Tafsiirka 
Quraanka Kariimka

Suurada al-Baqarah

Qeybta | 2aad

Qoraal Af-Soomaali

Waxaa fasiray:
Sheekh Maxamed Cabdi Umul

Waxaa qoray: Abuu Kalthuma
Email: Abuu.Kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

Surat al-Baqarah

Qeybta | 2aad

{ سورة البقرة }

BISMILLAH2

Assalamu Alaikum

Xuquuqda qoraalkan

Qoraaladan ee Tafsiirka Quraanka Kariimka waxaan ka soo qornay calajadaha tafsiirka ee Sheekh Maxamed Cabdi Umul (Ilaahay ha xafido), waxa aanu u qornay sida sheekha u fasiray waxna kama aan bedelin hadalkiisii, maadaam ay yare kala duban yihiin sida loo hadlo iyo sida wax loo qoro waxaan isku daynay oo keliya in meelaha qaar aan u qornay sida loo wada fahmi karo guud ahaan.

Xuquuqda qoraalka waa mid furan una fasaxan cidii dooneysaa in ay qeerka wax ka faafisa ama ka daabacata ama dooneysa inay website gelisa. Waxaa ka mamnuuc ah in la iibiyo oo laga mushtaraa. Marka waxii saxid u baahan ama talo ah waxaad inagu soo hagaajin kartaan cinwaanadaan hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

Email: Wajibad@gmail.com
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com

Tani waa qaybtii labaad (Suurada al-Baqarah) ee Tafsiirka quraanka Kariimka ee Sheekh Maxamed Cabdi Umul (Ilaahay ha xafido). Amaanta Rabbi (caza-wa-jala) iyo saliga suubanaha rasuulka Muxammad (naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) sida tan ayuu Sheekha hadalkiisa ku bilaabay.

Halkaan Ayuu ka Bilaabanaayaa 

Tafsiirka Suurada al-Baqarah
– Qayba | 2aad –
Ee Sheekh Maxamed Cabdi Umul
(Ilaahay Ha Xafido)

Intaa markii munaafaqiinta lagaga soo hadlay, laba tusaaloo noloshooda iyo xaaladay ku nool yihiin cadeyneysana la daba dhigay, baa Ilaahay (swt) wuxuu u jeediyay sedexdii kooxoodba dhabaaq.

021

{يَا أَيُّهَا النَّاسُ} Daddow {اعْبُدُوا} caabuda {رَبَّكُمُ} rabigiinii caabuda {الَّذِي} rabigaasoo {خَلَقَكُمْ} idin abuuray {وَالَّذِينَ} idinka iyo kuwii {مِن قَبْلِكُمْ} idinka horeeyay {لَعَلَّكُمْ} waxaad muddan tihiin {تَتَّقُونَ} inaad is dhowrtaan [oo Ilaahay cadaabkiis iska dhowrtaan oo aad ka cabsataan.]

022

{الَّذِي} Allahaasoo {جَعَلَ} yeelay {لَكُمُ} idinka {الْأَرْضَ} dhulkii idinka yeelay {فِرَاشًا} gogol {وَالسَّمَاءَ} samadiina {بِنَاءً} dhismo idinka dhigay {وَأَنزَلَ} soo dejiyay {مِنَ السَّمَاءِ} xaga sarena {مَاءً} biyo idinka soo dejiyay {فَأَخْرَجَ} saaray {بِهِ} biyahaas sababtooda {مِنَ الثَّمَرَاتِ} miraha qaarkood idinkusoo saaray {رِزْقًا} risqisiin daraadeed iyo irsaaqid daraadeed {لَّكُمْ} idinka la idinku irsaaqayo saa u yeelay {فَلَا تَجْعَلُوا} ha yeelina {لِلَّـهِ} Ilaahay {أَندَادًا} kuwo Alle la fil ah oo la mid ah, ha yeelina {وَأَنتُمْ} (wal-xaal) idinku {تَعْلَمُونَ} ad ogtihiin inaysan jirinba.

Dadoow Rabbigiin Caabuda

Mabda’ani waa mabda’a aan ku soo marnay (إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ) war dadoow kuligiin Ilaahay caabuda Rabbigiin caabuda (swt). Rabigaa caabuda la idin leeyahay keligii ka dambeeya oo ka amar qaata wuxuu raali ka yahay ku dadaala sharcigiisa fuliya la idin leeyahay, Rabbigaa ma taqaanaan?

Rabbigaasaa la idin bari.

Sababtaa keligii u caabudeysaan waxa weeye, isaga keligii baa idin abuuray, abuurkaa la idiin abuuray cid la wadaagta miyaa jirta? Maya.

Kuwii idinka horeeyayna keligii baa abuuray.

Waa mida labaadee! Dhulkaan gogosha ah ee saa doontaa ka yeeleeysaan, dhisaneysaa ku kaadsheyaan, (yacni waxa weeyaan) isku aaseysaan, dhulkaana isagaa idin goglay.

Samadaan saan qaafka idin ahna Alle (swt) isagaa dhisay, roobkana isagaa keenay dhibicda biyaha ah oo miraha dhulka ka soo baxa oo risqiga iyo masruufka idin ah, isagaa kuu soo saaray.

Intaa miyaad ogtihiin mid la wadaago?

Ma cid la qabatoo intaa oo ku kaalmeeyso baad ogtihiin? Maya

Intaa hadeynaan ogeyn in aan lagu kaalmeynin,

(فَلَا تَجْعَلُوا لِلَّـهِ أَندَادًا) marka.

