Fikirka Khawaarijta

Muxaadaro ku Saabsan Fikirka Khawaarijta,
Sifaatkooda Iyo Kooxaha Ku Saamoobay

Qaybta | 3aad

Sheekh Maxamad Cabdi Umul

Waxaa qoray:  Abuu Kalthuma
Email: Abuu.Kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

Muxaadaro ku Saabsan
Fikirka Khawaarijta, Sifaatkooda
Iyo Kooxaha Ku Saamoobay

Tusmo Gaaban

Qoraalada darsigaan waxaa inagu kalifay muhiimada weyn ay ummada islaamka ee ahlu sunnah wal jamaaca u leedahay uga digida qatarta Khawaarijta iyo Shiicada ay leedahay. Maadaama ay muxaadaradaan tahay mid ummada uga digeeysa cawaaqib xumada ay leedahay kooxaha ka leexday wadadii ama sunnadii suubanaha Rasuulka (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) ee toosan iyo kitaabkii Alle (سبحانه و تعلي). Kuwaas oo uu Skeekha sheegay in ay leeyihiin magacyo fara badan ayna u kala baxaan dariiqooyin fara badan oo aan ahayn dariiqa Sunnada iyo Kitaabka Alle (سبحانه و تعلي).

Marka muxaadarooyinka wey fara badan yihiin {إن شاء الله تعلي} waxaan ka qori doonaa wixii Alle (سبحانه و تعلي) inoo fududeeyo si aan u gaarsiino ummada walaalaheen ah ee jecel inay raacaan jidka ama wadada toosan ee suubanaha Rasuulka (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) iyo saxaabadiis iyo inta jidkaasi saxda aha qaaday. Anigana waxaan Ilaahay ka baryaayaa in uu naga yeelo dhamaan (Muwaxidiinta) kuwa ku dayda ee raaca jidkaas toosan qaatana qowlka wanaagsan.

Fiiro gaar ah:

Xuquuqda qoraalada waa mid furan oo u fasaxan cid walba oo jecel inay kheyrka faafisa iyo dadka jecel inay ka faa’ideystaan aqrintiisa ama daabacaadiisa. Qoraaga waxa uu ka mamnuucay inta la daabacda ka dibna dadka laga iibiyo. Maxaa yeelay qoraalda Abuu Kalthuma waa (صدقة جارية) oo loogu tala galay inay ummada ka faa’ideysato.

(جزاكم الله خيرا)

Dooddii Ibna Cabaas
La Dooday Khawaarijta

Amaa bacd. Al-ikhwa wal Akhawaat

Waa fadhigii labaad ama qaybtii labaad ee muxaadaradii cinwaankeedu ahaa (Fikrul-Khawaarji wa Sifaatuhum wa Atharuhu fil Dhawaaifil Mucaasirah).

Darsigeen xalay ama xalqadii hore waxaan ku soo marnay aan kaga soo hadalnay khawaarij seey ku soo baxay (Cardhi Taariikhi) ah ama (Lamxa Taariikhiya) ah, fikirkoodu goormuu bilowday koox ahaana goornay bilowdeen, waxaan soo gaarnay markii (Khadiyadii Taxkiimku) dhacay oo Camr ibn Caas (rc) iyo Abuu Muusaa al-Ashcari (rc) inta arintu loo xil saaray ay go’aan ka soo gaareen, Cali (rc) soo laabtay oo uu ku soo noqday (Kuufa) intuu jidka ku soo jiray ayay kooxdaani ka go’day. Ka dibna waxaan soo sheegnay inuu Cali (rc) aad isugu dayay inuu qanciyo (Shubahaadka) ku dhashay inuu uga jawaabi inuu dib u soo celiyo.

Waxaa inoo dambeysay isago oo uga jawaabaya waxay ku haysteen oo dhan, kadibna murankooda iyo hadalkooda halkaa ku go’ay oo ay jawaabi kari waayeen, kadibna in badan oo ayaga ka mid ah doodii iyo hadalkii iyo (Xujajkii) way anfaceen, qaar badana dib bay u noqdeen oo wey madax adeegeen, madaxdooda iyo hawadooda ayeey fuuleen. Waxaan xalay ku gaba gabeynay inuu Cali (rc) sidoo kale u diray Cabdullaahi ibn Cabaas (rc) siduu isaguna bal qodobada ay haystaan uu isku dayoo uu ka qanciyo.

Dooddaa waxaa soo saaray Cabdullaahi ibn Cabaas uu la galay Khawaarijta [Xaakim] baa soo saaray iyo khayrkii.

Ibn Cabaas (rc) wuxuu leeyahay (Xaruuryadu) markay baxday oo ay (Daar) tooda isugu tageen 6000 oo iyaga ka mid ah ayaa Cali u tagay buu yiri, markaasaan waxaan ku iri:

‘’Amiirkii Mu’miniintow, duhurka qabooji, duhurka wax yar dib u dhig si aan bal nimankaa ugu tago oo aan la soo hadlo.”

Cali (rc) wuxuu ku yiri:

War ninyahow waan kuu baqaayaa, inay ku dilaan baan naftaada u baqaayaa buu yiri.

Ibn Cabaad (rc) wuxuu yiri:

Maya buu yiri waxba ha ii baqin.

Ibn Cabaad wuxuu yiri waan baxay, waxaan xidhay buun yiri, dhar Yemen laga keeni jiray isku joog aad u quruxsan oo dharkii Yemen laga keeni jiray ka mid ah ayaan labistay buu yiri.

Nin (Abu Zamiin) la yiraahdo oo ardayga xadiithka ka werinaaya Ibn Cabaas ayaa wuxuu leeyahay Ibn Cabaas sidiisaba wuxuu ahaa:

Nin aad u quruxsan

Kan labaad weeyee nin aad u hadal dheer buu ahaayoo, [yacni wuxuu ahaa markuu yiraahdo waan hadlaayaa dadka qanciyo buu ahaa].

Ilaahayna fiqi waa siiyay oo Nabiga (scw) ayaa ugu duceeyay inuu Ilaahay (Ta’wiilka) baro, isagoo wiil yar oo dhalin yaro ah buu (Fuqahaa’u Saxaaba) meel fara badan oo qaarkood wax ka fahmi jirin uu ka fahmi jiray, sidii qisadii Cumar (rc) iyo suuradii (Idaa jaa’a) waad garaneysaan.

Ibn Cabaas wuxuu yiri:

Waan u tagay buu yiri meeshoodii iyagoo ku uruursan baan ugu tagay buu yiri, duhurkii waaba jiijiifaan buu yiri, markaasaan salaamay buu yiri, markaasay waxay igu dhaheen soo dhawoow laakiin isku joogaan muxuu yahay bey dheheen, meel aan loo dirsan bey gelaayaan, war waxaan aad qabto muxuu yahay bey dheheen ma isku joog iyo khayrkii inay ka hadlaan ney ahayd!

Markaasuu Ibn Cabaas wuxuu ku yiri:

Ma inaan labis quruxsan xidhanahay miyaad igu eedeeyneysaan buu yiri ood igu dhaleeceyneysaan, Nabi Muxammad baan arkay buu yiri midka ugu quruxsan isgoo xidhan.

Allena quraanka wuxuu ku yiri:

قُلْ مَنْ حَرَّمَ زِينَةَ اللَّهِ الَّتِي أَخْرَجَ لِعِبَادِهِ وَالطَّيِّبَاتِ مِنَ الرِّزْقِ ۚ

{سورة الأعراف آية ٣٢}

‘’Quruxda Ilaahay adoomadiisa u soo bixiyay u xalaaleeyay yaa ka xarima karaa.’’

Ama risiq ha noqoto ama labis ha noqoto.

