Silsiladda Taariikhda Ururada
Diiniga Ah Ee Soomaliya

Qeybta | 9aad

Decorative Lines

Meelaha ay Soomaalida Kasoo
Gashay Fikirka Ikhwaanka

Ujeedada aan ugu dheeraanayo qoraalka Ikhwaan Muslimiinta waa inaan kala soo dhex baxno qaabka ay iskugu xiran yihiin ama isku dhaleen ururada Islaamiga ah ee Soomaaliya iyo ururka Ikhwaan Muslimiin, waxaanan qoraalkan laga bilaabo bidhaamin doonaa meelaha ay Soomaalida kasoo gashay fikirka Ikhwaanka labadiisa garab, kan Takfiiriga ah iyo kan qunyar socodka siyaasiga ah.

Waxan dib ugu laaban doonaa taariikhdii Ikhwaan Muslimiinka, laga soo bilaabo 1954 ilaa uu ka geeriyooday Jamaal C/nasir 28 Sebtember 1970. Xubnaha Ikhwaan Muslimiinku waxay ku jireen caburin xoogan, waxayna noqdeen wax la xiro iyo wax wadanka ka cararay. Fikradii Sayid Qudub oo ahayd gaalaysiinta shucuubta iyo dowladaha wadamada Islaamka, way sii xoogaysatay maadaama caburin xoogan ay saarneyd Ikhwaanka aduunka guud ahaa iyo gaar ahaan midka Masar.

Laakin Ikhwaanka Masar waxay ku dadaaleen inay ka fogaadaan fikirka Takfiirka ee Sayid Qudub, waxana jira dhowr wadaad oo Ikhwaan ah oo qoray kutub ay uga soo horjeedaan fikirka Sayid Qudub. Ikhwaanka Masar way ku guuleysteen ilaa xad inay xakameeyaan fikirka Takfiirka, laakin fikirkaas wuxu ku baahay dunida kale ee Muslimiinta ah.

Fikirka Takfiirku wuxu sii xoogaystay oo dunida Muslimiinta ku faafay kadib dhimashadii Jamaal C/naasir, markii uu Anwar A-Saadaat qabtay talada Masar oo uu soo daayay inta badan Ikhwaankii uu xirxiray Jamaal C/nasir. Ragga uusoo daayay Saadaat 1972-dii waxa ka mid ahaa Max’ed Qudub oo la dhashay Sayid Qudub, isku waqtina la xiray sannadkii 1965-tii. Markii lasoo daayay Max’ed Qudub wuxu magangalyo siyaasadeed warsaday boqortooyada Sucuudiga oo soo dhaweysay, isla markaana ka siisay shaqo macalinimo jaamacadda boqor C/casis ee magaalada Jidda.

Shaqadii ugu horeysay ee uu qabtay Max’ed Qudub waxay noqotay inuu qoro, tafaftiro isla markaana daabaco kitaabadii walaalkiis Sayid Qudub. Kutubtaas oo si xowli ah ugu faafay dunida Muslimiinta waxay sabab u noqdeen faafitaanka fikirka Takfiirka, wuxuna fikirkaas soo gaaray Soomaliya dhamaadkii sanadihii todobaatameeyadii, waqtigiisa ayaanan faahfaahindoonaa.

Inkastoo uu daabacay kutubtii walaalkiis, hadana Max’ed Qudub wuxu isku dayay inuu casriyeeyo hadalada gaalaysiinta shucuubta iyo dowladaha Muslimiinta, wuxuna ku bilaabay inuu cadeeyo in dowladda Sucuudigu aysan ahayn “gaalo” maadaama ay tahay dowladda siisay magan-galyada iyo shaqada. Laakiin dowladaha kale ee dunida Islaamka wali waxay u arkayeen kooxda Qudbiyiinta ee garab Ikhwaanka ka tirsan inay yihiin gaalo.

