (xariiq) madow ayaa Kacbada geeskeedaas ka baxda oo dhulka lagu sameeyey si loogu aqoonsado meesha dawaafka laga bilaabayo. Xarriiqdaasi waa ku taal saddexda dabaq ee laga dawaafo. Saddexda dabaq ee manta laga dawaafo waa: Dhulka, Dabaqa dhexe, iyo Dabaqa sare (saqafka).

Gacanta midig ayaad ku taabaneysaa Xajral Aswadka oo dhunkaneysaa (adiga oo aan cidna dhibeyn) markaas ayaa waxaad oraneysaa: {Bismillaahi Wal-Laahu Akbar}

Haddii zaxmad awgeed ama sabab kaleba aaney suurta gal ahayn taabashada iyo shumminta Xajral Aswadku, gacanta midig ayaad ku ishaareysaa adiga oo xaggiisa soo eegaya.

Xasuus:

Waxaa mar walba kaa reebban Garabootan iyo Gees dhabaale waa in aadan cid dhibin, ka xanaajin, kala tuurin, riixin. Mar walba Xujeyda u naxariiso, ajar baa kuugu sugane.

Kaddib dawaafkii (Kacbada lagu wareegayey) ayaad bilaabeysaa oo dhanka midig ayaad u dhaqaaqin. Yacni marka aad wareegaysid waa in Kacbadu kaa xigtaa dhankaaga bidix. Macnuhu waxaa weeye wareeggaagu yaanu ahaan dhanka saacaddu u wareegto ee dhanka liddiga ku ah ha ahaado.

Markaad soo gaartid Ruknu Yamaami oo ah geeska ugu dambeeya afarta gees ama tiir ee Kacbada, gacantaada midig ku taabo haddii ay suurta gal tahay. Ruknu Yamaaniga la dhunkan mayo laakiin haddii aanay suurta gal ahayn taabashadu xaggiisa ayaa la soo eegayaa oo gacanta lagu soo ishaarin.

Ruknu Yamaani iyo Xajral Aswadka dhexdoodana waxaad akhriyeysaa ducadaan: {Rabbanaa aatinaa fiddunyaa xasanah, wa fil aakhirati xasanah, wa qinaa cadaaban-naar}. Macnaha ducaduna waa sidaan: (Rabbiyow na siih adduunyada wanaag iyo khayr, aakhirana khayr iyo xasanaad, cadaabkana naga kori oo. naga dheeree). Ka eeg ducada Suurada Al-Baqarah, aayada #201.

Marka qofku soo gaaro Xajral Aswadka oo ah Ruknigii uu dawaafka ka bilaabay ayaa waxaa u dhammaaday hal wareeg. Markaas ha yiraahdo: Allaahu Akbar? isaga oo wareegii labaad bilaabaya. Lix wareeg oo kale ayaa laga rabaa habkaas aan soo sheegnay ayeyna ku soconayaan.

Inta uu qofku dawaafayo, Alle ha xuso oo ha ku tasbiixsado oo ha ku dikriyo. Dikriga iyo Tasbiixdu waa inay sunnada Nabiga waafaqsan yihiin. Ogow wuxu markey diin yihiin sidaad doonto uma sameyn kartid ee waa in aan Nabigeenna (scw) ku dayannaa. Marka Alle ku xus wax soo arooray sida Subxaan Allaah, Alxamdu Lillaah, Allaahu Akbar, iwm. Sidoo kale Qur’aan akhirso, ducayso oo Alle khayr ka bari, dambi dhaaf ka bari adiga oo aan cid kale la baryeyn.

Ogowna Shirkiga in Alle cid aan ahayn la baryo waa dambi Alle laga galo kan ugu weyn Allena uma dhaafo qofkii Shirki ku dhinta isaga oo aan ka toobad keenin. Marka haddii dambigaasi hore kaaga dhacay Alle weydiiso inuu kaa cafiyo hadda kaddibna iska ilaali noocyada kala duwan ee Shirkigu ku yimaado. Nin aan kuu furi doonin yaanu kuu rarin?. Marka inta aad dawaafka ku jirtid afkaaga furo oo Alle xus oo ku xamdi, oo weynee, oo isku dullee, oo bari, oo u toobad keen. Saddexda-wereeg ee toddobadaas wareeg ugu horreeya raggu socodka way dedejinayaan.

Marka qofku Kacbada toddoba goor ku soo wareego wuxuu laba Rakco ku tukanayaa Maqaam Ibraahiim gadaalkiis (intuu doono ha ka fogaado e) isaga oo dhanka Kacbada usoo tukanaya. Khasab ma aha in qofka tukanayaa uu Maqaam Ibraahiim aad ugu dhow yahay.

