Safka Hore ee Masjidka Kabo
iyo Cimaamad Maku Ceshen Karaa

Salaad Lagu Tukaday Dhul La Dhacay

Barnaamajka Weeydiiya Dadka Cilmiga Yaqaana, Hadeydaan Garaneynin.

فَاسْأَلُوا أَهْلَ الذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ

[سورة النحل الآية ٤٣]

Fadiilatu:
Sheekh Maxamed Cabdi Umul

{حفظ الله}

Decorative Lines

Safka Hore ee Masjidka Kabo
iyo Cimaamad Maku Ceshen Karaa

السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka aha Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Waxaan halkaan ku soo gudbineynaa qayb ka mid ah taxanaha su’aalaha iyo jawaabaha oo inoo soo jeediyay fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umul (xafidahullaah) ee lagu qabto wadanka Kenya magaalada Nairobi ee ay inoo soo diyaarisay kooxda (Ixsaan Media).

Ka faa’ideysi wacan.

Su’aasha | 169

”Sheekh haduu qof fadhiisto safka hore ee Masjidka kadibna uu banaanka uga baxo dan uu leeyahay kaba hiisa iyo cimaama diisa safka maku sii ceshen karaa..?”

Jawaab | 169

Horta mid inaan baraarujino waa lagama maarmaan, mida baraarujinta mudan waxay tahay Masaajidka horta hal meel un inaad ka barato, hal meel mas’ala daasi horta baraarujin bey mudan tahay dad badan oo safka hore ragga ku dagaalama (khayr Alle ha siiyee) oo u soo hor mara ah bey mas’ala daasi horta ka qarsoontay, xadiith baa ku soo arooray oo xadiithka Cabdur-Raxmaan ibn Shibli.

Nabiga saddex arrimood uu reebay bey ka mid tahay:

1- Salaada maka aad (Sujuudeeyso) sida (Tukaha) oo kale biyaha markuu cabaaya (qub, qub, qub) ka siiso oo sujuuda ku xasili weydo, Nabigaﷺ waa reebay.

2- Duur joogta dugaaga markaad sujuudeeyso dhudhunka dhan inaad gogosha dhigto sida (Eeyga) oo kale ama muxuu ahaa duur joogta oo kale dhudhunka dhan aad gogosho ayadana lama ogola, maxaa la rabaa? Calaacasha ayaa la dhigaa dhudhunkana dhulka kor baa looga qaadaa sooma aha, taana Nabigaﷺ waa reebay.

3- Qodobka saddexaad na waxa weeyaan:

In uu ruuxu hal meel Masaajidka ka laazimo.

Sida neefka (Geelle) oo kaleeto, neefka geelle marka la soo xareeyo ninka dhaqi jiray ayaa yaqaanee! Neefka geelle xerida meel buu ka fadhiistaa sooma aha xataa meeshiisa hadii loogu hor maro oo laga fadhiisto wuu ka kicin! Xeradii kaloo wada banaan sooma aha? Meeshiisii meel aan ahayn ugama baxdo, waa inuu meeshiisii fadhiisto.

‘War adiga neef geelle ma tihid meel uun ha fadhiisanin ee meelo kala gadisan masaajidka ka fadhiiso.”

Horta mas’ala daasi waa mas’alo baraarujin mudan.

Amaa mas’ala deenaa su’aasha ku timid waxa weeye, xadiith baa ku soo arooray xadiithka Abii Hurrayrah (fii saxiixul muslim) [xadiiskaa shanta ayaa werisay Termidi mooyee]. Waxaa weriyay (muslim) min Abii Hurrayrah.

Nabiga wuxuu yiri:

‘’Haduu ruuxu meel fadhiisto kadibna intuu tago oo hadana u soo noqdo, asaga ayaa cid walba uga xaq leh.’’

Yacni waxa weeyaan hawl yar baa qabsatay, musqusha ayuu galay, ama deg deg baa ku yara timid ma fogaanin, meeshii uu fadhiyay marka isaga ayaa u xaq leh. Haduu kabo ku ceshedo iyo haduu cimaamad ku ceshedaba xaq buu u leeyahay.

Li’ana asaga ayaa dadka uga soo horeeyay oo fadhiistay sooma aha, haduu hawl yar u yara baxay inuusan fogaanina waxaa lagu garan waxaad tiraahdeen kabahii buu dhigtay cimaamadiina waa dhigtay.

Marka nin kabo dhigtay miyuu fogaaday?

Nin kabo dhigtay waa dhow yahay sooma aha.

Maxaa la diidan yahay?

Waxaa la diidan yahay in aad iska shaqo tagto oo (sijaayad) intaad meesha dhigato maalinta oo dhan iska soo shaqeysato kadibna masaajidka oo safafkii hore la fadhiistay intaad timaado aad adiga sajaayadaada iska soo fadhiisato.

Taa lama ogola waa dhac iyo waa burcad badeed.

Sababtu waxa weeye meeshaa aad (xanibtay) keligaa ma lihid dadka ayaa isku leh sooma aha?

See lagu yeeshaa?

Waxaa lagu yeeshaa inaad ku soo hor marto.

Laakiin in aad xidhato laguma yeesho.

Salaad Lagu Tukaday
Dhul La Dhacay

شيخ الإسلام ابن تيمية رحمه الله

Waana mas’alada Sheekhul Islaam ibnu Taymiyyah (رحمه الله) oo (majmuuca) kaga hadlay oo uu leeyahay xataa (fuqahada) waxay galiyeen Baabka la yiraahdo (as-salaa fil ardhi mansuuba). Haa (Salaad lagu tukaday dhul la dhacay), yacni meeshaa meel aad dhacday baa laga soo qaaday, salaada aad ku tukaneyso ma ansaxaysaa mise ansaxi meyso ayaa muran ka taagan yahay, sooma aragtid?

Marka taas lama ogola, laakiin meel aad fadhiday hadaad wax yar ka kacdo oo aad u soo laabato adaa u xaq leh xadiithka Nabigaﷺ ayaa (nas) u ah.

.والله أعلم

Macnaha erayga la soo gaabiyay:

  • (twt) – تبارك و تعلى
  • (swt) – صبحانه و تعلى
  • (scw) – صل الله عليه وسلم
  • (rc) – رضي الله عنه

Decorative Lines

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com
Email: wajibad@gmail.com