Soonka Iyo
Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 1aad
… ee Taxanaha Ramadaanka

Waxaa qoray:
Osman Bilad
Email: osmanbilad@hotmail.com

line

bismillah

السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

Sidaa dhamaantiin la wada socotaan waxaa fooda nagu soo haya bishii barakeysneyd {Ramadan}. Marka waxaa is tusay inaan mawduucyo ka hadlaaya soonka iyo bisha bareykeysan aan halkaan idin kula qeybsado, oo aan dad u wada diyaar ah noqono bishaan iyo shaqada nalaka rabo haddaan nahay muslimiin.

Ee fadlan ku aqrisada faham wacan iyo qalbi xaadir ah.

Muxuu Yahay Soon?

Soonku waa tiirka afaraad ee shanta tiir ee Islaamka. Wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan. Sharciguna wuxuu soon u yaqaannaa in soon la niyaysto iyadoo Alle loogu dhowaanayo, lagana reebtoomayo oo la iska daynayo waxyaabaha soonka burriya, inta u dhexaysa marka waagu baryo iyo marka qorraxdu dhacdo. Si loo helo oo loo gaaro ajarka wayn oo Ilaaheey uu ugu talagalay addoomadiisa soonka la yimaada, haddii aan lala imaan niyada soonka, ama aan laga reebtoomin waxyaabaha soonka buriya, sharciga Islaamka uma aqoonsanayo in waxaa lala yimid ay yihiin soon sharci ah.

Sidaa daraadeed qofka muslimka ahi isagoo aan niyo la imaan haddii uu iska daayo waxyaabaha soonka jabiya oo dhan, sida cunidda, cabidda iwm, falkaa uu la yimid iyo rafaadkaa uu maray ma noqonayo mid loogu dhowaado Alle Subxaanahu Watacaalaa (SW), ajarna kama helayo. Sida tusaale ahaan: dadka cunta joojinta sameeya marka ay rabaan inay ka ashtakoodaan dhib ay tabanayaan, ama dadka raba inay iscaateeyaan, amaba duruufo kale oo haysta awgood isaga joojiyey waxyaabaha soonka jabiya.

Bisha Ramadaan

Bisha Ramadaani waa bil khayr, waa bil barako, waxaana Ilaaheey ku gooni yeelay fadiilooyin iyo wanaagyo badan, oo ay ugu horreeyaan kuwan soo socda:

1) Waa bishii Quraanka:

Waxaa la soo dejiyey kitaabkii qatimay oo ugu dambeeyey kutubtii uu Ilaaheey soo dejiyey, waxaana lagu soo dejiyey Nabigii ugu dambeeyey Nebiyaasha Ilaahey (swt) uu soo diray waa Nabi Muhammad(ﷺ).

2) Waa bishii kutub badan oo kale la soo dejiyey:

Rasuulkuna ﷺ isagoo sheegaya kutubtaa iyo marka la soo dejiyey ayuu wuxuu yiri:

  1. Habeenkii ugu horreeyey bisha Ramadaan waxaa la soo dejiyey Suxuftii (Warqadihii) Nebi Ibraahim.
  2. Kitaabkii Tawreet ahaana waxaa la soo dejiyey 6dii Ramadaan.
  3. Injiilna waxaa la soo dejiyey 13kii Ramadaan.
  4. Zabuurna waxaa la soo dejiyey 18kii Ramadaan.
  5. Qur’aankana waxaa la soo dejiyey 24kii Ramadaan.

3) Waa bisha ay ku jirto Laylatul-qadrigu:

Laylatul-qadrigu waa habeen ka khayr badan kun bilood (sideetan iyo sadex sano iyo afar bilood), waana habeen barakaysan. Habeenkaasna wuxuu ku jiraa 10ka bari ee ramadaanka ugu danbeeya.

4) Waa bishii xoraynta:

Waa bil habeen kasta oo ka mid ah Ilaaheey uu dad badan Naarta ka xoreeyo, qof kasta oo muslim ahina uu maalin iyo habeen kasta leeyahay duco laga ajiibayo (laga aqbalayo).

4) Waa bisha shayaadiinta la xiro:

Waa bisha shayaadiinta oo dhan la xiro, albaabada Naarta oo dhanna la xiro, albaabada Jannada oo dhanna la furo. Arrimahaas oo dhani waxay dhacaan oo la sameeyaa habeenka ugu horreeya bishaas. Rasuulkunaﷺ isagoo arrintaa ka hadlaya ayuu wuxuu yiri:

“Marka bisha Ramadaan soo gasho waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa albaabada Naarta, waxaana sil-silado lagu xiraa shayaadiinta”.

Xadiisku wuxuu xusay in marka Ramadaanku soo galo shayaadiinta la xir-xirayo, marka la xirxirana way taag darraynayaan oo way daciifayaan, oo ma awoodayaan marka bishaas lagu jiro inay sameeyaan wixii ay samayn jireen marka aan bishaas lagu jirin.

Xadiisku ma dhihin shayaadiinta waa la dilayaa ama way dhimanayaan, laakiin waxaa kali ah oo uu yiri: waa la xir-xirayaa, shaydaanka xiranina waxaa dhici karta inuu wax dhibo oo haraati, iwm rido isagoo meeshiisa ku xiran, laakiin dhibkiisu wuu ka yaraanayaa midkii uu wadey bishaa ka hor. Maadaama uu xiran yahayna dhibkiisu wuxuu la ekaanayaa hadba qofka uu rabo inuu dhibo inta soonkiisu uu awood leeyahay, oo qofkii soonkiisu dhamaystiran yahay oo xoog leeyahay wuxuu isaga celinayaa si uusan iskaga celin karin qofka soonkiisu xosh-xoshka yahay.

Fadliga Bisha Shacbaan

In maalmo badan laga soomo bisha SHACBAAN:

”Caa’isha (a.k.n) mar ay ka sheekaynaysay soonkii Rasuulka ﷺ ayey waxay tiri: “Ma aanan arkin Rasuulku ﷺ bil uu ka soon badnaa bisha Shacbaan.”