Ilaahay kuwo la mid ah oo la fil ah oo wax ugu dartaan ha sameeynina.

  • Maxaad Alle iyo dhagax wax isugu dareysaan?
  • Maxaad Ilaahay iyo wadaad qabri ku jiro wax isugu dareysaan?
  • Maxaad Ilaahay iyo Jinn wax isugu dareysaan?
  • Maxaad Ilaahay iyo maqluuqaadkiisa iyo adoomadiisa waxa isugu dareysaan?
  • Intaa Ilaahay sooma sameynin?
  • Soo Ilaahay keli kuma ahan?

Kan intaa sameeyay ee keli ku ah cibaadadiina keli kaga dhiga, oo cidna ha garab dhiginoo wax hala wadaajin weeye macnaha.

{فَلَا تَجْعَلُوا لِلَّـهِ أَندَادًا وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ}

Waa mas’alada ay culimadu (Taqriiriyaan) oo mabda’a la yiraah caqiida (Towxiidul-Rubbuubiya) ayaa waxaa laazimsanaayaa (Towxiidul-Uluuhiya), hadaaba qirsan tahay keligii haduu ku abuuray, dhulka keligii inuu goglay, masruufka iyo risqiga inuu keligii ku siiyo, soo kama dhalaneyso inaad keligii caabudo?

Wey ka laazimeysaa, waa leysu daliishanayaa marka.

War kan hadaad ogoshahay, maxaad kan ku diiday?

  • Maxaad ku diiday keligii inaad u sajuudo?
  • Maxaad ku diiday keligii inaad barido?
  • Maxaad ku diiday inaad keligii u hogaansato?
  • Maxaad ku diiday inaad sharcigiisa kelligii qaadato?
  • Maxaad ku diidi intaaba keligii waad u ogoshahay saas waaye macnaha….

{يَا أَيُّهَا النَّاسُ} Daddow {اعْبُدُوا} caabuda {رَبَّكُمُ} rabigiinii caabuda {الَّذِي} rabigaasoo {خَلَقَكُمْ} idin abuuray {وَالَّذِينَ} idinka iyo kuwii {مِن قَبْلِكُمْ} horeeyay ahaaday {لَعَلَّكُمْ} waxaad muddan tihiin {تَتَّقُونَ} inaad is jirtaanoo (cadaab is jirtaan ama aad ka cabsataan).

{الَّذِي} Allahaasoo {جَعَلَ} yeelay {لَكُمُ} idinka {الْأَرْضَ} dhulkii idinka yeelay {فِرَاشًا} gogol {وَالسَّمَاءَ} samadiina {بِنَاءً} dhismo ka dhigay (yacni dhista kor) tane waa guriga qaybtiisa hoose weeye {وَأَنزَلَ} dejiyay {مِنَ السَّمَاءِ} xaga sarena ka soo dejiyay  {مَاءً} biyo idinka soo dejiyay {فَأَخْرَجَ} soo saaray {بِهِ} biyahaas dartood {مِنَ الثَّمَرَاتِ} miraha qaarkood ku soo saaray {رِزْقًا} maxaa loogu soo saaray? irsaaqad daraadeed {لَّكُمْ} idinka la idin irsaaqayo (indin in la idiin irsaaqo baa intaas un looga shaqeynayaa macnaha waa loo soo saaray) {فَلَا تَجْعَلُوا} ha yeelina (Intaa hadii la idin qabtay maxaa la idinka rabaa) {لِلَّـهِ} Ilaahay {أَندَادًا} kuwo Alle la fil ah oo la mid ah, ha yeelina {وَأَنتُمْ} (wal-xaal) idinku {تَعْلَمُونَ} ad ogtihiin inaysan jirinba.

Nabiga (csw) waxaa la weeydiyay xadiiskii Cabdullaahi Ibnu Mascuus ee Bukhaari iyo Muslim soo saareen:

‘’ Nabi Allow dambi la galo kee ugu weyn?

Wuxuu yiri (scw):

”Inaad Ilaahay mid garab dhigto oo mid la mid ah aad sameyso ood wax la wadaajiso adoo ogg inuu ku abuuray.’’

Adoo ogg inuu ku abuuray hadana hadaad cid un ku garab wado dambi lagalo kaasaa ugu weyn buu Nabiga yiri (csw) waa shirkigii.

023

{وَإِن كُنتُمْ} Hadaad tihiin {فِي رَيْبٍ} Shaki dhexdii hadaad ku sugan tihiin {مِّمَّا} shay xagii hadaad ka shakisan tihiin {نَزَّلْنَا} aan soo dejinay {عَلَى عَبْدِنَا} adoonkanaga dushiisa aan ku soo dejinay (waa Muxammad (scw) adoonka naga waxaan ku soo dejinay hadaad ka shakisan tihiin) {فَأْتُوا} la imaada {بِسُورَةٍ} hal suurad ah oo {مِّن مِّثْلِهِ} isaga oo kale ah {وَادْعُوا} una yeedha {شُهَدَاءَكُم} kuwo marqaatiyadiina u yeedha (cidii arinkaa marqaati idinka noqon lahaydna keensada) {مِّن دُونِ اللَّـهِ} Alle sokadii {إِن كُنتُمْ} hadaad tihiin {صَادِقِينَ} kuwa run sheegayo.

