Tafsiirka
Quraanka Kariimka

Suurada al-Baqarah

Qeybta | 1aad

Qoraal Af-Soomaali

Waxaa fasiray:
Sheekh Maxamed Cabdi Umul

Waxaa qoray: Abuu Kalthuma
Email: Abuu.Kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

Surat al-Baqarah

Qeybta | 1aad

{ سورة البقرة }

Suurada al-Baqarah {سورة البقرة‎} waxay sidataa macaga (Lo’da) waana suurada labaad ee ugu dheer quraanka kariimka. Waa suurad (Madani) ah, aayaadkeeduna inta badan ilaa iyo 281 waa madani kuwaasoo soo degay xiligii (Xajatul-Wadaac). Waxaa loo tix geliyaa inay tahay suurada ugu horeysay ee soo degata bilowgii hijradii Madiina oo laga soo hijrooday Makka.

Suurada waxay ka kooban tahay 286 aayadood siday isku waafaqsan yihiin madaahibta islaamka, waana suurada ugu dheer ee quraanka kariimka. Surada al-Baqarah magaceeda waxaa laga soo qaatay (Neefkii Lo’da) ahaa ee reer banii Israa’iil ay gooraceen waxaa ka hadlaayaan aayadaha laga bilaabo, aayada 66 ilaa aayada 72 ee suuradan al-Baqarah.

Intaa waxaa u dheer oo suurada al-Baqarah ku jirta aayadii fadliga badneyd (Aayat al-Kursi).

Al-Baqarah (Lo’da) – سورة البقرة

  • Meesh ay ku soo degatay: Medinah
  • Dhanka ay qur’aanka kaga jirto: Juz’ 1–3
  • Aayaadkeeda: 286
  • Furitaankeeda: (al-Muqattacaat) Alif Laam Miim

Xuquuqda qoraalkan

Qoraaladan ee Tafsiirka Quraanka Kariimka waxaan ka soo qornay cajaladaha tafsiirka ee Sheekh Maxamed Cabdi Umul, waxa aanu u qornay sida sheekha u fasiray waxna kama aan bedelin hadalkiisii, maadaam ay yare kala duban yihiin sida loo hadlo iyo sida wax loo qoro waxaan isku daynay oo keliya in meelaha qaar aan u qornay sida loo wada fahmi karo guud ahaan.

Xuquuqda qoraalka waa mid furan una fasaxan cidii dooneysaa in ay qeerka wax ka faafisa ama ka daabacata ama dooneysa inay website gelisa. Waxaa ka mamnuuc ah in la iibiyo oo laga mushtaraa. Marka waxii saxid u baahan ama talo ah waxaad inagu soo hagaajin kartaan cinwaanadaan hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

Email: Wajibad@gmail.com
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com

Assalamu Alaikum

Halkaan Ayuu ka Bilaabanaayaa 

Tafsiirka Suurada al-Baqarah
Ee Sheekh Maxamed Cabdi Umul
(Ilaahay Ha Xafido)

Suurat al-Baqarah waxaa magaceeda laga soo qaatay qisada reer banii Israa’iil ee neefka Lo’da ah aan kaga hadli doono ee suurada inagu imaan doonto. Halkaa meel bey qisadana ku soo aroortay sidaas daraadeed baa suurada macag looga dhigay.

Waa suura (Madaniya) sida leysku raacsan yahay, waxaa leysla ogol yahay inay madaniya tahay. Waxaa ku soo arooray fadligeeda axaadiis fara badan waxaan ku gaabsaneynaa xadiiska Imaam Muslim uu soo saaray waa xadiiskii (Abii Hureyrah).

Wuxuu Nabiga yiri (صل الله عليه وسلم):

‘’Guriga lagu aqriyo (Suurat al-Baqarah) dhexdiisa sheydaanku ma galo.’’  

Suurada al-Baqarah aqriya buu yiri Nabigu (صل الله عليه وسلم) maxaa yeelay waa barako, ka tegitaankeeduna waa qoomamo, dadka wahsadana maba kari karaan, dadka wahsiga lagu ibtileeyayana maba karikaraan suurada al-baqarah.

Marka waxaa ku soo arooray axaadiis badan baa ku soo aroortay fadliga ay leedahay iyada iyo suurada ‘Aali-Cimraan qaar baa ku soo arooray. Marka waa fara badan yihiin axaadiista ku soo arooray fadligeeda intaa aan kaga gaabsano.

bismillah

01

{الم} Ilaahay baa macnaheeda garanaayo danta uu ka leeyahay. In sidaa leys kaga gaabsado ayaa fiican.

Xuruufta noocaan oo kale (Muqattaca) ayaa la yiraahdaa waa xuruuf goo go’an (Alif) iyo (Laam) iyo (Miim) oo macnaha sidaas oo kale ah, xuruufta noocaan oo kale waxaa lagu bilaabay ilaa iyo 29 suuradood oo quraanka ka mid ah.

Tafsiirkoodana iyo macnaha ay leeyihiina si rasmi ahna looma garanaayo, maxaa yeelay sheyga macnahiisa waxaa lagu garan karaa ama in uu quraanka fasiro ama axaadiista Nabiga (صل الله عليه وسلم) ay fasirto, ama luqadii carabta ee quraanka ku soo degay in la isticmaali jiray oo laga garto, intaa midna hadii laga waayo, dee see loo ogaan karaa marka.

{الم} Kalimo ay carabta isticmaali jirtay ma ahan, quraana ma fasirin xadiis Nabina ma fasirin, sidaas daraadeed waxaa xoog badan in laga gaabsado oo la yiraahdo (Ilaahay baa macnaheeda garanaayo) in saa lagu gaabsado ayaa fiican.

Laakiin culimadu markey baaris ku sameeyeen,ooy dabagal ku sameeyeen meelaha ay qur’aanka kaga soo aroortay waxay kala baxeenoo ka fahmeen in xuruufta loo keeno (Qur’aanku inuu mucjis yahay) oo isga oo kale inuu khalqigu la imaan kareyn baa loo keenay meesha, oo macnaha waxaa la leeyahay Carab baa lagula hadlaayoo quraanku wuxuu iska saaran yahay xuruuftaan aad ku hadashaan (Alif) iyo (Laam) iyo (Miim) xuruuftaan ayuu ka kooban yahay, waana kuwii aad ku hadli jirteen, idinkaana luqadii carabta yaqaano (Fusaaxadeeda iyo Balaaqadeeda) ragii ku caan baxay baa idinku jiro.

Bal hadii uu (Muxammad) jeebkiisa kala yimid isga oo kale la imaada.

Saasaa loogu bilaabanaaya, saas daraadeed bey waxay leeyihiin markii la sheego xuruuftaan goo go’an oo suurada lagu bilaabo ayaa waxaa laga dambeysiinaya mar walbaba quraanka ayaa la sheegayaa, quraankaa laga waramayaa macnaha, inta badan hadaan marlaa la  dawa dhigin xoogaa ka dib baa qur’aanka laga hadi doonaa macnah. Marka intaa inaan iskaga gaabsano ayaa haboon maxaa yeelay Ilaahay (سبحانه وتعلي) baa cilmigeeda garanaayo.

002

{ذَلِكَ} Kani {الْكِتَابُ} kitaabka ah (quraanka ayaa laga wada) {لاَ رَيْبَ} wax shaki ah {فِيهِ} dhexdiisa ma ahaanin {هُدًى} (dhexdiisa waxaa ahaaday) hanuun {لِّلْمُتَّقِينَ} ayaa Mutaqiinta dhexdooda u ahaaday.

{الْكِتَابُ} Kitaabka qur’aanka ah ayaa laga wadaa sida saxiixa ah, kitaabkan wax shaki ah kuma jiro. Qaar badan ayaa shakisan oo waxaan ugu tagi doonaa.

{وَإِن كُنتُمْ فِي رَيْبٍ مِّمَّا نَزَّلْنَا عَلَى عَبْدِنَا فَأْتُواْ بِسُورَةٍ مِّن مِّثْلِهِ}

{Surat: al-Baqarah, 23}

Marka kuwa badan baa ka shakisan, shaki maleh maxaa loo leeyahay, shakigooda kuwaa ay shakisan yihiin wax ka soo qaad maleh, maxaa yeelay sheyguna haduu iska cad yahay oo banaanka iska yaalo, ninkii ka shakiyaa shakigiisa waxba ka soo qaad maayo, sidii waxaan jirin oo kale ayuu ka dhigan yahay. Qoraxdan banaanka taal oo joogta ninkii yiraahdo maba jirto, inay soo baxday baan ka shakisanahay, shikigiisaa wax ka soo qaad miyuu leehay?

Wax ka soo qaad maleh, marka kuwa ka shakisani shakigoodaa meel malaha.

{ذَلِكَ الْكِتَابُ} kitaabkaasi ishaaradaa fog ee la tilmaamayaa siday mufasiriinta (Salaf) u badan yihiin waxa weeyaan (yacni {ذَلِكَ} macnaheeda (Kani) weeye maxaa yeelay (Asmaa’ul ishaara) magacyada ishaarada loo isticmaalo wey kala (Naa’ib) noqotaa sidaas in lagaga baxo ayaa fiican.

{ذَلِكَ} Kani {الْكِتَابُ} kitaabka ah {لاَ رَيْبَ} wax shaki ah {فِيهِ} dhexdiisa ma ahaanin {هُدًى} (dhexdiisa waxaa ahaaday) hanuun {لِّلْمُتَّقِينَ} ayaa hanuun baa ku jiroo kuwa Mutaqiinta iyo dadka Alle ka cabsado oo cadaab Ilaahay iska dhowra kuwaasaa hanuun ugu jira.

Hanuunkiisii maxaa ayaga oo keliya loogu gooni yeelay? Waxaa loogu gooni yeelay maxaa yeelay iyaga ayaa ka faa’ideysanaaya. Hadii la wada ooman yahay, biyo dad oon bixiyana halkaa yaalaan, biyahaasi ninkii u tagoo ka cabo uun baa ku oon bixi sooma ahan?

Laakiin ninkaan u dhaqaaqin miyuu ku oon baxaayaa? Isaga u dhaqaanin la’aantiisa uusan u dhaqaaqin ma diideyso inay biyahii oon ka bixiyaan.

Sidaas daraadeeda waa hanuun khalqigoo dhan buu hanuun u yahay laakiin inta raadsata oo mutaqiinka oo Alle ka cabsata uun buu hanuun u yahay sidaas weeye macnaha.

