Is Dul Taag Iyo U Fiirsasho
‘’ Suuradda al-Xujuraat ’’

{ سورة الحجرات }

Qaybta | 1aad

Fadiilatu:
Sheekh Maxamed Cabdi Umul

‘’Ilaahay ha Xafido’’

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com
Webblog: http://www.wajibad.wordpress.con
Email: wajibad.com

Decorative Lines

bism Allah

،الحمد لله وحده ، والصلاة والسلام على من لا نبي بعده

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka aha Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Sheekha Sidaan Ayuu
Hadal Kiisa Ku Bilaabay

Mowduuca kulan keena saaka waxa weeye (waqafaat maca suurat al xujjuraat ama ta’amulaat fii suurat al xujjuraat) suurad ka mid ah quraanka kariimka ah oo la yiraahdo (سورة الحجرات) ayaan is dul taageeynaa, wax yar u fiirsaneynaa aadaabta iyo (qiyamka) qaaliga ah ee Alle (تبارك و تعلى) uu dhex deeda dhigay (Towjiihaadka) ay xambaarsan tahay oo loogu tala galay ruux kasta oo Muslim a, mujtamaca muslimka ah in lagu dhaqmo bal mujtamaca keliya ma ehee nadaamka muslimiinta u dhisan ayay waxay u jideeyneysaa axkaamta qaar kood.

Suuradu waa suurad asal ay u tahay aadaabta, aadaab tii loo baahnaa ee Ilaahay (swt) jecel yahay ee ruuxu ku noqon lahaa ruux nadiif ah ama mujtamaca ku noqon lahaa mujtamaca nadiif ah ayay suuradu ka hadaleysaa ama ay jideeyneysaa.

Aadaabta Kowaad

Hadaan u kala qaadno dhowr qaybood ama aan u qaybino aadaab taasi sida ay suuradu ay isu daba dhigtay waxay ugu horeeysiisay:

الأداب مع الله و مع رسولهﷺ

Sideey Ilaahay (twt) hadal kiisa iyo hadalka rasuulkiisaﷺ aadaabta loo baahan yahay in lagula dhaqmo. Taa wuxuu Rabbi ku tilmaamay (twt) aayada u horeysa suurada…

بسم الله الرحمن الرحيم

‘’ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تُقَدِّمُوا بَيْنَ يَدَيِ اللَّهِ وَرَسُولِهِ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ ‘’

Waxaa loogu dhawaaqay dadka loogu tala galay aadaab taan, waxaa loogu dhawaaqay sifada ay ku soocan yihiin waa sifo aad u qiimo badan, waa (sitaful iimaan).

Dadka mu’miniinta ahoow (baa la yiri) waxaa looga dhigay hor dhac ama hor dhig loogu dhigay aadaabtan la doonayo in la qaato, maxaa yeelay iimaanku waa midka keena inuu ruuxa Ilaahay amar kiisa qaato, wuxuu ka reebayna ka hadho, xumaan tana waa ka (xakameeyaa) dadka wanaagana waa ku booriyaa. Sidaas daraadeed iimaanka qalbigaaga ku jira ayaa marka hore (boorka) laga jafaayaa asagaa la toosinaayaa…

‘’ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تُقَدِّمُوا بَيْنَ يَدَيِ اللَّهِ وَرَسُولِهِ ‘’

‘’Allah (swt) iyo rasuul kiisa haka hor marinina (yacni hadal iyo ficil) midna haka hor marinina…’’

‘’ وَاتَّقُوا اللَّهَ ‘’

‘’Allena iska jira oo iska ilaaliya…’’

إِنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ

‘’Alle waa idin maqlaayaa, waana idin arkaayaa waa idila socdaa oo waa idin ogg yahay (twt).’’

Aayadaasi waxay ka hadashay ruuxa mu’minka ah inuusan arrimaha ku deg deggin, haday hadal tahay iyo haduu fal iyo ficil yahay intaba Alle iyo rasuul kiisa hakala hor marin baa la yidhi, Allaah hakala hor marin [bi macnaa] kitaabka Alle hakala hor marin. Rasuul kana hakala hor marin oo Nabigaﷺ iyo tala diisa iyo amar kiisa, axaadiis tiisa hakala hor marin ka dambee.

Waa inay arrima haaga iyo noloshaada raacsan tahay Allah amarkiisa iyo amarka Rasuulkaﷺ ee ayna ka horeynin, si kala hadii loo dhigo waxaa laga wadaa ha khilaafin hana garab marin ee amar Alle iyo amarka Rasuulka dawa soco.

Sida Rabbi (twt) aayada kale inoogu sheegay:

‘’ وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلَا مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَمْرًا أَن يَكُونَ لَهُمُ الْخِيَرَةُ ‘’

[ ٣٦ آية الأحزاب سورة]

‘’Hadii Allah iyo Rasuul kiisu ay amar xukumaan dadka mu’miniinta ee ragga ah iyo mu’minaatka dumarka ah amar ma ay laha inay qiyaar qaataan.’’

Seey doonaan inay ka yeelaan oo haday rabaana isaga tagaan haday rabaana qaataan ma ay laha bal waxaa waajib ku ah inay maqlaan oo ay yeelaan.

Arrin taasi waa dersi aadaab la ina siinaayo oo waxaa la inagu (edbinaayaa) dan tiina iyo maslaxada kuma jirto inaad Allah (twt) iyo Rasuul kiisa ka hor martaan, sharcigiisa inaad ka hor martaan, inaad khilaaftaan oo aad dhinac martaan.

Balse maslaxadiina iyo tan tiina waxay ku jirtaa adduun iyo aakhiro Allaah iyo Rasuul kiisa daba socda oo iyagaasi dawa gala, oo waxay idin faraan fartooma, waxay idinka reebaan ka hadha hana ka hor marina.

