Arkaanta Iimaanka 
أركان الإيمان

Qaybta | 1aad

Decorative Lines

bismillah

Mahad oo dhan Allaah bay u sugnaatay. Isaga ayaan u mahad noqeynaa, Isaga ayaana kaalmo weeydiisan haynaa. Isaga ayaana hanuun weydiisan haynaa. Allaah ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Allaah kor ahaayee qofkuu hanuuniyo wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa majiro. Waxaan nafteydii u qiraayaa Allaah mooyaane inuusan jirin Ilaah kale oo xaq lagu caabido. Nabi Muxammad-na (naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaato) inuu yahay Rasuulkii Allaah.

Walaalaheena mu’miniinta ahaaw waxaan halkaan ku soo gudbineynaa qoraaladaan oo muhiimad aad u weyn u leh qofka muslimka ah, waajibna ku tahay in uu si fiican u fahmo caqiidada islaamka, qaasatan (Arkaanta Iimaanka) oo aan duruustaan ku soo qaadan doono taasoo ay ka kooban tahay (Lix Cashar), maadaama uu Arkaanta Iimaanka ka kooban yahay lix rukni. Kani waa (Casharka 1aad) ama qaybta 1aad Inshaa Allaah waxaan dib u soo qori doonaa shanta rukni ee ka haray darsigaan ku saabsan Arkaanta Imaanka.

Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

Duruus Muhiim
U Ah Ummada

أركان الإيمان في الإسلام ستة هي الإيمان بالله
.وملائكته وكتبه ورسله واليوم الآخر والقدر خيره وشره

:الأركان

  1. الإيمان بالله عز وجل
  2. الإيمان بالملائكة
  3. الإيمان بالكتب السماوية
  4. الإيمان بالأنبياء و الرسل
  5. الإيمان باليوم الآخر
  6. الإيمان بالقدر خيره وشره

Arkaanta iimaanka waa 6 waxey ka kooban tahay:

  1. Rumeynta Alle (swt)
  2. Malaaiktiisa
  3. Kutubtiisa
  4. Rusushiisa
  5. Maalinta Aakhiro
  6. Qadarka kherkiisa iyo shartiisa.

Alle (swt) wuxuu yiri:

وَلَـٰكِنَّ الْبِرَّ مَنْ آمَنَ بِاللَّـهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَالْمَلَائِكَةِ وَالْكِتَابِ وَالنَّبِيِّينَ

﴾Surat: al-Baqarah, 177﴿

Macneheedana waxaa waaye:

… laakiin sama falaha waa ruuxa ruumeeya Alle iyo maalinta aakhiro iyo malaaikta iyo kitaabka iyo nabiyada.

Alle (swt) wuxuu yiri:

كُلٌّ آمَنَ بِاللَّـهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِّن رُّسُلِهِ
وَقَالُوا سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا غُفْرَانَكَ رَبَّنَا وَإِلَيْكَ الْمَصِيرُ

﴾Surat: al-Baqarah, 285﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Waa rumeeyay rasuulki wixi looga soo dejiyay xaga rabigiis, muminiintana wey rumeeyeen, mid walbana wuxuu rumeeyay Alle iyo malaaiktiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa, mana kalageyneyno rusushiisa… [Surat: al-Baqarah 285]

إِنَّا كُلَّ شَيْءٍ خَلَقْنَاهُ بِقَدَرٍ

﴾Surat: al-Qamar, 49﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Anagaa wax walba ku abuurnay qadar (qiyaas).” [Surat: al-Qamar, 49]

Xadiis 1

Nabiguna (naxariis iyo nabad dushiisa allaha yeelee) wuxuu yiri:

Iimaanku waa in aad rumayso Alle iyo malaaiktiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo maalinta aakhiro iyo qadarka kherkiisa iyo shartiisa.” {Saxiis Muslim}

Marka iimaanku waxuu kan koobanyahay hadal carabka looga dhawaaqo iyo rumen qalbiga laga rumeyo iyo fal xubnaha lagala yimaado, camalka suubanna wuu ku kordhaa, macaasida iyo camalka xunna wuu ku nuqsaamaa:

إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ الَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ اللهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ
(2) وَإِذَا تُلِيَتْ عَلَيْهِمْ ءايَاتُهُ زَادَتْهُمْ إِيمَانًا وَعَلَى رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ 

 (3) الَّذِينَ يُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ

(4) أُولَٰئِكَ هُمُ الْمُؤْمِنُونَ حَقًّا ۚ لَّهُمْ دَرَجَاتٌ عِندَ رَبِّهِمْ وَمَغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ

{2,3,4} {سورة الأنفال}

Macnaha aayada waxaa waaye:

Muminiinta waa uun kuwa markii Alle la xuso ay cabsato quluubtooda, marki lagu dul akhriyo aayaatkiisana waxey u kordhisaa iimaan, rabigoodna tala saartaan, ahna kuwa oogo salaada waxaan ku irsaaqnana wax kabixiyo, kuwaas waaye kuwa muuminiinta xaqa ah.” {Surat: al-Anfaal, 2}

وَمَنْ يَكْفُرْ باللهِ وَمَلائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ فَقَدْ ضَلَّ ضَلالا بَعِيدًا

{136} {النساء}

Allaah (swt) wuxuu yiri:

Ruuxi ku gaaloobo Alle iyo malaiktiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo maalinta aakhiro si xaqiiqo ah ayuu u baadiyoobay baadi fog. {Surat: an-Nisaa, 136}

Hadaba iimaanka carrabka ayaa looga dhawaaqaa sida:

  • Dikriga Alle
  • Ducada
  • Wanaaga oo lees faro
  • Xumaanta oo leska reebo
  • Quraanka oo la akhriyo iyo wixi lamid ah

Qalbigana iimaanku waa ka sugmaa sida rumeenta u kalinimada Alle uu u kali yahay rabinimada iyo ilaahnimada iyo magacdiisa iyo sifaadkiisa iyo in ey waajib tahay Alle kaliya in la caabudo iyo wixi lamid ah oo qalbiga laga rumeeyo.