Adiga garo oo meeshay ka qoonsanaayaan ma fahamtay, meeshay ka qoon sanayaan nimankani waxay caan ku ahaayeen (zuhdi) iyo adduunyo naceyb, adduunkii bey ka go’een, niman addunyo rabo ma ahayn:

  • Addunyo ma rabaan
  • Kursi ma rabaan intooda badan

Sidaas daraadeed, kooxdaa markay gooni u baxday oo (Nahrawaan) meesha la yiraah ay tageen nin madax ah aan doorano bay dhaheen, in lagu qanciyo mid iyaga ka mid ah inuu madax noqdaa baa waqti qaadatay, war anigu ma noqonaayo i dhaafiya xilka ma qaadi karaayee, war maya naga qaad, maya anigu xilkaa qaadi maayo sidii loo wadoo lagu rafaadaaya oo sidii leysugu tuur tuurahayay markii dambe waxaa qaaday nin la yiraah (Cabdullahi ibnu Wahab ar-Raasibi) {عبد الله بن وهب الراسبي} waa ninkii markaa hogaaminahayo dagaalka geliyay, marka nimanka (Zuhdi) bay caan ku ahaayeen. Waxay marka qoonsanayaan ibn Cabaasow maxay tahay maryahaan quruxsanee qabto, jawaabteeda waa siiyay

Markii uu intaa ugu jawaabay, dee waxba ma celin karaan, dhar quruxsan maxaad u xiratay iyo nabigaa xiran jiray, intaa ma sii dhaafin karaan ileyn waa (caamo) sidaan soo sheegnay.

Markaasaa waxay ku yidheen:

Maxaa ku keenay? Maxaad naga soo doontay?

Wuxuu ku yidhi:

Waxaan idinku imid, horta saxaabadii Nabiga xagooda ayaan ka socdaa oo (Muhaajiriin) iyo (Ansaar) lahaa, inaan idin gaarsiyo idin soo gaarsiyo waxa ay leeyihiin oo ay qabaan, waxa ay qabaana ma aha waxa ay iyagu jeebkooda kala yimaadeen ee waa khabar ay werinayaan waa quraan fahamkiisu saxsan yahay iyo xadiith ay nabiga ka warinayaan (scw). Ayaguu quraanka korkooda ku soo degay, waxyiga Allena iyagaa idinka yaqaana, quraankana ayagu ku soo dagaayay ragii joogay fahamaayay weeye. Nabiga markuu dabaqayina ragii la joogay weeye, iyagaa idinka (Awleysan) diintana idinka yaqaana, ragaasaan ka socdaa, war baana ka xambaarsan nahay arintaasaana idinla socdaa.

Markaasuu wuxuu ku daray.

Ragaa muhaajiriinta iyo ansaarta quraanka ku soo degay hal nin oo iyagii ka mid ah idin lama socdo.

Faa’ido ayaa meesha ku jirto, waxay ku tuseysaa khawaarij hal oo saxaaba lama soconin, markaan u tegi doono astaamaha lagu yaqaana waxaa ka mid ah:

Hal nin oo (Culima Muctabir) ah dhexdooda ku arki meysid, waa un dad is qanciyay jaahiliin iyo da’yar un is raacday weeye, laakiin culimadii muctabiriinta ummadu taqaanay hal nin ku dhax arki meysid. Hal ruux idin kama dhex muuqdo oo ragii ah, waa wax un aan la garaneynin waaye.

Markaasaa waxay yiraahdeen qaar iyaga ka mid ah:

War Qureysh hala doodina.

Qureysh soo nimankii Ilaahay quraanka ku yidhi ma aha:

Waa dad muran badan oo dood badan oo macagag ah.

War ninkaa murankiisa ha gelina.

Ibn cabaas markaas wuxuu ku yiri:

Wuxuu cabirayaa marka raguu meesha ku arkay say ahaayeen.

Nimankaa weligey ma arag buu yiri cimrigeyga dad ka dadaal badan, soo jeedka habeenkii salaada iyo quraanka ku soo jeedaan darteed wejigood waa bedelan yahay;

  • cibaadadii iyo
  • sujuudii iyo
  • salaadii iyo
  • quraan akhriskii wejigooda waa is bedelay.

Riwaayad kale waxay leedahay low yahooda iyo gacmahooda inay soo laabmeen.

Mid kale waxay leedahay waxaad moodaa low yahooda lugahood iyo gacmahooda say u sujuud sanaayeen, sida muxuu ahaaye neefka geela jilibka uu ku fadhiista oo kale sooma aragto qolofta saaran, wejigooda iyo gacmahooda iyo lowyaha waa wada qolof.

Maxaa saa ka dhigay salaad badni waaye Nabiga (scw) sifaduu bixiyay sooma aha;

  • salaadooda ma gaari kartaan
  • quraan akhris kooda ma gaari kartaan,
  • soon kooda ma gaari kartaan.

Sidii baan ku arkay buu yiri niman caadi ma aha, ragii meesha joogay qaar ka mid ah wey iska tageen hala hadlina marka la yiri wey iska dhaqaaqeen, qaarna waxay yiraahdeen, waanu la hadli wuxuu yahayna waanu fiirinaynaa.

Markaasaan waxaan iri buu yiri:

War Nabi Alle ina adeerkii gabadhiisana qabay muhaajiriin iyo ansaarna ka mid ahaay oo ragii ugu horeeyay ahaa, maxaad ku haysataan?

Cali ibn Abii Taalib (rc) wuxuu ka mid yahay dhowrkan nin ee leyku haysto rumeynta Nabi Maxammad (scw) malaga horeeyay mise isagaa u horeeyay?

Waxaa leysku waafaqsan yahay nin dhalinyara ah oo Nabi Maxammad rumeeya inuu isaga u horeeyay.

Waxaa leyku qilaafsan yahay:

  1. Abuu Bakar miyaa ka horeeyay
  2. Khadiijaa miyaa ka horeysay
  3. Cali baa horeeyay

War ninkii noocaa ahaay ee noloshiisa aan Nabi Maxammad faaruqin, gabdhihiisa miduu ugu jeclaa uu u guuriyay muhaajiriin iyo ansaar ahaa ninkii isagoo nool jannada loogu bishaareeyay war ninka noocaas ah maxaad ku haysataan?

Waxay yiraahdeen saddex arimood.

Maxay yihiin sheega

Midkood waxaweeye:

Ilaahay amarkiisa iyo diintiisa buu rag maskaxdoodi iyo caqligoodii u dhiibay uu ka taliyay.

Ilaahayna (swt) quraanka wuxuu ku yiri:

‘’Xukunta Ilaahay baa iskaleh.’’

Isaguna rag buu u dhiibay, waxay dhaheen xukun Alle iyo rag maxaa kala galay.

Kow wuxuu yiri taasi waa mid.

Tan labaadna waxay yiraahdeen:

Dagaal buu galay markuu adkaadayna dadkii uu la dagaalamay markuu ka adkaaday xoolahoodii ma (Qaniimeysanin), dumar koodiina, intuu adooma ka dhigtay muusan sida dumarka adoomada ah uma isticmaalin.

Haye yay ka wadaan ma taqaanaan?

Waa dagaalkii (Jamal) ee Caa’isha iyo Zubeyr iyo Dalxa iyo dagaalkii aan ka soo sheekeynay wax yar xalay ka soo taabanay baa waxay leeyihiin wuu dagaalamay oo dad buu la dagaalamay, markuu adkaadayna dagaalka wixii ka dhalan lahaa oo ah, dadka aad ka qabatayna inaad  qafaalato, xoolaha aad qabsatayna inay qaniimo noqdaan muusan sameynin.

Markaasay waxay dhaheen:

Dadka uu la dagaalamaayay haday gaalo yihiin dee qalaafkooda iyo qaniimadooduba wey banana tahay.

Haday dad mu’miniin ahaayeena inuu la dagaalamaba uma banaaneyn.