Asal kaasi waa asal weyn:

  • Waa inaad Allaah iyo rasuulkiisa rumeyso
  • Waxaa Alle soo dejiyayna rumeyso

Kadiban inaad raacdo oo dawa soco oodan ka hor marin ood garab marin, inaad diyaar u noqoto. Taasaa waxaa u laabanaaya asalkaa iyo (qaacidadaa) ayaa waxaa u laabanaaya diinta inteeda kale, aadaabta ugu horeyso taa iyada ah weeye. Allah (twt) iyo Rasuul kiisa haka hor marina, diinta ha khilaafin oo waxa idinku idinla qumanaada iyo hawadiina ha raacina.

Aadaabta Labaad

Intaa markii laga soo gudbay ayaa aadaabta labaad waxaa la ina faray Nabigeenaﷺ si gooni ah markii aan la hadleyno ama u yeedheyno ama ak tiisa joogno, inayna Rasuulﷺ aan ilaalino aadaabta uu ummadiisa ka mudan yahay.

Nabiga waa Ilaahay (swt) adoon kiisa, Allaah baa (twt) doortay kitaabka quraanka ah buu Ilaahay u soo dhiibay ummadaana loogu tala galay, sidaad daraadeed waxaa la ina leeyahay Rasuulkaﷺ ixtiraama oo qadariya, oo weeyneeya, weyneenta uu mudan yahay weyneeya markaad la hadleysaan qaasatan.

‘’ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَرْفَعُوا أَصْوَاتَكُمْ فَوْقَ صَوْتِ النَّبِيِّ  ‘’

Nabiga meesha uu joogo marka aad hadleyso sowt kaaga iyo dhawaqaaga yuusan ka sareeynin midka Nabigaﷺ hadal taag taagan oo edebta iyo xishmada ka maqan tahay Nabiga ha kula dhaqmina (scw). Markaad Nabiga la hadleysaan oo aad u yeedheysaan hadal kiina hoos u dhiga.

Marka Nabigaﷺ uu dhintay, marka Rasuulkaﷺ sida ka sugan (Safka) qaar ka mid ah qabrigiisa oo kale markaad joogto (edebso) oo hadalka hoos u dhig.

Sidoo kale marka Nabigaﷺ axaadiis tiisa iyo hadal kiisa laguu sheegayo edebso oo hadalka hoos u dhig.

Rasuulkaﷺ sidii ruux caadi oo kale ha ula dhaqmina, sidii nin idinka idin kamid ah oo kale ha ula dhaqmina.

Markaad u yeedheysaan ama aad la joogtaan oo hadleysaan, hadal kiina hoos ha ahaado oo kor ha u qaadina.

Saxaabada (rc) markey aayaad kaan oo kale soo degaan naf tooda ayay ku miizaami jireen, waxa ka qaldan bey garan jireen markaas ayay isa saxi jireen oo dawa qaban jjireen.

Aayadan markey soo degtay sida xadiiska Anas ibn Maalik uu tilmaamayo:

Nabiga wuxuu waayay nin saxaabi oo la dhihi jiray (Thaabit ibn Qays ibn Shamaas), markii la waayay ayaa nin raggii saxaabada ka mid ah ayaa wuxuu yiri Rasuulkii Ilaahayow anaa ninkaa war kiisu kuu keenayo, meesha uu jiray, ma dhintay, ma nool yahay, xagee buu jiraa, war kiisa anaa keenayo.

Waa raadiyay gurigiisa buu ugu tagay, markaasuu wuxuu u tagay asaga oo madaxiisu fooraro oo gurigiisa ku jiro oon ka baxaynin oo ooyaya.

Markaasuu wuu ku yidhi wax muxuu yahay xaal kaagu, war maxaa kugu dhacay, see way kaa yihiin?

Markaas ayuu yiri shar baa igu dhacay Nabigaﷺ markaan la joogo nin hadal taag taagan oo hadal dheer baa ahaa sidaas daraadeed wixii aan sameynaayay oo qayr ah waa dhamaaday, waa ii dhamaatay (ahlu naar) baan ahay.

Ninkii baa soo noqday oo Nabigaﷺ warkii u keenay.

Markaas buu Rasuulkaﷺ wuxuu yidhi:

Ma ehee ahlu naar ee waa ahlu janno bishaaradii buu u geeyay oo ula laabtay.

Marka xadiista qaar kamid ah waxay tilmaameysaa aayadahaan oo Nabiga ka edebsada oo hadalka hoos u dhiga dhahaaya waxay ku soo degeen labadii nin ee ummada ugu khayrka badnaa Abuu Bakar iyo Cumar () ayaga oo Nabigaﷺ la joogo ayaa wafdi u yimid carab (qabaa’isheeda) mid kamid ah wafdi ka socda ayaa Nabigaﷺ u yimid.

Markaas ayaa waxay isku khilaafeen wafdigan nin kii madax loogo dhigi lahaa, Abuu Bakar wuxuu yiri hebel ha loogu dhigo oday ha loogo dhigo. Cumar na wuxuu yiri hebel ha loogo dhigo.

Markaas baa Abuu Bakar wuxuu ku yidhi aniga inaad i khilaafto oo ra’yigeyga dawa marto baad rabtaa Cumarow. Nabiganaﷺ meesha waa fadhiyaa, xoogaa hadal kii baa ka taag taagmay marka aayadaan ayaa Ilaahay soo dejiyay (twt) la leeyahay Nabiga markaad la joogtaan hadal kiina hoos u dhiga.

Arrin taa weliba intaa lagagama harin ee waxaa la raaciyay:

‘’ وَلا تَجْهَرُوا لَهُ بِالْقَوْلِ كَجَهْرِ بَعْضِكُمْ لِبَعْضٍ ‘’

 Sidaa adinka markaad isla joogtaan isugu khaylidaan, oo qaar kiin qaarka kale hadalka kor ugu qaado saas oo kale Nabigaﷺ ha ula dhaqmina.