Sidaa daraadeed walaalayaal waxaa nafteyda iyo tiinaba ugu dardaarmayaa inaa bishaan ka faa’ideysano, oo aan soonka badino inteyna bishaan dhamaan, waayo xikmado badan ayaa ku jira soomida bisha Shacbaan waxaa ka mid ah: In ay kuu diyaar gareyneyso bisha Ramadaan. Yacni adigoo soonka la qabsaday ay bishii Ramadaan soo galeyso, saas daraadeed aan ka faa’ideysano fursadaan qaaliga ah! Wabilaahi Towfiiq. W/C/W/W.-

Soonka Iyo Taariku Salaadka

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 2aad

Waxaa jira dad badan oo muslimiinta ka mid ah oo sooma laakiin aan tukan, sidaa awgeed ayaa waxaa laga yaabaa in dadka qaarkood ay iswaydiiyaan sidee ayuu noqonayaa dadkaa soonkoodu, ma soon dhamaystiran oo Ilaaheey aqbalayaa mase…? Su’aashaa waxaaan leenahay: Islaamku waa mid is-haysta oo aan kala goo-go’i karin, sidaa awgeed waxaa ruuxa muslimka ah ku waajib ah inuu waajibaadka oo dhan ula yimaado sida ay yihiin, si uu u helo Ilaaheey raalli ahaanshihiisa, uguna guulaysto naxariistiisa.

Tiirarka Islaamka oo shanta ahina waxay la mid yihiin dhisme dhamaystiran, wuxuuna Rasuulka ﷺ ku tilmaamay salaadda in ay tahay dhismahaa tiir-dhexaadkiisa ama laf-dhabartiisa, waxayna cibaadooyinka kale dheertahay ahmiyad wayn oo dheeraad ah, qofkii iyada ka tagaana wuxuu noqonayaa qof dhismahaa dumiyey. [Akhri ahmiyadda Salaadda]

Qofkii salaadda ka tageyna haddii uu rumaysan yahay inaysan salaaddu waajib ku ahayn uusana ahayn qof Islaamka dhowaan soo galay oo ka jaahil ah iwm, wuxuu noqonayaa mid gaaloobay, oo xerada Islaamka ka baxay, laakiin haddii uu aaminsan yahay in salaaddu waajib ku tahay laakiin uusan xaqqeeda ka soo bixin wuxuu noqonayaa mid faasiq ah, oo iimaankiisu daciif yahay, Islaam-nimadiisuna kala dhiman tahay, haddii uu markaa la yimaado soonka waxaa ka dhacaya soonkii laga rabey, oo aakhiro loo ciqaabi mayo soon la’aan awgeed.

Laakiin wax ajar iyo fadli ah oo uu sugayaa ma jiraan, in Ilaaheey uu isaga naxariisto uun ma ahane. Ilaaheeyna ha ka cabsadeen dadka soomaya oo aan salaadda tukanaynin, hana xasuusteen ciqaabka wayn oo loo diyaariyey dadka salaadda ka taga, waxaana lagama maarmaan ah in la ogaado in qofku wax kasta oo wanaag ama xumaan ah oo uu la yimaado in mid walba buug gooni ah loogu qorayo, oo uu ajar ka helayo wixii uu sifiican u guto, wixii uu ku xad gudbaana dushiisa ay noqonayaan, sida uu Ilaaheeyba u yiri: “Qofkii camal fala oo sameeya wax la’eg Atamka (amaba ka sii yar) oo khayr ah wuu arkayaa (aakhiro oo waxba la duudsiin mayo), qofkii sameeya intaa wax la’eg oo xumaan ahna wuu arkayaa, oo waa la soo hor-dhigayaa”.

Fadliga Ramadaanka

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 3aad

Soonku wuxuu leeyahay fadli wayn, oo qormadeenan aan lagu soo wada koobi karin, laakiin waxaa qaarkiis faah-faahinaysa axaadiistan soo socota:

1) Soonka Jannada ayaa lagu galaa: waxaa laga wariyey saxaabi la yiraahdo Abuu Umaama (a.k.n) in uu Rasuulka ﷺ ku yiri: “Waxaad itustaa camal aan Jannada ku galo? markaas ayuu Rasuulku ﷺ ku yiri: Soonka qabso, oo ka adkaaw, wax isaga la mid ahi ma jiraane”.

2) Soonku waa gaashaan Naarta la iska xijiyo: wuxuuna Rasuulka ﷺ yiri “Soonka waa gaashaan uu addoonku iska xijiyo Naarta”. Soonku wuxuu kala dhex galaa addoonka sooman iyo Naarta, sidoo kale wuxuu ka hor istaagayaa waxyaabaha naftu jeceshahay oo Naarta darbigeeda ah. Naarta waxaa ood looga dhigay waxyaabaha naftu ay jeceshahay, ayna u sahlan tahay inay ku dhaqaaqdo, sida waajibaadka oo laga tago iyo xaaraanta oo la iska dabaasho, ooddaa Naartuna waa mid jilicsan oo ay sahlan tahay in inta laga tillaabsado loo gudbo Naarta. Jannada laftikeedu way u baahan tahay soonka, sababtoo ah Jannada waxaa lagu wareejiyey oo darbi iyo xayndaab looga dhigay waxyaabaha naftu dhibsato oo ku adag, soonkuna wuxuu nafta ka gooyaa waxyaabaha ay marka hore jeceshahay, oo loo yaqaan “Shahawaatka”, laakiin ay dib uga shallayso. Camalka Jannada lagu gaaraa wuxuu la mid yahay buur la fuulayo, midka Naarta lagu gaaraana wuxuu la mid yahay iyadoo buurta laga soo degayo oo kale.

3) Dadka soomani waxay leeyihiin albaab albaabada Jannada ka mid ah, oo layiraahdo “Ray-yaan”, albaabkaa iyaga oo kaliya ayaa loo sii qabtay (loo xajisay), cid kalena ka gali mayso, sida ku xusanba xadiis ay Bukhaari iyo Muslim wada wariyeen.

4) Soonka iyo Qur’aanku waxay u shafeeco qaadaan qofka sooman, oo Ilaaheey ayey kala hadlaan iyadoo soonku leeyahay: Ilaaheyoow waxaan anigu u diiday raashinkiisii iwm, ee shafeeca qaadka aan u shafeeco qaadayo iga yeel. Qur’aankuna uu leeyahay: Ilaaheyoow waxaan u diiday hurdadiisii oo aniga aqrintayda ayuu ku soo jeeday, markaa ayaa Ilaaheey shafeecadooda aqbalayaa oo Jannadiisa galinayaa. Qofkii wanaag sameeyey oo Qur’aan ku soo jeeday xaaladdiisu waa middaa quruxda badan oo aan xusnay, laakiin qofkii ku soo jeeday turub, dubnad, filin iwm, waa inuu ogaado in waxyaabahaasi aysan Alle SW Janno uga codsan karin, waxay ay qaban karaanna waa lala wada socdaa.

