Tafsiirka 
Quraanka Kariimka

Suurada al-Baqarah

Qeybta | 3aad

Qoraal Af-Soomaali

Waxaa fasiray:
Sheekh Maxamed Cabdi Umul

Waxaa qoray: Abuu Kalthuma
Abuu.Kalthuma@gmail.com

Surat al-Baqarah
Qeybta | 3aad

{ سورة البقرة }

Decorative Lines

bismillah

Suurada al-Baqarah {سورة البقرة‎} waxay sidataa macaga (Lo’da) waana suurada labaad ee ugu dheer quraanka kariimka. Waa suurad (Madani) ah, aayaadkeeduna inta badan ilaa iyo 281 waa madani kuwaasoo soo degay xiligii (Xajatul-Wadaac). Waxaa loo tix geliyaa inay tahay suurada ugu horeysay ee soo degata bilowgii hijradii Madiina oo laga soo hijrooday Makka.

Aayada 30aad
Suurada al-Baqarah

Dersigeena wuxuu ka bilaabanaayaa aayada 30aad ilaa iyo aayada 39aad ee suurada al-Baqarah.

Quraanka qaababka uu wax u tarbiyeeyo ama uu (Asaaliibta) uu isticmaalo waxaa ka mid ah, qaababka qisooyinka in dadka loogu waramo oo qisooyin hore u dhacay loo sheego.

Maxaa yeelay ruuxa markii adduunka suu ahaan jiray iyo taariikhdiisii iyo bulshooyinkii adduunka soo maray, markuu xoogaa qibrad ka haysto oo xoogaa aqoon u leeyahay (yacni) waxay ku kaalmeyneysaa inuu fahmo nolosha uu ku nool yahay iyo waxyaabaha keena in noloshaan adduunyadana in si fiican u noolaado, nolosha dambana uu Ilaahay (swt) naxariistiisa u helo oo cadaab ka badbaado.

Marka qaabka qisooyinka waxay ka mid yihiin (Asaaliibta) aadka u qiimaha badan ee quraanku isticmaalo markuu bulshada la hadlaayo ama tarbiyadeeynaayo.

Halkaan marka waxaa la guda galaayaa qisadii Nabiyullaahi Aadam (cs) iyo Ibliis waana ujeedo muhiim ah ayaa laga leeyahay oo ay ugu weyn tahay in la inay dareen siiyo cadaawada inaga dhaxaysa inaga iyo Ibliis.

Wuxuu Rabbi yiri Alle (swt):

وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي جَاعِلٌ فِي الْأَرْضِ خَلِيفَةً قَالُوا أَتَجْعَلُ فِيهَا مَن يُفْسِدُ فِيهَا وَيَسْفِكُ الدِّمَاءَ وَنَحْنُ نُسَبِّحُ بِحَمْدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَ قَالَ إِنِّي أَعْلَمُ مَا لَا تَعْلَمُونَ٣٠

{وَإِذْ} Waxaad xustaa waqtiga {قَالَ} uu yiri {رَبُّكَ} rabbigaa markuu yiri {لِلْمَلَائِكَةِ} Malaa’iktii markuu ku yiri {إِنِّي} Anigu {جَاعِلٌ} mid yeelaayaan ahay {فِي الْأَرْضِ} dhulka dhaxdiisa {خَلِيفَةً} ku’ isaga dambeeya (maamulkeeda iyo camirideeda isaga dambeeya Ayaan yeelayaa) {قَالُوا} waxay yiraahdeen malaa’iktii {أَتَجْعَلُ} miyaad yeeleey Allow {فِيهَا} dhulka dhexdiisa miyaad yeelee {مَن} cid {يُفْسِدُ} fasaadinaayo {فِيهَا} dhexdeeda (ma kuwa fasahaadinaayaad dhexdeeda yeeli) {وَيَسْفِك} oo daadinaaya {الدِّمَاء} dhiigaga daadinaayo {وَنَحْنُ} xaal anagu {نُسَبِّحُ} aanu ku (Nazaheeno) ceeb oo dhan aan kaa fogeyneyno {بِحَمْدِكَ} anagoo mahdintaa ku dheehan {وَنُقَدِّسُ} angoo ku dhahireynoo ku weyneyno {لَكَ} adiga {قَالَ} rabbi wuxuu yiri asaga oo malaa’ikta u jawaabaya {إِنِّي} Anagu {أَعْلَمُ} waxaan ogahay {مَا لَا تَعْلَمُونَ} waxaydaan oggeyn. 30﴿

Abuuritaankii Aadam (cs)

Aadam markuu doonay Rabbi (swt) inuu abuuro ayuu malaa’iktiisa la socod siiyay uu war geliyay, ma aha inuu la tashanaayo maxaa yeelay Ilaahay (swt) cidna lama tashado, laakiin waa war gelin la socod siin weeye lagu war gelinaayo.

Dhulka waxaan yeeli buu Rabbi yiri: (swt) oon dhulka ku abuuri cid mas’uuliyadeed iyo xilka dhulka iyo maamulkiisa u kala dambeeya (Khaliifada) saasaa laga wadaa.

{وَهُوَ الَّذِي جَعَلَكُمْ خَلاَئِفَ الأَرْضِ وَرَفَعَ بَعْضَكُمْ فَوْقَ بَعْضٍ دَرَجَاتٍ لِّيَبْلُوَكُمْ فِي مَا آتَاكُمْ}
(الأنعام:165)

Waa kuwa dhulka u kala dambeeyoo markuu jiil tagaba jiil kala ka dambeenayo, markuu ummadi tagtaba tu kalaa ugu dambeyneyso, kuwaa ka dambeeyay baa dhulka camiridii iyo maamulkiisii iyo wadidiisii kuwaa dambee baa baqanaayo. Marka (Khaliifada) saasaa la yiraahdaa isaga dambeynta waaye macnaha.

Yaa lagu wadaa marka..?

Waa Aadam (cs) iyo caruurtiistiisa ka farcami doonto weeyaan.

Aadam iyo ubadkiisa weeye.

Markaasaa waxay yiraahdeen malaa’iktii Allow ma waxaad yeele dhulka dhexdiisa cid fasaadisa oo dhiigaga daadisoo is leysa?

Maxaay ku ogaadeen nin dhiiga uu daadin doono?

Caruurta Aadam dhali doono weeye.

Ma aha Nabiyullaahi Aadam (cs) inuu dhiig daadin doono laakiin ubadkiisa ka farcami doono weeye.

Hadii lays weeydiiyo Malaa’ikta seey ku ogaatay, waxaa suurto gal ah in cilmi qaas ah oo hore u sii hayeen inay ku ogaadeen.

Waxaa kaloo suurto gal ah inuu dabeecada bani aadamka markuu Ilaahay ku yiri dhoob ayaan ka abuurayaa dabeecadeeda inay ka fahmeen inuu dhulka fasahaadin doono.

Intaa waa suurto gal, qawla kale waa la yiraahdaa iyagana …

Mark dhiigay daadinayaan dhulkuu fasaadinaa waxa weeye!

Dunuub iyo qaladaad iyo gaf buu dhulku ku sameeynayaa.

Ileyn saan hore u soo marnay dhulka waxa fasaadiyo waa dunuubta uusan Ilaahay raali ka ahan weeye (subxaanahu wa tacaalaa).

