Silsiladda Taariikhda Ururada
Diiniga Ah Ee Soomaliya

Hordhac I

Email: silsilada@gmail.com
Xigasho: Wadanka.com

Decorative Lines

Ururada Diiniga ah ee
Soomaaliya

Horaantii sannadkii 2009 ayaan bogaan wadanka.com kusoo qoray qoraalo taxane ah oo aan u bixiyay:

”Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya..”

Qoraaladaas kuma aanan soo qorin magaceyga, hadana kuma talo jiro inaan kusoo qoro, laba sababood awgood.

1. Kuma talo jiro mana damcin inaan magac iyo dhaqaale ku helo buugaan, ee waxaan ugu tala galay inaan Rabi ugu dhawaado, Ilaahey dartiisna aan umadda Soomaaliyeed ugu soo bandhigo gabood-falka iyo qaladaadka ururada Islaamiga ah ee aan beri ka tirsanaan jiray ay badeen umadaha Islaamka ah guud ahaan iyo umadda Soomaaliyeed gaar ahaan.

2. Maadaama aan ku noolahay gudaha Soomaaliya, lagana wada warqabo sida fudud ee ururada Islaamiga sheegta qaarkood ay u xalaaleysteen dhiiga qofkii ay u arkaan inuu kasoo horjeedo, waxaan u arkay xaalad amni inaanan soo qorin magaceyga.

Waan ogahay in qoraalada runtooda iyo qiimahooda ay ku jirto in qoraagu soo bandhigo magaciisa, waxaana dhowr email iiga codsaday arinkaas qaar ka mid ah akhristayaasha qoraaladeyda. Waxaan ka leeyahay arinkaas, runta, beenta iyo eexda ku qoran qoraaladeyda anigaa mas’uuliyadooda qaadaya aduun iyo aakhiraba.

Waxaanse akhristayaasha ka codsanayaa isla markaana xasuusinayaa inaysan badalin, wax ku kordhin, waxna ka dhimin qoraaladayda. Waxaanan u fasaxayaa qoraaladayda cid kasta oo u sii daabacaysa una sii gudbinaysa sida aan anigu u qoray. Ciddii wax ka badashana iyagaa mas’uuliyadda qaadi doona Rabi hortiis.

Dib u habeyn

Tan iyo 2009 wax badan ayaa is badalay, ururadii Islaamiga ahaa ee Soomaaliya qaarkood ayaa talada dalka qabtay sida ururkii uu ka tirsanaa madaxweynihii hore Sh. Shariif Sh. Axmed ee loo yaqaan Majmac, Soomaaliduna ku naaneysto Aala-Shiikh.

Hada waxa kursiga madaxtinimada ku fadhiya urur kale oo ka ag-dhow kii Sh. Shariif, laguna magacaabo Damul-Jadiid (Dhiiga Cusub) oo kasoo farcamay Al-Islaax (waan ka sheekeyn doonaa qaabka ay isku qilaafeen Islaaxu una kala jabeen) Hadaba qoraalkeygii hore wax badan ayaan ka badalay, dib baanan u daabacay, waxaanan si joogto ah ugu soo bandhigi doonaa bogga wadanka.com .

Waxa kaloo igu qasbay inaan dib u habeyn ku sameeyo, isla markaana aan dhameystiro buugaan, iyadoo ay soo if-bexeen qoraalo cusub oo badankood la dabaaqtamaya qoraalka buugayga, isla markaana ka dab-qaadanaya qoraalkaygii oo si weyn loo badalay. Qoraalada cusub waxa lagu difaacayaa ururada Islaamiga sheegta oo maanta natiijadooda Soomaalidu ka dharagsan tahay.

