Taariikhda Shiicada 

Qeybta | 1aad

Taariikhda: Shiicada
Muxaadaro oo tobon qeybood ka kooban:
Sheekh Maxamuud Shibli

Decorative Lines

Shiicada iyo Asalkeedii

Muxaadaro
Sheekh Maxamuud Shibli

Assalamu Alaikum

‘’Amaanta Alle iyo Rasuulkiisa Muhammad (scw)
ka dib Sheekha wuxuu hadalkiisu ku billaabay.’’

Amaa bacd: Sida horayba loo sheegay mawduuca aan ka hadleenaay waa mawduuca hore loo sheegay ee madhabka ama kooxaha ama caqiidada iyo fikirka ama waaqica taariikheed ee fikriga shiicigu uu leeyahay, waxaan rabaa Inshaa Allahu Tacaalaa  xalaqadaha iyo silsilada oo soo socda oo aan rajeynaaya 4, 5, 6, ineyan igaga badanin oo rabo xoogeey dadku inaan u sheego.

Waxaan is leeyahay waxaan u baahanahay intaanan mawduuca gelin su’aal inaan ka jawaabo, su’aashaa oo aan filaayo in dad badan aya is weeydiinayaan ama siyaabo badan leysugu tuurayo:

  • Shiicada maxaa laga rabaa..?
  • Maxaa looga hadlaayaa..?

Su’aashaas waxay ku saleesan tahay hadalka la sugeeyo iyo in shiico wax laga sheego la sugeeyo baa waxaaney u badneen dadka badankii aragtiisa in wax fiican laga sheegidoono uma badna, waqtigana waqti duruufo ay jiraan bay dadku u arkaanoo u maleynayaan ama ay qiyaasayaan.

Markaas ayaa waxaa soo noq noqoneysa shiicada maxaa laga rabaa.

Hada marka aan soo galaayay baa lay weydiyayoo, waxaa iri anigaaba rabo su’aashaasi jawaabteed inaan hadalkeyga ku billaabo, waxa ugu horeeya ee aan ka hadli doono waxay tahay su’aashaas inaan ka jawaabteed.

Ikhwaani wa Akhawaatii qeybaha aan ugu hadlaayo mawduucaani dhowr sababood weeye:

Sababta kowaad: labaadka hore ee Ramadaanka baa waxaan ka soo hadalnay casharo is dawajoog ahaa, oo sunnada Nabiga raacitaankeeda iyo waxyaabaha bidca ka fogaanshahooda, waxaan soo balanqaada oo soo sheegay bidca markaan ka hadlaayo qeybahooda iyo xukunkooda, inaan tusaale u soo qaadan doono laba kooxood oo manta caalamka Islaamka iyo saaxada dadka muslimiinta ah joogitaan iyo saameen ku leh.

Labaa kooxood ugu waaweeyn ee saameenta iyo joogitaanka leh baa waxay yihiin:

  • Shiicada
  • Suufiyada

Oon ogaan doono mid waliba intee in la eg bey Islaamka ama ku jirtaa ama ka fog tahay ama u dhowdahay am aka dheer tahay. Taasi waa sababta koowaad inaan dhameystiro si dadka wixii bidca ah ee laga hadleeyay ee dadka ku jira ay u ogaadaan wixii nusuus iyo talo diineed la siinaayay waxay ka sameeynayaanah ay u gartaan dadka ay saameeyneeyso hadal leyska yiri oo ciddi uu quseeyo aan waxba laga aqoonin aanu noqonin.

Sababta labaad: een ugu hadlaayo waxa weeye, cilmiga u soo hormariyey dadkeena soomaaliyeed shiica waxay tahay ma yaqaanaan, xataa dad badan oo dadkeena ka mid ah oo talabal-cilmi iyo culimanimo iyo dacwad u seeganayo inay ducaad yihiin baa wax xog iyo war la taaban karo midnaba ka haynin.

Sidaas darted waxaa in badan isku guda jira oo la kala saari la’ yahay xaq iyo baadil, waxaa la garan la’ yahay Shiica ma Muslim baa mise waa gaalo mise wey isugu jirtaa muslim iyo gaalaba wey leedahay.

Sidaas darted maadaama xaq iyo baadilkii iyo gaalnimadii iyo Islaamnimadii qeybo ku saabsan la garan la’ yahay shiicadana koox balaaran taariikhda muslimintana raad badan oo dheer soo martay ay tahay oo wax hada dhashay oon la aqoon aanu ahayn.

Dunidana caalamkii manta leys dhax galay dadkuna anay aqoonin baan waxaan jecleystay dadka muslimiinta ihi in aan baro shiicada waxa ay tahay iyo waxa ay rumeysan tahay. Taariikh iyo siyaasad ahaan iyo diin iyo cadiido iyo mabda ahaan labadaba inaan ka hadlo.

Qodobka sedexaadi: dhacdooyinkii dambe hada dhacaayay gaar ahaan dagaal hada Lubnaan iyo Israaiil ee ugu dambeeyay baa wuxuu keenay dad badan oo muslimiinta oo sunni Soomaaliyeed ay ka mid yihiin inay hididiilo iyo rajo badan ku xiraan shiicaa wax qabatay iyagoo war ka haynin waayahay taariikhda ee la isla soo maray, waxa ay hada ay rumeysan yihiin iyo waxa runta ah la filan karo dadka waa taqaanaanoo markii warbaahinta wax laga baahiyo qaababka wax loo sawiro mararka qaarkood cadow baa saaxiib lagaaga dhigaayo, saaxiibkaana cadow baa laguu sawiri, nin xun baa nin fiican lagaaga dhigi nin fiicana nin xun baa laga dhigi.

Waxay gaarti mararka qaarkood rag mashaaiq iney yiraahdaan shiicada inoo daca hanaga taabanina, shiicada noo daaya rag mashaaiqa ka gaartay iyo ninkii wax ka sheegaa iyo aniga gacan banu isugu tageenaa, gacan baa ina dhex mari, waa xiisad iyo xamaasad la haayo iyo amalka iyo hididiilada laga qabo, inay ama Islaam wax u qabtaan ama guul ay soo hooyiyaan ama garab diin iyo Islaamnimo laga helo.

Taasi maxaa dhab noqon kara maxaase dhalayalah…?

Waayaha taariikhda wax badan baa la isla soo maray mudo 1000 sanno dhan un baa shiica dawlad leh iyo sunno leysla soo garab degan leysa soo dhax joogay.

  • Ma shiicadaa shiicadii hore ahayn..?
  • Mise tii horaan war laga haynin..?
  • Mise inagaa meeshiinee ka daldalanay..?

Taana wax badan waayaha inaan ka ifiyo oo wixii taariikh soo dhacay iyo waxa hada la fili karo qofka waxaa la daraaseeyaa fikirka uu rumeysan yahay baa wuxuu ka tarjamaa waxa uu sameeynayo iyo waxa laga filaayo iyo markaa muslim tahay sidaa mid u guuleesta aad rajeyneyso awoodna aad yeelato.

Kii gaalnimad fidinaayay iyo fisqiga ka waran haduu kaas weenaa fisqiga iyo gaalnimada garab ku siiso, macnaheeda wuuxuusan ogayn oon warba ka haynin waxa aad rumeysan tahay iyo midad xabaarsan tahay. Hada hadii la yiraahdo Mareykan baa garab istaagayo baa hiil iyo Hooba siin, si Islaamku loogu dhaqmo mid hidadiilo ka qabo hadii aad aragto waxaad dhihi Mareykan buusan aqoonin iyo waxa uu rumeysan yahay mabda’iisu saan war u haynin.

Ninkii yiraahda Yuhuud baa inagu kaalmeyn sidii Qudus loo xureeyo. Qudus xurnimadeeda bay Yuhuud ingala qeyb qaadan ama Raashiya iyo Chaina nagu soo gurman  yiraahdo fikirkay ka rumeysan yihiin baanu aqoonin. Ninka wuxuu naf iyo maal u huraa hiil iyo hooba la garab istaagaa  ama maslaxad adduun inuu ku wato ama mabda’ ay wadaagaan.

Taasi intee in la ek baa rajo laga qabin karaa iney shiico guul soo hooyso ama ay adagtahay inay garab iyo hiil kuu noqoto waayahay taariikhda, iyo waxa ay reysan yihiin baan rabaa wax badan oo dadkeena ay ka jaahil yihiin inaan shaaca ka qaado oo ereyada anagu aanu niri iyo sunnada ma ahanee, ee ereyadii ay iyagu yiraahdeen iyo ereyadii ay qoreen iyo qaabkii ay u dhaqmeen wax badan aan soo bandhigo taariikh dheeroo ku sanna ahayd dawladahii dhacay inaan soo dul maro baan doonayaa.

Arinta afraad: qalabka warbaahinta iyo kanaalada carab iyo qeyrkood la dhageysto baa hada waxay u sawirayaan nimanka shiicada la yiraahdo niman halyeeya ah oo halgama ah oo diinta difaacaya oo safka hore jihaadka kaga jira, taaso boqolkiiba laba boqol aan sal iyo raad lahayn.

Marka sheekada beenta ha hadaba mediyaha la gelinaayo oo bariga iyo galbeedkuba ujeedooyin ay ka dambeeyaan baan iyada lafteeda dacaayadaan mabaadi’ ku saleesan tahay iyo hadafka laga leeyahay iyo mabaadida’ aasaaska u eh iyo fikradan dadkii soo dejiyay baan iyana waxaan doonayaan wax badan inaan shaaca ka qaadoo waxyaaba cadeema ah aan idin soo hor dhigo Inshaa Allahu Tacaalaa.

Arimahaas oo dhan baan waxaan doonayaa ina aan kaga jawaabo suaashaa ah:

  • Shiica maxaa laga rabaa..?

Qodobka labaad: ee aan ka hadlaayo waxa weeye caawa Inshaa Allaahu Tacaalaa wuxuu hadlkeyga ku saabsananaan doonaa (Horudhac) iyo dhinacyo kala duwan inaan ka taataabto. Laakiin dhuuxa hoose caawa ma dhaadhici doono Inshaa Allahu Tacaalaa.

