Mar Kale iyo Buugga loogu
Magac Daray Xadka Riddada

Waxaa Qoray:
Sheekh Maxamed Idiriis Axmed

Decorative Lines

Assalamu Alaikum

Qaybta | 1aad

Ayaamihii barakaysnaa ee xajka lagu maqnaa waxaan filayaa in dadka qaar sii wad wadey sheekadii buuggii Saaxiibkeen Cabdi Siciid Ismaaciil.

“Xadka Riddada Maxaa Ka Run ah”..

Intaan Joogney Dhulka Barakaysan ee Makka Al Mukarramaha, Allaha Ilaaliyee, waxaan arkay Farriin uu soo geliyey Qoraaga Buuggu oo uu jawaab uga dhigayey Naseexadii Sheekh Maxamed Cabdi Umal Allaha Dhawree.

Waxaan kaloo arkay ilaa 2 qoraal oo ay qoreen rag is yiri mindhaa wadaadka buuga qoray taageera, laakiin haadaanka kasii tuuraya, waayo saaxiibka dhabtaaye waa kan runta kuu sheega ee maaha kan wax walba kuu rumeeya.. Waxaan filayaa Culimada wadaadka buuga qoray u naseexayneysaa iney waxbadan uga hiil badan yihiin kuwa sii takhantakhaynaya..

Waxaan aad ugu raja weynaa walaalkeen Cabdi Siciid inuu garwaaqsan doono arrimaha khatarta ah ee buugga ku qoran, oo Sh. Maxamed Umal iyo dad kaleba ay baraarujiyeen, Xaqqa oo loo noqdaana waa fadiila wanaagsan, dhamaanteenna qaladku wuu naga dhacaa oo ceeb ma aha in bani aadamku gafo waayo wuuba u abuuran yahay, laakiin waxaa ceeb ah in qofku qaladka ku adkaysto ama ku madax adaygo, taasoo aan natiijadeeda marna la mahadin..

Waxaan gacanta ku hayaa, Qoraal ku Magacaaban “Xadka Riddada: Maxaa Ka Run Ah? Siciid A. Ismaaciil, Okt 28, 2009. Laguna Faafiyey barta Internetka, Bogga: WardheerNews.com.. Waana 63 bog.. Waxaanan Filayaa inuu yahay Gundhigga Buugan uu Hadda Nairobi Ku Daabacay Wadaadku…

Hadii aaney arrintu Ula Kac iyo Indha Adayg ahayn, ama Ujeeddo Qorshaysani ka dambayn, waxaan filayaa Buuggan waxa ku qorani wax la difaaci karo maaha, Waana wax aan kuba socon karin bulshada Soomaaliyeed ee Ilaahay Fadligiis Sanadahan dambe wacyigooda diiniga ahi aad iyo aad u sara maray, kan ugu yarina cilmi dhegood badan diinta ka haysto..

Hayeeshee, bal waxaan isku deyayaa inaan akhristayaasha la wadaago, tusaalayaal ka mid ah waxyaabaha buugaas ku qoran, oo Meel loogaga dhacayo, Laguna Jaa’ifaynayo: Diinta Islaamka, Rasuulka Calayhi Salaatu Wasalaam, Saxaabada Allaha Ka Raalli Noqdee, Xaasaskii Nebiga Calayi Salaatu Wasalaam Gaar Ahaan Caa’isha Radiyallaahu Canhaa, Culimadii Islaamka iyo Salafkii Wanaagsanaa Allaha u Naxariistee, Ummadda Islaamka oo dhan Gaar ahaanna Soomaalida, iyo Xaqiiqada Taariikhda Islaamka, Intaas oo dhan waxaa lagu salooshay 63 bog ee aan soo sheegay.. Subxaanallaahil Cadiim..

Waxaa taa kasii daran qaabka looga hadlaayo arrimahaas waxa ku jira quursi, jees jees, iyo Qoraaga oo aad moodo wax Cajabiyaba Ummadda iyo Diinteeda iyo Taariikhdeeda inaaney ku jirin ee sawirka ugu foolxun inuu kasoo saaro..safxad wanaagsan oo taariikhana barta madow ee ku jirta uu kasoo qaato…Halka aan filayo Ummaddu qalad waa leedahay, oo waa bani aadam, laakiin waa Ummad Muslima, Ummad Sharaf leh, Ummad Khayr badani ku jiro, Ummad Ammaan iyo Wanaag Mudan..

Waa Ummad diinteeda jecel oo ku wada hal qabsaneysa Gabaygii Cusman Yusuf Keenadiid Allaha u Naxariistee:

Nin Shukriga Ilaah iyo Shahaadada Qiraan Ahay
Nin Shuruudda Tawxiidku Ku Shisheyso Baan Ahay

Niman Sharacu Suu Yiri, Shakiyaynin Baan Ahay
Nin Shafeecadii Nebiga, Shinsanaaya Baan Ahay

Nin Shuuriyo Ancaam iyo, Shucaraba Dhigtaan Ahay
Wixii Shuhubo iyo Ceeb ah, Nin Ka Sheexayaan Ahay

Nin Shiddiyo Khilaaf iyo, Sharka diiddan Baan Ahay
Nimaan Shuush Ilaah Gelinin, Kana Shaafiyaan Ahay

Nimaan Shuqulka Gaalada, Shaabahaynin Baan Ahay
Nimaan Sharafta Soomaali, Shayna Dhaafsan Baan Ahay

Cabdi Siciid isagoo hordhaca buugiisaba ugu sii bisin bisoonaya quursiga ummaddiisa wuxuu safxadda u horraysa ku qoray hadalkan:

Mas’alada | 2aad

((Bulshada islaamka oo ay ku yar yihiin aqoonta iyo naqdigu waa mid u nugul faafidda khuraafaadka iyo sheeko-baraleeyda. Arrinkaasina wuxuu dhaliyey in diinta islaamka lagu barxo dhaqankii Carabta iyo fikradihii culumada islaamka, ilaa heer ay ka qariyeen diintii islaamka ee nebi Muxamed (SCW) lagu soo dejiyey)) Bogga 1..

