Silsiladda Taariikhda
Ururada Diiniga Ah
Ee Soomaliya

(Qeybta | 6aad)

Decorative Lines

Boqor Faaruuq waa tagay, waxana la galay xili kala guur ah, waxana bilowday tartan iyo kala riixasho boos oo ka dhex dhashay kooxdii afgambiga samaysay oo ka koobneyd ciidamada qalabka sida iyo ururka Ikhwaan Muslimiin.

King of Egypt - King Faruok

Ciidamadu waxay u kala qaysanayeen afar qaybood oo kala taageersanaa Maraykan, Ingiriiska, (labadan koox oo dhinac iskaga dhawaa, hadana dhinaca kale way ku kala durugsanaayeen oo Maraykan wuxu rabay inuu hogaanka qabto, maadaama Ingiriisku uu ku fashilmay Masar.

Anwar Sadat, Colonel Gaddafi, Gamal Abdel Nasser

Anwar Sadat, Colonel Gaddafi, Gamal Abdel Nasser

Ingiriiskuna wuxu u xusul duubayaa saamayntiisii uu ku lahaa Masar inay sii jirto, uuna gacanta ku hayo Kanaalka Suweys) Cali Maahir oo ka socday kooxdan ayaa loo magacaabay Ra’isal Wasaare, wuxuna soo dhisay golihiisa wasiirada.

Kooxda saddexad waa ciidamadii taageersanaa Ruushka, waxana hormuud u ahaa Jamaal C/nasir oo is qarinayay, isagoo suganayay waqti ku haboon soo banbixidiisa. Kooxda saddexad waa ururka Ikhwaan Muslimiin oo wali ka shaqaynayay daaha gadaashiisa gacan saarna la lahaa Gen. Max’ed Najiib oo loo magacaabay madaxweynaha Masar.

Afartan kooxood waxay la baxeen magac cusub oo dalka ay ku hogaamiyaan kaasoo ah Golaha Taliska Kacaanka (Revolution Command Council) RCC wuxuna golahaas ka koobnaa 14 xubnood, oo kala ahaa 9 xubnood oo Ciidamada Xorta ah iyo 5 xubnood oo gadaal looga daray si la iskugu dheeli tiro qaybaha siyaasadda. Durbadiiba Gen. Max’ed Najiib oo madaxweyne ah iyo Cali Maahir oo Ra’isal Wasaare ah waxay bilaabeen inay gooni u takooraan saraakiishii taageer saneyd Ruushka, mabda’a Hantiwadaagana aamin saneyd.

Taasina waxay keentay in xisbigii Shuuciga ee Masar ay olaleeyaan ururada Shaqaalaha oo sameeyay dibad baxyo qalalaase wata 12kii Agoosto 1952. Laba mas’uul oo ka tirsanaa xisbiga Shuuciga ayaa lagu xukumay dil, dibad bixiina waa la xakameeyay.

RCC waxay bilaabeen qorshe ay ku qarameynayaan dhulalkii iyo beerihii ay lahaayeen ajaanibtu, waxayna soo saareen sharciyo cusub oo quseeya dhulalka iyo beeraha. Sharcigan cusub ayay u kala qaybiyeen laba qaybood. Dhulka intiisa badan oo ay lahaayeen Ingiriisku waxaa loo qaybiyay beeraleydii Masar, halka dhulalkii ay lahaayeen Yuhuuda, Giriiga, Kirishtaanka Masar ee Copts loo yaqaan iyo boqortooyadii Faaruuq loo qaybiyay kooxihii afgambiga sameeyay iyo taageerayaashoodii, marka laga reebo ururka Ikhwaan Muslimiin oo aan wax dhul ah laga siin qaybtaas.

Ikhwaanku way iska sabreen oo ma aysan u gadoodi karin dhul iyo wax la mid ah maadaama ay hadaf weyn lahaayeen. Talaabadaan waxay sababtay inay ka caroodaan dowladda cusub kooxdii taageersaneyd Ingiriiska, waxana xilkii Ra’isal Wasaarenimo iska casilay Cali Maahir 7 Sebtember 1952. Waxana jagadiisii qabtay Gen. Max’ed Najiib oo isku noqday madaxweyne iyo ra’isal wasaare.

