Taariikhda (Siirada)
Nabi Maxammed (NNKH)

Taariikh nololeedka Suubanaha Rasuulka

Decorative Lines

Nabi Muxammad csw, wuxuu ku dhashay Makkah, Oday la’aan (Yatiin), bishii Rabiical Awal, sannadkii la oran jiray Sannadkii Maroodiga, Aabihiis wuxuu dhintay isagoo ku jira caloosha hooyadiis (Labo bilood), markuu dhashayna waxaa hooyadiis la soo koriyey Awoowihiis Cabdul Mudalib.

Hooyadiis waxey dhimatay Isagoo jira (Lix bilood), awoowihiis Cabdul Mudalibna wuxuu dhintay isagoo (Siddeed jir ah), ka dibna waxaa noloshiisa kafaala qaaday Adeerkiis Abuu Taalib, intuu Adeerkiisa ka dhinto isaga ayuu la noolaa. Waxaana soo nuujisay Xaliimat Sacdiya.

1.| Safarkiisa Bilaad Shaam iyo Guurkii Khadiija

Markuu Muxammad gaaray 12jir, isaga iyo adeerkiis waxey u safreen iney ka ganacsadaan Bilaad Shaam, haddaba; Safarkaas iyagoo ku jira waxey la kulmeen Nin la yiraahdo Al-Raahib Buxeyrah oo daganaa Madiina Busra.

Al-Raahib waxaa galay dareen markuu arkay Muxammad, isagoo uu ka dareemay Sifaat uu ku arkay Kitaabka la yiraahdo (Ahlul Kitaab), iyo wixii laga yiri Muxammad Sifaatkiisa. Al-Raahib dadkii ayuu u sheegay, waxeyna yiraahdeen Al-Raahiboow sidee ku ogaatay? wuxuu yiri: Markaad ka soo laabateen Caqabada Waxba kama harin Geedihii iyo Dhagxaantii ilaa Qaara saajidan, kuwaasina uma sujuudaan ilaa Hal nabi maahee. Sidaasi ayaan ku ogaaday Wiilkaan inuu yahay Nabiyaasha kii u dambeeyey.

Abuu Taalib wuxuu mar kasta uu Muxammad uga digi jiray iney isla aadin Ardi Ruum, isagoo uga baqaayey in la dilo.

Abuu Taalib wuxuu Muxammad u celiyey Makkah, ka dib ayuu Abuu Taalib u soo laabtay Ardi Shaam, oo ay joogtay Khadiija Bint Quweylad iyo Wiilkeeda (Meysar), sidaasi darteed Abuu Taalib Khadiija wuxuu u aqbaaray wixii ay la soo kulmeen Isaga iyo Muxammad, ka dib Khadiija waxey damacday iney Muxammad Guursato.

Abuu Taalib markuu soo laabtay ayuu Muxammad u aqbaaray iney Khadiija ay rabto, Muxammadna wuu ka aqbalay, wuuna guursaday, da’diisuna waxey aheyd 25jir, iyadana waxey jirtay 40sanno, horeyna waxey u soo guursatay Labo nin, mid waxey u dhashay Gabar iyo Wiil, midka kalena Hal Gabar.

Ugu horeyn Malakul Jibriil ayaa wuxuu u soo dejiyey Suuratul Calaq, bishii Ramadaan ee Sannadkii 40aad ee Muxuammad dhalshadiisa, waxaana loogu soo dejiyey meesha la yiraahdo Gaaral-xera, Muxammad isagoo cabsanaayo ayuu u soo noqday Gurigiisa, Khadiija buste ayey ku duubtay, waxeyna u keentay nin ay Khadiijo ay ilmo habreed yihiin oo la yiraahdo Warqah Ibnu Nowfal, wuxuuna u sheegay inuu Muxammad noqon doono Nabiga Ummadaan.

Ibnu Noofal wuxuu jeclaa inuu ahaado nin dhalin yaro ah oo xoog leh si uu ugu gargaaro Nabiga, ka dib Nabiga waxaa loo soo dejiyey Suuratul Mudathir, markaas ayuu Ilaah ku amray inuu Qoomkiisa ugu yeero Islaamnimada. Qofka ugu hareeyey ee nabiga rumeeyana wuxuu noqday Abuubakar, Naagahana waxaa ugu horeesay Xaaskiisa Khadiijo, Wiilashana waxaa ugu horeeyey Ina adeerkiis Cali bin Abii Taalib, adoomadana waxaa ugu horeeyey Zeen Binu Xaarith.

Waxaana ku islaamay:

  • Abuubakar
  • Cusmaan Bib Cafaan
  • Sacad bin abii waqaas
  • Cabduraxmaan Bin Coof
  • Cusmaan Bin Madcuun
  • Abuu Salama Bin Cabdul asad
  • Al-Aqram Ibn Abil Aqram

Rasuulka iyo Asxaabtiisa waxey ku kulmi jireen Sir ahaan Guriga Al-Aqram Ibnu Abil Aqram, Sirtiida halkaas ayey isugu Kulmi jireen, ilaa Saddex sanadood ayey sidaas ahaayeen, ka dib waxey Dacwada Rasuulka u wareegatay ilaa Al jahar, badbaadin uu badbaadinaayo Amarka ilaaheey.

2.| Dhibaatada ay u geesteen Reer Qureesh iyo Hijrada Ardi Xabashi

Wey sii socotay Dacwada Rasuulka (Al-Jahriya), qureeshna dhibaato badan ayey u geysteen Rasuulka iyo Asxaabtiisa, waxeyna ku tilmaami jireen waxyaabo uusan isaga aheen, waxey dhaheen :- Waa Sixiroow, waa Kaahin, waa Majnuun, xitaa marka uu jidka maraayo waxey ku soo tuuri jireen Dhagxaan iyo Qashin, weyna dhibi jireen markuu tukanaayo, qofkii soo raacana wey dili jireen sida

  • Bilaal Bin Rubaax,
  • Khabaab Ibn Al-aart,
  • Camaar Bin Yaasir iyo
  • Yaasir aabihiis iyo Hooyadiis,

Qaar badanna wey ku dhinteen sideey u dhibaayeen ( dhamaantood ilaaheey haka Raali noqdo). Markey Muslimiinta dhibaatadaasi ku badatay ayuu Jameecadiisa ugula taliyey iney u Haajiraan Ardul Xabashi, uuna meeshaasi joogo boqor caadil ah oo la yiraahdo Najaashi.

Waxaa haajiray asxaabtii rasuulka ku dhowaad Boqol qof, wuuna soo dhoweeyey Boqor Najaashi, wuuna sharfay, rasuulkana wuxuu aaday Taa’if, inuu reer Taa’if u sheegto dacwadiisa si ay u badbaadiyaan, laakiin wey beeniyeen, weyna tuuryeeyeen.

3.| Israa Wal Micraaj

Mucjisadaan waxey u timid Takrum iyo Tathbiit, karaamo iyo cadeyn lagu ogaado inuu Muxammad yahay Rasuulkii Alle ka dib markuu ka dhintay Adeerkiis Abuu Taalib, oo kool-koolin jiray iyo dhimashadii xaaskiisa Khadiija, oo dhiiri gelin jirtay, ka dib dhibaatadii uu Makka iyo Taa’if kagala soo kulmay Mushrikiinta., haddaba Mucjisadii halkan ayey ka bilaabatay:

Rasuulka waxaa loo dheelmiyey Beyt Al maqdas ( Al-Israa, ka dib markii loo qaaday Samadda (Al-Micraaj), waxaas oo dhamina waxey dhaceen Hal habeen oo keliya.

4.| Biicat aL-Caqaba iyo Faahfaaintii Dacwada

Waxey aheyd waqtiyada Xajka iyo Suuqyada carabta oo Muhiimka ah oo ay Rasuulka ay dadku ku arki jireen, qaasatan dadka Madaxda ah, wuxuuna ka codsan jiray iney ka caawiyaan dhibaatada heysato, una sheego Risaalada Rabigiisa.

Ugu horeen waxey ka aqbaleen dadka Sannadkii 11aad , waxeyna ahaayeen Lix qof oo qabiilka Qazrajka ah, waana qabiilka magaaladaasi.

Sannadkii 12aadna waxaa la heshiiyeen 12nin oo ragga xaafadda ah, dadkaasi waxaa loo yaqaanay Al-Ansaar, heshiiskoodan waxaa loo yaqaanay Caqabada Koowaad. Sannadii xigay ee 13aadna waxaa la heshiiyeen ama soo raaceen 73rag iyo 2naag. Taasina waxaa loo yaqaanay heshiiskii Caqabada Labaad. waxey u dhigantaa heshiiskaan, heshiiskii uu rasuulka u haajiray isaga iyo asxaabtiisa, markey dowlad Islaam ah kacday.

Masjidka Rasuulka (scw) ee Madiinatul Munawwarah

5.| Hijradii Madiina

Rasuulka wuxuu asxaabtiisa ku amray iney u haajiraan Madiina, oo ay u dhuuntaan Sir ahaan dhamaantooda, ka dib markuu Rasuulku go’aansaday inuu ka dhuunto dadkii kaafiriinta ahaa oo rabeen iney dilaan. Rasuulka waxey is raaceen Abuu Bakar, waxeyna aadeen dhinaca Waqooyi, waxeyna degeen meesha la yiraahdo Gaar Thowr,, muddo Saddex maalmood ilaa ay kufaarta ay ka waayaan aragtida Muxammad.

