Muqdisho: Shalay,
Maanta iyo Barri

Sheekh Axmad C/samad
Email: alwaqaar@hotmail.com

Qaybaha: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

Decorative Lines

Taariikh
Lama Ilaawaan

Qaybta | 1aad

Qormadaan waxaan ku qaadaa-dhigi doonnaa dhacdooyinkii is daba joogga ahaa ee afartii bilood ee ugu dambaysay ku soo kordhay magaalada Muqdisho iyo guud ahaan bulsha weynta Soomaaliyeed. Waxaan si gaar ah xoogga u saari doonnaa siyaabaha ugu habboon ee looga miro dhalin karo guulaha waaweyn ee u soo hoyday Soomaalida. Waxaan kale oo fiiro gaar ah ku eegi doonnaa khataraha ku soo fool leh dadkeenna marxaladdaan gaar ahaan reer Muqdisho iyo siyaabaha looga gudbi karo khatarahaas. haddii Alle idmo.

Qormadu waxay ka koobnaan doontaa:

  1. Hordhac ka hadlaya Muqdisho wixii ay soo martay iyo halka ay maanta taagan tahay.
  2. Maxaa la gudboon Maxaakimta Ialaamiga ah? oo ka koobnaan doonta tillaabooyin ay tahay in ay maxaakimtu deg deg u qaadaan iyo qorshaha waqtiga dheer.
  3. Maxaa la gudboon dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho.
  4. Waa maxay xilka saaran dawladda ku meel gaarka ah xilligaan.

Hordhac

Magaalada Muqdisho waxay muddo dheer la taahaysay mashaakil is dabajoog ah oo sida hirarka badda qofka midiba midda kale u dhiibayso.  Mashaakilka ku habsaday bulshaduna meelna ma dhaafin, mana lahayn meel looga boxo ee meeshii miciin la bidaba way ka darnaanaysay tii laga soo cararay.

  • Dilka,
  • Boobka,
  • Kufsiga,
  • Barakicinta,
  • Qafaalashada

…iyo in dadka loo beecgeeyo gude ama dibad waxay noqotay dhacdooyin dabiici ah oo ninkeed dhiba ah, bulshaduna aysan inta badan juuq ka oranayn iska waraysi uun mooyee.

Yaa Ka Dambeeyay
Mashaakilka Haysta Bulshada?

Dhibaatooyinkaas kala jaadka ah waxaa cirbixiyeenno iyo horseedba ka ahaa ma naxayaal diirato ah oo aan bulshada kaga tagin feen iyo dhuux toonna. Nimankaas waxay bulshada u muujiyeen in ay xaqooda u soo dhicinayaan, dantoodana ka shaqaynayaan, markaas ayaa dadweynuhu u dhiibeen furayaashii oo dhan iyo wax kasta oo ay haysteen (ubad, maal, hub, magac, mansab iyo taloba), ka dibna wixii oo dhan waxay u isticmaaleen silicdilyaynta iyo ihaanaynta dadkooda.

Dhab ahaan waxaa la oran karaa dadka Muqdisho ku dhaqani waxay nimankaas ula mid ahaayeen tiro ari ah oo u xeraysan oo ay qaar maalaan, qaybna qashaan, barna beecsadaan, kuwana rartaan ama fuulaan. Dadweynuhu waxay aad u qaayibeen dulmiga, ciddii ka hadashana dulmanayaasha oo dhan ayaa ku qaylinaya oo ku oran: war naga daa iyo war naga sii, maxaa yeelay waxay caadaysteen in haddii daalimiinta  say rabaan loo yeeli waayo ay tacshiirad oodda uga qaadaan, dibna aan la isu waydiin inta dhimata iyo inta dhaawacanta toonna.

Kii ka danqada dulmiga ama yiraahda rarka iga kala dhima waxay ku dalbanayeen kuwo garaashyada lagu calfiyo, si wacanna loo jarabaray oo ninkii dullinimada ka gilgisha u arkaya daalin ay tahay in  kafantiisa la soo jaro isaga oo nool.

Waxaad mooddaa in ay bulshada Muqdisho isu kaashanaysay sidii ay cabiidsiga ugu sii jiri lahayd, maxaa yeelay haddii cid uun ay u qalab qaadato in daalimiinta laga hortago kuwii la caddibayay laftooda ayaa naf iyo maalba ku furan oo ku jihaadaya dadkii dulmiga iga daa yiri. Nin walba oo dadka halakeeyay wuxuu ka dhashay qabiil uun, haddii qolo walba kaayaga la taaban mayo tiraahdo waxay la mid tahay iyaga oo dhan ha inoo joogeen ee inoo daaya.

Dadaalladii Loo Galay Cayminta Bulshada
Iyo Hagardaamooyinkii Lagala Horyimid

Xilliyo kala duwan ayaa Rabbi waafajiyay culimada iyo waxgaradka kale in ay dadkooda meesha lagu badbaado ula cararaan waa xagga diinta Alle’e. Mar walba oo la fuliyo wax ka mid ah shareecada, dadkuna nafisaan  waxaa wiiqayay nacabkii dadka u diiday naf iyo nololba oo naseex isaga dhigaya. Maxkamaddii Sh. Cali dheere madaxda ka ahaa ee xaafadaha woqooyi ee Muqdisho badbaadisay waxay eersatay Cali Mahdi iyo Maanafaystadiisii.

Maxkamadihii koonfurta Muqdisho nabadeeyay, Sh/hoosana caymiyay waxay ku magacyeesheen C/qaasim iyo Carte. Bulshadaan waxaa maalin walba laga qaniinaa hal god, sababtuna waxaa weeye iyaga oo ku kadsooma kuwa hadba ka hor muuqda iyo iyaga oo aan ku cibro qaadan wixii la soo maray. Bal eeg sida uu ahaa mawqifka bulshadu markii xukuumaddii hantiwadaaggu har cad toogatay culimadii dalka, qaybna xirxirtay iyo markii har cad la buburiyay maxkamadihii dantooda ka shaqaynayay.

Aasaaskii Maxkamadahaan Cusub

Markii ay soo xirmeen irdihii dawladnimo, oo ay beenoobeen ballanqaadyadii kuwa dumiyay dalka iyo diinta ayaa waxaa ka aloosmay Muqdisho maxkamado islaami ah oo ku isman qabaa’ilka qaarkood, kuwaas oo ay hoggaaminayaan culimo iyo ducaad taageero ka helaya ganacsatada iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed. Ka dib waxaa lagu guulaystay in la  unko dallad midaysa maxaakimtaas oo lagu magacaabo Midowga Maxaakimta Islaamiga ah.

Midowgu wuxuu u kordhiyay maxkamadaha sumcad, taageero, awood iyo kalsooni dheeraad ah. Waxay maxkamaduhu qaadeen tillaabooyin ay wax kaga qabanayaan amni xumada iyo dulmiga, waxayna qayb weyn ka qaateen fidinta iyo ilaalinta diinta, taas oo ay ku muteen taageerada dadka ahlu diinka ah iyo dhammaan dadweynaha.