Intuu doono ayuu u jirsan karaa. Waxaase la rabaa (haddii ay suurta gal tahay) in Kacbada iyo qofka uu Maqaamku u dhexeeyo. Haddii aanay suurta gal ahayna dhib ma jiro ee qofku Masjidka meeshuu doono ha kaga tukado. Rakcada hore ku tuko Faatixada iyo Qul yaa ayuhal Kaafiruun, rakcada labaadna ku tuko Faatixada iyo Qul huwal-Laahu Axad.

Sunnuhu waa in la khafiifiyo labadaas Rakco iyada oo aan Khushuuca laga tageyn si booska loogu banneeyo dadka kale. Kaddib biyaha Zam-Zamka cab.

Dabadeed Sacyi ayaad samayneysaa. Sacyiga waa toddoba jeer in lagu socdo (dawaafo) Safa iyo Marwa dhexdooda. Safaa iyo Marwa waa laba buurood oo yar yar oo Masjidka ku dhex yaal. Dawaafkaas socodka ah waxaa laga bilaabayaa Safaa waxaana lagu dhamaynayaa Marwa.

Safaa oo laga tago oo Marwa la gaaro waa hal dawaaf (hal wareeg). Marwa oo laga soo noqdo oo Safaa lagu soo noqdana waxaad la timid wareeg labaad. Wareegga ugu dambeeya ee toddobaadna wuxuu ku dhammaanayaa Marwa. Sunnadu waxaa weeye in marka ugu horraysa ee aad soo gaartid Safaa ee aad sacyiga bilaabaysid kaliya akhridid aayadda ku jirta suurada Al-Baqarah, aayada #158.

Kaddib buurta Safaa ayaad fuulaysaa kolkaas ayaad Kacbada (Qiblada) xaggeeda soo eegaysaa adiga oo gacmahaaga kor u qaadaya. Alle ayaad ku Xamdiyeysaa oo baryaysaa wixii aad dooneysid inaad ka baridid. Kaddib Alle ayaad kali yeeleysaa oo weyneyneysaa waxaadna oranaysaa wixii Nabiga (scw) uu yiri:

{Laa Ilaah Illal-Laahu Waxdahu Laa Shariika Lah, Lahul Mulku Wa Lahul Xamdu, Wa Huwa Calaa Kulli Shey?in Qadiir; Laa Ilaaha Illal-Laahu Waxdahu, Anjaza Wacdahu, Wa Nascara Cabdahu, Wa Hazamal Axzaaba Waxdahu?.

Markaa kaddib ayaad haddana ducaysanaysaa wixii aad duco garanaysid. Dabadeed dikriga sare ayaad akhriyi, haddana waad ducaysan, kaddibna dikrigii ayaad akhriyi; (saddex goor ayaad sidaa ugu celcelin oo ducada iyo dikriga isugu bebbedelin).

Kaddib ka soo deg buurta (Safaa) adiga oo Marwa soo aadaya. Sunnadu waxaa weeye in labada calan ee cagaarka ah dhexdooda ay raggu dheereeyaan (ay socodka boobsiiyaan). Arrinkaasina waa haddii ay suurta gal tahay oo kaliya. Yacni haddii qofku labada calan ee cagaaran dhexdooda socodka boobsiin karo isaga oo aan cid dhibin ama asaguba naftiisa dhibin. Markuu gudbo calanka labaad ee cagaaran qofku ha socdo socod caadi ah. Dumarku waa in ay caadi u socdaan mar walba oo aanay socodka boobsiin.

Marka aad gaartid Marwa, fuul dusheeda oo Qiblada soo eeg oo gacmaha kor u qaad adiga oo samaynaya wixii aad samaysay markii aad Safaa dul saarnayd. Yacni, ducadii iyo weyneyntii Alle ee la isku bedbeddelayey saddexda jeer. Markii u horreysey ee aan soo sheegnay mooyaane ma soo aroorin in mar dambe Nabigu akhriyey Aayaddii ?Inna Safaa..?. Sidoo kale duco mucayin ah (duco gaar ah oo la tilmaamay) oo la akhriyayo ma soo aroorin oo Nabiga kama sugnaan ee ku ducayso wixii aad taqaan oo duco ah iyo luqaddii aad ku garaneysid.

Xusuus: Marka aad dawaafaysid ama Sacyiga samayneysid ha la sheekaysan dadka aad wada socotaan ee Alle xus oo ha illaawin sababta aad Makka u timid!

Halkaas waxaa kuugu dhan hal lug ama wareeg oo toddobadii lugood ee Sacyiga ka mid ah, sidaas ayaadna ku wadaysaa ilaa aad ka dhammaysid. Kaddib raggu madaxa ayey xiirayaan ama gaabinayaan. Labada kii aad doonto ayaa kuu bannaan oo aad samayn kartaa laakiin xiirashada ayaa fadli badan Nabiguna waa xiirtay. Allena wuxuu hadalkiisa hor mariyey xiirashada markii uu yiri: {oo timaha xiiri ama gaabin} ee Al-Fatx #27.

