Ma Banaan Tahay In Qofka
Yiraahdo Lacag Iga Sii Xawil?

Waxaa Qoray:
Sheekh Cusmaan Cali Faarax

Decorative Lines

bismillah

Su’aal:

”Ma bannaan tahay in ruuxu ku yiraahdo qofka lacagaha u xawila dalkii iwm: Iga dir $3000 iwm, isagoo aan lacagta markaa dhiibaynin ee waqti kale keenaya?.”

Su’aashan ayaa waxaa la i waydiiyey intii aan safar dawco (diin) ku joogay South Africa, bishii January ee sannadkan 2013. Waxana walaalihii I waydiiyey ay iga codsadeen in jawaabtu ay qoraal noqoto.

Maadaama ay yihiin rag aanan codsigooda dib celin karin, ayaan ka aqbalay in jawaabtaydu ay noqoto mid aan ku soo gudbiyo qaab qoraal ah.

Haddii aan si kooban uga jawaabo su’aashaas waxaan leeyahay:

Arrintaan ah in lacagaha loo xawilo meel ka mid ah dalka markaa la joogo ama dal kale iyo qaybaha ay arrintaasi leedahayba waa arrin ku cusub fiq-higa islaamka, oo qaabka ay hadda leedahay ma ahayn wax laga dheregsan yahay oo la yiqiin. Way jiri jireen wax ay iskala mid yihiin dhinacyada qaar, laakiin xawilaadda ay sameeyaan bankiyada iyo shirkadaha xawilaaddu waa arrin ka kooban dhawr waxyaabood oo isku tegey, oo mid walbaaba uu xukun ku leeyahay fiq-higa islaamka.

Inta aanan jawaabta toos u gelin, oo aanan abbaarin xukun sheegista  ayaan waxan jeclahay inaan wax yar oo gogol-xaar ah ka hormariyo.

Lacagtii la isticmaali jirey bilaawgii Islaamka:

  • Dahab iyo qalin

Carabtu waxay lacag ahaan u isticmaali jireen Islaamka hortii lacag ka samaysan dahab iyo qalin oo aysan iyagu samaysan ee kaga imaan jirtey ummadihii la deriska aha (Roomanka iyo Faarisiyiinta). Sidaas iyadoo ah ayaa Islaamku yimid, wuxuuna dadka u daayey lacagihii ay isticmaali jireen.

Laakiin diintu waxay sharciyo u dejisay (sida ay wax walbaba u habaysay) sida sida lacagahaa la isugu bedelan karo, ha ahaadeen laba lacagood oo isku wax ka samaysan sida dahab oo kale ama ha noqdeen kuwo ka samaysan macdan kala duwan sida dahab iyo qalin.

Sidaa awgeed waxaa shardi laga dhigay oo axaadiis badani ku soo aroortay in haddii labada lacagood ay dahab wada yihiin ama qalin in aysan kala badnaan iyo in isla markaana lala kala wareego iyadoo aan  midkood ama labadoodaba dib laga keenaynin.

Haddii ay labada lacagood dahab iyo qalin kala yihiinna waxaa shardi laga dhigay in marka lagu heshiiyo in labada lacagood midkood lagu bedesho midka kale isla goobtaasba lagu kala qaato labada lacagood.

Sida qof rabey inuu dhawr diinaar ku bedesho dhawr dirham, marka sarrifka la isku afgarto waa in qof walbaaba la wareego lacagta uu qaadanayo. Haddii aan laga soo bixin shuruudaas, lana kala bedesho lacagahaas waxaa lagu dhacayaa RIBO! Oo ka mid ah dembiyada ugu  waawayn uguna foosha xun oo la galo.

“Fuluus” lacag ka samaysan macdan aan dahab iyo qalin toona ka  samaysnayn.

Muddo markii la isticmaalayey lacagahaas ka samaysan dahabka iyo qalinka oo ay ahaayeen lacagaha ugu muhiimsan oo la isticmaalo ayaa waxaa soo kordhay isticmaalka lacag bir ka samaysan oo aan dahab iyo qalin toona ahayn, waxana lagu magacaabi jirey ‘FULUUS’.

Markii ay soo shaac baxday lacagtaas aan waagii hore (islaamka hortiis iyo billawgiisiiba) aan sidaas loo isticmaali jirin ayaa culummadu (laga soo bilaabo qayb taabiciinta ka mid ah) waxay ka hadleen xukunkii ay yeelan lahayd, iyo meeshii salka loo gelin lahaa.

