Warbixin Saaxiibkey
Axmed Xasan Cawke
Saaxiibkii Makarafoonka

Waxaa Qoray:
Yuusuf Garaad Cumar Axmed

Decorative Lines

Warbixin Saaxiibkey

ALLAHA ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, in badan ayaan war isla qorsheynay, isla qornay oo isla qaabeeynay.  Aad ayay ii dhibeysaa in aan maanta qalinka u qaado inaan wax ka qoro Cawke anigoo adeegsanaya fal tagto ah sida wuxuu ahaa.

”Allaha u naxariistee weriye Axmed Xasan Cawke wuxuu ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia maalinta Talaadada 17 November 2015.”

Xaqiiqdu waxay tahay Axmed in uu ahaa nin mihnaddiisa ku sameeyay magac aad u weyn, magaca ugu weyn ee laga sameyn karo. In uu ahaa nin qoys unkay oo barbaariyay, nin saaxiibbo badan kasbaday nin dad badani ay aqoon guud ka kororsadeen nus qarnigii uu saxaafadda ka shaqeynayay inta badanna uu kaalin hormuud ah uga jiray. Markaa waxaan u arkaa nin xusuusta laga qabi karaa ay tahay mid isugu jirta, wanaag, farxad, ku dayasho xagga horumarka shakhsigu ka gaari karo shaqadiisa iyo in Ilaaheey looga mahadnaqo in uu Soomaali ka dhaliyay.

Axmed waxaan isku baranay goob shaqo, waa Radio Muqdisho horraantii siddeetamaadkii, isaga oo magaciisa iyo sumcadda uu bulshada ku dhex lahaa ay cirkaa mareyaan. Waxaan berigaa jeclaa in aan baaritaan ka dib diyaariyo qormooyin ku saabsan dhacdooyika markaa taagan ee xiriirka caalamiga, difaaca iyo bulshada, kuwaas oo ahaa sida aan Raadiyaha ku soo galay.

Maalin ay ii diyaarsanayd qormo wanaagsan oo aan ugu talo galay Bandhigga Raadiyaha laakiin uu codku iga xirnaa ayaan Cawke ka codsaday in uu tebiyo. Waxaan aad ula yaabay sida ay dadku u wada xiiseeyeen warbixintii. Intii ka dambeysayna waxaan doorbidi jiray in uu Cawke akhriyo warbixinnada aan diyaarin jiray marka aan Raadiyaha ku cusbaa markaana waxa aan sheegayo la fahmayay laakiin aan cidina magceyga aqoon.

Telefishinka Qaranka markii la furay, in yar kaddib ayuu ku biiray oo uu barnaamijyo ku yeeshay. Wuxuu ka mid noqday weriyayaasha tirada yar ee ka wada shaqeeya Raadiyaha iyo Telefishinka – sida; Maxamed Cumar Haydara, Axmed Cabdinur, Shukri Maxamuud Afrax iyo Sacdiya C/llaahi Salaad oo markii dambe ay Cawke is guursadeen isuna dhaleen Xasan iyo zakariye oo isagu hadda Barnaamij Telefishin sii daaya.

Berigii dambe waxaa uu noqday Af Hayeenka Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Taas Axmed wax badan ayuu ka bartay. Waa marka koowaade hoggaamiyihii dalka ka talinayay muddada dheer, khibrada badnaa, aadna loo eedeyn jiray run & beenba, ayuu la shaqeeyay, la noqday wehel, fursadna u helay in uu u kuurgalo qofka uu yahay. Waxaa uu ka bartay sida loola kulmo Boqorrada Carbeed iyo hoggaamiyeyaasha Afrikaanka iyo sida qasriyada iyo Madaxtooyada dalalkaasi ay u kala dhismo, dhar iyo dhaqan duwan yihiin.

Waxaa kale oo ay isbartiin Madaxdii iyo intii kale ee ka ag dhoweyd. Marar badan Cawke wuxuu soo qaadan jiray sheekooyin uu ka maqlay Xuseen Kulmiye Afrax.

Wuxuu ka bartay koofiyad-castii ay baabuurta siiblaha ah kuwada safri jireen, sida loogu cuno daqiiqadaha ugu yar raashin kulul. Khibradaas oo markii dambe uu uga faa’iideystay Bush House in isagoo wakhtigu ciriiri ku yahay uu haddana soo qadeyn karo shaqadiisana gudan karo.

Markii ay qabtu dhacday oo uu u qaxay Kenya ka dibna Uganda, waxaan ku xiriiri jirnay telefoonka. Waxaan mar kale isugu nimid London oo aan kawada shaqeynay BBC-da. Waxaan safar shaqo ku wada marnay magaalooyin badan oo Bariga iyo Geeska Afrika ah.

Raadiye iyo Telefishin

Saxaafadda gaar ahaan raadiye iyo telefishin, siiba marka ay tebin toos ah yihiin, waxay ku qotomaan qorsheyn biyo kama dhibcaan ah, diyaar-garow ku saleysan maskax, xowli lagu qabto howsha, gooreyn warbixin kasta xilliga la tebinayo iyo inta ilbiriqsi ama daqiiqadood ee laga dhigayo si loo helo xog iyo xilli isku sargo’an. Waxaa kale oo muhiim ah tebidda wixii harsan iyo odoroska wax kastoo dhici kara oo aan qorshaha hadda ku jirin sida haddii ay dhacdo inay waxa lagu talo-galay waxba ka qabsoomi waayaan iyo waxa gudboon in la yeelo, suurta-galna noqon kara.

Zakariya

Zakariya Axmed Xasan Cawke

Wiil uu dhalay Marxuun Axmed Xasan Cawke oo buuxiyey shaqadii aabihii iyo Wasiir Cuskuse oo ka hadla. 

Sidaa darteed, shaqada Raadiyaha iyo Telefishinka waa howl-wadareed oo qof keliyihi ma qaban karo. Weriye kastaa wuxuu kaalin ku leeyahay dheriga la wada karinayo oo ah bar-naamijka la soo saarayo – war, waxbarasho iyo mid bulsho midka uu ahaadaba.

