Fikirka Khawaarijta

Muxaadaro ku Saabsan Fikirka Khawaarijta,
Sifaatkooda Iyo Kooxaha Ku Saamoobay

Qaybta | 4aad

Sheekh Maxamad Cabdi Umul

Waxaa qoray: Abuu Kalthuma
Email: Abuu.Kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

Muxaadaro ku Saabsan
Fikirka Khawaarijta, Sifaatkooda
Iyo Kooxaha Ku Saamoobay

Tusmo Gaaban

Qoraalada darsigaan waxaa inagu kalifay muhiimada weyn ay ummada islaamka ee ahlu sunnah wal jamaaca u leedahay uga digida qatarta Khawaarijta iyo Shiicada ay leedahay. Maadaama ay muxaadaradaan tahay mid ummada uga digeeysa cawaaqib xumada ay leedahay kooxaha ka leexday wadadii ama sunnadii suubanaha Rasuulka (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) ee toosan iyo kitaabkii Alle (سبحانه و تعلي). Kuwaas oo uu Sheekha sheegay in ay leeyihiin magacyo fara badan ayna u kala baxaan dariiqooyin fara badan oo aan ahayn dariiqa Sunnada iyo Kitaabka Alle (سبحانه و تعلي).

Marka muxaadarooyinka wey fara badan yihiin {إن شاء الله تعلي} waxaan ka qori doonaa wixii Alle (سبحانه و تعلي) inoo fududeeyo si aan u gaarsiino ummada walaalaheen ah ee jecel inay raacaan jidka ama wadada toosan ee suubanaha Rasuulka (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) iyo saxaabadiis iyo inta jidkaasi saxda aha qaaday. Anigana waxaan Ilaahay ka baryaayaa in uu naga yeelo dhamaan (Muwaxidiinta) kuwa ku dayda ee raaca jidkaas toosan qaatana qowlka wanaagsan.

Fiiro gaar ah:

Xuquuqda qoraalada waa mid furan oo u fasaxan cid walba oo jecel inay kheyrka faafisa iyo dadka jecel inay ka faa’ideystaan aqrintiisa ama daabacaadiisa. Qoraaga waxa uu ka mamnuucay inta la daabacda ka dibna dadka laga iibiyo. Maxaa yeelay qoraalada Abuu Kalthuma waa (صدقة جارية) oo loogu tala galay inay ummada ka faa’ideysato.

(جزاكم الله خيرا)

Decorative Lines

Sifaadka iyo Astaamaha
Khawaarijta

BISMILLAH2

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين
,نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

،أما بعد أيها الاخوة والأخوات

Intaa warku waxaynu fahamnay oo (Cardiga) taariikhiga ku fahamnay khawaariji kan koox ahaan waa kooxda ayadaa ah waaye Nabigaﷺ uu sii sheegay kooxda Cali ibn Abii Taalib uu la dagaalamay ee khawaarijta ihina waa (muxalu ijmaac) waana (nas) wixii iyaga ka dambeeyay ee sifaadkooda wax kamid ah laga helay in khawaarij xukunkooda la siiyo waa (ijtihaadi) waana u tegi doonaa, li’ana waxay ka mid tahay:

[Tanziilul Axkaam Calal Acyaan, wal Axwaal, wal Waqaa’ic ….]

Waa (qadiya ijtihaadiya) waaye, laakiin qolodaan hore inay khawaarij yihiin (nas) bay ahayd. Maxaa yeelay astaantii Cali ibn Abii Taalib (Nabiga)ﷺ u sheegay, sideedii baa loo helay markii la laayay kadib oo dagaalkii dhamaaday buu Cali wuxuu ku yiri:

‘’Ninka noocaas ah hala soo raadiyo, ninkaan idin sheegay ee astaantaa lahaa hala soo raadiyo.’’

Waa la tagay niman meykoodi aad u badan baa la dhax maray waa la soo waayay.

Markaasuu (Cali) yiri:

Ilaahay baan ku dhaartayee [maa kadabtu walaa kudibtu].

‘’Ilaahay baan ku dhaartee anne been ma sheegin, Nabi Maxammadna been iima sheegin.’’

Arintu xaqiiqa jirto weeye dib ugu noqdoo soo baadha!

Waa la raadiyay, waa la raadiyay, waxaa loo tagay ninkii oo dhowr nin oo dhintay ay kor saaran yihiin oo hoostooda ku jira oo meyd ah, nimankii baa laga kor qaaday isagii baa la soo bixiyay, mise calaamadii iyo astaantii caganta ee Nabiguﷺ tilmaamay waa sideedii waaye.

Markaas Cali ibn Abii Taalib (rc) wuxuu yiri:

(صدق الله و رسوله)

‘’Ilaahay run buu sheegay, Rasuulkiisuna run buu sheegay buu yiri.’’

Taa marka waxay cadeyneysaa kooxdaasi

[qatcan, wa biduuni khilaaf, wa bil nas, wa bil ijmaac]

Khawaarij bey ahaayeen.

Xiliga ay soo baxeena waan sheegnay [tasarufaadkoodna] waan sheegnay.