Isku Dhicii Ikhwaan Muslimiin iyo Jamaal C/nasir

Kadib markii ay dowladda ka bexeen kooxdii taageersanayd Ingiriiska iyo Maraykanka, waxa u muuqatay Jamaal C/nasir in la gaaray waqtigii uu lasoo bixi lahaa qorshihiisa iyo awoodiisa, wuxuna bilaabay talaabooyinkii uu uga taqalusi lahaa Ikhwaan Muslimiin iyo Gen. Max’ed Najiib. 9kii December 1952 Jamaal C/nasir oo adeegsanaya magaca RCC laakiin aan soo marin wadadii wadatashiga dowladda wadaaga ah wuxu soo saaray sharci lagu laalayo dastuurkii Masar ee 1923 isagoo adeegsaday magaca rabitaanka dadweynaha.

Gamal Abdel Nasser and Muslim Brotherhood

Markay taasi u hirgashay wuxu hadana RCC marsiiyay 19 Janaayo 1953 inay baabi’iyaan oo mamnuucaan dhamaan xisbiyada siyaasadda, waxayna ku dhawaaqeen qorshe 3 sanno oo ku meel-gaar ah dalkana ay si toos ah ugu talinayaan xubnaha RCC. Wuxu kaloo ku dhawaaqay Jamaal C/nasir dastuur cusub oo dalka lagu maamulayo awood badana siinaya RCC, kaasoo ay qoreen xubno isaga ku dhowdhow.

Dastuurkan cusub oo lagu dhawaaqay 10kii Febraayo 1953, waxa daba socday gudi cusub oo loogu magac daray Socodka Xornimadoonka. Gudigaas waxa madax u noqday Jamaal C/nasir ku-xigeenana wuxu ka dhigtay saraakiishii kale ee RCC.

Gudigaan waxa loogu tala galay inuu taageero ka raadiyo shacabka Masar, si loo xaqiijiyo isbadalada iyo olalaha uusoo wado Jamaal C/nasir. 18kii Juun 1953 RCC waxay ku dhawaaqday magac cusub oo Masar ay yeelatay kaasoo ah Jamhuuriyadda Carabta ee Masar.

Waxa la baabi’iyay magacii boqortooyada oo 9 bilood lagu soo shaqaynayay, wiilkii boqorkana waa laga xayuubiyay taajkii boqortinimada. Dowladii Masar waxa lagu sameeyay isku shaandheyn, Gen. Najiib waxa loo daayay Madaxweyne iyo Ra’isal Wasaare maqaar saar ah inuu sii ahaado. Jamaal C/nasir wuxu noqday Ra’isal Wasaare ku xigeen iyo wasiirka Arimaha Gudaha.

Waxa kaloo la dhisay maxkamad Kacaan oo degdeg ah oo ay hogaamiyaan C/ladiif Baqdaadi, Anwar A-Saadaad iyo Xasan Ibraahiim oo dhamaantood ka tirsan RCC, waxana loogu tala galay maxkamadaan in la saaro siyaasiyiintii dowladdii boqortooyadda.

Sidii uu ugu talagalay Jamaal C/naasir talaabooyinka aan kor kusoo sheegnay oo dhan waxa u adkaysan waayay ururkii Ikhwaan Muslimiinka, oo ay isku biirsadeen in laga qadiyay dhulkii la qaybsaday, amaro badan oo aan lagala tashan oo wareegtooyin lagu soo saaray, iyo mida ugu daran in la qoray dastuur cusub oo aan asal looga dhigin shareecada Islaamka.

Madaxdii Ikhwaanku waxay olaleeyeen oo wadooyinka usoo saareen taageerayaashoodii bishii Juune 1953, waxaana halkaas ka bilowday kacdoon ay hogaaminayaan Ikhwaanku oo socday ilaa hal sanno oo soo socota.

Mudadaas waxay gubeen taageerayaasha Ikhwaanku 750 dhisme oo ku yaalay magaalooyinka waaweyn ee Masar, waxana intaas dheeraa dhimasho iy dhaawac dhalin yaro fara badan oo kala taageersanayaa Jamaal C/nasir iyo Ikhwaan Muslimiinka.

Gacan ka hadalkii ugu darnaa wuxu dhacay 12kii Janaayo 1954 markii ay iska hor yimaadeen arday iskooley ah oo kala taageersanaa Ikhwaanka iyo Jamaal C/nasir.

