Tafsiirka 
Quraanka Kariimka

Suurada al-Faatixah
سورة الفاتحة

Qoraal Af-Soomaali

Waxaa fasiray:

Sheekh Maxamed Cabdi Umul

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Abuu.Kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

Muqadimo iyo Hordhac

bism Allah (2)

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka ahay Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Marka hore sababta qoraalkaan casharada tafsiirka Quraanka Kariimka ku imaaday waxaa dhalisay baahida weyn ee ay ummada soomaaliyeed u qabto in ay kaga faa’iideysato qaasatan marka loo eego dhanka qoraalka, waayo waxaa caado noqotay oo si buuxda loogo heli karo casharado diini ah oo cajalad ama video oo keliya ah laakiin qoraalka in yar oo fara ku tiris uun baa laga helaayaa waxa loo yaqaana (Searching Engine), sidaan ognahay qoraalka kaalinta ugu sareysa ayuu kaga jiraa taariikhda aduunka, kadib markaan baaritaan ku sameynay ayaan waxaan helnay inta badan in ay dadka soomaaliyeed raadiyaa casharo diini ah oo qoraal ah isla mar ahaantaana aynaan badanaaba helin casharo {Tafsiirka Quraanka} oo qoraal ah.

Sidaas daraadeeda ayaan waxaan bilownay inaan diyaarino {Tafsiirka Quraanka} oo qoraal ah oo ay ka bilaawato {Tafsiirka Suurada al-Faatixa} waxaana ugu tala galay in uu Ilaahay (سبحانه وتعلي) Ajar iyo Xasanaad ka siiyo labadeyda waalid Allah ha u naxariiste iyo intii inala shaqeysay oo naga caawisay dhanka saxida. Ilaahay (سبحانه وتعلي) waxaan ugu baryaaya in uu dambigooda dhaafo, qabrigoodiina ka yeelo (Rowdatan min Riyaadhil Jannah) inuu rafiiq kaga dhigo (Nabiyada, Siddiiqiinta, Shuhadada iyo Saalixiinta dad lala rafiiqo kuwaas ayaa ugu qayr badan) nabigeena Muxammadna (صل الله عليه وسلم) maciisa ka yeelo. Amiin. Waxaan rajeyhaa in Ilaahay (سبحانه وتعلي) inagu anfaco oo inaga dhiga kuwa qowlka wanaagsan maqla, raacana wanaagiisa.

Hadaan qoraalka wax yar aan ka hadlo waxaan raacin doonaa tirooyinka aayadaha quraanka iyo suurada magaceeda. Hadii loo baahdo in aan wax ku daro hadalka sheekha waxaan dhex gelin doonaa hadalka aan aniga ku daraayo calaamada (…).

Anigoo soo guurinaayo hadalka Sheekha waxaan u qori doonaa sida uu isaga u hadlay aniga oo aan waxba ka bedeleynin hadalkiisa, inkasta oo farqi yar u dhexeen karo hadalka lagu hadlo iyo kan naxwa ahaan loo qoro.

Kani waa darsiga ugu horeeyay ee aan ka qorno cajaladaha faraha badan ee Tafsiirka quraanka Kariimka ah, ee uu fasiray Sheekh Maxamed Cabdi Umul (Ilaahay ha xafido) asigana waxaan Eebe (سبحانه وتعلي) ugu baryaynaa inuu miizaankiisa xasanaadka u saaro Aamiin. Maadaama uu dersigaan yahay kii ugu horeeyay ayaan hadana waxaan isku dayaynaa in aan cajaladaha xiga qorno haduu Ilaahay (سبحانه وتعلي) inoo fududeeyo, maxaa yeelay wax sahal ma ma jiro inuu Ilaahay (سبحانه وتعلي) ka yeelo sahal arimaha mooyee.

Xuquuqda qoraalka waa mid furay waxaa u fasaxan qof walba oo muslim ah inuu daabacan karo, faafin karo, website-yadana gelin karo, intaasi wax dhib ah kuma jiro, laakiin waxaa ka mamnuuc ah in dadka laga iibiyo maxaa yeelay kitaabkan waa (Waqaf) Ilaahay dartiisa.

Marka waxaan Ilaahay (سبحانه وتعلي) ugu baryaynaa dhamaan dadka aqrista, daabacda, faafiya, website yada geliya inuu u saaro miizaanka xasanaadka. Waxaana ka codsanaynaa dhamaan dadka aqrista in ay inagu baraarujiyaan wixii qalad ah ee ay meesha ku arkeen ama ay is leeyihiin (sidaan ayaa ku haboon) fadlan nagala soo xiriira cinwaanka hoos ku qoran.

E-mail: wajibad@gmail.com
Webblog: http://www.wajibad.wordpress.com
Wa Jazaakum Allaahu Khayra.
Wajibad.

Suurada al-Faatixa

Suurada al-Faatixa waa suurada ugu horeysa ee qur’aanka kariimka, waxayna ka koobanan tahay todobo aayadood. Suuradan waxay muhiimad aad u weyn ku leedahay Salaada, maxaa yeelay salaad aan lagu aqrinin suurada al-Faatixa ma ansaxayso. Qofka muslimka ah suurada al-Faatixa wuxuu salaadaha waajibka ahi ku aqrinaa maalintii 17 jeer, rakacad walba oo salaada ka mid ah bilowgeeda.

Suurada: Al-Faatixa – { سورة الفاتحة‎ }

  • Meesha ay ku soo degatay waa: Makka
  • Qur’aanka waxaay kaga jiraa: Juzka 1aad
  • Aayadaheeda waa: 7
  • Erayadeedii waxa uu ka kooban yahay: 29
  • Xuruufaheeda waxa uu ka kooban yahay 139

Hordhaca Tafsiirka

Darsiga ugu horeeya ee maanta waxa aan {إن شاء الله} ku koobi doontaa Muqadimo ama hordhac ku saabsan;

  • Quraanka sida loo fasiro,
  • ciddii dooneeysa inay fisirto
  • jidka la doonayo in la maro waa darsigeena koowaad.

Waxaan kaletoo iyadana {إن شاء الله} raacin doonaa (Surat al-Faatixa) oo Quraanka ka bilaawdo tafsiirkeeda ayaan iyadana raacin doonaa {إن شاء الله}, intaasuu darsigeena maanta ku ekaan doonaa oo darsiga koowaad ah.

Waajibka Illaahay (سبحانه وتعلي) uu saaray culimada iyo dadka aqoonta leh ayaa waxaa ka mid ah; inay dadka u cadeeyaan Illaahay (سبحانه وتعلي) diintiisa oo ay u fasiraan qaasatan bani aadamka Illaahay (سبحانه وتعلي) luqadaha kala gedisan ee uu siiyay, yacni luqadaha kala duwan ee bani aadamka Ilaahay siiyay waxa weeyaan waa aayad Ilaahay aayaadkiisa ka mid ah sida Quraan-kaba lagu sheegay.

Si marka dadka xujada Ilaahay loogu oogo, kii Ilaahay hanuun la damcay ee uu hanuuno ee hanuunka qaato, ummad walbana luqadeeda inay wax ku gaarto, oo diinta ay ku gaarto waa lagama maarmaan xilkaa iyo mas’uuliyadaana waxaa loogu baahana yahay in ay gutaan dadka culimada ah ee ehlu cilmiga.

Quraanka marka la fasiraayo waxa ugu fiican in quraanka quraan kale lagu fisiro. Quraanka isagaa is fisira waxaa laga yaabaa arin laga hadlaayay meel ama suurat quraanka ka mid ah si gaaban in looga hadlo, suurat kale isla arinkii laga hadlo oo isagoo intii ka faahfaahsan laga hadlo.

Quraanka marka wuu is cadeeynaaya isaa is fasira, waxaa ugu fiican marka aayadan aad dooneeyso in aad fasirto in aad u raadiso aayat kaleeto oo macnaheeda sii cadeeyneeyso sii faahfaahineeyso. Maxaa yeela Ilaahay (سبحانه وتعلي) isagaa garanaaya maqsuudka iyo qasadka uu ka leeyahay quraanka ama aayadan qurkaanka ah Ilaahay (سبحانه وتعلي) isagaa u aqoon leh.

Marka quraanka in quraan lagu fisiro waa dariiqa ugu fiican, waana mid uu leeyahay Sheekhul Islaam Ibnu Taymiya (raxmattullaahi caleyhi)

Tafsiirka jidadkiisa kan ugu fiican waa taas.

Qaab quraan lagu fasiro, qur’aanka laftirkiisa in laysku fasiro ayaa ugu fiican

Hadaan mathalan tusaale bixino Suurada al-Faatixa bilowgeeda waxaan ugu tagi doonaa,

{الْحَمْدُ للهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ}

Caalamiintan baa macnaheeda leysku khilaafay, caalamkan muxuu yahay..? Quraanka hadii la fiiriyay waxaa la helay aayad quraanka ka mid ah oo fasireysa caalamiinta.

قَالَ فِرْعَوْنُ وَمَا رَبُّ الْعَالَمِينَ {23}
{24} قَالَ رَبُّ السَّمَوَاتِ وَالأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا إن كُنتُم مُّوقِنِينَ

‘’Fircown wuxuu yiri caalamiinta aad sheegeysid rabigooda yaaweeye Muusow…?’’ ‘’Muuse (cs) wuxuu yiri; samaawaadka iyo dhulalka iyo inta u dhaxeysa rabigooda weeye.’’ {Surat: ash-Shucaraa, 23-24}

Caalamiintii baa waxuu ku fasiray samaawaadka iyo dhulalka iyo inta u dhaxeysa. Caalamiin marka waxaa la yiraahdaa waa maqluuqa Ilaahay abuuray (سبحانه وتعلي) aayadaa kala cadeysay.

Waxaa ka mid ah mathalin Alle (سبحانه وتعلي) Wuxuu yiri:

{{3} وَالسَّمَاء وَالطَّارِقِ {1} وَمَا أَدْرَاكَ مَا الطَّارِقُ {2} النَّجْمُ الثَّاقِبُ}

Samadaan ku dhaartay iyo midka guureeya, midka guureeya muxuu yahay..? waa xiddiga duleelinaya mugtiga oo iftiinkiis ku duleelinaaya,’’ {Surat: At-Taariq, 1-3}

Kaasaa la yiraahdaa {at-Taariq} kaasaa laga wadaa, marka isla quraanka laftigiisa baa wuxuu fisiray sii cadeeyay Taariqa wixii laga waday.

Quraanka meelaha qaar waxaad arkeysaa sida qisada Nabi Muuse iyo Fircoon mathalan;

  • Suurada lagu soo qaadanaaya si gaaban baa looga hadlaayaa,
  • Suurad kaleeto si dhexdhexaad baa looga hadlaayaa,
  • Suurad kaleeto si faahfaahsan Ishaab ah ayaa looga hadlaayaa.

Sidoo kale qisada Ibliis iyo nabi Aadam {عليه السلام} meelna wey gaaban tahay meelna wey faahfaahsan tahay.

Sidaas oo kale axkaamta shariicada waxaad arkeysaa meelna wey gaaban tahay suuradaha qaar ka mid ah waa la soo gaabiyay meelna waa la faahfaahiyay oo waa lagu dheeraaday. Marka quraanka isaga in leysku fasiro ayaa ugu fiican dariiqa ugu fiican midaa ayada weeye.

Waxaa iyadana ku xikto in lagu fasiro sunnada Nabiga axaadiista Nabiga (صل الله عليه وسلم) Axaadiista baa weliba kala ah, Axaadiista qaarna wey sugan tahay, waa qeybta loo yaqaano (Xasanka iyo Saxiixa) loo yaqaano, qeybna ma sugno oo daciif iyo wixii ka hooseeyo daciif iyo mowduuc iyo noocyadooda weeye.

Xadiiska quraanka fasiri karo oo lagu fasiri karo waa xadiiska suggan, xadiiska aan Nabiga (صل الله عليه وسلم) ka sugneyn quraanka laguma fasiro karo sida aan axkaamba loogu xuseysan karin loona daliishan kareynin baan quraanka Ilaahay (سبحانه وتعلي) tafsiir loogu dhigin karin.

Nabiga (صل الله عليه وسلم) marka howshii Ilaahay u xil saaray baa waxay ahayd, in uu quraanka dadka u cadeeyo.

إِنَّا أَنزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ لِتَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ بِمَا أَرَاكَ اللَّهُ

[سورة النساء الآية ١٠٥]

 ‘’In aad dadka ku kala xukunto wuxuu Ilaahay ku tuso ayaana kuugu soo dejinay..’’ {Surat: an-Nisaa, 105}

وَمَا أَنزَلْنَا عَلَيْكَ الْكِتَابَ إِلاَّ لِتُبَيِّنَ لَهُمُ الَّذِي اخْتَلَفُواْ فِيهِ

[سورة النحل الآية ٦٤]

Maanan kuugu soo dejinin kitaabka ilaa inaad u cadeyso waxay isku qilaafeen mooyee.’’ {Surat: an-Naxl, 64}

Ummadahii hore iyo ummadanba wixii ay isku qilaafsan yihiin inaad cadeyso ood u kala qeexdo oo xaqa iyo baadilka aad u kala sheegto taasaanu macnaha kuugu soo dejinay quraanka buu leeyahay Ilaahay (سبحانه وتعلي).