Laba mid dadku ama gaal ayay ahaayeen dheh ama mu’miniin muslimiin bey ahaayeen, haday muslimiin ahaayeen dagaal kooduba ma banaaneyn, sidee buu ula dagaalamay?

Haday gaala ahaayeena xoolahoodu inuu qaatuu ahaa dumar kooda iyo caruur toodana uu qafaasho midna muusan sameyn.

Taasi waa tii labaadee, tan saddexaad ku dara, ileyn waxaa la rabaa yacni (Munaadarada) sideeda markaad galeyso waxaa fiican (qasmigaaga) inaad ka dhameysato horta waxa uu kugu haysto mid mid, si uusan gaalada waxa uga soo gocanin, waa imisa dheh sooma aha, tan saddexaad raaciyay buu ku yiri.

Markaasaa waxay yiraahdeen:

Amiirul-Muminiin buu heshiiskii markii la galaayay magaciis ka tiray, haduusan Amiirul-Muminiin ahayna waa Amiirul-Kaafiriin, gaalada amiirkooda waaye see buu Amiirul-Muminiin isaga tiri karaa magaciis meesha uga tiri karaa.

Markaasaan waxaan iri buu yiri Ibnu Cabaas:

Intaa waxaan ahayn miyaad haysaan?

Intaan un…

Markaasuu mid mid u daba galay, wuxuu ku yiri:

Hadaan idinku akhriyo kitaab Alle xagii iyo sunno Nabi xageeda, hadaan idin kaga akhriyo wax hadalkiina radinaaya ma qancaysaan?

Waxay yiraahdeen haa! Waxaan meesha u joognaba inaan qanacno weeye.

Markaasaa wuxuu yiri:

Arinta aad dhahdeen [rag ra’yigii buu Ilaahay kitaabkii u dhiibay] taa iyada ah waxaan idinku akhrinaa buu yiri quraan Alle.. (Bakeyle) lacagtii, bakeyle la ugaarsaday oo ruuxu isaga oo (Xarman) uu ugaarsaday soo bakeyle ma aha?

Qiimahiisu iyo lacagtiisu, markaa wuxuu yiri waa (Rubcu Dirham), dirham afar melyood loo qaybiyay meeshii buu joogaa.

Kaasuu Ilaahay taladiisa rag u dhiibay oo ha xukumo yiri.

Wuxuu keenay aayadii:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَقْتُلُوا الصَّيْدَ وَأَنتُمْ حُرُمٌ ۚ وَمَن قَتَلَهُ مِنكُم مُّتَعَمِّدًا فَجَزَاءٌ مِّثْلُ مَا قَتَلَ مِنَ النَّعَمِ يَحْكُمُ بِهِ ذَوَا عَدْلٍ مِّنكُمْ

[سورة المائدة آية ٩٥]

”Waxaa xukumaayo arintaa neefka ugaadha aad dishay neefka u dhigma ee lagaa rabo inaad bixiso, waxaa xukumaya laba ruux oo caadiliin ah oo idinka idin kamid ah.”

Markaasaa wuxuu ku yiri:

Bakeyle (Rubcu Dirham) ah miyaa ummada Nabi Maxammad dhiigooda ka qaalisan buu ku yiri. Bakeyle (Rubcu Dirham) hadii uu Ilaahay yidhi niman ha xukumeen, dhiiga ummada Nabi Maxammad soo kama qaalisan in la baajiyo buu yiri.

Aayadii kale ee Cali keenay buu hadana Ibn Cabaas keenay:

وَإِنْ خِفْتُمْ شِقَاقَ بَيْنِهِمَا فَابْعَثُوا حَكَمًا مِّنْ أَهْلِهِ وَحَكَمًا مِّنْ أَهْلِهَا إِن يُرِيدَا إِصْلَاحًا يُوَفِّقِ اللَّهُ بَيْنَهُمَا ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيمًا خَبِيرًا

[سورة النساء آية ٣٥]

Nin iyo xaaskii oo is qilaafay baa loo dhiibay oo la yidhi hala kala saaro garsoore yaal u sameeya, ma ummada Nabi Maxammad dhiigeeda ka liidato buu yiri.

Wuxuu yiri marka:

Wax badan raga loo dhiibo la yiraahdo kala saara oo xukuma waa dariiqa aamin ah, waa dariiqa sugan oo diinta ku sugan.

Taa maka baxay buu ku yiri? Kaa ma dhameeyay mise war baa idinkala jira?

Markaasay waxay yiraahdeen (Nacam), waad ka baxday, waxba nooguma laabna.

Waxay yiraahdeen tii labaad buu yiri:

Wuu dagaalamay mana Qaniimeysanin, ee muxuu ahaay dadkiina ma qafaalanin.

Waxaan idin weydiin buu yiri;

Hooyadiin Caa’isha ayaa dhanka kale ka soo jeeday oo dadkii dagaalamahaayay ee dhinac ka mid ah ka soo jeedhay iyada dagaalkuba yeynaan ku jirin, Hooyadiin baa dadkaa kamid ah la qabtay ee hooyadiin intaad qafaalataan Caa’isha (rc) dumarka la qafaashay waxa laga baneysto maka baneysa neysaan?

Oo maxay ah?

  • In la xaaseysto,
  • oo sida adoon ahaan loogu tago
  • oo sariirta lala tago

Hooyadiin caa’isha dadkii bey ka mid ahayd, ma leedihiin inta la kaxeeyo oo adoon ahaan laga dhigto oo ninka qaatay ay ku wareegto sidii adoon ahaan inuu sariirta ugu isticmaalaa banaan ma dhahaysaan?

Hadaad (haa) dhahdaan waad gaaloowysaan buu yiri.

Maxaa yeelay waa hooyadiin, nin hooyadii fuulay soo gaaloowi maayo?

Oo aqoonsaday sidii xaas ahaan u isticmaalay.

Waa mid

Hadaad tiraahdaan hooyadeen ma ahana, waad gaalooweysaan buu yiri.

Maxaa yeelay Allah baa quraanka wuxuu ku yiri:

النَّبِيُّ أَوْلَىٰ بِالْمُؤْمِنِينَ مِنْ أَنفُسِهِمْ ۖ وَأَزْوَاجُهُ أُمَّهَاتُهُمْ ۗ

[سورة الأحزاب آية ٦]

Inay Nabi Maxammad xaas u ahayd ma qirsan tihiin?

Nabi Maxammad xaasaskii hooyooyin inay idin yihiina quraanka ayaa sheegay, hadaad dhahdaan hooyo nooma ahana quraankii baad inkirteen oo waad gaalooweysaan labadaa mid soo gala buu ku yiri.

Warkee baa la galayaa? Kii la galaba waa gaalnimee, war ma jiro.

Markaasaa wuxuu yiri:

Laba baadi baad u dhaxaysaan taad aadaanba baadi nimo ayaad ku dhacaysaan iyo gaal nimo.

Waa leys fiiriyay marka [walee waa la jabay].

Waa leys fiir fiiriyay wax lagu jawaabi lama haayo, xaajadu waa qadhaadhahay, waa la sitaayoo calan saarihii ka qaaday.

Markaasaa wuxuu yiri tane maka baxay?

Waxay yiraahdeen (Nacam) haa iyadana waad dhameeysay.

Tii wuxuu u yimid [magaciisu tiray]

Wuxuu keenay xadiithkii Cali (rc) uu keenay qisadii Nabiga (scw) (Xudeybiyyah), heshiiskii xudeybiyyah uu magaciisa tiray (Rasuulullaah) Nabiga uu tiray.

Markaasuu wuxuu ku yiri:

Nabi Maxammad (scw) (Rasuulullaah) buu tiray, (Amiirul-Mu’miniin) in la tiro iyo (Rasuulullaah) in la tiro kee baa culus?

Waxay yiraahdeen (Rasuulullaah) baa culus.