Qorshahaas oo laga yaabo in dhowr casho & ka badan ay koox dhami kasoo shaqeyneysay waxaa dili kara ama nooleyn kara waa tebiyaha oo ah qofka farriinta qaadaya ee dhegeys-taha iyo daawadaha ugu gelaya gurigiisa, xafiiskiisa, makhaayadda, ama la raacaya gaariga si uu farriinta ugu gudbiyo.

Haddii aad koox kubbadda cagta ka soo qaaddo, tababbar kasta oo la siiyo iyo quwad kasta oo ay kooxdu leedahay waxay isugu biyo shubaneysaa gool dhaliyaha oo ay tahay in uu ka tarjumo. Tebiyuhu wuxuu u dhigmaa Gool dhaliyaha.

Wariye Axmed Xasan Cawke kaalinta uu ugu wanaagsanaa oo Ilaah hibada u siiyay oo cid ku gaarta aanan anigu ilaa hadda arag, waa kaalinta tebinta. Sababtaas ayaa ka dhigtay in uu mar kasta lafdhabar u ahaado marba kooxda ay Barnaaij wada diyaarinayaan.

Dhanka kale, maaddaama ay Saxaafadda inteeda badani ay tahay howlwadareed, waxay u baahan tahay dulqaad, dad afgarad, furfurnaan iyo dabeecad wanaagsan.

Axmed intaas iyo ka badanba wuu lahaa. Waxaa u dheereyd in uu ahaa nin maad badan oo iyada oo shaqo adag lagu jiro haddana dadka ka qoslin kara oo illowsiin kara daalka iyo werwerka.

Hibo ALLE

Marxuum Axmed Xasan Cawke, wuxuu ahaa shaqsi khibrad aad u dheer u leh nolosha iyo warfaafinta. Wuxuuna ahaa nin Ilaaheey heybad u siiyay waxa loo yaqaan mikrofoonka. Hadduu yahay mid Raadiye, mid Telefishin iyo midka fagaarayaasha la isugu soo baxo.

Hibadaasi waxay isugu jirtay waa marka koowaade in aanay maskaxdiisa iyo qalbigiisa meel ku lahayn waxa loo yaqaan qajilaaad ama fal-ka-nax. Cid kasta oo lala hadlayo wuxuu Allah garansiin jiray sida wax looga dhaadhiciyo ama ugu yaraan intaa uu hadlayo ayuu maskaxda ka qabsan jiray.

Wuxuu lahaa cod u gaar ah oo ku fiican dhegeysiga, isaguna si wanaagsan ugu tababbartay hadba sida loo rog rogo, kor in loo qaado iyo in hoos loo dhigo, in la boobsiiyo iyo in si tartiib ah loo yiraahdo, in la sii cusleeyo iyo in la khafiifiyo. Aammus marka loo baahan yahay si ay dadku u fahmaan, ugana yara fekeraan waxa aad u sheegtay iyo inta ilbiriqsi ee uu noqonayo aammuskaasi. Codkaas ma ahan keliya in inta af Soomaaliga ku hadasha ee barnaamijyadiisa ku taxani ay qiran yihiin. Waxaa qiray dad aan af Soomaaliba ku hadal. Waa farsamayaqaanna gabdhaha iyo wiilasha leh ee Ingiriis iyo dhalashooyin kale isugu jira ee ka shaqeeya istuudiyayaasha BBC.

Taas ayaa keentay in uu Axmed ka duwanaado weriyayaasha badankood oo iyagu dhinac uun ku kooban ama u badan. Axmed wuxuu ahaa nin isku si ugu wanaagsan barnaamijyada wararka, kuwa cayaaraha, waxbarashada iyo dunida madaddaalada.

Hibada kale ee Alle siiyay Axmed oo sidoo kale uu ku darsaday dadaalka iyo baaritaanka, waa in uu ahaa nin aqoon fiican u leh afka, dhaqanka iyo degaannada Soomaaliga. Wuxuu aad u xiiseyn jiray af guriga degaannada kala duwan ee Soomaalida.

Dabeecad Wanaag

Xagga shaqsiyada, Axmed wuxuu ahaa nin aan calool-ku-qaad iyo uurxumo aqoon. Haddii aad is qabataan wuxuu ahaan jiray nin durba ka soo noqda carada. Marka ay dhacdo in uu soo laaban waayana, waxaad hubtay in marka aad adigu ka dalabto is afgarad in aad ugu tegeyso isfaham iyo heshiis dhab ah.

Wuxuu ahaa nin dhug leh oo asaga oo aan muujin lagana dareemin, haddana si aad ah ula socda dadka hareerihiisa ah ee ay wada shaqeynayaan sida ay iyagu isula macaamilyaan. Midka howsha hagranaya, kan cinaadka wada, midka xanta hoose gudbinaya, midka qof hadal u dusinaya, midka aan la isku haleyn karin, kan caga jiidaya, kan isbeen farriimaya iyo kuwa la midka ah (ikm).

Sidoo kale wuxuu la socday midka kaalintiisa gacan ku siiya, kan dadaalka badan, kan khatar ka diga amaba ka xalliya, midka khalad ka saxa, midka si hagar la’aan ah howsha ula fuliya ikm.

Xagga howl-karnimada, sanadihii aan London kawada shaqeynay, Axmed Xasan Cawke waxaa ka muuqday firfircooni aad u badan iyo ku kalsoonaan shaqadiisa.

Wuxuu ahaa nin xarrago jecel oo si wanaagsan u lebbista, ilaaliya muuqaalka timihiisa iyo garka iyo shaaribka uu caanka ku ahaa.

Axmed wixii aan isla soo marnay, waxa aan kala kororsannay, howlaha aan isla qabannay, inta aan isla safarnay, inta aan kaftannay inta aan aan wax u soo joognay, ma ahan kuwo aan qormo iyo laba ku soo koobi karo.