Markii maxkamaduhu ku guulaysteen in ay hor istaagaan wax badan oo ka mid ah dulmigii iyo xadgudubyadii lagu hayay bulshada, ayna noqdeen cod u hadla dadka, diinta, dalka iyo danta guudba waxaa arrintaas ku margaday Mulkiile-yaashii dadkaan manaafacaadsan jiray oo u arkay in maalkoodii iyo mooradoodii loo soo dhacay.

Waxaa kale oo walwalka iyo murugadu ka meel waayeen Maraykan iyo Xabashi oo maatidaan si doqon ma garato ah u middi-raacinayay una mayd-garaacayay muddaba, iyaga oo marna midigtooda ku mirjinayay, marna u soo marayay kuwaan la midabka iyo afka ah.

Aasaaska maxkamadahaani wuxuu ku soo beegmay xilli aysan dadka ka hormuuqan amal badbaado oo kale, isla markaana ay in badani ku waayo-arkeen wixii la soo maray. Taas waxay keentay in ay socon waayaan isku dayo badan oo lagu doonayay in maxkamadahaan si dhagar iyo mu’aamaro ah lagu burburiyo. Markii ay socon waayeen xeeladihii maldahnaa ee lagu wiiqi jiray bulshadaan iyo diinteeda ayay labada dhinac ku wada qaadeen maxkamadaha iyo inta taageersan dagaal bareer ah oo af iyo addinba leh.

Aasaaskii Isbahaysiga
La Dagaallanka Argagixisada

Waxaa lagu dhawaaqay aasaaska: (Isbahaysiga soo celinta nabadda iyo la dagaallanka argagixisada) oo si xamaas iyo firfircooni leh u bilaabay in uu caddeeyo xubnihiisa, ahdaaftiisa iyo hababka ay u hirgalinayaan ahdaaftaas.

Waxay kale oo  toos u caddeeyeen in ay ku qaadayaan dagaal af iyo addin ah:

  1. kuwa doonaya in ay diinta wax ku maamulaan
  2. argagixiso ajnabi ah
  3. kuwa haya oo ilaalinaya argagixisada, kuwaas oo haysta warshado, dakado, garoomo diyaaradeed iyo shirkado isgaarsiineed
  4. kuwa baddalay manaahijta waxbarashada ee haysta jaamacadaha iyo iskuullada
  5. kuwa Wahaabiyada ah oo diinta baddalaya
  6. Al- Itixaad
  7. Al-qaacido
  8. kuwa ku soo tababartay Afgaanistaan h) maxkamadaha islaamiga ah.

Isbahaysigu waxay sheegeen in ay la dirirayaan dad argagixiso caalami ah oo waxyeelleeyay Maraykanka iyo Yuhuudda, nimankaas oo dunidu baadigoobayso, iyagana loo soo diray inay soo qabqabtaan.

Waxay kale oo sheegeen in Maraykanku xaq u leeyahay in uu ka aarguto dadkii dhibaatada ugu agystay Soomaaliya. Isbahaysigu iskuma dayin in ay raacdaystaan dhawrka nin oo magacyadooda iyo masawiradooda loo soo dhiibay oo dambiilayaasha lagu sheegay, maxaa yeelay waa wax aan jirin, cidina wax aan sal iyo raad lahayn lama diriri karto, wuxuuse isbahaysihgu si hagar la’aan ah madaafiic iyo gantaallo ugu garaacay xaafadaha kala duwan ee Muqdisho, taas oo caddaynaysa in loo soo diray xasuuqa iyo dabargoynta maatida reer Muqdisho oo ay awal hal siib iyo xantoobaysi ku warjeefayeen.

Dadka iyo hay’adaha  ay sheegeen in ay la dagaallamayaan waa inta diinta iyo maslaxadda ummadda ka shaqaynaysa. Tusaale ahaan: faafinta iyo barista diinta, sare u qaadista aqoonta bulshada, sugidda amniga iyo la dagaallanka dulmiga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, sida: Airport-yada, dakadaha, isgaarsiinta, warshadaha iwm oo ay sheegeen dhammaan in ay yihiin argagixiso.

Qaybta | 2aad

Dadweynaha Muqdisho oo dhab ahaan wacyigooda iyo aqoontooda diineed sare u kacday, isla markaana ka ambaqaadaya waaya-aragnimadoodii hore, si wacanna u weeleeyay weedha Isbahaysigu ku tiraabeen, ishana ku haya xiriirka ay la leeyihiin cadawga ummadda, si qummanna u jirrabay daacadnimada iyo waxtarka maxaakimta ayaa sameeyay kacdoon xooggan oo ay ku taageerayeen maxaakimta iyo culimada.

Kacdoonkaas oo lagu tilmaami karo ciidda oo dhaqaaday wuxuu cagaha dhulka uga qaaday Isbahaysigii Ashahaado la dirirka oo wax aysan ka filayn ay xaska uga soo bexeen. Shaydaankii soo dagaal-galiyay markii uu ku hubsaday halaag aan ka daba-tag lahayn ayuu  ka bari noqday.

Dadweynuhu waxay cabbireen dareenkooda iyo mawqifkooda, iyaga oo u qaybsamay: mid dagaallama, mid hub keena, mid xoolo geeya, mid dhaawaca daweeya, mid bulshada ka difaaca marin-habaabinta ay ku wadaan, mid soo abaabula qabaa’ilka, mid dhaqaale soo uruuriya, mid xog keena, mid raashinka karisa iyo mid keenta. Waxaa yaab lahaa ducada masaajidda iyo dugsiayada ka baxaysay oo xataa ubadka yaryari isku dhex-wadaan in ay habaaraan Ashahaado la dirirka iyo in ay u duceeyaan Ashahaado u dirirka.

Hiilka Alle iyo Jabkii Isbahaysiga

Goob kasta oo labada isbahaysi isku holliyaanba waxaa Rabbi samada ka soo dajinayay NASRI deg deg ah. Waxaa ilaa iyo hadda laga sifeeyay Isbahaysigii Ashahaado la dirirka goobihii ugu muhiimsanaa ee ay ka fadhiyeen magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad. Waxaa gacantooda ka baxay: 1- dhammaan deegaanka bari ka xiga degmada Kaaraan oo ahaa dhul muhiim ah (Airpot-ka Cisaley, dekadaha C/macaan iyo C/cadde, waddooyinka u baxa xeebta). 2- suuqa xoolaha iyo dhulka ku dhow. 3- degmada balcad. 4- degmada Dayniile 5- qaybo ka mid ah degmooyinka Hodon iyo Madiina oo ay horay u dagganaayeen, sida: KM4, Soobbe, Airport-kii weynaa, B/xuubeey iyo Villa Baydhabo. Waxa dhimmanna waxaa la rajaynayaa in ay si dhib ayr oo aan dagaal dhicin in ay uga baxaan, hubkana soo wareejiyaan. Guulaha waaweyn oo la gaaray waxaa weheliyay:

  1. Khasaaraha Ashahaado u dirirka oo aad u yar marka la barbar-dhigo kan Ashahaado la dirirka.
  2. Dhaawacyada Ashaahdo la dirirka oo aad inta badan u wada ahaa halis, halka Ashaahdo u dirirka inta badan dhaawocoodu fududaa.
  3. Goob kasta oo dagaal wayni ka dhoco waxaa Maxaakimtu qabsanayeen hub isugu jira tekniko, qoryo fudud iyo rasaas.
  4. Inta badan dagaalladii dhacay waxay Maxaakimtu ku qabsadeen dhul muhiim ah oo ay Ashahaado la dirirku fadhiyeen.
  5. Dagaal kasta oo dhaca waxay ka qaadayeen Ashaahdo la dirirku niyad jab iyo is nac, halka Ashahaado u dirirku ka helayeen goob kasta isku kalsooni, niyad sare iyo is jacayl.
  6. Goob kasta waxay dhimaysay shacbiyadda iyo taageerada Ashahaado la dirirka, halka Ashahaado u dirirka ay soo kordhaysay shacbiyaddooda iyo taageerada ay ka helayeen bulshada gudo iyo dibadba.
  7. Ilaahay wuxuu ku riday madaxda iyo askarta Ashahaado la dirirka cabsi iyo argagax ilaa ay gaareen heer dhulku qarin waayo oo sharqantii yeertaba ay u qaataan wadaad soo gurguuranaya oo godka dhexdiisa ku ceejin doona. Dhanka kale waxaa Rabbi ka saaray quluubta dadka cabsidii ay ka qabeen Ashahaado la dirirka oo dhab ahaan haystay hub iyo ciidan aad u farabadan, laguna yaqaanay arxan la’aan.

Asbaabta Keentay
Guulahaan Waawen

Guushan waxay dadweynaha reer Muqdisho ku heleen fadli Ilaahay iyo naxariistiisa, taas oo keenaysa in ay Allaah uga shukri-naqaan sharka uu ka badbaadiyay iyo khayrka uu u soo hoyiyay. Iyada oo guushu ku timid fadliga Alle uun, haddana wax kasta Rabbi wuxuu u yeelay asbaab. Haddaba waa maxay asbaabta inoo muuqan karta oo Ilaahay ina ku siiyay guushaan?.

1. Ilaahay wuxuu ballanqaaday in uu u hiilliyo Rusushiisa iyo muminiinta. Cidda uu u hiilliyona qofna kama adkaan karo.

2. Ilaahay wuxuu difaacayaa mu’miniinta.

3. Qofkii la dagaallama mid ka mid ah awliyada Ilaahay (waligu waa mu’min Alle ka cabsada), Rabbi wuxuu ogaysiiyay in uu la dagaallamayo. Nimankaani waxay colaadinayeen awliyada Ilaahay muddo dheer, isaguna intaas isaga oo u jeeda ayuu u sugayay, maantana wuu qabtay, Ilaahayna qofkuu mar qabto ma fakiyo.

4. Nimankaan oo dhowr iyo toban sano uruursanayay hub iyo ciidan ay ku cadaadiyaan masaakiinta, muddadaasna say doonaan ka yeelayay bulshada oo aan cidina u soo raacan jirin, ayay la noqotay in aan cid ka awood rooni jirin, siday u dheheen reer CAAD: (yaa annaga naga xoog roon?).

5. Nimankaani waxay dabada la galeen Maraykan oo ay u qabeen in aysan jirin cid awood ku dhan, ninkii uu la jirana in aan laga guulaysan Karin marnaba, waxayna jaahil ka ahaayeen in Allihii iyaga abuuray uu ka awoodbadan yahay. Alle wuxuu tusay nimankaan iyo intii la safatayba in uusan fakan Karin nin Rabbi soo qabanayo, isla markaana aysan jirin cid ka difaaci karta dagaalkiisa.

6. Waxay la noqotay nimankaan in aysan jirin cid Soomaali difaacaysa oo ay yihiin dad sidii la doono laga yeeli karo, waliba lacag, hub iyo ammaanba lagu helayo dilkooda iyo dibindaabyayntooda. Marka Ilaahay wuxuu tusay in ay leeyihiin cid u hiillisa oo aan laga adkaan karin.

7. Waxaa ka hortagay dad Alle yaqaan oo weesadu xubnohooda ka qoyan tahay, naftoodana u huray difaaca diinta iyo dadkeeda, iyaga oo og in nimankaasi ka badan yihiin hub, ciidan iyo dhaqaalaba, waliba iyaga oo og in gaalkii waynaa iyo kuwa kaleba ay la safan yihiin. Dadakaas waxay isku hallaynayeen Alle weyne oo ninkii talada u dhiibta oo isku halleeya ku filan, wuuna ku filnaaday. Dhinaca kale waxaa u dagaallamayay dad Alle ka dheeraaday oo daroogo lagu soo dagaal galiyo, gaalaa ina la jirtana lagu geesinimo galiyo, garkaan ka rifaynaa iyo xijaabkaan ka gubaynaana lagu guubaabiyo.

8. Maxaakimta iyo inta la safnayd waxay difaacayeen diintii iyo dadkeedii oo lagu soo duulay, waxayna ahaayeen dulmanayaal, ahlu xaq ah, Alle-na xaqa iyo ehelkiisaba wuu taageeraa. Halka Ashahaado la dirirku ka ahaayeen daalimiin baadil hirgalinaya, Alle-na xaqa ayuu gamaa, wuxuuna ku miskexeeyaa baadilka, waana sida hadda dhacday.

9. Dadweynaha Muqdiho oo dulmigii soo karay oo hal mar u qarxay sidii baaruudda oo guuxooda iyo gilgiladkoodu saamayn ku yeeshay saaxooyinka dagaalka, ilaa ay mararka qaarkood gaartay in meeshii laga dagaallamayay dadweyne faramaran buuxshaan oo taageera uun u yimid.

10. Nimankaan iyo maxaakimta oo labadaba dadweynuhu xaqiiqadooda ogaadeen, taas oo keentay in ay kuwana caawiyaan, kuwana ka hiilliyaan.

Qaybta | 3aad

Qoraalkaan taxanaha ah waxaan diyaariyay bilowgii bishii 6aad ee 2006 aniga oo markaas ku sugnaa magaalada Boorame, xilligaas oo dagaalladii u dhexeeyay maxakamadaha islaamiga iyo ururkii la dagaallanka argagixisada uu marayay meel adag. Waxaan doonayay in aan dadweynaha Soomaaliyeed ee goobta ka maqan fikrad faahfaahsan ka siiyo muuqaalka iyo xaqiiqada dhabta ah ee meesha taalley.

Qoraalka labo qeybood oo ka mid ah ayaa lagu faafiyay waqtigaas: somalitalk.com iyo bogag kale. Waxaa kale oo diyaarsanaa seddex qeybood oo kale oo aan ka mashquulay markii hore ka dibna aan hilmaamay. Waxaa Ilaahay mahaddiis ah in aan helay USB aan Muqdisho uga tagay xilli hore oo qoraalkaasi ku jiray.

Markii aan qoraalka isha dib u mariyey waxaan goostay in aan sida uu u qornaa u faafiyo aniga oo aan waxba ka badalin; si fakarkii iyo dareenkii xilligaas yaalley aanan mid ka dambeeyay ugu labin (walaaqin). Afkaarta qormadu xambaarsan tahay qaar badan oo ka mid ahna waxay ila tahay in wali loo baahan yahay. Maqaal qiimayn iyo faallo ah ayaan jeclahay in aan ka qoro markii qeybaha dhimman la wada faafiyo.

