Axkaanta Soomidda
Bisha Ramadaanka

W/Q.: Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
E-mail: abdulfatah@yahoo.com

Download and Print here: PDF 

Decorative Lines

TACRIIF
Waa maxay soon?

Soonku luqad ahaan waa in wax laga reebtoonaado oo aan la sameyn. Sharciga Islaamkana soonku waa in laga af haysto cunto iyo cabbid iyo in laga reebtoonaado galmo (afooyinka oo xiriir galmo lala sameeyo) laga bilaabo waaberiga (fajarka salaada subax) ilaa ay qorraxdu ka dhacayso iyadoo lala imaanayo niyo qalbiga ah, oo ay tahay in laabta laga niyoodo fulinta awaamiirta Alle (S.W.) oo ah Soonka waajibka ah.

Soonka Islaamiga ah waa nafta oo laga xabisayo cunto iyo cabbid iyo waxyaalaha ay hawooto (shahawaat), iyo iyadoo laga goynayo wixii ay u caado yeelatay oo la hagaajiyo awoodeeda shahwada si loogu diyaariyo in ay dalabto liibaan waarta iyo ladnaan weyn, iyo barwaaqo ma guuraan ah, iyo in ay aqbasho waxa naftu ku daahiroobeyso oo lagu janno tago.

Ujeeddadu waa in ay gaajada iyo oonkuba ay jebiyaan nafta hanqal taageeda iyo qooqeeda. Qofka sooman wuxuu xusuusanayaa xaaladaha ay ku suganyihiin dadka gaajeysan ee masaakiinta ah. Soonku waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamku ku taaganyahay [eeg Tiirarka Islaamka lifaaq # 1], qofkii diida in Soonku waajib yahay waa uu ku gaaloobayaa. Qofkii rumeysan in Soonku waajib yahay laakiin aan soomin wuxuu ku caasiyay Allihii abuurtay (S.W.). Soonka waxaa la waajibiyay sannadkii 2d ee Hijrada.

Waajibnimada Soonka

Ilaahay (S.W.) wuxuu kitaabkiisa Kariimka ah ku yiri aayad micnaheedu ay sidaan tahay: “Kuwa rumeeyayow! Soon baa laydinku waajibiyay, sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyayba, si aad u noqotaan al-Muttaqiin (suubanayaasha).” Al Baqarah, aayadda 183d

Ilaahay (S.W.) wuxuu addoomadiisa ugu yeeray magac laysugu yeero kan ugu wanaagsan uguna qiimo badan oo ah KUWA RUMEEYAYOW! [Eeg Tiirarka Iimaanka Lifaaq # 2], waxaa laydinku waajibiyay in aad soontaan (bisha Ramadaan). Ilaahay (S.W.) waxaa kale oo uu noo caddeeyay in SOONKU aanu ahayn mid innaga nagu cusub balse ummadihii naga horeeyay ay soomi jireen. Garan meyno qaabka ay u soomi jireen, (waxa ay ka soomi jireen, maalmaha ay soomi jireen, tirada inta maalmood oo ay soomi jireen iwm.). Caqiiddadu waxaa weeye in aan ogaanno soonku in aanu ahayn mid ummadda Nabi Muxamad (S.C.W.) ku cusub.

Tiirarka Soonka

Soonku wuxuu ku ansaxayaa laba arrimood oo lagu tilmaamo in ay yihiin tiirarka soonka.

Waxayna kala yihiin:

1.| NIYADDA: Qofka soomaya waa in uu niyoodo soonka waajibka ah habeennimada (inta ka horeysa waaberiga (fajarka salaadda subax). Qofku haddii uusan neyeysan soon uma jiro. Sida Nabigu (S.C.W.) ku sheegay xadiis saxiix ah oo ah: Xafsa, Hooyadii Mu’miniinta (A.K.R) waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofka aan soonka (faralka ah) niyeysan intaan waagu baryin lagama aqbalo soon”. W.W. Alkhamsa ~ Shantii.

Sideedaba, niyaddu waxay kala soocdaa cibaadada iyo caadada. Arrin kasta oo cibaado ahna waa in ay niyaddu ka horreyso. Niyaddu waa arrin qalbiga kasoo go’da oo aan u baahnayn in afka lagaga dhawaaqo. Niyadda in afka lagaga dhawaaqaana waa bidco aan sharci ahayn. Niyeysiga soonka waxaa lagu gaar yeelay soonka faralka ah oo kaliya. Soonka sunnada ah uma baahna in habeenkii la neyeysto. Waxaana daliil u ah:

Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Nabiga (S.C.W.) baa ii yimid maalin oo i weydiiyay: “Wax ma haysaa (la cuno)?

Waxaannu niri: Maya. Wuxuu yiri: Marka waan soomanahay, “Dabeeto wuxuu noo yimid maalin kale markaasaan ku niri: Waxaa naloo keenay haddiyad ahaan timir bur cad leh. Wuxuu yiri: Bal i tus, waayo waxaan ku billowday maalinta soomanaan.” markaasuu cunay. W.W. Muslim. Nabiguna (S.C.W.) wuxuu arrintaas ku sameeyey soon sunne ah ee kuma samayn soon faral ah.

2.| In laga afhaysto oo laga joogo (reebtoonaado) dhamaan waxyaalaha soonka burriya [Eeg Waxyaalaha Soonka Burriya].

Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii aan ka harin been iyo dhaqanka la xiriira iyo wixii ceebaal ah, Allaah waxba kuma falayo oo dan kama leh in uu iska daayo cuntadiisa iyo cabbiddiisa (yacni dan kama leh soonkiisa)” W.W. Al-Bukhaari iyo Abuu Daa’uud. Werintaanna waa tii Abuu Daa’uud.

Yaa Lagu Leeyahay
Soomidda Bisha Ramadaan

Soomidda Bisha Ramadaan waxaa lagu leeyahay, oo ay waajib ku tahay in uu soomo ama ay soonto qof kasta oo ay ku kulmaan saddexda shardi oo kala ah:

  • 1 – QOF MUSLIM AH:
    Qofka soomaya waa in uu ahaadaa ruux muslim ah. Qof gaal ah haddii uu soomo lagama aqbalayo waayoo xayndaabkii Islaamka ayuuba ka baxsan yahay.
  • 2 –  QOF QAANGAAR AH:
    Qofka soomaya waa in uu ahaadaa qof baaluqay (hanaqaaday). Waxa aan soon laga rabin caruurta, waxaase sunnada ku sugan in caruurta inta ay yaryaryihiin la barro (lagu layliyo) soonka haddii ay awoodi karaan.
  • 3 – IN UU CAQLI TAAM AH LEEYAHAY
    Qofka soomaya waa in uu miyir qabaa. Qofka waalan soon kama ansaxayo. Waxaa la doonayaa in uu soomo ruux miyirkiisu taam yahay.

Dadka Loo Ruqseesay
in ay Affuraan Bisha Ramadaan

Naxariista Alle (S.W.) waxaa ka mid ah in dad gaar ah ay fasax u haystaan in ay afuraan iyadoo lagu jiro bisha Ramadaan. Dadka loo ruqseeyay in ay afuraan waxay kala yihiin:

  • 4 – QOFKA SAFAR KU JIRA

Ilaahey (S.W.) wuxuu u ruqsiiyay dadka safarka ku jira in ay afuraan oo ay dib kasoo qaleeyaan maalmihii ay afurnaayeen. Culimadu waxay safarka lagu afuri karo ku qiyaaseen in uu dhanyahay 80 km ama 90 km. Laakiin waqtigaan casriga ah iyo waayihii hore waxaa u dhexeeya farqi aad u weyn, maxaa yeelay imminka waxaa lagu safraa gaadiid aad u dheereeya sida diyaaradaha, tareennada, iwm.

Haddaba su’aashu waa sidee loo qiyaasayaa safarka lagu afuri karo?

Habka ugu wanaagsan waxaa weeye:

Qofku mar haddii uu musaafir yahay oo la dhihi karo safar buu ku jiraa, kaas ayaa safar lagu qiyaasi karaa. Isla markaasna waxaa la eegayaa dhibaatada qofka kasoo gaareysa safarka uu ku jiro – qofka haddii aysan wax dhibaato ah kasoo gaaraynin safarkiisa wuxuu khiyaar u leeyahay in uu afuro ama uu soomo (waayoo rukhsaddii Ilaahey (S.W.) siiyay ayuu haystaa, Ilaaheyna wuxuu jecelyahay in rukhsaddiisa la qaato), haddiise ay dhibaato kasoo gaarayso safarkiisa waa mamnuuc in uu soomo.

  • 5 – QOFKA XANUUNSAN

Qofka xanuunsan oo soonka ku dhibtoonaya waxaa loo rukhseeyay in uu afuro oo dib kasoo qaleeyo maalmihii uu afuray.

  • 6 – QOFKA KU DHIBTOON SOOMIDDA:

kuwa soomi kara laakiin ay dhib ku tahay sida qofka da’da ah iyo qofka qaba cudur aan dawadiisa la aqoon oo soomidduna dhib ku tahay, ama dhakhtar lagu kalsoon yahay oo Muslim ah uu u sheegay in uusan soomi karin, waxaa u banaan in ay afuraan oo dib kasoo qaleeyaan.

Allaah (S.W.) wuxuu yir:

“Haddii uu midkiin xanuunsanyahay ama safar yahay isla tiradii uu afuray waa in uu gudaa (qaleeyaa) maalmo kale; kuwa ku soomi karaa dhibka (sida qof da’ ah, iwm) waxaa la siiyay (ikhtiyaar in ay soomaan ama) quudiyaan qof sabool ah (bedelka maalin kasta oo ay ufuraan.” {Surat: Al Baqarah,184}

Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “saddex qalinka waa laga qaaday (oo dembi looma qorayo)

  1. Qofka waalan inta uu ka miyirsado,
  2. Qofka hurda jeer uu hurdada kasoo koco, iyo
  3. cunuga jeer uu baaluqo”.

Kuwaani mukalafiin maaha, dembina looma qorayo.