‘’ أَن تَحْبَطَ أَعْمَالُكُمْ ‘’

Arrin taasi waxay keeni kartaa in camal kiina baaba’o, waxaad sameyseen oo kheyr ahaa, oo jihaad ahaa, oo salaad ahaa, oo soon ahaa, oo xajj ahaa, oo kheyr ahaa inuu baaba’o oo hoobto oo ad weydaan bey keeni kartaa.

‘’ أَن تَحْبَطَ أَعْمَالُكُمْ وَأَنتُمْ لا تَشْعُرُونَ ‘’

Sababta waxa weeye Nabigaﷺ oo ixtiraam kiisa iyo qadarin tiisa aad sii weydaan, waxay keeni kartaa gaal nimo ayay keeni kartaa, ruuxa haduu gaaloowo dee acmaashiisa wey baaba’eysaa wuxuu shaqeystay waxba kama jiraan bey noqoneysaa.

 ‘’ إِنَّ الَّذِينَ يَغُضُّونَ أَصْوَاتَهُمْ عِندَ رَسُولِ اللَّهِ أُوْلَئِكَ الَّذِينَ امْتَحَنَ اللَّهُ قُلُوبَهُمْ لِلتَّقْوَى لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ عَظِيمٌ ‘’

Markaasaa Rabbi (twt) wuxuu sii tilmaamay kuwa cod kooda hoos u dhiga Rasuulkaﷺ markey la joogaan, waa dadka Ilaahay qalbigoodu uu u leeliyay Alle ka cabsi kuwaas ayaa la amaanay dambi dhaaf bey leeyihiin iyo ajar weyn.

Qolyo kale iyo waxaa la tilmaamay iyaguna Nabigaﷺ oo reer baadiya ahaa, oo reer baadiyaha wey iska yar qalafsan yihiin, aadaabta iyo dadka sida loo ixtiraamo waa lagaga roon yahay, intay Nabigaﷺ guryahiisa yimaadaan qolalka Nabigaﷺ xaasas kiisu degan yihiin, intey yimaadaan bey halkaa ugu dhawaaqi jireen…

‘’ war Maxammadoow,
war Maxammadoow war noo soo bax ‘’

Qolodaas ayaa Ilaahay (twt) iyagana edbiyoo:

‘’ إِنَّ الَّذِينَ يُنَادُونَكَ مِن وَرَاء الْحُجُرَاتِ أَكْثَرُهُمْ لا يَعْقِلُونَ ‘’

Wax garad ma aha buu yiri Ilaahay (twt), dad wax fahamsan ma aha, kuwo intay qolalka gadaashooda istaagaan ka dhawaaqaya, kuwaasi wax garad ma aha, niman wax fahamsan ma aha.

‘’ وَلَوْ أَنَّهُمْ صَبَرُوا حَتَّى تَخْرُجَ إِلَيْهِمْ لَكَانَ خَيْرًا لَّهُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ ‘’

Haday sabri lahaayeen oo ay sugi lahaayeen intaad uga soo baxayso, saas ayaa u khayr badnaan lahayd buu Alle yiri (twt).

Maxaa la diidan yahay war Nabiga haku dhadhaqaawina xaasas kiisa markuu la joogo ama qolol kiisa asaga oo joogo gurigiisa waa nasanayaa, inaad intaad guryaha dul istaagtaan oo gadaal ka istaagtaan ku dhawaaqdaan sax ma aha, markuu idinla joogana inaad khay khaylidaan codka kor u qaadaan sax ma aha ee Nabigaﷺ ixtiraam buu idinka mudan yahay ee sidaa aad idinku isugu dhadhawaaqdaan oo kale Nabigaﷺ ha ugu dhawaaqina.

Sida aayada Rabbi (twt) Suurat an-Nuur ku yiri oo kale:

لا تَجْعَلُوا دُعَاء الرَّسُولِ بَيْنَكُمْ كَدُعَاء بَعْضِكُم بَعْضًا

[ ٦٣ آية النور سورة]

‘’Idinku markaad isu yeedheysaan, saad isugu yeedhaan oo kale Nabiga ha ka dhigina.’’

Nabigaﷺ waa ka duwan yahay sidaas daraadeed ummada waxaa la baray ixtiraamka iyo qadarinta Nabigeedaﷺ maxaa yeelay Nabiga wuxuu u xambaarsan yahay ummadan hadiyadii Rabbi u soo dhiibay (twt), marka in qadarin tiisa la siiyo oo la ixtiraamo ayuu ummada ka mudan yahay aadaab taasi ayaa Rabbi na baray (twt) oo Nabiga markaan la mucaamilooneyno in lagula dhaqmo, aadaab taas iyo akhlaaqdaas iyo xishmadaa qaab kaas in Nabiga lagula mucaamaloodo waa aadaabka saddexaad weeye.

Aadaabta Saddexaad

Midka afaraad ee ay suurada ka hadasha waxa weeye hadalada ku soo gaadhayo iyo wararka aad maqleyso in aad iska hubiso, ruux Muslim ah ayaad tahay waxaad maqashaba ha qaadanin, wixii ku soo gaaraba ha iska rumeysan, qaasatan waxa aad maqashay haduu ku saabsan yahay dad insaan xuquuq diisa leh, war kaa ha iska qaadan waxna haku dhisin, xukum haku qaadanin warka iska hubi, yacni war kaasi meeshaa doonto ka maqal;

  • shaqsi baa kuu sheegay,
  • idaacad baad ka maqashay,
  • television baad ka maqashay,
  • website baad ku aragtay,
  • cid baa kula timid

War idin imaanaya iska xaqiijiya, oo war eydaan hubin ha qaadanin oo wax haku dhisina waa arrin muhiim ah. Maxaa yeelay ruuxa haduu noqdo un ruux wixii soo gaadhaba qaato oo kadib ku camal falo oo dadka kula dhaqmo oo ku xukumo oo wax ku baneysto haduu noqdo, ruuxaasi shaki male asaguna waa halaagsamay dadkana waa halaagay.

Nabigeenaﷺ waa ka xadiiska saxiixa ku dhahaaya:

‘’Ruuxa dambi waxaa uga filan in uu wuxuu maqlaba ku sheekeeyo.’’