FG: Qeybta shanaad waxay u baahnayd dib u eegis, waxaanse u daayay sidii ay ahayd; si aanan qaacidadii u khilaafin.

Khariidadii Muqdisho
Ee Dagaalladaan Ka Hor

Magaalada Muqdiho waxay u qaybsanayd laba qaybood: qayb ay si toos ah u maamulaan qabqablayaal iyo qayb si guud u hoostimaadda qabaa’il oo aan nin gaar ahi ku amar-kutaaglayn, marka laga reebo goobo tirsan oo Mooryaani dadka lacag kaga qaadato. Maxaakimta Islaamigu waxay ka hawlgaleen qaybihii aanay raggaasi sida tooska ah uga talin jirin, sida degmooyinka:

  • Yaaqshiid,
  • Huriwaa,
  • Suuqa Xoolaha,
  • Wardhiigley,
  • Hawl Wadaag iyo
  • Hodon

Ka dib markii lagu dhawaaqay Isbahaysiga la dagaallanka argagixisada oo uu qarxay dagaalkii Muqdisho 18/02/02 waxaa magaaladu noqotay deegaanno u xiran isbahaysiga, sida degmooyinka:

  • Kaaraan,
  • Shibbis,
  • Cabdulcasiis,
  • Boondheere,
  • Shangaani,
  • Dayniile,

…iyo qaybo ka mid ah degmooyinka

  • Wadajir,
  • Dharkaynley,
  • Suuqa Xoolaha,
  • Hodon iyo waddada isku xirta Muqdisho iyo dekedda Ceel macaan.

Waxaa kale oo xubnaha isbahaysigu gacanta ku hayeen Gobolka Sh/dhexe. Waxaa kale oo jiray deegaanno aanay maxkamadaha iyo isbahaysiga midna ka hawlgalin, sida degmooyinka:

  • Xamar Weyne,
  • Xamar Jajab iyo
  • Waaberi

Waxaa xusid mudan in dadweynuhu degmo kasta ha dagganaadeene ay la safnaayeen maxaakimta, waxayse ku kala duwanaayeen in qaarkood muujin karaan taageeradooda, kuwana ay qarsoodi u baahnaayeen maadaama ay isbahaysigu ka talinayeen deegaankooda.

Khariidada Magaalada
Dagaalladii Ka Dib

Dagaalladii is daba joogga ahaa ee dhacay waxaa lagaga faramaroojiyay Isbahaysiga: xarumo millatari oo ku yaallay dhulka u dhexeeya waddada warshadaha iyo Dayniile, waddada isku xirta Muqdisho iyo dekadda C/macaan, S/xoolaha, waddada isku xirta Muqdisho iyo Balcad, KM4, Soobbe, B/xuubey, Airport-ka weyn iyo Villa Baydhabo.

Waxaa kale oo ay ku guulaysteen culimada, cuqaasha iyo ganacsatada beesha Murusade in ay si nabadgalyo ah uga xilwareejiyaan Max’ed Qanyare iyo maleeshiyadiisa degmada Dayniile iyo goobihii kale ee taagerayaashiisu ka dagganaayeen magaalada dhexdeeda. Waxaa hadda isbahaysiga gacantooda ku harsan degmooyinka: Kaaraan (inteeda badan), Shibbis, C/casiis, Boondheere, Shangaani iyo qaybo ka mid ah Madiina. Intaa waxaa u dheer qaybo ka mid ah gobolka Sh/dhexe.

Maxaa Magaalada Looga Sifayn
La’ yahay Haraaga Isbahaysiga?

Isbahaysigu si weyn ayay ugu jabeen dagaalkii ay qaadeen, xagga, siyaasadda, warbaahinta, shacbiyadda iyo millatarigaba. Nimanka wali ku harsan magaaladu way hubaan in aan shacbigu doonayn, in aysan awood weyni ku harin iyo in saaxiibbadood la sii baacsanayo oo aan cid u soo gurmanaysa jirin ee waxay nafta ku maaweelinayaan in jifooyinkoodu ku hagoogan doonaan si nafta loogu cesho, isku daygaasna wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay.

Waxaa socda dadaallo ay wadaan culimada, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo duqowda beelaha Mudulood oo lagu doonayo in nimankaasi hubka si nabadgalyo ah isaga soo wareejiyaan ka dibna ay iska dhoofaan iyaga oo badqaba. Taas oo looga gol leeyahay in laga ilaaliyo dadwynaha dagaal dambe oo ka dhaca magaalada dhexeeda. Haddii ay dadaalladaasi miro dhal noqon waayaanna waxaa lagama maarmaan noqon doonta in loogu baaqo maleeshiyada in ay hubkooda ula soo galaan maxaakimta ama ku wareejiyaan cuqaasha jifooyinkooda.

Marka taa lagu guulaystana waxaa sahlanaanaysa in guryohooda laga soo katiinadeeyo, ka dibna lagu wareejiyo xarumaha dhaqan celinta ee magaalada Muqdiso. Waxaa kale oo la wadaa kulamo lagu doonayo in degmooyinka wali ku harsan gacanta isbahaysiga loogu sameeyo maamulo marka laga xil-wareejiyaba ka hawlgala deegaannadaas. Ragga haraaga ahi waxay si buuxda ugu quusan doonaan marka dhammaan gobolka Sh/dhexe laga sifeeyo saaxibbadood, dadweynuhuna waa inay sabraan oo aysan caradu dhaafin sida xikmadda ah ee umuuraha loo dhiraandhirinayo.

Qaybta | 4aad

Qoraalkaan taxanaha ah waxaan diyaariyay bilowgii bishii 6aad ee 2006 aniga oo markaas ku sugnaa magaalada Boorame, xilligaas oo dagaalladii u dhexeeyay maxakamadaha islaamiga iyo ururkii la dagaallanka argagixisada uu marayay meel adag. Waxaan doonayay in aan dadweynaha Soomaaliyeed ee goobta ka maqan fikrad faahfaahsan ka siiyo muuqaalka iyo xaqiiqada dhabta ah ee meesha taalley.

Qoraalka labo qeybood oo ka mid ah ayaa lagu faafiyay waqtigaas: somalitalk.com iyo bogag kale. Waxaa kale oo diyaarsanaa seddex qeybood oo kale oo aan ka mashquulay markii hore ka dibna aan hilmaamay. Waxaa Ilaahay mahaddiis ah in aan helay USB aan Muqdisho uga tagay xilli hore oo qoraalkaasi ku jiray.

Markii aan qoraalka isha dib u mariyey waxaan goostay in aan sida uu u qornaa u faafiyo aniga oo aan waxba ka badalin; si fakarkii iyo dareenkii xilligaas yaalley aanan mid ka dambeeyay ugu labin (walaaqin). Afkaarta qormadu xambaarsan tahay qaar badan oo ka mid ahna waxay ila tahay in wali loo baahan yahay. Maqaal qiimayn iyo faallo ah ayaan jeclahay in aan ka qoro markii qeybaha dhimman la wada faafiyo.

