Fadliga Soomka
Maalinta Cashuura
فضل صيام يوم عاشورا

Decorative Lines

بسم الله الرحمن الرحيمم

”Maalinta CASHUURA waxay ku beegan tahay maalinta Jimcaha 23, Oktoobar 2015. oo ah maalinta tobanaad bisha MUXARRAM ee sannadka 1437 taariikh ahaan.”

Walalayaal waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa, kalmado kooban oo ku saabsan FADLIGA SOONKA MAALINTA TOBONAAD EE BISHA AL-MUHARRAM oo ah bisha koowaad ee sanadka HIJRIGA oo aan hadda kujirno.

Bisha Al-muharram waa bil barakaysan oo ku wayn Allaah agtiisa, waxeyna ka midtahay afarta bilood ee loo yaqaan {الأشهر الحُرُم} bilaha xurmada leh.

Sida Quraanka ku xusan Nabigana “صلى الله عليه وسلم” uu ku sheegay sunnada.

Afarta bilood ee xurmada leh waxay kala yihiin:

  1. Muxarram
  2. Dhul Qacdah
  3. Dhul Xijjah
  4. Rajab

FADLIGA SOONKA BISHA Al-MUHARRAM

Guud ahaan waxaa kusoo arooray sunnada nabiga in ay fadli leedahay soonka sunnada ah oo lasoomo bishaan barakaysan ee Al-MUHARRAM sida kuxusan xadiiska ah:

أفْضَلُ الصِّيَامِ بَعْدَ رَمَضَانَ شَهْرُ الله الْمُحَرَّمُ 

{رواه مسلم}

Oo uu macnihiisu yahay:

‘’Soon kan ugu fadliga badan soonka ramamdaan kadib waa soonka bisha Al-muharram…” [Muslim ayaa soo saaray]

Haddaba ayada oo fadligaas leh ayaa hadana waxaa ku dhexjirta maalin lagu magacaabo CAASHUURAA. MAALINTA CAASHUURAA:

Waa maalinta 10aad (tobonaad) ee bisha Al-muharram

Munaasabadda Soonkeeda

Waa maalintii uu Allaah ka badbaadiyay NABI MUSSE عليه السلام iyo qoomkiisa shartii Fircoon, marka shukri alaah dartiis ayaan usoomayna malintaasna waxay ahayd maalinta 10aad ee bisha Al-muharaam.

Fadliga Cashuura

عن أبي قتادة رضي الله عنه قال

سُئل النبي صلى الله عليه وسلم عن صيام يوم عاشوراء
فقال: إني أحتسب على الله أن يكفر السنة التي قبله.  رواه مسلم

Nabiga صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ  mar lawaydiiyay soonka maalinta 10aad ee Al-Muharram waxa uu ku jawabay:

”Waxaan Allaah kaga ajar dalbayaa inuu ii dambi dhaafo sanadkii ka horeeyay.’’

 

Dunuubta la isku dhaafayo waa kuwa yar-yar (al-siqaar) qofkii uu ka dhacay dambi wayn oo (kabiira) waxaa looga baahanyahay inuu Allaah tawbad (dambi dhaaf) dhab ah ula yimaado inta uu haysto fursada oo aysan kadin geeridu!!..

Allaah hanoo dambi dhaafo amiin..

MARTABADAHA SOONKA CAASHURA:

  • Sida ugu Dhameystiran: Waa in lasoomo maalin ka hor ama maalin kadib caashuuraa, oo ah soonka maalinta 9aad iyo 10aad iyo 11aad.
  • Sida ku xigta: Soonka 9aad iyo 10aad.
  • Sida ugu hooseysa: Soonka 10aad oo kaliya.

FAA’IIDOOYIN KOOBAN:

1. Waxaa fiican oo mustaxab ah in loosoomo soonka maalinta  caashuura,kudayasho lagu dayanano NABIGA “صلى الله عليه وسلم”

2. Maalintaan waxaa soomay NABIGA (scw) iyo saxaabadiisa waxaa kaloo hortood soomay NABI MUUSE.

3. Waa maalin fadli wayn leh.

4. Waxaa fiican in maalinta caashuura maalin kahor ama kadib laasoomo, khilaaf la khilaafayo YUHUUDA, oo ayagana maalintaan soomi jirtay.