Cuntadana waxaa u soo qaadi jirtay Asmaa Bint Abuubakar, Cabdullaahi Bin Abuubakarna wuxuu u keeni jiray aqbaarta magaalada Maka ka socoto.

Caamir Ibn fuheyra ( adoonka Abuubakar ), wuxuu meesha ay ku jiraan Nabiga iyo Abuu bakar soo marin jiray Xoolo Ari ah, si ay u qariyaan Raadadkooda, uuna xoolahaasi Nabiga iyo Abuubakar uu Caano uga siiyo. Kufaarta waxey soo raaceen Raadka xoolaha ilaa ay ka yimaadaan meeshii ay ku jireen Nabiga iyo Abuubakar Albaabkiisa, laakiin Ilaah ayaa ka indho qabtay iney arkaan.

Qureesh waxey yiraahdeen qofkii Muxammad soo sheego waxaan siineynaa 100 buceyrah laakiin ilaaheey wuu ilaalsaday nabigiisa, wax kastoo xun ayuu ka ilaaliyey, sidii uu uga ilaaliyey jidka Suraaqa Bin Maalik,markey farastiisa ay lugaheeda dhulka la gashay, uuna ilaah uga dalbaday inuusan sheegeenin.

6.| Nabiga Soo gelitaankii Madiina

Nabiga markuu Madiina soo galay wuxuu ku degtay mel la yiraahdo Qubaa, oo la mid ah Mgaalada Madiina, wuxuuna joogay Saddex maalmood, wuxuuna ku dhisay Masjidka la yiraahdo Qubaa, waa masjidkii ugu horeeyey ee loo sameeyey Taqwada, ka dib wuxuu u soo gudbay Madiina, aad ayeyna u soo dhoweeyeen Ansaartii, weyna ku farxeen dhamaan reer Madiina Nabiga imaatinkiisa, dhamaan wey wada saameesay reer Madiina Farxadaasi.

Markuu Nabiga soo galay Madiina wuxuu ku soo degay daarta Abii Ayuub (r.c.) dadkii magaalada joogay waxaa loogu magacdaray Al-ansaar, kuwii Maka ka soo haajirayna waxaa loogu magac daray Al-Muhaajiriin. Nabiga waxyaabaha uu ka qabtay Madiina waxaa ugu weynaa Dhismaha Masaajidka Al-qubaa. Nabiga wuxuu heshiisiiyey Labo qabiil oo Ahlu Baladka ah oo la kala yiraahdo Al-Aws iyo Al-qazraj, Ansaarta iyo Muhaajiriintana walaalo ayuu ka dhigay. Wuxuuna qoray warqad Caqad ( heshiis) ah oo ka dhexeeso isaga iyo yahuudda.

7.| Jihaadkiisa

Ilaaheey wuxuu rasuulkiisa faray Jihaad, wuxuuna uga dhigay Jidkii uu ku difaaci lahaa Muslimiinta iyo inuu faafiyo diinta Ilaaheey, waxaana dhacay dagaalo badan oo dhex maray Rasuulka iyo Gaalada, Dagaaladaas waxaa ugu caansanaa dagaalkii la magac baxay Badar, wuxuuna dhacay Sannadkii 2aad ee Hijrada, dagaalkaasoo ay guushu ku raacday ku raacday Muslimiinta, waxaana lagaga guuleystay Gaalada. waxaana gaalada lagaga dilay 70qof.

Waxaa ku xigay Dagaalkii Uxud, isagana wuuu dhacay sannadkii 3aad ee hijrada, wuxuuna ka dhacay meel ku dhow Madiina, halka la yiraahdo Jabal Uxud, marka hore dagaalkaasi muslimiinta ayaa ku guuleestay, balse asxaabtii wey qilaafeen Amarka Rasuulka, weyna ka soo degeen Jabalkii.

Kadib gaaladii wey soo laabteen, iyagaana guushii raacday. Waxaa ku xigat dagaalkii la magac baxay Al-Axzaab, wuxuuna dhacay Sannadki 5aad ee hijrada, waxaa shiray Qureesh iyo Qabiiladii la deggenaa, Muslimiinta waxey qodeen Qandaq, (god), si ay u badbaadiyaan Madiina, waxa isku dhaartay Axzaab iyo Yahuudii Madiina deggeneed (Binu Qureeza).

Ka dib markeey qilaafeen heshiiskii ay hore u wada gaareen, markaasuu ilaah u soo diray Dabeel xoog weyn oo kala daadisay Gaaladii, Muslimiintana uu kaga badbaadiyey Dagaalka. Dagaalkii Binu Qureeza, ka dib markii laga soo laabtay, waxaa dhacay haddana dagaalkii Al-Axzaab. dagaalkaan muslimiinta waxey u yimaadeen Yuhuudda Binu Qureeza oo heshiiskii ay Muslimiinta la galeen ka baxay, xataa ay ka soo tageen Xukunkii Sacad Bin mucaad ay dhamaatay fidnadooda.

8.| Nabadii Al-Xudeybiya

Wey soo baxeen Nabiga iyo Jameecadiisa , Sannadkii 6aad, waxey Cimro u yimaadeen Makka, uma baahna dagaal oo Cimro keliya ayey u yimaadeen, ka dib ayey gaaladii u diideen iney Cimreestaan, shuruuda uu dagaalkaasi uu ku istaagaayo waa 10 sanno, ka dib ay muslimiinta noqdaan Cimro la’aan, Sannadka ku xiga ayey imaan karaan.

9.| Furitaankii Makka

Sannadkii 8aad ee hijriyada rasuulka wuxuu u soo baxay, inuu Makka furo, ka dib markeey gaalada ay diideen heshiiska, wuuna furay Rasuulka, wuxuuna jejebiyey Asnaamtii, wuuna ka baabi’iyey Shirkiga, ka dib markii la furay Makka, waxaana bilowday inuu Islaamka ku fido Jaziiradda Carabta, waxaana bilowday koox carab ah oo u soo noqdeen Madiina, iney Islaamnimadooda faafiyaan.

10.| Dhimashadii Nabiga

Nabi Muxammad (csw) wuxuu geeriyooday, isagoo 63jir ah, maalin Isniin goor Barqo ah, bisha Rabiical awal, waxaana lagu duugay Mowdicii uu ku dhintay Guriga Caaisha.

Ilaahoow naga yeel kuwii Rasuulka (csw) waddadiisa raacay.(AAMIIN)

Wabilaahi Towfiiq

Waxaa diyaariyey:
Cadnaan Cabdulqaadir Xaaji

Magaca & Abtirsiinta

Maxammed (Carabi: ﻣﺤﻤﺪ, “Maxamed”;

Abū al-Qāsim Muḥammad ibn ʿCabd Allāh ibn ʿCabd al-Muṭṭalib ibn Hāshim, ﺍﺑﻮ ﺍﻟﻘﺎﺳﻢ ﻣﺤﻤﺪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪﻟﻠﻪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪ ﺍﻟﻤﻄﻠﺐ ﺍﺑﻦ ﻫﺎﺷﻢ) ku dhashay magaalada Makka, Xijaas, ee dhulka Carabiya (maanta loo yaqaano dalka Sacuudi Carabiya) markey taariikhdu ahayd qiyaastii 570 C.D (taariikhda Carabta loo yaqaano “Sanadkii Maroodiga”), geeriyooday 8dii Juune sanadkii 632 C.D (asagoo 62 ama 63 jir ah) magaalada Madiina, Xijaas, ee dhulka Carabiya (maanta ka mid ah wadanka Sacuudi Carabiya) waa nebiga iyo rasuulka Alle (s.w) ku soo dejiyay diinta Islaamka kaasi oo ahaa hogaamiye, macalin, tilmaame, wax-u-sheege, caalim, xaakim iyo madaxa kowaad ee asxaabta (dadkii Nebiga rumeeyay), intii wakhtigaasi noolayd, iyo dhamaan aadamaha ilaa laga gaadhayo saacada qiyaame.

Nebi Muxamed Mohamed peace be upon him.svg wuxuu Ilaahay (koreeyee) u soo waxyooday kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga iyo aasaaska u ah diinta Islaamka. Sidoo kale, Nebi Muxamed Mohamed peace be upon him.svg waa nebiga iyo rasuulkii ugu dambeeyay Ilaahay (s.w) u soo diro dadka. Intaasi waxaa dheer, Nebi Muxamed waa kan ugu karaamada iyo sharafta badan 25ka nebi & rasuul ee ku xusan kitaabka Quraanka ah.

Dadka gaalada ahi waxay Nebi Muxamed u yaqaanaan inuu yahay qofkii helay diinta Islaamka ah, laakiin dadka muslimiinta ahi waxay heeystaan caqiido ka duwan midaasi ayagoo aaminsan in Nebi Muxamed yahay mid lagu soo dejiyay diinta Ilaah kali ah ee ka soo bilaabantey Nebi Aadam, isku soo gudbinayeen Nebi Nuux, Nebi Ibraahim, Nebi Muuse, Nebi Daa’uud, Nebi Ciise ilaa ugu dambeeyn lagu soo khatimay Nebi Muxamed.