Afkaartooda iyo Mabaadi’dooda
iyo Sifaadkooda

Waxaa inoo laaban marka oo qodobka hada aan galeyno uu yahay inaan:

  • Afkaartood iyo
  • Mabaadi’dooda iyo
  • Sifaadkooda wax ka tilmaamno.

Cinda Ahlu sunna wal jamaaca siday (taqriirinayaan) wax ka mid ah aan soo sheegnay, khawaariji qaas kuma ahayn qolodaan hore ee cid kasta oo sifaadkooda laga helo waxay qaadanayaan xukunkii khawaarijta.

Inay jiri doonaana xadiithkooda waan soo sheegnay ilaa kan ugu dambeeya ama gadaashooda uu ka soo baxo (Dajjaal) bakhiyadooda ilaa uu Dajjaal ka soo baxo, [Aakhiru Zamaanka] ilaa laga gaaro wuu jiri doonaa.

Sifaadka iyo Miizaanka
Aad Ku Garan Karto Khawaarijta

Waxaad u baahan tahay marka inaad ogaato maadaama ay jiri doonaan, fikirkuna jiro siina jiri doono, soona jiray, waxaa u baahan tahay inaad ogaato lagu siiyo [Sifaadka iyo Miizaanka] aad ku garan karto khawaarijta ama fikirkaan Sifaadka aad ku garan karto iyo (Usuusha) uu leeyahay.

Miizaanka markaad qaadato adiga oon cidina kuu sheegin baad leedahay miizaanka saari baad leedahay [Alleylahee] Kuwaasi Sifaadkii bey leeyihiin. Marka aad bey muhiim u tahay [manaahij toodii, usuushoodii iyo sifaad kooda] in la barto.

Waxaa ka mid ah marka oo qodobka ugu horeeyo ah, wey badan yihiin:

  1. In dadka lagu gaaleeysiiyo oo diinta lagaga saaro [dadka muslimiinta] ah waxaan gaalnimo keeneynin.

Miizaanka sharciga marka la saaro waxaan uu ruuxa ku gaaloobeeynin oo diinta kaga baxaynin ayay dadka diinta kaga saaraan, oo (Ridda) ugu xukumaan, asalkooda ugu weyni kaa isaga ah waaye.

Markaan leenahay, waxay ka guda weyn tahay inaan niraahno (Takthiiru naasi bil kabaa’ir).

Dunuubta waaweeyn bey dadku ku gaaleeysiiyaan (Shirkiga) ka sokeeya, macnaha ka daqiiqsan wuxuu yahay, dadka waxay ku gaaleeysiiyaan waxaan gaal nimo keeneynin miizaanka sharciga, oo muxuu noqon karaa?

Dambiyada waaweeyn baa ka mid ah, oon gaal nimada gaarsiisneyn sida:

  • Zinada
  • Khamrada iwm

Wuxuu noqon karaa inay shey waajib ah oo diintaba waajib ka dhigtay iyagu intay gaal nimo u qaataan dadka diinta kaga saaraan. Sida arintii hada Cali heshiiska sooma aha, heshiiska in la galo oo dhiiga muslimiinta la baajiyo ama [mustaxab] buu ahaa ama waajib buu ahaa, iyaguna maxay ka dhigeen?

Wax lagu gaaloobo ayay ka dhigeen.

Miizaanka (shareecada) marka la fiiriyana ama waa waajib ama waa mustaxab.

Waxaa ka mid ah mathalan: mar marka qaarkood waxyaalo iska banaan oo [mubaaxaad] ah, baa dhici karto inay dadka ku gaaleeysiiyaan.

Soo hada meynaan soo marin Ibn Cabaas markuu u tagay maryahii bay ku qabsadeen soo ma aha, waxaa laga yaabaaba inay yiraahdaan maryaha waad ku gaaloowday.

Waa wax iska mubaax ah ruuxu inuu (ziinada) qaato.

Waxaa dhici kareysa oo asalkaa soo hoos galaya, in dadka lagu gaaleeysiiyo, masaa’il:

  • [cinda salaf]
  • [wa cinda saxaabah]
  • [wa cinda aimatil sunnah]

Masaa’il ijtihaadi oo khilaafi ah, masaa’il aragtida culimada ku kala gedisan yihiin (ijtihaadi) ah ijtihaad keeduna uu [saa’iq] yahay in dadka lagu gaaleeysiiyo waa…

[min usuuril khawaarij] waa at-Takthiir bimaa leysa bi mukafir]

Waxaa soo galaaya dadka culimada ee (muta awwiliinta) ah (ta’wiil saa’iq) ah oo [mukhaalafaad] saa ugu dhacay in la gaaleeysiiyo (ta’wiilkoodana) waxba laga soo qaadi waayo.

[at-Takthiir bimaa leysa bi mukafir] waaye,

[wa nusuulul khawaarij] waaye.

Marka in la yiraahdo un dunuubta waaweeyn bey dadka ku gaaleeysiiyaan ma ehee (cala saxiix) waxay dadka ku gaaleeysiin, waxaan dembiba ahayn bal laga yaaboo inuu mustaxab yahay, bal laga yaaboo inuu waajib yahay.

Iyaga caqli yaradoodii, faham yaradoodii iyo cilmi yaradooda, intay si kale u qaataan bey intaa ku ekaan maayaan, waxay ka ratibaayaan inay dadka ku gaaleeysiiyaan diinta kaga saaraan.

