Silsiladda Taariikhda
Ururada  Diiniga Ah
Ee Soomaliya

Qeybta | 5aad

Decorative Lines

Masawirkan waa ciidamadii afgambiga iyo Amiirka Ikhwaanka Sh. Xasan Hudaybi oo midigta ka fadhiya Jamal C/nasir.

daily2

26kii Janaayo 1952 Ciidamada Xorta ah iyo Ikhwaan Muslimiin waxay ka bilaabeen wadooyinka Qaahira dibad baxyo wata qalalaase waxana caasimada Qaahira ay ku gubeen dhismayaal fara badan. Warbaahinta Maraykanka iyo Ruushka ayaa sidii ay qorshaynayeen aduunka u daabacay wargeysyadooda oo ay ku qoran tahay “Qaahira oo gubanaysa” waxayna saadaaliyeen inuu bilowday burburkii boqortooyada Masar.

Boqor Faaruuq wuxu kala diray dowladdii Ra’isal Wasaare Mustafa Al-Nahas. Intii u dhaxaysay Janaayo iyo Julay 1952 waxa boqorku uu dhisay uuna kala diray saddex Ra’isal Wasaare iyo dowladahooda.

  1. Cali Maahir 27 Janaayo ilaa 1 Maarso.
  2. Axmed Najib Al-Hilali 2 Maarso ilaa 29 June
  3. Xuseen Sirri 1-20 Juulaay.

Dhamaan dowladahaas waxay ku guul daraysteen inay joojiyaan dibad baxyadii watay shaqaaqooyinka ee ka soconayay wadooyinka Qaahira ayna hormuudka ka ahaayeen ciidamada Jamaal C/nasir iyo maleeshiyaadka Xasan Al-Hudeybi ee Ikhwaan Muslimiinka. Dhacdooyinkaas waxaa dhibsaday ciidankii qalabka siday dhamaantood, oo ku qasbanaaday inay la shaqeeyaan ciidankii xorta ahaa, waxayna bilaabeen dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ay kula wareegayaan xunkunka.

Janaraal Najiib

Janaraal Najiib

Isla bishii Janaayo 1952 ciidamadii kacdoonka waday oo ka koobnaa kuwii Ikhwaan Muslimiinku ku darsadeen ciidamada qalabka sida iyo Ciidankii Xorta ahaa waxay abaabuleen doorasho loo qabtay hogaanka golaha sare ee naadiga ciidamada qalabka sida, waxayna ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan maamulkii sare ee ciidanka. Isla markiina waxay abaabuleen afgambi loo mudeeyay inuu dhaco 5ta Agoosto 1952, waxayna u diyaariyeen afgambigaas inuu hogaamiyo Gen. Max’ed Najiib.

Boqor Faaruuq oo ka warhelay dhaqdhaqaaqa afgambiga dhowr bilood kadib ayaa kala diray maamulkii sare ee Naadiga Ciidanka 16kii Juulaay 1952. Wuxuna maamulka Naadiga u dhiibay taageerayaashiisa ciidanka ka tirsanaa. 19kii Juulaay  1952 Gen.

Najiib wuxu u sheegay ciidankii Xorta ahaa in hogaanka sare ee Ciidanka Boqortooyadu ay haystaan magacyada ciidanka wada qorshaha afgambiga, ayna suurto gal tahay in la xirxiro dhamaan ciidanka xorta ah. Waxay go’aan ku gaareen inay soo dedejiyaan waqtiga afgambiga ayna ka dhigaan habeenka 22ka Juulaay 1952.

Subixii Arbacada 23 Juulaay 1952 ciidankii Xorta ahaa waxay ku dhawaaqeen afgambi uu hogaaminayo Gen. Max’ed Naajiib, laakiin awooda dhabta ah uu gadaal ka hayo Gamaal C/naasir.  Iyagoo ka helaya warar sir ah wadamada Maraykanka iyo Ruushka ayay ciidamadu weerar ku qaadeen wasaaradda arimaha gudaha, hogaanka koontaroolka iyo war-is-gaarsiinta boqortooyadii boqor Faaruuq.

Waxayna gacan weyn ka heleen qayb ciidamada booliiska ka mid ah oo ku gacan siisay inay soo xirxiraan xubnaha boqortooyada, marka laga reebo boqor Faaruuq oo xiligaas ku sugnaa qasrigiisa Aleksandariya. Sidoo kale waxaa la xirxiray saraakiil badan oo ciidanka ka mid ahaa una janjeeray dhanka boqortooyada.

Jamal Cnasir bidix, Gen. Najiib midig

Jamal Cnasir bidix, Gen. Najiib midig.

7:30 subaxnimo 23 Juulaay 1952 raadiyaha Qaahira waxa ka hadlay afhayeenkii Kacaanka ama “Dhaqdhaqaaqa La Mahdiyay” ee afgambiga sameeyay Max’ed Anwar A-Saadaat wuxuna cadeeyay sababta ay u sameeyeen afgambiga, waxana ka mid ahaa hadaladiisii.“Masar waxay sanadihii ugu dambeeyay soo martay xaalad adag oo ay ka mid tahay qalqal siyaasadeed, cadaalad daro, musuq-maasuq iyo laaluush. Arimahaas oo dhan waxay saameeyn ku yeesheen ciidamada qalabka sida.

Laaluushku wuxu gaaray in la siiyo ciidamadii ku jiray dagaalka xoreynta Falastiin 1948 oo ay ka baxaan goobaha dagaalka, halkaasna aan kusoo jabnay. Intii dagaalka ka dambaysayna kooxihii laaluush-qaatayaasha ahaa oo is caawinaya ayaa la wareegay hogaanka ciidamada. Waxayna madax nooga dhigeen taliye jaahil ama khaa’in ah. Masar waxay gaartay heer aysan lahayn ciidan difaaca dalka.