Hadey runtiina tahay Maxammad baa jeebkiisa kala yimid yeela…!

024

{فَإِن لَّمْ تَفْعَلُوا} Hadeydaan yeelin {وَلَن تَفْعَلُوا} maba yeeleeysaane (maba dhacayso inaad yeeshaane) {فَاتَّقُوا النَّارَ} Naar iska jira marka {الَّتِي} naartaasoo {وَقُودُهَا} shidaalkeeda iyo waxa lagu shidaayo lagu hurinaayo {النَّاسُ} ay dad yihiin iyo {وَالْحِجَارَةُ} dhagaxyaal {أُعِدَّتْ} waa la diyaariyay (Naartaa) {لِلْكَافِرِينَ} gaaladaa loo diyaariyay.

Yacni shubuhaadkay wadeen baa waxaa ka mid ah;

Muxammad waxaan uu sheegayo xaga Ilaahay baa la iga yimidoo, waxyi leyga soo dejiyay uu leeyahay, jaabkiisoo kala yimid.

Waa wuxuu isagu (malmaluuqayoo) isku hagaajiyay

Waxaa lagu yiri hadaad shaki ka qabtaa arinkaa isaga, carab baad tihiin Maxammadna waa carab (scw) (Fasaaxo iyo Balaaqaa) idinku dhamaatay.

Bal wakaasi quraankoo dhan la imaada la idin dhihi maayee, hal suurad oo isgoo kale ah keensada.

Car wakaasi intaad isku daydaaan, bal hal suurad, suurada quraanka ugu gaaban oo kaleete keensada.

Yacni (إِنَّا أَعْطَيْنَاكَ) xitaa keensada war kale iska dhaafa.

Waa keeni waayeen, keena baa la yiri waa keeni waayeen.

Hadaad keeni weeydaan weliba waxaa la yiri marqaatiyo keensada, hadey runtiin tahay Maxammad baa keensaday keena oo isu taga.

Markii ugu horeysay waxaa lagu yiri:

Insi iyo Jinni hadey isku tagaan quraankaan oo kale lama imaan karaan, mid bey ahayd.

Hadana waxaa la yiri (…)

Tobon suuradood oo quraanka oo kale keena baa la yiri.

Waa keeni waayeen.

Hoos baa loola soo dagoo waxaa la yiri (…)

Hal suurad oo quraanka oo kale la imaada. Tiina waa keeni waayeen

Soo inaad markaa jabkaa qirato ma aha.

Soo inaad is dhiibto ma aha markaas.

Markaas yeeli meysaan, horeyna umeydaan yeelin, dibna maba kari kartaan la imaan meysaane. War nimanyahoow naar iska jira lafahiina u tura saas weeye macnaha.

Lafahiina u tura naar gaalo loo diyaariyay iska jiraa la leeyahay macnaha. Quraankaan oo kale la imaan meysaan weeye macnaha, (wa ficlan) waana la imaan waayeen.

Maalintii quraanka uu soo degay ilaa manta oo la soo gaadhay (Taxadigaasi) waa taagan yahay.

Car yaa intuu isu tago quraankaas oo kale la yimaadaa?

Haduu bashar iyo bani adam la yimid Muxammad hal nin buu ahaayee, bal qalqigoo dhan intey isu tagaan quraankaas oo kale ha la yimaadaan.

Waa la imaan kari waayeen.

Quraanka waa war waxyaala dhacay oo hore u tagay buu waramayaa, warkaa daqiiqoo kale yaa keeni karaa? Waxyaalo aan dhicin buu dib ka sheegayaa, oo siduu u sheegay u dhacaaya, yaa sheegi karaa?

Quraanka nidaam nololeed buu jeexayaa oo bulshada loogu tala galay iyo dowladaha lagu maamulo, oo weligii Allahii waxba laga bedeleynin.

(Expire) buu noqday ma jirto (wuu dhacay) nidaamkaan waa dhacay wax halaga bedelo ma jirto, yaa keeni karaa kaaso kaleeto. (…)

(Nadmigu iyo qaabka Alfaadiisu) u taxan tahay hadal sidaanoo kale u taxan yaa keeni karaa? Wax la imaankaro ma jiro

Balaaqada quraanka iyo qaabkuu u yaalaay iyo (Macaanidiisa Icjaazkeeda) waa lala imaan waayay. Macnaheedu ma (Muctaziladu) saay leedahay;

Quluubtii miyuu Ilaahay leexiyay, oo hadaan quluubta la leexin wey kari lahaayeen?

Maya quluubta lama leexininee, quluubtooda iyo ayaga inta leysu daayay bey la imaan waayeen. Tawartiina qirta waaye marka oo is dhiiba.

{وَإِن كُنتُمْ} Hadaad tihiin {فِي رَيْبٍ} Shaki dhexdii hadaad ku sugan tihiin {مِّمَّا} shay xagii hadaad ka shakisan tihiin {نَزَّلْنَا} aan soo dejinay {عَلَى عَبْدِنَا} adoonkanaga dushiisa aan ku soo dejinay (waa Muxammad (scw) {فَأْتُوا} la imaada {بِسُورَةٍ} hal suurad ah oo {مِّن مِّثْلِهِ} isaga oo kale ah (quraanka oo kale la imaada) {وَادْعُوا} una yeedha {شُهَدَاءَكُم} marqaatiyadiina u yeedha {مِّن دُونِ اللَّـهِ} Alle sokadii {إِن كُنتُمْ} hadaad tihiin {صَادِقِينَ} kuwa run sheegayo.