Waxaad maqashaba haku sheekeynin, ha noqon weel dabada ka duleel oo wixii ku soo dhaca uu maro ha noqo. Macnahaasi waa macno muhiim ah oo loo baahan yahay ruuxa muslimka ah wararka soo gaadhayo in uu iska hubiyo:

Alle (swt) wuxuu yiri:

‘’ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِن جَاءَكُمْ فَاسِقٌ بِنَبَإٍ فَتَبَيَّنُوا أَن تُصِيبُوا قَوْمًا بِجَهَالَةٍ فَتُصْبِحُوا عَلَى مَا فَعَلْتُمْ نَادِمِينَ ‘’

Waa mabda’ muhiim ah weeye.

War dadkii mu’miniinta ahaayoo hadii idinla yimaado mid (faasiq) ah war idin keeno, waa dadka laga diin fiican yahay waaye dadka diin tooda xunta ama beenta sheega ama xoogaa caqiidada ka leexsan ama akhlaaq dooda iyo dhaqan kooda fiicneyn, mid faasiq ah oo diin tiisaba xun tahay haduu war idin keeno,

{فَتَبَيَّنُوا}

Iska cadeeya, iska hubiya, ha qaadanina

Oo maxaa dhacaya hadaad iska qaadataan?

Waxaa imaanaya…

{أَن تُصِيبُوا قَوْمًا بِجَهَالَةٍ}

Warkii intuu beenta ahaa aad qaadato ayaa dad Allahood Alle yahay oo aan dambi laheyn ayaad markaasi asiibeysaa, ayaad dhib u geysaneysaa, af lagaadeyneysaa, addin kaagu gaadhayaa, dhibaato u geysaneysaa, (calaa-shani) war loo baahnaa inaad iska hubiso ayaad wax ku dhistay, marka iska hubiya oo markay kaa dhacdho gadaalna aad ka ogaato war kaagii inuu qaldanaa, waxaad wax ku dhistay inuu qalad ahaa xukun kaad qaadatay iyo dad kaad wax u geeysatayna inaad qaldantay…

‘’ فَتُصْبِحُوا عَلَى مَا فَعَلْتُمْ نَادِمِينَ ‘’

Markaa qoomamo ayaa kaa soo hadheyso:

  • Haa ar maxaan isaga hubi waayay,
  • war qalad baad sameeyay,
  • war meel baan ka dhacay,
  • war dad baan xoolo hoodii qaatay,
  • war dad baan dhiigoodii ku xad gudbay,
  • war dad baan cirdi goodii iyo sharaf koodi ku xad gudbay,
  • war la ii sheegay baa waxaas oo dhan i geliyay.

Qoomamo ayaa marka kaa soo hadheyso calaa-shani waxaad gashay baa kuu muuqanaayo. Sidaas daraadeed baa wuu Alle leeyahay (twt) iska hubiya warka idin soo gaadhaya qaasatan cidda kuu keentay hadaadan garaneynin cid weeye ama cid aad taqaano oo aan diintiisa lagu kalsooneyn haduu yahay iska hubi warka waxba haku qaybsanin.

Masaadiirta wararka maanta laga qaato waa masaadiir intooda badani aan lagu kalsoon kareynin saas daraadeed waan maqlay wax haku qaybsanin.

Waxaa la yiraahdaa aayadani waxay ku timid qiso oo Nabigaﷺ waxaa u yimid nin la yiraahdo (al-Xaarith ibn Daraar al-Khusaaci) oo oday u ahaa qoys kamid ah qoysas kii carbeyd nin (ugaas) ayuu ahaa Nabigaﷺ ayuu u yimid isaga oo wafdi ah ayuu Nabiga islaam nimada ugu yeedhay diinta ayuu ugu yeedhay soo islaam buu ku yiri.

Kadib wuxuu yiri waan islaamay, diin tii baan galay, markaan diin tii galay kadib wuxuu igu yidhi (zakada) ka soo aruuri reer kaaga, zakada ogolow, oo rumee zakada xoolaha in zako laga bixiyo, iyadiina waan aqbalay buu yiri.

Markaan islaamay ayaan waxaan ku iri Rasuulka Ilaahayow qabiil keyga aan ugaaska u ahaa oo aan odayga u ahaa baan ku laabanaaya, kadibna islaam nimada ayaan ugu yeedhaya iyo inay zakada xoola hooda ka bixiyaan, ciddii ogolaato oo igu raacdana zakadii iyo Xoolahii intaan ka soo uruuriyo baan kuu keeni, kadibna waqti hebel marka la gaadho ayaad nin ii soo diri zakadii markaan uruuriyo zakada iga soo qaado, wixii aan uruuriyay iga soo qaado oo adiga kuu keena.

Xiligii markii la gaadhay nin kii la dhihi jiray Xaarith waa tagay qabiil kiisii buu u tagay, islaam nimada buu u ban dhigay, intii soo islaamtay buu zakadoodii uruuriyay, xiligii ninkaan ay ku balameen Nabigaﷺ inuu nin u soo diro oo laga soo qaado wuxuu uruuriyay markii la gaadhay ayuu wax u yimaada waayay.

Markaasuu soo baxay markuu soo baxay oo zakadii soo qaaday oo reer kiisii ku yiri nimanyow waxaa laga yaabaa Nabiga balan baan isku ogeyn inuu dad ii soo diro, Nabigana balantu kama baxo laakiin waxaan u maleynaya in la inoo cadhoday, wax baa inaga dambeeyay, wax baa isbedelay ee bal ina keenay Nabigii aadnee.

Waan soo baxnay buu yiri, markay soo baxeen oo ay dhexda marayaan ayaa waxaa ka hor yimid ciidan loo soo diray, ciidan kaasi wuxuu ku yimid Nabigu sax balan tii kama bixin laakiin xiligii markii la gaadhay buu nin diray war nin kii la dhihi jiray Xaarith iyo reer kiisa intaad u tagto ka soo qaad wuxuu aruuriyay zakada nin kii markuu dhexda sii maraaya ayuu baqay oo wuxuu is yidhi war niman kaan hadaad u tagto amey ku dilaan, wuu iska soo noqday.

