Taariikhda Tataarka

Qaybta | 1aad

By: Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun
Taariikhda hijriyada maanta waa (Isniin 11 May 2015)
tan miilaadiyadana waa 22 Rajab 1436

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com

Decorative Linesbism Allah (2)

Mahadnaq

Waxaa marka hore mahadi ay u sugnaatay Allaah (subxaanahy wa tacaalaa) oo ii fududeeyay qoraalkaan oo aan ka soo xigsaday video aan Youtubka ka daawaday ayaan waxaan jecleystay in aan qoraal ahaan u rogo si ay dadka akhriska jecelina ay u bartaan taariikhda iyo marxaaladaha uu caalamka soo maray qaasatay Caalamal-Islaamiga, taasoo ku sugnaatay cibro aad u weyn. Waxaan mahadi  u soo jeedinaayaa Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil oo inooga qisooday waxaan leeyahay Ilaahay ha ku xafido, miizaanka xasanaadka Ilaahay ha kuu saaro, adiga iyo inta ka soo shaqeysay khayrka dhamaan  waxaan idiin leenahay Jazaakum Allaahu Khayran Ajmaciin..

Waxaan codsi u soo jeedinaayaa dhamaan walaalaheen muslimka ah in ay inagu baraarujiyaan qaladaadka ay meeshay kala kulmaan si aan dib uga saxno haduu Eebe (swt) yiraahdo ayagoo inoogu soo hagaajinaayo Email: abuu.kalthuma@gmail.com wa Jazaakum Allaahu Khayran.

Taariikhda Tataarka uu ka hadlaayo Sheekh Mustafa waxaan ka heley afar qaybood oo video ah, laakiin aniga Inshaa Allaah waxaan qoraal ahaan u qeybin doonaa 8 qaybood si uu duruusta uga soo gaabto dadka akhriska jecel.

Taariikhda Ilaahay quraanka wuxuu inagu tilmaamayaa {Surat: al-Acraaf,}

Rabbi {subxaanahu wa tacaa} {Surat: al-Acraaf,} waxaa uu ku tilmaamayaa nabiga {csw} isagoo amraaya, dadka taariikhda uga sheekee baa Ilaahay yiri {swt}.

Tataarka | Mongoliya

Maxaa taariikhdaa la inooga sheekeynayaaa?

Ilaahay {swt} wuxuu leeyahay;

فَاقْصُصِ الْقَصَصَ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ

[سورة الأعراف آية ١٧٦

‘’waxa ay mudan yihiin in ay fakaraan ‘’

Taariikhda waa wax lagu cibra qaato.

Aayad kale Ilaahay {swt} wuxuu ku leeyahay;

“”qisaska umadaha ee la idinka waramayaa waxaa ku jirta wax ku qaadasho “”

Laakiin waxay ugu jirtaa baa Ilaahay leeyahay dadka caqliga u saaxiibka ah.

Waxa aan ka warami doonaa maanta qeyb ka mid ah qisooyinkii dunida ka dhacay kuwii ugu cajabta badnaa. Taariikhda bani aadamka dhacdooyinkaan tilmaami doono horana laguma arag dibna looguma arag bey tilmaamayaan.

Sidaa awgeed baa taariikh-yahan muslim ah oo casrigaas noolaa oo weliba qeyb ka mid ah noolaa ee aan wada nooleen {Ibnul Athiir}.

Waxaynu ka soo qaadan doonaa erayo uu qorayo {Ibnul Athiir Fii-Kaamili}. Ibnul Athiir waa nin taariikh-yahayn oo muslim ah wuxuu noolaa casrigii Tataarka, laakiin wuxuu noolaa qeybtii hore ee dowlu khawaarzimiya iyo duminteedii xataa ma soo gaarin Baqdaad, Shaam iyo wixii ka dambeeyay oo dhan. Ibnul Athiir wuxuu geeriyoodan aaan filaayaa lix boqol iyo sodonkii (630) ee hijriyada.

