RUNTA XIJAABKA

Waxaa Qoray:
Axmed Cismaan Maxamed

Email: kalafow@hotmail.com

Decorative Lines

Bismillah

Hordhac

Kahor Inta aan dooda la xariirta runta xijaabka guda galin  waxan jeclahay in hordhacan aan kuxuso arimaha soo socda:

Marka hore in diinta Rabiga tahay mid garashdeeda fududahay, una’qorsheysan inuu fahmo qofka caadiga ah ee yaraantiisa  dugsi iyo waxbarasho midkoodna soomarin.

Tan labaad in aayada dhaheyso:

“La- ikraha fi-ddin”(Qasab diinta kamid ma’ahan) (لا إكراه فى الدين ) tahay salidhiga diinta Islaamka.

Haddii aayada kor ku xusan sharci ahaan loo hir’geliyo, waxa markaas xadgudub cad noqonaysa, in qof, qof kale ku’qasbo gudashada wajibaadka diinta sida tukashada,  salaada, ama cunto kasoonka bisha Ramadaan, iyo wixi la mid’ah.

Diinta qofka marna kama qaadeeyso doonistiisa xorta ah, ama waxa afka qalaad lagu’yiraahdo  (His  free will), qofka sharaftisa iyo xaqdhoorkiisa   labadaba waxy ku jiraan  in wajibaadka diintiisa fareeyso doonistiisa xorta ah ku guto, cabsi la’aan iyo cadaadis la’aan.

Arinta hadii sida kor ku xusan u’aragno waxaa xad’gudub diinta Rabiga  lagu xad’gubo noqonaayo,  in qof lagu maquuniyo gudashda waajibaadka diintiisa. Diin isku maquunis Rabiga marnaba raali kama ahan, mana keeneeyso ku dhawaasho Rabi.

Sida kor ku xusan diinta Rabiga waxaa lagu sifeen karaa, mid aan mugdi ku jirin,  marka hadii aad aragtid arin diin oo murgan, mugdina ku jirta marwaalba xisaabta ku darso in arintaas fikir aadane ku lifaaqanyahay.

RUNTA XIJAABKA

Doodda  maqaalkan waxa fure u’ah in marka’hore la isweeydiiyo ereyga XIJAAB micnihiisa.

Xijaab, micnihiisa aff – Somali ahan waa “DAAH”,

Daah qofka ka xageeyo  uusan kuu muuqanin.

Ereyga intaas kabadan laguma jeedo. Micno intaas dhaafsiisana ma xambaarikaro.

Intaas waxaan kudari lahaa in  diinta Islaamka meel dhow ama meel  dheer ku xusin dhar, ama hubqaad gaar ah, oo diinta Islaamka  fareeyso in haweenka muslinka labistaan.

Waxaa kaloo diinta islaamka ku jirin  dhar magaciisa layiraahdo xijaab, ama xataa hab tolitaan dhar ah  oo magaciisa la yiraahdo xijaab.

Waxa kaloo xusid mudan in dhaqankan xijaabka ah ee dhawaan ku fidey dunida muslinka seddex qodob sabab looga dhigo:

1- Kacankga lagu magacaabo kacaanka muslinka ee dalka Iraan ka hanaqaaday sanaddii  1989, oo haweenka Iiraan  dhamaantood ku qasbay in dhar xijaab la yiraahdo ( oo diinta islaamka ku xusneen)  labistaan.

2- Dowlada Sacuudiga oo wada qorsha ah in aay fidiso madhabka qalafsan ee wadankeeda looga dhaqmo. Madhabkaas oo haweenka farayo in dhar magaciisa xijaab la yiraahdo labistaan.

3- Xagjireyaalka isku qasa diinta iyo siyaasada iyo kooxaha argagexisada  ee kadilaaca wadamada muslinka ah  sida Al-shabab oo haweenka ku cadaadiyo qaadashada xijaabka.

Qaybaha Qoraalka

Qaybta kowaad waa dulmarid aayadaha Quraanka kariimka ah ee aay cuskadaan taageeryaasha xijaabka, si aan u’ogaano micnaha aayadaha iyo fariinta aay xambaarsanyihiin.