Tiirarka Soonka
Uu Ku Dhisan Yahay

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 4aad

Soonku wuxuu leeyahay laba rukni ama laba tiir oo uu ku dhisan yahay, haddii midkood la waayana uu dumayo, labadaa tiirna waxaa kala yihiin:

1) In laga reebtoomo oo aan loo dhowaan waxyaabaha soonka buriya, laga billaabo marka waagu dillaaco ilaa laga gaaro qorrax dhaca.

2) In lala yimaado niyada soonka: sida aan horay u soo xusnayba niyaddu waxay kala saartaa waxyaabaha cibaadada ah iyo kuwa aan cibaadada ahayn, oo aan loogu talagalin in Ilaaheey loogu dhowaado, sida haddii ruux uu iska daayo maalin dhan waxyaabaha soonka jabiya, isagoo ulajeeda mudaharaadid iyo ashtakoosho, markaa wax ajar ah ka heli mayo soonkaa uu la yimid, cibaadana noqon mayo, laakiin haddii uu u niyaysto inuu Alle SW ugu dhowaado, dabadeedna uu iska daayo waxyaabahaa wuxuu u noqonayaa soonkaa uu la yimid cibaado laga abaal marinayo, Ilaaheey agtiisana giime ku leh.

Wax Yaabaha
Soonka Burriya

Waxaa jira waxyaabo la doonayo in soonka laga ilaaliyo oo laga dhawro, oo haddii ay soonka isku yimaadiin uu soonku burayo, waxyaabahaasina waa shan waxyaabood oo kaliya, wuxuuna soonku shantaa waxyaabood ku jabaa marka si ula kac ah loo sameeyo, laakiin haddii qofka la qasbo ama uu soonka hilmaamo, dabadeedna uu sameeyo oo uu la yimaado mid kuwaas ka mid ah isagoo hilmaansan, soonkiisu ka jabi mayo, isla marka uu ogaado oo uu soonka soo xasuusto ayuu joojinayaa wixii uu ku jiray, dabadeedna soonkiisa ayuu sii wadanayaa, lagamana rabo wax qallo ah, haddii laakiin qofku uu mid shantaas waxyaabood ka mid ah sameeyo, isagoo u bareeray, soonkiisu waa jabayaa, inta maalintaas ka dhimanna waxaa ku waajib ah inuusan waxyaabaha soonka jabiya u dhowaan, oo uu baaqi ku ahaado una dhaqmo sida dadka sooman oo kale, ilaa qorraxdu ka dhacdo.

Waxaa shantaas ahayn oo soonka jabin karaana kuma jiraan kitaabka iyo sunnada, wax daliil ahna looma hayo, waxaana sida badan muslimiinta diinta ku adkeeya waxyaabo daciif ah, amaba aan asal iyo raad toona diinta ku lahayn, oo mar dambe ku soo kordhay, sida cadhuufta tirada badan oo dhulkeenii lagu hallayn jiray, dadkana dhuunta ka qallajin jirtay, bal fiiri Allaha na hanuuniyee sida ay dadku ugu dhibtoodeen waxyaabaha aan diinta ka tirsanayn, dhulkiina uu ugu wasaqoobay, qofkuna haddii uu shantaas si-fiican u fahmo wuxuu aad iyo aad u kala garan karaa waxyaabaha soonka jabiya iyo kuwa aan jabin.

Waxayna shantaasi kala yihiin:

1) Galmada (raga iyo dumarka isu tagidooda):

Haddii arrintaasi dhacdo soonku waa jabayaa, waxaana waajib ah in maalintaas sida xaraanta ah loo afuray la soo qalleeyo, intaana waxaa sii dheer sidoo kalena waajib ah in ninka soonkiisa sidaa ku fasahaadiyey uu la yimaado, oo uu bixiyo kafaarogud, wuxuuna ula imaanayaa sidan soo socota:

(A) Wuxuu xoraynayaa qof addoon ah (sida qof dagaal diineed oo dhexmaray muslimiinta iyo gaalada lugu soo qabsaday), haddii uu awoodi waayo xorayntaas xag dhaqaale awgiis ama wayn iyo jirid la’aan uusan addoonkiiba jirin, waba sida hadda taagan oo kalee, wuxuu u gudbayaa darajada labaad, oo ah:

(B) Inuu laba bilood oo isku xigta, kala go’na aan lahayn uu soomo, haddii uusan awoodi Karin inuu labadaas bilood soomo wuxuu haddana u gudbayaa darajada saddexaad, oo ah:

(C) Inuu quudiyo oo raashin sooyo lixdan miskiin.  Haddii uu saddexdaa qaybood uu midna awoodi waayo kafaaradii way ka dhacaysaa, sababtoo ah Rasuulka ﷺ ayaa waxaa u yimid nin falkaa ku kacay maalin Ramadaan, tabar iyo awoodna u waayey inuu kafaarogud sameeyo, wuxuuna markaa ka riday kafaaaro gudkii, isagoona siiyey timir uu reerkiisa siisto, maadaama uu ka cabtay faqri fara-goys ah, Ilaaheeyna dadka kuma uu waajibiyo wax aysan awoodin.

Laakiin haweentii soonkeedu sidaas ku fasahaaday iyada lagama rabo kafaarogudka ninka laga rabo, ee waxaa laga rabaa wixii ka soo hara.

2) Is-matajinta:

Haddii qofku si ula kac ah isku matajiyo, soonkiisu wuxuu noqonayaa mid buray, laakiin haddii mataggu ka awood bato oo isagu uusan iska raad-raadin, dabadeedna uu matago soonku ka jabi mayo, waxaa sidaas la mid ah haddii qofku uu rabey inuu cadaysado, dabadeedna uu sidaas ku matago isagoon isagu rabin inuu matago, markaas oo kale soonku ka jabi mayo, waxaa Abuu Hurayra (a.k.n) laga soo wariyey inuu Rasuulka ﷺ yiri “Qofkii mataggu ka awood bato oo sidaa uu uga yimaado wax qalle ah lagama rabo, qofkiise isagu is-matajiya isagoo ula kacaya ha soo qalleeyo soonka”.

