Arkaanta Iimaanka
أركان الإيمان

Rukniga | 4aad
Rumeenta Rususha

Decorative Lines

bismillah

Rukniga | 4aad

Duruus Muhiim u ah Ummada

أركان الإيمان في الإسلام ستة هي الإيمان بالله
وملائكته وكتبه ورسله واليوم الآخر والقدر خيره وشره

Arkaanta Iimaanka Waa 6
Waxeyna ka kooban tahay:

1

Rumeynta Alle (swt)

الإيمان بالله عز وجل

١

2

Malaaiktiisa

الإيمان بالملائكة

٢

3

Kutubtiisa

الإيمان بالكتب السماوية

٣

4

Rusushiisa

الإيمان بالأنبياء و الرسل

٤

5

Maalinta Aakhiro

الإيمان باليوم الآخر

٥

6

Qadarka kherkiisa iyo shartiisa

الإيمان بالقدر خيره وشره

٦

Rumeenta Rususha

 

1- Rumeenta rususha nabad gelo dushooda ha ahaatee:

Waa mid kamid ah arkaanta iimaanka mana sugmayo iimaanka adoonka asiga la’aan tiisa. Rumeenta rusushuna waa ictqaad go’an in Allah rusul u doortay gaarsiinta risaalooyin kiisa, qofki raacana wuu hanuunay, qofkii caasiyana wuu baadiyoobay, rusushuna wey gaarsiiyeen wixii Allah ku soo dejiyay gaarsiin cad, amaanad- ina wey guteen ummadana wey u naseexa deeyeen, Allahna wey ku jihaadeen jihaad dhab ah, xujadiina wey oogeen, ma bedelin man qarin wax kamid ah risaaladii loo soo dhiibay, waxaana rumeyneynaa kuwii Allah noo magacaabay iyo kuwa uusan noo magacaabin, rasuul walbana wuxuu ku bishaareeyaa kan ka danbeeyo, kan danbana kuwa ka horreeyo ayuu rumeeyaa.

:قال الله تعالى

 قُولُواْ آمَنَّا بِاللَّهِ وَمَا أُنزِلَ إِلَيْنَا وَمَا أُنزِلَ إِلَى إِبْرَاهِيمَ وَإِسْمَاعِيلَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ وَالأَسْبَاطِ وَمَا أُوتِيَ مُوسَى وَعِيسَى وَمَا أُوتِيَ النَّبِيُّونَ مِن رَّبِّهِمْ لاَ نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِّنْهُمْ وَنَحْنُ لَهُ مُسْلِمُونَ

[سورة البقرة الآية ١٣٦]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Dhaha waxaan rumeynay Allah iyo wixii naloo soo dejiyay iyo wixii loo soo dejiyay ibraahim iyo ismaaciil iyo isxaaq iyo yacquub iyo carurtoodii, iyo wixii la siiyay muuse iyo ciise iyo wixii laga siiyay nabiyada xaga rabigood ma kala geyneyno dhexdooda anagana asiga ayaan u hogaansanay.”

Qofkii beeniya rasuul wuxuu beeniyay kii rumeeyay, qofkii caasiyana wuxuu caasiyay kii amray in la adeeco.

:قال الله تعالى

 إِنَّ الَّذِينَ يَكْفُرُونَ بِاللَّهِ وَرُسُلِهِ وَيُرِيدُونَ أَن يُفَرِّقُواْ بَيْنَ اللَّهِ وَرُسُلِهِ وَيَقُولُونَ نُؤْمِنُ بِبَعْضٍ وَنَكْفُرُ بِبَعْضٍ وَيُرِيدُونَ أَن يَتَّخِذُواْ بَيْنَ ذَلِكَ سَبِيلاً

أُوْلَئِكَ هُمُ الْكَافِرُونَ حَقًّا وَأَعْتَدْنَا لِلْكَافِرِينَ عَذَابًا مُّهِينًااً

[سورة النساء الآية ١٥١/١٥٠]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Kuwa ku gaaloobay alla iyo rusushiisa doonayana in ay kala geeyaan Allah iyo rusushiisa, dhahayana waxaan rumeyneyna qaar gaaleyneynana qaar, doonayana in ay ka dhigtaan kaas dhexdiisa jid, kuwaas waaye gaalada runta ah, waxaana u diyaarinay gaalada cadaab duleeya.”

2– Xaqiiqada Nabinimada

Nabinimada waa sida (dhex) u dhexeyso Allah iyo abuur kiisa si uu u gaarsiiyo sharcigiisa, wuxuuna ku galadestaa Allah cidda uu doono oo adooman kiisa ah, wuxuuna u doortaa cidda uu doono oo khalqigiisa ah, umana ahaanin doorasha daasi cid aan Allah aheyn.

:قال الله تعالى

اللَّهُ يَصْطَفِي مِنَ الْمَلائِكَةِ رُسُلا وَمِنَ النَّاسِ إِنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ بَصِيرٌ

[سورة الحج الآية ٧٥]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Allah wuxuu ka dooranyaa malaa’ikta rusul iyo dadka, Allahna waa maqle arag badan.”