Markay dadkaana gaaleeysiyaan waxay ula dhaqmaayaan marka (axkaamtii) gaalada bey siinayaan;

  • Daartooda waa daar gaalo
  • Mucaamaladooda waa mucaamalo gaalo
  • Waa lala dagaalami
  • Dhiigooda waa banaan yahay waan u tegi doonaa.

Asal maxaa u ah mas’aladaa iyada ah?

Asal waxaa u ah xadiithkii aan soo marnay Nabigaﷺ [Dhu’l-Khuwaysirah] markuu u yimid muxuu ku yiri:

[icdil itaqillaah] [icdil fa inaka lam tacdil] sooma aha?

‘’Maxammadoow cadaalad samee, cadaalad maadan sameynin.’’

Nabi Maxammad wuxuu sameeyay sow cadaalad ma ahayn, ma shaki baa idin kaga jira, cadaaladii waajibka ahayd bey ahayd.

Cadaaladii waajibka ahayd miizaanka shareecada marka la saaro baa isaga la qaloocatay, markaasuu bilaabay inuu Nabigaﷺ uu ku inkiro, uma haysto markaa oggow, uma haysto qaabka Nabiga sameeyay inuu ku gaaloobayoo diinta kala baxaayo, waa dambi weyn oo uu ku gaaloobayo ma ehee mas’aladu waxa weeye fahamka ayaa la qaloocday. Shey waajib ah buu u qaatay qalad kadibna wuxuu leeyahay Nabiga inuu ku inkiro buu bilaabay.

Sheekhul Islaam Ibnu Tayymiyah (رحمه الله) [towjiiha] noocaas ah markuu ka hadlaayo, hadal noocaas oo aad u qiimo badan buu leeyahay, uu leeyahay:

Khawaarijta waxay leeyihiin iyo [raafidadu] ayuu ka hadlaayay laba qaas oo caan ah bey leeyihiin buu yiri oo muslimiinta intooda kale iyo [Aimadooda] ay kaga baxeen.

Tan koowaad waxa weeyeen buu yiri:

  • Inay jidkii [dariiqadii] sunnada ka baxaan,
  • Waxaan [seyyi’a] ahayna ay seyyi’a ka dhigaan.
  • Waxaan [xassana] ahayna bey xassana ka dhigaan.

Waana midday Nabiga hortiisa ka muujiyeen buu yiri oo ninkaa [Dhu’l-Khuwaysirah at-Tamiimi] uu nabiga hortiisa ka muujiyay markuu ku yiri:

[icdil itaqillaah] [icdil fa inaka lam tacdil]

Nabigana uu ku yiri.

Wuxuu leeyahay ibn Tayymiyah (رحمه الله) Sheekhul Islaam markii uu yiri:

[icdil fa inaka lam tacdil]

Icdil markuu leeyahay Nabigaﷺ falka uu sameeyay buu wuxuu ka dhigayaa wax qaldan oo cadaaladii Nabigaﷺ uu ka tagay.

 Ma aadan cadaalad sameynin

Markuu leeyahay cadaalad sameyna!

Wuxuu amrayaa wuxuu markaa isagu [ictiqaadsan] yahay inay saxsan tahay, ictiqaadkiisii iyo fahamkiisii buu rabaa Nabiga inuu maro, adiga taada waa qaldan tahay weeye teyda soo raac warka murtidiisu.

Waad qaldan tahay Nabi Maxammadoow isoo raac teyda ayaa saxsan!

  • Marka waxaan saxsaneyn buu sax ka dhigayaa
  • Wixii saxsanaana qalad buu ka dhigayaa
  • Cidii ka saxsaneydna wuu xukumaya

Asal kaasaa u ah.

Saa markaan leenahay oo [usuushooda] waxaa ka mid ah, wax ayna diinta dadka ku gaaleeysiineynin inay diinta kaga saaraan oo dadka [ridda] ugu xukumaan, shardi ma aha baan niri miizaanka sharciga marka la fiiriyo inuu dambi weyn yahay waxba shardi ma aha. Maxaa yeelay sidaan soo sheegnay waxyaabo mubaax ah bey dadka ku gaaleeysiiyaan oo iyaga markaa is moodsiyeen.

  • Waxyaalo mustaxab bey ku gaaleeysiin
  • Waxyaalo waajib ah bey ku gaaleeysiin

Masaa’il [ijtihaadi] oo culimada ku kala aragti bedelan yihiin bey oo ku gaaleeysiin, laakiin ay ayaga ay [quluwi] iyo xad gudub ku sameeyaan oo ay [tadaruf] ay la fogaatay.

Waxaan mas’aladaa u leenahay laba qodob ama dhowr qodob.

Waa Mida Koowaadee

Khawaarijtii ugu horeysay ee Cali ibn Abii Taalib (rc) ku baxday ee uu Nahrawaan kula dagaalamay Cali maxay ku haysteen?

Saddex qodob soo ma aan marin.

Bal saddexdii qodob u fiiriya, saddexda qodob oo ay leeyihiin waad ku gaaloowday, hal mid oo gaal nimo ah ma jiro, bal hal mid oo dambi ah ma jiro miizaanka shareecada marka la saaro.

