Fikirka Khawaarijta

Muxaadaro ku Saabsan Fikirka Khawaarijta,
Sifaatkooda Iyo Kooxaha Ku Saamoobay

Qaybta | 2aad

Sheekh Maxamad Cabdi Umul

Waxaa qoray:  Abuu Kalthuma
Email: Abuu.Kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

Muxaadaro ku Saabsan
Fikirka Khawaarijta,
Sifaatkooda
Iyo Kooxaha Ku Saamoobay

Tusmo Gaaban

Qoraalada darsigaan waxaa inagu kalifay muhiimada weyn ay ummada islaamka ee ahlu sunnah wal jamaaca u leedahay uga digida qatarta Khawaarijta iyo Shiicada ay leedahay. Maadaama ay muxaadaradaan tahay mid ummada uga digeeysa cawaaqib xumada ay leedahay kooxaha ka leexday wadadii ama sunnadii suubanaha Rasuulka (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) ee toosan iyo kitaabkii Alle (سبحانه و تعلي). Kuwaas oo uu Skeekha sheegay in ay leeyihiin magacyo fara badan ayna u kala baxaan dariiqooyin fara badan oo aan ahayn dariiqa Sunnada iyo Kitaabka Alle (سبحانه و تعلي).

Marka muxaadarooyinka wey fara badan yihiin {إن شاء الله تعلي} waxaan ka qori doonaa wixii Alle (سبحانه و تعلي) inoo fududeeyo si aan u gaarsiino ummada walaalaheen ah ee jecel inay raacaan jidka ama wadada toosan ee suubanaha Rasuulka (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) iyo saxaabadiis iyo inta jidkaasi saxda aha qaaday. Anigana waxaan Ilaahay ka baryaayaa in uu naga yeelo dhamaan (Muwaxidiinta) kuwa ku dayda ee raaca jidkaas toosan qaatana qowlka wanaagsan.

Fiiro gaar ah:

Xuquuqda qoraalada waa mid  furan oo u fasaxan cid walba oo jecel inay kheyrka faafisa iyo dadka jecel inay ka faa’ideystaan aqrintiisa ama daabacaadiisa. Qoraaga waxa uu ka mamnuucay inta la daabacda ka dibna dadka laga iibiyo. Maxaa yeelay qoraalda Abuu Kalthuma waa (صدقة جارية) oo loogu tala galay inay ummada ka faa’ideysato.

(جزاكم الله خيرا)

Raadintii Dhiigii
Cuthmaan ibn Caffaan 

(رضي الله عنه)

Cali (رضي الله عنه) markuu xilka qabtay ka dib Cuthmaan waa la aasay, markii la aasay kadib ayaa waxaa soo baxay (Dhiigii Cuthmaan) ragii galay ee Cuthmaan (رضي الله عنه) dilay wey joogaan dhiigii cuthmaan waa in la raadiyo.

Arintu waa kacsan tahay dadkiina weli isma raacin meeshaasaa marka waxaa ka dhalatay rag badani inay yiraahdaan Cuthmaan waa in loo aaro, waa in dhiigiisii ragii galay la helo waa in arintaa mudnaanta kowaad la siiyo.

Dalxa iyo Zubeyr oo beycadiina wax ka galay iyo Caa’isha (رضي الله عنها) ayaa arintaa marka isu taagay, markii dambe waxay aadeen meesha la yiraahda (Basra). Shaam waxaa haysta oo markii horena gudoomiye ka ahaa oo xiligii Cuthmaan ibn Caffaan gudoomiye gobol ka ahaa (Mucaawiye ibn Abii Sufiyaan) (معاوية ابن أبي سفيان (رضي الله عنه oo ay Cuthmaan ilmo adeer yihiin is xigaan.

  • Caa’ish – (عائشة بنت أبي بكر (رضي الله عنها
  • Zubeyr – (الزبير بن العوام بن خويلد (رضي الله عنه
  • Dalxa – (طلحة بن عبيدالله (رضي الله عنه

Waa kuwa soo tagay laba qodob bay wataan marka,

Qodobka kowaad ee ay wataan waxa weeye:

  • Khilaafka muslimiinta ka dhax jira aan tagno oo aan heshiis-siino. Caa’ishana maadaama ay (Ummul Muminiin) ay tahay oo la ixtiraamaayo, arintaa iyada haloo isticmaalo dad badan baa u soo istaagayee.

Qodobka labaad ee ay wataan waxa weeye:

  • Dhiigii Cuthmaan ragii galay ciidanka Cali bey ku jiraan, ragaana in la soo qabto oo dhiigii Cuthmaan meel la saaro. Labadaa qodob bay wataan

Taladii

Khaliifkii 4aad ee Muslimiinta

Cali bin Abii Taalib (rc) (Khaliiful Muslimiin) asagu si kaloo wax u arkaa, si kalay wax ula quman tahay.

Wuxuu ku yiri:

Dhiiga Cuthmaan hadal male inaan raadinana waa lagama maarmaan laakiin fitnaa aroosan, oo balaayaa kacsan oo nimankii dhiiga galay ayagii baaba dee xoog badan idilkiiba ku xoog badan, qabaa’il bay ka dhasheen oo kacsan wixii waxay u baahan tahay bal horta inta ummada leysla raadsado oo beycada la wada galo oo arintu dagto ayadoo la mideysan yahay oo hal khaliif iyo hal mas’uul iyo dawlad la wada yahay in markaa ka dib dabagal lagu sameeya dhiiga gantii gashay kadibna markaa (Qisaas) iyo wuxuu yeeshaba la mariyo. Laakiin hada hadaan ka bilawno dhiigii hala raadiyo fitno kale iyo balaayo kale bey sii kicineey.

Taasi taladii Cali (rc) bey ahayd (Wa Ficlan) taladiisaa sax sanayd, qolodaan kalena waa ijtihaadeen [adiga warka murtidiisa] waxaa leysagu tagay meesha la yiraahda Basra.

Dhacdadii Ratiga
(موقعة الجمل)

Basra marka la tagayo Calina dagaal uma socdo, kooxdaan Caa’ishana dagaal uma socdaan, laakiin maxaa loo socdaa fitnadaan kacsan iyo balaayadaan kacsan ummada hala kala badbaadiyo, dhiigii cuthmaana hala raadiyo (Sulxigaa) iyo wanaagaas bay wadaan.

Hadii goobtii leeysugu tagay laba ciidan waaye;

  • Ciidan Cali baa wata
  • Qolandan kalena ciidan bay wataan.

Nimankii fidna wadayaasha ahaa ee Cuthmaan dilayna ciidan Cali bey ku dhax jiraan, laakiin dee waa rag fara badan hebel iyo hebel lama dhihi karo waa fara badan yihiin, waa ciidan dhan oo xoog badan.

Meeshii hadii leeysugu tagay waa la wada hadlay, yaa wada hadlaaya?

Saxaabada ragoodii waaweenaa;

  • Caa’isha (رضي الله عنها) iyo
  • Cali (رضي الله عنه) Iyo
  • Al-Zubeyr (رضي الله عنه) iyo
  • Dalxa (رضي الله عنه) iyo

Waa la wada hadlay heshiis baa leysla soo dhoweeyay, nimankii fidna wadayaasha ahaa markay ogaadeen inuu heshiis soo dhow yahay oo yaa loo heshiinayaa?

Soo iyaga uun ma aha?