Sidoo kale waxaa soo gelayo iimaanka acmaasha qalbiga sida:

  • ‘’Alle in la jeclaado lagana cabsado lana talasaarto iyo wixi la mid ah.’’

Waxaa kale oo soo gelayo iimaanka acmaasha xubnaha sida:

  • Salaada
  • Soonka
  • Xajka
  • Ku jihaadka jidka Alle
  • Cilmiga oo la barto iyo wixi lamid ah.

[Macnaha aayada waa lasoo dhaafay]

هُوَ الَّذِي أَنزَلَ السَّكِينَةَ فِي قُلُوبِ الْمُؤْمِنِينَ لِيَزْدَادُوا إِيمَانًا مَّعَ إِيمَانِهِمْ

﴾Surat: al-Fatx, 4﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Alle waa kan ku soo dejiyay xasiloonida quluubta muuminiinta si ay iimaan ugu kororsadaan iimaankoodi.”

Iimaankuna waa kordhaa mar walbo oy kororto cibaadada adoonka iyo falalka suuban uu Alle (swt) ugu dhawaanayo.

Waana nuqsaamaa markay yaraato cibaadada adoonka.

Macaasidana sidoo kale iimaanka way waxyeeleysaa oo hadey macaasidaas shirkigi weynaay tahay iimaanka dhan ayay buridaa hadii ay tahayna shirki wax kayarna iimaanka dhamestirkiisa ayay burisaa oo iimaan buuxo manoqanaayo.

إِنَّ اللَّـهَ لَا يَغْفِرُ أَن يُشْرَكَ بِهِ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَاءُ

﴾Surat: an-Nisaa, 48﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Alle ma dhaafo in lala wadaajiyo, wuxuusa ka dhaafaa wixi ka soo haro ruuxuu doono.” [Surat: an-Nisaa, 48]

يَحلِفونَ بِاللَّـهِ ما قالوا وَلَقَد قالوا كَلِمَةَ الكُفرِ وَكَفَروا بَعدَ إِسلامِهِم

﴾Surat: at-Towbah, 74﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Waxey ugu dhaaranayaan Alle in aysan dhihin, waxasa xaqiiqa ah in ay dheheen hadalki gaalnimada, weyna gaaloobeen islaamkoodi ka dib.”

Xadiis 2

Xasdiiska macnihiisana:

‘’Masinaysanayo kan sineysanayo markuu sinaysanayo asiga oo muumin ah, mana xadayo kan wax xadayo markuu xadayo asiga oo mumin ah, man cabayo khamrada markuu cabayo asiga oo mumin ah.’’

Rukniga | 1aad

Rumenta Alle
{الله عزو جل}

1.| Taxqiijintiisa

Waxuu ku sugmayaa iimaanka Alle (swt) waxyaabaha soo socdo:

Koow: Rumeynta in ow konkaan leeyahay hal rabbi oo kali u ah abuuritaankiisa iyo lahaantiisa iyo daberi taankiisa iyo kala wadida umuurihiisa arsaqad hanoqoto ama awood ama noolen ama dilid, ama dheef ama dhib, leheena koonkaan rabi kale, wuxuu doono ayuu kaligii sameynayaa wuxuu doono ayuuna xukmiyaa, qofkuu doono ayuu ciseyaa, qofkuu doonana waa duleeyaa.

Cirka iyo dhulkuna xukunkiisa ayay ku jiraan, asiga ayaana wax walba awoodo wax walbana og kana kaaftoon wixi asiga kasoo hara, amarka oo dhana asiga ayaa leh, kherka oo dhana gacantiisa ayuu ku jiraa, wadaag falalkiisa la wadaagayana majiro, ruux awoodiisa ka baxsanna majiro, iskaba dhaaf taase abuurka oo dhan oy kamid yihiin malaaikta iyo dadka iyo jiniga adoomo ayay asiga u yihiin.

Kama baxayaan boqortooyadiisa iyo awoodiisa iyo rabitaankiisa, falalkiisana lama koobi karo oo tiro makoobi karto, tilmaamahaas oo dhan kaligii ayaa iskaleh, wax la wadaagana malaha, mana istaahilo qof aan asiga eheyn mana banaano in loo tiiriyo ama loo sugo wax kamid ah falalkiisa cid aan asiga eheyn.

يَا أَيُّهَا النَّاسُ اعْبُدُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُمْ وَالَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ

﴾Surat: al-Baqarah, 21﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

War dadow caabuda rabigiini idin abuuray adinka iyo kuwi idinka horreyay, waxaadna mudantihiin in aad Alle ka dhowrsataan.”

 قُلِ اللَّـهُمَّ مَالِكَ الْمُلْكِ تُؤْتِي الْمُلْكَ مَن تَشَاءُ وَتَنزِعُ الْمُلْكَ مِمَّن تَشَاءُ
وَتُعِزُّ مَن تَشَاءُ وَتُذِلُّ مَن تَشَاءُ بِيَدِكَ الْخَيْرُ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ

﴾Surat: Aali-Cimraan, 26﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Waxaad dhahdaa allahayow xukunka adigaa leh, waxaad siisaa xukunka qofkaad doonto, waadna ka qaadaa xukunka qofkaad doonato, waxaadna ciseysaa ciddaad doonto, waxaadna dulleysaa ciddaad doonto, gacantaada ayuu kherka ku jiraa, adiga ayaana wax walba awoodo.”

