Caqiidada Islaamka 

(Suáalo & jawaabo Diini ah)

Decorative Lines

bismillah

Mahad Celin

Mahad oo idil Allaah (swt) ayay u sugnaatay, naxariis iyo nabadgelyo Nabigeena Muxammad dushiisa ha ahaato iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa iyo inta hanuunka ku raacday ilaa maalinta qiyaamaha.

Waxaan halkaan ku soo gudbinahayaa su’aalo iyo jaabo diini ah oo ku saabsan Caqiidada, waxaana qoray Maxamed Xirsi Guuleed (Cabdi-Bashir) Ilaahay (swt) haka abaal mariyo asiga iyo waalidiintiisa iyo inta akhrisa oo idil. Wa Jazaakum Allaahu Khayra.

Su’aalo & Jawaabo
Ku Saabsan Arimaha Diinta

01. Su’aal: Waa maxay caqiidadu?

01. Jawaab: Ereyga “Caqiido” macnihiisu waa; rumayn iyo wax aaminid. (Caqiido waa kalmad af-carabi ah oo sheegaysa; adkayn, guntid, sugid iyo goyn. Haddii la sii macneeyo waa; arrinka aan qofka aaminsani ka shakisanayn. Xagga diinta waa arrimaha la aamino qalbi ahaan sida rumaynta Alle iyo Rasuulkiisa. Markaa caqiidada Islaamku waa lixda tiir ee iimaanka iyo wixii soo raaca oo lagu faahfaahin doono kitaabka gudihiisa.

02. Suáal: Waa maxay caqiidada islaamku?

02. Jawaab: “Caqiidada Islaamka” waxa looga jeedaa rumaynta iyo aaminidda mabdaá islaamka. Haddii la sii sharraxo waxaa caqiidada loola jeedaa; tiirarka “Iimaanka”.

03. Suáal: Waa maxay iimaanku?

03. Jawaab: Iimaanku: waa rumaynta Alle iyo rasuulkiisa taas oo leh tilmaamo gaar ah iyo tiirar ay isku taagto.

04. Suáal: Waa maxay tilmaanta iimaanku?

04. Jawaab: Tilmaanta iimaanku waa waxyaalaha haddii qofka laga helo lagu sheegi karo “qof muumin ah”.

05. Suáal: Maxay ka koobanyihiin tilmaamaha iimaanku?

05. Jawaab: Tilmaamaha iimaanku waxay ka kooban yihiin saddex walxood (wax ama shay) oo kala ah:

  • Rumayn qalbiga ah
  • Qiritaan afka ah
  • Iyo ku dhaqmid

06. Suáal: Waa maxay arkaanul-iimaan ama tiirarka iimanaku?

06. Jawaab: Arkaanul-iimaan waa tiirarka uu iimaanku ku taagan yahay. Sida ay dhismayaashu u leeyihiin tiirar haya oo haddii mid laga saaro uu dhismuhu dumayo, ayuu iimaankuna u leeyahay tiirar lix ah oo haddii mid ka mid ah qofku si dhab ah u rumayn waayo uu iimaankiisu burayo (burid, buris, burin, buritaan= waa in wax jiray ay baabaáan. Waxaa loo adeegsadaa waxyaalaha aan la taaban karin, sida ballanka, caqiidada, weysada iwm.

07. Suáal: Maxay kala yihiin tiirarka uu iimaanku ku taaganyahay (arkaan-ul-iimaan)?

07. Jawaab: Tiirarka iimaanku waa lix tiir oo kalal ah:

  1. In Ilaahay la rumeeyo
  2. In Malaaígtiisa la rumeeyo
  3. In Kutub-tiisa la rumeeyo
  4. In Rasuulladiisa la rumeeyo
  5. In Maalinta qiyaame la rumeeyo
  6. Iyo in Qaddarka Alle- sharkiisa iyo khayrkiisaba- la rumeeyo.

08. Haddii qofku arkaanul-islaamka wada qiro ma noqonayaa muslim buuxa?

08. Jawaab: MAYA; sababtoo ah wuxuu qofku muslim buuxa noqonayaa marka uu arkaanul-iimaanka wada qiro, kuna dhaqmo arkaanul-islaamka.