Bey ku tala galeen heshiiskaasi in ay ka hor tagaan, dagaalna kiciyaan boorkaasi iyo dagaalkaasi markuu kacana inay ku fakadaan iyadoo leysu dhow yahay laba ciidan oon kala fogeyn, xagii Cali bin Abii Taalib ayay ka bilaabeen xabada, xabadi ma jirinee laakii seyfahii iyo warmihii koox baa soo kacdayoo kooxdii kaley dagaal ku bilowday.

Kooxdii kalena war waa leyna soo weeraray ee iska celiya, waaba bilaabatayba, qoladii dagaalka bilowday Cali bey ku soo noqdeen waxay yiraahdeen iyagaa nagu bilaabay, hee dee markaasi ma talaa taal ciidan isku fakaday adiga meel aad ka qabto miyaad heli?

Nin walba marka wuxuu bilaabay inuu is difaaco, balaayaa fakatay yar yar iyo balaayaa wax fakiyay meel wax laga qabto male (Cuqaladii) iyo intii wax garadka ahaa gacatoodii talada ka baxday dhiig baa daadanaayo, waxbaa isku fakaday. Maxaad ka qaban kartaa adiga? Xili kale uu Ilaahay (Chance) keeno mooyee waa inaad meeshaada ku (Mitido) oo muxuu ahaa aad iska riixdo wixii ku soo aada.

Xaaladaasaa mudo lagu jiray (Taqriiban) riwaayada saxiixa ah waxay tilmaameysaa (Duhurka) kadib buu dagaalku bilowday ilaa (Maghribkii) buu socday. Dagaalka badankiina wuxuu ka dhacay (Ratigii) ay Caa’isha (rc) saarneyd hareerihiis.

Badbaadintii Caa’isha
(
Ummul Mu”miniin)

Caa’isha (رضي الله عنها) qolyo (Thuwaar) ah oo munaafaqiin ah oo inay dilaan rabeen waa jirtay, laakiin labada dhinacba saxaabadii ka socotay ee akhyaartu ahayd in Caa’isha la badbaadiyaa leysugu waafaqsanaa, inay Caa’isha (rc) wax gaarin saas daraadeed baa akteedii rag fara badan ku leedeen. Markii dambe kooxdii Cali baa meesha u adkaatay ratigii ay saarneed baa loo yimid waa la (Boqno) gooyay wuu fadhiistay kadibna (Hawdajkii) ay ku jirtay.

Hawdajku waa bahal weynoo (Sunduuq) weynoo dumarku gelin jireen oo (Awrtu) la saari jiray kiibaa lala soo qaaday waxaa loo keenay Cali ibn Abii Taalib (rc). Cali rati kale buu u keenay walaalkeed Cabdir-Raxmaan baa jooga isaga ayaa qaad la yiri Madiina halagu celiyo marka. Halkaas waxaa ku dhamaaday dagaalkii caanka ee loo yaqaano (Waqcatul-Jamal) yacni dhacdadii ratiga ayaa la yiraahdaa.

Dadaalka Laba Dhinac 

Khilaafka marka labada (Saxaabo) u dhaxeeya labaduba waa (Mushtahidiin), Calina waxay ka tahay war (Dhaacada) soo gala qolodaana waxay ka tahay horta ha lagu hormaro dhiiga Cuthmaan (rc).

Arintaasi sidaa markay u dhacday oo dhibkaasi dhacay dagaalkii sidaasuu ku dhamaaday Cali baa meeshiina ku haray, raga intoodii kaleeta ragii kaleete ee muhimka ahaa sida Dalxa oo kale, Dalxa ragii ugu horeeray meesha lagu dilay buu ahaa (rc). Nin mujrim aha baa dilay.

Zubeyr, Cali bin Abii Taalib bay is arkeen dagaalka markuu bilaaban rabay wax yar ka hor Cali baa u sheegay xadiith Nabiga (scw) ka sugan oo ku saabsan isaga iyo Cali inay is qaban doonaan Calina ka gar leeyahay, Zubeyr xadiithkii markii la xusuusiyay wuu iska soo noqday dagaalkaba ma gelin meeshii wuu ka dhaqaaqay. Nin hawaar qaba oo (Mujrimiintaa) ka mid ah ayaa ka daba tagay isagoo iskaba tagayba meel dhexe ayuu ku gaaray uu ku dilay.

Ilayn ragaa akhyaarta ehee saxaabada ee walaalaha ehee Nabigu soo wada koriyay ee ardada u wada ahaa balaayaa ka dhax shaqeyneeysay oo iyagu dhiig iyo wax daata iyo fitno iyo in la baaba’a raba Islaamna aan dan ka lahayn, Islaamka inuu rogmado rabaanba, waxaasaa marka meesha ku dhex jiray oo ka dhex shaqeysanaayay, fidnada badankeedana iyagaa abuuray.

Dagaalkii Siffiin
( المعركة سفين )

Dagaalkaas markuu dhamaaday kadib waxaa soo haray Cali ibn Abii Taalib reer (Kuufa) awoodiisii Madiina uu haysto hawshaasi waa gaba gaboobday waxaa soo haray marka reer (Shaam).

Shaam waxaa haysta Mucaawiye.

Cali iyo Mucaawiye ayaa wada hadlay Mucaawiye wuxuu codsaday dhiigii Cuthmaan, anaa u xaq leh dhiigiisa ina adeerkeey weeye ragii dilayna Caliyow ciidan kaagay ku jiraan waa in ragaa la soo qabto.

Calina sidii qolodii hore buu ku yiray oo war arintu balaayaa taaganee bal horta (Dhaacada) soo gal oo muxuu ahaay (Beycada) gal, oo dawladu ha is raacdo khilaafku ha baxo markaa ka dibna nimankaan aan raadino.

Mucaawiye (rc) waa ku adkeystay mowqifkiisii baa wuxuu ku adkeystay dhiigii Cuthmaan iyo nimankii galay hala soo hormariyo qir iyo qir.

Meeshaa ayaa hadana is af garan waaga waxa ka dhacay dagaalka kale ee isagana la magac baxay (Macrakadii Siffiin) oo Mucaawiyene uu dhinac yahay reer Shaam, Calina iyo ciidankiisana ay dhinac yihiin sannadkii 37 taariikhda hijriga ayuu dagaalkaasi dhacay. Dagaalkaa isagana Cali (rc) baa sigay inuu ku guuleysto….

[Horta intaan taa u gudbin]

”Riwaayaadka saxiixa ah sida ku sugan Mucaawiye, Cali muusan ku haysanin khaliifnimada.”

[Waa mas’alo inaad fahamtaan u baahan].

Mucaawiye (Amiir) baa la dhihi jiray (Amiiru-Shaam) waa gudoomihii Shaam baa la dhihi jiray. Waa la weeydiyay (Nas) Cali miyaad ku haysataa khaliifnimada, maya buu yiri. Inuu khaliifkii muslimiinta yahay waan ogahay kuma haysto, laakiin waxaan rabaa in dhiigii Cuthmaan meel la saaro.

Khaliifkii muslimiinta marka wuxuu ahaa Cali (rc) lagumana haysanin reer shaamna kuma haysanin, laakiin (Ishkaalku) xagee buu ka yimid?

Mas’aladaas dhiiga Cuthmaan ah iyo midnimad iyo is raacidaa lagu hormaraa mise dhiigii baa lagu hormaraa taasaa uu khilaafku ka dhacay markii dambana sababtay (Dagaalkii Siffiin).