Taana maka baxay buu yiri?

Waad dhameeysay bey yiraahdeen.

Wuxuu ku yiri weliba Nabiga markuu (Rasuulullaah) meesha ka tiray, Rasuul nimadiisa maka dhax baxay? Rasuul nimadii ma waayay?

Maya bey dheheen.

Calina (Amiirul-Mu’miniin) haduu meesha ka tiray ee Amiir nimadii ma waayin buu yiri. Waa wax un meesha lagu qoray maslaxa darteeda loo tiray.

Midaana maka baxay?

Haa bey yiraahdeen.

Waxaa ka soo noqday markaa, laba kun ayaa ka soo laabtay riwaayadaha qaarkood sidaas ayay tilmaamayaan.

War meesha wax kuma haynee been ayaan isu akhrineynee, war meesha inaga soo dhaqaajiya, waa la soo dareeray magaaladii baa la isaga soo noqday, intii kale hadhay ee madax adeegtay ee la keri waayay, waa raga jabi doono ee socoda waaye, raga jabi doona ee Cali (rc) uu dhehi jiray

Soo ma garaneysaan kalimadii xalay aan soo marnay?

Xukunka Alle ayaan idinla sugi waaye.

Atharkaa waxaa soo saaray (Xaakim), wuxuu leeyahay saxiix (calaa shtr muslim), sidoo kalete waxaa ku waafaqayaa al-Imaamu Dahabi, qayrkoodna wey soo saareen culimada qaarkoodna wey (taxsiiminayaan) (Atharkaas) Cabdullahi ibnu Cabaas iyo munaadaradiisuna wey sugan tahay.

Dilkii Cabdullaahi
ibn Khabbaab ibn Arat

Maxaa dhacay marka ragii soo laabtay, intii kale meeshay ayay ku hareen.

Cali ibn Abii Taalib waa kan soo sheegnay wuxuu ka balan qaaday, hadeydaan dhiig daadinin, dhib iyo fasaadna aydaan la imaanin, idin leyn meyno idinla dagaalami meyno gacanta naga waan idinka ilaalineynaa, sheyga gaalada laga soo qabsadana wax baan idinka siineynaa, masaajidana idinka celin meyno, laakiin waa hadaydaan fasaad ku kicin, meelahiinaa iska qayqayliya (laa xuma ilaa lilaah) meelahaa ku haaya.

Laakiin wax talaaba ah hadaad qaadaan, dagaal baad markaa ku tala galeysaan.

Nimanku waa niman talo xun oo cilmi yarida iyo caqli yari talo xumi baa u dheer, diin la’aan baa u dheer markiiba (…) bey ku kaceen.

Al-Imaamu Tabari wuxuu soo saaray (Athar sidoo kale Abi Shaybah) Xaafid ibn Xajar uu leeyahay sannadkiisu waa saxiix (Atharkaasi) wuxuu leeyahay:

Wuxuu ka werinayaa (can dariiqil Ayuub)

Nin dadkii markuu hore raacay oo kamid ah oo ka soo cararay markuu arkay balaayada socota ileyn dad badan baa ku kadsoomay oo mujaahidiin moodi, laakiin markuu meesha waxa ka jira arkay buu soo cararay weliba qarsoodi buu ku soo cararay in la dilo buu ka yaabay, ninkii baa war bixiyay.

Wuxuu leeyahay ninkaa isaga ah:

Nimankii (Tuulo) ayay galeen magaalo ayay galeen, magaaladii markay galeen cabsi geliyeen oo la argagaxay waxaa soo baxay ninkii saxaabiga ahaa ee la dhihi jiray Cabdullaahi ibn Khabbaab ibn Arat oo Nabiga saxaabadiisa ka mid ahaa, asagoo wuxuu soo baxay aad u argagaxsan oo go’iisa jiidahaya ileyn magaaladii waa leys galayee yacni waxa weeyeen inuu xitaa si fiican maradiisa u hagaajisto waa ka gaari waayay argagax buu ku soo baxay.

Markay arkeen bey waxay yiraahdeen:

Laguma argagixiyo waxba ha naxin waxba ha baqin.

Markaasaa wuxuu yiri:

Ilaahay baan ku dhaartee waad iga nixiseen, waadna i cabsi geliseen, waad i argagax geliseen.

Markaasaa waxay ku yiraahdeen:

War adigu Cabdullaahi ibn Khabbaab miyaad tahay Rasuulka Alle saaxiibkiisii, Cabdullaahi ibn Khabbaabkii saxaabada Nabiga ka mid ah sooma tihid?

Markaasuu yiri haa

Waxay ku yiraahdeen:

Aabahaa Khabbaab maka maqashay isaga oo Nabiga xadiithka sheegaya fidnada ku saabsan.

Muxuu yahay xadiithkaas:

”Isaga oo sheegaya, fidnaa dhici doonta, fidnadaasoo ninka fadhiya uu ku dhaamo ama ka khayr badan yahay midka taagan, kan taagana uu dhaamoo ka khayr badan yahay midka socda, kan socdan uu ka khayr badan yahay midka ordaya oo deg degaaya,”

Xadiithkaasi ma maqashay bey dheheen, oo aabahaa Nabiga ka werinaya ma maqashay?

Oo weliba Nebiga uu yiri:

”Hadaad gaadho maalinkaas fidnadaasi iyo muslimiinta is leynaya, xaaladu markay halkaa gaadho waxaad noqotaa Cabdullaahi ibn Khabbaabow adoonka la dilaya noqo ee wax kan dilaaya gacanta leh ha noqonin. Markay musliniinta gacantooda is gaadho kan dhimanaya la dilaaya noqo ee kan wax dilaya marna ha noqon.”

Xadiithkaa ma maqashay bey dheheen?

Haa buu yiri.

Nabiga waan ka maqlay Aabahayna waan ka maqlay buu yiri.

Markaasay su’aalo kale weydiyeen, waxaa ka mid ahaa:

Cuthmaan iyo Cali ka waran?

Ma gaalaa mise waa muslimiin?

War maya waa muslimiin oo waa (خلفاء الرسول الله) oo waa ragii qiima lahaa.

Ma nimankaasaa muslimiin ahaa?

Haa

Waa soo qabteen marka, webiga intay qarkiisa geeyeen ayay luqunta ku dhufteen, qoortay u caseeyeen.

Wuxuu leeyahay (raawiga) xadiithka werinaya:

Dhiigiisii ayaa biyaha webiga ku qulqulay oo galay marka dhiigii isma bedelin biyahana ma dhex gelin sida (kabta indhasheeda) oo kale suunka oo ciribta ka wareega kabta aad qabto, suunkaas oo kale asaga oo dhiigii dhuuban oo taxan ayuu biyaha kor socday buu yiri.

Intaa meynaan ku gaabsaninee, haweeney adoontiisa ahayd oo uur u lahayd oo la socotay bay iyadiina intay qabteen bey ilmihii uurkeeda ku jiray iyadiina dileen ilmihiin uurkeeda ku jirayna soo tuureen.

War maxaad ku galeysaan?

Hada waa gaalo (Murtadiin) ah.

Oo haduu gaal murtad yahay xataa caruurtiisa mala soo tuuri, ilmaha uurka ku jira xataa mala soo tuuri sidii bey sameeyeen.

Nimankaasi u fiirso markay dhiiga saxaabiga galayaan oo ay ilmahaa yarka soo tuura hayaan oo waxaas oo dhan ku kacaayaan oo naxariis la’aanta iyo qalbi adeeg iyo qalaafka iyo macangag nimada iyo heer kaas ku kacayaan u fiiri… hadana masaa’ilo yar yar oo (basiit) ah gaalada arimaheeda siday u qadarinayaan u fiiri.