وَما مِن دابَّةٍ فِي الأَرضِ إِلّا عَلَى اللَّـهِ رِزقُها
وَيَعلَمُ مُستَقَرَّها وَمُستَودَعَها كُلٌّ في كِتابٍ مُبينٍ

﴾Surat: Huud, 6﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Ma jirto daabad dhulka ku sugan illaa risiqeeda Alle dul saaranyahay maahane, ogyahayna meesha ay ku hoyan iyo meesha ay ku dhiman, dhamaanna kitaab cad ayay ku suganyihiin.

أَلا لَهُ الخَلقُ وَالأَمرُ تَبارَكَ اللَّـهُ رَبُّ العالَمينَ

﴾Surat: al-Acraaf, 54﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

War hoy abuurka iyo amarka Allaah buu u sugnaaday, barakoobay oo weynaayay barbaariyaha caalamka.”

LABO: Rumenta in uu Alle kaligii leeyahay magacda kuwa ugu wanaagsan iyo sifaadka kuwa ugu dhamestiran, kuwaas uu qaarkod ku baray adoomanka.

وَلِلَّـهِ الأَسماءُ الحُسنى فَادعوهُ بِها وَذَرُوا
الَّذينَ يُلحِدونَ في أَسمائِهِ سَيُجزَونَ ما كانوا يَعمَلونَ

﴾Surat: al-Acraaf, 180﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Alle waxaa u sugnaaday magacyo wanaag badan ee ku barya, kana taga kuwa qaloocinayo magacdiisa waxaana lagu abaal marin doonaa waxa ey camal faleen.”

Xadiis 3

Xadiisku macnahiisu waa:

‘’Alle waxaa u sugnaaday sagaal iyo sagaashan magac, qofki kooba oo ku camal falo janaduu galay, asigana waa hal oo tirada is dheer ayuu jecelyahay.”

Ictiqaadkan Waxaa Asal u ah
Labo Asal oo Waaweyn

(1) Alle wuxuu leyahay magacda wanaagsan iyo sifaatka sarreeya oo dhamestiran, manajirto cid la wadaagto Alle magacdiisa iyo sifaadkiisa oo khalqigiisa ka mid ah.

Magacdiisana waxa kamid ah: (الحي) “Noole” waxaana u sugnaaday sifada nolosha, taas oo waajib ah in loogu sugo wajiga ugu dhamestiran oo ku habon asiga, noloshaasna waa nolol dhamestiran oo joogto ah waxaana ku kulmay cilmi iyo awood iyo wax yaaba kale, nolosha allana billaw hore iyo dhamaad danbe ma laha.

اللَّـهُ لَا إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ لَا تَأْخُذُهُ سِنَةٌ وَلَا نَوْمٌ

﴾Surat: al-Baqarah, 255﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Alle maahane Ilaah kale oo xaq lagu caabudo ma jiro waana kan nool oo u istaagsana maamulka khalqiga, maqabto lilmo iyo hurdaba.”

(2) Alle wuu ka dahirsanyahay sifadka dhiman oo ceebta ah sidoodaba, sida: hurdo iyo awaod la aan iyo jahli iyo gardarro iyo waxa lamidka ah, allana la mid ma‘ahan adomankiisa.

Waxaa waajib ah marka in Alle laga reebo wax walba uu naftiisa ka reebay iyo waxa uu karebay rasuulka (ha ahato naxariis Alle iyo nabadi dushiisa) rabigiis, lana rumeyo in Ilaahey ku sifeysan yahay sifaadka dhamestiran lagana reebo kuwa ka horjeeda oo ah sifaadka xunxun.

لَيْسَ كَمِثْلِهِ شَيْءٌ وَهُوَ السَّمِيعُ الْبَصِيرُ

﴾Surat: ash-Shuraa, 11﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Majiro wax isaga la mid ah waana maqle arag badan.’’

وَمَا رَبُّكَ بِظَلَّامٍ لِّلْعَبِيدِ

﴾Surat: Fussilat, 46﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Ma aha raabigaada mid dulmi badan adoomanka.”

وَمَا كَانَ اللَّـهُ لِيُعْجِزَهُ مِن شَيْءٍ
فِي السَّمَاوَاتِ وَلَا فِي الْأَرْضِ إِنَّهُ كَانَ عَلِيمًا قَدِيرًا

﴾Surat: Faatir, 44﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Ma aheyn Alle mid ay caajis geliyaan wax samooyinka iyo dhulka ku sugnaaday.”

وَما كانَ رَبُّكَ نَسِيًّا

﴾Surat: Maryam, 64﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Me eheen rabigaa mid hilmaan badan.”

Rumenta Magacda Alle
Iyo Sifaadkiisa Iyo Ficiladiisa

Rumenta magacda Alle iyo sifaadkiisa iyo ficiladiisa, waa jidka kaliya oo Alle lagu garan karo laguna caabudi karo sababtuna waxa waaye:

Alle oo kaqariyay khalqiga inta ey nolosha aduunyo jogaan in ay asiga indhaha ku arkaan laakin wuxuu u furay albabkan aqoneed oo ey ku garankaraan rabigoda iyo key cabudayaan wexeyna ku cabudayaan sida ay tahay aqontaas saxiixa ah.

Ruuxi Alle sifaadkiisa oo dhan inkirayna wuxuu caabudayaa wax aan jirin, kan Alle kumetelay adoomankiisana wuxuu caabudayaa sanam. Muslimkana wuxuu caabaudayaa allaha kaliga ah oo loo qasdo waxna la weydiisto, oo dhalin lana dhalin, mana ahaanin qof la mid ah.