Meel Ilaahay (تبارك و تعلى ) wax ka wado lama baajin karo, laakiin runtii labada dhinacba waxay isku dayeen inay dhiiga baajiyaan. Adigu dagaalkii waa dhacay, dagaalkaana waxaa ku gar lahaa ama ku sax sanaa Cali (rc).

Laba xadiith baa ku tusinaaya inuu ku sax sanaa.

Hadiithka kowaad waa xadiithka uu leeyahay Nabiga (scw):

‘’ Camaar waxaa dili doonta kooxda ka baxday khaliifka amarkiis, koox gar daran baa dili doonta.’’

Riwaayada saxiixa ah waxay sheegeeysaa waxaa dilay kooxdii Mucaawiya ee reer Shaam baa dilay. Weliba Mucaawiye markii loo sheegay Camr ibn Caas baa u sheegay oo ku yiri waxaan soo arkay Camaar  (عمار بن ياسر (رضي الله عنه oo la dilay aad buuna ugu naxay.

Xadiithkaasina waa jiraa, ciidankeenaana dilay buu ku yiri.

Mucaawiye marka wuxuu yiri, anagu maanan dilinee ninkii dagaalka soo geliyay baa dilay buu ku yiri, ninkii ciidanka ku soo daray goobta keenay niinkaasaa dilay buu yiri anagu maanan dilay.

Adiga waa hadal iska (Ishtihaadi) ah laakiin (Calal Saxiix) kooxda waxaa dishay Mucaawiye, baaqi nimadana waxaa laga wadaa (Bi-Macnaa) khaliifkii muslimiinta oo ay ahayd inay (Dhaacadiisa) galaan bey ka baxsan yihiin, wey gaaloobeen ma aha diintay ka baxeena ma aha. Ka baxsanaan taasina waxa weeyaan (Ishtihaad) bey ka ahayd oo ajar bey leeyihiin waase gafeen.

Xadiithka labaadi ee ku tusaayo Cali (rc) inuu ku gar lahaa arintaa iyada ah oo labada kooxoodba ka gar lahaa waa xadiithka (Khawaarijta) Nabigu (scw) markuu ka hadlaayay, waxaa leyn doontoo la dagaalami doonta (Awwla Taa’ifateyni bil Xaqqi) buu yiri:

”Labada koox ee is haysa xili horta muslimiinta is hayaan bey (Khawaarijta) soo bixi doonaan buu Nabiga yiri (scw). Waxaan la dagaalami doonta labada koox ee is haysa mida xaqqa u dhow.”

Yaa la dagaalantay marka?

Kooxdii Cali (rc) baa la dagaalantay, laakiin Cali kooxdiisa xaq lahoo saxsan macnaheedu ma aha reer Shaam iyo Mucaawiye saxaabada kale in lagu xad gudbo ma aha (Mushtahidiin) bay ahaayeen (Mutta-Awwiliin) bey ahaayeen (Ishtihaadkoodana) ajar bey ku leeyihiin, wixii gaf ahna Ilaahay waa u dhaafayaa xadiithka saxiixa ah siduu ku tusaayo, laakiin kee baa sax sanaa hadii la yiraahdo arintu saas weeye.

Dagaalkii markuu dhacay waa (Siffiin) oo xoogaa mudo uu socday ayaa waxay arkeen nimankii la dhihi jiray reer Shaam iyo ciidankii Mucaawiye, mudoo socday dagaalka waqti dheer. Waqti ka dib waxaa laga adkaaday oo ay muuqatay in calan saaraha laga wato ciidankii Mucaawiye iyo reer shaam. Markay arkeen ayay waxay ku carareen meel taag ah, meel taag ah ayay isku urursadeen.

Camr ibn Caas baa talo soo jeediyay wuxuu ku yiri”

‘’Mucaawiyow (Misxaf kitaab Quraan ah) sii dhiib buu yiri Calina ha loo geeyo waxaadan ugu yeedhaa kitaab Ilaahay aan ku kala baxno kaa diidi maayo saan ku aqaanee.’’

Cali baa loo keenay kitaabkii oo loo wado, markaasaa Cali ibn Abii Taalib waxaa lagu dul akhriyay aayada quraanka wuxuu ku yiri:

{بيننا وبينكم كتاب الله}

أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ أُوتُوا نَصِيبًا مِّنَ الْكِتَابِ يُدْعَوْنَ إِلَىٰ كِتَابِ اللَّهِ لِيَحْكُمَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ يَتَوَلَّىٰ فَرِيقٌ مِّنْهُمْ وَهُم مُّعْرِضُونَ

{سورة آل عمران آية ٢٣}

Yacni waxa weeyaan hadiiba kitaab Ilaahay laguugu yeedho waa inaad aqbasho war kale ma jiro. Cali markii arintii loogu yeedhay oo loo soo ban dhigay waa ogolaaday wuxuu yiri:

(Nacam) (Anaa Awlaa bi Daalika beynanaa wa beynakum kitaabu Allaah)

Anigaa idinka xaq leh buu yiri dhiiga muslimiinta in la joojiyo kitaab Ilaahayna lagu kala baxo anaa cid walba ka mudan buu yiri ee kitaab Ilaahay aan ku kala baxno.

Halkaasaa marka waxaa la saaray laba nin ayaa lagu hashiiyay in loo dhiibto garta labada nin waa:

  1. Camr ibn Caas oo ka socdo dhanka Mucaawiye {عمرو بن العاص (رضي الله عنه
  2. Abuu Muushaa al-Ashcari oo ka socda dhanka Cali {أبو موسى الأشعري (رضي الله عنه

Labadii nin markay kulmeen kadib riwaayaad aan sugneyn waxay leeyihiin, oo (Daciid) iyo mowdhuuc isugu waxay sheegayaan qodobkaan u fiirsada:

Markay kulmeen labadii nin oo wada hadleen inay isku waafaqeen in Calina xilka laga qaado, Mucaawiyena ha laga qaado cid cusubna muslimiinta ha u sameyno, kadibna waa la soo wada tagay iyaga oo intaa leysku soo waafaqay masaajida ayaa la yimid Abuu Muusow hadal buu yiri, Camr ibn Caasna dib buu isku dhigay saaxiibkaa inaad xilkii ka qaaday ku dhawaaq buu yiri.

Abuu Muusaa intuu istaagay buu wuxuu yiri:

Muslimiinoow xilkii hadii naloo dhiibay anaguna muslimiintii inaan heshiisiino naloo dhiibay waxaan soo go’aan sanay inaan ragii xilka ka qaadno, anaguna saaxiibkey xilka waan ka qaaday buu yiri.

Camr ibn Caas meeshii laga filaayay inuu isagana intaa ku dhawaaqo, warka waa ka baxayba. Meeshaa marka waxaa soo baxday in Abuu Muusaa la siray oo Camr ibn Caas ka caqli badiyay. Meeshaa waxaa laga sii dhaliyay in la yiri Abuu Muusaa caqligiisu waa dhaciiaf, Camr ibn Caasna waa (Daahiyatul Carab). Carab nimanka ugu caqliga badan ugu qatarsan buu ahaa.

Riwaayada noocaas sheegeeysoo dhan waxba kama jiro waa (Daciif) sannada inaad barataan waa lagama maarmaan. Mustashriqiinta iyo dadka taariikhda muslimiinta iyo Islaamka (Tashwiihiya) ayaa riwaayaadka noocaas oo kale (Ixtimaala).

