Ayaan Darane

Qeybta | 1aad

Abuu Muslim Al-khuraasaani Iyo Cabbaasiyiintii
Waxaa qoray:
Sheekh Maxamuud Sheekh Shibli

Decorative Lines

Abuu Muslim Al-khuraasaani
Iyo Cabbaasiyiintii

Hordhac

Waxaan qormadan oo ay xigi doonaan kuwo kale – in shaa Allaah- kaga sheekayn doonaa nin ayaan darane ahaa, taarikhduna ku xustay danbiyadii uu galay iyo sidii xumayd ee uu uga galbaday dunida, waxayna tusaale iyo waano u tahay dad badan oo qaadaya dariiqaas oo kale hadiiba ay waano dhago weeleeya leeyihiin.

In kasta oo qormadani tahay taariikh hore, dadkeediina tageen hadana waayaha waa lagu cibra qaataa, waayo ayaamaha nolosha ayaa isu muuqaal ekaada ayagoo wata magacyo kala duwan, sidaas darteed ayaa Quraanka Kariimka ahi in badan soo gudbiyaa waxii hore ee ka dhacay dunida si loogu waayo qaato.

Intaas kadib hadaan qeexno qofka aan ula jeedno Ayaan Darane, waxaan dhihi karnaa sidan:

  • Ayaan Darane: Waa qof inta lagu shaqaystay, markii lagu dan gaadhay, dibada loo tuuray amaba la dilay.
  • Ayaan Darane: Waa qof inta dakane la galiyay hadana dibadda la dhigay asaga oo dayacan.
  • Ayaan Darane: Waa qof inta dadkii lagu diray hadana daaqadaha laga xidhay.
  • Ayaan Darane: Waa qof inta diin xumo iyo danbi la galiyay, hadana dunida in uu calfadana loo diiday.
  • Khuraasaan: Waxaa lagu magacaabi jiray wadamada hadda la yidhaahdo ( Pakistaan) iyo( Afgaanistaan ).
  • Abuu Muslim: Waa C/raxmaan Bin Cismaan Bin yassaar Wuxuuse ku can baxay magaca (Abuu-Muslim Al-Khuraasaani).
  • Cabbaasiyiin: Waa qoys ku abtirsada Cabbas bin Cabdi Mudalib oo ahaa Nabiga scw adeerkii, oo inta uu Muslimay hadana u gargaaray Nabiga scw, kana mid noqday saxaabadiisii.

Waxay Cabbaasiyiintu ahaayeen: boqortooyo qabsatay xukunkii Muslimka sanadkii 132H, ayagoo kala wareegay boqortooyadii reer Banii Umaya, Waxayna haysteen waqti dheer oo ka badan   600 oo sano oo ay kursiga kala dhaxlayeen.

Taariikh Kooban

1.| Wuxuu Abuu- Muslim billbay abaabul lagu minja xaabinayay boqortooyada reer Banii Umaya, laguna dhisayay dawlad ay madax ka yihiin reer Banii Cabbaas.

2.| Wuxuu abaabulku ahaa qarsoodi sanadkii 129H, markii ay xoogaysteen waxay qabsadeen Khuraasaan, sanadkii 131H, waxayna rideen dhamaan dawladii hore sanadkii 132H, oo khilaafada loo dhaariyay Abuu Al-Cabbaas Al-Safaax, oo ahaa dhiigyacab dad badan gumaaday, hase ahaatee ma haysan waqti dheer oo geeri ayaa ku timid.

3.| Waxaa jabhadda cusub ee uu hogaaminayo Abuu-Muslim Al-khuraasaani astaan u ahayd calan iyo cimaamad madow, mar la waydiiyay asaga oo khudbaynaya waxa ay ka dhigan tahay cimaamadda madow wuxuu sheegay in ay kaga dayanayaan Nabiga scw oo galay Makka asagoo xidhan cimaamad madow, kadibna wuxuu amar ku bixiyay in la dilo qofkii su’aasha waydiiyay, asaga oo u cuskaday in taasi meel kadhac ku tahay haybadda iyo dharka dawladda.

4.| Markii uu dhintay Abu- Al-Cabbaas Al-Safaax sanadkii 136H,  wuxuu xilkii u dardaarmay walaalkii Abuu- Jacfar Al-Mansuur oo aanay isku fiicnayn Abuu-Muslim Al-Khuraasaani.