Waxa ayaandaro ah in qoraaladaas qaarkood ay qoreen rag la yaqaano, laguna yaqaano inay cadeyn u yihiin fashilka ururada Islaamiga ah. Qoraalada soo socda ayaan ku iftiimin doonaa ragaas iyo doorkii ay ku lahaayeen ururada Islaamiga ah ee fashilmay. Sidaas daraadeed waxaan dib-u-habeyn iyo dib-u-qorid ku sameeyay qoraaladii  Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya. Isla cinwaankii ayaan u daayay, waxaanan ku bilaabay ararta soo socota.

Arar

Waxaa taariikhda loo qoraa in umaduhu ay ku waano qaataan, kana leexdaan wadadii ay ku hoogtay umaddii ka horaysay, ayna maraan wadadii ay ku badbaaday umaddii ka horaysay. Marka uu Quraanku ka sheekaynayo halaagii iyo horumarkii umaduha kala gaareen, umadii raacday Nabigeedii iyo umadii aan raacin, waxaa loola jeedaa in lagu waansamo. Nasiibdaro Soomaalidu ma aha umad wax akhrida, haday akhriyaana kuma waano qaataan wixii ay akhriyeen.

Waxaan intaas u gogol-xaaranayaa, waxan halkaan ka bilaabayaa dhacdooyinka ururada Islaamiga ah, ragga sameeyay ka fiirsasho la’aantooda, iyo in oday walba uu ka qoomameeyay markuu duqoobay -hadafkiina uu gaari waayay- wadadii uu isagu tusay jiilkii yaryaraa ee uu barbaarinayay, uuna awooday inuu waddo nabad qabta ku barbaariyo.

Waxaa la sheegaa Sh. Xasan Al-Banaa Rabi ha u naxariistee oo ahaa aasaasihii ururkii ugu horeeyay taariikhda Islaamka (ma jiro mana la heli karo urur Islaami ah oo ka horeeyay) ee Ikhwaan Muslimiin inuu ka qoomameeyay markuu dhiman rabay abuuritaankii ururkaas, kadib markuu ogaaday urur dhalinyaro qarsoodi ah oo ka dhex sameysmay  ururkiisii, kadibna bilaabay falal gacan ka hadal ah, qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo ay geysteen, taasoo sabab u noqotay in Sh. Xasan Al-Bana naftiisa uu ku waayo aargoosi looga aargudayay fal dil ah oo ardaydiisu ay u geysteen Ra’isal Wasaarihii Masar ee xiligaas.

Qeyb gooni ah ayaan u sameyn doonaa ururka Al-Ikhwaan Al-Muslimiin oo ah macalinka iyo aabaha ururada Islaamiga ah ee ka jira dunida maanta.

Sidoo kale September 20, 2011 waxaa magaalada Kabul lagu dilay Burhaanudin Rabaani oo ahaa hogaamiyihii hore urur-diineed la oran jiray Jamaaca Islaamiya oo ka dhisnaa Afgaanistaan, wuxuna hogaamiyahan ka mid ahaa hogaamiye yaashii Jihaadkii Afgaanistaan.

Laakin markii uu caqligiisu buuxsamay, uuna arkay inuu gaari la’a yahay hadafkiisii, wuxu bilaabay inuu ka qoomameeyo wixi uusoo sameeyay, wuxuna u beyray dhanka dacwada iyo nabad-raadinta Muslimiinta Afganistaan dhexdooda, laakin waxa gacantiisa ku dilay mid ka mid ah ardaydii uusoo barbaariyay oo u arkay in Shiikhiisu uu ka weecday wadadii saxda aheyd ee uu isagu soo saaray.

Dhanka kale, ururada Islaamiga ee ka farcamay Ikhwaanka Masar sida Jameecatu Al-Jihaad ee uu hogaamin jiray Sayid Imaam Shariif, kuxigeena uu u ahaa Ayman A-Dawaahiri (hogaamiyaha Al-Qaacida xigligan 2012) iyo Jameeca Islaamiya Al-Musalaxa ee uu hogaamin jiray Cumar C/raxman oo hada ku xiran Maraykanka labadan ururba markii ay ku daaleen qaraxyadii, dilkii iyo buruburintii hantidii Masar ayay ka cudurtaarteen kana laabteen ficiladoodii iyagoo ku soo gabagabeeyay halgankoodii waan qaldanay ee hanalaga raali ahaado sida ay ku qoreen buugooda cudur daarka oo gaaraya 800 oo warqadood.