Horudhac

Horudhaca waxaan kaga hadli doonaa ereyga (Shiica) maxaa la yiraahdaa:

  • Luqada carabiga maxaa lagu yiraahdaa,
  • Qur’aanka ma lagu sheegay,
  • Sunnada ma lagu sheegay,
  • Koox ahaan markii loo isticmaalayo shiica maxaa loo yaqaanaa,
  • Goormey soo billaabatay,
  • Heerarkey bay soo martay,
  • Yaa soo aasaasay oo soo billaabay,

Inaan dulmar guud ku sameeyo ka dibna aan tilmaamo kooxaha iyo qaybaha aan ka hadli doono ama hada jiritaanka iyo saameynta lahoo qaar badan aan deris la nahay. Ama waayaha iyo taariikhda raad ay taariikhdu xafiday ku leh oo sawiraya fikirka iyadii ragii qabay haday soo noqdaan waxa ay sameen karaan. Ama laga sugeyo.

Inaan halka Inshaa Allaahu Tacaalaa ka hadli doonaa.

Laakiin waxaan rabaa in aan idiin hormariyo mabda’ ahaan seddex kooxood baan ka hadli doonaa shiicada.

Seydiya

Niman Seydiya la yiraahdo iyo taariikhdooda, caqaaidkooda iyo taariikhdooda siyaasadeed jiritaankooda iyo meelaha aya joogaan mabaadida ay rumeysan yihiin inta ay ahlu sunnaha u jiraan waxbaan ka tilmaami doonaa (Inshaa Allaahu Tacaalaa) oo iyada mar baan gaar ugu hadi doonaa Seydiya niman la yiraahdo.

Ismaaciiliya

Waxaa labaad oo aan ka hadli doonaa niman la yiraahdo Ismaaciiliya, labadooda qeybood ee aasaaska ah ee Qaraamitada iyo Faatimiyada la yiraahdo. Nimanka la yiraahdo Faatimiyiinta labadooda qeybood ee nimanka la yiraahdo Xashaashinta la dhihi jiray ee Agakhaan uu ka joogay asalkiisu uu ka soo jeedo, iyo nimankii la dhihi jiray Mistacliyada oo aslkooda ka jooga nimankan Baharada la yiraahdo, sidaa darted baan Agakhaan ugu hadli doonaa si gaar ah.

Baharada aad taqaanaan ee idinla joogto meesha labadeeda qeybood iyo mida Yemeneed ee Suleymaaniya la yiraahdo iyo mida Hindiya ee Daa’uudiyada la yiraahdo ka hadli doonaa.

Tii Yemeneed waxaan ka hadli doonaa qoloada Makaarimada la yiraahdo ee xuduudka Yemen iyo Sacuudiya (Nejraan) gobolka la yiraahdo degan Ayaan iyana ka hadli doonaa caqiidadooda iyo meelaha ay degan yihiin iyo taariikhdooda waayahooda.

Waxaan ka hadli doonaa culedyada qeybtii Faatimiyada qeybtii Masar joogi jirtay iyo qeybtii Maghribal-Caribi haysan jirtay, oo Tunis, Jazaa’ir iyo Marooko xukumi jirtay nimankii Qaahira iyo Jaamacal Ahzar dhisay.

Marka aan soo wada waxaan ka hadli doonaa labad qeybood oo halka lugta kula jira Museyliya niman la yiraahdo oo kuwan Suuriya haysta iyo nimankan Duruusta la yiraah Waliyo Jubulaa iyo Feysal al-Khaasim ay ku ab tirsadaan Iyana waan ka hadli doonaa. Iyagana waxay soo guda gelidoonaan ninamka Ismaaciiliyada la yiraahdo ama baadinayada la yiraahdo.

Qeybta labaad ee aan ka hadli doono waa nimanka Ithnaa-Cashariyada la yiraahdo ama Jacfariyada la yiraahdo oo aan qeybo ka tilmaami doono dawladooda hore oo Safawiyiinta la dhehe jiray Shaahii Iiran laga tuuray ee ugu dambeeyay. Iyo Dawladan dawlatul-Aayaat la yiraahdao iyo kuwa Ciraaq jooga, qoloda Xisbulaahi la yiraahda iyo taariikhdooda xataa shaqsiyaadkooda baariska ah dhalashadoodii ilaa manta (Inshaa Allaahu Tacaalaa) hadii Alle yiraah waan ka sheekeyn doonaa.

Nin waliba xiliguu dhashay meeshuu ku dhashay xaguu wax ku soo bartay mabaadi’duu rumeysan yahay heerarka uu soo maray ee siyaasadeed halkuu uu ku dambeeyay (Inshaa Allaahu Tacaalaa) waxyaaba badan baan ka tilmaami doonaa, Caqiidada iyo taariikhda siyaasad ahaanba.

Waxaan wax ka tilmaami doonaa kooxaha yar yar ee ka falaagooway sida nimanka baadiyada la yiraahdo iyo qoloda bahaaiyada la yiraahdo ee maalmahaan mediayaha haysata. Qolyaha Bahaaiyada la yiraahdo oo rag Soomali ahaa oo la yaqiin wasiiro ahaa ay ka mid ahaayeen, shaqsiyaad badan oo hada mutacalimiin oo westerenka jooga oo Soomaalida ay ka mid yihiin.

Ninka hada Falastiin haysta ee Cabdiweli Cabaas uu ka mid yahay bahayada la yiraahdo, hada Masar baasaboorkeyaga Bahaai in lagu qoraa rabnaa baarlamaanka doodeedi ilaa 15ka bisha dicember in laga doodoo u dib dhigay.

Iyana Bahaaiya maxay tahay, maxay rumeysan yihiin kitaabtooda muqadaska iyo aayaadkooda Qur’aanka ay haystaan baan (Inshaa Allaahu Tacaalaa) wax ka akhri doonaa.

Intaasoo dhani waxay Ilaahay ka rumeysan yihiin, waxay Nabiyada ka rumeysan yihiin, waxay kutubta Ilaahay ka rumeysan yihiin, Aakhiro waxay ka rumeysan yihiin wax yaabo badan baan ka hadli doonaa (Inshaa Allaahu Tacaalaa).

Waxaad arki doontaan oo maqli doontaan, waxyaabo badan oo dhagaha qofka muslimka ahi haduu nadiif yahay ina maqlo aanan habooneyn, laakiin waayuhu igu qasbaaya maadaama wax walba meel kasta laga sheegayo in qofka la talaalo uu u baahan yahayoo asagoo qaawan amase meel banaa laga helo ama waxa la rabo lahu shubanin.

Hadafkeyga ugu weyn ama ujeedadeyda waxa weeye in xaqa iyo baadilka ay cadaadaanoo {{ لِّيَهْلِكَ مَنْ هَلَكَ عَن بَيِّنَةٍ وَيَحْيَىٰ مَنْ حَيَّ عَن بَيِّنَةٍ }}.

Intaa ka dib baan caawa (Inshaa Allaahu Tacaalaa) si guud iyo qeybahay kala ahaayeen iyo meelahay kala degeen iyo dawladahoodii baan dul mari doonaa.

Erayga (Shiica)
La Yiraahdo Macnahiis.

Waqriga Tashayuca la yiraahdo ama shayada ereygaas Shiinka iyo Yada iyo Ceeynka ka kooban waa eray luqada carabta ka mid ah kutubo badan ay ka wada hadleen:

  • Waxaa ka hadlay Jowhari saxiix wuu kaga hadlay ,
  • Waxaa ka hadlay Azhari,
  • Waxaa ka hadlay Ibnu Dureyl,
  • Waxaa ka hadlay Ibnu Manduur,
  • Waxaa ka hadlay Zaidu Taajuril Caruus

Kutubyo luqya iyo qawaamisto dhan hadii aad u tagto ereygaan luqad carabi ahaan maxaa lagu yiraahdaa (Shiin Ya iyo Cayn) baad ka raadin daamadaa sheyaca la yiraahdo ama xarafka dambe kitaabka qaamuska haku saleesnaado si uu kala horeeyo ama xaraf kale haku saleesnaadee.

Erayga shayaca la yiraahdo culimada markey soo ururiyaan fii-luqatil-Carab isu hiilinta iyo is garabsiinta la yiraahdaa. Koox kasta oo isu hiilisa oo garab isu noqota waxay isu yihiin Fii-Luqatal-Carabi (Shiicatun) baa la yiraahdaa nin markuu nin hogaamiye kooxeedoo meel jooga.

Inaga hada luqadeena uu muryaan iyo dadka askarta haysiyo kuwa asaga xufula la ah, isaga iyo xulafadiisa hebel iyo shiicadiisaa la yiraahdaa luqada carabta, macna shiicatu ama ansaaruhu wa adbaacahu kuwa asaga garbka u ah.

Ama qabiil ha isu hiiliyaan ama fikir mabda’ ha isugu hiiliyaan ama maslaxa ha isugu hiiliyaan waxay tahay ha isugu hiiliyaan koox kastoo is uruursata ooo wax isugu hiilisa oo dadka iska xigsata baa Fil-Luqatil-Carab waxaa lagu yiraahdaa (Shayacahu) shiicatun baa la yiraahdaa taa waa luqada carab ahaan.

Gabayadoodii iyo maahmaahoodii iyo hadaladoodii ay ku badan tahay.

Qur’aankuse afar macnaa ku timid lafdigaa (Shiinka Yada iyo Ceynka) ka kooban;

Mar waxay ugu timid: xigto iyo qaraaba dad wada ah, qisadii Nabi Muuse (Suuratul-qasas) marka laga hadlaayay.

وَدَخَلَ الْمَدِينَةَ عَلَىٰ حِينِ غَفْلَةٍ مِّنْ أَهْلِهَا فَوَجَدَ
فِيهَا رَجُلَيْنِ يَقْتَتِلَانِ هَٰذَا مِن شِيعَتِهِ وَهَٰذَا مِنْ عَدُوِّهِ ۖ
(15) { سورة القصص}

Min caduuwihi qibtiyiintii buu ahaa Fircown iyo qoladiisa ahaa, shiicatihina reer banii israaiil buu ahaayoo ciddiisa ahaa {هَٰذَا مِن شِيعَتِ} ninkaani cidiisii iyo xigtadiisii iyo qaraabadiisii reer banii israaiil buu ahaa, (وَهَٰذَا مِنْ عَدُوِّهِ) kana qoladii colka ahaayeen buu ahaa. Marka ereygan lafdu (shiinka yada iyo ceyntaas) bi macnaa dadka xigtadii nasabka iyo qaraabada wadaagaa loo isticmaalaaye Qur’aankiu ay ku timid.