Fadliga Soonka

Qaybtaan waxaan jecelahay in aan ku soo qaato maqaanka Islaamku ku tilmaamay soonka iyo ajarka & fadliga uu helayo qofka Ilaahey (S.W.) dartiis u sooma, taasoo laga yaabo dadka qaar in ay ku kala duwanyihiin oo ajarka ay helayaan uu kala badan yahay sababtuna ay tahay u dhawaanshaha ama ka fogaanshaha Sunnada Nabiga (S.C.W.), sidii uu Nabiguba (S.C.W.) ku tilmaamay asagoo yiri:

“Badanaa qof sooma oo aan soonkiisa ka heleyn wax aan ahayn gaajo iyo oon”. Soomiddu waa cibaadeysi heer sare ah oo nafta ijtihaad iyo is-ilaalin ku nuuriya. Soomiddu waa sifayn iyo hagaajin nafta looga dan leeyahay in la dareensiiyo daciifnimadeeda iyo in laga gooyo dhugashada iyo daba-galka ceebaha dadka kale iyo waxa ka dhalanaya oo dhan, sida xanta, cayda, beenta, iska horkeenka muslimiinta, muran iyo qaylo, dagaal iwm. Soonku nafta ayuu daahiriyaa oo ka dhigaa naf Alle (S.W.) ka cabsata oo towbad keen badan, wuxuuna nuuriyaa iimaanka qofka.

Fadliga iyo ajarka Soonka waxaa ka mid ah:

  • 7 – SOONKU WAA GAASHAAN

Soonku waa gaashaan (la isaga gudbo xumaan falidda, shahwada iyo naarta). Nabigu (S.C.W.) waxaa uu faray qofka aad ugu baahan in uu guursado misna aan awoodin guur (daruufta oo aan u saamaxayn markaas in uu guursado awgeed, hadday noqon lahayd dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca awooddiisa jirkaba) in uu soomo si ay shahwada rabitaanka guurku uga jabto. Maxaa yeelay soonku wuxuu ka reebaa nafta waxyaabaha ay jeceshahay oo ay shahwadu ka mid tahay.

Cabdullaahi ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu nagu yiri: “Dhalinyarooy! Kiinnii heli karaa raas (reer) waa in uu guursado, waayo (guurku) wuxuu xakameeyaa indhataagga, sinadana gaashaan buu uga yahay, kii aan guursan karinna ha soomo da’ fur (tunniin) buu leeyahaye (jebin buu u yahay rabintaanka galmada).” Laysku raac ~ Muttafaqun Caleyhi).

Sidoo kale Nabigu (S.C.W.) wuxuu caddeeyey in naarta lagu galo waxyaabaha ay naftu jeceshahay iyo in Jannada lagu galo waxyaabaha ay naftu necebtahay.

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Naarta waxaa laga helaa oo ay ku gabban tahay waxyaalaha ay naftu jeceshahay ee macmacaanka adduunka ah gadaashooda, Jannadana waxaa lagu xayndaabay camal adag oo ay naftu necebtahay”. Bukhaari iyo Muslim.

  • 8 – QOFKA SOOMAN WUXUU LEEYAHAY LABA FARXADOOD

Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood sida ku cad xadiiska Nabiga (S.C.W.).

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri:

“Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood, tan hore waa farxaa markii uu afurayo, tan labaadna waa uu ku farxi doonaa ajarka soonkiisa, markii uu la kulmo Rabbigiisa (Allaah).” Bukhaari iyo Muslim.

  • 9 – NEEFTA QOFKA SOOMAN OO MISKIGA KA UDGOON

Qofka sooman neefta afkiisa ka soo baxaysa waxay ka udgoon tahay miskiga sida ku cad xadiiskan: Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “…….Neefta afkiisana (qofka sooman) ka udgoon Aragtida Alle udgoonka miskiga” Muslim.

  • 10 – IRIDKA (ALBAABKA) AR-RRAYAAN OO JANNADA KU YAALLA:

Waxaa jira Jannada gudaheeda irid ama albaab magaciisa la yiraahdo Ar-Rayaan oo dadka sooma oo kaliya ay geli doonaan Maalinta Qiyaame. Qofka ugu dambeeya oo ka mid ah dadkii soomi jiray marki uu galo waala xirayaa iridka Ar-Rayaan. Qof kasta oo kamid ah dadka galay wuxuu cabbayaa sharaab. Sharaabkaas qofkii cabbana weligiis ma oomayo.

Sahal bin Sacad (A.K.R.) wuxuu yiri: “Nabigu S.C.W. wuxuu yiri:

“Waxaa jira Jannada dhexdeeda irid la yiraahdo Ar-Rayaan oo keliya dadkii soomi jiray ay geli doonaan Maalinta Qiyaame, qof kalena uusan ka gelin; waxaa la oran doonaa: Meeye ehlu soonkii? Waa soo kici doonaan, cidina ma geli doonto iyaga maahee. Markii ay galaan, iridkaa waa la xiri doonaa, cid kalena ma geli doonto iyaga dabadood.” [Waxaa weriyay Bukhaari]iyo Muslim.

  • 11 – SOONKA & QUR’AANKUBA QIYAAMAHA WAY SHAFEECAYAAN:

Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Soonka iyo Qur’aankuba addoonka ayey u shafeecayaan maalinta Qiyaame. Soonku wuxuu oran doonaa: Rabbiyow! Waxaan ka reebay cuntadii (iyo cabbidii) iyo waxyaalihii ay naftu jeclayd ee (Rabbiyow) shafeecadeyda u aqbal. Qur’aankiina wuxuu oran doonaa: Rabbiyow! Waxaan ka reebay hurdo uu habeenkii jiifto ee (Rabbiyow) shafeecadeyda u aqbal. Wuxuu yiri: Markaasaa shafeecadooda la aqbalaa.” W.W. Axmed.

