Silsiladda Taariikhda
Ururada Diiniga Ah
Ee Soomaliya

Qeybta | 4aad

Decorative Lines

Maadaama ururka Ikhwaanka loo dhisay soo celinta dowladdii Islaamka, qaab dhismeedkiisana laga dhigay qaab dowladeed, waxa uu xooga saaray ururku inuu soo kasbado shacab fara badan oo dowladaas taageera, wuxuna xooga saaray soo xero-galinta ganacsatada, takhaatiirka, macalimiinta iyo aqoon yahanka, waxana halkaas kasoo baxay cilad ah in helitaanka dad fara badan laga hormariyo shuruucda Islaamka taasoo keentay in qaladaad badan oo Diini ah lagu dhacay.

Ikhwan_prison

Tusaale ahaan wuxu ururku qaatay qaab dhaqan ah maadaama hadafka loo socdo uu yahay ku dhaqanka shareecada Islaamka inay banaan tahay wado walba oo loo maro hadafkaas haba ahaato wadadaasi mid aan ku banaaneyn Diinta Islaamka. Waana mida keentay maanta in qaybo badan oo ka mid ah ururada Islaamigu ay banaystaan dhiiga shucuubta Muslimiinta ah maadaama hadafka loo socdo uu yahay fulinta ku dhaqanka shareecada Islaamka.

”Labada qeybood ee ururada Islaamiyiinta oo kala taagan laba dhinac oo kala fog, labaduba way ku dhaqmaan qaacidadaas aan kor kusoo sheegnay.”

Kuwa lagu sheego inay yihiin qunyar socodku, waxay aaminsan yihiin inay maraan wado walba oo ay isleeyihiin waxaad ku gaaraysaan xukunka Islaamka, sida inay ku biiraan baarlamaanada dimuqraadiyada, inay isku ekaysiiyaan reer Galbeedka, inay ka qeyb galaan xafladaha Diiniga ah ee gaalada, in xubnahoodu ay gacan qaadaan dumarka -sidii uu sameeyay Sh. Shariif Sh. Axmed oo xubin ka ah ururka Majmaca Islaamka oo sheegta inay ku manhaj yihiin urur weynaha Ikhwaanka- iyagoo leh hadafkeena Islaamdoonka ah ayaa ka weyn waxa aan sameynayno.

Kuwa kale ee banaystay dhiiga Muslimiinta waxay aaminsan yihiin inay dili karaan qof walba oo Muslim ah haday doonaan haku dhex dilaan Masaajide, waxayna yiraahdaan qofka la dilayna waa Shahiid, kan wax dilayna waa Mujaahid, qof walbana niyadiisa ayaa lala soo bixinayaa oo uu Janada ku galayaa.

Dhanka kale  Xasan Al-Banna wuxu ururkiisa u dajiyay qaacido kale oo oranaysa;

“Waxan ku wada dhaqmaynaa wixi aan isku raacsanahay, waanan iskugu cudur daaraynaa wixii aan isku qilaafsan nahay.”

Haba noqoto waxa la isku qilaafay arin ku qaldan shareecada Islaamka. Taasina darafka kale ayay ka dhalisay sida aan hoos ku sheegi doono in qaar badan oo ka mid ah ururada Islaamigu ay maanta ku dhex milmaan dhaqamo badan oo ku qaldan diinta Islaamka sida qaar dhex galay maamulada shuuciga iyo dimuqraadiyadda ku dhisan iyagoo ku dhaqmaya qaacidada aasaasahooda.

Ikhwan

1948 iyo Bixintii
Dhulka Falastiin

Sanadkii 948 ururka Ikhwaan Muslimiin wuxu gaaray heerkiisii ugu sareeyay wuxuna saamayn ku yeeshay dhamaan qaybaha bulshada oo diidanaa boqortooyada Masar ee uu dhisay Ingiriisku sanadkii 1922. Isla sanadkaas 1948 waxa dhacay bixintii iyo dajintii dhulka Falastiin la siiyay Yuhuuda, waxana bilowday dagaalkii Yuhuuda iyo Carabta.