Macnaha labaadna: Qur’aanka wey ku timidoo dadka isku mabda’ ah ee isku diinta ahna quraanka waa lagu sheegay (wa Fii-Surat Saafaat) Ilaahay qisada Nabi Nuux markuu sheegay ee yiri:

وَلَقَدْ نَادَانَا نُوحٌ فَلَنِعْمَ الْمُجِيبُونَ
(75) { سورة الصافات}

Qisada markii la dhameeyay…! { ثُمَّ أَغْرَقْنَا الْآخَرِينَ}

وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِ لَإِبْرَاهِيمَ
(83) { سورة الصافات}

Nabi Nuux iyo Ibraahiim (Caleyhima-Salaam) waqti dheer baa u dhaxeeyay, laakiin waxay wadaageen (Wa inna min shiicatihii) dadka la diinta ahaa Nabi Nuux waxaa ka mid ah (La’Ibraahiimu) baa ka mid ah. Sidaa darteed qof kastoo muslim ihi qofka muslimka ehee kaleeto waa la dhihi karaa maadaama mabda’ iyo diin ay wadaagaan (Hadaa min shiicatii) kooxayaday isku diinta aan nahay weeye.

Hadaba kooxda isku diinta ahna daka diin iyo mabda’ wadaagana shiicay isu yihiin qur’aankana waa isticmaalay.

Macnaha sedexaad: ee uu quraanka isticmaalay waxa weeye, koox gaar u taagan:

إِنَّ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا لَّسْتَ مِنْهُمْ فِي شَيْءٍ ۚ
(159) { سورة الأنعام}

Kuwa diintooda ku kala tagay oo (wa kaanuu) ahaayeen (shiciyan) koox koox noqday, waxaa la mid ah ahay Aayadii Surat-Ruum ahayd:

مِنَ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا ۖ كُلُّ حِزْبٍ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ
(32) { سورة الرّوم}

Kuwa diintooda qeybiyay (wa kaanu shiyacan) koox koox noqday iyaga laftoodu waa qeyb ka mid ah. Waxaa kaloo… aayadu marka quraanka saaso kaleeta jira koox marka la sheegayo.

وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ فِي شِيَعِ الْأَوَّلِينَ
(10) { سورة الحجر}

Kooxihii hore iyo ummadahii hore baanu u soo dirnay.

Macnaca afaraad: ee uu qur’aanka isticmaalay baa waxaa ka mid ah dadka ahwaa kala duwan iyo mabaadi kala duwan marka ay qaataan ee qilaafna dhex yaalo.

(Fii-Surat: al-Ancaam) Ilaahay subxaanahu wa tacaalaa:

(قُلْ هُوَ الْقَادِرُ عَلَىٰ أَن يَبْعَثَ عَلَيْكُمْ عَذَابًا مِّن فَوْقِكُمْ أَوْ مِن تَحْتِ أَرْجُلِكُمْ أَوْ يَلْبِسَكُمْ شِيَعًا (65
{ سورة الأنعام}

Inuu koox koox idinka ka dhigo is qilaafsanoo is leynayo iyadoo ahwaa isqilaafkii dagaal la socdana dad isku baaba’aayoo kad isku haysoo soomaalida qabiil qabiil isu leedahiin oo kaleeto quraanka waa isticmaalay.

Afartaa macnaba qur’aanka waa isticmaalay, macnaheed guud ahaan waxaa la mid ah:  (Walaqad )  Ayaad kale la mid ah.

Sunnada Nabiga (Caleyhi Salaatu-wa-Salaam) waxay ku timid iyadoo bi-macne luqad ahaan looga jeedo, kooxda qofka raacsan looga jeedo inta aan garanaayo.

Xadiiskii Qawaarijta

Axaadiith oo sugan baa jira uu Imaam Axmed ibn abii Caasim Fi-Sunna uu ku weriyey sannadkiisuna saxiix yahay.

Waa xadiiskii qawaarijta weeye ninkii Nabiga u yimid ee Rasuulka Ilaaheyoo (Icdil Famaa laka cadalta) xoolaha aad qeybineeyso cadaalad ku samee inaad cadaalad u qeybisay iima muuqatee. Indha adeegiisa fiiriya.

”Nabiga (Caleyhi Salaatu-wa-Salaam) oo xoolo qeybinaaya qanaa’imkii (Xuneyn) qeybineeya buu intuu u yimid buu wuxuu yiri:

(Wa-Allahi ina haadihii la qismatun maa uriidu bihaa wejhu-Laahi) Ilaahay baan ku dhaartee waa qeyb aan Ilaahay dartii loola jeedin yaa Muxammad.

Maxammadow ”Icdil Famaa araaka qad acdalt.”

Iima muuqato inaad cadaalad wax u qeybineesee, cadaalad wax u qeybi.

Markuu dhaqaaqay Nabiga (Caleyhi Salaatu-wa-Salaam) baa wuxuu yiri:

Ninkaas (Ina lahu shiiycatan yatacamaquuna fiddiini)

”Koox buu wuxuu leeyahay (Shiicatan) kuwo garab istaagoo u hiiliyo isaga raacuu yeelan doonaa oo diinta ku xeeldheeraado oo (yamuruqo mina diini kama yamruqu sahwi) xadiiskii qawaarijta aakharkiisii.”

Xadiis kaloo daciif ayaa jiroo qoladaan qadarka Ilaahay waxbuu horey u sii qadaray diidanba, eeney Ilaahay markii wax dhaca buu ogaadaa (Subxaana Allaah) ama wuxuu hore u sii qoray ma jiraan. Riwaayad qaarkood Iyana Shiiycatul-Naar iyo saas ku tilmaamayaa jiro laakiin riwaaya daciif waaye, xadiiskaan un baan garanaaya., wax sugan oo sax ah Nabigeena ka sugan ah (Caleyhi Salaatu-wa-Salaam).

Ereyga sidaas kitaabka iyo sunnada ahaan loo isticmaalo, macnaha inaga hada aan ka hadleeyno baa isweydiin waxay muddan tahay shiiyca marka la yiraahdo tilmaameysa koox gaar ah oo magic u noqotay oo marka la sheegay iyaga maahanee cid kale aan laga fahmeenin oo isu hiilasayoo garab isa siisay, maxaa looga jeedaa shiiyca yaa la yiraahaa..?

Runtii erygaasi in laga jawaabo dad badan baa isku dayay, oo culimada sunnada iyo kuwa shiiyacada labadaba laga soo bilaabo bartamahii qarnigii seddexaad iyo kii afaraad ee hijrida muddo kun sannad ka hor ah, ilaa xiliga hada aan joogno sunno iyo shiiycaba waa laga hadlaayey (Shiiyca maxaa la yiraahaa).

Raga taariikhda hore ka hadla qarnigii seddexaad iyo kii afaraad ee shiiycada ka mid ah, waxaa ka mid ah ninka raga culimadoodii ninka la yiraahda (Nobakhti) ninka la yiraahda kitaabkiisa firaqu shiiyca iyo ninka la yiraahdo shiyuukhdooda ka mid ahaayoo isna wuxuu leeyahay (Attuusi) la yiraahoo Al-Maqalaat kitaabka la yiraaho iskaleh iyo iyagaa laftoodii shiiyacadoodii, (Shiiyaca maxaa looga jeedaa) war badan baa laga sheegay.

Hase ahaatee marka la eego culimada nin weliba xilliga uu joogay fikir mabda’ iyo mabaadi’da shiiycigu wax hal mar bilaawday ma ahan, waxay soo bilawday isbedelna had iyo goor ku dhacaayay maalinkaa manta isbedel baa ku dhaca, waxbaa laga saaraa waxna waa lagu daraa.

Markastaba culimada xilligaa ay nin waliba joogay heerka uu maraayey buu isku dayey erey qeexitaano sharaxa waxa loogu jeedo shiiyaca marka la yiraahdo inuu tilmaamo. Mudo ka dib wixii wax badan baa iska bedelay waxna waa ka bixi waxna waa ku soo darmi.

Culimadii xilligaa joogtay baa isku dayay inay qeexaan, waqti ka dib hadan isbede baa ku dhici, Culimadii xilligaa joogtay baa isku dayay inay qeexaan.

Hase ahaate markii leysku celceliyo marka leysku soo ururiyo waxaa igula dhowaa ma dhameystirin laakiin waxaa igula dhowaa ninka la yiraahdo (Shahrastaani) kitaabkan uu ka qoray (al-Milal wa Nixal).

Culimada qar badan baa kutubada waxay ka qoreen firaqa muslimiinta iyo firiqii horaba iyo mid weliba waxa ay tahay waxa ay rumeysan tahay yaa odayaal u ahaa, waxaa ka mid ah hadaba kitaabkaan: Muqaalaatal-Islaamiya wal Xassan al-Ashcari baa ka mid ah. Waxaa ka mid kitiaabka uu leeyahay ninka la yiraaho Ibn Xazm (al-Fisal), (al-Milal wa Nixal).  Waxaa ka mid kitiaabka Shahrastaani (al-Milal wa Nixal) ninkaasaa igula dhowaa, wax soo dhoweeya.

Ninkaasi waxa uu leeyahay marka uu ka hadlaayo oo shiiyacada koox ahaan looga jeedo wuxuu leeyahay; Shiiyaca waxa la yiraahdaa kuwa (Cali) gaar ahaan baan Cali u taageersanah yiraahda ugu miilineynaa oo weliba yiraahda Nabi Muxammed markii uu geeriyooday (Caleyhi Salaatu-wa-Salaam) qalaafadii iyo imaamada muslimiinta waxaa iskalahaa Cali, mana aha arin dadka u taala arintaasi arin Illaaheyna qur’aan ku sheegay, Nabi Muxammedna axaadiis ku sheegay weeye Cali inuu madax yahay.

Cali kadbna weligii caruurtuu dhalay iyo faraciisa dhaxal isaga leh, arin weligeed dadka dhex taalana ma ahanee waa arin Illaahey sheegoo iney iyagu hogaankii iyo maamulka leeyihiin.

Waxaa keliya kaga bixin kartaa bey yiraahdeen kacantooda in laga booboo o dulmi inta la sameeyo diinta lagu tunto la xoogo, waxay leeyahiin sida Abuu Bakar iyo Cumar iyo Cuthmaan ay sameeyeen, iyo iyagu iney awood kale ka baqaan iney dhahaan hebelloow adigaan ku saareynaa meesha iyagoo is qarainaayo is gabinaya labadaan waxaan ahayn in gacantooda marnaba kama bixin karto, in la dulmiyoo la cabsiiyo oo sidaa darteed iska wareejiyaan iyo in loo diidoo laga fara maroojiyo la xoogo oo warkii Illaahey iyo warkii Nabiga ee cadeeyay iyagu iney leeyihiin banaanka loo tuuro.