Nabinimaduna waa hibo ee kasab ma ahan, lagumana gaaro daaco iyo cibaado badni, mana ku timaado doorasho nabi iyo dalab kiisa, wax kalena ma ahane waa doorasho Allah.

:قال الله تعالى

اللَّهُ يَجْتَبِي إِلَيْهِ مَن يَشَاء وَيَهْدِي إِلَيْهِ مَن يُنِيبُ

[سورة الشورى الآية ١٣]

 

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Allah wuxuu u doortaa xagiisa ciddii uu doono, wuxuuna u hanuuniyaa xagiisa ciddii soo noqoto”

3– Xikmada Laga Leeyahay Dirida Rususha

(a)– Adoomanka oo laga saaro cibaadada adoomanka loona saaro xornimada cibaadada Allah.

:قال الله تعالى

وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلاَّ رَحْمَةً لِّلْعَالَمِينَ

[سورة الأنبياء الآية ١٠٧]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Kuuma dirin in aad raxmad u tahay caalamiinta mooyaane.”

(b) – In la ogaado Allah wuxuu u abuuray khalqiga oo ah cibaada diisa iyo kaliyeen tiisa, taasna lama ogaan karo rususha uu Allah ka soo doortay khalqigiisa la’aan tooda.

:قال الله تعالى

وَلَقَدْ بَعَثْنَا فِي كُلِّ أُمَّةٍ رَّسُولاً أَنِ اعْبُدُواْ اللَّهَ وَاجْتَنِبُواْ الطَّاغُوتَ

[سورة النحل الآية ٣٦]

Macnaha aayada wa hor maray.

:قال الله تعالى

رُّسُلاً مُّبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ لِئَلاَّ يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَى اللَّهِ حُجَّةٌ بَعْدَ الرُّسُلِ وَكَانَ اللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا

[سورة النساء الآية ١٦٥]

(t)– In dadka xujada lagu oogo.

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Rusul bishaareeyo digana si ayna ugu yeelan dadka xujo Allah rususha ka dib, Allahna waa awood badne xikmad badan.”

(j)– In la cadeyo qeybka(waxa maqan) qaarkiis oo aan lagu ogaankarin caqli , sida magacda Allah, iyo sifaadkiisa, iyo malaaikta iyo maalinta aakhiro …..

(x)– Rusuhsa oo ah ku dayasho wanaagsan oo Allah ku dhameestiray akhlaaq sarreysa,  kana ilaaliyay wixi shubuhaat ah iyo wixi shahawaat ah.

:قال الله تعالى

 أُوْلَئِكَ الَّذِينَ هَدَى اللَّهُ فَبِهُدَاهُمُ اقْتَدِهْ

[سورة الأنعام الآية ٩٠]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Kuwaas waa kuwii Allah hanuuniyaya ee hanuun kooda ku dayso”

:قال الله تعالى

لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِيهِمْ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ

[سورة الممتحنة الآية ٦]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Waxaa idin kugu ahaday rasuulka Allah dayasho wanaagsan”

(kh) – Wanaajinta nafta iyo daahirin teeda iyo uga digitaan keeda wax walba oo halligaya.

قال الله تعالى

هُوَ الَّذِي بَعَثَ فِي الأُمِّيِّينَ رَسُولا مِّنْهُمْ يَتْلُو عَلَيْهِمْ آيَاتِهِ وَيُزَكِّيهِمْ وَيُعَلِّمُهُمُ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ

[سورة الجمعة الآية ٦]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Allah waa kii ka soo saaray ummiyiinta rasuul ka mid ah, ku akhrinaya dushooda aayaat kiisa, daahiri naayana, barayaa kitaabka iyo sunnada.”

Xadiis 15

Nabiga wuxuu yiri:

“Waxaa uun ley soo saaray si aan u dhameestiro akhlaaqda wanaagsan”

 

4– Shaqooyinka Rususha

Rususha Allah howlo waa weyn ayay qabteen waxana ka mid ah:

(A)– Gaarsiinta shareecada iyo dadka oo loogu yeero cibadada Allah oo kaliya,iyo in latuuro cibaadada waxa Allah kasooharay.

قال الله تعالى

الَّذِينَ يُبَلِّغُونَ رِسَالاتِ اللَّهِ وَيَخْشَوْنَهُ وَلا يَخْشَوْنَ أَحَدًا إِلاَّ اللَّهَ وَكَفَى بِاللَّهِ حَسِيبًا

[سورة الأحزاب الآية ٣٩]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Kuwa gaarsiinaya risaalooyinka Allah, kana cabsanaya, kana cabsaneynin cidna Allah maahane, Allah wuu ku filan yahay xisaabiye.”

(B)– Caddenta wixi lasoo dejiyay oo diin ah.