Qaybta labaad waan boor’kaqaadid iyo xoqid labada Xadiis ee ay cuskadan taageerayaasha xijaabka si loo ogaado asalka labadan xadiis, xukunkooda iyo waxtarkooda.

Qaybta seddexaad waxaan isku weeydiin doonaa mas’alad laxariirta madax-feednaanta dumarka iyo ragga.

Qaybta Koowaad

Aayada kowaad:

يا أيها الذين امنوا لا تدخلوا بيوت النبي إلا أن يؤذن لكم إلى طعام غير ناظرين إناه، و لكن إذا دُعيتم فادخلوا، فإذا طعمتم فانتشروا، ولا مستأنسين لحديث إن ذلك كان يؤذى النبي فيستحى منكم والله لا يستحى من الحق، و إذا سألتموهن (أى نساء النبى ) متاعاً فاسألوهن من وراء حجاب ذلكم أطهر لقلوبكم و قلوبهن، و ما كان لكم أن تؤذوا رسول الله، و لا أن تنكحوا أزواجه من بعده أبداً، إن ذلكم كان عند الله عظيماً” الأحزاب 53:33

Aayadan magaceeda waa: aayada xijaabka,ama aayada  daaha.

Fariinta aayada xambaarsantahay waxa lagu koobi kara seddex qodob.

Hab’dhaqanka qofka muslinka ah laga filaayo mar’ala iyo marka  lagu marti’qaado in guryaha Rasuulka (scw) ka cunteeyaan.

In haweenka Rasuulka(scw) iyo raga  guryaha Rasuulka  usoo martiya la dhax dhigo daah  “Xijaab”.

Inaan la guursan karin haweenka Rasuulka(scw) geeridiisa ka dib.

Qodobka naga quseeye saddexda  qodob ee aayada xuseyso waa qodobka 2aad  ee kusaabsan daaha ama xijaabka.

Fariinta qodobka labaad  xambaarsanyahay waxaa nooga muuqata  in xijaabka uusan ahayn dhar la labisto oo la farey in xaasaska  Rasuulka (scw)  labistaan, lakiin yahay  daah loo dhexeysiinaayo xaasaska  Rasuulka iyo ragga guryaha Rasuulka u’soo martiya.

Xijaabka  aayada ku xusan  waa daah, ee ma’ahan dhar haweenka labistaan.

Dhar xijaab la’yiraahdo oo Rabiga faray in haweenka labistaan kuma xusna aayadan kor ku xusan.

Daaha aayadan amreyso in uu dhaxmaro,  xaasaska  Rasuulka iyo raga guryahiisa  u’soo martiya waxa looga danleeyahay:  hadii nin ka mid’ah martida Rasuulka doono  in uu lahadlo haweeyen ka mid ah xaasaska Rasuulka (scw), ama u baahdo inuu arin ka codsado, inuu sidaas sameeyo ayada qofta  uu lahadlaayo iyo asaga  u dhaxeeyaan  daah.

Dahaas aya suurtogal ka dhigaaya in labada qof ee isla hadlaaya midkoodna midka kale u’muuqanin.

Xukunka ku jira aayada  waa mid quseeysa, gaarna u’ah   kuna kooban  xilaha Rasuulka (scw) keligood.

Xukunkaan ma qabanaayo, mana quseeyo cid kabaxsan xilaha Rasuulka, sida  gabdhaha Rasuulka waalidka u’yahay, jaariyadaha guriga Rasuulka ku nool, iyo haweenka kale oo muslinka ah.

Su’aasha la isweeydiink karo waxa tahay: Mabanaantahay in  haweenka muslinka kudaydaan xilaha Rasuulka, si aay u fuliyaan arimihi xilaha Rasuulka(scw) lafare?

Jawaabta waa maya; sababtana waxay tahay in Qur’aanka kariimka ah cadeeyeey in xilaha Rasuulka(scw) leeyihiin axkaan  ayaga keligood u’gaar ah, oo ka duwan xukunada  la faray haweenka kale.