وَأَنزَلْنَا إِلَيْكَ الذِّكْرَ لِتُبَيِّنَ لِلنَّاسِ مَا نُزِّلَ إِلَيْهِمْ وَلَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ

[سورة النحل الآية ٤٤]

 ‘’Waxaan kugu soo dejinay (Dikriga) oo waxyiga ah si aad ugu cadeyso dadka wixii lagugu soo dejiyay.’’ {Surat: an-Naxl, 44}

Kitaabkii Ilaahay soo dejiyay in aad cadeyso oo aad fasirto oo ummada u cadeyso ayaanu kuugu soo dejinay.

Marka Nabiga (صل الله عليه وسلم) aqawaashiisu quraanka ku fasiray, ficilkiisa oo dhana tafsiir buu ahaa quraanka uu ku fisiraayay.

Taqriirkana waa ku fasirayoo waxyaabo isa agtiisa inta lagu sameeyay saxaabadu ku sameeyeen oo uusan ka hadlin oo uu sugay iyadana tafsiirka quraanka waa ku timaadaa. Marka ficilkii Nabiga (صل الله عليه وسلم) oo dhan quraanka buu cadeyn u yahay.

Salaada la tukanayo, ee Nabiga (صل الله عليه وسلم) qaabkuu u dukanaayo, qaabka loo weyso qaadanayo qaabka loo dhahaaro qaadanaayo uu faahfaahiyay Nabiga (صل الله عليه وسلم) waxay tafsiir u tahay aayadaha quraanka ee ijmaaliyay ama si kooban u sheegay;

  • Salaada in la oogo.
  • Zakada sidoo kaleeto
  • Soonka sidoo kaleeto
  • Xajka sidoo kaleeto
  • Jihaadka sidoo kaleeto

Axkaamta uu Nabiga (صل الله عليه وسلم) ficil ahaan u faahfaahiyay waxay tafsiir u tahay yacni waxa weeye aayado quraanka ka mid ah, oo mawduucaa ku saabsan ayuu Nabiga (صل الله عليه وسلم) ku fisiraya. Marka Rasuulka (صل الله عليه وسلم) quraanka fasiridiisa iyo cadeyntiisa ayuu Nabiga (صل الله عليه وسلم) intuu noolaa ayuu ka shaqeynaayay.

Axaadiis aad u fara badan baa heleysaa marka oo aan la koobi kareynin oo quraanka fasireysa. Bal kutubta xadiista waxaad ku arkeysaan, kutub u qaas ah kitaabu tafsiir;

  • صحيح البخاري
  • صحيح مسلم
  • السنن
  • المسانيد
  • المعاجم

Kuli waxaad ku arkeysan kutub qaas u ah tafsiirka quraanka, maxay kuu keenayaan, waxay kuu keenayaan axaadiistii ku soo aroortay ee Nabiga (صل الله عليه وسلم) ku fasiray aayado quraanka ka mid ah.

Tafsiirka Nabiga

(صل الله عليه وسلم)

Qaar aayadaha qur’aanka kariimka ka mid ah oo
uu Rasuulka (صل الله عليه وسلم) u fasiray Saxaabada.

Ninkii quraanka fasiraayaa inuu xadiiska yaqaana waa muhim. Waliba xadiiskii inuu kala yaqaana maxaa sugan maxaase sugneyn, musdalaxii iyo fanigii xadiiska kiisa sugan iyo kaan sugneyn kala saarayay waa inuu wax ka garanayo. Waxaa dhacaysa aayad quraan ah oo tafsiirkeeda xadiis sugani ku soo arooray inuu meel kaleeta mara oo ra’yi kaleeta qaato ayaa dhacaysa macnaha marka muhiim weeye.

Hadaan tusaale ka soo qaadano mathalan, aayaadka si tooska ah uu Nabiga (صل الله عليه وسلم) u fasiray waxaa ka mid ah;

{الَّذِينَ ءامَنُواْ وَلَمْ يَلْبِسُواْ إِيمَانَهُم بِظُلْمٍ أُوْلَئِكَ لَهُمُ الأَمْنُ وَهُم مُّهْتَدُونَ}

‘’Kuwa Ilaahay rumeeyay iimaankoodana aan ku dheehin ku darin wax dulmi ah (quran) Kuwaa weeye kuwa nabadgelyada iskaleh ee hanuunsan waa kuwaas.’’ {Surat: al-Ancaam, 82}

Ayadaan markey soo degtay sida saxiisul bukhaariga iyo muslimka ku yaal, ayay saxaabadii Nabiga (صل الله عليه وسلم) dhibtay. Saxaabadii marka waa dhibtay, waxay u dhibtay (dulmigan) aayada ku soo arooray baa waxay u fahmeen iney tahay macaasi iyo dambi.

Markaasay waxay dheheen;

‘’Ninka anaga naga mid ah ee aan naftiisa dulmin yaaweeye? kuligeen nafteena waan dulminay maxaa yeelay qofaan dambi gelin ma jiro.’’

Markaasaa nabiga (صل الله عليه وسلم) wuxuu yiri:

‘’Kaad moodeen ma aha, sidaad u qaadateen ma aha, idinku saad u fahmteen ma aha.

 ‘’Miyaydaan maqal sida uu yiri adoonkii wanaagsanaa.’’ ee wiilkiisii ileyn waa Luqmaan.

{وَإِذْ قَالَ لُقْمَانُ لابْنِهِ وَهُوَ يَعِظُهُ يَا بُنَيَّ لا تُشْرِكْ بِاللهِ إِنَّ الشِّرْكَ لَظُلْمٌ عَظِيمٌ}

Wiilkeygiyoow! Ilaahay cidna ha la wadaajin Alle iyo adoomadiisa wax ha isugu darin maxaa dheelay shirkigu waa dulmi weyn.’’ {Surat: Luqmaan, 13}

(إِنَّ الشِّرْكَ لَظُلْمٌ عَظِيمٌ) Marka (وَلَمْ يَلْبِسُواْ إِيمَانَهُم بِظُلْمٍ) kaasi waa bandhig buu yiri Nabiga (صل الله عليه وسلم), aayada waxay ka wadaa un oo dulmiga lagu sheegay halkaas waa shirkigu ee dambiyadii kale maahan, dambiyadii kale iimaanka haba dhaawaceen laakiin hadana amnigii iyo hanuunkii ma diidayaan saas weeye macnaha.

Marka nabiga (صل الله عليه وسلم) muxuu fasiray aayada quraanka ee saxaabada ka ishkaal gashay ayuu nabiga u cadeeyay (صل الله عليه وسلم), waxaa ka mid ah mathalan; xadiithkii nabiga (صل الله عليه وسلم) oran jiray.

عَنْ عَائِشَةَ قَالَتْ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم: مَنْ حُوسِبَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ عُذِّبَ

{فَقُلْتُ: أَلَيْسَ قَدْ قَالَ اللَّهُ عَزَّ وَجَلَّ {فَسَوْفَ يُحَاسَبُ حِسَابًا يَسِيرًا

فَقَالَ: لَيْسَ ذَاكِ الْحِسَابُ، إِنَّمَا ذَاكِ الْعَرْضُ، مَنْ نُوقِشَ الْحِسَابَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ عُذِّبَ

[(103) وأخرجه البخاري في العلم]

‘’Ninkii xisaabta lagu adkeeyo oo xisaabta lala lafa guro oo wixii uu galay mid mid la isu dul taago waa la cadaabi.’’ buu nabiga yiri (صل الله عليه وسلم).

Markaasay Caa’isha {رضي الله عنها} waxay tiri; (Rasuulka Allow) Ilaahay sow qur’aanka kuma dhahin;

‘’xisaab fudud baa la xisabi doonaa?’’

Marka Ilaahay xisaab fudud buu sheegayaaye, ruuxii la xisaabiyaba waa la cadaabi maxaad u leedahay.

Markaasuu wuxuu yiri: Nabiga (صل الله عليه وسلم) kaasi waa bandhig laakiin (qofka su’aasha lagu adkeeyo waa la cadabi).

Taa aayada ka hadleeysa xisaab fudud baa la xisaabinaa waxa uu yiri Nabiga (صل الله عليه وسلم) waa bandhig, adoonka inta loo soo bandhigo dambiyadiisii la tuso in markaa ka dibna la yiri waa lagaa cafiyay taas, laakiin ruuxii xisaabtiisa mid mid la isu dul taagaa kaasi waa la cadaabi.

Marka nabiga (صل الله عليه وسلم) wuxuu fasiray Caa’isha ishkaalkii (1) ku dhashay buu u fasiray uu u cadeeyay.  Marka aayadaha noocaas oo kale wey fara badan yihiin.

__________________________________________________________
(1) Ishkaal, (Wax aan kala baxsanayn ama aan caddeyn ama kala qeexnayn IWM )

{1} {إِنَّا أَعْطَيْنَاكَ الْكَوْثَرَ}

Kawthar maxaa la yiraahaa? Nabiga (صل الله عليه وسلم) waxa uu yiri;

{الْكَوْثَرَ} Waa wabi jannada ku yaal oo aniga ley siiyay, marka axaadiith aad u fara badan buu nabiga (صل الله عليه وسلم) quraanka ku fasiray.

Hadii marka quraanka la doonayo in la fasiro waa in marka labaad lala aado axaadiista nabiga (صل الله عليه وسلم) ee sugan oo saxiixeynka iyo sunanka iyo masaaniida iyo macaajiinta intaba ku soo arooray waa in marka lagu fasiro.

{وَأَعِدُّواْ لَهُم مَّا اسْتَطَعْتُم مِّن قُوَّةٍ}

U diyaarsada gaalada waxaad kari kartaan oo xoog ah.’’ {Surat: al-Anfaal, 60}

Xoogu muxuu yahay..?

Nabiga (صل الله عليه وسلم) wixuu yiri:

‘’Xooga la sheegaya waa ganida, iyo shiishka iyo toogta in la barto weeye.’’

Marka nabiga (صل الله عليه وسلم) (quwadii) aayada ku soo aroortay buu fasiray, in badan bay marka inagu imaan doontaa {إن شاء الله} tafsiirka iyo darsiga dhexdiisi, yacni aayado badan oo nabiga (صل الله عليه وسلم) fasiraayo.

Hadii aayad quraan ah, iyo xadiith nabiga (صل الله عليه وسلم), oo aayadaad dooneyso in aad fasirto cadeyso aad weyso.

Arinka seddaxaad ee la doonayo inaad aado waxa weeye, saxaabadii nabiga (صل الله عليه وسلم) iyo aqwaasha ka sugan, maxaa yeelay saxaabada waxay ummada inteeda kale kaga sitaan waa marka koowaadee horta. Quraanku markuu soo degaayay iyaa goob joog ahaa, caadooyinkii iyo dhaqankii carbeed ee quraanka in badan oo ka mid uu kaga waramaya nimanka garanayi ee fahmaayay iga ayay ahaayeen.

Maxaan anaga caadada carabta ka garaneynaa.?

Ummada uu ka hadlaayo ee uu la hadlaayo ragii ku dhax dhaqnaa baa aad u fahmi kara, maxaa yeelay qaraa’in fara badan oo loo kaashan karo aayada fahamkeeda ayay goob joog ahaayeen waa mida koowaad.

Luqada Carabiga ee
Qur’aanku Ku Soo Degay

Mida labaad luqada carabiga ee quraanka uu ku soo degay sirteeda saxaabada wey ugu aqoon badnaayeen ummada inteeda kale, maxaa yeelay carabtii qulaska ahayd ee barax tirneyd ee waxba dheehinoo waxba ku darmeyn iyagay ahaayeen, wixii ka dambeeyay ummada waxaa ku furantay cajam fara badan.

Carabta luqadeedii wax badan baa galay, ummado fara badan oo soo islaamay oo cajam ah baa soo dhax galay, luqadii inyar baa xoogaa wax u dhex galeen, laakiin saxaabada (رضي الله عنهم) ragii carabta ee qulaska ahaa luqada carabiga sirteed iyo asraarteed yaqaani iyaga ayay ahaayeen, quraankana luqada carabiga ayuu ku soo dagay.

Qureysh luqadeedii ayuu qur’aanka ku soo degay sida Nabiga (صل الله عليه وسلم) ka sugan.

Tan seddexaad wax weeye:

Quraanka in badan oo ka mid ah markuu soo degay sabab uu ku soo degay baa jirto, sabab uu ku yimid baa jirta arin markaa taagneyd oo aayadu ay ku timid baa jirto.

Sababka ood fahantana waxay qayb ka tahay aayada macnaheeda oo aad fahamto, aayada marka sababka ay ku timid aad fahamto waxay kaa caawineysaa macnaha aayada inaad fahamto, ayagaa goob joob u ahaa marka asbaab fara badan oo quraanka ku soo degay.

Dihaarka aayaadkooda sabab ayay ku soo degeen, yacni waxa weeye aayado asbaab fara badan ku soo degay baa jiro, wixii sabab ku soo degay marka ayaga (Saxaabada) wey garanayeen. Taas daraadeedana Saxaabada tafsiirkooda baa loogu hormarin tafsiir kaloo dhan.

Waxaa kaletoo la mid ah (Quwatul-Fahmi) fahamka bani aadamka Ilaahay (سبحانه وتعلي) waa u qeybiyay, isku faham ma ahan.

Tusaale ahaan;

Hadal inteena meesha fadhiga hada dhexdeena laga sheegay baa nina uu sirtiisa iyo dulucdiisa iyo ujeedada laga leeyahay fahmi kara, nine meela soke iyo daahir uun buu ka fahmi wax kale uusan ka fahmi karin.