FG: Qeybta shanaad waxay u baahnayd dib u eegis, waxaanse u daayay sidii ay ahayd; si aanan qaacidadii u khilaafin.

Xaaladda Muqdisho
Iyo Dareenka Dadweynaha

Laga soo bilaabo markii uu bilowday dagaalku waxaa si buuxda ugu soo noqday magaalada nabadgalyadii ay la’ayd muddada dheer. Ka hadli maayo maalmo uu qarxo dagaal oo ciidanka diriraya iyo shacabka kaleba dhib soo gaaro ee waxaan ka hadlayaa dhibaatadii sida joogtada ah bulshada Muqdisho u haysatay, sida: dhaca, dilka, qafaalka, kufsiga iyo jidgooyada xaafadaha iyo magaalada dhexdeeda tuugadu ka samayn jirtay.

Dadku waxay la soo bexeen gawaari cusub oo qurxoon oo aan waardiye iyo hub midna saarnayn, waxaa qofku ku hadlayaa mobile-ka isaga oo maraya dariiqyada, xaafadaha, suuqyada iyo basaska dhexdooda, waxaa dadka iyo gawaariduba soconayaan goor dambe oo habeenkii ah iyaga oo aan wax walwal ah qabin. Waxaa laga yaabaa in dumarku magaalada u baxaan iyaga oo soo labistay dahabkooda, laakiin in la waydiiyo mooyee lama ogaan karo oo way xijaaban yihiin.

Waxaa si cad loo cambaaraynayaa hoggaamiyayaasha isbahaysiga, gaala-raacyada, Maraykanka iyo cid kasta oo laga arko in ay dhankooda u janjeerto. Horay uma dhici jirin in nimankaas lagu dhiirrado. Dadku aad ayay ugu farxsan yihiin jabka isbahaysiga iyo guusha maxaakimta. Waxaa la isugu bishaaraynayaa nabadda, nicmada iyo guusha u soo hoyatay reer Muqdisho. Waxaa aad loo sugi la’ yahay daba iska raacinta isbahaysiga.

Waxaa aad loo quursanayaa cid kasta oo u hadasha ashahaado la dirirka. Bulshadu waxay hoos u eegaysaa qofkii isku daya inuu fool-xumeeyo maxkamadaha ama dura hadafkooda, ama dhaliila shaqadooda, ama tuhma qasadkooda. Maangaabka ay la noqoto in bulshadu nooshahay 91kii oo isku daya in uu qabyaalad kaalmo ugu raadiyo xubnaha isbahaysiga markiiba waxaa u jawaabaya qofka ugu horreeya ee maqla oo noqon kara walaalki, ina adeerki ama nin ugaba dhaw kan uu hiilka u doonayo.

Dadweynaha reer Muqdisho waxay u hanqal-taagayaan nolol iyo mustaqbal wacan oo ka dambeeya guushaan ay gaareen. Ninka aan jeclayn culimada iyo diinta oo u arka in uu taladooda ku waayayo wax uu heli jiray wuxuu kalsooni ku qabaa in uu ammaan u heli doono naftiisa iyo maalkiisaba.

Dhab ahaan kuwa shacabka dhibay iyana way dhibbanaayeen, maxaa yeelay waardiye uma wada samayn karin xaasaskooda, ubadkooda, waalidkood iyo qaraabadooda, sidoo kale si buuxda awood uguma wada difaaci karin danaha ay ku lahaayeen magaalada. Sidaa darteed kuwa diinta iyo ahalkeeda cadawga ku ahi way ku faraxsan yihiin sidaan marka laga eego amniga ay u heleen naftooda, dadkooda iyo maalkooda.

Walwalka Iyo Cabsida Bulshada

Farxadda iyo rayraynta dadweynaha waxaa weheliya walwal iyo cabsi ay ka qabaan in arrimuhu say jecelyihiin ay noqon waayaan. Waxyaabaha ay ka walaacsan yihiin reer Muqdisho iyo guud ahaan Soomaalidu waxaa ka mid ah:

1. In la dhiciseeyo guushan lama filaanka ah ee u soo hoyatay bulshada. Taas oo ku imaan karta in mici-gamaarta magaalada joogta oo geedaha foodda ku haysa dhagar u maleegto sidii loo fashilin lahaa maxaakimta, kuwaas oo kaba shar badan kuwii la jabiyay, lana sugaya ummadda fursad ama goldaloolo yar oo ay ku kala tuuraan nabadda iyo horumarka la gaaray.

2. In maxaakimta iyo isbahaysiga la hawlgalay ku guuldarraystaan hoggaaminta bulshada iyo dhismaha maamul hanta magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

3. In lagula dhaqmo maxaakimta iyo taageerayaashooda: (Aabbe cagaha soo dhaqo, haaweydii masaajidka ayay hilbihii la galeene!), waa oraah uu yiri nin ma tukade ahaa oo doonayay in uu Alla-bari wax ka cuno ka dib markii hilibkii masaajidk lala galay.

4. In ay is khilaafaan maxkamaduhu ama iyaga iyo xulafadoodu oo xaaladdu noqoto sidii Afghaanistaan markii Kaabul la qabsaday oo ay mujaahidiintii is dileen.

5. In Maraykan iyo xulafadiisu u gacan haadiyaan qaar ka mid ah maxaakimta iyo taageerayaashooda oo lagu isticmaalo siyaasadda karootada iyo usha (waxaan hoo, oo fuli arrimahaan, haddii kale ushaa kugu dhacaysa) oo naf iyo shaydaanna ku taliyaan: maxaa dhibtaas kuu gaystay? maad waxaagana iska qaadatid, aayarna iska tukatid, illaa Ilaahay dhib ma abuurine!.

6. In xukuumadda ku meel gaarku ku bishaarayso manaasib iyo qandaraasyo waaweyn oo laga hodmayo, ka dibna xubnaha maxaakimta iyo xulafadoodu u kala dhuuntaan.

7. In wadahadal lala furo xukuumadda oo qaybeheeda is khilaafsani midba xulafo ka dhex doonto maxaakimta iyo xulafadeeda, taas oo keeni karta in lala kala safto, ka dibna himiladii bulshadu halkaa ku burburto.

8. Maadaama bii’adu tahay mid qabali ah, dadkuna aysan isku hubin in shareecadu si buuxda u hirgali doonto, waxaa qabiil kasta cabsi ka qabaa in qabiilooyinka kale ugu gabbadaan diinta oo magac diimeed lagu dulmiyo.

9. In halgankii dadweynuhu ku baxsheen ubadkooda, maalkooda iyo miskxdoodaba uu ku dhammaado qabqable ku baddal qabqable kale oo sidii horayba u dhici jirtay culimada iyo inta khayrka jeceli dhaliyaan guusha, garraaniyaasha iyo askarta cadawguna gurtaan miraha.

Qaybta | 5aad

Qoraalkaan taxanaha ah waxaan diyaariyay bilowgii bishii 6aad ee 2006 aniga oo markaas ku sugnaa magaalada Boorame, xilligaas oo dagaalladii u dhexeeyay maxakamadaha islaamiga iyo ururkii la dagaallanka argagixisada uu marayay meel adag. Waxaan doonayay in aan dadweynaha Soomaaliyeed ee goobta ka maqan fikrad faahfaahsan ka siiyo muuqaalka iyo xaqiiqada dhabta ah ee meesha taalley.