Isla markaa waxay daba dhigeen Malaa’ikta

{نُسَبِّحُ} Anagoo ku (Nazaheena) oo ceeb oo dhan kaa fogeyneyno, oo macnaha kuu tasbiixsaneyno. Hadana kuu mahdineynooo kuu mahad celineyno oo ku amaaneyna, ku dahireyna oo ku weyneyna, Anagoo intaas sameeyneyna kuwa kaleeta oo dhulka fasaadinaya maxaad u abuuri (miyaad ku abuuri) bey leeyihiin.

Su’aashaa Malaa’ikta ay jeedineyso ma aha iyagana inay Ilaahay (swt) ay (Mucaaradsan yihiin) arinka uu u sheegay ee laakiin waxa weeyaan, waxaa la yiraahdaa waa (Su’aal Isticlaamin wa-Istigshaafin Canil-Xikmah) weeye haa waxay doonayaan inay ogaadaan xikmada ku jirta yacni (Maqluuq) noocaas oo dhulka saa yeeli doono abuurista aad Ilaahow ku abuureyso bal xikmada ku jirtaa noo cadee oo noo sheeg.

Marka waa cilmidoon iyo cadeyn doon xikamadey doonayaan inay fahmaan mooyee, Ilaahay ma mucaaradeen karaan malaa’ikta.

{لَا يَعْصُونَ الله مَا أَمَرَهُمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ}
(الاية 6 التحريم)

Kama aha marka Ilaahay (swt) mucaaradeeya. Saas weeyaan.

Rabbi marka waa uga jawaabaya oo wuxuu ku yiri:

{إِنِّي أَعْلَمُ مَا لَا تَعْلَمُونَ}

Hal dhinac baad idinku ka aragteen fasaad uu dhulku ku sameen doonee, laakiin anigu waxaan ogahay waxaydaan oggeyn, oo muxuu yahay..?

Fasaadka aad ku sheegteen inuu ku kici doono (Masaaliixda) uu qaban doono iyo wanaaga uu dhulku ku sameyn doonaa ka badan.

Oo muxuu ku sameen doonaa..?

  • Nabiyaa ka mid noqon doono
  • Siddiiqiin baa ka mid noqon doono
  • Shuhaddaa ka mid noqon doonto
  • Culima caamiliin baa ka noqon doono
  • Dad Ilaahay jannadiisa u diyaariyay oo aqyaar baa ka mid noqon doono
  • Cubaad baa ka mid noqon doono

Marka dhankaa un baad ka fiiriseenee laakiin masaaliix kalo fara badan idinka qarsoontay baan anigu ogahay.

Abuurista dhulka lagu abuurayo yacni maslaxad ku jirtaa ka weyn (Mufsadada) iyo dhibka idinku aad tilmaamteen ku jirto weeye macnaha, saasaa uu Ilaahay (swt) ku leeyahay malaa’ikta.

Aayada | 30aad

‘’Waxaad xustaa (nabiyow) [(إِذْ) taasaa waxaa loo qadaraa {(وذكر) baa la iska soo qadaraa}] xus oo dadka u sheeg, waqti, uu yiri, rabbigaa markuu yiri oo malaa’ikta ku yiri, Anigu, waxaan ahay midkii yeelaya, dhulka dhixdiisa ayaan ka yeelayaa, mid isaga dambeeya, [yacni mid Ilaahay wakil ugu ah maahan], wadaada qaar baa waxay yiraahdaan [mid Ilaahay waxkiil ugu ahoo dhulka qaliif uga ah]. Sax ma ahan, macnaha waxa weeye Isagaa u kala dambeenayo oo middi markuu ka tagoo ka dhinta mid kalaa ugu dambeenayo. Saas weeye macnaha, sida aayado kaletaba laga faa’iideysanaayo.

Waxay yiraahdeen marka, ma yeelee Allow, dhulka dhixdiisa, cid, fasaadinaaya, dhulka dhexdiis oo, daadinaaya, isagoo is leyn oo dhiigaga daadin [waxaad garan kartaa Fasaadka dhulka lagu sameeyo kuwa ugu waaweeyn waxaa ka mid ah, in dhiig xaq daro lagu daadiyo oo dadka leyska dilo,] wal xaal miyaad sidaa yeeli Allow, anagu hadaan malaa’iktii nahay, aanu (Nazzaheyno) Tasbiixda waxaa la yiraahdaa (al-Tanziil) Ceyb iyo dhimanaan iyo (Naqsi) oo dhan oo Ilaahay laga fogeeyo (swt). Li’ana Ilaahay waa ceyb kaseyn meeleey ceebi ka gaadho maleh dhimanaana maleh Ilaahay (swt).

Anagoo ku (Nazzahayno) oo (Subxaanaka) ku leh, weliba ku dheehan (Muttalabisiina) xaal aan ku dheehan nahay, mahdintaada aan ku dheehan nahay oo aanu [SubxaankaAllaahumaWabixamdika] aan ku leenahay weli, haa labadaasoo leys raaciyay, aanu (Dahireeno) oon ku weyneyno, adiga aan ku (Dahireyno). Rabi (swt) wuxuu yiri, Anigu, waxaan ogahay, waxaydaan oggeyn.’’ 30﴿

Hadalkaan waxaa laga yaabaa in laga fahmo inay doonayaan Malaa’ikta bedelka Aadam iyo ubadkiisa inay iyagu galaan, saasna sax maahan. Ma aha anaga nagu bedeloo meesha na geeyso ma aha, ee Ilaahow adoomo wanwanaagsan oo anagoo kalaaba jiree, hadii aad koley kuwo meesha geeyneyso yacni kuwa aan fasaad dhulka ku sameyneynin maad geeysid oo kale waaye macnaha.

Yacni bal xikmada ku jirto ayagoo waxa ku kacaaya inaad geeyso maxaa ku jira saas weeyaan.

Hadeey arinkaas marka Malaa’iktii ka timid Rabbina (swt) uu qorsheeyay in uu Aadam abuuro soo Malaa’ikta in la qanciyo ma aha. Ilaahay (swt) Isaga oon qancinin buu dhihi karaa amar weeyaan ee qaata laakiin Ilaahay (swt) wuxuu jecel yahay adoomadiisa inuu qanciyo mar walba, oo xujada u cadeeyo, iyagoo qanacsan marka inay qaataan wixii uu Rabbi rabay (swt)

Waxaa loo muujin rabaa marka (Fadliga) iyo dheeraadka Aadam uu leeyahay.

وَعَلَّمَ آدَمَ الْأَسْمَاءَ كُلَّهَا ثُمَّ عَرَضَهُمْ عَلَى الْمَلَائِكَةِ
فَقَالَ أَنبِئُونِي بِأَسْمَاءِ هَـؤُلَاءِ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ ٣١

{وَعَلَّمَ} Alle wuu baray {آدَمَ} Aadam wuxuu baray {الْأَسْمَاءَ} magacyadii buu baray { كُلَّهَا} dhamaantii [wax jira oo dhan magacyahiisaa la baray] {ثُمَّ} kadibna {عَرَضَهُمْ} wuu bandhigay [Alle (swt) [{عَرَضَهُمْ}] magacyahii buu bandhigay] […] {الْمَلَائِكَةِ} Malaa’iktii buu u bandhigay

… [waxyaabihii macagyada lahaa ayuu u bandhigay]

{الْمَلَائِكَةِ} Malaa’iktuu u bandhigay

{فَقَالَ} Markaasaa wuxuu yiri Rabbi (swt) {أَنبِئُونِي} ii warama {بِأَسْمَاءِ هَـؤُلَاءِ} kuwaan magacyadooda ii warama ii sheega. Waxyaabahaan aktiina tuban maqluuqaadkan arlada ka batay ee meesha la soo tubay bal magacyadood ii sheega buu Rabbi (swt) ku yiri. {إِن كُنتُمْ} hadaad tihiin {صَادِقِينَ} kuwa run sheegaya. 31﴿

Dooda Malaa’ikta Ay Ka
Dooday Abuurista Aadam

Aadamka dhulkey fasaadineyaan haday runtiin tahay inaad abuurtana ama waxa weeyeen kuwa ka fiican inaad abuuri lahayd bal hadey taasi run tahay waxyaabahaan magacyadooda sheega.