Sida fahamka bani aadamka Ilaahay (سبحانه وتعلي) ugu qaybiyay ayay Saxaabadana ugu qaybsaneyd, laakiin hadana dadka iyaga ugu siteen xaga fahamka iyo garashada iyo aqoonta iyaguna waa kala horeeyeen.

Waxaa intaa dheer Saxaabadu {رضوان الله عليه} aad waxay ugu dadaali jireen inay quraanka tafsiirkiisii iyo macnahiisii ay fahmaan,

  1. Cabdullaahi Ibnu Mascuud {رضي الله عنه}
  2. Cabdullaahi Ibnu Cabaas {رضي الله عنهم}
  3. Ubay Ibn Kacab {رضي الله عنه}
  4. iyo A-Immatul Arbaca

… iyo rag fara badan baa soo guuriyay tafsiir aad u fara badan oo aan la koobi kareynin oo Nabiga (صل الله عليه وسلم) qaar laga soo guuriyay, qaarna ishtihaadkooda iyaga ay ku fasiray.

Cabdullahi Ibnu Mascuud {رضي الله عنه} waxaa laga weriyay oo yiri:

 ‘’Ilaahay baan ku dhaartay buu yiri isaga cidaan ahayn aan xaq lagu caabudinee, aayadi ma soo degin kitaabka Ilaahay ka mid ah, ilaa hadey soo degto waxaan ogahay cidday ku soo degtay, iyo meeshay ku soo degtayba waan garanhaya, hadaan ogahay cid uun iga qaoon badan Ilaahay (سبحانه وتعلي) kitaabkiisa, gaadiidka iyo geeluna ay gaari karaan waa tegi lahaa buu yiri.’’

Wuxuu tilmaamayaa cid uu tuhunsan yahay inaysan jirin, oo uu isleeyahay marka waa kaaga cilmi badan yahay Ilaahay (سبحانه وتعلي) kitaabkiisa. Maxaa yeelay Nabiga (صل الله عليه وسلم) saabiqiintiis ayuu ka mid yahay, tafsiirkii Nabiga (صل الله عليه وسلم) iyo quraanka culuumtiisa ragii aad u xambaaray buu ahaa Cabdullaahi Ibnu Mascuud {رضي الله عنه} Saxaabadana intooda kale sidaas ayay ahaayeen.

Waxaa kaloo ay dheer yihiin Saxaabada dadka intooda kale, sheygii soo dega oo ay macnahiisa bartaan wey ku dhaqmi jireen. Sheygana markaad ku dhaqanto oo aad fuliso oo camal uu kuu noqdo fahamkiisana waa kuu baxaayaa. Markuu yahay uun nadari shey afka aad ka sheegto markuu yahay ama shey un aad iska fahamsan tahay iyo markaad dhaqan geliso waxaa ka fahmi ogtahay, markii sheygu dhaqan kuu noqdo.

Tusaale:

Hada salaada hadii la inoo sharxo soo ma fahmin…? Aad beynu u fahmi, laakiin marmar sidaas nin aan xajka tegin xajka u sharax (faham guud) inuu ka qaato ma ehee sida salaada u fahmi maayo, maxaa yeelay, waayo salaada wuu shaqan geliyay wuu sameeyay si fiican ayuu u fahmay.

Sheyga markaad sameyso oo aad dhaqan geliso ayaad fahamkiis si fiican u qaadan.

Saxaabada {رضي الله عنهم} baa waxay ahaayeen aayad quraana markey macnaheeda gartaan wey ku dhaqmi jireen.

Wuxuu leeyahay (Cabduraxmaan as-Sulami) taabici weeye waxaa inoo waramay buu leeyahay ragii qur’aanka na baray oo Saxaabada Nabiga (صل الله عليه وسلم) waxay inoo sheegeen inay Nabigu (صل الله عليه وسلم) quraanka ka aqrisan jireen, tobon aayadood markay bartaan ma aysan talaabin jirin ilaa ay ku camal falaan, cilmiga tobonkaa aayadood ku jira.

 ‘’Hal mar baan waxaan isla baranay qur’aanka macnahiisii iyo camalkiisii Ayaan hal mar isla baranay.’’

Aaway anaga 100 goor baanu tafsiirkii quraanka dhameyneynaa laakiin camalkii aaway? Mar hadii camalkii aadan haynin fahamkii wax badan kaa maqan. Saxaabada {رضوان الله عليه} marka waxa loo leeyahay tafsiirkooda iyo sidii aayaadka ku fasireen ha la hormariyo, waxa weeyaan intaasoo sababo baa isugu tagay yacni,

  • Dhaqankii carbeed bey yaqaanaan,
  • Sirtii luqada ayay fahmaayaan,
  • Asbaabtii quraanka in badan ku soo degay bey garanayaan,
  • Faham baa la siiyay,
  • Camal iyo ku dhaqan kitaabka Ilaahay (سبحانه وتعلي) bey ummada inteeda badan kaga horeeyeen.

Sidaas daraadeed baa tafsiirka saxaabada ugaga horeeyaa tafaasiirta kale oo dhan, sidaas weeye macnaha qaasatan ragii sida qaas ah ayaga ugu taqasusay quraanka tafsiirkiisa (Cabdullaahi Ibnu Mascuud) {رضي الله عنه} oo kaleeto, iyo (Cabdullaahi Ibnu Cabaas) {رضي الله عنه}.

{نعم ترجمان القرآن ابن عباس}
buu dhehi jiray Cabdullahi Ibnu Mascuud {رضي الله عنه}.

Cabdullaahi Ibnu Cabaas {ترجمان القرآن} waxaa u bixiyay Ibnu Mascuus {رضي الله عنه}.

Cabdullaahi Ibnu Mascuud {رضي الله عنه}: oo kaleto wuxuu madrasa ku lahaan jiray masha la yiraahdo (Kuffa) xer fara badan iyo arday fara badan buu kiciyay oo uu quraanka lafdigiisana baray tafsiirkiisana baray.

Cabdullaahi Ibnu Cabaas {رضي الله عنه}: wuxuu fadhiyi jiray Makka ayuu fadhiyi jiray arday fara badan iyo xer fara badan buu isagana kiciyay oo quraanka macnihiis iyo tafsiirkiisa iyo lafdigiisaba bari jiray.

Ubay Ibnu Kacab {رضي الله عنه}: oo ninkuu yiri quraanka ka qaata Nabiga (صل الله عليه وسلم) isaguna wuxuu fadhi jiray magaalada (Yatrib) Madiina halkaasaa isagana lagaga aflaxay.

Ragu meela kala gedisan ayaay madaaris ku lahaayeen oo ay quraanka ay bari jireen, ardaydii ka aflaxday weeyaan raga quraanka soo guuriyay weeye iyo tafsiirkiisa in badanoo ka mid ah soo guuriyay.

Hadii markaa aan la helin Saxaabada nin ka mid ah oo fasiray, aayad quraan oo fasireysa lama haayo, hadiithna lama haayo, qawlu saxaabina lama haayo, xagee la aadayaa markaas?

Waxaa la aadayaa (Taabiciinta) aqwaashooda ayaa la aadaya, tafsiirkii taabiciinta oo ardadii Saxaabada ah, taabiciinta waa ardadii saxaabada. In badan oo A’immada salafka ka mid ah sidaas ayay sameen jireen oo saxaabadii hadey waayaan aqwaal ka waayaan taabiciinta ayay aadi jireen.

Sida Mujaahid Ibnu Jabr oo kaleeto oo la yiraahdo cilmiga tafsiirka waa ninka ugu yaqaano taabiciyiinta, nin indho la’ buu ahaa Mujaahid Ibnu Jabr. Laakiin ardaygii ka aflaxay Cabdullaahi Ibnu Cabaas {رضي الله عنه} oo hoos fadhiyi jiray buu ahaa.

Mujaahid waxaa laga wariyay in uu yiri;

‘’Seddex goor baan misxafka kitaabka quraanka Ayaan Cabdullaahi Ibnu Cabaas u bandhigay buu yiri, seddex bandhig, bandhiga macnaha waxa weeyaan inaad soo hor dhigto oo tusto, aayad walba seddexdaa goor, aayad walba intaan is dul taago ayaan wax ka weydinaayay buu yiri, aayad walba oo quraanka ka mid aha Ayaan wax ka weydinaayay buu yiri oo ii fasiraayay.’’

Marka waxay ku tuseysaa Mujaahid Ibnu Jabr in uu si gooni ah ugu dadaalay tafsiirka quraanka sidaas daraadeed baa Al-Imaam Thawry {سفيان بن سعيد الثوري} (Sufyaan ibnu Saciid ath-Thawry) ayaa waxaa laga weriyay inuu yiri:

‘’Haduu tafsiirka Mujaahid kaaga yimaado waa kugu filan yahay.’’

Mujaahidba hadaad tafsiirka ka hesho waa kifaayo waa kugu filan yahay, maxaa yeelay yacni waxa weeyaan (Cabdullaahi Ibnu Cabaas) {رضي الله عنه} tafsiirkiisii buu si dhab ah u soo guuriyay.

Mujaahid waxaa la mid ah taabiciinta kale sida;

  • Saciid Ibn Jabair
  • Cikrima Ibn Cabdillaahi Al-Barbari
  • Cadaa ibn Rabaax
  • Xassan Al-Basri,
  • Masruuqul Ibnul Ajdac,
  • Saciid ibn Al-Musyab
  • Abu Caaliya Al-Riyaaxi
  • Al-Rabiic Ibn Anas,
  • Qataada ibn Dacaama As-Saduusi
  • Ad-Daxaak Ibn Mazaaxim iyo qeyrkoodba.

Rag aad u fara badan oo taabiciinta ka mid ah ayaad ku arkeysaan kutubta tafsiirka iyagoo aayadaha qur’aanka fasiraya.

Hadey Taabiciintu Isku Waafaqaan
Aayada Tafsiirkeeda Waa Xujo
Aan Meelna Laga Mari karin

Sheekhul Islaam Ibnu Taymiyah {رحمة الله} wuxuu leeyahay hadey taabiciintu isku waafaqaan aayada tafsiirkeeda waa xujo aan meelna laga mari karin. Hadey is raacaan oo aynaan isku qilaafin iyadan tafsiirkeeda meel laga maro maleh, hadiise laakiin ay is qilaafaan aayada tafsiirkeeda isku qilaafaan, marka ayaguna hadaladooda xujo iskuma aha.

Midna midka kale hadlkiisa maxaad u qilaaftay lama dhihin karo, ummada inteeda kalena nin ka mid ah hadalkiis xujo kuma aha, ee markaa waxaa la bilaabayaa in la kala xoojiyo qilaafkoodii keebaa xoog badan la yiraah oo markaa la aado yacni luqadii carabiga ee quraanka ku soo degay lala aado, qaraa’iin kaleeto iyo murajixiin kale lala aado, marka waxaan xaq u leenahay inaan kala doorano niraahdo kan, kana aka xoog badan.

Laakiin laazim inaguma aha inaan Saciid Ibnu Musayad iyo Mujaahid markay is qilaafaan aan niraahdo Mujaahid in la qaato waa qasab llazim ma aha. Mujaahid hadalkiisa iyo tafsiirkiisana laazim kuma aha Saciid Ibnu Musayad inuu qaato kan Saciidna inuu Mujahid qaato laazim kuma aha.

Ummada inteeda kalena mid ka mid ah hadalkiisu inay qaadato lazim kuma aha, laakiin maxaa la sameyn..? Markaa waa la kala xooji oo,

  • Luqadii quraanka ayaa loo noqon,
  • Luqadii sunnada ayaa loo noqon,
  • Luqada guud ee carabiga ayaa loo noqon,
  • Qaraa’in kaleete ayaa loo laaban,

Markaasaa laga xoojinaa oo si ninkii kari karaa ee awoodaas leh ayaa markaa kala xoojinaayo oo kala dooranaayo sidaas weeye macnaha. Hadaan intaa midna laga helin sidee u fasireysaa quraanka..?

Markaa waxaad u noqoneysaa luqada carabiga, maxaa yeelay Ilaahay (سبحانه وتعلي) quraanka wuxuu ku soo dejiyay luqada carabiga, luqadii carabiga ahayd qaamuusyadeedii, qaasatan waxaad u noqoneysaa kutubta laga qoray {غريب القرآن}.

Qariibul Quraan
غريب القرآن

Culimada islaamka sideey ugu qidmeeyeen oo u adeegeen diinta islaamka, wax ale wixii kalimo adag ku soo aroortay qu’aanka kutub gooni ayaa laga alifay (Qariibul Quraan) baa la yiraahdaa, wax ale wixii kalima adag oo macnaheedu yara qarsoon yahay kus oo aroortay sunnada Nabiga (صل الله عليه وسلم) iyo axaadiistana kutub gooni ayaa laga alifay oo la yiraahdo (Kutub Qariibul Xadiith).

Kuwaasaa marka la aadi saasaa lagu heli marka aayada macnaheedii ama kalimada macnaheeda lagu helaayaa. Luqadii carabiga ahayd baa dib loogu noqon, shardi waxaa ah marka inuu quuxu luqadii carabiga si fiican u garanhayo, qawaacideedii si fiican u garanhayo, iskama geli karaayo meeshii uu ka raadin lahaa haduu wax ka qarsoonto waa inuu garanhayo, laakiin haduusan garaneynin qalad badan ayuu galaaya.