{فَإِن لَّمْ تَفْعَلُوا} Hadeydaan sameeynin (oo aydaan hore u sameynin waaye macnaha) hadeydaan faleynin {وَلَن تَفْعَلُوا} mana falidoontaanee (dibna u sameyn meysaane) {فَاتَّقُوا النَّارَ} Naar iska jira marka {الَّتِي} naartaasoo {وَقُودُهَا} waxa lagu shidaayo iyo shidaalkeeda {النَّاسُ} dad baa shidaal u ah (qoryo kale lagu shidaayo ma jirto, shidaalkeedu waa dad,) {وَالْحِجَارَةُ} dhagaxyaal (ma dhag oo dhan baa mise waa dhagax qaas?) [mufassiriinta salafka waxay u badan yihiin waa dhagax la yiraahdao (xijaaratul-Kibriid) dhagax kibriidka laga sameeyo oo markuu dabku qabsado durba hureyso] (Ishticaalkeedu aad buu u badan yahay taasaa laga wadaa bey leeyihiin.) {أُعِدَّتْ} waa la diyaariyay (Naartaa) {لِلْكَافِرِينَ} gaaladaa loo diyaariyay. Oo loogu tala galay.

Halkaa waxaa laga faa’ideysanayaa naartu maantaba inay joogto, oo diba laga abuuridoonin oo ay abuuran tahay {أُعِدَّتْ لِلْكَافِرِينَ} waan (Caqiidadu ahlu-sunna wal-jamaaca) oo naar iyo jannadaba hore buu Ilaahay ugu diyaariyay wey jiraan saas weeye macnaha.

Hadii gaaladii loo hanjabay, quraanka (Mathaani) siduu Ilaahay ku tilmaamay mathaani weeyoo.

Mathaanida waxaa la yiraahdaa wuxuu sheegayaa;

  • Mu’miniintii gaaladii buu daba dhigaayaa
  • Abaal gudka gaalada wuxuu daba dhigaayaa abaal gudka mu’miniinta
  • Jannadii buu ka waramayaa Naartii buu ka waramayaa

Mathaani baa la yiraahdaa saasuu isu daba dhigaayaa.

025

{وَبَشِّرِ} U bishaareey baa la yiri Nabiga (scw) {الَّذِينَ} kuwa {آمَنُوا} rumeeyay {وَعَمِلُوا} oo sameeyay {الصَّالِحَاتِ} acmaasha wanwanaagsan {أَنَّ لَهُمْ} waxaad ugu bishaareeysaa inay u sugnaatay {جَنَّاتٍ} jannooyin (Asendooyin) {تَجْرِي} kuwaasoo ay socoto {مِن تَحْتِهَا} hoosteeda ay socoto qulqulaayaan {الْأَنْهَارُ} wabiyaashu ay socdaan. (Hoosteeday socdaan macnaha waxa weeye geedaheeda iyo guryaheeda hoostooda ayay webiyaashu socdaan.)

{ كُلَّمَا} Indhan oo (markasta oo) {رُزِقُوا} la irsaaqo {مِنْهَا} Jannada xaal ay ka ahaatay xageeda { مِن ثَمَرَةٍ} miro un markii lagu irsaaqo {رِّزْقًا} irsaaqid markii lagu irsaaqo {قَالُوا} waxay oronayaan {هَـٰذَا} kani {الَّذِي} kii weeye {رُزِقْنَا} la inagu irsaaqay {مِن قَبْلُ} horaan { وَأُتُوا} waa lala yimid {بِهِ} risqigii baa lala yimid {مُتَشَابِهًا} isagoo isu ek baa lala yimid (loo keenay) {وَلَهُمْ} waxaan u sugnaaday {فِيهَا} jannada dhexdeeda waxay ku leeyahiin {أَزْوَاجٌ} xaasas {مُّطَهَّرَةٌ} oo la nadiifiyay (wax alle wixii wasaq iyo dhib oo dhan ayaa laga nadiifiyay) {وَهُمْ} iyaguna {فِيهَا} jannadaa dhexdeeda {خَالِدُونَ} kuwa ku waaraayo weeye.

Laba Arimood Dadka Laga Helay
Iimaan iyo Camal Saalix ah.

  1. Iimaanku marka wuxuu noqonaayaa qalbiga mabda’a degan
  2. Camalka saalixana waa xubnihii waxay sameeynaayeen adimada waxay sameeynaayeen

Labadaa arimood dadka laga helay waxaad ugu bishaareysaa jannooyin, beera asendooyin ah, hoostooduna ay wabiyaal qulqulaayaan, beerahaas markastoo miro laga soo gooyana ee loo keeno dadka jannada ku jiraa, waxay oranayaan kuwaani waaba kuwii hore la inoo siiyay.

Aduunyada kuwii nala siiyay miyay ka wadaan mise markaan markii ka horeysay ee jannada gudaheeda ah bay ka wadaan labadaba waa isku mid.

Isagoo isu ek baa la siin.

{وَأُتُوا بِهِ متَشَابِهًا} xageey isaga ek yihiin?

Wuxuu isga ek yahay xagga muuqaalka iyo midabka.

Laakiin xagga dhadhanka waa kaaf iyo kala dheer weeye isuma dhowa.

