Su’aal & Jawaab

Ku Saabsan Bisha Barakeysan
ee Ramadaanka

Qaybta | 1aad

Fadiilad: Sheekh Maxamed Cabdi Umul

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

bisM-2

 الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Su’aalo & Jawaabo Ku Saabsan
Bisha Barakeysan ee Ramadaanka

السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka ahay Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Waxaan halkaan ku soo gudbineynaa qayb ka mid ah taxanaha su’aalaha iyo jawaabaha oo inoo soo jeediyay fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umul (xafidahullaah) ee lagu qabto wadanka Kenya magaalada Nairobi ee ay inoo soo diyaarisay kooxda (Ixsaan Media).

Ka faa’ideysi wacan.

Su’aasha | 223

”Su’aashani waxaa inoo soo diray dad aad u fara badan, dad dalka gudda hiisa jooga iyo dibad diisa ba. Dadka su’aashaan weydiiyay ayay waxay leeyahiin (sheekh) waxaan (maqaaxi) ku leenahay [maqaayad] ku leenahay wadooyinka isku xidha magaalooyinka waaweey ee wadanka aan joogn, waxaana ina soo mara dad socoto ah oo aan soon neyn iyo dad gaala ah. Marka bisha Ramadaan ma furi karnaa maqaaxi daasi?”

Jawaabta | 223

Su’aashaas jawaab teedu waxa weeye maqaayadaha ku yaal jidadka oo magaalooyinka waaweey u dhaxeeya ee inta badan ka cunteey nayaan dadka safarka ah ama socotada ah waa la furi karaa, maalinta ramadaanka wey furnaan karaan.

Sabab tuna waxa weeyaan dad ka cunteey naya ayaa waxay u badan tihiin dad ay shareecada u ogolaatay in ay affuraan oo ay cuntada cunaan, dadka noocaas oo kale ah meeshii cuntada ka cuni lahaayeen waa loo furi karaa waana laga ganacsan karaa wax dhib ah male.

Dooda badni waxay ku jirtaa culimada badan kooda na u badan yihiin ineysan banaaneyn waa maqaayadaha magaalooyinka ku yaalaan, deegaamada ku yaala ee dadka aan musaafirka ahayn ka cunteey nayaan ama gaala ha noqdeen ama muslimiin ha noqdeen, kuwaas ayay culimad badan kooda qabaan furi taan kooda inuusan banaaneyn oo ay noqoneyso [ … ]

Allena quraanka wuxuu ku yidhi:

وَلَا تَعَاوَنُوا عَلَى الْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ

[سورة المائدة آية ٢]

Mas’aladaasi dambe marka dood baa ku jirta, laakiin hadii jidadka la maraaya safartu mareysa ay maqaayada ku taalo wax dhib ah male In Shaa Allaah.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 224

‘’Saa’il kaan wuxuu leeyahay sheekh waxaan qaataa dawo la cabbo, waxaana u qaataa xanuunka (sonkorta) hadii aan aniga oo weli cabin leygu adimo maxaan sameeyaa waa dawo biyo lagu qaso?”

Jawaabta | 224

Hadii laguugu aadaamo tabcan ma isticmaali kartid, li’ana soon kaaga waa jabayaa, hadii aad marka soomi karto daawadaa la’aan teed soon kaaga waa inaad wadato, hadaadan qatar galeynin soon kana aad wadan karto daawadaa la’aan teed soonka waad wadanee jabin meysid.

Hadiise daawa daas ka tegid deeda uu keenayo ama xanuunka oo kugu kordha ama caafimaad dib dhac ah ama qatar ba inaad gasho laga baqaayo markaas daawa daada waad isticmaali maalin kaana sidaas ayaad ku affurnaanee dibna waad ka qaleynee In Shaa Allaah.

Waa hadii ay lagama maarmaan noqoto isticmaal koodu, daawadaa isticmaal keeda oodan la’aan teeda soomi karin waaye, markaa waad isticmaali waadna affuri dibna waad ka qaleynee In Shaa Allah.

Hadii aad la’aan teed soomi karto soon kadibna habeen kii marka affurka la gaadho isticmaal daawa daada In Shaa Allaah.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 225

‘’Saa’il kaan wuxuu leeyahay sheekh waxaa hore iiga tagay ramadaan no badan, dumar waaye gabadhan waxaa horey iiga tagay ramadaan no badan oo aanan soomin mana xusuusan naayo tira dooda ee sheekh maxaa ii banaan?”

Jawaabta | 225

Waxaa waajib ah in aad isku daydo, in aad xusuusan karto maalmihii kaa tagay intay ahaayeen, maskaxda ka shaqeysii, dadaal bixi inaad xusuusan karto isku day intii mala haagu u bato ayaad markaa qaleyneysaa soon soomeysaa.

Kadibna waxaad badsan neysaa soonka sunnaha ah, macnaha (incase) hadii wax meeshaa kaaga tagaan ama soon kaaga ba wax ka qaldamaan sida Nabigaﷺ ka sugan cibaadaadka waajibka ah hadey wax is dhimaan ama qalal galo aakharo Ilaahay fadli giisa wuxuu ku kawayaa cibaadaadka sunnada ah.