Oo hadana rumeysan intaa weliba ku sii daray, arintaa in la rumeeyo Arkaanta, Iimaanka iyo Diintey ka mid tahay, oo ninkii rumeey waayay ee muslim maaha. Nabiyadu iyo Illaahey waxyiga soo dejiyay iyadoon la cadeynin diinta laga tagana Nabina uma banana Illaaheyna uma banana, sidaa darted aayada qur’aan ku soo degay baa jira iyo axaadiis Nabiga.

Wey inoo imaan doontaa jawaabtey ka bixidoonaa su’aasha marka la weydiiyo, quran’aankii waakanee aaway aayadaha ku soo degay..? Su’aashaas jawaabtey ka bixiyeen wey inoo imaan doontaa markaan hoos u galno.

Waxaa kaloo yiraahdeen markii shiiyacada kooxahooda leysu geeyo wuxuu leeyahay Shahrastaani waxay isgu soo urursadaan dhown arimood:

Imaamada Cali iyo caruurtiisaa iskaleh wan naf quraan iyo xadiis ah oo dood geli karin, imaamyadaasi qalad kama dhaco mid yar iyo mid weyn iyagoo xasuusan iyo iagoo halmaansan midna waa macsuumiinoo xad yar oo qalad ma galaan noloshooda.

Waxaa waajib ah in Cali baa weli noo ah la yiraahdo, berina laga noqdo Cumar iyo Abuu Bakar iyo Cuthmaan iyo intii qadarineeysana beri baan ka nahay la yiraahdo seddex, caqiido looma dhaqmo (Ilaa fii xaali taqiyati) inaad cabsaneysoo is qariso maahanee.

Arintaa dambe imaamyadu waa macsuum iyo sheeqeenka Abuu Bakar iyo Cumar beri ha laga noqdo ha la yiraahdo tuug mujrimiinay ahaayeen waxaa ku qilaafay firiqa Zeydiyada la yiraaho qeybo ka mid ah ma wada aha, waa arki doonaa fikirkaa waxaa qaba seddexda firo ee aasaasiga Zeydiyada qolada Jaaruutyada la yiraah oo ugu weyn fikirkaasay qabaan, labad kooxood ee kale baan qabin.

Hadaba marka warka isku soo ururino waxay dheheen udubka dhaxaadka diinta iyo rukniga aasaaska u ah ee qofka aan rumeynini uu gaal dhiigiisi iyo xoolihiisii xalaal yihiin yahay. Waa inuu cimaamada Nabiga ka debiya hogaanka muslim Cali iyo caruurtiisu ay iskalahaayeen quraanku iyo xiiskuna arintaa ay qeexeen cidii gacantooda ka bixisana dhaalim tuugo oo mujrim uu yahayoo khaa’in ah, muslimiintana ay waajib ku tahay in beri laga noqdo la yiraah kaasi waxba ma wadaagno Illaahey meel xun ha geeyo la yiraahdo, intaasaa waxay u tahay udub dhexaadka aasaaska ah.

Ka dib waxay u kala duwan yihiin caqaaid kala duwan quraanka waxa laga rumeynaayo, quraankaan ma kaamil baa mise qeyb baa maqan, Cali miyuu dhintay mise daruuranuu ku jiraa hilaac iyo onkodka ama gugaca, gariirka iyo roobka markuu da’aayo ma cod malag baa mise waa Cali hadlkiisii weeye ma soo noqon doonaa mise ma soo noqon doono. Ahlu-Sunnahu cibaadada ixasanaadka ay sameeyaan ma iyagaa aakhiro jannada helayo mise shiiyacada la siin doonaa mabaadi kaloo tiro badan wax ka arki doono bey ku kala duwan yihiin.

Laakiin waxay isku raacsan yihiin in imaamada Cali iyo Ahlu-beyka ay iskalahaayeen, Cali iyo durayadiisu ay lahaayeen, kitaab iyo sunnana ay sheegeen cidii ka wareejisana ay dulmiday oo in la beri noqdaa ay waajib tahay aasaas ahaan waa intay isu yimaadeen marka Zeydiyada qeybo ka mid ah laga reebo oo yiri Cali baa lahaa, laakii hadii dadkii muslimiinta Abuu Bakar, Cumar iyo Cuthmaan inay ka hormariyaan ay arkeen, waa un dhib malaha, inkastoonan fiicneynoo qaldameen hadana dhib malaha, iyagaa halkaasi taagan yihiinee, waxba iyagiine waa tuug bay ahaayeen yaan la dhihin, muslimiintii horemarisayna wey gaaloobeenee diintii bey ka baxaan yaan la dhihin.

Intaa waxay ka soo reebeen sidaa darted waxaa ka dhashay mabaadi’ tiro badan, hadii la yiri quraankii iyo sunnada sheegau Cali imam inuu yahay, quraankiina laga waayay  waa see wax u jiraan quraanka kaamil maahan ayaa ka dhalaty waa arki doonaa.

Nimanka weliyo 12 Ciraaq, Iiraan, Xisbullaahi kataabka quraanka ah aanay rumeysneyn inuu kitaabka Illaahay yahay, waan u tegi doonaa.   Hadalkeyga maaha, Hadaladoodii baan keeni doonaa kitaabooda waxay ku qoreen, yara kutub maka qoray quraanka kii Ilaahay beynusan ahayn iyaga culimadoodii waaweyn ka mid ah.

Waxay keentay saxabadii Abuu Bakar madaxda ka dhiga ka warama, wada gaalay ahaayeen todobo marka laga reebo, wala Cumar, wala Abuu Bakar, wala Cuthman wey wada gaaloobeen,

  • Abu Darr
  • Salmaan
  • Miqdaad
  • Camaar

Dhowr nin oo sidaas ugu badnaan qaar baa 14 gaarsiiyay saxaabadii dhameed ogoow, intaa waxaan eheen waa gaaloobeen, saaxaabadu gaalaay ahaayeen baa ka dhalatay ilaa aakhirkeeda. Marka waa mabaadi’ aan u tegidoonoo ma dooneey minhaajka inaan hor dego.

Ereyga shiiyica isticmaalkeeda taariikh ahaan xiliga uu soo bilaawday, koox ahaa is loo isticmaalo markaan nusuusta taariikh ahaan u noqono waxaan ogaaneynaa ilaa xiligii Cali (Raddiya-Allaahu Canhu wa-Ardaahu) geeridiisa laga soo gaaro koox shiica la yiraahdo oo gaar loo yaqaanaa ma jirin.

Koox kasta oo dhinaciisa isku taageertaba (Shiicatun) baa la dhihi jiri arintaa waxay na tusey natilmaamaya labad arimood:

Heshiiska dhex maray horta xiligaa ka hor Cali (Raddiya-Allaahu-Canhu) markuu qilaafada muslimiinta qabtay, Cuthmaana ay niman dileen waa kii Dalxa ibnu Cubeydullaahi iyo Zubeyr ibnu Cawaam waa kii dhinaca (Kuufa) aadeen Basra dhinaca Ciraaq iyogoo Cali nimankii Cuthmaan dileen waa inaad keentaan hadii kaleetoo madax noogu noqo meysid.

Markii la sii socday sida Imaam Muslim saxiixiisu ku werinaayo nin Xakiim Naaflax la yiraahdo oo Saxaabada ka mid ahaay (Raddiya-Allaahu Canhu wa-Ardaahu) baa wuxuu leeyahay Caa’isha waxaan ku iri; (Li anii nahaytuhaa) Caa’isha waxaan ka reebo iska daa ku iri;

(An taquula fii haateyni shiiycateeni shey’an)

Labadaan kooxood ee Mucaawiye kula la socda iyo kuwa Cali la socda inay hadal ku darsato waan ka reebo iska daa baan iri. Bacdu shaahidku waxa weeye (Fii Haateyni Shiicateyni) qoladii Caline shiicow ku magacabay, qoladii Mucaawiyena shiicow ku magacaabay, macnaa kooxda xaga isu bahe Cali iyo kooxda Mucaawiya hadalka saasoo ka dhigan yahay.

Marka qolo gaaroo shiica loo yaqiinay xilligaas ma jirin, wey soo socotay waa kii dagaalkii (Sifiin) dhacay. Markuu dhacay ka dib iyo qoladii Cali uu hogaaminaayay iyo kuwii Mucaawiye hogaaminaayay dagaalka xun muslimiinta dhex maray xilligaa ka dib waa kii la wada hadlay ee la yiraah (Wathiiqatu-Taxkiim) aan heshiis galno, heshiiskii labada qolo;

Cali (Raddiya-Allaahu Canhu) wuxuu taladiisa u dhiibay oo matalayay:

  1. Abuu Muusaa Al-Ashcari,
  2. Cabdullaahi ibn Qays,

Mucaawiyane wuxuu talada u dhiibay oo matalayay isaga:

  1. Camr ibn Caas,
  2. Ibn Waris Sahl.

Heshiiska la kala qoranaayay baa ereyo badan lagu keenay ereyada waxaa ka mid ahaa;

”Haadaa maa taqaabaa caleyhi Caliyu Ibn Abii Taalib wa Mucaawiyatu Ibn Abii Sufyaan wa shiicatuhumaa.”

Waa wixii heshiisku ku galeen Cali ibn Abii Taalib iyo Mucaawiye ibn Abii Sufyaan (wa shiicatuhumaa) labad kooxood ee kala raacsan. Hadii shiicada qolo gaar loo yaqaan xilligaas iyagaa lagu magacaabi lahaa, labadii qoloba shiicaa lagu magacaabi lahaa, macnaa Ansaartiisyo adbaacda kooxda raacsan bey eheed.

Waxa kaloo ku soo arooray:

 ‘’Wa ana Caliyun wa shiicatahu radduu bi Cabdillaahi ibn Qeysin, wa raddiya bi Mucaawiyatu wa shiicatahu bi Camr ibn al-Caasi .’’

Cali iyo shiicadiis taageerayaashiisuna Cabdilaahi ibn Qeys iyo Abuu Muusaa al-Ashciri bay u dhiibteen taladu iyo xilkooday u dhhiibteen. Mucaawiye iyo shiicadiis taageerayaashiisuna Camr ibn Caas bey ku raali noqdeen inuu matalo.