Hadalkaasu ma aha mid sax ah sababa badan awgood:

* Ummadda Islaamku Waa Taariikhda Bani aadamka oo Dhan Ummadda ugu Aqoon Badan Diinta iyo Taariikhda.. Waxaana Daliil u ah Inaaney Jirin Ummad Qortay intey qortay gaar ahaan qarniyadii hore ee horumarka Islamku hana qaaday.. Heer hal qof oo keliya uu Allifo 600 ilaa 700 kitaab qaarkoodna 30-70 Mujjalad ay ka kooban tahay, Sida Al Imaam Ibnul Jawzi Raximahullaah (597 H).

* Waxaan Laysku diidanayn Ummadda Islaamku Iney Adduunka Cilmiga Nooc Kasta Indhaha ugu Furtay, Diin iyo Maaddi, in kastoo Qarniyadan Dambe ay dib u dhacday..

* Adduunka Jaamacadaha iyo Madaarista Nidaamka leh, iyo Gabdhaha oo Wax la baro waxaa ugu Horreysey Ummadda Islaamka, Yurubna Jaamacadii u horraysey Ugu Yaraan 3 Qarni ayey ka Dambaysey Dunida Islaamka.

* Hadey Noqoto Naqdiga Cilmiga ah, Wexey Ummadda Islaamku Hindistey Culuumta Xaddiiska si loo Ilaasho Sunnada Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam, Laguna Kala Shaandheeyo Hadalada loo Tiirsho Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam, Kaasoo Culimada Islaamku Ilaa Maalinkan aan Joogno ay ku bixiyeen Cimri iyo Dadaal, si aan Taariikhda Bani aadamka Lagu arag..

Ummadda Sidaasa in La yiraahdo Waxa ay Haysato Taariikh iyo Diin iyo Cilmi Khuraafaad baa ka buuxa, ay garan waayeen Culimada Islaamku, sidaa awgeedna wexey u baahantahay, rag dhiirran oo warjeef intey dhinac kaga bilaabaan dhanka kale uga baxa iyagoon Ummadda iyo Diinteeda iyo Culimadeeda iyo Taariikhdeeda iyo Qaababka Cilmiga ah ee wax loo naqdiyo ama loo soxo, innaba u aaba yeelayn, Sida ay rabaan Cabdi Siciid iyo Asxaabtiisu Taasi waa mid aaney Bulshada Islaamku ka yeelihayn Ilaahay idankiis…

Qaybta | 2aad

Waxaa Qoray:
Sheekh Maxamed Idirs Axmed

Arrimaha Buuggani ugu gafey Ummadda iyo Diinteeda mid mid ayaan usoo qaadayaa, Qoraalkii horena waxaan kaga Hadlay Masa’alada 1aad, bal hadda aan xooga buugga ugu daadegno si kooban oo maqaamka qoraalkani qaadi karo:

Mas’alada | 2aad

Cayda Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam iyo Shareecada Islaamka

Wadaadku wuxuu buugiisa ku qoray sidatan:

(Axaadiista nebiga (SCW) carrabka loogu tiro ee aan har iyo habeen maqalno waxaa ka mid ah kuwa oranaya: ” Seef baa la ila soo diray, kheyrkuna seeftuu ku jiraa.” iyo mid kale oo oranaya: “Ummaddaydu kheyr ka suuli mayso inta ay seefta sidato.” iyo weliba mid kale oo oranaya: “Arsaaqdayda waxaa la galiyey warankayga hoostiisa !!

“. Akhristow aan isweydiinnee nebigu ma bililiqo ku nool buu ahaa?) Bogga 1aad,

Hadalkaa wuxuu sii adkeeyey mar lagu waraystay TV HCable, wuxuuna xarfi ahaan u yiri: (( Wadaadadu wexey moogyihiin qaniimadu iney tahay fikrad taariikhi ah oo aan maanta dunida ka shaqaynayn)..

Waxaan jaa’ifooyinka uu wadaadku geystey u kala qaadeynaa saddex arrimood mid walbana iskeed ayaan xoogaa u iftiiminayaa Insha Allaah:

  1. Waa xadiiska oo uu ku sheegay mid aan jirin kuna jees jeesay (Ma uusan ku gaabsan in laga doodo xadiiska darajadiisa saxiix, ama xasan, ama daciif oo ah inta xadiiska loo kala qaybiyo, taasoo ah mid banaan oo aan qaylo ka yeerin horana dad uga dooday ay jiraan)
  2. Qaniimada oo uu ku sheegay bililiqo, (Xoola la dhacayo oo la boobayo).
  3. Rasuulka Calayhi Salaatu Wasalaam oo uu ku sheegay inuu Bililiqadaas ku noolyahay..

Mid walba aan wax yar ka iraahdo.. Ilaahay nama hoojiyee..

Waxaan Filayaa Cabdi Siciid si kastoo uu u gal gasho inaanu Jaa’ifadaa weyn ee diinta iyo Rasuulka Calayhi Salaatu wasalaam uu u geystey meel uu uga bixi karaa inaaney jirin oo aan ka ahayn inuu hadalkaa dib uga noqdo, Waana Midda aanu la jecelnahay, aadkana u fudud, una wanaagsan..Soomaalidu waa tan tiraahda “Fallaari Gilgilasha Kaagama Baxdo”..

Hadalku Wuxuu Xambaarsan yahay Inkiraadda iyo Ku Jees Jeeska Xadiis ay culimada badankoodu sugeen, oo Qoraagu inta kala jar jaray dhawr xadiis madaxa isu geliyey, Caradiisana ku malaasay Xadiiska Jihaadka sheegaya.