3-4) Cunitaan iyo Cabitaan:

Haddii qofku isagoo soonka og uu wax cuno ama cabo soonkiisu waa jabayaa, laakiin haddii uu wax cuno ama cabo isagoo la qasbay ama hilmaansan inuu sooman yahay, soonkiisu jabi mayo, sida Rasuulka ﷺ u yiri “Qofkii sooman oo wax cuna ama caba isagoo hilmaansan soonkiisa ha dhamaysto oo ha sii wato, Ilaaheey ayaana wax uu cuno iyo wax uu cabo siiyey”, marka uu soo xasuusto oo ay ku soo dhacdo inuu sooman yahay waxaa laga rabaa inuu raashinka iska joojiyo, dabadeedna soonkiisa sii wato.

5) Imaashaha dhiigga caadada (xaylka) ama dhiigga nifaaska oo yimaada ka dib marka haweenku dhalaan:

Marka dhiiggaasi yimaado soonku waa jabayaa, waxaana kaliya oo laga doonayaa haweentaa muslimadda ah oo dhiiggaasi ka yimid in marka soonku dhamaado ay soo qallayso intii maalmood ee dhaaftay, iyadoo wax dambi iyo daalac ah aan loo raacanayn, sababtoo ah kuma aysan kicin wax dambi ah, ee sidii la faray ayey samaysay.

Goorma Ayaa Lala Imaanayaa
Soonka Niyaysashadiisa?

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 5aad

Soonka waajibka ah sida Ramadaanka, soonka kafaara gudka iyo midka la nadray (la sharday, sida iyadoo la yiraahdo Ilaaheeyoow haddiii aad I caafido maalin ayaan soomayaa, iwm). Soonku waajibka yahay waxaa ku wajib ah qofka soomaya inuu soonka niyaysto, inta u dhexaysa marka qorraxdu dhacdo iyo marka waagu baryayo, inta u dhexaysa labadaa waqti haddii uu soonka niyaysto soonkiisu wuxuu noqonayaa mid sax ah, haddii uu si ula kac ah uga tagana soonkiisu ansixi mayo, sida uu Rasuulkubaﷺ u yiri:

“Qofkii niyada soonka aan soo go’aansan, oo aan soo sugin waa bariga ka hor, soon uma jiro.”

[Waxaa wariyey Tarmiidi, Abu Da’ud, Wanisaa’I, iyo Daaramiye oo uu ku wariyey kitaabkiisa Isnaadu Saxiix].

Laakiin qofkii niyada habeenkii hilmaama ee subaxdii xasuusta, amaba aan ogayn in bishii soonku dhalatay, ee ka dib markuu wax cunay ama cabay ogaada in ay Ramadaan tahay, waxaa laga rabaa in isla marka uu xasuusto ama ogaado uu niyada la yimaado, soonkiisana halkaa ka siiwato, wax qallo ahna lagama rabo, dhibna ka soo gaari mayo hilmaankaa ama ogaan la’aantaa, sababtoo ah Rasuulkaﷺ ayaa wuxuu yiri:

“Ilaaheey wuxuu ummaddayda ka daayey oo ka dejiyey wixii ay ku gefaan, wixii ay hilmaamaan, iyo wixii lagu qasbaba.”

[Waxaa wariyey Ibnu Maajix, iyo sh. Albaani oo uu ku wariyey kitaabkiisa Irwaa].

Qofkii soonka u suxuurtaana wuxuu la mid yahay qof niyadii la yimid, sababtoo ah qofkaasi wuxuu u suxuurtay inuu Alle ugu dhowaado iyo inuu awood u yeesho soonka, maadaama uu sidaa awgeed u suxuurtayna waxaa laga helay ulajeedkii la rabey, oo ahaa in soonku uu noqdo mid Alle loola jeedo, uuna ka soocmo cunta iska joojinta, iwm.

Niyadu waa shaqo qalbigu qabto oo aan dadku daalacan karin, sidaa awgeedna marka lala imaanayo afka looga dhawaaqi mayo, korna loo qaadi mayo niyaysiga, sida dadka qaarkoodba ay sameeyaan, oo marka salaadda Maqrib la tukado ka dib ayaa meelaha qaarkood waxaa ka dhici jirtay ogaanteey in imaamka lagu yiraahdo noo xir soonka, dabadeedna markaa ayuu u meerin jiray, iyadoo iyaguna ay ka daba meersanayaan, soonka iyo cibaadooyinka kalena wasy ka siman yihiin in aan waxa la niyaysanayo afka looga dhawaaqayn, sidan horay u soo xusnayba.

Musaafirka Soonkiisa

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 6aad

Waxaa u bannaan oo loo rukhseeyey qofka musaafirka ah inuu iska afuro haddii bil Ramadaan lagu jiro, waxaana rukhsaddaas la siiyey qof kasta oo musaafir ah, waxaana aan kala duwanayn qofka soonka ku rafaadaya oo aad ugu dhibtoonaya, sida dadka lugta ku safraya, gaar ahaan dhulka kulaylaha ah, iyo qofka aan rafaadkaas marayn, sida dadka diyaaradaha, maraakiibta, baabuurta, tareennada ku safraya qaarkood.

Xigmad wayn ayaana ku jirta rukhsaddaa iyaga oo dhan la wada siiyey, sababtoo ah safarku sidiisaba waa mid rafaad iyo dhib aan ka marnayn, haba lagu kala badnaadee, oo waxaa laga yaabaa in qofku meel uusan aqoon u safro, dabadeedna uu lumo, ama meel uu wax ka gato uu waayo, amaba inuusan af-garanayn dadka ku nool meesha uu u safray, wuxuuna Rasuulkuﷺ ku tilmaamay safarka inuu yahay qayb ama jab cadaabta ka mid ah, wuxuuna Abuu Hurayra (a.k.n) ka soo wariyey Rasuulkaﷺ inuu yiri:

“Safarku waa cad ama qayb cadaabta ka mid ah, wuxuuna qofka u diidaa hurdadiisa, cuntadiisa iyo cabitaankiisa, ee qofku marka uu dantiisa dhamaysto ha u deg-dego reerkiisii iyo ciddiisii.” [Waxaa wariyey al-Bukhaari]

Qofka Mar Walba Ama Badanaaba Safar Ku Jiraa Ma Afuri Karaa?