Magacaagii baad tirtay, oo magacayga hadaan maslaxo u tiray (Amiirul Mu’miniin) muslimiinta dhiigoodana aan ku ilaalinaayo ma dembi baa?

Muxuu Cali bin Abii Taalib (rc) dumarka u qafaalan waayay?

Ma Caa’ishaad qafaalaneysaan (Ummul Mu’miniin) oo muslimiin si qalad ah ku dagaalamay miyaa lays qafaashaa xoolaha miyaa la kala qaataa?

Mas’alada ma mas’ala qaldan baa mise mas’ala saxsan?

Cali sidii saxsaneyd buu maray sidii saxsaneyd baa iyaga gaal nimo la noqotay.

Markaa maxay sameeyeen?

Ninkii galay labadii (taxkiimka) sameysay oo ah Abuu Muusaa iyo Camr ibn Caas, Cali iyo oo qaatay, Mucaawiye oo qaatay in alle intii raali ku noqotay oo ku qanacday kuligooda waa gaalo ayay dhaheen. Qolodaasi halkaa ku gaaleysiisay saxaabada iyo ummada waa nimanka loo yaqaano magacooda waxaa la yiraahdaa (المحكمة الأوّل) baa la yiraahdaa. (المحكمة الأوّل) qadiyadooda waxay ka kacday, mas’aladaa xukunka ee maslaxada ahee dhiiga muslimiinta lagu ilaalinaayay kacdoon kooduna halkaas buu ka bilowday.

Marka mas’alada dembi weyn baad gashay ma ahayn ee arin waajib ah ama mustaxab ah ama mubaax ah () ayay dadku ku gaaleysiinayeen sidaas daraadeed.

Qodobka Labaad

Aimada ka hadashay firaqdan iyo afkaar tooda iyo madaahib tooda sida Abu Xassan al-Ashcari iyo khayrkiiba, waxay leeyihiin khawaarijta kooxaheeda kala duwan dib beynu ka hadli doonaa aad bey u bateen wey fara bateen wey kala jajabeen oo wey is qilaafeen kooxa ayay kala noqdeen oo iyagii baa is gaaleeysiiyay oo waxba isuma reebin wey is laayeen.

Kooxahoodii kala gedisnaa ee is qilaafay hal qodob bey ku mideysanaayeen bey dheheen. Halka qodob ay ku mideysanaayeen muxuu ahaa?

In Cali iyo Cuthmaan iyo labadii xakamka ahaa iyo (asxaabul-jamal) oo saxaabadii dagaalkii jamal gashay iyo ragii la socday iyo nin kasta oo raali ku noqdo iyo cid kasta oo xukunka noocaas ah waa sax tiraah kuligooda inay gaalo yihiin intaas ayay isku waafaq sanaayeen (المحكمة الأوّل).

Culimada qaar ka mid ah waxay yiraahdeen, waxaa kale oo ay isku waafaq sanaayeen ruuxa dembiga weyn galaa inuu gaal yahay sida:

  • Zinada
  • Xaditaanka
  • Qamrada cabitaankeed

Taana wey isku waafaq sanaayeen, ra’yigaasina sida saxda ah (sawaab) ma aha.

Khawaarijta firaq deeda qaar ka mid ah ma aynan qabin dunuubta waaweeyn dadka gala inay gaalo yihiin meynaan ku gaaleysin jirin qaar firaqda ka mid ah sida nimanka la yiraahdo:

  • Najadaadka oo kaleeto
  • (Adbaacu Najdin) Najda

Nin (Najda) la dhihi jiray koox raacday oo aad u xoog badneyd oo khawaarijta ka mid ahayd. Ma aynaan qabin

  • Ruuxa zineysta inuu gaaloowayo
  • Ruuxa Qamrada caba inuu gaaloowayo

(مرتكب الكبيرة) …. Inuu gaaloobayo maynaan qabin, bal waxay qabeen qaasatan haduu kooxdooda ka tirsan yahay inuu yahay (كافر النعمة) nin nicmada Ilaahay ku gaaloobay laakiin diinta kama bixin bey dhihi jireen.

Mas’aladaasi qasadka aan ka leeyahay waxay tahay dad fara badan oo aan ka war haaynin firaqda iyo afkaar tooda baa markaad ku tiraahdo;

‘’war ninyow afkaartii khawaarijta wax ka mid ah ayaa kaa muuqda.’’

Wuxuu leeyahay;

‘’ anigu ma qabto dadka muslimiinta ah oo dambiyada waaweeyn galayaa inay gaalo yihiin, saas daraadeed fikirkaas hadaanan qabin Khaariji ma ihi.’’

Waxaan garanayaa nin dhalinyaro ah oo afkaartan dadka aad ugu adadag ka mid ahaa ee Mareykanka jooga oo maalin aad aan u wada hadalnay oon waaniyay oon ku iri war afkaartan wax badan oo ka mid ah ninyow markii sunnada iyo kitaabka iyo dariiqii salafka iyo kutubta la darso wuxuu aad ugu muuqda in ay (Nazca) khaarijiyah ka muuqato wax yaalo fara badan oo la sameeynayo.

Markaasuu wuxuu yiri sideey ku dhici kartaa?

Aniga ma qabto (مرتكب الكبيرة) inuu gaal yahay.

