Dadka Soonka Ku Culus Yahay
Raashiin Ma Bixin Karaan?

Barnaamajka Weeydiiya Dadka Cilmiga
Yaqaana, Hadeydaan Garaneynin.

فَاسْأَلُوا أَهْلَ الذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ

[سورة النحل الآية ٤٣]

Fadiilatu:
Sheekh Maxamed Cabdi Umul

{حفظ الله}

Decorative Lines

Dadka Soonka Ku Culus Yahay
Raashiin Ma Bixin Karaan?

السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka aha Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Waxaan halkaan ku soo gudbineynaa qayb ka mid ah taxanaha su’aalaha iyo jawaabaha oo inoo soo jeediyay fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umul (xafidahullaah) ee lagu qabto wadanka Kenya magaalada Nairobi ee ay inoo soo diyaarisay kooxda (Ixsaan Media).

Ka faa’ideysi wacan.

Su’aasha | 226

Sheekh waxaa jira dad ku doodaya:

”Qofka hadii uu rabo ma soomayo hadii uu cid uu raashiin siiyo heli karo, waxayna leeyihiin soonka qasab ma aha ee waa qofkii doona iyaga oo daliishanaaya aayada (Suuradda al-Baqarah) ku jirta ee dadka soonka ku culus yahay u fasaxaaya inay raashiin bixiyaan, marka arrin kaasi diinta maxay ka qabtaa..?”

Jawaab | 226

Diinta waxay ka qabtaa dadka fikir kaasi faafinaaya hadeynaan dad Islaam nimada ku cusub ahayn waa dad (sanaadiqa) ah oo diinta iyo dad keedaba qatar ku ah, waayahaan dambe na aad bey u badan tahay soomaali (sanaadiqa) ah oo diin laawe yaal ah oo (shubuhaad) badan furayaa oo diinta asal keedii iyo axkaam teeda duulaan ku ah, iskuna dayaaya inay quraanka iyo axaadiista wax daliishanaayo iskaga dhiga.

Hadey mas’aladaa dib ugu noqono, waa mas’alada la xiriidha soonka iyo marxaladahaa jideyn tiisa, markii soonka la jideynaaya la waajibinaayay, marxalada buu maray wuxuu ka mid yahay axkaamta sida (tatriijiga) ah loo jideeyay buu kamid yahay, markii ugu horeysay soonka la waajibiyay ayaa waxaa furneyd mas’alada la yiraahda…

[at-Taqyiir beyna siyaam aw dafci fidyatin]

Qiyaar baa leysa siiyay ama soon ama hadii kale miskiin (quudi) maalin kiiba qiyaar baad leedahay.

Taa waa mida marxalada ay ka hadleysa weeye ee aayada qeyb teeda Alle (twt) leeyahay;

{وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهُ فِدْيَةٌ طَعَامُ مِسْكِينٍ فَمَن تَطَوَّعَ خَيْرًا فَهُوَ خَيْرٌ لَّهُ وَأَن تَصُومُواْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ}

[سورة البقرة الآية ١٨٤]

… marxalada qiyaarku jiray oo ama soon ama raashiin bixi qiyaarku ahaa, marxalada lafteeda waxaa fadli badnaa soonka ayaa fadli badnaa oo aayada ayaa tilmaameeyso {وَأَن تَصُومُواْ خَيْرٌ لَّكُمْ}.

Marxaladaa waxaa ka dambeysay soonka (Ramadaan) baa la waajibiyay laakiin waxaa jirtay ruuxa maalintii markii soomo oo uu afuro hadii uu seexdo intuusan wax cunin oo hurdo la tagto xiliga afurka ayaa la gaaray, wuu seexday hurdo ayaa la tagtay cunto looma ogolaan jirin waa inaad habeen kaas maalinka dambe ku xidho waaye.

Xadiiska saxiixa ayaa sidaa ku yimid oo nin saxaabada kamid ah oo (Qays ibn Sirma) la yiraahdo oo (Ansaari) ahaa ayaa markuu soomay oo uu afurkii yimid buu xaas kiisa ku yiri wax lagu afuro ma haysaa?

Markaas ayay tiri waxba ma haayo laakiin waxbaan soo raaraadin, intay wax ku maqneyd bey hurdo la tagtay waayo nin daalan buu ahaa maantoo dhan soo rafaadayay soo shaqeynaayay.

Isaga oo hurdo bey u timid markaasay waxay tiri (hoogiise) war wuuba seexday miyaa qalaas cuntadii ay keentay uma banaana marka, habeenkii oo dhan buu uga jiiday, maalintii dambe buu hadana soomay marka maalinta bartan keeda la joogo wuu suuxay marka wuu dhacay.