Riwaayada ugu roon oo ugu tabar roon ee nimankaasi waxay isku soo waafaqeen tilmaameysa waa riwaayada (Ibn Casaakir) uu soo saaray Fii-Taariikhihi oo culimada qaarkood ay leeyihiin (Rijaalun wa Thiqaat). Waxay leedahay riwaayadaas Camr ibn Caas iyo Abuu Muusaa markay kulmeen (Qadiyadii Taxkiimka) ayaa wuxuu ku yiri Camr baa wuxuu ku yiri:

War arintaan maxaa kaala quman?

Abuu Muusaa wuxuu yiri:

Waxay ila tahay buu yiri arintaan haloo daayo ragii Nabi Maxammad la oofsaday isagoo raali ka ah. (Kibaaru Saxaabah) ansaartii iyo Muhaajiriintii ragii Nabigu raaliga ka ahaa markuu geeriyoonaayay waa la yaqaanaayee ragaa aan xilka u deeyno, oo yaa ugu horeeya?

Cali ibn Abii Taalib baa u horeeya. Soo saas ma aha, raga ugu horeeya ayuu ku jiraa. Macnaheedu waxa weeye khaliifkani xilkiisa haloo daayo.

Wuxuu yiri Camr ibn Caas markaa:

Aniga iyo Mucaawiye xageed naga gelin buu ku yiri marka arinta?

Inaan Cali u deeyno, laakiin anagu xageen ka galeynaa buu yiri, bal meel uun naga geli.

Markaasaa Abuu Muusaa wuxuu yiri:

(Kalimatu Xakiim) weeye:

‘’Hadii kaalmo leydanka baahdana, hada kaalmadaa dhiiba meeshii la idin dhiibay xilka la idin dhiibay kaalmada gacan bixiya, hadii la idinka kaaftoomana, hadee in badan baa amarka Ilaahay idinka kaaftoomay buu yiray.’’

Soo ma aha hadii la idinka kaaftoomayna dadkiina ka mid noqday, hadii uu ninka khaliifka idin kaashado wixii kaalmo leydanka baahan yahay bixiya.

Abuu Muusaa al-Ashcari taladaas ayuu soo jeediyay, taladaasi ma sugna inuu Camr ibn Caas ku qilaafay.

Warka murtidiisu wuxuu noqonayaa waxay isku soo waafaqeen oo isku soo garteen Cali waa khaliifkii muslimiinta iyaguna maba ridi karaan muslimiinta ayaa doortay sooma aha! Muslimiintaa xilka u dhiibtay (Ahlul Xali wal Caqli) baa u dhiibtay soo ma aha, laakiin in Mucaawiye iyo ragaan kaleeto arintooda la dejiyo arintaasaa leysku waafaqay [Riwaayada u rooni taa iyada ah weeye macnaha].

Taa markii leysku waafaqay (Taxkiimkaasi) markii leysku waafaqay waxa ay nimanka (Xakamkii) keeneyn oo soo gudbiyeen hala kala laabto oo ciidamada hala kala celiyo dhiiga muslimiintana hala kala badbaadiyo, halkaasuu Cali ibn Abii Taalib (rc) ka soo laabtay caasimadii oo (Kuufa) ah buu ku soo noqday, Mucaawiye ibn Abii Sufiyaanna dib buu ciidankiisu ula noqday, halkaa marka lagu soo kala laabtay.

Markii La Kala Laabtay
Maxaa Dhacay Waaye?

Markuu soo laabtay Cali (rc) oo Kuufa ku soo noqday ciidankiisii la soo laabtay nimankaan Khawaarijta la bixi doono markaan ciidankiisay ku jiraan, ciidankay ka mid yihiin ilaa xiligii Cuthmaan ay dileen ee ciidankey ka tirsan yihiin.

  • Niman marka reer baadiya u badan
  • oo (Qalafsan)
  • oo caqli yar,
  • oo garasho yar
  • oo aqoonta diinta ku yar tahay laakiin aad u (Xamaaseysan) bey ahaayeen, saan u tagi doono sifaadkooda ugu tagi doono.

Markii ciidankii soo noqdoo Kuufa la yimid, sida riwaayada (Tabarani, ibn Abii Shayba) soo saareen [min xadiith Abi Raziin]. Markii xukunkii laba nin garsoorayaasha ahee ee laga dhigtay (Xakamka) laga dhigtay xukunkii markay soo saareen oo Cali (rc) soo noqday meeshay kaga goosteen kooxda (Khawaarijta) la baxday.

Ciidankiisii bey ka baxeen Kuufay yimaadeen ayagu markay Cali Kuufa imaanayo meel aan Kuufa ka fogeynoo (Xaruura) la yiraahdo bey isku uruursadeen. Cali bey qoonsan yihiin waxay ku haystaan xukunkii dhacay iyo garsoorkii dhacay iyo islaaxii heshiiskii dhacay dhiigii la baajiyay bey ka xun yihiin, gooni bey u baxeenba, gooni bey isu urursadeen.

Cali wuxuu u diray (Ibnu Cabaas) (rc) wuu la hadlay;

  • war sideey wax idinka yihiin,
  • maxaa idinka maqan,
  • maxaad qoonsateen

Cali wey quursadeenba wax badan kama soo qaadin waxba ma uusan kama baqanin.

Kadibna Cali laftiisaa aaday oo meeshu uga tagay uu la hadlay.

Ilaa Cali iyo ayaga isku waafaqeen in ay soo laabtaan oo magaalada Kuufa yimaadaan oo dadka ku soo noqdaan, wey soo noqdeen magaalada Kuufay ku soo laabteen, markaan waa leysku qanacsan yahay oo wey soo qanceen Cali baa soo qanciyay. Laba beri bey joogeen ama wax ku dhow magaalada la joogay.

Nin la yiraahdo (الاشعث بن قيس) (Al-Ashcas ibnu Qays) oo Cali ibn Abii Taalib u geli jiray oo ka mid ahaa raga (Muqarabiintiisa) ka mid ahaa, ayaa Cali u yimid, iyaguna markaa magaaladay joogaan, wey soo laabteen, markaasuu wuxuu ku yiri:

‘’Caliyow dadkii magaalada waxay ku sheekeysaneesaa nimankaa aad keentay inaad gaalnimadii aad gashay uga soo noqotay.’’

Waxaad ku keentayba ee ay kugu waafaqeenba inay ahayd inaad gaaloowday heshiiskii aad gashay inaad ku gaalowday, gaalnimadiina aad ka toobad keentay oo dib u soo Islaamtay, sidaana ay ku soo laabteen oo isku waafaqdeen magaalada saasaa taal.

Gaal (Ridoobay) hadana diinta ku soo noqday, warkaasaa yaal (wa ficlan) saasay ayagu qabaan, ayaga waan u tegi doonaa waxay leeyihiin Caliyow diintaad ka baxdee ku soo noqo aan ku raacnee.

War maxaan diinta kaga baxay, maxay tahay waxaan aad ka shaqeyneyso waan u tegi doonaa waxyaala ay ku haystaan.

Cali ibn Abii Taalib markii warkaasi u yimid oo u sheegay Ashcad ibn Qays markuu ku yiri magaalada warkaasaa yaal. Subaxdii dambe ayuu jimcadii (Mimbarka) fuulay.

