Muxuu Yahay  
Xukunka Tahriibka?

Barnaamajka Weeydiiya Dadka Cilmiga Yaqaana, Hadeydaan Garaneynin.

فَاسْأَلُوا أَهْلَ الذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ

[سورة النحل الآية ٤٣]

Fadiilatu:
Sheekh Maxamed Cabdi Umul

{حفظ الله}

Decorative Lines

Muxuu Yahay
Xukunka Tahriibka..?

السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka aha Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Waxaan halkaan ku soo gudbineynaa qayb ka mid ah taxanaha su’aalaha iyo jawaabaha oo inoo soo jeediyay fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umul (xafidahullaah) ee lagu qabto wadanka Kenya magaalada Nairobi ee ay inoo soo diyaarisay kooxda (Ixsaan Media).

Ka faa’ideysi wacan.

Su’aasha | 132

”Maxaad kula talin lahayd dhalinyarada ku dhamaaneyso baddaha, muxuu se yahay xukunka tahriibka?”

Jawaab | 132

Xukunka tahriibka waa (Kabiira minal Kabaa’ir), waa dambiyada waaweeyn min kamid ah waaye. Li’ana wuxuu xambaarsan yahay intaasoo shey oo shareecada xarimtay oo ay ugu weyn tahay nafta oo la qatar galiyo midaana qur’aanku waa diiday oo ah in nafta la qatar galiyo.

Alle (swt) wuxuu yiri:

{ وَلَا تُلْقُوا بِأَيْدِيكُمْ إِلَى التَّهْلُكَةِ }

[سورة البقرة الآية ١٩٥]

”Naftiina haku riddina meel ay ku haligmeyso oo ay ku halaagsameyso haku tuurina.”

Culimada salafku qaar kamid ah mufasiriinta waxay mareen oo asbaabta aayadu ka hadleysa ay ka mid dhigeen, hadii uu ruuxu safar dhul saxara ah oo bah gooya ah  oo uu qatar ku gali doono sahay la’aan in uu iska maro…. { وَلَا تُلْقُوا بِأَيْدِيكُمْ إِلَى التَّهْلُكَةِ } bey soo geliyeen.

Mida badda iyada xadiis qaas ah ayaa ku soo arooray asbaabta marka iyo (maxduuraatka) sharciga ku jiro, waxaana ka mid ah nafta oo la qatar gelinaayo.

Waxaa ka mid ah; cirdiga iyo sharafka iyo dumarkii, oo sharftoodii iyo cirdigoodii (istibaaxa) lagu sameynaayo oo leyska fuulayo.

Waxaa kamid ah; xoolahii oo loo gacan gelinaayo (mujrimiin) yacni dad (burcad) ah oo xoolihii muslimiinta loo gacan gelinaayo.

Waxaa kamid ah: in badan oo eheladii iyo qaraabadii iyo waalidkii laga nixinaayo oo laga murginaayo, oo laga oohinaayo.

Waxaa kamid ah: meesha loo sii socdo iyo meesha la aadayo oo dal gaalo oo fasaad kiisu badan yahay.

Sidaas daraadeed inta (mafsado) ay xambaarsan tahay lama koobi karo.

Sidaad daraadeed waa dambiyada (kabaa’irta) mid kamid ah.

Safar kaasina waa (safaru macsiya).

Ruuxu ama haka badbaado ama haku halaagsamo.

Nabigeenaﷺ xadiis aan hore u sheegnay oo ay soo saareen Axmed iyo Bukhaari sheekh Albaani wuxuu leeyahay waa xadiis xasan.]

Ayaa Nabigu wuxuu yiri:

”Ruuxii guri (satxigiisa) seexda oo wax celiyana markaa uusan jirin oo ka soo dhaca oo sidaa ku dhinta cahdigii iyo balantii Ilaahay (swt) beri bey ka tahay. Ruuxii badda markay kacsan tahay mara oo gala oo sidaa ku halaagsamo oo ku dhinta Ilaahay cahdigiisa iyo balankiisa beri buu ka yahay.”