Axmed wuxuu ahaa nin salaada ku fiican. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa naxariista Janno in uu siiyo. Qof kasta oo codkiisu gaarayna waxaan ka codsanayaa in haddii ay jiraan wax ka tabanayaan ay cafiyaan, una duceeyaan.

Magaalada Muqdisho

Dad badan ayaa shalay iyo xalay iiga tacsiyadeeyay geerida Axmed Xasan cawke iyaga oo ka fekeraya inaan wada shaqeyn jirnay saaxiibna ahayn. Nin ka tirsan madaxda Sportigu wuxuu xalay ii sheegay in iyaga oo dhowr ah ay isu yimaadeen oo ay Ilaaheey u baryeen. Cayaaraha Gobollada ayuu noo raaci jiray ayuu raaciyay.

Wasiir hooyadii dhimatay oo aan tacsi ugu tagay, waxay xildhibaano ag-joogay u sheegeen wasiirka inuu anigana iiga tacsiyeeyo geerida Cawke.

Shalay markii aan warkaan naxdinta leh maqlay, qoraal aad u kooban ayaan Facebook-ga dhigay. In ka yar 14-saacadood, waxaa ducada Cawke soo qoray 2,794-qof, waxaana share gareeyay 432-qof.

Waxaase i taabatay markii xalay meel isbaaro taallo oo mugdi ah uu soo istaagay baabuur aan la socday. Askarigii noo yimid ayaa darawalkii ku amray inuu nalka gudaha shido. Askarigii markii uu i aqooday ayuu baabuurka la soo wareegay oo dhankeyga yimid. Intuu i salaamay ayuu yiri Cawke Allah ha u naxariisto adigana samir iyo iimaan.

W/Q: Yuusuf Garaad Cumar Axmed
Xigasho: Hiiraan Online

Faahfaafin 

Allaha u naxariistee weriye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa weriyayaasha ugu caansanaa kuwa Soomaalida ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Axmed Xasan Cawke oo ka tirsanaan jiray VOA Somali ayaa waxaa kusoo booday xanuun lama filaaan ah, sida uu VOA-da u sheegay weriye Cabdisalaam Hareeri oo ay muddo wada shaqeynayeen.

Cawke waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo lix caruur ah.

Axmed Xasan Cawke ayaa lasoo shaqeeyey hay’ado warbaahineed oo ay ka mid yihiin VOA Somali, Radio Muqdisho, BBC Somali iyo Taleefishinka Universal Tv..

Waxaa la filayaa in maanta lagu aaso magaalada Wajaale.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa warbixintan ka diyaariyey taariikh nololeedka Axmed Xasan Cawke.

Wariye Axmed Xasan Cawke oo saaka aroortii ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee DDS Itoobiya

Talaado, November 17, 2015

Allaha u raxmadeen Wariye Axmed Xasan Cawke ayaa saaka 6:30 aroornimo uu ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta DDS Itoobiya, sida uu HOL u xaqiijiyay wariye C/salaam Ibraahim Hereri oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Cawke.

Wariye Cawke wuxuu ku dhashay magaalada Tog-wajaale oo ku taalla xadka Itoobiya iyo Somaliland kala qaybiya, wuxuuna ahaa 73-jir; isagoo Radio Muqdisho ku biiray sannadkii 1972-kii illaa burburkiina wuxuu wariye ka ahaa warbaahinta Qaranka qaybaheeda kala duwan sida; Tv-ga Qaranka oo uu markii dambe ka hawlgalay; isagoo ahaa afhayeenka madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Sannadkii 1996-kii ayuu ka mid noqday wariyaasha idaacda BBC-da laanta af Soomaaliga, kaddibna wuxuuu ku biiray VOA–da laanta Afka Soomaaliga. Marka la eego warbaahinta muuqaalka (Tv-ga) marka laga reebo Tv-gii hore ee dalka uu lahaa, sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyey telefishinno gaar loo leeyahay sida; Raad TV, Universal TV, Horn-Cable TV iyo Somaliland TV.

Marxuum Axmed Xasan Cawke waxaa lagu soo booday xalay 1:30 habeennimo, isagoo aan wax xanuun ah qabin, waxaana la dhigay isbtaalka Jigjiga halkaasoo uu ku xijaabtay. Wuxuuna ahaa suxufi ruug-caddaa ah oo saxaafadda si aad ah u yaqaannay.

Axmed Xasan Cawke wuxuu ifka uga tagay lix carruur ah, kuwaasoo saddex ka mid ah ay u dhashay Sacdiyo Cabdullaahi Salaad oo ahayd suxufiyad ay isla shaqeyn jireen muddo aad u fog, saddexda kalena waxaa u dhalay haween kale.

Dhanka kale, marxuumka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Kala-bayr oo ah deegaan ku dhow Tog-wajaale oo uu ku dhashay, deegaankaasoo ay ku aasan yihiin qaar ka mid ah Waaliddiintii.

Warbixinno la xiriira taariikhdiisa Axmed Xasan Cawke kala soco Hiiraan Online haddii ALLE ogolaado.

Ibrahim Baafo, Hiiraan Online
Baafo@hiiraan.com
Melbourne, Australia

Geerida Weriye Marxuum
Axmed Xasan Cawke
Iyo Dhanbaaladii Tacsiyaha

Magaca wariyaha: Axmed Xasan Cawke.
Ku geeriyiiday: Magaalad Jigjiga [Ismaamulka Soomaalida Itoobiya]
Taariikhda: Talaado 17 Dicember 2015

Marxuum Axmed xasan cawke

Hargeysa(ANN)Allah ha u naxariistee Weriyihii caanka ahaa ee BBC-da Marxuum Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga habeen hore, ayaa shalay Aas qaran loogu sameeyay Magaalada Wajaale oo uu ku dhashay.

Madaxda Somaliland iyo Masuuliyiinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyi sidoo kale kumanaan qof oo bulshada Somaliland iyo kuwa deegaanka Soomaalida Ethiopia ka mid ah, ayaa ka qaybgalay Aaska Marxuumka oo si weyn looga wada murugooday.

Madaxweyenaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, Hoggaamiyaaysga kale ee Axsaabta Somaliland , Madaxwaynaha Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxwaynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiin kale, ayaa dhanbaalo Tacsi ah kasoo diray geerida Marxuum Axmed xasan Cawke oo ahaa Suxufi Ruug-cadaa caan ah oo geyiga Soomaalida si weyn loo yaqaanay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, isla markaana ah musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Doorashada 2017, Muuse Biixi, ayaa ka mid ahaa madaxda Somaliland ee ka qaybgalay Aaska Marxuumka.

Taariikh nololeedkii Marxuumka oo koobsaday dadnimo, shaqo wanaag iyo dabeecad fiican oo uu ku sifaysnaa

Wajaale (Jam)- Alle ha u naxariistee weriyihii caanka ka ahaa geyiga Soomaalidu degmo Marxuum Axmed Xasan Cawke, ayaa aas qaran loogu sameeyey magaalada Tog-wajaale ee xuduudka Itoobiya iyo Somaliland, kadib markii uu si kedis ah ugu geeriyooday xannuun ku soo booday waaberigii Salaasadii shalay isagoo ku sugnaa magaalada Jig-jiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Aaska Marxuum Cawke oo galinkii dambe ee shalay ka dhacay halkii uu ku dhashay ee Koonfurta magaalada Wajaale dhinaca xadka Itoobiya, waxa ka qaybgalay masuuliyiin fara badan oo ka kala tirsan Somaliland iyo Ismaamulka Kilalka Shanaad, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, Guddoomiyayaasha axsaabta siyaasadda, wasiirro iyo madax kale iyo kumanaan qof oo isaga kala yimi magaalooyinka Hargeysa, Gabilay, Jig-jiga, Boorama iyo meelaha kale ee laga soo gaadhi karayeyba, waxaanna halkaasi lagaga hadlay taariikhdiisii iyo kaalintii haldoorka saxafinimo ee uu ku dhex lahaa dadka Afka Soomaaliga ku hadla.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa geerida Marxuumka ka tacsiyadeeyey guud ahaan dadka Soomaalida ah, gaar ahaana kuwa reer Somaliland, qoyska, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi uu diray kadib ka warramay aqoontii uu u lahaa Axmed Xasan Cawke, waxaannu yidhi;

  • Axmed Xasan Cawke
  • Yoonis Cali Nuur
  • Siciid Cali Muuse iyo
  • Maxamed Maxamuud Ducaale,

Waxaannu isugu nimi dugsigii Camuud ee Boorama sannadkii 1966 iyo 1967, aniga iyo Cawke isku fasal baanu ahayn oo waqtigaa ilaa maanta (shalay) oo uu dhintay inta badan aannu wada joognay, muddadaa dheer ee aan aqaanay oo ilaa afartan sanno ah weli Axmed Xasan oo cid la kala hayo maan arag, wuxuu ahaa addoon Ilaahay siiyey dabeecadda dadka iyo xidhiidhkooda, mar walba farxaan ah, cid walba raaligelinaya, taasina waa ta uu ku kasbaday maanta in wixii Af-soomaali yaqaanna oo dhan qof waliba dareemayo inuu isaga la saaxiib ahaa, wuxuu ahaa nin intii uu noolaa u soo shaqeeyey ummadda Soomaaliyeed afkeeda, is dhexgalkeeda iyo wada xidhiidhkeeda.”

Suxufiga Yoonis Cali Nuur oo aqoon ardaynimo iyo wadashaqayn ilaa kontan sanno ah u lahaa Marxuum Cawke, ayaa isna xabaasha dusheeda kaga sheekeeyey shakhsiyaddiisii, “Axmed wuxuu ahaa nin Ilaahay aftahamo ku siiyey xagga idaacadaha iyo telefishannada, wuxuu Alle hibo u siiyey hadalka, codka, wax jeedinta, akhrinta iyo madadaalinta, marka laga reebo Alle ha u naxariistee Mustafe Xaaji Nuur dadkii idaacadaha soo maray Cawke wuxuu ahaa weriyihii qarniga ayaan odhan karaa. Waxa kaloo uu ahaa nin bulshaawi ah oo dadka wada dhexgala maaha madaxda iyo kuwa wax haysta uun ee dadka caadiga ahi umay kala duwanayn,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, weriye Cabdisalaan Hereri oo ilaa labaatankii sanno ee u dambeeyey ay saaxiib iyo shaqo wadaag ahaayeen Marxuumka, ayaa tilmaamay wixii ka yaqaanay sidan; “Axmed Xasan Cawke wuxuu ahaa weriye aad u wanaagsan oo xirfaddiisa aad ugu fiican, weriye la odhan karo wuxuu ka tilmaanaa weriyayaasha kale ee Soomaalida ayuu ahaa hadday codkiisa noqoto iyo hadday barmaamij kastoo uu jeedinayo sidii uu ugu fiicnaa ahaydba, wuxuu ahaa nin magaciisu jaal la ahaa oo la joogay dadka Soomaalidu meel kastoo ay joogaan.”

Suxufiga ruug-caddaaga ah ee Siciid Cali Muuse oo ay isku arday ahaayeen, muddana soo wadashaqeeyeen, ayaa isna yidhi, “Marxuumku wuxuu ahaa qof inta uu wanaagsan yahay qof wanaagsan, wuxuu ahaa nin bashaash ah, farxad badan, qosol iyo sheeko badan oo meel walba oo uu joogo la dareemayo, Ilaahay wuxuu siiyey hibo cod, karti shaqo iyo dadaal badan oo uu galin jiray hawlaha shaqo.”

