Xagjirnimada Diineed iyo
Khatarta ay Ummada u Leedahay

Qaybtii | 1aad

Dr. Maxamuud C/Raxmaan
Al-Madiinah Al-Munawarah

Decorative Lines

Assalamu Alaikum

Hordhac Kooban

Mahad dhammaanteed waxay u sugnaatey Rabbi hufnaaye, naxariis iyo nabad gelyna suubaha Nabigeena korkiisa ha ahaato.

Waxaan qormadaan kooban ku qaadaa dhigi doonaa haddii Rabbi idmo mowduuc aad u muhiim ah saldhigna u ah dhibaatada guuntay ee ragaadisay ummadda Soomaaliyeed laga soo bilaabo markii ay ka xoreebeen isticmaarkii na gumeeyey wixii ka horeeyey lixdameeyaddii.

”Waxaan ka hadli doonaa: [Xagjirnimadda nooceeda diimeed iyo khatarta ay ku hayso ummada.”]

Waxaan ifindoonaa Rabbi idankiis astaamaha ay xagjirnimaddu leedahay iyo waxa lagu garto qofka xagjirka ah. Waxaan si gaar ah isu bar-bar dhigi doonaa meelaha ay iskaga dhafmaan “xagjirnada diimeed” iyo “xagjirnada siyaasadeed”.

”Xagjirnimaddu waxay weligeed ahayd cudur soo jireen ah oo sabab u noqda in Ummado rogmaan.”

Waxaan shaki ku jirin in Ummadda Soomaaliyeed la soo daristay xagjirnamadu ayna saldhig u tahay dhiiga xurmadda leh ee sida aan kala go’a hayn u daadanaya. Xagjirnadu waxay gaartey baarkeedi ugu sareeyay mar haddii maanta la ugaarsanayo Culimadii iyo biri ma geydadii isla markaasna loo arko in daadashada dhiiga xurmada leh lagu gaarayo raali ahaanshada Rabbi iyo shahiidnimo!

Waxaa maanta gabad iyo gumaad ku jira nin door oo dhan hadday yihiin culimo diineed, aqoon yahan wax ku ool ah, oday dhaqameed iyo weli qofkasta oo waxtar u yeelan kara mustaqbalka ummadda.

Xagjirnadu waxay soo ifbaxday markii Nebi Muxammad (naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) lagu tuhmay in uusan caddaalad samayn! Waa yaabe haddii uusan Nebigii Rabbi soo dirsaday ee risaalada lagu aaminay uusan cadaalad sameyn yaa laga sugayaa in uu cadaalad sameeyo.

Xagjirnadu waxay soo bilaabantay markii Cali Ibnu Abii Daalib – oo ka mid ahaa khulafadii hanuunsanayd ahaana qof dhalin yaro ah ee Islaam qaata qofkii ugu horeeyay isaga oo noolna Janno iyo Rabbi raali ahaanshihiis loogu bishaareeyey – loo dilay in lagu Janno tago oo dhiigiiisa Rabbi loogu dhowaado (maxaa maanta shaley uga eg!).

Xagjirnamadu waxa si bareer ah u soo ifbaxday marka dhiiga Culimada iyo dadka diinta fidinteeda ku cireystay si aan gabasho la hayn loo iftooday in la gumaado isla markaasna lagu andacoodo in lagu Janno tegayo.

Xagjirnadda iyo khatarta ay leedahay Qur’aanka iyo Axaadiista Nebbiguba aad ayay uga hadleen, waxaana laga qoray kutub aad u fara badan si ummada looga badbaadiyo cudurkaan wax-ma reebaha ah.

Nusuus badan ayaa kusoo arooray xagjirnimada, waxaanse hordhacaan kooban kusoo qaadanaynaa qeyb ka mid ah.

Rabbi isaga oo la hadlaya reer banii Israa’iil ayuu ku yiri:

“Kuwa kitaabka la siiyeyow, ha ku dhicinnina xagjirnimo diimeed.”
[Surat: an-Nisaa, 171].

Xaddiis saxiix ah wuxuu Nebigeenu ku yiri (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha haatee):

“War iska jira xagjirnimadda diimeed, maxaa yeelay ummadihii hore waxay ku haligmeen xagjirnimo diimeey” (Saxiix Jaamic Sagiir, xadiis # 2680).