قال الله تعالى

وَأَنزَلْنَا إِلَيْكَ الذِّكْرَ لِتُبَيِّنَ لِلنَّاسِ مَا نُزِّلَ إِلَيْهِمْ وَلَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ

[سورة النحل الآية ٤٤]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Waxaan kuu soo dejinay quraanka, si aad ugu caddeydo dadka waxa loo soo dejiyay, waxeyna mudan yihiin in ay fikiraan.”

(T)– In ay tusaan ummada kheyrka, ugana digaan sharta,ugu bishaareeyaan abaalmarin ugana digaan ciqaab.

قال الله تعالى

رُّسُلاً مُّبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ لِئَلاَّ يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَى اللَّهِ حُجَّةٌ بَعْدَ الرُّسُلِ وَكَانَ اللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا

[سورة النساء الآية ١٦٥]

Macnaha aayada wan soo sheegnay.

(J)– In lagu wanaajiyo dadka dayashao wanaagsan iyo raacid suuban hadal iyo falba.

(X)– In lagu oogo sharcigi Allah adoomanka dhexdooda laguna camal falo.

(KH)– Iny ku marqaati kacaan umadahooda maalinta qiyaamo, gaarsiiyeenna gaarsiin cad.

قال الله تعالى

فَكَيْفَ إِذَا جِئْنَا مِن كُلِّ أُمَّةٍ بِشَهِيدٍ وَجِئْنَا بِكَ عَلَى هَؤُلاء شَهِيدًا

[سورة النساء الآية ٤١]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Sidey ahaan markaan ka keeno ummad walba marag, aan kuu keeno adigana (rasuulka) marag kuwaas dushooda.”

 

5– Islaamka Waa Diinka Rususha Dhan

قال الله تعالى

إِنَّ الدِّينَ عِندَ اللَّهِ الإِسْلامُ

[سورة آل عمران الآية ١٩]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Diinta akta Allah waa islaamka.”

Rusushuna kulligood waxay u yeerayaan cibaadada Allah kaliya iyo in la tuuro cibaadada wixii ka soo haro. Shareecada rususha wey is khilaafsan tahay laakiin waxay isku raacsan yihiin asalka ah towxiidka.

Xadiis 16

Nabiguna wuxuu yiri:

“Anbiyadu waa walaalo kala hooyo ah.”

 

6– Rusushu Waa Bashar Mana Ogga Qeybka
(waxa maqan)

Qaybku waa wax gaar u ah ilaahnimada mana ahan sifaadka anbiyada, maxaa yeelay ayagu waa dad la mid ah dadka, wey cunaan, cabaan guursadaan, seexdaan, xanuun sadaan daalaanna.

قال الله تعالى

وَمَا أَرْسَلْنَا قَبْلَكَ مِنَ الْمُرْسَلِينَ إِلاَّ إِنَّهُمْ لَيَأْكُلُونَ الطَّعَامَ وَيَمْشُونَ فِي الأَسْوَاقِ

[سورة الفرقان الآية ٢٠]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Ma dirin hortaa rusul illaa ay ahaayeen kuwa cuna cuntada, dhex socdana suuqyada.”

قال الله تعالى

وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلاً مِّن قَبْلِكَ وَجَعَلْنَا لَهُمْ أَزْوَاجًا وَذُرِّيَّةً

[سورة الرعد الآية ٣٨]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Waxa dhab ah in aan dirnay rusul hortaa, waxaana u yeelnay xaasas iyo ilmo.”

Rusushana waxaa kudhaco waxa dadka kudhaco oo: murug, farax, dadaal, firfircooni ah, wax aklena ma ahane Allah ayaa wuxuu u doortay in ay gaarsiiyaan diintiisa, mana oga qebka wuxuu Allah ogeysiiyo maahane.

قال الله تعالى

عَالِمُ الْغَيْبِ فَلا يُظْهِرُ عَلَى غَيْبِهِ أَحَدًا
إِلاَّ مَنِ ارْتَضَى مِن رَّسُولٍ فَإِنَّهُ يَسْلُكُ مِن بَيْنِ يَدَيْهِ وَمِنْ خَلْفِهِ رَصَدًا

[سورة الجن الآية ٢٧/٢٦]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Allah waa kii qeybka ogaay , mana daalicinayo qebkiisa ruux, cida uu karaali noqdo mooyaane oo rasuul ah, asigoo dhigayo hortiisa iyo gadaashiisa ilaal.”

 

7– Dhoorsanaanta Rususha

Allah wuxuu u doortay gaarsiinta risaalooyinkiisa kuwa ugu wanaagsan khalqigiisa, uguna dhameestiran abuur iyo akhlaaq, wuxuuna kadh owray danbiyada waa weyn, kana beri yeelay ceeb walba si ay u gaarsiiyaan umadahooda waxyiga Allah, umaduna waxey isku raacday in ay ka dhowrsanyihiin in ay wax ku daraan ama ka dhimaan waxa ay Allah ka gaarsiinayaan.