Laakiin dhiiga Muslimiintu si fudud kuma haro oo dib buu qofka ugu soo maaxdaa. Labadii hogaamiye ee labada urur ee aan kor kusoo sheegnay Ayman A-Dawaahiri oo badalay hogaamiyihisii Sayid Shariif iyo Cumar C/raxmaan labaduba way ka dhoofeen Masar markii ay cudur daarteen waxayna kala aadeen Maraykanka iyo Afganistaan, waxayna dib uga bilaabeen halkaas wixi ay u barteen ee dil iyo qaraxyo ahaa.

Sh. Cumar C/raxman oo indhoole ah, wuxu ku kadsoomay xoriyadda iyo ilbaxnimada beenta ah ee Maraykanka wuxuna bilaabay dhaqdhaqaaqiisii uu Masar uga soo tagay, waxaana shirqoolay oo ku marqaati furay ardaygiisii usha u heyn jiray, waxana lagu xukumay xabsi inta nolashiisa ka hartay, oo uu ku jiro waqtigan hada ah 2012, kadib markii lagu eedeeyay qaraxyadii koowaad ee labadii daarood ee New York (World Trade Cntr) sanadkii 1993. Ayman A-Dawaahirina wuxu gacanta ku dhigay Usama Bin Ladin oo lacag badan la fadhiyay Suudaan, wuxuna ku shubay fikirkiisii Takfiiriga ahaa waxayna halkaas ka ambaqaadeen ururka Al-Qaacida.

Silsiladda Taariikhda Ururada
Diiniga Ah Ee Soomaliya

Hordhac II

Waxa ugu murugo badan wixi ururada Islaamiga sheegtaa ay sameeyeen, wixii ka dhacay wadanka Aljeeriya 1992 oo noqday goob dad-qalato, waana meesha laga soo minguuriyay in dadka midi saawir ah lagu gowraco iyadoo filim laga duubayo. Qofkii aqriya wixi ka dhacay Al-Jeeriya oo waliba lagu sameeyay magaca Islaamka, haddii uusan Rabi u gargaarin, uusana kaashan caqligiisa iyo cilmigiisa si fudud ayuu diinta Islaamka uga baxayaa.

Waxa qoran in wiil sheeganayay inuu yahay Mujaahid uu maalin galinkeedii hore nafta ka jaray aabihiis, galinkii dambana uu aakhiro u diray hooyadiis, isagoo ku eedeeyay inay gabar walaashiis ah u guuriyeen nin askari ah oo soo doontay. Markii ay daaleen ururadii Jihaadka sheeganayay si fudud bay ku cudur daarteen hubkiina u dhigeen, waxaana hada Aljeeriya maamula madaxweynihii ay dagaalka ku qaadeen labaatan sanno ka hor.

Dhiigii ku daatay wadanka Aljeeriya waxa culumo u ahaa oo u fatwoon jiray laba wadaad oo ciilqabay, musaafurisna ku joogay wadanka Ingiriiska oo kala ahaa Abu-Qataada Al-Falastiini iyo Cumar Cabdul-Xakam. Hoos baan ku faahfaahin doonaa in dilka, qaraxa iyo gaaleysiinta Muslimiinta ay mar walba kasoo fusho rag ciil qaba, oo ama la xiray, ama la jir-dilay, ama dhib kale loo geystay.

Waxaana mudan in il gooni ah lagu fiiriyo in culumada u fatwooda dhalinyarada noocaas Muslimiinta u laaya ay mar walba dagan yihiin wadan gaalo ayna halkaas kasoo duubaan cajilado dhiiri galin ah iyagoo waliba ku nabad qaba wadanka ay joogaan oo ay dhici karto inay mushaar bilaash ah ku qaataan lacagta qaxootiga. Sida hada dhacdooyinka Soomaaliya ay ka wadaan Al-Shabaab uu Shiikha ugu yahay Xasaan Xuseen oo fadhiya Nairobi, Kenya wax talaabo ahna aan laga qaadin wali, xili ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya iyagoo leh Al-Shabaab ayaan iska celinaynaa.