09. Suáal: Oo waa maxay arkaanul-islaamku?

09. Jawaab: Arkaanul-islaamku waa tiirarka ay diinta islaamku ku taagantahay.

10. Suáal: Maxay kala yihiin tiirarka islaamku?

10. Jawaab: Tiirarka islaamku waxay ka kooban yihiin;

  1. In la qiro in aanu jirin cid xaq lagu caabudo Ilaahay mooyaane iyo in la qiro inuu Muxammed (SCW) yahay rasuulkii Alle
  2. In salaadda la tukado
  3. In sekada la bixiyo
  4. In la soomo bisha Ramadaan (Rabadaan= Ramadaan. Soomaalidu badiyaaba waxay ugu dhawaaqdaa Rabadaan, halka carabtu ugu dhawaaqdo Ramadaan.
  5. Iyo in qofkii awoodaa soo xajo.

11. Suáal: Maxay ku kala duwanyihiin arkaanul-iimaan iyo arkaanul-islaam?

11. Jawaab: Arkaanul-iimaan iyo arkaanul-islaam way isa soo dhexgelayaan. Tusaale ahaan tiirka ugu horreeya arkaanul-islaama waxa soo gelaya dhammaan lixda tiir ee arkaanul-iimaanka. Laakiin haddii la kala qaado waxay noqonayaan sidan: arkaanul-iimaan waa qalbiga, arkaanul-islaamna waa ficilka muuqda.

12. Suáal: Sidee ayuu tiirka koowaad ee arkaanil-islaamku u koobayaa lixda tiir ee arkaanul-iimaanka?

12. Jawaab: Marka uu qofku qiro: (لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللّٰهُ) LAA ILAAHA ILLA LAAHU oo ah tiirka koowaad ee arkaanul-islaamka qaybtiisa hore, waxaa uu buuxiyey tiirkii koowaad ee arkaanul-iimaanka oo ahaa; “in Ilaahay la rumeeyo”. Sidoo kale marka la qiro: Muxammed-un Rasuulu-Laah oo ah tiirka koowaad ee arkaanul-islaamka qaybtiisa dambe, waxaa soo gelaya shanta tiir ee dambe ee arkaanul-iimaanka oo kala ah:

  • In Malaaígtiisa la rumeeyo
  • In Kutubtiisa la rumeeyo
  • In Rusuuladiisa la rumeeyo
  • In Maalinta qiyaame la rumeeyo
  • Qaddarka Alle shar iyo khayrba la rumeeyo.

13. Suáal: Gartay in ay isa soo gelayaan “Laa ilaaha illa Laahu” iyo “In Ilaahay la rumeeyo”, balse sidee ayey shanta tiir ee dambe ee arkaanul-iimaanku u soo hoos gelayaan qiritaanka: “Muxammed waa Rasuulkii Alle”?

13. Jawaab: Marka la qiro inuu Muxammed (scw) Rasuulkii Alle yahay, waxaa la rumeeyey rasuullada Ilaahay, maxaa yeelay Nebi Muxammed (scw) wuxuu ka mid yahay Ilaahay rasuulladiisa. Haddii la qiro inuu Muxammed (scw) rasuulkii Alle yahay waxaa la rumeeyey kutubtii Ilaahay, maxaa yeelay Muxammed (scw) wuxuu Rasuul ku noqday in Kitaabka Quráanka ah loo soo dhiibay, quráankuna wuxuu ka mid yahay kutubta Alle.

Rumeynta Nebi Muxammed (scw) waxaa soo hoos gelaya, rumeynta wax alla wixii uu ka warramay. Sidoo kale in la rumeeyo quraanka waxaa soo hoos gelaya, rumeynta wax alla wixii quraanku sheegay. Haddaba malaaígta Ilaahay iyo qaddarka Ilaahay iyo yoomal-qiyaamaha, saddexdaba waxaa ka warramay Nebi Muxammed (scw), Quráankuna wuu sheegay. Sidaas ayey isu soo hoos gelayaan arkaanul-islaamka iyo arkaanul-iimaanku. Sidaas darteed ayaa qofkii beeniya qodob ka mid ah arkaanul-islaam ama arkaanul-iimaanka uu ula mid yahay mid beeniyey wixii oo dhan.

14. Suáal: Ma jiraan wax u dhexeeya “Caqiidada islaamka” & iimaanka?

14. Jawaab: Haa, waxa jira farqi yar. Caqiidada islaamku waxay la mid tahay arkaanul-iimaanka ama tiirarka iimaanku ku taanyahay ee lixda ah, laakiin iimaanku wuu ka guda ballaadhanyahay arkaanul-iimaanka oo camallada wanaagsan oo dhan ayaa soo gelaya.