Marka loo sugayo Alle magacdiisa suuban waa in la ilaaliyo umuuraha soosocdo:

(1) In loo sugo Alle dhamaan magacda ku soo aroortay quraanka iyo sunada, looguna sugo siday ku soo aroortay iyadoo waxna lagu dareen waxna laga dhimeen.

هُوَ اللَّـهُ الَّذِي لَا إِلَـهَ إِلَّا هُوَ الْمَلِكُ الْقُدُّوسُ السَّلَامُ الْمُؤْمِنُ
الْمُهَيْمِنُ الْعَزِيزُ الْجَبَّارُ الْمُتَكَبِّرُ سُبْحَانَ اللَّـهِ عَمَّا يُشْرِكُونَ

﴾Surat: al-Xashar, 23﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Isaga waa Allahii uusan jirin Ilaah xaq lugu caabudo asiga maahane, waa boqor daahir ah nabadgeliye ah, rumeeye ah, wax walbana hesta, guuleste ah, awood iyo kibir badan, waana ka nazahan yahay waxa ey la wadaajinayaan.

Xadiis 4

Waxaa ku sugnaaday sunada nabiga (naxariis Alle iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee), in uu maqlay nin dhahayo:

‘’Allow waxan kugu weydiisanayaa in ey mahadda adiga kuu sugnaatay Ilaah kale oo xaq lagu caabudana uusan jirin adiga mooyaane, galadeysiga badnaay, abuuray samooyinka iyo dhulka, weynaay oo sharafta lahaay noolaay oo u istaagsanaay umuraha khalqiga.’’

Markaas buu nabiga yiri:

‘’Mataqaanaan waxa uu Alle ku barayay? Markaasey dheheen saxaabadi: Alle iyo rasuulkiisa ayaa og.’’

Markaasuu yiri:

‘’Waxaan ku dhaarta kii gacantiisa nafteyda kujirtaye wuxuu Alle ku baryay magaciisi waynaay oo hadii lagu baryo ajibo hadii lagu waydiistana siiyo).’’ [Waxaa weriyay Abu Dawuud iyo Axmad]

(2) Rumenta in uu Alle asiga isku magacaabay magacdaan kuna magacaabin qof khalqigiisa ka mid ah asiga ayaana naftiisa ku amaanay magacdaas, mana aha wax cusub oo la abuuray.

(3) Rumeenta magacda Alle in ay kutuseyso macno aad u dhamestiran oo naqsi ku jirin waji walba, waxaana waajiba in la rumeyo macnaha ay kutuseyso sida ay waajib u tahay in larumeyo magacdaas.

(4) Waxaa waajiba in la ixtiraamo macnaha magacdaas ey leedahay lana bedelin lana cadilin

(5) Rumenta waxa ka waajib naqanaya magac walba oo magacdaas kamid ah oo axkaam ah iyo waxa kataratub mayo oo falal ah.

Si ay u cadaato shanta arrimood oo lasoo dhaafay waxaan tusaalo ahaan u soo qaadanaynaa magaca Alle oo ah.

()”maql badne” waxaana waajib ah in aad rumeyso waxyaabaha soo socdo:

  1. Rumenta in uu suganyahay magaca “maqle” yahayna magac kamid ah magacda Alle maxaa yeelay waxuu ku sugnaaday quraanka iyo sunada
  2. Rumenta in uu Alle asiga naftisa ku magacaabay magacaas, kuna dhawaaqay, kuna soo dejiyay kitaabkiisa.
  3. Rumenta in uu magaca (السميع) “Maqle” kutusayo sifada “Maqalka” tahayna sifo ka tirsan sifadkiisa.
  4. Waxaa waajiba in la ixtiraamo sifada “Maqalka” oo uu ku tusayo magaca “maqle” lana bedelin macneheeda lana cadilin.
  5. Rumenta in uu Alle maqlo wax walba maqalkiisuna waasic u naqday hadalada oo dhan iyo in la rumeyo waxa kataratub mayo arrinkaas oo ah Alle oo leska ilaaliyo lagana cabsado lana yaqiinsado Alle inaysan waxba kaqarsooneyn.

Waxaa kaloo wajib ah in la ilaaliyo marka lasugayo sifaadka Alle waxybaaha soosocdo:

  1. Sugida sifaadka ku soo arooray quraanka iyo sunada iyadoo waxba laga bedeleyn lana cadileyn.
  2. In laictiqaado ictiqaad goan Alle inuu ku sifeysan yahay sifaad dhamestiran, lagana nazaho sifa walba oo dhiman ama ceeb ah.
  3. In ay sifaadka Alle lamid eheyn sifaadka makhluuqa, maxaa yeelay majiraan wax Alle lamid ah sifaadkiisa hanoqoto ama falalkiisa.

لَيْسَ كَمِثْلِهِ شَيْءٌ وَهُوَ السَّمِيعُ الْبَصِيرُ

Macnaha aayada waxaa waaye:

Majiro wax isaga la mid ah waana maqalbadane arag badan.”

  1. In laga quuston in la ogaado keyfiyada ay sifadaas u taalo maxaa yeelay ma ogo sifada Alle sida ay u taal cid aan asiga aheyn.
  2. Rumenta waxa kataratub mayo sifaadkaas oo axkaam ah.