Riwaayad waxay leedahay, riwaayadan dambe ama intaan dambe [Imaamu Sheyba] ayaa soo saaray sannad saxiixa ah sidoo kale wuxuu leeyahay:

Qaar iyagii ka mid ah baa iyagoo Cabdullaahi ibn Khabbaab wada weli inteyna dilin ah ayaa waxay soo mareen xabad timir ah oo geed timir ah ka soo dhacday, mid iyaga ka mid ah baa intuu qaatay buu afka geliyay, mid kalaa la hadlay oo wuxuu yiray:

Gaalo cahdi lagula jiro oo balan muslimiinta kula jiraan baa geedkani iskaleh oo mirahu ka soo dhaceen maxaad ku xalaashay buu yiri oo aad ku cuntay xabada timirta ah?

Markiiba wuu tufay bal adigu u fiirso, xabad timir oo gaal leeyahay (Mucaahadba) ha ahaadee maxaad u cuntay buu leeyahay, kana waa tufahaya.

Dadka dadkii ugu khayrka badnaa dhiigoodana waa daadinaayaan bal adiga u fiirso.

Waxaa ka daran hadana wey socdeen oo waxay soo mareen (Doofaar) uu iyadana mid gaal ah leeyahay, mid iyaga ka mid ah ayaa seeyf ku dhuftay, markaasaa wuxuu ku yiri ku kalaa wuxuu ku yiri:

Doofaar gaal leeyahay, gaal kaana uu muslimiinta cahdi kula jiro inaad seeyf ku dhufato maxaa ku baneysatay buu yiri, sheeg waxaad ku baneysatay?

Wuxuu ku yiri kac tag oo ka soo xalaasho ninkii aad doofaarkiisa dishay.

Cabdullaahi ibn Khabbaab wey wadaan weli ma ay dilin.

Markaasuu wuxuu ku yiri:

War nimanyow ma idin sheegaa wax waxaas oo dhan idinka xurmad weyn oo ka xurmo weyn oo ka qatarsan?

Markaasay waxay dheheen haa

Wuxuu yiri waa aniga, Doofaar inaan ilaalisaan, xabad timir oo geed ka soo dhacdayna aad iska ilaalisaan ruux muslim ah, hadan muslim caad aan ahaynee saxaaba ah dhiigiisa inaad gashaan, war nimanyow anaa ka xurmad weyn.

Oo dee aaway caqligii kaa dhageysan lahaa, aaway qalbigii iyo naxariistii kaa dhageysan lahayd. Adeer kaxeeya baa la yiri meeshaa geeya, asagoo (Ashahaadanaaya) ayay qoorta ka gooyeen.

Kadibna waxay bilaabeen intaana inaynaan ku gaabsaninee inay magaalooyinkii galaan oo baadiyihii dadkii laayaan oo xoolahii dhacaan ilaa ay xataa qaar iyagii ka mid ah la yaabeen, iyagii baa qaarkood wixii meesha wax marahayaan (qariibsaday) ilaa ay yiraahdeen:

War balaaya Alle ha idunku ridee Cali waxaan uga soo tagnay ma tan bey ahayd;

  • inaan dadka argagax gelin
  • oo magaalooyinka dadka leyno,
  • oo aan nabad gelyada qasno
  • oo aan xoolaha dhacno
  • oo ilmaha uurka ka soo saarno.
  • War ma taasaan Cali uga soo baxnay seey wax idinka yihiin?

Iyagii naftooda baa qaar is qoonsaday ileyn markey howshu fogaato qaar un baa dib u soo carari, inta hore xoogaa ay yare dhodhowdahay, laakiin howsha markay meel fog gaarto ninkii xoogaa yar qalbigiisa ku jiray dib buu u soo carari (Wallaahi) sidaan ma moodeeyni waaye!

Arintaa markay dhacday Cali ibn Abii Taalib (rc) (Khaliifatul-Muslimiin), ma war baa yaal marka soo balantii maynaan ka bixin oo dadkii maynaan laaynin oo xoolohoo maynaan qaadanin, oo argagax maynaan abuurin, balantii bay ka baxeen.

Cali (rc) waa u tagay markaa ciidankiisii buu kaxaystay waa baxay waa dul tagay, wuxuu ku yiri:

Ragii walaalahay dilay ee gacan ku dhiigla yaasha noo soo dhiiba saan u dilno u qisaasno, hadaad sidaa yeeshaan waan iska kiin deeyneynaa, shaam iyo meeshaa Mucaawiye yaan u soconaa Ilaahay inuu quluubtiina soo celiyo ayaa dhici karta, idinku deg degi meyno laakiin ragii gacan ku dhiigla yaasha soo dhiiba.

Fariin bey u soo qoreen oo waxay ku yiraahdeen:

(كلنا قتله)

Bal adigu macangag nimadooda u fiirso, adeer waxay yiraahdeen mid gooni ah hadaad dooneeyso [kuligeena waan dilnay] bey dheheen, raganaga meesha jooga ee dhowrka kun ah gacan naga wey ku wada dhacday, marka yaad qisaasaneey?

Macrakatu Nahrawaan
معركة النهروان

Cali markaasuu go’aan qaatay inuu dagaal ku qaado reer (Shaam) iyo Mucaawiye oo isu diyaarinaayay inuu ka baaqdo maxaa yeelay tan ayaa ka dhib badan, gadaashaa ayaa balaayo ka soo baxday caruurtii iyo dumarkii aan reebeynin dagaalkii reer shaam dad walaalo oo is leynaya un bay ahaayeen sooma aha, oo caruur iyo dumar aan u dhacaynin oo kii dhaawaca aan dhaawac tireynin oo kii muxuu ahaay ee ….

Dad yacni walaalo oo qilaaf dhex maray buu ahaa.

Laakiin nimankaani niman wax reebaaya maba aha.

Cali wuxuu go’aan saday inuu dagaalkii shaam ka joogo oo nimankaa meel saaro, meeshii baa la tagay nimankii waa madax adeegeen ciidankiisa buu Cali uu khudbo kala hadlay oo hadal u jeediyay wuxuu ku yiri:

‘’Waxaan maqlay Rasuul Alle oo dhahaayo, war Nabigaan (scw) maqlay dadoow oo dhahaaya, waxaa ummadayda ka soo bixi doono dad quraanka akhrinaaya, oo akhrintoodu, akhrintiina markii la garab dhigo oo tiina waxba noqoneynin, salaadoodu, tiina markii la garab dhigo tiina waxba ma ahaba, soonkoodu kiina markii la garab dhigo waxba soonkiina ma aha, quraankay akhrinayaan oo aad u akhrihayaan waxay moodayaan inuu quraanka ayaga la jiro waase ka jiraa.

Waxay moodayaan inuu quraanka ayaga la jiro waase ka jiraa ayaga korkooda waaye iyagu malaha, salaada ay dukanayaana kalxamaha uma dhaafeyso, Islaam nimada ayay ka dhex baxaayaan sida leebku meesha lagu ganay ugu dhex baxo oo kale.

Wuu sii waday wuxuu yiri waxaan Nabiga  ka maqlay isaga oo leh:

Waxaan maqlay buu yiri Nabiga oo dhahaaya ciidanka kuwaa la dagaalami doono waxa Ilaahay u xukumay ee aktiisa u yaala haday ogaan lahaayeen camalka kale oo dhan weyba iska deyn lahaayeen, intaasayba ku tashan lahaayeen, waxa kaloo dhan intaasaa kala weynaan lahayd khayrka ku jira iyo abaal gudka iyo ajarka ku jira meel uu ku jira maleh.

Nabiga (scw) oo sidaa leh baan maqlay buu yiri.

Wuxuu yiri ragaa Nabigu (scw) sheegayna haday kuwaan noqdaan wuxuu Nabiga (scw) astaan as sheegay oo noo sheegay in uu ku dhex jiro nin (Cudud) leh gacanta cududeeda laakiin aan dhudhun lahayn, miyay go’day, ma saasuu ku dhashay, gacantiisu waa intaa un cududa ah waaye, laakiin intaa hore oo dhan malaha.