5.| Waxaa ku qabsaday Abuu-Jacfar Al-Mansuur xilkii adeerkiis C/laahi Bin Cali Bin C/laahi Bin Cabbaas oo kamid ahaa dadkii sida aadka ah u laayay reer Banii Umaya, wuxuuna sheegtay in asaga loo dardaarmay xilka boqortooyada.

6.| Wuxuu Abuu- Jacfar Al-Mansuur adeegsaday ninkii khatarta ahaa ee Abuu-Muslim Al-Khuraasaani si uu kacdoonka adeerkii wax uga qabto, waana fuliyay amarkii oo wuu soo afjaray kacdoonkii uu ninkaasi hogaaminayey, asagiina waa soo dilay, wuxuuna ahaa dagaal uu dhiig badani ku daatay.

7.| Abuu- Muslim Al-Khuraasaani wuxuu dagaal dheer iyo dadaal badan u soo maray riditaanka Umawiyiinta iyo xukun saaridda Cabbaasiyiinta asaga oo Allah ugu dhawaanaya, waxaana lagu qiyaasaa dadkii uu u laayay dhisitaanka dawalada Cabbaasiyiinta 600,000/ oo qof ugu yaraan.

8.| Waxaa jirtay cuqdad uu qabay Abuu-Jacfar Al-Mansuur asaga oo Abuu- Muslim ka tirsanayey qadarin la’aan iyo qab waynan ah in uu sameeyo waxa uu rabo, oo keentay in ay la qumanaato in la dilo Ab-Muslim Al-Khuraasaani, markii uu sidaas kula taliyay walaalkii Abul-Cabbaas Al-Safaax ayuu u sheegay in uu aamuso arrintaasna qarsado, wuuna aqbalay.

9.| Markii  ay dawladii cagaha dhigatay, mucaaradkii-na la sifeeyay oo uu ugu danbeeyay boqorka adeerkii, Waxaa markiiba Abuu-Jacfar  Al- Mansuur uu ka fikiray siduu  isu dhaafin lahaa Abuu- Muslim Al-khuraasaani oo aad ugu soo dagaalamay, ciidamo & taageero bandanna haystay gaar ahaan dhulka Khuraasaan.

10.| Si Abuu-Muslim awoodiisa loo wiiqo, godkiisii Khuraasaan-na looga saaro ayaa waxaa loo magacaabay ninkii Abuu- Muslim ka hooseeyay ee uu xilka kaga soo tagay (Abuu-Daawuud), waxaana loo ballan qaaday in uu waligiis haynayo haddii uu Abuu-Muslim ka hoos baxo oo boqortooyada ( Khliaafda ) ku xidhmo, asagiina waa aqbalay, wuxuuna Abuu-Muslim ku soo wargaliyay in uu xilkii Khuraasaan kala wareegay oo aanu isku soo hallaynin.

11.| Waxaa kale oo la soo saaray wareegto Abuu-Muslim loogu magacaabayo in uu madax ka noqdo gobolada Masar Iyo Shaam kuwaas oo xarunta boqortooyada uga dhowaa Khuraasaan, asaguna uusan ku lahayn taageerayaal badan, taas oo uu diiday Abuu-Muslim, uuna fahmayey in ay tahay shirqool hordhac ah oo lagaga fogaynayo gobolkii uu taageerada ku lahaa.

12.| Waxaa dabin shirqool ah loo dhigay Abuu-Muslim, waxaana loogu yeedhay daartii boqortooyada ee Ciraaq, asaga oo ka soo laabtay dagaalkii uu ku soo dilay boqorka adeerkii, asaguna wuu qabay dareenka Abuu-Jacfar Al-Mansuur ee ah in uu dili doono, wuxuu isku dayay in uu diido imaatinka daarta khilaafada, hase yeeshee sasabaad iyo hanjabaad dheer kadib wuxuu ku dhacay dabinkii lagu dili doono.

13.| Waxaa loo sii uruuriyay danbiyo dhawr ah oo looga dhigtay marmarsiiyo, markii uu ku calaacalay dagaalkii uu u soo galay dhalashada dawaladnimada reer Banii Cabbaas, waxba uma tarin maadaama uu khatar ku yahay in la calfado dawladnimadan.

14.| Markii uu arkay in la dilayo, dadkiisiina laga reebay waxuu dalbaday in uu u noolaado cadawga dawladda oo la daayo, waxaase u jawaabay Abuu-Jacfar Al-Mansuur oo yidhi:”  Wa kuma cadowga adiga iga kaa cadowsan ” kadibna waa dilay.