Marka ({عَرَضَهُمْ}) Asmaada sideedaba magaca shey buu magac u yahay (Dameer) oo kale mathalan waa magac shey dameer la yiraahduu magac u yahay. Marka waxaa loo bandhigay waxa Rabbi (swt) Aadam uu baray magacyadii oo dhan. Iyagana waxaa loo bandhigay waxyaabihii magacyada lahaa;

  • Geedkii
  • Bani Aadamkii
  • Xoolahii
  • Dameerihii
  • Daayeeradii

Wixii magacyada lahaa baa loo bandhigay oo la soo hor tubay, markaasaa la yiri waa kuwan ee bal magacyadooda sheeg sheega, mid weliba magaciisa sheegay baa la yiri saas weeye macnaha hadaad run sheegeeysaan.

Aayada | 31aad

‘’Alle wuu baray, Aadam waxa uu baray, magacyadii, dhamaantii, [Kulahaada] waxay faa’ideyneysaa in maqluuqaadkan oo dhan magacyadooda nabi Aadam la baray (cs) waxa ayna meesha ka saareysaa ra’yi ay culimada qaar ka mid ay ku tageen oo yiraahdeen Malaa’ikta iyo bani Aadamka magacyadooda ayaa la baray Aadam oo qaas ka dhigaayo saa waa laga fiican yahay maqluuqaadkan oo dhan magacyadood ayaa la baray iyadoo waxba laga soo reebin. Dhamaanteed, kadibna, Alle wuu bandhigay [waxyaabihii magacyada lahaa maqluuqaadkii magacyada lahaa buu Ilaahay bandhigay]. Malaa’ikta dusheeda buu u bandhigay. 31﴿

Wuu bandhigay macnaheeda waxa weeye uu muujiyay markaasaa waxa uu yiri, ii warama, kuwaan magacyadooda iiga warama oo ii sheega, hadaad tihiin [malaa’iktii], kuwa run sheegaya. Warkiina haduu run ahaa bal waakanee oo Aadam iyo caruurtiisa oo xoogaa aad dhaliisheen, taasi hadey run tahay bal waxyaabahaan meesha yaala magacyadooda sheega baa la yiri.

قَالُوا سُبْحَانَكَ لَا عِلْمَ لَنَا إِلَّا مَا عَلَّمْتَنَا إِنَّكَ أَنتَ الْعَلِيمُ الْحَكِيمُ ٣٢

{قَالُوا} Waxay yiraahdeen {سُبْحَانَكَ} Nazahnaantaada, (Huffanaantaada aad ceeyb oo dhan ka huffan tahay) {لَا عِلْمَ} Wax aqoon ah iyo yacni cilmi ah {لَنَا} anaga nooma sugnaanin {إِلَّا مَا عَلَّمْتَنَا} waxaad na bartay mooyee {إِنَّكَ} Allow {أَنتَ} adiga ayaa ah {الْعَلِيمُ} midka cilmiga badan {الْحَكِيمُ} ee xikmada badan. 32﴿

Malaa’iktii wey ka cudur daarteen waxyaabihii loo soo bandhigay magacyahooda inay sheegaan, imtixaan baa la geliyay. Maxaa yeelay hadaadan sheyga garan-neynin inaad iska qasbato ma ahan inaa iska qardo jeexdo maahan, inaad iska mala awaasho na ma ahan.

Waa inaad tiraahdo {الله أعلم} (Allaahu Aclam) cilmigey ka mid tahay waxaadan garan-neynin jawaabtiisu waa (Allaahu Aclam), laakiin inaad iska jiidho ma ahan. Malaa’iktu marka wey edeb satay, intii tabarteeduna wey ku gaabsatay waxayna garaneynina isku maynaan kalifin ee waxay yiraahdeen;

Allow waanu ku (Nazahaynaa) horta, ceeyb oo dhan baa kaa huffeynaa.

Marka labaadna waxa weeyaan waxaad na bartay mooye wax kaloon naqaan maba jiraba, kuwaana hore ma aadan noo barin, xagee kale oon cilmi ka keeneynaa marka saas daraadeed manaqaano weeye, manaqaano oo ka qurux badan weeye oo Ilaahay aad cilmigiisa u deeysay weeye. Allow intaad I bartay uun baan garan, intaana imaadan barin saas weeye macnaha.

Cilmigoo dhan adiga ayaa leh saas weeye macnaha, adiga ayaa tahay midka cilmiga yacni shey walba cilmigiisa leh oo cilmiga dhameystiran leh.

(Xakiim) ahoo shey walba meeshuu lahaa dhiga

(Xakiimka) waxaa la yiraahdaa, ruuxa la gafin (Xakiimka) meeshuu rabay sheyga inuu dhigo lama gafo. (Ansar ma Seegteey) bey dhihi jireen wadaadadu yacni meeshaad rabto inaad sheyga dhigto lama gaftid. Shey weliba iyo meeshuu ku haboonaa baad isla heshaa (Xakiim) baa la yiraahdaa.

Alle (swt) midka aqbaartiis iyo hadalkiis, iyo axkaamtiis, iyo afcaashiisa mid walba meeshuu ku haboonaa buu Alle dhiigay (swt) Xakiim weeye.

Aayada | 32aad

‘’Waxay leeyihiin malaa’iktii, Nazahnaantaada Allow waad huffan tahay, wax cilmiyaa, anaga nooma sugnaanin [waxyaabahaas aad na tustay magacyadooda cilmi uma lihin iyo aqoon], wax cilmiyaa anaga nooma sugnaanin, waxaad na bartay mooyee. Adigu, adigu, midka cilmiga badan baa tahay, oo hadan xikmada badan baad tahay.’’ 32﴿

Wuxuu yiri Rabbi (swt) [Malaa’iktii marka waa muuqataa inay ka caajiseen ineey sheegaan wax yaabihii loo soo bandhigay ee magacyahooda].

قَالَ يَا آدَمُ أَنبِئْهُم بِأَسْمَائِهِمْ فَلَمَّا أَنبَأَهُم بِأَسْمَائِهِمْ قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ إِنِّي أَعْلَمُ غَيْبَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَأَعْلَمُ مَا تُبْدُونَ وَمَا كُنتُمْ تَكْتُمُونَ ٣٣

{قَالَ} Rabbi wuxuu yiri {يَا آدَمُ} Aadamoow! {أَنبِئْهُم} malaa’ikta u waram {بِأَسْمَائِهِمْ} waxyaabahaan magacyahoodii. [Bar baa la yiri malaa’ikta]. {فَلَمَّا} Goortii {أَنبَأَهُم} uu u waramay {بِأَسْمَائِهِمْ} waxyaabahaan magacyahoodii, markuu u sheegay ayaa {قَالَ} Rabbi wuxuu yiri (swt) {أَلَمْ أَقُل} soo ma oranin {لَّكُمْ} idinka soo idinkuma oranin malaa’igeey {إِنِّي} Anigu {أَعْلَمُ} waxaan ogahay {غَيْبَ السَّمَاوَاتِ} samaawaadka waxa ku maqan {وَالْأَرْضِ} iyo dhulka wixii ku maqan {وَأَعْلَمُ} waxaan ogahay {مَا تُبْدُون} waxaad muujineysaan {وَمَ} iyo sheyga {كُنتُم} aad tihiin {تَكْتُمُونَ} kuwa qarinaaya. 33﴿

Aadam oo La Baray
Wax Walba Magacyahood

Aadam oo horey loo baray magacyaha ayaa waxaa la yiri malaa’iktii hadey garan waayeen Aadamoo u sheeg oo bar baa la yiri.