Kow cududa meesha ay ku dhamaato madaxeeda horana waxaa ka laalaada hilib aad moodo sida naaska dumarka oo kale [yacni sida naas dumar oo kale u yaal], baa ka laalaada meesha cududa ku dhamaata gacanta inteeda kale dhan maba jirtaba, hadana dhowr timo yar oo cad cad baa ku yaal, astaantaa buu Nabiga (scw) ii sheegay buu yiri.

Wuxuu yiri Cali:

Ma intaad shaam iyo Mucaawiye aadaan baad kuwaan ka tageysaan oo idin soo daba mari doonaan caruurtiina iyo dumarkiina, seed yeeleysaan buu yiri, iyo xoolahiina weliba.

Markaasuu wuxuu yiri:

Waxaan filaayaa buu yiri Nabiga kuwa uu inoo sheegay inay kuwan yihiin.

Maxaa yeelay dhiigiina waa daadiyeen, dadka xoolahoodiina waa dhaceen, waxna maynaan reebinee kuwaan ayaan u maleynaa kuwii Nabiga ka sheekeeyay inay yihiin ee socda buu yiri magaca Ilaahay ku socda oo ina dhaqaajiya.

Meeshii hadii la tagay nimankii Khawaarij waa is diyaariyeen webiga labadiisa dhinac baa la kala joogaa waa leeysu gudbay.

Cali (rc) wuxuu ahaa nin aad dagaal yahay u ah dadka Ilaahay hibada u siiyay buu ka mid ahaa dagaalada sida (Khaalid ibn Waliid) (rc) oo kale geesina waa ahaa ciidankiisa buu diyaariyay,

  • waa habeeyay,
  • waa kala rakibay,
  • ragii warmaha watay,
  • kuwa fardaha wadatay,
  • kuwii seyfaha watay,
  • midig iyo bidix,
  • wadnaha iyo dhexda,
  • muqadimada iyo kuli waa kala, saasuu u kala hagaajiyay.

Nimankan waa un iska xamaaseesan yihiin mooyee, laakiin umaba bilawnaba Ilaahay amarkii, hadana kaaga daran tahay geesi nimo macangag nimadooda waxaa ka mid ah meeshay jilibka dhigaan carari maayaan, sababta maxay tahay, sababta waxay rumeysan yihiin haday cararaan inay gaaloobayaan sooma aha!

Ileyn cararka dagaal laga cararo soo dembi weyn ma aha dambiyada waaweeyna aktooda waa gaal nimo ma carareyno marka. Meeshii ay jilibka dhigeen baa cagta lagu mariyay, [taqriiban] dhowr kun bay ahaayeen waxaa ka badbaaday [riwaayaad] qaarkood saay sheegayaan qiyaas tobon ruun, toboneeyo meelahaas ayaa ka badbaaday oo cararay, dee markay naftu ku qabato gaal nimada xitaa waad ku carari ma ogtahay!

Waad gaalooweysaan, markay arkeen ragii jabay ee dee war ma yaalo gaalnimadii baa jiidhay oo carareen, intii kale meeshii baa cagta lagu mariyay halkaas ay lugta kula baxeen.

Cali ibn Abii Taalib (rc) ciidankiisii [fii saxiix muslim] waxaa ku sugan laba nin oo keliya ayaa ka dhintay bal mas’aladaa u fiirsada.

Riwaayad kale oo saxiix ah waxay tilmaameeysaa sagaal nin baa laga dilay.

Riwaayad kale [bi sannad xassan] ku timid waxay tilmaameeysaa laba iyo tobon nin baa laga dilay, riwaayada ugu badan waa laba iyo toban.

Meesha (Mucjiso Rabbaani) ayaa ka dhacday, soo ma aha, u fiirso wax toban ruux ah iyo dhowr kun wax isu dhigmo miyaa meeshaas ayaa khawaarij lagu laayay.

[Macraktu Nahrawaan] waxayna dhacday taariikhu markay ahayd 38 hijriga.

Xaga Khawaarijta waxaa hogaaminaayay nin la yiraahdo Cabdullaahi ibn Wahab ar-Raasibi ninkaasaa hogaaminaayay oo oday u ahaa waa ninkaan soo sheegnay, halkaas ayay ku dhamaatay.

Fiiro Gaar:

Dagaalkii Nahrawaan

Qayb ka mid ah (Fitnada) ugu horeysay

  • Taariikhda: Hijrada 38 markay ahayd
  • Wadanka iyo Magaalada: Nahrawaan, Ciraaq
  • Natiijada dagaalka: Waxaa guusha ku raacday Khaliifkii Muslimiinta

Hogaamiyeyaasha

  1. Cali ibn Abii Taalib
  2. al-Xassan ibn Cali
  3. Al-Ashcath ibn Qays al-Kindi

Dhanka Khawaarijta:

  1. Cabdullaah ibn Wahb al-Raasibi

Dilkii Cali Ibn Abii Taaliab

Cali ibn Abii Taalib (rc) waa ka nastay khawaarij, dib bay fikirkii iska abaabuleen oo goor dambey soo kaceen, oo dagaalo dambe wey galeen, laakiin xiligaa saay u jabeen muday maqnaayeen, laakiin meynaan dhamaanin.

Ragii markaa cararay iyo ragii fikirka ku haray, dagaal dambe waa la tashaday, waxaa lagu tashaday ragii (Nahrawaan) lagu laayay in loo aaro, saddex nin ayaa (Majlis) isugu timid, waa qaabka marka ay (Dabarayaan) inay shirqool iyo qaab qarsoodi ah wax ku laayaan.

Cali ibn Abii Taalib (rc) axaadiithta sugan waxay tilmaameysaa in Nabigu (scw) u sii sheegay in la dili doono weliba loo sheegay meesha nabarku kaga dhici doono ninka dili doonana inuu nin (Shaqi ah) yahay intaaba wuu sii haayay.

Cali (rc) marka wuxuu yiri:

‘’Garkeyga waxaa qoyi doona dhiig madaxayga ka soo daatay ee ninkii ahlu naarka ahaa taas sameyn lahaa muxuu ila sugayaa.’’

Saxaabadii maqleysay iyo ragii la joogay waxay ku yiraahdeen:

‘’Amiirkii Mu’miniintoow noo sheeg ninka uu yahay, qaraabadiisa oo dhan baanu cagta marineynaayee, ninka sidaa yeeli doono noo sheeg.’’

Markaasaa wuxuu yiri Cali (rc):

”Hadaad saa yeeshaan oo dad un iska leysaan ninkii i dilay nin aan ahayn baad dileysaan sooma aha, iska soo qabo aabihii weeyee, walaalkii weeye iyo xaaskiisii weeye caruurtiisii weeye oo warkaa islaamka ma yaqaan ma og tahay.”

وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ ۚ

[سورة الأنعام آية ١٦٤]

‘’Ninah ninka kale (jariidadiisa) looma dilo.’’

Marka waxa weeye howl halis baad galeysaan buu yiri.

[Axmad iyo Bayhaqi baa soo saaray] xadiithkaasi Cali Ibn Abii Taalib (rc) waa sugan yahay, inuu sidaas warka arinta u haayay ee Nabiguna (scw) ugu sheegay.