15.| Waxaa Abuu-Jacfar markii uu dilay Abuu- Muslim laga sheegaa in uu yiri:” Hadda ayay boqortinimadu xalaalowday, reer Banii Cabbaas-na dadka kale ka yeesheen”.

Maxaa Loo Dilay Abuu-Muslim Al-Khuraasaani..?

  1. Dhaqanka siyaasadeed ee dunida ka jiray waqti dheer wuxuu ku dhisan yahay danaysi, markii qofka laga dhamaysto danta laga leeyahay waxaa laga shaqeeyaa sidii dunida loo dhaafin lahaa ayada oo sababo loo cuskanayo sida:.
  • Waxaa mararka qaar sababtu noqotaa in laga baqayo awoodiisa oo ay tahay in la is dhaafiyo, si loo calfado midhihii lagu soo tabcay.
  • Marar kale-na waxaa lagu saleeyaa in aanay faafin sirta uu hayo oo khatar ku noqon karta dadkii ku shaqaysanayey, halka ugu aaminsan ee sirtaas lagu qariyo-na uu qabri yahay.
  1. Dhaqanka Shirkadaha: Waxaa taas lamid ah shirkadaha qaata qandaraasyada oo shaqaaleeya dad badan oo kala muhiimsan, waxay sameeyaan shaqaale dhimis marka ay shaqadu yaraato ama mashruucu soo dhamaanayo.
  • Waxay shirkaduhu soo reebtaan hadba inta lama huraanka ah, haddii ay qasab noqoto in la diro qof muhiim ahaa oo shaqo wanaagsan soo qabtay waxaa la siiyaa shahaado sharaf, waxaana loo qabtaa xaflad xasuus iyo sagootis ah.
  • Hadii ay ahayd shaqada uu qofkaasi qabtay mid muhiim ahayd laakiin aan la sheegan Karin, lagana cabsi qabo in wax ka soo laabtaan shaqadii uu qabtay iyo xogtii uu hayay, waxaa shahaado sharaf looga dhigaa in la shahiidsiiyo.

Sidaas Darteed:

1). Wuxuu Abuu-Muslim Qabtay shaqo aad u wayn, wuxuuna ahaa nin haysta taageero badan oo ciidan, gaar ahaan gobolada Khuraasaan.

2). Wuxuu Abuu-Muslim ahaa nin dhadhamiyay xukunka, khibrad badan oo dagaalna yeeshay, oo inta dawlad dumiyay mid kale dhisay, in uu ku hindiso mar kale samaynta dawlad cusubna ay dhici karto.

3). Wuxuu ahaa Abu-Muslim nin geesinima iyo Caqli badan oo doonayey in la qiimeeyo, isuna haystay in uu abaal ku leeyahay boqorada reer Banii Cabbaas, taasina ma jecla madaxdu oo ayagaa isla doonaya in loo tiiriyo abaal kasta.

4). Waxay boqorada reer Banii Cabbaas dhinacooda ka dareemayeen khatar ah in uu noqdo mucaarad, oo caqabad ku noqdo in ay calfadaan dawladnimadii u dhalatay, dhiiga bandanna loo soo daadiyay.

5). Siyaasadda aan Allaah ka cabsi ku dhisnayn malaha saaxiib joogta ah, ee waxay leedahay maslaxad joogta ah, hadba meesha ay ku bulaalayso ayaa lala beegsadaa, labadii shalay isku danta ahayd ayaa maanta kala dabayshada.

6). Boqorada reer Banii Cabbaas iyo Abuu-Muslim isuguma imaan in dhiiga Muslimka la badbaadiyo, ee waxay shirkad ku ahaayeen in cidii khatar mucaaradnimo lagu ogaado lagu duulo ama la dilo, hadana ayagii ayaa isku soo hadhay sida Atooreyaashii.

7.) Ninba waa maalintiisee waxaa Abuu-Muslim laga waraabiyay koobkii uu dad badan ka waraabiyay, waxaa lagu riday god uu dad badan ku riday, waxaa lagu dilay dabin uu dad badan ku dilay, nabsigii uu galabsaday waa laga gooyay, godkii aakhirana waa gar xisaabeed oo aan laga gaban Karin.

Decorative Lines

Waxaa Qoray: Sh. Maxamuud Shibli

06/04/2014 Mombassa – Kenya