Waxa sidaas oo kale u cudur daartay hubkana u dhigay ururka Al-Jamaaca Al-Islaamiya Al-Liibiya Al-Muqaatila oo markii waqtigu ku dheeraaday oo ay laayeen shacab badan, hanti badana burburiyeen ayay markii dambe soo saareen qoraal cudur daar ah oo warqadihiisu ay gaarayaan 434 bog. Waxana gundhig u ahaa qoraalkooda “waan qaldanay, xamaasad iyo qiiro diineed ayaa na qaaday, ee raali hanalaga ahaado” Laakiin nasiib daro dadkii la rabay in la raali galiyo oo cafis la waydiisto dhulka hoostiisa ayay ku jiraan.

Wadankeena Soomaaliya waxaa ka qoomameeyay wixi uu sameeyay Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo ahaa aasaasihii ururka Al-Ahal kadibna noqday Amiirka ururka Takfiirka, hadana ku nool magaalada Gaalkacyo markii iigu dambeysay. Nin la kulmay ayaa ii sheegay inuu ka baxay Takfiirkii, uuna hada aamin san yahay inay qalad aheyd, wixii lasoo sameeyay oo ahaa sameynta ururada Islaamiga ah.

Waxaa kaloo jira culumo fara badan oo ka baxay kana qoomameeyay mudadii yareyd ee ay ka tirsanaayeen ururada Islaamiga Soomaalida, laakiin inta badan culumada ururada Islaamiga ah way diideen inay ka laabtaan, ama xataa ay saxaan wadada ay ku socdaan, iyagoo waliba arkay natiijada xun ee ka soo baxday waxqabadkoodii. Taasna waxa sabab u ah madax-adeyga iyo isla-weynanka Soomaalidu ku sifowday, mana la sheegin wali hogaamiye-kooxeed ama hogaamiye-diineed ama urur diineed si duuduub uga laabtay, cudur daarna uga bixiyay qaladkii uu soo galay.

Waxaa kale oo lagu dilay magaalada Boosaaso Desember 05, 2011 Dr. Axmed Xaji C/raxman Rabi ha u naxariistee, oo ka mid ahaa odayaasha ururka Al-Ictisaam (Ex-Itixaad) waxaana dilay sida muuqata mid ka mid ah ardaydii ururkiisa, kadib markii ay u arkeen in Shiikhu uu ka leexday wadadii toosneyd. Inkastoo ilaa iyo hada dhamaadka sanadka 2012 aan la heyn xubnaha ururka Ictisaam inay ka qoomameeyeen sameyntii ururkooda dhalay waxa hada ka socda dalka Soomaaliya.

Tusaalayaasha kore, ayaan ku faahfaahin doonaa buugaan, waxaanan si balaaran uga hadli doonaa ururka Ikhwaan Muslimiinka Masar oo aabbe iyo hooyo u ah ururada Islaamiga. Waxaan si gaara u faahfaahin doonaa ururada Soomaalida iyo qaabkii ay ugu kala xirnaayeen garabyadii Ikhwaan Muslimiinka.

Waxaan arki doonaa natiijoonka ka dhashay wadada Ikhwaanka ee ururada Soomaalidu ay mareen iyo halka ay ku dambeeyeen. Waxaan arki doonaa qaabka ururka Al-Qaacida uu kusoo dhexgalay ururada Soomaalida uuna ugu guuleystay inuu gacanta ku dhigo dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ururada Islaamiga ah ay ku tashanayeen.

