Arkaanta Iimaanka 
أركان الإيمان

Rukniga | 2aad
Rumeenta Malaa’ikta

Decorative Lines

bismillah

Rumenta Malaikta

Mahad oo dhan Allaah bay u sugnaatay. Isaga ayaan u mahad noqeynaa, Isaga ayaana kaalmo weeydiisan haynaa. Isaga ayaana hanuun weydiisan haynaa. Allaah ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Allaah kor ahaayee qofkuu hanuuniyo wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa majiro. Waxaan nafteydii u qiraayaa Allaah mooyaane inuusan jirin Ilaah kale oo xaq lagu caabido. Nabi Muxammad-na (naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaato) inuu yahay Rasuulkii Allaah.

Walaalaheena mu’miniinta ahaaw waxaan halkaan kusoo gudbineynaa qoraaladaan oo muhiimad weyn u leh qofka muslimka ah, waajibna ku tahay in uu si fiican u fahmo caqiidada islaamka, qaasatan (Arkaanta Iimaanka) oo aan duruustaan ku soo qaadan doono taasoo ay ka kooban tahay seddex qaybood. Tani waa qaybta 1aad Inshaa Allaah waxaa xigi doono labada qaybood ee ka haray darsigaan ku saabsan Imaanka.

Duruus Muhiim u ah Ummada

أركان الإيمان في الإسلام ستة هي الإيمان بالله
وملائكته وكتبه ورسله واليوم الآخر والقدر خيره وشره

Arkaanta Iimaanka Waa 6
Waxeyna ka kooban tahay:

……….

1

Rumeynta Alle (swt)

الإيمان بالله عز وجل

١

2

Malaaiktiisa

الإيمان بالملائكة

٢

3

Kutubtiisa

الإيمان بالكتب السماوية

٣

4

Rusushiisa

الإيمان بالأنبياء و الرسل

٤

5

Maalinta Aakhiro

الإيمان باليوم الآخر

٥

6

Qadarka kherkiisa iyo shartiisa

الإيمان بالقدر خيره وشره

٦

 

Rumenta Malaikta

Kow | Cadeentiisa

Rumeenta malaaikta waa: in la ictiqaado si goan in ow Alle leeyahay malaaik ow ka abuuray iftiin, waxaana loo abuuray cibaadada Alle, mana caasiyaan waxa uu amray, wayna sameeyaan waxa la faray, ilaahay bey nasahaan habeen iyo maailn kamana daalaan, tiradoodana magaraneyso Alle maahane cid kale, waxuuna ku kalifay Alle falal iyo shaqoyin kala duduwan.

{ وَلَـٰكِنَّ الْبِرَّ مَنْ آمَنَ بِاللَّـهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَالْمَلَائِكَةِ وَالْكِتَابِ وَالنَّبِيِّينَ }

(Surat: al-Baqarah, 177)

Macnaha aayada waa soo shegnay: 

{ كُلٌّ آمَنَ بِاللَّـهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِّن رُّسُلِهِ }

(Surat: al-Baqarah, 285)

Xadiis 8

Xadiithki jibriil (cs) oo caanka ahaay waxaa ku sugnaaday markuu Jibriil weydiiyaya nabiga (Naxariis Alle iyo nabad dushiisa ha ahaatee) Iimaanka.

Wuxuu yiri nabiga (csw) waa in aad rumeysid:

  1. Alle (swt)
  2. Malaaiktiisa
  3. Kutubtiisa
  4. Rasuuladiisa
  5. Maalinta danbe
  6. Iyo in aad rumeysid qadarka kheyrkisa iyo shartiisa.

Darajada ay Rumenta Malaikta Diinyta ku Leedahay iyo Xukunkeeda

Rumenta malaaikta waa rukniga labaad ee arkaanta iimaanka oo lixda ah, iimaanka adoonkana ma ansaxmayo lamina aqbalayo ruknigaa la aantiis.

Xukunkiisa

Waxay isku raaceen muslimiinta in rumeenta malaaikta waajib tahay, ruuxi inkira jiritaankooda, ama kuwa kamid ah kuwa uu Alle sheegay waa gaaloobay, wuxuuna khilaafay kitaabka iyo sunnada.