Aadam wuu baray wuxuu ku yiri;

  • Kan dameer baa la dhahaa
  • Kan waxaa la dhahaa bani aadam
  • Kan geed baa la dhaha
  • Kan bad baa la dhahaa

Yacni waxay weeye waxyaabihii meesha la soo tubay buu mid mid malaa’iktii u sheegay, sow macalinkoodii ma noqon marka? Haa

Hada miyey oranaayaan {}

أَتَجْعَلُ فِيهَا مَن يُفْسِدُ فِيهَا وَيَسْفِكُ الدِّمَاءَ

Soo warkaasi lagama daba imaanin fadligii Nabi Aadam (cs) baa marka banaanka u soo baxay, maxaa yeelay yacni nin ka cilmi badan oo wax baray oo iyagiiba maclim u noqday ayaa meeshii ka soo baxay, ayaguna waxay filinayeen nin wax fasaadiya oo wax dila oo wax qarbuda oo wax dhaca oo dilo oo wax qaribo uun bay macnaha sawiranaayeen, saas Rabbi (swt) malaa’iktii ku qanciyay in uu macnaha waxa weeye bani aadamka qalqigaan uu abuurayo masaaliix fara badan inay ku jirto, dad badan oo akhiyaar ineey ku jiraan, culimo iney ku jiraan, dhankaad ka aragteen keliya ma aha saas uu Rabbi (swt) macnaha ugu muujiyay.

Markey garoowsadeen Aadam iyo cilmigiisa markey garoowsadeen ayaa marka Rabbi (swt) wuxuu ku yiri;

Soo idinma oranin horaan waxaan ogahay dhulka iyo cirka wixii gheybkiisa ee ku maqan ee idinku aydaan garaneynin baan ogahay so idinma oran. Waxyaab badan baa idinka qarsoon oo xogtooda aydaan haaynin. Aniga se waxba igama qarsoona soo horey idinma oranin waxaad muujisaneysaan iyo waxaad qarsaneysaan labadaba waan ogahay soo idinma oran.

Waxaydaan ogeyn hada ka hore soo hada meesha kama soo bixin, oo ah Aadamka la abuuraya isaga iyo caruurtiisu ineeysan fasaad ka wada shaqeeyneynin ee qeyb wanaagsani ay ku jiraan wax ka qarsoon bey ahayd, laakiin Ilaahay baa ogaa waana muujiyay saas weeye macnaha.

Aayada | 33aad

’Wuxuu yiri Aadamoow! u waran, kuwaan magacyadooda, goortii, uu u waramay (magacyahooda markuu u waramay oo mid mid ugu sheegay ayaa). Rabbi wuxuu yiri (swt), soo ma oranin, idinka soo idinkuma oranin malaa’iktiiyeey, Anigu, waxaan ogahay, cirarka dhexdooda waxa gheybkeeda ku maqan (ku qarsoon), iyo dhulka gheybkiisa ku qarsoon baan ogahay oo ku maqan, waxaan kaloo ogahay, waxaad muujineysaan iyo, sheygii, aad yihiin, kuwa qarinaayo.’’ 33﴿

Waxa aan weliba idinka soo bixin, oo xubnihiini aynan sameeynin, oo banaanka imaanina waan ogahay. Waxa aad muujisateen oo banaanka keensateen oo afka kaga hadasheen ama adimada iyo xubnuhu sameeyeene waan ogahay labaduba waan ogahay sow idinkuma oran buu Rabbi yiri (swt) saas weeye macnaha.

Aayadu marka waxay tilmaameey cilmiga samaawaadka iyo dhulka ku qarsoon oo gheybta ah Ilaahay baa og (swt)

{ ۚ قُل لَّا يَعْلَمُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ الْغَيْبَ إِلَّا اللهُ}

{الاية 67}  {سورة النمل}

‘’Waxa samaawaadka iyo dhulalka ku qarsoon oo gheybka ah Ilaahay uun baa og (swt).’’ {Surat: an-Naml, 67}

Maqluuqaadkiisa waxay ka ogaan karaan in yar oo ugu iftiimiyay, Malaa’ikta iyo Nabiyada iyo Siddiiqiinta iyo Mu’miniinta iyo Awliyada oo xooga Ilaahay ugu iftiimiyay oo (can dariiqil waxyi) looga iftiimiyay un bay ogaan karaan mooyee in kaloo ogaan karaan ma jirto.

Saas daraadeed cilmiga gheybka ninkii dalba oo raadiya ama dhulka xarxariiq ku raadiyo oo waan faalinaa buu leeyahay ama xidigaha fiiriyo ku raadiyo ama kitaab uu kala furay ku raadiyo waan ka fiirinaa uu leeyahay, dariiqu doonaba ha u isticmaalee ninkii anigu weli baan ahay (Carshigaan Daalacdaa) ha yiraahdo iyo kitaabkaan daalacdaa…

Ninkii gheybka raadiya oo dariiqaa waxyiga jidaan ahayn ku raadiya waa nin lunsan dadkana luminaaya noocuu doonaba ha sheegto markaas.

وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآدَمَ فَسَجَدُوا
إِلَّا إِبْلِيسَ أَبَى وَاسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ ٣٤

{وَإِذْ} Waxaad xustaa buu Rabbi yiri (swt) waqti {قُلْنَا} aan niri {لِلْمَلَائِكَةِ} malaa’iktii markaan ku niri {اسْجُدُوا} sujuuda {لِآدَمَ} Aadam u sujuuda {فَسَجَدُوا} markaasay sujuudeen {إِلَّا إِبْلِيسَ} Ibliis mooyee {أَبَى} isagu waa diiday sujuudii {وَاسْتَكْبَرَ} waana is kibriyay, waa isla weynaaday {وَكَانَ} wuxuuna ahaaday {مِنَ الْكَافِرِينَ} gaaladuuna ka mid ahaa, horaanba gaal buu ahaa (horaanba cilmiga Ilaahay gaal buu ku ahaa saas weeye macnaha). 34﴿

Sujuuda Malaa’ikta La Amray
Maxaay Ahayd?

Markii malaa’iktii ay garowsatay Aadam iyo fadligiisa iyo dheeraadka uu leeyahay ayaa markaa kadib Ilaahay waxa uu leeyahay u sujuuda.

Sujuudaasi maxaa laga wadaa?

Culimada qaar ka mid ah waxay leeyihiin (Foorarsad) un baa laga wadaa, qaarna xooga isu duleeya. Laakiin sida saxda waxa weeye (Sujuuda) sharciga mar haduu isticmaalo wejiga dhulka la dhigaa la yiraahdaa.

Isticmaalka kitaabka iyo sunnada sujuuda ay isticmaalaan wejiga dhulka dhiga ayaa la yiraahdaa, marka u sujuuda ayaa la yiraahdaa.