Hadii marka quraanka ruuxa uu doonayo inuu carabi ku fasirayo waa taa, waxaa intaa u dheer hadaad quraanka macnahiisii carabiga ahaa, quraankii carabi ku soo degay hadaad dooneeyso inaad luqad kale u badasho, sidaan haatan dooneyno oo kaleeto,

  • Luqada Soomaali hadaa u bedeleyso
  • Luqada Sawaaxil hadaa u bedeleyso
  • Luqada Ingariiska hadaa u bedeleyso

Shardi dheeraad baa loo baahan yahay waxaa loo baahan yaha luqada carabigana inaad si fiican u taqaan luqadaan kaletood u bedeleyso inaad si fiican u taqaan shardi weeye.

Hadaad labada luqadoodii mid uun kaba kaba ku tahay oo si fiican u aqoonin ma fasiri kartid quraanka saas weeye macnaha, ma fasiri kartid maxaa yeelay, macnahan quraanku ka hadlaaya carabiga ah ee kalimaadka carabiga lagaga hadlaayo markaad guurineyso oo luqad kaleeto ku guurineyso sidii ahayd kuma keeni kartid ama inaad labada luqadood si fiican u taqaano mooyee taasi waa mid.

  • Kow waa inaad luqada carabiga taqaano,
  • Labaadna waa inaad marka luqada aad u bedeleyso si fiican u garaneyso.
  • Sadexaad qaabka tarjamada waa inaad iyadan taqaano

Waxaad arkeysaa nin ilaa heer jaamacadeed ama ustaadba ah, luqal carabiya ustaad ku yahay, luqadaan kaleetano inuu wax ku bedelo uu doonayo iyadana aad buu u yaqaanaa laakiin hadan maca daalika iskuma fisiri karo.

Wadaada takaatiraad soo ma aragtid hadii uu darsi u soo fadhiisto yiraahdo soomaali baan wax ku macneeyayaa waa lagu qoslayaa, somaaliga aad buu u yaqaanaa carabigana aad buu u yaqaanaa, laakiin mushkilada xageey ka haystaa.

Mushkilada waxay ka haaysataa usluubka iyo qaabka wax loo tarjamaaya waa usluub barasho u baahan, taa waxaa bartay oo aad u yaqaanaa xertii kutubta wax ka soo dhageysan jirtay masaajida wax ka laqweysan jirtay, saas weeye macnaha.

Luqadaha waxay ku kala gedisan yihiin, meesha mathalan luqad ay macnaheedu halka ka soo bilaawda midigta mid waxaa laga yaabaa bidixda inay ka bilaawato.

Wixii marka inaad usluubka la isagu tarjumo labada luqadood ad iyagana garaneyso waa shardi lagama maarmaan ah oo muhiim u ah markaad dooneyso inaad quraanka fasirto oo luqad kaleeto aad u bedesho.

Waa Dembi Weyn in aad
Qur’aanka ku Fasirto Ra’yigaada

Waxaa marka la ogaleyn oo iyadana qalad weyn ah, dembi weyna ah in aad quraanka ku fasirto ra’yigaaga aad ku fasirto, waa xaaraam adoona meel cuskanin sidii adiga kula qumanaato iyo oo saad rabto uun iskala aado, midaas iyada waa xaaraam.

{وَلاَ تَقْفُ مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ إِنَّ السَّمْعَ وَالْبَصَرَ وَالْفُؤَادَ كُلُّ أُولئِكَ كَانَ عَنْهُ مَسْؤُولاً }

‘’Waxaadan cilmi u lahayn ha raac raacin. Maqalka, iyo araga iyo qalbigu waa leys weydiin.’’ {Surat: Al-Israa, 36}

Waxaadaan aqoon u lahayn ha raac raacin.

Qofka Ilaahay kitaabkiisii iyo hadalkiisii fasiraaya, wuxuu ka dhigan yahay sidii ruux yiri oo kaleeto (Ilaahay saas buu u jeedaa), marka Ilaahay sidaas buu u jeedaa aad leedahay, waa inaad naqli iyo wax uun hayso, laakiin hadaad jeebkaaga kala timaadaa mas’ala culus weeye.

{وَأَن تَقُولُواْ عَلَى اللهِ مَا لاَ تَعْلَمُونَ}

‘’ Inaad Alle (سبحانه وتعلي) dushiisa ku tiraahdaaan waxaydaan aqoon u lahayn.’’ {Surat: al-Baqarah, 169}

Iska dheh lama ogola, iska dhehdaas halis bey leedahay waa Qatar, sidaas daraadeed baa (Aathaar) aad u fara badan (Salafka) waxaa ka soo orday Saxaabada iyo Taabiciinta inay aad ugu digi jireen in quraanka ra’yigaada aad ku fasirto.

Abuu Bakar As-Siddiiq {رضي الله عنه} ayaa waxaa laga weriyay in uu yiri;

‘’Dhulkee I haynayaa, samadeese I hareeyneysa hadaan ra’yigeeyga iyo sida ila quman aan kitaabka Ilaahay ku fasiro.’’

Dhulku ma haynayaa, samadeese I hareeyneysa, mas’alo marka culus leh weeye.

Aathaar aad u fara badan baa marka ka soo aroortay Saxaabada iyo Taabiciintabo oo diideeysa in quraanka ra’yi mujarat lagu fasiro, ra’yiga la diidan yahayna, waa ra’yiga madmuumka ee xun weeye, saas weeye macnaha.

Inaad mathalan iska tiraahdo;

{وَأَرْسَلَ عَلَيْهِمْ طَيْرًا أَبَابِيلَ}
{3 سورة الفيل}

{طَيْرًا أَبَابِيلَ}, Shimbiri lagu soo diray ma ahaynee, waxay ahayd Bagteria ayaa lagu soo diray, wadaad baa saa u fasiray, Jarathiin Bagteriya ayay ahaydee shimbiro intey dhagax soo qaataan dad ku duqeeya ma diyaarat baa uu ku leeyahay. Kaasi waa ra’yi madmuum ah waaye, aan anigu maskaxdayda ku rabaan ku fasiri, maya taasi waa la diiday.

Mark tafsiirka noocaas oo kale waa tafsiir baadil ah, ninka saa quraanka u fasiraaya ra’yigiisii iyo jeebkiisii tafsiir uu kala yimid mariyayna, waa (Aathim) dambi weyn weeye.

Waxaad ku dadaashaa tafsiirka aad mareyso inuu noqdo tafsiir (Naqli) ah oo (Ma’thuur) ah, ama Nabiga (صل الله عليه وسلم) ayaa laga soo guuriyay ama Saxaabadaa laga soo guuriyay ama Taabiciinta laga soo guuriyay, ama A’Immadii kaa horeysay ee cilmiga lahayd aya laga soo guuriyay saa ku dadaal. Marka inaad taa hesho ayaa aad iyo aad muhiim u ah.

Sida hadalkaa waxaa iskaleh Sheekh Islaam Ibnu Taymiyah iyo Ibnu Kathir iyo rag fara badan ayaa macnaha oranaya hadalkas isaga.

Riwaayaadka Israa’iiliga ah

Waxaan intaa ka dib tilmaameynaa labad arimood;

  1. Riwaayaadka Israa’iiliga ah
  2. Ma Makki baa mise waa Madani

Arinta koowaad waxa weeye, waa arin aad ugu arkeysaan kutubta tafsiirka intooda badan oo ah, waxa la yiraahdo riwaayaadka (Israa’iiliga) ah.

Mas’alada labaadna waa mas’alada hadalkeedna aad ugu jiri doonto markaan (Suuradaha) fasireyno oo suurad markaan bilaabeyno oo ah ma (Makki) baa mise (Madani) labadaa arimood baa Iyana dooneynaa in wax ka taabano.

Mida koowaad; horta riwaayaadka Israa’iiliga ah, waa qisooyin laga guuriyoo laga soo qaatay ummadahii inaga horeeyay kutubtooda, ama (Towreet) baa laga soo qaaday ama (Injiil) baa laga soo qaaday inta badana waxay ku timaadaa meela quraanka qisooyinkiisa ah, meela qisooyinka ayuu inta badan ku yimaadaa.

Riwaayaadka Israa’iiliga ah Saxaabada qaar ka mid ah ayaa laga wariyey, Taabiciintana qaar ka mid ah waa laga wariyaa, laakiin asalkoodu ama waa (Towreet) ama wa (Injiil) kutubuhii hore ayaa laga keenay.

Kutubta tafsiir kitaab ka nabad galay waaba yar yahay, intooda badana wa ku sheegayaa, marka side baa loola dhaqamaayaa oo qisooyinka noocaas oo kale ah ama la qaadan karaa, mise wa la diidi..?  mise si dheh dhexaadaa jiro oo la maraayo..?

Seddex qeybood bey u qeybsamaan; riwaayaadka noocaas oo kale seddex qeybood baa loo qeybiyaa.

Qaybta kowaad; waxa weeye waa qeyb quraanka iyo sunnada Nabiga (صل الله عليه وسلم) ay ka marqaati kaceen iney sugan tahoo sax tahay, qeyb waa qeybtaa. Waa riwaayo Israa’iiliya oo kutubtii reer banu Israa’iil laga soo qaaday, laakiin quraankaa waxaa laga helay ama sunnada Nabiga (صل الله عليه وسلم) wax u marqaati kacaaya. Tan toocaas oo kale waa la rumeyn, maxaa yeelay quraankii iyo sunnadii baa u marqaati kacaayo.

Qaybta labaad; waxa weeye waa qayb quraanka iyo sunnaha aan ka helnay inay waxba ka jirin oo been tahay, quraankii baa yiri ma jirto, sunnadii baa tiri ma jirto, qisadaa Israa’iiliga ahna waa ku soo aroortay maxaynu oraneynaa marka..?

Ma jirto Ayaan anug dhaheynaa waa been baanu oraneynaa, tii horena waxaan niri, waa sax baan dhaheynaa.

Qaybta seddexaad; waxa weeye waa qeyb quraanka iyo sunnaha ay kaba aamuseenba, sax weeyaana lama dhihin qalad weeyaana lama dhehin, mana qilaafsanoo hada qilaaf cadoo qilaafsan tahay quraanka iyo sunnaha kama muuqato mana la dhihin waa sugan tahay, maxaynu sameeyna qeybtaa weeye, qeybtaasaa ugu daran.

Qaybta noocaas oo kale ah waxa weeyaan (Yustashhad walaa Yustadalu)

Waa leykaga sheekeysan karaayoo waa la sheeg sheegi karaa, laakiin lama daliishan karo oo daliil (nas) ah oo quraanka lagu fasiro ma noqon karo. Waxay ku dhisan tahay xadiithkii Cabdulahi Ibn Camr Ibn Caas {رضي الله عنه} ee bukaari iyo qeyrkii ay soo saree ee Nabigu (صل الله عليه وسلم) uu yiri;

‘’Ummada Iga gaarsiiya diinta wallow hal aayadba ha noqotee.’’

Reer bani Israa’iilna ka sheekeysta wax wax cirii iyo dhib kuma jiree.’’ Reer bani Israa’iil sidey noqdeen saasa ku dhacday ka sheekeysta.

‘’Ninkii igu been abuurto wax aanan oranin iga yeersiyo wuu yiri yiraahdana ha u diyaar garoowo naarta meeshuu ka geli lahaa.’’ buu yiri Nabiga (صل الله عليه وسلم).

Marka ku sheekeysta reer banii Israa’iil wax dhib ah kuma jiree.

  • Hana ka rumeysanina hana beenina yiri Nabiga (صل الله عليه وسلم).
  • Hana ka rumeysanina hana beenina, ee waxaad tiraahdaan;

Wixii aad u weydaan wax cad oo diidaya waxaad tiraahdaan;

‘’Anagu waxa xaga Ilaahay ka soo degay rumeyni, hadii wixii Ilaahay soo dejiyay xaqa ahaa oo ka mid yahayna rumeyni, haduu baadil yahayna maanan rumeyn,’’ intaa kaga gaabsada.

Marka waa leyska sheeg sheegi karaa, laakiin waxaa nasiib xumo ah in badan oo dadka quraanka fasira ka mid ihi, ineynaan ka nabad gelin qisooyinka noocaasoo kale ah inay ka dhigaa sidii xadiis Nabiga (صل الله عليه وسلم) ka sugan oo kale.

Markaasaa waxaad arkeysaa wuxuu daldalahaya qisooyin (Ficoon) ku soo arooray ayuu saacada iska wadayaa. Qiso ku soo aroortay (Surat al-Baqara) neefki Lo’da aha iyo qisadiisi buu mudo iska daldalaayaa qisooyin badan baa halkaa ku soo arooray.

Haaruut iyo Maaruut qisadoodii buu iska daldalaayaa, Asxaabul Kahfi inta quraanka ka sheegay wax badan oo dheeraat ah oo meesha lagu sheegay buu wadaadkii daldalahay kitaabka fasirahay quraankii fasirahayay, dadkii maxay u qaadanahayaan marka, waxay u qaadanahayaan waxa uu wadaadka daldalahay inuu yahay wax sugan mana sugna.