Si kastaba ha ahaatee, Nebi Muxamed Mohamed peace be upon him.svg wuxuu ku dhashay magaalada Makka, Xijaas, ee dhulka Carabiya (maanta loo yaqaano dalka Sacuudi Carabiya) markey taariikhdu ahayd qiyaastii 570 C.D, sanadkaasi oo dadka Carabta ahi u yaqaaneen “Sanadkii Maroodiga”. Nebi Muxamed waalidkiis waxay geeriyoodeen asagoo wali yar, waxaana soo koriyay adeerkii Abu Daalib. Nebigu yaraantiisii wuxuu ahaa adhi-jir, markuu qaangaadh noqdey wuxuu ku biiray ganacsiga iyo tujaarada asaga oo u shaqo bilaabay Khaddiija oo markuu 25 jirka noqdey uu guursadey.

Si kastaba ha ahaatee, Nebi Muxamed markuu gaadhey 40 jir waxaa godka xira ku soo siyaartey malag Jibriil oo u soo waxyooday suuradii ugu horeeysay ee waxyiga, taasi oo ah Suuratu Al Iqra (“akhri”). Sadex sano ka dib, Nebi Muxamed wuxuu bilaabay inuu dadka ugu yeedho “Kali Ahaanshaha Ilaahay”, ineey isku dhiibaan Asaga (taasi oo ah islāmnimo), iyo ineey wadada saxda ahi tahay in Asaga (Ilaahay) la caabudo – taasi oo ah dīnta – iyo in Muxamed yahay Nebiga iyo Rasuulka Rabbi soo diray; arintaasi oo dadkii deganaa magaalada Makkah ee tolka iyo qaraabada la ahaa ay ku gacan-seeydheen isla markaana ku soo kiciyeen dagaal iyo weerar joogto ah.

Isku soo duuboo, wakhti badan oo uu diinta ugu yeedhayay ka dib, nebiga waxa soo raacay oo rumeeyay dad tiro yar, kuwaasi oo dhibaato iyo ciqaab badan kala kulmey qabiilkii reer Quraysheed. Midani waxay keentay in nebigu ku amro intii raacsanayd (asxaabta) ineey u hijroodaan ama u qaxaan dhulka Xabashida (Abbysiniya), wakhti yar ka dib sanadkii 622 ay u guuraan magaalada wakhtigaasi loo yaqaanay Yathrib (maanta ah Medina). U qixitaanka magaalada Madiina ee Hijrada waa bilowga kalandarka Islaamka.

Wakhti ka dib, Nebi Muxamed wuxuu mideeyay beelihii deganaa magaalada Madiina, kuwaasi oo Nebiga kala qeyb galay dagaalo badan oo guul iyo guuldaroba lahaa, sida Dagaalkii Bedr iyo Dagaalkii Uxud. Sideed sano ka dibna, Nebi Muxamed iyo asxaabtiisii oo ahaa 10,000 oo nin waxay qabsadeed mar ahaantaana maamulka dowladii Islaamka ku soo dareen magaalada Makka.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 632 C.D billo yar ka dib markii uu ka soo noqdey Xajul Wadaac asagoo jooga magaalada Madiina ayaa Nebi Muxamed aad u xanuusadey waxyar ka dibna ku geeriyooday. Dhimashada nebiga waxay keentay in qabiilo badan dib uga noqdaan diinta Islaamka waxaana arinkaasi dagaalo adag ololeyaal badan ka galay hogaankii diinta ee ku xigay nebiga kuwaasi oo ahaa Khulafo Ar-Raashidiinta oo hogaamiye u doortey Abu Baker.
Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Isku soo wada duuboo, geeridii nabig ka dib, asxaabtu waxay soo ururiyeen “noloshii nebiga” (siirada) iyo hab “dhaqankii nebiga” (sunnada) kuwaasi oo ah aasaaska iyo saldhiga shareecada lagu maamulo Dawladda Islaamka. Sidoo kale, asxaabtu waxay isla-garteen in marka la soo hadal-qaado magaca nebiga la dhaho Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato (ﻋﻠﻴﻪﺍﻟﺴﻼﻡ, “ʿalayhi as-salām”).

Taariikhda Nabiga

Dad badan oo aan muslim aheyn oo taariikhaha dunida wax ka baadha waxey isku raaceen inuu Nabi Maxamed NNKH uu ahaa qofkii dunida uguu wanaagsanaa. Markey taariikhdu ahayd sanadkii 570kii C.D ayaa Nebigu ku dhashay magaalada Makkah ee deegaanka Xijaas ee dhulka Carabiya. Nebi Muxamed wuxuu ka dhashay beesha reer Haashim ee ka tirsan qabiilka Quraysh. Waalidkii waxay dhinteen asaga oo aad u yar, waxaana soo koriyay awoowgii oo wakhti yar ka dib dhintey. Markaasi masuuliyada nebiga waxaa la wareegay adeerkiis Abu Daalib oo gurigiisa uu ku soo barbaaray Muxamed.

Abtiriskiisa

Muxammed Bin Cabdullaahi Bin Cabdimudalib (Shaybah) Bin Haashim (Camar) Bin Cabdimanaaf (Muqiira) Bin Qusayi (sayd) Bin Kilaab Bin Murra Bin Kacab Bin Lu’ey Bin Ghaalib Bin Fihir Bin Maalik Bin Nadar (Qays) Bin Kinaana Bin Khuzeyma Bin Mudrika Bin Ilyaas Bin Mudar Bin Nizaar Bin Macad Bin Cadnaan.

Dhalashaddii & Barbaarintii rasuulka

Waxa uu Rasuulka Mohamed peace be upon him.svg dhashay sanadkii Maroodiga (Caamul-fiil), maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga (csw). Cabdimudhalib waa uu bishaareystey wuxuuna tegey Kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey.

Rasuulka Mohamed peace be upon him.svg wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu la bixi jirin, wuxuu guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la yiraahdaa wuxuu dhashay asaga oo gudan.

Waxaa Rasuulka Mohamed peace be upon him.svg nuujisey dhowr maalmood Suweyda oo ahayd jaariyaddii Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis Xamsa nuujisey hase yeeshee intii badnayd waxaa Rasuulka Mohamed peace be upon him.svg nuujisey Xaliima binti abi-du’ayd (Xaliimatul sacdiay) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo kunyadiisa la odhan jirey Abi-kabshe, kunyadaas oo mararka qaarkood ay Qurayshi Rasuulka ku magacaabi jireen ayna dhihi jireen ina Abi-Kabshah.

Habka ay ku nuujisey Xaliimo, waxaa jirtey caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd iney dumarku ka imaan jireen baadiyaha oo ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay uga qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay ujro (xoolo ama lacag) ku helaan, Xaliimo waxay tidhi: “Annagoo dumar badan ah ayaa magaalada Makka soo aadnay si aan carruur uga qaadanno, markaasaa loo bandhigay dumarkii oo dhan iney qaadaan wiilkan agoonka ah hase yeeshee dhammaantood wey diideen waxayna dheheen: “Maxaa ku samayneynaa inanka agoonka ah”.

Muuqaalka Nebiga

Asxaabiga weyn ee nebiga ina adeerka la ah Cali binu Abii Daalib wuxuu muuqaalka Nebi Muxamed ku sifeeyay sida tan:

“Muxamed wuxuu ahaa nin dhexdhexaad ah, aan dheerayn mar ahaantaana gaabneyn, ma ahayn mid buuran mana ahayn qof dhuuban. Wuxuu lahaa weji cad oo wareegsan, indho balaadhan, waaweyn oo madoow ah, iyo xiribyo dhaadheer. Marka uu soconayo wuxuu u socon jirey sidii tartiib ah oo aad u degan. Calaamad Nebinimo ayuu ku lahaa labada garab dhexdooda.

Wejigiisu wuxuu u iftiimi jirey sida dayaxa oo kale. Wuxuu ahaa mid ka dheer dhexdhexaadka, mar ahaantaana ka gaaban dherer xoog ah. Wuxuu lahaa timo jilicsan, wareegsan oo qaro weyn leh. Dhumucda tintiisu way kala soocnayd, waxayna gaadhayeen dhegaha hoostooda. Midabka jidhkiisu wuxuu ahaa “Azhar” (midab iftiimaya oo cadaan xiga). Sujuuda wejiga Nebi Muxamed waxay ahayd mid fidsan oo balaadhan, xiribyaha ka sareeya indhahana waxay ahaayeen kuwo qaro leh laakiin aan is-qabsanaynin oo farqi u dhexeeyo.

Labada xirib dhexdooda waxaa ku yaalay hilib buuran oo soo ururi jiray markuu xanaaqo. Samayska sankiisu wuxuu ahaa mid dheer oo soo xoodan (si u dhow half goobada ukunta oo kale), sidoo kale gadhkiisu wuxuu ahaa mid dhumuc weyn leh oo is-heysta, dhabanadiisuna waxay ahaayeen kuwo sabiil ah oo qaab fiican u sameeysan. Afka nebigu wuxuu ahaa mid awood badan leh, ilkuhuna waxay ahaayeen kuwo siman oo fantax leh.

Nebi Muxamed wuxuu timo badan ku lahaa laabta ama xabadka, qoortiisuna waxay ahayd mid dheer oo awood badan leh. Intaasi waxaa dheer, nebigu wuxuu lahaa garbo fidsan oo awood leh, xabad soo taagan iyo xoogaa yar oo calool ah.”

Astaanta “Calaamada Nebinimo” ee nabigu ku lahaa labada garab dhexdooda waxaa lagu sheegaa ineey ahayd astaan wareegsan oo le’eg xajmiga ukunta shimbiraha.

