Taariikhda
Sheekh Cumar Faaruuq

W.Q. Maxamed Xasan

Decorative Lines

Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi-Suldaan Xaaji Maxamuud wuxuu ku dhashay degmada Qooxley oo Qallaafe iyo Qabridaharre u dhaxeysa, halkaasi oo magaceeda caanka ahi yahay “Carmaale” . Waxa uu dhashay sida loo sheegay goor barqo ah, maalin Khamiis ah, xilli dayr ah, bisha iyo sannadkase lama yaqaan.

Carmaale waxa dariiqa diimeed ka hayey aabihiis Xaaji Cabdi-Suldaan, dariiqadaasoo. ka koobanayd dugsi Quraan oo uu hayey wadaad la oran jirey macallin Cusmaan Macallin Dhicis, iyo cilmiga oo isagu uu akhrin jirey.

Sheekh Cumar-Faaruuq wuxuu ka dhashay qoys diineed. Hooyadiis, Caasha Sheekh Axmed Guure, isaga oo 3 jir ah ayey geeriyootay, aabihiisna wuxuu ka dambeeyey saddex sano. Isagoo weli la gudin baa Aabbihii dhintey. Waxaa markaa Sheekh Cumar Faaruuq soo koriyey ayeeyadiis hooyo iyo walaalihiis ka waaweynaa. Sheekha dugsiga qur’aan, dugsigii 1aad wuxuu galay isagoo 5 jir ah, dugsigii labaad isaga oo 9 jir ah.

Macallinkiisu wuxuu ahaa abtigii hooyadii la dhashay oo macallin Xuseen sh. Axmed-guure la yiraahdo. Dugsigaasaa isagoo 12 jir ah uu quraanka ku dhameeyey, hase yeeshee dusha kama qaban. dugsigii 3aad isagoo 14 jir ah ayuu galey. Dugsigaas ayuu Cumar-Faaruuq quraanka dusha uga qabtey isagoo 14 jir ah. Dabadeed qur’aankii waa uu hilmaamay, sababtuna waxay ahayd isagfoo ku mashquulay shicir wax la oran jirey oo dhaqan u ahaa qoyska uu ka dhashay ah ilaa uu shicirkii dusha ka qabtey.

Markaa qur’aanka Sh. Cumar-Faruuq 3 goor buu dhameeyey. Ka dibna isagaaba macallin-dugsi noqdey, markaasoo uu 14 jir ahaa. Mar wuxuu ku qabtey dugsi magaalada Qallaafe isaga oo kutubta raacda oo xer ah, una dhiga carruurta reerkii uu markaas uu la noolaa. Reerkaasi oo uu lahaa nin la yiraahdo Olol Diinle, waxay saaxiib ahaayeen aabahiis. Dugsigii labaadna wuxuu u qabtey niman reer Ugaas la yiraahdo, meel la yiraahdo Maraacaato. Dugsigaas labaadna dugsi buu kiciyey.

Sheekh Cumar Faaruuq Cilmiga isaga oo 14 jir ah ayaa Fiqiga loo billaabay, Kitaabka Safiinatu Salaat ayaa waxa u billaabay Sh. Cusmaan-Jire Sh. Xuseen-Dhaqane.

Dhinaca luqadda Carabiga guriga ayaa loogu akhrin jirey, niman walaallihiis ah oo ay ka mid yihiin Sh. Shaafici Xaaji Cabdi-Suldaan iyo Sh. Murshid ayaa si toos ah ugu akhriyey Naxwaha, Ajruumiga, Camriidiga, Mulxaha, Mutamimka, Qadriga iyo ilaa Alfiyaha. Qaybta Sarfiga waxaa u akhriyey wadaad awowgiis ah oo la oran jirey Xaaji Maxamuud Xaaji Cabdulle, Tafsiirka waxaa u khriyey wadaad la dhihi jirey Sh. Yuusuf muddadaasoo uu magaalada Qallaafe xer ku ahaa.

Cilmiga Xadiiska ayuu markaa nin Sh. Ibraahim Muxumed Cali (Sh.Ibraahim Suuley) ka akhristay. Dabadeed Cumar-Faaruuq wuxuu galey madrassa ku taalley Xamar oo la oran jirey “Machadu-Diin bil-Muqdisho” oo ay Masaaridu dhigi jirtey. Halkaasi waxa uu ku dhameeyay dugsiga dhexe.