Muuqaalka markaad aragto maanta qadada laguu keenayaa ama cashada ama quraacda laguu keenayo, waxaad leedahay (wallaahi) tani waa tiin aan yacni saaka ku quraacday oo kale.

Marka waa muqaalka iyo aragka keliya isaga mid yihiin ee markaad dhadhamiso tii hore ma aha saas weeye macnaha.

{وَأُتُوا بِهِ متَشَابِهًا} saas weeyaan.

Hadii cuntadoodii taa ay noqotay oo, xagga cuntadii ay ka dhargaan cabitaana laga dharjiyo soo (Shahwoomaayaan) marka?

Dumar La Nadiifiyay

Ileyn ruux wax cunay wax cabay raaxeystay waa inuu shahwoodo sooma aha, shahwadii meesha ay ku gudan lahaayeen waatan, xaasas bey leeyihiin dumar la dhahiray, dumarka adduunyada ma aha.

Maxaa laga dhahiray wax kastoo la dhibsan yaa laga dhahiray;

  • Xaako male
  • Candhuuf male
  • Caado male
  • Oo yacni waxa weeye qashin kale male

Wax kastoo adduunyada la dhibsado oo dhan baa laga dhahiray.

Waa (Quurul-Ciintii) iyo dumarkii mu’minaadka ahaay, kuwaa weeye macnaha oo abuurkood oo dhan inta la bedel oo qaab kale oo abuuray, kuwaasaa Ilaahay (swt) dumar ugu dhigaayaa.

Waxaaba intaa dheer hadaad barwaaqo haysato laakiin cabsi aad ka qabto amay dhamaataa ama kaa tagtaa walbahaar weeye wey ku waarayaan buu yiri Ilaahay (swt) weligood ka bixi maayaan, taana waa u dheer tahay.

{وَبَشِّرِ} U bishaareey baa la yiri Nabiga (scw) {الَّذِينَ} kuwa {آمَنُوا} rumeeyay {وَعَمِلُوا} oo sameeyay {الصَّالِحَاتِ} acmaasha wanwanaagsan [diintu waa dhaqan sheegasho malaha] {أَنَّ لَهُمْ} waxaad ugu bishaareeysaa inay u sugnaatay {جَنَّاتٍ} jannooyin {تَجْرِي} kuwaasoo ay socoto {مِن تَحْتِهَا} hoosteeda ay socoto qulqulaayaan {الْأَنْهَارُ} wabiyaashu ay socdaan. (Hoosteeday socdaan macnaha waxa weeye geedaheeda iyo guryaheeda hoostooda ayay webiyaashu socdaan.)

{ كُلَّمَا} Markastoo {رُزِقُوا} la irsaaqo {مِنْهَا} Jannada xaal ay ka ahaatay xageeda { مِن ثَمَرَةٍ} miro un markii lagu irsaaqo {رِّزْقًا} irsaaqid markii lagu irsaaqo {قَالُوا} waxay oronayaan {هَـٰذَا} kani {الَّذِي} kii weeye {رُزِقْنَا} la inagu irsaaqay {مِن قَبْلُ} horaan { وَأُتُوا} waa loola yimid {بِهِ} risqigii baa loola yimid {مُتَشَابِهًا} isagoo isu ek baa loola yimid (ma shaqaalahii baa u keenay,) {وَلَهُمْ} waxaan u sugnaaday {فِيهَا} jannada dhexdeeda waxay ku leeyahiin {أَزْوَاجٌ} xaasas {مُّطَهَّرَةٌ} oo la nadiifiyay (wax alle wixii wasaq iyo dhib oo dhan ayaa laga nadiifiyay) {وَهُمْ} iyaguna {فِيهَا} jannadaa dhexdeeda {خَالِدُونَ} kuwa ku waaraayo weeye.

026

{إِنَّ اللَّـهَ} Alle {لَا يَسْتَحْيِي} ma xishoodo {أَن يَضْرِبَ} inuu yeelo {مَثَلًا} maah maah {مَّا} inuu sheey maah maah ka dhigto [ka xishoon maayo] {بَعُوضَةً} sheygaasoo kaneeca ah {فَمَا فَوْقَهَا} iyo wixii ka sareeyo {فَأَمَّا الَّذِينَ} kuwa {آمَنُوا} rumeeyay { فَيَعْلَمُونَ} waxay og yihiin {أَنَّهُ} isagu {الْحَقُّ} xaq inuu yahay {مِن رَّبِّهِمْ} oo xagga Rabbigooda ka yimid {وَأَمَّا الَّذِينَ} kuwase {كَفَرُوا} gaaloobay {فَيَقُولُونَ} waxay oranayaan [markii maah maahdaa iyo tusaalaha la bixiyo]. {مَاذَا} maxay buu {أَرَادَاللَّـهُ} Ilaahay uu doonay {بِهَـٰذَا} kan muxuu ka doonay [kan muxuu ka rabaayoo, tusaalahaan muxuu ka doonayaa.] {مَثَلًا} maah maah ahaan (tusaale ahaan muxuu ka rabaayoo uu tusaale ka doonayaa, waa loo jawaabayaa, waxaa la yiri.) {يُضِلُّ} wuu lumin {بِهِ} maah maahdaa iyo mathalkaa daraadii {كَثِيرًا} in badan buu ku lumin {وَيَهْدِي} wuu ku hanuunin {بِهِ} mathalka sababtii {كَثِيرًا} in badana wuu ku hanuunin {وَمَا يُضِلُّ} mana luminayo Alle {بِهِ} mathalka kuma luminaayo sababtii {إِلَّا الْفَاسِقِينَ} kuwa jidka saxda ah ka baxay oo ka leexday mooyee.