(Faxamida Allaaha wa Athnaa Caleyhi) (Fakhataba)

Dadkii buu u sheegay nimankaan waxay yihiin iyo waxay dadka kaga dhex baxeen ee banaanka ay ugu baxeen iyo arinta ay ku (Faaruqeen) oo isaga iyo iyaga ay ku kala tageen warkii oo dhan buu ka sheekeeyay.

Iyagiina waa (Dhaleeceeyay) fikirkoodii iyo waxay sameeyeena waa (Dhaleeceeyay).

Mimbarka markuu Cali ka soo degay [riwaayadaha qaarna waxay leeyihiin isaga oo weliba mimbarkii saaran] ayay masaajidka dhinacyadiisay isaga dhawaaqeen wey dhageysanaayeen, haa waa leysu dhadhawaaqay marka.

Maxaa la leeyahay..?

«لا حكم إلاّ لله»
«لا حكم إلاّ لله»
«لا حكم إلاّ لله»

Baa la leeyahay, haa (Xukunka Ilaahay baa iskaleh).

Maxay tahay raga aad xukunka u dhiibtay, waxay ka xun yihiin oo xukunka ku tilmaayayaan [Tafaasiisha] waan u tegi doonaayee, nimankaan aad tiri soo kala xukuma muslimiintaan dhiigoodu daadanaayo eed xilka u dhiibtay baa kitaabkii Ilaahay intaad ku socon lahayd baad ra’yigooda hor marisay. Marka xukunka Ilaahay baa iskaleh rag ma laha Caliyow xag iyo xag bey ka dhawaaqayaan masaajidka dhexdiisa.

Cali (rc) wuxuu ku yiri: [riwaayaad qaarkood siday tilmaamayaan]

Wuxuu leeyahay wuxuu ku yiri:

‘’Waa sax buu yiri kelimada xukunku Ilaahay uun baa iskaleh, waa kelima saxsan buu yiri, laakiin ujeedo xun baad ka wadataan buu ku yiri (Baadil) baad uga daliishaneysaan.’’

Maxay u daliishanayaan?

Mas’ala waajib ahayd oo sharci ahayd oo dhiiga muslimiinta in la baajiya ahayd, taasay kula dagaalamaayaan…

«لا حكم إلاّ لله».
«لا حكم إلاّ لله»

Maxay tahay dhiiga ha socdo weeye muslimiinta ha isku baaba’een waaye, war kalimadu waa sax «لا حكم إلاّ لله» waa sax, laakiin meeshaad saareysaan iyo cidaad u daliishaneysaan iyo qasadka aad u wadataan waa qaldan yahay.

Markaasuu wuxuu ku yiri:

‘’Xukunka Ilaahay ayaan sugu, Ilaahay () wuxuu idinku sameeyo iyo xukunkiisa ayaan sugi buu yiri waa idin fiiri doonaa.’’

Marka wuu fadhiisiin hayaa xaga iyo xagay ka qaylinayaan waa (Fowdo), war fadhiista gacantuu saa leeyahay. Ileyn wuu taagan yahay, war fadhiista, war fadhiista waa aamusiin hayaa ilaa uu markii dambe nin baa intuu horey u soo kacay buu u yimid Cali (rc) markaasuu dhagaha faraha gashtay, labada dhagood intuu faraha geliyay buu wuxuu ku yiri:

{وَلَقَدْ أُوحِيَ إِلَيْكَ وَإِلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكَ لَئِنْ أَشْرَكْتَ لَيَحْبَطَنَّ عَمَلُكَ وَلَتَكُونَنَّ مِنَ الْخَاسِرِينَ}

[سورة الزمر آية ٦٥]

‘’Nabi Maxammadow waxaa laguu waxyooday adiga iyo intii kaa horeysaba, hadaad Ilaahay iyo khalqigiisa aad wax wadaajiso camalkaaga wuu baabi’I kuwa khasaaray baadna ka mid tahay.’’

Yuu aayadaa dul saarahayaa?

Cali buu ku wadaa, (Mushrik) baad tahay camalkaagana waa hoobtay waaye, sooma aha, u fiirsada waxaan u tegi doonaa dhaqanka Khawaarijta inuu ka mid yahay iyo sifaad kooda (Nusuusta) oo meesheedii meel aan ahayn la saaro (Manhajul Istitlaam) baa ka qariban (Tanziil) kooduna waa qariban yahay, waxaan u tagi doonaa inuu sifaadkooda ka mid yahay aayadhii gaalada ku soo dagey oo Muslimiinta la saarayo (Amthiladeedaan) ku soo celin doonaa (in shaa Allaah) markaan gaarno.

Cali ibn Abii Taalib makuu warkaa ku akhriyay buu wuxuu yiri:

{ فَاصْبِرْ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ ۖ وَلَا يَسْتَخِفَّنَّكَ الَّذِينَ لَا يُوقِنُونَ }

[سورة الروم آية ٦٠]

‘’Sabir xaqa Ilaahay ama balanta Alle iyo wacdigiisu waa xaqe, kuwa aan waxba garaneynin ee yaqiinta aan lahayn yeyna ku fududeeysanin.’’

Isagana aayadaan buu akhriyay. Jawaabtiisu waaye.

Yaqiin iyo iimaan toona ma lihid i fudadeeysameysid waaye, laakiin sabir bay arintu u baahan tahay (Caaqibadeeda) iyo warkeeda waa sugi doonaa.

Arintaasaa ninka iyo buuqaa iyo qayladaa markay abuureen hadana wey tageen oo waxay ku noqdeen meeshoodii ciimadood bay urursadeen hal hal bey u baxeen iyadoo magaaladii laga war haaynin, waalidkii iyo caruurtii bay kaxeysteen da’yartii bay kaxaysteen dadkii bay hoos ka sasabteen, nin nin bey u baxeen meel ay ku balameen bay isugu tageen ciidan badan  ayagoo ah.

War Bixintii
Cabdullaahi Ibn Shaddaad

Meeshaa markay isugu tageen kadib (Xaakim) wuxuu wariyay (Bi sannadihi):

Wuxuu leeyahay Cabdillaahi ibnu Shadaad, Caa’isha baa u imid buu leeyahay anagoo la fadhina markay Ciraaq ka soo noqotay, habeenadii Cali lala dagaalamay ayaan Caa’isha u imid buu yiri.

Markaasaa waxay tiri:

Cabdullaahi ibnu Shadaadoow run ma ii sheegi wixii aan ku warsado?

Waa markii dagaalkii Cali iyo Khawaarijta dhex maray kadib.

Nimankaa Cali laayay bal iiga waran bay tiri.

Markaasaa wuxuu yiri:

Maxaanan run kuugu sheegi waaye.

Markaasaay waxay tiri bal qisadooda iiga waran seey wax u dhaceen.

Wuxuu ku yiri Cali iyo Mucaawiye markay laba nin saareen oo ay is waafaqeen oo xukun soo saareen Calina uu laabtay ayaa waxaa ka go’ay sideed kun oo (min quraa’I naas) nimankii quraanka akhrin jiray, waxay caan ku ahaayeen nimankaas quraanka iyo iyaga lama kala dhax marin jirin, akhrintiisa iyo lafdigiisa iyo siday u toosinaayaan iyo siday ugu dadaalayaan waxaaba loo yaqaanayba (Al-Quraa’) baa loo yaqaanay.