  • 12 – SOONKU WUXUU KAFAARO U YAHAY DEMBIYADA QAAR

Soonka waxaa lagu dhaafaa dembiyada yar yar sida ku cad xadiiskan: Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Shanta salaadood (oo si rigle iyo joogto ah jamaacad ahaan masjidka loogu tukado) waxay tiraan dambiyada yar yar, haddii dambiyada kabaa’irta (halista) ah (sida shirkiga, sixirka, dilka gardarrada ah, dhilleysiga, ribada, dhilleysi ku xamashada dumarka dhowrsoon, u dhabar jeedinta cadowga maalinta dagaal dar Alle ah iwm.) la iska jiro markaa waa loo dhaafaa dambiyada yaryar inta u dhexeysa laba Jimco iyo laba Ramadaan.” W.W. Muslim.

  • 13 – SOONKA DEMBIYADII HOREY KAAGA DHACAY AYAA LAGU DHAAFAA

Fadliga soonka waxaa kale oo kamid ah in dhamaan dembiyadii yar-yaraa ee horay uga dhacay qofka muslimka ah loogu dhaafayo soonka dartiis: Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waxaa laga dhaafi doonaa dembiyadii horay uga dhacay (aan kabaa’irta ahayn)”. Bukhaari iyo Muslim.

  • 14 – IRDAHA JANNADA OO LA FURO – IRDAHA NAARTA OO LA XIRO – SHAYDAAMMADA OO LA KATIINADEEYO:

Fadliga weyn ee bisha Ramadaan u gaarka ah waxaa ka mid ah, in irdaha Jannada oo dhan la furo, oo irdaha naartana la xiro, iyo in shayaadiintii ummadda dhibi jirtay la xir-xirayo.

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Markii ay bisha Ramadaan soo gasho irdaha Jannada waa la furaa, irdaha naartana waa la xiraa, Shaydaamadana waa la xiraa (la silsiladeeya)”. [Bukhaari iyo Muslim]

F.G. Bisha ramadaan marka ay bilato waxaad arkaysaa dad badan oo towbad keenaya oo diyaar u ah in ay Rabbigood u noqdaan; dad badanna waxaa yaraanaya macaasidii iyo xummaantii ay sameyn jireen. Haddana, waxaa laga yaabaa in la arko dad kale oo wali macaasi iyo xummaan samaynaya, haddaba sidee baa taas lagu fasirayaa?

Dadku waa laba nooc: dad sheydaan baa daba taagnaa oo fasahaadinayey dadna iskood bay u fasahaadsan yihiin (u khariban yihiin). Dadka iskood u khariban (fasahaadsan) xataa haddii sheydaanku uusan raad weyn ku yeelan waxaad arkeysaa ayagoo xummaan iyo dembi dhex dabaalanaya.

Fadliga Bisha Ramadaan

Fadliga bisha ramadaan maaha wax qormo keliya lagu soo koobi karo: Ilaahay (S.W.) ayaa u gartay bisha Ramadaan in ay toqoto bishii Qur’aanka Karrimka ah lagu soo dejiyay dhexdeeda. Halkaas waxaa ka cad darajada iyo qiimaha ay dheer tahay bilaha kale.

Allaah (S.W.) wuxuu yiri:

Bisha Ramadaan oo dhexdeeda la soo dejiyay Qur’aanka, isagoo hanuun u ah dadka iyo xujooyin cad oo hanuunka ah, iyo kala saarid (xaqa iyo baadilka).” {Surat: al-Baqarah, 185}

Allaah (S.W.) wuxuu yiri:

Xaqiiqdii, waxaan soo dejinnay Qur’aanka Habeenka Qadarka.. {Surat: Al-Qadri, 1}

Allaah (S.W.) wuxuu yiri:

Xaqiiqdii, waxaan soo dejinnay Qur’aanka Habeen barakaysan (Habeenka Qadarka). {Surat: Ad-Dukhaan, aayadda 3}

Fadliga iyo dheeraadka bisha Ramadaan waxaa ka mid ah in habeenadeeda ay ka mid tahay habeen la yiraahdo LAYLATUL QADRI oo ka kheyr badan kun (1000) bilood. Habeenkaas wuxuu ka mid yahay habeennada Ramadaanka. Waxaa loogu reja weyn yahay in habeenkaas uu ku jiro tobanka ugu dambeeya bisha Ramadaan, gaar ahaan waxaa loogu sii reja weyn yahay habeennada kinsiga ah (21, 23, 25, 27, 29), waxaa suura gal ah in uu helo habeenkaas qofka bisha Ramadaan oo dhan ku dadaala cibaadada, baryada Ilaahey, salaadda, dambi dhaaf dalabka, taraawiixda iyo tahajudka.

Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii u kaca in uu tukado salaad taraawiix bisha Ramadaan, iimaan qab iyo ajar dalab dartood, waa loo dhaafaa wixii dembiyo (yar yar ah) oo horay uga dhacay”. Bukhaari iyo Muslim.