Marka intaad xusuusan karto soon kadibna soonka sunnada ah badso.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 226
Hore ayaa loo qoray… Fadlan halkaan ka akhriso

Su’aasha | 227

”Sheekh gabadha uurka leh ee uu soonka ku culus yahay, ma qala ayaa laga rabaa marka dhasho mise cid kale inay affuriso ayaa u furan oo soonku waa uu ka dhacayaa?”

Jawaabta | 227

Dumarka uurka leh iyo kuwa nuujinaaya waxaa u banaan horta inay iska affuraan, waxaana macnahaa tilmaamayaa xadiiska Anas binu Maalik binu Kacbi oo Abuu Daawood iyo khayrkii wariyeen oo Nabiga yiri:

‘’Alle wuxuu ka dejiyay soonka haweenta uurka leh iyo midda nuujineysa,’’

Wey iska affuri karaan marka.

Taa la is lama diidana inay affuri karaan li’ana ilmahii ayaa u baahan wuxuu quuto ama uurka haku jiro ama naas ha nuugayo, hooyadii uur keeda lagu jiray ama naas keeda la nuugayana nafaqo ayay u baahan tahay oo la’aan teed wey dhibaatoon neey shareeca dana qawaacid deeda ay ku dhisan tahay waxa weeye (at-taysiir) fududeeyn weeye meeshii adeeg galo shareecada waa fududeeysaa.

Wey affurayaan marka.

Ha affurreen ee maxaa laga rabaa marka, hal kaas ayay culimada marka isku khilaafayaan, badan kooda culimada (jamaahiirta) seey qabaan waxay leeyahiin waxaa laga rabaa (qalo) ayaa laga rabaa.

Waxayna ugu qiyaas qaadan naayaan ruuxa xanuunsan ayay uga qiyaas qaadan nayaan ee quraanka sheegay:

وَمَن كَانَ مَرِيضًا أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ

[١٨٥ آية البقرة سورة]

Ruuxii xanuunsan nayay soo qalee lama dhihin, tani na waa nooc un xanuunka u eggee ha soo qaleyso ayay dheheen qala ayaa laga rabaa ayay u badan yihiin.

Hadii qala haasi ay karin weydo oo uu qalahu aad ugu bato, oo ay xamili weydo markaa waxaa jirto ra’yi Cabdillaahi ibnu Cabaas iyo Cabdullaahi ibnu Cumar saxaabada qaar kamid ah ka sugan, (al-Imaam Isxaaq ibnu Rahwiya) uu maray oo dhahaaya raashiin bey bixi nayaan.

Waa (Fatwo) markaasi middii soomi kari weyda oo ay ku bataan oo ay ku atkaato oo awood deeda ay ka tan badato markaa loo (fatwoon) karo weeye meel wax looga raadin karo weeye.

Laakiin asalka waxa weeye qala ayaa waajib aha.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 228

”Sheekh saa’il kaan waxa uu leeyahay marka uu imaamka taraawiixda dujin naayo kitaabka quraanka maka fiirsan karaa?”

Jawaabta | 228

Maya kama fiirsan kartid li’ana ma quraan baad baraneysaa adiga?

Ma arday quraan baran naaya ayaad tahay?

Ma sax sana.

Waxaa la rabaa in aad dhageysato qiraa’ada imaamka, (misxaf) fiirfiiri laguma dhihin, ee waxaa la yidhi:

وَإِذَا قُرِئَ الْقُرْآنُ فَاسْتَمِعُواْ لَهُ وَأَنصِتُواْ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ

[٢٠٦ آية الأعراف سورة]

‘’Quraanka marka la akhrin naayo dhageysta oo u dheg raariciya.’’

[Insaadka] waxaa la yiraahdaan wax kasta oo dheysiga kaa mashquulin naaya inaad meesha ka saarto oo aad (tarkiisiso) (attention) kaga dareen kaaga oo dhan in aad isugu geeyso dhageysiga qiraa’ada.

Xadiiska waa kii ahaa:

[wa idaa kharia fa ansituu]

… oo imaamka markuu akhrin naayo dheg raariciya dhageysta.

Arrin taasi marka waxay kaa mashquulin neysaa dhageysiga ayay kaa mashquulin neysaa.

Al sheekh ibnu Cutheymiin () wuxuu sheegay ilaa (taqriiban) shan (maxduur) oo ku jirta arrin taa iyada ah, shan qalad baa ku jiro buu yidhi.

1- Qaladka koowaad wuxuu yiri:

Ruuxa tukan naaya salaada ku jira waxa waxaa la rabaa in uu fiiriyo meesha uu ku sujuuda hayay sida culimada badan kooda qabaan xadiis kana ku tusaayo, (misxafka) marka aad fiirin neyso wuxuu kaa hor istaag gayaa ama kuu diid dayaa meeshii lagu yidhi fiiri oo meeshaad ku sujuudeysi ba ma fiirin neysidee oo meel kale ayaad fiirin neysaa, waa qodob.