Nimankaasaa ka go’ay yuu yiri, markaasaa waxay dageen meel Kuufa agteeda ah oo (Xaruura) layiraahdo.

Cali ibn Abii Taalib bay waxay ku qoonsadeen arimo dhowr ah waa kuwaan arimaha ay ku qoonsadeen bal u fiirsada.

Waxay ku yiraahdeen:

Caliyow waxaan kugu haysanaa, oo aanu u argnaa inaad ku gaaloobday, khamiis Ilaahay kuu geliyay baad iska siibtay bay dheheen oo Ilaahay kugu magacaabay.

Diintii Ilaahayna rag ra’yigood baad u dhiibtay, rag baad tiri ka taliya.

Cali markuu soo gaaray warkii waxay ku haystaan iyo waxay ku eedeeynayaan iyo inay ka dhex baxeen ayuu marka magaalada wuxuu (Iclaamiyay), iclaam ha la bixiyo buu yiri:

‘’Amiirka mu’miniinta maanta dad qaas buu la kulmi rabaa raga quraanka xambaarsan un.’’

Waa nimankii ugu (Jibir Jahansanaa) weeye, quraankii waa xambaarsan yihiin oo quraanka weliba waxaa u dheer waxaan caadi ahayn oon u tegi doono, laakiin iyaga dhan waa wada qariban yihiin.

Nin quraanka xambaarsan nin aan ahayn maanta yuusan u soo gelin Amiirka mu’miniinta.

Ayagii baa soo uruuray gurigii baa (Tiff) noqday, Cali ibn Abii Taalib markiiba wuxuu u yeeray (Misxaf) ha la ii keeno buu yiri misxaf weyn baa loo keenay kitaab quraan oo weyn.

Cali (Misxaf) kii intuu is hordhigay buu wuxuu bilaabay inuu gacanta ku garaaco misxafkii oo uu yiraahdo (Ayuhal Misxaf Xaddisi Naas) war kitaab yahoo dadka wax u sheeg kitaabkii buu dharbaaxayaa uu leeyahay kitaab yahoow hadal maxaad u aamusisan tahay dadka wax u sheeg la hadal dadka.

Markaasay waxay yiraahdeen [Dan buu ka leeyahay] markaasay dadkii u dhawaaqeen oo waxay yiraahdeen:

Amiirkii mu’miniintoo maxaad ka weeydiinee bey dheheen….

Waa waraaqo un iyo qad ee hadal oo dadka la hadal maxay tahay?

Maxaad ula jeedaa warkaa isaga ah?

Waxay yiraahdeen weliba…

Kitaabku wuxuu ku hadlaa cidii aragtay ee akhriday baa ka turjumta, anaga waxaanu ku aragnay ka fahamnay ka jurtumnaa, laakiin kitaabku waa waraaqo iyo wax ku qoray iyo qad waaye see buu u hadli maxaad ka wadaa arintaa iyada ah.

Markaasaa wuxuu yiri:

Ragaan baxay anaga iyo iyaga kitaab Ilaahay baa na dhex yaal aan ku kala baxno.

Seddexdii qodob oo ay ku haysteen buu marka galay, ilayn arimaha ay ku haystaan oo ay ku gaaleysinaayaan wuu og yahay.

Qodobka Kowaad

Kow wuxuu yiri Allaah (swt) nin iyo naag is qaba yuu wuxuu yiri:

وَإِنْ خِفْتُمْ شِقَاقَ بَيْنِهِمَا فَابْعَثُوا حَكَمًا مِّنْ أَهْلِهِ وَحَكَمًا مِّنْ أَهْلِهَا

[سورة النساء آية ٣٥]

‘’Ninku iyo xaaskiisii haday is qabtaan, nin qaraabadeeda ah iyo nin qaraabadiisa ah u saara arinta ha kala saareen labadaa ruux ee is haysta.’’

Dadka qaraabadooda ah labada dhinac arinta u dhiiba.

‘’Nabi Muxammad ummadiisa dhiigeeda in rag loo dhiibo oo ay baajiyaan ooy heshiisiyaan ayaa ka weyn buu yiri kana qiimo badan nin iyo naag is qaba heshiisintooda.’’

Hadiiba Ilaahay nin iyo xaaskiisa taladooda (Xakam) u saaray, ummada Nabi Maxammad dhiigooda daadanaaya (Xakam) in loo saaro oo la baajiyo ayaa ka weyn.

Qodobka Labaad

Waxaa kaloo igu eedeeynayaan buu yiri:

Mucaawiye inaan la heshiiyay, oo markaan la heshiiynaayayna aan qoray Cali ibn Abii Taalib magacaygana aan heshiiska ku saxiixay oon ku qoray.

Maxay ku haystaan?

Waxay leeyihiin khamiiska Ilaahay kuu xiray ee aad iska siibtay ay ku haystaan waxa weeye, saan u tegi doono oo xadiiskii Ibnu Cabaas baan ugu tagi doonaa soo socdo.

Waxay ku yiraahdeen:

‘’Amiirkii mu’miniinta ayaa tahay heshiiska markaad galeysay maxaad u qoran weyday tani, heshiiskani waa waxay ku heshiiyeen Amiirkii mu’miniinta iyo Mucaawiye.’’

Amiirkii mu’miniinta ee Cali iyo Mucaawiye ayaa isku waafaqay maxaad u qoran weyday Amiirkii mu’miniinta, khamiiskaan Ilaahay baa kuu geliyee maxaad isaga siibtay, hadaadan Amiirkii mu’miniinta ahayna Amiirkii (Kaafiriinta) baa tahay ayay yiraahdeen.

Bal (Fiqigaa) u fiirsada Cajaaib waaye!

Waxa la mid ah oo hada dhacaayo oo jira (Suuro) noocaan oo kale ayay leedahay, laba mid hadaad qoron weyday Amiirkii mu’miniinta ee dee Amiirkii (Kaafiriinta) ayaad tahay marka laba wax ka dhaxeeya ma jira.

Cali ibn Abii Taalib marka tii buu ugu jawaabaya wuxuu ku yiri:

Suhayl ibn Camr (سهيل بن عمرو) qisadii (Xudeybiya) (صلح الحديبية) ayuu daliil u keensaday, Xudeybiya markii Nabiga iyo (Qureysh) heshiinayeen, odaygii Suhayl ibn Camr uu ka socday Qureysh Nabi (scw) iyo isagana ay heshiiska wada galaayeen, Nabiga heshiiska wuxuu ku qoray;

{بسم الله الرحمن الرحيم}

Suhayl baa wuxuu ku yiri odaygii Qureysh ka socday {بسم الله الرحمن الرحيم} ha ku qorin meesha.

Maxaan qoraan buu yiri Nabiga (scw)?

{بسمك اللهم} qor buu yiri anagu kaasaanu naqaan.

Cali (rc) oo qorahaayay heshiiska baa Nabiga (scw) wuxuu ku yiri:

Caliyow {الرحمن الرحيم} tir oo {بسمك اللهم} ugu qor, Cali sidii buu u qoray.

Markaasaa hadana Nabiga (scw) wuxuu qoray:

Tani waxa uu arinta kula heshiiyay Muxammad oo Rasuulka Ilaahay ahaa uu Suhayl kula heshiiyay.

Markaasaa Suhayl wuxuu yiri:

Hadaan ognahay inaad Rasuul Ilaahay tahay maanan kula dagaalameen oo dhibna ma yimaadeenee Rasuul anaga kuuma haysanee ka tir buu yiri.