Wuxuu leeyahay Ibnul Athiir mudo ayay igi qaadatay inaan taariikhdaan qoro ama inaan iska daayo, mudaan joojiyay inaan qorin buu leeyahay. Ka dib markii in badan leyga codsaday inaan wax ka qoro ayaan isku dayay inaan qoro.

Dabeetada wuxu odhanayaa dhacdada Tataarka.

Wuxu odhanayaa: ‘’Dhacdada Tataarka ku saabsani, waa dhacdooyinkii ugu waaweenaa ee dunidaba lagu arko buu leeyahay waa masaa’ibta waaweey bey ka mid tahay. Waa musuubo dunidoo dhan haleeshy buu leeyahay, khalaa’iqdoo dhan ku dhacday muslimkana gaar ku sii noqotaya.’’

Waxaa odhankaraa buu leeyahay haduu midjiraahdo Ilaahay dunida sidii uu u abuuray tanoo kale hore ugama dhicin, dibna uma dhicimeyso xataa hadii la yiraahdo ninkaas run buu sheegayaa.

Waayo buu yiri Dajaalku dadka inta raacdo baa buu deyn doonaa buu yiri, laakiin kuwani inba may sii deynin.

Dhacdada tani waa dhacdo runtii ilaa xadi yaa badan gabogabadeedii Imam soo gaarayna waa {Ibnu Taymiyah} oo iska ka waramayoo sawiraya.

Waqtiga oo kookooban daraadeed waxaan isku dayeeya qaybo ka mid ah dhacdada tani in aan tilmaamo.

Dhacdadani waxa ay ku saabsan tahay niman Tataar la yiraahoo dunida weeraray Tataarka waa wadankan yari ee hada Mangoliya la yiraahdo qabiil degi jiray Mangoliya mudo aad u yar ayay waxay ku qabsadeen bariga dhunidoo dhan.

Waqti aad u kooban bay waxay qabsadeen, laga soo bilaabo Japan iyo Chine ilaa iyo Poland inta ka dhexleh bay qabsadeen. Waa Japan iyo Chine laga soo bilaabo oo caalamul Islaami la soo dhex maro oo Russia dhan 27 milyan bey leeyihiin km squar oo Russia ah la dul maro oo Ukraine la maro oo Poland la maro oo Major la maro Hungary oo kroazia la maro Slovenia la maro oo baxrul Adrian talyaaniga dhiniciisa istaagaan.

Taariikhda bani aadamka wax sidaa inta wax u weeraray intaa waqti yar ku qabta lama arag bey leeyihiin.

Dhacdada tan waxa aan rabaa in aan ugu warano, inaynu barano wax ka barano, waxaynu ka baraneyno waxa ugu horeeya inaynu fahamno nidaaga rabaaniga ee ah …. Afghanistan, Pakistan

Waxaa ISTAN oo dhan isku soo dar Iran ku dar intaas bey ka talin jireen.

Dowla Khawaarzumiya

Dowla khawaarzumiya waa dowlad gudaheeda ma’aaid badan iyo isasuldar badan uu ka jiray, dowlal Cabaasiya colaad badan la gashay salaadjaqadii rumim badan la dagaalantay. Salaadjaqadii (Yacni) atraakta asalkooda muslimiinta ahaa. Suuradaan kooban waxa aan rabaa inaan idinka tusiyo siduu u ekaaa caalam al-Islaamigu.

Waxaa jirtay India waxaa ka talin jiray Iyana dowlad islaamiya (Luqooriyiin) la oran jiray (Faaris) qeyb ka midi waa Persia qeyb ka midi dowlal khawaarzumiya bay hoos tegi jirtay. Dacal yaro sokona waxaa ka talin jirtay niman la oran jiray (Ismaaciiliyiin).

Ismaaciiliya waa fiqsho shiicada sheegata culumo badana gaaleeysiiso. Waa firqo waagaa hore maxad-nimada aad u jaclayd oo aad u ilaashan jirtay, dagaal-yahan ahayd, dhalinyaradeeda si xoogan u tawabaran jirtay ku can baxaday ikhtiyaalaadka.