5. Intaan ayaa kusoo aroortay fadliga maalinta”CASHURA”, wax kale oo fadli ah ama camal kale oo lasameeyaa kuma sugnaan SUNNADA NABIGA (SCW).

Marka waxaa reeban oo BIDCA AH waxa ay sameeyaan dadka loo yaqaan “RAAFIDAH” ama “SHIICA” oo ah is dil iyo is mindiyeen iyo wixii la mid ah, waxaasna ma aha wax diinta ku banaan ama uu ALLAH iyo RASUULKIISU na amreen, qofka muslimka ahna waxaa la gudboon inuu ka dhawrtoonaado wax walba oo khilaafsan diinta Allaah uu kusoo dajiyay NABI MUHAMMAD (SCW), ayna tahay inuu raacdo jidkuu uu NABIGA (SCW) ujideeyay ummaddiisa ahna jidkii ay raaceen saxaabada iyo salafkii suubanaa Allaah haka raali noqdee dhamaantood.

6-Maalintaana waa fadli Allah uu nagu manaystay inuu nooga dhigay soon maalin qura dambi dhaaf sanad oo dhan, qof walowba waxaa ku deg-degtaa ka faa’iidaysiga maalintaan, kuna bilow sanadkaaga cusub (1433 HIJRIGA) daacada Allah iyo ku tartanka khayraadka. Allah hanaga dhigo kuwii laga aqbalo camalkooda kiisa wanaagsan.. aamiin aamiin aammiin.

Wabillaahi Tawfiif Wassamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.

ALLE (SWT) SAREEYE KELIGIIS BAY MAHAD DHAMAANTEED U SUGNAATAY

Waxaa Diyaariyey:
Mustafe Aadan Gale .
Contact Us: dhanbaalnews@yahoo,com

Maxaad uga faa’iidaysan weydey maalmahan “gaarka” ah ee uu kuugu deeqay Allaha weyni? Maxaa loo soomayaa maalmahan?

Abu Qataada (rc) wuxuu yidhi: Nabiga (صلى الله عليه وسلم) ayaa la weydiiyey soonka maalinta Caashuuraa suu yeen: {waxaa lagu dhaafaa [denbigii] sannadkii tagey} Muslim ayaa wariyey.

  • Taasuucaa waxay ku beegantahay Khamiis: Oktoober 22, 2015
  • Caashuuraa waxay ku beegantahay Jimco: Oktoober 23, 2015

Maalinta Caashuuraa ee uu Rasuulku (s.c.w) fadligeeda ku sheegay xadiiska kor ku qoran iyo axaadiis kale oo badani waa maalinta tobnaad ee bisha Ilaahay ee Muxarram. Waxaa sunne ah in la soomo iyada iyo maalinta ka horraysa ee taasuucaa’.

Waa maalin fadli badan ummadaha oo dhanna ay weyneeyaan. Waa maalintii uu Ilaahay badbaadiyey Nabi Muuse (c.s.) isla markaana uu halaagey Fircoonkii Ilaahnimada sheegtay.

Markii uu Rasuulku (sc.w.) usoo haajirey magaalada Madiina wuxuu la kulmay Yuhuuddii halkaas deggenaa oo soomaya, markii la weydiiyeyna waxay sheegeen in ay maalintani tahay maalintii uu Rabbi (s.w.) halaagey Fircoon oo uu badbaadiyey Nabi Muuse (c.s.). Markaas ayuu Rasuulku wuxuu sheegay in aynu innagu Nabi Muuse (c.s.) ka mudannahay ama ka xigno Yuhuudda, sidaas darteedna ay tahay in aynu soonno.

Maadaama oo Nabigu (s.c.) uu jideeyey in la khilaafo dadka Ahlu Kitaabka ah ayay saxaabadu rasuulka war kusoo celiyeen oo waxay yidhaaheen: Maalintan aad noo jideysey in aan soonno waxaa iyana nala sooma Yuhuudda! Ee maxaannu yeelnaa? Wuxuu Rasuulku (s.c.w) markaas sheegay in la soomo hal maalin oo Caashuura ka horreysa iyo maalin ka danbaysa. Sidaas darteed wuxuu Rasuulku (s.c.w) inoo sharciyeeyey in aynu soonno maalinta 9-aad, 10-aad iyo 11-aad. Taas waxaa loo sameeyey si aynu u khilaafno Yuhuudda, maalintana uga faa’iidaysanno.