Waxaan arki doonaa sida Usama Bin Ladin uu uga dhabeeyay hanjabaad uu u jeediyay xubno ka tirsan ururka Al-Itixaad oo wadanka Suudaan uu kula kulmay bartamihii sagaashameeyadii iyagoo u doontay lacag ay ku maal galiyaan dagaaladii ay ka wadeen Soomaaliya, isagoo ka codsaday inay kusoo biiraan ururkiisa Al-Qaacida kadibna ay ka biyo-diideen codsigiisa, wuxuna ugu hanjabay “haddii aad iga diidaan inaan albaabka kasoo galo arimaha Islaamiyiinta Soomaaliya, waxa balan ah inaan dariishadda kasoo galo” taasoo uu ka dhabeeyay, sida aan cutubyada soo socda ku faahfaahin doono.

Silsiladda Taariikhda Ururada
Diiniga Ah Ee Soomaliya

Hordhac III

Hadaad u fiirsataan taariikhda aan ka sheekeyn doono, waxaad arki doontaan in xubnaha ururada Islaamiga sheegta ee hogaamiyay ama madaxda sar-sare ka noqday ururadaas ay u qeybsamaan laba midood.

  1. Nin qaba cudurka jaceylka kursiga iyo madaxtinimada ka hoosaysa, ama jaceylka maalka aduunka, oo markuu arkay in wadooyinka kale ee kursiga iyo maalka lagu raadiyo ay dheeryihiin ka door biday inuu adeegsado wadada diinta Islaamka si uu madaxtinimo ku gaaro.

Ninka noocaan oo kale ah inta badan marka uu gaaro hadafkiisii, wuxu dariishada gadaale ka tuuraa sheegashadii Islaamka ee uu kusoo wado maray, wuxuna inta badan uga dhago fududaadaa gaalada, hogaamiyeyasha kale ee wadaniyiinta ama qabiiliistayaasha ama boqorada ama Cilmaaniyiinta ah.

Waxaa tusaalayaal la taaban karo ka ah, Burhaanudiin Rabaani oo ka mid ahaa hogaamiyayashii ugu sareeyay Jihaadkii Afgaanistaan xiligii ay la dagaalayeen Ruushka, oo markii uu madaxweyne ka noqday Afganistaan 1992 markii ay dhacday dowladdii Shuuciga, dariishada ka tuuray wixii uu sheegan jiray, waxaana lagu xasuustaa in sannadkii 2001 xiligii Maraykanku duulaanka ku qaadayay Afgaanistaan uu Rabaani ahaa Madaxweyne Qurbajoog ah uuna New York kusoo ogolaaday duulaanka, isagoo loogu sheekeeyay in wadanka looga xoraynayo Taalibaan, dibna loogu celinayo kursiga, laakin nasiib daro markii, Kabul la iskugu tagay, isagaa dariishada gadaale laga tuuray sidii uu dariishada uga tuuray diintii uu sheegan jiray.

Tusaalaha labaad, ee Soomaalidu wada fahmi karto waa, madaxweynaheenii hore Sh. Shariif Sh. Axmed oo kusoo caan baxay sheegashada Maxaakimtii Shareecada Islaamka iyo Jihaadkii been abuurka ahaa ee Muqdisho 2006 looga saaray hogaamiye-kooxeedyadii.

Waxa duuban wacdigii iyo erayadii Jihaadiga ahaa ee Shiikha, waxaase ka dambeeyay in Maraykanku u balan qaaday kursiga madaxtinimada Soomaaliya inta uga hortay nolashiisa, waase haddii uu ka tanaasulo sheegashada Shareecada Islaamka iyo Jihaadka. Sh. Shariif oo rumeystay, qaatayna talada Maraykanka ayaa barkinta dheereystay markii laga dhigay madaxweynaha Soomaaliya 2009, mana uusan qaadin waddo uu ku adkeysanayo kursigiisa, sida inuu dhisto ciidamo u suga amaanka dalka iyo horumarin uu gaarsiiyo nolasha shacabka, iska daa inuu wadanka ku xukumo Shareecadii Islaamka ee uu sheegan jiraye.