Haa, waa afuri karaa, sababtoo ah afuridda looma bannayn qofkii mar kaliya safraya oo kaliya, ee waxaa loo banneeyey qof kasta oo safar ku jira, haba noqdo mid badanaaba safar ku jira, sida dadka diyaaradaha, tareennada, tareellada iwm wada, oo marna waddada ku sii jira, marna ku soo jira.

Habeenka Leylatul Qadriga

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 7aad

Marka hore Ramadan Wacan. Wabacdi, sidaa la wada soconaba waxaaa ku dhex jirnaa tobankii habeen ee bisha Ramadan ugu danbeysay, tobankaas habeen oo ay ku jirto habeen la yiraahdo “Habeenkii Leylatul-Qadri”.

Marka waxaa su’aal u baahan inaa is weydiino maxay habeen kaasi habeenada kale uga duwan tahay ama uga fadli badan tahay?

Jawaabtu waa sida soo socota.

Laylatul-Qadriga waa habeen fadligiisu aad iyo aad u wayn yahay, waxaa ka mid ah:

(1) waa habeen camalka la qabtaa uu ka khayr badan yahay midka la qabto kun bilood (yacni 83 sanno iyo 4 bilood) oo habeenkaas uusan ku jirin.

(2) waa habeenkii Quraanka Lawxul-Maxfuudka laga soo dejiyey, iyadoo la keenay meel la yiraahdogurigii Cizziga iyo Sharafta, dabadeedna qayb-qayb Nabiga ﷺ loogu soo dejiyey, muddo saddex iyo labaatan sano gudohood ah.

(3) waa habeenka Lawxul-maxfuudka laga soo dejiyo oo laga soo qaado sannadka waxyaabaha dhacaya, sida wixii dhimanaya, wixii dhalanaya, risiqa iwm, iyadoo loo keenayo oo loo dhiibayo malaa’igta u xilsaaran arintaas.

(4) Waa habeen malaa’igta la soo dejiyo, iyadoo uu ka mid yahay Malaku Jibriil, habeenkaa Allaah (swt) ayaa karaameeyey, kitaabkiisa ku xusay. Waxaana qof kasta oo muslim ah u haboon ah inuu ku dadaalo sidii uu u haleeli lahaa habeenkaas qaaliga ah, oo uusan u seegi lahayn, habeenkaasi waa habeen Ilaaheey uu ummaddaan u gaar yeelay, qofkii haleelana khayr dhamaantiis ayuu haleelay.

Rasuulkuna isagoo fadliga habeenkaas ka hadlaya ayuu wuxuu yiri:

“Qofkii Laylatul-Qadriga kaca (yacni habeenkaa cibaado sameeya) isagoo aaminsan, ajar iyo xasanaadna Ilaahey ka dalbanaya waxaa loo dhaafayaa dambigiisii hore”. [Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim]

Habeenkaas maadaama uu yahay mid fadli wayn leh, ahna mid aad iyo aad qofka muslimka ah ugu muhiim ah, ayaa asaxaabtu waxay jeclaysteen inay ogaadaan habeenka uu yahay, qaar iyaga ka mid ahi waxayba ku riyoodeen inay ku jirto tobanka ugu dambeeya soonka, markaa ayaa Nabiga ﷺ wuxuu yiri:

“Ku dadaala Laylatul-Qadriga habeennada tirada is-dheer (kisiga) ah, sida 21, 23, 25, 27, iyo 29, oo ku jiraan tobanka ugu dambeeya Ramadaanka.” [Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim]

Markii uu Rasuulku ﷺ sidaas yiri ayaa waxaa la ogaaday inay ku jirto tobanka ugu dambeeya soonka, gaar ahaan habeennada kisiga ah, laakiin axaadiista badankood waxayba sii cayimeen oo ay sheegeen inay tahay habeenka 27-aad, iyo kuwa kaleba waxaa haboon in dadaal dheeraad ah la sii-siiyo, oo si fiican loogu dadaalo, iyadoo cibaado lagu soo jeedayo.

Hadaan Ogaado Habeenka
Leylatul Qadriga Maxaa Leeyahay?

Maadaama asaxaabtu aysan ogolayn in waqti muhiimaddaas lehi uu dhaafo, ayaa Caa’isha oo ahayd xaaskii (sowjadii) Nabiga ﷺ waxay Rasuulka ﷺ ku tiri: Haddii aan ogaado habeenka uu yahay Laylatul-Qadrigu maxaan leeyahay? Markaas ayuu ku yiri:

Waxaa aqrisaa ducadatan:

” اللَّهُمَّ إِنَّكَ عَفُوٌّ تُحِبُّ الْعَفْوَ فَاعْفُ عَنِّي “

“ALLAAHUMMA INNAKA CAFUWWUN, TUXIBBUL CAFWA, FACFU CANNII”

….oo ay macnaheedu tahay

“Ilaaheeyoow waxaad tahay Ilaah cafin badan, jecelna cafinta, ee i cafi.”

[Waxaa xaddiiska wariyey Axmed Ibnu Maajah iyo Tarmidi]

Fidrada Sida Loo Bixin Lahaa

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 8aad

”Fidrada macnaheeda:
Waa sadaqo labixiyo soonka markii la furo.”

Fidrada waajibnimadeeda waxa cadayn u ah:

Cabdullaahi Ibnu cabaas wuxuu yiri (Allah haka raali noqdo) Nabigaﷺ wuxuu nagu waajibiyay fidrada wuxuuna yiri waxay daahirinaysaa qofki soomanaa qaladyadi ka dhacay sida hadaladii macna la’aanta ahaa iyo caayda iyo wixii la mid ah.(1)

Waqtiga ay waajibto iyo qofka ay ku waajibto

Waxay wajibtaa maalinka ugu danbeeyo bisha soon,(2) (asxaabta rasuulka ﷺ waxaa ka sugnaatay inay bixiyeen maalin ama laba maalmood ka hor maalinka ciida ah,(3) waxaa ugu danbaysa bixinteeda marka salada ciida lagalo),waxay ku waajibtaa qofkasta oo muslim ah oo haysta wuxuu cuno asaga iyo dadka uu masuulka kayahay maalinka ciida ah iyo habeenkeeda wax ka dheeraad ah.(4)

Cabirka La Bixinaayo Iyo
Noocyada Lagu Bixinaayo

Abii saciidul khudri alaha ka raali noqdee wuxuu yiri waxaanu ahayn kuwa bixiya xiligi nabiga ﷺ (saac oo raashin ah)(5) saacu wuxuu u dhigmaa labo kiilo iyo afartan garaam, cuntada la bixinayo waa cuntada dadka badankii cunaan sida bariiska, baastada, burka, sonkorta, qamadiga…. i.w.m.(6) Nabiga ﷺ iyo asxaabtiisa alaha ka raali noqdee kama sugnaanin inay lacag ku bixiyeen taa macnaheeda wuxuu yahay lacag laguma bixin karo, laakiin lacagta aad ku bixiseen waa in raashin loogu gadaa masaakiinta, ee aanan lagu siin lacag cadaan ah.