Markaas ayuu Nabigaﷺ u yimid, war aaway zakadii iyo xoolaha aan kuu diray, wuxuu yiri niman kaasi wey i dili gaadheen oo lafahayga ayaan la soo fakaday, ma lafahaaga ayaad la soo fakatay, oo niman kaas wey ku dili gaadheen haa buu yiri…

Ciidan baa marka loo diray, ciidan kii iyo niman kii oo zakadii soo wado oo yimid oo Nabigaﷺ u soo socda baa iska hor yimid.

War xaggeed u socotaan adigu sow Xaarith ma tihid? Haa

Sow ninkii zakada diiday ma tihid, oo balantii Nabigaﷺ ka baxay soo ma tihid?

War maya zakana ma diidin Nabigana balan tiisii kama bixi, waqti baan Nabiga ku balan saneyn zakadii iyo xoolahiina waakan waa wadaa ee war kaasi xagee buu ka yimid?

Nabigaﷺ ayaa leysla soo laabtay, hadii Nabiga loo yimidna waxaa cadaaday nin kii dhexda ka soo noqday war kiisu inuusan sax ahayn, aayadaa marka soo dagtay oo la leeyahay, war nin faasiq ah haduu war idiin keeno warka iska hubiya, dad haku dhibaateynina war aan la hubin.

Bal u fiirso qabiil kaasi iyo dad kaasi halis bey galeen, maxay halis ku galeen oo dhiigooda iyo naf tooduba qatar ku gashay war aan la hubin, sidaas daraadeed dad dhib ha ugu geysanin war aadan hubin oo xaqiiqa diisa haynin ee wixii ku soo gaadhay iska hubi, qaasatan haduu ku saabsan yahay dadka mu’miniinta ah dhiigooda, cirdi gooda, sharaf kooda, xoola hooda haduu ku saabsan yahay intaad wax ku qaybsato oo warkaa qaadato haku xamanin dhib ha u geysanin xoola hooda haku baneysanin macnahaas ayaa la inoo sheegayaa waa mabda’ muhim ah oo loo baahan yahay in nolosheena ineynu ilaalino hadeynu nahay dadka mu’miniinta ah, seed ula dhaqmeysaa wararka ku soo gaadhaya iyo waxa aad maqleyso hubso waxaadan hubin na wax haku qaybsanin.

Aadaabta Afaraad

Qodobka Afaraad ee aayadu ka hadashay waxa weeyaan Nabiga iyo waxyiga uu inoo keenay maslaxa deena iyo dan teena ayaa ku jirto hadii aadan isaga raacin oo aad hawa daada raacdo iyo waxa naf taadu jeceshahay waad halaagsamee, badbaada daada waxay ku jirtaa inaad Nabi Maxammadﷺ wuxuu la yimid raacdo naf taaduna siday rabto aad khilaafto, taasaa waxaa ku jirto badbaada daada.

Maxaa yeelay Nabigaﷺ wuxuu u yimid in uu dadka rabbi gooda ku xidho maslaxa dooda iyo dan tooda tuso laba cadaw ay leeyihiina inuu ka badbaadiyo;

  1. Cadawga koowaad waa (Shaydaan)
  2. Cadawga labaadna waa naftaada iyo (Hawa deeda)

Sidaas daraadeed baa waxaa la ina leeyahay

‘’ وَاعْلَمُوا أَنَّ فِيكُمْ رَسُولَ اللَّهِ ‘’

War Rasuul Alle ayaa idin dhex joogo ogaada

‘’ لَوْ يُطِيعُكُمْ فِي كَثِيرٍ مِّنَ الأَمْرِ لَعَنِتُّمْ ‘’

In badan oo arrimaha ka mid ah haduu idinku raaci lahaa oo sidaad rabtaan la idin yeeli lahaa waad dhibaatoon lahaydeen.

Sababta maxay tahay?

Ruuxa hawa diisa iyo naf tiisa haduu raaco ayada ayaa dhib ugu filan, iyaga ayaaba dhibaato kuu geeysaneyso, hadaad sidaad rabtaan la idinku raaci lahaa waa dhibaatoon lahaydeen, oo dee naftaada meel xun bey kugu tuureysaa (Balwa daada) hadaad iska raacdo aakhiro daada iyo adduunya daadaba wey ku seejineysaa, masaaliix daadana wey bur burineysaa. Saas ayaa Rabbi inoo tilmaamayaa (twt).

‘’ وَلَكِنَّ اللَّهَ حَبَّبَ إِلَيْكُمُ الإِيمَانَ وَزَيَّنَهُ فِي قُلُوبِكُمْ ‘’

Alle ayaa wanaaga idinla jecel, hawada naf tiina iyo sidaad rabtaan si aan eheyn oo ka fiican buu idinla rabaa, wuxuu idinla jecel yahay iimaan, qalbigiina ayuu iimaanka ku qurxiyay.

‘’ وَكَرَّهَ إِلَيْكُمُ الْكُفْرَ وَالْفُسُوقَ وَالْعِصْيَانَ أُوْلَئِكَ هُمُ الرَّاشِدُونَ ‘’

Wuxuu idinla kahday Alle (twt) oo idinla karaaheystay uusan idinla rabin gaal nimada iyo macaasida iyo dunuubta, dadka sidaasi yeelayna waa dadka toosan ee arrimaha qaatay.

Kadibna waxaa la yiri:

‘’ فَضْلا مِّنَ اللَّهِ وَنِعْمَةً  ‘’

In Ilaahay hawada naf taada iyo Shaydaan intuu kaa badbaadiyo aad noqoto ruux Ilaahay sharcigiisa haysta iimaan qalbigiisa lagu qurxiyay, oo iimaanka iyo khayrka iyo daacada Ilaahay jecel gaal nimada iyo macaasida iyo dunuubta neceb oo ka kahanaya, arrin kaasi waa…

Fadli iyo dheeraad Ilaahay bixiyay waaye.