Asxaabiyada Umm Ma’bad oo Nebi Muxamed la kulantey markuu u hijroonayay magaalada Mediina waxay ku sheegtay muuqaalka nebigay sida tan:

“Waxaan arkey nin nadiif iyo saafi ah, wejigiisu aad u qurux badan yahay oo leh astaamo aad u wanaagsan. Ma aanu lahayn jidh weyd ah, mana lahayn madax yar iyo qoor dhuuban. Laakiin wuxuu lahaa indho waawayn oo madoow iyo xiribyo dhumuc leh. Codkiisu wuxuu ahaa mid xabeeb leh, qoortiisuna waxay ahayd mid dheer. Sidoo kale, wuxuu lahaa gadh dhumuc iyo haybad leh.

Markuu aamusan yahay wuxuu ahaa sidii xabaal oo kale (yacnii bilaa shanqadh), markuu hadlona guul ayaa ka muuqatey. Wuxuu ka mid ahaa raga kan ugu wanaagsan ee ugu quruxda badan. Codkiisu wuxuu ahaa mid awood leh, ishana marnaba kumaanad heyn karaynin markuu ku soo fiiriyo.”

Nolosha Nebiga

Noloshii Magaalada Makka

Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg wuxuu ku dhashay magaalada Makka ee gobolka Xijaas deegaanada Carabiya, wuxuuna magaaladaasi ku noolaa 52kii sano ee ugu horeeysay noloshiisa (570kii ilaa 622 kalandarka Miilaadiga). Wakhtigaasi guud ahaan waxaa loo kala saaraa labo qeeybood oo kala ah nebinimada iyo risaalada ka hor iyo ka dib.

Risaalada Ka Hor

Nebi Muxamed wuxuu ku dhashay magaalada Makka sanadkii 570ka taasi oo Mowliidka Nebiga la aaminsan yahay ineey tahay bisha Rabii cal-awwal. Nebigu wuxuu ka dhashay qabiilka reer banu Haashim kuwaasi oo ka mid ahaa beel-weynta Quraysh ee daga magaalada Makkah.

Muxamed aabihii, Cabdillahi ibn Cabdi al Mudalib, wuxuu dhintey asagoo 6 bilood ku jira caloosha hooyadiis. Sida dhaqanka carabtu ahaa wakhtigaasi, Muxamed markuu dhashay waxaa loo diray baadiyaha si uu u soo barto dhaqanka uguna soo barbaaro nolosha saxda ah ee dunida. Si kastaba ha ahaatee, markuu 6 jir ahaa nebigu waxaa geeriyootay hooyadii Amina bint Wahb. Wakhtigani oo nebigu uu noqday agoon buuxa waxaa la wareegay masuuliyadiisa awoowgiis Cabdi Mudalib oo ahaa suldaanka iyo hogaamiyaha qabiilka banu Haashim kaasi oo uu la noolaa labo sano ka dibna dhintey.

Nebi Muxamed markuu sideed jirka ahaa wuxuu u wareegay inuu la noolaado qoyska adeerkii Abu Daalib oo wakhtigaasi la wareegay maamulka iyo hogaanka beesha banu Haashim. Intii uu wali yaraa ayaa nebigu wuxuu adeerkii u raacay safar ganacsi oo u ku tagayay dhulka Shaam (maanta loo yaqaano Suuriya), halkaasi oo uu kula soo kulmey dad heeysta diinta Masiixiyada isla markaana ku soo waayo arkey.

Markii uu Muxamed qaangaadhka noqdey wuxuu ku biiray kooxaha safarleeyda ee u shaqaysa ganacsatada alaabaha u kala qaada dhulka Carabiya. Mudo gaaban markuu ku dhexjiray shaqadaasi wuxuu ku caan noqday magaca Al-Amiin (ﺍﻻﻣﻴﻦ) oo ah qofkii lagu Kalsoonaa taasi oo siisay sharaf iyo qadarin aad u balaadhan dadka dhexdiisa. Midani waxay keentay in sanadkii 595 C.D ay Khaddiijo oo ahayd carmali (garoob) 40 jir ah, u soo bandhigto guur midaasi oo nebigu ka aqbalay.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 605 Nebi Muxamed wuxuu ka qeyb qaatay dib-u-habayntii Dhagaxa Madoow ee Kacbada kaasi oo muran weyni ka dhex taagnaa sidii loo dhigi lahaa iyo cida meel dhigi lahayd. Hogaamiyayaasha beesha Quraysh waxay isku afgaran waayeen cidii dhagaxa qaadi lahayd ee meesha saxda ah dhigi lahayd taasi oo qof kasta rabay inuu asago qaato sharftaasi.

Muran dheer ka dib, waxay isku waafaqeen in qofka ugu horeeya ee ku soo baxa ay ku aaminaan talada iyo go’aaminta arinkaasi. Nebi Muxamed oo wakhtigaasi 35 jir ahaa ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee ku soo baxa midaasi oo farxad gelisay dhamaantood.

Markii loo waramay wuxuu nebigu ku go’aamiyay in “maro wayn la keeno, Dhagaxa Madoow la dhex dhigo dhowr qof oo matalaya qabiiladana ay dhinacyada qabtaan. Sidaasi lagu saaro meesha. Markeey dul yimaadeen meeshii la saari lahaa asaga ayaa ka qaaday marada dusheeda oo dul dhigay meeshii loogu talo galay Dhagaxa Madoow.” Arintani waxay noqotey mid taariikhi ah ooy ku wada qanceen dhamaan reer Quraysheed.

Wakhtigii Waxyiga & Nebinimada

Nebi Muxamed intii uu qaangaadhay wuxuu ahaa mid cibaadeeysta oo Ilaahay barya xataa wakhtigii loo soo waxyooday ka hor. Wuxuu ku cibaadaysan jiray Buurta Xira ee u dhowayd magaalada Makka. Si kastaba ha ahaatee, markey taariikhdu ahayd sanadkii 610 ayaa asagoo nebigu ku cibaadeysanaya buurta Xira waxaa u yimid malag Jibriil kaasi oo ku amrey inuu akhriyo aayado ka mid ah Quraanka. Si la mid ah dadka oo dhan, arintani way khalkhal gelisay nebiga wuxuuna gurigiisii ku noqday asagoo cabsanaya oo ku qeeylyaya “I duuduub, I duuduub”.

Sadexdii sano ee ku xigtay habeenkaasi uu la kulmay malaga, wax waxyi ah ma arag nebigu, laakiin ma joojinin tukashada salaada iyo cibaadeysiga. Sanadku markuu ahaa 613 C.D ayaa mar kale malag Jibriil ku soo laabtey nebiga; wakhtigani waxaa loo waday waxyi dhamaystiran waxaana lagu amrey in uu dadka wacdiyo, u sheego cibaadada Alle iyo ka tagida xumaanta ay ku dhexjiraan.

Sideey doontaba ha ahaatee, Nebi Muxamed wuxuu bilaabay inuu dadka reer Makka wacdiyo una sheego in “Ilaah jirin ilaa Allah mooyee, Muxamedna yahay nebigii iyo rasuulkiisa”, in salaada la tukado, ineey ka tagaan xumaanta, ineey sameeyaan ooy fidiyaan wanaaga iyo ay xisaab sugayso dadka markey aakhiro tagaan.

Qofkii ugu horeeysay ee aaminta mar ahaantaana rumeysa wacdiga iyo waxsheega nebiga waxay ahayd xaaskiisa Khaddiijo, waxaa ku xigay oo asna rumeeyay ina adeerkiis Cali bin Abi Daalib oo wakhtigaasi 10 jir ahaa. Qofka sadexaad ee raga ugu horeeyay wuxuu noqday asxaabiga wayn ee ka midka ah khulafo Ar-Raashidiinta oo ahaa Abu Baker al Sadiiq.

Wacdiga, waxsheega iyo ka reebida caabuditaanka sanabyada waxay noqotey mid cadho gelisa dadka reer Quraysheed ee deganaa magaalada Makkah iyo agagaarkeeda. In badani way ku gacan-seydheen wacdigaasi, kuwo kale way ka cadhoodeen, halka qaar kale dagaal ula soo ambo baxeen nebiga. Midaasi marnaba ma niyad jebinin Nebi Muxamed oo asagu sii badiyay waxsheegida iyo ku akhrinta hadalka Alle dadkaasi. Wakhti ka dib, asxaabta iyo dadka rumeeyay hadalka nebigu way sii kordhayeen in kastoo ay u badnaayeen dad fuqaro ah, kuwo bulshada ugu hooseeya iyo qaar badan oo adoomo ah.

Qoyska Nebi Muxamed

Faahfaahin dheeraad ah fiiri Xaasaska Nebi Muxamed iyo Caruurta Nebi Muxamed.

Xaasaska Nebi Muxamed waxay ahaayeen sadex-iyo-toban (13) kuwaasi oo uu guursaday wakhtiyo kala duwan. Dadka muslimiinta ahi waxay u yaqaanaan dumarkaasi ineey yihiin “Hooyooyinka Rumeeyayaasha” “Umaatul al-Mu’miniin”. Waxayna dadka aaminsan ee rumeeysan diinta Islaamka ka mudan yihiin sharaf, qadarin iyo heybad; sababtoo ah Ilaahay (koreeye) ayaa Quraanka ku xusan xaasaska nebiga.