Sida aayado kale ee Ilaahay qur’aanka ku cadeeyay yacni inuu qur’aanka caafimaad iyo hanuun u yahay mu’miniinta gaaladana uu khasaaro u yahay.

{وَنُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْءانِ مَا هُوَ شِفَاء وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ وَلاَ يَزِيدُ الظَّالِمِينَ إَلاَّ خَسَارًا}

{Surat: al-Israa, 82}

003

Intaa markii laga waramay, ayaa suurada waxay guda gashay qur’aanka sida loogu qeybsan yahay inay marka ka hadasho.

Seddex kooxood weeye dadku:

  1. Kooxi waa koox rumeysay kitaabka oo raacday oo wax uu ka hadlaayo qaadatay (Mu’miniin) baa la yiraahdaa magacooda. Seddex aayadood baa laga hadli doonaa arinkooda iyo tilmaamaha ay leeyihiin.
  2. Kooxda labaadna waa koox diiday, diidmadoodna cadeystay (Kaafiriin baa la yiraahdaa ayagana) laba aayadood baa iyagana lagaga hadli doonaa.
  3. Kooxda seddexaadi, waa qolyo (Munaafiqiin) la yiraahdo waa labeeb, kuwaana ma aha kuwaana ma aha, qalbigana gaal ayay ka yihiin carabka iyo xubnahana muslimiinta ayay ka shabahaan oo Salaadii wey dukanhayaan, Masaajidii waa ku jiraan, korka markaad ka aragto muslimiin bey u ek yihiin hoos iyo qalbi marka la gaarana gaalada ayay u shabahaan oo waa gaalo.

Marka kuwo noocaas oo labad u dhaxeeya waa qeybta seddexaad, seddex iyo toban aayadood baa iyaga lagaga haadli doonaa. Iyagaa marka lagu dheeraan labadaan kaleeto arinkood waa iska cad yahay si gaaban baa loo tilmaamayaa. Waxaa marka laga bilaabi kuwii iimaaka lahaa ee kitaabka rumeeyay raacay ee qaatay.

{الَّذِينَ} Kuwii weeye (Muttaqiintii) baa la sifeeynayaa {يُؤْمِنُونَ} rumeynayaa {بِالْغَيْبِ} waxa maqan bey rumeynayaa {وَيُقِيمُونَ} waxay toosinaayaan {الصَّلاةَ} Salaada {وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ} waxaan ku irsaaqnay qaarkiina {يُنفِقُونَ} wey bixinaayaa, wey nafaqeynayaan.

Seddex tilmaamood bey aayadaas bixisay, tan koowaad waxa weeye waxay rumeynayaan (Ghaybka) wixii maqan baa yiraahdaa, waxyaalaha jiro oo dhan baa laba qeyb u qeybsanta;

Ghayb oo wax kaa maqan ah ishaaduna ma aragto xubnahaaduna ma taaban karaan, mana taaban kartid mana aragtid (Ghayb) baa la yiraahdaa.

Wixii aad taaban karto ama aad aragtana (Shahaada) ayaa la yiraahdaa, shahaadad waxa dadka ka hor muuqda ama ay taabanayaan ama arkayaan rumeynta la rumeeya Gaal iyo Islaamba wey ka siman yihiin.

Derbiga aad taabaneyso kuma diidi midaan caqli lahayn mooyee, sheyga ku hor yaala marka qof walba wuu rumeyn. Laakiin ayagu mu’miniintu mida ay dheer yihiin waxa weeye, waxa maqan oo qarsoon bey rumeynayaan oo loo sheegay, shegitaan oo keliya bey ku rumeynayaan.

Ghaybkaasi muxuu yahay marka…? Waxa weeyaan.

  1. Alle {سبحانه وتعلي} waa ghayb maxaa yeelay nooma muuqdo mana aragno waa ghayb mana taaban karno mana arki karno.
  2. Malaa’iktu waa ghayb
  3. Kutubtii hore ee Ilaahay soo dejiyay waa ghayb, maxaa yeelay waa la inoo sheegay oo keliya maanan arag.
  4. Rusushii la soo diray waa ghayb inaga marka loo fiiro maxaa yeelay maanan arag oo waa la inoo sheegay.
  5. Ilaahay (سبحانه وتعلي) wuxuu qadaray ama qorsheeyay oo dhacay ama dhici doonaa waa ghayb maxaa yeelay mana aragno mana taabana karto.
  6. Waxyaabaha shareecada ka hadashay oo dib ka imaan doonaa waa ghayb.

Sida mathalan waxyaabaha uu Nabiga sheegay;

  • Qiyaamaha goortay imaaneyso
  • Inay imaaneyso
  • Dejaal baa imaanayaa
  • Daabatul ardhi baa imaaneysa
  • Ya’juuj wa Ma’juuj baa imaanaya
  • Nabi Ciise (عليه السلام) ayaa soo degi doona aakhiru zimaanka

Waxyaabah ay shareecadu ka warantay ee aan imaanin iyo wixii hore u tagay kuli wixii ka maqan oo (Cilmi ghayb) oo aan hor joogin bey rumeynayaan.

{يُؤْمِنُونَ بِالْغَيْبِ} Waa mab’da marka ay u noqoneyso, arkaanu iimaan oo dhan halkaas ayay u noqonhayaan iyo weliba wixii ka badan sidaas weeye macnaha.

Ghaybka ayay rumeynayaan, ghaybka ruuxaan rumeeynin mu’min ma aha, sifaadka loogu hore mariyay ghaybka ayay rumeynayaan weeye.

{وَيُقِيمُونَ الصَّلاةَ} Sifada labaad Salaadii bey toosinayaan, toosinta waxaa laga wadaa sidii Nabigaﷺ u jideeyay bey u dukanayaan, salad qaloocsan ma dukanhayaan sida loo toosinahayana axaadiista Nabigaﷺ ayaa loo aadayaa oo laga raadinahayaa.

{وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ} Waxa weeye waxaan siinay oo aan ku irsaaqnay qaar ka mid ah bey bixinhayaan, (Zakadii waajibka) ahay weeye ee xowlaha ka go’aysay, sadaqada caadiga ahna oo la bixiyo wey ka mid tahay.

Xuquuqda xoolahaaga lagu leeyahay ama qaraaba ku leedahay ama ay xaas ku leedahay, ama caruuri ku leedahay iyaduna wey soo galeysaa {وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ} intasoo dhan bey soo galeysaa.

  • Laakiin intee laga bixinayaa,
  • Goormaa la bixinayaa,
  • Shuruudee lagu bixinhayaa,

Faahfaahinteeda axaadiista Nabigaﷺ Ayaan u raadineynaa.

{الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِالْغَيْبِ} Kuwii weeyaan rumeynaaya (Ghaybka) Waxa qarsoon bey rumeynayaan, yacni waxa maqan ee laga qariyay ee aanay taaban kareynin oo aanay arkeynin ayay rumeynayaan.

{وَيُقِيمُونَ الصَّلاةَ} Waxay toosinayaan Salaada, wey dukanayaan lama dhihin, maxaa yeelay dukashada waxaa soo galeyso mid qaloocsan iyo mid quman, laakiin waxaa laga cabiray wey toosinayaan sidaas weeye sifaadka mu’miniinta.

{وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ} Waxaan ku irsaaqnay qaarkiina wey bixinayaan.

”Waxay ku weeydiinayaan maxaan bixinaa, waxaad ku tiraahdaa (Ziyaadada) bixiya.”

Ziyaadadu maxay tahay wixii dheeraadka ah bixiya, yaa la siinayaa cidii la siin doonana waa la tilmaamayaa.

004

{والَّذِينَ} Kuwii weeye { يُؤْمِنُونَ} rumeynaya {بِمَا} sheyga {أُنزِلَ} la dejiyay { إِلَيْكَ} adiga lagugu soo dejiyay {وَمَا} kiina wey rumeynayaan {أُنزِلَ} la dejiyay {مِن قَبْلِكَ} hortaa {وَبِالآخِرَةِ} aakhirana { هُمْ} iyaga {يُوقِنُونَ} yaqiininaayaan.

Waa seddex kale:

Kan lagugu soo dejiyay ee (Qur’aanka) ah wey rumeynayaan, rumeynta qur’aanka aan rumeyneyna ee nalaga baahan yahay, waa rumeyn (Tafsiili) ah (Imaan Tafsiili) ah weeye oo ah macnaha in aan rumeyno xaga Ilaahay inuu ka soo degay, warka uu sheegahayo oo dhan inuu xaq yahay, axkaamta uu jideenayo iyo nadaamka uu nolosha u jeexayana inaynu raacno, rumeystiisu waa sidaas.

Laakiin kutubtii rusushii Nabigeena ka horeysay lagu soo dejiyay iyaga iimaanka aan rumeyneyno waa iimaan duuduuban, oo sideen u rumeyneynaa inuu Ilaahay kutub xaq ah soo dejiyay, kutub badan oo rusul badan lagu soo dejiyay beynu rumeynay, kii intii sii gooni loo magacaabayna magacyadoodii beynu ku rumeyneynaa.

  • Towreed baa lagu soo dejiyay Nabi Muuse (عليه السلام)
  • Injiil baa lagu soo dejiyay Nabi Ciise (عليه السلام)
  • Zabuur baa Nabi Daa’uud lagu soo dejiyay (عليه السلام)
  • Suxufu Ibraahiim baa Nabi Ibraahiim lagu soo dejiyay (عليه السلام)

Intii la magacaabay magacyadaas baanu ku garan baanu ku rumeyni, intii kalena si duuduub baanu u rumeyneynaa inay xag Ilaahay ka soo degtay.

Laakiin qur’aanka isagu rumeyntiisa wuxuu la dheer yahay, waxayna laga rabaa inaynu raacno, dhaqan ka dhigano, nadaam nololeed inoo noqdo sidaas weeye macnah.

{والَّذِينَ} Kuwii weeye {يُؤْمِنُونَ} rumeynaya {بِمَا} sheyga {أُنزِلَ} la dejiyay {إِلَيْكَ} adiga lagugu soo dejiyay {وَمَا} kiina wey rumeynahaan {أُنزِلَ} la dejiyay {مِن قَبْلِكَ} hortaa {وَبِالآخِرَةِ} aakhirana {هُمْ} iyaga {يُوقِنُونَ} yaqiininaayaan.

Wey yaqiininaayaa waxaa laga wadaa aakharo abaal gudkeeda iyo xisaabteeda iyo waxyaabaha dhici doona iyo janno iyo naar in ay jiraan ayay rumeynayaan.