‘’ فَضْلا مِّنَ اللَّهِ ‘’

Waa dheeraad iyo sad siyaada ah oo Alle adooma diisa dadka uu jecel yahay uu siiyo, waa nicmo Ilaahay (twt) oo ugu deeqo adooma diisa qaar kamid ah ee kuli ma wada siiyo.

‘’ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ ‘’

Allana wuxuu siiyaa meel munaasib u ah ayuu iimaanka dhigaa, wanaaga ayaa waxaa la dhigaa meel munaasib u ah Allena waa ogsoon yahay (twt) xagee ku munaasib ah, yaa mudan, yaan mudneyn Alle waa kala yaqaanaa (twt).

Sidaas daraadeed hawada naf taada hadaad raacdo oo intaad is bido inaad uba baahneyn talo Alle (swt) iyo talo Rasuul iyo sharciga Alle inaad uba baahneyn oo madaxaaga iyo maskax daada iyo garad kaaga liito intaad fuusho aad tiraahdo hawada naf taada, waxaad ogaataa adiga un baa is halaagay meel xun baadna ku dhacday, sidaad ayaa la inoo tilmaamayaa.

Maxaa yeelay Nabigaﷺ dan teena iyo maslaxa deena asaga intuu ilaalinaayo inaga maba ilaashan karnaba.

Waxaa la inoo sheegay ra’yi geena iyo hawa deena inay liidato oo aan lagu kalsoonaan karin ra’yi gaaga iyo caqli gaaga iyo hawada naf taada iyo kuma kalsoonaan kartid, hadaad raacdana meel xun bey kaa ridayaan, laakiin bedel keeda waxaad raacdaa Allaah (twt) sharcigiisa raac oo diinta Alle soo dejiyay (twt) raac.

Aayad kale Rabbi (swt) wuxuu ku yiri:

‘’ وَلَوِ اتَّبَعَ الْحَقُّ أَهْوَاءَهُمْ لَفَسَدَتِ السَّمَاوَاتُ وَالْأَرْضُ وَمَن فِيهِنَّ ۚ ‘’

[ ٧١ آية المؤمنون سورة]

‘’Hadii xaqqa Ilaahay xagiisa ka yimid uu hawa dooda raaci lahaa oo adigu saad wax u aragto iyo saad wax u rabo un lagaa yeeli lahaa lagugu dawa geli lahaa samaawaadka iyo dhulalka iyo inta dhex dooda joogaba wey fasahaadin lahaayeen.’’

Maxaa fasaadinaaya?

Hawa deena xun baa fasaadineyso wey kharibmi lahaayeen wax ma dhaqnaadeen, laakiin waxaa lagu dhaqan yahay oo maslaxa deena ilaalinaaya dan teena adduun iyo aakharaba ilaalinaaya waa inaan (Adeecno) Rasuulka Alle (scw) sharciga uu la yimid inaan raacno hal kaas ayay dan teena ku jirtaa, Allaah baa dan teena iyo maslaxa deena yaqaana inagu ma naqaano.

وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ

[٢١٦ آية البقرة سورة]

Dan tiina ma taqaanaan, maslaxa diina ma taqaanaan, xagee wanaaga ku jiraa ma taqaanaan, laakiin Ilaahay (swt) baa yaqaan, Allena idin kama qarinin waa idin sheegay. Alle (twt) haduu ogg yahay waa idin jecel yahay waa idin naxariis sanaayaa, wanaag buu idinla rabaa idin kama qarinin, waa idiin qeexay Rabbi (twt) waa idin cadeeyoo Rasuul kaana waa idin soo diray kitaab kaana waa idin soo dejiyay.

Maxaa la rabaa marka naf taada (tuhun) oo ra’yi gaaga tuhun, oo waxay naf taada kuu sheegeyso ka shaki marba haduu tii Alle uu san waafaq saneyn iyo sharci giisa, meel xun buu kugu wadaayee iska jir, taada keliya ma ehee tu kale oo cid kale kuu keentay laf teeda hadiiba Ilaahay sharci giisa uu khilaafsan yahay ha is dhihin maslaxa ayaa ku jirta maslaxada iyo danta waxay ku jirtaa meeshii Rabbi (twt) inagula taliyay.

Macnahaa isaga waa macno muhim ah oo waxaa la ina leeyahay noloshiina waa ineydaan ka gabi dhicin, maslaxa diina waa inaad garataan.

Aadaabta Shanaad

Arrinka shanaad ee ay suurada ka hadashay waxa weeye, iyadana la inagu baraarujiyay:

Dadka mu’miniinta ah ee iimaanku walaaleeyay sheydaan iyo naf baa ka dhax shaqeynaya wey isku dhacaayaan, wey is khilaafayaan waa leys qaniinayaa dagaal iyo gacan ka hadal bey gaadhi, ileyn meesha naf iyo sheydaan baa ku jira, maxaa leynaga rabaa marka xaalad daasi haday timaado;

  • laba ruux oo muslim ah haday isku dhacaan,
  • laba qabiil oo muslim ah hadey isku dhacaan,
  • laba kooxood oo muslim hadey isku dhacaan,
  • laba dawladood oo muslim hadey isku dhacaan

Maxaa leynaga rabaa qaab kee loo xaliyaa, waajibka muxuu yahay?

Allaah (twt) meesha wuxuu inoo sheegay (proses) kii iyo (ijraa’aad) kii iyo qaab kii loo xalin lahaa dhibaatooyinka imaanaya, sida isku dhaca iyo khilaafka muslimiinta dhex dooda imaanaya, waana arrin lagama maarmaan ah oo iyadaana waxa ay salka ku haysaa laba qodob oo iimaan iyo cadaalada, iyadana aayaad kaas ayaa Ilaahay (twt) kaga hadlay.