15. Suáal: Ma sheegi kartaa daliil caddaynaya in iimaanku ka guda ballaadhanyahay arkaanul-iimaanka ama caqiidada?

15. Jawaab: Haa, tusaale ahaan Nebigu (scw) wuxuu yidhi: “Iimaanku wuxuu ka koobanyahay dhawr iyo toddobaatan ama dhawr iyo lixdan qaybood, waxaa ugu sarraysa (لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللّٰهُ) LAA ILAAHA ILLA LAAHU, waxaana ugu hooseeysa dariiqa oo laga qaado wixii dhibaato leh, xishoodkuna iimaanka ayuu ka mid yahay”. (Xadiiskan waxaad ka eegtaa kitaabka Saxiixul-muslim).

Faahfaahinta
Arkaanul-Iimaanka

16. Suáal: Waa maxay tiirka koowaad ee Arkaanul-iimaanku?

16. Jawaab: Tiirka koowaad ee arkaanul-iimaanku waa “in Ilaahay la rumeeyo”.

17. Suáal: Waa gartay in ay ugu horrayso arkaanul-iimaanka in la rumeeyo Ilaahay. Haddaba waa maxay “in Ilaahay la rumeeyo”?

17. Jawaab: In Ilaahay la rumeeyo waxay tahay:

  • In la rumeeyo inuu Alle jiro.
  • In la rumeeyo inuu Alle wax walba abuuray oo isagu adduunka maamulo nolol iyo dhimashoba, isla markaana uu isagu makhluuqa kala xukumi doono.
  • In la rumeeyo inuu kelidii caabudid xaq u leeyahay.
  • In la qiro magacyadiisa iyo sifooyinkiisa.

(Makhluuqa = uunka, waxa la abuuray. Waxaa soo hoos gelaya wax kasta oo jira Alle mooyaane.

18. Suáal: Tiirka koowaad ee arkaanul-iimaanka oo ah; “In Ilaahay la rumeeyo” iyo tiirka koowaad ee arkaanul-islaamka qaybtiisa hore oo ah “Laa Ilaaha illa laahu” maxay ku kala duwan yihiin?

18. Jawaab: “In Ilaahay la rumeeyo” iyo Laa ilaaha Illa laahu”, way isa soo dhex gelayaan, laakiin “Laa Ilaah illa Laahu” oo ah kelmaddii tawxiidka, ayaa ujeeddada islaamka sii caddaynaysa.

19. Suáal: Waa maxay kelmadda tawxiidku?

19. Jawaab: Kelmadda tawxiidku waa Laa ilaaha illa Laahu.

20. Suáal: Waa maxay “tawxiidku”?

20. Jawaab: Tawxiidku waa keli ahaanta Ilaahay oo la qiro, waana aasaaska ugu horreeya ee diinta islaamka, waana macnaha “Laa Ilaaha illa Laahu”.

21. Suáal: Waa imisa qaybood tawxiidku maxayse kala yihiin?

21. Jawaab: Tawxiidka waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah (qeexidda magacyada tawxiidka ee kala duwan waxaad ka fahmi suáalaha ku xiga);

  • Tawxiidu rubuubiya= Rabbinimada
  • Tawxiidu Uluuhiya= Ilaahnimada
  • Tawxiidu al-asmaa wa-sifaat.

22. Suáal: Waa maxay Tawxiidu-rubuubiyah?

22. Jawaab: Tawxiidu rubuubiyah waa in la qiro jiritaanka Ilaahay iyo in aan Eebbe cidi la wadaagin falalkiisa, tusaale ahaan:

  • Waa in la rumeeyo inuu Ilaahay kelidii (keligii) maamulo adduunka oo dhan nolol iyo dhimashoba, kelidiina wax arsaaqo.
  • Waa in la rumeeyo inuu Alle wax walba awoodo.

23. Suáal: Qofkii qira tawxiidu-rubuubiyah, ma ugu filantahay intaasi in lagu sheego muslin?

23. Jawaab: Maya, tawxiidu-rubuubiyah kelidii islaam laguma noqdo, maxaa yeelay? Dadka intooda badan way rumaysanyihiin jiritaanka Ilaahay. Gaaladii carbeed ee Nabi Muxammed (SCW) loo dirayna way wada qirsanaayeen in Ilaahay wax abuuro, wax dilo, waxna nooleeyo, waxna arsaaqo, laakiin intaas islaam kumay noqon sababtoo ah wax ka dhinnaa tawxiidu-Uluuhiyah!

24. Suáal: Waa maxay tawxiidu-uluuhiyah?

24. Jawaab: Kelmadda “Uluuliyah” waxay ka timid kelmadda “Ilaah” oo la macne ah “Macbuud”, yacnii; kii la caabudayey. Markaa “tawxiidu-Uluuliyah” waa in Eebbe kelidii la caabudo.