Ibnu Qayyim (A.n) wuxuu sheegay in soomidda Caashuuraa ay leedahay saddex darajo oo kala ah:

  1. In la soomo saddexdaas maalmood ee aynu soo sheegnay, waana tan ugu fiican.
  2. In la soomo maalinta 9-aad iyo 10-aad, waana tan fadli ahaan ku xigta.
  3. Iyo in la soomo maalinta Caashuuraa oo kaliya.

Haddaba qofkii aanay u suura gelin inuu soomo maalinta 9-aad wuxuu maalinta 10-aad ku dari karaa maalinta 11-aad.

Guud ahaan soonka Caashuuraa waa sunne fadli dheeraada leh ee ma ahan waajib inkastoo uu waajib ahaanjirey intii aan Ramadaanka la soo rogin.

Ilaahay waxaan ka tuugaynaa inuu na waafajiyo nagana aqbalo soonka Caashuuraa iyo acmaasha saalixa ah oo idil.

Wallaahu Aclam

Cabdisamad Xoday
Email: Hoday30@aol.com

Caashuuraa Waa
Maalin Fadli Badan

السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

BISMILLAH2

Walaalayaal marka hore Ilaahay baa mahad dhamaanteed usugnaatay subxaanahu watacaalaa, Nabi Maxamedna nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato.

Walaal waxaan idiin rajaynayaa sanadkaan cusub oo inoo dhashay inuu ilaahay nawaafajiyo khayr dhamaantiin waxaan ku jiraa Muxaram[sako]oo u horaysa taariikhda bilaha hijriyada ama taariikhda bilaha isalaamka 1428.

Walaalayaal waxaa nagala doonayaa inaan isxisaabino intaan nala xisaabin oo sanadkan cusub aan nafteena waydiino sanadkii hore maqasaarnay mise waa faa’iidnay,sida ay u xisaabtamaan ganacsatada ama ay xisaab xir u sameeyaan sanad walba dhamaadkiisa ayna uga leexdaan waxaan faa’iido ugu jirin ama ay ku khasaareen sanadkii hore.

Walaal ilaahay dhaafidiisa iyo naxariistiisa ayaa ka wayn danbi kasta oo lagalo, ilaahayna waa mid aad u dulqaad badan jecelna adoonkiisa toobad keenka ah, hadaba walaal sanadkaan cusub furo bog cusub oo aad ilaahay ugu dhawaanayso kuna tirtiraso waxii kaa dhacay ee gaf ah.

Waxaan hadda kujirnaa bishii 1aad ee Sannadka Hijrada, maalmaha 9ka & 10ka Muxaram waxay ku beegan yihiin Jan 18 & 19, marka ka faa iidayso oo soon labada maalmood fursadaas qaaliga ah.

Intaa kadib walaalayaal inagoo kaduulayna ilaahay qur’aan kiisa sw uu ku yiri [isu kaal maysta wanaaga iyo cabsida alle] iyo hadiiskii Nabiga scw oo ahaa [qofkii qof khayr tusa waxuu leeyahay ajarka kan khayrka uu tusay oo kale labadoodna waxba lagama yaraynayo] iyo hadiiskii kale oo Nabigu kulahaa scw [qofkiina iimaan dhaba malahan ilaa uu walaalkiis lajeclaado waxa uu naftiisa lajecelyahay] axaadiistaasna waa saxiix.

Walaalayaal anigoo ka shidaal qaadaanaya nasuustaas sharafta badan ayaa waxaan is tusay inaan idiin soo gudbiyo xoogaa baraarujin ah oo ku saabsan bishaan aan ku jiro.

Fadliga Bisha Muxaram

Walaalayaal bishaan aan kujiro ee Muxaram [Sako] waa bilwayn oo barakaysan kuna jirta afarta bilood oo xurmada leh sida ilaahay ku sheegay kitaabkiisa sharafta bada [bilaha tiradooda ilaahay agtiisa waa labo iyo tobon ilaaahay kitaabkiisa dhexdiisa saas bay ku tahay ilaa maalintii la abuuray cirarka iyo dhulka waxaa kamid ah afar xurmo leh taas waa diintii toosnayd hadulminina bilahaas dhexdooda naftiina].

