Dumintii Dawladii u dambeeysay
ee Islaamka & Dhibaatada
Islaamka Maanta Haysata.

Muxaadaro:
Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil

Decorative Lines

Taariikhda Islaamka

Islaamku Wuxuu soo jirey mudo aad u badan marka laga soo bilaabo Taariikhdii Rasuulka Alle S.C.W la soo diray waa 1441 sano. Micnaha maanta taariikhda hijradu waa 1428 sanadood iyo 13 sano oo ka horeeyey hijrada. Laga soo bilaabo wakhtigaas Islaamku wuxuu soo maray xaalado kala duwan iyo duruufo kala gadisan. Laakiin waxaa aynu odhan karaa casrigii ugu liitay ama qarniga taariikhda Islaamka ugu madoowi waa qarnigan aynu noolnahay ee hada jooga.

Waayo! Taariikhda Islaamka may soo marin wakhti ayna joogin oo jirin khilaafa Islaamiya, wey jirtay wakhtiyo ay khilaafada Islaamku daciif ahayd oo liidatay, wey jirtay wakhtiyo ay xoog badnayd. Waxa aynu wada ogsoonahay inaanay maanta jirin Talis Islaamiyi, taasina waxay sababtay inay dadkii muslimiinta ahaa caalamka ka muuqdaan iyagoo aad u daciifa oo aad moodo inay yihiin agoon ama rajay waalidkood dhintay,meelkasta ay yeydu ku boobtay.

Caalamka hadaad u fiirsato maanta meel kasto oo laga ooyaayo muslim baa dagan, meelkasto dhiig qulqulaayana muslim baa dagan oo dhiigiisi qubanayaa, dhibaatadooduna wax la qiyaasikaro maaha. Umadaha marka taariikhdooda la darso maaha wax marqudha dhaca oo umad dhisnayd maalin kaliya ma wada-dunto, umad aan dhisnayna maalin kaliya ma wada dhisanto.Waxa aynu leenahay dib udhacan umada Islaamka haystaa mudo dheer ayuu ku socday, oo diin toodii kolba in halmaamayeen oo ka tagaageen.

Illaahay Subxaana Watacaala wuxuu yidhi: “ Hadii aad xaqaa Alle idiin soo dajiyey raacdaan waxba cidina idin yeelimayso, laakiin hadii aad ka weecataan waxa aad waayaysaan xijaabkii idinka celinaayay dhibaatooyinka”. Micnaha waxaa bilaamaya dhibaatadiina iyo siliciina oo aad khayrka aakhiro iyo ka aduunyaba waydaan.

Markaas waxaan jeclahay inaan taarikhda dib ugu yara noqdo waayo! Taariikhdu waa wax kaliya ee qofkii caqli lehi uu wax ku qaato.

Qarnigii hada ina dhaafay hadii aan wax yar ka soo qaato waxaa dhacay sida aad taariikhda kuwada haysaan qarnigan qarnigii ka horeeyey dunida reer galbeedka ah oo kiristiyaan ahi inay iskugu tagtay oo qabsadeen caalamka seddexaad waxa ay ugu magacdareen oo muslimiin ahaa, waxaanay bilaabeen axdigii isticmaarka oo markaas loogu tala galay in la gumaysto dadka muslimiinta ah, waxay ku tashadeen ee qorshahoodo ugu weyn ahaa wuxuu ahaa inay baabiiyaan khilaafadii Islaamka ee markaas jirtay.

Dawladii Islaamka

Dawladii Islaamka ee ugu dambeysay waxay ka jiri jirtay wadanka maanta Turkiga la yidhaahdo (Adoowlah Al-Cismaaniya). Laakiin waxay ku baahsanayd Caalamul Islaam intiisa kaloo dhan, Masar, Soodaan, Shaam iyo meelo badan oo kale iyadaa ka talin jirtay. Isticmaarkii wuxuu wadaba dawladaasi waa la tirtirray.

Sidaas awgeed waxaan jeclahay inaan taariikhda turkiga waxoogga indinka taataabto waayo! Waa maamulkii ugu dambeeyey ee uu ka taliyo talis islaamiyii, markaad taas ogaato qaabkii reer galbeed u galay waxaad ogaan kartaa meelaha kalana sidii loo galay iyo wixii loogu tashaday iyo nooca ay maanta yihiin ayaad tusaalo kugu filan uga qaadan kartaa.