Sababta ay ku timid

Tani waxay ku timid, quraanka tusaaleyaal buu isticmaali waan soo sheegnay sooma ahan. Laba tusaalena waa tan haatan soo marnay oo munaafaqiin Ilaahay (swt) ka bixiyay.

Laba maah maahood munaafaqiin, gaaladii baa soo booday waxay yiraahdeen

War Ilaahay muxuu ugu baahan yahay inuu maah maaho? Qaasatan inuu waxtaabo aan macno lahay ku maah maaho tusaale u soo qaato:

  • Kaneeco iyo
  • Dakhsi iyo

Ileyn dakhsiguna waa loogu maah maahee.

وَإِنْ يَسْلُبْهُمُ الذُّبَابُ شَيْئًا لا يَسْتَنْقِذُوهُ مِنْهُ ضَعُفَ الطَّالِبُ وَالْمَطْلُوبُ ” 
{ الحج: 73 }

‘’ Asnaamtoodii haduu dakhsiga wax ka boobo kam soo dhacsan karaan.’’

Caarada Ilaahay waa ku maah maahay (swt).

Surat al-Cankabuut, 41

”Kuwa hoos fadhiya Ilaahay cidd aan ahayn wax ka sugaaya, yacni guri caaro cidd hoos fadhidoo dugsaneysa ayay la mid yahay.’’

Marka caaro maxaa lagaga maah maahi, oo kaneeca lagaga maah maahi, oo dakhsi lagaga maah maahi gaaladii baa saas tiri.

Waa loo jawaabay waxaa la yiri, Ilaahay horta kama xishoodo kama sheexo, kama yaxyaxo inuu wax alle wuxuu doono ku maah maaho, kaneeco iyo wixii ka weyn ama wixii ka yarba.

Tusaalahaasi iyo maah maahdaasi dantuu ka leeyahay waxa weeye, dadka qaar inuu ku hanuuniyo, qaarna ku baadiyeeyo marka saas weeye macnaha.

Inta Ilaahay ugu tala galayna ee iimaanka leh waxay oraneysaa war maah maahda Ilaahay baa bixiyay iyo tusaalahan ee waa in saa loo rumeeyo, wey rumeynayaan.

Kuwa qalbigooda (Nifaaqa) gaalnimada iyo madax adeega ku jirana, wey diidayaanoo markaasay ku gaaloobayaan oo fogaanayaan weeye macnaha.

{إِنَّ اللَّـهَ} Alle {لَا يَسْتَحْيِي} ma xishoodo (oo kama sheexo) {أَن يَضْرِبَ} inuu yeelo {مَثَلًا} maah maah (inuu yeelo) {مَّا} sheey uun inuu maah maah ka dhigto [shey uun inuu ku maah maaho] sheygaasoo {بَعُوضَةً} kaneeca ah {فَمَا فَوْقَهَا} iyo wixii ka sareeyo {فَأَمَّا الَّذِينَ} kuwa {آمَنُوا} rumeeyay { فَيَعْلَمُونَ} waxay og yihiin {أَنَّهُ} mathalkaasi {الْحَقُّ} xaq inuu yahay {مِن رَّبِّهِمْ} oo xagga Rabbigooda ka yimid (waa tusaale Ilaahay bixiyay, waxna ku cadeynaayo, saasay u rumeynayaan) {وَأَمَّا الَّذِينَ} kuwase {كَفَرُوا} gaaloobay {فَيَقُولُونَ} waxay oranayaan [markii maah maahdaa iyo tusaalaha la bixiyo]. {مَاذَا} maxay buu {أَرَادَاللَّـهُ} Ilaahay uu doonay {بِهَـٰذَا} kan maah maah ahaan {مَثَلًا} maah maah ahaan [maah maah ahaan muxuu ula jeedaa?] {يُضِلُّ} wuu baadiyeyn Alle {بِهِ} mathalka daraadii {كَثِيرًا} in badan buu ku baadiyeyn (kuwa mucagigiinta ah muxuu ula jeeda ku haayo ee Ilaahay wuxuu sameynaayaba inay caaydaan oo ka hadlaanoo wax iska weydiiyaan bilaabay kuwaa wuu ku baadiyeyn waa lagu sii fogeynayaa) {وَيَهْدِي} wuu ku hanuunin {بِهِ} mathalka sababtii {كَثِيرًا} in badana wuu ku hanuunin {وَمَا يُضِلُّ} mana baadiyeynaya Alle {بِهِ} mathalka kuma baadiyeynayo {إِلَّا الْفَاسِقِينَ} kuwa jidka ka baxay oo dhaacada ka baxay mooyee.

Faasiqiinta Yey Yihiin?

027

{الَّذِينَ} Faasiqiintaasoo {يَنقُضُونَ} burinaya {عَهْدَ اللَّـهِ} Ilaahay balankiis {مِن بَعْدِ مِيثَاقِهِ} adkeyntiisa ka dib bey buriyeen (balan adag markay qaadeen ka dib bey buriyeen, balantay Ilaahay ka qaadeen muxuu ahaa? Waa waagii dhabarka ay ku jireen baa balanta laga qaaday, inay Ilaahay rusushiiga raacayaan kuttubtiisana ay rumeynayaan, balantii bey jabinayaan.) {وَيَقْطَعُونَ} wey gooynayaan {مَا أَمَرَ اللَّـهُ} wuxuu Ilaahay amray {بِهِ} isaga {أَن يُوصَلَ} in la xiriiriyo, wixii xiriiriya la yirina wey gooynayaan.