Marka qisaska Isaraa’iiliga ah waxaa ugu fiican (Al-Imaam Xaafid Ibnu Kathiir, {رحمه الله} asagu wuxuu ku fiican yahay qisado Israa’iili ah meeshay soo gasho in badan wuu baraarujin, wuxuu leeyahay qisaskaasi waa Israa’iliya yacni waxa weeyaan,

{لا نصدق و لا نكدب}
‘’mana rumeyneyno mana beenineeyno..’’

Ninkii ku sheek sheekeysanaayo oo meelaha majaaliista kag sheekeyneysa waayeelkadii, laakiin kitaabka Ilaahay fasir uma noqon karo. Inta badana waxay ku timaadaa oo ay qisooyinkaasi ku soo arooraan waxyaabo oo aan faa’iidoba lahayn.

Ileyn cilmiga, cilmine waa midaan faa’iido lahayn, cilmine faa’iido leeyahay camal baa ka dhalanaayo, maxa faa’idoo ku jirtaa hada in la ogaado, qolodii godka gashay oo (Suurat al-Kahf) ugu tagi doono (Fityadii) ama nimankii dhalinyarada ahaa,

  • Eeygoodii la socday midabkiis, ma wax faa’idaa ku jiro..?
  • Ayaga magacyadooda maxay ahaayeen..?
  • Hebel iyo hebel baa la oran jiray wax faa’idoo ku jirta malahan,
  • Tiiradooda intey ahayd..?
  • Ushii Nabi Muuse {عليه السلام} mucjisada u ahayd geedkee baa laga soo gooyay..?

Maxaa faa’idoo ugu jirta..? wax faa’iido kuma jirto.

  • Shimbirihii Nabi Ibraahiim {عليه السلام} noolee la yiri oo aayada loogu dhigaayay, shimbirahaasi imisaay ahaayeen..?
  • Magacyaheese la kala dhihi jiray..? ma wax faa’iida ku jirto..? wax faa’iido kuma jirto.

Reer banii Israa’iil hadii la yiri neefka oo Lo’da gooraca oo ku dhufta meydka, ma needkii oo idil meydka kuma dhufanine qeybtee baa lagu dhuftay..? Ma lug bey ahayd, ma sin bay ahayd, ma feer bay ahayd..? ma wax macnaa ku jira..? wax macnaa kuma jiro.

Geedii uu Nabiyullahi Muusaa oo Ilaahay kula hadlay, geedaa, geedee ahayd..? Ma qurax bay ahay, am qansax bay ahayd, ma hareeri bay ahayd, maxay ahayd geedii..?

Maxaa idinka galay warkaa idin gashaday, inta badan waxyaalahaa aya marka u badan tahay, ogaanshaheedana faa’iido maleh.

Nabiyullahi Aadam {عليه السلام} markii jannada la geliyay Ibliisna laga soo ceyriyay, Ibliis side buu ula xiriir oo uu ku waswaasiyay..? Abeesu raac oo abeesaa meesha martay oo dhuumatay oo halkaa ka gashay oo maxaa abeeso iyo warkeeda ku geliyay intuu qurkaanka kuu sheegay soo kuuma filna..?

Intaa quraanka ka sheegay waa quraasadii faa’iidada lahayd.

Ilayn war fara badan wax kuu tari maayee intii xikmadeeysan oo faa’iido leh baa wax tara sooma aha? Quraasada quraanka u bixiyay baa intaa un baa looga baahan yahay.

Waxaa kale ee kutubta reer bani Israa’iil soo guuriyeen; {لا نصدق و لا نكدب}, halkaa baan kaga aamuseynaa, hadaanan heli nas markaa beeniya.

Intaa aan kaga baxno riwaayaadka Israa’iiliga oo in badan ku arkeysaa kutubta tafsiirka xataa Ibnu Kathiir iyo Ibnu Jariir At-Tabari iyo kutubka xataa tafsiir bil ma’thur la yiraahdo iyadan lafteeda macnaha in badan ku soo arooreeyso kuwa kale ikaba dhaaf intaa Ayaan ugu gudbeynaa.

Ma Makki baa
Mise waa Madani..?

Quraanka waxaa loo qeybiyaa laba qeybood oo kala ah;

  • Makki
  • Madani

Waxayna ku sabsan tahay quraanka goortuu soo degay (Makki) suuradaha qaar baa ah qaarka kaletana waa (Madani) ra’yiga ugu fiican waxa weeye, markii la yiraahdo suuradani waa (Makki) ama waa (Makkiyah) macnaha waxaa laga wadaa waxay soo degtay intuusan Nabiga (صل الله عليه وسلم) soo hijroonin, ama Makka gudaheeda ha ku soo degto ama Makka asagoo ka tagay oo meel kale joogaa ha ku soo degto.

Intaan la soo hijroonin ka hor quraankii soo degay baa waxaa loo yaqaanaa waa quraan (Makki).

Madanigana waxaa la yiraahdaa markii hijrada ay bilaabatoo Nabiga (صل الله عليه وسلم) hijrooday, hijradiisii ka dib quraankii soo degayna waxaa la dhahaa (Madani) xataa Makkaba ha ku soo dego. Xataa haduu makka ku soo dego laakiin hijrada ka dambeeyay (Madani) baa la dhahaa (Makki) lama yiraahd.

{الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الإِسْلاَمَ دِينًا}
{Surat: al-Maa’idah, 3}

Xageey ku soo degtay Makkay ku soo degtay, banka (Carafo) Nabiga (صل الله عليه وسلم) asagoo taagay bey ku soo degtay. Ma (Madani) baa mise waa (Makki)? Waa (Madani) sababtu waxa weeye, waxay ay soo degtay hijrada ka dib bey soo degtay.

Meesha ay ku soo degtay la fiirin maayo laakiin, waxaa la fiirinaayaa, ma waxay soo degtay hijrada ka dib mise hijrada ka hor. Hijrada ka hor hadey soo degtay waa quraanka qeybtiisa Makkiga ah, hijrada ka dibna hadey soo degtay waa quraanka qeybtiisa Madaniga ah baa la yiraahdaa.

Maxaa faa’idoo leedahay in quraanka qaabkaa loo qeybiyo..?

Faa’iidada ay leedahay waxa weeye, hadii lagu yiraahdo suuradani waa (Makki) inta badan suuradaha Makkiga ah mawduuc bay ka hadlaan, waxaan mawduuca ay ka hadlaan uu calaaqa la leeyahay marka ay soo degayeen arinta taagneyd.

Maxaa yeelay Nabiga (صل الله عليه وسلم) markuu joogay gaaladii wey is hayeen arimaha murunku ka taagnaa iyo doodu waxay u badnaayeen;

  • Arimaha caqiidada,
  • Maalinta aakkaro,
  • Ilaahay keligii ha la caabudo,
  • Rususha iyo risaalaadka ha la sugo,

Arimaha noocaas oo kale mabaadi’da waaweeyn buu muranku ka taagnaa, quraanka degaaya xiligaa marka xooga wuxuu saarayaa arimahaas. Quraankii soo degay hijrada ka dibna waxaa markaa abuurmay bulshadii Islaamka.

  • Bulsho islaam baa Madiina ka sameesantay,
  • Dowlad islaam baa ka sameesantay,

Waxay u badan tahay in nadaam la dejiyo.

  • Nadaamkii qoyska in la dejiyo,
  • Nadaamkii bulshada in la dejiyo,
  • Nadaamkii dowlada ku kala socon lahayd in la dejiyo,
  • Dustuurkii loo dejiyo,
  • Axkaamtii laga hadlo ilaa aqiir.

Isbedel baa dhacay bulshaan timid iyo isbedelkan dhacay baa quraanka (Madaniga) ah inta badana wuxuu ku saabsanaan doonaa arimahaas, ma ahan in la leeyah wuu ka tegay arimahii ay ka hadli jiray suuradaha Makkiga, ah kama tageyo.

Mas’alatul caqiida iyo mabda’a aasaasiga ee diintu ku taagan tahay tiir dhaxaadka ah isaga marnaba laga tegi maayo. Madiinana waa la waday makkana waa la waday.

Laakiin mar hadii Madiina la yimid suurada soo degaaya badcal hijra, inta badan xooga waxay sarayaan arimo kale xooga saarayaan, oo waxaay u badan yihiin mathalan caqiidan waa ka hadlayaan ficlan;

  • Waxay ka hadlaayaan axkaamta jideeynteedii,
  • Waxay ka hadlaayaan Munaafiqiintii iyo Nifaaqa,

Maxa yeelay magaalada Makka intii la joogay ma munaafiqiin baa jiray?, munaafaqiin ma jirin munaafiqiin Madiin markii la yimid bey sameesmeen, oo dowlad iyo xoogba la soo baxay.

Sidaas daraadeeda hadaad aragto suurad munaafaqiin ka hadleysa waa (Madaniya).

Waxaa la mid ah ahlu kittaabka (Yahuud iyo Nasaaro) waxaa laagu yimid Madiina, ayadana ahlu kitaabka iyo doodoodii iyo hadalkoodii aayadaha suuradadaha ka hadlaaya waa madiino, maxaa yeelay markaas ka dib bey yimaadeen Makka ma jirin.

Makka Nabiga (صل الله عليه وسلم) waxay is hayeen nimankii reer Qureesheed iyo mushrikiintii Carabta bey Nabiga (صل الله عليه وسلم) is haayeen. Marka qasadka ay leedahay waxa weeye iyo hada faa’iidada ku jirta Makki iyo Madani inaad kala garato mar alle markii lagu yiraah suuradani waa (Makkiya) mawduucaadka ay u badan doonto ku wareegi doonto teer dhaxaadkay ka hadli doonto waad fahmi, adigoo fahamsan baa guda galey oo bilaabi saas weeye macnaha ku dheeraan meeyno marka.

Maadaama aan muqadimadan hore aan idinku sheegay yacni;

  • Makki maxaa yiraahdaa..?
  • Madani maxaase la dhahaa..?

Mawduucaadka ay u kala badan yihiin suurad walba markaan bilaabeeyno Inshaa Allah waxan oran doonaa waa makkiyah ama waa madaniya laakiin Makki maxaa la yiraah Madani maxaa la yiraah soo celin maayo. Intaasaan kaga gudbeynaa.

Intaas markeyna ka gudubno maadaama aan jecel nahay in aan soo ururino oo tafsiirku nala dheeraanin, waxaan sameen doonaa (Bi’idnillaahi Tabaaraka wa Tacaalaa) aayada hadii tafsiirkeeda wax uuna qilaaf ku jiro oo ay isku qilaafaan Salaf ra’yiga markaa uu nala xoog badnaado baanu qaadaneynaa.

Muhiim ma ahan ra’yidaii kale inaan tilmaamno, maxaa yeelay hadii la tilmaamo oo qaabka loo miizaamay oo aaraada loo kala xoojiyay iyo qolo walba waxa loo daliishaday hadii la yiraahdo hala sheego hada darsiga wuu nala dheeraanaa.

Laakiin ra’yiga muqtaarka ah marka isleenahay isagaa ugu xoog badan un baan ka qaadaneynaa.

Inaan tilmaamnana waa suurto gal oo aan niraahdo ra’yi kalaa jiroo laga xoog badan yahay iyo inaan tilmaamno oo tafsiirka un intaan iska marno ka soconana waa suurto gal, inaan cida laga soo guuriyay tafsiirkaan sheegnana ayadana waxa weeyaan laazim ma ahan, laazim iskaga dhigi meyno.

Inaan niraahdo Mujaahid baa laga soo guuriyay ama Qataada laga soo guuriyay ama Ibnu Kathiir baa rajaxay muhiim ma sii aha. Laakiin waxaan ku dadaaleynaa (Bi’idnillaahi Tabaaraka Tacaalaa) waafajinta Ilaah baa iskaleh, in aan kolba ra’yiga muqtaarka ah aan qaadano kaana {إن شاء الله} aayada tafsiirkeda aan ku socono oo aan ku wadno macnaheedu marka ma aha yacni ra’yi kale ma jiro, waa jiri karaa laakiin kanaa lana xoog badnaaday weeye macnaha.

Surah Al-Fatiha

Bismillah

Suurat al-Faatixa
{سورة الفاتحة}

Suurat al-Faatixa magacyo kalena waa leedaha. Al-Xamdulillahine waa la dhahaa, Quqiya waa yiraahdaa, laakiin Suratul Faatixa waa suurad Makkiyah (siday loo badan yahay) muran baa ku jiro oo qaar baan oranaaya waa Madaniya laakin (Calal raajix) waa Makkiyah.

Suuradaha qaar ka mid ah quraanka baa waxaa ku soo arooray axaadiis tilmaameysa fadli gooni inay leedahay, fadli dheeraad ah ee quraanka intiisa kale la dheer sheegaysaa jirto.

Suurat al-Faatixan waxay ka mid tahay, qeyb libaax suuradaha la siisay bey ka mid tahay xaga fadliga quraanka marka laga hadlaayo, waxaan ku gaabsaneeynaa hal xadiith axaadiista ku soo aroortay fadligeeda.

Xadiiskaasi waa xadiiskii Abuu Saciid ibnu al-Mucalaa {رضي الله عنه} oo ay soo saareen al-Imaam al-Bukhaari iyo qeyrkiiba;

Nabiga (صل الله عليه وسلم) ayaa wuxu u yeeray (Abuu Saciid Ibnu Al-Mucalaa) {رضي الله عنه}, wuxuu ku yiri Abuu Saciidoow salad buu markaa ku jiraa Abuu Saciid ma uusan la hadlin salaadiis buu iska watay, salaada markuu dhameystay ka dib buu Nabiga (صل الله عليه وسلم) ku yiri markaan kuu yeeray maxaad ii ajiibi weeyday..?