Markuu ka hadlayay ooriyada Nebi Muxamed Rabbi (casa wa jala) wuxuu yidhi:

“Nebigu wuxuu dadka rumeeyay Alle uga dhow yahay naftooda, xaasaskiisuna waxay u yihiin (waa kuwa Alle rumeeyay ee) hooyooyin oo kale.” {Suurad Al Axsaab, 33:6}

Guurkii Nebiga

Qoyska iyo reerka Nebi Muxamed waxaa la kala raaciyaa kala qeybinta taariikhda Islaamka oo ah:

Hijrada Ka Hor: wakhtigani waa ka soo biloow dhalashaddii Nebi Muxamed sanadkii 570 C.D ilaa sanadkii 622 ee uu magaalada Madiina u guurey. Wakhtigan Hijrada Ka Hor nebigu wuxuu ku noolaa magaalada Makka. Iyo Hijrada Ka Dib: oo ah wakhtigii nebiga iyo asxaabtu u soo kicitimeen isla markaana u soo guureen magaalada Medina, wakhtigaasi oo ka soo bilaabmaya sanadkii 622 C.D ilaa laga soo gaadho goortii nebigu geeriyooday ee sanadkii 632.

Si kastaba ha ahaatee, nebigu markuu ahaa 25 sano jir ayaa wuxuu guursadey Khaddiija bint Khuwaylid oo ahayd mulkiilaha shaqo ganacsi oo nebigu wakhtigaasi ka shaqeeynaayay. Sababtoo ah wuxuu ahaa arooskii ugu horeeyay iyo Khaddiija oo ahayd qof aad u wanaagsan, Nebi Muxamed wuxuu guurkani ka helay farxad iyo damaashaad iyo raynrayn ilaa laga soo gaadho geeridii Khaddiijo 25 sano ka dib markeey ahayd oorida nebiga.

Si kastaba ha ahaatee, Khaddiija waxay nebigu u dhashay labo wiil iyo afar gabdhood kuwaasi oo kala ah: Qaasim iyo Cabdulaahi (labadooduba waxay dhinteen ayagoo aad u yar); gabdhaha oo kala ah Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum iyo Faatima.

Isku soo wada duuboo, Nebi Muxamed ma guursanin xaas kale markii ay Khaddiijo ka dhimatey ilaa uu ka imanayay magaalada Medina halkaasi oo uu markii ugu horeeysay ku guursadey Sowda bint Zamca oo dhibaato badan la kulantey markeey soo muslimtey. Markuu nebigu guursanayay Sowda waxay ahayd qof reer horey u soo martey oo 55 jir ah.

Wakhti yar ka dib, nebigu wuxuu mehersaday gabadh yar oo 9 jir ah oo uu dhalay saaxiibkii iyo la taliyiisa kowaad waa asxaabi Abu Baker, gabadhaasi yar waa ee nebigu guursaday waa Ca’isha bint Abi Bakr. Caa’isha uma dhalin wax caruur ah nebiga, markuu nebigu ka dhintey iyada da’deedu waxay ahayd 17 sano jir. Intaasi waxaa dheer, Ca’isha waxay nebiga kala hadhay aqoon iyo cilmi aad u badan, waxaana la sheegaa in Caaisha warisey in ka badan 2,000 oo Xadiis.

Maab muujinaya xabaalaha qaar ka mid ah Xaasaska iyo gabdhaha uu dhalay Rasuulka (csw).

Dagaaladii u dhexeeyay nebiga iyo ciidankiisa iyo kufaartii reer Quraysheed ee ka soo duulayay magaalada Makka waxaa ku dhintay asxaab badan kuwaasi oo dumar badan ka dhigay carmali (bilaa saay).

Asagoo u hiilinaya dumarkaasi ayaa nebigu wuxuu dumaalay;

  • Xafsa bint Cumar,
  • Saynab bint Khuzayma,
  • Hinda bint Abi Umayya,
  • Saynab bint Jahsh iyo

Juwayriyya bint al-Xarith.Goortii uu dhamaaday Dagaalkii Khaybar waxaa asxaabtu soo qabsatey adoomo badan, kuwaasi waxaa ka mid ahaa Safiyya bint Huyayy oo ka dhalatey qoys Yuhuud ah oo dhaqaale fiican heeysta. Markuu nebigu arkey Safiya wuu xoreeyay wuxuuna u soo bandhigay inuu guursado ayadna wey aqbashay, sidaasi ayayna ku noqotey mid ka mid ah xaasaska rasuulka.

Wakhtigii nebigu uu la galay heshiis nabadeed xoogagii reer Quraysheed, waxaa dhacday in Abu Sufyaan uu Nebi Muxamed siiyay gabadhiisa Ramla bint Abi Sufyan, taasi oo nebigu aqbalay, wakhti yar ka dibna uu guursadey. Wakhtigii lagu gudo jirey heshiiskii Xudaybiyah ayaa rasuulku wuxuu u soo ambo baxay magaalada Makka si uu u soo siyaarto Kacbada halkaasi oo uu kula kulmey Maymuna bint al-Harith oo nebiga ka codsatey inuu guursado taasi oo uu ka aqbelay.

Maryama al-Qibtiyya waxay ahayd adoon laga soo diray wadanka Masar hadiyad ahaan ku soo gaadhay nebiga. Wuu xoreeyay ka dibna wuu guursadey, waxayna u dhashay wiil Ibraahim.

Dumarka Nebiga

Khaddiija Ummatul Mu’miniin, hooyooyinka Mu’miniinta.

Khaddiijo (ingiriis: Khadija; carabi: ﺧﺪﻳﺠﺔ ﺑﻨﺖ ﺧﻮﻳﻠﺪ, “Khaddiija bintu Khuwaylid”; lagu naaneysi jirey: Khadīja al-Kubra “Khadija weynayd”) ku dhalatey magaalada Makka, Xijaas ee dhulka Carabiya markey taariikhdu ahayd sanadkii 555 C.D, kuna dhimatay magaalada Makka sanadkii 620 C.D waa ooridii kowaad ee Nebi Muxamed Mohamed peace be upon him.svg (n.n.k.h) qoftaasi oo ahayd ganacsato si fiican looga yaqaano magaalada Makka ee deegaanka Xijaas.

Khaddiijo waxay ahayd qofkii ugu horeeyay ee rumeeysa NebigaMohamed peace be upon him.svg markii uu waxyiga diinta Islaamku ku soo degay. Dadka muslimiinta ahi waxay u yaqaanaan Khaddiija ineey tahay “Hooyada Islaamka”.

Caaisha bintu Abu Bakar

Caaisha, Caayisha (Carabi: ﻋﺎﺋﺸﺔ) loo yaqaano hooyada Mu’miniinta [ﺃﻡ ﺍﻟﻤﺆﻣﻨﻴﻦ] waa mid ka mid ah xaasaskii Nebi Muxamed (n.n.k,h). Ca’isha waxaa dhalay nebiga saaxiibkiis iyo asxaabi Khaliif ar-Raashid Abu Baker al-sadiiq.

Nebi Muxamed wuxuu guursaday Ca’isha ayadoo 9 sano jir wuxuuna ka dhintey ayadoo 17 sano jir ah. Wax ilmo ah uma dhalin nabiga, laakiin waxay kala hadhay xadiisyo iyo cilmi diinta Islaamka oo badan.

Xafsa bint Cumar

Xafsa bint Cumar waa gabadh uu dhalay asxaabiga weyn iyo mid ka mid ah Khulafo Ar-Raashidiinta Cumar bin Khattab, taasi oo carmali (garoob) ku noqotey Dagaalkii Beder markii ninkeeda Khunais ibn Hudhaifa lagu diley dagaalka dhexdiisa. Markey taariikhdu ahayd sanadkii 3aad ee hijrada ayaa Nebi Muxamed dumaalay (guursadey) si uu uga baabi’iyo dhibaatada iyo murugada ka soo gaadhay dagaalkaasi.

Saynab bint Khuzayma

Saynab bint Khuzayma (Carabi: ﺯﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﺧﺰﻳﻤﺔ, “Umm al-Masakin”, macnaha: “Hooyadii Masaakiinta”) ku dhalatey magaalada Makka sanadkii 595 C.D, waa ooridii 5aad Nebi Muxamed (c.s.w.s), taasi oo carmali (garoob) ku noqotey Dagaalkii Beder markii ninkeeda Khunais ibn Hudhaifa lagu diley dagaalka dhexdiisa. Markey taariikhdu ahayd sanadkii 3aad ee hijrada ayaa Nebi Muxamed dumaalay (guursadey) si uu uga baabi’iyo dhibaatada iyo murugada ka soo gaadhay dagaalkaasi.

Saynab bint Jahsh

Saynab bint Jahsh (Carabi: ﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﺟﺤﺶ, “Saynab bint Jaxshi”) ku dhalatey magaalada Makka sanadkii 590 C.D isla markaana dhimatey sanadkii 641 C.D, waxay ahayd qof dumar nebiga ina adeer la ah, markii dambana uu guursadey.

Ramla bint Abi Sufyan

Ramla bint Abi Sufyan (Carabi: ﺭﻣﻠﺔ ﺑﻨﺖ ﺃﺑﻲ ﺳﻔﻴﺎﻥ, “Ramla Bint Abi Sufyaan”, sidoo kale loo yaqaano: ﺃﻡ ﺣﺒﻴﺒﺔ, “Umm Xabiiba”, macnaha: “Hooyadii Xabiiba”) ku dhalatey magaalada Makka sanadkii 594 C.D isla markaana dhimatey sanadkii 666 C.D, waxay ahayd qof dumar nebiga qaraabo la ah, markii dambana uu guursadey. Ramla waxaa dhalay oo aabe u ah hogaamiyihii reer Quraysh markii dambena ku soo biiray diinta Islaamka ee asxaabi Abu Sufyaan.