قال الله تعالى

يَا أَيُّهَا الرَّسُولُ بَلِّغْ مَا أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ وَإِن لَّمْ تَفْعَلْ فَمَا بَلَّغْتَ رِسَالَتَهُ وَاللَّهُ يَعْصِمُكَ مِنَ النَّاسِ

[سورة المائدة الآية ٦٧]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Rasuulki allow gaarsii wixi lagaaga soo dejiyay xaga rabigaa, hadaan sameynna magaarsiin risaaladiisi,allana kaa dhowrayo dadka.”

قال الله تعالى

الَّذِينَ يُبَلِّغُونَ رِسَالاتِ اللَّهِ وَيَخْشَوْنَهُ وَلا يَخْشَوْنَ أَحَدًا إِلاَّ اللَّهَ وَكَفَى بِاللَّهِ حَسِيبًا

[سورة الأحزاب الآية ٣٩]

Macnaha aayada waa hormaray.

قال الله تعالى

لِيَعْلَمَ أَن قَدْ أَبْلَغُوا رِسَالاتِ رَبِّهِمْ وَأَحَاطَ بِمَا لَدَيْهِمْ وَأَحْصَى كُلَّ شَيْءٍ عَدَدًا

[سورة الجن الآية ٢٨]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Si uu u ogaado in ay gaarsiiyeen risaaladihii rabigood, wuxuna ku koobay ogaal waxa hotroda ahaday, wuxuuna ku koobay wax walba tiro.”

Hadii ay kasoo baxdo mid ka mid ah ayaga danbiyo yar yar aan xiriir laleheyn gaarsiinta risaalada waa loo cadeynayaa, dgdeg ayayna Allah ugu towba keenaan uguna soo noqdaan, waxeyna ku helayaan Allah u noqoshadaas darajo kasareysa darajadoodi hore, sababtuna waxaa waaye Allah oo u gaaryeelay anbiyadiisa akhlaaq dhameestiran iyo sifooyinka kheyrka, kana nazahay wax walba oo ka dhimayo sharaftooda iyo darajadooda.

 

8– Tirada Anbiyada Iyo Rususha Iyo Kuwa Ugu Fadli Badan

Waxaa sugnaaday tirada rususha in ay tahay saddex boqol iyo dhoor iyo toban.

Xadiis 17

Waxaa daliil u ah arrintaas xadiithka nabiga uu ku leeyahay marki la weydiiyay tirada nabiyada:

“Saddex boqol iyo shan iyo toban kulansan oo badan.” [xaakim baa weriyay].

Nabiyadana intaa way ka badan yihiin, waxana ka mid ah qaar Allah nooga sheekeeyay kitaabkiisa, iyo qaar uusan nooga sheekeen, waxuuna kitaabkiisa ku magacaabay shan iyo labaatan nabi iyo rasuul

قال الله تعالى

وَرُسُلاً قَدْ قَصَصْنَاهُمْ عَلَيْكَ مِن قَبْلُ وَرُسُلاً لَّمْ نَقْصُصْهُمْ عَلَيْكَ

[سورة النساء الآية ٦٤]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Iyo rusul aan kaaga sheekeynay iyo rusul aan kaaga sheekeynin.”

قال الله تعالى

وَتِلْكَ حُجَّتُنَا آتَيْنَاهَا إِبْرَاهِيمَ عَلَى قَوْمِهِ نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَّن نَّشَاء إِنَّ رَبَّكَ حَكِيمٌ عَلِيمٌ
وَوَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ كُلاًّ هَدَيْنَا وَنُوحًا هَدَيْنَا مِن قَبْلُ وَمِن ذُرِّيَّتِهِ دَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ وَأَيُّوبَ وَيُوسُفَ وَمُوسَى وَهَارُونَ وَكَذَلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ
وَزَكَرِيَّا وَيَحْيَى وَعِيسَى وَإِلْيَاسَ كُلٌّ مِّنَ الصَّالِحِينَ
وَإِسْمَاعِيلَ وَالْيَسَعَ وَيُونُسَ وَلُوطًا وَكُلاًّ فَضَّلْنَا عَلَى الْعَالَمِينَ
وَمِنْ آبَائِهِمْ وَذُرِّيَّاتِهِمْ وَإِخْوَانِهِمْ وَاجْتَبَيْنَاهُمْ وَهَدَيْنَاهُمْ إِلَى صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ

[سورة الأنعام الآية ٨٧/٨٣]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Taasi waa xujadayni aan kusiinay braahiim qoomkiisa dushooda, waxaan kor u qaadeynaa darjaad qofkaan doono, rabigaana waa xikmad iyo cilmi badanyahay, waxaan u hibeynay isxaaq iyo yacquub, mid walibana waan hanuuninay, nuuxna waan hanuuninay ka hor, caruurtiisina waxaa kamid ah dawuud iyo suleemaan iyo ayuub iyo yuusuf iyo muuse iyo haaruun, sidaa soo kale ayaana u abaal marinaa kuwa wanaajiyo, iyo zakariye iyo yaxye iyo ciise iyo ilyaas mid walibana kuwa suuban ayuu katirsanyahay, iyo ismaaciil iyo yasac iyo yonis iyo luudh mid walibana waxaan ka fadilnay caalamka, iyo aabayaalkod iyo faracoodi iyo walaalahood, waan dooranay waana ku hanuuninay jidka toosan.”

