Silsiladda Taariikhda Ururada
Diiniga Ah Ee Soomaliya

Qeybta | 8aad

Decorative Lines

Sayyid Qudb

Sida aan horay u soo sheegnay hanuunka diinta ee Sayid Qudub wuxu bilowday intii uu joogay Maraykan, waxaana ka muuqanaysa hadaladiisa inuu markiisii hore ahaa nin caadi ah oo u dhaqma sida ay u dhaqmaan dadka aan wadaadada ahayn. Waxa uu qoraaladiisa ku cadeeyay in markii uu baraaruga Islaamka fahmay uu kala doortay laba wado oo ah midii uu horay ugu socday iyo wadada cusub ee uu doonayo inuu hada qaado, wuxuna yiri “Ma waxaan u imid Maraykanka inaan ahaado mid tacbaana, sida kuwa ku qancay hurdada iyo hadalka qabow? Mise waa inaan ka soocnaado kuwaas oo noqdo mid leh qiimo iyo ruux nool? Ma waxaa jira wax aan Islaamka ahayn oo aan qabsan karo raacina karo dariiqiisa, xili dhexda looga jiro dhibaato, shahwo aan dhamaad laheyn sida xoolaha, raaxo iyo dambiyo aad u fool xun? Anigu waxaan doortay wadada dambe” ayuu yiri Sayid Qudub.

Kusoo Noqoshadiisii Masar

Sayidku wuxu kusoo gabagabeeyay safarkiisii in Maraykanku uu yahay mid jaahila oo ka dhar la’ dhanka caqiidada, aartiska, iyo ruuxdaba. Qibradda uu kasoo helay Maraykankana waxay natiijadeedii noqotay inuu diido oo naceyb u qaado qaab-nololeedka reer Galbeedka, uuna u dhawaado dhanka asal-raacnimada diinta Islaamka.

Markii uu kusoo noqday Masar, durbadiiba wuxu iska casilay shaqadii uu u hayay dowladda ee Wasaarada Waxbarashada, wuxuuna ku biiray ururkii Ikhwaan Muslimiinka sannadkii 1953-dii oo ahaa sanadkii uu kusoo noqday Masar. Wuxu tafaftire ka noqday isla markiiba wargeys todobaadle ahaa oo ay soo saari jireen Ikhwaanku lana oran jiray Al-Ikhwaan Al-Muslimiin. Kadibna wuxu uga sii dalacay inuu noqday madaxa qaybta Barabagaandada ee ururka Ikhwaan Muslimiinka. Waxa kaloo loo magacaabay inuu xubin ka noqdo laba gole oo kala ahaa Gudiga Shaqada iyo Golaha Hanuuninta.

Sida aan kor kusoo marnay Sayid Qudub oo dib ugu soo laabtay Masar 1953-dii waxa la xiray hal sanno kadib 1954, kadib markii Ikhwaanku ay ku fashilmeen isku daygii dilkii Jamal C/nasir. Sayid Qudub wuxu xirnaa muddo 10 sanno ah, saddexdii sanno ee ugu horaysayna wuxu ku jiray xabsi ciqaab culus ah, oo uu kala kulmay jir-dil iyo ciqaab aad u weyn. 7-dii sanno ee ugu dambeysay wuxu ku xirnaa xabsi caadi ah, wuxuna fursad u helay inuu qoro dhowr kitaab oo ay ka mid ahaayeen Macaalim Fi-Dariiq iyo Fii Dilaal Al-Qur’aan. Sida aan horay usoo sheegnay Sayid Qudub wuxu kusoo biiray baraaruga Islaamka intii uu joogay Maraykan gaar ahaan sanadkii 1949, wuxuna isla sanadkaas qoray buugiisa Cadaala Al-Ijtimaaciya.

Qofkii u fiirsada qoraaladaas iyo xaaladaha Sayid Qudub oo mar ah inuu ku cusbaa hanuunka diinta Islaamka, marna ah inuu ahaa nin lagu ciqaabay xabsiga, waxa ka muuqanaya qoraaladiisa ciil iyo caro weyn ee uu u qabay dowladdii Masar ee uu hogaaminayay Jamaal C/nasir iyo wadamadii taageersanaa. Laakin nasiib daro ciilkii iyo caradii uu u qabay qoladaas wuxu kula dhacay shucuubta Muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan qaar ka mid ah Asxaabtii Nabi Max’ed SWC, oo uu meel uga dhacay qoraaladiisa.