Xadiiska oo dhamays tiran sidan ayaa looga weriyey Cabdullaahi Ibnu Cumar Radiyallaahu Canhuma Nebigu Calayhi Salaatu Wasalaam inuu yiri:   (Waxaa Layla Soo Diray Seef Saacadda Horteeda Ilaa Ilaahay Keliya La Caabudo oo aan loo Shariik Yeelin, Riziqaygana Waxaa la Dhigay Warankayga Hadhkiisa, Dulli iyo Darxumona Waxaa leh Cidii Amarkayga Khilaafta, Qofkii Dad isu ekeysiiyana Waa Ka Mid).

Bal Xadiiska Maxaa dhib ah oo ku jira, wuxuu sheegayaa wax aayada badan iyo axaadiis kaloo cad cad ay sheegayaan, waana sida ay Culimadu ku fasireen marka lagu dhinac qabto aayadaha iyo Axaadiista kale..

Xadiisku waxaa weriyey in ka badan 20 Culimada Xadiiska ah, Wuxuuna ku xusan Yahay Kutubta Xadiiska iyo Tafsiirka ugu Waaweyn, Imaam Bukhaarina isagoo Tacliiq ah ayuu qayb ka weriyey.

Culimada werisey waxaa ka mid ah Culimo ilaa Qarnigii 3aad ee Nebigu Amaanay soo Taxnaa Sida: Imaam Axmad Ibnu Xanbal (241 H) , Imaam Khadiib Al Baqdaadi (463 H) Imaam Ibnu Abii Shayba (235 H) Imaam Cabd Bin Xumayd (249 H) Imaam Ibnul Acraabi Mucjamkiisa (340 H) Imaam Daxaawi (321 H) Imaam Tamaam Al Raazi (414 H) Imaam Baihaqi (458 H) Imaam Tabarani (360 H) Imaam Ibnu Xajar Al Casqalani (852 H) Imaam Abubakar Al Dainawari (333 H) Imaam Ibnu Casaakir (571 H) Imaam Al Dahabi (748 H).

Waxaa Xadiiska Sharaxaad Badan Ka bixiyey Culimada Xadiiska Ilaahay ha sharfee, oo Macnihiisa caddeeyey, inaaney is diidayn, Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam in Raxmad ilaahay usoo diray, iyo in Jihaadka Lala Soo diray..Labadana wuu fuliyey, oo Raxmadna kan ugu badan Bani aadam ayuu ahaa, Jihaadkana kan ugu badan ayuu ahaa, Ilaahay Jidkiisa iyo Diintiisa loo Jihaado.

Culimada Xadiiska Qaarkood Xadiiskaan sida uu Muhiimka u yahay wexey ka bixiyeen Sharax gaara oo Kutub Gaar ah ayeyba ka allifeen sida Imaamka Cilmi Baarista Xadiiska iyo Sunnada ku Dheereeya Imaam Zainuddin Ibnu Rajab Al Xanbali Raximahullaah (795 H) oo kitaabkiisa u bixiyey: (Al Xikam Al Jadiira Bil Idaaca Min Qawli Annabiyi Salalahu Calayhi Wasalama Bucithtu Bayna Yadayi Saaca) (Xikmadaha Mudan in La Weriyo..ee Qawlka Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam Waxaa Layla Soo Diray Seef Saacadda Horteed) Si wanaagsan ayuuna u sharxay oo cilmi iyo iftiin ka buuxo qofkuu ilaahay tuso..

Xadiiska Culima daciif ku sheegtay ayaa Jirta, Casrigan Haddana waxaa Wadaadkan uga horreeyey Wadaada Dhawra oo uu ka mid yahay Sh. Yusuf Al Qaradaawi, iyo Sh. Maxamed Al Qasaali Allaha u Naxariistee, iyo Ragga (Caqlaaniyiinta) Lagu Magacaabo ee Nusuusta Kitaabka iyo Sunnada ka hormariya Caqligooda Sida Dr. Taha Jaber Al Calawaani, oo Cabdi Siciid wax badan kasoo qaatay, laakiin sidey isu ilaaliyeen isagu isuma ilaalin..Dhibna ma leh in Xadiiska baaritaan lagu sameeyo, laakiin isagoo dhanba in wax beena laga dhigo, oo haddana wuxuu sheegayey ee qaniimada ahayd, bililiqo lagu sheego, oo Haddana Rasuulka lagu afla gaadheeyo inuu bililiqadaa cuno, ayaa Cabdi Siciid la gaar noqday.

Xadiiska waxa Culimada Qaarkood u daciifiyeen waa nin ku jira sanadka oo la yiraahdo (Cabdiraxmaan Ibnu Thabit Ibnu Thawbaan) oo wax laga sheegay, Laakiin Culimada intooda badani wey sugeen, hadlaka ninkaana wexey sheegeen in lagu kalsooni qabo, Sheekh. Al Baani Wuxuu ku saxiix yeelay saddex kitaab oo kutubtiisa ka mid ah wuxuuna yiri markuu xadiiska soo arooriyey: (Kani waa Isnaad Wanaagsan, Ibnu Thabitna waxbaa laga sheegay aan dhib lahayn) Jilbaabka Gabadha Muslimadda (203) iyo Irwaa’ul Qaliil (1269)..

Culimada Xadiisku wexey axaadiista iyo ragga weriyey u naqdiyaan si cilmiya oo daqiiqa oo aan Adduunka oo dhan mid la mid ah lagu arag, laakiin kuma jees jeesaan, Mana diidaan Macnaha uu xambaarsan yahay, hadii ay axaadiis kale tuseyso ama shareecada Mas’ala ku jirta ay tahay, ee wexey baaritaanka cilmiga iyo doodda ku gaabiyaan sancada ah xadiisku inuu sugan yahay iyo inaanu sugnayn..

Xadiiskan Wuxuu La Mid Yahay Xadiisyada Bukhari iyo Muslim iyo Sunantaba ku Sugan ee aan doodi ka taagnayn sida: (Umirtu An Uqaatila Naas Xataa Yashhaduu An La Ilaaha Illalaah….) (Waxaa Lay Faray Inaan Dadka La Dagaalamo Ilaa ay Ka qiraan Shahaadada, oo Salaadaan, oo Sekaystaan, Hadey Sidaa Yeelaan, Dhiigooda ayey iga badbaadsadeen…)..

