Allaah (swt) oo Laga Baqo

Qisooyin Diini Ah

Decorative Lines

Bismillah

Assalamu Alaikum

Mahad oo idil Ilaahay (سبحانه و تعالى) ayay u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahad celineynaa, asaga ayaanu kaalmo weeydiisaneynaa, asaga ayaanu ka magan galeynaa nafteena shararkeeda iyo camalkeena xumaantiisa. Ilaahay kor ahaayee qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan, qofkuu lumiyana uma aadan heleysaan wax hanuuniya. Waxaan qiraayaa inu nabi Muxammad (صلی اللہ علیہ وسلم) yahay rasuulkii Alle. Amaa bacd.

Alle Ka Cabsi

Alle ka cabsigu waa darajo aad u sareysa oo aanu gaadhi karin qofka ku dheehan xumaanta kana fog wanaagu, sidaa daraadeed ayeynu soo sheegney iney tahay ( Allaah oo wuxuu ku faray la fuliyo, macaasidiisana laga dheeraado, xuduudiisana lagu eekaado).

Waxaynuse u baahan nahay ineynu sharax ka bixinno dariiqa lagu gaari karo darajadaasi oo runtii u baahan dadaal iyo u soo diyaargarow buuxda.

Hadduu qofku ogaado sharafta taqwada iyo heerka ay gaarsiisan tahay waxa la gudboon inuu is weydiiyo; sidaan ku gaarayaa darajada taqwada?

Arrinkaasi waxa uga jawaabaya Imaamka tarbiyadda Quluubta ee Al-Qazali oo yiri:

Waxa uu ku jiraa wanaaga Naftu inaad isu taagto una diiddo macsiyo kasta, kana ilaaliso waxaan faa’iido ugu jirin haddaad sidaa sameyso Allaah waad ka baqatey, Ishaada, dhegtaada, carabkaaga, qalbigaaga, calooshaada, xubintaada taranka, iyo xubnahaaga kaleba waad dhawrtey waxaanad ku xakameysey taqwada Alle (swt).”

Sidaa awgeed baabkanu waa mid dheer sharaxiisu, waxaana odhaahdeedu lagama maarmaan tahay Ninkii doonaya inuu Allaah ka cabsado ha dhawro xubnahan shanta ah oo ah seeskiisa, waana (Isha, dhegaha, carabka, qalbiga iyo caloosha).

Haddii la ilaaliyo xubnahan waxa xaqiiqo ah in intooda kalena toosayaan, waxaanu gudanayaa taqwada iyo Allaah ka cabsiga dhammaantii). Manhajka caabudayaasha ee Sheekh Qasaali/ 76-77.

Hadalkan Sheekha Qasaali (R.C) waxa ka imaneysa su’aal kale oo oraneysa; sidaan xubnahaygan shanta ah uga dhawraa macsiyada “Danbiga”uguna hogaamiyaa daacada Allaah?.

Mawduuca dhuuxiisu waa halkan oo ah xubnahan qofka siduu u hoggaamin lahaa oo haddey hagaagaan ah hagaagga qofka iyo liibaantiisa ifkan iyo aakhiraba, kuwaas oo ka kooban shantaasi xubnood, waana kuwaa xukuma xubnaha qofka intooda kale, waxaynu si kooban ugaga jawaabi doonnaa shan qodob oo Ruuxii raacaa uu kaga magan galayo xubnahan sharkooda, khayrkoodana helayo, cibaadadoodana gudanayo:

  1. Inuu qofku ilaahay jeclaado.
  2. Inuu qofku qalbigiisa dareensiiyo inuu allaah daalacanayo kana xishooda Alle xishood xaqiiqo ah.
  3. Inuu ogaado ama is dareensiiyo dhibaatada ay leedahay macaasidu iyo danbigu.
  4. Inuu barto iskuna dayo siduu qofku hawadiisa uga xoog badin lahaa, naftiisana uga guulaysan lahaa.
  5. Iyo inaad ogaatid meelaha shaydaanku inaga soo galayo, sidoo kalana ka digtoonaatid tashwiishkiisa.