Sayid Qudub wuxu ahaa hadana yahay aabihii abuuray fikirka TAKFIIRIGA AH, ee qarnigii 20aad, waana shiikha ay ka dab-qaataan kooxaha Takfiirka ama Khawaarijta casrigan. Sayid Qudub wuxu ku sheegay qoraaladiisa in shucuubta Muslimiintu ay ku sugan yihiin Jaahiliyo la mid ah midii ay carabtu ku sugneyd ka hor intaan lasoo dirin Nabi Max’ed SWC, wuxuna sheegay in loo baahan yahay in shucuubta laga soo saaro jaahiliyadaas ama gaalnimadaas. Sayidku wuxu ku sheegay buugiisa Macaalim Fi-Dariiq in Ragga ka aadaama Masaajidda ay yihiin gaalo, maadaama aysan garaneyn macnaha aadaanka ay ku dhawaaqayaan.

Wuxu kaloo ku shegay isla buugaas hadal ka yaabiyay culumada Islaamka oo uu ku yiri “Shucuubta Muslimiintu waxay ka dabar go’een aduunka qarniyo ka hor” Sayidku wuxu tusaale u soo qaatay in waqtigii Nabi Max’ed SWC marka ay Asxaabtu soo Muslimaan inay ka shalaayi jireen ficiladoodii waqtigii Jaahiliga, ayna ka fogaan jireen, qofkii dambi gala ama ku laabta Jaahiliyadaasna uu mar labaad isku daahirin jiray Quraanka. Waxana wax lala yaabo noqotay inuu jiray Saxaabi soo Muslimay hadana dib ugu laabtay Jaahiliyo iyo Gaalnimo.

Wuxu kaloo Sayid Qudub sheegay hadal haddii la saaro miisaanka uu isagu wax saaray kuna gaaleeyay Muslimiinta, isaga ka saari lahaa diinta, haddii aanan loogu cudur daarin jahli iwm. Wuxu yiri Sayidku “Colaada noo dhaxaysa anaga (Muslimiinta) iyo Yuhuuda, ma aha colaad diineed ee waa colaad dhul” oo macnaheedu yahay haddii ay Yuhuudu ka kacdo dhulka Falastiin, wax colaad ah oo noo dhexeyn lahaa ma jirteen.

Inta aan kor kusoo sheegay oo dhan waxay noqonaysaa caano iyo nabad haddii la barbardhigo caqiidada iyo hadalada kale ee uu aamin sanaa Sayid Qudub. Buugiisa Cadaala Al-Ijtimaaciya ee uu ku qoray Maraykanka sannadkii 1949, wuxu ku sheegay in “Nabi Muuse CS uu ahaa nin qabiiliiste ah” “Rajul Casabi” oo macnaheedu yahay inuu u hiiliyay Reer Bani Israa’iil uuna uga hiiliyay Reer Fircoon oo Masaari asala ah.

Wuxu kaloo Sayid Qudub meel ka dhac weyn ka qoray Saxaabada ay ka midka yihiin:

  • Cismaan Bin Cafaan,
  • Mucaawiye Bin Abii Sufyaan iyo
  • Camar Bin Caas

Sida la ogyahay Shiicadu waxay aaminsan yihiin in qilaafada Islaamka uu lahaa Cali Bin Abii Daalib, kadib markii uu dhintay Cumar Bin Khadaab, laakiin uu ka boobay kursiga Cismaan Bin Cafaan waa sida ay qabaane. Isagoo ka dab-qaadanaya fikirkaas wuxu Sayid Qudub qoray in Cismaan Bin Cafaan uu ahaa “Fitno umadda loosoo diray” Wuxuna ku tilmaamay Mucaawiye iyo Camar Bin Caas oo kasoo jeeday safka kale ee qilaafku kala dhexeeyay Cali Bin Abi Daalib, inay ahaayeen rag la dhex wareegi jiray ciidanka Asxaabta “Laaluush” Qofkii raba wuxu ka daalacan karaa fikirka Sayid Qudub kutubtiisa aan kor kusoo sheegnay iyo kuwa kalaba.