Ururka Ikhwaanku wuxu u diray dagaalkaas dhaliyaradii hubaysneyd ee sida qarsoodiga ah u tababartay mar hore. Dagaalkaas waa lagu soo jabiyay Carab iyo Ikhwaan Muslimiin oo wada jira.

Waxana boqortooyadii Masar ee xiligaas uu hogaaminayay Boqor Faaruuq ay walwal ka muujisay awooda sii kordhaysa ee Ikhwaan Muslimiinka oo markaan yeeshay ciidamo dagaalami kara. Iyagoo ku dhaqmaya Ikhwaanku qaacidadii ahayd in wado walba loo maro hadafka la doonayo waxay dhalinyaro badan ku dareen ciidanka qalabka sida ee Masar si ay u kasbadaan ciidanka una sameeyaan afgambi milatari.

Bishii Desember 1948 waxaa soo baxay warar sheegaya in Ikhwaanku ay damacsan yihiin afgambi milatari, waxana Ra’isal Wasaarihii Masar ee xiligaas Max’ud Nukrashi Basha uu ku dhawaaqay isla bishaas inuu kala diray ururka Ikhwaan Muslimiin ayna dowladdu la wareegtay dhamaan hantidii iyo guryihii ururkaas. Qaar badan oo ka mid ah madaxdii ururkana waa la xirxiray.

Muddo saddex isbuuc ka yar ayaa xubin ka tirsan Ikhwaanka oo la oran jiray Cabdul Majid Axmed Xasan wuxu toogasho ku dilay Ra’isal Wasaare Max’ud Nukrash. Sida caadada u ah ururada kacdoonka ee aan xakameyn karin xubnahooda, waxa durbadiiba soo if-baxday in Xasan Al-Banna uusan fasixin dilka Ra’isal Wasaaraha, wuxuna isla markiiba soo saaray qoraal uu ku dhaleecaynayo dilka dhacay, wuxuna ku sheegay qoraalkiisa inaysan shareecada Islaamka ku banaaneyn falka noocaan oo kale ah.

”In ka yar laba bilood waxa gaadmo lagu dilay Xasan Al-Banna iyadoo sida muuqata loogu aarguday dilkii ardaygiisu uu u gaystay Ra’isal Wasaarihii Boqorka.”

Waxana dilkiisu uu u dhacay sidatan. Bishii Febraayo 12 1949 Xasan Al-Banna iyo seedigiis Cabdulkarim Mansuur waxay kula balameen xarunta Jamciyatu Al-Shubbaan Al-Muslimiin wasiir ka tirsan dowladda oo lagu magacaabi jiray Zaki Cali Basha si ay uga wada hadlaan xaalaha amaanka dalka. Wasiirku ma uusan imaan goobtii balanka, waxayna go’aansadeen Xasan Al-Banna iyo seedigiis inay iska baxaan maadaama maqribkii uusoo dhow yahay.

Markii ay banaanka soo istaageen oo gacanta u taagteen tagsi meesha marayay ayaa laba nin xabado ku fureen, waxana lala beegsaday Xasan Al-Banna 7 xabadood mase uusan dhiman ee waxa loo qaaday isbitaalka.

Maadaama dhimashadiisa la rabay, lama siin wax daryeel caafimaad ah, waxana la dhigay qol gooni ah ilaa uu u dhintay dhiig-bax. Hogaankii ururka Ikhwaanka waxa la wareegay Xasan Ismaaciil Hudeybi, wuxuna isku dayay inuu kala diro garabkii hubaysnaa ee Ikhwaanka waase uu ku guul daraystay isku daygaas.

Afgambigii

Afgambigii

Ururka Ikhwaan Muslimiin oo xiligaas lagu qiyaasay xubnihiisu inay ahaayeen hal milyan oo qof, rag badana ku darsaday ciidamada waxay bilaabeen inay abaabulaan ciidanka kuna kiciyaan boqor Faaruuq si xilka looga tuuro iyaguna ay ku fariistaan kursiga.

Laakin Ikhwaanku waxay isku qariyeen daaha gadaashiisa waxayna iska soo hormariyeen Gen.  Max’ed Najiib oo 52 jir ahaa iyo Jamaal C/nasir oo xiligaas ahaa kabtan 35 jir ah.