Meesha Inkaartu ka raacday wadaadka iyo Qolooyinka uu ku daydayba waxaan filayaa iney tahay iney jeclaysteen Islaamka iney u sawiraan mid aan lagu soo qaadi karin, sharcigiisana aaney ka mid ahayn wax la yiraahdo Dagaal ama Seef!! iyagoo la liicsan culayska maskaxeed ee ka saaran waaqica adduunka iyo Gaalada iyo Cilmaaniyadda Hororka ah ee Dooneysa diinta in la waayo! Laakiin waxaa isaga banaanayd iney iska aamusaan oo aaney Diinta wax aan ka mid ahayn aaney ku xambaarin..

Aayadaha Qur’aanka iyo Axaadiista Saxiixa ahi isma khilaafaan, Kullina waa lagu camal falaa midba meesha ay ku haboontahay sida Culimada Ummaddu intaasoo qarni ay qorayeen oo caddaynayeen, Nebigu Calayhi Salaatu Wasaalaam, Waa Raxmad iyo Naxariis, Waa Hanuun iyo Xikmad, Waa Debecsanaan iyo Dhimrin, Isla Mar ahaantaasna waa Hogaamiye, Waa Mujaahid, Ciidama Hogaamiyey, oo 10 sano gudohood 27 goor intey ugu yartahay Duullaamada Hogaamiyey, Inta Kalena Rag Abaan Duullayaal ah Dirayey..

Sida uu Dacwadda iyo Naxariista iyo Xikmadda u wadey ayuu meesha ku habboonna Dagaal iyo Duullaan iyo Difaac iyo Shahiidnimo Raadiyey, Xoola Qaniimaystay, Magaalooyin Qabsaday.. Labada Wajiba Sharcigiisa ayey ka mid yihiin..Ninkii Taasu ay dhibeyso waa inuu Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah ka tirtiraa ugu yaraan 3 meelood oo Meel, mana awoodi karo!

Wadaadka Cabdi Siciida iyo Kuwa u Sacab Tumaya Waxaan Leeyahay: Sida aanu uga soo horjeensaney Al Shabaab, iyo Al Qaacida, iyo Wixii La Hal Maala, ugana diidney Iney Muslimka Gaalaysiiyaan, ama Ridda ku Xukumaan, ama Magaca Jihaadka dilaan oo Masaakiin la Qarxiyo, iyo Dad Tukanaya oo Masaajidda lagu ugaarsado Jihaad ku sheegaan, Dhiiggayaguna ugu Daatay, Si Leeg ama ka daran ayaanu uga soo horjeensaneynaa Kuwa Doonaya Diinta iney nasakhaan, ama Ku Ciyaaraan oo Wexey Rabaan ka Saaraan, ama Diinta Dookhooda iyo Hawadooda ku Cabbiraan, oo wixii Dookhoodu rabin ku jees jeesaan ama ka tuuraan, iyagoo marada naqdiga soo huwanaya..

Kuwaa iyo Kuwan Toonna Laga yeeli Maayo, Wadadii Habaar Qabayaashu Mareen ayaa Kuwanuna Marayaan Insha Allaahu, Waxaan Mar Kale Ku Celinayaa, Xaqqa oo Loo Noqdaa waa Fadiila Wanaagsan, Ilaahay Xaqqa Ha Na Tuso, Kuwa Raacana Hannaga Dhigo, Ummadooda iyo Diintooda iyo Culimadoodana Kuwa Wanaag u Arka Allaha Naga Yeelo, Allow Hanna Hoojin…

Qaybta | 3aad

Waxaa Qoray:
Sheekh Maxamed Idirs Axmed

Cabdi Siciid wuxuu Qoray Sidatan:

Axaadiista nebiga (SCW) carrabka loogu tiro ee aan har iyo habeen maqalno waxaa ka mid ah kuwa oranaya:

”Seef baa la ila soo diray, kheyrkuna seeftuu ku jiraa.”

… iyo mid kale oo oranaya:

“Ummaddaydu kheyr ka suuli mayso inta ay seefta sidato.”

… iyo weliba mid kale oo oranaya:

“Arsaaqdayda waxaa la galiyey warankayga hoostiisa!! “.

Akhristow aan isweydiinnee nebigu ma bililiqo ku nool buu ahaa? Bogga 1aad

Hadalkaa wuxuu sii adkeeyey mar lagu waraystay TV HCable, wuxuuna yiri:

((Wadaadadu wexey moogyihiin qaniimadu iney tahay fikrad taariikhi ah oo aan maanta dunida ka shaqaynayn). Waa Hadalkiisi oo duuban..

Xaashaa Lilaahiye, Hadduu wadaadku Hadaladaas ka noqday, ama buriyey, oo leeyahay warkaasu waa hore ayuu ahaa, oo hadda anigu sidaa ma qabo, hadalkaasuna Marnaba mid meesha iyo maqaamka qabta ma ahayn, wadaadka waan ka gar daranahay, hadalkaygana xaal baan ka bixiyey!!

Hadduuse weli sidaa ku adkaysanayo oo isku deyayo inuu difaaco, waxaan la difaaci karin, waxaan leeyahay, taasi waa gafkii oo lagu madax adaygay, ciribteedana lama mahadiyo..

  • Mas’aladii 1aad:

Xadiiska iyo Sugnaanshihiisa, iyo Sida Culimada Islaamka Qaarkood Kutub gaara uga Qoreen, ayaan kaga hadalnay..

  • Masa’alada 2aad:

Waa Hadalka Jaa’ifada ah ee Suubbanaha Loo geystey ee Cabdi Siciid Yiri:

(Akhristow aan isweydiinnee nebigu ma bililiqo ku nool buu ahaa?)..

1) Horta Qaniimadii wuxuu ka dhigay bililiqo..