Waxaana hubaal ah in ururada Islaamiga ah ee maanta jira ay si toos ah iyo si dadbanba uga biyo cabeen kutubka Sayid Qudub. Tusaale ahaan, ururka loo yaqaan Al-Takfiir wuxu si toos ah u aaminsan yahay in shucuubta Muslimiintu ay yihiin Gaalo maadaama ay ku raali noqdeen inuu xukumo madaxweyne aan ku dhaqmin Shareecada Islaamka, sidaas darteedna aan la cuni karin xoolaha ay gowracaan ee lagu gado kawaanada, isla markaana aan lagu daba tukan karin Iimaamyada masaajidda Muslimiinta ka tujiya, maadaama aysan aqoon macnaha saxda ah ee aadaanka iyo Faataxada.

Sidaas darteedna aan lagu duugi karin qabuuraha Muslimiinta, ayna ka furanto ragaas dumarka ay qabaan. Waxay kasoo reebaan qofkii la aamina fikirkaas ee iyaga ka mid ah in la cuni karo xoolaha uu gowraco, laguna daba tukan karo. Dhanka kale ururada intoodaba badan waxa manhajka kutubtooda la aqriyo ka mid ah Macaalim Fi Dariiq, Fii Dilaal Al Qur’aan iyo kutubta kale ee Sayid Qudub. Waxaanan hubaa anigu shaqsiyan indhahaygana aan ku arkay in loo aqrin jiray kutubtaas xubnaha ururada Al-Itixaad iyo Wuxdada oo ka dhisnaan jirtay Waqooyiga Soomaliya, markii dambana ku midoobay magaca Al-Itixaad.

Sidoo kale ururka Al-Islaax ee ka dhisan Soomaaliya wuxu si toos ah ugu xiran yahay Ikhwaan Muslimiin oo uu u matalo Soomaaliya, manhajka kutubtoodana waxa ka mid ah kutubta Sayid Khudub, inkastoo Al-Islaaxu ay u janjeeraan dhanka qunyar-socodka Akhwaanka oo ay iska ilaaliyaan inay gaalaysiiyaan shucuubta Muslimiinta. Natiijadii kutubtaas iyo ardaydii kasoo aflaxday barashada kutubtaasna waxay maanta ka muuqdaan wadooyinka magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaliya, ee lagu qarxiyo laguna gowraco Muslimiin la gaalaysiiyay oo aan waxba galabsan.

Markii Xabsiga Laga Soo Daayay

Sayyid Qudb

Sayid Qudub waxa laga soo daayay xabsigii uu ku xirnaa dhamaadkii sanadkii 1964, kadib markii Ra’isal Wasaarihii Ciraaq ee xiligaas Cabdisalaam Cariif uu ka codsaday Jamaal C/nasir inuu soo daayo Sayid Qudub. Laakiin 8 bilood kadib waxa dib loogu celiyay xabsigii sanadkii 1965-tii, waxana lagu eedeeyay qorshe afgambi oo been ah.

Waxa la saaray maxkamad, qodobadii lagu eedeeyay intooda badana waxa laga soo qaatay kitaabkiisa Macaalim Fi-Dariiq, laakin sidii uu u qoray ayuu u difaacay, gunaanadkii maxkamaduna wuxu noqday in lagu xukumay dil isaga iyo lix nin oo kale. 29 Agoosto 1966 ayuu dhintay Sayid Qudub kadib markii la daldalay. Waxaa la sheegaa in markii la surayay xariga uu askarigii waday u qabtay Towxiidka, uuna Sayidku ugu jawaabay kalimadaas macnaheeda saxda ah ayaa la igu dilayaa, adiguna waxad rabtaa inaad aniga hada i barto.

Hadalada hoos ku qoran waxaan kasoo guuriyay buug uu qoray Sayid Qudub, wuxuna yiri “Waa lagama maarmaan in Islaamku uu wax xukumo, sababtoo ah waa caqiidada kaliya ee wanaagsan waxna dhisi karta, caqiidadaas oo laga soo minguuriyay Kirishtaanka iyo Shuuciyada oo wada jira, waliba si dhameystiran u soo koobaysa ujeedooyinka Kirishtaanka iyo Shuuciyada, waxayna caqiidada Islaamku ku kordhinaysaa ‘mida Kirishtaanka iyo Shuuciyada’ isku-dheelitiraan, isku soo dhawaasho iyo cadaalad’ Wuxuna hadalkaasi ku qoran yahay buugiisa Macrakatul Islaam Wa Raasamaaliyah.