Maryama al-Qibtiyya

Maryama al-Qibtiyya (Carabi: ﻣﺎﺭﻳﺔ ﺍﻟﻘﺒﻄﻴﺔ, “Maariya Al-Qabdiya”) ku dhalatey deegaano ka mid ah wadanka Masar sanadkii 592 C.D isla markaana dhimatey sanadkii 637 C.D, waxay ahayd qof dumar adoon ah oo ka soo jeeda wadanka Masar, taasi oo ah ooridii 10aad ee Nebi Muxamed. Maryama ama Maariya waxaa loo soo diray nebiga hadiyad ahaan, markee soo gaadhay magaalada Madiina ee xarunta u ahayd dowladii Islaamka ayadoo adoon ah ayaa Mariya waxaa arkey Nebi Muxamed (c.s.w.s) asaga oo siiyay xoriyadeeda wakhti yar ka dibna guursadey.

Rayhana bint Zayd

Rayhana bint Zayd (Carabi: ﺭﻳﺤﺎﻧﺔ ﺑﻨﺖ ﺯﻳﺪ ﺑﻦﻋﻤﺮﻭ, “Rayxaana bint Zayd bin Cumar”) ku dhalatey deegaano u dhow magaalada Madiina sanadkii 587 C.D, waxay ahayd qof dumar ah oo ka soo jeeda qabiilka Yuhuud, waana ooridii 9aad ka dib markii laga adkaaday qabiilkeeda ayaa Rayxaana loo soo qabsadey adoon ahaan, halka raga qabiilkeeda laga dilaayay. Markii ay soo gaadhay magaalada Madiina ee xarunta u ahayd dowladii Islaamka ayadoo adoon ah ayaa Rayxaana waxaa arkey Nebi Muxamed (c.s.w.s) asaga oo siiyay xoriyadeeda wakhti yar ka dibna guursadey.

Dumarka Rasuulka & Tirada Caruurta

Wiilasha:

  • Qaasim
  • Cabdullaahi
  • Ibraahiim

Gabdhaha:

  • Saynab
  • Ruqiya
  • Umm Kaltuum
  • Faatima

Magaca Xaaska

  1. Khaddiija 595 ilaa 619 C.D
  2. Sowda 619 ilaa 632 C.D
  3. Caisha 619 ilaa 632 C.D
  4. Xafsa 624 ilaa 632 C.D
  5. Saynab 625 ilaa 627 C.D
  6. Hinda 629 ilaa 632 C.D
  7. Saynab bint Jahsh 627 ilaa 632 C.D
  8. Juwayriya 628 ilaa 632 C.D
  9. Safiyya 629 ilaa 632 C.D
  10. Ramla 628 ilaa 632 C.D
  11. Maymuna 630 ilaa 632 C.D
  12. Maryama 630 ilaa 632 C.D
  13. Rayhana 629 ilaa 632 C.D

Caruurta Nebiga

Sida ku xusan diinta Islaamka Rasuul iyo Nebi Muxamed bin Cabdullaahi bin Cabdul Mudalib wuxuu Ilaahay (koreeye) u ogolaaday in uu guursado intuu doono oo dumar ah; sidaasi darteed wuxuu guursadey 13 xaas. Intooda u badani wax ilmo ah uma dhalin nabiga, marka laga reebo Khaddiijo oo ah ooridii ugu horeeysay oo u dhashay 6 ilmo iyo Maryama al-Qibtiyya oo dhashay hal wiil.

Isku soo wada duuboo, Nebi Muxamed wuxuu dhalay 7 caruur ah, kuwaasi waxaa wiilal ka ahaa sadex: Qaasim, Cabdullahi, iyo Ibraahim, gabdhuhuna waxay ahaayeen 4 gabdhood oo kala ah: Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum, iyo Faatima Zahra. Dhamaantoodna waxaa dhashay Khaddiijo oo ah xaaskii kowaad ee nebiga.

Wiilasha

Wiilasha uu Nebi Muxamed dhalay waa sadex wiil oo kala ah:

  • Qaasim,
  • Cabdullahi,
  • Ibraahim.

Qaasim bin Muxamed

Qaasim bin Muxamed (ingiriis: Qasim bin Mohammed; carabi: ﻗﺎﺳﻢ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, “Qaasim bin Muxamed”) ku dhalashey magaalada Makka waa mid ka mid ah wiilasha Nebi Muxamed kaasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.

Sanadkii 605 C.D ayaa Qaasim Muxamed xanuusaday, wuxuuna dhintey asagoon gaadhin labo sano, waxaana lagu aasay magaalada Makka.

Cabdullahi bin Muxamed

Cabdullahi bin Muxamed (ingiriis: Abd-Allah ibn Muhammad; carabi: ﻋﺒﺪﺍﻟﻠﻪ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, “Cabdullahi bin Muxamed”; sidoo kale loo yaqaano: Tahir ibn Muhammad, “Daahir ibn Muxamed”, “Daahir” macnaheedu waa “Nadiif”; sidoo kale: Dayib ibn Muhammad, “Dayib” macnaheedu waa “Fiicane”) ku dhalashey magaalada Makka waa mid ka mid ah wiilasha Nebi Muxamed kaasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.

Sanadkii 615 C.D ayaa Cabdullahi Muxamed xanuusaday, wuxuuna dhintey asagoo wali aad u yar, waxaana lagu aasay magaalada Makka.

Ibraahim bin Muxamed

Ibraahim bin Muxamed (ingiriis: Abraham bin Mohammed; carabi: ﺇﺑﺮﻫﻴﻢ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, “Ibrahim bin Muxamed”) ku dhalatey magaalada Madiina bishii ugu dambeeysay ee sanadkii 8aad H.K (Hijrada Ka dib) waa mid ka mid ah wiilasha Nebi Muxamed kaasi ooy dhashay xaaskii nebiga Maryama al-Qibtiyya oo marka hore adoon ahayd oo laga keenay wadanka Masar.

Wiilkani waxaa loogu magac-daray Nebi Ibraahim, waxaana yaraantiisii nuujisey Umm Sayf oo ahayd xaaska Abu Sufyaan, taasi oo sidii dhaqanku ahaa Nebi Muxamed siiyay xoogaa adhi ah. Markuu jiray qiyaastii 16 bilood ayaa Ibraahim Muxamed xanuusaday, wuxuuna dhintey Dagaalkii Tabuk ka dib asagoo 18 bilood jir ah.

Gabdhaha uu Nebigu Dhalay

Nebi Muxamed wuxuu dhalay 7 caruur ah, kuwaasi waxaa wiilal ka ahaa sadex:

  • Qaasim,
  • Cabdullahi,
  • Ibraahim,

Gabdhuhuna waxay ahaayeen 4 gabdhood oo kala ah:

  • Saynab,
  • Ruqiya,
  • Umm Kaltuum,
  • Faatima Zahra.

Dhamaantoodna waxaa dhashay Khaddiijo oo ah xaaskii kowaad ee nebiga.

Saynab bint Muxamed

Saynab bin Muxamed (ingiriis: Zeinab bint Muhammad; carabi: ﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, “Saynab bint Muxamed”) ku dhalatey magaalada Makka sanadkii 600 C.D waa gabadha ugu wayn ee curada Nebi Muxamed taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.

Saynab waxay dhalatey sanadkii 5aad ee guurka nebiga iyo Khaddiija, wakhtigaasi oo Nebi Muxamed ahaa 30 jir. Sanadkii 629 C.D (oo ku beegan sanadkii 8aad ee Hijrada) ayaa Saynab Muxamed xanuusatay, waxayna dhimatey ayadoo 29 jir ah. Gabadhani waxaana lagu aasay magaalada Makka.

Ruqiya bint Muxamed

Ruqiya bint Muxamed (ingiriis: Ruqayyah bint Muhammad; carabi: ﺭﻗﻴﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, “Ruqiyya bint Muxamed”; lagu naanaysi jirey: “ﺫﺍﺕ ﺍﻟﻬﺠﺮﺗﻴﻦ”, oo macnaheedu tahay “qoftii labo jeer hijrootay”) ku dhalatey magaalada Makka waa gabadha labaad ee ugu wayn caruurta Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.

Ruqiya Muxamed waxaa markii hore guursadey Cutayba bin Abu Lahab, kaasi ooy iska furtey markeey Islaamtey. Waxaa markii dambena guursadey asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cismaan binu Cafaan, oo markey dhimatey sanadkii 2aad ee hijrad (624 C.D taariikhda Miilaadiga) wuxuu Cusmaan dumaalay walaasheed Umm Kaltuum bint Muxamed.

Ruqiyah bintu Muxamed waxaa lagu aasay magaalada Madiina.

Umm Kaltuum bint Muxamed

Umm Kaltuum bint Muxamed (ingiriis: Umm Kulthum bint Muhammad; carabi: ﺃﻡ ﻛﻠﺜﻮﻡ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, “Umm Kalthum bint Muxamed”) ku dhalatey magaalada Makka waa gabadha sadexaad ee ugu wayn caruurta Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.

Umm Kaltuum Muxamed waxaa markii hore guursadey asxaabi Cutayba bin Abu Lahab, markii dambena waxaa dumaal ku guursadey asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cismaan binu Cafaan.