Yaa la siinayaa

Qofkasta oo miskiin ah iyo todobada kale ee ay aayda sheegtay,(7) waxaan ajar badan, oo waliba afdal ah inaad siiso masaakiinta magaalada kula joogo,(8) miskiinka waa qofkasta oo wixiisa aysan ku filnayn.

See loo bixinayaa

Qofkasta inuu raadiyo miskiinka(9)

  1. 1 ehelkiisa.
  2. 2 dariskiisa.
  3. 3 qofkasta oo muslima ah.

Fure:

  • Abuu Daawuud 1371. Can Ibnu Cabaas.
  • Ibnu Qudaama fii Almuqnii Kitaabka 2 fasal waqtu wujuub zakaat alfitir.
  • Albukhaari Can Naafic Can Ibnu Cumer.
  • Almajmuuc LiANnawawii Kitaabka 6.
  • Bukhaari 1414.
  • Iclaam Almuwaqiciin Li Ibnu Qayim Kitaabka 2.
  • Alum li Alshaaficii baab daycatu Zakaatu Alfitir qabla qasmihaa.
  • Muwata’a Maalik Kitaabka 1 Baab fii ikhraaj almusaafir zakaat alfitir.
  • Almukhtasar Li Alshaaficii walmajmuuc Li ANnawawii Kitaabka 6.

Iidaha Iiyo Salaadahooda

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 9aad

Walaalayaal maadaama aan la wada socono in ay fooda nagu soo heyso maalintii faraxa badney, ee aheyd “Ciidul Fitriga” ayaa waxaa jeclaadey inaan wax ka ogaano maalintaa iida ah iyo waxa qofka muslimkaa looga baahan yahey. Sidaa awgeed waxaa idiin soo gudbinaayaa macluumaad ku saabsan iidaha iyo salaadahooda, ee fadlan markaa aqirsatid ku camal fal una sii gudbi dadka aad taqaanin.

Ciiduhu waa kuwo fac wayn, oo waxaa ummad kastaa lahaan jirtay ciido ay iidaan, munaasabad kasta oo waynna waxay ka dhigan jireen iid ay iidaan, faraxooddana ay muujiyaan, ka dib markii Islaamku yimid ayuu wuxuu bedelay iidihii hore, isagoo ku bedelay iido ka khayr badan, waxaana ku sugan xadiis saxiix ah oo uu wariyey Abuu Daawuud in Rasuulkaﷺ uu magaalada Madiino yimid, iyadoo reer Madiina ay leeyihiin laba maalmood oo ay ciyaaraan, markaas ayuu Rasuulka ﷺ waydiiyey iyaga waxay ay yihiin labadaas maalmood, markaasayna ku yiraahdeen:

Waa laba maalmood oo aan waagii jaahiliyada aan ciyaari jirnay,

Markaas ayuu ku yiri:

“Ilaaheey wuxuu idinkugu bedelay labadaa maalmood laba ka khayr badan oo kala ah maalinta Ciidul-Fitriga iyo maalinta Ciidul-Adxada, labadaa iidood Ilaaheey ayaa ummadda Nabi Muxammed ﷺ siiyey.”

Waxayna labadaas iidood ka daba maraan laba tiir oo waawayn oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, labadaas oo kala ah: soonka iyo xajka, maalmahaa inay dadku nafta u raaxeeyaanna waxay ka mid tahay waxyaabaha Ilaaheey uu jideeyey, sidaa awgeed waxaa banaan ciyaaraha nooc kasta oo ay yihiinba, haddii laga ilaaliyo waxyaabaha shareecadu aysan ogolayn, sida cawrada oo la banneeyo, ragga iyo dumarka oo is-dhex gala, sidaas oo kale waxaa bannaan heesaha, laakiin waa inaan ruuxna lagu caynayn, wax xunna aan lagu faafinayn, laguna faaninayn sida qamro iwm, muustikana aan la raacsiinayn.

Waxaana isku mid ah ragga iyo dumarka, waxaa uu xusay xadiis saxiis ah oo ay wariyeen culummo ay ka mid yihiin Bukhaari iyo Muslim in: “Maalin iid ah iyadoo ay ku ciyaarayaan masjidka Rasuulka ﷺ niman Xabashi ahi uu Rasuulku ﷺ Caa’isha (a.k.n) u yeeray, dabadeedna ay fiirsatay ciyaartoodii ilaa ay ka bogatay, iyadoo weliba ciyaarta ka fiirsanaysey oo taagnayd Rasuulka ﷺ gadaashiisa, iyadoo dhabankeedu uu saarnaa dhabankiisa, wuxuuna Rasuulku ﷺ maalintaa yiri: “Ha ogaato Yahuuddu in diinteeennu ay leedahay fasax iyo waqti damaashaad iyo tamashlayn.”

Sidoo kale waxay wariyeen Bukhaari iyo Musim in: “Caa’isho ay tiri: maalin iid ah ayaa iyadoo ay ila joogaan laba gabdhood oo heesaya, ayaa waxaa ii soo galay Rasuulka ﷺ, dabadeedna ku seexday firaashka, wuxuuna huwday maro, dabadeedna waxaa soo galay Abuu Bakar, wuxuuna canaantay labadii gabdhood isagoo diiddan waxa ay Rasuulka ﷺ ku ag samaynayaan, markaas ayuu Rasuulku ﷺ maradii iska fayday, kuna yiri Abuu Bakar: “iska daay, qolo waliba waxay leedahay iid, middaanina waa iiddeeniiye”, laakiin waxaa la rabaa in falalka lagu kacayo oo muujinaya farxadda iyo rayn-raynta sida cuntada, cabitaanka iyo ciyaaruhuba aysan xadkooda dhaafin, Ilaaheey ka cabsashaddiisana aan la hilmaamin.