Waxaan ku iri:

Ruuxa (مرتكب الكبيرة) inuu gaal yahay intaa haduusan qabin khaariji nimo kaga badbaadi maayo, bal isagoo intaa qabin buu khaariji noqon karaa.

Daliilna waxaa u ah qolodii ugu horeysay ee (Nassan) khaarijiyada u noqotay wax ku soo arooray ma jiro axaadithta Nabigaﷺ in ay qabeen (مرتكب الكبيرة) waa gaal, laakiin waxaa soo aroortay mas’alada ay saxaabada ku gaaleeysiiyeen waa mas’aladaas waaye.

Marka aniga dadkaan inay gaalo yihiin ma qabo intaa keliya ku badbaadin meyso (Sifaad) kale oo fara badan oo ay leeyihiin hadaad gasho oo ay kaa muuqdaan oo (Khusuul) kale oo ay leeyihiin aad ku dhacdo intaasina ay kaa maqan tahay kuu (Shafeeci) meyso si aad ugu badbaado khaariji nimada.

Marka aad bey mas’aladaasi muhiim u tahay, waana god ay dad badani ku dhuuntaan qaar fara badan baa god kaa gala in ay mas’aladaasi cadaatana waa lagama maarmaan.

Qodob kaasi marka waa asalka ugu weyn usuushooda oo gaaleysiinta muslimiinta iyo diinta in laga saaro ridda lagu xukumo waxaan gaal nimo keeneynin usuusheeda iyada oon la marin, ehel keeda iyada oon ahayn, dad yaqiin ahaan loo hubo inay muslimiin yihiin oo (Daahirka) marka la fiiriyo Islaam nimadooda ay muuqato in diinta laga saaro oo ridda lagu xukumo, waxa lagu xukumaayana uu yahay wax aan gaal nimo keeneynin oo masaa’ishaa aan sheegnay ah ama waxay ku saxsan yihiin oo kaaga quman yihiin ama waxaa dhici kareyso mathalan inay (Mubaaxaad) yihiin ama waxay dhici kareysay inaysan gaal nimo gaarsiisneyn laakiin (Dunuub) waaweeyn ay yihiin ama waxay dhici kareysay inay waajib yihiin laakiin in adigu fahamku kula qaloocday (Akhwaabtaasi)  hadaad dadka diinta kaga saarto asalka ugu muhiimsan (Usuulul Khawaarij) waad ku dhacday, asal kii ugu muhiim sanaa lugta ayaad kula jirtaa.

Waxaa ka mid ah usuushooda in madaxda muslimiinta lagu baxo oo (Seyfta) loo qaato, inay gaalo yihiina la ictiqaadiyo kadibna la baxo oo lagu kaco, hubka loo uruursado oo lala dagaalamo.

Nusuusta [الأمر بالمَعْرُوف] iyaga korka laga saaro.

[Man ra’aa minkum munkaran] madaxda iyo dowlada ka bilaaba, waa goormaa?

Waa markay madaxda iyo dowladu ay tahay muslim, haduu (Caadil) yahay muslim caadil ah (Shareeca) Ilaahay dadka ku maamulaaya oo aanu kala eexaneynin oo cadaalad haduu yahay sidii Cali ibn Abii Taalib oo kale mas’aladiisa waa iska cad tahay.

Haduu yahay Muslim iyo dowlada Muslim ah laakiin (jaa’ir) ah.

Jaa’ir macnaha dadkii dulmineysa oo ku xad gudbeysa oo (Axkaamta Shareecad) wax ka mid ah aanay fulineynin (Xukuuma Jaa’ir) ah, in iyadana lagu baxo oo lagu kaco oo seyfta loo qaato oo lala dagaalamo iyadana waxa weeyaan waa (Min Usuulil Khawaarij), mas’aladaa iyada ah usuushooda ayay ka mid ahayd.

Sidaas darada baa axaadiithta Nabigaﷺ (Mutawaatirka) ee aadka u fara badan ay ku timid amar uu Nabigaﷺ ummadiisa amraayo inay madaxda (Adeecaan) oo aaynan ku bixin xataa haku garaaco, xoolahaaga ha qaato, haku dulmiyo sabir ha ku bixin.

Sababtuna maxay tahay?

Sababta waxay tahay, bixitaanka iyaga lagu baxaayo dhibka ka dhalanaaya baa ka weyn dhibaatada lagu qabo markay joogaan.

(Xakiim Jaa’ir) ah iyo Dowlad jaa’ir ah (Daalim) ah oo laakiin aan diinta ka bixin, diinta inay ka baxdayna maxaa lagu garanaa?

Diinta inay ka baxday Nabigaﷺ mas’aladaas war cad buu ka jeediyoo…

  • wey ila tahay
  • waan ku (ijtihaaday) iyo
  • siday ila noqotay ma soconeyso.

Wuxuu Nabiga yiri:

‘’ Hadeydaan ku arkin gaal nimo cad, oo qorax soo baxday oo kale ah, oo (Burhaan) cad xaga Rabbi ah aad u haysaan.’’

U fiirsada sida loo cabiray:

  • burhaan cad oo shaki geli karin,
  • oon hadal gelin karin,
  • oo sida qoraxda u cad
  • oo hadana burhaan xaga rabbi ka timid ah.