Markaas ayaa waxaa soo degtay ruqsada ah in habeenkii oo dhan la cuni karo ama seexo ama ha seexanin habeen oo dhan in la cuni karo ruqsadkii ka dambeysay bey ahayd marka.

Marxaladaan ugu dambeysa marka ee uu ku sugnaaday jideynta soonka iyo (tashriiciisu) waa marxaladaas ee ay tilmaameyso aayada dambe oo soonka

  • cid kasta oo Muslim ah
  • oo qaan gaadhay
  • oo (muqiim) oo musaafir ahayn
  • oo xanuun u diidayo uusan jirin

Waa inuu bisha soomo, kii kalena waa inuu (qaleeyo) qiyaarkii waa la joojiyay marka.

Marxaladaa dambe oo marxalada marka ay ka hadleysa aayadan hada akhrinay mida ka dambeysa Alle (twt) uu yiri:

{ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ }

[سورة البقرة الآية ١٨٥]

‘’Midkiinii bisha soo gaadha ha soomo,’’

Qiyaarkii cunta bixinta waa la joojiyay marka.

Xadiithka (Saxiix al-Bukhaari) baa macnahaa tilmaamayaa (سَلَمَةُ بن الأكوع) Salamatu ibn Akwac ayaa Nabigaﷺ ka warinaya wuxuu leeyahay:

Markay soo degtay aayada..

{ وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهُ فِدْيَةٌ طَعَامُ مِسْكِينٍ }

Waa aayadii hore ee qiyaarka bixineysay markay soo degtay cidii doon

Wey afuri jirtay kadibna (fityo) ayay bixin jirtay.

Ilaa ay ka soo degto aayada ka dambeysa oo ah…

شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ

{سورة البقرة الآية ١٨٥}

Ilaa aayadaasi ay soo degtay buu yiri.

Aayadaa dambe ayaa tii hore bedeshay marka, aayadii qiyaarka waa la bedelay marka, waxaa ka dambeysay mid soonka keliya laazimisay.

Mar hadey arintu sidaasi tahay culimada muslimiinta (bi ajmaac) (bi duuni qilaaf) waxay isku waafaqeen aayadaa dambe markay soo degtay ruuxa muslimka ah soon un baa laga rabaa.

Fidyo waxay ku soo hadhay oo ku camal fali kara aayada aha….

{ وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهُ فِدْيَةٌ طَعَامُ مِسْكِينٍ }

Waxaa ku camal falin kara dadkii soonka kari waayay sida Cabdullahi bin Cabaas (rc) ka sugan;

  • odayga soonka kari waayay
  • islaanta da’da ah

Dadkaa soonka xamili kari waayay ayaa qiyaarku fityadu markaa u furan yahay, amaa ruuxa muslimka ah soon baa Ilaahay (swt) ku laazimiyay.

Marka marxalo la (nasaqay) oo la bedelay oo aayado ka dambeeyeen in la yiraahdo ummada loo keeno oo la yiraahdo hadaad doontana soon hadaad doontana iska afur raashiin bixi ninka saa wax u daliishanaya waa nin (Fariidada) soonka duulaan ku ah ummada inuu jah wareeriyana doonaya.

Dadka noocaas oo kalena inta badan waa dadka sanaadiiqada oo diin la’aanta weeye, falsafadaha beenta ahna dadka u faafiyo oo si ay dadka diin tooda dhaawac u geystaan.

Waxaan ogahay koox soomaali ah oo qaar kamid ah Nairobi joogaaan oo hada barnaamij kaan ka shaqeeyo, salaadii bey (tashwiish) ku fureen oo waxay yiraahdeen…

{ إِنَّ الصَّلاةَ تَنْهَى عَنِ الْفَحْشَاء وَالْمُنكَرِ }

{سورة العنكبوت الآية ٤٥}

Salaadiina hadey xumaanta iyo (munkarka) idinka reebi weeyday waxba ha tukanin ee salaada iska daaya. Salaadii dadka waa dul qaadeen, soonkiina waa ka dul qaadeen oo waxay yiraahdeen ama cunto bixi ama hadaad rabto iska soon qiyaar baad leedahay.

  • Salaadii waa qaadeen
  • Soonkii waa qaadeen

Towxiidkii iyo asalkii diinta shaki bey geliyeen waa niman noocaas oo marka Ilaahay ummada haka soo qabtee (Aafeeysan) waaye in leyska jiro bey marka u baahan tahay, shubhadana waa filaaya inay iyaga ka socoto.

.والله أعلم

Macnaha erayga la soo gaabiyay:

  • (twt) – تبارك و تعلى
  • (swt) – صبحانه و تعلى
  • (scw) – صل الله عليه وسلم
  • (rc) – رضي الله عنه

Decorative Lines

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com
Email: wajibad@gmail.com