Reer Galbeed mu’aamaraad bay mudo dheer wadeen oo ay ka tashanaayeen sidii ay u dumin lahaayeen dawladii islaamka ee Cismaaniyiinta oo markaas ahayd dawladii Islaamka ugu dambaysay ee ka jirtay arlada, ugu dambayntiina mu’aamaradkii wey dhigeen.

Shirqoolkaas ay wadeen oo uu hogaaminaayo nin ay iyagu soo tooba bareen oo la yidhaahdo: Mustafa Kemal Atatur ahna nin turkish ah.

Inqilaabkani wuxuu dhacay kadib markii uu heshiis la galay reer galbeedka isagoo uu soo diray ninkii la odhan jiray (Ismet Inonu) heshiiskaasi waa heshiiska loo yaqaan Lausanne Agreement (Lausanne waa magaalo Newziland katirsan).

Heshiiska waxaa wada galaayay qolodii wax inqilaabaysay ee Turkidaa iyo wasiir khaarajiyihii Ingiriiska ee Kaasuum la odhan jiray.

Waxay socotay Nov 1922 ilaa Jan 1923.

Hore ayaa marka horeba loo eryay khilafadii Islaamiga ahayd Suldaan Cabdi Xamiid 27 April 1909, laakiin laguma dhawaqin in la baabiiyay khilaafadii Islaamiga ahayd ee ninkale ayuunbay ku badaleen oo koobiya oo aan ahayn mid wax qabanaaya.

Heshiis kii la-lagalay ninkaas wuxuu ka kobnaa 4 qodob oo hadii uu hirgaliyo oo fulo arinkaasi uu dhibaatada dawladiisa oo dhan ay kafaalo qaadi doonaan reer galbeed:

  1. Inaad Khilaafa Islaamiya (maamul Islaam ku dhisan) baabiiso oo aanaan maqal kitaab & Sunah ayaa wax lagu Xukumaa
  2. Inuu ka hortago oo dumiyo wax alle wixii kasta ee laysku dayo in lagu soo celiyo khilaafadii islaamka ahayd
  3. Inuu qaato qaanuunka reer galbeed.
  4. Inuu tirtiro waxyabaha cibaadada Alle ee dadku Alle ku caabudaan sida: soonka, saalada, Xajka,sakada iwm

4 taa shardi markaad qaadato eed fuliso ayaanu ogolnahay inaanu taageero dhamaystiran ku siino, wuxuu qaatay 4 tii shardi.

Markaas 03 March1924 ayaa inqilaab lagu sameeyay dawladii islmaaiga ahayd ee Turkiga, waxaana lagu dhawaaqay oo la cadeeyay fikrada maanta loo yaqaano Jamhuuriyada Turkiga. Figrada Jamhuuriga ah maalintaas baa la bilaabay waa 83 sano ka hor. Markii u horeesayba Maxaakiimtii Sharciga iyo Awqaaftii Islaamka ahayd buu baabiiyey.

Kadib 1925 kii ayuu soo saaray qanuun madnuucaaya dhaqanka islaamka dhamaantii sida: Gabadhu inay xijaab qaadato, ninku inuu koofiyada, Cumaamada islaamka xidho iyo wixii dadka islaamka dhaqan u ahaa oo dhan, waxaana la amray inay dadku qaataan dhaqanka reer galbeedka oo ragu qaataan koofiyadaha fuqa dhuuban leh ee shirkadaha reer galbeedku sameeyaan kano tago tan islaamku qaato ee cad.

Salaanta Islaamka

Hadana wuxuu soo saaray qanuun sheegaaya inay dadku joojiyaan Salaanta Islaamka (Asalaamu Caleykum) salaantuna markaas noqoto in hey, hello ama madaxa uun laysku yara foorariyo oo koofiyada intaad madaxa ka yara qaado tidhaah hey, oo ah salaanta gaaladu isku salaanto.

1928 kii ayuu hadana qanuun kale soo saaray oo sheegaaya inay madnuuc tahay in la dhigo shareecada Islaamiga ah. Islamarkiiba hadana wuxuu soo saaray qanuun sheegaya inay madnuuc tahay in Qur’aanka la bartaa, Wuxuu soo saaray inay madnuuc tahay in afka carabiga lagu adimo salaada.

Wuxuu soo saaray in Raga iyo Dumarku dhaxalka ka simanyihiin. Wuxuu soo saaray inay madnuuc tahay inuu ninku dhawr dumara guursado oo mid kaliya uun loo ogalyahay. Wuxuu hadana soo saaray in luuqada turkiga oo xuruuftu sida carabiga midigta ka soo bilaamijirtay in la badalo oo laga dhigo laatiini ka soo bilaabanta xaga bidixda.