Ma caabudaa la wadaa? Maya

Ee sujuuda Ilaahay baa amarkeeda leh, Aadamne waa lagu ixtiraamayaa Ilaahayna waa lagu (Adhiicayaa) ileyn dhaacada waxa weeyaan hadii Ilaahay saas samee ku yiraahdo inaad fuliso siduu samee ku yiri bey dhaacadu ku jirtaa sooma ahan?

Marka Aadamne ixtiraam bey u ahayd Ilaahayna waa lagu adhiicayaa (swt) sujuuda marka mid dhulka la dhigo yahay sidaas shareecada isticmaalkeedu yahay oo quraan iyio sunnada saasay sujuuda u isticmaalaan. Malaa’iktii marka wey sujuudeen kuligood Ibliis mooyaanee.

Oo Ibliis hadalkii malaa’ikta loo jeediyoo sujuuda la yiri wuu gabay, hadalkaa dadka loo jeediyay buu ka mid ahaa.

Oo malaa’iktaba ka mid ma ahaynee see buu ku galay?

Waxaa sugan in laga abuuray (Naar) baa laga abuuray, Malaa’iktana (Nuur) baa laga abuuray. Isaga dab baa laga abuuray iyo holac, dabka holaciis iyo ololkiisaa laga abuuray. Malaa’iktana nuur iyo iftiin baa laga abuuray.

Marka isku mid ma aha see buu marka u galay malaa’ik buu Ilaahay hadalku u jeediyayee, see buu hadalkaa u soo dhex galay? Wuxuu u soo galay malaa’iktuu ku tirsanaa uu ku dhex jiray.

Waloow maadada laga abuuray ha kala gedisnaadaanee, laakiin malaa’iktuu markaas ku dhex jiray, markii hadalkii Ilaahay amarkii u jeediyay malaa’ikta inteedii kale ay qaadatay isagu markaa waa diiday oo waa isla weenaaday…

{وَاسْتَكْبَرَ} waa is kibriyay gaal buu ahaa marka horaba, meesha waa iskaga dhex jiray mooyee kaafir buu ku ahaa Ilaahay cilmigiisa (Saabiqa) ahaa gaal buu ahaa kaafir buu ahaa.

Aayada | 34aad

‘’Waxaad xustaa Nabiyow, waqti, aan niri, Malaa’iktii markaan ku niri, sujuuda, Aadam u sujuuda, markaasay sujuudeen, Ibliis mooyee, waa diiday, waana is kibriyay. [Istikbaradu waxay tilmaameysaa sababta ku xambaartay in uu diido sujuuda, sababta ku xambaartay waxa weeyaan waa kibir iyo isla weynid, oo wuxuu quursanaayaa oo weli liidayaa Aadam, ma anigoo dab iga abuurtay baan waxaan aad dhoobada ka abuurtay u sujuuday, waa u tegi doonaa, marka quursi iyo xoogaa naftiisa cajab galisay ayuu macnaha u diiday], wuxuu ahaaday, gaalada ayuu ka mid ahaay oo markiisa horaba gaal buu ahaa. 34﴿

Saasu Rabbi leeyahay (swt)

Ibliis Markuu Sujuudii uu Diiday Ilaahay Waa Lacnaday (swt)

Halkaan markuu sujuuda diiday waxaan ugu tegi doonaa (Fii-Surat al-Acraaf) iyo suuradaha kaleeta qisada iyaguna keenay lagaga hadlay ugu tegi doonaayee, markii sujuudii uu diiday Ilaahay waa lacnaday (swt) naxariistiisuu ka fogeeyay.

Markii la lacnaday ka dibna cadaawad buu qaaday oo u qaaday Aadam iyo intuu dhalay. Cadaawadaa markuu qaaday baa markaa ka dib Aadam jannada galaay, isagoo cadaawad qaaday ninkii cadaw ah baa marka Ilaahay (swt) Aadam amar siinaaya.

وَقُلْنَا يَا آدَمُ اسْكُنْ أَنتَ وَزَوْجُكَ الْجَنَّةَ وَكُلَا مِنْهَا رَغَدًا حَيْثُ شِئْتُمَا
وَلَا تَقْرَبَا هَـذِهِ الشَّجَرَةَ فَتَكُونَا مِنَ الظَّالِمِينَ ٣٥

{وَقُلْنَا} Waxaa niri {يَا آدَمُ} Aadamoow! {اسْكُنْ} deg (baa la yiri) {أَنتَ} adiga iyo {وَزَوْجُكَ} xaaskaaga (Xawaa) { الْجَنَّةَ} jannada degga {وَكُلَا} cuna {مِنْهَا} jannada xageeda waxaad ka cuntaan {رَغَدًا} [Aklan] cunitaan [Raqadan] oo waasic ah, meel idin soo celiso male dhib aan lahayn oo yacni aydaan ku dhibaatoonin {حَيْثُ شِئْتُمَا} meel Alle meeshaad doontaan {وَلَا تَقْرَبَا} hana dhawaanina {هَـذِهِ الشَّجَرَةَ} geedaan ha u dhawaanina waa gooni oo farta lagu fiiqay midaan ha u dhawaanina ayaa la yiri iska jira {فَتَكُونَا} aad ahaataan hadaad u dhawaataan {مِنَ الظَّالِمِينَ} kuwa dulmiyay naftooda [macsiyadaa ay galeen naftooda ku duloobaa noqoneysaan, marka is jira weeyaan]. 35﴿

Aadam Iyo Xawaa
Oo Jannada Laga Saaray

Nabi Aadam (cs) markey malaa’ikta u sujuuday ka dib Ibliisna banaanka ku dhacay oo cadaawadiisii soo baxday ayaa jannada deg la yiri isaga iyo xaaskiisa (Xawaa) oo markaa isaga laga abuuray, isaga (Feedhiisa) ayaa laga abuuray (Xawaa).

Samada deg la yiri midee waaye?

Ma Janno dhulka ku taali bey ahayd, beer dhulka ku taal miyay ahayd?

Mise janno samaawaadka ku taal bey ahayd?

Waxaa loo badan yahay inay ahayd jannada sare.

Inay janno sare ahayd – mida jannada quraanka iyo sunnaha ay isticmaali ay tahayna waxaa laga faa’ideysanaayaa aayaadka soo socdoo Ilaahay degga buu ku yiri, deggana ruuxa dhulka joogaa lama yiraahdo janno sare bey ahayd marka.

Jannada deg baa la yiri adiga iyo xaaskaaduna waxaad cuntaan, cunitaan waasic ah cunid balaaran meel Alle meeshaad doontaan jannada ka cuna, laakiin halkaa geed isks jira. Waa geed xujo ah (Geedaan) iska jira wixii kale oo dhan waad u fasaxan tihiin.

Waa adigoo hada lagugu sii daayay kownkaan balaaran oo lagu yiri;

Shey hebel iyo shey hebel un baa xaaraam kaa ah wixii kale oo dhan xalaal buu kuu yahay. Labadii shey ee xaaraamta ahayd baa nagala kari la’ yahay soo maha?

Xalaashii oo arlada ka badatay, labadii xaaraamtaa nagala kari la’ yahay.

Marka halkaa geed un is ka jir baa la yiri, geeda laga reebaya waa imtixaan, imtixaan weeye nabi Aadam (cs) lagu imtixaanaya halkaa geed iska jir baa la yiri.

Geedu geedeey ahayd?

Geedaa geeday kahayd shaqadeena ma aha saas weeye macnaha.