Faatima bint Muxamed

Fatima bint Muxamed (ingiriis: Fatima bint Muhammad, Fāṭimah; carabi: ﻓﺎﻃﻤﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, “Faadima bint Muxamed”; lagu naanaysi jirey: “Umm Abeeha”, “Umm al-Hasanayn” Hooyadii al-Xasanayn, “Umm al-Hasan” Hooyadii Xasan, “Umm al-Husayn” Hooyadii Xuseen;

Magacyo kale:

  • al-Siddeeqah “Runsheegto”,
  • al-Mubarakah “Midii loo Naxariistey”,
  • al-Tahirah “Midii Suubanayd”,
  • al-Zakiyyah “Midii Daacada ahayd”,
  • al-Radhiyah “Midii Qanacsanayd”,
  • al-Muhaddathah “Midii Malaa’igtu la hadashey”,
  • al-Batool “Nadiifo”,
  • al-Zahra “Marwadii Ileyska/Iftiinka”,

Syedatun Nisa al-Alamin “Hogaanka Dumarka Dunida”) ku dhalatey magaalada Makka, Xijaas deegaanada Carabiya, mar ahaantaana dhimatey 13kii Jamadi-al-Awwal sanadkii 11aad ee Hijrada (taasi oo u dhiganta Arbaco Ogosto 5teedii sanadkii 632 C.D) laguna aasay magaalada Medina, Xijaas deegaanada Carabiya waa gabadha ugu yar gabdhaha Nebi Muxamed (NNKH) taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.

Faaduma Sahra Muxamed waa xaaskii asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cali binu Abi Daalib, hooyada mataanaha Xasan iyo Xuseen iyo qofta shanaad ee Ahlu-Beytka. Sababtoo ah waxay aad ugu dhowayd, daryeeli jirtey isla markaana taageeri jirtey aabaheed Nebi Muxamed, Faadumo Sahra waa mid ka mid ah dumarka loogu qadarinta badan yahay muslimiinta dhexdooda.

Faaduma nebi waxay dhimatey 13kii Jamadi-al-Awwal sanadkii 11aad ee Hijrada (taasi oo u dhiganta Arbaco Ogosto 5teedii sanadkii 632 C.D) waxaana lagu aasay magaalada Medina, Xijaas deegaanada Carabiya.

Risaalada iyo Nebinimada

Kitaabka Quraanka

Quraan Quraanka Kariimka (carabi: ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ; ingiriis: Koran) waa kitaabka Alle ﺍﻟﻠﻪ (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi MaxamedMohamed peace be upon him.svg (n.n.k.h), kaas oo ku qoran luuqada carabiga. Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed.

Quraanka kariimka ah waa hadalka Ilaahay (ﺍﻟﻠﻪ) kaas oo malaga Jibriil u soo gudbin jirey Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg (n.n.k.h) wakhti 23 sano ah, oo ku bilaabmaysa Diisembar 22keedii sanadkii 609 C.D (Ciise Dabadii), wakhtigaas oo nebigu ahaa 40 jir, ilaa markii taariikdhu ahayd 632 Ciise Dabadii, oo ku beegan sanadkii Nabi Maxamed Mohamed peace be upon him.svg (n.n.k.h) geeriyooday. Sidaa diinta Islaamku sheegtay kitaabka Quraanku waa midka ugu sareeya kitaabyada ee Ilaahay ka ilaalinayo khaladka iyo musuqmaasuqa isla markaana hogaan iyo hanuunin u ah dhamaan aadamaha ku nool dunida.

Kitaabka Quraanka waxaa loo kala saaraa, guud ahaan, labo qeybood oo kala ah Makki (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebiga Mohamed peace be upon him.svg intii uu magaalada Makkah joogay) iyo Madani (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebi Muxamedﷺ wakhtigii uu magaalada Madiina deganaa). Intaasi kuma eeka qeybaha Quraanku ee waxaa kitaabku u sameeysan yahay nidaam loo yaqaano suurado, kuwaasi oo loo sii kala saaro aayado. Quraanku wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood kuwaasi ooy ugu horeeyso suurada Al Faatixa (mahnaheedu tahay fur-furitaan ama “bilaabid”) oo ka samaysan 7 aayadood ilaa laga gaadho suurada 114 ee Al-Naas (macnaheedu yahay dadka) oo ka kooban 6 aayadood.

Kitaabka Quraanka ah dhexdiisa waxaa ku xusan dhamaan taariikhda, nolosha, tilmaamida iyo hogaanka, wixii horey u dhacay, waxa dhici doona, nolosha dunida, nolosha aakhiro, maalinta qiyaame iyo xisaabta, iyo dhamaan macluumaadka nooleha. Sidoo kale, Ilaahay (s.w.t) wuxuu ugu tallo-galay in kitaabku noqdo mid hogaamiya nolosha dadka. Suurad kasta iyo aayad kasta oo ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka ahi wax ayay tilmaamaysaa isla markaana faraysaa ama ka reebaysaa dadka.

Wadajirka Quraanka iyo Xadiisku waa sharciga saxda ah ee Alle ugu tallo galay in aadamahu isku maamulaan, waxaana loo yaqaanaa Sharciga Shariicada. Intaasi waxaa dheer, Quraanka oo lagu akhrinayo luuqada carabiga ayaa waxa la akhriyaa wakhtiga la tukanayo salaadaha. Qofka xafida 114ta Suuradood ee Quraanka waxaa loo yaqaanaa Xaafid. Jiijiidida iyo qurxinta codka marka la akhrinayo Quraanka waxaa loo yaqaanaa towjiid. Si kastaba ha ahaatee, bisha Ramadaan dadka muslimiinta ahi waxay dhamaystiraan akhrinta dhamaan Quraanka ayagoo ku tukanaya salaada tarawiixda.

Micnaha & Sharaxaada Quraanka

Qoraalka Quraanka kariimka ah qarnigii 11aad waqooyiga Afrika

Ereyga qur’aan waxaa kitaabka Quraan laga dhex helaa 70 jeer, kuwaasi oo qaarkood yihiin ficil (verb) iyo magac (noun) ah qaraʼa (ﻗﺮﺃ) oo macnaheedu tahay “akhriyey” ama “la akhriyey”.

Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed, isla markaana wuxuu kala saaraa runta iyo beenta; mugdiga iyo iftiinka; janoda iyo cadaabta; ifka iyo aakhiroda.

Kitaabka Quraanka kariimka ah ee Ilaahay (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg (n.n.k.h) waxaa lagu magacaabaa Al-Furqaan, kaasi oo ah tilmaamid (“al-huda”), xikmad, xasuusinta Alle (“al-dikhri”), iyo mid samada sare laga soo diray (“tanziil”).

Dagaaladii Nebigu ka Qayb Galay

”Dagaalkii Beder”

Dagaalkii Beder (ingiriis: the Battle of Bedr; carabi: ﻏﺰﻭﺓ ﺑﺪﺭ; “Ġazwat ‘Bedr”) waa dagaal dhacay Sabti, Maarso 13keedii, sanadkii 624 C.D (C.D = Ciise Dabadii) oo u dhiganta 17kii Ramadan sanadkii 2aad ee Hijrada[62] Islaamka; dagaalkaasi oo ka dhacay meelo ka mid ah deegaanka Xijaas (ee maanta ah dalka Flag of Saudi Arabia.svg Sacuudi Carabiya).

Dagaalku wuxuu ka dhex dhacay ciidamo Islaamiyiin ah ka yimid magaalada xarunta u ahayd Islaamka wakhtigaasi ee Madina kuwaas oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed (n.n.k.h) iyo xooga ciidan ka soo duulay magaalada Makka oo uu hogaaminayay madaxdii Qureysheed ee ka soo horjeeday diinta Islaamka.

Dagaalkan Beder wuxuu ahaa dagaalkii kowaad ee si fool-ka-fool ah uga dhex dhaca kufaartii reer Makka iyo muslimiinta u soo qaxdey isla markaana degan magaalada Madina.

Taariikhda miilaadiga markey ahayd Maarso 13keedii, sanadkii 624 C.D ayaa guuto ciidamo si fiican u hubeeysani ka soo baxeen magaalada Makka si eey u soo asxaabta raacdey Nebi Muxamed.

Ciidamada reer Makka si fiican ayay u qalabeesnaayeen waxayna wateen sahayl iyo agab aad u wanaagsan, qorshohooduna wuxuu ahaa ineey dhoola-tus milatari u muujiyaan dhamaan qabiilada Carabta eey uga baqayeen ineey qaataan diinta Islaamka ee ayagu ka soo horjeedeen.

Si kastaba ha ahaatee, tiro yar oo dagaalyahano muslimiin ah kuwaas oo lagu sheego 250 ilaa 300 oo nin ayaa waxay deegaanka Beder dagaal adag kula galeen kun iyo ka badan nin oo dagaalyahano reer Makko ah kuwaasi oo guuldaro iyo shalaayto kala tagay goobtii lagu dagaalamayay. Dagaalkan Beder jab lama filaan iyo lama ilaawaan ku noqday ayaa ka raacay ciidamadii reer Quraysheed ee ku soo duuley si eey u tirtiraan diinta Islaamka.