Weliba rumeyn keliya ma ehee rumeyn aan shaki ku jirin bey rumeynayaan (Yaqiinta) sidaas ayaa la dhahaa, waa cilmi aan shaki ku jirin. Weliba waxaa ka laazimayaa hadii rumeynta aad aakhiro rumeysan tahay ay dhab tahay waxaa kaa laazimeysa inaad u diyaar garoowdo.

Laakiin waan rumeysnaha waana hubaa inay qiyaamo imaan doono mana diyaar garoowahaayay wey is diidan tahay, waa in diyaar garoow lagaa helo oo tabaabusheesato wixii aad kaga badbaadi lahayd dhibkaas soo socda iyo wixii aad dheefta meeshaa taal ku heli lahayd, waa inaad la timaado weeye macnaha.

005

Tilmaantaas markii la sheegay su’aal baa imaaneyso oo garan in tilmaamaha (maqan dhameystirid) abaal gudkooda muxuu yahay?

(أُوْلَئِكَ) Kuwaas (عَلَى هُدًى) hanuun dushii bey ahaadeen (مِّن رَّبِّهِمْ) xaga rabigooda ka yimid (Nuur iyo iftiin xaga rabigooda ka yimid bey dul saran yihiin) (وَأُوْلَئِكَ) kuwaasi (هُمُ) iyaga keligood (الْمُفْلِحُونَ) kuwa liibaanay ah.

Nuurka iyo iftiinka ay ku dul sugan yihiin waxa weeye xaqii Ilaahay (سبحانه وتعلي) cadeeyay waafajiyay oo qalbigooda geliyay ayay ku dul sugan yihiin oo sida ah u makansadeen oo u hansadeen hanuunka baa waxaa laga dhigay sidii ayaga oo sida gaadiidka saaran oo kale. Sidii baawuur ay saaran yihiin oo la socda oo kaleetaa laga dhigayaa hanuunkii.

Marka hanuun bey saaran yihiin oo iftiin ku dul socda oo maxaa dhib ah maxaa dheef ah aduunyada ay joogaa, aakharada soo socota. Waa niman wax u kala cad yihiin oo hanuun oo jid toosan haayo weeyaan. Taasi waa aduunyada,

Aakharana {وَأُوْلَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ} ayaga ayaa kuwa liibaanay ah.

Waxay rabeen waa heleen, waxay ka cabsanaayeena waa ka nabad galeen liibaantu waa taasi. Wixii aad ka baqaysi in aad ka magan gasho oo aad ka badbaado, waxaad rabay oo dooneysana inaad hesho.

Cadaabka Ilaahay wey ka badbaadeen iyo caradiisa, Ilaahay jannadiisa iyo naxariistiisina wey heleen, kuwii liibaanay marka kuwaa ayaga ah weeyaan. Seddexdaa aayadood waxaa lagaga hadlay dadkii alhu iimaanka ahaa ee iimaanka leh ayaa lagag hadlay.

Kooxda labaad

Kooxda labaadi waa kuwo kitaabka Ilaahay diiday, Ilaahay (سبحانه وتعلي) ku gaaloobay warkooduna iska cad yahay. Kuwaa ayaa marka la guda galay oo waxaa la yiri;

006

{إِنَّ الَّذِينَ} Kuwii {كَفَرُواْ} gaaloobay {سَوَاءٌ} waxaa siman {عَلَيْهِمْ} dushooda {أَأَنذَرْتَهُمْ} u digtayaa {أَمْ لَمْ تُنذِرْهُمْ} umaadan diginaa {لاَ يُؤْمِنُونَ} iyagu ma rumeynayaan.

Waxay la mid tahay;

إِنَّ الَّذِينَ حَقَّتْ عَلَيْهِمْ كَلِمَتُ رَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ
وَلَوْ جَاءتْهُمْ كُلُّ ءايَةٍ حَتَّى يَرَوُاْ الْعَذَابَ الأَلِيمَ

{Surat: Yuunus, 96-97}

Gaalada Ilaahay kalimadiis cadaabka ay dushooda ku waajibtay, oo Ilaahay uu ugu tala galay inuu cadaabo, gaalada noocaas oo kale ah aayad walba xujjo kasta, si walba hadii wax loogu sheego ma rumeynayaan, ilaa ay arkaan Ilaahay cadaabkiisa.

Qasadka laga leeyahay waxa weeye Nabiga (صل الله عليه وسلم) ayaa loo qalbi qaboojinaaya oo ha is dhibin baa la leeyahay, maxaa yeelay Rasuulku (صل الله عليه وسلم).

{فَلا تَذْهَبْ نَفْسُكَ عَلَيْهِمْ حَسَرَاتٍ إِنَّ اللهَ عَلِيمٌ بِمَا يَصْنَعُونَ}

{Surat: Faathir, 8}

Rasuulku wuu isku dhibi jiran kuligooda inay iimaanka qaataan buu dooni jiray waa ku rafaadi jiray Nabigu (صل الله عليه وسلم) markey diidaana qalbigiisa wuxuu dareemi jiray ciriiri oo wuu ku dhiboon jiray, tii baa la leeyahay marka ha is dhibin oo iska sug.

Kuwo waxaa jiraan oo Ilaahay ugu talaga galay inaysan iimaanka qaadanin, kuwaas hadaad u digtid iyo hadaadan u diginba waa isugu mid, meeshoodii uun bey joogaan oo iimaan marna ma qaadanaayaan, oo sow kuwaan gaalo badan oo horaan gaala ahaa inta iimaankii loo bandhigoo xaqii loo bandhigay sow kuwaan rumeeyay sow ma aha kuwaa lagama wado.

Kuwaan waa kuwo qaas ah oo Ilaahay ugu tala galay inaaney iimaan qaadanin gaalnimo ku dhintaa cadaabkana ku waaraan, gaalada noocaa qaaska ah bey aayada ka hadleysaa.

{إِنَّ الَّذِينَ} Kuwii {كَفَرُواْ} gaaloobay {سَوَاءٌ} waxaa siman {عَلَيْهِمْ} dushooda {أَأَنذَرْتَهُمْ} u digtayaa (Adiga Nabi Muxammadow) {أَمْ لَمْ تُنذِرْهُمْ} umaadan diginaa (wey siman tahay agtooda) {لاَ يُؤْمِنُونَ} iyagu ma rumeynayaan.

Marna iimaan laga sugi maayo.

007

Waakan sababta aan loogaba sugeynin iimaan:

{خَتَمَ اللهُ} Alle ayaa xiray {قُلُوبِهمْ وَعَلَى} qalbiyadooda dushiisa {وَعَلَى سَمْعِهِمْ} maqalkooda dushiisa {وَعَلَى أَبْصَارِهِمْ} arag yaashooda dushoodana {غِشَاوَةٌ} waxaa ahaaday dabool {وَلَهُمْ} waxaa u sugnaaday {عَذَابٌ} cadaab {عظِيمٌ} oo weyn.

Sababta aynaan iimaan u qaadaneynin, waxa weeye qalbigooda waa owdan yahay oo Ilaahay baa xiray {Khatmiga} waxaa la yiraahdaa iyo {Tabcigaba} sheyga inta la xiro hadana weliba in la shaabadeeyo.

Waraaqda marka inta la xiro hadana shaabad la saaro wax furan karaa ma jiro, cidii loogu tala galay ey ku socotay un baa furan karto sooma ahan, marka inta la xiray oo si adag loo xiray baa hadana shaabad la saaray, waa qalbigoodii.

Maqalka iyo dhegahana waa ka xiran yihiin, aragana iyo indhahii ay wax ku arki lahaayeen dabool baa saaran, sideey bey wax ku qaadanayaan weeye marka.

Ilayn qalbiga markuu wax gaaraya xaqa iyo iimaanka uu gaarayo jidad buu u soo maraa, iridaha uu xaqa soo maraya iimaanku uu soo maraya waa indhaha iyo dhagaha sooma ahan.

Hadii iridihii qeyrka soo mari lahaa ay xirin yihiin, xagee buu qalbiga iimaan u marayaa marka, kabasii daran qalbigiina waa xiran yahay wax geli karaa ma jiro, meelihii iyo iridahii wax u soo mari lahaayeena waa xirin yihiin sidee baa marka ruuxani iimaan ku qaadan oo gaalkuna khayr ku qaadan?

Taa ma suurto gal baa? Maya ileyn meel ay wax ka galaanba malahan, meshi wax qaadan lahaydna maba jirto, marka waxba maqaadanaayo weeye, sidaas ayay aayadu {Taqriirineyso}.

Su’aal hadii leys weediyo leys yiraaho oo maxaa nimankaan lagu maagay khayrka ha qaateenee, maxaa loogu xiray, maa loo furo?

Hadaad sidaas tiraahdo, jawaabta waxa weeyaan waxaa loogu xiray (waa taan horey u soo sheegnay) wax ay iyagu sameeyeen un baa looga xiray.

[Quran]: Iyagu markey leexdeen buu Ilaahay quluubtooda leexiyay.”

[Quran]: ‘’Qalbiyada waxaa loo daboolay oo loo shaabadeeyay waa kufrigay ku kaceen dareedii,’’

… iyagaa gaalnimo laga kari waayay, markii laga kari waayayne meeshii u socdeen baa usha loogu dhuftay oo macnaha waxa weeye quluubtoodii baa la xiray.

{خَتَمَ اللهُ} Alle ayaa xiray {قُلُوبِهمْ وَعَلَى} qalbiyadooda dushiisa {وَعَلَى سَمْعِهِمْ} maqalkooda dushiisa {وَعَلَى أَبْصَارِهِمْ} arag yaashooda dushoodana {غِشَاوَةٌ} waxaa ahaaday dabool {وَلَهُمْ} waxaa u sugnaaday {عَذَابٌ} cadaab {عظِيمٌ} oo weyn.

Intaana waa gaaladii ninkii gaalnimadiisa cadaado oo iska cad yahay warkiisa isagana warkiisu intaasuu ku yar yahay. Sidaas weeye macnaha xaqna qaadan maayo marka abaal gudkiisaa kaas weeye. Sababta uu xaqa u qaadan waayayna waa taas.

Qoladii seddexaad

Kooxdii seddexaad baa la galay mar:

Kooxdani waa koox lagu dheeraaday warkooda, sababta warkooda loogu dheeraadayna waxa weeye, labada qolo ee kaleeta warkooda waa iska cad yahay.