Markaasaa wuxuu yiri Nabi Allow waan dukanaayay, salad baan ku jiray.

Wuxuu Nabiga (صل الله عليه وسلم) yiri sow Ilaahay quraanka kuma oranin;

‘’Sow Ilaahay idinma oranin.’’

 {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ ءامَنُواْ اسْتَجِيبُواْ للهِ وَلِلرَّسُولِ إِذَا دَعَاكُم}

‘’ Kuwa mu’miintoow Ilaahay iyo Rasuulkiisu markay idin dhawaaqaan yeela oo ajiiba…’’

{Surat: al-Anfaal, 24}

Maxaad ii ajiibi weeyday, markaasaa Nabiga (صل الله عليه وسلم) wuxuu ku yiri;

‘’Quraanka suurada ugu weyn baan ku bari doonaa intaadan masaajidka ka bixin.’’

Markuu damcay Nabiga (صل الله عليه وسلم) inuu baxo baan gacanta ku dhagay buu yiri Abuu Saciid, markaasan iri Nabi Allow sow maadan ii balan qaadin suurada quraanka ugu weyn inaad I bareeyso..?

Markaasuu Nabiga (صل الله عليه وسلم) yiri (Nacam) {الْحَمْدُ للهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ}

‘’Waa todobada soo noq noqoto iyo qur’aanka weyn.’’

Haa buu Nabiga (صل الله عليه وسلم) yiri: {الْحَمْدُ للهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ} suurada la yiraando magac yaheeday ka mid tahay, waa todobada soo noq noqoto weeye (Sabcul Mathaani) todobada soo noq noqoto weeye iyo quraanka weyn.

Quraanka weyn ee Ilaahay I siiyay weeye, taa iyada ah suurada ugu weyn weeye buu Nabiga (صل الله عليه وسلم) yiri, marka suurada, suurad ahaan quraanka ugu weyn uguna fadli badan dhinac walba waa suurat al-Faatixa. Sidaad daraadeed buu Ilaahay waxa inoo dooray inaan salaadeen ku akhrino, oo salaadiiba laazim lagaga dhigo iyada la akhriyo.

Wixii iyada ka soo haray qiyaar yeelo, laakiin iyada akhrinteedu waa laazimo salaad aan lagu akhriyin surat al-faatixa Nabiga (صل الله عليه وسلم) wuxuu yiri salaadiisa waxba kama jirto, intaasi marka fadligeeda weeye.

Tafsiirka Suurada
{Al-Faatixa} oo kooban:

Lambarka Aayada Tafsiirka
1 { بِسْمِ اللهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ} Magaca Alle Ayaan ku bilaabaynaa, Allahii naxariistaha ahaa, (Naxariista guud leh), ee naxariistaha ahaa. (Naxariista gaar leh)
2 {الْحَمْدُ للهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ} Mahad, mahad kasta ama mahad kuligeed (للهِ) Ilaahay bey u sugnaatay. Allahii uunka rabigooda ah
3 { الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ } Allahii naxariista guud ku tilmaamnaa, Allahii naxariista gaarka ah ku tilmaamnaa.
4 { مَلِكِ يَوْمِ الدِّين } Allahii (Boqorkii) Maalinta abaal gudka.
5 { إِيَّاكَ نَعْبُدُ وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ } Adiga keligaa Ayaan caabudi, keligaa baabnu kaalmo ku weydiisan.
6 { اهدِنَا الصِّرَاطَ المُستَقِيمَ } Allow nagu hanuuni jidkii toosnaa.
7 {صِرَاطَ الَّذِينَ أَنعَمتَ عَلَيهِمْ
غَيرِ المَغضُوبِ عَلَيهِمْ وَلاَ الضَّالِّينَ}
Kiwii jidkooda Allow nagu hanuuni aad nimceeysay dushooda. (Jidkaasoo) kuwii loo carooday jidkoodii kheyrkii ah dushood. Kuwa lumay jidkoodii kheyrkii ah.

Surah Al-Fatiha (line)

Tafsiirka iyo Sharaxa

01

  • (بِسْمِ اللهِ) Magaca Alle Ayaan ku bilaabaynaa
  • (الرَّحْمَنِ) Allahii naxariistaha ahaa, (Naxariista guud leh)
  • (الرَّحِيمِ) ee naxariistaha ahaa. (Naxariista gaar leh)

Labadauba waa naxariis waa labada magic oo Ilaahay leeyahay (Sifatul Raxma) ayaa laga keenay wey kala xeel dheer yihiin oo (الرَّحْمَنِ) baa ka xeel dheer, waa midka naxriista xeesha dheer leh, waxay u badan yihiin culimada (Salaf) in la yiraahdo (الرَّحْمَنِ) naxariista guud leh.

Sidaasaa agteena caan ka ah oo aduunka gaal iyo muslimba naxariistey ku haystaan, Ilaahay baa u naxariisto (سبحانه وتعلي).

(الرَّحْمَنِ) sidaas ayay tilmaameysaa.

Al-Raxiimna (الرَّحِيمِ) naxariis qaas ah oo mu’miniinta uun gooni ku ah aakhiro markii la tago midka naxariista weeye.

{ وكان بالمؤمنين رحيما }
{Surat: al-Axzaab, 43}

Marka Raxiimka (الرَّحِيمِ) waxay tilmaameysaa naxariista qaaska ah ee Ilaahay mu’miniinta maalinta qiyaamo ugu naxariisan doono gaaladuna ay nala wadaagi doonin.

Al-Raxmaana (الرَّحْمَنِ) waxay tilmaameysaa naxariista guud oo gaal iyo muslim iyo jamaadaad iyo xayawanaad iyo kuli aduunka lagu kala haysto taa iyada ayay tilmaamey.

  • Allahii (الرَّحْمَنِ) naxariista guud lagaa.
  • Allahii (الرَّحِيمِ) mida gaarka lahaa.

Taasi magaciisa cuskaneynaa oon ku bilaabeynaa.

02

(الْحَمْد) Mahad, mahad kasta ama mahad kuligeed (للهِ) Ilaahay bey u sugnaatay.

(Alifta) iyo (Laamta) Alxamdu ku jirta waxay faa’ideeyneysaa mahad oo dhan, amaan oo dhan kuligeed Ilaahay (سبحانه وتعلي) baa iskaleh.

Shukri iyo amaan oo dhan Ilaah baa iskaleh, isaga keligii baa leh oo midki ahaan u leh, isagaanaa mudan Rabi (سبحانه وتعلي). Taasi Ilaahay isagaa is mahdinaayo marka, inagana wuxuu ina barayaa inaan mahadino oo sidaan ugu mahadi lahayn iyo qaabkaan u mahadin lahayn waa leynagu barayaa isaguna waa is mahadinaayo (سبحانه وتعلي).

(الْحَمْد) Mahad,

Mahad kasta ama mahad kuligeed Ilaahay bey u sugnaatay keligiis (سبحانه وتعلي) ayaa iskaleh, adoomadu maalintay is mahadinaayaan ayagu iyo amaanta ay is amaanayaan Ilaahay baa leh. Maxaa yeelay ruuxa aad ku amaaneyso mathalan;

  • Waa deeqsi ama aad ku aamaaneyso
  • Cilmi uu laayahay ama aad ku amaaneyso
  • Caqli uu leeyahay ama aad ku amaaneyso
  • Qurux uu leeyahay,

Waxaa aad ku amaaneyso Ilaah (سبحانه وتعلي) ayaa iskaleh (Allaah) baa iskaleh (سبحانه وتعلي), amaanta ay igu Ilaahay amaanaayaaneh isagaa iskaleh, aamta uu isagu qaar adoomadiisa ka mid ah amaanayaan isaga iskaleh, amaan walbana isagay ku dhamaataa marka, Alle (سبحانه وتعلي) isagaa ikaleh.

Laba sababood buu Ilaahay amaanta ku leeyahay iyo mahada, waa mid weeye horta wuu dhameestiran yahayoo meel la’iin iyo kume leh ceeb, qalqigiisana waa ka gedisan yahay. Hadii uu ku taro ama yuusan ku tarinee, sheyga haduu kamaal leeyahay mutqaloo dhameystiran yahay waa leyska amaanaa sooma ahan, (min kamaali daatihi) ayaa lagu amaanaa.

Wuxuu kalo amaan uu ku leeyaha… taa waxaa ka gedisan adoomadiisoo, adoomadan midka ugu dhameys tirnaan badan meel uun bey ceeb ka leeyahiin soo saas mahan..? Kan ugu dhameys tirnaan badan meel uun buu iin iyo ka leeyahay dhimnaasho ka leeyahay, taa marka Ilaahay amaan buu ku leeyahay.

Tan labaad ee uu amaanta ku leeyahay ku mudan yahay waxa weeyaan, wax kasta oo adoomadu hastaan oo leysku amaano ama leysaga mahad geliyay isagaa bixiyay.

(Wa maa bikum min nicmatin fa minallaahi) weeye marka amaani meelay ku timaado isagaa iskaleh (سبحانه وتعلي).

(الْحَمْد) Mahad iyo amaan kuligeed (للهِ) Ilaahay bey u sugnaatay,

(رَبِّ الْعَالَمِينَ) Allahii uunka rabigooda ah, uunka midka iskaleh oo maamula rabiga macnaha (Al-Maaliku muttasarif) weeye, waa midka iskaleh hadana maamula weeye.

(الْعَالَمِينَ) waa kaa horey u soo sheegnay oo aayad kale buu Ilaahay ku fasiray.

Ilaahay (سبحانه وتعلي) wuxuu yiri:

{ قَالَ فِرْعَوْنُ وَمَا رَبُّ الْعَالَمِينَ }
{ قَالَ رَبُّ السَّمَوَاتِ وَالأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا إن كُنتُم مُّوقِنِينَ }

‘’Fircown wuxuu yiri caalamiinta aad sheegeysid rabigooda yaaweeye {Muusow}…?’’ ‘’{Muuse} (cs) wuxuu yiri; samaawaadka iyo dhulalka iyo inta u dhaxeysa rabigooda weeye.’’

{Surat: ash-Shucaraa, 23-24}

Marka aayadaa ayaa fasirtay maqluuqaadka Ilaahay oo dhan baa (Caalamiin) la yiraahdaa, kuligood isagaa Ilaahay marka iskaleh, isagaana u taliya;

  • ciduu raboo dilaa,
  • ciduu doonoo nooleeyaa,
  • ciduu doono wax siiyaa,
  • ciduu doono ka qaataa.

Isagaa maamusho rabi (سبحانه وتعلي) adoomadiisa, Allahii (الْعَالَمِينَ) uunka dhan rabigooda ahaa ee u taliyanee iskalahaa Allahaas ayaa amaan leh.

03

Allahii (الرَّحْمَنِ) naxariista guud ku tilmaamnaa, (الرَّحِيمِ) Allahii naxariista gaarka ah ku tilmaamnaa.

04

(مَلِكِ يَوْمِ الدِّينِ) (Boqorkii) Maalinta abaal gudka.

Abaal gudka (الدِّينِ) (bi-Macnaa al-Jazaa) weeye abaal gudka maalinkeeda Allahii iskalahaa ee maaligii boqorkiisa ah. Maalinta abaal marintu waa malinta qiyaamada.

وَمَا أَدْرَاكَ مَا يَوْمُ الدِّينِ {17} ثُمَّ مَا أَدْرَاكَ مَا يَوْمُ الدِّينِ {18}
{19} يَوْمَ لا تَمْلِكُ نَفْسٌ لِّنَفْسٍ شَيْئًا وَالأَمْرُ يَوْمَئِذٍ للهِ}
{Surat: al-Infitar, 18-19}

Yawmu diin waa maalinkaa, maalinka qiyamada, maxaa yeelay maalinkaas ayaa ruux walba wuxuu shaqeystay baa abaal gudkiisa la siinayaa.

Maalinka yaa leh marka..? Allaah (سبحانه وتعلي) baa iskaleh, oo manta Ilaahay male miyaa..? maalin kaas waa boqorkiis maxaa loo leeyahay maantaba iyo aduunyada soo boqor asaga uma ahan..? Wuu u yahayee maalinkaa waxaa loogu qaas yeelay cid murmeysa ama ku haysata ama sheeganeysaan jirin.

Maantse qaar sheeganeysaa jiro maalinkaa laakiin nin sheegan doono ma jiro.

{لِمَنِ الْمُلْكُ الْيَوْمَ ۖ لِلَّهِ الْوَاحِدِ الْقَهَّارِ}
{Surat: al-Ghaafir, 16}

Maanta yaa mulkiga iskale qiyaamadii baa la joogaa, Alle keligaa baa iskaleh,

  • Madaxdii
  • Boqoradii
  • Madax weyna yaashii
  • Kuwii aduunka sheegan jiray,
  • Salaadiintii

Maalinkaas nin wax sheegan karo ma jiro (مَلِكِ يَوْمِ الدِّينِ) saasaa loogu qaas yeelay maalinkaa (wa ilaa) maantana asagaa maalik u ah oo aduunyada rabi u ah.

Taana waxaan ka soo fahamaynayba (رَبِّ الْعَالَمِينَ) baan ka soo fahamnay inuu aduun iyo aakhiro isagu leeyhay, laakiin (مَلِكِ يَوْمِ الدِّينِ) waxaa loogu qaas yeelay, macnahaasy wadataa.