Caalamal islaami madaxda la laaynayo waxa la laaynayo iyagaa qaarijin jiray farsamadaas iyagaa farsamo yaqaan ku ahaa, oo iyagaa la kala adeegsan jiray inay waxaas isticmaalaan, rag badoon duwalka islaamigii waaweenaa ka tirsana wey laayeen, oo qaar intay suufi isaga dhigeenoo u tageenoo waxay sii weydiisadeen midi geliyeen, qaarba si ay ku dileen.

Anadol markeyno eekno waa Turkiga, dowlad (As-Salaajiqa) la oran jiray baa ka talineysay oo muslim ah oo (Aala bar-salaam) qaa’idkii weynaa ee muslimka la oran jiray dowlad ka tafiirantay.

Markaan (cumuuman) eego caalamul islaamiga wuu balaarnaa, dowlado tiro badana wey ka jireen, laakiin xaalkooda wuxuu ahaa uun kuwa is dilaaya oo kooxiba kooxda ku xigta ay ku maqan tahay oo aan is bixineynin.

Xoogii labaad ee dunida jiray wuxuu ahaa xoogii reer Yurub gaar ahaan afartaan dowladood oo imankaba caan ah;

  1. Fransiiska
  2. Ingriiska
  3. Talyaaniga iyo
  4. Jarmalka

Afartaa ayaa hogaaminaayay yurub laba dowladood oo Spain iyo Portuguese oo markaa Iyana jabiyeen muslimiinta xoogan baa markaa iyana jiray, Marka la eego caalamal islaami qeybtiisa waqooyi, imaarado yar yar oo dhul ay qabsadeen kristanku. Kruseriskii oo dowlado yar yaroo kristan baa ka jiray sida:

  • Beirut ama
  • Siida ama
  • Caka ama
  • Andhakiya

Kuwaas oo dhan waxay ahaayeen dowlado yar yar oo Iyana masiixiyiin ah oo meelahaasi ka dhisan.

Dowladaha reer galbeed mooyaanee waxaa jirtay kaniisadii bariga oo markaasi deganeyd dowla Byzantiya la oran jiray Romanskii Byzantiyiinta la oran jiray oo kaniisada Russia iyo Greeka iyo dhankani haystaan ahaan jirtay oo markaa magaaladaan Istanbuul la yiraah haysatay oo halkaasi fariisinkeeda ahaa.

Waxaa kaloo jirtay dowlado yar yare oo xoogaa laa’lek oo (mathalan) dowla (Kurj) Kurjigu waa (Giorgia) meeshaa imanka la yiraahdo amase Armenia Iyana dowlado yar yar oo Kristian ayaa ka jiray, imaraad yar yar oo lasiibiya. Intaasi waxay ahayd caalamkii labadii xoog oo isku haayay iyo sidii ay u yaaleen.

Mar quraa ayaa waxaa soo baxay dowlad cusub oo taariikhdii dunida bedeshay oo xoogagii dunida bedeshay oo mudo yar ku noqotay (ad-Dowlal Kubraa) ama aan iraahdo (al-Qudbal Waxiid) dowlada quroo dunida ka jirta, cid kaloo jirta aanay aqbalin, waa dowladii la oran jiray Mongoliyaniska ama Tataar.

Erayga Tataar
Iyo Mongoliya

Erayga Tataar iyo Mongoliya taariikh yahanada waa ku murmaan kee baa kee dhalay, kee baa weyn, kee baa yar.

Taariikh yahanada bar mathalan (Rashiidu-Diin al-Wasiir) kitaabkisa la oran jiray (Jaamu-Tawaariiq) isagu wauxuu qabaa Tataarku inay yihii (Shucda mina moquul) Mongoliska rasmiga waa Tataarka qabiil ka mid ah buu qabaa marka.

Halka (Raaqib as-Sarjaani) iyo taarkh yanaha badana ay caqsiga u dhigayaan oo ay ka dhigaayaan Mongolku inuu asalka yahay Tataarka iyo Tarkiga iyo waxa kan qabaa’il kale oo badan inay makaa ka tirsan yihiin.