{ يا نساء النبى لستن كأحد من النساء } [ سورة الأحزاب 33: 32].

Aayadan hada kor ku xusne micnaheeda waa: “ xilaha Nabigoow, lamid matihiin haweenka kale”.

Axkaanta xilaha Rasuulka ugaarka ah waa:

1- In cadaabta loo kordhinaayo mid kasta oo ayaga ka mid ah oo  latimaada camal fool-xun oo cad ama (faaxishaad banaanka taalo)

{ يا نساء النبى من يأت منكن بفاحشة مبينة يضاعف لها العذاب  ضعفين }
[ سورة الأحزاب 33: 30 ]

2- In haweenka ah xilaha Rasuulka(scw) laguursan karin, geerida Rasuulka kadib, oo weligood iska ahaanayaan carma ilaa iyo inta tii rabi “ Geerida” uga imaaneeyso.

{ يا أيها الذين آمنوا … وما كان لكم أن تؤذوا رسول الله ولا أن تنكحوا أزواجه من بعده أبداً  [

سورة الأحزاب 33: 53

3- Aayada hoos ku xussan marka aay soo degtay Rasuulka waxa laga xarimay  inuu xaas  kale guursado, ama  in xaasaskiisa  mid kamid ah furo booskeedana kubedelo haweeney cusub, ama inuu xilihiisa dhamaantood wada furo, booskoodana kuwo cusub ku bedesho. Sidaasna Rasuulka waxa loogu diiday  inuu xaas  cusub guurso kadib markii Aayada soo degtay. .

لايحل لك النساء من بعد ولا أن تبدل بهن من أزواج  [ سورة الأحزاب 33: 52

Intaas oo dhan waa axkaan u’gaar ah xilaha Rasuulka(scw), mana lagu fullinkaro haweenka muslinka ee caadiga ah.

Arinta  kale waxay tahay in Quraanka uu farey muslimiinta  in Rasuulka (scw) ku’daydaan (لقد كان لكم فى رسول الله أسوة حسنة) laakiin Quraanka kumataalo aayada haweenka muslinka fareyso in aay kudayadaan xiliha Rasuulka.

Sheekada marna ma ahan in raga muslinka ah ay  ku daydaaan Rasuulka(scw), halka  haweenka muslinka ahna   ay ku daydaan xilaha Rasuulka .

Xilaha Rasuulka nabinnimo iyo rasuulnimo waa kafogyihiin, waa dumar wanaagsan oo akhyaar ah, lakiin ayaadaha Quraanka kariimka ah laguma haayo raad cadeynaaya in xilaha Rasuulka  yihiin horjoogeyaal haweenka muslinka lafarey in aay kudaydan.

Aayada labaad :

قل للمؤمنات يغضضن من أبصارنهن، ويحفظن فروجهن، ولا بيدين زينتهن إلا ما ظهر منها،وليضربن بخمورهن على جيوبهن. ( النور 31:24)

Aayadan magaceeda waa  aayada qimaarka,ama  aayada hagoogta.

Sababta aayadan u soo dagtey waa in haweenka xiliga Rasuulka (scw) joogay ay  caado u ahayd  in madaxa hagoog sartaan.  Waxaa kalo caado ahayd in hagoogta,  garbaha dushooda ka tuuraan, sidaas aawgeedna waxa muuqan jiray aybta sare ee xabadkooda.

Aayaddan haweenka waxay fareeysa, in hagoogta  ka soo tuuran garbaha hortooda, markaasna geliyaan jeebka kutolan xabadka korkiisa, si markaas u asturanto  qaybta sare ee xabadkooda.

Fariinta  aayada xambaarsantahay waa bedelaad  caado, ama dhaqan jiri jirey oo aha:  in haweenka hagoogta  katuuri jireen garbaha dushooda, dhaqankaasna lagu beledo dhaqan cusub oo ah:  in haweenka hagoogta  katuuran garbaha hortooda si markaas u asturanto qaybta sare ee xabadkooda.