Dugsiga sare waxa uu ku dhameeyay Machad-Altadaamun al Islaamiyah bil-Muqdisho oo ku oolli jirey lambar afar oo ay sucuudigu maamuli jireen. Kadib waxa uu galay Jaamacadda Medina , kulliyadda “Al-Dacwa wa-usuula-Diini”, markaasoo taariikhdu ahayd 1975, wuxuuna ka qalin-jabiyey 1979kii.

Sheekh Cumar Faaruuq Jaamacadda markii uu dhameeyey waxa uu bilaabay faafinta diinta Islaamka isagoo xaruntiisu tahay Sacuudiga. Waxa uu duubay cilmi fara badan oo ay ka mid yihiin kutubo badan oo ilaa iyo 12 kitaab ah oo tafsiirka ah iyo siirada oo dhowr kitaab ah, manhajul-Muslim, taysiirul-aclaam, Arbaciinu-Al-Nabawi iyo kutub fara badan oo noocaas ah intii uu joogey Sucuudiga.

Kutubadaas ayaa gaarey Yurubta iyo Ameerikaba. Kutubtaas dartood baa dadkii ku noolaa dibedda ay jecleysteen inay arkaan, markaasoo uu 1993kii bishii July 12keedii uu Shiikhu tegay dalalka Sweden, Norwey, Danmark, Finland, Swizarland, Ingiriiska oo uu ka sameeyay muxaadaraad iyo duruus kaleba.

Kadib sannadkii 1996 ayuu ku noqday Soomaaliya, waxaanu tagey magaalooyinka Muqdisho, Marka, Qoryaaley, Afgooye, Wallaweyn, Buurhakaba, Beydhabo.

Sheekh Cumar Faaruuq intii ka dambaysay burburkii Soomaaliya waxa uu waday barnaamij ballaaran oo ka kooban seddex qaybood. Kan hore waa midaynta culimada diinta ku abtirsada, mid mid ama xisbi xisbi ha ahaadeene;

Kan labaad (Tawjiihul Uzucamaa) la talinta iyo toosinta ragga qabqablayaasha ka ah siyaasadda Soomaaliya; iyo qaybta seddexaad (Tadqiiful-Ummah) oo ah waxbaridda ummadda Soomaaliyeed, oo siduu sheegay Shiikhu “goorahan dambe Ilaahay hanuun siiyey” sidii looga haqabtiri lahaa diinta, hadday tahay akhriska kutubta ama wacdi iyo waano.

Sheekh Cumar Faaruuq waa mufti ay si wayn bulshada Soomaaliyeed uga haybaysato, waxqabadkiisuna uu ka muuqdo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba, iyadoo cilmigiisa dunida oo dhan laga wada raacdo. Dalka Sucuudiga oo uu degganaa tan iyo 1974kii, waxa uu si toos ah uga akhrin jiray kutubta, kuwaasoo cajaladaha laga duubo muxaadarooyinkiisa ay soo gaari jireen dunida inteeda kale.

Laba goor ayuu sannadkan Soomaaliya tegay Sheekh Cumar Faaruuq, halkaasi oo uu ka bilaabay tafsiir xaafadda km 4, duruustaasi oo maqal iyo muuqaalba laga duubay si mar walba loo isticmaalo faafiddooduna u fududaato. Waxa uu islamarkaa Jimcayaasha jeedin jiray muxaadaro looga kala yimaado Muqdisho iyo magaalooyinka ku hareeraysan sida Afgooye, Marka, iyo Qoryoolay.

Tirada ka soo qaygasha dhagaysigiisa waxa lagu qiyaasay 4000 oo qof markiiba, iyadoo celcelis ahaan ay 1500 oo ka mid ahi haween yihiin.

Sheekh Cumar Faaruuq booqashada uu Toronto ku yimid waxa ay ka dambaysay codsiyo iyo martiqaad ay bulshada Soomaaliyeed ee Kanada u fidisay in uu u yimaado.

Intii uu ku sugnaa Toronto waxa uu ka akhriyey laba risaalo oo kala ah “al-caqiidal-Waasidiyah” iyo “al-caqiidal daxawiyah”. Waxa kaloo uu bixiyey muxaadarooyin kale oo ay ka mid yihiin kuwo dumarka u gaar ah iyo kuwo ragga u gaar ahba.

Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu leeyahay 13 carruur ah iyo afar xaas, iyadoo ubadkiisa iyo kuwa ay sii dhaleen ay gaarayaan dhowr.