Isla bishaas Janaayo 1954 Jamaal C/nasir oo ahaa wasiirka arimaha gudaha, wuxu mamnuucay ururka Ikhwaan Muslimiinka oo laga soo bilaabo waqtigaas ilaa iyo dhicitaankii Xusni Mubaarak mamnuuc ka ahaa dalka Masar.

Bishii Maarso 1954 qilaafkii Ikhwaanka iyo Jamaal C/nasir wuxu usoo gudbay gudaha RCC oo Gen. Max’ed Najiib oo ay gacan saar lahaayeen Ikhwaanka ayaa u adkaysan waayay talaabooyinka Jamaal C/nasir, wuxuna ololeeyay taageerayaashiisii RCC sida Khalid Muxiidiin oo soo jeediyay in lagu laabto dowlad sharciyaysan oo laga baxo xaalada ku meel gaarka ah.

Jamaal C/nasir wuxu usoo jeestay markaan inuu ka takhaluso Gen. Max’ed Najiib iyo taageerayaashiisa, mase u fududaan talaabadaas oo waxa kala jabay xubnihii RCC.

Todobo bilood kadib Jamaal C/nasir isagoo waayay meel uu usoo maro Madaxweyne Gen. Max’ed Najiib, Ikhwaankuna ay gadaashiisa ku jiraan ayay gacantooda isku gowraceen ururkii Ikhwaan Muslimiinku.

Bal maa u sugaan inta Gen. Najiib iyo Jamaal ay kala harayaan. 26 Oktoobar 1954 Ikhwaan Muslimiinku waxay isku dayeen inay dilaan Jamaal C/nasir isagoo ka qayb galaya dibadbax taageerayaashiisu ay ka dhigayeen magaalada Aleksandariya, waase ku guul daraysteen inay dilaan.

Jamaal C/nasir oo qudbadii aqrinaya aya wuxu maqlay 8 xabadood oo dhagihiisa agmaray. Dad goobta fadhiyay waxay sheegeen in xabadaha qaarkood ay ku dheceen nalal ka lushay Jamaal C/nasir korkiisa. Xabadahaas toogashadu ka xumaatay waxaa riday wiil dhalin yaro ah oo ka tirsanaa Ikhwaanka laguna magacaabi jiray Max’ud C/ladiif.

Jamaal C/nasir oo ahaa afmiishaar, aftahan ah, geesina ah, ma uusan ganban ee wuxu joojiyay qudbadii uu waday wuxuna ku badalay hadaladaan “Dhaafa hadilaan Naasire… Naasir muxuu yahay? Waa uun mid adinka idinka mid ah… walaalaheeyoow meeshiina taagnaada, ma aanan dhiman waan noo lahay… xataa haddii aan dhinto kuligiin waxaad wada tihiin Jamaal C/nasir” Waxa usoo gacan gashay Jamaal C/nasir fursad uu sugayay 7 bilood.

Wuxu soo xirxiray dhamaan madaxdii Ikhwaanka, marka laga reebo intii wadanka ka fakatay iyo intii ku dhex dhuumatay, wuxuna olole laba kacleyn ah ka dhex bilaabay RCC.

Waxa loo magacaabay gudoomiyaha RCC kadibna waxaa loogu daray Ra’isal Wasaaraha Masar. Gen. Max’ed Najiib waxa loo daayay madaxweyne aan awood lahayn ilaa mudo gaaban. 14kii Nov 1954 ayuu Jamaal C/nasir ka xayuubiyay Gen. Najiib jagadii madaxweynenimada, wuxuna ku fariistay kursigii madaxtinimada Masar markii ugu horaysay laba sanno oo boqorku ka maqnaa.

Howshii uu qaban waayay Jamaal 7 biloodna wuxu kusoo af-jaray 18 maalmood, mahadaasna wuxu u celiyay nimankii isku dayay inay dilaan. 9 Desember 1954 wuxuu toogtay Jamaal inta badan madaxdii Ikhwaanka ee uu soo xirxiray bishii Oktoobar. Intii aan la toogan badankood waxay ku dhex dhinteen xabsiyada sida 21 walaal oo 1957 lagu dhex dilay xabsigii ay ku xirnaayeen.

Waxa jira qaar la xiray oo aan la dilin gadaal dambana laga soo daayay waxaana ka mid ah Sayid Qudub oo aan uga sheekayn doono qoraalkeena soo socda. Taariikhdiisii, wixi uu Muslimiinta baray iyo wixi uu badayba.

La soco qaybta 7aad
____________________
Xigasho: Wadanka.com