Ibnu Mascuud (Rabbi ha ka raali noqdee) wuxuu Nebiga (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato) ka weriyey in uu yiri:

“Waa halaagsameen xagjirku, waa halaagsameen xagjirku, waa halaagsameen xagjirku.” (Saxiix Muslim).

Saddex jeer ayuu Nebbigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ku cel-celiyey khatarta ay leedahay xagjirnimadu darteed.

Waa maxay Xagjirnimadu?

Xagjirnimo: waxaa lagu qeexaa in shay laga qabsado daaftiisa u shisheysa, ama looga baxo darafta ugu fog. Xagjirnaddu waxay la macno tahay xad-gudub oo ah in qofku uu talaabo soohdinata la ogolyahay. Waxaa lid u ah dhex-dhexaadnimada [sida ka muuqata shaxda ka muuqata dhanka midigta ah] oo ah in qofku ku ekaado xuduuda ama soohdinta sharciga ah oo uusan ka gaabin ama uusan talaabin sida Nebigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) u yiri:

“Rabbi wuxuu idinka rabaa waajibaad ee ha dayicinnina, wuxuuna idiin xadeeyey xuduud ee ha gudbinina.” [Bukhaari iyo Muslim]

Shaxda

Xagjirnamadu waxay leedahay labo daraf:

  1. Daraf waa in qofku ka gaabiyo ama ku gabood falo in uu la yimaado waajibaadkii la iska rabay waxaana loo yaqaan (Tasaahul).
  2. Darafka kale waa in uu qofku la yimaado wax ka baxsan xadkii loo baahnaa waxaana loo yaqaan (Tashadud).

Noocaan dambe waa kan caanka ku ah xagjirnada, isla markaasna ah cudurka halista ah ee umaduhu la idlaadaan. Asbaabta uu u noqday cudur halis ah waynu faah-faahin doonaa haddii Rabbi idmo.

Qormadaan qeybaheeda kale waxaan xooga saari doonaa noocaan dambe ee xagjirnada ah ee loo yaqaan “Tashadud”, “Tadaruf” iwm. Waxaan si gaar ah uga ka hadli doonaa haddii Rabbi idmo asbaabta keenta xagjirnimada noocaan ah iyo astaamaha lagu garto qofka qaba cudurkaan xagjirnimada dilaaga ah.

Xagjirnimadaani kuma eka diin keliya ee waxay kale oo gashaa dhaqanka, akhlaaqda iyo siyaasadda. Sidaa owgeed waxaan wax ka tilmaami doonaa (Rabbi idinkiis) isbar-bar dhigna ku samayn doonaa jawaanibta ay iska dhexgalaan xadgubuka siyaasiga ah iyo kan diimeed oo labaduba abuura bur-bur, deganaansho la’aan, dhiig badan oo daata, nabadgelyada oo laalanta iyo colaad aan dhamaan oo lagu le’do.

Xagjirnimada Diineed iyo
Khatarta ay Ummada u Leedahay

Qaybtii | 2aad

Qeybtii koowaad ee maqaalkan waxaan kaga hadalnay hordhac kooban oo kusaabsan xagjinimada iyo khatarteeda. Waxaan sidoo kale soo qeexnay xagjirnimada iyo noocyadeeda kala duwan. Waxaan si gaar ah u tilmaamnay in xoogga saarayno darafka xadgudubka. Taas macnaheedu ma aha in aan sahlanayno darafka gaboodfalka, laakiin khatarta tooska ah ee uu Ummadda oo dhan ay u leeyahay xagjirnamada nooceeda xadgudubka darteed ayaan xoogga u saaraynaa xilligan. Waa laga yaabaa in aan u soo noqono darafka gaboodfalka mar kale haddii Rabbi idmo si suuradda xagjirnamamdu u dhamaystiranto.

Waxaa xusid muddan in walaalaha qaarkood ka biyo diideen ereyga xagjirnimo in uu ka haboonaan lahaa erayga xadgudub. Run ahaantii luqo ahaan xagnirjimadu waxay kulminaysaa labada daraf ee gaboodfalka iyo xadgudubka halka xadgudubku uu tilmaamayo darafka tashadudka keliya – ku noqono qeexidii ay qormadii hore kaga hadalnay. Culimo dhowr ah ayaa kutub ka aliftay mowduucaan canaawiinta aysiiyeen kutubtooduna ay wadato ereyga xagjirnimo. Mar haddii aan qeexnay macnaha erayga iyo waxa aan ula jeedo isticmaalkiisu eed ma leh.