Taasaa marka timid oo waqtigeeda la soo gaaray sannadkii 40naad marka la joogo ayaa marka waxaa dhacday, waxaa kulmay saddex nin oo uu kamid yahay:

Cabdur-Raxmaan ibn Camr Ibn Muljim (عبدالرحمن بن ملجم المرادي) isaga iyo laba nin oo khawaarij ah baa kulmay, waxay aad isu xusuusiyeen oo ka wada hadleen ragii uu Cali ku laayay Nahrawaan dagaalkii hada aan ka soo sheekeynay, ragaas ayay aad isu xusuusiyeen, markaasay u duceeyeen, [Ilaahow u naxariiso] maxaa akhayaar la dilay, ragii quraanka yaqaanay, salaad waayay, soon aaway, mujaahidiintii, akhyaartii, ahlu jannahii, aaway, haa ragii sow meeshaa kuma tagin yaa dilay Cali, haye waxay yiraahdeen:

Dadkay ugu salaad badnaan jireen, oo ugu khayr badnaayeen dadkay Ilaahay xagiisa ugu yeedhi jireen, mujaahidiin bey ahaayeen.

Oo ragaasi haday tageen maxaan nolosha ku faleynaa gadaashooda, maxaan u sii noolaaneynaa, ragaas oo tagay maa laga hadhaa, aan ka daba tagno, maxaan sameynaa waaye marka?

Waxaynu sameyneynaa rag baan ku tageynaa ragii ugu muhiim sanaa oo…

  • Cali
  • Camr ibn Caas
  • Mucaawiye

Saddexdaas ayaan ka taqalusaynaa anaga aan tagno ileyn janno ayaa loo socdaayee, jannadii uu (Khumeyni) furayaasheeda qaybin jiray tii baa furaheeda la wataa.

Ninka (ibn Muljim) la yiraahda marka wuxuu yiri:

Aniga Cali baan idinka filan nahay buu yiri, hawsha Cali aniga ha la ii daayo.

Waa yahay baa la yiri.

Labadii nin oo kalena waxay isu xil saareen labadii Camr ibn Caas iyo Mucaawiye.

Ninkii waa soo tagay (Kuufa) ayuu yimid oo caasimadii Cali uu joogay ah, si qarsoodi buu magaalada ku soo galay xataa ragii ay isku madhabka ahaayeen ee magaalada joogay uma sii sheegin, go’aanku waa go’aan si sir ah u dhacay [Amniyaad] baa la yiraahdaa mas’alo amniyaad la yiraahdo waaye, sir buu ku dhacay magaaladana sir baa lagu soo galay, xataa saaxibadii u sheegi maayo, muhimada inuu keligii fuliya ayaa la rabaa inay baxdana lama rabo dabeecadaa u fiirso marka.

Meeshii buu soo galay haduu yimid, fadhi buu soo fadhiistay rag saaxibadii ay fadhiyeen meel sheeko leysugu yimid, meeshii hadii la yimid waa la sheekeystay.

Haweeney marka waxaa jirtay (Khaarijiyad) ah oo dumarkan (Afkaarta Khawaarijta) ku qancay ka mid ah, aabaheed iyo walaalkeedna dagaalkii Nahrawaan baa lagu dilay, naag aad u quruxsana wey ahayd [Faa’iqatal Jamaal] ah, aadna u cibaado badan ah masaajidkana ku jirta aduunyaba ma taqaanaba, ileyn raga khawaarijta dumarkooda khawaarijta waa un la mid sooma aha.

Haweentii ayuu ninkani ka war helay ka dibna wuxuu damcay inuu guursado, wey wada hadleen waxay tiri waan ku guursanayaa laakiin saddex shardi, saddexda shardi qaar dhaqaalo ayay ku saabsanaayeen, laakiin waxaa ka mid ahaa midka saddexaad ahaa inaad Cali soo disho, aabahay iyo walaalkey ninka dilay akhayaartiina laayay ninkaa hadaad dileyso waan ku guursanayaa, dumarku caadi ma aha ma og tahay.

Waa u tegi doonaa muxuu ahaay (Ta’thiirka Fikirka) wax yaabaha aad u gudbiya waxaa ka mid ah dumarka, qiso waxaan u tegi doonaa nin la dhihi jiray (Cimraan ibn Xittaan) nin (Daalibul Cilmi) ahoo weliba culimada la fadhiista oo aqoonta siyaasi yaqaano cilmi leh, maalintii dambaa wuxuu doonay haweeney khaarijiyad ah…

War ka joog.

Maya ma naag baa aniga i baadiyeeynee xiradaan soo gelin buu yiri

War ka joog maya

Ilaahay wuxuu qadaray maalintii dambe fikirkeedii un baa la ().

Sannad saxiix ah buu ku sugan yahay (atharkaas) wuxuu ibn Xajar ku keenay tarjamadiisa [Tahdiibu Tahliik bi sannadin saxiix] khaariji buu noqday marka dambana waan u tegi doonaa Cali marka la dilay Cabdur-Raxmaan ibnu Muljim kani Cali dili doona ninka gabayga u tiriyay waaye oo inuu alhu janno yahay, naag baa (qafaalatay) khaarijiyad ah.

Waxay i xusuusisay qisa cajiib ahoo nin hada qolodaan (Takfiirka) kamid ah iska caamay buu ahaa, waayihii la soo qaxay oo soomaalida soo qaxday, nin uun wadaada iskala socdana waa ahaa, gabar takfiir ah buu damcay inuu guursado isagana waa iska caamay gabadhuna xoogaa kutubtay (laqameysaa).

Nin culimadii ka mid ah oo hada jooga oo dersiga dhageysanaayay baa wuxuu ku yiri:

War hooy naagtani waxbay taqaanaa adna caamay baa tahay ee ka joog.

Markaasuu wuxuu yiri;

Ma naag baa aniga wax inta iga dhaadhicisaa i baadiyeeynee.

War ka joog nak waa la kari waayay.

Wuu guursaday maalintii dambe wuxuu soo baxay isaga oo leh (Fatxul Mujiid) maydaan fahmi (Fatxul Mujiid) bay u akhriday, markaasay ku daba gediday, markaasuu wuxuu soo baxay isaga oo leh wadaadoow (Fatxul Mujiid) ma aydan fahmin, waana kan meesha nagu yimid (Nairobi) ee yiri adiga iyo ninka la yiraahdo Shariif Cabdi Nuur baa soomaali baadineynaaya oo gaaleysiinaya waa caamay adigi u jawaab, waa caamay waxba uma bilowna.

Marka waxaan ku keenay qisada wey isla gashayee. Waxaan ku keenay haweeneeyda Ninkii Cali dilay haweeneydii tiri waan ku guusanahaya.

Markaasuu wuxuu ku yiri:

Oo ma wax kalaaba magaalada u imid!

Waxaa la yiraahdaa [Taqaaticul Masaalix] baa la yiraahdaa dannaa kulmay, isaga marka horaba meeshuu u socday (Dhurwaa) meeshuu u socday usha loogu dhiftay adigu ma maqashay? Go’aankii buu gaaray, kadibna markuu uu arinkii go’aankeeda qaatay (Khulufaa’u Raashidiin) lama waardiyeen jiray sida qaalibka, sida madaxdeenta maanta jirta oo kaleta.

Khulufaa’u Raashidiin iyo
Dilkii Cali Ibn Abii Taalib Kadib

Waa garaneysaan Cumar ibn Al-Khattaab (rc) asaga oo salaada subax dadka dujinahaya bey tooreydii ku dhacday sooma aha?

Cuthmaan ibn Caffaan (rc) waa kii lagu dilay isagana (Daarul Khilaaf) sooma aha?

Sidoo kale Cali Ibn Abii Taalib (rc) subaxdii asaga oo salaada subax u soo baxay masaajidka u soo socdo, markuu masaajidka ku sii dhow yahay ayaa masaajidka aktiiga loo galay u fiirsada mas’aladaasna.

Masaajidaa leysu galay, masaajida marka laga soo baxaaya ama masaajida loo sii socdo, war meel kale maad raadsatid!

Salaad subax buu u sii socdaa masaajidkuu u sii socdaa meeshaa loo galay.