”And it is necessary for Islaam to judge, since it is a unique, constructive and positivist aqidah which has been moulded and shaped from Christianity and Communism together, [with a]blending in the most perfect of ways and which comprises all of their (i.e Christianity and Communism’s) objectives and adds in addition to them harmony, balance and justice.”

Hadalada Sayid Qudub waxa ka muuqanaya aqoon daro dhanka diinta Islaamka ah, taasoo gaarsiisay inuu Caqiidada Islaamka ku tilmaamo mid laga soo minguuriyay Kirishtaanka iyo Shuuciyada. Ama hadaanba niyada u wanaajino wuxu hadalkiisu ku biyo shubanayaa inuu Kirishtaanka iyo Shuuciyada u arkayay inay yihiin kuwo raadinaya caqiido ku dhisan wanaag, wax-dhisid, cadaalad, isku-soo dhawaasho, sinaan iyo isku-dheelitiraan horumarineed. Waxaana xusid mudan in kooxaha ka dabqaata Sayid Qudub ay ku eedeeyaan Muslmiinta fikirkooda diidan inay yihiin kuwo aan aqoon u laheyn siyaasada aduunka maanta ka jirta, xili ay iyagu aaminsan yihiin in Kirishtaanka iyo Shuuciyadu ay raadinayaan tilmaamaha wanaagsan ee uu shiikhoodu kor kusoo sheegay.

Waxa kaloo hadalada Sayid Khudub ka muuqanaysa inuu isku qalday diimaha iyo mabaadida siyaasiga ah, oo waxay ku habooneyd inuu ka hadlo diimo sida Islaam, Kirishtaan, Hinduus, Yahuud iwm. Ama uu ka hadlo mabaadi’da siyaasiga ah sida Shuuciyo iyo Dimuqraadiyo. Laakin wuxu soo qaatay Kirishtaan iyo Shuuciyo. Wuxuna qoraalkiisu u muuqdaa mid ku gaafwareegayay awoodihii siyaasadeed ee xiligaas jiray ee ay kala hogaaminayeen Maraykanka iyo Ruush (Midowgii Soofiyeeti) sidaas darteedna awoodii Nato ee Maraykan horkacayay wuxu kasoo qaaday inay yihiin Kirishtaan, halka uu awoodii Warso ee Midowga Soofiyeetna kasoo qaaday inay yihiin Shuuciyo.

Intaas kadibna wuxu isku dayay inuu labadaas isbahaysi u muujiyo in iyaga iyo Islaamku aysan kala fogeyn ayna isku hadaf raadinayaan hadafkaas oo ah sinaan, cadaalad, wanaag iyo iskusoo-dhawaasho. Waaba haddii aan Sayidku u wanaajino niyadda, haddii kale waxaa qoraalkiisa ku cad in diinta Islaamka laga soo minguuriyay Kirishtaan iyo Shuuciyo. Waxaanan halkaan kusoo lifaaqay qoraaladiisa oo ku qoran Carabi, English iyo Soomaali si aan loo oron waa laga been sheegay Sayidka oo qof walba uu ula laabto fasiraada qoraalkiisa qaamuusyada agtiisa yaal.

Rabi ha u naxariisto Sayid Qudub iyo Muslimiinta kalaba. Waxanan Rabi uga baryayaa inuu u dambi dhaafo, wixi jahli iyo Ta’wiil qalada uu ku sameeyayna u cafiyo. Waxanan ka digayaa in akhristayaashu ay ku gaalnimo xukmiyaan Sayid Qudub, marka ay arkaan hadaladiisa qaarkood oo gaalnimo ka muuqato. Waana mida loogu diiday qof walba inuu ku gaalnimo xukmiyo qof kale oo qalad ku dhacay ilaa la hubiyo waxa ku xambaaray qofkaas ficilka gaalnimada ah sida in la fiiriyo inuu cudurdaar leeyahay. Waxana ka mid ah cudur daarka qofka ka fakinaya gaalnimada jahli, ta’wiil qaldan, gaf uu ka xaday afku iwm.

Email: silsilada@gmail.com