Wuxuu soo saaray qaanuun kale oo sheegaaya in maalinta jimcaha ay madnuuc tahay in la nasto ee Jimcahu yahay maalin shaqo badalkeeduna yahay in la nasto maalinta Axada. Wuxuu hadana soo saaray inay madnuuc tahay in xajka la tago.

Dadkii turkiga ee islaamka ahaa waliba ahaa dawladii islaamka oo dhan xukumaysay aduunka oo dhana ka baqaayay waxaa ku dhacay jahawareer. Dhawr iyo labaatan sano ayaan laga maqal qof turkiya inuu yidhaahdo xajbaan tagayaa oo ay madnuuc ahayd in qof muslim ah oo turkiyii xaj tago. Wuxuu bilaabay xataa in Eedaanka Salaada afka carabiga in lagu adimo anay banaaneyn ee ay tahay in lagu adimo afka turkiga, halka laga yidhaahdo Allaahu Akbar in lagu badalo ‘Taanru Waladur’ oo micnaheedu yahay Allaahu Akbar (Ilaahay baa Weyn) oo af turkiya.

Imaam kamida imaamda turkida ayaan maalin la kulmay markaasu sheeko ii sheegay ah qisadii meesha ka jirtay: Wuxuu yidhi markii uu soo rogay in afka turkiga lagu tukado ee uu yidhi marka salaadda la galo waa in halka bisinka iyo faataxada oo carabiya laga akhriyo la akhriyo micnaha oo afturkiya ayaa waxaa dhacday;

Masaajidkii wadanka ugu waynaa ayaa dadkii iskugu yimaadeen si ay salaada u tukadaan, deedna markii salaadii gaadhay ayaa safafkii la hagaajiyay oo salaadii loo diyaar garoobay, markii salaadii imaamkii xidhay dadkiina sugayaan inuu imaamku yidhaahdo Allaahu Akbar ayuu imaamkii yidhi: ‘Taanru Waladur’ oo ah Allaahu Akbar oo Turkish ah.

Markaasaa dadkii markay arkeen mesha sida loo tukanaayo ayaa waxaa ku dhacay fajac iyo yaab deedna qof waliba intuu kabihiisii hoosta ka qaatay ayuu masaajidka iskaga baxay. Markii imaamkii salaadii dhamaystay ayuu intuu dhanka midig eegay yidhi:

‘Gubaydin Glamaradin’ oo uu ka wado Salaamu Caleykum Waraxma Tulaah salaama naqsigga salaada marka laga baxo la yidhaahdo deedna wuxuu waayey ruux qudha, hadana bidixda ayuu eegay intuu sidii oo kale yidhi, qof kaliya oo Masaajidka joogaba wuu waayey kaligii ayuunba afturki ku tukaday. Kadib labbaatan iyo dheeraad sano ayaan turkiga cidi Masaajid Jemeeco Salaada iskugu imanin oo ay noqotay qofka raba inuu salaad tukado inuu gurigiisa iskaga tukado.

Masjidkii ugu Weynaa ee Wadanka
Turkiga oo Loo Bedelay Musiyum

Waxaa dhacay Masaajidkii ugu weynaa, uguna quruxda badnaa ee wadanka Turkiga ku yaalay ayaa wuxuu u badalay Musiyam, waa meel dadku wax ku daawadaan, waxaa markaas laga mamnuucay in salaada lagu tukado ee uu ahaado musiyam ilaa maantadan aynu joognana waa ka mamnuuc in salaad lagu tukado. Waa meel la dhigo madaxyadii dadkii hore, taariikhdii turkidii hore ee yeyda caabudijirtay oo dadka dalxiiska ahi intay yimaadaan lafaha gaboobay iyo wixii yaala intay sawirtaan deedna iskaga baxaan.

Wuxuu isku dayey inuu Culimada Muslimiinta ee turkida ahaa oo dhan iskugu yeedho oo saxeexaan waxaa uu sheegaayo oo dadka yidhaahdaan waa sax ee hala-aqbalo, Markii Culimadii diideen wixii uu sheegaayay ee yidhaahdeen nagala tag waxan aad wadato dadkana ka jooji oo diintooda faraha uga qaad ayuu mar qudha qorta kawada guray, wax yarbaa markaas ka baxsaday oo masar iyo wadamada muslimka u kala firxaday intii uu qabtayna wuu wada diley.