Sidaas daraad baa loogu qaas yeelay (مَلِكِ يَوْمِ الدِّينِ) Abaal gudka ama abaal marinta maalikeeda Allahii (سبحانه وتعلي) lahaa ee boqorka u ahaa, Allahaa baa amaan iyo mahadin iskaleh.

Intaaba waa sifaadka Ilaahay (سبحانه وتعلي).

  • Al-Rabb waa sifo Ilaahay
  • Ar-Raxmaan, waa sifo Ilaahay
  • Ar-Raxiim waa sifaat waa magacyo Ilaahay oo sifo ka laazimeyso.
  • Maalik waa magic Ilaahay

Intaa markaad soo sifeyso soo tilmaantay yaa waxaad moodaa sidey adiga oo hor yimidoo soo hor istaagay oo kale, waxaad diyaar u tahay marka in aad la hadasho oo isagii (Allaah) hadal u jeediso.

05

(إِيَّاكَ) Adiga keligaa (نَعْبُد) Ayaan caabudi (وإِيَّاكَ) keligaa baanu (نَسْتَعِينُ) kaalmo ku weydiisan.

Keligaa baanu caabudi, keligaa baanu kaalmo weydiisan, adiga keligaa baanu kaalmo ku weydiisaheeynaa. (إِيَّاكَ) waa macmuul la hormariyay baa la yiraahdaa cilmiga balaaqada hormariinta (Iyaakada) la hormariyay waxa ay faa’ideeyneysaa cibaadada iyo kaalma weeydiisiga oo asiga lagu qaas yeelo oo lala wadaagin, waxayna la macna tahay oo kale;

{“لا إله إلا الله”} bey la macna tahay.

(إِيَّاكَ نَعْبُد) {“لا إله إلا الله”} ayay la mid tahay, keligaa un baanu ku caabudeynaa oo cibaadadaada cid kale kula wadaajin meeyno.

  • Cid kaloon aadeeyno oo wax weeydiisaneyno ma jirto,
  • Cidkaleetoo wax kula wadaajineyno ma jirto,
  • Cid kaloo kuu sii maraynana ma jirto,

Adigaana ku caabudi adiga un baan kaalmo ku weydiisaneynaa waxanu rabno oo ama dan aduunyo ah, ama dan aakhara ah adigaan ku kaalmeeysan.

Mida hore marka:

  • (إِيَّاكَ نَعْبُد) macnaheeda waxa weeye waxaad ka bari noqoneysaa (Shirki).
  • (وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ) waxaad ka beri noqoneysaa xoog iyo xeelad.

(إِيَّاكَ نَعْبُد) Allow shirki kuma jiro

(وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ) waxaa weeye xoog iyo xeelo toona ma lihi.

 Adigaan ku kaalmeesanaayoon doonayaa inaad wax ila qabato oo ku kaashado sidaas weeye macnaha. Macna waxay ka dhigan tahay oo aayado kaleeto quraanka ku soo arooray la macna tahay;

{فَاعْبُدْهُ وَتَوَكَّلْ عَلَيْهِ}
{Surat: Hud, 123}
‘’Isaga keligii caabud oo talo saaro.’’

  • Talo saaradu (وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ) weeye
  • Facbud-huna waa (إِيَّاكَ نَعْبُد)

Waxay la mid tahay oo kaleeto;

{رَبُّ الْمَشْرِقِ وَالْمَغْرِبِ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَاتَّخِذْهُ وَكِيلًا}
(Surat: al-Muzzammil, 9)

{لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ}

  • Mid xaq lagu caabudoo isaga aanan ahayn ma jiro, waa (إِيَّاكَ نَعْبُد)

{فَاتَّخِذْهُ وَكِيلًا}

  • Wakiil ka dhigo oo arimaaga u dhiibana waa (وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ)

Marka waxaad ka beri noqon xoog iyo xeeladkaa.

  • Acmaasha aad haysatee aakharo
  • Iimaanka aad haysato
  • Salaada aad dukaneyso,
  • Soonka aad soomeyso,
  • Xajka aad xajineyso,
  • Sadaqada aad baxsaneyso.

Ilaahay baa kuugu kaalmeeyay, kaalma Ilaahay baad ku heshay sooma ahan..? xoog iyo xeeladtaa amaad helin, inaa ku sii sugnaato ku dhimatana Ilaahay inuu ku waafajiyo ayay ku xiran tahay, xoog iyo xeelad taa maahan.

Addunka waxaad ku hayso oo xoolo ama caruur waxaa (Milkidid) oo dhana Ilaahay kaalmeyn uu ku kaalmeeyay weeye, ma xoog iyo xeeladkaa baad ku heshay..?

Marka (إِيَّاكَ نَعْبُدُ وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ) waa asalka aasaaska ay diintu ku taagan tahay, asalkaasay islaamka iyo diinta oo dhan ku taagan tahay.

(إِيَّاكَ) Adiga keligaa baan (نَعْبُد) Allow caabudeynaa.

(وإِيَّاكَ) keligaa baabu (نَسْتَعِينُ) kaalmo ku weydiisaneynaa oo aanu ku kaashaneynaa.

Ujeedada iyo hadafkaan u soconana wa adiga, oo daacadaad inaad nagu kaalmeysaanu kaa dooneynaa oo ku weeydisaneynaa weeye macnaha.

Ninkii marka labadaa kalimo fahamsan oo labadaa jumlo fahamsan oo si fiican u fahamsan cidaan Ilaahay ahayn baryi maayo cidaan Ilaahay ahayna codsi u geesan maayo, qabri iyo meyd ku jirana isu lug gooyi maayo.

Yacni Jinn iyo kuwa qarsoon oo wax tarana isku lug gooymaayo, oowliyo Ilaahay iyo sheekadood baabuurka taako taako ugu jiraa rumeyn maayo, (إِيَّاكَ نَعْبُدُ وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ) hadaad fahamto waxaas oo dhan waad ka bari noqon.

Laakiin inta aan (إِيَّاكَ نَعْبُدُ وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ) aadan fahamsaneyn laalaab kale un baad ku jirtaa oo wax yaalo kalaat ka dawa wareegi saas weeye macnah.

Taasi marka muhiimada laguu abuuray oo lagugu tala galay weeye ee Ilaahay samaawaad iyo dhulalka u istaajiyay.

Intaa markii la soo sheegay baa waxaa la ina barayaa Ilaahay (سبحانه وتعلي) cibaadadiisa la caabidahaya waxaa ugu weyn baryada, baryada waa cibaadaadka tan ugu weyn weeye. Ilaahay oo waxaad rabo la weeydiisto, waxa la weeysiidanaaya iyo Ilaahayna waa kala weyn yihiin, waxyaabo yar yarna waa jiraan waxayaabo waaweeyna waa jiraan.

Waxyaabaha aad u baahan tahay kii ugu muhiimsanaa, saad Ilaahay u weydiinsan lahayd baa hada lagu baraayaa.

06

{اهدِنَا} na hanuuni Allow {الصِّرَاطَ} jidkii nagu hanuuni {المُستَقِيمَ} ee toosnaa.

Na hanuuni codsigaa baad Ilaahay u geesaneysaa, Ilaahow ha nahuuni oo jidka toosan nagu hanuuni.

Hanuuninta iyo hiyaada laba macnaba wey ku timaadaa;

  1. (Hidaayatu dilaal wal bayaan) In sheyga lagu tusoo laguu cadeeyo, oo lagu yiraah tana waa qalad taana waa sax ayaa hidaayo la yiraah.

 {وَإِنَّكَ لَتَهْدِي إِلَى صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ}

{Surat: ash-Shura, 52}

  1. Hidaaya qeybteeda labaadna waa waafajin, oo macnaha in lagu waafajiyo sheygii xaqii cadaa, inaad qaadato, oo aad rumeyso, oo aad ku dhaqanto, ayadana waafajin baa la yiraahdaa nooc hidaayada ka mid ah.

Taa Ilaahay weydiisaneyno tee waaye marka..?

Ma Ilaahow wax noo cadee baan leenahay mise, Ilaahow xaqa cad na waafaji baan leenahay, labadaba. Ilaahow noo cadeena waan leenahay, na waafaji oo raacitaankiisa na hanuunine waan leenay intaba wey soo galeysaa.

Su’aal baa imaaneysa.

… oo waaba kanoo waan hanuunsan nahay masaajidkii baanu ku jirnaa,

  • Salaadahii baan dukaneynaa,
  • Cilmigii baan baraneynaa,
  • Zakadii baan bixineynaa,
  • Xajkii baan gudaneynaa,
  • Jihaadkii waan jihaadeynaa.

Hadana {اهدِنَا} baan la taagan nahay, maalintii meeqa goor ayaad {اهدِنَا} soo celcelinaa waan hanuunsan nahay ee sidee wax u jiraan.

Jawaabteeda waxa weeye.

Hanuunku waa kala sareeyaa;

{وَالَّذِينَ اهْتَدَوْا زَادَهُمْ هُدًى وَءاتَاهُمْ تَقْواهُمْ}
(Surat: Muxammad. 17)

Hanuunku ziyaada wuu leeyahay nuqsaana wuu leeyahay iimaankuu la mid yahay. Hadii aad hanuunsan tahay darajadiisii ugu sareysay ma aadan gaarinee Ilaahow ii ziyaadi baad Ilaahay weeydiisa neysaa.

Tan labaad ee meesha ku jirta waxa weeye, hadaad hanuunsan tahay hanuunkaa inaad ku sugnaaneyso ilaa intaad ka dhimaneyso ma hubtaa..?

Yaa kuu balan qaaday inaad ku sugnaaneyso, marka Ilaahayow hadaan hanuunsan nahay hanuunkii igu sug, wixii iiga dhimana ii dhameeystir, hadaanan hanuunsaney oon dhunsan nahayna Ilaahow i hanuuni sidaad weeye macnaha.

 {اهدِنَا} na hanuuni Allow {الصِّرَاطَ} jidkii nagu hanuuni {المُستَقِيمَ} ee toosnaa.

Jidka toosani xadiis saxiix ah waxaa Nabiga (صل الله عليه وسلم) kaga sugan oo tusaale ku bixinayay. ‘’As-Siraadul Islaam’’ weeye buu yiri Nabiga (صل الله عليه وسلم).

‘’Jidka toosani waa Islaam nimada.’’

[Xadiiska waa sugan yahay, oo Imaam Axmed iyo Xaakim iyo khaykood baa soo saaray.]

Marka islaam nimada jidka toosani Ilaahay nagu hanuuni saas weeye macnaha. Wax Ilaahay (سبحانه وتعلي) la weeydiisto marka taasaa ugu weyn.

  • Xoolo
  • Iyo Caruur
  • Iyo aduunyo

Kuligood waxba ma aha, maxaa yeelay inaynan waxba ahay waxaa ku tusi, Ilaahy kuu jecel yahay iyo kuu nacab yahayba waa siiyaa. Laakiin hanuunka Ilaahay (سبحانه وتعلي) ruuxuu jecel yahay uun buu siiyaa.

Sidaas daraadeed baan Ilaahay waxaan weydiisaneynoo isa laga dhigayoo wixii kaloo dhan aan meesha lagu soo qaadibna. Marka taasaa Ilaahay (سبحانه وتعلي) la baryayaa.

07

Su’aasha maxaay tahay mark, jidkaan weydiisaneynoo Ilaahow nagu hanuuni aan leenahay;

  • ma jid linooga horeeyi baa?
  • oo jid hore loo qaadi jiri baa?
  • mise waa jid cusub oo hanaga hada aanu bilaabeyno?
  • jid aan kharda jeexeyno miyaa?
  • mise waa jid hore loo mari jirayoo linooga horeeyay waaye?

Marka jidii linoogo horeeyay iyo cidii inooga horeysay baa la tilmaamayaa.

{صِرَاطَ الَّذِينَ} Kiwii jidkooda Allow nagu hanuuni {أَنعَمتَ} aad nimceeysay {عَلَيهِمْ} dushooda.

Kuwaad ku nimceeysay jidkoodii, kaas weeye kaan ku weydiisaneyno. Kuwa loo nimceeyay yaa weeye..?

Quraankuu Ilaahay ku cadeeyay oo ku fasiray;

وَمَن يُطِعِ اللهَ وَالرَّسُولَ فَأُوْلَئِكَ مَعَ الَّذِينَ أَنْعَمَ اللهُ عَلَيْهِم }
{مِّنَ النَّبِيِّينَ وَالصِّدِّيقِينَ وَالشُّهَدَاء وَالصَّالِحِينَ وَحَسُنَ أُولَئِكَ رَفِيقًا

 ‘Kuwa Ilaahay iyo rasuulkiisa adiicay, kuaawi waxay la jirankooda yihiin, kuwa Ilaahay u nimceeyay dushooda, kuwa loo nimceeyay yey yihiin? Waa nabiyadii, iyo Siddiiqiintii, iyo Shuhadadii, iyo dadkii Saalixiinta ee wanaagsanaa.’’

{Surat: an-Nisaa, 69}

Kuwaasaa jidka inoogu horeeyay oo horey u maray.

Kuwaasaan Allow jidkoodii ku weydiisaneynaa jid cusub ma ahan ee waa inooga horeyay qoladaasaa inoogu horeysay.

{صِرَاطَ الَّذِينَ} Kiwii jidkooda Allow nagu hanuuni {أَنعَمتَ} aad nimceeysay {عَلَيهِمْ} dushooda.