Gaalada gaalnimadoodii wey iska cad tahay inta badan laguma kadsoomo inaadan ku qaldamin baa suurto gal ah, Laakiin ninka masaajidka kula jira oo safka kugala jira oo iimaankiina kula sheeganaayo oo laga yaabo goobtii jihaadka inuu kugula tago xaalkiisa soo halis ma aha?

Waa balaayo ku dhex fadhida weeye, mana garan karti waayo xumaantiisa qalbiga ayay u fadhidaa, kan marka in laga digo oo aad looga hadlo tilmaamahiisa aad loo cadeeyo waxaa keeneeysa baahida.

Dhibka ay muslimiinta u geesan karaan baa aad u badan, sidaas daraadeed baa aad looga hadlo oo tiilmaam aad u qeexan baa laga bixinaa.

Rabi (سبحانه وتعلي) wuxuu yiri:

008

{وَمِنَ النَّاسِ} Dadka waxaa ka mid ah {مَن يَقُولُ} cid oranaysa {ءامَنَّا} waan rumeynay {بِاللهِ} Ilaahay baan rumeynay {وَبِالْيَوْمِ الآخِرِ} maalinta aakhirana waan rumeynay {وَمَا هُم} mana aaynan ahaanin {بِمُؤْمِنِينَ} kuwo rumeeyay maanan ahaanin.

Waa beentooda.

Fiiri: Suurada al-Munaafiquun aayada (1)

Waxay leeyihiin Ilaahayna waa rumeynay, aakhirana waan rumeynay afkay ka leeyihiin, laakiin qalbiga warkaasi ma jiraa, maya afkay ka sheeganaayaan laakiin qalbiga ma jiro.

Nifaaqu marka waa laba qeybood:

Nifaaq waxaa la yiraahdaa (Nifaaqa Ictiqaadiga) baa la yiraahdaa, waa nifaaqa qalbiga gala, oo qalbigaa waxaa ku jira gaalnimo inta ay afka iyo adimada ka muujisanaayaana waa dan ay ka leeyihiin, waxay rabaan in ay ku nabad galaan laakiin qalbiga gaalnimo ayaa fadhidaa.

Kuwa noocaas oo kale nifaaqooda waxaa la yiraah (Nifaaq Ictiqaadi), gaalnimada ayuu ka daran yahay waana kuwa Alle (سبحانه وتعلي) uu yiri:

Fiiri: Suurada an-Nisaa 145

Darakada ugu hooseesa ee naarta ayay gelayaan, gaalada iyaga ayaa ka sii hoos marayaa gaalnimadooda wey iska cad tahay, waan uun qeyb gaalada ka mid ah laakiin waa ka sii halisan yihiin.

Nifaaqa qeyb kale ayaa jirto oo la yiraahda (al-Nifaaqul Camali) baa la yiraahdaa. Nifaaqa qeybtiisa camaliga ah oo xubnuhu sameeyaan, kaasna waxaa la yiraahdaa Acmaal iyo dhaqan waxaa jiraa munaafaqiinta lagu yaqaan.

Ruuxii isagoo qalbigiisa iimaan ku jira oon gaalnimo ku jirin, buu afka ama adimada wuxuu kala imaanayaa dhaqankii munaafaqiinta lagu yaqaanay qaar ka mid ah (Mathalan);

  • Beenta waa dhaqan munaafaqiin
  • Qiyaano buu sameeyay dhaqanka munaafiqiinta buu ku kacay
  • Balantii buu ka baxay dhaqanka munaafiqiinta buu ku kacay

Marka dunuubta (Dambiyada) noocaas oo kale (nifaaq camali) baa la yiraahdaa, Islaamnimada lagama baxo laakiin waa dembi weyn, ruuxa la yimidna waa la dhihi karaa dhinaca munaafiq waa lagu tilmaami karaa, inuu camalkii munaafaqiinta qaar ka mid ah la yimid.

Marka kuwa hada laga hadlaaya, kooxdani waa kuwii la yimid (Nifaaqa Ictiqaadiga ah) ee uurka iyo qalbiga gaalada ka ah, kuwaa weeye kuwa laga hadlaaya.

{وَمِنَ النَّاسِ} Dadka waxaa ka mid ah {مَن يَقُولُ} cid oranaysa {ءامَنَّا} waan rumeynay {بِاللهِ} Ilaahay baan rumeynay {وَبِالْيَوْمِ الآخِرِ} maalinta aakhirana waan rumeynay {وَمَا هُم} mana aaynan ahaanin {بِمُؤْمِنِينَ} kuwo rumeeyay maanan ahaanin.

Been weeyaane ma aynan rumeynin.

009

{يُخَادِعُونَ} Waxay daggayaan {اللهَ} Alle ayay daggayaan {وَالَّذِينَ ءامَنُوا} iyo kuwa rumeeyay {وَمَا يَخْدَعُونَ} mase daggayaan {إِلاَّ أَنفُسَهُم} nafaf-yaalkooda mooyee {وَمَا يَشْعُرُونَ} mase ogga (ma ay ogga arinkaa asiga ahi).

Macnaheeda waxa weeye waxaan ay kala qarinaayaan oo gaalnimad qalbiga gashadeen, muuqaalka, afka, iyo adimadana ay Islaamnima ka muujisanayaan waxay is leeyahiin Ilaahay (سبحانه وتعلي) iyo mu’miniinta qayaana.

Ilaahay iyo mu’miniinta sira ayay is leeyihiin oo dagga waa sida uu ictiqaadkooda yahay.

Mu’miniinta sideey u daggayaan?

Mu’miniinta waxay u daggayaan, waxay rabaan iimaankaa afka ay ka muujisteen inuu xoolahooda ku badbaado, oo naftooda ku badbaado, oo aan lala dagaalamin oo muslimiinta ku dhex jiraan oo hadey doonaan gaalad u adeegaan dhagartay ku sameen karaan kaa weeye.

Allana dhagarta ay is leeyihiin waxa weeye, waxa ay muujisanaayaan bey waxay la tahay Ilaahay (سبحانه وتعلي) inuusan oggayn.

Waxaa la yiri qadeeca noocaas oo kale ayaga ayaa is qadeecaya.

Ayaga un baa is daggaya oo is qayaanaya, sababta waxa weeye cida aad qayaani karto waa cid aan qalbigaaga waxa ku jiro oggeyn. Marka cid waxa qalbigaa ku jiro ogg miyaa la qiyaani karaa?

Wuuba ku ogg yahay waxaad damacsan tahay oo dhan buu ogg yahay, waxay la tahay marka munaafaqaani inay u suuroweyso oo u soconeysa qiyaanaduu wato oo Ilaahay (سبحانه وتعلي) agtiida ugu socon doono.

Laakiin Ilaahay (سبحانه وتعلي) waa ogg yahay, haduu ogg yahayna isaga un baa munaafaqu is qadeecayo oo qiyaanada isga un bey dib ugu soo noqon, laakiin Ilaahay (سبحانه وتعلي) waxba yeeli meeyso.

{يُخَادِعُونَ} Waxay daggayaan {اللهَ} Alle ayay daggayaan {وَالَّذِينَ ءامَنُوا} iyo kuwa rumeeyay {وَمَا يَخْدَعُونَ} mase daggayaan {إِلاَّ أَنفُسَهُم} nafaf-yaalkooda mooyee {وَمَا يَشْعُرُونَ} mase ogga (ma ay ogga arinkaa asiga ahi).

Bal inta leysugu daba daray fiiri, nin isaga isa siraya oo is qayaanaya oo farahiisa kala xadaya hadana aan isla soconin soo dhib ma ahan? Hadaadba is ogg tahay inaad is qiyaaneyso wax kale bey ahaan lahayd.

Laakiin waxaa u dheer ma ay is ogga, xaalkooda ma ogga iney is qiyaanayaan oo is dhagrayaan ma ay ogga, sidaas ayaa macnaha lagu tilmaamayaa.

010

{فِي قُلُوبِهِم} Qalbiyadooda dhexdiisa waxaa ahaaday {مَّرَضٌ} cudur baa ahaaday {فَزَادَهُمُ اللهُ} Ilaahay baa wuxuu u ziyaadiyay {مَرَضًا} cudur kale {وَلَهُم} waxaa u sugnaaday {عَذَابٌ} cadaab baa u sugnaaday {أَلِيمٌ} oo xanuujiya {بِمَا كَانُوا} ahaanshooda sababtii {يَكْذِبُونَ} kuwa been sheegay ay ahaayeen

Qalbiyadooda dhexdiisa waxaa ahaaday maalinta qiyaamada xitaa, qimaada marka la tago iyagoo moodaya iimaankii beenta ahaa ee muujisteen inuu wax u qabanayo bey Ilaahay (سبحانه وتعلي) u dhaaranaayaan.

Waxa uu Rabi (سبحانه وتعلي) leeyahay:

Ilaahay (سبحانه وتعلي) bey u dhaaranaayaan sideey idinku dhaaranaayaan, waxayna moodayaan inay wax sax ah ku dul sugnaayeen, beenaalayaal weeye buu leeyahay Ilaahay (سبحانه وتعلي).

Nimanka Ilaahay hortiisa inteey hor tagaan aduunka markaan joognay mu’miniin beynu ahayn la tagahayaan, waxa weeye waa niman la yaab leh weeyaan. Marka qiyaamada xitaa wixii qayaanada ahaa waxba ka jirin ku dayayaan inay ku meel maraan oo doonayaan inay janno ku galaan, markaasaay Ilaahay (سبحانه وتعلي) u dhaaranaayaan.

{فِي قُلُوبِهِم} Qalbiyadooda dhexdiisa waxaa ahaaday {مَّرَضٌ} cudur baa ahaaday {فَزَادَهُمُ اللهُ} Ilaahay baa wuxuu u ziyaadiyay {مَرَضًا} cudur kale {وَلَهُم} waxaa u sugnaaday {عَذَابٌ} cadaab baa u sugnaaday {أَلِيمٌ} oo xanuujiya {بِمَا كَانُوا} ahaanshooda sababtii {يَكْذِبُونَ} kuwa been sheegay ay ahaayeen.

Cudurada qalbiga gala waa laba mid waxaa la kala yiraahdaa:

  • Maradu-Shubha
  • Maradu-Shahwa

Maradu shubha weeye midka ayaga ku jira.

Shubhada waxa weeye waa:

  • Shakiga
  • Kufriga
  • Shirkiga
  • Jahliga

Amraada iyo cuduradaa oo kale ayaa waxaa la yiraahdaa (Maradu-Shubha)

Waxbaa wax isu kaa tusay, wixii baad xaq muuday qalbigii bey sidaa ku degtay, cudurka qalbigaa haya ayaa (Maradu-Shubha) la yiraahdaa.