Marka meeshii Islaamka looga talinaayey sidaas loo galay maxaad u maleenaysaa kuwa kalana siday yihiin!.

Waxaa dhacday todobaatanadii sida Sh. Cabdala Cazaam uu tilmaamaayo sheekha la yidhaado Aamiin Siraaji ee Masjidka Masjidul Faatix ee Maxamad Faatix loogu magac daray niikii istaanbul furtay ayaa Sheekha Imaamka ka ah waxa muslimiintu jeclaysteen mar ay rabeen in Islaamka lagu soo celiyo Xukunka oo ninka  la yidhaahdo Pr. Najiid Arbimakaan xusbigiisu markuu meesha u sharaxnaa ayaa waxa la yidhi:

Ninkaagan Imaamka meesha ka ah ee dadka wax u dhigaa isa soo sharax adigay dadku ku maqalayaan oo codka ku siinayaanee dadka aad Diinta ku xukuntide,  deedna wuu diiday, oo wuxuu yidhi anigu ma galaayo baabkan.

Markii dambe ee dadkii qasbeen ayuu sheekhii ooyey. Dadkii waxay isweydiiyeen ninkii sheekha ahaa ee umada wax u dhigaayay maxaa ka oohiyey?. Markaasu Sheekhii sheeko ka sheekeeyay oo yidhi: Dadoow iskakey daaya, oo ii daaya wixii uu Aabahay uu iigu tala galay, Anigoo yarbuu yidhi ayuu aabahay Qur’aanka I baray, oo I qeybsiiyay si aan dadka Qur’aanka u baro.

Dhibtii aabihii ka soo qabsatay markii uu quraanka baraayey ayuu ka sheekeeyay oo yidhi:

Aabahay maalintii uu Qur’aanka I barayey isagoo guriga hooyaday iigu dhiga ayuu hadana iga qarin jiray hooyaday iyo walaaladay, habeenkii markaanu seexano ee habeenka badh tago ayuu aabahay saqda-dhexe itoosin jiray oo meel gaara intuu ila tago halkaas quraanka igu barijiray. Wuxuu aabahay sidaas wax iigu dhigaayay inaan ana markaan waynaado Qur’aanka dadka baro oo aniguna aanan marna quraanka halaabin Qur’aankuna halaabin. Markaas waa taas tuu aabahay iigu tala galay ee ii-daaya arintaas oo ii dhaafa ma rabo xukune.

Halkan waxaynu ka garan karnaa sida cilmaanimadu ugu talax tagtay wadankaasi matalan Pr. Najiid Arbiridaan ninka layidhaahdo iyo xusbigiisa markii maxakamada la taagayey kadib markii inqilaabka askartu intuu dhacay la qabtay ee maxakamada la taagay NATO ayaa ka qayb gashay ayaa la yidhaahdaa in inqilaabkaasi dhaco waana nimankii odhan jiray dimuqraadiyad baanu rabnaa iyo midnimo in lagu wada noolaado ayey markay muuqatay in Islaaam soo noqonaayo ay ka qayb galeen.

Kadib waxa dhacay inqilaab markii inqilaabkii ay ku guuleysteen ee dib loo qabsaday ayaa waxaa dhacday Pr. Nijaad Arbirimakaan ayaa maxakamad la soo taagay, waxa lagu haystay ninkaas wuxuu ahaa adigoo nin siyaasiya ah ayaad dadka hortiisa ku tukatay.

Michana nidaamkii cilmaanimada ee ahaa in dawlada iyo diinta lakala saaro ayaad ka hortimid, sidaas awgeed meel shaaraca oo dadku arkayaan inaad ku tukataa ma banaana imkina waxaad tahay dambiile.

Sh. Cabdala Cazaam baa wuxuu yidhi: 1969 kii isagoo ka mida dhalinyartii la dagaalamaysay yuhuuda ayaa waxa dhacay buu yidhi waxa noo yimid nin suxufiya oo muslim ah oo Maxamed Shawkas la yidhaahdo, wakhtigaasina waxaa tagaayay wadanka Sacuudiga Salaymaan Junriyal (waa ninkii madaxweynaha ka ahaa turkiga hada ka hor) oo wasiir ahaa si uu heshiis ula soo galo wadanka Sacuudiga.