”Allahna wuu kala fadilay nabiyada.”

قال الله تعالى

وَلَقَدْ فَضَّلْنَا بَعْضَ النَّبِيِّينَ عَلَى بَعْضٍ

[سورة الإسراء الآية ٥٥]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Waxaa dhab ah in aan ka fadilnay nabiyada qaar kooda qaarka kale.”

Rusushana sidoo kale Allah waa kala fadilay.

قال الله تعالى

تِلْكَ الرُّسُلُ فَضَّلْنَا بَعْضَهُمْ عَلَى بَعْضٍ

[سورة البقرة الآية ٢٥٣]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Taasi waa rusushii waan ka fadilnay qaarkood qaarka kale.”

Waxaana u fadli badan kuwa saaxibka u ahaa sugnaanta waana:

  1. Nabi Nuux (cs)
  2. Nabi Ibraahiim (cs)
  3. Nabi Muuse (cs)
  4. Nabi Ciise (cs)
  5. Nabigeena Muxammadﷺ

قال الله تعالى

فَاصْبِرْ كَمَا صَبَرَ أُوْلُوا الْعَزْمِ مِنَ الرُّسُلِ

[سورة الأحقاف الآية ٣٥]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“U sabar sida ay u sabreen kuwii la siiyay go’aanka lahaa ee rususha ka tirsanaa.”

قال الله تعالى

وَإِذْ أَخَذْنَا مِنَ النَّبِيِّينَ مِيثَاقَهُمْ وَمِنكَ وَمِن نُّوحٍ وَإِبْرَاهِيمَ وَمُوسَى وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ وَأَخَذْنَا مِنْهُم مِّيثَاقًا غَلِيظًا

[سورة الأحزاب الآية ٧]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Waxaad xustaa waqti aan ka qaadnay nabiyada balan iyo adiga iyo Nuux iyo Ibraahim iyo muuse iyo ciise inan kii Maryam, waana ka qaadnay ayaga balan adag.”

Muxammadﷺ ayaana ugu fadli badan rususha, khaatamki nabiyadana ah, iyo imaamka dadka dhowrsadaya, iyo sayidka ubadka aadan iyo imaamkii anbiyada hadey kulmaan, iyo khadiib koodi hadey wafdi u baxaan, iyo saaxibkii maqaamkii (istaaga aakhiro) mahadsanaa oy ku xasdayaan dadka oo dhan kuwi horo iyo kuwa danbe, waana saaxibkii calanka mahadda iyo daarki la imaanayay aakhiro, iyo kii u shafaaco qaadayay khalqiga maalinta qiyaamo, iyo saaxiibki wasilada (waa darajada ugu sareydo janada) iyo fadliga, aalaana ku soo saaray shareeco tii ugu fadli badneyd, kana yeelay ummadiisa tan ugu kheyr badan ummad la soo saaray, una kulmiyay asiga iyo ummadiisa dheeraad iyo wanaag dhaafiyay kuwii ka horreeyay ayagoo dadka ugu danbeyo abuurid ahna kuwa loo soo horsaari doono.

Xadiis 19

Nabigaﷺ wuxuu yiri:

”Waxaa laygaga fadilay anbiyada lix.”

Xadiis 18

Macna hiisana waa:

”Aniga ayaa sayidka ilmiha aadan ah maalinta qiyaamo, gacanteyduuna ku jiraa calanka mahada faan la‘aan, mana jiro nabi aadan iyo kuwa kan danbeeyaba illaa uu hoos imaanayo calankeyga maakinta qiyaamo”.

Kan ku xigo rasuulka xaga fadliga waa:

Nabi ibraahim khaliilkii raxmaanka (kii Allah jeclaay), labada khaliil ayaa ugu fadli badan shanta nabi oo go’aanka la siiyay oo la fadilay kadibna saddexda kale ayaa ku xigta

9– Mucjisaadka Nabiyada

Allah wuxuu ku adkeeyay rusushiisa aayado waaweyn iyo mucjisooyin cad cad si ay ugu noqoto xujo sida:

  • quraanka,
  • dilaacii dayaxa,
  • isku rogidii usha abeeso,
  • shimbirta oo dhoobo laga abuuro, iyo kuwa kale.

Mucjisada khilaafsan caadada waxay daliil u tahay nabinimada runta ah, karaamadana (waa amarka khilaafsan caadada lana soconin nabinimo sheekaso) waxay daliil u tahay marqaati kaca runta ah oo loo marqaati kaco nabinimada.

قال الله تعالى

لَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا بِالْبَيِّنَاتِ

[سورة الحديد الآية ٢٥]

Macnaha aayada waan soo sheegnay.