Taasi waa qodobada lagu ilaalin karo xubnahaasi shanta ah oo darsiga aynu ku soo qaadan doonno mid ka mida.

Jacaylka & Kalgacaylka Ilaahay

Imaamka ibnul-qayim wuxuu leeyahay (Jacaylku waa geed qalbiga ku yaalla, xidhiidhkiisuna waa is hoos dhigga cidda la jeclaado, jiridiisuna waa barashadiisa, laamahiisuna waa kacabsashadiisa, caleemihiisuna waa ka xishoodkiisa, midhihiisuna waa adeeciddiisa, waxa geedkaas lagu waraabiyaa waa xuskiisa. Haddaba, haddii jecaylka mid ka mida intaasu ka maqnaato waa kala dhiman yahay) Beerta kuwa Allaah jecel/409.

Waxa kale oo Caalimka Ibnu Rajab yiri:

(Ilaahay jacaylkiisu waa laba darajo, mid waa farac waajib ah “waana inaad jeclaatid Allaah jacayl keensanaya inaad jeclaatid waxa uu waajibka ka dhigay, necbaatidna waxa uu xarimey, inaad jeclaatid Rasulkiisa uu fariinta innoogu soo dhiibey, kana hor marisid jeclaantiisa nafta iyo ehelkaba, jeclaatidna diinka uu inoo keeney, kana raali ahaatid isuna dhiibtid sharciga, sidoo kalana inaad jeclaatid Anbiyada iyo kuwii raacay jidkooda, waana inaad u cadhooto Gaalada “iyo danbiilayaasha”, Allaah dartiina ula coleytantid.

Taasi waa inta lagama maarmaanka ah ee jacaylka imaanka dhameys tiraya, qofkii mid ka mida ka tagaana imaankiisu naaqis yahay “hooseeyo” sida uu Ilaahay sheegey ee uu yidhi:

”Rabbigaa ayaan ku dhaartaye: kuma rumeynayaan illaa ay kaa xukun yeeshaan waxay isku qabtaan, dabdeedna aaney Naftoodu kahan waxaad ku xukmisey, isna dhiibaan is dhiibitaan.” [Surat: al-Nisaa, 65]

Darajada labaad, waa darajada ciidamada Allaah xagiisa u dheereeyey una dhawaadey, lana soo dhaweeyey waana ” inuu jacayku gaadho inla jeclaado waxa uu jecel yahay ka la jecel yahay, oo sunayaashu ka mid yihiin, lana karaahiyeysto waxa uu karaahiyeystey ka la jecel yahay, lagana raali noqdo xukunkiisa iyo qaddartiisa haba dhibto nafta amaba masiibo ha ahaatee”.

Waxaana taas ku tusinaya xaddiiskii uu Allaah ku sheegey kuna yidhi:

”Qofka iga colaadiya Wali waxaan ogeysiyey dagaal, addoonkayguna iiguma soo dhawaado shay xaggayga loogaga kalkacayl badan yahay waxaan ku faral yeelay, kamana suulo adoonkaygu inuu iigu soo dhawaado sunayaasha, ilaa aan jeclaado.”

Labadaasi derajo ee jacaylku waxaynu raacin doonaa wasiilooyinka “Dariiqa” lagu gaaro jacaylkaasi oo ay ka mid tahay:

1- Inaad Qur’aanka u akhrisid si deggen oo fahal leh.

2- Inaad Allaah ugu dhawaatid sunayaasha faralka dabadeed, ha ahaato qaar salaado ah ama soon ,sadaqo ama cimro, iwm.

3- Inaad xuska Ilaahay caado ka dhigatid, carrabkaagana bartid odhaahda xuska Ilaahay mar walba.Iyada oo ay xaalad kasta oo aynu qabanno ku timid adkaar iyo Dikri la sunneeyey in la yiraahdo.