Isku soo wada duuboo, tiro yar oo muslimiin ah ayaa ku dhimatey dagaalkaasi Beder, gaaladii soo duusheyna rag badan oo madax iyo hogaamiyayaal leh ayaa kaga dhintey. Dagaalkani wuxuu noqdey midka horseeday in mar labaad muslimiinta iyo ciidamada reer Makka dagaal iskugu soo noqdaan, kaasi oo ah Dagaalkii Uxud ee muslimiin badan lagu diley, isla markaana Nebi Muxamed laftiisa dhaawacyo aad u halis badan ayaa soo gaadhay, ugu dambeyntii guushu waxay raacdey reer Makka.

Badertii Labaad

Ka dib markey dadka muslimiinta ahi ka soo qaxeen magaalada Makka ayagoo u hijroonaya magaalada Madiina ayaa in badan ka mid ah qabiilka Quraysh waxaa cadho-gelisay in Nebi Muxamed (NNKH) iyo asxaabtiisa ay nabad ku degan yihiin magaalada Madiina isla markaana ay fidinayaan diinta Islaamka. Taasi waxay dhalisey in Qurayshi dhowr jeer ku soo duusho Nebi Muxamed (NNKH) iyo intii raacsanayd, markii ugu horeeysay Dagaalkii Beder (sanadkii 624 C.D) ee gaaladii reer Makka aad ugu jabtey, ka dib mar labaad dagaalkii aargoosiga ahaa ee Uxud ee dhacay sanadkii 625 C.D kaasi ooy si daran ugu xasuuqeen muslimiinta.

Si kastaba ha ahaatee, markey taariikhdu ahay Abriil sanadkii 626 C.D ayaa Nebi Muxamed Mohamed peace be upon him.svg isku keenay ciidan ka kooban 300 oo nin iyo 10 faras si uu ula kulmo ciidamada Quraysh oo ahaa 1,000 nin. Waxay ku kulmeen deegaanka Bader taasi oo ah markii labaad eey ku kulmaan meeshani ka dib Dagaalkii Beder. In kastoo aanu wax dagaal ahi dhex marin labada dhinac, tani waxaa loo yaqaanaa Badertii Labaad.

Wakhtigani labada dhinac waxay isla af-garteen heshiis ah inaan la dagaalamin intii mudo ah oo amaan lagu wada joogo. Mudo ka dib, qabiil Yuhuud ah ayaa u safrey magaalda Makkah si ay heshiis ula soo galaan qabiilka Quraysh, taasi oo markii dambe ay isla af-garteen in ay baabi’iyaan Nebi Muxamed Mohamed peace be upon him.svg iyo inta raacsan oo dhan. Sidaasi ayaa duulaanka ay ku soo qaadeen isbaaheysigu; kaasi oo ah Dagaalkii Dhufeysyada ee muslimiinta reer Madiina ku sameeysteen dhufaysyo ay ku soo wareejiyeen magaaladaasi.

Dagaalkii Uxud

Dagaalkii Uxud (Carabi: ﻏﺰﻭﺓ ﺃﺣﺪ; “Ġazwat ‘Uḥud”) waa dagaal dhacay Sabti, Maarso 19keedii, sanadkii 625 C.D (C.D = Ciise Dabadii) oo u dhiganta 3dii Shawwal sanadkii 3aad ee Hijrada Islaamka; dagaalkaasi oo ka dhacay buurta Uxud ee waqooyi galbeed deegaanada Carabiya.

Dagaalku wuxuu ka dhex dhacay ciidamo Islaamiyiin ah ka yimid magaalada xarunta u ahayd Islaamka wakhtigaasi ee Madina kuwaas oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed (n.n.k.h) iyo xooga ciidan ka soo duulay magaalada Makka oo uu hogaaminayay Abu Sufyaan inb Xarbi kaasi oo ahaa hogaamiyaha iyo qabab-qaabiyaha qabiilka Quraysh ee ka soo horjeeday diinta Islaamka.

Dagaalkan Uxud wuxuu ahaa dagaalkii labaad ee ka dhex dhaca kufaartii reer Makka iyo muslimiinta u soo qaxdey isla markaana degan magaalada Madina, waxaa ka horeeyay Dagaalkii Beder ee dhacay sanadkii 624kii markaasi oo tiro yar muslimiin ahi jebiyeen dhowr kun oo ciidan hubeeysan ah.

Taariikhda miilaadiga markey ahayd Maarso 11keedii, sanadkii 625 C.D ayaa guuto ciidamo si fiican u hubeeysani ka soo baxeen magaalada Makka si eey ugu soo aar-gudaan dadkii lagaga diley Dagaalkii Beder. Ciidamada reer Makka si fiican ayay u qalabeesnaayeen oo xataa dumarka iyo caruurta horey ayay u soo kaxeeyseen si aanay marnaba u jabin. Dhinaca kale, markii warka weerarka reer Qureesheed soo gaadhay muslimiinta reer Madiina ayaguna way isa soo diyaariyeen isla markaana horey u soo qaateen wixii hub iyo qalab ay heli kareen.

Si kastaba ha ahaatee, xoogaga ciidamada laba dhinac waxay fooda isku dareen banaanka dhinaca buurta Uxud halkaasi oo dagaalka qeybtiisa hore guushu ku raacdey ciidamdii muslimiinta. Ayagoo moodaya ineey guuleysteen ayaa in badan oo ciidanka muslimiinta ah ayaa daba ordeen dagaal-yahanadii reer Makka, taasi waxay fursad siisay guuto dagaal-yahano fardoleey reer Makkah ah, kuwaasi oo dhabarjebin ku sameeyay ciidamadii muslimiinta.

Isku soo wada duuboo, tiro badan oo muslimiin ah ayaa ku dhimatey dagaalkaasi Uxud ka dib markii ciidamada muslimiintu ku jabeen dagaalkaasi. Intaas waxaa dheer, Nebi Muxamed laftiisa dhaawacyo aad u halis badan ayaa soo gaadhay. Ugu dambeyntii guushu waxay raacdey reer Makka.

Dagaalkii Dhufaysyada

Dagaalkii Dhufaysayda (Carabi: غزوة الخندق; “Ghazwah al-Khandaq”) sidoo kale loo yaqaano Dagaalkii Isbaaheysiga (ingiriis: Battle of the Confederates; carabi: ﻏﺰﻭﺓﺍﻻﺣﺰﺍﺏ; loogu dhawaaqo: Ghazwah al-Ahzab) wuxuu ahaa go’doomin aad u dheer ee magaalada Yatrib (ee hada loo yaqaano Medina) taasi ooy masuul ka ahaayeen isbaaheysi qabiilo badan oo Carab iyo Yuhuud iskugu jira.

Awooda iyo xooga ciidamada, askarta iyo milatariga isbaaheysigu wuxuu ahaa 10,000 oo nin, lix boqol oo faras iyo dhowr boqol oo geel ah; halka tirada awooda ciidamada Islaamka ee reer Madina ay ahaayeen 3,000 oo nin. Dagaalku wuxuu bilaabmey Maarso 31keedii, sanadkii 627 C.D (C.D = Ciise Dabadii) oo u dhiganta 5tii Dul-Qacdah sanadkii 5aad ee Hijrada.

Difaacayaashii Islaamka reer Madiina oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed Mohamed peace be upon him.svg, waxay ahaayeen kuwo laga tiro iyo tayo badan yahay, sidaasi darteed waxay go’aansadeen ineey qodaan dhufeys dheer oo ku wareegsan magaalada ayagoo ka faa’iideysanaya deyrkii iyo gidaarkii ku wareegsanaa magaalada Madiina.

Xirfada ay isticmaaleen ciidamo Islaamiyiinta ahi waxay bedbaadisay in isbaaheysiga soo duulay ay qabsadaan isla markaana soo galaan magaalada xarunta u ahayd Islaamka wakhtigaasi ee Madina. Sidoo kale, fikradii ahayd in lagu baabi’iyo diinta Islaamka ee uu hogaaminayay Nebi Muxamed (n.n.k.h) way fashilantey, in badan oo gaalada ahna waa la diley. Si kastaba ha ahaatee, guusha dagaalkani wuxuu horseeday in muslimiintu helaan dhiiranaan iyo kalsooni aad u balaadhan isla markaana wakhti yar ka dib qabsadaan deegaano badan iyo magaalada Makka laf ahaanteed.

Nabiyada iyo Rasuusha

Nebiya Ilaahay (s.w,t) ku sheegay kitaabka Quraanka kariimka ah ee lagu soo dejiayay Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg waa 25 Nabi kuwaasi oo kala ah:
Nabiyada iyo Rusuusha Ku Xusan Quraanka (الأنبیاء والرسل في القرآن).

  1. Nebi Aadam
  2. Nebi Al-yasac
  3. Nebi Ayuub
  4. Nebi Ciise
  5. Nebi Dulkifli
  6. Nebi Daa’uud
  7. Nebi Haaruun
  8. Nebi Huud
  9. Nebi Ibraahiim
  10. Nebi Idriis
  11. Nebi Ilyaas
  12. Nebi Ismaaciil
  13. Nebi Isxaaq
  14. Nebi Luud
  15. Nebi Muuse
  16. Nebi Muxamed (NNKH)
  17. Nebi Nuux
  18. Nebi Saalax
  19. Nabi Shuceyb
  20. Nebi Sulaymaan
  21. Nebi Yaxye
  22. Nebi Yacquub
  23. Nabi Yuusuf
  24. Nebi Yuunus
  25. Nebi Zakariye

Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha

Kutubta lagu soo dejiyay

Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg waxaa jira tiro badan oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub.

Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed.

Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.

Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:

….. wey sii soctaa dhameytirka ayaan soo diyaarinaynaa.

Wa Billaahi Tawfiiq