2) Rasuulkuna Calayhi Salaatu Wasalaam Haduuba Qaniima Cunay ama Xadiiskan siduu sheegayo ha ahaato ama mid kale ha sheego waa Bililiqo Ku Nool..(Ilaahay baan ka magan galnay hadalkaas)

3) Xadiiskan ah in Nebiga Arzaaqadiisa ay ka mid tahay: (Qaniimadu) haduu Cabdi Siciid diidan yahay, waxaa ku filnayd inuu diido sugnaantiisa, laakiin Qaniimada aanu Bililiqa ku sheegin.

4) Gilgilashada Cabdi Siciid ee ah: Su’aashu waa (isweydiin diidmo ku jirto) ama carabiga (Istifhaam Inkaari), Taasi waa fallaar meel cidlaa ku dhacday, Waayo Hadiiba aan u rumayno Cabdi arrinkaa oo uu ku dhisay Xadiisku inaanu jirin, Muxuu noqonayaa Hadalku marka aan ogaanno Qaniimadu iney Qur’aanka iyo Sunnada ku sugantahay, Rasuulkuna Cunay, Sow Macneheedu maaha: Rasuulka iyo Asxaabtiisu wexey ku noolaayeen Qaniimo, oo Cabdi Siciid u yaqaan (Bililiqo).

Mas’alada | 3aad

Qaniimadu Ma “Bililiqaa” La Yiraahdaa?

Cabdi Siciid wuxuu ku sheegay qaniimada ”Bililiqo”

Ilaahayna Qur’aanka Kariimka ah ayuu ku yiri:

‘’Cuna wixii aad qaniimaysateen iyadoo xalaala oo wanaagsan,’’ [Aayadda 69 Suuratul Anfaal]

* * * *

‘’Ilaahay mu’miniinta raalli ayuu ka noqday markey geedka hoostiisa ballanta kugula galeen, qalbiyadooduuna ogaadey waxa ku kira, naxariis iyo xasiloonina waa kusoo dejiyey, furasha dhawna waa ugu abaal gudey iyo qaniima badan oo ay heli doonaan, Allaha casiiskaa ee xakiimkaa.’’ [Aayadda: 18 Suuratu Al Fatxi]

* * * *

‘’Ilaahay wuxuu idiin ballan qaaday Qaniima Badan oo aad Qaadan doontaan, Middanna waa idiin soo de dejiyey.’’ [Aayadda: 20 Suuratul Al Fatxi]

Sidoo Kalena Axaadiista Saxiixa ah ee Bukhaari iyo Muslim iyo Qeyrkoodba ay weriyeen ayuu Nebigu Calayhi Salaatu Wasalaam ku sheegay (Qaniimadana waa la ii xalaaleeyey).

Sidaa darted waa hadal Jaa’ifa weyn iyo aflagaadho ku ah Qur’aanka, Rasuulka Calayhi Salaatu Wasalaam, Asxaabta Ridwaanullaahi Calayhim, Diinta Islaamka iyo Muslimiinta oo dhan, oo Cabdi Siciid u geystey markuu Qaniimada ku tilmaamay iney tahay Bililiqo, Rasuulka iyo Asxaabtiisuna Maadaama ay cuneen ay yihiin, Bililiqa Ku Nool? Ilaahay ayaan ka magan galnay hadalkaas!

Warkaasu war hadda fasiraad badan nooga baahan maaha, waxaanuna la jeclayn Wadaadka inuu arrinkaa ka noqdo, oo aanu wax iska cad ku madax adaygin..

Mas’alada | 4aad

Wuxuu Yiri Cabdi Siciid: ((Wadaadadu wexey moogyihiin qaniimadu iney tahay fikrad taariikhi ah oo aan maanta dunida ka shaqaynayn)..

Yaa yiri: Waa Fikrad Dhamaatay oo aan manta iyo berry toonna la dhaqan gelin Karin? Yaa Kaaga Horreeyey?

  1. Wadaadku wuxuu inkirayaa Qaniimadu iney tahay wax ka mid ah sharciga Islaamka oo markey meesheeda timaado lagu dhaqan gelinayo.
  2. Wuxuu inkirayaa: Iney ku sugan tahay Nusuus Cad Cad oo aan dal dalool lahayn..
  3. Wuxuu moogyahay hadaaney manta meela badan ka dhaqan geli Karin, ama muslimiintu daciif yihiin, iney berry imaan karto, amase sebenkaan ba ay jirto meela ay ka dhaqan geleyso iyadoo saxan..
  4. Wuxuu Wadaadku albaabka u furayaa: Qof walbaa wixii cajabin waaya diinta inuu yiraahdo “adduunka maanta kama shaqayneyso”. Waana Wadadii Hawa Raaca ee lagu lumay.
  5. Diinta iyo Sharciga miyaa lagu diidaa oo lagu duudsiyaa” Adduunka Maanta Ka shaqayn meyso”..

Qorayaasha Carbeed ee aan Qaarkood Tilmaamay Sida Daaha Xuseen iyo Faraj Fooda iyo Maxamed Cumaara iyo wixii la halmaala oo iyaga laftooda waqtiya dheeri u dhexeeyeen, ama raga Culimada ahaa ee Fikirka (Caqlaaniyada) oo ah (Caqliga Qofka in laga hor mariyo Nusuusta) uu saameeyey ee arrimahaan wax ka qoray, Culimada Islaamka Casrigaanna Jamaahiirtoodu ay diideen, Sida Sh. Abu Zahra iyo Sh. Al Qasaali Allaha U Naxariistee, marna kuma dhiirran iney bililiqo iyo wax la mid ah ku sheegaan Nebiga iyo Asxaabtiisu iney Cuneen, ama Qaniimadu iney tahay:

Bililiqo…meela kale ayey kusoo war wareegi jireen, sida Jihaadku sebenkaan inaanu munaasib ahayn iyo Xadiisyada qaar iney dacfi ku sheegaan..