Maradka qeybtiisa labaad (Maradu-Shahwa) ayaa la yiraahdaa oo waa in ruuxa xumaanta iyo macaasiyada qalbigiisu jeclaado.

Iimaan qalbigiisu waa ku jiraa, laakii xumaantii iyo macaasiyadii baa qalbigii jecel uu doonayaa.

Marka shahawaad iyo macaasida uu qalbiga jeclaado cudurka noocaas oo kale ah qalbi mu’mina waa gala, qalbi gaal iyo munaafiqna waa gala. Laakiin (Maradu-Shubha) cudur la yiraada wuxuu galaa munaafaqiinta quluubtooda, iyo dadka (alhul Ahwaaga) ah ee (ahlul bidca) quluubtooda ayuu gala.

Kan marka (Maradu-Shubha) weeye, cudur baa ku jira qalbigooda waa shakiga iyo gaalnimada weeye cudurkoodana mid kale ayaa loo sii siyaadiyay.

Siyaadadaasi xageey ka timid?

Suurat at-Towbah Ayaan ugu tegi doonaa Alle (سبحانه وتعلي) wuxii yiri:

{وَأَمَّا الَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ فَزَادَتْهُمْ رِجْسًا إِلَى رِجْسِهِمْ وَمَاتُواْ وَهُمْ كَافِرُونَ}

{Surat: at-Towbah, 125}

Aayaadka quraanka degayaa iyo waxyiga degayaa, markasta oo beeniyaanba cudurkii bey cudur ku sii siyaadsanaayaan, cudurka baa isa sii fuulayaa midba mid baa sii dul fuulahaya sidaas weeye macnaha.

{فِي قُلُوبِهِم} Qalbiyadooda dhexdiisa waxaa ahaaday {مَّرَضٌ} cudur baa ahaaday {فَزَادَهُمُ اللهُ} Ilaahay baa wuxuu u ziyaadiyay {مَرَضًا} cudur kale {وَلَهُم} waxaa u sugnaaday {عَذَابٌ} cadaab baa u sugnaaday {أَلِيمٌ} oo xanuujiya {بِمَا كَانُوا} ahaanshooda sababtii {يَكْذِبُونَ} kuwa been sheegay ay ahaayeen.

Beenteey sheegi jireen daraadeed maxaa yeelay (Nifaaqa) asal waxaa u ah beenta.

011

{وَإِذَا قِيلَ} Hadii la yiraah {لَهُمْ} iyaga {لاَ تُفْسِدُواْ} ha fasahaadinina {فِي الأَرْضِ} dhulka ha fasahaadinina (gaalnimada iyo dunuubta dhulka ka daaya fasaadka aad wadaan) {قَالُوا} waxay oran hayaan {إِنَّمَا نَحْنُ} anaga un baa {مُصْلِحُونَ} hagaajiyeyaal ah.

Hadii la waaniyo nimakii loo caqli celiyo oo la yiraahdo war fasaadka ka daaya dhulka, fasaadka ay dhulka ku haayaan muxuu yahay?

  • Kufriga waa fasaad
  • Dunuubtu waa fasaad
  • Wax kasta oo Ilaahay (سبحانه وتعلي) raali ka ahayn oo dhulka lagu sameeyo waa fasaad

Ilaahay (سبحانه وتعلي) wuxuu yiri:

{ظَهَرَ الْفَسَادُ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ بِمَا كَسَبَتْ أَيْدِي النَّاسِ لِيُذِيقَهُم بَعْضَ الَّذِي عَمِلُوا لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ}

{Surat: ar-Ruum, 41}

‘’Dadku dambiyada ay galeyaan baa dhulka fasahaadinayaa.’’

Fasaadka ay galeyaan kan ugu weyna waxaa ka mid ah inay gaalada (Weli) ka dhigtaa oo ay gaalada la saaxiibaan oo ay gaalada xigsadaan oo ay sirta muslimiinta siiyaan, waxaan ugu tegi doonoo (Fii Surat al-Anfaal) aakhirkeeda.

Hadaad sidaa yeeli weydaan oo aad gaalada ka go’i weydaan fasaad baa dhici doono ayuu Ilaahay (سبحانه وتعلي) leeyahay. Marka fasaadka waxaa ka mid ah oo ay dhulku ku sameynayaan inay gaalada (Weli) ka dhigtaan oo muslimiinka ka soke marsadaan.

Marka war fasaadka dhulka ka daaya marka la yiraah, xumaantaan dhulka ku haysaan, dhulka Ilaahay (سبحانه وتعلي) baa iskaleh marka la dhaho, waxay leeyihiin, oo yaa kaloo wax hagaajiyaba anaga un baa wax hagaajinee.

Waxay ka wadaan warkaa asaga ah labadaan qolo ee kala fogaatay baanu dooneynaa inaan u dhaxayno, bulshada waa in leysku wado. Qolodaan anaga nala fadhiso waxba kama qabno, qolodana waa la fadhiisan oo sheeko wadaag baan la leenaha waanu heshiisiin mar mar baan isu dayeynaa inaan isu soo jiidno, anagu dad wax hagaajiyo baanu nahay ee xagee baanu fasaadka ka wadnaa.

Waxay ku tirinaayaan dadka mabda’ooda muujistay gaaladana iska fogeeyay Iyana mabda’ooda qeexday baa waxay ku tirinaayaan inay yihiin dad sidii loo baahnaa aan sameyneyn, gaaladana fasaad bey sameeyeen bey leeyihiin wey fogaadeen.

Idinkana muslimiintiin dhinac baad u fogaateen, laakiin anaga ragii wax hagaaji naayay oo isku soo kiin dhaweynaayay baanu nahay. Waa maanta mida taagan oo kalete weeye;

Diimaha ha leysu soo dhoweeyo:

  • Yuhuudiyada
  • Nasraaniyada iyo
  • Islaamka

Ha leysu soo dhoweeyo oo bulshooyinka cadaawada ha laga saaro, waa la wada degan yahay wadan baa inaga dhexeeya, wadanka masaalixdiisa ha la wada ilaashado, nin walba masaajidiisa iyo kaniisadiisa ha ku jiro anagaa dadka ka dhex shaqeeyneyno oo isu jiid jiideyno kooxahaan is qilaafsan ee kala fog fogaaday. Waa warkii ay hada meesha ku haayaan weeye macnaha.

Marka waxbaan (islaaxiheynaa) wanaaajineynaa war jira ma ahan, mabda’aaga cadeyso ma gaal baa tahay mise Islaam wixii ka dhaxeeyo waa munaafiq.

{وَإِذَا قِيلَ} Hadii la yiraah {لَهُمْ} iyaga {لاَ تُفْسِدُواْ} ha fasahaadinina {فِي الأَرْضِ} dhulka ha fasahaadinina (gaalnimada iyo dunuubta dhulka ka daaya fasaadka aad wadaan) {قَالُوا} waxay oran hayaan { إِنَّمَا نَحْنُ} anaga un baa { مُصْلِحُونَ} hagaajiyeyaal ah.

Fiiri Ilaahay (سبحانه وتعلي) sida uu ugu jabaabaya:

012

{أَلا} Hooyaay (Bal baraaruga oo soo jeesta) {إِنَّهُمْ} iyaga {هُمُ} keligood baa {الْمُفْسِدُونَ} kuwa wax fasahaadinaya ah {وَلَكِن} laakiin {لاَّ يَشْعُرُونَ} meysa ogga.

Jawaabta lagama sugin muslimiintee Ilaahay (سبحانه وتعلي) baa u jawaabay.

Fasaadba hadaad maqasho iyagoo ku idil yahay, cid kaloo wax fasahaadiso ma jirto waa iyaga, waxaa intaa u dheer ismaba ogga.

Nin wax qasaayo fasahaadinaayo oo wax xumeynayo oo wax qaribayo oo hadana isla socon soo dhib ma aha iska war hayninba, saasaa macnaha Ilaahay (سبحانه وتعلي) ku tilmaamayaa.

{أَلا} Hooyaay {إِنَّهُمْ} iyaga {هُمُ} keligood baa {الْمُفْسِدُونَ} kuwa wax fasahaadinaya ah {وَلَكِن} laakiin {لاَّ يَشْعُرُونَ} meysa ogga.

Oo arinkaa isaga ah inay wax fasahaadinayaan ma ay ogga:

013

{وَإِذَا قِيلَ} Hadii la yiraah {لَهُمْ} ayaga lagu yiraah {ءامِنُواْ} rumeeya {كَمَا ءامَنَ} say u rumeeyeen oo kale {النَّاسُ} dadku. (War iimaan is raacsan la imaada oo muslimiinta iyo mu’minuunta iimaankood oo kale ah saa markii lagu dhaho) {قَالُواْ} waxay oranayaan {أَنُؤْمِنُ} miyaanu rumeyneynaa {كَمَا} sida {ءامَنَ} ay u rumeyeen oo kale {السُّفَهَاء} kuwa garashadooda iyo caqligooda fudud yahay (Kuwa waxba garaneyninoo wax ma garadka ah say u rumeeyeen oo kale maan u rumeyneynaa) {أَلا} Hooyaay buu leeyahay Ilaahay (swt) {إِنَّهُمْ} iyaga {هُمُ} keligood baa {السُّفَهَاء} wax ma garadka ah {وَلَكِن لاَّ يَعْلَمُونَ} laakiin ma ay ogga.

Hadii la yiraahdo war iimaan is raacsan oo qalbiga iyo afka iyo adimadu wada socdaan oo kaa ay dadka kale la yimaadeen la imaada marka la dhaho, oo waxaan kaleeto waxbaan isu dhaweyneynaa waxbaan isu jiideynaa waxbaan hagaajineynaa warkaa ka baxa. Waxay leeyihiin ma aniga iyo kuwaasaa isku boos tageyno wax ma garadka aan caqliga lahayn oon garashada lahayn oo macnaha waxa weeye oo caqligooda fudud yahay iyo anaga miyaan isku mid noqoneynaa.

Yeey ku wadaan?

Mu’miniinta kale ayay ku wadaan.

Saxaabadii Nabiga (csw) yey ku wadaan (Sufuhaadu) kuwaasay ku wadaan.

Sababta waxa weeyeen waxay ku leeyihiin marba hadii aad caqli leedahay oo aad xigmad leedahay waxaa la doonayaa inaad dabacsanaato.