Maraykanku waligiis ma aaminin qof mar sheegtay Shareeco Islaam iyo Jihaad, haba ka beenshagayo qofkaasu sheegashadise. Waxa Shariif loogu sheekeeyay inuusan is dhibin, wax walbana ay gacantiisa ku jiraan, doorashada soo socotana uu isagu guuleysan doono sidii uu tii horaba u guuleystay.

Waxa kaloo laga codsaday Shiikha in isaga iyo xubnihii Maxaakimtu ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan sirdoonka CIA, si looga hor wareejiyo caqabada hortaagan kursigiisa. Waxaana maanta Muqdisho laga wada ogyahay in ciidamadii iyo madaxdii Maxaakimta urur walba oo ay leeyihiin (Aala Shiikh, Islaax, Itixaad, Al-Shabaab) ay 60% la shaqeeyaan sirdoonada reer Galbeedka iyagoo is-moodsiinaya inay uga gambanayaan gowraca kooxda Al-Shabaab.

Sh. Shariif wuxu gaaray heer uu inkiro inuu ka mid ahaan jiray dhaqdhaqaaqyadii Islaamiyiinta Soomaaliya si uu kalsooni uga helo Maraykanka, wuxuna dariishada ka tuuray wixii uu sheegan jiray, laakiin isna waxaa la marsiiyay wadadii Burhaanudin Rabaani, markii lagu gaaray dantii laga lahaa, waxaana laga tuuray dariishada bishii Semtember 10keedii, sidii uu dariishada uga tuuray Shareecadii Islaamka ee uu sheegan jiray.

  1. Kooxda labaad waa nin ciil qaba oo ama la xiray, ama jago uu hayay laga qaaday, ama xoolo uu lahaa lagala wareegay, ama baasaboor laga qaaday, ama dhalasho ahaan loo liiday. Kooxdaan iyada ah waa kooxda ugu xag jirsan uguna gumaadka badan inta ka been sheegta Jihaadka Islaamiga ah.

Waxay la mid yihiin hogaamiye kooxeed uu xiray, dhacay ama qabiil ahaan u liiday madaxweyne xukun haysta oo markii xabsiga laga soo daayay ninkaasi uu duurka kasoo jabhadeeyay tuulooyina soo gubay, uuna soo gumaaday qabiilka madaxweynihii xiray uu ka   dhashay, ilaa uu kursiga ugu yimaado ninkii ciilka baday.

Lakin labadan nin ee ciilka qaba (hogaamiye-kooxka iyo hogaamiye-diineedka) way kala nasiib badan yihiin aduunka, inkastoo aakhiro waxa ay kala kulmayaan aanaan sheegi karin. Aniga aragtidayda waxa nasiib badan hogaamiye kooxeedka oo inkastoo Ilaahey agtiisa aysan wax fiican u jirin, hadana aduunka waxa laga yaabaa inuu taageero ka helo dowlad xoog leh oo hub iyo lacag siisa ilaa uu xukunka ka tuurto ninkii uu u ciilka qabay.

Laakin hogaamiye-diineedka ciilka qaba, Ilaaheyna garab iyo guul ka heli maayo inta uu ciil-qabka iyo aargoosiga ku jiro, dowladdii uu ka aargoosanayayna waxay hub iyo lacag ka helaysaa dowlado dhaqaale leh oo u aragta khatar kusoo socota haddii hogaamiye-diineedka ciilka qaba uu kursiga madaxtinimada fuulo. Waxaa tusaale noogu filan ragaas Sayid Qudub (Rabi ha u naxariiste) oo ah aabaha ciil-qabayaasha, oo markii uu xiray Jamaal C/nasir kuna ciqaabay xabsiga dhexdiisa, inta uu fakaray yiri, horta maxaa laguu ciqaabayaa? Sow Ilaahey dartiis maaha?