Nuxurka aayada waa in caado ama dhaqan jiri jirey lagu bedelo caado ama dhaqan cusub.

Xikmada aayada xambarsantahay waa asturaada la asturayo  qaybta sare ee xabadka haweenka ee caado ahaan muuqan jirtey inta aayada soo degin ka hor.

Aayada fariin intaas kabadan ma xambaarsano. Dhar xijaab la yiraahdo oo aayada  kuxusan majiro.Sharci farayo haweenka in aay isxijaaban kumajiro

Culimada qaarkood ayaa ku dooda in aayadan qasdiga laga lahaa yahay in lagu kala sooco  haweenka muslinka ah iyo kuwa aan ahayn. Markaasna ay  noqdaan haweenka muslimka ah kuwa xabadkooda asturanyahay, haweekna muslinka ahayna  kuwa xabadkooda muuqda.

Aayada sedexaad:

” يا أيها النبي قل لأزواجك، وبناتك، ونساء المؤمنين يدنين عليهن من جلابيبهن ذلك أدنى أن يعرفن فلا يؤذين”

( الأحزاب 59 )

Aayadan magaceeda waa: aayada jalaabiibta,ama ayaada diraca, ama jilbaabka.

Asbaabta soo degitaanka  aayadan aya lagu tilmaamaa in aay ugu wacnayd in haweenka xiliga Rasuulka (scw) joogey, banaaka fog musqul ahaan u aadi jireen.

Haweenkaas faduulis iyo faraxumeen badan ayeey kala kulmi jireen raga xun ee haweenka faduuliya marka meel cidlo ah ku helaan.

Ragaas aya la sheege in aay kalagaran waayeen, jaariyadaha, iyo haweenka gobta ah. Aayadana waxay soo degtay kadib markii haweenka cabasho ka keeneen dhibaatada ka haaysato  Musqulada  banaanka fog ay u  aadijireen.

Jilbaab hoos u’dhigida aayadan aay ah aayad  haweenka xorta ah fareeysa waa  mid sahleeyo in haweenka xorta ah lagu garto, si aan loo dhibin.

Marka jilbaab hoos udhigida danta laga leeyahay waa ( garasho) (أدني أن يعرفن  ) si aan loo dhibin (فلا يؤذين)

Marka  aqoonsiga haweenka gobta ah waa diraca dheer, islamarkana aqoonsiga jaariyadahana  iyo  haweenka xun waa diraca gaaban.

Hadafka  aayadan  waa in laka saaro oo lakala garto haweenka gobta ah, iyo jaariyadaha iyo haweenka xun, aayadana micno kale ma’xambaarsano.

Cilmiga la yiraahdo Usoolul-fiqh (اُصول الفقه) waxuu ku saleeysanyahay in hadii sabata xukun dhalise tirtiranto, xukunkana tirtirmaayo.

Xukunka marwalba waxuu daba socdaa sababta dhalisey. Hadii sababtii xukunka dhalisey meesha ka baxdo oo la waayo, xukunkana waa in  uu  meesha ka baxaa.

Taas micnaheeda waxaa waaye: madaama hada  jirin haween gob ah iyo haween aan gob ahayn, iyo haween dibada fog musqul ahaan u aada, majirto sabab loo dhihi karo haweenka dirica ama jilbaabka hoos ha udhigaan si loogu aqoonsado, waayo sababti xukunka dhalisey aya meesha ka baxday.

Seddexda Aayadood ee kor ku xusan waxaa si weyn uga muuqda in uusan jirin habayaraatee xukun cad oo haweenka muslinka faraayo in aay is xijaabaan ama  xili walba labistaan (uniform) ayaga u’gaar ah oo magaciisa la’yiraahdo xijaab.

Hadii  saddexda aayadood ee kor kuxusan midood ku  cadahay xukun haweenka faraayo  in aay isxijaabaan ama  lebistaan (uniform) ayaga  u’gaar ah, markaas looma baahdeen  in aay soo degto aayad labaad iyo aayad sedexaad  oo isla  xukunkii naftiisa ka hadleeyso.