Waxaan kusoo afmeerayaa, Bililiqo meesha wexey meesha usoo gashaa ma oolin oo aan ka ahayn aflagaadho iyo ku jees jees.. Laba goorena hadiisku haduu saxiix noqdo iyo hadii dacfi ku jiroba, bililiqo warkeed meesha ma yaallo, ee wuxuu ahaa, Qaniimo Kitaabka iyo Sunnada iyo Ijmaaca Ummadda ku sugan..Ilaahay Tawfiiqda hana waafajiyo..

Qaybta | 4aad

Waxaa Qoray:
Sheekh Maxamed Idirs Axmed

Mas’alada 5aad:

Gafka iyo Jaa’ifaynta Asxaabtii Radiyallaahu Canhum.Ilaahay Qofkuu Halaag La doono Cidi Ma Badbaadin Karto, Qofkuu Ilaahay Badbaadinayana Meelaha Lagu Halaagsamo ayuu sababeheeda Ilaahay Ka dawuwaa..

Jararka ugu daran ee laga dhoco, oo Lagu Halaagsamo, waxaa Ka mid ah, In Rasuulka Calayhi Salaatu Wasalaam iyo Diinta lagu Jees Jeeso, ama Saxaabada iyo Wixii Dhex maray Qofku Carrabkiisa ku Qaado, oo Niyadooda Tuhmo, ama Niyad Xumo ku Tilmaamo, ama Qaladaadkooda si Xun u Fasiro.

Iyadoo ay Ahlu Sunnahaha Ilaahay Sugay ay isku Waafaqeen: Wixii Saxaabada Dhex maray inaan Carabkaba lala gelin, Hadii Laga Hadlana Si Wanaagsan iyo Ammaan lagaga Hadlo, wixii Qalad ka dhacana Lagu xambaaro niyad fiican, iyo iney qaladkaaba ajar ku leeyihiin, Maadaama ay dadaal iyo xaq doon ahaayeen, Ilaahayna u dhaafay, oo Raalli ka noqday, siduu Qur’aanka Kariimka ah ku sheegay, Nebiguna Calayhi Salaatu Wasalaam Axaadiis Badan ku Caddeeyey..

Ilaahay Qadartiis, Waxaan la yaabay, Halka Cabdi Siciid, Saxaabada Waaweyn aanu hal marna u cudur daarin, qalinkiisu awoodi waayey warkooda inuu wanaag u fasiro, ee uu isku xiijinayo inuu u sawiro: Iney qabyaalad iyo adduunyo u dirirayeen, Wuxuu difaac weyn ugu jiraa mid kasta oo shar lahaa.

Wuxuu Difaacayaa oo cudur daarro u raadinayaa:

  • Sheydaanka
  • Munaafiqii Cabdullaahi Ibnu Ubaya
  • Ninkii Nebiga Calayhi Salatu Wasalaam Ku yiri: Cadaalad Samay!
  • Jacad ibnu Dirham oo Madaxa Bidcada Ahaa

Kuwaas iyo Weyrkood iyo Falaasifada wuu u doodayaa, Laakiin Saxaabada inta sheekooyin wada been ah soo urursado ayuu ku dul dhisayaa xukun ah in saxaabadu adduunyo ku dirirayeen, qabyaalad ka duulayeen, loollan kursi u suxul duubayeen, xisbiya Siyaasadeed wateen..

Gadaal Waxaan ka sheegi Doonaa Nusuusta Cad ee Qur’aanka iyo Sunnada iyo Hadaladii Culimada ee ku aaddan Saxaabada Allaha Raalli Ka Noqdee, Laakiin Bal aan wax yar ka soo Qaado Cabdi Siciid, Siduu Saxaabada uga Hadlayo..

Cabdi Siciid Markuu ka hadlayey Kulankii Saxaabada ey Khaliifada Abubakar ku dooranayeen wuxuu yiri:

”…..furdaaminteedu ma ahayn arrin fudud, waayo dan iyo damac ayaa dabada ka riixayey.” [Bogga 9aad]

Muhaajiriintii iyo Ansaartii Ilaahay Qur’aanka ku sheegay iney Wexey haysteen u hureen oo naftooda ka hormariyeen, Wuxuu ku tilmaamay dad eedo iyo xumaan uurka isugu haya oo loollamaya:

(Meydkii nebiga oo aan weli la aasin, ayaa Ansaartii Madiino – oo horay Muhaajirta eedo uga tirsanayey- waxay guriga ku caanbaxay magaca “Saqiifat Banii Saacida”, waxay ku qabteen shir ujeeddadiisu ahayd inay ku doortaan ninkii geli lahaa booskii nebiga, ee noqon lahaa madaxa muslimiinta). Bogga 9aad

Macnaha meesha siyaasad iyo kursi iyo adduunyo iyo qabyaalad ayaa eedaha la isugu hayey.. sida warkiisa hoose ku cad…

Wuxuu Yiri:

(Sidaasna Abuu Bakar wuxuu ku noqday kii ugu horreeyey afarta nin ee muslimiintu u bixiyeen magaca Al-khulafaa Ar-Raashidiin, oo afartuba ah Muhaajiriin iyo Qureesh). Bogga 10aad..

Wuxuu Qoray:

(Yeelkadeede, loollanku halkaa kuma dhammaan, balse mar kale ayaa waxaa loollan ka dhex aloosmay muhaajiriinta dhexdooda, waxaana habboon inaan la illoobin mandiqa qabyaaladda ee yiraahda: ” Aniga iyo walaalkay waxaan la dirirnaa ina adeerkayo, aniga iyo ina adeerkayna waxaan la dirirnaa shisheeyaha.” Bogga 10

Subxaanallaahiye.. Cabdi Siciid, Waa kii inkirayey, Axaadiis Sugan, isagoo ku andacoodey iney khilaaftay Aayado Qur’aanka (Taasoo aan xaqiiqba ahayn), Muxuu sheekooyinka Taariikhda ee daciifka iyo been abuurka ah oo ay in badan Qoreen Shiico Asxaabta Neceb, iyo Khawaarij Asxaabta Laysay, u oran waayey Aayado Cad Cad ayey khilaafeysaa, oo Saxaabada ku Tilmaamay iney Run, iimaan, Naf iyo Maal u hurid diinta, Daacadnimo, Aakhiro Jacayl, Cibaado, u saaxiib yihiin..Muxuuse ugu Fasiray isagu iney qabyaalad tahay hadaladoodu? Xagee ayuu kasoo xigtay? Ma isagaa Niyadooda galay? Subxaanallaah.