Asbaabta
Xagjirnimada Keenta

Sida aynu horey usoo tilmaamnay xagjirnamadu waa cudur dilaa ah sababana in ummado badani halligmaan. Cudurkaan wuxuu leeyahay sababo badan oo qaarkood yihiin soo jireen laga soo bilaabo intii aan rusushaba la soo dirin. Waxaa kale oo jira sababo la oran karo waxaa sababay wadciga murugsan ee Ummadda Islaamku guud ahaan marayo gaar ahaan fasaadka siyaasadeed, diimeed iyo akhlaaqeed ee laga dhaxlay ka dheeraanshaha laga fogaaday ku dhaqanka iyo hirgelinta shareecada Rabbi (xumaan oo dhan ka hufnaaye) soo dejiyey.

Asbaabta dhalisa xagjirnamada waxay isug jirtaa noocyo kala duwan oo qaarkood ku lug leeyihiin ku xad-gudub cibaado jeceyl, qaarkood la xiriiraan qallooc fikir iyo caqiido xumo, qaar salka ku hayaan shakhsiyadda qof-ahaaneed ee xagjirka, qaar kale ay ka dhashaan ciil-cun iyo dulqaad xumo marka qofku uu kala kulmo cadaadis iyo hagardaamo nidaamyada siyaasadeed ee shareeco diidka. Waxaan hoos ku falan qeyn doonaa asbaabtan kuwa ugu cad-cad ee qofka dhaxalsiiya xagjirnimada:

Ku Xadgudub Cibaado Jeceyl

Sababkaan “ku xad-gudubka cibaado jeceylku” oo ah in qofku isaga oo sheeganaya in uu Rabbi jecel yahay uu la yimaado cibaado aan kitaabka Rabbi iyo sunnada Rasuulka (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato) toona aysan sharciyeyn ama u guta si ka wudan sifadii loo sharciyeeyay. Waa sababkii ugu horreeyay ee keena xagjinimada taariikhda Banii’aadamka soo markta tii ugu horreysay ee horseedda Shirki iyo in Rabbi lagu gaaloobo intiiba aan la soo dirin rasuulkii ugu horreeyey ee Nuux (Nabadgelyo Korkiisa ha ahaatee).

Waa sababka kallifay in lagu xadgudbo nabiyada iyo rususha Rabbi soo diray lana gaarsiiyo heer la caabudo ama looba tiiriyo Ilaahnimo sida ay yeeleen reer Banii Israa’iil iyo qaar ka mid ah Suufiyada xagjirka ah. Waa sababka kallifay in lagu xadgudbo Awliyada iyo Culimada oo laga xarig xirto ama loo wacdo markii ay musiibooyinku dhacaan.

Khatarta uu leeyahay sababkan waxaa xumaan ugu ku filan in uu yahay sababka tooska ah ee risaalada Nabiyada dhamaantood ay ka hortageysey ee ay lahaayeen:

“Ilaahey kaliya caabuda, idinkoon cid kale wax ugu darin”
[Surat:
An-Nisaa, 36],

“Ha igu xad-gudbinnina sida Nasaaradu ugu xad-gudbeen Ciise …” (Bukhaari iyo Muslim),

“Qofkii la yimaada cibaado aan la sharciyeyn, isaga ayay ku noqon – laga aqbli maayo” (Muslim)

… nusuus kale oo aad u badan ayaa ku soo arooray mowduucaan, kutub aad u badanna waa laga qoray. Sababkan wuxuu halis ku yahay caqiidada qofka laakiin inta badan ma sababo in uu khal-khal amni ah u keeno bulshada guud.

Maan-Gaabnimo iyo
Qallooc Aragtiyeed

Sababkan “maan-gaabnimada iyo qallooca aragtiyeed” waa sababkii ugu horeeyey ee kallifay in bidcadii iyo xagjirnimadii ugu horeysay ka soo daahirto islaamka dhexdiisa. Xagjirnimadaan waxay soo ifbaxday intii Nebiguba (Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) uu noolaa.