Taariikh Nololeedkii Marxuum
Axmed Xasan Cawke oo kooban

Wariye Axmed Xasn Cawke wuxuu ku dhashay magaalada Tog-wajaale oo ku taal xadka Itoobiya iyo Somaliland kala qaybiya, waxa hadda da’diisa lagu sheegay inuu ahaa ilaa 73-jir, shaqadiisii u horreysay wuxuu ka bilaabay Radio Muqdisho sannadkii 1972-kii, wuxuu si wayn ugu soo shaac-baxay barmaamijyadii ka bixi jiray sida ciyaaraha iyo madadaallada, waxa kaloo uu ka shaqeeyey telefishankii Qaranka Soomaaliya, sannadihii siddeetamaadkii waxa uu noqday Afhayeenkii Madaxweynihii Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre oo la shaqaynayey ilaa markii la riday.

Sannadkii 1996-kii ayuu mid noqday suxufiyiintii ka shaqaynayey Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da oo uu joogay muddo dheer, kadibna wuxuu ku biiray Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda codka Maraykanka VOA–da, balse muddo ku dhaw sannad uu la shaqaynayey, wuxuu u wareegay dhanka telefishannada gaarka loo leeyahay oo ay ka mid yihiin; Raad TV, Universal TV, Horn-Cable TV iyo Somaliland TV.

Axmed Xasan Cawke wuxuu ifka kaga tahay lix carruur ah iyo xaas, kuwaas oo badankoodu ku nool yihiin dalka dibaddiisa.

Madaxwayne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Cawke, uu baal dahab ah ka galay taariikhda ummadda Soomaaliyeed.

TACSI MADAXWEYNE

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan shacbiweynaha Somaliland, waxgaradka, waayeelka, boqorrada, Ugaasyada, Sallaadiinta, Cuqaasha, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo gaar ahaan Bahda Saxaafadda, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid marxuum Weriye Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday dalka Itoobiya, gaar ahaan Magaalada Jig-jiga taariikhdu markay ahayd 17 November 2015.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan inta ku hadasha Afka Soomaaliga, iyo Qaranka Somaliland-ba, sidoo kale waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dunida, tusaale iyo ku dayasho wacana u ahaa dhammaan Bahda Saxaafadda meel ay joogaanba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii Jannatu Fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafadda, Waxgaradka, waayeelka, Boqorrada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha, qoyska, ehelada, qaraabada, Asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Tacsida uu diray Guddoomiyaha KULMIYE

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka tacsiyadaynayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda saxaafadda, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla iyo shacabka reer Somaliland geerida ku timi weriye marxuum Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday magaalada Jig-jiga ee dalka Itoobiya (17/11/2015).

Mudane Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay marxuum Axmed Xasan Cawke rukun wayn oo ka baxay guud ahaan dadka luuqadda Afka Soomaaliga ku hadla iyo guud ahaan Gobolka, kaas oo ahaa hal-abuure waxtar muhiim ah ku soo kordhiyey warbaahinta Af-soomaaliga ku hadasha.

Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda saxaafadda iyo guud ahaan shacabkana inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee Xisbiga KULMIYE

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Tacsida uu Diray

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaga oo ku hadlaya magaciisa, Ka Golaha Wakiillada, hoggaanka xisbiga WADDANI, guddida fulinta, golaha dhexe, garabadda haweenka iyo dhallinyarada iyo dhammaanba afka taageerayaasha xisbiga WADDANI,

waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaanba guud ahaan shacbiweynaha Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, Asxaabta iyo gaar ahaan Bahda Saxaafadda, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida naxdinta lahayd ee ku timid marxuum Weriye Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday dalka Ethiopia, gaar ahaan Magaalada Jig-jiga 17/11/2015.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan inta ku hadasha Afka Soomaaliga, iyo Qaranka Somaliland-ba, sidoo kale waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dunida, tusaale iyo ku dayasho wacanna u ahaa dhammaan Bahda Saxaafadda meel ay joogaanba.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii Jannatu Fardawsa ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo Bahda Saxaafadda, shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Mujaahid Boobe Yusuf Ducaale

Sheekh Aadan Siiro oo Shacabka ka Tacsiyadeeyay Geerida Axmed Xasan Cawke iyo Axmed Ibraahim Saacadaale

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada iyo Asxaabta uu ka baxay Allaah ha u naxariistee Weriye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa hal-doorka Saxaafadda Soomaalida oo subaxnimadii shalay ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo uu safar shaqo ku joogay, isla markaana lagu aasay Magaalada Tog-Wajaale.

Sheekh Aadan-Siiro oo safar ku jooga dalka Hindiya oo la soo xidhiidhay Warbaahintu, waxa uu marxuum Axmed Xasan Cawke ku sifeeyay qof shaqo badan u soo qabtay ummadda Soomaaliyeed muddadii dheerayd ee uu ka shaqeynayey Mihnadda Saxaafadda, isla markaana sidii hufnayd ee uu uga soo shaqeeyay Hay’adaha

Warbaahinta Soomaalida iyo kuwa Caalamiga ah uu kasbaday magac iyo sharaf.

Sheekhu wuxuu marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelka, carruurta, qaraabada, Saxaafadda iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale, Sheekh Aadan-Siiro waxa uu tacsi taas la mid ah u diray ehelka iyo qaraabada iyo Shacabka Somaliland iyo Jabuuti ee uu ka baxay marxuum Ganacsade Ibraahim-dheere oo toddobaadkii hore lagu aasay dalka Jabuuti, waxaanu marxuumka ku tilmaamay shaqsi kaalin weyn ka soo qaatay horumarka dhinacyada badan leh ee ka hirgalay Somaliland, isla markaana wakhtiyadii adkaa ee la unkayey dhismaha dawladnimada Somaliland uu xoog iyo xoolaba ku bixiyey.

Sheekhu waxa kaloo uu tacsi u diray marxuum Axmed Ibraahim Saacadaale (Axmed-saaco) oo isaguna ku geeriyooday Hargeysa, laguna aasay xabaalaha Xeedho shalay.