Ururada Islaamiyiinta ah ee dunidda Islaamka ka jira, si duuduub ah ayay u qaateen hadalka Max’ed Qudub, waxayna kasoo reebeen dowladda Sucuudiga gaalnimada uu Sayid Qudub ku xukumay dowladaha Muslimiinta, ilaa laga soo gaaray sanadkii 1996 markaasoo Usama Bin Laadin (Rabi ha u naxariistee) uu dowladda Sucuudiga ku xukumay inay tahay gaalo.

Wadaad Soomaali ah oo dagan Kenya, taageersana Al-Shabaab oo lagu magacaabo Xasaan Xuseen ayaa laga soo xigtay inuu yiri “Dowladaha wadamada Islaamka oo dhan waa gaalo, berigii hore waxa laga reebi jiray dowladda Sucuudiga, iyadana waxa hada gaaleysiiyay Sh. Usaama Bin Laadin.

Sida aan kor kusoo sheegnay gaaleysiinta Sayid Qudub uu gaaleysiiyay dowladaha iyo shucuubta Muslimiinta waxay ka dhalatay ciil iyo caro uu kasoo qaaday xabsiyadii Masar, sidoo kale gaaleysiinta Usama Bin Ladin uu gaaleysiiyay dowladda Sucuudiga waxay timid kadib markii dowladda Sucuudigu ay kala laabatay Usama Bin Ladin dhalashadii iyo baasaboorkii Sucuudiga sanadkii 1996 iyagoo ku eedeeyay inuu ka dambeeyay qaraxyadii Khobar ka dhacay sannadkii 1995.

Waxa laga soo xigtay Shiikhii Usama Bin Ladin, inuu ka codsaday Fatwo uu ku gaalaysiinayo dowladda Sucuudiga, markii uu waydiiyay dambiga gaalnimada gaarsiiyayna wuxu Usama u sheegay Shiikhiisa inay kala laabteen dhalashadii Sucuudiga. Shiikha ayaa ugu jawaabay Usama in taasi aysan aheyn dambi gaarsiinaya dowladda Sucuudiga gaalnimo, halkaas ayayna ku kala hareen Usama Bin Ladin iyo Shiikhisa kadib markuu Usama uu ku adkeystay gaalaysiinta dowladda Sucuudiga.

Qofkii u dhaba gala ficilada ururada Islaamiga ah ee huwan dilka iyo gaaleysiinta wuxu arkayaa in inta badan ay sabab u tahay ciil iyo caro ay qabaan xubnahaas iyagoo doonaya inay ka aargoostaan dhibaato shaqsi ah oo horay u gaartay. Sannadkii 1975 ayuu Max’ed Qudub si cadaan ah u diiday in la gaalaysiiyo shucuubta Muslimiinta, laakin hadalkiisa waxa ka dheereeyay qoraaladiisii iyo faafintii uu faafiyay kutubtii walaalkiis Sayid Qudub.

Labada kutub ee ugu muhiimsan qoraalada Sh. Max’ed Qudub waxay ka qeyb qaateen faafinta takfiirka, waxaana la sheegaa inay hada ka mid yihiin manhajka waxbarasho ee ururka Al-Qaacida, waxana duuban codadka Usaama Bin-Laadin uu ku boorinayo taageerayaashiisa inay aqristaan kutubtaas. Labadaas kutub ayaa kala ah “Mafaahiim Yajib An Tusaxax” iyo “Jaahiliya Fii Qarni Al-Cishriin” oo macnahoodu kala yahay “Faham ay waajib tahay in la saxo” iyo “Gaalnimada qarniga 20aad” Labada qoraalba waxaa ku cad in fahamka laga qabo Muslimiinta aduunka dib loogu laabto oo laga hurgufo inta gaalada ah.

Max’ed Qudub wuxu isbuuc walba ka jeedin jiray Jaamacadda Boqor C/casis muxaadarooyin joogto ah, oo dhalinyarada dunida Islaamku ay buuxin jireen kuraasta saacado ka hor. Ardadii Soomaalida ee waxbarashada u soo aaday Sucuudiga waxay qeyb ka ahaayeen dhagaystayaasha muxaadarooyinkaas, hadana waxay ka mid yihiin xubnaha waaweyn ee ururada Islaamiga ah ee Soomaliya, sida Itixaad Al-Islaami, iyo Al-Islaax.