Waxyaabaha Soonka Buriya ama
(Jebiya) inta Sugan oo Laysku Raacsan yahay

Qof kasta oo muslim ah waxaa waajib ku ah in uu ogaado WAXYAABAHA SOONKA BURIYA si uu isaga ilaaliyo. Waxyaabaha Soonka buriya waa kuwan:

  • 1 – IN LALA YIMAADO QOWL AMA FAL GAALNIMO AH

Falka gaalnimo (murtadnimo) Alle (S.W.) baynu ka magan galnaye. Qofkii Islaamka ka baxa waxaa buraya oo baaba’aya dhammaan camalladiisii uu horay u sameeyay iyo camalka uu markaas ku dhex jiro, waxaana u daliil ah Qowlkii Ilaahay (S.W.)

“Oo dhabtii waxaa laguu waxyooday adiga (Muxammadow S.C.W.) Sidii loogu waxyooday kuwii (Rusushii Alle) ee kaa horreeyayba; haddii aad u shariig yeesho (yacni la wadaajiso) cid kale cibaadada Alle (S.W.) (markaa) hubaashii (dhammaan) camalladaadu waxay ahaan doonaan wax aan waxba ku ool, oo waxaad kamid ahaan doontaa khasaarayaasha.” {Surat: Az-Zumar, 65}

  • 2 – JIMAAC (GALMADA)

Ninka sooman haddii uu u galmoodo afadiisa si bareer ah (si bareer ah micnaheedu waxaa weeye isaga oo aan hilmaansanayn, ama si kama’ ah aan u sameyn, ama aan lagu qasbin) soonkiisu waa burayaa. Qofkii soonkiisu ku buro galmo waxaa korkiisa ah qalayn (gudid) iyo kafaaro wada jira, waxaana u daliil ah:

Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa u yimid Nebiga (S.C.W.) (Ninkaas waa Salma bin Sakhar Al-Bayaadi) oo yiri: Waan hoogay Rasuul Alloow! Wuxuu yiri: Maxaa ku hoojiyey? Wuxuu yiri: Waxaan la galmooday afadeyda iyadoo maalin Ramadaan ah. Wuxuu markaas weydiiyey: Ma heli kartaa waxaad addoon ku xorayso? Wuxuu yiri: Maya; wuxuu yiri: Haddaba ma soomi kartaa laba bilood oo xiriir ah?

Wuxuu yiri: Maya; Wuxuu yiri: Marka ma quudin kartaa lixdan (60) miskiin? Wuxuu yiri: Maya; markaasuu fariistay! Markaasaa Nabiga (S.C.W.) waxaa loo keenay dambiil (ay ku jirto soddon madaal oo) timir ah, oo yiri: Sadaqeyso, ninkii wuxuu yiri! Oo ma waxaa weeye inaan siiyo cid naga saboolsan? (Madiina) labadeeda shiil madow dhexdooda qoys iga baahi badani ma deggana, markaasuu Nabigu (S.C.W.) muusooday oo miciyihiisiina muuqdeen. Dabadeedna yiri: “Orod oo reerkaaga u gee”. W.W. As-Sabca (Todobadii) warintana waa tii Muslim.

Qofka sooman haddii uu u galmoodo afadiisa waxaa ku waajib ah afar (4) arrimood:

  1. In uu san waxba cunin ama cabbin maalinta inta ka harsan (af-haysasho).
  2. In uu Ilaahay (S.W.) uu u towbad keeno, maxaa yeelay wuxuu galay dembi aad u weyn.
  3. In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.
  4. In uu kafaaro bixiyo: KAFAARADUNA waa in uu addoon xoreeyo, haddii uusan heleyn, in uu 2 bilood oo isku xigta soomo, haddii uu awoodi waayana, in uu lixdan (60) miskiin quudiyo (intaas oo dhan haddii uu awoodi waayo oo uu sidaas ku dhinto kafaaradii waa ka dheceysaa).
  • 3 – CUNID ama CABBID BAREER AH

(oo si u kas ah loo sameeyay): Waxaa u daliil ah Qowlkii Ilaahey (S.W.)

“.…Cuna oo cabba ilaa liilanka (dunta) cad (iftiinka fajarka salaadda subax) idinkaga caddaado liilanka madow (mugdiga habeenka), dabadeedna kaamila soonka ilaa gabbal dhaca… {Surat: Al-Baqarah, aayadd 187}

Aayaddaan waxay caddeyneysaa in cunnidda iyo cabbidda ay soonka jebiyaan, waxaana arrintaan lagu gaar yeelay qofka u sameeya si bareer ah (ula kac). Qofku haddii uu wax cuno ama cabbo isaga oo hilmaansan ama uu si kama’ ah u sameeyay, ama lagu qasbay soonkiisu waa u jiraa oo kama burayo. Waxaana u daliil ah Xadiiska soo socda: Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) waxaa uu yiri: “Qofkii is illaawa isaga oo soomman oo wax cuna ama cabba waa in uu dhamaystaa soonkiisa, waayoo waa cunto iyo sharaab Alle (S.W.) siiyay”.

Macnaha risiq Ilaahey (S.W.) siiyay bay ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi – Laysku raac). Sidoo kale Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: “Illaahay waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay gaf (si kama ah), ama hilmaan u sameeyeen ama lagu qasbay”.

F.G. Qof muslim ah haddii uu arko qof sooman oo wax cunaya waa in uu baraarujiyaa oo xusuusiyaa in uu sooman yahay. Arrintaasna waxay ka mid tahay “wanaaga (macruuf), samafalka iyo Alle ka cabsiga oo lays faro iyo Munkarka oo layska reebo.

