Ma Kireysan Karaa
Garoonka Kubbada?

Barnaamajka Weeydiiya Dadka Cilmiga Yaqaana, Hadeydaan Garaneynin.

فَاسْأَلُوا أَهْلَ الذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ

[سورة النحل الآية ٤٣]

Fadiilatu:
Sheekh Maxamed Cabdi Umul

{حفظ الله}

Decorative Lines

Ma Kireysan Karaa
Garoonka Kubbada?

السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka aha Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Waxaan halkaan ku soo gudbineynaa qayb ka mid ah taxanaha su’aalaha iyo jawaabaha oo inoo soo jeediyay fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umul (xafidahullaah) ee lagu qabto wadanka Kenya magaalada Nairobi ee ay inoo soo diyaarisay kooxda (Ixsaan Media).

Ka faa’ideysi wacan.

Su’aasha | 215

”Weydiyahaan waxa uu leeyahay Sheekh in aan garoon kubadda lagu ciyaaro kireysto oo aan lacag ka dhiibo si aan dhidid isaga keeno aniga oo iska ilaalinaaya wax yaabaha xaaraanta ah lacagtaas ma dhiibi karaa?”

Jawaabta 215

Tu kalena ku dar, adiga inaad ku ciyaarto oo aad lacag iska bixiso waa mid. Mid inuu garoonkaba hagaajista (Tusaale):

Dhulkaagii baad garoon banooni ka dhigtay, dadka ayaadna ka kireysaneysaa banooniga ciyaaraya ama ku ordaaya ma banaan tahay?

  • Marna waa kii intifaac sanaayay
  • Marna waa kii kireysanaayay
  • Marka waa kii ka kireysanaayay
  • Ma u banaan tahay waaye su’aasha?
  • Jawaabtu waxa weeye ciyaarta banoonigu;
  • Marna waa xaaraan
  • Marna waa (Mubaax) iska banaan

Goormeey xaaraan tahay?

Waxay xaaraam tahay markii (Cawro) la baneeynaayo oo leys qaawinaayo, ileyn ragga cawradooda waa inta laga gaadho (lowga) inta laga gaaro ilaa iyo xudunta inta u dhaxaysa. Hadii markaa saraawiil gaagaaban lagu ciyaaro oo cawrada la baneeyo waa xaaraan.

Waajibaadkii diinta hadii la dayaco (Salaaddahii) baa kugu dhaafayo (Dalabkii Cilmiga Sharciga Waajibka) ahaa ayaa kugu dhaafayo iyadana waa xaaraan.

Mathalan waxbaa lagu kala qaadanaayaa banooniga la ciyaarayo kooxaha ciyaarayo lacag ama xoolo ayay ku kala qaadanaayaan tartan kaas waa xaaraan.

Naska xadiithka Nabigaﷺ ayaa ku tusaayo.

Xaalaadkaa banooniga ciyaartiisu ee xaaraanta yahay in aad lacag ku bixiso meesha lagu ciyaarayo iyo inaad adigu lacag ka qaatado oo meesha ka kireysato labadaba waa xaaraan.

Li’ana waxa aad (ciwadku) ku qaadaneyso waa (camal muxaram) ah.

Sooma aha wixii kaa soo galay iyo kan bixiyay wuxuu ku bixiyay labaduba xaaraan bey noqoney.

Xaaladna banoonigu waa (mubaax) oo waa iska banaan yahay, waa markii (maxaadiirta) shardiga ah meesha ka baxdo, meelaha shareecadu diiday.

  • Waa dad asturan,
  • Waajib ma dayacaayaan,
  • Lacag kuma kala qaadanaayaan,
  • Wey ku jimicsanaayaan.

Markaas oo kale haday tahay meesha aad ku ciyaareeyso inaad kireysato wey kuu banaan tahay inaad lacag ka bixiso.

Kii meesha lahaay (Garoonka) ee diyaarsaday inuu isaguna kireysto oo lacag ku qaato wey u banaan tahay.

Sababta maxay tahay li’ana waxa lagu sameynaaya baa shareecada ku banaan oo (mubaax) ah. Wax yaabaha mubaaxa ee shareecada ku banaana, dhul kaaga iyo gurigaaga waad u kireyn kartaa lacagna waad kaga qaadan kartaa, kan u baahana wuu kireysan karaa lacagna waa ku bixin karaa.

Sidaasaa marka loo kala qaadayaa oo xaalada marka banooniga xaaraamta yahayna waa xukun, xaalada uu iska banaan yahayna waa xukun kale.

.والله أعلم

Macnaha erayga la soo gaabiyay:

  • (twt) – تبارك و تعلى
  • (swt) – صبحانه و تعلى
  • (scw) – صل الله عليه وسلم
  • (rc) – رضي الله عنه

Decorative Lines

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com
Email: wajibad@gmail.com