Sidoo kale Max’ed Qudub wuxu si hoose u agaasimay ardeyda Sucuudiga, wuxuna si qarsoodi ah ugu soo daray ururka Ikhwaan Al-Muslimiin A-Dowli oo ah waax caalami ah oo ay xubno ka yihiin Muslimiinta aduunka oo dhan. Ragga uu sida hoose u agaasimay waxa ka mid ah Dr. Salmaan Al-Cowda oo la sheego hada inuu ka tanaasulay aragtidiisii kadib markii dowladda Sucuudigu ay xirtay muddo.

Sidoo kale waxa ka mid ahaa raggaas Safar Al-Xawaali, Caa’id Al-Qarani iyo Usaama Bin-Laadin oo isagu ku biiray Jihaadkii Afganistaan bartamihii sideetameeyadii. Ragga aan kor ku sheegay oo dhan waxay saameyn weyn ku yeesheen dhaqdhaqaaqyadii Islaamiga ahaa ee Soomaliya gaar ahaan urur-weynihii Al-Itixaad oo hada ay kasii farcameen ururka Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam oo isagu hada baaba’ay.

Waxaanan si faahfaahsan u sii cadeyn doonaa waqtigooda marka la gaaro saameynta ururka Ikhwaan Muslimiin uu ku yeeshay ururada diiniga ah ee Soomaaliya, oo kala qaatay labada fikir ee Ikhwaan Muslimiinka oo kala ahaa Takfiir iyo Qunyar Socod. Fikirka Takfiirka ee ilmo Qudub waxaa qaybo ka mid ah qaatay Itixaad Al-Islaami iyo Wuxdada oo ka dhisnaa

Waqooyiga Soomaliya kadibna la midoobay Al-Itixaad sannadkii 1983. Shuruudihii ay ku midoobeen labadan urur waxa ugu weynaa in manhajka waxbarasho ee xubnaha ururka Itixaadka lagu soo daro kutubta Sayid Qudub. Dhanka kale fikirka Qunyar-Socodka Ikhwaanka waxaa qaatay Al-Islaax oo iyagu xubin ka ah Ikhwaanka Dowliga (Caalamiga) iyo Ururka Majmaca Soomaliduna ay u taqaano Aala-Shiikh ayna xubno ka yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wasiirkii hore ee arimaha gudaha Sh. C/qadir Cali Cumar.

Ayman Max’ed Rabiic A-Dawaahiri Iyo Garabka Ikhwaanka Takfiirka Ah.

Waxa kale oo fikirka Sayid Qudub si weyn u qaatay Ayman A-Dawaahiri oo hada ah madaxa Al-Qaacida kadib geeridii Usaama Bin-Laadin, haddii hoos loosii dagana ah abaabulaha iyo maareeyaha dhabta ah ee Al-Qaacida. Ayman A-Dawaahiri wuxu kubiiray ururka Ikhwaan Muslimiin sanadkii 1965 isagoo 14 jir ah.

Sannad kadib markii la dilay Sayid Qudub isagoo 15 jir ah wuxu qayb ka ahaa 5 dhalinyaro ah oo isku iskool ah, iskuna tagay oo sameeyay garab qarsoon oo ku heshiiyay inay ficil ahaan u badalaan aragtida Sayid Qudub. Waxayna go’aan ku gaareen inay afgambiyaan dowladda Masar, isla markaana dhisaan dowlad Islaami ah.