{ وَمَن يَكْفُرْ بِاللَّـهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَالًا بَعِيدًا }

(Surat: an-Nisaa, 136)

Macnaha aayadana waan soo sheegnay:

Labo: Keyfiyada
(Sida) Loo Rumeynayo Malaaikta

Rumenta malaikta waxay u kala qeybsantaa mid kooban iyo mid faahfaahsan.

(1) Rumeynta sida kooban ah waxaa soo hoosgelayo arrimaha soosocdo:

A: In laqiro jiritaankooda, yihiinna abuur kamid ah abuurka Alle, waxuuna Alle u abuuray cibaadadiisa, jiritaankoodana waa mid dhab ah, inaan arkeyninna kuma tuseyso in aysan jirin, waxaana cadeynayo arinkaas waxa yar yar oo ka buuxo koonkaan hadana aanan arkeynin.

Waxaana xaqiiqa ah nabiga inuu arkay jibril asigoo sidi loo abuuray ah laba (2) mar, asxaabta qaarkoodna waxey arkeen malaaikta qaarkeed ayagoo dad isku ekeysiiyay.

Xadiis 9

Wuxuu ku wariayay immu axmad musnadkisa in ow cabdulaahi ibnu mascuud yiri:

”Wuxuu arkay rasuulka jibriil asigoo sidi Alle u uumay ah lehna lix boqol oo baal, baal walba oo kamid ahna cirka deday.”

Waxaa kale oo ku sugnaaday xadiithki jibriil oo caanka ahaay oo Muslim wariyay in ow jibriil ku yimid (isku ekeysiiyay) sawirka nin aad u dhar cad aadna u tima madow dushiisana ayna ka muuqanin raad safar sida boor iyo wax lamid ah, garaneyna ruux saxaabada ka mida.

In la siiyo darajadi uu Alle siiyay, oo ah in ay yihiin adoomo Alle, oo la amran, karaameyay, maqaamkoodana kor u qaaday u dhaweeyayna xagiisa, waxaana kamid ah qaar rusushi Alle waxyiga u soo dhiibay ah iyo qaar kale, mana awoodaan waxa ow ale awoodsiiyay maahane.

Iyaga oo sidaasi ah hadana uma awoodaan naftooda iyo qeerkoodba wanaag iyo dhib ilaahey sokadiis, sidaas darteed ma bannaano in la caabudo haba yaraato cibaadadaase, iskaba dhaaf in lagu tilmaamo rabbinimo siday ku andacootay oo kale nasaaradi Nabi Ciise (nabad gelyo dushiisa ha ahaatee).

وَقالُوا اتَّخَذَ الرَّحمـنُ وَلَدًا سُبحانَهُ بَل عِبادٌ مُكرَمونَ ﴿٢٦
لا يَسبِقونَهُ بِالقَولِ وَهُم بِأَمرِهِ يَعمَلونَ ﴿٢٧

(Surat: al-Ambiyaa, 26/27)

Macnaha aayada waxaa waaye:

Wexey dheheen wuxuu yeeshay raxmaanki ilmo, waa ka nazahan yahay, waase adooman la sharfay.”

{ لَّا يَعْصُونَ اللَّـهَ مَا أَمَرَهُمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ }

(Surat: al-Taxriim, 6)

Macnaha aayada waxaa waaye:

Macaasi nayaan waxa uu Alle amray, waxeyna sameynayaan wixi la faray.

Intaan yar oo iimankaa waxay waajib ku tahay ruux walba oo Muslim ah, waxaana waajib ah rumeentiisa, barashadiisa, loogumana cudur daari maayo qofna garasho la‘aanteeda.

Iimaanka mufasalka ah (faah faahsan) waxaa soo hoos gelaayo arrimaha soo socoda:

1. Maadada Laga Abuuray Malaaikta

Alle waxuu ka abuuray malaaikta iftiin sida uu uga abuuray jiniga dab, bini aadankana dhoob, abuuruitaanka malaaiktana wuxuu ahaay kahor inta aan la aburin Aadam (nabad gelyo dushisa ha ahaatee).