Si aan u cadeyno arrimaha shanta ah oo lasoo dhaafay waxaan tusaalo ahaan u soo qaadanaynaa sifada “Alle in uu carshigiisaka sareeyo”

Waxaana waajiba ah sifadaan marka lasugayo in lailaaliyo arrimaha soo socdo:

(A) In la rumeeyo Alle in uu carshigiisa ka sara maray, waxaana taas daliil u ah aayaddan:

الرَّحمـنُ عَلَى العَرشِ استَوى

﴾Surat: DaHa, 5﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Raxmaanki carshiga ayuu ka kor maray.”

(B) In loo sugo sifada istawaha Alle sida ugu dhamestiran oo Alle ku habboon macnaheeduna waa: Sarreynta Alle uu ka sara maray carshigiisa si xaqiiqa ah oo ku habboon weyninkisa iyo ka kaaftoonkiisa.

(T) Ka kor marida Alle carshiga la mis maaha ka kor marida khalqiga, maxaa yeelay Alle wuu ka kaaftoomaa carshiga umana baahno, khalqigase wax walb uu ka kor maro waa u baahanyahay.

Waxaana u daliila aayaddan:

لَيْسَ كَمِثْلِهِ شَيْءٌ وَهُوَ السَّمِيعُ الْبَصِيرُ

Macnaha aayada waxaa waaye:

Majiro wax isaga la mid ah, waana maqle arag badan.’’

(J) In aan laga hadlin sida ow Alle ugu dulmaray carshiga maxaa yeelay waa arrin aan ogaal loo leheyn Alle maahane cidkalana ma oga.

(X) Rumenta xukunka ka taratub mayo arrinkaas oo ah in loo sugo Alle weynin iyo isla weynin ku haboon asiga, iyo quluubta oo u jeesato asiga xaga sare, siduu dhahayaba qofka sujuudsan.

{ سبحان ربي الاعلي }

”Waxaa nazahan oo ka hufan rabigeygi sarreyay.”

SADEX: Rumenta adoonka in uu Alle yahay ilaahi xaqa ahaay, oo kaligii xaq ulahaay cibaadada oo dhan kuwa muuqda iyo kuwa qarsoon.

 وَلَقَد بَعَثنا في كُلِّ أُمَّةٍ رَسولًا أَنِ اعبُدُوا اللَّـهَ وَاجتَنِبُوا الطّاغوتَ

﴾Surat: an-Naxl, 36﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Waxaan soo saarnay umad walba dhexdeeda Rasuul in Alle ay caabudaan daaquutkana ka fogaadaan”

Mana jiro rasuul qoomkisa aan ku dhihin.

… اعبُدُوا اللَّـهَ ما لَكُم مِن إِلـهٍ غَيرُهُ …..)

﴾Surat: an-Acraaf, 59﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Caabuda Alle malihidina ilaah aan asiga eheene.”

وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا اللَّـهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ حُنَفَاءَ

﴾Surat: al-Bayinah, 6﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Lama farin in ay caabudaan Alle mooyaane, ayaga oo kali yeelaayo diinta, toosanna.”

Xadiis 5

Waxaa ku soo arooray saxiixenka in uu nabiga ku yiri mucaad:

Ma taqaan xaqa Alle ku leeyahay adoomanka iyo xaqa ay adoomanka ku leeyihiin Alle?

Mucaad wuxuu yiri: Alle iyo rasuulkiisa ayaa og.

Markaa buu nabiga yiri:

  1. Xaqa Alle uu adoomanka ku leeyahay waa in ay caabudaan waxna la wadaajin
  2. Xaqa adoomanka ay Alle ku leeyihiina waa inuusan cadaabin ruux aan waxba la wadaajin.

Allaha xaqa ahna waa: Kan ay quluubtu caabudo kana buuxiso jeceelkiisa jeceelkla asiga waxa kasoo haray, kagana kaaftoonto rajentiisa rajada cid kale, kagana deeqtoonto weydiintiisa iyo kaalmadiisa iyo cabsidiisa asiga cid aan eheyn.

ذَلِكَ بِأَنَّ اللَّـهَ هُوَ الْحَقُّ وَأَنَّ مَا يَدْعُونَ مِن دُونِهِ
هُوَ الْبَاطِلُ وَأَنَّ اللَّـهَ هُوَ الْعَلِيُّ الْكَبِيرُ

﴾Surat: al-Xajj, 62﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Kaasi waxaa ugu wacan in Alle asiga xaq yahay, waxa ay caabudayaan sokodiisna baadil yahay, allana asigaa sareeye weyn ah

Kaasna waa u kaliyeelka Alle falalka adoomanka.

Ahamiyada Towxiidka

Waxaa kuu cadeynayo ahamiyada towxiidka waxyaabaha soo socdo:

(1) Towxiidka waa waxa ugu horreeyo diinta uguna danbeeyo ahna diinta dusheeda iyo gudeheeda, waana waxey u yeereen rusushii Alle uu soo diray -nabad gelyo dushooda ha ahaatee.

(2) Towxiidkaan dartiis ayuu Alle khalqiga u uumay rusushana u soo diray kutubtana u soo dejiyay, asiga dartiis ayay dadkana isku khilaafeen oy u qeebsameen kuwa rumeeyay iyo gaalo, kuwa liibaanay iyo kuwo halaagmay.

(3) Waa waxa ugu horreyo oo waajib ku ah mukalafka (waa ruuxa qaangaarka ah cudur daarna leheyn sida waalli iyo wixi la mid ah)

Waana waxa ugu horreyo uu kugelaayo adoonka islaamka iyo waxa ugu danbeeyo uu uga baxayo aduunka.

Taxqiijinta Towxiidka

Taxqiijinta towxiidka waa: in laga saaro oo laga sifeeyo shirkiga oo dhan iyo bidaca iyo macaasida, taxqiijintaanna waa labo qeybood, mid waajiba iyo mid manduuba (waa wixi samentoodana ajir laga helaayo kategidoodana danbi aan laga qaadeyn)

Kan waajibka ah waxaa laga rabaa in laga helo seax arrimood:

(A) In laga sifeeyo shirkiga burinayana towxiidka asalkiisa.