Sidoo kale Rasuulku waa u duceeyey kuwa xiirta. Xaddiis Saxiix ah oo Bukhaari ku qoran:

Cabdullaahi Ibn Cumar (Alle isaga iyo aabbihiba ha ka raalli noqdee), wuxuu weriyey in Nabigu (scw) yiri: Allow u naxariiso kuwa xiirta; waxay Asxaabtii yiraahdeen: Rasuulkii Allow kuwa gaabiyana? Wuxuu yiri: Allow u naxariiso kuwa xiirta; waxay yiraahdeen: Rasuulkii Allow kuwa gaabiyana? Wuxuu yiri: iyo kuwa gaabiya.

Xaddiis kale oo Bukhaari ku qoran Abii Hureyrah Alle ha ka raalli noqdee, wuxuu weriyey in Nabigu saddex goor Alle dambi-dhaaf u weydiiyey kuwa xiirta markii afraadna uu kuwa jarta (gaabiya) u duceeyey. Marka timuhu way soo bixi doonaan ee Nabiga ku dayo! Dumarku waxay timaha madaxooda ka goynayaan far xubinteed in le’eg.

Raggu madaxa waa wada xiirayaan ama wada jarayaan ee qayb madaxa ka mid ah timo ka goyn mayaan. Lama oran madaxa qaar xiira ee waxaa la yiri madaxa xiira. Sidaas awgeed macnaha gaabintuna ma aha madaxa qaarkiis gaabiye. Cumradiina halkaas ayey kuugu dhammaatay haddii Hajkaagu Tamattuc ahaa waxaadna ku raaxaysan kartaa oo kuu furan wixii Ixraamku kaa xayiray oo idil. Haddii Xajkaagu ahaa Qiraa waxaad Ixraamka furaysaa maalinta 10ka Dil Xijjah.

Isku Diyaarinta Xajka

Qaybta | 3aad

Haddaba intaan qofku Ixraamkii Xajka xiran waxaa wanaagsan in uu is nadiifiyo, nadaafad guud. Yacni, ciddiyaha iska jaro, timaha kilkilaha iyo kuwa gumaarka ka hooseeyaba iska xiiro, raggu shaarubbada jaraan, qofku jirkiisa nadiifiyo oo qubaysto, isna carfiyo.

Dumarku waa in aanay isticmaalin barafuun iyo waxyaalaha kale ee ay isku qurxiyaan. Qubayska mooyaane nadaafaddaas guud ee aan soo sheegnay xataa barafuunka, laguuma oggola markaad Ixraamka xirato kaddib. Sidaa awgeed ayaa waxaa habboon in qofku nadaafaddaas guud is nadiifiyo intaanu Ixraamka xiran.

Dhaaranka (labbiska) Xajka ee raggu waa labo go’ oo cad-cad iyo dacas ama sandal aan anqawga (oday-kaboohista) gaarin. Dumarku waxay xiranayaan dhar jirkooda oo dhan asturaya laakiin aan qarinayn wajiga iyo calaacalaha, midabkuu doono darkaasi ha lahaadee. Waxaa shardi ah inaan dharku ku dhagganeyn khafiifna ahayn oo labadan goorba jirkoodii muuqan lahaa. Marka ay haweentu la joogto rag geyaankeed ah wajigeeda ha ka dedato, mararka kalese yaanay wajiga qarin.

Ixraamashada Xajka

Waxaa jira saddex nooc ee Xajka:

  1. Tamattuc,
  2. Qiraan, iyo
  3. Ifraad

Qofkii soo niyeystay Qiraa hadde Ixraamkii uu soo xirtay ee Xajka iyo Cumrada ayuu weli ku jiraa oo markii uu Cumradii gutey weli waxaa u xiran Ixraamkii uu soo xirtay intaanu Makka soo gelin ee uu ka soo xirtay Miqaatyadii shanta ahaa midkood.

Qofkii soo niyeystay Ifraadna (Xaj aan Cumro wehelin) maalintaan siddeedaad ayaa hawlihii Xajku u bilaabmayaan wuxuuna ka soo ixraamtay shantii Miqaat midkood.

Qofkii soo niyeystey Tamattuc, qofkaasi markii uu Cimraystay waa tii uu Ixraamkii furay oo uu iska raaxaysanayey. Maalinta siddeedda bisha Dil Xijjah (Yawmut Tarwiyah) ayaa qofkaasi meesha uu maalintaas joogo ee deggan yahay wuxuu ka soo xiranayaa Ixraamkii Xajka. Suune ma aha Nabigana (scw) lagama werin in Masaajidka la aado oo laga soo ixraamto. Saxaabada Nabiguna arrinkaas ma samayn.