25. Suáal: Waa maxay tawxiidu-asmaa wa sifaat?

25. Jawaab: Tawxiidu al-asmaa wa sifaat (Al-asmaa = magacyada Ilaahay) (Wa sifaa = sifooyinka) waa in la qiro magacyada iyo tilmaamaha Eebbe isu qiray iyadoon leexinayn macnahooda, loogana metaal (metaal = tusaale) qaadanahayn magacyada iyo sifooyinka makhluuqiisa (makhluuq = waa wixii Alle abuuray).

  • Tusaale ahaan, Alle wax wuu maqlaa waxna wuu arkaa, haddana cid la mid ahi ma jirto.

26. Suáal: Qofka doona inuu islaamka soo galo, muxuu ku soo galayaa diinta?

26. Jawaab: Wuxuu diinta islaamka ku soo gelayaa inuu ku dhawaaqo Shahaada-teynka (Shahaadateyn = labada ashaado).

27. Suáal: Waa maxay Shahaada-teynku?

27. Jawaab: Shahaada-teynku: waa qiritaanka “Laa Ilaaha illa laahu” iyo qiritaanka “Muxammed-rasuululaahi”.

28. Suáal: Ma isku midbaa Shahaada-teynka iyo kelmadda tawxiidku?

28. Jawaab: Maya, Shahaada-teynku waa qiritaanka; Laa Ilaaha illa Laahu iyo Muxammed-Rasuulu-laahi (scw). Halka kelmadda tawxiidku ay tahay: Laa ilaaha illa Laahu oo keliya.

29. Suáal: Waa maxay macnaha Laa Ilaaha illa Laahu?

29. Jawaab: Laa ilaaha illa Laahu, macneheedu waa “ma jiro mid xaq lagu caabudaa Alle mooyane”.

30. Suáal: Muxuu ku hagaagayaa qiraalka “Laa Ilaaha illa Laahu?

30. Jawaab: Qiraalka “Laa Ilaaha illa Laahu” wuxuu ku hagaagayaa in la helo toddoba shardi (shardi= waa wax haddii isaga la waayo wixii uu shardiga u ahaana aanu jirahayn)

31. Suáal: Maxay kala yihiin shuruudaha “Laa Ilaaha illa Laahu” ee toddobada ahi?

31. Jawaab: Waxay kala yihiin shuruudaha “Laa Ilaaha illa Laahu” sida tan:

  • Garasho oo ah in aqoon loo yeesho macnaha iyo ujeedada “Laa Ilaaha illa Laahu”.
  • Yaqiinsasho aan shaki lahayn oo ah si hubaal ah oo loo aamino saxsanaanta Laa Ilaaha illa Laahu.
  • Aqbalaad aan diidmo lahayn oo ah in la aqbalo Laa Ilaaha illa Laahu.
  • Hogaansamid aan ka tegid lahayn oo ah in lagu dhaqmo Laa Ilaaha illa Laah.
  • Ka runsheegid oo ah in ay is waafaqaan hadalkiisa iyo uurkiisu.
  • Saafi yeelid aan shirki lahayn, oo ah in aan cid kale la caabudin.
  • Jacayl aan necayb lahayn, oo ah haddii wax kale ka hor yimaado in aad waxa kale ka tagto.

32. Suáal: Shuruudahaas ma ka bixin kartaa sharrax isku xidhan?

32. Jawaab: Haa! marka koowaad, waa in aqoon loo yeesho macnaha Laa ilaaha illa Laahu oo ah in aan cidina xaq u lahayn caabudid, Ilaahay mooyaane. Nebigu (SCW) wuxuu yidhi “Qofka dhinta isaga oo og in aanu jirin Ilaah xaq lagu caabudo Alle mooyaane, jannada ayuu galaa”. (Cusmaan Binu Caffaan ayaa weriyey waxaanu ku jiraa kitaabka Saxeexu-muslim).

Marka xigta waa in macnahaas lagu qanco oo aan wax shaki ah laga qabin in cibaado oo dhan Alle xaq u leeyahay. Nebigu (SCW) wuxuu yidhi “Waxaan qirayaa in aanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa ilaahay mooyaane iyo in aan anigu ahay rasuulkii Alle, qofna kulama kulmo Alle kelmaddaas isaga oo aan ka shakisanayn, haddii ay dhacdana jannada ayuu ku galaa”. (Abuu Hureere ayaa wariyey waxaanu ku jiraa kitaabka Saxeexu-muslim).