Islaamka ma lahan iido aan ahayn kuwaa aan soo xusnay, laakiin dadka badan oo muslimiinta ka mid ah ayaa waxaa lagu emteleeyey inay samaystaan iido kuwaa Islaamka aan ahayn, sida iidda maalinkii dhalashada Rasuulka ﷺ, habeenka la yiraahdo “Laylatut-Micraaj”, iidda dhalashada qofka, iyo iido loo sameeyo boqorrada iyo madaxwayneyaasha, sida maalinta ay kursiga xukunka ku fariisteen, maalinta dalku xornimada qaatay iwm, oo ka mid ah iidaha bidcada ah oo shareecada wax idan ah aan ka haysan, waxaana aan bannaanayn in iidahaas la jideeyo ama la sameeyo, waxaa sida Kirismiska iyo sannadka cusub oo loo yaqaanno “Habbi niyuu yeer/Happy new year” iwm.

“IIDA” Xukunkeeda Iyo
Meesha Lagu Tukanaayo

Waxay culummada Islaamka isku qilaafeen xugunka ay iidda tukashadeedu sharciga ku leedahay, markaa ayaa qaarkood waxay yiraahdeen waa sunno, qaar kalena waxay yiraahdeen waa waajib, iyadoo rag iyo dumarba ay isku mid yihiin, sidan dambe ayaana xoog badan, waxaana u daliila ah in Rasuulka ﷺ uu amar ku bixiyey inay iidda yimaadiin rag iyo dumarba, xataa gabdhaha aan la guursan gurigana aan ka soo bixin (maqbiyooyinka), iyo kuwa dhiigga caadada qaba, markii sidaas la is amray ayaa haweeneey asaxaabta ka mid ahi Rasuulka ﷺ waydiisay sida ay samaynayso haweentii aan haysan jilbaab ay ku timaado meesha lagu tukanaayo, markaas ayuu Rasuulku ﷺ ku yiri: “walaasheeda muslimada ahi ha soo siiso jilbaab.

Dumarka kuwooda caadada qabaa iyagu wax ka tukan mayaan, laakiin waxay joogayaan meel u dhow meesha lagu tukanayo, dadkaa muslimiinta ah ayey la takbiirsanayaan (Allaahu akbar ayey wax ka leeyihiin), wayna la ducaysanayaan, barakada iyo khayrka maalintaa jira iyagoo rajaynaya, Rasuulkuna ﷺ weligiis kama uusan tagin salaaddan.

Iidda waxaa lagu tukan jiray waagii Rasuulkaﷺ meel bannaan, beledkana ka baxsan, oo loogu talagalay iidaha iwm in lagu tukado, iyadoo salaadda lagu tukado masjidka Rasuulkaﷺ ay u dhiganto kun salaadood oo meel kale lagu tukado (marka laga reebo Masjidul-Xaraam), ayaa haddana uusan Rasuulkuﷺ ku tukan masjidkiisa salaad iid ah, hal marna Allaha ka dhigee, sidaa awgeed ayaa waxaa sunno ah in lagu tukado meel bannaan oo dadka la iskugu keeno, haddii duruuf dadka u diidaa aysan jirin, isku imaatinkaas wayn oo loo dhan yahayna xigmado badan ayaa ku jira, oo ay ka mid yihiin muslimiinta oo calaamadaha diinta Islaamka lagu garto mid ka mid ah muujinaya, sidoo kalena muujinaya walaalnimada muslimiinta, midnimadooda, iyagoo isbaranaya, iskaalmaynaya, isla markaana kalimada (diinta) Alle sare u qaadaya.

Waxyaabaha Sunnada
Ah Maalinta “IIDA”

Maalinta iidda waxaa sunno ah in lala yimaado waxyaabahan soo socdo:

1) In dhar wanaagsan la soo xirto marka salaadda iidda laga soo qayb galayo, Rasuulkunaﷺ maalmaha iidaha wuxuu soo xiran jiray dharkiisa kuwa ugu qurxoon, in maalintaas la is qurxiyaana waxay ahayd caado wanaagsan, Rasuulkanaﷺ ka sugnaatay, sidan soo xusnayba. Waxaa sidoo kale sunno ah in la isi soo carfiyo, oo la soo marsado waxyaabaha udgoon.

2) In iidda loo soo qubaysto, arrintaani Rasuulkaﷺ kama aysan sugnaan, laakiin asaxaabta ayey ka sugnaatay.

3) In marka laga soo noqonayo salaadda iidda lugu soo noqdo waddo aan ahayn middii marki hore la soo qaaday, sidii uu Rasuulkubaﷺ samayn jiray maalmaha iidaha.

Salaadda loo baxayaa haddii ay tahay midda Iidul-Fitriga waxaa sunno ah in wax la soo cuno inta aan la soo aadin, gaar ahaan timir tiro is-dheer (kisi) ah. Haddii ay Iidul-Adxaa tahayna waxaa sunno ah in la soo aado iyadoo aan waxba la soo cunin.

4) In marka maalinta iidda la kulmaba la isku tahinyadeeyo, iyadoo la leeyahay: “Annaga iyo adinkaba Allaha naga aqbalo”, sidaasina waa sida asaxaabtii Rasuulkuﷺ ay isugu tahniyadayn jireen markii ay kulmaan maalin iid ah. Laakiin waayahaan dambe waxaa lagu bedeshay wixii sugnaaday oo la soo wariyey arrimo aan kuwaa xiriir la lahayn, sida iyadoo dadku isku yiraahdiin: “Kullu caam, wa antum bikhayr”, sidaasi iwm, waa ku bedelasho wixii wanaagsanaa lagu bedeshay wax liita oo aan qiimo lahayn.

5) In la takbiirsado (Allaahu akbar la yiraaho) marka guriga laga baxo ilaa salaadda laga tukado, iyadoo dadku aysan isla qaadayn, ee qof waliba goonidiisa u takbiirsanayo, laakiin in la isla takbiirsado oo la isla qaado sida dadkuba sameeyaan sunnada kuma sugna, ee sidaas ha loo ogaado. Haddii Iidul-adxaa ay tahay iiddaasi intaa waxaa u dheer in saddexda maalmood oo iidda ka dambaysa ay sunno tahay in la takbiirsado, waxaana takbiirta la joojinayaa saddexdaa maalinta ugu dambaysa Casarkeeda, waxaana la takbiirsanayaa iyadoo takbiirtu aysan ku xirnayn waqti gooni ah.