Qofka haddii uu si kas ah wax u cuno ama wax u cabbo waxaa ku waajib ah saddex (3) arrimood:

  1. In uu soomo maalinta inta ka harsan (imsaak ~ af-haysto).
  2. In uu Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay dembi aad u weyn oo khatar ah ayuu galay.
  3. In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.
  • 4 – IS-MATAJINTA

Qofka sooman haddii uu matag iskii isaga keeno (yacni farta ama wax kale afka iska geliya, ama uu ursoodo wax uu ku matagi jiray) soonkiisu waa burayaa. Waxaana u daliil ah: Abuu Hureyra (A.K.R) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii uu soo dhaafo matag (isagoo sooman) qalle laguma laha, qofkii is matajiyaase qalle baa korkiisa ah” W.W. Al-Khamsa.

Qofka haddii uu si kas ah isu-matajiyo waxaa ku waajib ah saddex (3) arrimood:

  1. In uu soomo maalinta inta ka harsan (imsaak ~ af-haysto).
  2. In uu Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay dembi aad u weyn oo khatar ah ayuu galay.
  3. In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.
  • 5 – DHIIGGA CAADADA IYO UMMUSHA (DHALMADA):

Haweeneyda sooman haddii ay caadadii hesho soonkeedii waa burrayaa, xataa haddii ay maalintii ka dhiman yihiin daqiiqado yar, waa in ay afurtaa oo dib kasoo qalaysaa maalintii (ama maalmihii) ka tegay. Haweenka caadada qaba waxaa ka xaaraan ah in ay soomaan; haddii haweeney aan daahir ahayn (oo caadadii qabta) ay soonto soonkeedu ma ansaxayo, dhiigga dhalmadana waa la mid. Laakiin haddii ay isku aragto calaamadihii ay ku tiqiin in uu yimaado dhiigga caadada laakiin dhiiggii uusan farjigeeda kasoo bixin, soonkeedu waa saxiix waayoo dhiiggu inta uu caloosha ku jiro xukun malaha, marka uu banaanka u soo baxo oo ay isku aragto ayaa la xukumayaa.

  • 6 – NIYADDA OO LAGU BURRIYO:

Qofka sooman haddii uu qalbiga ka niyeysto in uu soonka furro, soonkiisu waa burayaa, waayoo niyaddu waa saldhigga camalka qofka Muslimka ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso.

Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibn Al-khaddaab (A.K.R.) in uu yiri waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: “Camalka waxaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa…….”.

  • 7- CIRBADAHA NAFAQO SIDEENKA AH (Faleebo, iwm.)

Qofka sooman haddii uu si bareer ah u isticmaalo cirbadaha nafaqada ee xiddidka laga qaato, cirbadahaas oo booxin kara kaalintii cunnidda ama cabidda, oo qofka ka bi’iya gaajada (baahida) ama oonka, soonkiisu waa burayaa. Qaybaha kale ee cirbadaha-daawada oo aan lahayn nafaqo baahida baabi’isa soonka ma jebiyaan.

  • 8- IN AY IBTA FARJIGA BIYO KAAGA YIMAADAAN SI IKHTIYAARKAAGA AH

Soonku waa ku buraa haddii qofku manidiisa ku soo saaro taabasho, dhunkasho ama gacan (iyo wixii la mid ah). Laakiin haddii ay manidu iskeed u soo baxdo oo qofku uusan sabab u ahayn soo bixiddeeda, ama isaga oo hurda ay kasoo baxdo wax dhibaato ah malaha soonkiisuna waa saxiix.

Caa’sha (A.K.R.) waxay tiri: Rauulkii Alle (S.C.W.) wuu i dhunkan jiray isagoo soomman, wuxuuna laabta i saari jiray isagoo sooman, laakiin wuxuu ahaa midka keliya ee idinku jira ee u hanan og (ka adag) naftiisa (yacni iska qaban kara inuu u hunguriyoodo galmo). Laysku Raac ~ Muttafaqun Caleyhi.

F.G. Qofka sooman waxaa la doonayaa in uusan ku xeel-dheeraan luqluqashada ama sandaarsiga marka uu weeseysanayo waayoo waxaa laga yaabaa in ay biyo ku cararaan.

Laqiid bin Sabira (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: “U weeseyso si dhan oo waafi ah (kaamil), oo nadiifi salka farahaaga halka ay laba farood ku kulmaan adigoo ku masaxaya faraha soo jeedkooda ah (is-dhexgelin), aadna u sandaarso, laakiinse haddii aad sooman tahay markaa iska jir sandaarsiga aadka ah (si aysan wax biyaha ka mid ah uga gelin calooshaada xagga sanka)”. W.W. Abuu Daa’uud iyo Tirmidi oo yiri waa xasan ah oo saxiix ah.

Qofka sooman waa in uu iska ilaaliyaa beenta, xanta isku diridda dadka, dhaqanka xun iwm. Culimada qaar, waxa ay qabaan in ay beenta, xanta, isku diridda, dhaqanka xun iwm. ay soonka jebiyaan. Culimada qaarna waxay qabaan in aysan soonka jebin balse ay ajarka soonka nuqsaamiyaan. Si kastaba ha ahaatee, qof kasta oo muslim ah waa in uu ku sifoobo dhaqan wanaagsan iyo muslinnimo khaalis ah, si soonkiisu u noqdo mid miro dhal ah.