Habad labdii kooxood ma u jeedaa sheeca lagu magacaabayaa. Barigi macnaheed luqada iyo ansaarta adbaacdii taageerayaashii weeye.

Waxaa kaloo ku soo arooray:

‘’Fa idaa tuwufiya axadun axad xakameyni.’’

Labada nin ee talada labada qolo u dhiibtay midkood haduu geeriyoodo, hawshii oo socoto ayaa midkood geeriyooday see la yeeli..?

‘’Falli shiicatihii wa ansaarihii an yaqtaaruu makaana.’’

Kooxdiisa iyo taageerayaashiisa inay booskiisii qof kale doortaanoo keensadaan iyagaa xaq u leh, labadii qoloba hadalka waa u yaalaa, ereyo badan saas oo kale lafdigaa shiicatu labadaba loo isticmaalayo baa aad ugu soo noq noqonaayay, waa xilli hijjriya taqriiban 37dii meelaha ay eheed weeye.

Halkaa waxaa ka muuqata xilligaa ka dib buu seddedoo sanno Cali geeriyoon doonaa (Raddiya-Allaahu Canhu wa ardaa) hadaba ereygani, eray xilligii Nabiga koox jirtayna ma aha, kooxihii iyo khulafadii hore seddexdii jirtay, kooxaad u jirtayna ma aha, xilligii Cali koox jirtayna maaha. Laakin aasaaska dhax dhigu koox ahaan yaanay u jirinee Cali wuu ka horeeyay (Raddiya-Allaahu Canhu wa ardaa).

Fikirka Shiicada

Sidaas darted baan qodobka waxaan rabaa inaan kaga hadlo fikirka shiicadu.

  • yaa soo billaabay,
  • side ku billawday,
  • maxaa aasaas iyo mabaadi’ u ahaa,
  • isbedeladee buu sameeyay,

Inaan si gaabanoo taariikh ahaan u dul maro inaatan koox koox iyo firqa ahaan u gelin, baan soo gaabinaayaa mudo an rajeynaya inaney shan daqiiqo ilaa toban ka badanin.

Fikirkaan aasaaskiisa waxa weeye sida ay qirsan yihiin odayaasha iyo culimada shiicada laftooda, eey ku leeyihiin fikirka shiicada aasaas ahaan waxaa luf dhig u ah ama (Nobakhti: Fii-Faraqi Shiica) uu ku sheegayo isla iyaga culimadood waaween ka mid ah. Ama (attuufi: Fil-Maqaalaat) uu ku sheegayo ama xataa mutta’aqiriintooda dambe ay kutubtoodii ku cadeeynayaan, wey qirsan yihiin.

Nin la yiraahdo Cabdullahi ibn Saba, Cabdullahi ibn Saba wuxuu ahaa nin reer Yemeneed ah wuxuuna ugu nasab sheegataa qabaa’ilka Yemeneed ee carbeed een asalkoodu Qureyshta aheenee (Ximyar) la dhihi jiri. Hasa ahaatee kutubta taariikhda waxay u badan tahay inaan reerka Ximyar la yiraahdaa u dhalanee uu ku dhax dhaqmay, laakiin asalkiisu uu ahaa dadkii meesha deegaanka u ahaa ee Yemen ku noolaa ee Yuhuuda aha. Qoys ahaan reer bani Israa’iil buu u dhashay, dhaqan ahaana nin reer Yemeneedoo reer Ximyar quud iyo qaaraan la wadaagoo ku dhax dhaqmay buu ahaa.

Ninkaasi xilli lagu qiyaasay qilaafadii Cuthmaan horaanteedii ama dabayaaqadii qilaafadii Cumar (Raddiya-Allaahu Canhu wa ardaahu) buu wuxuu ahaa dadkii sheegtay inay (Islaameen), oo islaamka uu qaatay. Kadib markii uu mudo joogay qilaafadii Cuthman 12 sanno markey ka soo wareegtay, wax yarna ka laaban yahay buu wuxuu billaabay wax la yiraahdo mabda’a isagaa billaabay sida shiicadaba qirsan yihiin Nabi hadii uu dhinto isagoon xilka iyo maamulka cidna kula dardaarminoon caddeynin ma dhinto Nabi.

Nabi Maxammed hadaba wuu dardaarmiyoo xilka iyo maamulka gadaashii dad gaaruu u magacaabay, cida ugu xaq badana waa Ahlu-Beydka, Ahlu-Beydkana waxaa ugu fadli badanoo koow ka ah Cali ibn Abu-Talib. Sidaa darted Nabiga wuxuu kaga tagay oo dardaarmay qilaafada Cali ibn Abu-Talib inuu iska leeyahay, aritaa wax yiraahda oo mowduucaa dhaqaajiya fikradaa keenay inuu Cabdillahi ibn Saba ahaa ugu horeeyay xataa shiicada badankooda waa qirsan yihiin ragoodii hore ee taariikhda wax ka qoray.

Ninkaasaa bilaabay, Ninkaas hadii uu bilaabay Cuthmaan (Raddiya-Allaahu Canhu) wuxuu aha dhowrkii nine e dadka ku kiciyay ee Masar iyo Ciraaq isga keenay kooxdii Cuthmaan ibn Cafaan (Raddiya-Allaahu Canhu wa-ardaahu) dishay. Hase ahaatee nin wuxuu ahaa aad qatar u ah, raga wuxuu ahaa ereyaha laga soo guuriyo abaabulna ha sameeyo laakiin aan is muujin isagoo la ogyahay aa meelaha safka hore iyo jiida hore iyo fagaaraha is keenin buu ahaa.

Cuthmaan baa la dilay (Raddiya-Allaahu Canhu wa-ardaahu) Caline khilaafadii baa loo dhiibay, Cali oo nool baa wuxuu billaabay fikarka markii dambe culimadu taariikhhda ay u bixiyeen (al-Fikri Saba’i ama As-Sabaiyatu) Cabdillaahi ibnu Saba kooxdii ku lug lahayd isaga. Waxay culimadu sheegayaan ragaaba labada leh isaga soo aasaasay leh shiicada qeybaheeda kala duwan bay ka mid yihiin.

Qoloda Isamaaciiliyada la yiraahdo ninka ma’ariqooda ah ee (Abuu Xaakim Raazi) la yiraahdo kii (Muxaddiskaa) maaha, kutubtiisa wuxuu ku leeyahay ninkaasaa fikirkii dhagax dhiga u horeeyay, dhagax dhigay, qolodaan shiicadaan kale ee (Ithnaa-Cashariyada) la yiraahdo nin shiikhooda Mucaasirkooda iyo raga aayaadkooda ka mid ah hada mar dhow dhintay (DuqwaAnsaari) la yiraahdo oo isna taariikhda wax ka qorayne wuxuu leeyahay ninkaasa noogu horeeyay wax dhagax dhiga kuwii hore culimadoodii hore keliya maahan xataa kuwooda dambe asaa leh.

Ninkaasi Cuthmaan markii la dilay (Raddiya-Allaahu Canhu wa-ardaahu) xilligii Cali bay khilaafkii musliimta dhax dhacay bey aad u soo kaceen, Cali oo joogo bay waxay billaabeen inay yiraahdaan Cali waa (Macasuum) isagaa keenay fikirkaa hadaba Cali sidiisaba qalad kama dhaco.

Qeyb baa ka babadisay markii isaga xawliga ka dheereysay waxay yiraahdeen (Cali waa Illaah) waa qeybta kutubtu hore saxiix ay xafaday taariikhdu Cali intuu qab qabtay inuu dab ku guray isaga oo nool dadka qaarkood waxay yitaahdeen hadan uun baan ogaanay inuu (Ilaah) yahayoo, Ilaahay baa naar wax ku cadaabo, sow dab muun wax ku cadaabin, waa Ilaahba. Qaar buu saa u xirxiray isaga wax cad waa lagu waayay Cabdullahi ibnu Saba ninkii ahaa wax ku cadeeyo waa la waayay.

Dadkii oo dhana waxaa la leeyahay waakan ninkii waxaa ka dambeeya, wuu ka ceeriyay marka Ciraaq iyo meeshii uu joogay Cali (Raddiya-Allaahu Canhu wa-ardaahu) tuulooyib baa loo ceyriyay lagu musaafuriyay laakiin nin habeen iyo maalin toona seexdaa ma ahayn halkii baa ololahiisa ka sii waday.

Cali oo nool baa hadanu wuxuu billaabay inuu yiraahda Cali wuu ka tegay adduunka laakiin dhiman maayo (Wali-Daalika) iyaga laftooda waxay leeyihiin ninkani fikirkaan uu sii rumeysnaa maalinkii isagoo fadhiyaa loo sheegay Cali waa la diloo la yiri wuxuu yiri ma dhimanin kor buu aaday wuuna soo noqon doonaa. Xilligaa waa tii Imaamu Muslim (Muqadimada Saxiixiisu) uu ku keenaayo qisadii (Jaabir bin Maziid bin Jucfi), aayad quraanaa la sheegay markaasu yiri:

(Lam Ya’tii Ta-wiiluhaa bacd) aayadaan wax aka hadleeso lama gaari weli.

Nin culimadaa la weydiyay waxaa la yiri ninkaan muxuu ka hadlaayaa ee aayadaan lama gaarin macnaheeda uu leeyahay, wuxuu yiri: (Kaddaba Cadduwu-Laahi) beenaale waaye. Wuxu ula jeedaa, wuxuu leeyahay aayadaan waxay sheegeysaa Cali baa daruuraha ku jiroo soo noqon doono bey sheegeysaa uu remeysan yahay buu yiri qaa’inkaas.

Marka wuxuu yiri Cali ma dhimanin ee wuu dhuuntay, mana dheera goorta uu soo noqon doonoo rag badan oo xukunka iyo maamulka ka boobo Abuu Bakar, Cumar horgal u yihiin inta la soo nooleeyoo la daldalo qoorta la jaro tiirashaa lagu xiri doonaa ma dheera, fikirkaas hadana uu dhex dhigay (Caqiidatu Rajca) la yiraahdoo iyana waan ka hadli doonoo.

Wuxuu ku aasay inuu yiraahdo onkadkii aad maqleysaan waa canaantii Cali hilaaca aad aragtaana waa Caliyo daruuraha u gacan qaadayo usha ku dhufanaayo weeye. Qisat dheer oo halkaas kaleeta ahna wuu dhax dhigay, wuxuu kaleetoo keenay mabda’ kaleeto la yiraahdo (Aalu Beytku) cilmi sir ah oo qaas ah oon cid kale ummada Nabi Maxammed ka midoo og jirin, oo ogyihiin buu keenay.