Markaas ayaa qolo walbaaba meel ku dhufteen. Qolo tiraahda lama siinayo fuluusta oo yeelan mayso wixii axkaam ahaa oo ay lahaayeen dahabka iyo qalinku, sidaas awgeedna RIBO ma gasho. Sidaasna waxaa yiri culummadii salafka intoodii badnayd, iyo weliba culummada fiq-higa intooda badan(1). Taas macnaheedu waa in lacagtaas mid kale lagu sarrifan karo iyadoo aysan qasab ahayn in goobtaas lagu kala qaato ee qaar dib laga keeni karo.

Meesha kuwaasi sidaas ka yiraahdeen qolo kale ayaa waxay tiri: waxay qaadanaysaa axkaamtii ay lahayd lacagta ka samaysan dahabka iyo  qalinka.

Lagacagaha Warqada Ka Samaysan

Haddana markii ay soo baxday in waxa wax lagu qiimeeyo oo wax lagu kala gato ay noqdeen lacagahaan warqadda ah oo qolo walbaaba mid  iyada u gaar ah samaysatay ayaa haddana culummadu waxay isku qabteen xukunka ay yeelanayso, qolobana meel ayey ku dhufteen, laakiin marka warka culummada la soo duuduubo:

B) Qolo waxay sheegeen in lacagahan ay noqonayaan kuwo inta badan aan lahayn tilmaamihii ay lahaayeen lacagaha ka samaysan dahabka iyo qalinka, sidaa awgeedna aysan Ribo gelaynin, oo sidii la rabo loo kala bedelan karo(2).

Weliba shiikh culummada ka mid ah ayaaba wuxuu ka dhigay culummada sidaas qabta inay yihiin culummada intooda badan!, isagoo marka uu fiiriyey wararkii culummadii hore ay yiraahdeen kala soo dhexbaxay inay intooda badani sidaas qabaan(3).

Marka sidaas la raaco wax dhib ah kuma jirayaan arrinta ah “lacagta iga sii dir”.

Warkooduna aad ayuu u xoog badan yahay.

T) Qolo kale waxay yiraahdeen: in aysan arrintu siddaas ahayn oo ay lacagihii dahabka iyo qalinka ahaa ay lacagtan warqadaha ahi kala mid tahay meesha ugu muhiimsan oo ay tahay in laga eego, ayna ka (midaysan yihiin lacagaha ka samaysan dahabaka, qalinka iyo warqadaha xagga lacag nimada oo iyaga wax walba lagu qiimeeyo, sidaas awgeedna ay ribadu gelayso oo aysan bannaanayn in lacag sida Euro aan laga sarrifi karin mid kale iyada oo aan goobta lagu heshiiyey aan lagu kala qaadanaynin.

النقىد وذقلة قُوح العولح ، لوحوذ األشقر )822(، الفائذج الوصرفُح وعالقرها تالرتا وذطثُقاخ الوصرفُح اإلسالهُح، لشُخنا عثذ اهلل .1

تن َىسف الجذَع )ص117-37( والطثعح الرٍ عنذٌ طثعح ذجرَثُح خاصح السرشارج العلواء وأصحاب الفكر، ولُسد للنشر العام.2

هعاهالخ األهىال، لعثذ اهلل تن تُح )ص 28

Sidan waxaa qaba culummada casrigaan intooda badan, waxaana sidaas  go’aan ahaan u qaatay golayaal kala duwan oo fiq-higa lagu gorfeeyo, sida golaha fiq-higa islaamka nr.9, kalfadhigiisii saddexaad . Waxayna  yiraahdeen in lacag walbaaba ay tahay (sida shilinka doollarka, euro-ga  iwm) ay tahay mid ka madax-banaan lacagaha kale, sida ay u kala  madax-banaanaayeen dahabka iyo qalinku, oo sidaas awgeed lacag  walba in mid kale lagu sarrifan karo, laakiin ay lagama maarmaan tahay  in goobtaas lagu kala sarriftay lagula kala wareego.

Marka la raaco ra’yigaan dambe waxaan bannaanayn in qofka laga diro tusaale ahaan lacag Doollar ah, laguna ballamo in uu dayntaas ku bixiyo lacag kale sida Euro, Pound, iwm, iyadoo markaas la ballamay aan lacagta goobtaas lagu bixinaynin, ee inta la isla ogolaado inta la iska rabo iyadoo loo fiirinayo inta markaa uu sarrifku marayo, ka dibna sidaa lagu kala tago, goor dambena dayntii la dhiibo.

Haddii ra’yiga culummadaan dambe laga ambaqaado, lana damco in laga jawaabo mas’aladii aan soo sheegnay, waxay jawaabtu noqonaysaa sidaan: Marka hore arrintaan ah in qofku yiraahdo “iga sii dir lacag intaas ah” waa arrin baahsan oo ay isticmaalaan dad aan yarayn oo ka mid ah bulsho waynta Soomaaliyeed sababo kala duwan awgood.