Qaybta | 5aad

Waxaa Qoray:
Sheekh Maxamed Idirs Axmed

Mas’alada 5aad:

Gafka iyo Jaa’ifaynta Asxaabtii Radiyallaahu Canhum. Qaybtaan Waxaa Akhristuhu Arki Doonaa Sida Cabdi Siciid ugu gafey Khulafadii Raashidiinta ahaa gaar ahaan Cusmaan iyo Cali Radiyallaahu Canhum, iyo Ummul Mu’miniin Caa’isha Radiyallaahu Canhaa..

Cabdi Siciid Wuxuu Saxaabada iyo Khulafada u sawiray dad damac iyo loollan dhufaysya isugu jirey, oo dabka damacu hoostooda ka hurayey, Isagaana sidaa u fasiraya, dhacdooyin in badanoo ka mid ahi been abuur tahay, hadii wax ka ansaxaanna loo baahnaa in wanaag lagu fasiro..

Bal eeg isagu siduu u qoray:

‘’Run ahaantii, Cali si toos ah ugama hor imaan Abuu Bakar iyo khaliifkii ka danbeeyey ee Cumar bin Khaddaab, sidoo kale waa run in Ansaartu aqbaleen go’aankii odaygoodii Abuu Cubeyda, laakiin dhab ahaantii arrinka lama xallin, oo khilaafka lagama bogsan, balse wuxuu ahaa dhuxul hoos ka hulaaqaysa, oo mar uun danbaaburo qarxin doonta.’’ [Bogga 10]

Waa meelaha Xarriggu Kula go’ay Cabdi Siciid, Belaayaduna Ka Raacday, Waana Fasiraad isaga Jeebkiisa ah, sidaasna loogama hadli karo Saxaabada Radiyallaahu Canhum, Waayo Fasiraadda Cabdi Siciid, wexey meel kaga dheceysaa Aayadaha Qur’aanka iyo Axaadiista Saxiixa ah ee Saxaabada sidaa si ka duwan ku tilmaantay..

Bal Wuxuu Ninkaasu Qoray eega:

‘’Gacan Ka hadalkii ugu horreeyey ee muslimiinta dhexdooda ka qarxay wuxuu ahaa kii ka dhashay kacdoonkii looga hor yihimid, markii danbana lagu diley khaliifkii 3aad ee Cusmaan bin Cafaan (RC). Waxaana la rumaysan yahay in loollankaasi uu ku salaysnaa dano siyaasadeed iyo kuwo bulsho oo ay kala matalayeen kooxaha loollanku u dhexeeyey…’’ [Bogga 10aad]

Ilaahow adaan kaa magan galnay.. Khaliifadii 3aad ee dulmiga lagu diley, ee Isagoo gurigiisa ku jira, oo Qur’aan Akhrisanaya, oo Da’ ah, oo Janna Horay Loogu Bishaareeyey, koox sufaho iyo khawaarij isugu jirtaa soo weerartay, (Kooxdaas Inkaarta Qabtey Sida Taariikhdu Qortay Sannad Dabadii hal kama noolayn). Sidaas ayuu Cabdi Siciid u sawiray, Kooxo Siyaasad ku loollamaya.. Waa Sida ay Qoraan: Qorayaasha Mustashriqiinta reer Galbeedka iyo wixii fikirkooda cabbey..

Isagoo Hadalkaa sii wada wuxuu yiri Cabdi Siciid:

‘’Geeridii Cusmaan bin Cafaan (RC) waxay horseedday in la isku barxo qabyaalad, siyaasad iyo diin, waxayna daahfur u noqotay dhacdooyin taariikhda islaamka ku caanbaxay magaca “Al-Fitna al-kubraa ama fitnadii Cusmaan” [Bogga 10aad]

Faalladaas Qoraagu wexey u dheceysaa in Taariikhda Islaamku bilawgeediiba ay ahayd Taariikh loollan Qabyaalad iyo Dhiig oo Saxaabadu Siyaasad iyo Qabiil isu dagaaleen, waana sida ay ku hadaaqaan Kuwa Islaamka Neceb, iyo Firqooyinka lumay sida Shiicada iyo Khawaarijta, oo Isagu aad mooddo inuu Sunnada La simo, ama kaba sara mariyo..

Magacan uu sheegay ee “Fitna Kubraa” wuxuu ka keenay kitaabka Qoraagii Misriga Ahaa Daaha Xuseen, oo uu Afkaarta kasoo Turjumey, Ninkaas ayaa qoray Kitaab waxaan oo kale ka buuxaan oo uu u bixiyey (Al Fitna Al Kubraa) (Cali Wa Awlaaduhu) (Cali iyo Wiilashiisii)..

Cabdi Siciid oo Sawirka xun oo Saxaabada uu ka bixinayo sii wada wuxuu Qoray:

‘’Waxayna dhaliyeen in khilaafkii siyaasadeed loo yeelo waji diineed, koox walibana waxay bilowday inay raadsato aayado iyo axaadiis ay mowqifkeeda ku difaacdo, sidaasna waxaa ku abuurmay xisbiyo siyaasadeed oo kala matala dano kala duwan, isla markaana mid kastaba ay sheeganayso inay iyadu tahay tan metasha diinta saxda ah. Xisbiyadaas kuwii ugu horreeyeyna waxay ahaayeen xisbiyada Khawaarijta, Shiicada, Sunnada, iwm…’’ [Bogga 10-11aad]

Macnuhu waxa weeye: meeshan Islaamka wax is dhaama ma jiraan, Sunno, Shiico, Khawaarij, Waa Wada xisbiyo Siyaasadeed, Diinna shaqa kuma laha!! Waana wada siman yihiin!! Saxaabaduna Loollan bey ahayd wixii ka dhexeeyey ee diin kuma salaysnayn!! Xisbiyadaas Shiicada iyo Sunnada iyo Khawaarijtana iyagaa Asaasay..