Waa tii keentay Cali oo mimbarka saran in la weeydiiyo, Caliyoo Rasuulka Illaahay alhu beydka hadaad tihiin ma waxbuu gaar idinkaga dhigay sida Saxiix Bukhaari ay werenaayaan, wuxuu yiri Wallaahi baan ku dhaartee waxba maye.

Ilaa qodkii Ilaahay faham quraanka ka siiya waa gaar iyo seefteydan warqada ku lamaan maahane, markaasa la yiri warqada noo sheeg waxa ku qoran, ninka muslimiinta la qafaasho in la soo furto iyo dadka muslimiinta ah dhiigoodu inuu isku mid yahay, dhowr mas’alo (Axkaamul Jaraaxaad) ka mid ah buu sheegay, oo warqad ugu qorneyd Nabiga uu ka qortoo seefta ugu lamaaneyd.

Seddex jeer meeshuu ka akhriyay wax jira ma dhimanin, laakiin isgaa wuxuu keenay siday wada qirsan yihin. Imaamadu waxaa iskaleh ahlu beytka iyo Cali baa iskalahoo waa nas intii kalena way dulmiyeen, waa macsuum oo qalad kama dhaco, wuu dhuunayoo ma dhimanin wuu soo noqon doonaa, cilmi sir oo qaad ah bey ahlu beydku is leeyihiin, waxyaabahaas oo dhani buu keenay waana nusuush ugu waaweeyn ee madbka shiicada (Ithnaa-Casharigu) uu ku saleesan yahay.

Markii Cali la dilay ahlu beydii xanuunka muslimiinta soo gaaray, caatifad badan buu helay fikirkii ahaa waxaa lagu gabanaayaa shaatigu, ahlu beydkaan u gargaareynaa aanu u hiilileynaa.

Shaatigii baa sii weynaaday mudo ka dib waa kii hadana uu dhintay Xuseen ibn Cali (Raddiya-Allaahu Canhu wa ardaahu) waa tan maalintaa maatamka iyo baroodiiqda tobonka Caashuura Muxarram Karbala ay ugu sameeyaan ay is garaacaan ma arag tan la xusuno, iyadana waan ka hadli doonaa waxa la yiraahdo (al-Matumal Xuseyniya) hadii Alle yiraahdo iyo waxay ka qabaan iyo mabda’ooda iyo waxay ku saleesan tahay waa ka hadli doonaa haduu Alle yiraahdo.

Laakiin xuseen markii Karbala lagu dilay sidaan habooneen oo qaab daran ay u dileen nimankii reer (Bani Umayah) iyadana aad bey u kacday intaa waxaa jiray oo keliyah culimada taariikhda siday ay leeyihiin kooxda (Saba’iyiinta) la yiraahdo oo dhagax dhigii koowaad iyo beeritaankii kowaad la lahaa, markii Xuseen Ibn Cali la dilay ka dib kooxda la wadeegtay hogaankii, Xuseen hota markii la dilay bey kooxdaa wey kala jabeen.

Xuseen ibn Cali waa la dilay yaa gadaashii imaamada iskaleh baa leysu qabsaday, qolo waxay yiraahdeen owlaaduu Cali dhalay owlaadii Cali baan isku ogeynee, owlaadii Cali baa nool qaar waxay yiraahdeen maya. Owlaadu Cali weeye kadibna owlaada Faatima ay u dhashay Cali keliyaa imaamada iskaleh, owlaad kale ee Cali kuma jiraan halkaa waa la kala jabay.

Nimanka (Insaaniya) la yiraahdo oo ninka Insaan la yiraahdoo baa wuxuu aasaasay koox leh, Cali caruustiisii Maxamed ibn Cali ibn Abii Taalib wa ibnul Xanafiya loo yaqaanaa nool, isagaa imaamada iskaleh. Qoladii kalena waxay dheheen may Caliyu ibnul Xuseen (Seyidul-Caabidiin) ninka la yiraahdo baan iskaleh.

Halkaa labadaa kooxood baa ku kala jabay keysaaniyadii hadaba ninkaas Keysaan la yiraahdoo Cali (Mowligii) uu xoreeyay ahaa, Maxamed ibnul Xanafiya arday u ahaa baa wuxuu yiri anigoo xujjo iyo daliil baan u haystaa inuu imaamada (Maxamed ibnul Xanafiya) iskaleeyahay, oo maxaad u haysataa..?

Wuxuu yiri dagaal (Jamal) maalinkii la galaayay raayadii iyo calanka lagu dagaal galo Cali wuxuu u dhiibay (Maxamed ibnul Xanafiya) sidaas darted wuxuu ku tilmaamayey isgana imaamada raga leh inuu ku jiro, isagii baa nooloo caruur kale la siin maayo.

Qoloadii kale waxay dheheen maya, owlaada Cali markii hoos looga soo dego owlaada Faatima waaye, (Xasan iyo Xuseen) bey ahaayeen. Xuseen baa dambeeyay owlaada Xuseen bey ku sii hari. Hada ninka haya caruurtiisa ninka ugu weyn, wiilashiisa midka ugu weyn baanan dhaxalka yeelan.

Halka hadaba qolada (Keysaaniyada) la yiraahda ka baxday, keysaaniyadii waxaa yimid ninka la yiraahdo (Muqtaar abi Cubeyd as-Sakhafi), Muqtaariyay isu bedeshay Keysaankiina wuxuu noqday hogaamiyaha ciidanka, garabka ciidan ee (Muqtaar abi Cubeyd as-Sakhafi) Iyana mar baan caqaa’idood ka hadli doonaa hadii Alle yiraahdo.

Ilaa aakharkii wuxuu sheegtay Nabinimo (Muqtaar abi Cubeyd as-Sakhafi) xilligii saxaabada noolaa markaasuu waxaa dhacaayaa, sidaas darteed markii Cabdullaahi ibn Zubeyr ee 72dii la dilay, ee Xajjaaj binu Yuusuf uu Asmaa binu Abuu Bakar u yimid ee ku yiri seed u aragtaa sida aan ku sameeyay cadduwullaahi,

Waxay tiri (Asmaa bintu Abuu Bakar) Nabiga Illaahy wuxuu inoo sheegay ee reer (Thaqif) qolada la yiraahdo labad nin baa ka soo bixi doonaa:

  1. Kadaaban
  2. wa Mubiiran

Kadaaban nin beenaala ah Wa Mubiiran nin mufsidoo dhiile caba ah, (Amal Kadaabu Faqad Ra’eynaahu) Beenaalahii waanu soo aragnayoo (Muqtaar abi Cubeyd) buu ahaa, kii mufsidka dhiigyicabka ahaana (Amal Mubiiru Falaa Yuqaaluka ilaa iyaahu) Adiga inaad tahay maahe qof kale u maleyn maayo, waxaan u maleynaa mufsidkii Rasuulka inoo sheegay ee reer (Thaqif) inaa adiga tahay uun baan u maleyn.

Waxaan u arkaa bay tiri (Afsata Caleyhi Dunyaahu wa Asa’ta Caleyka Aakhirataka ) Aduunkiisa inaad ka fasahaadisay oo ka baa’bisay, isna aakhiradaa inuu baa’biyay baan u arkaa bey tiri maxaad ii weydiin Asmaa bintu Abuu Bakar (Raddiya Allahu Canhaa) waa saxaabiyyada jaliilada ahayd.

Mukhraatiya la wadeegtay marka, ninamkii Mukhtaar abi Cubeyd dagaal badan buu galay. makhtulul Xuseen baan ka dagaalamaayaa buu yiri.

  • Markii dambe isga (Wisaayaa) dardaaranka uu yahay buu sheegtay.
  • Markii dambe wuxuu sheegtay isaga in loo Mahdigii Muntadarka la sugaayo inoo yahay.
  • Markii dambe waa sii dhaafayoo Nabi loo waxyoonayo inuu yahay buu sheegtay.

Dagaaladii uu gal baa fikrad kale halkaa ka soo aasaasantay, wuxuu ugu sheekeeyay ragii hogaanka ciidankiisa ahaa, dagaalada soo socda iyaa waxaa la ii waxyooday inaan ku adkaan doono, saa qab iya dagaalkii yiri iyaga baa dhegta inta lagu dhuftay bay hal dhumo iyo hal dhax raac noqdeen.

Ninkii wuu u yimidoo wuxuu yiri war ninyow waa la ii waxyoodaay lahaydee, dagaalka waa ku guuleysaneynaa waa adigii lahaayee seey wax u jiraan. Wuxuu yiri (Haakada Bada’ Lillaahi) Illaahay (Subxaana Wa Tacaalaa) isagaa ii sheegay inaan adkaan doono, hadan kadib isaga unbaa isbedeloo saan la qumanaatay aniga been kuuma sheegin.

Ereygaas wuxuu noqday laf dhagax dhigii ugu horeeyay caqiidada la baxaday, (Caqiidadul-Bada’) oo usuusha caqiidada ugu waaweeyn nimanka (Ithnaa Cashariyda) ka mid ah. Waa Caqiidadul-Bada’ macnaheeduna uu yahay Ilaahey marar badan waxaanu qorsho ku darin kuna talo gelin baa ku soo baxa markaasuu wax kala bedelaa (Subxaana Allaah). Wey inoo imaan doondaa mar labaad iyadoo soo noqoto qisaa lafteeda.

Waxay yiraahdeen marka 70 hijrada mar ka la gaaro dawlada shiicadaa istaagi dunidoo dhana waan qabsaneynaa. Todobaatankii baa la gaaray waa la soo dhaafay wax soo naasacad baa la waayay, war heedhe waa idinkii na yiri waxyigii Ilaahay ba yimid, oo 70ka dawlad shiicaan dhalan maxaa dhacay, (Haakadaa Bada’Lilaahi) bey dheheen. Ilaahay sida marka hore isagaa noo sheegay inaa dawladanagu dhalan doonto, hadana isag un baa isbedeloo sidaa la qumanaatay (Xaqiiqatu Bada’) waa sii socot sow uma jeedid.

Halkaa qolaa ku hartay Caliyu ibnu Xuseen (Zenul-Caabidiin) baa geeriyoodan (Raximahullaahu Tacaalaa) rag buu ka tagay waa leys qabsaday marka, ragii waxaa ka mid ahaa (Zeyd ibn Caliyu ibnu Xuseen) iyo (Maxamed ibn Caliyu ibnu Xuseen) (al-Baaqir) ninka la yiraahdo (Abuu Jacfar).