(B) – In laga saaro wixi bidaco ah oo burinayo dhamestirka towxiidka, ama burinayo asalkiisa haday bidcadu tahay bidcado gaaleyneyso qofka.

(T) In laga saaro macaasida iyo danbiyada dhimayo ajirka laga heli lahaa towxiidka, dhibna u geysaneyso.

Kan manduubka ahna waa kan la amray amar aan waajib eheyn waxaana tusaalo u ah waxa soo socdo:

(A) Sugida dhamestirka darajada ixsaanka.

(oo ah in aad u caabudid Alle adigoo arkaya oo kale, hadaadan arkeynna asigaa ku arkaya.)

(B) Sugida dhamestirka dharajada yaqiinka (waana in aad si shaki la‘ana u ogaato rabinimada iyo ilaahnimada Alle kaliya).

(C) Sugida dhamestirka sabarka qurxoon oo ah in aadan u ashtakoon Alle cid aan eheyn.

(D) Sugida dhamestirka ku kaaftoonka weydiinta Alle, cid aan isaga eheynna waxba aadan weydiin.

(E) Taxqiijinta darajada talasaarashada oo ah kategida waxyaabaha qaar oo banana sida, istirqaga iyo isgubida ugana tegtid talasaarasho aad Alle talo saaraneysid.

(F) Dhamestirka darajada: Jeceelka cibaadada oo ah in Alle loogu dhawaado cibaadada naafilada ah oo waajibka aan eheyn.

Qofki u suga towxiidka sida la soosheegay kana nabadgalo shirkiga weyn waxuu kanabad geli in uu ku waaro naar, ruuxise kana badgalo shirkiga weyn iyo kan yar, kana fogaado danbiyada waaweyn iyo macaasida waxuu lee yahay nabadgelyo buuxdo aduun iyo aakhiro.

إِنَّ اللَّـهَ لَا يَغْفِرُ أَن يُشْرَكَ بِهِ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ
لِمَن يَشَاءُ وَمَن يُشْرِكْ بِاللَّـهِ فَقَدِ افْتَرَىٰ إِثْمًا عَظِيمًا

﴾Surat: an-Nisaa, 48﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

‘’Alle ma dhaafo in lala wadaajiyo cibaadada waxuusa ka dhaafaa wixi ka soo haro ruuxow doono

الَّذينَ آمَنوا وَلَم يَلبِسوا إيمانَهُم بِظُلمٍ أُولـئِكَ لَهُمُ الأَمنُ وَهُم مُهتَدونَ

﴾Surat: al-Ancaam, 82﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Kuwii rumeeyay oon ku dheehin iimaankooda dulmi (shirki) kuwaas ayay nabadgelyo u sugantahay ayagaana hanuunsana.

Towxiidka Waxaa Ka Hor Jeedo
Shirkiga, Waana Sadex Qeebood:

(A) Shirki weyn oo burinaayo asalka towxidka.

Illaheyna madhaafo in looga towba keeno maahane, qofka dhinto isagoon katowba keenin naarta ayuu ku waaraa, waxaa waayane in ow adoonka Alle u yeelo kuwa kula mid ah cibaadada, una baryayo sida uu Alle u baryayo una qasdayo, talo saaranayo, rajeynayo ama jeclaado ugana cabsado sida uu Alle u jecelyahay ugana cabsado.

إِنَّهُ مَن يُشْرِكْ بِاللَّـهِ فَقَدْ حَرَّمَ اللَّـهُ عَلَيْهِ الْجَنَّةَ وَمَأْوَاهُ النَّارُ وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ أَنصَارٍ

﴾Surat: al-Maa’idah, 72﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Ruuxi Alle u shariig yeela wuxuu ka xarrimay jannada, hoygiisana waa naarta, daalimiintana uma sugnaanin gargaarayaal.

(B) Shirki yar oo diidayo dhamestirnaanta towxiidka, waana wax walbo oo jid u ah shirkiga weyn, sida in lagu dhaarto Alle waxaan eheyn, iyo wax yar oo istustus ah oo Alle dartiis loo sameynin.

(T) Shirkiga qarsoon, waana kan ku xariirsan niyadaha iyo maqaasida, wuxuuna naqankaraa shirki weyn ama mid yar sida la soo dhaafay.

Xadiis 6

Saxaabiga layiraahdo (مَحْمُودِ بْنِ لَبِيدٍ) Maxmud bin Labiid waxuu nabiga ka wariyay in uu yiri:

‘’Waxaan ugu cabsi badanahay oo aan idinkaga cabsanayo waa shirkiga yar. Markaa bey wexey dheheen waa maxay shirkiga yar? Waxuu yiri: waa istuska.’’ [Imaam axmad baa weriyay].

2.| Cadeenta Cibaadada

Cibaadadu waa magac kulmiyo wax walbo uu Alle jecelyahay raalina kayahay oo caqiidaa ama falalka qalbiga ama falalka xubnaha ama wax walba oo Alle loogu dhawaanayo oo wax lafalayo ah ama wax laga reebtoomayo.