Xadiis 10

Waxaa ku yimid xadiithka: ‘’Waxaa laga abuuray malaikta iftiin, jinnigana oloka naarta, aadana waxa laga abuuray waxa leydiin tilmaamay.

2. Tirada Malaaikta

Malaaikta waa uun owna koobi Karin tiradooda Alle maahane ruux kale, samadana kuma taal meel afar farood u dhiganto illaa uu dul yahay malak sujud san ama istaagsan maahane.

Sidoo kale guriga la yiraahdo Baytil Macmuur (gurigi camiran) oo ku yaal samada todobaad waxaa galo maalin walba todobo kun oo malak, kuna soo naqamaayo mar danbe tiro darteed, maalinta qiyaamana waxaa lakeenaa naarta iyadoo leh todoba kun oo hogaan, hogaan walbana waxaa jidayo todobaatan kun oo malak.

{ وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ }

(Surat: al-Muddathir, 31)

Macnaha aayada waxaa waaye:

Ma ogo askarta rabigaa asiga maahane cid kale.”

Xadiis 14

Waxaa xadiis ku soo arooray in uu nabiga yiri:

‘’Samadii ayaa hadashay (buuxid ay buuxdo darteed) xaq ayay u leedahay in ay qeylido, meel lug la dhigo kuma taal illaa mahane ow malak sujuudsan yahay ama rukucsan yahay.’’

Xadiis 12‘’Nabigana wuxuu yiri asiga oo ka waramaya (Betul Macmuurka), waxaa gelayo maalin walba todobaatan kun oo malak dibna ugu soo noqon maayaan.’’ [Bukhaari iyo Muslim ayaa weriayay].

Xadiis 13

Waxaa kale uu sheegay Nabiga (csw):

‘’In la keeni dono jahannamo maalinta qiyaamo iyadoo leh todobaatan kun oo hogaan, hogaan walbana ay todobaatan kun oo malak la joogto.’’

Halkaanna waxaa nooga cadaday badida malaaikta, kuwaas aan soo dhaafnay.

Tusaalo ahaan:

‘’Waxey gaarayaan afarkun iyo sagaal boqol oo malyan.’’

Waxaana nazahan oo ka hufan ceeb walba allihi uumay koobayna tiradooda.

3. Magacda malaaikta

Waxaa waajib ah rumenta kuwa ow Alle noogu magacaabay quraanka, ama ow nogu magacaabay rasuulkiisa sunnada oo malaikta ah, kuwa ugu waweyna waa sedax:

  1. Jibriil: ama jabraaiil, waana ruuxul quduska ku soo dejiyo rasuulada Alle waxyiga ah nolosha qalbiga.
  2. Miikaaiil: ama miikaal, ahna kan loo wakiishay roobka ah nolosha dhulka waxuuna u hogaamiyaa halki Alle amro.
  3. Israfiil: waxuuna wakiil kayahay afuufka boonka isagoo ogeysiinayo in ay dhamaatay noloshi aduunyo bilaabatayna noloshi aakhiro.

4. Tilmaanta malaaikta

Malaaiktu waa abuur jiro oo xaqiiqa ah, wexey leeyihiin jirar xaqiiqa ah, iyo sifooyin akhlaaqda ah iyo sida loo abuuray, waxaana ka mid ah sifaadkaas:

  • A: Weyninka abuurkooda, iyo weyninka jirkooda:

Alle waxuu abuuray malaaikta ayagoo jirar waa weyn oo adag leh, oo ku haboon falalka waa weyn uu Alle uga wakiishay samooyinka iyo dhulka.

  • B: Wexey leeyihiin baalal: waxuu u abuuray Alle malaaikt baalal labo labo iyo sadex sadex iyo afar afar, iyo kabadan, sida uu u arkayba rasuulka jibriil asigoo sidi loo abuuray ah oo leh lix boqol oo baal, oo cirka dhan xiray.