Inaad dabacsanaato ayaa la doonayaa xagana aad u jiidmi karto hadaad is qalafiso oo aad xaga iyo xaga midna laguu jiidi kari waayo (Safiih) baad tahay. Aduunku kolba dhankuu u socdaa loola socdaa oo dabeesha kolba dhankey ka imaaneysaa loo raacaa, laakiin hadaad un is engejiso (Safiih) baa tahay bey leeyihiin.

Bal fiiri (Mawaasiintu) seey ugu daba gedisantay.

  • Yacni ninkii mabda’iisa muujistay waa (Safiih)
  • Ninka munaafaqeynayaa boqol wejiilaha ah ee kolba maalinba qolo la qadeynahayana waa nin rageed caqli leh.

Sow miizaanka maanta yaal ma aha marka..?

  • Maalina gaalada la soo shaah, la qadee
  • Maalina muslimiinta iyo wadaadada la imaaw oo la qadee
  • Maalina masaajidka imaaw safka hore soo gal

Taasaa la yiraahdaa caqli iyo xigmad iyo raganimo la yiraahdaayee, war anigu wadaad baan ahay diinteydaan ku dhaqmaa ha is mutaxin. Waryaa caqli ma lihid.

Halkaasay nimanka ka duulayaan marka waa tan maanta taagay weeye, ileyn munaafiq maanta huduu joogo shalay haduu joogay waa isku dhaqan.

Fiiri: (Surat: Ad-Daariyaat Aayat 53)

Hal meel bey ka biyo cabeen, waxa la yiri tilmaantooda waa isku wada mid saas weeyaan.

Ruuxu waxaa la doonayaa dadnimadiisu ay ku jirtaa haduu wax rumeysan yahay wixiisu inuu cadeysto, laalaab uusan gelin, wajiyo fara badan uusan lahayn sidaasaa dadnimadu ku jirtaa.

Wa ilaa hadaad fara badan tahay dadnimana ma lihid diina ma lahid.

{وَإِذَا قِيلَ} Hadii la yiraah {لَهُمْ} ayaga lagu yiraah {ءامِنُواْ} rumeeya {كَمَا ءامَنَ} say u rumeeyeen oo kale {النَّاسُ} dadku.

Dadku iimaanka ay rumeeyeen ee saxda ah ee is raacsan qalbi iyo xubnaba, iimaankaa rumeeyay marka la yiraahdo {قَالُواْ} waxay oranayaan {أَنُؤْمِنُ} miyaanu rumeyneynaa {كَمَا} sida {ءامَنَ} ay u rumeyeen oo kale {السُّفَهَاء} (Wax ma garadku) kuwa caqligoodu fudud yahay ee jaahiliinta ah {أَلا} Hooyaay buu leeyahay Ilaahay (swt) {إِنَّهُمْ} iyaga {هُمُ} keligood baa ah {السُّفَهَاء} wax ma garad caqligoodu fudud yahay buu yiri Ilaahay (swt) {وَلَكِن لاَّ يَعْلَمُونَ} laakiin ma ay ogga, isma ay garanaayaan.

014

{وَإِذَا لَقُوا} Goortii ay la kulmaan {الَّذِينَ} kuwa (آمَنُوا) rumeeyay (dadka iimaanka leh marka ay la kulmaan) Nabiga (csw) iyo Saxaabadiisa marka ay la kulmaan {قَالُوا} waxay oronayaan {آمَنَّا} waan rumeynay. Imaan baanu leenahay muslimiin baanu nahay {وَإِذَا} goortii (خَلَوْا) ay cidloobaan {إِلَىٰ شَيَاطِينِهِمْ} Shayaadiintii madaxdooda ahayd markay la cidloobaan {قَالُوا} anagu {إِنَّا} la jirinkiinaa nahay {إِنَّمَا} [oo hadaad nala jirteen, shalay markaad kuwaan la joogteen Aamanaa maxaad u lahaydeen?] {إِنَّمَا} anagun {نَحْنُ مُسْتَهْزِئُونَ} kuwa jees jeesaya ayaan nahay. Kuwaan ayaan ku jees jeeseynay wax ma garadka ayaan maskaxda kaga ciyaareenay laakiin idinka idinla moowqif nahay saasay oranaayeen.

Hadii dadkii mu’miinta la hadlaanoo yiraahdaan war rumeeya hadii la yiraahdo (markay mu’miniinta la kulmaan) oo dadkii ahlu-imaanka ahaa la joogaa, oo dadka ahlu-qeerka ah la joogaan, waxay qaadanaayaan midabkooda oo kale ayay qaadanaayaan.

Ahlu-qeer baanu nahay (Salaax) bey muujisanaayaan, wanaag bey muujisanaayaan, hadalkooda waa fiican yahay, sida ay u dhaqmaayaan waad la yaabeysaa. Laakiin marka ay madaxdooda u tagaan odayaashii soo dirsaday shayaadiin buu Ilaahay (swt) ka cabiray waa madaxdoodii weeye u talineysay oo talada ka qaadanaayeen, kuwaa markay u tagaan waxay leeyihiin idinkaan idinla jirnaa, idinkaa idin moowqif nahay.

Hadii la yiraahdo maxaa idiin geeyay shalay aad u lahaydeen musliim baanu nahay iimaan baan leenahay waxay oranayaan waan ku jees jeeseynay maskaxdaan kaga ciyaareyni wax ma garatada aan caqliga lahayn.

Aduga jir jiroole ma taqaanaa (oday jir jiroole) sooma taqaanaan, kolba geedkuu galo ayuu la midab yahay. Cagaar hadii dhex galo midabkiisu waa cagaar, haduu geed madow dhex galo midabkiisu waa madow yahay, haduu meel cadiin galo midabkiisu waa cad yahay, oday jir jiroole waaye munaafaqu hadaad aragto.

In badan oo maanta sheegada inay siyaasada ka shaqeeyaan dhaqankooda waa noocaan maanta waa (oday jir jiroole) waa munaafaq, haduu ku hor joogo oo bulshada hor joogoo la hadlaaya ay yihiin dad ahlu-imaan ah ama uu is leeyahay diintood bey u damqanayaan sheekh weyn weeye….

Diintaan ku dhaqaynaa, xagaan ka kala tuureynaa, gaaladaan iska dhicineynaa, warkuu akhrinaayo waad la yaabi…

Odayaashii waaweenaa ee gaalada ahaa markuu u tagana, warkiis warkaa ma aha…

War wixii baan agtooda ka nimidee, dhaqaalahaan ku burbur lahayn iyo awoondaan kaga shaqayn lahayn keena saasaa taal. Marka waxa weeye (Nifaaqa) dhaqankiisa waa kaa.

Rabi wuxuu yiri:

{وَإِذَا لَقُوا} Goortii ay la kulmaan {الَّذِينَ} kuwa (آمَنُوا) rumeeyay (dadka iimaanka leh marka ay la kulmaan) Nabiga (csw) iyo Saxaabadiisa marka ay la kulmaan {قَالُوا} waxay oronayaan {آمَنَّا} waan rumeynay. Imaan baanu leenahay muslimiin baanu nahay {وَإِذَا} goortii (خَلَوْا) ay cidloobaan {إِلَىٰ شَيَاطِينِهِمْ} Shayaadiintii madaxdooda ahayd markay la cidloobaan {قَالُوا} anagu {إِنَّا} la jirinkiinaa nahay {إِنَّمَا} [oo hadaad nala jirteen, shalay markaad kuwaan la joogteen Aamanaa maxaad u lahaydeen?] {إِنَّمَا} anagun {نَحْنُ مُسْتَهْزِئُونَ} kuwa jees jeesaya ayaan nahay. Kuwaan ayaan ku jees jeeseynay wax ma garadka ayaan maskaxda kaga ciyaareenay laakiin idinka idinla moowqif nahay saasay oranaayeen.

015

{اللَّـهُ} Alle ayaa {يَسْتَهْزِئُ} ku jees jeesi (بِهِمْ) iyaga [Ilaah baa ku jees jeesi] {وَيَمُدُّهُمْ} wuu u siyaadin [wuu u taagi ama wuu u siyaadina] {فِي طُغْيَانِهِمْ} qooqoodii iyo xad gudubkooda dhexdiisa buu u siyaadin {يَعْمَهُونَ} iyaga oo wareersan.

Ilaahay baa ku jees jeesi maxaa laga wadaa..?

Aduunyada Ilaahay baa ku jees jeesi, sow ugu jees jeesayaa?

Wuxuu ugu jees jeesayaa ayagoon iimaan lahayn baa xoolo la siiyay, oo caruur la siiyay iyo caafimaad la siiyay. Intaa markii la siisay baa waxay is yiraahdeen Walaahi sidaan baa la idunku jecel yahayba, sidaa baa la idinku rabaa.

Axkaamtii shareecada iyadoo uu Ilaahay (swt) og yahay inay munaafaqiin yihiin oo qalbiga gaalnimo ugu jirto ayaa hadan waxaa la yiri dhiigooda ha la badbaadiyo, xoolahooda ha la badbaadiyo, oo yaan dhib loo geeysanin. Saa markii la yiri markaa waxay isu qaateen inay mu’miniin yihiin.

Muslimiinti bey ku dhex jiraan oo ka guursanaayaan oo la dhaqmaayaan, oo xoogaa marka waxay is yiraahdeen walaahi mu’miniin baa tihiin.

Alle (swt) markuu sidaan ula dhaqmaayo wuu og yahay inay munaafaqiin yihiin, laakiin muxuu ula jeedaa?

Sow (jees jees) ma ahan?

Haa waa lagu jees jeesayaa, waxaa la rabaa iney inta sheekada loo sii daayo ay is iloobaan, taa waa jees jees aduunyada lagu jees jeesayo.

Aakhara waa lagu jees jeesi doonaa markay yiraahdaan, markii iftiinkoodii ka damo suurada al-xadiid baan ugu tagi doonaa… ay yiraahdaan!

(…) war na suga nimayow aanu idinka dhuxul qaadano iftiinkiinee…

Maxaa lagu oronayaa?

(…) dib u noqda oo halkaa nuur ka raadsada.

Waa aduunyadii oo miyey noqon karaan?

Maya laakiin waa lagu jees jeesayaa.

Marka {اللَّـهُ يَسْتَهْزِئُ بِهِمْ} waa seeta dheereenta adduunka loo seeta dheereeynayo weeye iyo dhaqanka wanaagsan ee lagula dhaqmaayo iyo aakharo Ilaahay (swt) ku jees jeesi doono. Marka (Dhuqyaanka), baadidooda iyo xad gudubkooda ayaa loo siyaadin iyaga oo wareersan diin ahaan bey u wareersan yihiin… Wax bay kala garan la’yihiin xaq iyo baadil baa isaga darsamay saas weeye macnaha.