Marka saddexaad, waa in la aqbalo ujeedada Laa ilaaha illa Laahu oo dhan. Marka xiga waa in loo hoggaansamo oo lagu dhaqmo dhaqanka ay xambaarsan tahay. Marka lagu dhaqmo waa in aan cid kale wax ku yeelan cibaadada, sida sanam ama qof la weyneeyo. (Sanam= waa sawir dhagax ama dhir ka sameysan oo dada qaar caabudaan).

Nebigu (SCW) wuxuu yidhi: Qofka yidhaa Laa ilaaha illa Laahu isagoo ula jeeda ilaahay dartiis, jannada ayuu ku galaa. (Cutbaan binuu Maalik ayaa weriyay waxaanu ku jiraa Bukhaari & Muslim).

Waana in la jeclaado oo haddii wax ka duwani ay jiraan la door bido Laa ilaaha illa Laahu. Waana in la rumeeyo oo aan la beenin ama munaafiqnimo loo odhan. Nebigu (SCW) wuxuu yidhi: Ma jiro qof qira Laa ilaaha illa Laahu Muxammedan rasuulullaah isagoo qalbigiisu run ka sheegayo, hadduu jirana Alle wuxuu ka xaaraantinimeeyaa naarta. (Mucaad binuu Jabal ayaa weriyay waxaana soo saaray Bukhaari & Muslim).

33. Suáal: Ilaahay mooyaane cid kale caabudaad xaq uma lahan. Haddaba waa maxay cibaadadu?

33. Jawaab: Cibaadadu waa wax alla wixii Eebbe dadka amray in ay sameeyaan ama ka tagaan oo la yeelo.

34. Suáal: Maxaa ka mid ah noocyada cibaadada?

34. Jawaab: Cibaadada waxaa ka mid ah waxyaalo fara badan sida; Shahaada-teynka, Salaadda, Sekeda, Soonka Xajka, ducada, Nederka, Dhaarta, Saddaqada, Sujuudda, Gawraca iwm.

35. Suáal: Maxaa loo caabudayaa Ilaahay?

35. Jawaab: Waxaa Alle loo caabudayaa:

  • Dadkaba waxaa Alle u abuurtay in ay isaga caabudaan.
  • Nebiyadii Alle oo dhan waxaa loo soo diray in ay dadka faraan cibaadada Alle.
  • Alle wuxuu u ballanqaaday qofkii caabuda ee aan cid kale la caabudin inuu jannada geeyo.

36. Suáal: Haddii qofku Ilaahay caabudi waayo, maxaa ku jaban?

36. Jawaab: Haddii qofku Ilaahay kelidii caabudi waayo, wuxuu Alle u ballan qaaday inuu cadaabta geliyo.

37. Suáal: Waxyaalaha Ilaahay faray dadka in ay sameeyaan maxaa ugu muhiimsan?

37. Jawaab: Waxaa ugu muhiimsan “Tawxiidka Alle” oo ah in isaga kelidii la caabudo.

38. Suáal: Maxaa ugu daran waxyaalaha Alle dadka ka reebay in ay sameeyaan?

38. Jawaab: Waxa ugu daran in Alle loo shiriig yeelo (Shiriig= shirki yeelid, la wadaajin, in cid kale la caabudo) oo cibaadadii uu xaqa u lahaa cid kale lala wadaajiyo (wadaajin= wax ka dhaxaysiin laba qof ama in ka badan.

39. Suáal: In Alle loo shiriig yeelo, waa maxay macnaheedu?

39. Jawaab: Waa in cid aan Alle ahayn cibaadada wax laga siiyo. Ilaahay waa keli in cid lala simo ama lagu lammaaneeyo waa shirki ama gaalnimada ugu weyn. (Lagu lammaaneeyo= lagu labeeyo).

40. Suáal: Shirkigu waa immisa qaybood?

40. Jawaab: Shirkiga waxaaa loo kala qaybiyaa laba qaybood oo kala ah:

  • Shirkiga wayn.
  • Shirkiga yar.

Suáal: Waa maxay shirkiga weyni?

Jawaab: Waa in wax ka mid ah cibaadada loo leexiyo cid aan Alle ahayn, sida ducada, salaadda, sujuudda, gawraca qurbaanka, rajaynta wixii Ilaahay kelidii karo, ka cabsashada jinka, shayaadiinta, maytida iwm.

Decorative Lines

Waxaa qoray:
Maxamed Xirsi Guuleed
(Cabdi-Bashir)

Xigasho: Somaanta.com