  • Qol waxay yiraahdeen imaamada Zeyd baa iskaleh
  • Qola waxay yiraahdeen maya, waxaa iskaleh imaamada (Maxamed al-Baaqir)

Qoladii Zeyd baa iskaleh tiri waa nimanka (ZEYDIYA) loo bixiyay ee Zeydiya la yiraahdo waa taa’if iyo koox aan ka hadi doonaa mabaadi’dooda iyo waxay rumeysan yihiin taariikhdoodu iyo meelaha ay joogaa (Inshaa Allahu Tacaalaa).

Qoladdii Maxamed al-Baaqir baa iskaleh tiri Abuu Jacfar ibnu Caliyu ibnu Xuseen (Abuu Jacfar) baa iskaleh tiri, kadib waxay dheheen dhalaxkiisa waxaa qaatay wiilkiisii Abuu Cabdillaahi Jacafar ibn Maxamed al-Baaqi, Jacfar as-Saadiq la yiraahdo. Jacfar gadaashiina waxay mabda’ ka dhigeen Ilaahay wuxuu noo waxyooday hadee wiilka curadka ahaa qaatay maalinimada odayga markuu dhintay ka dib. Wiilasha uu dhalay ka waxaa ka mid ah hadab Jacfar as-Saadiq:

  • Ismaaciil ibnu Jacfar
  • Muusa ibnu Jacfar oo (Muusal-Kaatib) loo yaqaano

Ismaaciil baa weenaa marka Ismaaciil duqii, Jacfarkii oo nool ayaa Ismaaciil dhintay, soo lama dhihin Ilaahay baa noo waxyooday wiilka curadkii abahii wuu ka dambeyn oo isaga gadaashii ayaa imaamnimada iskaleh, ee odaygii oo nool buu wiilka curadka ah dhintay waa la kala jabay.

Qolo waxay yiraahdeen ma dhimanin ee wuu dhuuntay, waa nimaka Ismaaciiliyada la baxay weeye, ee hada ay ka midka yihiin:

  • Nuseyriyada
  • Duruusta
  • Baharada
  • Cagaqaanka
  • Makaarimadaasoo qeyb Baharda ka mid ah iyo.

Dhamaantoo ay ku abtirsadaan waa Ismaaciiliya nimanka la yiraahdo weeye.

  • Waa nimankii Zeydul-Cubeyd Faatimaya soo maray,
  • Waa nimankii Yemen dawlooyinka ku soo yeeshay ninka la dhihi jiray (Mansuural-Yemen)
  • Ibnu Xowshab ninkii la dhihi jiray,
  • Ninkii Caliyu ibnu Fadli la dhihi jiray
  • Nimankii dawladii Suleexiya la dhihi jiray taariikhda Yemen aadka u soo martay nimankay ku abtirsadaan weeye, iyagii baa kooxo sii noqon doona oo sii qeeqeybsami doona hada…

Nimankii kale  qolona Ismaaciiliyaha loo bixiyay koow, (Sacbciyaha) waa la yiraahdaa (Baadiniyana) baadin iyo diintu waa (Baadin iyo Daxir) bey dheheen, markaan ka hadalnaad fahmi doontaan (Baadin iyo Daxir) waxa looga jeedo, salad Ilaah looma dukado Imaamadaa loo dukadaa baa idinku soo socota, waxayna weligiinba maqlin

Qolodii tiri (Muusal-Kaadim) baa waxaa la yiri bal nimanyahow wiilka ween baa leh baa waxhi Ilaahay na yiri baad Ilaahay qadaray baad dhahdeen hadana Muuse oo ka yar baad ku wareejiseenoo Ismaaciil duqoo nool buu dhintay see wax u jiraa.

Waxay dheheen:

(Bada’a Lilaahi fii-Ismaaciila Maa-Lam Yabdu Lahu Fii Qeyrihi Abadan).

Ilaahay Ismaaciil waxaa kaga soo baxday arin iyo kale oo weligiiba uunka ku jiro ayna soo marain oosan ku tala galin.

Waxay dheheen intii Ilaahay soo martay arin uu ku talagalin oo qorshu wax ka bedeshay, qorshahiisa wax ka bedeshay tan Ismaaciil geeridiisa ugu darned bey dheheen, mana uu ku darsanin Ilaahay qorshaha Ismaacill inuu dhiman doono aabihii oo nool.

Waa caqiidatul-Bada’, marka dambe waxay yiraahdeen saa inaad rumeyso.

(Maa Cubida Allahu bi-Mislil-Bada’)

Wax ka fadli badan oo Ilaahay lagu caabudo inuusan wuxuu ku talagalin u soo baxo ma jiray yiraahdeen, waan kadli doonaa kutubtoodii hadaladay yiraahdeen (Saxiixul-Kaafi) baa kor yaalee (Bahbuudi) uu lahaayee. Insha-Allahu Tacaalaa hadaan haleelo waa idiin soo qaadi doonaa kutaabkaan idiga akhi doonaa.

Iyaga waxa la yiraahdaa hadaba (Ithnaa-Cashariya) waa la yiraahaa (Jacfariyana) waa la yiraahdaa, waxaa kaloo la yiraahdaa (Kaadimiya) Muusal-Kaadim, muusa wiil yarna waa la yiraahda nuusaa baa loo tiriyaa ama (Muusal-Kaadim) naaneestiisa weeye.

Ka dib Muusal-Kaadim Caliyu Ridaa bey magacawdeen, Caliyu Ridaa ka dib Maxamedul-Jawaad bey magacawdeen, ilaa aakhirkii (Maxamed ibnu Xasan al-Caskari) oo dhalanin (Saamira) meesha la yiraah Ciraaq buu meel gudah ku dhuunto yiraahdeen kun saano ka hor, oo inay fardo iyo baqal diyaariyeen haduu soo baxo ha fuulee ay leeyihiin, soo baxeey ay maalin kasta ku haayaan.

Al-Qeyba (al-Imaamul-Muntadar Wal-Qeyba) markaan ka hadleeno baan wax badan maqli doonaa (Saamira) oo asalkeedii la dhihi jiray (Siru-man-ra) mar baad ka hadli doonaa.

Calaa kuli xaal intaasi waa kooxooween, nimakii Ismaaciliyada la oran jiray markii u horeysay laba qeybood bey noqdeen, niman la yiraahdo (Cubeydiyiin) iyo niman la yiraahdo (Qaraamita) nimanka Qaraamitada waa nimankii Ciraaq ka dhashay ee dowlada yeeshay ee muslimiinta (Basra) ku baa’biyay ee xajjka la soo xajiyay 90 kun oo muslimiin oo xujjey ku laayay ee (Xajarul-Aswadka) 15 sanno la maqnaa ilaa 20 sanno (Makka) kal tegay hadaad aragto (Xajarul-Aswadka) sedex meel buu ka dileecsan yahay nimakii jajabiyay ee qeybsaday weeye, nimakii (Zam-zamka) dadka iney laayeen xujeyda ku guray weeye, Qaraamitada nimanka la dhehi jiray.

Marka dowladii u horysa ay yeesheen waxay eheed, hada tilmaan guud baan rabaa inaan bixiyee dee gadaal baan ugu hadli doonaa.

Nimankii Qaraamita la dhihi jiray (Xamdaan Qurmut) ninka la dhehi jiray uu aasaasay ee dhulkaan Ciraaq iyo bariga Sacuudiga (Mantiqada Sharqiya) la yiraah iyo (Baxreen) la dhihi jiray, Baxreen hada la yiraahdo gobolada (Al-Isxaa) la yiraah ee Sacuudiga ayaa iyada ka mid ah dawladoodii ka aasaasantay iyo taariikhda meeshay ka gashay qodobka al-Qaraamita hore baan ka hadli doonaa si kooban hadii Allah yiraahdo.

Dowladaa waxaa xigtay oo garab socotay, dowladii ka aasaasan tahay Yemen labadii nin eey u direen (Caliyu ibnul-Fadli) iyo (al-Xasan ibnu Xowshab), Xasan ibnu Xooshab waa kii dowlada yeeshay qeyb buu qabsaday oo Yemen ka mid ah kana qeyb buu qabsaday Caliyu ibnul-Fadli.

Xasan ibnu Xowshab waa ninkii la bixi jiray (Mansuurul-Yemen) ka dib Faatimiyada ninkoodii Mahdiga la baxayee (Cubeydul-Laahi) mahdi la baxay magaciisa (Saciid) la dhihi jiray runta ah. Inta aanan u yeeranin baa sheekh wuxuu ahaan jiray nin la yiraah (Abuu abdillaahi Shiici) ninkii baa waxaa loo diray (Maghribal-Carabi) dad xujey baa la raaciyay oo qabiilka (Taama) la yiraahdo saan tilmaami doono.

Maghribal Carabi wuxuu ka degay dhulkaan (Faasiyo) (Jazaa’ir) hada gudaheeda ka mid ah, (Saljamaasa) iyo dhulkaasoo degay taageerayaal badan buu helay dad ba fikirkiisii raacayoo dowlad buu ka dhistay, waa kii (Cubeydul-Laahi) ilmaadii xagaa u wareegay kadibna labadii Yemen joogtay waa key isku dhici jireen (Caliyu ibnul-Fadli) iyo (al-Xasan ibnu Xowshab) Caliyu ibnul-Fadli baa adkaaday Xasan ibnu Xowshab maadaama qoloda uu garabka saaray (Maghrib) tagtay kan kalana qolodaii Ciraaq ee meeshaa ka jirtay (Qaraamita) la dhihi jiray buu garabka saaray. Mabaadi’da ay rumeysnaayeen waxay sameeyeen iyo dhacdoodyinkii Yemen ka dhacay yaan imanka taariikh iyo siyaasi ahan waan ka hadli doonaa.

Mudo markey soo jirtay dowladii (Faatimiyada) ahayd halkaas waxay u soo wereegteen (Masar) Qaahirah iyagaa aasaasay (Jaamacal Ahzarna) iyagaa aasaasay madaxdoodii waxay soo socdaanba (Al-Xaakim bi Amrillaahi) markii ay joogaan baa Xaakim bi Amrillaah wiilkiisii qolo waxay dheheen isgaa imaamada iskaleh, qolona waxay dheheen maya halkaasay ku istaageen.