Sidaas darteedna waxaan go’aan sanay inaan is nadiifino dhexdeena, waxaanan magacaabanay inay na hogaamiyaan rag ka tirsan ciidanka oo aan ku kalsoonahay awoodooda, howl galkooda iyo wadaniyadooda. Waxaanan hubaa in shacabka Masar ay soo dhaweyn doonaan talaabada aan qaadnay ayna nala shaqayn doonaan.

Kuwa ka tirsan ciidamada oo aan u aragnay inay ku haboon tahay in la xirxiro, waan sii dayn doonaa waqtiga ku haboon wax dhib ahna uma gaysan doono. Waxan u cadaynayaa shacabka Masar in ciidanka maanta uu yahay nadiif uuna awood u leeyahay inuu u howl galo difaaca danaha qaranka Masar isagoo ku dhaqmaya dastuurka Masar kana fogaanaya fulinta danaha u gaarka ah ciidamada.

Inigoo ka faa’idaysanaya fursadaan waxan ka codsanayaa shacabka Masar inaysan qarin khaa’iniinta samaynaya burburka iyo fowdada, sababtoo ah dan uguma jirto Masar in la qariyo kuwaas oo kale. Haddii ay dhacdo in kuwaas oo kale la qariyo ciidamadu waxay u adeegsan doonaan kuwaas awood aan horay loo arag iyadoo kale. Ciidamada oo kaashanaya booliska ayaa la wareegi doono awooda dalka.

Waxaanan u balanqaadayaa walaalaheena ajaanibta ah in danahooda, naftooda iyo hantidooduba ay ku jiraan gacan amaan ah, ciidamaduna ay mas’uul ka yihiin wixi ku yimaada ajaanibta. Waxaan Rabi ka baryayaa inuu na guuleeyo, isagaa guusha hayee”  Intaas waxa ku dhamaaday qudbadii Anwar Saadaat uu ka jeediyay raadiyaha Qaahira.

Kadib markii sumcadii Ingiriisku ay hoos u dhacday ayna gadoodeen ciidamadii boqor Faaruuq wuxu kaalmo waydiistay dowladda Maraykanka oo sidii la filayay dhagaha ka furaysatay inay usoo gurmadaan boqor Faaruuq, maadaama howshu ay ku socoto sidii ay rabeen. 25 Juulaay 1952 ciidamadu waxay soo galeen magaalada Aleksandariya oo uu ku sugnaa boqor Faaruuq, waxayna usoo dhawaadeen qasrigiisa Montaza.

Isla markiiba boqorku wuu ka guuray halkaas wuxuna dagay qasri kale oo uu ku lahaa xeebta Aleksandariya oo la yiraahdo Ras Al-Teen oo uu ugu xirnaa doon weyn oo nooca raaxada ah oo la oran jiray Al-Mahrusa. Gen. Najiib ayaa isla markiiba amar ku siiyay kabtankii doonta boqorka wuxuna u sheegay inuusan dhaqaajin karin doonta ilaa uu amar ka helo isaga.

Halkaas markay marayso ayaa waxa doodi ay ka dhex bilaabatay ciidamadii xorta ahaa oo ku kala qaybsamay sida laga yeelayo boqor Faaruuq. Rag ay hormuud u yihiin Gen. Najiib iyo Gamal C/nasir waxay soo jeediyeen inay masaafuris u diraan boqorka, halka saraakiil kale ay soo jeediyeen in la maxkamadeeyo oo la toogto.

Maadaama waqtigaan isaga ah aysan aduunka ka dhicin afgambi noocaan oo kale ah, ciidamada xorta ah ma aysan lahayn geesinimo ay ku cadaystaan ujeedadooda, waxayna ka cabsi qabeen in quwadaha shisheeya oo markaas bilaabay inay ku howl galaan magaca UN-ka inay duulaan kusoo qaadaan oo dib loo qabsado Masar haddii ay dilaan boqorka.

Waxayna go’aan ku gaareen in boqorka ay u diraan Gen. Najiib uuna u sheego inuu xilka ku wareejiyo wiilkiisa Suldaan Axmed Fu’ad lana dhiso gole ka kooban ciidanka Xorta ah iyo kormeerayaal ka socda Maraykan iyo Ruushka.

Go’aankaasna waxa wax ka ogolaaday xubnihii Ikhwaanka ee ka mid ahaa abaabulka afgambiga. 26 Juulaay 1952 Gen. Max’ed Najiib wuxu la kulmay boqor Faaruuq wuxuna u sheegay in wadanku uu ku jiro khatar horseedi karta burbur ayna go’aan ku gaareen inuu xilka ku wareejiyo wiilkiisa duhurnimada maanta 12 duhurkii, uuna dalka ka dhoofo boqorku ugu dambayn galab-gaabka 6:00 maqribnimo.

Haddii uu diido taladaasna inuu la kulmi doono ciqaab adag oo dhimasho gaari karta. Boqor Faaruuq oo meel uu ciirsado waayay ayaa ogolaaday go’aankaas, wuxuuna ka amba baxay dekedda Aleksandariya 26 Juulaay 1952 6:00 maqribnimo, isagoo Talyaaniga u raacay doontiisii raaxada. Laba maalmood kadib 28kii Juulaay ciidanku waxay ku dhawaaqeen madaxweyne cusub oo ah Gen. Max’ed Najiib.

La soco qaybta 6aad
______________________
Xagasho: Wadanka.com