Xadiis 20

Nabiga wuxuu yiri:

‘’Ma jiro nabi nabiyada kamid ah illaa la siiyay calaamado ayagoo kale ay ku rumeeyaan dadka, kuwa leysiiyayna waa waxyi lay waxyooday waxana rajeynayaa in aan noqdo kan loogu raac badan maalinta qiyaamo.’’

10– Rumeenta Nabinimada Nabigeena Muxammad

 

Rumenta nabi nimadiisa waa: Asal weyn oo iimaanka ka tirsan, mana sugmaayo iimaanka adoonka la’aan tiisa.

قال الله تعالى

وَمَن لَّمْ يُؤْمِن بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ فَإِنَّا أَعْتَدْنَا لِلْكَافِرِينَ سَعِيرًا

[سورة الفتح الآية ١٣]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Cidi aan rumen Allah iyo rasuulkiisa, anagu waxaan u diyaarinay gaalada naarta ololeyso.”

Xadiis 21

Wuxuu yiri nabiga:

‘’Waxaa ley amray dadka in aan la dagaalo inta ay ka qiraan inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Allah mooyaane anigana rasuulkii Allah inaan ahay.’’

Rumeenta nabigana -naxariis Allah iyo nabadi dushiisa ha ahaatee- ma dhameys tirmeydo arrimaha soo socda la’aan tooda:

(1)- Barashada nabigeena, waana: Muxammad bin Cabdullaahi bin Cabdul Muttalib bin Hashim. Haashimna waa qureesh, qureeshna waa carab, carabna waa ubadki ismaaciil ina ibraahiim alkahalil, da diisuna waxey eheyd lixdan iyo saddex, afartan nabinimada ka hor ayay eheyd, labaatan iyo sedaxna nabi iyo rasuul ayuu ahaay.

(2)- Rumeenta waxa uu sheegay, iyo adeecida waxa uu amray, kafogaanshaha wax uu reebay, allana aan lagu caabudin wax uu asiga sharciyeeyay maahane wax kale.

(3)- Rumeenta in uu yahay kii loo soo diray jina iyo insiga, umana bannaano insi iyo jinni raacidiisa maahane wax kale.

قال الله تعالى

قُلْ يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُمْ جَمِيعًا

[سورة الأعراف الآية ١٥٨]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Ku dheh dadyahow anigu rasuulki Allah idiin soo diry baan ahay dhamaantiin.”

(4)– Rumeenta risaaladiisa, iyo in uu yahay nabiyada kan ugu fadli badan uguna danbeeyay

قال الله تعالى

وَلَكِن رَّسُولَ اللَّهِ وَخَاتَمَ النَّبِيِّينَ

[سورة الأحزاب الآية ٤٠]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“…laakiin Muxammad waa rasuulkii Allah iyo kii lagu khatimay nabiyada.”

Iyo in uu yahay khaliil raxmaanka, sayidki ubadka aadan, saaxiibki Shafaacada weyneyd iy wasiilada (darajada u sareysa janada), iyo saaxibka darka loo aroorayo, ummadiisana ayada ayaaa ugu kher badan umadaha.

قال الله تعالى

كُنتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ

[سورة آل عمران الآية ١١٠]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Waxaad eheedeen kuwa ugu khayr badan ummad dadka loo soo saaro.”

Ayaga ayaana jannada ugu badan, risaala diisana waxay tirtirtay risaaladihii ka horeeyay oo dhan.

(5)– Allah wuxuu ku xoojiyay mucjisadii ugu weyneed iyo aayadii ugu cadeyd, waana quraanka Allah ka ilaaliyay bedelid.

قال الله تعالى

قُل لَّئِنِ اجْتَمَعَتِ الإِنسُ وَالْجِنُّ عَلَى أَن يَأْتُواْ بِمِثْلِ هَذَا الْقُرْآنِ لاَ يَأْتُونَ بِمِثْلِهِ وَلَوْ كَانَ بَعْضُهُمْ لِبَعْضٍ ظَهِيرًا

[سورة الإسراء الآية ٨٨]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Ku dheh haday kulmaan (Insiga iyo Jiniga) si ay ula yimaadaan mid la mid ah quraan kaan lama imaanayaan la mid kiisa, haduu ahaado qaarkood qaarka kale kuwa u gargaaro.”

قال الله تعالى

إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ

[سورة الحجر الآية ٩]

Macnaha aayada waa hor maray.

(6)– In la rumeeyo rasuulka in uu gaarsiiyay risaaladi, amaanadiina gutay, ummadana u naseexa deyay, khayr ummadiisa uusan tusinna ma jiro, shar uuna uga digina ma jirto.

قال الله تعالى

لَقَدْ جَاءَكُمْ رَسُولٌ مِّنْ أَنفُسِكُمْ عَزِيزٌ عَلَيْهِ مَا عَنِتُّمْ حَرِيصٌ عَلَيْكُم بِالْمُؤْمِنِينَ رَؤُوفٌ رَّحِيمٌ

[سورة التوبة الآية ١٢٨]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Waxaa idin yimid rasuul idinka tirsan, ku adag tahayna waxaad dhibsataan, iadin ilaalin badan, muuminiin tana u naxariis badan.”