Sheekhu wuxuu marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelka, carruurta, qaraabada iyo ummadda uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.. Aamiin…

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Tacsida Shirkadda Dahabshiil

Tacsi Tiiraanyo Leh

Guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Group (Maxamed Siciid Ducaale), Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Group (Cabdirashid Maxamed Siciid), dhammaan Maamulka Xarunta Shirkadda Dahabshiil, dhammaan Shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil iyo dhamman Wakiillada Shirkadda Dahabshiil waxa ay tacsi u dirayaan ehelka, qaraabada, iyo shacabkaba. Geerida ku timid Allaah ha u naxariistee marxuum Axmed Xasan Cawke oo Xalay (16 November, 2015) ku geeryooday Magaaladda Jigjiga, DDSI, waxaanay Ilaahay uga baryayaan marxuumkaasi in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelka iyo qaraabada uu ka geeriyoodeyna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Tacsida Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray shacabka, qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday weriye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa hawl wadeennada kaalinta weyn ka soo qaatay saxaafadda Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun, marxuum Cawke waxaa uu ka baxay ummadda Soomaaliyeed oo dhan, cid walbana way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtay intii uu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabiyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan AllAah ka siiyo’’, ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.

Marxuum Axmed Xasan Cawke waxaa uu door weyn ka soo qaatay, shaqadiisana ay si weyn uga dhex muuqatey Wasaaradda Warfaafinta, Madaxtooyada Soomaaliya, idaacadaha caalamiga iyo kuwa maxalliga intaba.

Marxuumka ayaa xalay (habeenkii Salaasada) saq dhexe ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee maamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun

Sidoo kale waxa Tacsi taas la mid ah diraya Tafaftiraha Shebekada Araweelo News Network Carraale Maxamuud Jaamac, weriyayaasha iyo dhamaan hawlwadeenada Araweelo News Network, waxayna tacsi u dirayaan ehelka, qaraabada, iyo shacabkaba. Geerida ku timid Allaah ha u naxariistee weriyihii Caanka ahaa, marxuum Axmed Xasan Cawke oo 16 November 2015 ku geeryooday Magaaladda Jigjiga, DDSI, waxaanay Ilaahay uga baryayaan marxuumkaasi in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelka iyo qaraabada uu ka geeriyoodeyna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun

Xigasho: Araweelonews.com

Ina-Xasan-Cawke: Xarragadii Iyo Xaash-Xaashkii Makrifoonka (1948kii – 2015ka)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – Qormooyinkii 1aad iyo 2aad

“Geeridu dibnaha waa mid qudha, dihasho yeedhmeede,

Kala daran se waa kala dareen, dugayda dhiilleede,
Axmed Xasanna tii naga dishaay, dubatay jiidhkayga,
Dar Ilaahay waan kaa naxee, diric miyaad qaadday,
Dadkii baad ka wada oohisee, danab miyaad aastay,
Dayaxaad madoobaysayeed, damisay nuurkiisa,
Dib miyaan indhaha loo tusayn, Diirshe Ina cawke?
Doobtiyo rakaaddiyo codkii, dananka reemaayey,
Dib miyaan Ducaaloow dheguhu daacad u maqlaynin?”

Baroor-diiqda Dayax-madoobaad ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

Qormada: 1aad

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
Email: cankaabo@hotmail.com
Xigasho: Dharaaro.com

Marxuum Axmed Xasan Cawke‘Innaa Lillaah wa innaa ileyhi raajicuun.’ Waa geeri iyo camalkeed. Aan ku cudur-daarto tuduc aad u gaaban oo ku jiray maansadii Daalacan ee Hadraawi oo ah:

“Dib-u-dhigasho mooyee,
Wax is-doorshay ma ay dhicin,
Afartaa xan durugtiyo,
Danni jira wax-sheeggii,”

Axmed Xasan-cawke maa-daama dad aad u badan oo meelo kala geddisan joogaa ay yaqaanneen waxa ii muuqatay in meelo iyo siyaabo badanba loo xusi doono. Sidaas ayaan u yar lug-danbeediyay. Sidii ayaanay u dhacday oo waa taas tacsidii iyo baroor-diiqdiiba ay socdaan.

Waa subax Salaasa ahayd, taariikhda Miilaadiguna ku beegnayd 17kii, Noofambar 2015ka. Waa san ayaa noogu baryay magaalada Hargeysa oo aan ka mid ahay dadka deggen, haddii Eebbe idmana aan sii deggenaan doono inta noloshayda ka hadhay. Waa halka aan ku dhashay ee ay xudduntaydu ku aasan tahay.

Sidii dhaqanka iyo caadadaba ii ahayd waxaan toosay goor hore oo aan dhegaystay qaybo afafka qalaad ah oo BBC-da ah ka dibna u digo-rogtay VOA-da oo 6.30ka subaxnimo soo gasha. Wararka ka-sokow waxaan aad u xiiseeya heesta lagu soo khatimo oo mararka qaarkood ku aroorinaysa oo waayo-waayo ku xusuusinaysa.

Waxaanan illoobayn Cabdi-qays iyo Aamina Canbdillaahi oo aroor dhaweyd hees kala roganayay. Waxaan is-idhi waa bilowgii lixdankii iyo magaalada Jabuuti. Inta aan subaxdaa iska daayay BBC-dii Soomaaliga ahayd ayaan dhakhso u baxay aniga oo Xisbiga Waddani ballan adag ku lahaa. Guddi gacanta ku haysay qabyo-qoraalkii Barnaamajka Wax-qabad ee Xisbiga Waddani ayaan la ballansanaa. Xafiiskii markii aan tegay ayaan arkay iyagii oo aan weli iman.

Gaadhigii ayaan dub u kala-xeelay aniga oo go’aansaday in aan soo maro dhakhtar aan la ballansanaa. Waxaan tegay Xarunta Baashista ee Rejo oo aan dhiigag iskaga qaadayay. Markii aan dhammaystay ee aan ka soo baxayay ayaa waxa iga dabo yimid wiil dhallinyaro ah oo Xaruntaa Rejo ka shaqaynayay oo aanu is-naqaannay. Isaga oo baalle-daymoonaya ayuu cod aad u hooseeyay oo aanay kalsooni badani ku dhehhnayn, dhegta ii saaray: “Miyaad maqashay geerida Cawke.” Aniguna yaabay oo idhi: “Cawke waa kee? Ma Ina Xasan-cawke?” Ku-ye wiilkii Guuleedna: “Haa.”