Dhamaadkii todobaatameeyadii garabkoodii qarsoodiga ahaa oo ku qanci waayay qunyar socodnimada garabka kale ee Ikhwaanka, waxay la midoobeen dhalinyaro kale oo ku aragti ah, waxayna dhiseen urur ay u bixiyaan Islamik Jihaad. A-Dawaahiri wuxu sii watay waxbarashadiisii wuxuna kasoo qalin jabiyay Jaamacada Qaahira sannadkii 1974 isagoo soo bartay cilmiga qaliinka ee dhaqtarnimada. Qalinjabintiisii kadib, wuxu 3 sanno la shaqeeyay ciidamada qalabka sida ee Masar oo uu u ahaa takhtar.

Isku Daygii Afgambi
Ee Islamic Jihaad

Kadib markii madaxweyne Anwar A-Saadaat uu heshiiska la galay Israa’iil 1979, uuna Masar usoo celiyay lamadagaanka Siinaay, waxa arinkaas ka carooday guud ahaa Ikhwaan Muslimiin, gaar ahaana garabyadii ka farcamay oo ay ka mid ahaayeen Jameeca Al-Islaamiya, Takfiir Wal Hijra iyo garabka Ayman A-Dawaahiri ee Islamik Jihaad ee uu hogaamin jiray Cabuud Al-Zumar oo ahaa korneyl ka tirsan sirdoonka ciidamada Masar, hadana ku xukuman xabsi daa’in uu ku mutay qeybtii uu ka qaatay dilkii Anwan A-Saadaat.

Dhamaadkii todobaatameyadii iyo bilowgii sideetameeyadii waxay diyaariyeen isku-day afgambi, qaybta uu ku lahaa A-Dawaahirina waxay aheyd inuu diyaariyo qeyb ka mid ah ciidamada, iyo hubkooda maadaama uu takhtar u ahaa. Qorshaha Ayman iyo Cabuud wuxu ahaa inay dilaan madaxda sarsare dowladda Masar, inay qabsadaan xarumaha ciidamada, amaanka, war’isgaarsiinta, telefishinka iyo raadiyaha.

Iyagoo ku jira diyaargarowgii wajigii u dambeeyay ayaa ciidamada amaanku ay qabteen xubin sare oo ka tirsan kooxda afgambiga ee Islamik Jihaad, waxayna ka heleen dhamaan qorshaha afgambiga iyo cidda diyaarinaysa. Bishii Febraayo 1981 madaxweyne Saadaat wuxu amray in lasoo qabqabto guud ahaan dhaqdhaqaaqa Ikhwaan Muslimiin gaar ahaa Islamik Jihaad, waxaana halkaas lagu soo xirxiray rag tiradoodu ay gaarayso 1500 oo qof.

Xarigaas waxa ka badbaaday Ayman A-Dawaahiri iyo qayb ciidamada ka tirsan oo uu hogaaminayay ninka dili doona Anwar Saadaat Oktoobar 1981 oo la oran jiray Khalid Islambuli. Dilkii Saadaat kadib waa la xiray Ayman iyo Khalid, waxana lagu xukumay Khalid dil toogasho ah oo lagu fuliyay bishii Abriil 1982, halka Ayman A-Dawaahiri lagu xukumay 3 sanno oo xarig ah kadib markii uu heshiis kula galay maxkamadda inuu sheego halka uu ku dhuumanayo nin si weyn loo goobayay oo ka tirsanaa kooxdii dishay Saadaat.

Ninkaas oo lagu magacaabi jiray Cisaam Al-Qamari, waa lasoo qabtay kadib markii uu tilmaamay Ayman A-Dawaahiri halka uu ku dhuumanayay, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah. A-Dawaahiri oo lasoo daayay 1984, wuxu sannad kadib aaday dalka Sucuudiga isagoo ku baxay visa Xaj, wuxuna ka bilaabay halkaas xirfad takhtarnimo, oo uu ku shaqeeyay mudo sannad ah. Kadib wuxu u wareegay Pishawir, Pakistaan sannadkii 1986, halkaasoo uu ka shaqeeyay isbitaal uu maamulayay ururka Bisha Cas, laguna daaweyn jiray dhaawacyadda mujaahidiintii Afganistaan ka dagaalami jira.

Email: silsilada@gmail.com