Waxyaabaha Aan Soonka Burin

Waxaa jira waxyaabo badan oo aan soonka jebin balse dad badan oo aan cilmi u lahayn ay rumeysan yihiin in ay soonka jebeyaan; waxyaabaas aan soonka burrin waxaa ka mid ah:

(1) Dhamaan WAXYAABAHA SOONKA BURRIYA (JEBIYA) oo aan kor ku soo xusay haddii ay dhacaan ama la sameeyo ayadoo la hilmaansanyahay (NISYAAN) ama gef ku dhacay (KHADA’), ama jaahilnimo u geysay (JAHLI) ama lagu qasbay (IKRAAH) soonka waxba uma dhimayaan.

Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) waxaa uu yiri: “Qofkii is illaawa isagoo soomman oo wax cuna ama cabba waa in uu dhameystaa soonkiisa, waayoo waa cunto iyo sharaab Alle (S.W.) siiyay”. (Macnaha risiq Ilaahey siiyay bay ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi – Laysku raac).

Sidoo kale Nabigu wuxuu yiri: “Illaahey waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay gaf (si kama ah), ama hilmaan u sameeyeen ama lagu qasbay”

(2) Qofka haddii uu isku janaabo ama isaga iyo haweeneydiisu ay wada cayaaraan habeenka Ramadaanka ee uu waagu ku baryo iyagoon weli qubaysan soonkoodu waa u jiraa (yacni maalintaas waa soomi karaan, haddii ay habeennimaddii niyeysteen in ay soomayaan maalintaas). Waxaa daran in ay wax galmo ah sameeyaan kadib markuu waagu baryo.

Caa’isha (A.K.R.) iyo Ummu Salama (A.K.R.) waxay yiraahdeen: Mar kasta oo Nabigu (S.C.W.) waagu u beryo isagoo aan daahir ahayn (yacni la galmoodo xaas ka mid ah xaasaskiisa iyadoo aysan aheyn riyo habeenkii ku biyo bax) waxuu (S.C.W.) la imaan jiray qubeys oo soomi jirey. Bukhaari iyo Muslim

SIDOO KALE Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: “haddii Nabigu (S.C.W.) waagu u beryo isaga oo la galmooday Xaas ka mid ah xaasaskiisa, wuu qubeysan jiray sida caadiga ah”. Bukhaari iyo Muslim

(3) Dadka qaarkood waxay ka cabsadaan in ay subkadaan ama ay kareem is mariyaan, ama in ay barafuunka la isku buufiyo ama bakhuurka la is mariyo ama fooxa la shito ay isticmaalaan. Waxaas oo dhan soonka ma jebiyaan.

(4) Qofka haddii sankiisu dhiig ka yimaado (san-goror) ama uu ilig iska rido ee sidaas dhiig uga yimaado, wax dhibaato ah malaha soonkiisuna waa saxiix waxaase laga rabaa in uu san liqin ee iska tufo.

(5) Toobinka – Toobinka markii hore wuxuu kamid ahaa waxyaabaha soonka burriya laakiin dib ayaa laga nasakhay. Nabiguna (S.C.W.) waxuu is toobay isagoo sooman. Sidoo kale toobinka waxaa la mid ah oo aan soonka burin dhiigga yar oo miikariskoobka lagu eego oo sheybaarradu ka qaadaan dadka.

Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Markii u horeysay oo toobidda qofka soomman loo diiday waxay ahayd markii uu Jacfar bin Abii Daalib (A.K.R.) is toobay isagoo sooman, oo Nabigu (S.C.W.) soo maray oo yiri: “Labadaaniba waxay buriyeen soonkoodii.” Wixii markaas ka dambeeyayna Nabigu (S.C.W.) wuu u fasaxay inuu is toobo qof kasta oo sooman, Anasna wuxuu is toobi jiray isaga oo sooman. W.W. Ad-Daaraqudni oo sheegay inuu yahay Qawi. [Xadiiskuna waa saxiix.]

6. Xuqna : suufka daawada leh ama sumboosto farjiga ama dabada la iska geliyo.
7. Taqdiir : goojo dhegaha ama sanka lagu dhibciyo.
8. Indha kuusha indhaha la marsado.
9. Tisxi duulaya, boor, barafka cirka ka da’a oo dhuunta ku carara (gala).
10. Cunto dhadhamin, waxaase shardi ah in aan cuntada la liqin, ama aysan gaarin “xarafka X meesha uu kasoo boxo”.
11. Cadayashada : rumeysashada iyo luqluqashada.
12. Biyo is marmarin (isku qaboojin) ama maro la qooyay oo la is mar mariyo.
13. In dhegaha la dhukaydo ama ciddiyaha la iska jaro, ama ilkaha oo la iska bix-bixiyo.

Gebagebadii, qoraalkan waxaan kusoo xirayaa nasteexo caam ah oo aan u gudbinayo dhammaan muslimiinta iyo nafteydaba, waxaana leeyahay aan ka faa’iideysanno fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan. Lama oga in ay nasoo mari doonto bil kale oo Ramadaan; haddaba, yaan laga dhoohnaan fadliga, ajarka iyo xasanaadka aan kasban karno haddii aan si dhab ah oo iimaan leh ugu soo jeesanno bishan barakaysan ee Ramadaan.