Aniga oo yar yaabban oo hoos isu weydiinaya halkii uu ku danbeeyay maa-daama an magaalada Hargeysa ku ogaa, ayaan Guuleed dib su’aal ugu celiyay. Waxaan weydiiyay halka uu ka maqlay. Ku-ye isaga oo aan shakisanayn: “Facebook-ga ayaa saaka ka akhriyay.” Inta aan hoos u hiifay Facebook-ga, ayaan aniga oo sii dhaqaaqaya ku idhi: “Waa beentood, maxaa yeelay maalinba qof nool ayay aasaan oo ay ku dul qoraan war deg-deg ah.” Sidaas ayaan ku dhaqaaqay aniga oo Guuleed shaki ku abuuray.

Aniga oo aan Xafiiskii Waddani gaadhin ayuu Guuleed i soo garaacay, ku-ye: “Adeer waa dhab oo wuxu ku geeriyooday saaka magaalada Jigjiga.” Markan warka dhiillada xanbaarsani waa uu i taabtay. Si buuxda uma xaqiiqsan bal se shaki iyo walaac ayuu igu dhaliyay. Guuleeed ayaan su’aal aan ku shaki-baxo weydiiyay oo ahayd: “Adeer, yaad ka hubisay ee warkan naxdinta leh ku saxeexan?” Guuleed oo aan is-dhibin isla markaana aan ii soo war-wareegin, ayaa iigu jawaabay: “Mulkiilaha Maalinlaha Geeska ee Raambo ayaan weydiiyay oo ii caddeeyay.”

Xaruntii Xisbiga Waddani markii aan gaadhay, ayaan Maxamed-raambo tilifoon u diray. Wuxu ii xaqiijiyay in uu Axmed Xasan-cawke si kedis ugu dhintay magaalada Jigjiga meydkiisana isla maanta la soo qaadayo. Waa sidii mocooyooyinkeen odhan jireen e’, warkaasi wuxu noqday ‘Xaqiiqal Maka.’ Dhowr tilifon oo kale ayaan diray oo uu ka mid ahaa Yoonis Cali Nuur. Qaarkood ayaa iigu jawaabayay: “Waxaan weli la kala caddayn Kalabaydh oo aabbihii ku aasan yahay iyo Wajaale midka lagu aasayo.” Mararka qaarkood ayay magaalada Gebilay sheekada xabaasha soo gelaysay. Qaar kale aya ku odhanayay saddex xabaalood ayaa la kala qoday.

Markii aan isu geystay wararkii tilifoonnada iyo mareegaha waxan isu diyaariyay in aan u ambo-baxo magaalada Wajaale oo warkii isugu biyo-shubtay in lagu aasay. Muran yar xoogganaa waxoogaa ayaa ka dhashay sababta loogu aasayo Wajaale oo qarka Itoobiya ah. Markii aanu goobta tagnay se, waxaanu xaqiiqsannay in ay Dawla-degaanka Soomaalidu sidaas door-bidday si ay iyaguna ilaa heer Madaxweyne ugaga soo qayb-galaan

Wuxu ahaa Axmed Xasan Suufi-cilmi. Aabbihii Xasan waxa loo yaqaannay Xasan-cawke. Hadda ma aha Xasan Cawke ee waa Xasan-cawke. Sidaas daraaddeed sifada Cawke waxay ahayd sifo ku ladhnayd ee ma ay ahayn magaca Xasan aabbihii oo ahaa Suufi-cilmi. Sida dadka intiisa badani u haysato, Cawke ma aha magac Axmed lahaa ama magaca awowgiiba.

Aabbihii ayaa la odhan jiray Xasan-cawke oo ay tahay in aad u qaadataan in Cawke ay ahayd sifo aabbihii magaciisa lagu ladhay. Haddii aan cabbaar raadiyay macnaha ereyga Cawke waxa la iigu sheegay adeygga ama qofnimo ha noqoto, ama hadalka ha noqoto ama si kaleba ha noqoto e’.

Qormada: 2aad

Axmed Xasan Suufi-cilmi oo loo yaqaannay Axmed Xasan-cawke ama Ina Xasan-cawke wuxu ku dhashay magaalada Tog-wajaale 1948kii. Da’diisa ma aan sugin oo qoraal kuma aan helin, bal se waxaan ka dhaqaaqay Muuse Biixi Cabdi oo ay isku dugsi iyo fasalba ahaayeen. Hooyadii waxay ahayd Caasha Aw Faarax Xirsi Mixille. Gabadh keliya ayay Axmed wada dhasheen oo ah Caneb.

Axmed wuxu dugsiyadii hoose/dhexe ku soo qaatay magaalada Tog-wajaale. Dugsigiisii Sare wuxu ku soo qaatay Cammuud, waxaanu dhammaystay 1970kii. Ka-dib wuxu ka bilaabay magaalada Gebilay shaqadiisii qaran. Halkaas ayaan ku bartay 1972kii. Aqoon badan uma aan lahayn. Axmed Xasan-cawke fadhi aan la fadhiisto oo aan sheeko la wadaago waxay ii ahayd maalmo ku jiray 2008kii, xilliyadii lagu jiray diiwaan-gelintii cod-bixiyayaasha. Inta badan waayo kala geddisan iyo meelo kala duwan ayaanu ku noolayn oo na kala qariyay.

Sannadkii 1973kii ayuu ka mid noqday dhallinyaro imtixaan lagu tartamayay u gashay Radio Muqdisho. Waxa tartamayay 17 dhallinyaro ah oo dugsiyada sare ka soo baxay shaqadii Qarankana dhammaystay. Waxa imtixaankaa ku gulaystay: Yoonis Cali Nuur, Cabdi Idiris Ducaale, Aadan Nuux Dhuule, Maxamuud Sheekh Dalmar, Axmed Xasan-cawke, Maxamed Cali Carraale iyo Maxamed Xasan (Terra). Beryaha qaar ayaa saami-qaybsigu sidaas iska ahaa. Heerkii beryahaa la taagnaa dhallinyaradan la qaatayba waxay wada ahaayeen reer woqooyi marka laga reebo Maxamed Xasan (Terra).