Marka bad aad u badineyso in lagu halaagsamaayo oo aadan ka badbaadeynin in la maraa Nabiguﷺ waa diiday.

Waa mas’alada labaadee dilka ama ruux kale dil ama naftaada dil laba qeybood bay u qeybiyeen (fuqahadu):

  1. Dil oo ah inaad (mubaashara) aad u sameyso oo aad gacan taada ku disho
  2. Iyo in aad sabab ku disho. Adigu gacanta toos uma lihid laakiin sabab baa u tahay.

(Ithmiga) iyo dembiga kan sabab u ah dilka iyo kan toos u dilay labaduba waa dambiilayaal axkaam badana waa isaga mid (fuqahadu) kutub tooda bay kaga hadlaan.

Sidaas daraadeed safar kaasi si ahaan tiisa waa (safaru macsiya) ruuxii ku halaagsamay oo ku dhintay asaga oo macasiyo ku jiro oo dembi weyn ku jira ayuu halaagsamay.

Amaa! xaal kiisu sidee buu noqon doonaa (Allaahu Aclam) anaga ma gali karno hawl aan ka hadli karnana ma aha ma naar bay ku daateen mise janno ayay ku daateen.

Laakiin waxaan (ta’kiidin) karnaa oo hubaal ah in ay ku dhinteen safar shareecada khilaafsan oo (safaru macsiya) ah dambi weyna ay ku geeriyoodeen.

Marka in aad leysaga ilaaliyo weeye meeshaas oo kaleeto leykuma maqiiqo oo naftaada laguma qatar geliyo, dee aduunyadaad iyo aakhiradaadaba hadaa khasaarto ka waran?

Naseexadeydu waxa weeye dhalinyaradu Ilaahaygii abuurtay haku kalsoonaadeen, risiqa Ilaahay (swt) inuu qeybiyay ayaga oon dhalanin ka hor uunkana la abuurin ayuu Ilaahay qeybiyay, wixii Ilaahay (swt) kuu qeybiyayna meel aad joogtaba wuu ku siin.

Yurub tak oo mareykan tagna shardi la sheegay oo lagu xiray risiqaaga ma aha. Arsaaqda Ilaahay (swt) markuu kuu qoray shardi kama dhigin hadaadan yurub tagin lagu siin maayo, hadaadan mareykan tegin lagu siin maayo, hadaad meel kasta joogto oo dadaal sameyso wixii Ilaahay (swt) kuu qoray waad heli.

Ilaahayna (tabaarak wa tacaalaa) sida markaad uurka hooyadaa ku jirtay oo seddex mugdi hoostooda aad ku nooleyd Ilaahay kuu irsaaqaayay, adigoo dhulka korkiisa joogo oo xoog badan oo dhalin yaro ah ma arsaaq buu kuu waayaa Allah (tabaarak wa tacaalaa)?

Sow inaad is weeydiisid ma aha?

Markaad naftaada halis gelineyso oo meelahaa ku maqiiqeyso aad waxaad isku weeydiisaa khaatumadaada maxay noqon doontaa.

War hadaad kaba baxdo maxaad u socotaa?

War imisaa dhib baa sii mari doontaa?

War diintaadii iyo aakhiradaadii amaad qatar gelisaa su’aalo badan waa inaad is weeydiiso waaye.

Dhalin yarada waxaan leeyahay (Baab kaa) ka jooga, intii tagtay, tagtayee intiina kale ka jooga.

.والله أعلم

Macnaha erayga la soo gaabiyay:

  • (twt) – تبارك و تعلى
  • (swt) – صبحانه و تعلى
  • (scw) – صل الله عليه وسلم
  • (rc) – رضي الله عنه

Decorative Lines

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com
Email: wajibad@gmail.com