بِسْمِ اللّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ

الْحَمْدُ لِلَّـهِ فَاطِرِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ جَاعِلِ الْمَلَائِكَةِ رُسُلًا أُولِي أَجْنِحَةٍ مَّثْنَى وَثُلَاثَ وَرُبَاعَ يَزِيدُ فِي الْخَلْقِ مَا يَشَاءُ إِنَّ اللَّـهَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ

(Surat: al-Faathir, 1)

Macnaha aayada waxaa waaye:

Waxaa mahad leh allihi uumay samooyinka iyo dhulka kayeelayna malaaikta rusul leh baalal labo labo iyo sadex sadex iyo afar afar, wuuna ku siyaadiyaa khalqiga wuxuu doono wax walbana Alle wa awoodaa.”

C: Malaaikta uma baahno cunno iyo cabitaan oo allaa abuuray aygoo u baaheyn cunno iyo cabitaan mana guursadaan mana bataan.

D: Malaaiktu caqli bey leeyihiin iyo qalbi, ilaahey bey lahadleen Allena wuu la hadalyay, aadaam bey lahadleen iyo anbiyada kale.

E: Waxey awoodaan in ay isku ekeysiiyaan sawir an koodi dhabta eheyn: Alle wuxuu siiyay malaaikta awood ay isugu ekeysiin karaan kuwa labka ah oo dadka ka tirsan, arinkaanna waxuu burinayaa waxa ey wathaniyiinta ku andacoodeen oo ah in ey malaaiktu tahay gabdhihii Alle (swt).

Mana ogin sida ay isugu ekeensiinayaan malaaiktu dadka laakiin waxaa jirta in ay si aad ugu eg isugu ekeysiiyaan, oo lakala saari kareen iyaga iyo dadka ay isku ekeysiinayaan.

F: Dhimashada malaaikta: malaaikta wey dhimanayaan dhamaantood maalinta qiyaamo xataa malaga dhimashada, kadib baa hadana lasoo saarayaa si ay u qabtaan falalki Alle u wakiishay.

G: Cibaadada malaaikta: malaaiktu waxey ku caabudaan Alle, cibadooyin ey kamid tahay:

  • Salaad
  • Duco
  • Tasbiixsi
  • Rukuuc
  • Sujuud
  • Cabsi
  • Jeceel, iyo kuwa kale.

Tilmaanta ay cibaadadooda leedahay waxaa ka mid ah:

  1. Joogto aan daal leheen.
  2. U kali yelid Alle.
  3. Daacad Alle oo joogto ah, iyo macsida oo laga fogado, Alle ayaana ka ilaaliyay danbiyada
  4. Cibaado badan iyo Alle oo lesku dulleeyo:

{ يُسَبِّحونَ اللَّيلَ وَالنَّهارَ لا يَفتُرونَ }

(Surat: al-Ambiyaa, 20)

Macnaha aayada waxaa waaye:

Waxey tasbiixsanayaan habeenkii iyo maalintii, ma daalayaan.”

5. Acmaasha Malaaikta ay Qabato

Waxey qabtaan malaaikta acmaal waaweyn oo ilaahey u wakiishay, waxaana kamid ah acmaashaas:

  1. Xinbaarida carshiga.
  2. Malaga loo wakiishay ku soo dejinta waxyiga rususha.
  3. Ilaalinta jannada iyo naarta.
  4. Kuwa lo wakiishay daruurta iyo roobka iyo dhirta.
  5. Kuwa loo wakiishay buuraha.
  6. Malaga loo wakiishay afuufida boonka.
  7. Kuwa loo wakiishay qorida acmaasha bani adanka.
  8. Kuwa loo wakiishay ilaalinta bani adanka, hadii Alle amar qadarana waxuu qadaro baa dhaco.
  9. Kuwa loo wakiishay inay lajoogaan bani aadanka kheyrkana ugu yeeraan.
  10. Kuwa loo wakiishay biyaha gelayo raximka, iyo in ay insaanka ku afuufaan ruuxda, iyo qoritaanka risiqiisa iyo camalkiisa iyo in ow yahay mid hoogayo ama mid liibaanayo.
  11. Kuwa loo wakiishay in ay nafta kaqaadaan bani adanka markuu dhimanayo.
  12. Kuwa loo wakiishay in ay ku weydiiyaan dadka qubuurta dhexdeeda, iyo iyo waxa ka taratubmayo oo ah nicmo ama cadaab.
  13. Kuwa loo wakiishay in ay gaarsiiyaan nabiga salaanta umadiisa.