War maxaan qoraa?

Anaga Maxammad ibn Cabdullaah baan kuu naqaanaa ee qor.

Nabiga (scw) wuxuu ku yiri Cali (rc):

Caliyow {رسول الله} tir oo waxaa ku bedeshaa ibnu Cabdullaah ku bedel.

Cali waa meesha uu xoogaa ka diidi doono oo uu dhehi doono Rasuul Ilaahayow anigu gacan aan leeyahay {رسول الله} ku tiri maayo.

Rasuulka marka farta ma aqoonin mana qorin jirin mana akhrin jirin sooma aha?

Waxa la qoraayana xataa ma kicin karo (Fadhiila) ayay u ahayd Nabiga iyo (Martabad) bay u ahayd (Mucjiso) bay u ahayd, markaasuu Nabiga (scw) yiri:

Aniga i tus {رسول الله} farta ii saar anaa tiraayo, markaasuu Cali tusay oo ku yiri waatan {رسول الله} markuu farta u saarayna Nabiga ayaa tiray (scw).

Cali markaa wuxuu yiri fiirso daliilka:

Hadii Nabi Maxammad (scw) heshiis uu gaalo la galaayay {رسول الله} uu tiray (Amiirul-Mu’miniin) inaan tiro anoo muslimiin heshiis la galaaya tee (awleesan) buu ku yiri?

Sow daliil cajab badan ma aha?

Laakiin khawaariji fahmi meyso, haa khawaariji saa wax u fahmi meyso meesha laga galayba waa faham darada (musiibada) halkaas ayay uga timid.

Markaa weliba cali wuxuu yiri:

لَّقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِّمَن كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الْآخِرَ وَذَكَرَ اللَّهَ كَثِيرًا

[سورة الأحزاب آية ٢١]

Nabi Muxammad baa sidaasi sameeyay haduu (Rasuul Ilaahay) tirayna macnaheeda ma aha inuu (Rasuulu Shaydaan) inuu yahay, sow saas ma aha.

Ilayn isaga ayay waxay ku yiraahdeen (Amiirul-Mu’miniin) hadaadan ahayn (Amiirul-Kaafiriin) baad noqonee, sow tana ka dhalan meyso hadii {رسول الله} la tiray (Rasuulu Shaydaan) baa soo bixi sooma aha? Marka waa fiqi wada (Maqluut) ah weeye oo waxoo daba gedisan waaye.

Tan Saddexaad

Intaa markii uu ku yiri Cali ibn Abii Taalib (rc) wuxuu u diray markaa ka dib ee waxaan u jeedaa, waxaa soo baxay warkii ileyn nimankii waa jawaabi waayeen oo wixii dhan hadii laguu keenay waa ka bixi kari waayeen.

Nin la yiraahdo (Ibnu Kawaa) oo odaygooda ahaa markaa madax u ahaa baa markaa soo baxay khudbuu marka u jeedinahayaa, nimankii (Jufaada) meesha taagan buu hadal u jeedinaayaa, wuxuu ku yiri:

…..

Cali ibn Abii Taalib wuxuu soo diray Cabdullaahi ibn Cabaas waa mar kale, Cabdullaahi baa marka u yimid. Cabdullaahi buu rabaa inuu ka hor istaago inuu dadka wax u sheego ilayn musiibada firaqdan haaystaa waxay tahay iyaga un baa raba inay dadkooda wax ku shubaan soo ma aragtid. Cid kale wax ka yimid inuu soo gaaro wey ka (xajirinayaan) iyaga un inay meel ugu xir xirnaadaan bay rabaan soo ma aha, oo meel ugu quful naadaan furahana ay kala tagaan.

Marka waa musiibada Khawaarijta waaye.

Cali ibn Abii Taalib markuu ku soo baxay ayuu ninka Ibnul Kawaa wuxuu yiri:

Ninkaan Cabdullaahi Ibn Cabaas baa la dhahaa buu yiri ninkaan aqooninoo anaa aqaan buu yiri kitaab Ilaahay baan ku aqaan.

Kan waa nikay ku soo dagtay buu yiri:

{بَلْ هُمْ قَوْمٌ خَصِمُونَ}

[سورة الزخرف آية ٥٨]

‘’Waa dad dood badan oo muran badan.’’

Oo yay yihiin Qureysh baa laga hadlaayaa, gaaladii qureesheed baa laga hadlaayay soo ma aha? Nabi Ciise (عليه السلام) markii laga hadlaayay weeye iyo doodood iyo murankood. Aayadaas ayuu saaray wuxuu yiri ninkaani waa dadkii muranka badnaa oo dooda badnaa

Meeshuu ka yimid ha lagu celiyo kitaab Ilaahayna yaan lagala murmin buu yiri, waa nin muran badan, nin lagu bixi karo ma aha, waaba nimankii Ilaahay saa ku sheegayee ninkaan yaan muran loo furin kitaabna yaan lagala doodin meeshu ka yimid ha lagu celiyo.

Wuxuu rabaa ninkani fahamoo, inay dadka u xir xirnaadaan.

Rag kaloo meesha joogay oo ragooda la hadli jiray ka mid ah ayaa soo booday waxay yiraahdeen.

Maya bay dheheen wariyaa waad ka wada qaldan tahayee, waanu la doodeeynaa kitaab Ilaahay baanu kula doodeeynaa [anaga maa nala (Harowsanaa)] waan iska celineynaa. Haduu xaq la yimaado aanu fahmi karnana waan qaadaneynaa, haduu baadil la yimaadana madaxa ayaan kaga garaaceynaa bay yiraahdeen markaasanu ku celineynaa meeshuu ka yimid.

Saddex beri baa marka la doodahayay oo la murmaayay riwaayada sey leedahay, saddex beri makuu la doodahayay dooda ayadoo dheer darsigeena dambe ayay ku imaan doontaa ibn Cabaas uu la galayee wuu qanciyay badankood xataa ninkoodii (Ra’iiska) ahaay ee ibnu Kawaa ahaa ee {بَلْ هُمْ قَوْمٌ خَصِمُونَ} ku dul akhrihayay wuu soo qanciyay.

Ileyn meesha waxba laguma hayninee dad wax ma garad ah meesha lagu uruursaday waxba meesha laguma haaynin.

«إِنِ الْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ»
«
لا حكم إلاّ لله»

…iyo intaan un baa lagu hoos nool yahay, wax fiqi iyo diin ah ma jirto (munaadaradiiba) markii la galay (qalaas) jawaabtii waa la bixin waayay intoodii Ilaahay Khayr ugu tala galay waa soo hanuuneen.

Marka wuxuu ku yiri markay yimaadeen Cali ibn Abii Taalib wuxuu ku yiri arintu haday saa u dhacday oo ay yimaadeen qaarna hareen, qaarkii haray baa wuxuu ku yiri, arinkeenu inta ummada ka kulmeyso meeshaad doontaana aad ka dageysaan dhulkiina iska jooga (warmaha naga) waan idinka ilaalineynaa, idin dili meyno idinla dagaalami meyno hadeydaan jid gooynin dhiigna daadin, hadaadse sidaas sameysaan waan idin tuureynaa balanta dagaal baana idinla galeynaa ku tala gala.

﴾ إِنَّ اللَّـهَ لا يُحِبُّ الخائِنينَ ﴿

[سورة الأنفال آية ٥٨]

Intaas ay iyaga iyo Cali (rc) ku kala tageen.