Wadaad baa yiri ma aha, sheekh baa yirina ma aha, aayad quraan ama xadiith baa saaran ilaa aad taas ku aragtaan haku kicina buu Nabigaﷺ yiri haku bixina.

Xadiith kale waa kii ahaa:

‘’ Intay dukanayaan,’’

Intay salaada dukanayaan, salaada oogayagaan haku bixina sooma, aha haday gaaloobaan oo riddoobaan ridda cad la yimaadaan oo ay diinta ka baxaan si cad ayada lafteeda axkaam teeda bay leedahay.

Axkaam teeda ayay leedahay.

  • goormaa lagu bixi karaa,
  • sidee loogu bixi karaa,
  • see loola dagaalami karaa,
  • awoodee lagula dagaalami karaa () sharci bey leedahay

Taasi yaanan waxba ku fogaaninee, madaxda iyo dowladaha aan diinta ka bixin ama jaa’irad ha noqoto ama caadilad ha noqotee in lagu kaco oo xumaan tooda ayaan xoog ku zuulineynaa, wanaaga ay ka tageena xoog baan kaga dhaadhici neynaa in la yiraahdo waa (Usuulil Khawaarij).

Sidaas daraadeed wey isku waafaqsan yihiin culimadu (Mucdamka firaqa khawaarijta) inay usuushooda tahay mas’aladaas.

Kutubta sunnada waad aragteen ee caqiidada kuligooda waxay ku qoreen culimadu (Madhabu ahlu-sunna wal jamaaca) inuu yahay;

  • waa madhabu salaf cadamul khuruuji calal a’imah.

Halkaas ayaa marka la tooganayaa fikirka khawaarijta baa la fogeynayaa.

Sheekhul Islaam ibnu Taymiyyah (رحمه الله) (naqli) baan soo guurineynaa oo mas’aladaa ku saabsan, mida koowaad ibn Taymiyyah waxa uu leeyahay:

Wuxuu leeyahay waxaa caan ah, oo madhab ahlu Sunna caan ka ah in aynan citiqaad saneyn oo aynaan la qumaneyn in lagu baxo a’imada iyo madaxda muslimiinta seeyf lagula baxo iyo dagaal (Dulmiba) ha hayeenee, dulmiba haku sugnaado nadaam kooda iyo xukun kooduba.

Maxaa yeelay sida axaathiis fara badan oo xad () gaareysa ayaa Nabigaﷺ kaga sugan, sababta cilada wuxuu leeyahay, wuxuu yiri maxaa yeelay fasaadka iyo fidnada ka dhalaneysa la dagaalan kooda ayaa ka weyn fasaadka ka dhalanaaya dulmigooda.

‘’Waa meesha la yiraahdo hal habeen ah oo dowlad la’aan ah, wey ka shar badan tahay lixdan sanno oo dowlad xumi ay ku haysato.’’

Halkaa habeen fasaadka dhacaaya lixdankaa sanno madaxda iyo dowlada ma sameyn karto.

Marka wuxuu leeyahay waxaa la fiirinaynaa marka laba fasaad baa jira:

Fasaad waa (Nadaamkii) baa jira dowladii baa dhisan nadaamkii baa hagaajisan laakiin dad baa la dulminaayaa, qaar baa lagu istaagayaa, (Fujuur) bey sameynayaan, fasaad bay faafinaayaan, dowladii dowlad hagaagsan ma aha taa waa fasaad waa dhib sooma aha.

Laakiin dhib kale oo ka weyn laguma xaliyo, hadaad tiraahdo dhibkaasi waa in laga hor tago see loogu hor tagay dee waa inaan xoog ku zuulino.

Baararka qamriga waa inaan jajabino haye, oo dowladii baa joogtee!

Adeer dowlada haday qaban weyday anaga ayaa qabaneyno haye, xuduuda waa inaan oofino, oo maxaa dhacay?

Dee dowladii baa qaban weyday.

Meel aan dowladi joogin hadaad joogtid meesheeda weeye, hadaad awood leedahay (…) meesheeda waaye.

Laakiin dowladii oo taagan inaad hoosteeda xoog baan wax ku zuulinaya inaad tiraahdo aayadii intaad baxdo hadana aad tiraahdo ama waan la dagalaamaynaa waan duminayaa mucaarad baan ku noqonayaa maxaa ka dhalan kara?

Fasaad intee la eg?

Waa mas’aladii aan maanta khudbada kaga hadleynay oo shareecada usuusheeda waxaa ka mid ah (qawaacida) laba dhib haday isku kaa qabsadana, oo labada ay ku qabsadana, mid un inaad ku dhacdo, kan fudud baa lagu dhacaa, marka kan fudud baa laguu ogol yahay.

Laakiin hadaad noqoto;

‘’Ninkii kaadida ka gaadhay jirka waxaan u jeedaa dhiigu ka gaaray, dhiig baa marada ka gaaray, markaasuu kaadi ku dhaqay, kaadi buu ku daahiriyay.’’

Soo caqli xumo ma aha?

Nin baa tuugo u timid markaasay waxay ku yireen waryaa!