LIFAAQ # 1

TIIRARKA ISLAAMKA uu ku dhisan yahay waa shan (5), taasoo mid kamid ah haddii uu qofku ka tago aysan muslinnimadiisu sax ahayn. Xadiis uu wariyey ibnu Cumar A.K.R. Wuxuu yiri: “Islaamka waxa uu ku dhisan yahay shan: Shahaadada oo ah in la qiro in uu Ilaahay mooyee ilaah kale uusan jirin, Nabi Muxammadna (S.C.W.) uu yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa; in Salaadda la oogo, in Sakada la bixiyo, in la soomo, iyo in Xajka la tago”.

Shahaadadu waa

In la ictiqaadiyaa carrabkana laga sheegaa. Shahaadadu waa aasaaska ansixitaanka acmaasha oo dhan, taasoo ah in lagu socdo jidkii uu Ilaahey na faray, innagoo ay naga tahay ikhlaas (run), lana raaco sunnadii Nabiga (s.c.w.) MIRAHA SHAHAADAD: Qalbiga oo nadiif noqda, nafta oo ka xurowda addoonsiga aadamiga iyo raacidda qof aan rasuul Ilaahay ahayn. Marka diinta Islaamka la gelayo waa in si ikhtiyaari ah loo qiro ASHAHAADADA – “inaan ilaah jirin xaq lugu caabudo Allaha awooda sare leh ma ahee, iyo in Nebi Muxammadna Rasuulkii Alle yahay”.

SALAADDA OO LA OOGO WAA:

Ilaahey oo lagu caabudayo ficilka salaadda, iyadoo si toos ah Rabbi loogu tukanayo iyo iyadoo la ilaalinayo waqtiga salaadda. Salaadu waa tiirka 2-aad ee Islaamku ku taagan yahay, qofkii ka tagaana waa qof Alle ku kufriyey. MIRAHA SALAADDA: Xabadka oo furma iyo ka dheeraashada dambiyada waaweyn iyo kuwa yar yarba.

SAKADU WAA:

Ilaahay oo lugu caabudo bixinta maalka ku waajibay qofka. Sakada waxaa laga rabaa in uu bixiyo qofka leh xoolo ay ka waajibtay. MIRAHA SAKADA waa oo daahir ka noqota akhlaaqda xun oo ay ka mid tahay bakhiilnimada iyo iyadoo la daboolay baahida Muslimiin baahan.

SOONKA BISHA RAMADAAN WAA:

Ilaahay oo lugu caabudo ayadoo laga af-qabsado wixii soonka jebinaya oo laga reebtoomo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga bilaabo waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo. MIRAHA SOONKA: Nafta oo la baro in laga reebo waxa ay u baahan tahay, iyadoo Ilaahay dartiis loo sameynayo. Inaad soontid bisha Ramadaan, oo laga reebtoomo cuntada, cabidda iyo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga bilaabo waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo.

XAJKU WAA:

Ilaahay oo lagu caabudo aadidda xajka, iyadoo la nooleynayo calaamadaha Islaamka. MIRAHA XAJKA: Nafta oo lagu tarbiyeeyo in la bixiyo maal iyo iyadoo qofkii guriga Ilaahay uu u qasdo in uu soo siyaarto, sidaas darteed ayuu xajku u noqday nooc ka mid ah jihaadka. Inaad u xajidid Baydka Alle (S.W.) ee Makka ku yaalla waxaana laga rabaa tiirkaan qofka awoodda u leh. Tiir kasta oo ka mid ah shanta tiir ee kor ku xusan, wuxuu ku fadhiyaa saldhig weyn oo leh xididdo furuuc badan, haddaad si faahfaahsan u rabto waxaad ka heli kartaa kutubta fiqiga.

LIFAAQ # 2

Arkaanta (Tiirarka) Iimaanka: Tiirarka IIMAANKU waa camal qalbiga ku xiran qofka iyo Ilaahey uun baana og in uu run sheegay iyo in kale, mana laha furuuc badan oo muuqaneysa sida tiirarka Islaamka. Tiirarka IIMAANKU waa lix (6) waxayna kala yihiin sidan:

  1. Inaad rumeyso, oo si dhab ah u ictiqaadiso jirista iyo midnimada Allaah (S.W.)
  2. Inaad rumeyso jirista malaa’ikta oo ah khalqi Ilaahey ka uumay nuur oo innaga duwan.
  3. Inaad rumeyso in Ilaahay kutub hanuun iyo iftiin gudcurka nolosha looga baxo ah soo dejiyey ee uu u dambeeyay luguna khatimay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.
  4. Inaad rumeysid in Ilaahay rusul soo diray, ee uu u dambeeyey laguna khatimay Nebigeennii suubanaa Muxammad (S.C.W.).
  5. Inaad rumeysid maalinta xisaabta, oo ah in ay jirto, maalin la xisaabi doono dadka iyo jinka waxa ay faleen, dhimashada kaddib la soo saari doono lagana abaal marin doono waxay geysteen samaan iyo xumaan.
  6. Inaad rumeysid dhacdooyinka ka dhacaya dunida in ay yihiin wax Ilaahey qaddaray shar iyo khayrba

Wixii talo iyo turxaan bixin ah ee la xiriira qoraalkan waan soo dhaweynayaa.

Walaalkiin: Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada
abdulfatah@yahoo.com
Source: SomaliTalk