Aayada | 35aad

‘’Waxaa niri, Aadamoow! Deg, adiga iyo, xaaskaaga, jannada degga, cuna, jannada xageeda, [Aklan] cunitaan [Raqadan] oo waasic ah, balaaran oon ciriir ahayn, meel Alle meeshaad doontaan ka cuna, hana dhawaanina, geedaan ha u dhawaanina, aad ahaataan hadaad u dhawaataan, aad ka mid noqotaan kuwa dulmiga sameeyay gardarada ku kacay.’’ 35﴿

[Yacni kuwa naftooda dulmiyay, maxaa yeelay ruuxu markuu dambi galo naftiisuu dulmiyay dhibka dambigaa ka imaanaya isagoo dib ugu soo noqonaa, marka daalimiinta aad noqotaan weeye].

Maxaa ka dambeeyay Marka Aadam Jannadii La Dejiyay, Ibliisna La Ceyriyay

فَأَزَلَّهُمَا الشَّيْطَانُ عَنْهَا فَأَخْرَجَهُمَا مِمَّا كَانَا فِيهِ وَقُلْنَا اهْبِطُوا بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ وَلَكُمْ فِي الْأَرْضِ مُسْتَقَرٌّ وَمَتَاعٌ إِلَى حِينٍ ٣٦

{فَأَزَلَّهُمَا} Wuu simbiririxiyay Ibliis, labadoodii buu simbiririxiyay

[Waa simbiririxiyay labadoodii {الشَّيْطَانُ} Shaydaan baa simbiririxiyay]

{عَنْهَا} ee (Bi-Sababihaa) geedii sababteeduu ku simbiririxiyay {فَأَخْرَجَهُمَا} labadoodii wuxuu ka saaray {مِمَّا} waxay ahaayeen {كَانَا فِيهِ} dhexdiis [wixii ay ku dhex jireen oo barwaaqo ahayd buu banaanka ugu soo saaray] {وَقُلْنَا} waxaanu niri buu Rabbi leeyahay (swt) {اهْبِطُوا} Hoobta oo dega {بَعْضُكُمْ} xaal qaarkiin {لِبَعْضٍ} qaarka kale {عَدُوٌّ} cadaw u yahay [idinkoo cadaw iyo col isu ah dega hoos aada] {وَلَكُمْ} waxaana idin sugnaaday {فِي الْأَرْضِ} dhulka dhexdiisa {مُسْتَقَرٌّ} makaanu sugnaasho [meel aad ku sugnaataan oo degtaanbaad dhulka ku leedahiin] {وَمَتَاعٌ} iyo wax lagu raaxeeysta ayaad ku leedahiin dhulka {إِلَى حِينٍ} mudo intii laga gaararayo. 36﴿

Sheydaan Aadam iyo Xawaa
Wuu Simbiririxiyay

Sheydaan labadoodii wuu simbiririxiyay…

{فَأَخْرَجَهُمَا} {Azalada} waxaa la yiraahdaa (Zalalka) waxaa la yiraahdaa lugta markeey kuu fakato oo aad labadoodii buu simbiriraxataa la yiraahdaa. Waxaana laga wadaa qaladkii uu ku riday, qaladkii iyo arinkii loo diiday buu ku riday oo intuu shukaamiyay oo qalqaaliyay ayuu aayar si fudud u geliyay arinkii Ilaahay iska jira yiray.

Halkii geed buu ku riixay waana geeda keentay sababta ay meesha kaga soo baxeen, ma xoog buu adeegsaday uu u isticmaalay?

Maya xoog ma isticmaalin, si iskiisaba xoog maba isticmaalaba, laakiin muxuu isticmaalaa (Xeelad) iyo inuu ku (sulan salaaxo) iyo inuu ku shukaamiyo iyo inuu ku qalqaaliyo iyo inuu si fudud arinta kuu geliyo.

{ قَالَ يَا آدَمُ هَلْ أَدُلُّكَ عَلَى شَجَرَةِ الْخُلْدِ وَمُلْكٍ لَّا يَبْلَى}

‘’Aadamoow! Geed hadaad cunto boqortooyo aan dhamaaneynin iyo nolol aan geeri ka dambeynin aad ku gaareysid maku tusaa?’’ [Surat: DaHa, 120]

Aadam Ilaahay dardaarankiis buu qabay iska jir baa la yiri ee marka miyuu ku deg degayaa? Maya waa ka istaagay, markuu arkay inuu istaagan yahay oo warkiisa uusan ku qancin ayuu u dhaartay.

{وَقاسَمَهُما إِنّي لَكُما لَمِنَ النّاصِحينَ ﴿٢١

‘’Ilaahay buu ugu dhaartay inuu daacad u yahay uusan sireeynin.’’ [Surat: al-Acraaf, 21]

Aadam marka waxaa laga soo galay laba arimood oo aad u jecel yahay maxay yihiin?

  1. Waa madaxtinimo iyo
  2. Nolol aan dhimasho lahay

Waa labada maan aan ku ibtileysan nahay sooma aha? Haa labadaasuu ka soo galay.

Aayar buu subaan-salaaxay si fudud buu marka ugu riday macnaha.

{فَأَخْرَجَهُمَا} saasaa laga wadaayoo halkii geed ee iska jira la yiri ayuu suu u qalqalinaayay buu ku simbiririxiyay qaladkii bay marka lugta la galeen labadoodii.

Barwaaqadii ay ku jireen buu ka saaray isaga sabab u ahaa inay ka baxaan barwaaqadaas oo Ilaahay ka saaraayee sababtiisay ahayd saas daraadeed baa la leeyahay isaga ka saaray. Markii laga saarayna Rabbi wuxuu ku yiri (swt):

Dega idinkood idil is raaca hoos aada dhulka aada ayaa la yiri, idinkoo weliba cadaw isku ah. Ibliis iyo Aadam iyo Xaawa cadaw bey isu yihiin.

Aadam (cs) caruustiis ubudkiisa dhalan doonana cadaw bey isu noqon doonaan iyaga laftooda yacni waxa weeyaan waxbaa dhex mari doonaa.  Hoos aada baa la yiri dhulka ayaad deegaan ku leedihiin iyo meel aad ku xasishaan, makaanu sugnaasho.

Ileyn markii hore kor beey deganaayeen sooma aha?

Dhulkaa la idin dejiyay ee hoos aada ayaa la yiri, waxyaaba lagu raaxeeystana dhulkay idiin yaalaan intii mudo laga gaaraayo.

Mudadaasi waa mudadee?

Waa ilaa aduunka laga duubi doono qiyaamada laga gaaraayo. Ileyn Aadam caruurtiisii baa dhulka ku raaxeeysaneeysa oo degan. Marka markii waqtiga Ilaahay ugu tala galay la gaaro baa la duubi doonaayoo oo la gabagabeyn doonaa laakiin inta ka horeysa weydinkaas baa la yiri macnaha.

Aayada | 36aad

‘’Labadoodii ayuu simbiririxiyay, sheydaan baa simbiririxiyay oo qaladkii ku riday, (ey Bi-Sababihaa dheh) geedii sababteeda ayuu ku simbiririxiyay geeday cuneen baa sabab u noqotay inuu qaladka ku rido, labadoodii buu saaray, shey buu ka soo saaray, ay ahaayeen, dhexdiis [oo barwaaqadii ah.‘’

Maalin jumcaa bey ahayd sida xadiista Nabiga ku sugan (csw) maxaa yeelay:

  • Maalin jumcaa baa Ilaahay Aadam abuuray,
  • Jannadana maalin jumcaa baa la geliyay,
  • Maalin jumcaa baa jannada laga soo saaray.