Haddii marka Salaad farad ah waqtigeed la joogo, qofku ha tukado si uu u Ixraamto Salaadda dabadeed. Haddiise aan salaad farad ah waqtigeed la joogin qofku ha tukado laba Rakco oo uu weyso sunnadeed u niyeysanayo ee aanu u niyeysaneyn sunne Ixraam. Markii uu qofku salaaddaas ka soo faaruqo ayuu niyadii Xajka la imaanayaa oo inta Talbiyada akhriyo Ixraamanayaa, waana sidaan:

{Labbeyka Allaahumma Labbeyk, Labbeyka laa Shariika Laka Labbeyk, Inal Xamda, Wa Nicmata, Laka Wal Mulka, Laa Shariika Laka} {Labbeyka Allaahumma Xajjan}

Ninku dhihidda Talbiyada kor ayuu u qaadayaa, haweentuse hoos ayey u oranaysaa. Talbiyada qofku ha badiyo hana wado.

Dhawrista Ixraamka

Arrimahaan ha sameyn markaad Ixraamato kaddib:

  • Timahaha xiirin hana jarin
  • Ciddiyaha ha jarin
  • Barafuun iyo catar ha marsan
  • Ha ugaarsan hana dilin xayawaanka
  • Ninka iyo Haweentiisu iskuma tegi karaan
  • Shukaansi guur (xod-xodasho) ha samayn
  • Meher (guur) ha sameyn
  • Raggu yaanay madaxa daboolin (koofi iwm)
  • Waad isticmaali kartaa oo laguu oggol yahay dallad iyo ookiyaale.

Xasuus: Dharka ixraamka ayaad xiranaysaa intaadan ixraamka xiran. Laakiin, ma ixraamaneysid adigoon dharkii ixraamka qabin (inaadan dharka Ixraamka heli Karin mooyaane).

Waxaa subaxdaas siddeedaad la soo aadayaa Muna/Mina halkaas oo lagu negaanayo maalinta inta ka hartay iyo habeenkaas. Halkaas ayaana lagu tukanayaa Duhur, Casar, Maqrib, Cishaa, iyo Subxi sidaan yaana loo tukanayaa.

Mina Iyo Sida Loogu Tukado

Qaybta | 4aad

Markii Duhur galo ayaa la tukanayaa labo Rakco oo Duhur ah kaliya. Markii Salaadda Casar soo gasho ayaa waxaa la tukanayaa labo Rakco. Markii Maghrib soo galo ayaa saddex Rakco la tukanayaa. Dabadeed waqtiga Cishaha ayaa labo Rakco la tukan. Subxigu marka uu soo galena labo Rakco ayaa la tukanayaa. Yacni, Salaad walba waqtigeeda ayaa la tukanayaa oo salaadaha la jamcin mayo. Laakiin salaadihii afarta Rakco ahaa labo rakco kaliya ayaa la tukanayaa. Salaadahaasi waa Duhur, Casar, iyo Cishe. Subxiga iyo Maghribka caadigii ayaa la tukan.

Maalinta Sagaalaad Iyo Carafo

Marka qorraxdu soo baxdo maalinta ku xigta ee bishu tahay sagaal ayaa Miina laga tegeyaa oo waxaa la aadayaa Carrafa. Waxaa aad iyo aad u muhiim ah in qofku hubsado inuu xudduuddii Carrafo ku dhex jiro waayo haddii qofku xudduudkii Carrafo aanu ku dhex jirin, hadde qofkaas Xaj uma jiro. Markii Carrafa la tago waa la degayaa ilaa Duhur ka galo.

Markii Duhur galo ayaa waxaa la tukanayaa Duhur iyo Casar oo qasri iyo jamacba ah. Yacni, Salaadahaas waa la gaabinayaa oo tiiba labo Rakco ayaa la tukanayaa, waana la jamcinayaa oo waqtiga Duhur iyo Casarba la tukanayaa. Hal Aadaan ayaa la addimayaa labo Iqaamana waa loo yeelin. Macnuhu waa: Duhurka ayaa la addimin dabadeedna labo Rakco oo Duhur ah ayaa la tukan.

Markii labadaas Rakco ee Duhurka ah laga faaruqo ayaa la aqimin oo Casar la tukan. Waqtigaas ilaa ay qorraxdu ka dhacdo qofku Alle ayuu weyneynayaa, baryayaa, xusayaa, oo ku xamdiyayaa isaga oo dhanka Qiblada soo eegaya gacmahana kor u taagaya. Arrinkaas ayaa Nabiga ka sugnaaday. Haddaba wixii aad garanaysid oo duco wanaagsan ah ku ducayso. Naftaada u ducayso, muslimiinta, waalidkaa, walaalahaa, qaraabadaa, ehelkaa iyo asxaabtaadaba khayr ugu ducee.