Xadiis 22

Macna hiisana waa:

‘’Ma jiro nabi Allah u soo saaray hortey illaa xaq ay ku eheyd in uu tuso kheyrka uu og yahay ugana digo sharta uu og yahay”.

(7)– Jeclaan tiisa (scw): Jeceel kiisana laga hor mariyo jeceelka nafta iyo khalqiga oo dhan, iyo weyneen tiisa iyo ixtiraam kiisa iyo adeecid diisa, taasina waa Xuquuqda Allah u waajib yeelay nabigiisa, jeceyl kiisa iyo adeecid diisana waa jeceyl iyo adeecid Allah.

قال الله تعالى

قُلْ إِن كُنتُمْ تُحِبُّونَ اللَّهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللَّهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ

[سورة آل عمران الآية ٣١]

Macnaha aayada waa soo marnay.

Xadiis 23

Macnaha xadiiska:

‘’Ma rumeynayo ruuxiin inta aan ka ahaado kan uu ka jecel yahay wiil kiisa iyo waalid kiisa iyo dadka oo dhan.’’

(8)– In lagu salliyo oo naxariis iyo nabad Allah loo weydiyo, lana badiyo, bakhiil kuna waa kan aktiisa nabiga lagu sheego oon ku sallinin.

قال الله تعالى

إِنَّ اللَّهَ وَمَلائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمًا

[سورة الأحزاب الآية ٥٦]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Allah iyo malaa’ik tiisa waxay ku salli nayaan (amaan) nabiga, war kuwii rumeeyow ku salliya (naxariis) dushiisa nabad gelyeeyana nabad gelyo.”

Xadiis 24

Macna hiisana waa:

‘’Ruuxii igu salliyo hal salli Allah baa ku salliyo toban mar.’’

Wuxuuna sii fiican yahay salliga meelaha qaar sida:

  • attaxiyaatka salaada,
  • qunuutka,
  • salaada janaasada,
  • khudbada jimcaha,
  • marka masajidka la galaayo iyo
  • marka laga baxayo,
  • marka la duceysanayo,
  • marka la sheego nabigaﷺ iyo meelo kale .

(9)– Nabigaﷺ iyo nabiyada oo dhan Allah aktiisa ayay ku nool yihiin nolol u dhexeyso nolosha adduunyo iyo tan aakhiro, kana wanaagsan tan shuhadada, laakiin ma ahan tii ay ku noollaayeen adduunka, waa nolol sida ay u taal aanan ogeyn magaca dhimashadana kama reebeyso .

Xadiis 25

Macna hiisana:

‘’Allah wuu ka xarrimay dhulka inuu cuno jirarka anbiyada.’’

Xadiis 26

Nabiga wuxuu yiri:

‘’Ma jiro muslim i salaamayo ilaa maahane Allah ruux deyda igu soo celinayo si aan uga celiyo salaanta.’’

(10)– Ixtiraamka nabiga waxaa ka mid ah in aan hadalka kor loogu qaadin ag tiisa markuu noolaay iyo qabrigiisa markii la salaamayo.

قال الله تعالى

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَرْفَعُوا أَصْوَاتَكُمْ فَوْقَ صَوْتِ النَّبِيِّ وَلا تَجْهَرُوا لَهُ بِالْقَوْلِ كَجَهْرِ بَعْضِكُمْ لِبَعْضٍ أَن تَحْبَطَ أَعْمَالُكُمْ وَأَنتُمْ لا تَشْعُرُونَ

[سورة الحجرات الآية ٢]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“War kuwii rumeeyow ha u qaadina cod kiina ka kor codka Nabiga, hana ugu qaadina hadalka sida uu ugu qaadayo qaar kiina qaarka kale, si uuna camal kiina u burin adinka oo dareemeen.”

Nabiga xurmad diisa markuu dhintay kadib waxay la mid tahay xurmadii uu lahaay markuu noolaay, waxaana waajib ah in loo ixtiraamo sida ay u ixtiraami jireen saxaabadii –Allah ha ka raali noqdee-, waxay ahaayeen dadka ugu raacid badan nabiga, uguna fog khilaafa diisa iyo in lagu daro diinta Allah wax aan kamid eheyn.

(11)– In la jeclaado asxaab tiisa iyo ehel kiisa iyo xaasas kiisa, iyo in loo gargaaro dhamaan tooda lagana digtoonaado in la caayo ama wax laga dhimo ama la duro, Allah baa raali ka una doortay in ay noqdaan asbaabtii nabigiisa, wuxuuna ku waajib yeelay ummadaan u gargaar kooda iyo jeceel kooda.

:قال الله تعالى

وَالسَّابِقُونَ الأَوَّلُونَ مِنَ الْمُهَاجِرِينَ وَالأَنصَارِ وَالَّذِينَ اتَّبَعُوهُم بِإِحْسَانٍ رَّضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُواْ عَنْهُ

[سورة التوبة الآية ١٠٠]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Kuwi horeeyay oo koowaad oo muhaajiriinta ka tirsanaa iyo ansaarat iyo kuwi ku raacay wanaag, Allah ka raali noqday weyna ka raali noqdeen.”