وَإِن طَائِفَتَانِ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ اقْتَتَلُوا فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا فَإِن بَغَتْ إِحْدَاهُمَا عَلَى الأُخْرَى فَقَاتِلُوا الَّتِي تَبْغِي حَتَّى تَفِيءَ إِلَى أَمْرِ اللَّهِ فَإِن فَاءَتْ فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا بِالْعَدْلِ وَأَقْسِطُوا إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ

إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ

Alle wuxuu yiri (twt):

‘’Hadii laba kooxood oo mu’miniinta kamid ah ay is laayaan dhex dooda hagaajiya (islaaxiya) dhibaatada dhex dooda taala xaliya isu soo jiida oo isku soo dhoweeya.’’

‘’ فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا ‘’

Labadii la heshiisiinaayay ee dhibaatada dhex dooda taalay la xalinaayay ee la haajinaayay haday mid kamid ah laba dooda la kari waayo oo xad gudub shaqo ka dhigato oo islaaxii iyo heshiiskii diido maxaa xal ah?

Ma gacmaha ayaan ka laabaneynaa oo faraha ayaan ka qaadeynaa oo meeshey ka dhaceysa haka dhacdo ayaan dhahaynaa? Maya.

Dhibka waa ka sii dari…

‘’ فَإِن بَغَتْ إِحْدَاهُمَا عَلَى الأُخْرَى فَقَاتِلُوا الَّتِي تَبْغِي حَتَّى تَفِيءَ إِلَى أَمْرِ اللَّهِ ‘’

Midaa falaagoowday koox daan la keri waayay qabiikaa la keri waayay ee maslaxada diiday ee heshiiska diiday ee (sulxiga) diiday midaa isugu taga la wada dagaalama ilaa ay soo noqoto oo amarka Ilaahay ay ogolaato, ilaa ay ogolaato masladii iyo heshiis kii ay ogolaato dhinac ka wada mara, halala wada dagaalamo.

Sababta maxay tahay?

Yacni waxa weeye hadii faraha laga qaado dulmi geeda ayay sii wadanee, kadibna qoladii bey isku fara xalan oo isku baaba’aayaan kadibna amaan kii baa faraha ka bixi arrintu wey sii halaabi.

Marla laba dhib hadey isku kaa qabsadaan kan fudud baa la qaataa ee in lala wada dagaalamo oo dhib kooda la soo af jaro oo la soo celiyo oo lagu soo celiyo heshiiska iyo wanaaga lagu soo celiyo ayaa waxay dhaantaa in faraha laga qaado oo gacmaha laga laabto oo ay dulmiga iyo dhibka sii wadaan. Marka haku fiirsanina ee hadii yeeli weydo oo mid iyaga kamid ah la keri waayo la dagaalama.

‘’ فَقَاتِلُوا الَّتِي تَبْغِي حَتَّى تَفِيءَ إِلَى أَمْرِ اللَّهِ ‘’

  • Qabiilooyinka kale
  • Kooxaha kale
  • Dowlada
  • Nadaamka

Ha leysugu tago taa iyada ah.

Markii lala dagaalamay oo ay culeys kii aragtay ayayba soo noqotay gacmaha ayay taagtay wey is dhiibtay war waa ogolahay heshiiska. Maxaa la sameynayaa marka, ma laga eexanayaa calaashaan dagaal baa lala galay oo sankey taagtay waa la keri waayoo dad iyo dagaal baa jiro, ma laga eexanayaa?

Haday soo laabato ha ula dhaqmina eex ha kula dhaqmina, haka eexanina ee labadaa kooxood…

‘’ فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا بِالْعَدْلِ ‘’

Cadaalad iyo si siman dhex dooda ku islaaxiya ku heshii siiya.

‘’ وَأَقْسِطُوا ‘’

Cadaaladna sameeya labadaa qolo ha u kala eexanina, labadaa nadaam ha u kala eexanina, labadaa qabiil ha u kala eexanina hadayba ogolaadaan inay heshiiyaan si walaal nimo ah, cadaalad ah sinaan ah aan eexasho lahayn arrin tooda ku dhameeya oo ku heshii siiya.

‘’ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ ‘’

Alle wuxuu jecel yahay kuwa cadaalada sameeya.

Sababta maxay tahay?

Maxaa intaas oo dhan leysugu lurayaa?

Maxaa intaa oo waqti loogu bixinayaa?

Maxaa loo gaarayaa heer lala dagaalamo xataa ama ayaga wax ka dhintaan ama qolodii la dagaalameysay wax ka dhintaan oo dhiig daato maxaa loo amrayaa?

Calashaani waxaa meesha ku jira, dad kaani waa dad mu’miniin ah, mu’miniin tuna waa walaalo…

‘’ إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ ‘’

Mu’miniintu waa walaalo dad kala maqnaan karo ma aha dad is goyn karo ma aha dad faraha laga qaadi karo ha halaagsamee iska daa ma aha iimaanka walaaleeyay baa wuxuu keenayaa kan qaldamay in la qabto, labada la heshii siinaayana in loo kala eexanin waxaa kugu kaligaya waa walaalahaa.

Yacni kaba soo qaad labada kula dhashay ee isku hooyoda iyo isku aabaha tihiin haday kala fogaadaan oo is nacaan ama dagaalamaan miyaad isku fiirsaney? Maya.

Orad iyo dadaal iyo wixii tawar taada ah sidaad isugu keeni lahayd oo reerka dhex dood dadka walaalaha ahaa u heshii siin lahayd baad galeysaa. Walaal nimada nasabka marka dhalashada waxaa ka muhiimsan walaal nimada iimaanka iyo islaam nimada.

‘’ إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ ‘’

Labadaan walaalaha ah iyo labada aad walaalaha tihiin iyaguna waa walaalahaa ee isku dhacay heshii siiya buu Alle (twt) leeyahay.