Muslimiintana u ducee meel ay joogaanba. Ducada maalinta Carrafo ayaa duco ugu khayr badan. Sidaa awgeed ducayso oo ducee Allena waydiiso wax bannaan suurta galna ah. Alle wax walba waa awoodaa wax walbana agtiisa waa ka suurta gal laakiin ducadu ha ahaato mid bannaan haddana dhiciddeedu suurta gal tahay. Yacni, Ilaahow guursan maayee hay gablamin, Ilaahow camal falan maayee hay cadaabin, iwm, duco ma aha. Nabiguna (scw) wuxuu yiri:

“Duco waxaa ugu khayr badan ducada maalinta Carrafo, waxaana ugu khayr badan wixii aniga iyo Nabiyadii iga horreeyey ay yiraahdeend”. Oo maxay aheyd? “Laa Ilaah Ilalaahu Waxdahuu Laa Shariika Lahu Lahul Mulku Walahul Xamdu Wahuwa Calaa Kuli Shey’in Qadiir”

Buurta Carrafo in qofku dul fuulo muhiim ma aha. Meel walba oo ka mid ah xudduudda Carrafo ayaa buurta la mid ah. Sidoo kale qofku Qiblada ayuu soo qaabilayaa ee buurta dhankeeda u jeedsan mayo. Qofkii imaatinkii Carrafo soo daahay, sida qof Carrafo soo gaaray iyada oo saacad iyo wax la mid ahi qorrax dhicii ka hareen, waxaa joogis ugu filan inta qorraxdu ka dhacayso oo joogidda Carrafo waxay ku egtahay qorrax dhac. Qorraxdu markii ay dhacdo kaddib Carrafo waa laga tagayaa.

Marka ay qorraxdu dhacdo kaddib iyada oo aan Salaaddii Maghrib la tukan ayaa Carrafo laga soo tagayaa waxaana la soo aadayaa Muzdalifah. Marka qofku soo gaaro Muzdalifah ayuu tukanayaa Maghribkii iyo Cishihiiba. Yacni, waa la aadaamin, waana la aqimin, dabadeed saddex Rakco oo Maghrib ah ayaa la tukan markii laga baxo ayaa Cishe loo istaagin oo waa la aqimin dabadeedna labo Rakco oo Cishe ah ayaa la tukan.

Habeenkaas Muzdalifah ayaa lagu baryin (la hoyan). Subaxda ku xigta ee bishu tahay toban ayaa waxaa la tukan Salaaddii Subax. Waxaana Subxiga la tukan waqtiga ugu horreeya ee uu soo galo. Marka la tukado ilaa uu waagu ka beryo inta u dhaxaysa (qorraxduse aanay weli soo bixin), dikriga Alle ayaa la wadayaa.

Yacni, qofku wuxuu badinayaa wayneynta Alle, mahadintiisa, tasbiixda, qur’an uu akhristo, talbiyadii oo uu akhriyo (Labbeyka Allaahuma Labeyka……), Alle oo uu baryo, iyo wixii kale oo dikri ah.

Dikriga ugama jeedo waxa manta dadka qaarki dikriga u yaqaan ee aan ka sugnaan Nabiga iyo Saxaabadiisa toona. Dikri waxaan uga jeedaa wixii shalay dikri ahaa, waxaan shalay diin ahaynna manta diin noqon mayaan.

Qofna Muzdalifah kama tagi karo aroor ka hor cudurdaar la’aan. Waxaase habeen-bar kaddib loo cudurdaaray inay bixi karaan dadka tabarta yar (caruur, haween iyo dad da’ ah) iyo dadka iyaga wada. Laakiin habeen badh ka hor cudurdaar ma jiro.

Kaddib intaan qorraxdu soo bixin ayaa subaxdaas tobnaad Muzdalifa laga guurayaa oo waxaa loo guurayaa Mina/Muna. Marka subaxdaas 10ka Dil Xijjah Mina la tago waxaa la aadayaa Jamaraatka iyada oo qofku wato toddoba dhagax (quruurux). Quruuruxu wuxuu le’eg yahay xabbad galley ah ama laf timireed.

Quruuruxa waxaad ka qaadan kartaa meeshii aad doonto. Ha isku shiddeyn inaad habeenkaas Muzdalifah dhagax aruuris bilawdid. Subaxdiiba Muna ayaad quruuruxa ka sii aruursan kartaa. Nabiga (scw) kama sugnaan inuu habeenkii sii dhagax aruursaday. Sidoo kalena lagama werin Nabiga (scw) inuu quruuruxa Muzdalifah ka qaatay.

Calaa kulli xaal, toddoba dhagax sii qaado oo soo aad Jamaraatka ugu weyn saddexda Jamaraat. Waana kan ugu xiga dhinaca Makka. Labada kale dhinaca Muna ayey xigaan waana marinka Jamaraatka weyn oo marka Jamaraatka weyn loo socdo ayaa la sii maraa labada kale (kan yar iyo kan dhexe). Quruurux siyaado ah waad sii qaadan kartaa si aad ugu baxsatid haddii mid kaa dhumo ama tuuryadu kaa habawdo.