Xadiis 27

Nabigana wuxuu yiri:

‘’Ha caynina asxaab teyda waxaan ku dhaartay Allahii nafteyda gacantiisa ku jirtaye haduu bixiyo midkiin buurta Uxud oo kale oo dahaba ma gaarayo sacabada mid kood oo fidsan waxa ku jira iyo bar koodba.”

 

Wuxuuna ugu yeeray kuwi gadaashood yimid in ay danbi dhaaf Allah u weydiiyaan saxaabada, ayagana weydiistaan Allah inuu quluub tooda u gelinin xiqdi iyo xasad.

:قال الله تعالى

وَالَّذِينَ جَاؤُوا مِن بَعْدِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَا اغْفِرْ لَنَا وَلِإِخْوَانِنَا الَّذِينَ سَبَقُونَا بِالإِيمَانِ وَلا تَجْعَلْ فِي قُلُوبِنَا غِلًّا لِّلَّذِينَ آمَنُوا رَبَّنَا إِنَّكَ رَؤُوفٌ رَّحِيمٌ

[سورة الحشر الآية ١٠]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Kuwi yimid gadaashood waxay leeyihiin: Rabigeynow noo denbi dhaaf, iyo walaalaheni nooga horeeyeen rumeenta, hana uga yeelin quluub teena xasad kuwi rumeeyay, rabigeenow adiga naxariis badane baa tahaye.”

(12)– In laga fogaado in la dhaafiyo nabigaﷺ meeshuu Allah dhigay, kaasna waa dhib weyn oo nabiga loo geysahaayo, nabigana waa uga digay ummad diisa in ay ka badiyaan weyneyn, dhigaana meel uusan Allah dhigin siiyaanna wuxuu Allah gaar u leeyahay.

Xadiis 28

Nabiga wuxuu yiri:

‘’Waxaa uun ahay aniga adoon, ee dhaha adoon kii Allah iyo rasuul kiisii, ma jecli in aad ii qaadaan ka kor daraja deyda.”

Xadiis 29

Waxaa kale uu yiri nabiga:

‘’Ha iga badinina amaanta sida ay nasaarada ugu badisay inan kii Maryan (nabi ciise).”

Mana banaana in:

  • Nabigaﷺ la baryo
  • ama kaalmo la weydiisto,
  • iyo in lagu dawaafo qabrigiisa
  • ama asiga loo nadriyo,
  • ama lo gowraco,

Waxaa soo dhanna waa shirki, Allana waa reebay in la caabudo asaga cidaan eheyn.

Kaasna waxaa ka hor jeedo in nabiga aan la ixtiraamin, oo hoos loo dhigo ama la fududeesto, ama lagu jees jeeso, waxaas oo dhanna waa islaam ka noqosho iyo gaalnimo.

:قال الله تعالى

{ قُلْ أَبِاللَّهِ وَآيَاتِهِ وَرَسُولِهِ كُنتُمْ تَسْتَهْزِؤُونَ } { لاَ تَعْتَذِرُواْ قَدْ كَفَرْتُم بَعْدَ إِيمَانِكُمْ }

[سورة التوبة الآية ٦٦/٦٥]

Macnaha aayada waxaa waaye:

“Ku dheh: ma Allah iyo aayaad kiisa iyo rasuul kiisa ayaad ku jees jeeseysaan, ha cudur daaranina waad gaalowdeen kadib rumentiini.”

Jeclaanta nabigaﷺ ee runta ahna waa tan keento in lagu daysado hanuun kiisa lana raaco sunna diisa lagana tago wax walba oo jid kiisa khilaafaa.

:قال الله تعالى

قُلْ إِن كُنتُمْ تُحِبُّونَ اللَّهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللَّهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ

[سورة آل عمران الآية ٣١]

Macnaha aayada waan soo sheegnay.

Waxaa waajib ah marka nabiga inaan la dhaaf siin meeshuu Allah dhigay oon la siin sifaad ilaahnimo, xaqiisana laga dhimin oo la ixtiraamin ama la raacin hanuun kiisa iyo jid kiisa.

(13)– rumeenta nabiga waxba ma tareyso iyada oo lagu camal falin waxa uu la yimid, adeeciisana waa adec Allah, caasin tiisana waa caasiyeyn Allah, rumeynta nabiga iyo raacidiisa ayay ku sugmeysaa raacida Allah.

Wa Billaahi Tawfiiq.

Fadlan la soco qaybta xigta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Rukniga 5aad oo ku saabsan Rumeenta Maalinta Aakhiro In Shaa Allaah.

Lixda Rukni ee Arkaanta Iimaanka

Rukniga 1aad

Rukniga 2aad

Rukniga 3aad

Rukniga 4aad

Rukniga 5aad

Rukniga 6aad