Maxaa ka mid ah;

  • qaraabadii xiriiriyaa la yiri
  • ehelkii xiriiriyaa la yiri
  • mu’miniinta xiriiriyaa la yiri
  • gaalada gooyaa la yiri

Wixii xiriiriya la yiri wey gooynayaan) {وَيُفْسِدُونَ} wey fasaadinayaan {فِي الْأَرْضِ} dhulkana wey fasaadinayaan {أُولَـٰئِكَ} kuwaasi {هُمُ} ayaga keligooda {الْخَاسِرُونَ} kuwa qasaaray ah.

Tilmaamahooda

Tilmaamahooda waxa weeye, balan ay Ilaahay la galeena waa jabiyeen, balanta ay Ilaahay la galeen waxaa ka mid ah, balan ay mu’miniinya iyo ahlul xaqa ay la galayaan. Balanta jabinteeda waa nooc nifaaqa ka mid ah, balanoo dhan waa jabinayaan lagu soo hagaagi maayo.

Wixii Ilaahay hala xiriiriyo yirina oo qaraabada, ehelada iyo mu’miniinta ahna wey gooynayaan ma xiriirinayaan.

Dhulkana wey fasaadinayaan dambi iyo xumaan kufri iyo gaalnimo bey ku fasaadinayaan.

Kuwa qasaaray waa kuwaa uun buu Rabbi leeyahay (swt).

{الَّذِينَ} Faasiqiintaasoo {يَنقُضُونَ} burinaya {عَهْدَ اللَّـهِ} Ilaahay balankiis {مِن بَعْدِ مِيثَاقِهِ} adkeyntiisa ka dib bey buriyeen (balan adag markay qaadeen ka dib bey buriyeen, balantay Ilaahay ka qaadeen muxuu ahaa? Waa waagii dhabarka ay ku jireen baa balanta laga qaaday, inay Ilaahay rusushiiga raacayaan kuttubtiisana ay rumeynayaan, balantii bey jabinayaan.) {وَيَقْطَعُونَ} wey gooynayaan {مَا أَمَرَ اللَّـهُ} wuxuu Ilaahay amray {بِهِ} isaga {أَن يُوصَلَ} in la xiriiriyo. Sheygii xiriiriya la yirina wey gooynayaan.) {وَيُفْسِدُونَ} wey fasaadinayaan {فِي الْأَرْضِ} dhulkana wey fasaadinayaan {أُولَـٰئِكَ} kuwaasi {هُمُ} ayaga keligooda {الْخَاسِرُونَ} kuwa qasaaray ah.

028

{كَيْفَ} Sidee baa (dadyoow) {تَكْفُرُونَ} ugu kufrineysaan {بِاللَّـهِ} Ilaahay see baad ugu kufrineysaan {وَكُنتُمْ} xaal aad ahaydeen {أَمْوَاتًا} kuwa aan jirin {فَأَحْيَاكُمْ} wuu idin nooleeyay oo idin abuuray {ثُمَّ} ka dibna {يُمِيتُكُمْ} uu idin dili doono (adduunyada markaad ka tageysaan.) {ثُمَّ} ka dibna {يُحْيِيكُمْ} uu idin soo nooleen doono (oo markaad qubuurta ka soo baxaysaan.) {ثُمَّ} kadiba {إِلَيْهِ} xagiisa {تُرْجَعُونَ} la idiin celin doono.

War intaas oo dhan Allaha idinku sameeyay, seed u diideysaan oo ugu kufrineysaan..?

  • Idinkoon jirin buu idin keenay, waa abuuristii hore.
  • Adduunka markaad ka tagaysaana wuu idin dili.
  • Nolol baa ka dambeyn doontoo waa la idin soo celin.
  • Isagaad u tegi doontaan oo la idinla xisaabtami doona.

Sidaa Allaha gacanta idinku haaya, ma kaasaad beenin kartaayoo diidi kartaan?

Seed u kufrineysaan wax la yaab leh weeye macnaha.

يَأَيهَا الانسنُ مَا غَرَّك بِرَبِّك الْكرِيمِ
(6 سورة المطففين)

‘’Rabbigaaga (Kariimka) ah ee gacanta kugu haayo oo ku maamulaayo ku sawiray maxa kugu diray.’’

{كَيْفَ} Sidee baa {تَكْفُرُونَ} ugu kufrineysaan {بِاللَّـهِ} Ilaahay seed ugu kufrineysaan (waa wax la yaab leh) {وَكُنتُمْ} xaal aad ahaydeen {أَمْوَاتًا} kuwa aan jirin {فَأَحْيَاكُمْ} wuu idin nooleeyay oo idin abuuray {ثُمَّ} ka dibna {يُمِيتُكُمْ} uu idin dili doono (adduunyada markaad ka tageysaan.) {ثُمَّ} ka dibna {يُحْيِيكُمْ} uu idin soo nooleen doono (oo markaad qubuurta ka soo baxaysaan.) {ثُمَّ} kadiba {إِلَيْهِ} xagiisa {تُرْجَعُونَ} la idiin celin doono.