Qoloda Xaakim bi Amrillaah ku istaagay, waa qoloda gabayada u tiriyay Illaaha ka dhigay ee ku yiri:

(Maa Shi’ta laa Maa Shaa’atil-Miqdaaru, Faxkum Fa Antal-Waaxidul-Qahaaru)

Qolodaa waa qoloda Duruusta la yiraahdee (Waliid Jumbulaat) iyo qolodaan (Faysal al-Qaasim) aadka taqaanaan, Waliid Jumbulaad aabihii weeye saan tilmaami doono (Duruusta) markaan ka hadalno, kitaab muqadaska ah ee dariiqada Duruusta la yiraado ay rumeysan yihiin, ninka dejiyay waa Weliid Jumbulaad aabihii (Kamaal), Kamaal Jumbulaad buu ahaa ninka sameyay ileen waa (Waliid bin Kamaal Jumbulaad) weeye, Kamaal Jumbulaad weeye kitaabka muqadaska karaaniintooda ninka dejiyay aayadahooda qeyb baan markaan gaarno ka soo qaadan doonaa.

Qeybtii Xaakim bi Amrillaahi soo dhaafisay oo dowladii (Suleexiya) Yemen ay taageersaneydna waxay soo gaareen nin la dhihi jiray (Manmustansir Billahi) markii uu dhintay buu laba wiil ka tegay (Nazaar iyo Mustacli) ninka wasiiru-dowla ahaa baa walaashii baa waxay dhashay (Mustacli) Nazaarkii buu dilay marka.

Nazaarkii qolo dhinacaa bari iyo Shaam iyo ilaa iyo Iiraan jirtay baa ninkii la dilay tiri isagaa imaamada lahaa oo weynaa (Xashaashiin) bey la baxeen, waa Xashaashiintaa qoloda ay ka soo jeedaan qoyskaan (Agakhaan) fikir iyo caqiido iyo taariikhba.

Qolodii kalena (Mustaliley) ka dhigteen waxay ku dambeeyeen qolodii Yemen waa nimanka (Boharada) la baxay, dowladoodii markey burburtay ka dib Hindiya tijaaro ugu qaxeen ereyga Bohara waa tijaar ganacsato oo reer Hindiya weeye.

Dad dhowr ayaa Hindiya galay, imaamadoodii xagay u wareegteen mudey joogeen kadib bey Yemena qeyb baa ku hartay, hal bey lahaan jireen imaam (Daaci) la yiraahdo ninkii baa ninka mid ah markuu dhintay isu qilaafay, laba nin bey isu qabteen (Suleymaan) nin la yiraahdo iyo (Daa’uud) nin la yiraahdo.

Qolodii Hindiya Daa’uud bey qaateen oo (Daa’uudiya) la baxday, qolodii Yemena ninkii Suleymaan la dhihi jiray qaadato (Suleymaan) bey la baxday. Kuwii Yemen ka dib waxay u bateen dhinacaan (Najraan) iyo gobolkaan Sacuudiya (Makaarimada) weeye, mark dhexdaasay is qabteenoo (Xuseyniya iyo Mu-Xasaniya) labadaa kooxood bey iyaguna u sii qeybsameen calaa kulli xaali waa ka hadi doonaa (Inshaa Allahi Tacaalaa) waxay kala rumeysan yihiin iyo fikar iyo taariikh ahaan.

Amaa qoladii (Ithnaa Cashariyada) ahayd iyagu markii la joogay xilliga ay (Ismaaciiliyadu) baxday, qoladaa Ismaaciilayada markii u horeysay ka falaagoowday ee xilligaa (Qaraamiitada)la xasriga ahayd, waxay ahayd nimanka (Nuseyriyada) la yiraahoo nimanka (Muusa ibnu Nuseyr) ninka la yiraah ku abtirsada qolodaa (Xaadul-Asad) Suuriya haysata so miyadan arag, kuwaasaa (Nuseyriya) la yiraahdaa.

(Wa min Daaka Zaman) ka Ab ka Jad aan muslimiin ahayn, waxay rumeysan yihiin iyagana waad arki doontaan. Waxa kuwaa ka mid iyaga ku abtirsada ninkii la dhehi jiray (Nasirudiin Duusi) ee Kataarka ku soo hogaamiyay Baqdaad iyo muslimiinta 700 kun oo muslimiin ah maalintii la dili doono, muslimiin ay ahayeen nimankii hogaaminaayay, taariikhdooda iyo waayaha waxii soo dhax maray iyana waxbaan ka tilmaami doonaa.

Boharada saasay marka taariikhdoodu ka soo jeedaan (Agakhaankuna) halkaasuu ka soo jeedaa waxay isugu tagaan imaanka (Mustansir Billaahi) la yiraahdo iyaga iuo (Duruustana) Xaakim bi Amrillaahi bey isugu tagaan, iyaga iyo intooda kala ee (Ismaaciiliyadana) badankood (Abuu Cubeyduillaahi Mahdi) bey isugu tagaan, Cubeydullaahi Mahdi iyo Qaraamitadua (Ismaaciiliyada iyo Jacfariyaday) isugu tagaan intaasaa waxaa laysu yiraahdaa Ismaaciiliya.

Intii (Ithnaa Cashariyada) ahayd iyagu imaamkii (Ibnu Xasan Caskari) markii soo gaareen wuu xarooday yiraahdeen ee laba xilli maqnaashahiis u qeybiyeen:

  • Qeyba Suqra: inoo soo noqdo mar dhow la rajeynayey iyo
  • Qeybul-Kubraa: oo quus ah.

Kadib abwaad baa bilaabatay, anaa baabkiisii dad buu sir ula kulma, dad buu si qaas u arkaa (Jiilaani) meel ku lahaa meesha nagaga timid meeshaa weeye. Owliyadaa shirtay Jiilaani baan soo arkaa asalkeedii meesha nagaga timid halkaa weeye.

Markii dambe waa halkaa ka baxeen nimankii (Babiyada) la dhihi jiray ee fafaaraha daarudka Iiraan ku taal ay aasaastay iyo nimakii ka dambeeyay (Bahaa’iyada) la dhihin jiray ee nimankaan (Philip Mason) ay aasaastay saldhigooda ugu weyna ay London iyo magaala la yiraah (Tulah) saldhigooda ugu weyna ku leh Maxamuud Cabaas ay ka tirsan yihiin, oo mabaadii yuu diin loo adeego loo sameeyay.

Sida (Axmadiya) mise Misonba loogu sameeyay gumeysigii isticmaarka, isticmaarka Ingriiska, Hindiya intuu Nabi uga dhigay dadka ugu soo diray.

…. Yemen dowlad ku soo yesheen, xilliya laba qarni sedex qarniya jiray, dowlad (Cubeydiya) oo Maghrib iyo Masar isu martoo ilaa Shaam iyo Xijaas iyo intaba xukumeysay, mudo sedex qani afar qani ay jirtay. Dowladii (Qaraamitadu) hal qani ka badan bey jirtay, dowladii safoyinka ka dambeysay mudo dheer bey jirtay. Nimankii (Booyinka) nimankii la dhihi jiray dowladoodii jirto bey ahaayeen.

Iminkana (Dowlatu Aayaat iyo Wilaayatul-Faqiyo) wax la yiraah, dowlad ay hogaaminaayaanoo ninkii imaam ka ihi, inuu (Salaaxiyaadka) imaamka qaa’ibka yeelanaya ah oo (Wilaayatul-Faqi) la yiraahdo ay hadana rumeysan yihiin, oo iyadana hadaan gaarna ka hadli doonaa oo wax ka tilmaami doono (Inshaa Allah).

(Cumuuman) Hadaba waxaan ka hadli doonaa waxay yihiin inaan marka si guud ahaan ugu soo baxo fikirta intii raadka taariikhda ku yeelatay, iyo inta hada joogintaanka iyo jiritaana leh ee la taaban karo, baan ka hadli doonaa mabda’a iyo waxay rumeysan yihiin, taariikh ahaan waxaan ka hadli doonaa. Maadaama (Mukhtaar ibnu Abii Cubeyd) dowlad uu yeeshay wuxuu rumeysnaa iyo muxuu sameeyay markuu awooda yeeshay waan ka hadli doonaa.

Tusaale: waxaan ka hadli doonaa nimankii (Qaraamitada) ahaa maadama dowlad ay yeesheen iyo jiritaan maxay rumeysnaayeen maxayse sameeyeen markii dowlada yeesheen.

Waxaan ka hadli doonaa nimankii Yemen:

  • Mansuuril-Yemen Xasan Ibnu Xowshab iyo
  • Caliyu ibnul-Fadl

Ee labadaa Yemen ku kala yeeshay maxay sameeyeen maxayse rumeysnaayeen (Inshaa Allah) waan ka hadli doonaa. Waxaan ka hadli dowlu (Cubeydiyah) Maghrib iyo Masar marka ay joogtay maxay rumeysneyd maxay sameysay, baan ka hadli doonaa.

Waxaan ka hadli doonaa (Daa’iful-Nuseyriyah) maadaama ilaa hada aya dowlad jirta yihiin iyo koox jirtoo haystaan taariikhdooda, maxay rumeysan yihiin iyo maxay taariikhda baalkey ka galeen Iyana (Inshaa Allahu Tacaalaa) waan ka hadli doonaa.

Waxaan ka hadli doonaa qoloda la yiraahdo (Agakhaanka) waan ka hadli doonaa, (Boharadana) waan ka hadli doonaa (Hadii Allah) yiraahdo.

Zeydiyada waan ka hadli doonaa, Ithnaa Cashariyada ama Jacfariyadana waan ka hadli doonaa Ciraaqna haysata hada Iiraana xukunta Xisbullaahina uu ka mid yahay iyo Shiicada (Amal)

Fiiro gaar:

Qoraalkaan waxaan ka soo guurinay Cajalada 1aad ee Shiicada (Sheekh Maxamuud Shible).  Haduu Illaahay (Subxaanahu wa Tacaala) inoo fududeeyo waxaan soo qori doonaa Cajalada 2aad Inshaa Allaah. La soco qeybta 2aad ee Muxaadarada Sheekh Shible (Inshaa Allaah) Jazaakum Allahu qeyran Bi xusni mutaabacatukum.

Decorative Lines

Taariikhda Shiicada oo Video ah ka daawo halkan hoose:
Source: http://www.youtube.com/watch?v=dNncjbPbXn8

WQ/: Abu-Kalthuma
Hijri: 15 Ramadaan 1435
Gregorian: Sunday, July 13, 2014