Taariikhda Abwaan
Abshir Nuur Faarax

Abshir Bacadle

Decorative Lines

Abshir Nuur Bacadle oo loo yaqaano Abshir Bacadle waa abwaan Soomaaliyeed oo caan ka ah dhamaan cariga Soomaalidu degto. Abwaanka wuxuu ku dhashay degmada Mustaxiil ee kililka shanaad ee Soomaali Galbeed sanadku markuu ahaa 1946.

Waa nin si aad ah ugu gabya diinta islaamka taasna waa tan aan ku jeclaaday runtii anoo yar oo aan qaan gaadhin oo aan si fiican u garaneeynin af soomaaliga ayaan dhageeysan jiray abshir bacadle gabayadiisa run ahaantii marka aad dhagaysanaysid gabayada abshir bacadle waxaad daremaysa qiiro iyo xaqqiqda diintu waxa ay tahay iyo soomaalidu ama caalamka kaleba say diinta uhaystaan waxa uu taabanayaa gabyaa bacadle meelo fogfog uusan fahmi karin qof udhuuxgala maahee qof kale.

Gabayada ugu khatarsan abshir bacadle gabayadiisa waxaa kamida gabeyga tawxiid, dibuheshisin, ceeryaamo, gabayga uu utiriyay guuleed fansalakh ,gabeyga uu ku amaanaayo gabdhaha muxajabaadka iyo gabayo badan uu dhawaan utiriyay midowga maxaakimta islaamiga.

Caqiidada Diinta Islaamka

Abshir bacadle waa nin aad iyo aad qiima uga leh umada soomaliyed waayo waa nin muujiya asalka ama diinta soomalidu haysato kuna faanto gabayadiisa had iyo jeer waxa uu ku muujiya macanka ay leedahaya caqiidadu ama diinteena islaam iyo ciilka ay nooqabaan gaaladu khaasatan Itoopiya oo ah cadawga koowaad ee Soomaliya.

Waa nin gabayadiisa kaga warama cadaawadii soo dhexmartay soomalida iyo itoopianka waxa uuna aad utaabtaa maalinta qiyaami iyo aakhiro iyo inuu tusiyo umada somaliyeed in ilaah sokadiis aysan cid kale tari karin. Abshir Nuur Farax waxa jirtay gabay uu umariyay gabdhaha muxajabaadka ah markii ay dawladii shuuciga ahayd ay qaqabatay gabdhaha xijaaban oo ay dheheen waa dhilooyin waxana arinta horkacay wasiirkii diinta iyo awqaafta lana oran jiray Guuled loona bixi ugu danbayntii [guuleed fansalakh] asaga oo lagu shabahayo ninkii reer Banii Israail ilaah cilmiga siiyay hadana caasiyay.

Abshir bacadle markii uu arkay dawladu falkay kula kacday gabdhihii muxajabaadka ahaa beenisayna aayadii ilaahay ee xijaabka amraysay waxa uu ahaa dadkii aadka uga carooday falkaa, gabayna ayuu mariyay.

Gabaygii dawladu abshir bacadle waxa ay damacday inay ku xirto laakiin Abshir waa uu fakaday waxa uuna aaday xagaas iyo sucuudiga.

Laakiin dawladii sucuudiga ayaa Abshir soo tarxiishay kuna soo celisay somaliya markaas ayuu hadana dawlada sucuudiga gabay kale utiriyay.

Waxa lagu Xusuusto Abwaan Abshir

Waxaa ka mid ahaa oo lagu xasuustaa Abshir nuur farax gabayguu u tiriyey somaliland ka dib markii ay fara xumeeyeen Zam zam axmed ducaale kaas oo uu ku jeex jeexay waxayihiin somaliland.Abshir bacadle waa ftahan mawqaf cadna ka joogsada diinta mana aha da.

Geeridiisa

Innaa lillahi wa innaa Ileyhi Raajicuun

Alle ha u naxariistee wuxuu geeriyooday 10-kii October 2010.

Waxaa u ahaa nin wadani ah qaybtaan waxaa raaciyay (Maxamed Cabdulaahi Cali Wardheere) abwaan abshir bacadde oo ay isku dhawaayeen beel ahaan ganeraal Maxamed Faarax Caydiid, Cabdulaahi Ciise Maxamuud, Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, Cabdulaahi Axmed Cadow, Cusmaan Caato iyo shaqsiyaad kale oo somaliya magac ku leh ayaa si weyn loogu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay dagaalkii bilawgii sagaashameeyadii lala galay ciidamadii ku soo duulay Somaliya ee uu hogaaminayay Marykanku ee loo yaqaano (UNSOM).

Wuxuuna maalin kasta soo ban dhigi jiray gabayo uu ku dhiirigalinayaa mujaahidiintii uu horkacayay Allaha u naxariistee general Caydiid waxana kasoo qaadan karaa oraah kamid ahayd gabay uu tiriyay mar ay gaaladu duqeeyeen Hotel Daameey oo ay shir ku lahaayeen masuuliyiintii mujaahidiinta halkaas oo ay ku shahiideen in kabadan 69 xubnood oo dhamaantood ahaa caqligii somalidii markaa diidanayd wadanka in ajanabi soo galo waxaana arintaa ku farxay somali dabadhilif u ahayd gaalada abwanku asaga oo dhiirigalinaya dhalinyaradii mujaahidiinta ahayd waxa uu yiri ( GUN IYO GAALABA WAA FARXEEN GOBI SE GEERI WAATAQAAN ) alaha u naxariisto abwaanka.