029

{هُوَ} Alle {الَّذِي} midkii weeye {خَلَقَ} Abuuray {لَكُم} idinka dartiin {مَّا} sheyka abuuray {فِي الْأَرْضِ} dhulka dhexdii ku sugan {جَمِيعًا} dhamaantii (xaal uu idil yahay, wax alle waxa dhulka dushiisa saaran Alle waa kan idinka daraadiin u abuuray, idinkaana la idinku tala galay inaad ka faa’ideysataan) {ثُمَّ} markaa ka dibna (markuu dhulka waxa dushiisa saaran idinka dartiin u abuuray, intaa ka dib.) {اسْتَوَىٰ} buu wuxuu u qasday {إِلَى السَّمَاءِ} samada ayuu u qasday {فَسَوَّاهُنَّ} samooyinkii wuxuu ka ahaan siiyay {سَبْعَ سَمَاوَاتٍ} todobo samo ayuu ka ahaan siiyay {وَهُو} Allena {بِكُلِّ شَيْء} wax walba {عَلِيم} kii xogg ogaal u ah weeye [kii ogg weeye Alle (swt)].

Alle (swt) waxyaabaha dhulka dushiisa ah isagaa idinka dartiin u abuuray.

  • Bal samaawaadka,
  • qoraxda maslaxadeenay u socotaa
  • daxayu maslaxadeenu u socdaa

Waxyaabaha dhulka dushiisa yaala ama bad ama beri ama geedo ama xayawaanaad inaga maslaxadeena iyo danteenaa loo abuuray.

Alle (swt) intaa markuu sameeyay dhulka dushiisa waxa saaran uu abuuray, buu samaawaadka u qasday todobo samo is dul saaray Rabbi (swt) uu abuuray.

Todobo samo markuu is dul saaray, kor buu ka muumulahaya oo meeshuu jooguu ka ogsoon yahay wax walba waa la socdaa waxba kama qarsana (subxaanahu wa tacaalaa).

Wax ka qarsoon Rabbi ma jiro (swt)

Aayada waxay tilmaameysaa, dhulka iyo samaawaadka abuurista kee ku horeeyay, samaawaadka abuurista u horeeyay. Waxaa dhihi lahaa dhulkaa ku horeeyay, kadibna samaawaadka ka dambeeyay.

Sida (Suurat al-Fussilat) baan ugu tagi doonaa (Inshaa Allaahu Tacaalaa).

{هُوَ} Alle {الَّذِي} midkii weeye {خَلَقَ} Abuuray {لَكُم} idinka dartiin {مَّا} sheyka abuuray {فِي الْأَرْضِ} dhulka dhexdii ku sugan {جَمِيعًا} dhamaantii (xaal uu idil yahay, wax alle waxa dhulka dushiisa saaran Alle waa kan idinka daraadiin u abuuray, idinkaana la idinku tala galay inaad ka faa’ideysataan) {ثُمَّ} markaa ka dibna (markuu dhulka waxa dushiisa saaran idinka dartiin u abuuray, intaa ka dib.) {اسْتَوَىٰ} buu wuxuu u qasday {إِلَى السَّمَاءِ} samada ayuu u qasday {فَسَوَّاهُنَّ} samooyinkii wuxuu ka ahaan siiyay {سَبْعَ سَمَاوَاتٍ} todobo samo ayuu ka ahaan siiyay {وَهُو} Allena {بِكُلِّ شَيْء} wax walba {عَلِيم} kii xogg ogaal u ah weeye [kii ogg weeye Alle (swt)].

Yacni (sawwaa) iyo (istawwaa) hadey (ilaa) ku gudubto (ilaa) ka dambeyso macnaha wuu u qasday baa la dhahaa, (calaa) hadey ka dambeysana wuu ka sara maray weeye.

Sidaa daraadeed (Istawwaada) inoo imaan doonto, oo (calaa) Ilaahay sifadiisii ma aha ay leeyihiin in badano o culimada tafsiirka ka mid ah weeye macnaha

{ثُمَّ} ka dibna.) {اسْتَوَىٰ} Alle wuu u qasday {إِلَى السَّمَاءِ} samada ayuu u qasday {فَسَوَّاهُنَّ} samooyinkii wuxuu ka ahaan siiyay {سَبْعَ سَمَاوَاتٍ} todobo samo ayuu ka ahaan siiyay {وَهُو} Allena {بِكُلِّ شَيْء} wax walba {عَلِيم} kii xogg ogaal u ah weeye [kii ogg weeye Alle (swt)].

Wa Billaahi Tawfiiq.

Wey socotaa…

Inshaa Allaah la soco qaybta 3aad ee suurada al-Baqarh hadii Eebe inoo fududeedyo.

Qaybta | 1aad

Decorative Lines

Waxaan mar walba xusuusinhaynaa walaalaheen in ay
nala soo socod siiyaan wax alle wixiii faahfaahin iyo saxid u baahan
cinwaanadaan hoos idinka muuqda.:

Wa Jazaakum Allaahu Khayran

Abuu.Kalthuma@gmail.com
wajibad@wordpress.com

Sannadka La Tafsiiray:
Taariikha Hijriga 12ka Muxarram 1424
15, March 2003 Taariikhda Miilaadiga

Sannadka: La Qoray
Date:
 Friday, 9 October, 2015
Hijri: Jimco 25 Dhul Xajjah 1436