Calaa kullin, labadaan qabiil iyagaaba markii hore is dilay Tataarka iyo Mongooliska iyagaa is dilay, dowladnimay isku haysteen, akhiiran waxaa u soo baxay nin boqoroo cusub oo la yiraaho (Ghinkis Khan).

Boqorkaa cusub ee magaa la baxay, magacaa qaar waxay ku tarjumaan waa naaneys, waa siddi (Keysar) iyo magaca noocaasiyo kale ah. Waxay ku tarjumaanba kuwa wax tarjuma waa (Qaahiru-Dunyaa) iyo (Amiirul-Caalim) iyo wax la nooc ah, dunida ninkii ugu sareeyay.

Isaga magaciisa rasmiga ah (Temujin) baa la oran jiray, Temojin ninkaa la yiraahdo wuxuu ahaa marka la eego nin qaa’id ah oo halyeey ah oo ciidan hogaamiya. Wuxuu kaloo ahaa baa la yiraa abaabulo bulsheed, nin dadka kicin kara oo dad badni ku xidhnaan karaan, wuxuu kaloo ahaa manaxe aan digegaxan hadii la maranaayo.

Mongoliya mathalan markuu qabsanaayay, qabaa’ilka markay is dilayeen dagaaladuu galay reer buu intuu jabiyay ayuu wuxuu yiri madaxda qabta, wixii madaxoo dhan inta la soo qabtay 70 ka mid ah nolosha ayuu ku kariyay buu yiri, iyagoo nool baa la kariyay. Nin madax oo sidaa u fakarayaa buu ahaa waa mongoliya gudaheeda markuu qabaa’ilka is dilaayeen oo boqortooyadaan qabsan doono.

Intuu qabtay buu 70 ka mid ah yiri ha la karito, iyagoo nool dheriga ha lagu rido ha karsamaan. Wuxu ahaa nin dagaal yahan ah qaa’ida dad hogaamin karo ururin kara manaxe aan digigaxan aan aktiisa naxariis oolin ah.

Temojin agoonimo ku koray bey yiraahdaan isagoo yar baa aabihii la dilay beerahooda la beyhoofsaday. Mar dambuu soo lufluftay waxa kan, akhiiran boqorkaasuu noqday.

Temojin wuxuu isku dayay inuu boqortooyo fiican sameeysto, wuxuu ku guuleystay markaa inuu qabsado wadanka Mongoliya la yiraahdo, dabeetana boqortooyadii Chinesekuu ku durkay. Boqoradii Chineseka iyana jabiyay Chine oo dhan buu qabsaday.

Beri buu u socday ilaa Koriya buu tagay intaa inta ka dhexleh kor buu u socday ilaa Syberiya buu qabsaday, Syberiya ilaa Kuriya dalwal khawaarzumiya dhinaceed ilaa iyo Chine dhiniciisa dambe. Dowlad weyn oo intaa la’ek buu sameeystay oo aad u balaaran.

Dowladiisaas waxa uu u sameystay nidaam adag wuxuu u sameeyay destoor la yiraahdo (Al-Yaasiq – Awil-Yaasik) destoorkani wuxuu ahaa diimihii dunida yaalay ayuu midba wax ka soo qaad qaatay, dabeetana intuu isku dhafdhaftay ayuu dhaqankooda iyo hidahooda wax ka mid ah ku dhaftay.

Waa sidaa dhasaatiirtan iminka dunida taalo kale diimaha iyo wax intay isku qasqasto wax dhisata. Yuhuud inn buu ka qaatay, Christanka inn buu ka qaatay Islaamka inn buu ka soo qaatay, dhaqankii qabiilkooda iyo wixii xeerarkay lahaayeen qeyb buu ka qaatay. Waxaa intuu isku geeyay ayuu (Yaasiqa) u bixiyay kaasuu ku xukumay, nidaam adagoo saalim ah maamul aad u adagoo idariyo wadanka u sameeyay.