Maxaa loogu nimceeyay, waxaa loogu nimceeyay diin iyo akhlaaq, cadiiqa wanaagsan iyo camal fiican iyo cilmi buu Illaahay (سبحانه وتعلي) ugu nimceeyay.

Waa (nimcatul-diin) maxaayeelay nimcadaasaa nimca ah.

Amaa (Nicmatul-dunyaa) nimca waa tahay laakii markii taa loo fiiriyo ma ahan, tan diinta marka loo fiiriyo waxba ma aha.

{غَيرِ المَغضُوبِ عَلَيهِمْ وَلاَ الضَّالِّينَ}

{غَيرِ المَغضُوبِ} Sheyga Markii la doonayo in la cadeeyo, sheyga markaad qeexeeyso wuxuu ku sii cadaadaba aad loo fahmaa, sheyga ka soo hor jeedo marka aad tusto dadka.

Tusaale:

Midabka cadiinka la yiraah markaad doonayeyso ruux aan garaneyn inaad fahamsiiso, kii cadiinka ahaa markaad u sharaxdo, kii madowga ahaana markaad u sharaxdo sow aad u sii fahami maayo..?

Sheyga ka soo hor jeeda marka la sheego ayuu macnahiisa sii cadaadaa tii baa hada la isticmaala oo Ilaahay (سبحانه وتعلي) wuxuu yiri:

{غَيرِ المَغضُوبِ} (Jidkaasoo) kuwii loo carooday jidkoodii kheyrkii ah {عَلَيهِمْ} dushood.

{وَلاَ الضَّالِّينَ} Kuwa lumay jidkoodii kheyrkii ah.

Laba qolo jidkoodii ma ahan jidkaan ku weeysiisaneyno, jidka toosan ee aan ku weeydiisaneyno ee dadkaa la soo sheegay ay mareen, laba qolo jidkooda buu garab marsan yahay.

  • Qolo waa qola loo carooday
  • Qolona waa qolo luntay

Labadaa qolo jidkooda Ilaahayow kuma aanan weeysiisan magan baan kaaga nahay.

Kuwa loo carooday yeey yihiin..?

Xadiis buu aayada Nabiga (صل الله عليه وسلم) ku fasiray (Catiyu Ibnu Xaatim) oo Nabiga (صل الله عليه وسلم) ka warinayo oo soo saaray (At-Tarmidi) Sheekul Albaani (Saxiix Jamu Saqiir) uu ku saxiixiyay waa xadiis ugu dambeeyo (Saxiix Jamu Saqiirka).

Nabiga (صل الله عليه وسلم) wuxuu yiri:

’Yuhuudu waa ummad loo carooday, Ilaahay u carooday, nimankan Nasaarada la yiraahdana waa qolo lunsan.’’ buu Nabiga (صل الله عليه وسلم) yiri:

  • Marka (المَغضُوبِ) waa Yahuud,
  • {الضَّالِّينَ} waa Naasaara.

Jidka toosan ee markaa ay shuhadadii iyo ambiyadii ay mareen, wuxuu qilaafsan yahay jidka Yuhuudu martay, waxaa kaluu qilaafsan yahay jidka ay maren Nasaara iyo Christanka mareen. Labaa jid midna ma ahee waa jid kale, waa jid u dhaxeeya.

Marka xadiiskaas buu Rasuulkeena ku fasiray labada ummadoodba.

  • Yuhuuduna waa ummad loo carooday, waana lunsan yihiin.
  • Nasaaraduna Ilaahayna waa u carooday, waana lunsan yihii.

Labada tilmaamoodba waa isla leeyihiin, laakiin waa ku kala xoog badan yihiin.

Yuhuudu waxay ku xoog badan tahay caro loo carooday, wey ka sidataa Nasaaradu,

Nasaarada waxa ay caan ku yihiin in ay ku sifeesan yahiin baadi ay baadiyeysan yihiin.

Quraanka Ilaahay (سبحانه وتعلي) ku sheegay waxaan ugu tagi doonaa;

{فَبَآؤُواْ بِغَضَبٍ عَلَى غَضَبٍ}

Yaa laga wadaa waa reer bani Israa’iil yuhuud weeye.

Caray la laabteen caro kale dul saran.’’

{Surat: al-Baqarah, 90}

Nasaarada Ilaahay wuxuu ku yiri:

{قَدْ ضَلُّوا مِن قَبْلُ وَأَضَلُّوا كَثِيرًا وَضَلُّوا عَن سَوَاءِ السَّبِيلِ}

Horey bey u lumeen, dad badana u lumiyeen, jidkii toosnaa kala barkiisna ka leexdeen oo uga lumeen.’’

{Surat: al-Maa’idah, 77}

Marka (Dalaal) baa lagu sifeeyay yahuudna (Qadab) iyo caro ayaa lagu sifeeyay.

Culimada islaamka waxay leeyihiin ooy ila ogolo yihiin labada ummad mid walba baahideedu sabab baa keenay, Yahuuda lumitaanka ay luntay sababta keentay waxa weeyaan waa;

(Tarkul camali bil cilmi)

Cilmigii ay barteen inay ku dhaqmaan bay ka tageen, marka camal la’aan baa asal u ah lumitaanka Yuhuudeed, waxan u jeedaa carada loo carooday Yuhuud.

Nasaarada lumitaanka ay luntay waxaa asal u ah;

(Tarku al-Cilmi)

Cilmigii iyo barashadii bay ka tageen, labada ummadood marka mid walba asalkaas ayay ka tagtay.

Midna cilmigii bay ka tagtay waa Nasaaro saas ayay ku lumeen, waxba ayaga oo aan ogeyn bay rabaan Ilaahay inay caabudaan, jahli bay doonayaan Ilaahy inay ku caabudaan.

Yahuudina ayaga oo wax garanaya oo aqoontii leh oo sheygii saxda iyo kii qaladka gala garanaya baa waxay ka tageen cilmigii inay raacaan oo ay ku dhaqmaan.

  • Kuwaan (Yahuud) caro ayuu Ilaahay ugu abaal guday.
  • Kuwaana (Nasaaro) inay lumaan oo jidkii saxda ahaa ka lumaan.

Sidaas daraadeed baa waxaa la yirahdaa, oo culimada (Salafka) ay dhihi jiraan (Ridwaanullaahi caleyhim) Sufyaan ibnu Cuyeyna iyo yacni.

(Man fasada min cubaa’dinaa fafiihi shabahun minanasaara)

(Waman Fasada min Culimaa’inaa fafiihi shabahun minal-yahuud)

Culima ummada islaamka ka mid ah oo lundan hadaad aragto, (Culumaa’u Suu’ ah)  diinta ku shaqeysto isagoo aqoon leh buu hadana lunsan yahay.

  • Marka yuu u ek yahay labadii ummadood..?
  • Yuhuud buu u ek yahay.

Maxaa yeelay cilmigii wuu yaqaanaa laakiin camalkii buu ka tagay soo ma ahan.

Cubaada iyo dadka cibaadeysto oo cibaadada ku dadaala oo ummadan ka mid ah wixii fasaada oo jidka ka lumana.

  • Ummadee buu u ek yahay..?
  • Nasaaro u ek yahay.

Nin iska cibaadeysan haayoo iska wardin haayo oo iska sii jeedo oo aqoonse aan lahayn, iska cibaadeysan haaya, kaasi wuxuu hayaa dhaqankii Nasaara.

Maxaa yeelay jahli Ilaahay lagu cabudo (Nasaara) asal u ah.

Kii wax garan haayay oo cilmigii ku camal falkii ka tagayna asagana dhaqankii (Yahuudeed) buu hayaa.

Ummadaan marka isu keenoo jidkeed muxuu yahay, jidkeeda toosan waxa weeyaan waa;

(Dariiqul cilmi naafici wal camalun saalix) saas weeye macnaha.

Jidkaan aan Ilaahay weydiisaneyno waa inuu Ilaahay isku kaana daro (cilmi naafic ah) iyo ku dhaqankiisii iyo ku camal falkiisii. Yuhuudi midkey ka tagtay oo camalkii ah waa qaadanay soo mahan, Naasaro kaay ka tagtay oo cilmihii ahna waan qaadanay labadii qeyb baynu kulan sanay marka jidkaan Ilaahay weydiisaneyno kaa weeye marka.

{غَيرِ المَغضُوبِ} Jidkaa laga sifeynaya (Jidkaasoo) kuwii loo carooday jidkoodii aan ahayn {عَلَيهِمْ} dushood.

Kuwa loo carooday jidkooda ma ahan kaan ku weydiisaneyno.

{وَلاَ الضَّالِّينَ} Kuwa lumay jidkoodana ma aha.

Ee waa jidkaa hore ee Nabiyada iyo Siddiiqinta iyo Shuhadada mareen, jidkaasaan Allow ku weydiisaneynaa sidaa weeye macnaha. Marka jidkaasi qeexitaankiisii iyo faahfaahintiisi iyo cadeyntiisa xagee ku soo aroortay Ilaahay (سبحانه وتعلي) kitaabka quraan iyo sunnada Nabiga (صل الله عليه وسلم) buu ku cadeeyay.

  • Maxaa caqiida ah
  • Maxaa aqlaaq ah
  • Maxaa cibaado ah
  • Maxaa nadaam ah iyo
  • Bulsho ha noqdo
  • Kii Dowlada ha noqdo
  • Kii qiyska ha noqdo

Jidkaa faafhfaahintiisa waa kan Ilaahy u soo dajiyay kitaabka quraanka iyo sunnad Nabiga (صل الله عليه وسلم) hadii la doonay in laga run sheeyoo la marana waa in labadaa la barto, ka dibna la raaco lagu dhaqmo sidaa un baa jidka saxda lagu heli karaa.

Laakiin hadii labadaa jid mid maqan yahay, cilmii hadii uu maqan yahay sax ma nihin hadii camalkii maqan yahayna sax ma nihin. Labadaa markaan kulan sano un buu dariiqeena sax noqonaya.

Suuradan {سورة الفاتحة} Ilaahay wuxuu ku kulmiyay towxiidka sedexdiisa qeyba waa lagu kulmiyay, qeybta koowaad waxa weeye waa qeybta la yiraahdo:

(Towxiidul Uliihiya) oo adoonka wuxuu sameeynaayo Ilaahy u gooni yeelaa,

  • baryadaada
  • cabsidaada
  • wax weydiisigaaga
  • kaalmo dalabkaaga
  • sujuudaada
  • salaadaada

Inaad Ilaahay u gooni yeesho. (Towxiidul Uliihiya) ayaa la yiraahdaa, xagee lagu sheegay midkaa isaga ah (إِيَّاكَ نَعْبُدُ وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ) baa qeexeeyso.

Waxaa kaloo lagu sheegay qeybtiisa labaad (Towxiidul Asmaa wal Sifaad) Ilaahay magacyadiisa iyo tilmaamahiisa, iyadana xagee lagu sheegay, imisa magac iyo imasa sifo ayay suurada sheegtay..?

Yacni {الرَّحْمنِ الرَّحِيمِ} laba sifo sooma ahan

  • Allah waa magac asaguna, (Sifaatul Uluuhiya) buu xambaarsan yahay.
  • Maalik
  • Rabbi

Intaasoo dhan waa magacyo, magac walbana sifuu wataa, taana waa (Asmaa’u Sifaat).

Maxaa inoo haray (Rubbubiya) oo inuu adduunka iyo kawnka iyo adoomadiisa isagu abuurtay isagu leeyahay isagu uu u taliyo, loona gooni yeelo cid kaloo la wadaagtana ictiqaadanin taana xagee lagu sheegay (رَبِّ الْعَالَمِينَ) baa lagu sheegay, sedaxdiiba halkaas ayaa lagu qeexay quraankaa lagu bilaabay waana lagu qatimi doonaa (Suurada Al-Naas) markeynu gaarno ayadana sedexdaba waa lagu soo celin doonaa.

{3}قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ {1} مَلِكِ النَّاسِ {2} إِلَهِ النَّاسِ}
{3} {سورة الناس}

Sedexdii qeybood ee towxiidkaba waa lagu sheegay, taasi waxay tilmaameysaa quraanku tiir dhexaadka uu ku wareegayo waa sedexdaa qeybood ee towxiidka weye.

Ileyn shey waliba tiir dhexaad weyn buu leeyahay sooma ahan, sedexdaa qeybood uu towxiidka ka kooban yahay baa tiir dhexaadka quraanku ku wareegayaa, wuuna ku bilowday intuu socdo oo dhana arintaasuu ka hadli wuuna ku gaba baboobi doonaa waa lagu dhameyn doonaa.

Wa billaahi towfiiq.

Decorative Lines

Inshaa Allaah, waxaan codsi u soo jeedinahayaa dhamaan walaaheena in ay nagu baraarujiyaan wax alle wixii gaf ama qalad ay meesha ka arkaan ayaga oo inagu soo hagaajinaaya cinwaanada hoos ku qoron.

Webblog: wajibad@wordpress.com
E-mail: wajibad@gmail.com

Sannadka La Tafsiiray:
Taariikha Hijriga 12ka Muxarram 1424
15, March 2003 Taariikhda Miilaadiga

Waxaa qoray: Abu Kalthuma
Date:
Friday, 5 December, 2014
Hijri: Al-Jumu’a 13 Safar 1436
Start: Time 11:30 AM