Waxaana soo hoos gelayo magaca cibaadada wax walba uu ku sharciyeeyay Alle kitaabkiisa iyo sunnada rasuulkiisa muxamad waana cibaadooyin kala duwan, waxaa kamida qaar qalbiga la xariiro, sida arkaanta iimaanka oo lixda ah iyo cabsida iyo rajada iyo tala saarshada iyo rabida iyo wixi lamid ah, waxaa kale oo kamid ah cibaado muuqato sida:

  • Salaada
  • Zakada
  • Soonka
  • Xajka

Cibaadadana ma ansaxeyso hadii aan lagu saleen laba arimood:

(1) In loo gaar yeelo cibadada Alle cidnana lala wadaajin, kan macnihiisana waa qiritaanka Alle maahane Alle kale oo xaq algu caabudo in uusan jirin.

أَلَا لِلَّـهِ الدِّينُ الْخَالِصُ وَالَّذِينَ اتَّخَذُوا مِن دُونِهِ أَوْلِيَاءَ مَا نَعْبُدُهُمْ إِلَّا لِيُقَرِّبُونَا إِلَى اللَّـهِ زُلْفَى إِنَّ اللَّـهَ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ فِي مَا هُمْ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ إِنَّ اللَّـهَ لَا يَهْدِي مَنْ هُوَ كَاذِبٌ كَفَّارٌ

﴾Surat: az-Zumar, 3﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

War hoy Alle ayuu u sugnaaday diinka khaaliska ah, kuwa kayeeshay sokadiisana owliyada dhahayana. Uma caabudeyno in ay noo dhaweeyaan Alle moyane dhawaasho, Allaana kala xukmin dadka waxey isku khilaafeen, Allaahna ma hanuuniyo qof ah beenlow gaalnimo badan.

وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا اللَّـهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ حُنَفَاءَ

﴾Surat: al-Bayinah, 6﴿

Macnaha aayada waa hor maray:

(2) In la raaco waxa ow la yimid rasuulka Muxammad (naxariis Alle iyo nabad dushiisa ha ahaatee), oo ah in ow sameeyo adoonka waxa ow sameyay nabiga iyo wajiga ow u sameyay isagoon waxba ku daren waxna ka dhimeen, kana waa macnaha qiritaanka in ow muxamad rasuulki Alle yahay.

قُلْ إِن كُنتُمْ تُحِبُّونَ اللَّـهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللَّـهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَاللَّـهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ

﴾Surat: Aali-Cimraan, 31﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Waxad ku dhahdaa hadaad jeceshihiin Alle isoo raaca Alle ayaa idin jeclaanayee, idiina dhaafaya dunuubtiinna.

وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانتَهُوا

﴾Surat: Al-Xashar, 7﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Wuxuu idiinla yimid rasuulka qaata waxa uu idinka reebayna ka dhamaada.

فَلَا وَرَبِّكَ لَا يُؤْمِنُونَ حَتَّىٰ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ
ثُمَّ لَا يَجِدُوا فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُوا تَسْلِيمًا

﴾Surat: An-Nisaa, 65﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Rabigaa baan ku dhaarane ma rumeynayaan intey kaaga dhigaan xukun waxa dhex maro, ayna ka helaan naftooda dhib waxad xakuntay, ey hogaansanmaan hogaan.

Adoonnimada dhamestiranna waxey ku sugnaaneysaa laba arrimood:

  1. Jeceel Alle oo dhameestiran, iyo jeceelka waxa uu jecelyahay, kaasoo laga hormarinayo jeceelka wax walba oo ka soo haray
  2. Si dhamestiran in leeskugu dull eeyo Alle looguna jajabnaado, oo la fuliyo amarkiisa lagana fogaado waxuu reebay.

Marka cibaadada waxey kulmisay jeceel dhamestiran iyo is jajabnaan iyo rajo iyo cabsi, sidaas ayayna ku sugnaaneysaa adoonimada uu u yahay adoonka rabigiis iyo uumihiisa, haduu adoonka layimaado adoonimadaas wuxuu gaarayaa jeceelka Alle iyo raalinimadiisa.

Allena wuxuu jecel yahay inuu adoonka ugu soo dhawaado waxa uu ku waajib yeelay oo faraa’id ah, mar walbo uu adoonka badiyo cibaadada aan waajibka eheynna Alle ayuu u sii dhawaadaa kor ayayna u kacdaa darajadiisa.

Arinkaasna wuxuu kamid yahay sababaha lagu galo jannada fadli iyo naxariis Alle.

ادعوا رَبَّكُم تَضَرُّعًا وَخُفيَةً إِنَّهُ لا يُحِبُّ المُعتَدينَ

﴾Surat: Al-Acraaf, 55﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

U barya rabigiin si khushuuc ah iyo qarsoodi, asiga majeclo kuwa xad gudbay.

(3) Adillada kali nimada Alle Waxyaabaha marg u ah kali nimada Alle wey badanyihiin, ruuxi u fiirsada oo maskaxdiisa ka shaqeysiiyana wuxuu si huban u ogaanayaa kalinimada raibiga, iyo u kalinimadiisa falalkiisa iyo magacdiisa iyo sifaadkiisa iyo ilaahnimadiisa.

Adiladaas iyo xujooyinkaas waxaa kamid ah tusaalo ahaan kuwa soo socda:

(A) Weyninka koonkaan iyo wanaaga samentiisa iyo kala duwanaashaha uumkiisa, iyo nidaamka aadka u sugan ow ku socdo, ruux walba oo arinkaa u fiirsadana wuxuu ugaadaa kalinamada Alle (swt), kan u fiirsanaya abuuritaanka samooyinka iyo dhulka iyo abuurka qoraxda iyo dayaxa iyo abuurka dadka iyo xayawaanka iyo abuurka dhirta iyo jamaadka wuxuu ogaanayaa si huban in uunkaan ow leeyahay mid abuuray oo u dhamestiran magacdiisa iyo sifaadkiisa iyo ilaahnimadiisa taasna wexey ku tusee in uu kaligii cibaadada mudanyahay.