Qoraalka labo qeybood oo ka mid ah ayaa lagu faafiyay waqtigaas: somalitalk.com iyo bogag kale. Waxaa kale oo diyaarsanaa seddex qeybood oo kale oo aan ka mashquulay markii hore ka dibna aan hilmaamay. Waxaa Ilaahay mahaddiis ah in aan helay USB aan Muqdisho uga tagay xilli hore oo qoraalkaasi ku jiray.

Markii aan qoraalka isha dib u mariyey waxaan goostay in aan sida uu u qornaa u faafiyo aniga oo aan waxba ka badalin; si fakarkii iyo dareenkii xilligaas yaalley aanan mid ka dambeeyay ugu labin (walaaqin). Afkaarta qormadu xambaarsan tahay qaar badan oo ka mid ahna waxay ila tahay in wali loo baahan yahay. Maqaal qiimayn iyo faallo ah ayaan jeclahay in aan ka qoro markii qeybaha dhimman la wada faafiyo.

FG: Qeybta shanaad waxay u baahnayd dib u eegis, waxaanse u daayay sidii ay ahayd; si aanan qaacidadii u khilaafin.

Muqdishooy Maxaa Kugu Duugan?

Shareecada islaamku waxay u timid in ay xaqiijiso danaha addoomada, ayna ka difaacdo fasaadka. Haddii la awoodi waayo in la wada fuliyo danaha addoomada ama la awoodi waayo in la wada hor istaago fasaadka, waxaa waajib ah in la xaqiijiyo intii suuragal ah ee maslaxad ah, lana hor istaago intii suuragal ah ee fasaad ah.

Tan kale Rabbi addoomada wuxuu ku kallifaa wax ay karaan (awoodaan) oo kaliya, mana saaro wax ka baxsan awooddooda. Haddaba maxaakimta islaamigu iyaga oo u socda in ay hirgaliyaan shareecada oo dhan ayaa laga yaabaa in ay wax badan awoodi waayaan.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee inta badan ku dhaqan dibadda ama gobolada ka fog Muqdisho oo ay yartahay xogta dhabta ah ee ay ka hayaan magaalada Muqdisho waxaa laga yaabaa in ay ka fishaan maxaakimta wax ka baxsan awooddooda, haddii laga waayana la tuhmo ama laga niyad-jabo. Si aysan taasi u dhicin waxaan qormadaan ku soo bandhigayaa wax ka mid ah arrimaha aan u muuqan qofka dibadda ka jooga; si uu taladiisa iyo qiimayntiisa ugu kaashado. Waxaan xogta ka dhigaynaa qodobbo:

1. Magaalada Muqdisho waa caasimadda Soomaali weyn. Waxaa ku nool Soomaali fara-badan oo isugu jirta kuwo u dhashay, kuwo ku dhashay iyo kuwo soo degay. Magaalada kama dhismin maamul la isku raacsan yahay tan iyo burburkii xukuumaddii hore. Muddadaas waxaa magaalada taladeeda gacanta ku hayay ururkii USC oo isagu ku guulaystay in uu rido xukuumaddii Max’ed Siyaad Barre bilowgii 1991kii.

Ka dib markii hoggaamiyayaashii ururkaas dagaallo kala duwani dhexmareen xilliyo kala duwan ayaa ugu dambayn waxay talada magaaladu ku soo uruurtay hoggaamiyayaashii qabaa’ilka Hiraab (Mundulood, H/gidir iyo Duduble) iyo Murusade oo looga yaqaan Muqdisho: beelaha hubaysan. Halka qabaa’ilka kalena loo baxshay: beelaha aan hubaysnayn. Haddii cidi dhib gaysato inta badan waxaa loo filaa beelahaas, haddii la doonayo in dhibaatada magaalada ka jirta laga hortago ama magaalada hawl horumarineed laga qabto ama loo dhiso maamul waxaa laga warsugaa beelahaas.

2. Beelaha hubaysan ee magaalada taladeeda looga dambeeyo waxaa ka dhexeeya xafiiltan siyaasadeed oo soo if-baxa markii la yiraahdo waxbaa la dhisayaa ama la qaybsanayaa. Beelahaan (oo dabcan talada ay ka marooqsadeen qabqablayaashu) waxay ku guuldarraysteen in ay dhisaan maamul kala haga magaalada, maxaa yeelay qolo kasta waxay diidaysaa in reer hebel awood ku yeeshaan haddii talada loo daayo (cadyohow wallee ama ku cunay ama ku ciideeyay).

3. Qabaa’ilka aan hubaysnayn ee deggan magaalada waxay aaminsan yihiin in ay xaq u leeyihiin ka qeybgalka maamulkeeda, wayse ka quusteen in ay wax ka helaan inta xaal sidaan yahay. Mar haddii la jabiyay daalimiintii qabaa’ilkaasi waxay u hanqal-taagayaan in ay la sinmaan walaalohooda hubaysan.

4. Maxaakimta islaamiga ah ee ugu muhiimsan xagga awoodda iyo shacbiyadaba waxaa aasaasay qabaa’ilka hubaysan ee aynu soo qeexnay.

5. Maxaakimta islaamiga waxaa dhisay culimo, ganacsato iyo waxgarad ka tirsan qabaa’ilka loogu magacdaray. Taa macneheedu ma aha in qof kasta oo qabiilka ka mid ahi raacsan yahay maxkamadda tolkiis, taana waxaa daliil u ah in dhammaan xubnaha isbahaysiga la dagaallanka argagixisadu ku abtirsadaan qabaa’ilka aasaasay maxaakimta.

6. Maxaakimtu waxay huwan yihiin shaarka qabaa’ilka dhisay, waxayna qabaa’ilka ka haystaan taageero qolaba in ha gaartee, hase yeeshee Soomaalidu waxay taqaan dhaqan la yiraahdo hooyoo i sii oo macnihiisu yahay qofka qabiilku taageero waa in uu noqdo mid reerka uun u maqan. Haddii taa laga waayana waa: (saan kuugu lisay iigumaadan hambayn). Xilliyadii doorashooyinka Soomaalidu gali jirtay ninkii mar reerku codkooda siiyaan oo iyaga uun u adeegi waaya, mar labaad lama soo dooran jirin, waana tan keentay in dadkii diinta, waddaninimada iyo daacadnimada lahaa ay meesha ka baxaan.

7. Maxaakimta islaamiga shaqadooda ugu weyni waxay ahayd sugidda nabadgalyada, la dagaalanka burcadda iyo u garsooridda ciddii u soo gardhiibata. Tan kale maxaakimtu ma ay lahayn awood ay si buuxda ugu hirgaliyaan shareecada, tusaale ahaan may fulin jirin xuduudda maadaama aan loo aqoonsanayn suldo maamul, sidoo kale kama ay hortagi Karin dulmiga qabqablayaasha iyo dulmiga qabiilo wadato ee tuugada iyo burcadda ayay dadweynaha ka difaaci jireen.