Xoolahaaga waan qaadaneynaa adigana waan ku dileynaa, caruur taadana waa laayneynaa, gabdha haagana waan kufsaneynaa iyo xaas kaaga, waxaad ku badbaadi kartaa oo keliya xoolaha wax naga sii waa kaa tageynaa.

Haduu yiraahdo ka waran xoolaha ma idin siinaayo na dhameeya.

War laba dhib baa ku haystee caqliga (saliimka) ah wuxuu keenaya labadaa dhib midka yar qaado midka culusna baaji soo saas maaha?

Dowladi hoosteeda dulmi kasta oo ka jira ma gaari karo dulmiga dhacaya ee fasaadka iyo fidnada dhacaysa dowlad la’aan markay noqoto.

Soomaalina waxaan u maleynaa inay darsigaa si fiican u hayso.

Soo ma aragtaan darsigaa si fiican buu idinka dhaadhacsan yahay, mar walba oo halmaamtaanba laakiin hada wuu idinka dhaadhacsan yahay.

Ilaahay sidaan ha inoo dhaamo!

Mas’aladaa iyada ah waa sidaas usuushooda waxaa ka mid ah in a’imada, madaxda iyo dowlada lagu kaco.

Sidoo kaleete wuxuu leeyahay sheekhul Islaam ibn Taymiyyah wuxuu leeyahay (عليه رحمة الله), hadalkaan ayaan u dambeysiinayaa.

Wuxuu soo guuriyay niman waxaa jiray (Salafkii) ah oo qaarkood ay culima ahaayeen oo kacdoon sameeyay fikirka khawaarijta iyagu maynaan qabin laakiin ijtihaadaad baa u geeyay, dowlado iyo nadaamyo markaa jiray bey ku kaceen.

  • wuxuu keenay fikradii (Ibnu Ashcath)
  • wuxuu keenay (ibn Muhalam),
  • wuxuu keenay ninkii la dhihi jiray (..) rag dhowr ah buu keenay

Markuu keenay kadib buu wuxuu yiri oo uu sheegay tusaale yaashaa…

Laba mid weeye dowlada markaad ku kacdo iyo nadaamka, inaad adkaato oo jabiso iyo in lagu jabiyo. Hadey adkaadaan buu yiri sii jiri maayaan laftooduyee (Milkigooduna) waa zuulayaa ee ciribi ka hari mayso.

Maxaa yeelay (Siraac) iyo loolatan waxaad gashay meel uu ku dhamaan doono aadan garaneynin, inta badana intii dowlado ku kacay inta kursi gaadhay waa yar tahay sooma aha? Mid markuu soo dhowaado la kala tuuro iyo mid aan kuuba soo dhowaanin waaye.

Markaasuu wuxuu keenay tusaaleyaal (Cabdullaahi ibn Cali) iyo Abuu Muslim Khurasaani nimankaasi nimankii kacay bay ahaayeen ee kacdoonka dhaliyay, waxayna laayeen khalqi aad u fara badan mid walba oo labadooda ka mid ahna (Abuu Jacfar ibn Masuur) baa dilay.

  • Markaad khalqi leeyso
  • oo aa dhiig dabaalato
  • oo aad qabaa’isha leeyso
  • oo aad saalixiinta leeyso
  • oo aad kursi u socoto
  • oo aad dowlad rideyso

Markaad intaa jiidho kadib baa laga yaabaa (Natiijo) la’aan in aad ku dhamaato oo adigana lagaa (Taqaluso) ileyn fidno ayaad ugu tala gashayee.

Aaway madaxdii soomaaliyeed oo fidnada bilaabay?

Yaa! oo jabhadaha kiciyay, nin kursi ka gaaray waa nin mid silicsan gaaray sooma aha? Kursi silicsan oo sakaraad ah ayuu kii gaarayna gaadhay intii kalena jidka ayay ku daateen soo saas maaha?

Marka balaayo lama kaa kiciyo, lamana dhex boodo, labadaa marka wuxuu yiri kuwa la mid ah maba ay soo dhowaanin wey la tagtay buu yiri.

Iyagu maba ay soo dhowaaninee waa la jabiyay dadkey wateena waa la jabiyay.

Kalimadaan u fiirsada:

Diina meynaan istaajinin aduunyana meynaan habeeynin buu yiri, goormaa tagi?

  • markaad wax walba qaribto
  • oo aad ummada dhiigeeda ku tumato
  • oo aad amnigii qaribto

Ayaad tagi diina ma aadan dhisin dowlad islaamna ma aadan dhisin, aduunyana maadan reebin oo ummada aduunyadeedii iyo guryaheedii iyo magaalooyinkeedii iyo dowladeedii ma aadan u reebin labadaa mid adoon keenin baa tagi.

Markaasaa wuxuu yiri:

Mar hadaa wixii diinina ku hagaageeynin aduunyana ku hagaageeynin Allah ma amro waxaan diina hagaajineynin aduunyana hagaajineynin Allah ma amraayo marnaba.

Li’ana diinta masaaliix bay ku dhisin tahay.

Sidaas daraadeed buu wuxuu yiri:

Xataa kan sameeynaya arintaa iyada ah Ilaahay (Awliyadiisaba) haka tirsanaado buu yiri ahlu jannaba haduu doona ha noqdo buu yiri, laakiin tilaabadiisaasi fasaad inay keento mooyee maslaxa dhalin meyso sooma aha?