Suleyman Demirel wuxuu rabay inuu cimraysto laakiin wuxuu dadkii xaramka ku yidhi: Bilshuruud! waa inaanay wax kamarad sita iyo dadka saxaafadaha ee wax duubaa meesha imanin marka aan cimraysanaayo. Sababta uu caynkaas u lahaa waxay ahayd ninkaas suxufiga ahaa ayaa wuxuu yidhi: qofka ii soo sheega qof turkish ah oo Xajjka gudanaaya ama kacbada ku wareegaaya ama maradii caddeyd sita lacag badan baan siinayaa ee ha ii keeno war.

Dhaxalkii Ninka Bukay

Turkiga lama gumaysan ee nidaamkeedii Islaamiga ahaa waxaa loo badalay nidaamkaas Cilmaaniga ah. Markii dawladii Islaamka noocaas lagu sameeyay ayaa muslimka intiisii kale oo dhana waxay u bixiyeen: ‘Dhaxalkii Ninka Bukay.’ Caalamul Islaam markaas Cismaaniyiinta ayaa xukumijirtay deedna markay dawladii Ilaamka oo dhan xukumasay ay gaaladii u fikirtay ee sidaas u baabiisay intii kalana Yuruubaa boobtay oo qurub-qurub u qaybsatay oo midwaliba intuu helay gaar u gumaystay.

Mustafa Kemal wuxuu dhintay 1938 oo waliba si fool xun u dhintay. Shan iyo tobankaas sano ee uu Mustafa Kemal wadanka turkiga hogaamiyaha ka ahaa Umada Muslimka & Diintoodana dhulka ku masaxay isagoo figradaha gaalada ku socda ayaa reer yurub waxay ku faanaan oo yidhaahdaan: Mudadaas 15 ka sano ee Mustafa Kemal u adeegsadeen baabiinta Khillafadii Muslimka ee Turkiga waa mudadii ay yurub ugu xariifsanayd siyaasada aduunka.

Maxaa yeelay! Muslim oo dhan ayey ka adkaadeen oo dhaqankoodii diinta ahaa ugu badaleen koodii kiristanka ahaa, ileen waxa marka horeba ay muslimka ku nacaayeen wuxuu ahaa Islaamnimade, waana taas maanta caalamka laga waayey wadan kaliya oo kitaabka Alle iyo Sunada ku dhaqmaaya ee ay qaanuunadii gaalada wada sitaan.

Waxaa Turkiga loo ogolaaday in Salaadda si caadiya loo tukado 1950 kii oo uu soo baxay nin la yidhaahdo Caznaam Madrid oo Reysalwasaare ka noqday wadankaasi. Caznaam wuxuu hogaamin jiray Xusbi la yidhaahdo Al-Caddaala, deedna isagoo loolankii doorashada ku jira oo Diyaarad fuushan ayay diyaaradii la haligantay.

Markii Diyaaradu hawada ku jirtay ayay shaqaalihii dayuuradu rakaabkii ku dhaheen diyaaradu way dhacaysaa ee gashada qalabka marka diyaaradub dhacayso la xidho, dhimashana u diyaar garooba. Cadnaan wuxuu yidhi markaasaan nadray oo aan Ilaahay baryay idhina:

“Alloow hadaad maanta shilkaan iga badbaadiso oo turkiya maruun madaxnimadeedu ay gacanteyda soo gasho waxaad igu ogaataa inaan Islaam ku celiyo.”  Diyaaradii way halaagantay wax alle wixii dad saarnaana qof kamuu baxsan ee way dhinteen, Ilaahay wuxuu nabad galiyey Cazaam Madrisa oo kaliya. Kaligii ayuu Allaah SWT uu si khaasa shilkii uga nabad galiyey.

Markuu nabad galay ayuu wuxu isku dayey inuu balankii uu Ilaahay lagalay uu fuliyo dabadeedna dadweynihii Turkishka ee balaayadu ku habsatay ayaa wuxuu ku leeyahay oo u balanqaaday: Hadii aan meesha qabsado waxaan ogalaan doonaa in afka carabiga lagu adimo salaada, waxaan ogalaan doonaa in malcaamadihii Qur’aanka dib loo furo, Masaajidkii weynaa ee muusiyamka laga dhigay ayaan Masaajidkiisii ku celin doonaa.

Bal u fiirso dadkan halka xaalku ka gaadhay ee uu ninkani uga bilaabay. Shacbigu siday ugu heelanaayen wax mar’uun Islaamnimo dhagaha ugu rida isagay markiiba ugu wada rideen codkoodii isna wuu ku guulaystay arrintii fiicnayd ee uu Ilaahay kula balamay.