Caqliga caadiga ah waxuu si sahlan u fahmi karaa in iska soo daba noqoshada aayadaha micnaheeda tahay  in aayad walba gooni’ahaanteed  uleedahay qasdi (hadaf) iyo dan (purpose) ka duwan aayada kale.

Xeer dejiyaasha  caadiga ah waxa laga filaaya in uu ka fogyahay inuu qodob hal xeer la xariira marar badan soo celceliyo asagoo adeegsanaayo ereyo kaladuwan.

Ilaahey subxaano wa tacaala waa  xeer dejiyahay ugu weyn, waa ka nazahanyahay inuu qodob kusaabsan hal xeer sadex aayadood oo kala gedisan ku soo dejiyo.

Qaybta Labaad

Qeebtan waxaan ku faaqideynaa laba Xadiis oo taagyeerayaasha xijaabka cuskadaan.

1) لا يحل لإمرأة تؤمن بالله وباليوم الأخر إذا عكرت (بلغت الحيض) أن تظهر إلا وجهها ويديها إلى هنا  وقبض نصف الذراع.

Xalaal u’ma ahan haweeney aaminsan Ilaahey iyo maalinta qiyaame hadii aay qaan gaaro in aay bandhigto wax ka badan wajigeeda iyo labadeeda gacmood. Rasuulka (scw) markaas waxuu qabte dhexda garabkiisa.

2)  رووِي عن ابى داود عن عائشة أن أسماء بنت أبى بكر دخلت على الرسول فقال لها: يا أسماء، إن المرأة إذا بلغت لم يصلح أن يرى فيها إلا هذا، وشار إلى وجهه وكفيه

Abii-Daauud waxuu soo wariyey in Caa’isha (xaaska Rasuulka scw) laga wariyey in walaasheed Ismaa u’gashe Rasuulka markana ku yiri: “ Asmaa, hadii qof dumar ah qaan gaarto, ma aslaxeeyso (ma’fiicno) in laga arko intan mooyaane”

Rasuulka markaas waxuu tilmaame wejigiisa iyo labadiisa gacmood.

Falanqeenta Labada Xadiis:

1-  Marka hore xadiiska kowaad:

Xadiiskan waa nooca looyaqaano axaad,  waa xadiis hal qof keliya soo wariyey.

Qofta xadiiskan laga soo weriye waa xaaska Rasuulka(scw) Caa’isha.

Qofka xadiiska  soo wariye magaciisa waa Khalid bin Dareek.

Dhibka xadiiskan ka jira waaxa waaye in Khaalid bin Dareek  ahayn qof soo gaarey  xiliga xaaska Rasuulka(scw) Caa’isha nooleed, sidaas aawgeedna ma’ahan qof Caa’isha nolol ku arkey.

2- Xadiiska labaad asagna waa nooca loo yaqaan aaxaad:

Xadiiskan waxa soo saarey  Caalin magaciisa la yiraahdo Abuu- Daauud,  xiliga xadiiskan la soo saaray waa 300 sano kadib geerida Rasuulka (scw).

Abuu- Daauud marka xadiiska uu soo saarey waxuu ku tilmaamay in uu yahay xadiis mursal ah.

Taas micnaheeda waxaa waaye in aan la hubin in xadiiskan Caa’isha laga soo wariyey iyo inkale, sidaas awgeedna xadiiska run ahaantiisa waa mid mugdi uu  ku jiro. Intaas waxa la raacin karaa in labadan xadiis midkood aan lagu arkin kitaabka xadiiska ee loo yaqaaan saxiix Al-bukhari.

Xadiiska kowaaad iyo kan labaad labadaba waa aaxaad. Xadiisna marba hadii lagu magacaabo in uu yahay axaad oo uusan ahayn jamci, taas micnaheeda waxay tahay in xadiiskaas sharci ahaan xukun lagu dhisi karin, xukun dhisnaana lagu dumin karin.

Tan labaad waxaa kuu muuqda inkastoa  labadan  xadiis hal qof laga soo wariye ( Xaaska Rasuulka Caa’isha) haddana labada xadiis waxaa dhaxmaraayo iska horimaad.