Marka yeyna ku qaldin!

Markaasaa wuxuu yiri:

Markay fitankaasi dhaceen () hore oo rag badani kaceen oo madaxdii lala dagaalamay oo lagu kacay oo balaaya dhacday oo waxba la qaadi waayay oo inay fitankii sii kordhaan mooyee waxba la dhalin waayay.

Ahlu Sunna markay arintaa arkeen kadib khilaafkaa hore jiray kadib waxaa leysku waafaqay oo sugnaaday oo leysku raacay in aan madaxda muslimiinta lagu kicin.

Bacda daalika mas’alada ijmaac noqotay buu leeyahay, oo leysku waafaqay, qaarkood baa khilaaf gelinaaya laakiin waa (madhabu jawaahiri ahlu sunna wal jamaaca). Hadana kaaga daranee (nusuus) cad baa jirta oo ninkii khilaafayba warkiisa af jareysa.

Xataa hadii la yiraahdo bacda culumaa’i sunna ayaa khilaafsan oo imaamka jaa’irka ah qaasatan khilaafsan, hadee nusuustii Nabigaﷺ ayaa meesha taal. Nusuustii nabigana haday meesha taalana sheekh hebel baa yiri warkiisa meel saar, wax soconaayo ma aha.

Arintaa iyada ah oo sidaa u cad kadib baa wuxuu yiri ibn Taymiyyah:

Sidaasay marka kutubta sunnada ee caqiidada ee culimada sunnada ay ugu timid mas’aladu inaan madaxda lagu bixin, fitankaa markay dhasheen oo dhibaatada la soo maray kadib ayeey arrintaasi soo baxday, axaadiithtaa faraha badan ku soo aroortay, arintaa markaa waxay ka mid tahay Usuusha ay khilaafsan yihiin khawaarijta oo ah madaxda jaa’iriinta qaasatan lagu kaco.

Labadaa asal iyo tii xalay oo dhameystirnay ayaan (إن شاء الله تعلي) darsigeena caawa ku gaba gabeeyneynaa, waa inoo habeen dambe (إن شاء الله تعلي) iyo sifaadkooda iyo usuushooda wax kamid ah oo sii wadi doono.

والله أعلم
وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

هذا وبالله التوفيق

Inshaa Allaah darsiga weli wuu sii socdaa, waana soo dhameystiri doonaa haduu Ilaahay (swt) inoo fududeeyo, li’ana wax sahal ah ma jiro ilaa uu Ilaahay (swt) sahal ka dhigo mooyee. Fadlan waxii faahfaahin ah ama qaladaad aad meesha ku aragtaan kala xiriira emailka qoraaga casharadaan oo hoos ku qoran. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

Xuruufaha aanu soo gaabinay:

  • (swt) – [سبحانه و تعلي]
  • (scw) – [صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم]
  • (rc) – [رضي الله عنه] – [رضي الله عنها]

Liiska macagyada qaar ka mid ah
Saxaabada aan darsiga ku soo qaadanay:

1 Abu Bakar (As-Siddiiq)

(رضي الله عنه)

أبو بكر الصديق

2 Cumar bin Al-Khattaab

(رضي الله عنه)

عمر بن الخطاب

3 Cuthmaan bin Caffaan

(رضي الله عنه)

عثمان بن عفان

4 Cali bin Abii Taalib

(رضي الله عنه)

علي بن أبي طالب

5 Caa’isha bintu Abu Bakar

(رضي الله عنها)

عائشة بنت أبي بكر

6 Dalxata bin Cubeydillaah

(رضي الله عنه)

طلحة بن عبيدالله

7 Al-Zubeyr bin al-Cawaam

(رضي الله عنه)

الزبير بن العوام بن خويلد

8 Mucaawiye bin Abii Sufiyaan

(رضي الله عنه)

معاوية ابن أبي سفيان

9 Maxammad bin Abu Bakar

(رضي الله عنه)

محمد بن أبي بكر

10 Cabdullaahi bin Khabbaab

(رضي الله عنه)

خبّاب بن الأرت بن عبد الله

11 Camr bin Caas

(رضي الله عنه)

عمرو بن العاص

12 Abuu Muusaa al-Ashcari

(رضي الله عنه)

أبو موسى الأشعري

13 Cabdullaahi bin Cabaas

(رضي الله عنه)

عبد الله بن عباس

14 Al-Ashcath bin Qays

(رضي الله عنه)

الاشعث بن قيس

15 Cabdullaahi bin Shaddaad

(رضي الله عنه)

عبد الله بن شداد بن الهاد الليثي

Qaybaha ay ka kooban yihiin Duruusta:

Qaybta 1aad

Qaybta 2aad

Qaybta 3aad

Qaybta 4aad

Qaybta 5aad

Qaybta 6aad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

La soco  Qaybta 5aad….!

Waxii gaf ama qalad oo aad meesha ku aragtaan fadlan nagu soo hagaajiya cinwaanada hoos ku qoray si aan u saxno. Bani Aadam waa nusqaan waa gaf badan yahay Allaah se (سبحانه و تعلي)  ma gafo waa (Nazahan yahay). (وجزاكم الله خيرا)

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com
Wajibad: wajibad.wordpress.com