Xadiithka marka Caa’isha ayuu u dhacaayaa sooma aha, xadiithka qisada waxaa loo waramayaa Caa’isha (rc) Cabdullaahi ibn Shadaad baa qisada u wada oo Caa’isha u waramayaa.

Caa’isha marka waxay tiri ibn Shadaadow nimankaasi markay sameeyeen Cali waa laayay soo ma aha?

Haa buu yiri

Laakiinse intuusan leynin dad badan buu u diray, wuu dadaalay markii dambana waxay bilaabeen jid gooyo iyo inay dadka laayaan oo dhiiga xaq daro ku daadiyaan, ragay laayeena Cabdullaahi ibn Khabaab bin Aarat baa ka mid ahaa qisadiisa waan u tagi doonaa isagana.

Dadkii gaalada ahaay oo dawlada muslimka ku hoos noolaa ee (ahlu dimmada) ahaa ee cahdiga iyo balanta ku joogayna wey laayeen oo dhiigooda bey baneysteen.

Intaa markuu sameeyay Caa’isha waxay tiri:

( أ الله )

Ilaahay baan kugu dhaariyee ma saasaa?

Markaasuu wuxuu yiri:

{أ الله الَّذِي لا إِلَهَ إِلاَّ هُوَ}

Markaasay waxay tiri reer Ciraaq waxa iga soo gaaray muxuu yahay?

Ninkii naaska u saaxiib ahaa qisa noocaas ah ayaa la sheegaya, nin gacanta cududeeda cad sida naaska dumarka oo kale uu kaga yaal oo ka laalaado, qisadaasaan maqlaaya ee reer Ciraaq ka sheegayaan bal ka waran bay ku tiri.

Markaasuu wuxuu yiri:

Anaa arkay buu ku yiri, waana is dul tagay buu ku yiri ragii la laayay baan ka dhex helay buu yiri ninka astaantaa leh.

Cali markuu ninkii arkay baa wuxuu ku yiri dadkii meesha joogay:

War ninkaan ma garaneysaan, Yaa yaqaana?

Dadkii meesha joogay badan kooda waxay yiraahdeen, rag badan oo ka mid ah:

Anigu maalin baan ku arkay masaajidkaa (hebel) asaga oo ku dukanaaya, maalin kalena waxaan arkay asaga oo masaajidkaa (hebel) ku dukanaaya. Dadkii wey sheeg sheegeen, cid intaa ka badan taqaan waa la waayay.

Balaayadaan dadka leyneysa lamaba yaqaanaba, [adigu fahan] balaayadaan wax la garan ma aha, waa wax un meel ka soo kuday.

Maalin baan ku arkay asaga oo masaajidkaa ku dukanaaya

Maalin baan ku arkay asaga oo masaajidkaa ku dukanaaya

Ma intaasaa?

Yuu leeynayaa dadka, dadkii ugu khayrka badnaa buu leeynayaa.

Ninkii noocaa iyo astaantaa lahaa Caa’isha waxay tiri ma adaa arkay?

Waa sugan tahay buu yiri cid kale ha weeydiinin.

Caa’isha markaasaa waxay tiri:

{صَدَقَ اللَّهُ رَسُولَهُ}

‘’Ilaahay iyo Rasuulkiisu run bay sheegeen.’’

Ninkaasi Nabigaa ka sii waramay nimanka Khawaariijta lala dagaalami doono astaantooda iyo calaamadaa inay leeyihiin hadiithkiisana waan u tegi doonaa (Tafaasiil) intaa ka fara badan. Qisadaas sidaasaa ay sheegeysaa Cali (rc) iyo iyagu inay doodeen ee sitaa u taal.

Xadiithka waxaa soo saaray:

  • Xaakim wuu saxiixiyay [calaa shrdi sheekheyn].
  • Waxaa kaleeto ku waafaqay al-Imaamu Dahabi calaa sheekheyn.
  • Sidoo kaleeto waxaa soo saaray [Sheekh albaani]
  • Abuu Yaclaa wuu soo saaray.
  • Tabaraanina wuxuu leeyahay (Rijaalu thiqa)
  • Axmad baa soo saaray
  • Ibna Kathiir baa sannadkiisa saxiixinaaya

Xadiithkaa qisaa ku sugan Cali iyo iyaga dooda dhex martay wuu sugan yahay.

Waxaa inagu xigi doonto (In Shaa Allahu Tacaala) dersiga soo socdo ninkii la dhihi jiray Cabdullaahi ibn Cabaas (rc) oo isagana loo diray iyo isaga iyo Khawaarij doodii dhex martay (Tafaasiisheedii) waa dersiga inoo soo socda (In Shaa Allahu Tacaala).

Hadaa Wa Billaahi Tawfiiq.

Inshaa Allaah darsiga weli wuu sii socdaa, waana soo dhameystiri doonaa haduu Ilaahay (swt) inoo fududeeyo, li’ana wax sahal ah ma jiro ilaa uu Ilaahay (swt) sahal ka dhigo mooyee. Fadlan waxii faahfaahin ah ama qaladaad aad meesha ku aragtaan kala xiriira emailka qoraaga casharadaan oo hoos ku qoran. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

Xuruufaha aanu soo gaabinay:

  • (swt) – [سبحانه و تعلي]
  • (scw) – [صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم]
  • (rc) – [رضي الله عنه]-[رضي الله عنها]

Liiska macagyada qaar ka mid ah
Saxaabada aan darsiga ku soo qaadanay:

1 Abu Bakar (As-Siddiiq)

(رضي الله عنه)

أبو بكر الصديق

2 Cumar bin Al-Khattaab

(رضي الله عنه)

عمر بن الخطاب

3 Cuthmaan bin Caffaan

(رضي الله عنه)

عثمان بن عفان

4 Cali bin Abii Taalib

(رضي الله عنه)

علي بن أبي طالب

5 Caa’isha bintu Abu Bakar

(رضي الله عنها)

عائشة بنت أبي بكر

6 Dalxata bin Cubeydillaah

(رضي الله عنه)

طلحة بن عبيدالله

7 Al-Zubeyr bin al-Cawaam

(رضي الله عنه)

الزبير بن العوام بن خويلد

8 Mucaawiye bin Abii Sufiyaan

(رضي الله عنه)

معاوية ابن أبي سفيان

9 Maxammad bin Abu Bakar

(رضي الله عنه)

محمد بن أبي بكر

10 Cabdullaahi bin Khabbaab

(رضي الله عنه)

خبّاب بن الأرت بن عبد الله

11 Camr bin Caas

(رضي الله عنه)

عمرو بن العاص

12 Abuu Muusaa al-Ashcari

(رضي الله عنه)

أبو موسى الأشعري

13 Cabdullaahi bin Cabaas

(رضي الله عنه)

عبد الله بن عباس

14 Al-Ashcath bin Qays

(رضي الله عنه)

الاشعث بن قيس

15 Cabdullaahi bin Shaddaad

(رضي الله عنه)

عبد الله بن شداد بن الهاد الليثي

Qaybaha ay ka kooban yihiin Duruusta:

Qaybta 1aad

Qaybta 2aad

Qaybta 3aad

Qaybta 4aad

Qaybta 5aad

Qaybta 6aad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

La soco  Qaybta 3aad….!

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad: wajibad.wordpress.com