Sannadka Cusub ee
Hijrada 1437

Download
Halkaan kala deg Hijri Calendar 1437
Hijri Calendar 1437 Carabi ah

Decorative Lines

ASC

Taariikhda Sannadka Hijrada

Xusuusin

”Kowda sannadka cusub ee hijriyada 1437 oo ku beegan maalinta arbacada 14ka Oktoobar 2015 waxaan ugu yeereynaa dhamaan ummada Islaamka meel walba ay joogaa in ay kala degaan ama ay Download ka sameystaan Islamic Hijri Calendar 1437 oo idin soo diyaariyay Wajibad.”

Sannad kasta bisha Muxaram waxaan xusuusanaa Hijradii Rasuulka nabad galyo iyo naxriis korkiisa ha ahaadee  iyo  bilow sanad  hijriyeed cusub.

Ka hor qiyaas boqol iyo konton sanno intii aan nabi Muxammad nabad galyo iyo naxriis korkiisa ha ahaadee, waxaa ku kulmay magaalada Makka madaxdii qabaa’isha iyo wufuudii soo xajiday sanadkaas  sii  ay u go’aamiyaan  magaca bilaha sannadka sii ay isugu waafaqaan Carabi iyo inta jaziiratul carab deganayd magacyada bilaha  oo waqtigaas siyaabo kala geddisan u magacaabi jireen.  waxayna  isku waafaqeen magacyada bilaha maanta la isticmasalo.

Hijradii Rasuulka nabad galyo iyo naxriis korkiisa ha ahaadee  uu ku yimid Madiina ma ahayn  bilowga bisha Muxaram ee waxay ahayd laba bil kadib bisha rabiicul awal.

Rasuulka Muxammad nabad galyo iyo naxriis korkiisa ha ahaadee dhimashadiis kabacdi,  khilaafadii sayid Cumar bin alkhataab  Alle ha ka raali noqdee  ayaa  waxaa soo ifbaxay  inuu jiro  baahi qoraal bilow taariikh  umaddu ay leedahay,  Sayid  Cumar wuxuu  qabtay shirweyne  ay ka soo qayb galeen Saxaabada Alle ha kawada raali noqdee, waxayna ka baaraan degeen   bilowga taariikhda meesha ku beegmayso, waxay isku waafaqeen in ay ka dhigaan  sannadkii  ahaa Hijradii Rasuulka nabad galyo iyo naxriis korkiisa ha ahaadee.

Sidaas darteed ayaa Sannadkii hijrada uu noqday bilowgii Sannad hijriga oona loogu magacdaray  dhacdadaas weyn  oo  taariikhda muslimiinta bilow loogu dhigay …

Waxaa soo diyaariyay:
Shariif Cali Maxamed

Wa Billaahi Tawfiiq