Markaas wuxuu noqday Reysalwasaarihii wadanka deedna Rammadaankii koowaad ayuu dadka ugu bushaareeyey oo u ogolaaday in afka Carabiga lagu adimo Salaadda. Markii bishii bilatay ayaa markaliya waxaa bilaabantay “Allaahu Akbar, Allaahu Akabar”. Waxaa la yidhaahdaa sida dadka reer Istaanbuul u farxeen maalintaas markii ay Eedaankii maqaleen faraxoodu wuxuu la mid ahaa kii maalintii Istaanbuul la furtay.

Laakiin cadawgii Reergalbeed arrintaas aad bay uga xumaadeen oo u dhibtay, maxaayeelay; wadankay Cilmaanimada larabeen ayuu Islaamkii ku soo celiyey, iyaga oo rabay inuu sidaas ku socdo inta kalana hormuud ugu ahaado cilmaanimadaas. Islamarkiiba gaalladii reergalbeed waxay dhigeen shirqool ay ku inqilaabayaan si ay u dumiyaan, markay inqilaankii dhigeena waxaa la qabtay Cazaam.

Waxay keeneen maxakamad ay ku eedaynayaan inuu khiyaano weyn galay iyo dastuurkii umada oo uu khilaafay kadibna waxaa lagu qaaday dil, waayo! Wuxuu ka horyimid arragtidii reer galbeedka iyo dhankay u socotay. Laga soo bilaabo maalinkaas ilaa maanta marnaba Caalamul Islaam lama aqbalin in dadkaa islaamka ahi isku xukumaan Islaamka iyo waxa ay rabaan, xaataa waxa la diidanyahay inuu meelna ka soo bidhiiqo.

Markastaba reergalbeed wuxuu xoojinaayey cida rabta inaan wax lagu xukumin Islaamka, cida rabta inaan kitaabka Qur’aanka iyo Sunadu soo noqonin. Dagaalka noocani maaha mid meel kaliya ku kooban ee waa Caalamul Islaam dhamaantii.

Waxaa kaaga filan Guriga cad ee mareykan ninkii la taliyaha ka ahaan jiray ‘Bligrevce’ ayaa hadlay; wuxuu leeyahay aduunweynaha Mareykan wuxuu dareemayaa warwar aad u tiro badan dhaqdhaqaaqa Muslimka ee aduunka ku soo tiro batay ee caalamka ku faafaya awgeed.

Afgaanistaan markii dagaalada jihaadkii ka soconaayeen ayaa mareykanku wuxuu damcay inuu sirtooda ogaado markaasu wuxuu iska daba diray labo nin oo madax sarsare ah, markii mid soo noqday ayuu hadana kii kale diray kadib soo laabashadiisii ayaa saxaafadu waraysatay, marka su’aal la weydiiyaba ee la yidhaa dhibtaas ka waran wuxuu ugu jawaabaa:

Taasi mushkulad maaha, markii dambe ayaa la weydiiyey hadaba waa maxay mushkilada aad adigu sawiraysaa? Wuxuu ku jawaabay: mushkilada ugu weyn ee mareykanka hortaala waxaa weeye Islaamka oo nolasheena caqabad ku ah. Markaas wuxuu soo jeediyay figrad ah: Waa inaynu iloowno mushkilada inaga iyo Raashiya dhextaal si aynu uga hortagno oo u wiiqno dhibaatada Islaamka.

Calaaya kulu xaal waxaa tusaalo inoogu filan waxa caalamka ka dhacaaya maaliwalba ee lagu hayo islaamka.

La soco mawduucyada dambe hadii eebo idmo.

Waa Muxaadaradii Sheekh Mustafa Xaji Ismaaciil oo aanu Qoraal u badalnay si aanu ugu dhibyareyno dadka wax akhriska jecel.

Ilaahay waxaan ugu baryaynaa ragii shaqadaan wanaagsan waqtigoodii qaaliga ah wada siiyay oo Cajaladaha u rogay qoraal ahaa. Waxaan leenahay Ilaahay ha idinka dhiga kuwa Diintooda iyo Dadkooda wax ugu qabta Ilaahay dartii, miizaanka xassanaadkana Ilaahay ha idiin saaro.

Decorative Lines

Wa Jazaakum Allaahu khayran.

Xigasho: Alimuse.com
E-mail: admin@alimuse.com