Xigasho: Wikipedia

Geerida Abwaan Abshir Bacadle

Abwaan Abshir Bacadle

Allaha u naxaristee waxa magaalada Muqdishu lagu aasay Abwaan Abshir Nuur Faarax Weheliye oo ku magac-dheeraa Abshir-bacadle. Waxa uu caan ku ahaa suugaanta gabayada iyo shiribka. Waxa kale oo uu gacan ka geysan jirey hawlaha samafalka.

Abwaan Abshir-Bacadle, waxa la sheegay in uu dhashay sanaddii 1949, waxanu ku dhashay degaannada u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Hobyo. Laakiin waxa uu ku barbabaaray degaanka Mustaxiil oo hooyadii ula qaxday, ka dib markii aabbihii lagu diley dagaalloo sokeeye.

Abshir-Bacadle waxa ka dib uu u soo guurey Beledweyn iyo Xamar oo uu aakhirki degey, waxanu caan ku ahaa ganacsiga yaryar ee bacadlaha. Laakiin waxa uu noloshiisa intii danbe uu aad ugu caan baxay dhinaca suugaanta oo u badan gabayo iyo Shirib. Waxa lagu tilmaamaa nin suugaanta u adeegsan jirey wacyi gelin, diin, maad, iyo bulshannimo intaba. Gabayada noocan ah ee caan baxay waxa ka mid ahaa gabayga la yidhaa ‘QAADOW ADIGAA LEH’.

Waxa haatan la wadaa laba jus oo laga samaynayo suugaantii Abshir-Bacadle oo la ururiyey, midna la dhammaystiray. Waxa kale oo abshir bacadle uu caan ku ahaa sanadahan danbe dhinaca samafallada iyo taakulaynta dadweynihii ku waxeelloobay dagaallada sokeeye iyo kuwii barbaxay.

Allaha u naxariistee Abshir Bacadle, waxa la sheegay, in dadka uu ifka kaga tegey ay gaadhayaan ilaa dhawr iyo soddon qof oo shan bahood kala ahaa, haatanna ku kala sugan meelo kala geddisan.

Qaar Ka Mid ah Gabayada uu Tiriyay

QAYILOO CUN REERKANA QADI…QAADOW ADIGAA LEH.

Waan idin salaamay dhamaan walaalahayga halkan fikradaha isku waydaarsanaysa gaar ahaan kuwa soo diyaariyay barnaamijkan. Salaan kadib walaalayaal hadaan ka dhiibto ra’yigayga halkan kaasoo ku wajahan qaadka. Walaalayaal waxaan qabaa in uu qaadku yahay daroogo taasoo aan banaaneyn waxaana soo gudbinayaa gabay uu tiriyay Abwaan Abshir Nuur Faarax (ABSHIR BACADLE) Ciwaanka Gabaygu waa:

QAYILOO CUN REERKANA QADI…QAADOW ADIGAA LEH.

(Qaadka ha u Aqoonsato Ummadda Soomaaliyeed Daroogada Cagaaran…)

1-Boqolaal qorshoo wada qabyaa …. Qaadow adigaa leh.
2-Qoryo raamso quudkana yaree… Qaadow adigaa leh.
3-Qayiloo cun reerkana qadi ….. Qaadow adigaa leh.
4-Qasad dhaar ah qowl aan la fulin. Qaadow adigaa leh.
5-Faqiir qani is moodoo qayila… Qaadow adigaa leh.
6-Qaflad aan dareenkeed la qabin…. Qaadow adigaa leh.
7-Qurbaha joog adoon hawl ka qaban… Qaadow adigaa leh.
8-Kabr qolofa & qurun agyaal… Qaadow adigaa leh.
9-Qaan gaaro qeyrkood ka haray…. qaadow adigaa leh.
10-Is qandiiri kana qoomamee… Qaadow adigaa leh.
11-Qaamuuska cay waxa ku qoran…. Qaadow adigaa leh.
12-Qayb amaaho adigoon qadeyn…. Qaadow adigaa leh.
13-Xubna qaadi waa sida qof qalan…. Qaadow adigaa leh.
14-Qandiga fuqurka &quus rageed… Qaadow adigaa leh.
15-Inoo qaybi aan lagu qanceyn…. Qaadow adigaa leh.
16-Adaa qaatay qeybtii badneyd…. Qaadow adigaa leh.
17-Iska qari qofbaa kugu qabsane… Qaadow adigaa leh.
18-Af qashuush ahoon cadeygu qaban… Qaadow adigaa leh.
19-Il qaloocda daankoo qombora…. qaadow adigaa leh.
20-Qashin iyo qashaabiir qurmoon… Qaadow adigaa leh.
21-Qamra cagaaran qiil lagu xalilo…. Qaadow adigaa leh.
22-Qandaraaska qababaal xumada…. Qaadow adigaa leh.
23-Qarnigaan qasaaraha u daran…. Qaadow adigaa leh.

Walaalayaal waan dhamystirayaaye iga raali ahaada

Qore: Cabdirisaaq Ahmed Mahamed