Nin la oran jiray Dul-Khuweysira oo reer Banii Tamiim ahaa ayaa Nebiga oo xoolo qeybin ku jira ku yiri:

“Ilaahay ka baq oo cadaalad samee”. Nebigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) inta uu aad u xanaaqay ayuu yiri:

“War hoog oo halaage, yaa cadaalad sameynaya haddii aanan anigu cadaalad sameyn … waan hoogay oo khasaaray haddii aanan cadaalad sameyn” …

Cumar Ibnu Khadaab (Rabbi Raalli ha ka ahaado) ayaa markiiba yiri:

“Rasuulkii Ilaahayoow, ii ogolow in aan qoorta ka jaro” … Nebigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu Cumar ugu Jawaabay:

“Iska dhaaf, ninkani wuxuu leeyahay asxaab”

– riwaayad kale ayaa ahayd

“Waxaa gadaashiisa iman doona qoom – qofkiin salaadiisa iyo soomkiisa xaqirayo, quursanayo marka uu bar-bar dhigo salaaddooda iyo soomkooda (sida ay u cibaadaysanayaan darteed), Qur’aanka ayay akhrinayaan dhuuntase gudbi maayo (faham la’aan darteed), diinta waxay uga baxayaan sida leebku uga dhexduso ugaarta” – (xagjirnamadooda darteed) … xadiisku wuu dheer yahay …” (Bukhaari iyo Muslim).

Wuxuu kale oo Nebigu inoo sheegay (Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee):

“Waxaa soo bixi doona qolooyin da’yar, maan-gaaban, oraahdoodu tahay oraah tan ugu khayr roon, islaamka waxay uga baxayaan sida leebku uga dhexbaxo ugaarta, iimaankoodu gudbi maayo dhuuntooda …” (Bukhaari iyo Muslim).

Sida aynu ka aragno nusuustaas kor ku xusan, maan-gaabnimada, xikmad darrida iyo aragtida qaloocaniba waxay horseedeen soo if-baxa xagjirnimada khawaarijta oo gaalaysiiyey Saxaabadii Nebigu ku sheegay in ay yihiin jiilkii ugu khayrka badnaa. Xagjirnimadani waxay sababtay in ay dhagar ku dilaan (dil qorshaysan) Khaliifadii Rasuulka kana mid ahaa Alhu-Beydkiisa, ay u dhaxday gabadhii Rasuulka, isaga oo noolna Janno loogu bishaareey ee ahaa Cali Ibnu Abii Daaliib.

Dilitaanka ay dileen saxaabigan ahaana Amiirkii Muslimiinta markii la dilayey waxaa sii fool xumeynayey afkaarta qaloocan ee ay qabeen kuwii dilay iyadoo ay la ahayd in gaalaysiinta Saxaabada iyo dilka Amiirka Muslimiinta ay Rabbi ugu dhowaanayeen!!

Xadiiska kore wuxuu ina tusinayaa qofku in uu salaad badan yahay, soom badan yahay, qur’aanka aad u akhriyo, muujin mayso in uu diinta fahmay. Maan-gaabnimadu waxay keentaa in qofku ku dagmo in uu u qaato in uu wax garanayo isaga oo waxa uu yaqaanba ay aad u yar yihiin.

Abu Isxaaq Al-Shaatibi wuxuu kitaabkiisa “Al-Ictisaam – 2/173” ku yiri:

“Sababkii ugu horreeyey ee bidcada iyo khilaafka, sababayna in Ummaddu u kala baxdo firqooyin, si aad u daran isu baabi’iya wuxuu ahaa in qofku u qaato (maan-gaabnimadiisa darteed) in uu ehel u yahay Cilmi iyo Ijtihaad isaga oo aan gaarin darajadaas waana arrinka uu tusiyay xadiiskii saxiixa (Bukhaari iyo Muslim) ahaa…

“Ilaahay Cilmiga kuma qaado ka siibid laga siibo quluubta dadka, laakiin wuxuu ku qaadaa in Culimadu le’daan ilaa markii la waayo qof caalim ah dadku ay madax ka dhigtaan kuwo wax-ma-garad ah markii wax la weydiiyona iftooda iyaga oo aan cilmi lahayn sidaasna ku luma dadkana ku lumiya”

Maan-gaabnimada iyo qallooca aragtiyeed waxay sal u tahay xagjirnamada maanta khatarteedu gil-gishay dunida muslimka. Xagjirnamada keentay in Ummadda muslimka ah si aan kala sooc lahayn loo gaalaysiiyo. Xagjirnamada sababtay in qof kasta oo qof kale ka aragti duwan dhiiggiisa iyo xoolihiisa xalaalaysto. Xagjirnimada keentay in la ugaarsado qof kasta oo nin door ah ama Ummadda wax ku ool u ah.

Nebigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha haatee) wuxuu tilmaamay in xagjirnimada Khawaarijta iyo cid kasta oo raadkooda raacdaa ay ka diin dhiganayaan daadinta dhiigga muslimiinta halka aysan dan ka lahayn Gaalada dhabta ah …

“Waxa ay laynayaan AhluI-iimaanka waxayna faraha ka qaadayaan kuwa dhagax-caabudka ah” (Bukhaari).

Ibnu Xajar Al-Casqalaani oo sharxay xadiiskan ayaa yiri [Fatxul-Baari – 12/301]:

“Calaamadaha nebinnimada waxaa ka mid ah in Nebigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha haatee) sii odorasay waxa dhici doona inta aysan dhicin ka hor, waana in Khawaarijtu markii ay gaalaysiiyeen cid kasta oo khilaafta bannaysteen dhiiggooda”

Ibnu Xajar isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:

“Waxaan oo dhami waa wax ka dhasha cibaadada wax-ma-garadka (juhaasha) aan laabtooda nuurka cilmigu gelin, xarig adagna ka haysan cilmiga. Cambaarayn waxaa ugu filan in ninka ay ka soo farcameen uu Nebiga (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha haatee) uu mucaaraday, una tiiriyey gabood fal.

Taariikhdu way isa soo celisaa, xasuuqii ka dhacay Jazaa’ir, Masar iyo Ciraaq ayna geysteen kooxo diimeedyo la fikir ah khawaarijtii hore ayaa tusaale u ah dhibaatada qotoda dheer ee xagjirnimadu u leedahay ummadda muslimka ah.

Xagjirnimada noocaan ah iyo qallooca aragtiyeed iyo maan-gaabnimaba, waxaa tu’aale dhow inakaga filan dhibaatada cusub ee ay Soomaaliya ku jirtay xilliyadii u dambeeyay ee isugu jira qaraxyada, qixinta iyo gaajaysiintaba.

Gaar ahaan, in rag culimanimo sheeganaya ay cod dheer ku dheheen (Shirkii bishaan horaanteedi Baydhabo ka dhacay) gaalada iyo kuwa soo raaca waxaa nooga daran culimo ay ugu yeereen “Ictisaam” – culimadaas ay beegsanayaan oo bud-dhige u ahaa dacwada islaamka Soomaaliya ka hanaqaadday.

Waxaa fajaciso iyo amakaag naxdin leh noqotay in markiiba ay ku xigtay dhacdadii foosha xumayd dilka dhagarta ah loogu geystay Rabbi ha u naxariistee Dr. Sh. Axmed X. C/Raxmaan oo ka mid ahaa culimada wax ku oolka ah kuwa ugu caansan, aasaasayna mid ka mid ah Jaamacadaha dalka ka jira kuwa ugu tayada badan.

Waxaa musiibadan ka horreeyay dhacdooyin kale oo iyaguna aad u fool xumaa laguna gumaaday tiro aad u badan oo leh arday, culimo, bulsho rayid ah iyo aqoon yahayba – dhacdooyinkii hoteelka Shaamow iyo Warshadda Hargaha iyo Saamaha.

Waxaa iyaduna tusaale ku filan qoraal uu qoray Sh. Xassaan Xuseen (19 Muxaram 1433 H) oo ku ayiday bayaanka ka soo baxay shirkaas Baydhabo isaga oo raaciyey:

“Maslaxadu waxay ku jirtaa in la gaalaysiiyo dhamman shacabka iyo culimada ku dhaqan nidaamyada jira oo dhan ee riddada ah, ha rumaysnaadeen gaalnimada ama yeysan rumaysnaane, qofkii ducaadda ka mid ah oo sidaa khilaafana waa in la gooyaa, la cambaareeyaa ama la yiraahdaa waa faasiq” (Ta’yiid wa Munaasarah, Bogga 43)

Wuxuu qoraalkani daba joogay hadal hore oo isla Xassaan duubay, kuna sheegay in la dilo dhammaan culimada ka soo horjeedda waxa uu ugu yeeray muqaawada. Waa yaabe haddii hadallaan lagu gaalaysiinayo shacabka oo dhan si aan kala saar lahayn, laguna bannaysanayo dhiigga culimada diinka xambaarsan, aysan ahayn fikirkii gurracnaa ee khawaarijta, maxaa kale oo noqon kara?!!

Waxaa Qoray:
Sh.Dr. Maxamuud C/Raxmaan
Al-Madiinah Al-Munawarah
Email: ilaak@hotmail.com

Source: Halgan.net [From PDF files]