Yacni arrimaha muslimiinta iyo dadka walaalaha ah dhibaata dooda inay ku (danqiso) ayaa la doonayaa inaad ka xanuunsto ayaa la doonayaa, kuwaan isku baaba’aaya iyana waa inaad kahato, hadaad wax ka qaban karto wax ka qabato, li’ana waa jir kaaga qaar kamid ah oo dhibaato gaadheyso waaye, waa jir kaagi qaar kamid ah oo xanuun sanaayo weeye, dhaawac maayo weeye.

Sida Nabigeenuﷺ tilmaamay:

:عن سهل بن سعد الساعدي ، عن النبي – صلى الله عليه وسلم – قال
 ” إن المؤمن من أهل الإيمان بمنزلة الرأس من الجسد ، يألم المؤمن من أهل الإيمان كما يألم الجسد لما في الرأس

[رواه أحمد ، والطبراني في الكبير والأوسط ، ورجال أحمد رجال الصحيح]

Xadiiska () oo saxiixeenka ku yaala ayaa rasuulka wuxuu yiri:

‘’ Mu’minku dadka kale ee mu’miniinta ee walaalihii ah wuxuu u joogaa meesha madaxu jirka intiisa kale u joogo oo kale.’’

Mu’minku wuu xanuun sadaa dadka mu’miniinta ah dar tooda buu la xanuun sadaa sida jirka ula xanuunsado nawarka madaxa ku yaal. Madaxa haduu nawar kaa gaadho dhaawac kaa gaadho ama xanuun kaa haayo jirku ma seexanaayo, waa la rafaadayaa, waa la soo jeedayaa, waa la dhibaa toonayaa, mu’minkuna mu’miniinta kale saas oo kale buu u yahay.

Marka ugu yaraan waa inaad ka xanuun sato wixii aad ka qaban kartana ka qabo.

Mid baa iyadu sax ahayn

In aad kooxahan dulmiga iyo gardarada iyo kursiga iyo adduunyada isku haaya ama qabyaalada iyo qashinka isku leynaya, inaad mid is kala safato oo inta taageerto xataa daalimadba ha ahaatee taasi dhibaatadii un baad sii kordhisay xal ma aha.

Hiiladu waxay ku jirtaa sida Nabiga tilmaamay:

:عَنْ أَنَسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
انْصُرْ أَخَاكَ ظَالِمًا أَوْ مَظْلُومًا قَالُوا يَا رَسُولَ اللَّهِ هَذَا نَنْصُرُهُ مَظْلُومًا فَكَيْفَ نَنْصُرُهُ ظَالِمًا قَالَ تَأْخُذُ فَوْقَ يَدَيْهِ.

 [رواه البخاري]

‘’Walaal kaaga u hiili haduu gar daran yahay iyo hadii laga gar daran yahayba. Saxaabada waxay yiraahdeen Rasuul Ilaahayow hadii laga gar daran yahay hiiladiisa garanay,’’

… oo ruux laga gar daran yahay waa in la garab istaago oo kan ka gar daran laga qabto laga celiyo.

… ee waxay yiraahdeen haduu isaguba daalim yahay seen ugu heelinaa?

Isaga ayaa gar daran isaga ayaa dhibka wada kaas see loogu hiilin.

Nabiga wuxuu yiri:

‘’Dulmiga uu wado ayaad ka qaban, waad ka celin, waad ka reebi taas ayaa hiilo u ah.’’

Kan gar daran na hiila diisu waa inaad ka qabato dhibka uu wado, li’ana maslaxa diisa weeye, kan laga gar daran yahay na hiilada uu kaa mudan yahay waa inaad is garab taagto oo cidda dulmineysa aad kala safato oo aad ka qabato inta tawar taada ah, macnahaas baa marka la tilmaamayaa.

Marka inaad noqoto ruux (muslix) ah.

‘’ فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَصْلِحُوا ذَاتَ بَيْنِكُمْ ‘’

[سورة الأنفال الآية ١]

In aad noqoto:

  • ruux maslaxada ka shaqeeyo,
  • danaha muslimiinta u taagan,
  • dhibaatada dhex dooda dhacaysa xalinaayay,
  • boog tooda dhayaaya,
  • isu soo jiidaya,
  • midnimo dooda ka shaqeynaya

Waa arrin aad u sareeya weeye waa mida Nabigeenaﷺ ku tilmaamay inuu ruuxaasi la ajir yahay sidii ruux maalin oo dhan sooman habeen oo dhanna salaad u taagan.

[qaa’imu leyl, saa’imu nahaar]

Maalinna soon buu ku mashquulsan yahay, habeen kiina salaad buu ku mashquulsan yahay, ruuxaasi waxaa la mid ah ruuxa dadka islaaxiya ummada isu soo jiida, hagaajiya dhex dooda, khilaaf kooda damiya oo dhibaatada dhex dooda taala xaliya oo walaaleeya, marka ruuxaas ayaa la ajar ah.

Sidaas daraadeed dadka mu’miniinta waxaa laga rabaa intaa dhibaatada isku haysa mooyee inta kala waa inay dhibaata daasi saay u dami lahaayeen ay sameeyaan weeye, sidaasina waa mabda’ asaasi oo mushtamacii iyo siduu ku sii jiri lahaa, midnimadii seey ku sii jiri lahayd walaal nimadii iyo qaran nimadii saay ku sii jiri lahayd ayay iyaduna asaas u tahay oo macnahaasi aadaab taasi ayaa iyaduna la inoogu sheegay.

*** *** ***

Halkaan ayuu inoogu ek yahay darsigeena qeyb tiisa hore In Shaa Allah waxaa inoo xigi doono qaybta ugu dambeyso ee (Suurada al-Xujuraat) ee sidaasi ula socda, wixii qalad ah waa xageena wixii wanaag iyo khayr ah waa min cindi Allah.

Fadlan wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

Macnaha erayga la soo gaabiyay:

  • (twt) – تبارك و تعلى
  • (swt) – صبحانه و تعلى
  • (scw) – صل الله عليه وسلم
  • (rc) – رضي الله عنه

Decorative Lines

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com