8. Maxaakimta islaamigu waxay ku lahaayeen xarumo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, mana jirin dhul si gaar ah ay maxkamaduhu uga talin jireen laakiin deegaannada qabaa’ilka aasaasay maxaakimta ayaa u ahaa mandiqad ay ka hawlgalaan marka laga reebo deegaannada ay sida tooska ah u maamulaan xubnaha isbahaysiga la dagaallanka argagixisada.

9. Maxaakimtu waxay u hadli jireen danta guud, difaaca diinta iyo dalka, laakiin isuma ay dhigin hay’ad siyaasi ah oo si rasmi ah ugu taagan shaqadaas.

10. Gulufka colaadeed ee isbahaysigu kiciyay kuma gaar ahayn diinta, maxaakimta iyo culimada ee wuxuu kale oo salfaday shirkado ganacsi, warshado, hay’ado waxbarasho iyo qabaa’il. Taas oo markii si kale loo eego macneheedu yahay dagaal aan waxna reebayn, cidna daynayn.

11. Dagaalladii lala galay isbahaysiga waxaa ciidan ahaan uga qaybgalay ciidamadii maxaakimta, dad aad u fara-badan oo culimo ah, ganacsato, qabaa’il, jifooyin iyo dadweyne kale. Dadkaas waxay si wadajir ah u difaacayeen diinta, dalka iyo danta ummadda. Dagaalkaan waxa uu ahaa waxa culimadu ugu yeeraan: JIHAAD ALDAFCI oo ay tahay in si buuxda la isugu kaashado, waana jihaad ka duwan kan gaalada lagu raadsanayo. Qofka la dilo isaga oo difaacaya diintiisa, naftiisa, sharaftiisa ama maalkiisa waa shahiid sida Nabigu (SCW) yiri.

12. Dadka galay dagaalkaan waxay isku waafaqsanaayeen in cadawgaan ku soo duulay diinta iyo ummadda la iska difaaco. Laakiin wax kale oo ka dambeeya la isma warsan, mana la oga ilaa hadda in isku mawqif laga noqon karo waxa ka dambeeya jabka isbahaysiga.

13. Isbahaysigu waxay isticmaalayeen xeelado badan oo ay bulshada ku marin habaabinayaan, waxaana ka mid ahaa kicinta ficilada qabaa’ilka iyaga oo doonayay in ay qabaa’ilka taageerayay maxaakimta ka horgeeyaan kuwo kale. Waxay isku dayeen in ay qabiilka Murusade ku beer dulucsadaan idinkaa la idiin socdaa, ka dibna qabaa’ilka Abgaal ayay kula galgasheen idinkaa la idan barakicinayaa, ugu dambayntiina Sacad ayay isu soo oohiyeen. Isku dayadaas oo dhanna waxaa si xilkasnimo leh uga hortagay culimada, ganacsatada iyo cuqaasha qabaa’ilka la doonayay in la adeegsado.

14. Faqiihu ma aha ninka kala yaqaan khayrka iyo sharka ee waa kan kala yaqaan labada khayr kan khayr badan iyo labada shar kan shar badan. Maxaakimtu iyaga oo ka duulaya qaacidadaas fiqhiga ah, isla markaana og mustawaha wacyi ee bulshadooda, dareensan in awoodda millatari iyo dhaqaale ee isbahaysigu aad u weyntahay, kana digtoon in loo adeegsado dadkii ay difaacayeen, una toog-haya dhagarta xubnaha isbahaysigu maleegayaan ayay ku tillaabsadeen xeelad ay ku buriyeen sixirkii isbahaysiga ee ku dhisnaa iska hor keenka qabaa’ilka, waxayna ku tashadeen goob kasta oo laga raacdeeyo qabqable in loo dhiibo maxkamadda qoyska halkaas daggan; si looga badbaado in reerkaasi u arko in dhulkoodii cid kale qaadatay.

15. Guusha deg degga ah ee laga gaaray goobaha dagaalka iyo jabka siyaasadeed ee ku dhacay isbahaysiga midna ma ahayn wax lagu tashanayay ee wuxuu ku yimid si kadis ah oo aan waxa ka dambeeya loo diyaargaroobin.

16. Maxaakimta islaamiga ah iyo xulafadeeda uma diyaarsana dad isku darsaday aqoon diineed mid hoggaamineed iyo mid maamul oo ku filan baahida maamul ee dawlad goboleedka ay tahay in loo sameeyo Muqdisho iy labada Shabeelle iyo kan u gaarka ah gobolka Banaadir, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in dad badan oo culimo ah loo tababaro hawlaha loo baahan yahay, dad kale oo leh aqoon maaddi ahna la siiyo waxbarasho diineed.

17. Maxaakimta islaamigu waxay dadkeeda uga baahan tahay kaalmo dhaqaale oo joogto ah ilaa iyo inta ay yeelanayso ilo dhaqaale oo ku filan. Halka Maraykan, hay’adaha gaalada iyo kuwa kale ee maxaakimta la colka ahi qaybinayaan xoolo fara-badan oo laga yaabo in looga hortgayo maxaakimta.

18. Dadka ka qaybqaatay jihaadka lagu difaacayay diinta iyo dalka way tiro-badnaayeen, waxayna ka hawlgaleen dhinacyo kala duwan oo dhammaantood wada muhiim ah, sida: dagaalka, dhaqaalaha, siyaasadda, xiriirka bulshada, abaabulka, tawciyada iwm. Dadkaas qaar badan oo ka mid ah waxay la tahay in ay saldhig u ahaayeen hawlihii la qabtay, la’aantoodna aan wax weyn qabsoomeen, walina loo baahan yahay, sidaa darteed ay tahay in wax kasta laga weydiiyo talo oo aan la’aantood la tillaabsan. Dadkaas waxay la leeyihiin xiriirro dad kale oo ka baxsan inta wada hawlgashay, waxaana suuragal ah in ay ku leeyihiin saamayn xooggan.

19. Dadka ka qaybqaatay Jihaadka ama kuwa kale oo taageerayay way u danqadeen diintooda laakiin ka dhalanmayso in ay dhammaantood si buuxda ugu hoggaansamaan shareecada ama ay ka tagaan waxyaabo xaaraan ah oo ay caadaysteen ama xoolo ku helaan.

20. Bulshada Soomaaliyeed waxaa dilooday xanuun culus oo aysan marna daawo macquul ah u helin, xanuunkaas oo ka reebay asaaggood, waana cudurka qabyaaladda oo run ahaan daka oo dhan ku aasan. Haddii wax kiciya yimaadaanna culimo iyo caamo wuu wada saamayn. Culimada iyo ikhyaarta kalena kama khayr badna, kamana wanaagsana asxaabtii Nabiga (SCW) oo markii Yuhuud-ku akhriyay gabayadii ay isu tiriyeen barigii jaahiliga isku kacay. Haddaba arrin kasta oo qabaa’il soo dhexmarta, lana isku afgaran-waayo way kicisaa casabiyadda, waxayse u baahan tahay in si ikhlaas, aragti-dheer iyo xilkasnimo looga hortago.