Wuxuu ku caan baxay, waxay yiraahdaan dagaal yahanadiisu iyo dagaaladuu qaadin jiray waxay caan ku ahaayeen weererka degdegta ah waxa la yiraahdo, yacni waxaa la yiraahdaa fardaha leed bey ku fuuli jireen baa la yiraahdaa si loo fudeeydiyo faraska aan wax culeysi u dareemin. Dabeetana waxa uu lahaan jiray baa la yiraahdaa kumaankun ciidan ah oo fardaha leeda ku fuula oo ka dagaalami kara kumaankun (Mile) in ku dhow dhow.

Marka waxay yiraahdaan (al-Xarbil Qaatifa) waxa mareykanka imanka yiraahdo xuruubis qaatifka ah ee meesha la dumiyo, taas buu isticmaali jiray baa la yiraah. Wuxuu lahaa nidaam kala dambeyn oo aad u adag, wuxuu ciidankiisa ku tawabaray duruufta qaasiga ah inay aqbalaan (Good Training) baa la siiyay ee ah nolol rafaad ah inay aqbali karaan.

Wuxuu kaloo sameystay hogaamiyayaal askareed militeri genana ah oo dunida caan ka noqday, rag waaweeyn Baato, Biji, Holaako, yacni waa qaa’id la wada yaqaan Beydar, Beydan waa quwaadii uu lahaan jiray ninka kani waxay ahaayeed dagaala yahano aad ugu caan baxay dagaalada.

Wuxuu aaminsanaa bey yiraahdaadaan mabda’a (al-Qudbil-Waaxid) aqtaab badni inay dunida ka jirin ee dunida nin qura ka taliyo, dadka dunida joogaan inay ninkaa ka dambeeyaan.

Waxyaabahuu caanka ku ahaa waxaa ka mid ah bey yiraahdaan, balanka ma aqoon baa la yiraahdaa. Haduu cid dowlad heshiis la galo inuu la galay iyo inaanu la galin qiimo badan uma kala dhaxeynin, sideedaba raga xooga weyni balanka ma jecla, hadii aan aakhiro qofku aanu ka baqaynin iyo Rabb baa ku xisaabi iyo khiyaamaa jirto waa leys qabsanayaa. Sideedaba ninka xooga weyni balanka marmarsiiyo uma waayo lagu buriyo.

Burburkii Dowladii
Khawaarzumiya

Waxaan isku dayayaa markaa galabta inaan soo bandhigo hadii ay suursoowdo burburkii dowlal Khawaarzumiya iyo siduu ugu taqalusay, xakuu ku socday filasofigiisu muxuu ahaa, ma qilaafada Cabaasiyiintu marka hore ku socday.

Sidaa waa la sheegaa laakiin waxaa macruuf ahoo un ninka kani si kastoo uu u fakarayay dowlad xoogan baa dhinaciisa iyana jirtay (ad-dowlal Khawaarzumiya) waa dowladii xukumi jirtay;

  • Afghanistan,
  • Uzbekistan,
  • Turkmenistan,
  • Kazakhstan,
  • Tajikistan,
  • Pakistan iyo qayb
  • Iran ka mid ah.

Intaasuu isku haystay ad-dowlal Khawaarzumiya oo muslim ah caasimadeeduna magaala Orjenda la yiraahdo Orjanda Turkumanstan bay ku talaalaa caasimad ayay halkaa u ahayd. Wadaa wadan waxaa ka dhaxeeyay (Xusnul-Jawaar) si nabadgelyaa in loo wada deganaado Genghis Khan laftiisu bariga xasilintiisi iyo dowladiisa dhisideeda ayuu mashquul ku ahaa, Chine iyo Kuriya iyo indha yaroo dhan inuu ka taqaluso, laakiin waqti waqtiyada ka mid ah un baa waxaa dhacay wax ann lama fileynin, isna mar marsiiyo u noqday.

Waxaa dhacay dowlal Khawaarzumiya magaala Ottrar la yiraahdo oo bariga ku taala xaga chine u dhow ninkii xaakimka haystay labada dowladood maadaama ay heshiiskani uu jiray tujaarada ayaa si fiican u kala socotay beec mushtarkaa mari jirtay, xaakimkaasaa wuxuu qabtay tujaar Mongolians ah.