Markii barbaartas loo qaatay Radio Muqdisho ee ay imtixaankii ka gudbeen, waxay halkaa ugu tageen ruug-caddaa aan odhan karo waxay ahaayeen Raacii 2aad ee weriyayaasha Soomaaliyeed oo iyaga qudhoodu ahaa intii ka soo aflaxday Radio Hargeysa oo ahaa Raadyowgii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed oo la furay 1941kii. Idaacadaha kale marka aad dhaafto Laanta BBC-da ee afka Soomaaliga ku hadasha ayuu 16 sannadood ka weyn yahay ama ka horreeyayba.

Aan sheekadeennii Ina Xasan-cawke ku soo noqdo e’ isaga iyo colkii la wada qaatay ayaa tababarro iyo carbis lagu bilaabay. Waxa u bilaabay Raacaa 2aad oo ay ka mid ahaayeen: Mustafe Xaaji Nuur, Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, Siciid Caddaani, Mijir Qaaddi-Maxamud, Idiris Xasan Diirye, Weli Xaaji Cali iyo Idiris Cigaal Nuur. Raacii ugu horreeyay ee weriyayaasha waxaynu ka xusi karaynaa Xaaji Cabdi Ayuub oo ahaa qofkii soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee BBC-da ka hadla, kuna furay “Halkani waa BBC oo idin bariidin.”

Marka aynu si gaar ah ula baxno Axmed Xasan-cawke wuxu ka mid noqday weriyayaasha warka sheega kuwa ugu fiican xagga tebinta iyo codkaba. Waxa intaa u raacayay xidhiidhsanaanta hadalka aan joogsiga iyo ku-margashada lahayn. Wuxu kaga tegay doobtii xariirta ahayd ee codka lab ee dheg-raaricinta leh dhegaystayaasha gaadhsiinaysay. Mararka warka la sheegayo dadka qaar ayaad mooddaa in ay iyagu isu warramayan, Axmed Xasan-cawke se waa uu ka duwanaa oo wuxu u warrami jiray dhegaystayaasha xiisaha u qabay qulqulkii weedhaha toolmoon ee sida webiyada cartama danankooda iyo reenkooda lagu raaxaysanayay.

Axmed Xasan-cawke wuxu ka mid noqday weriyayaasha ugu fiican xagga tebinta ciyaaraha oo aan filayo in uu kaga deyday Weli Xaaji Cali oo cod degdeg ah oo cagta ama gacanta kubbadda wadata la xawliya ku gudbin jiray wararka ciyaaraha. Waxaan Dugsiga Sare ee Benaadir oo Muqdisho ku yaalla ku jiray 1964kii – 1968kii. Garoon kubbadeed ayaa dugsiga noogu yaallay oo aanu galbaha qaar kubbad ku ciyaari jirnay. Waxaan xusuustaa in uu noo iman jiray Weli Xaaji Cali oo rikoodh UHR ah sitaa oo kuwii cajaladaha waaweynaa ah.

Halkaas ayuu annaga oo ciyaarayna ku baran jiray sida ciyaaraha wararkooda loo gudbiyo. Mararka qaarkood carruurta daawnaysa ayuu urursan jiray oo ku odhan jiran qaylo iyo sawaxan sameeya oo uu ka duubi jiray. Weli Xaaji Cali waa ninkii ciyaarihii gobollada oo la ciyaarayo oo ay isku haleeleen koox reer woqooyi ah iyo mid reer koonfureed ahi inta uu is-illoobay yidhi: “Innaga aya wadanna.”

Axmed Xasan-cawke dabeecadihii uu lahaa qaarkood wuxu ka watay ama ka raacayba aabbihii Xasan-cawke oo nin ballaadhan ahaa. Wuxu aabbihii ka mid ahaa mudankii ganacsatada magaalada Tog-wajaale. Wuxu aabbihii dhaqan iyo caadaba u lahaa in aanu dadka u kala qaybin reero iyo haybta ay ka soo jeedaan bal se uu magaalo ahaan u mideeyo. Wuxu aad iyo aad isugu deyi jiray in uu waayaha magaalada si fiican xogxogaal ugu noqdo magaceedana ilaaliyo.

Xasan-cawke waxa ceeb ku ahayd in ay dadka reer miyiga ah ee badeecadaha keenaa dib ula noqdaan mararka laga iibsan waayo. Shaqaalihiisa ayuu u diri jiray oo uu ku odhan jiray yaan badeecad magaalada la keenay dib reerihii loogu celin oo aan la odhan Wajaale waxba laguma iibsado. Sidaas ayuu kula wareegi jiray dhuxusha iyo xaabada la iibsan waayo si uu magaca iyo milgaha magaalada u ilaaliyo.

Xasan-cawke ayaa beri wiil malaha shaqo loo doonayay loo keenay. Baristii wiilka la barayay ayaa lagu yidhi: “Waa wiil fiican oo Reer Jigjiga ah.” Xasan-cawkena maalintaa wuxu reebay odhahhda ah: “Waa Reer Jigjiga iyo waa wiil fiican kala daaya.” Waxaan ka guntay inahaas Xasan-cawke ku saabsan muddaakaraat uu beryaha qaar noo marin jiray Xasan Warsame Seed oo aad u yaqaannay lana soo noolaa muddo dheeri.

Xagga nolosha qoysnimo Axmed Xasan-cawke laba jeer ayuu guursaday. Wuxu ku horreeyay Caasha Daahir oo u dhashay Maxamed iyo Farax. Markii uu London u digo-rogtay wuxu guursaday Sacdiya Cabdillaahi Salaad oo u dhashay: Xasan, Caneb iyo Sakariye. Dhammaantood waa ay nool yihiin.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

Xigasho: Saxafimedia.com