4- Inaad daacadda Allaah ka hor marisid naftaadu waxay jeceshahay.

5- Inaad Ilaahay magacyadiisa baratid tilmaamihiisana dhuuxdid.

6- Inaad xasuusatid nimcooyinkiisa faraha badan iyo waxa uu kuu sakhirey ee dhinac walba leh si aad u jeclaatid.

7- Inaad waqtiyada qalbigu soo jeedo Allaah u noqatid, waxna waydiisatid, xaggiisana u iilatid.

8- Inaad dadka wanaagsan la fadhiisatid, hadalkooda wanaagsanna dhageysatid, meelaha xuska Allaah lagu hayana inaadan ka daalin.

9- Inaad ka dheeraato waxa qalbigaaga ka mashquulinaya xuska Ilaahay ee shahwada iyo shubuhaadku ugu horreeyo.

10- Inaad ku fakirtid sancada Allaah iyo khalqigiisa uu hagaajiyey abuurkooda, maamulka iyo hanaan socdkoodana haya oo haga.

11- Inaad dul istaagtid ballanqaadyada Ilaahay iyo Rasuulkiisu ku sheegeen kitaabka iyo sunnada, kuwaas oo loo yaboohay addoomaha wanaagsan, nimcada, Raaxada, nolosha daa’imka ah, nolosha daalka iyo rafaadka ka maran ee loo ballan qaadey kuwaasi. Una fiirsatid tilmaamaha lagu gaadhayo laguna helayo darajadaasi oo aad ku dadaashid, iskuna daydo falkooda.

Taasi waa qodobada kuu kaxayn kara jacaylka Ilaahay , qalbigaagana ku mashquulin kara adeeciddiisa, waase inaad ugu horeyn naftaada ka nadiifisaa jacaylka ay cid kale ku xidhan tahay amaba naftaadu jeceshahay. Kaas oo kaa mashquulinaya jacaylka Ilaahay ” qalbigana laba jacayl ma wada degaan”.

Macaasida waa inaad ku beddeshaa daacada Allaah (s.w) oo haddaad naftaada la dadaasho ay caado wanaagsan u noqoneyso falkaasu., taas oo aaney ku dhaqaaqeyn kuna dhiiraneyn iney Ilaahay xadhiga ka goosato.

Waxay u dardaarantey haweeney kamid ahayd dadkii salafka wanaagsanaa ahaa wiilkeedii waxay ku tiri: (Barta, caadana ka dhigta jaceylka Ilaahay iyo daacadiisa, waayo kuwa taqwada leh waxay xubnahoodu barteen daacada Allaah, waxaaney diideen wax kale, Haddii shaydaanku macsiyo amrana waxay ka leexataa xagooda, ayaguna waa diidaan).

Ilaahay ayeynu ka baryeynaa inuu ina waafajiyo jeclaantiisa, si aynu u gaarno taqwadiisa sharafta badan. Aamiin.

Alle Dartiis Waxaad Uga Tagtid
Rabi Waxa uu Kugu Badala
Shay Ka Kheyr Badan

Sheekh Cali Dhandhaawi ilaahay ha u naxariistee waxa uu ku yiri Xasuus qorkiisii:

Dimishiq waxaa ku yaaley masjid wayn oo la yiraahdo Jaamic al tawbah, Waa Jaa…mic wayn oo barakaysan oo qurux badan, Waxaa loogu magacaabey Jaamic al tawbah wuxuu ku ooli jirey meel Macaasida lagu sameeyo barigii hore, kadibna waxaa iibsadey mid ka mid ah boqoradii qarnigii todobaad ee Hijriga, Intuu dumiyey ayuu masjid ka dhisey.