Tujaar Mongookii ka mid ah ama Tataarkii ka mid ah dabeetana tujaartii oo dhan buu laayay waa balan furyo sida u taala. Taariikh yahanadu sababo badan bay sheegaan qaar baa yiraah jawaasiis bay ahaayeen, qaar baa yiraaha maye isagaa baa cid hoos ka layso u soo diray waxaasi waa iska mala-awaalo.

Qaar baa yiraahda radin baa jirtayoo marka hore iyaga wax boobeen dabeetana waa lagu abaal guday, waxaasoo dhan waa wax iska qaldan base waxaan oran karnaa waxay qilaafsan tahay xaiiskii Nabigu Abu Daa’uud xadiith ka wariyay Sheekh al-Albaani xassan ku tilmaamayo ee uu Nabigu yiri (csw)

‘’ Nabigu wuxuu yiri (csw) Xawashida iska daayee inta idiin deeyneyso.’’

Waa xadiith xassan oo Nabiga ka sugnaaday.

Waxa kaloo uu Nabiga (csw) xadiiskaasi ku tilmaamay dadka Tarkiga la yiraahdo ama Turkiga la yiraahdo, Turkiga waa qabaa’ilka barigoo dhan cidii ay ka soo jeedeen markaasi, ma aha at-traakta oo qudhah at-Traakta asal Iyana xagey ka imaadeen. Taariikh yahanada oo dhan waxay dhahaan kuwaan oo dhami Tarkigaasay ku jiraan.

Ma dhicin Genghis Khan waraaqduu soo diray uu boqoryooyadii (Khawaariju Maxamed ibnul Khawaarizmi Shaah) ninkii la oran jiray madaxda ka ahaa uu u soo diray isagoo leh nimankii laayay tujaarta gacanta la leyga soo geliyo.

Boqorka qeybta muslimka haystana waxa uu yiri maya anagaa maxkamadeeyneyna, hadii ay jirto xageegaya ayaa lagu maxkamadeenayaa waa sida taariikh yahanada qaar sheegaan.

Dabeetana uma ay cuntamin Genghis Khan wuxuu yiri cid buu u soo diray wuxuu yiri hala soo dhiibo, boqorkii xagaan haystana boqor dhul badan qabsaday oo laftiisa aan isbidista ku yareen buu ahaa, ninkii uu soo diray Genghis Khan buu wuxuu yiri isagana hala dilo.

Awal waxaa leysku haystay rag tujaaroo la laayay oo haleey keeno iyo halkaa halgu xukumaa laysku haayay waa tii Afghanistan oo kale, daweetana waxaa la yiri maya kiina wuu dilay.

Genghis Khan marka kani wuxuu u diyaar garoobay marka dagaal, labadii dowladood dagaal baa loo diyaar garoobay Genghis Khan ciidan aad u tiro badan buu soo kaxaystay Maxamed ibnul Khawaarizm Shaah ninka la yiraahda ee dowlada tan xukumaana isna ciidan buu soo urursaday magaaladii Arjenda uu ka yimid isna bariguu u soo kacay laba ciidanoo aad u tiro badan baa leskala hor yimid.

Waxaa leysugu yimid webiga (Siixoon) taariikh yahanada muslimka ay yiraahdaan (Sardaariya) qolada kalena ay ku tilmaamto waa dowlada dhanka Kazakhstan la yiraahdoo dhex maraa, goobtaasaa labdii ciidan isugu yimaadeen dagaal adag baa dhex maray muslimiintii qudha 20 kun baa ka geeriyooday baa la yiraahdaa, Tataarka ama Mongolskana waxaa la yiraahdaa in ka badan ayaa iyagana ka dhimatay.

Afar maalmood baa leys jafaayay oo dagaalkaani socday daweetana markuu gadaalku adkaaday ayaa dib loo kala yara gurtay, labadii ciidan dhimashadii baa ku badatay dhaawacii baa ku tiro batay dib baa loo kala gurtay.