‘’Waxaanu niri buu Rabbi leeyahay (swt), Hoobta oo dega, xaal qaarkiin, qaarka kale, cadaw u yahay [idinkoo cadaw iyo col isu ah dega hoos aada], waxaana idin sugnaaday, dhulka dhexdiisa, makaanu sugnaasho [meel aad ku sugnaataan oo degtaanbaad dhulka ku leedahiin], iyo wax lagu raaxeeysta ayaad ku leedahiin dhulka, mudo intii laga gaarayo.’’ 36﴿

Waad ku raaxeysaneysaan oo waxa dushiisa yaal baa cuneysaan oo yacni waxa weeye meeshaas ayaad dageysaan oo weyninka ah {Wa mataacun ilaa xiinin} baan marka ku jirnaa saas weeye macnaha.

Nabi Aadam (cs) {}

{ وَعَصى آدَمُ رَبَّهُ فَغَوى ﴿١٢١

[Surat: DaHa 121]

Aadam marka qaladkii wuu ku dhacay waa laga faa’ideystay ninkii cadawgiisaa waa ka faa’ideystay. Xagee buu u maray Aadamne jannadii buu ku jiray ninkaana waa la eryayee xagee buu u maray soo su’aal ma aha?

{الله أعلم} (Allaahu Aclam) Jawaabteeda waa taa..

Waa meesheenu lahayn qisas Israa’iiliyaa ku soo arooray, laakiin maadaa Ilaahay uu san noo sheegin Nabigiisuna uusan noo sheegin koleyba wuu la xidhiidh oo sow suurto gal maaha isagoo dhulka jooga kana jannada jooga inuu la xidhiidho, sow lama xidhiidhi karo, maxuu la xidhiidhi karin waayay anagoo aduunka cidhiftiisa jooga cidhiftiisa kale mid joogaa la xidhiidhnaa anagabe telephone baanu u dirnaa email baanu u dirnaa.

Anagoo bani aadam ah ayay tabarteenu intaan tahay caalam naga xoog badan maxaad u maleysaa marka wey suuroobi kartaa marka wax (Mustaxiil) ma aha marka, laakiin qaabkee buu maray (Allaahu Aclam) saas weeye macnaha.

فَتَلَقَّى آدَمُ مِن رَّبِّهِ كَلِمَاتٍ فَتَابَ عَلَيْهِ إِنَّهُ هُوَ التَّوَّابُ الرَّحِيمُ ٣٧

{فَتَلَقَّى آدَمُ} Wuu kulmay Aadam baa la kulmay {رَّبِّهِ} Rabbigii xagiis wuxuu kala kulmay oo ka qaatay {كَلِمَاتٍ} weerooyin (Erayyaal) buu Ilaahay xagiisa ka qaatay oo ka helay {فَتَابَ عَلَيْهِ} markaasu Alle ka toobad aqbalay maxaa yeelay {إِنَّهُ} Alle {هُوَ} Isagu {التَّوَّابُ} waa midka toobad aqbalka badan {الرَّحِيمُ} ee naxariista badan weeye Alle (swt). 37﴿

Aadam oo Xaga Alle u Noqday
Una Toobad Keenay

Kalimaadkaasi {نبي الله آدم عليه السلام} markuu qaladkii ka dhacay uu Ilaahay xagiisa ka helay ee lagaga toobad aqbalay waa kuwa inoo imaan doona.

{…} Intaasaa la baray

﴾قالا رَبَّنا ظَلَمنا أَنفُسَنا وَإِن لَم تَغفِر لَنا وَتَرحَمنا لَنَكونَنَّ مِنَ الخاسِرينَ ﴿٢٣ 

‘’Allow waanu dulminay naftanada, hadaadan noo naxariisanin oo noo dambi dhaafin kuwa qasaaraanu ka mid noqoneynaa. ’’ [Surat: al-Acraaf, 23]

Kalimaadkaasuu Ilaahay baray oo xaga Ilaahay laga baray buu Ilaahay ugu noqdoo ugu toobad keenay, kadibna Ilaahay toobadii wuu ka qabalay. Maxaa yeelay Ilaahay caadadiisaa waxay tahay inuu adoomadiisa hadey soo noqdaan Ilaahay (swt) u noqdo oo toobada uu ka aqbalo weeye macnaha.

Aayada | 37aad

‘’Wuu kulmay Aadam baa la kulmay, Rabbigii xagiis wuxuu ka qaabilay oo ka qaatay, Kelimooyin, weerooyin iyo (Erayooyin) uu ku toobad dalbaayo, markaasu Alle ka toobad aqbalay, dushiisa maxaa yeelay, Alle, isagu waa midka toobad aqbalka badan, ee naxariista badan, adoomadiisa aad ugu toobad aqbala.’’ 37﴿

Dersi bey inoo tahay oo….

نسي آدم فنسيت ذريته

Yacni Aadam waa halmaamay caruurtiisa wey halmaami.

Koley qaladka waad galeysaanee laakiin aabahiin jidkiisii mara oo qaladka markaad gashaan ka soo noqda. Qalad maxaa u galeysaan la idin dhihi mayo laakiin waxaa la idin dhihi maxaad ugu madax adag tihiin!

Maad soo noqotaan sidii aabahiinba u soo noqday Aadam (cs).

قُلْنَا اهْبِطُوا مِنْهَا جَمِيعًا فَإِمَّا يَأْتِيَنَّكُم مِّنِّي هُدًى فَمَن تَبِعَ هُدَايَ فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ ﴿٣٨ وَالَّذِينَ كَفَرُوا وَكَذَّبُوا بِآيَاتِنَا أُولَـئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ ٣٩

{قُلْنَا} Waxaan marka niri buu yiri Alle (swt) {اهْبِطُوا} hoobta {مِنْهَا} jannada ka hoobta {جَمِيعًا} idinkoo idil kuligiin dhulka aada weeye {فَإِمَّا يَأْتِيَنَّكُم} hadii uu idin yimaado {مِّنِّي} Aniga xageyga haduu idinka yimaado {هُدًى} hanuun [hanuun haduu idin yimaado oo kutub iyo rusul aan idiin soo diro] {فَمَن تَبِعَ} cidii raacdo {هُدَايَ} hanuunkeyga {فَلَا خَوْفٌ} wax cabsiya {عَلَيْهِمْ} dushooda ma ahaanin [Aduunka waxaan u jeedaa mustaqbalka ka cabsan maayaan] {وَلَا هُمْ} mana aynan ahaanin {يَحْزَنُونَ} kuwa murga oo aduunkaana waxay kaga tageena ka murgi maayaan. 38﴿

{وَالَّذِينَ} kuwa {كَفَرُوا} gaaloobay oo {وَكَذَّبُوا} beeniyay {بِآيَاتِنَا} aayaadkanaga {أُولَـئِكَ} kuwaasina {أَصْحَابُ النَّارِ} Naar dadkeeda weeye {هُمْ} iyaguna {فِيهَا} naarta dhexdeeda {خَالِدُونَ} kuwa ku waaro yihiin. 39﴿

Dega Baa La Yiri Hoobta

Maxaa loo soo celiyay (Hoobta) waaba tii hore loo soo yiri {اهْبِطُوا} maxaa loo soo celiyay?

Waxaa loo loo celiyay midii hore hadlka ku xidhnaa ee daba yaalay iyo midaan hadalka ku xidhan baa kala ah.