Xadiiska koowad waxaa ku xusan  in Rasuulka (scw) garabka gacantiisa dhaxda ka qabte. Taas oo laga fahmi karo in qofta haweenka ah  muujinkarto  wajigeeda iyo  garabkeeda nuskiisa.

Lakiin xadiiska labaad muuqashada waxuu ku soo gaabiye  wejiga iyo labada gaacmood,(الكفين) waxuuna ka reebay garabka nuskiisa.

3- Inkastoo labada xadiis yihiin laba xadiis oo hal-qof laga soo wariyey hal meelna uwada socdaan hadana waxaad arkeeysa in xadiiska kowaad kahadlaayo arrin shareecada islaamka  lugta kula jirto kuna saabsan ( xalaaleen iyo xaaranmeen)  تحليل و تحريم)), xadiiska waxuu kabilaabmaa (laa-yaxillu)(لا يحل) (uma’xalaalsana) yacni  waa kaxaraan.

Lakiin Xadiiska labaad kama hadlin  arrin shariicada Islaamka  lugta kulajirto.

Xadiiska labaad waxuu leeyahay    (laa’ yasluxu) (لا يصلح)(ma aslaxeeyso)  Oraahda dhahaysa (uma’xalaalsana لا يحل)  iyo tan dhahaysa  (ma’aslaxeeyso لا يصلح)  hadii luqada  shariciga ugaarka ah  lagu fiiriyo waxa soo ifbaxaayo in laba micne oo kala duwan wataan.

Oraahda dhahaysa (ma’aslaxeeyso)(  لا يصلح) kama hadleeyso xalaalnimo iyo xaaraan nimo midkood.

Qaybta Sedexaad:

Isweeydiin kusaabsan in madax-feednaanta haweenka cowro tahay iyo inkale.

Ka-hor inta labiska(dharka) xijaabka la yiraahdo ku fidin dunida muslinka, waqtigan la joogo, waxaa wadamo  badan oo muslin ah caado ka  ah, qaarkoodana weli caado ka tahay  in gbdhaha guur-doonka ah madaxooda feedanyahay, qaarkoodana tinta u titcantahay,ama udabantahay.

Feeditaanka  timaha gabdhaha    guur-doonka ah waxay ahayd calaamad tilmaameyso in gabadha soo doonasho diyaar u’tahay , oo reerkeeda laga soo raadsan karo. Geberta marka aay guursato dadka waxaay dhahaan  heblaayo waa la shash-saarey.

Shaashka aroosada madaxa loo saarayo habeenka arooska waa tilmaan cadeyneyso in qoftaas ay  reer yeelatay oo aysan  guur u madax-banaaneen. Mana ahan arin cadeeyneyso in tinteeda cowro ahayd, ama arooska kadib cowro noqotey.

Caadada ama dhaqanka noocaas ah Somalia waxaa looga soo dhaqmaaye muddo ku dhow 14 qarni, mana lamaqalin diidmo  xaga culimada diinta oo arintaas la xariirto, xiligaas aad iyo aad u dheer oo soo taxnaa kun iyo afarta boqol sano oo xariirta.

Haddii dhaqankaas ahaan laha mid sharciga islaamka gudubsan mar hore ayuu baabi’i laha oo anaga maba soo gaarneen.

Dhaqanka laxariira in gebdhaha guur-doonka ah  madaxooda feed-naado ma ahan dhaqan Somalida u gaar ah. Hindiga muslinka ah iyo  dadka reer Pakistanata,  dhaqankaas waa la wadaagaan Somaalida,

Inkasto shacabka Pakistaan yahay shacab dhiinta aad iyo aad ugu dhegan haddana wadoonyinka magaalooyinka waaween – ilaa iyo xiligan hada aan joogno – maalin-walba waxaad kula kulmeysa  gabdho magaalada ku dhaxmaraayo madax feednaan.  (gebdhahaas dhamaantood waa gabdhaha guur-doonka ah).