Laakiin agagaarka Jamaraatka ayaadan quruurux ka waayen. Dhagaxda la tuurayo maalinkaas waa toddoba kaliya waxaana lagu tuurayaa Jamaraatka ugu weyn. Si aan tiradu kaaga gedmen (qaldamin) toddoba dhagax kaliya soo dhaweyso kuwa kalena meelayso (meel gasho).

Hawlaha La Qabanayo
Maalinta Tobanaad

Qaybta | 5aad

  1. Tuurashada Quruuruxa:

Marka subaxdii Mina la yimaado ayaa Jamaraatka saddexda Jamaraat ugu weyn ee Al-Caqaba waxaa lagu tuurayaa toddoba dhagax. Dhagaxda mid-mid ayaa loo tuurayaa ee hal mar la wada tuuri maayo.

Tuurya walba waxaa la oranayaa Allaahu Akbar. Jamaraatku wuxuu u samaysan yahay sidii xero ama deyr oo kale, dhexdana waxaa ka taagan tiir. Haddaba dhagaxdu waa inay xeradaas dhex galaan. Laakiin, khasab ma aha in tiirka dhexda ku yaal ay dhagaxdu taabtaan. Sidoo kale haddii dhagaxu soo noqdo oo markuu xerada dhex galo soo boodo xil kaama saarna. Tuuryadu ma aha mid la isla kala jiidayo oo xoog la isticmaalayo ee waa mid khafiif ah oo tartiib dhagaxa loo sii deynayo.

DIGNIIN:

Waxa la tuurayaa waa quruuraxaas yar-yar ee aan soo sheegnay. Dad ayaa waxay u haystaan in Shaydaan la soo dhagxinayo markaas ayey tuurayaan wixii ay markaas gacanta ku hayaan sida: kab, dallad, dhalo, iwm, iyaga oo waliba caytamaya oo oranaya “Lacnatul Laahi Caleyk” iyo wixii cay afkoodu karo. Arrinkaaasina ma bannaana Nabigana kama sugnaan, in Shaydaan la tuurayana ma soo aroorin oo arrin sal leh ma aha. Sidoo kale meesha cibaado ayaa loo yimid ee cay looma imaan.

Qofkii aan awoodin inuu dhagaxda soo tuurto cid usoo tuurta ayuu u wakiilanayaa.

Qofka la wakiishay marka hore isaga ayaa quruuruxiisa tuuranaya kaddib ayuu u tuurayaa qofka soo wakiishay. Awoodda laga hadlayo wahsidu kuma jirto, cudurdaar la mid ahina kuma jiro. Dhul dheer baan uga nimid arrinkaan muhiimka ah ee gudashada Xajka; Xajka haddii la aqbalana abaal marintiisu ma aha wax aan Janno ahayn, ee aan dadaalno oo si fiican u cibaadaysanno.

Alle kallif ma abuurin, dadka tabarta yar sida dadka da’da ah, haweenka uurka leh, carruurta, iwm, haddii aysan awoodin inay tuurtaan quruuruxa, waa loo tuuri karaa.

  1. Neef La Gawraco:

Dadka Xajkoodu ahaa Tamattuca iyo kuwa Qiraanka labadaba waa laga rabaa neef gawricidda. Ifraadkase lagama rabo. Marka qofku soo guto dhagax-tuurashada, neef ayuu gawracayaa. Hilibka qaar ha siiyo masaakiinta qaarna ha cuno, qaarna hadiyad ha u bixiyo.  Qofkii aan awoodin inuu neef gawraco (sabab dhaqaale awgeed), waxaa laga rabaa inuu soomo toban (10) beri. Saddex beri oo ka mid ah wuxuu soomayaa intuu Xajka gudanayo (maalinta Carrafo ka hor haddii ay suurta gal tahay), ama wuxuu soomi ka hor haddii ay suurta gal tahay), ama wuxuu soomi karaa saddexda beri ee maalinta ciidda ka dambaysa (11, 12, 13). Toddobada maalmood ee kalena wuxuu soomayaa markuu degaankiisii ku noqdo.

Fiiro Gaar Ah:

Arrinka laga hadlaayo waa awood ee ma aha doorasho. Looma jeedo ma neef baad gawrici mise toban beri ayaad soomi oo markaas qofkii oo neef awooda uu is yiraahdo oo maad iska soontid lacagtu ha kuu baaqatee. Neefku waa in aanu iin lahayn ee dhan yahay waxna aanay ka maqnayn sida il, dheg, ama aanu jiis ahayn, iwm. Waa in aanu cillad lahayn sida dhutin, indhaha oo kala jeeda, iwm.

Sidoo kale da’da neefku waa inay tahay da’da la oggol yahay. Waxar ama nayl da’doodu waa yar tahay. Hal qof waxa laga rabaa neef ari ah (ido ama riyo). Neef ishkin ah (geel ama lo’) waxaa wadaagi kara (bixintiisa/gawriciddiisa) toddoba qof. Sidoo kale nirig iyo wayl waa da’ yar yihiin.