Labadan nin waxay hormuud u noqdeen ciidamo la baxay Ciidamada Xorta ah, waxana qorshaha iyo howsha lahaa Jamaal C/nasir  oo iska hormariyay Gen. Max’ed Najiib si uu u helo taageerada ciidamada intooda badan. Gen. Max’ed Najiib wuxu daacad u ahaa fikirka Ikhwaanka halka Jamaal C/nasir uu hoos kala socday Ruushka, uuna qiyaameynayay Maraykanka iyo Ikhwaan Muslimiin oo labaduba u haystay in Gamaal uu iyaga u adeegayo.

Markii ay iska hormariyeen Gen. Max’ed Najiib iyo Gamaal C/nasir oo la bilaabay olalaha lagu ridayo boqor Faaruuq ayay dhankooda bilaabeen sirdoonada Maraykanka iyo Ruushku CIA iyo KGB  inay gacanta ku dhigaan kacdoonka bilowday ee lagu ridayo boqor Faaruuq iyo Ingiriiska taageersan oo gacanta ku hayay kanaalka Suweys. Maraykan wuxu rabay inuu is raaciyo Ingiriiska oo kadib dagaalkii labaad ee aduunka ay gacantiisa ka baxday hormuudnimadii gumaysiga aduunka uu u ahaa.

Wuxuna Maraykanku ku dadaalayay in maamulka kanaalka Suweys uu gacantiisa soo galo. Waxa intaas u dheeraa  inay burburiyaan ururka Ikhwaan Muslimiinka oo ku socday xowli aad u dheereeya. Ruushkuna labadaas ujeedo oo kale ayuu lahaa, laakin nasiib daro Ikhwaanka Masar kuma aysan baraarugin shirqoolada loo dhigayay.

Janaral Najiib

Janaral Najiib

CIA iyo KGB waxay ka shaqeeyeen in dadweynaha laga horkeeno boqorka si ay usoo dadajiyaan kacdoon shacab kadibna ciidamadu ay u sameeyaan afgambi, markaasna ay iyagu gacanta ku dhigaan ciidankaas. Qorshahaas oo wadan walba uu iskiis u watay, waxay keentay inay ku tartamaan sidii ay u kasban lahaayeen madaxda ciidanka. Intaas in la mid ah waxa watay ururka Ikhwaan Al-Muslimiin sirdoonkooduna ma uusan gaarin inay ogaadaan in ciidanku ay kor kala socdaan iyaga hoosna ay kala socdaan awoodaha shisheeye.

Bilihii Desember iyo Janaayo 1951-1952 sirdoonka Maraykanku waxay adeegsadeen ciidamo ka tirsan booliiska oo ay u direen inay howlgaliyaan maleeshiyaadka Falastiin ee loo yaqaanay Fidaa’iyiin ee ku noolaa Masar si ay qaraxyo uga sameeyaan goobaha ay dagan yihiin Ingiriisku ee ku yaala Aleksandariya, Suweys iyo Ismaaciiliya. Waxayna maleeshiyaadkaas ka fuliyeen goobahaas qaraxyo waaweyn oo ay qaarkood ku dhinteen ciidamo Ingiriis ah.

Dabagal kadib ciidamada Ingiriisku waxay heleen saldhig boliis oo ku yaala Ismaaciiliya oo ay dagan yihiin Fidaa’iyiintu, waxayna isku gadaameen saldhigii si ay usoo qabqabtaan, laakiin ciidamadii boliiska ayaa diiday inay soo dhiibaan Fidaa’iyiinta.

Wadahadal socday ayaa lagu dilay ninkii Ingiriiska u dabqaadayay oo wada hadalka u waday, waxayna ciidamadii Ingiriisku halkaas ku qaadeen weerar ay ku dileen 50 qof ayna ku dhaawaceen 100 iskugu jira boliiskii Masar iyo Fidaa’iyiintii. Halkaasna waxa ka bilowday kacdoonkii shacabka iyo kacaankii labaad ee Masar.

La soco qaybta 5aad
_______________________
Xigasho: Wadanka.com