Waxaa ka mid ah sababaha sidaas loo sameeyo iyada oo qofku uusan isla waqtiga uu rabo in lacagta laga diro uusan lacagta gaarsiin karin qofka lacagta ka diraya, amaba uusanba haysan lacagta uu rabo in laga diro.

Marka dadka lacagaha laga dirayo, waxay lacag diristu u dhacdaa saddex qaab midkood:1.In qofku uu ka codsado in qofka lacagta ka dirayaa uu qaddar lacag ah ka diro isaga oo aan warsanayn inta ay noqonayso lacagta uu rabo in laga diro marka loo bedelo lacagta laga isticmaalo dalka uu joogo oo lagu daray khidmada lacagta loogu xawilayo. Sida qof kula ballamay lacag xawilaha inuu bil walba ka diro lacag go’an, oo marka laga diro ka dibna iska bixiya dayntii lagu lahaa.

Marka xaaladdu sidaan tahay qofka lacagta laga diray waxaa lagu  leeyahay lacagtii laga qaatay meeshii uu wax u diray oo lagu daray  khidmadii lagu diray = $310.

Marka uu iska gudayana wuxuu taa  bedelkeeda dhiibi karaa lacagta dalka uu joogo, iyadoo lagu qiimaynayo intii labadoodu ay isla gartaan, ha noqoto sarrifkii ay wax maraayeen maalintii lacagta laga diray ama ha noqdo sarrifka lacagta ee maalinta ay  kala qaadanayaan daynta iyadoo lagu dhiibayo lacag ka bedelan middii la daynsaday (4).

Qayb yar oo culummada ka mid ah ayaa waxay yiraahdaan marka daynta lacag ka bedelan tii la daynsadey lagu dhiibayo waxaa qasab ah in sicirka la dhiibayaa uu noqdo halka sarrifku uu marayo waqtiga daynta la kala qaadanayo, ee uusan noqon kii maalintii lacagta la dirayey. Laakiin sidaas waa laga raajixsan yahay. Xadiiska C/laahi bin Cumar (a.k.n) oo ay daliishadaanna waa mid tabardaran. Halkaanna kuma wada sheegi karo wixii ay yiraahdeen, wixii ay daliishadeen iyo weliba wixii looga jawaabey.

Qofka dersa(y) fiq-higa wuxuu arrintaa ku cilladayn karaa dhowr  waxyaabood, waxana ka mid ah arrintaan soo socda:

”Lacagtaas la daymiyey haddana laga diray iyadoo laga qaaday khidmo waa dayn dheef u soo jiidday qolada wax daymisay, waxaana ay sheegaysaa qaaciddo fiq-hi ah in “Dayn kasta oo dheef u soo jiidda qofka daynta bixiyey waa RIBO” sidaas awgeed waa xaaraan arrintaasi.”

4 نظر:

Arrintaas jawaabteeda iyo cillad-bixinteedu waa:

  1. In khidmada qofka looga qaaday in lacagta loo diro aysan ahayn mid looga qaaday in lacag  la daymiyey awgeed, ee waa lacag looga qaaday shaqo loo qabtay oo ah lacag xawilidda. Waxana isku mid ah oo qofka laga qaadayaa khidmada haddii uu keenay lacagtii laga dirayey oo kaash ah iyo haddii la daymiyeyba. Sidaas awgeed qaaciddadaasi meeshan kuma shaqo lahan.

Intaa waxaa dheer in arrintu aysan mar walba sidaas ahayn, ee ay jiraan marar ay dayntu dheef soo jiidayso isala markaana aysan wuxu Ribo iyo xaaraan noqonayn.

  1. In qofku uu warsado qofka lacagta ka diraya inta ay noqonayso lacagta uu rabo inuu diro marka loo bedelo lacagta laga isticmaalo dalka uu joogo oo lagu daray khidmada lacagta loogu xawilayo. Tusaale ahaan: saddex boqol oo doollar ayuu wuxuu rabaa inuu beeri u diro waalidkiis ama ilmihiisa iwm oo jooga Soomaaliya, wuxuuna qofku joogaa England, wuxuu rabaa in loo sheego inta lagu dirayo lacagtaas (inta sarrifku maalintaas marayo oo lagu daray khidmada lacagta loogu xawilayo).

Waxaa loo sheegayaa inta lacagtaasi ay tahay oo Pound ah (£190). Ka  dibna wuxuu codsanayaa in lacagtaas laga diro.