Culimoda reer Pakistaan dadkooda waa wacdiyaan had iyo jeer, arinta gebdhaha madax-feednaanta magaalada ku marayo hadii ay ahaan lehayd arin xaraan ah, culimada reer Pakistaan aritaas waa hore ayey ka hor-istaagi lahaayeen bulshada.

Dhacdooyinkaas ka dhaca Somalia, India, Pakistan iyo wadamo kale oo muslin ah waxaad ka fahmi kartaa in muuqashada timaha haweenka xaraan ama cowro  ahayn.

Gudasha salaada, iyo madax-feednaanta haweenka

Xadiis Rasuulka (scw) laga soo weriye waxa ku xussan: in salaadda ruux dumarka  ah oo qaangaar ah ansaxmeeynin hadii ruxaas  madaxa hagoog usaarneen.

Xadiiskan waxa la-dhaha: “ Xadiiska hagoota ama qimaarka, akhriskiisana wa sidaan:

روى عن النبي أنه قال : لا تقبل صلاة الحائض إلا بخمار

Xadiiskan waxaad ka fahmeysa in qofta dumarka ah ku qasbantahay diin-ahaan inay hagoog madaxa saarato, keliya xiliga aay u taagantahay  tukashada salaada.

Taas micnaheeda waxa waaye in qofta dumarka ah ku qasbaneen diin-ahaan in  xiliwalba madaxa hagoog u saarnato.

Haddii arinta  sidaas ahaan-leheed, Rasuulka(scw) ma  fareen haweeka inaay  hagoogtaan marka aay salaadda tukanayaan, waayo micno kuma jiro in  qof marwalba hagoog madaxa usaarantahay lafaro inuu hagoog madaxa saarto xiliga salaadda u istaago.

Fariintan  Rasuulka(scw) bixiyey waxaad kafahmeeysa  in xiligii  Rasuulka (scw) jireen haween masaajidka  salaadda u soo aadi jirey ayagoo madax-feedan.

Arintaasna tahay sababta keentay in Rasuulka (scw) bixiyo fariintaan haweenka  ku amreysa in xiliga tukashada salaada hagoog madaxa saartaan.

Waxaa kale oo aad  ka fahmi kartaa xadiiskaas  in madax-feednaanta haweenka ahayn xaaraan, marka laga-reebo xiliga qofta dumarka ah salaada tukaneyso.

Xadiiskan hada kor ku xussan ee faraayo dumarka in madaxa hagoogtaan  xiliga salaada  waxaa soo saarey afar caalin oo magacyadooda laka yiraahdo: Abuu-Daauud, Ibn-Xanbal, Ibn-Majah, iyo  Al-Turmudi (Mafatiix al-kunooz safxada 168).

Waxaa xusid mudan in diinta Islaamka ragga iyo haweenka si siman u fareyso in ay is asturaan oo jirkooda ku asturaan dhar waasic ah oo isha dhaxmareeynin (ملابس غير شفافة Nan transpirantal cloths) islamarkaana muujineeynin qeeb ka mid ah qeebaha jirka.

Hadii qof haween ah doonto in madaxeeda daboolato, oo ay timaheeda qarsto, arinta waa mid shakhsi ah, xaq buuxana waa u leedahay in aay sidaas sameeyso, lakiin ficilkaas ma’ahan mid diin ku saleeysan ciqaab Rabina kama dhalanayso  haddii sidaas oo kale gabdhaha kale ay sameen waayaan waayo  arintu  ma dhaafsiisna shaqsi iyo dooqiisa.

Qoraalka ma’ahan mid loogu baaqayo haweenka muslinka ah in aay isqaawiyaan, hadafkiisana kama badna in la muujiyo in dharkan xiijaabka la yiraahdo diinta Rabiga meelna kaga xusneen.

Waxaa Qoray:
Axmed Cismaan Maxamed
Email: kalafow@hotmail.com

Xigasho: Somalithinktank.org

Axmed Cismaan. waa aqoonyahan cilmi baaris iyo qoraalo badan ka diyaariyay Arimaha bulshada. Maqaalo badan oo uu leeyahay waxaa laga heli karaa Shabakada Alshahid.net.