{اللَّـهُ} Alle ayaa {يَسْتَهْزِئُ} ku jees jeesi (بِهِمْ) iyaga [Ilaah baa ku jees jeesi] {وَيَمُدُّهُمْ} wuu u siyaadin [wuu u taagi ama wuu u siyaadina] {فِي طُغْيَانِهِمْ} qooqoodii iyo xad gudubkooda dhexdiisa buu u siyaadin {يَعْمَهُونَ} iyaga oo wareersan, oo xaalka ka wareersan ooo waxba kala garaneynin.

016

{أُولَـٰئِكَ} Kuwaasi {الَّذِينَ} Kuwii weeye {اشْتَرَوُا} iibsaday {الضَّلَالَةَ} baadi gatay {بِالْهُدَىٰ} Hanuun ku gatay {فَمَا رَبِحَت} maynaan faa’idin {تِّجَارَتُهُمْ} ganacsigoodii iyo iibkoodaasi ma faa’idin  {وَمَا كَانُوا} mana aynan ahaanin {مُهْتَدِينَ} kuwa hanuunsanah maynaan ahaanin.

Kuwa hagaagsan oo toosan iibkaa ma ahayn baadi bey gateen hanuunkii bey ku gateen. Yacni baadidii waxay noqotay badeecaday la wareegeen.

Lacagtay iska bixiyeena maxay noqotay? Hanuunkii bey noqotay.

Ayagoo hanuun haysta bey bixiyeen, maxay ku soo gateenoo kula soo wareegeen? Baadi bay kula soo wareegeen.

Maxaa laga wadaa ayagoo inay iimaankii qaataan heli kara oo iimaankii banaanka u yaala bey intay katageen bey gaalnimo ka doorbideen saas weeye macnaha. Sidii qolo xumaan gatay wareeg iska gatay oo kale ayaa laga soo qaaday marka.

Iibkaasi iyo safqadaasi ma faa’iday mise waa qasaartay? Waa qasaartay.

Qasaaro kii ugu weynaa bey qasaartay, maxaa yeelay shey kii ugu qaalisanaana waad iska bixisay, shey kii ugu liitayna waad la soo wareegtay, sow qasaaro maahan marka?

Saas weeye raasa maalkii baad qasaartay ee faa’iido aad sugeysay maanan qasaartay.

{أُولَـٰئِكَ} Kuwaasi {الَّذِينَ} Kuwii weeye {اشْتَرَوُا} gatay oo la soo wareegay oo qaatay {الضَّلَالَةَ} baadidii ayeey {بِالْهُدَىٰ} Hanuun ku gateen. Hanuunkey iska dhiibeen oo baadidey la soo wareegeen.

Wuxuu leeyahay Ibnu Kathiir iyo rag la midi:

‘’Waxay leeyihiin iimaankay qaateen markoodii hore qalbigooda galay, markaa ka dib bey iimaankii ka tageen oo ka noqdeen. Marka iimaankii intay iskaga tageen bay qaateen kufi iyo gaalnimo, saasaa iibsiga lagaa wadaa bey leeyihiin.‘’

{فَمَا رَبِحَت} maynaan faa’idin {تِّجَارَتُهُمْ} ganacsigoodii iyo iibkoodaasi ma faa’idin {وَمَا كَانُوا} mana aynan ahaanin {مُهْتَدِينَ} kuwa hanuunsanah maynaan ahaanin, meynaan ku saxsaneyn iibka noocaas oo kale wey ku qaldanaayeen.

017

Intaas oo tilmaam ah marka laga soo bixiyay, ayaa meeshaan waxaa la bixinaayaa arinkoodaa la sii cadeeynayaa tusaaleyaal baa laga bixinaayaa.

Quraanka waxyaalahuu aad u isticmaalo waxaa ka mid ah; markuu doonayo macno qarsoon inuu u soo dhoweeyo fahamka iyo caqliga inuu u soo dhoweeyo markuu doonaayo, wuxuu isticmaalaa usuulka la yiraahdo {qarbul amthaal} tusaalayaal inuu bixiyo oo sheyga laguu tilmaamaya macnaha ah wuxuu u egyahay kana ad arkeyso ishaada qabaneyso. Marka laba tusaale ayaa laga bixinaaya arinkooda oo Ilaahay (swt) warkooda ku qatimaayaa munaafaqiinta.

{مَثَلُهُمْ} Xaalkooda iyo sifadooda [munaafaqiinta xaalkooda iyo sifadooda] { كَمَثَلِ الَّذِي} kii oo kale xaalkiisa weeye {اسْتَوْقَدَ} hursaday ama shitay {نَارًا} dab shitay {فَلَمَّا} goortii {أَضَاءَتْ} ay iftiimisay dabkii {مَا حَوْلَهُ} waxa hareerihiisa ah, ayuu {ذَهَبَ اللَّـهُ} Ilaahay la tagay {بِنُورِهِمْ} iftiinkoodii buu la tagay {وَتَرَكَهُمْ} iyagii buu ka tagay {فِي ظُلُمَاتٍ} mugdiyo dhexdood buu kaga tagay {لَّا يُبْصِرُونَ} xaal ay waxba arkeenin.

Masalka iyo masalka ka dambeeyaba waxay u dhacaayaan xaalad waxaa la yiraahdaa (al-tamthiilaatul-murakkabah). Yacni tusaalayaalkaa waxay u qaybsamaan labada qeybood:

  1. At-tamsiilaatul mufrada
  2. At-tamsiilaatul murakkabah

Waxyaabo fara badan oo isu yimid suuro laga fahmay baa shey kale lagu shabahayaa.

Miisaalkii Koowaad
At-tamsiilaatul Mufrada

Mida (Mufrada) la yiraandane, sheyba shey baa lagu matalaayoo laba shey oo midba goonida yahay ee mufradka yahay keli yahay baa sheyga lagu shabahay.

Marka tamsiilaadka waxaa fiican baa la leeyahay labadaan tusaale in laga dhigo, suurada laga fahmi karo xaaladaa uu quraanku cabiray baa waxay u eg tahay munaafaqiinta suuradood.

Xaalada quraanka cabiray maxay tahay?

Ruux baa mugdiyo ku jiray, mugdi asagoo ku jiro ayuu dab shitay, dabkii markuu shitay ayay wixii hareerihiis oo dhan baa dabkii iftiimiyay, wax alle wixii (Qatta’) ah buu iska arkay.

Meesha waa meel halis, waa meel laga cabsanaaya, waa meel mugdi ah, dab baa u ufiyoo shitay, dabkuu hareerihii oo dhan ku arkay.

  • Yacni maxaa halaq ah
  • maxaa dhib ah,
  • maxaa igu soo socda,
  • maxaa qatar ah,

Wixii markuu iska arkay ayaa hal mar iftiinkii laga qaatay.

Ruuxaasi mugdi intee la eg buu ku jiraa marka?

Hadaad iftiin adoo ku jiro iftiinkii kaa tago, mugdigii marka hore aad ku jirtay mid ka siyaadsan baa galee sow ma’aha, xaalada marka la doonayo in laguu cadeeyo waxa weeyaan, nimankaan munaafaqiinta ah siday u wareersan yihiin oo talada ugu lunsan tahay oo ay araxu ku adag yahay oo xaalkoodu uusan u fududeyn waxay la mid tahay ruux noocaasi oo kaleeta ah.

Meel cidla ah oo mugdiya ah dab ka shitay markuu dabkii wax u iftiimiyay ayaa iftiinkii laga qaatay.

Ibnu Kathiir wuxuu rajaxayaa; in ay markii hore iimaanka galeen, markey iimaanka galeen kadib wax u kal arkeen oo wax u kala iftiimiyay, ileyn iimaan baa wax kala iftiimiyee nolosha iftiiminaaye oo samaanta iyo xumaanta lagu kala arkaayaa, markuu iimaankii wax u iftiimiyay bey ka noqdeen. Mugdiyaashii kufriga iyo gaalnimada iyo nifaaqay dib ugu noqdeen. Iftiinkiina waa laga qaatay saas weeye macnaha.

{مَثَلُهُمْ} Xaalkooda iyo sifadooda {كَمَثَلِ الَّذِي} kii oo kale ayuu la sifo yahay {اسْتَوْقَدَ} hursaday ama shitay {نَارًا} dab shitay {فَلَمَّا} goortii {أَضَاءَتْ} ay iftiimisay dabkii {مَا حَوْلَهُ} waxa hareerihiisa ah, ayuu {ذَهَبَ اللَّـهُ} Ilaahay la tagay {بِنُورِهِمْ} iftiinkoodii buu la tagay.

Markii hore maxaa la yiri {نَارًا} baa la yiri sow maahan, gadaal waxaa laga yiri {بِنُورِهِمْ} baa la yiri. (Naarta) waxaa la yiraahdaa waa maadada kulul ee wax gubta iftiinka markay wada socdaan naar baa la yiraahdaa.

Markay inta iftiinka keliya tahay tii wax gubeysay ay ka maqan tahay waxaa la yiraahdaa (Nuur) baa la dhahaa.

Waxaa laga fahmayaa iftiinkii un baa laga qaatay mooyee intii wax gubeysay kuleelkii baa looga tagay. Marka kuleyka bey ku dhex jiraan, mugdigii mugdi ka siyaadsana waa galeen oo ku jiraan xaaladooda sidaas oo kale bey la mid tahay.

{ذَهَبَ اللَّـهُ} Ilaahay la tagay {بِنُورِهِمْ} iftiinkoodii buu la tagay. {وَتَرَكَهُمْ} wuuna kaga tagay {فِيظُلُمَاتٍ} mugdiyo dhexdood (mugdiyadii hore iyo kuwo dib ka dhashay oo iftiinkii tagay ka dhashay intaba wey ku jiraan) {لَّا يُبْصِرُونَ} xaal aanay arkeyn.

018

{صُمٌّ} Waa kuwo maqal la’ (waa kuwo waxba aan maqleyn oo dhaga la’) {بُكْمٌ} waa kuwo hadal la’ (aan hadlin) {عُمْيٌ} kuwo indho la’ {فَهُمْ} iyagu {لَا يَرْجِعُونَ} noqon maayaan (xagii iyo iftiinkii ay ka tageen dib ugu noqon maayaan).