وَلَقَدِ استُهزِئَ بِرُسُلٍ مِن قَبلِكَ فَحاقَ بِالَّذينَ
سَخِروا مِنهُم ما كانوا بِهِ يَستَهزِئونَ ﴿٤١

قُل مَن يَكلَؤُكُم بِاللَّيلِ وَالنَّهارِ مِنَ الرَّحمـنِ
بَل هُم عَن ذِكرِ رَبِّهِم مُعرِضونَ ﴿٤٢

﴾Surat: Al-Ambiyaa, 31-32﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Waxaan kayeelnay dhulka sugayaal inayna la liican dadka, waxaana kayeelnay dhexdeeda (buuraha) wadooyin,waxeyna mudan yihiin in ay ku toosaan,waxaan kayeelnay samada saqaf (dabool) ilaalsan ayagna calaamooyinkeeda ayay ka jeesanayan, Alle waa kan aburay habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa, mid kastana falag (wareeg) ayuu dhex dabaashaa.

وَمِنْ آيَاتِهِ خَلْقُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ
وَاخْتِلَافُ أَلْسِنَتِكُمْ وَأَلْوَانِكُمْ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِّلْعَالِمِينَ

﴾Surat: Ar-Ruum, 22﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Aayadahisa waxaa kamid ah abuurka samooyinka iyo dhulka iyo kala duwanaashaha carabyadiina iyo medebbadiina, taasina calaamad ayaa ugu sugan kuwa cilmiga leh.

(B) Wuxuu Alle kusoo saaray rususha oo ah sharciyada iyo waxa ow ku xoojiyay oo ah aayado iyo calaamaad iyo mucjisooyin iyo xujooyin kuwaas oo kutusayo kalinimada Alle iyo in uu cibaadada kali u yahay, waxa Allena u sharciyeeyay khalqigiisa oo axkaan ah waxa waye daliil cad oo ku tusayo in uusan arrinkaas sameykarin mid aan rabbi eheyn, aadna u xeeldheer, cilmi badanna u leh khalqigiisa iyo waxa u wanaagsan.

لَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا بِالْبَيِّنَاتِ وَأَنزَلْنَا مَعَهُمُ الْكِتَابَ وَالْمِيزَانَ لِيَقُومَ النَّاسُ بِالْقِسْطِ

﴾Surat: al-Xadiid, 25﴿

Macnaha aayada waxaa waaye:

Waxaan dhab ahaan ku dirny rususheyna aayado cad cad, waxaana lasoo dejinay kitaabka iyo miisaanka si dadka ugu toosaan cadaalad.”

 قُل لَئِنِ اجتَمَعَتِ الإِنسُ وَالجِنُّ عَلى أَن يَأتوا بِمِثلِ هـذَا القُرآنِ
لا يَأتونَ بِمِثلِهِ وَلَو كانَ بَعضُهُم لِبَعضٍ ظَهيرًا

Macnaha aayada waxaa waaye:

Ku dheh haday u kulmaan insiga iyo jinniga in ay layimaadaan mid la mid ah quraankaan, lama imaanayaan mid la mid ah, haday ahaadaan qaarkod kuwa u gargaara qaarka kale.

(T) Waxaa kale oo daliil ah fidrada uu Alle ku abuuray qalbiyada adoomanka,taasoo ah qiritaanka kalinimada Alle, waana amar kusugan nafta, hadii uu insaanku dareemo dhib wuxuu helaa arinkaas iyo fidradaas Alle ayuuna u soo noqdaa, hadow insaanku kabadbaado shubuhaadka iyo shahawaadaka bedelaysa fidradiisa kama heleen gudaha naftiisa in ow qiro ogolaadana u kalinimada Alle ilaahnimada iyo magacdiisa iyo sifaadkisa iyo falalkiisa iyo in ow ogolaado iskuna dhiibo sharcigiisa ow ku soo saaray rusushiisa (naxariis iyo nabadgelyo Alle dushooda ha yeelee) arrinkaas mooyaane wax kale kama heleen gudaha naftiisa.

Surat ar-Ruum 30-31

Macnaha aayada waxaa waaye:

U jeedi wejigaada diinta adiga oo toosan,diintu waa fidradi Alle ku dul abuuray dadka, lama bedeli karo uumida Alle, kaasina waa diinka toosan, laakiin badida dadka ma ogo,ayagoo usoo noqonayo Alle kana dhorsada, oogana salaadda, hana kamid naqanina gaalada.”

Xadiis 7

Macnaha xadiiskana waxa waaye:

”Ruux walbo oo la dhalo waxaa lagu dhalaa fidrada (Islaamka), labadiisa waalid ayaana yahuudi kadhigayo ama nasraani ama majuus, sida ow neefkuba u dhalo neef kale oo dhamestiran maka dareemeysaan dhinac (sida gees iyo dheg) ka goan, markaa buu kadib akhriyay.” [Bukhaari ayaana weriayay] 

Aayah

Halkaan waxaa ku dhamaaday Arkaanta Iimaanka qaybtiisa 1aad. Fadlan la soco qaybta 2aad oo aanu ku soo qaadan doona Rumeynta Malaa’ikta Alle (swt).

Wa Billaahi Tawfiiq.

Fadlan la soco qaybta xigta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Rukniga 2aad oo ku saabsan Rumeynta (Malaa’ikta) Alle (swt) soo dejiyay.

Lixda Rukni ee Arkaanta Iimaanka

Rukniga 1aad

Rukniga 2aad

Rukniga 3aad

Rukniga 4aad

Rukniga 5aad

Rukniga 6aad

Wa Jazaakum Allaahu Khayran.