Masjidka waxaa joogi jirey Sheekh ilaa todobaatan jir ah magiciisana waxaa la oran jirey, Sulaym Al-Suyuudi, dadka xaafadda daganina aad bay ugu kalsoonaayeen wixii ku saabsan arimaha diintooda iyo duunyadoodaba way ula noqon jireen, Sheekha waxaa la joogi jirey Ardey aad u dhawrsani badan oo aan waxba haysan, Masjidka ayuu ka daganaaa qol, waxaa soo maray ardaygaas Inusan waxba cunin laba maalin, wuxuu cunana ma uusan heli jirin, maalintii sadexaad ayuu is yiri waad dhimanaysaa, wuxuu ka fakarey wuxuu samayn lahaa, markaasuu wuxuu Is tusiyey In ay u bannaantahay inuu wax soo xado si uu dhimashada uga bad baado.

Sheekh Dandaawi wuxuu leeyahay qisadan waa qiso dhab ah dadka ay ku dhacdayna waan garanayaa.

Masjidku wuxuu ku yaaley xaafado qadiim ah, guryuhu barigii horena way xidhiidhsanaan jireen oo dhinaca ayeey isku wada hayeen, qofkuna wuxuu awoodey inuu guri intuu fuulo uu xaafadda dhan isu wada maro.

Ardaygii Masjidkii buu dhakada ka fuuley kadibna wuxuu ku dulsocdey xaafadihii isku dhegsanaa, indhihiisu waxay ku dhaceen dumar kadibna wuu ka ill laabtey oo wuu ka fogaadey, wuxu arkey Gurigi Cidlo ah oo ay ka so baxayso Urta Karinta cuntada.

Gaajadii haysey awgeed sidii bir labta oo kale ayaa dhankii guriga loogu jiidey, gurigii buu kor ka dalooliyey kadibna Kijadii buu galey, digsigii dabka saarnaa ayuu ka qaadey daboolka, Mise waxaa kar karaya Baadijaan, Mid buu la soo baxay Kadibna wuu qaniiney, Ma uusan awoodininuu liqo caqligiisii iyo diintisii ba u soo noqdey, wuxuu yiri ” Acuudu billlaah, ma anigoo Daalibul Cilmi ah oo waliba Masjidka degan Ayaan guryaha dadka u dhacayaa oo xadayaa?.

Wuxuu sameeyey ayaa la waynaadey kadibna wuu istiqfaarsadey wuxuu ku celiyey Baadijaankii dhergii, kadibna wuxu ku soo noqdey meeshuu ka yimid, Sheekhii darsiga bixinayey buu iska ag fadhiistey isagoo aan awoodin inuu maqlo waxa uu sheekhu sheegayo Gaajo awgeed.

Markii darsigii dhamaadey ee ay dadkii kala dareereen, waxaa sheekhii u timid Haweeney is asturaysa dumarkuna xiligaas way asturnaayeen, Sheekhii bay la hadashey hadal uusan maqlin ardaygu, kadibna sheekhii baa dhinicii ardayga soo jalleecay kaligiis buu arkey inuu ka joogo ardaydii, markaasuu u yeedhey wuxuu ku yiri”

Reer Ma leedahay?

Ardaygii wuxuu yiri Maya”

Sheekhii wuxu ku yiri guur ma doonaysaa?

Kadibna wuu aamusey, Sheekhii ayaa mar labaad ku celiyey guur ma doonaysaa?

Markaasuu ardaygii ku yiri:

”Yaa Sayidii Rooti waxaan siisto ma haysto maxaan ku guursadaa?

Sheekhii wuxuu ku yiri haweentani waxay ii sheegtey in ninkeedii uu dhintey magaaladanna way ku cusub tahay, cidna uma joogto aan ka ahayn adeerkeed oo wayn, wuuna la socdaa hadda, waxayna dhaxashey gurigii ninkeeda iyo macaashkiisi, waxayna rabtaa inay hesho nin ay ku guursato sunada Rasuulka (csw, si aysan u kaliyoon, oo aysan markaa u damaaciyin dadka xun xun, ee Ma rabtaa inaad guursato?

Ardaygii wuxuu yiri Haa!