Midii hore waxay ahayd: اهْبِطُوا}

… اهْبِطُوا بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ وَلَكُمْ فِي الْأَرْضِ مُسْتَقَرٌّ وَمَتَاعٌ إِلَى حِينٍ

‘’ Dega dhulka ayaad deegaan ku leedihiin iyo makaan u sugnaasho…’’

Sooma aha saasaa loo keenay.

Tana waxaa loo keenay:

Dega oo hoos aada idinkoo idil, hadaan hoos aadno Allow anagu iya adigu miyaan kala go’nay? Naxariistaadii ma saasaan kaga tagnay? Bes miyaa? Maya haday hanuun xageyga ka yimid idin yimaado dhulkii baa tagteen sooma aha?

Hanuun keyga ah haduu idin soo gaaro, oo hanuunkaas muxuu yahay, kutubtuu Ilaahay soo dejinaayo iyo rususha uu soo dirsanaayo ee adoomada u soo diraaye weeye, hanuunkeygaasi haduu idin yimaado, hanuunkeyga ruuxuu raaca oo intuu rumeeyo raaca cabsan mayo. Mustaqbalka mawtka iyo geerida wixii ka dambeeya qabriga ilaa qiyaamada ilaa meesha lagu dambeyn doona ka cabsan mayo mana murgi doonaan oo aduunka waxay kaga tageen u walbahaari maayaan.

Sababtu waxa weeye hadii wax wanaagsani aad ka timid, wax ka waaansanan lagu siisay kii hore miyaad u walbahaari? Maya

Aakharo haday tageen wax aduunyadiiba ka indha saabay iyo wixii yaalayba ayuu Ilaahay siinayaa (swt).

Marka labada qolo: Qolo waa qoladaas

Qolada labaad waa kuwa beeniyay aayaadka markey u yimaadaan, hanuunkeyga markuu u yimaado cidii gaaloowda oo aayaadkeyga beenisa kuwaasi naarta dadkeeda weeye, haa kuwaasina waa naarta dadkeeda aayaadka beeniyay gaaloobay weyna ku waari buu Rabbi leeyahay (swt).

فَمَنِ اتَّبَعَ هُدايَ فَلا يَضِلُّ وَلا يَشقى

‘’Hanuunkeyga ruuxii raacaay aduunkana lumi maayo aakharana hoogi maayo.’’

وَمَن أَعرَضَ عَن ذِكري فَإِنَّ لَهُ مَعيشَةً ضَنكًا

‘’Digrigayga ruuxii ka jeedsada [oo waxyigii aan keenay, hanuunkaan idiin soo diray ruuxii diida oo iskaga jeedsadana] nolol ciriiri buu aduunka ku leeyahay.’’

وَنَحشُرُهُ يَومَ القِيامَةِ أَعمى

‘’Maalinta qiyaamahana isagoo indha la’ baan keeneynaa.’’

Saasaa lagu cadaabayaa macnaha tana soo sidii oo kale ma aha marka, hanuunka haduu ina soo gaaraa labadaa qeybood baa loo kala bixi.

  1. Qeyb gala ah oo Ilaahay cadaab ku waariyo
  2. Qeyb hanuunkii Ilaahay xagiisa ta timid raacda

Qeybtaa hanuunka raacday marka waa laga soo bilaaboo rususha iyo dadkii raacsanaa weeye. Umadahii rususha raacsanaa ayaa halkaa soo wada galaaya.

Qeybta kalena waxaa galeysa kooxdii beenisay oo munaafiqiintii iyo gaalada ah weeye macnaha ayaa halkaa galaaya.

{قُلْنَا} Waxaanu niri {اهْبِطُوا} hoobta [saas weeye macnaha]

Marka miizaanka Ilaahay adoomadiisa, yacni waxa weeyaan ku kala hormarineya ama wax ku siinaya ama kaga qeybinaaya waa kaa, hanuunkeyga ma raacday mise maba raacin,

  • laakiin kannaa qurux badan,
  • kannaa xoolo lahaan jiray,
  • kannaa aduunka magac ku lahaa,
  • kannaa nasab wanaagsan lahaa,
  • kannaa madaxweyne ahaa,

Warkaasi Ilaahay agtiisa ma yaal (swt) hanuunkii ma raacday qoladaa hore baad ku jirtaa, hanuunkii maka tagtayoo ma beenisay, qolada dambaad ku jirtaa warka waa intaa macnaha.

Aayada | 39aad

‘’Waxaanu niri, hoobta, jannada xageeda ka hoobta oo dega, idinkoo idil, hadii uu idin yimaado, Aniga xageyga haduu idinka yimaado, hanuun [oo kitaabka aan soo dejinay haday idin yimaado] cidii, raacdo. Hanuunkeyga, wax cabsiya, dushooda ma ahaanin [Mustaqbalka ka cabsan maayaan], mana aynan ahaanin, kuwa murgoo mana murgaayaan wixii horey ugu tagay ee dhaafayna ka murgi maayaan [maxaa yeelay wax ka wanaagsan baa la siin], kuwa, gaaloobay oo, beeniyay, aayaadkanaga beeninay, kuwaasi, Naar dadkeeda weeye, iyaguna, naarta dhexdeeda, kuwa ku waaro yihiin..’’ 39﴿

Intaasi qisadii oo si gaaban loogu hadlay baa lagaga baxay.

Suurada kale bey ku imaan doontaa saan hore u sheegnay quraanku meel ama suurad dhexdeeda arin lagu gaabiyay meel kale lagu faahfaahin, intaasaa hada meeshaan laga hadlay, ujeedada laga leeyahayna qisadaasi waxa weeye waa digniin.

War bani Aadamoow! Saasuu sheydaan idin galay oo dinka lug meersaday oo aabihiin u qalday, cadawgii asaga ahaa baa aduunka idinla joogee isaga jira haa.

{ إِنَّ الشَّيْطَانَ لَكُمْ عَدُوٌّ فَاتَّخِذُوهُ عَدُوًّا ۚ إِنَّمَا يَدْعُو حِزْبَهُ لِيَكُونُوا مِنْ أَصْحَابِ السَّعِيرِ }

{الاية 6}  { فاطر سورة}

Cadaw ka dhigta ninkaa iska jira, cadaawadiisana mid hada bilaabatay ma aha, waa mid markii la idin abuurayba ka soo bilaabatay. Marka labaad weeyaanee cadaawad heshiis lala geli karo ma aha.

Bani Aadamka hada hadeey cadaawad idin dhex marto, aan heshiino soo lama dhihi karo? Laakiin Ibliis iyo cadaawadiisa iyo Sheydaan miyeynu heshiis la geli karnaa?

Waan waan maleh, oo heshiis male, oo meel dhexe leysu yimaad maleh, marka war ninkaas iska jira weeye macnaha, qisadaa muhimadeedu waa taa.

Wa Bilaahi Tawfiiq

La soco qaybta 4aad …

Tafsiirka Qur’aanka Kariimka wuu socdaa (In Shaa Allaah) haduu Eebe sareeyay inuu fududeeyo waxaan soo qori doonaa qaybtii 4aad ilaa intaa waxaan idin kaga tageynaa (Samafalka iyo Taqwada Alle (swt)). Fadlan wixii qalad ah oo aad ku aragtaan qeybtaan 3aad waxaad inagu soo gaarsiin kartaan cinwaanada hoos ku qoran.

Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

Email: Abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad@gmail.com

Home: Wajibad.wordpress.com