Maxaa laga wadaa, waxaa laga wadaa mar hadii Ilaahay dhagahu siiyay iyo indhahii uu siiyay iyo afkii uu siisaya ay u isticmaali waayeen sheygii xaqa ahaa, sidii iyaga oo aan haysanin oo kaley ka dhigan yihiin saas weeye macnaha.

Sidii adigoon haysanin oo kale ayaad ka dhigan tahay, sheyga hadaad haysato meeshiisana aadan u isticmaalin adigoon haysanin oo kalaad ka dhigan tahay.

Ninka cilmiga leh hadana cilmigiisii aan ku dhaqmeynin soo jaahil ma aha?

Waa jaahil saas weeye macnaha.

Ninka gacantiisa ay ku taal laakiin hadana gacantiiba aan isticmaaleynin oo waxba ku qaadaneynin ma gacan buu leeyahay?

Gacan malaha saas weeye macnaha.

Sheyga lagu siiyay hadaad meeshiisa u isticmaaleynin wuxuu ka dhigan yahay sida adoon haysanin oo kale oo kaa maqan yahay.

{صُمٌّ} Waa kuwo xaqa ka dhaga la’ oo aan maqleynin {بُكْمٌ} waa kuwo hadal la’ (oo xaqa aan ku hadlin) {عُمْيٌ} kuwo indho la’ oo xaqa aan indhahoodu ku arkin {فَهُمْ} iyagu {لَا يَرْجِعُونَ} noqon maayaan (xagii ay ka tageen iyo iftiinkii dib ugu noqon maayaan).

019

Miisaalkii Labaad
At-tamsiilaatul Murakkabah

{أَوْ} Amase (masalkooda iyo sifadoodu) {كَصَيِّبٍ} kuwo roob u saaxiib ah yey la mid yihiin (Kuwo roob u saaxiib ah (Sayyibku waa roobka shubaaya)) {مِّنَ السَّمَاءِ} Roobkaasoo xaga samada ka yimid {فِيهِ ظُلُمَاتٌ} roobkaasoo dhexdiisa mugdiyaal ay yihiin {وَرَعْدٌ} iyo onkad {وَبَرْقٌ} iyo hilaac {يَجْعَلُونَ} waxay yeelayaan {أَصَابِعَهُمْ} farahooda {فِي آذَانِهِم} ayay dhagahooda dhexdood gelinayaan {مِّنَ الصَّوَاعِقِ} biqirda darted (biriqiyaasha dartood ama hanqaryada dartood) {حَذَرَ الْمَوْتِ} geeri ka taxadarkeedii, ka cabsideeda daraadeed (ayay saa u yeelayaan) {وَاللَّـهُ} Allaah {مُحِيطٌ} midkii kobo weeye {بِالْكَافِرِينَ} Gaalada (gaalada midkii koobay weeyoo, sina uma baxsan karaan hadey taxadaraan kama fakan karaam.)

Waxaad kaloo suureysataa oo bal isku daydaa in aad fahamto ruux uu roob ku da’aayo roobku wuxuu wataa mugdiyo waa fiid waa gudcur baan dhihi lahaa, daruurta circa fuushayna mugdi bey wadataa, dhibicda roobka ee da’aysana mugdi bey wadataa, roob intaasoo mugdiya wata marka labaadna wata onkad waa shanqad marka seddexaadna hilaac wata roobkaasaa rooxii haya meel cidla ahna waa joogaa wuxuu dugsadan male, hanqarka iyo onkodka iyo qeylada roobka ka baxaysa daraadeed buu dhegaxa iney dilaacaan ka cabsoo dhagahuu faraha gashanayaa.

Geeriduu ka cabsanaayo daraadeed amaad dhimataa buu is leeyahay (li ana) codku haduu kaa tan badato iyo qaylida waa la dhintaa. Ummadaa lagu halaagay sooma ahan qeylo lagu qeyliyay. Marka qeyladan buu is leeyahay amaad dhimataa markaasuu dhegaha faraha gashanaayaa.

Bal ruuxa noocaasa sawiro, enagu hadeynu magaalo joogno ruux xaaladaasi haysata sawirkiisa saan ku helno wey adag tahay, laakiin aad waxaa u dareemi kara rag dadkii baadiyaha degi jiray oo meelaha cidlada roobka ku heli jiray.

Roob noocaas oo kale ah oo mahiigaan ah oo mugdi kugu helay xaalad aad halis u ah weeye, waa cabsi iyo waa qeylo korkaaga ah waa biriq baxaysoo is leedahay goormaa lagu heli doonaa xaalada marka Qatar ah weeye.

Xaaladaas oo kaley marka ku jiraanoo ruux halkaas oo kale ku jira yacni cabsi iyo argagax iyo qalad iyo walbahaar iyo murug u dhameeysan sooma aha, daqiiqad walba wuxuu is leeyahay goormaad dhiman doontaa.

Marka munaafaqiinta xaalkooda sidaas oo kale weeye.

Waxba marka ha oranin () waxaa laga wadaa taas, yacni () kaasaa laga wadaa, waxba mid mid ha u fasirinee suuradaan guud arinka laga fahmaayo ruuxa xaalkaasi haaysto sheyga laga fahmi karo ayaa waxaa lagu shabahaayaa Munaafaqiinta xaalkooda saas weeye macna.

{أَوْ} Amase (masalkooda iyo sifadoodu) {كَصَيِّبٍ} roobkoo da’aayoo shubaaya kuwo u saaxiib ah yey la mid yihiin {مِّنَ السَّمَاءِ} xaga sare ka yimid {فِيهِ} roobkaasoo {فِيهِ ظُلُمَاتٌ} mugdiyaal ay yihiin dhexdiisa {وَرَعْدٌ} iyo onkad {وَبَرْقٌ} iyo hilaac {يَجْعَلُونَ} waxay yeelayaan {أَصَابِعَهُمْ} farahooda {فِي آذَانِهِم} ayay dhagahooda dhexdood yeelayaan {مِّنَ الصَّوَاعِقِ} biqirda darted (birqiyaasha dartood ama hanqaryada dartood)[1] {حَذَرَ الْمَوْتِ} geeri ka taxadarkeedii, ka cabsideeda daraadeed (ayay saa u yeelayaan) {وَاللَّـهُ} Allaah {مُحِيطٌ} midkii kobo weeye {بِالْكَافِرِينَ} Gaalada (gaalada midkii koobay weeyoo, sina uma baxsan karaan hadey taxadaraan kama fakan karaam.)

[1] Saaciqada macnaha waxa weeye waa onkadka midka ka qeylo badan weeye ee hadana weliba dabka soo tuurto saas weeye macnaha (Sawaaciq) baa la yiraahdaa yacni (Racdiga) waa ka fudud yahay.

020

{ يَكَادُ} Wuxuu sigayaa {الْبَرْقُ} hilaacu {يَخْطَفُ} inuu dafo {أَبْصَارَهُمْ} aragyaalkooda inuu dafo { كُلَّمَا أَضَاءَ } markastoo uu ifo {لَهُم} iyaga markuu ifiyo (meesheey mari lahaayeen markuu u ifiyoba) {مَّشَوْا} wey soconayaan {فِيهِ} shexdiisa xoogaa dhaqaaqayaan {وَإِذَا أَظْلَمَ} haduu mugdiyoobo {عَلَيْهِمْ} dushoodana {قَامُوا} wey istaagayaan (meel ay u dhaqaaqaan markaa male) {وَلَوْ شَاءَ اللَّـهُ} haduu Alle dooni lahaana {لَذَهَبَ} wuu la tagi lahaa {بِسَمْعِهِمْ} maqalkooda { وَأَبْصَارِهِمْ} iyo aragyaalkooda qaadan lahaa {إِنَّ اللَّـهَ} Alle {عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ} wax walba dushiisa kii awoodo weeye.

Macnaheedu waxa weeye hilaacu indhahii buu dafaayaa, xoogaa markuu yare iftiimiyo dhulkii kala arkaan baa ay dhaqaaqayaan. Markii uu damana meeshoodii dhaafimaayaan oo wey istaagayaan.

Yacni waa xaaladii aan horey u soo sheegnay cabsi waxay ku jiraan xad dhaaf ah, yacni waxa weeye waa taa Ilaahay (swt) aayad kale quraanka ku yiri:

”Qeyla kastoo soo yeerto waxay moodayaan iyaga inay ku socota.”

Marka xaalad qalad iyo walbahaar iyo cabsi iyo wax badan ku lunsatay ayay ku sugan yihiin weeye macnaha.

{ يَكَادُ} Wuxuu sigayaa {الْبَرْقُ} hilaacu {يَخْطَفُ} inuu dafo {أَبْصَارَهُمْ} aragyaalkooda inuu dafo { كُلَّمَا أَضَاءَ } markastoo uu ifo {لَهُم} iyaga markuu ifiyo (meesheey mari lahaayeen markuu u ifiyoba) {مَّشَوْا} wey soconayaan {فِيهِ} shexdiisa xoogaa dhaqaaqayaan {وَإِذَا أَظْلَمَ} haduu mugdiyoobo {عَلَيْهِمْ} dushoodana {قَامُوا} wey istaagayaan (meel ay u dhaqaaqaan markaa male) {وَلَوْ شَاءَ اللَّـهُ} haduu Alle dooni lahaana {لَذَهَبَ} wuu la tagi lahaa {بِسَمْعِهِمْ} maqalkooda { وَأَبْصَارِهِمْ} iyo aragyaalkooda qaadan lahaa. Haduu Alle doono waxba uga tageen, taxadarkay taxadaraayaan Ilaahay kama fakadeen weeye macnaha oo maqalkana waxaa lagu qaadi lahaa yacni (Sawaaciqda) iyo (Racdiga) aragana waxaa lagu qaadi lahaa (Hilaacaa) lagu qaadi lahaa haduu Alle doono (subxaanahu wa tacaalaa). {إِنَّ اللَّـهَ} Alle {عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ} wax walba dushiisa kii awoodo weeye.

Wey socotaa…

Inshaa Allaah la soco qaybta 2aad ee suurada al-Baqarh hadii Eebe inoo fududeedyo.

Wa Billaahi Tawfiiq

Decorative Lines

Fadlan wixii faahfaahin iyo saxid ah ku soo hagaaji:
Abuu.Kalthuma@gmail.com
wajibad@wordpress.com

Sannadka La Tafsiiray:
Taariikha Hijriga 12ka Muxarram 1424
15, March 2003 Taariikhda Miilaadiga

Sannadka: La Qoray
Date:
 Friday, 9 October, 2015
Hijri: Jimco 25 Dhul Xajjah 1436