Waana Jaa’ifo weyn oo Asxaabtii uu u geystey, Waayo Hal Saxaabi iyo Shiico ama Khawaarij ka dhex muuqdey lama sheegin Taariikhda oo dhan, Wexeyna ahaayeen Radiyallaahu Canhum, Kuwa Ku tagaan, Jidka Sunnada iyo Jamaacada, iyo Xaqqa iney u gargaaraan oo baadi goobaan, Mid Gafa iyo Mid Asiibaba Mujtahidiin Ajar Leh ayey Ahaayeen Raallinimada Ilaahayna u hor martay..

Bal Jaa’ifada taa kaweyn ee Diinta, iyo Rasuulka Calayhi Salaatu Wasalaam, Iyo Asxaabta Ridwaanullaahi Calayhim, Loo geeystaa Mexey tahay?

Waxaa Ka daran, Nebigu Calayhi Salaatu Wasalaam Wuxuu Xaasaskiisa ugu Jeclaa Caa’isha Radiyallaahu Canhaa, Waana Xaaskiisii Adduunka iyo Aakhiraba, Laakiin Cabdi Siciid wuxuu u Sawiray, Sida Shiicada, iyo Qorayaasha Reer Galbeedka ee Bariga wax ka qora, Iney ahayd mid Mu’aamaraad Maleegeysa, Nacuudu Billaahi:

‘’Afadii nebiga ee Caa’isho binti Abuu Bakar oo markii hore ka mid ahayd dadkii Cusmaan bin Cafaan mucaaradka ku ahaa, ayaa waxaa laga wariyaa inay mar ay dadka ku diraysey Cusmaan ay tiri: ” Dila Nactal wuu gaaloobaye”, iyada oo Cusmaan ugu yeeraysa magaca Nactal. Erayga Nactalna dhawr macne ayaa lagu fasiray, waxaase loo badinayaa in Nactal ahaa magac loogu yeeri jirey nin Qibdi [Kirishtaan] ahaa, oo gar weyn lahaa oo ku noolaa magaalada madiino.’’ Xadka: Bogga 10 – (Tixraaca).

Waxaa Hadaba is weydiin Mudan: Cabdi Siciid, Ma wuxuu Saxaabada Ka aaminsanyahay waxa shiicadu ka aaminsantahay oo ah: Iney Badankoodu Riddoobeen, Caa’ishana Radiyallaahu Canha ayba shardi u tahay Shahaadada in Naar Lagu Xukumo, (Ilaahay Wixii Asxaabta Nebiga Neceb Ha Hoojiyee)?

Qisada uu Hadalkiisan Ku Saleeyey Cabdi Siciid, Caai’sha Radiyallaahu Canhaa iney Cusmaan Radiyallaahu Canhu, Cayday oo gaalaysiisay, Waa Qiso been abuur ah oo ay Shiicada kuwa ugu xumaa, iyo Yuhuudigii Fitnada kiciyey ee Ibnu Saba’ ay falkiyeen..

Qisada Cabdi Siciid Cuskaday inuu ku muujiyo Saxaabada in Cadaawadi Ka Dhexeysey, (Wal Ciyaadu Billaah) ma uusan sheegin meesha uu ka soo xigtey, hayeeshee haddeynu sheegno, Qisada Asalkeeda waxaa lagu xusay: Kitaabka Shiicada, ee (Sharaxa Nahjul Balaaqa ee Ibna Abilxadiid) bogga: 17, 20, 22.. Ninka Qorayna waa Shiici, Muctazili ah..Meela kalena tixraaca ayuu ku sheegay inuu wax kasoo qaatay, Waana Buug shiico oo Saxaabada lagu Jaa’ifeeyo, isagna xukun ayuu ku dul dhistay!!

Hadalkaasna waxaa weriyey nin la yiraahdo Saif Bin Cumar Addabbi oo xadiiskiisa aan la qaadan, layskuna raacay inuu Xadiiska Allifo, Beenlow yahay, Xadiiskiisa laga tegey, Imaam Abi Da’ud uu yiri: Waxba Maaha..

Muxuuse uga tegey Qur’aanka iyo Axaadiista Saxiixa, intuu Cayda Shiicada soo urursanayo,: Caa’isha Radiyallaahu Canhaa Waatan Nebiga Calayhi Salaatu Wasalaam Ka werisey Fadliga Cusmaan Axaadiis Sheegeysa, oo uu ka mid yahay Xadiiska Saxiix Muslim ku Yaal, inuu Cusmaan ka yiri ((Miyaanan Ka Xishoonayn Nin Malaa’iigtu Ka Xishooto)) Saxiix Muslim 2401..

Taasu Ma deeqi Weydey Cabdi Siciid? Muxuuse Xadiiska Saxiixa ah ugu Xambaari waayey Xukunkiisa, Haduu Runta doonayo, Saxaabadana Qaddarin u hayo?

Saxaabadase Sidaas miyaa looga hadli karaa hadiiba la damco in laga hadlo wixii dhex maray? Muxuu Qur’aanku Ka yiri Saxaabada inta aadan wax ka sheegin, ama loollan adduunyo ku xukumin?

Ninka waxaa ka qoray Saxaabada Radiyallaahu Canhum: Muxuu yahay Afka ku yaal oo uu ku hadlayaa? Dadka Difaacayaase Miyaaney Ilaahay ka biqihayn, oo Aakhiro iney ka dambeyso ogayn?

Waxaa Qoray:
Sheekh Maxamed Idirs

Xigasho: Ixsaanmedia.com

:::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::