Kuwa i ciqaabaya waa gaalo! Shacabku maxay u aamusan yihiin oo uga hadli waayeen ciqaabta Rabi dartiis naloogu geysanayo? Hadaba iyaguna waa gaalo oo waxay ku raali noqdeen dowladda gaalada ah ee na ciqaabaysa! Waana meesha ay kasoo bilaabatay in dowladaha iyo shucuubta ku hoos nool la gaalaysiiyo. Qeyb gooni ah ayaan uga hadli doonaa fikirka Takfiirka.

Waxa kaloo la mid ah Ayman A-Dawaahiri oo muddo badan xabsiyada Masar ku jiray oo isna markuu soo baxay bilaabay aargoosi, waan ka sheekeyn doonaa.

Waxa sadexeeya Usama Bin Ladin (Rabi ha u naxariste) oo isku arkay nin waqtigisii iyo maalkiisii u huray Jihaadkii Afganistan oo uu ka ahaa wakiilka dunida Carabta ee Jihaadkaas, lakin markii Ruushku jabay, Mujaahidinti Afgaanistana ay xabadda isku jeediyeen, dib ugu soo laabtay Khalijka Carabta, lakin markii uu ka waayay soo dhaweyntii uu filayay, inta uu fariisin ka dhigtay Suudaan aasaasay ururkisii Al-Qaacida kadibna iskugu yeeray dhalinyardii Carbeed ee Afganistan kasoo noqotay, si uu ula diriro wadamada Carabta.

Waxa xusid mudan, oo aan kusoo gabagabeynayaa tusaalayashan, isla markaana cadeyn buuxda u ah aargoosiga ciil-qabayaasha in Usama Bin Ladin iyo ururkisa Al-Qaacida ay u aqoonsadeen dhamaan dowladaha Muslimiinta inay yihiin gaalo, marka laga reebo dowladda Sucuudiga oo aysan cadeyn sababta ay uga duwan tahay dowladaha kale ee Muslimiinta.

Waxaase la wada ogyahay in Usa Bin Ladin oo ku dhashay Sucuudiga uu aabihiis kasoo jeedo dalka Yaman, isla markaana qoyskiisu ku leeyihiin Sucudiga shirkadda dhismaha ugu weyn ee Bin Ladin Construction. Xiligaas isaga ahna Usama Bin Ladin wuxu saami dhaxaltooyo ku lahaa shirkadda reer Bin Ladin.

Dowladda Sucuudigu markii ay ka war heshay dhaqdhaqaaqiisa iyo maleeshiyaadka uu u kala dirayo dunida Carabta waxay u yeertay qoyskii Bin Ladin waxayna ku amartay inay dhaxaltooyadooda ka saaraan Usama, kuna wargalisay inay kala noqon doonto dhalashada iyo baasaboorka Sucuudiga.

Reer Bin Ladin waxay u saareen Usama saamigiisii shirkadda uu ku lahaa, waxayna ugu direen meeshii uu dalbaday. Dowladda Sucuudiguna waxay soo saartay amar ay baasaboorka kala noqonayso Usaama.

Sida uu sheegay nin shiikh u ahaa Usama oo Masri ahaa, waxa u yimid Usama oo u sheegay inuu doonayo inuu usoo saaro Fatwo uu ku gaalaysiinayo Boqortooyada Sucuudiga, markii uu Shiikhu waydiiyay sababta keentay inuu gaaleysiiyana, wuxu Usama u sheegay Shiikhiisa inay kala laabatay baasaboorkii Sucuudiga.

Shiikha oo markaas uun ku baraarugay ficilada aargoosiga ee Usama ayaa yiri “oo ma baasaboor lagaa qaaday ayay ku gaaloobaysaa dowladda Sucuudigu” wuxu yiri haa, ee iisoo saar Fatwada, laakin Shiikhu wuu ka diiday.