Xusuus:

Neefka inaad adigu gacantaada ku birayso (ku gawracdo) khasab ma aha. Neef baad gawracaysaa waxaan uga jeedaa neef baa dushaada ahaaday ee ugama jeedo waa inaad gacantaada ku gawracdaa (ku biraysaa). Haddii aad gacantaada ku gawrici kartid waa fiican tahay haddii kalena cid ayaad u wakiilanaysaa.

Digniin, Digniin, Digniin:

Xoolaha yaan lagu cayaarin oo hilibkooda la dayicin. Waa fool xumo in aad neefka inta gawracdid oo hadhow qashinka lagu daro. Hilbaha qaar cun, qaarna masaakiinta ku sadaqayso, qaarna hadiyad u bixi. Haddii aadan asturi Karin neefka, u wakiilo qolooyinka gaarsiinaya masaakiinta. Ogow in aad adigu neefka soo gadatid iyo in aad u wakiilatid bangiga qaabilsan waa isku lacag. Marka walaal neefka ka faa’iddee oo ka faa-iideyso sidaas ayaa ajarku jiraaye.

Hawlaha La Qabanaayo
Maalinta Tobnaad

Qaybta | 6aad

  1. Dhagax tuurasho
  2. Neef gawricid
  3. Timaha Oo La Xiiro ama La Jaro:

Dabadeed raggu madaxa ayey xiirayaan ama gaabinayaan. Gaabintuna waa timaha oo idil ee ma aha in madaxa meel ka mid ah xoogaa timo ah laga gooyo. Xiirashada iyo gaabintuba waa kuu bannaan yihiin Nabiguse waa xiirtay. Dumarku in yar oo timo ah (far xubinteed in le’eg) ayey timaha madaxooda ka goynayaan.

Waa mamnuuc mana bannaana in Xaramka la wasakheeyo oo aad Masjidka timahaaga ku jartid. Ajar iyo xasanaad ayaan soo doonanay ee yeynaan dembi kasban.

Sidoo kale qofku nadaafadda ha ku dadaalo dhan walbaba. Qashinka meeshii loogu talo galay ku hubso. Xaako iyo calyo ha ku tufin Masjidka iyo meelaha agagaarkiisa ah ee lagutukanayo ee la raadso oo ku hubso meelaha loogu talo galay. Xaddiis la isku waafaqsan yahay:

Anas Alle ha ka raalli noqdee, wuxuu wariyey in Nabiga yiri: in calyo (candhuuf) Masjidka lagu tufo waa dambi, waxaana kafaaro-gud u ah in la xabaalo. Xabaalidduna waa marka Masjidku ciid (bacaad) yahay ee haddii kale waa laga nadiifin.

Waano: Maalmaha Muno la joogo (10ka, 11ka, 12ka, 13ka, iyo safarrada la deggan yahay) Salaad walba waqtigeeda ayaa la tukanayaa laakiin Salaadihii afarta Rakco ahaa (Duhur, Casar, iyo Cishe) waa la soo gaabinayaa oo labo Rakco ayaa la tukan. Waana sidii la yeelay maalintii siddeedda ee Xajku bilaabmay.

Sidaa ayaana Nabigu samayn jirey; yaa Nabiga uga fiican ku dayasho? Ku dayo Nabiga oo gaabi Salaadaha safarka. Laakiin, haddii aad ku xiratid iimaam afartii Rakco dhamays tiraya sida Xaramka iyo Masaajidda kale, adiguna dhamaystir oo iimaamka ha khilaafiin.

  1. Dawaaful Ifaaphah:

Isla maalinkaas tobanaad (haddii ay suurta gal tahay) qofku ha aado Xaramka oo Kacbada toddoba jeer ha ku soo dawaafo, isaga oo raacaya habkii dawaafka ee aan ka soo sheekaynay kaddibna Safaa iyo Marwa ayuu toddoba jeer Sacyigii samaynayaa.

Sacyigaan waxaa laga doonayaa oo kaliya qofka Xajkiisu ahaa Tamattu (Xaj iyo Cumro kala go’an). Sacyigaan (Safaa iyo Marwa dhexdooda) lagama rabo qofka Xajkiisu ahaa Ifraad (Xaj kaliya). Waase laga rabaa haddii aysan hore u samayn markii hore.

Yacni, haddii aanay Sacyi samayn markii ugu horreysey ee ay Xaramka yimaadeen ee Kacbada ku dawaafeen (Dawaaful Qudduum), hadda ayaa laga rabaa qolooyinka Qiranka iyo kuwa Ifraadkaba. Waxaa la door bidaa oo Sunne ah in dawaafkaas (pawaaful Ifaaphah) maalinta ciidda ee tobanaad la sameeyo. Laakiin haddii aanay suurta gal ahayn dib waa loo dhigi karaa ilaa saddexda maalmood ee ciidda ka dambeeya.