Waxuu leeyahay C/laahi Ibnu Cabaas ilaahay ha karali noqdee oo fasiraya aayadaas siiba [hadulmina naftiina] bilohoo dhan ha isdulmina hadana waxaa gooni ilaahay u xusay afarta bilood oo sharata leh danbiga lagalaana waa ka wayn yahay kanlagalo bilaha kale wanaaga la sameeyaana waa ka ajar wayn yahay kan bilaha kale lasameeyo.

Walaalayaal waxaa kaloo Nabigu scw noo sheegay xadiis uu kawarinayo Abuu bakar ilaahay ha ka rali noqdee [sanadku waa 12 bilood waxaa kamid ah afar xurmo leh sadex waa isku xigtaa Sidataal, Arafo, Sako iyo rajab oo u dhaxaysa Jamaad iyo Shacbaan] xadiiskuna waa Bukhaari.

Xukunka bishaan soonkeeda

Walaalayaal bishaan soon keedu waa sune majiro soon wajib ah oo aan ahayn bisha Ramadaan markii hore Nabigu scw waa ku adkeeyey saxaabada laakiin markii lawaajibiyey Ramadaan ayuu yiri Nabigu scw [Qofkii doonana ha soomo kii doonana ha iska daayo] rawaahu bukhaari laakin waxaa ku jira ajar wayn oo aan la iska dayn Karin sida aan arki doonaba taariikhdeedana wax baan ka sheegaynaa insha alaah.

Ajarka in soonka labadiyo bishaan Muxaram

Waxuu Abuu Hurayra ka wariyey Nabiga scw inuu yiri [waxaa soon ugu ajarbadan Ramadaan kadib bisha ilaahay ee Muxaram] rawaahu muslim.

Walaalayaal sidaan ujeedno bishaan ilaahay baa isu tiiriyey isu tiirintuna waxay keentaa waynayn waayo bilaha oo dhan ilaahay baa leh hadana tan Nabigu scw waxuu leeyahay [bisha ilaahay ee muxaram] marka waa wayneen xag ilaahay laga waynaynayo anagana waxay naga mudantahay waynayn iyo soo dhowayn.

Taariikhada Maalinta
Tobnaad ee Caashuraa

Ibnu Cabaas waxuu yiri: Ilaahay ha karaali noqdee [Nabiga scw ayaa Madiina soo galay markaasbuu arkay Yahuuda oo soo maysa maalinta tobnaad”markaas buu yiri maxaad u soomaysaan?

Markaas ayey yiraahdeen waa maalintii Saalix, waana maalintii reer baniiIsraa’iil ilaahay ka badbaadiyey cadowgoodii waxaana soomay Nabi Muuse cs, markaas buu yiri Nabigu scw [anaa Muuse idinka xaq leh] waana soomay waana amray in lasoomo] rawaahu Bukhaari.

Hadiis kale oo Muslim warinayo waxuu yiri Nabigu scw[tani wa maalin wayn ilaahay waxuu badbaadiyey Nabi Muuse cs waxuuna halaagay Fircoon iyo qoomkiisii saas baa Nabi Muuse usoomay isagoo ilaahay mahadinaya saas baan u soonay]

Walaalayaal soonka maalinta tobanaad waxuu ahaa mid macruuf ah carab dhexdeeda intaan la soo saarin Nabiga scw Caa’isha waxaa lagawariyey ilaahay ha ka raali noqdee xiligii jaahiliyada waa soomijireen “waa islaamika ka hor” waxuu yiri Imaamu Qurdubi waxaa dhicikarta in quraysh ka soo gaareen shariyadii hore sida Nabi Ibraahiim cs .

Waxaa kaloo sugan in Nabigu scw uu soomi jiray intuusan u hijroon Madiina markuu Madiina tagay ayuu waxuu arkay yahuud oo dabaal dagaysa markaas buu waydiiyey sababta waxayna sheegeen xadiis kaan kor ku soomaray kadibana waxuu yiri Nabigu scw hadiis abuu Muusaa kawariyey ilaahay ha ka raali noqdee [maalinta tobnaad waxay noqotay mid yahuud ciid ka dhigtaan- riwaayo kale-maalinta tobnaad waxaynoqotay mid yahuud waynayso oo ciid kadhigtaan dumarkoodana ay u labisaan dahabkooda ayna qurxiyaan, waxuu yiri Nabigu scw [idinku sooma]rawaahu bukhaari.