Sidaan dambe (nr.2) marka ay wax u dhacaan oo labada qof ay isla sii ogaadaan inta aan weli wax la kala daynsan in haddii dayntu dhacdo ay  ballantu tahay in qofku uu dayntaa (doollarkii laga diray) ku gudi doono lacagta dalka uu joogo. Marka sidaas ay xaaladdu tahay way bannaan tahay in sidaas la sameeyo oo qaabkaas wax la isaga diro.

Sababtoo ah labada qofood ma ahan kuwo wax kala sarrifanaya, oo qofka wax laga dirayo wax dayn ah laguma lahan ee mid walbaaba midka kale wax ayuu u ballanqaaday (dayn ay ka dambayn doonto in lagu bixiyo lacag ka bedelan middii lagu bixiyey ), oo sidaa awgeed wax kala sarrifasho markaa ma jirto, ee waxaa jira ku ballamid in lacagta daynta noqon doonta lagu gudo lacag nooceeda ka bedelan. In sidaas lagu sii ballamo wax dhib ah ma lahan haddii aysan qasab ahayn in ballantaasi sidaas u dhacdo (5).

Mar aan waydiiyey dad u shaqeeya shirkado kala duwan oo xawaaladaha ah in haddii ay qofka lacag ka diraan (tusaale ahaan: $3000+ 30 khidmo ah), ka dibna qofku uu u keeno lacagtii laga diray oo sideedii ah oo loo sarrifin lacagta dalka la joogo (tusaale ahaan wuxuu keenay : $3000+ 30 khidmada ahayd) in ay sidaas aqbalayaan, oo wax dhib ah aysan ku jirin.

3.In qofka lacag laga diro, marka daynta lagu yeesho ka dibna uu qofkii ka diray kula heshiiyo inuu daynta ku bixiyo lacag aan ahayn noocii laga diray, sida lacagta dalka uu markaa joogo, isaga oo aan isla markaas dayntii bixinaynin. Marka ay xaaladdu sidaas tahay waa marka ay culummadu (qoladii labaad) yiraahdeen waa xaaraan, markaa waxaa lagu dhacayaa Ribo.

Fiiro Gaar:

Haddii qofka lagu lahaa ($600) oo uu damco inuu dayntii isaga gudo lacag Euro, ama shlin ah iwm laakiin uu haysto wax u dhigma ($300), uuna rabo inuu dayntii barkeed iska dhiibo, wuxuu samaynayaa inuu dhiibo wax u dhigma ($300) oo lacagta uu haysto ah.

Saddexda boqol oo kale oo ku dhimanna loo bedeli mayo oo loo sarrifi mayo lacagta uu rabo mustaqbalka ku gudo, ee waxaa lagu lahaanayaa iyadoo isla sideeda ah ($300). Ka dibna marka uu lacag soo helo ayuu leeyahay meeqa ayuu sarrifkeedu noqonayaa si aan isaga dhiibo, marka loo sheegana halkaa ayuu isaga bixinayaa, oo ku dayn-baxayaa.

 انظر:األم، لإلهام الشافعٍ )33/3(، الوحلً،التن حزم )313/8(، فقه الوعاهالخ لوجوىعح هن الوؤلفُن )838/1(،

الفراوي االقرصادَح لوجوىعح هن الوؤلفُن -الفرىي رقن ) 33 ( لنذوج الثركح السادسح

Warka markala soo duuduubo waa in ay bannaan tahay arrintaa la I waydiiyey, wax xaaraan-nimo ahna aysan ku jirin, marka xaaladdu tahay nr.1 ama nr.2 . Xaaladda nambarka (3-aadna) aysan bannaanayn marka la raaco culummada qaybtii (T). Qofkii ku qanacsan qolada qaybta koowaadna (B) wuxuu mar walba aaminsan yahay inay arrintaasi wada xalaal tahay xaalad walba oo ay ahaataba (nr.1. nr.2 ama nr.3).

Sidaas marka aan leeyahayna waxan ogahay in dadka qaar ay is tusi karaan sidaas si ka duwan, laakiin markii aan mas’alada rogrogay oo dhinacyo badan ka fiiriyey isla markaana dhawr jeer ku noqday kutub kala duwan oo arrimahan oo kale ku fara-dhuudhuuban ayaa sidaasi ay ii soo baxday. Cilmi dhammaystiran oo aan nusqaan lahaynna Alle (c.n.k) ayaa leh.

 wasalalhu calayhi wasalim,…

Waxaa Qoray:
Sheekh Cusmaan Cali Faarax

Birmingham- England
Xigasho: Daarulcilmi.com