21. Waxaa aad u biya-dhigay dadkeenna fawdo iyo kala dambayn la’aan, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Taas oo keenaysa in dadku dhibsadaan wax kasta oo nidaam iyo amar qaadasho ah. Xataa qofka weyn iyo kan ahlu-diinka ah way ku adag tahay.

22. Soomaalidu dhammaan way doonaysaa dawlad iyo nidaam, laakiin waa inuu noqdo:

23. Mid xaqiisa u soo dhicinaya, xaqa lagu leeyahayna aan ka qaadayn.

24.  Mid uu ku danaysto, dantiisa gaarka ahna aan ka hor istaagin.

25. Mid haddii ay isqabtaan uu ka awood roon yahay ama tolki ka celin karaan.

26. Mid isaga wax u qabta ee uusan isagu waxba u qaban.

27. Qabiilkii ama danaystihii waaya sida uu doonayo ma samrayee wuxuu isa sii taagayaa Adis ababa ama wuxuu xaqiijinayaa in Qaacido joogto dalka, kuwa u taliyana yihiin argagixiso. Tillaabada xigtana waa in uu xabashi iyo xoogaa tolkiis ah isku soo dhafo oo uu noqdo FAATIX weyn oo tolkii xoreeyay.

28. Dadweynaha Soomaaliyeed waxay soo mareen fitno weyn oo diintooda iyo dadnimadoodaba dhaawac weyn u gaysatay.

29. Dadkii diinta la dagaallamay ama dadkooda gumaaday xilligii xukuumaddu jirtay, kuwii Xabashida u galay oo iyaga oo gaalada la safan ku soo duulay diintooda, dadkooda iyo dalkooda iyo kuwii xilliyadii dagaalka ahliga ahi socday wax kasta oo xun ku kacay in badan oo ka mid ah ayaa nool, oo aan wali ka toobad keenin jariimooyinkaas ay galeen, waliba qaar badani way ku faanayaan xumaantii ay galeen ee hore, kan iska daayayna waxaa laga yaabaa in uu ka caajisay ama maalkiisa ku mashquulay ee aanu isaga dayn Alle ka cabsi.

30. Dad badan ayaa haysta tixgalin gaar ah oo aysan bulshadu la wadaagin (IMTIYAAZAAT), sida: ku shaqaysi hanti guud ama mid gaar ah oo uusan doonayn in uu ka tanaasulo xilligaan, ama in aan loo raacan karin dhib uu gaystay oo naf ama maal ah, ama wuxuu ixtikaar ku haystaa khidmo uu dadka sidii uu doono ka yeelo, meel kale in laga keensadana uusan oggolayn … iwm.

31. Magaalada Muqdisho waxaa ku nool dad fara-badan oo isugu jira siyaasiyiin, saraakiil sare, ganacsato waaweyn iyo kaabba mooryaanno calculus oo dhammaantood qabqablayaashii jabay quusiyeen, geedna ku xireen oo muddaba iska jiriqsanayay, immikana fursadi u muuqatay oo malabsi bilaabay, tusbaxa iyo salaadana aan ka marnayn.

Ummadda Soomaalida waxaa ku dhacay bur bur meel walba ka saameeyay oo ninkii aqoon lahaa, kii madax ahaa, kii maal lahaa iyo kii mudnaaba meel dayacan dhigay. Magaalada Muqdisho oo dadka caynkaas ahi ugu badan yihiin waxaa darbiyada yuurura odayaal macaluul iyo Dacdarro dilootay oo ahaan jiray dad ishu qabato, kuwo kalena waxay haystaan shaqooyin aan noloshooda kafayn Karin, raggaas waxaa u nasiib roon kan ilmihiisa qaar u dhoofeen oo xoogaa ay u soo balqiyaan.

Taa waxaa u dheer diin yari oo dadkaas badankoodu horayna Alle uguma xirnayn, ka dibna ayaamihii wacnaa ee ay soo mareen ayay isku maaweeliyaan. Dadka qaar ayaa ku magacaabay raggaas: (waxaan ahaan jirey). Dadka noocaas ah oo baahidu dhulka dhigtay, diin qumman oo ilaalisana aan lahayn waxay diyaar u yihiin in ay u adeegaan cid kasta oo wax calaf ah u sheegta, bal si ay ciidda uga kacaan.

32. Dalka waxaa ka jira hay’ado sirdoon ah oo ay kala leeyihiin dawladaha danaha ka leh Soomaaliya, hay’ado UN-ka raacsan iyo kuwo NGO ah oo gaalo ah. Hay’adahaas oo dhan waxaa u qoran dad Soomaali ah oo u adeega. Waxaa kale oo ka jira ururro maxalli ah oo loo yaqaan ururrada bulshada oo dhammaan xiriir la leh hay’adahaas gaalada ah, xoolana ka qaata, haba ku kala duwanaadeen hawlaha ay u qabtaane.

33. Waxaa ka jira dalka xukuumad fadhiid ah oo waliba aan timeheedu meelna u wada xiirmin. Qaar badan oo ka mid ah culimada iyo waxgaradku waxay u arkaan in xukuumaddaani ka shaqaynayso danaha Ethopia ee aysan danta Soomaalidu qiime weyn ugu fadhiyin danaha Soomaaliyeed, waxaana xoojinaya arrintaas in madaxda dawladdu inta ay tagaan Adis ababa iyo Nairobi ka badan inta ay booqdaan dalalka muslinkoo dhan oo la isku daray.

Dadweynaha badankooduna waxay aaminsan yihiin in shaqadeeda ugu weyni tahay inay dalka ka sifayso argagixisada caalamiga ah oo macneheedu yahay in islaamka laga sifeeyo. Waxay sheegtay dawladdu in ay xukuumaddu xaq u lahayd la dagaallanka argagixisada, Maraykankuna ay ahayd in uu iyada u soo maro ee aysan ahayn in uu kala xiriiro arrintaas isbahaysiga.

34. Waxay dad badan la tahay in DKMG tahay middi laba af leh oo dhinac walba kuu xiiraysa: lagama tagi karo, maxaa yeelay Maraykan, Xabashi iyo isbahaysiga la dagaallanka argagixisada ayay u noqonaysaa saldhig cusub, waxayna siinaysaa sharciyad. Mana la aamini karo oo har cad ayay la soo taagan yihiin: ciidamo shisheeye ha la keeno, dadka hubka ha laga dhigo, dalka argagixiso ayaa joogta.

Tan kale haddii lala tacaawuno xukuumaddaas waxa la aaminsan yahay tillaabada ugu horraysa ee ay qaaddo in ay noqon doonto inay ka shaqayso sidii ay u kala diri lahayd maxaakimta iyo xoogagga ummadda difaacaya. Waxaa kale oo la aaminsan yahay in ay markaa ka dib ayana burburi doonto iyada oo ku guulaysatay kaliya kala dirka maxkamadaha sidii ku dhacday qoladii Carte.

35. Dadweynaha reer Muqdisho badankoodu waxay aaminsan yihiin in DKMG si gaar ah u colaadinayso, gaar ahaan madaxweyne C/laahi Yuusuf oo loo haysto in uu ulo booc ah ugu tukubayo sidii uu u wiiqi lahaa awooddooda.

Axmed C/samad
Email: Alwaqaar@hotmail.com
Xigasho: SomaliTalk.com