Waqtigii dib loo kala yara baxay ayaa boqorkii Muxamad ibnul Khawaarizm Shaah wuxuu u fekeray, fikrad qaldan taatiik qaldan, raga badhna waxay yiraahdaan akhlaaqiyan qaldan oo ah in Insixaab[9] sameeyo goobta inuu ka guuro daweetana cawaasimta[10] magaalooyinka waaweeyn inuu ciidamada dhigtoo ilaashado isaga iyo ciidankiisana inta ugu badan caasimada inay ku noqdaan, caasimada markaa galbeed waqooyo fog bey ka xigtaa, meesha leysku dilaaaya waa ka duquksan tahay ciidankiisa dib buu u kaxaystay.

Wuxuu kale ku tala galay inuu ciidamo kale soo urursado badsado, laakiin waxaa jirta isaga iyo muslimka isugu dhow yihiina colaadaa dhex taagan iyagana.

Khilaafal Cabaasiya ciidan kama helaayo, dowla Salaajiga waxba kama helaayo, Ghowriyiinta waxba kama soo helaayo, Taaifal Ismaaciliiya waxba kama helaayo hareerahiisa duwalka ka xiga leyskuma fiicna.

Adraafi dowla ciidamo saasi kama soo helin, waayo cidii hareeraha ka xigtay oo dhan waa leys haayay, muslimka haduu is haayana Ilaahay (swt) qura’aanka wuxuu ku leeyahay;

Rabbi wuxuu leeyahay (swt):

‘’Ha is qabanina oo hadaad murantaanoo is qabataan nizaaca dhexdiina ka dhaco waa fashileysaan (dowladnimadiina iyo xoogiinana waa tagaayaa).’’

Baa Ilaahay yiri.

Bana Aadamku haduu wax wadaago xagxagasho iyo is qawasho lama waayo, laakiin Ilaahay (swt) wuxuu leeyahay;

‘’ Samirka ogaada.’’

Laba hadey is qabado aan kala yaacno waxba ma tarto, waa dhaqanka ilaa hada muslimka dhex yaala aad moodaa, laba hadey is qabato wadaad iyo wabiba isku dar, laba wadaad hadeey masaajidka isku qabata waa la kala guuraa, cida kalena maxaad u mooday, wadaad iyo wabiba isku daroo dhaqanku wuxuu u yaalaa qaabaa hadii laba murantoo la kala yaaco. Caalamal islaami qaababkaas oo kaloo u yaalay.

Bal inay is caawiyaan daayee dagaaladu Tataarka marka ay yara damaan iyagaa weerarka isku sii qaadi jiray, ninba kan kaluu is oran jiray inta aad wax ka sii xoreystid.

Nabi Muxammad (csw) xaadiis ka sugnaatay ee [Saxiixul-Muslimka] ku taala. Rabbi markuu wax weeydiistay Ilaahay wuxuu u balan qaday inaanu ummada muslimiinta cadow ka xoog bata oo baneeysta wallow dunidoo dhan ha isu tagtee inaan marnaba Allah ku salideynin, ilaa iyo inay iyagu yihiin kuwa is jafaaya ee innaba inta kale gumaadeysa mooyaanee.

Waa xadiis Nabi Muxammad ka sugan (csw).

Boqorka wuxuu ka fakaray markaa caruurtiisii, reerahiisi, ciidankiis iyo wixiisii inuu aad u ilaashado oo aan dhibta badan soo gaarin.

.(.والله أعلم)

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

هذا وبالله التوفيق

*** *** ***

Hal kaan ayuu inagu dhamaaay labadii qaybtii labaad ee Taariikhda Tataarka Inshaa Allaahu Tacaalaa hadii Ilaahay indoo fududeeyo waxaan soo diyaar neynaa qeybta saddexaad.

Waxaa mahad leh Allaah (twt) oo inoo fududeeyay dersigaan qiimaha badan oo inoo soo jeediyay Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil (Ilaahay ha xafido).

Fadlan wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

Decorative Lines

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com

Taariikhda Tataarka

By: Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun


Fadlan akhri qaybta 2aad

Wa billaahi Tawfiiq