Walaalayaal saan arkayno maalintaa waa maalin cidkasta iyo marwalba la waynayn jiray sida aan arkayno marka inagaa kamudan cid walba sida uu noo sheegay Nabigeenu scw waxaa iyana haboon inaan yahuud nacalad ha ku dhacdee raacin oo aynaan ku waynayn maalinkaan isaga ah soon waxaan ahayn sidaan ka arkayno nasuusta waayo ciid ma’ahan, xafladna looma baahna waa soon oo kaliya cibaadana waxaa ugu saxsan ale agtiiga tii Nabigiisu jideeyey iyadaana ugu fadli badan hadii kale bidco ayey noqonaysaa waana lagu naar tagaa bidcada ee aan ku kaaftoono nabigeenu waxuu noo jideeyey camalkoo dhan.

Fadliga Maalinta Tobnaad

Ibnu Cabaas waxaa laga wariyey ilaahay ha karaali noqdee [ma’arag Nabiga scw oo ku dadaalaya maalin soonkeed kafadli badan maalintaan tobnaad] rawaahu bukhaari.

Waxuu yiri Nabigu scw [maalinta tobnaad soonkeeda anigu waxaan xisaabsanayaa ilaahay agtiisa inuu iigu dhaafo-danbigayga- sanadii ka horaysay ee lasoo dhaafay].

Walaal taasi waa ilaaahay fadligiis uu korkeena ku manaystay halmaalin soon keed oo laguugu dhaafi halsano oo dhan alaahu akbar.

Sunanimada in la isla sooma maalinta sagaalaad iyo maalinta tobnaad ee bishaan

Waxaa laga wariyey C/laahi Ibnu Cabaas ilaahay ha ka raali noqdee [markii uu sooomay Nabigu scw maalinta tobnaad oo uu amray soonkeeda- waxay yiraahdee saxaabadu rasuulkii ilaahay waa maalin ay waynayso yahuud iyo nasaaroba-waxuu yiri Nabigu scw [hadii lagaaro sanadka soo socda insha alaah waxaan soomi doonaa maalinta sagaalaad] C/laahi Ibnu cabaas waxuu yiri sanadkii Nabigu scw magaarin oo ilaahay baa oofsaday.

Waxaa kaloo wanaagsan in lasoomo maalin kahor ama kadib maalinta tobnaad sida uu wariyey imaamu Axmed waxuu yiri Nabigu scw [sooma maalin kahor ama maalin kadib] arintaas oo lagu khilaafayo cadowga ilaahay ee yahuud iyo nasaaro.

FADLIGA BISHA MUXARRAM IYO SOONKA MAALINTA CAASHUURAA
MA KU FARAX GALINEYSAA IN LAGUU DHAAFO DANBIGAADA SANNADKII TAGEY

Waxuu yiri Imaamu Shaafici iyo asxaabtiisii, Imaamu axmed, Isxaaq iyo kuwo kaleba waxaa suna ah soonka maalinta sagaalaad iyo tobnaadba maxaa yeelay Nabigu scw tobnaad wuu soomay sagaalaadna waa niyeystay, iyadoo halkaa laga qiyaas qaadanayo maalinta tobnaad waa dhowr maraatib waxaa ugu fadli hooseeya in kaligeed la soomo waxaana ugu fadlibadan in lasoo soomo sagaalaad iyo tobnaadba markastoo soonku bato bishaan dhexdeedana ka ajar badan kana sii wanaag badan.

Walaalayaal hadaan ogaanay waxaas oo khayr ah waxaan u dardaarmayaa naftayda iyo tiinba cabsida ilaahay iyo noolaynta sunda Nabigeeena scw iyo inaan ka faa iidaysano fursad badan oo aan manta haysano laakiin bari ilaahay garan sida xaal noqon waxaan ilaahay kabaryayaa inuu idinkana idinku anfoco anigana iigu kabo miisaanka xasanaadkayga maalinta lawada qaawanyahay iyo in ilaahay janadiisa nagu manaysto naarna naga bad baadiyo inagoo dhan.

Waxaa diyaariyay
Xasan Dhooye [abu xafso]
E-mail: dhooye@hotmail.com

Jadwalka Taariikhda Islaamka

Taariikhda sannadka Islaamku waxaa lagu tiriyaa bisha (ama dayaxa). Waxaana uu ka koobanyahay 12 bilood kuwaas oo bilwalba tiradeedu ay ku xirantahay dhalashada bisha. Badanaana sannadka islaamku wuxuu noqdaa 12 x 29.53=354.36 maalmood. Taas oo kadhigeysa sanndka Islaamka mid 11 maalmood katiroyar sannadka miiladiga ama taariikhda looyaqaan “Gregorian”.