Sidaas darteedna uma baahno ruuxa muslimka ah in uu safar u galo si uu u salaamo nabiga -naxariis Alle iyo nabad dushiisa ha ahaatee, waxaana arinkaa uga filan in uu uga weydiiyo Alle meel walba uu joogo naxariis iyo nabad, malaaikta ayaana soo qaadeyso salantiisa gaarsiinna nabiga, waxaa uun loosoo safar tagaa masaajidka nabiga si loogu dukado.

Malaaiktana falal kale oo badan ayay leeyihiin kuwa aan sheegnay ayaa ugu caansan, waxaana daliil u ah arinkaas:

الَّذِينَ يَحْمِلُونَ الْعَرْشَ وَمَنْ حَوْلَهُ يُسَبِّحُونَ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَيُؤْمِنُونَ بِهِ وَيَسْتَغْفِرُونَ لِلَّذِينَ آمَنُوا

(Surat: Ghaafir, 7)

Macnaha aayada waxaa waaye:

Kuwa xinbaarsan carshiga iyo waxa hareerihiisa ah, waxey ku nasahayaan mahada rabigood, weyna rumeynayaan, waxeyna u danbi dhaafayaan kuwa rumeeyay.”

{ قُلْ مَن كَانَ عَدُوًّا لِّجِبْرِيلَ فَإِنَّهُ نَزَّلَهُ عَلَىٰ قَلْبِكَ بِإِذْنِ اللَّـهِ }

(Surat: al-Baqarah, 97)

Macnaha aayada waxaa waaye:

Ku dheh qofki ahaa cadawga jibriil asiga ayaa qalbigaada ku soo dejiyay waxyiga idan Alle.”

وَلَو تَرى إِذِ الظّالِمونَ في غَمَراتِ المَوتِ
.وَالمَلائِكَةُ باسِطو أَيديهِم أَخرِجوا أَنفُسَكُمُ

(Surat: al-Ancaam, 93)

Macnaha aayada waxaa waaye:

Hadaad arki leheed waqti ay dalimiinta ku suganyihiin sakaraatka dhimasha, malaaiktuna taageyso gacmaheeda: soo saara naftiina.”

6. Xuquuqda ey Malaikta ku Leeyihiin Bani Adanka

  1. Rumeyntooda
  2. Jecelkooda iyo weynaantooda, iyo xusida fadligooda
  3. Reebida caydooda, ama wax ceeb ah loo tiiriyo ama lagu jeesjeeso.
  4. In laga fogaado waxa ey necebyihiin, nabiguna wuxuu sheegay in ay ka dhibtonayaan waxa bani aadanka ka dhibtoonayo.

Miraha laga helayo rumenta malaaikta:

  1. Taxqiijinta imaanka, oo iimaanka ma ansaxayo illaa ayaga laga rumeeyo.
  2. In la ogaado weyninka allihi abuuray iyo awoodiisa iyo xukunkiisa, weyninka abuurkana wexuu kutusayaa weyninka abuuraha.
  3. Iimaanka ku kordhayo qalbiga muslimka markuu ogaado tilmaamaha malaaikta iyo axwashooda iyo shaqadooda.
  4. Nabad iyo xasillooni ay helayan mumininta markuu Alle kusugayo malaaikta.
  5. Malaaikta oo la jeclaado wexey sameeyeendarteed oo cibaadaad ah, iyo danbi dhaafka ay u u weydiiyaan muminiinta.
  6. Naceebka falalka xun iyo macaasida.
  7. Alle in loogu mahdiyo daryeelka uu daryeelay adoomankiisa, kan yeelay malaaikta qaarked kuwa ilaaliyo adoomanka qorana acmaashooda, iyo waxyaaba kale oo danahooda ah.

Wa Billaahi Tawfiiq.

Fadlan la soco qaybta xigta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Rukniga 3aad oo ku saabsan Rumeynta (Kutubta) Alle (swt) soo dejiyay.

 

Lixda Rukni ee Arkaanta Iimaanka

Rukniga 1aad

Rukniga 2aad

Rukniga 3aad

Rukniga 4aad

Rukniga 5aad

Rukniga 6aad