6) Kutubta qaarkood ayaa waxaa yiraahdeen oo ku gooni yeeleen takbiirta marka salaadaha waajibka ah la tukado dabadeed, laakiin wax daliil ah oo sidaas sugaya (awood siinaya) ma cuskana, sidaa awgeed kuma xirna takbiirtaas ilaa saddexdaas beri soconaysaa salaadaha gadaashood , ee waqti kasta ayaa la takbiirsanayaa, sidaas waxaa la mid ah oo aan iyaguna daliil haysan culummada qaar oo yiraahdeen habeenka iiddu soo gasho ayaa takbiirtu soo billaabanaysaa, ee marka salaadda iidda la aado billaaban mayso. Sida Rasuulka ﷺ ka sugnaatayna waa sidii aan horay u soo xusnay, ee si-fiican ha loo indha-indheeyo.

Habka Takbiirta

Habka loo takbiirsanayo oo asaxaabtii qaarkood ka sugnaaday waa midkan soo socda:

، الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر
،لا إله إلا الله ، الله أكبر
الله أكبر ولله الحمد

Allahu-Akbar, Allahu-Akbar.
La ila-ha ill-lal-lah.
Allahu-Akbar, Allahu-Akbar.
Wa-lilahill xamdu.

* * * *

Allah is great, Allah is great.
There is no god but Allah.
Allah is great, Allah is great.
And all praises are for Allah.

“Allaahu akbar allaahu akbar, laa ilaaha illallaahu, wallaahu akbar, allaahu akbar walillaahil xamdu”, ama “Allaahu akbar, Allaahu akbar, Allaahu akbar, walillaahilxamdu, Allaahu akbar, wa ajjallu, Allaahu akbar calaa maa hadaanaa,”

Laakiin qaybta hore ayaa caansan ahna midda saxiixnimada badan, iintani waa inta la soo wariyey iyada oo sugan, laakiin sidii hadba wax loogu darayey ayey waxay hadda gaartay in uusan xifdiba karin qof aan taqasus u lahayni, inuu dadka meersanaya la meersado ma ahane.

Waxyaabaha lagu siyaadiyey waxaa ka mid ah:

“Allaahumma salli calaa sayidinaa Muxammad, wacalaa aali sayidinaa Muxamaad…ilaa iyo dhamaadka”, iyo “Laa ilaaha illalaahu waxdahuu, sadaqa waxdahuu, wanasara cabdahuu, wahazamal axzaaba waxdahuu”.

Inta sugan ayaana waxay nooga filan tahay inta gadaal ka gaarka ah oo aan sugnayn, ee sida ha loo ogaado.

Salaada Iidda Habkeeda
& Waqtiga La Tukanaayo

Waxaa salaadda iidda la tukanayaa inta u dhexaysa marka qorraxdu soo baxdo oo ay kor u soo kacdo, ayna soo gaarto ilaa saddex mititir oo kale, iyo marka qorraxdu cirka bartankiisa dhaafto. Iidul-Adxada tukashadeeda waa la soo dedejinayaa, si dadku ay udxiyada qaliddeeda fursad ugu helaan. Iidul-Fitrigana xoogaa ayaa dib loo dhigayaa, si dadku ay u helaan waqti ay ku bixiyaan Fitrada, waxaana labada iidood salaaddooda loo tukanayaa sidan soo socota:

È) Salaadda ayaa la xiranayaa, iyadoo aan laga hormarinayn adimid iyo aqimid taana, marka la xirto dabadeedna todobo (7) goor (oo aysan ku jirin takbiirta salaadda lagu xiranayo) ayaa la takbiirsanayaa (Allaahu akbar la leeyahay), iyadoo aan gacmaha kor loo qaadayn, sababtoo ah marka todobadaa goor la takbiirsanayo in gacmaha kor loo qaadaa Rasuulka ﷺ kama sugnaan, sidoo kale waxaan la soo warin in dadka ma’muumiinta ahi ay takbiirta kor u qaadayaan, sidaa awgeed waxaa la rabaa in hoos takbiiraha loola yimaado, marka laga reebo imaamka o isaga laga rabo inuu kor u qaado.

Dabadeedna Faatixada iyo suuradda la yiraahdo:

“Sabbixisma” ama “Qaaf” ayaa imaamku aqrinayaa, isagoo kor uqaadayaa aqrintooda, marka rakcada koowaad laga soo istaagana shan goor ayaa la takbiirsanayaa, iyadoo gacmaha kor loo qaadayn sidii hore oo kaleba, dabadeedna wuxuu aqrinayaa Faatixada iyo suuradda la yiraahdo Suurat “Al-Ghaashiya” (Hal-ataak) ama suurat “Al-Qamar” (Iqtarab).

Ê) Markii rakcada labaad laga salaama naqsado ka dibna waxaa sunno ah in la khudbeeyo hal khudbo, oo aan mid kale laga daba marinayn, iyadoo dadka lagu boorrinayo inay Alle ka cabsadaan, lana amrayo wax kasta oo wanaag aakhiro ama mid adduunyo ku jiro, loona sharxayo arrimaha iidda la xiriira haddii laga jaahil yahay. Khudbadana waxaa lagu billaabanayaa Alle ku xamdintiisa “Alxamdu lillaah”, ee lagu billaaban mayo takbiirsi “Allaahu akbar”, sida dadka qaarkoodba aaminsan yihiin.

Haddii qofku uu hilmaamo takbiirihii aan soo xusnay amaba qaarkood, takbiirtaas uu hilmaamay salaaddiisa waxba uma dhibi karto, mana soo qallaynayo, laakiin wuxuu la imaanayaa sujuudda sahwiga. Hadiise uu ma’muum yahay oo isaga kaliya uu hilmaanka la yimid wax sujuud ah la imaan mayo.

Qofka Salaadda ”Iida” Ay Dhaafto

Qofkii ay dhaafto inuu iidda jamaacda la tukado wuxuu kaligiis (ama dadka la midka ah) iska tukanayaan laba rakco oo salaaddii iidda ah, habka tukashadana waa soo xusnay.

Walaalkiin aad ku walaalowdeen Islaamka. Waxaan Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo Aakhiro.

Waxaa qoray:
Osman Bilad
Email: osmanbilad@hotmail.com
Xigasho: SomaliTalk.com

::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::