Sannaadka Islaamka waxaa sal u ah Aayadda Quraanka ee suurada “Al-Tawbah” ee macneheedu yahay:

“Tirada bilaha Eebe waa Laba iyo Toban kitaabka Eebe dhexdiisa tan iyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana kamid ah afar xurmo (gaar) ah leh..” [Suurada Al-Towbah, 36].

BILAHA SANNADKA ISLAAMKA

1 Muxarram 7 Rajab
2 Safar 8 Shacbaan
3 Rabic al-Awwal 9 Ramadaan
4 Rabic al-Thani 10 Shawwaal
5 Jumada al-Awwal 11 Dhul Qacdah
6 Jumada al-Thani 12 Dhul Xijjah

Bilaha Islaamku waxay bilaabmaan marka bishu soo baxdo, taas oo ah in la arko bisha.

[Eeg bogga muujinaya khariida bisha].

Xisaab ahaan bilaha Islaamka waxaa lagu qiyaasaa in ay ku dhamaadaan 30 ama 29 maalmood. Sannadka Islaamka oo loo yaqaan Hijra waxa uu bilaabmay markii Nebi Muxammad (scw) uu ka haajirey Maka oo u haajirey Madiina, taas oo ku beegnayd sannadkii 622 ee miilaadiga, qiyaastii [16 July C.E. 622].

Ma rabtaa in aad tirada carabiga u bedeshid Roomaan, ama tirada Roomaanka u bedeshid Carabi, Guji halkan

Xigasho: SomaliTalk

Fadliga Soonka Maalinta Cashuuraa’ Fadlan Ka Faa’ideyso oo ufaa’idee Ehelkaaga Iyo Asxaabtaada. Walaal Ka Faa’iidayso khayrkan Caashuuraa’ waxay ku beegan tahay Jan 19, 2008 Aan ka faa’iidaysanno maalmaha khayrka badan ee Illaahay inoogu deeqay, Waxa kamid ah soonka maalinta Caashuuraa’.

Maxaa Loo Soomayaa Maalmahan?

Abu Qataada (rc) wuxuu yidhi:

Nabiga (SCW) ayaa la weydiiyey soonka maalinta Caashuuraa’ (maalinta 10aad ee bisha 10aad, Muxarram ee sannadka Hijriga ah) markaasuu yidhi: {waxaa lagu dhaafaa (denbigii) Sannadkii tagey}. Muslim ayaa wariyey.

Maalinta Caashuuraa’ ee uu Rasuulku (S.C.W) fadligeeda ku sheegay xadiiska kor ku qoran iyo axaadiis kale oo badani waa sunne ah in la soomo iyada iyo maalinta ka horraysa ee Taasuucaa’.

Waa maalin fadli badan ummadaha oo dhanna ay weyneeyaan. Waa maalintii uu Ilaahay badbaadiyey Nabi Muuse (c.s.) isla markaana uu halaagey Fircoonkii Ilaahnimada sheegtay.

Markii uu Rasuulku (S.C.W.) usoo haajirey Magaalada Madiina wuxuu la kulmay Yuhuuddii halkaas deggenayd oo soomaya, markii la weydiiyeyna waxay sheegeen in ay maalintani tahay maalintii uu Rabbi (s.w.) halaagey Fircoon ee uu badbaadiyey Nabi Muuse (c.s.). Markaas ayuu Rasuulku sheegay in aynu innagu Nabi Muuse (c.s.) ka mudannahay ama ka xigno Yuhuudda, sidaas darteedna ay tahay in aynu Soonno.

Guud ahaan Soonka Caashuuraa waa sunne fadli dheeraada leh ee ma aha Waajib. Ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu na waafajiyo innagana aqbalo soonka Caashuuraa’ iyo Acmaasha Saalixa ah oo idil.

XASUUSIN:

Fadlan Fartiintaan markaa Aragtid u gudbi Ehelkaaga iyo Saaxiibadaa, waayo markey Soomaan adigana Ajarkooda oo kale ayaad heleysaa.

Xigasho: ceegaag.com