Haweentii buu waydiiyey wuxuu ku yiri ninkaan adiguna ma rabtaa haween yahay? Waxay tiri haa, Adeerkeed buu u yeedhey iyo laba markhaati, Meherkiina Sheekhii baa ka dhiibey wuxuuna ku yiri:

Qabso Ninkaaga, Kadibna gacantiisii bay qabsatey oo gurigeedii bay la aadey.

Markey gurigii gashey Ayeey wayjigii iska faydey, Mise waaba Gabadh dhalin yaro ah oo Quruxbadan, Gurigii buu eegey Mise waa gurigii markii dhawayd Is lahaa Ka xad baadijaanka, Waxay ku tiri wax ma cunaysaa Markaasu yiri haah, Kijadii bay gashey waxay daboolka ka qaadey Dherigii waxay tiri Cajiib badanaa guriga ayaa soo galay maanta, Ardaygii waa ooyey Qisadiii buu uga sheekeeyey, waxay ku tiri tani waa Midhaha Amaanada waxaad ka dhawrsatey inaad cunto baadijaan xaaraam ah, ilaahay wuxuu ku siiyey gurigii dhammaa iyo gabadhii lahayd si xalaal ah

Gabar Alle Ka Cabsi Badneyd

Qisadan waa mid ka mid ah qisooyinka ugu cajiibka badan, uguna soo jiidashada badan oo ay qoreen culumada Islaamka, ayaan maanta idiin soo bandhigeynaa. Qisadaan oo run ahaantii noqon doonta mid dareen baaxad leh kugu Reebta.

Gabar aad u qurux badneed, hanaan wacana ilaahey ku maneystay ayaa waxaa la Sheegay inuu aad uga helay nin ay meel isku arkeen, ninkii ayaana aad ula yaabay gabadhaan quruxdeeda iyo qaabka ilaah u sameeyay.

Ninkaan ayaa isku dayay inuu gabadhan xiriir la sameeyo, si uu ula sheekeysto, balse marar badan ayey ku gacan seyrtay, iyado ka diiday inuu hadal la furto. ninkii ayaa waddo walba u soo maray siduu mar uun ku heli lahaa gabdhaan. Balse adoonta ilaahey ku xiran, quruxdana lagu maneystay ayaa go’aankeeda ku adkeysatay, iyadoo fursad dhan u diiday inuu ninkani usoo dhawaado.

Ninkii ayaa go’aansaday inuu kufsado gabadhan, oo uu xoog wax uga qaato, maadaama uu xeelad wax uga waayey, wuxuuna xoogay gabadhii oo aan raali ka aheyn, wax walbana qasab ayuu uga qaatay, balse arinka la yaabka leh ee qalbigaaga dhaqaajin doona ayaa ah arinka ay gabadhani ku dhaqaaqday intii uu ninkani howshiisa watay.

Gabadhan ayaa aragtay in ninkani uu ka xoog badiyay, wax ay sameyn kartaana aysan jirin, waxeyna ku fikirtay waxa ugu dhow ee gacanteedu gaarto iney soo qabsato, balse sheygii ugu dhawaa ayaa noqday dab shidan oo meel agteeda ah yaalay, waxeyna gacmaha la gashay dabkii ayadoo gacmaheeda u bareertay iney gubto.

Ninkii ayaa howshiisa dhameystay, balse markuu ka istaagay ayuu la yaabay ficilka ay sameysay gabadhu iyo sababaha ku dhaliyay iney is gubto, waxuuna weydiiyay maxaa sababay?

Waxeyna ugu Jawaabtay:

Markii aan arkay inaad iga awood badisay, oo aanan heynin waddo kale oo aan isaga kaa celiyo, waxaan go’aansaday inaan gacmaheyga gubo, si aanan kuu dareemin, danbigana aanan kuula wadaagin.

Arinkan ayaa la yaab iyo dhakafaar ku noqday ninkii, balse ficilka ay sameysay gabadhani ayaa noqday tusaale cajiib badan, qalbiga qofka Muslimka ahna dhaqaajiya, ayadoo ay haboon tahay in lagu cibro qaato.