Cali oo masaajidka sii gali raba buu halkaa ku dhuftay, markuu ku dhuftay oo geeska kaga dhuftay dhiigii ka soo dureeray halkaa wuu dhacay Cali (rc), dhiigii halkaa ka soo dureeray Cali garkiisa oo dhan buu qoyay sow xadiithkii hada ma xusuusnidiin sidii bay u dhacday.

Wuxuu leeyahay marka ninkaas markuu Cali dilaayay, markuu ku dhiftay nawarka oo Cali dhacay wuxuu leeyahay:

[laa xukma ilaa lillaah]  [leysa laka yaa caliy, walaa li asxaabik]

Xukunta Ilaahay baa iskaleh adiguna ma lihid Caliyow asxaabtaaduna ma laha.

Xukunka Allah leh, markaasuu wuxuu ku dul akhriyay aayada quraanka:

وَمِنَ النَّاسِ مَن يَشْرِي نَفْسَهُ ابْتِغَاءَ مَرْضَاتِ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ رَءُوفٌ بِالْعِبَادِ

[سورة البقرة آية ٢٠٧]

‘’ Waxaa kamid ah Allah adoomadiisa, dad naftooda Alle ka iibsaday baa ku jira.’’

Yuu ku wadaa?

Isagaa isku wada, Caliyow waxaan kuu dilayba Ilaahay baan nafteyda janno kaga iibsanayaa u fiirsada [Ilaah baan idinku dhaariyee] (Inxiraafka) meeshuu gaaray u fiirsada Caliga la dilayo nin caadi ma aha, [Fadhaa’ishiisa] hadaad akhridaan waad yaabeysaan.

Kitaabkan Imaam an-Nasaa’i (cr) [خصائص أمير المؤمنين] uu ku magacaabay ee uu alifay akhri, waad la yaabi ninkaa (Jalaaladiisa) iyo qiimaha uu ku fadhiyay iyo Alle (tabaaraka wa tacaalaa) aktiisa (wasanka) uu ku leeyahay kii baa lagu janno tagayaa! Oo Ilaahay (tabaaraka wa tacaalaa) janno lagaga raadsanaayaa dilkiisa.

Adiga ma nin kalaa loo daahi bay kula tahay marka, ninka Cali ku janno tagay

  • Wadaad u daahi maayo,
  • Sheekhna u daahi maayo,
  • Shariifne u daahi maayo
  • Caalimne u daahi maayo

Caamo iyo muslimiin kale warkeeda iskaba daayee [inxiraafku] waxyaabaha ugu qatarsan buu ka mid yahay.

Waad garan kartaa marka meeshuu Nabiga (scw) gaarsiiyay markuu yiri:

[sharul khalqi wal khaliiq] saan u tegi doonaa.

‘’Inta Ilaahay abuuray bey ugu shar badan yihiin,’’

Tasarufaadkooda markaad fiiriso xataa wax ka mid ah, tasrufaaskaa qaar ka mid ah xataa gaalada ma sameyso, xataa cadowga gaalka waxyaabaha qaarkood kuma kacaan ay ku kacaayaan.

Cali ibn Abii Taalib (rc) Sidaas ayaa lagu dilay sannadkii 40naad ee hijriga khawaarijta ayaa dishay kadibna ciidankiisii iyo dadkii asaga la socday waxay la mubaayacoodeen oo booskiisii istaajiyeen wiilkiisii Xassan ibn Cali Ibn Abii Taalib.

Xassan markii lala mubaayacooday, wax yar ka dib lix bilood iyo meelahaas buu xilka haayay markiiba wuu ka tanaazulay wuxuuna ugu nataazulay Mucaawiye.

Halkaas baa marka waxaa ku xaqiiqa waday xadiithkii Nabiga (scw) uu yiri:

‘’Wiilkeyga waa (Sayid) buu yiri Nabiga (scw) waa nin darajo sare leh, waxaana dhici karto buu yiri ama xaqiiqa ah in Ilaahay ku heshiisiin doono sababtiisa laba kooxood oo waaweeyn oo mu’miniinta oo is leynaya.’’

Nabiga (scw) ayaa sii sheegay, see Ilaahay ugu heshiisiiyay arintii uu uga tanaazulay Mucaawiye.

Macaawiye ayaa xilkii ku wareegay sannad 41 taariikhda hijriga markay tahay, waa sannadka lagu magacaabo [Caamul Jamaaca] waa sannadka leys raacay khawaarij meelahaa un wax wad wado mooyee laakiin muslimiinta intooda kale waxay isku raaceen Mucaawiye ibn Abii Sufiyaan in xilka asiga loo dhiibo.

Sidaas buuna ku noqday [Awwalu Malikin min Muluukil Muslimiin] (cala saxiix) boqor kii ugu horeeyay ee boqorada muslimiinta ah, intii asaga ka horeysana (Khulafaa) ayay ahaayeen [al-Khulufaa] inta hore ayay ahaayeen, Mucaawiyane waa (Awwalu Muluuk wa Axsanul Muluuk).

Mudo dheer buu markaa hayay (rc) siiro wanaagsan iyo si wanaagsan oo qiimo badan buu mudadaasi u maamulay, mudadaa iyada ah, sidaasaa marka Cali (rc) arintiisa ku dhamaatay.

هذا وبالله التوفيق

Inshaa Allaah darsiga weli wuu sii socdaa, waana soo dhameystiri doonaa haduu Ilaahay (swt) inoo fududeeyo, li’ana wax sahal ah ma jiro ilaa uu Ilaahay (swt) sahal ka dhigo mooyee. Fadlan waxii faahfaahin ah ama qaladaad aad meesha ku aragtaan kala xiriira emailka qoraaga casharadaan oo hoos ku qoran. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

Xuruufaha aanu soo gaabinay:

  • (swt) – [سبحانه و تعلي]
  • (scw) – [صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم]
  • (rc) – [رضي الله عنه] – [رضي الله عنها]

Liiska macagyada qaar ka mid ah
Saxaabada aan darsiga ku soo qaadanay:

1 Abu Bakar (As-Siddiiq)

(رضي الله عنه)

أبو بكر الصديق

2 Cumar bin Al-Khattaab

(رضي الله عنه)

عمر بن الخطاب

3 Cuthmaan bin Caffaan

(رضي الله عنه)

عثمان بن عفان

4 Cali bin Abii Taalib

(رضي الله عنه)

علي بن أبي طالب

5 Caa’isha bintu Abu Bakar

(رضي الله عنها)

عائشة بنت أبي بكر

6 Dalxata bin Cubeydillaah

(رضي الله عنه)

طلحة بن عبيدالله

7 Al-Zubeyr bin al-Cawaam

(رضي الله عنه)

الزبير بن العوام بن خويلد

8 Mucaawiye bin Abii Sufiyaan

(رضي الله عنه)

معاوية ابن أبي سفيان

9 Maxammad bin Abu Bakar

(رضي الله عنه)

محمد بن أبي بكر

10 Cabdullaahi bin Khabbaab

(رضي الله عنه)

خبّاب بن الأرت بن عبد الله

11 Camr bin Caas

(رضي الله عنه)

عمرو بن العاص

12 Abuu Muusaa al-Ashcari

(رضي الله عنه)

أبو موسى الأشعري

13 Cabdullaahi bin Cabaas

(رضي الله عنه)

عبد الله بن عباس

14 Al-Ashcath bin Qays

(رضي الله عنه)

الاشعث بن قيس

15 Cabdullaahi bin Shaddaad

(رضي الله عنه)

عبد الله بن شداد بن الهاد الليثي

Qaybaha ay ka kooban yihiin Duruusta:

Qaybta 1aad

Qaybta 2aad

Qaybta 3aad

Qaybta 4aad

Qaybta 5aad

Qaybta 6aad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

La soco  Qaybta 4aad….!

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad: wajibad.wordpress.com