Arrimahaas aan ka soo hadalnay waxay ku habboon yihiin oo Nabigu u sameeyey sidaas aan soo sheegnay hoosna ku qoran. Laakiin, inaad isweydaariso waa laguu oggol yahay. Yacni, afartaas arrimood waad isdaba marin kartaa oo kii kuu sahlan waa hor marin kartaa oo Nabigu (scw) ma diidin.

  1. Dhagax tuurasho
  2. Neef gawricid
  3. Timo xiirasho ama Gaabin
  4. Dawaafka (Dawaafka Ifaaphah)

Marka qofku guto saddexda qodob ee sare ama labo ka mid ah. Ixraamkii xajka wuu furi karaa oo waxaa u xalaal ah wixii aan ka ahayn labada isqaba oo isku taga.

Marka qofku la yimaado dhagax tuuridda, xiirashada ama Safaa iyo Marwa (ciddii laga rabey), ayaa labadii isqabteyna isku tegi karaan. Yacni, labo ka mid ah saddexda, ninka iyo haweentiisu iskuma tagi karaan waxyaalihii kale ee ixraamka jabinayeyse qofku wuu samayn karaa.

Fadliga 10ka Hore
ee Bisha Carafo

Qaybta | 7aad

Walaalkey iyo walaashey muslimka ahow! Waxaa fadli idiin ku filan 10kaan maalmood ee bisha Carafo in uu Allaah ku dhaartay oo Allaah yiri: Eebe wuxuu ku dhaartey waabariga. Iyo Habeennada tobanka ah (Carafo).

Ibnu Abaas, Ibnu Zubeyr, Mujaahid, Ibnu Kathiir iyo Culumo kale waxey ku fasireen in ay tahay 10ka hore ee bisha Carafo.

Rasuulka (scw) waxaa ka sugnaadey in uu yiri:

“Maalmo Allaah camalka wanaagsan uu kajecelyahay majirto maalmahaan (yacni 10ka bari ee hore ee carafo). Ma xataa jihaadka wadada Allaah rasuulka allaw? (ayaa la weydiiyey) wuxuu yiri: “xataa jihaadka, aan ka aheyn qof bixiyey naftiisa iyo maalkiisa oo aan waxba lasoo noqonin.?”

Waxaa rasuulka la waydiiyay fadliga ay leedahay maalinta Carafo soonkeeda. Wuxuu yiri: “Waxaa lagu dhaafaa sanadkii hore iyo sanadka soo socda danbiyaashii aad gashey.”

Walaalkey iyo walaashey muslimka ahow! Miyaada dooney in laguu dhaafo danbiyadii aad gashey sanadkii la soo dhaafey iyo kan soo socda? Hadaba waad dooneysaaye ee ka faa’ideyso fursadaan dahabka ah, oo soon iyo cibaado badan la imow.

Sidee uga Faa’ideysan Karnaa
10kan Maalmood..?

Walaashey iyo walaalkey muslimka ahwo! Maadaama aan soo ogaaney 10kaa maalmood fadligoda, waxaa isweydiin leh sideen uga faa’ideysan karnaa? Walaal sida aan ugu fiican oo aan uga faa’ideysan karno waa:

  1. In aad Allaah u toobad keentid kana faa’ideysatid maalmahaas fadligooda aanba caadiga aheyn.
  2. In aad shanta salaadood oo faradka kugu ah aad waqtigooda ilaalisid, oo aad masaajida iyo jameecada muslimiinta la soo tukatid.
  3. In aad soo xajisid haddaa awood u leedahey, oo uu Ilaahey xoogaa dhaqaalo ah ku siiyey, adigoona ka bakheyleyn.
  4. In aad soontid 9ka maalmood oo dhan hadaad awoodid. Hadaadan awoodina in aad soontid maalinta Carafo.

Walaal waa nicmad uu Ilaahey nasiiyay ee aan kafaa’ideysano.

Walaalkey iyo walaashey muslimka ahow! Bal ka warama hal maalin oo aad soontid haddii laguugu dhaafayo labo sano danbigaa gashey? Hubaashii qofkii dayaca maalintaa, oo aan ka faa’ideysan, oo aan soomin, oo aan cibaado dheeraad ah la imaanin, hubaashii kaasi waa wax ma garad aan caqli laheyn, ee ka faa’ideyso maalintaa oo soon si aad u heshid ajarkaa iyo danbi dhaafkaas.

Ugu danbeytiina walaalkiin aad ku walaalowdeen Islaamka ee idiin soo gudbiyey nasteexadaan wuxuu Ilaahey ka baryayaa inuu naga dhigo kuwii ka faa’ideysta fursadaan qaaliga ah.

Decorative Lines

Wabilaahi towfiiq,
Wasalaamu Caleykum Wa-Raxmatulaahi Wa-Barakaatu.

WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN
“ISLAAMKA”

O*S*M*A*N  –  B*I*L*A*D*
Email: osmanbilad@hotmail.com
Source: SomaliTalk.com