Wuxuse Usama u sheegay Shiikhisa inuu isagu soo saaranayo Fatwo uu ku gaalaysiinayo dowladda Sucuudiga. Halkaasna wuxu Usama ku gaaleysiiyay Sucuudiga, oo waatii shiikha Al-Shabaab ee fadhigiisu yahay Nairobi, Xasaan Xuseen laga duubay isagoo leh “dowladaha Muslimiinta oo dhan waa gaalo, waxaana ugu dambeysay oo la oran jiray waa dowladda Islaam Sucuudiga, iyadana waxaa gaaleysiiyay Shiikh Usama Bin Laadin”

Waxa kale oo Soomaali badan oo xog-ogaal ah ay ka warqabaan in ururka Al-Shabaab madaxdiisa sar sare intii dhimatay iyo inta nool intooda badan ay ku abuurmeen ciil-qab iyo aargoosi noocyo kala duwan leh. Waxaan anigu shaqsiyan aqaan hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al Shabaab oo ii sheegtay inuu u ciil qabo qaar badan oo wadaadada Soomaaliyeed ka mid ah, markaan waydiiyay sababtana wuxu ii sheegay inay salaanta ka goosteen sanadihii 90aad-kii oo ay ku eedeeyeen nin ujeedooyin gooni ah leh oo rag kale ku xiran inuu yahay.

Qoraalkeena soo socda waxan bilaabi doonaa maqaaladii faahfaahsanaa ee buugayga, waxaanan si tafaftiran uga hadli doonaa inta aan kor kusoo sheegay, taariikhda Islaamiyiinta Soomaaliya, urur walba waqtiga uu sameystay, wixii uu qabtay iyo meeshii uu ku dambeeyay.

Waxaanan isku dayi doonaa inaan ka cadaalad sameeyo, anigoo ujeedkaygu uu yahay inaan Rabi dartiis uga faa’iideeyo shacabka Soomaaliyeed, si aysan diinta Islaamka u nicin, marka ay arkaan dhaqamada qalafsan ee rag sheeganaya inay yihiin kuwo u adeegaya diinta Islaamka ay faraha kula jiraan ama horay ula soo galeen. Dadkuna ha ogaadaan in qof walba goonidiisa uu u hor istaagi doono Rabiga abuurtay, lana waydiin doono wixi uu soo camal falay.

Marka cudurdaar hadhow noqon mayso in qofku yiraahdo “Wadaado ayaa na wareeriyay, ama diintii na nacsiiyay” Ragga aan ka sheekayn doono ma matalaan diinta Islaamka, waana mida aan Rabi uga diin dhiganayo buugaana aan u qoray inaan cadeeyo in ururada Islaamiga sheegta aysan matalin diinta Islaamka. Wixi qalad aan qoro waxay ka timid naftayda iyo Shaydaan. Rabina waxan waydiisanayaa inuu ii cafiyo. Wixi aan wanaag haleelana waa mid ka timid Rabi dhankiisa.

Waxan waydiisanayaa Rabiga weyn, inuu iigu kaalmeeyo buugaan, igana ilaaliyo qaladaad, cadaalad-daro, xadgudub iyo gabood-fal intaba.

Qaybaha uu ka booban yahay Silsiladda.
Inshaa Allaah mar dhowna qaybta koowaad ayaan idiin soo tabin doonaa.

Halkaan ka Bilow

Lam Qaybta Lam Qaybta
1 Koowaad 11 Kow iyo Tobonaad
2 Labaad 12 Labad iyo Tobonaad
3 Seddexaad 13 Saddex Iyo Tobonaad
4 Afaraad 14 Afar Iyo Tobonaad
5 Shanaad 15 Shan Iyo Tobonaad
6 Lixaad 16 Lix Iyo Tobonaad
7 Todobaad 17 Todobo Iyo Tobonaad
8 Sideedaad 18 Sideed Iyo Tobonaad
9 Sagaalaad 19 Sagaal Iyo Tobonaad
10 Tobonaad 20 Labaatanaad

Decorative Lines

Talo iyo tusaale:

Email: silsilada@gmail.com
Xigasho: Wadanka.com