2- Qodobka labaad wuxuu yidhi:

Markaad misxafka haysato labadii gacmood ee laabta hala saaro iyagana ha leys kor saaro la yidhi ayadana waad lumisay sooma aha?

Li’ana gacmahii mid baad misxaf ku haysataa ugu yaraan [saas oo kale ayaad tahay] sooma aha hadaad labadiiba ku wada qabanin, marka gacmahii leysa saaraayay sunnada ahayd na waad lumisay.

3- Qodobka saddexaad wuxuu yidhi:

Waxaa ku jira dhaq dhaqaaq fara badan oo loo baahneyn yaa, musxafka kala fur, hadana waraaq dan rog, hadan tan rog maxaa looga baahan yahay.

4- midda afaraad waxaa ku jira buu yidhi:

Ruuxa arag giisa in uu dhaq dhaqaaq badan sameeyo (xaraka) kasta iyo (safxa) kasta iyo ilaa marka dambe yacni uu is halmaamo ba, saas daraadeed culimada qaar waxay yidhaah daan:

‘’Misxafka haduu ka akhriyo ruuxa quraanka isaga oo salaad ku jira salaada waa ka bureysaa,’’ [qaar baaba qabto culimada].

5- Maxduur ka shannaad ee uu Sheekha sheegay waxa weeye:

Ruuxa waxaa ka tagayaa (tadabur) kii uu quraanka ku fiirsan lahaa, uu dhuuxi lahaa, macnaha qiraa’ada uu la socon lahaa ayaa lumaaya, oo quraanka fiirin tiisaas ayaa qaadan neysa yacni dareen kiisa iyo maskax diisa inta badan hal kaas ayay la jirtaa.

Ilaa mar marka qaar kood is hilmaama ba in uu salaad ku jiro iyo in kale.

Arrin taasi marka waxay ka hor imaan neysaa (nusuus) fara badan bey ka hor imaan neysaa, saas daraadeed waxba loogama baahna in aad misxaf qaadato imaamka qiraa’a diisa dhageyso.

Wuxuu leeyahay Sheekhu hal xaalad baa la ogol yahay oo la ogolaan karaa in aad misxafka haysato, waa hadii imaamka dadka dujin naya uusan (xaafid) ahayn quraanka xifdisan oo markaa (mamuumiinta) nin kamid ah inta gadaashiisa la yiraahdo misxafka u qabo, u toos toosi markuu gafa ba u sax.

Taas oo kale haday tahay buu leeyahay (xaajo) dan ayaa keentay buu leeyahay, laakiin hadeynaan hawshaa ahayn sida kale waa maya. Qiraa’ada imaamka dhageyso wax kale na haku mashquulin.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 229

”Qof qaad gada hadii uu dad badan affuriyo ajar maka helayaa, aniga se qof kaasi affur kiisa ma cuni karaa anoo ogg meesha uu xoolaha ka soo kasbaday.”

Jawaabta | 229

Waa laba su’aallood horta ajar maka helayaa.

Tabcan waa haday waxa uu sadaqeysan naaya ay tahay wixii qaadka ka soo baxay, markaa horta isagu ajar ka heli maayo li’ana xadiiska Nabigaﷺ muxuu ahaa?

إِنَّ اللَّهَ طَيِّبٌ لَا يَقْبَلُ إِلَّا طَيِّبًا،

[ مسلم، الترمذي، أحمد، الدارمي ]

 ‘’Ilaahay waa (tayib) waxaan tayib ahayn na ma aqbalo,’’

Xalaal na waxaan ahayn na Ilaahay ma aqbalo, xaaraan Ilaahay ma aqbalo xoolo xaaraan ah.

Xadiis kale oo ka sii (sariixsan) baa jiro oo ka ii cad oo mas’alada ku cad, waa xadiiska Abii Hurrayrah, kaa hore Abii Hurrayrah ayaa werinaaya Muslim baa soo saaray.

Kan dambe isagana Abuu Hurrayrah ayaa laga werinayaa, oo Nabigaﷺ wuxuu yidhi:

” و من جمع مالا حراماً ثم تصدق به لم يكن له فيه أجر وكان إصره عليه ”

[أخرجه الترمذي وابن ماجه وابن حبان عن أبي هريرة ]

‘’Ruuxxii xoolo xaaraam ah kulmiyo oo uruuriya oo isu keena, kadibna sadaqeeya ajar ka heli maayo xoolaha dembi goodana isaga kor kiisa waaye.’’

Marka xoolo xaaraam ah oo la bixiyay ajar lagama helo, waa qodob.

Xadiis kaan dambe ibnu Quseym ibnu Xibaan baa soo saaray Xaakim waana xadiis saxiix.

Qodobka labaad iyo su’aasha qeyb teeda labaad oo ah, aniga ak tiisa maka affuri karaa anoo ogg inay xoola haani xaaraan yihiin.

Jawaabtu waxa weeyaan:

Hadaad miskiin tahay ama faqiir tahay (haa)

Hadaadan miskiin ahayn na (maya).

Haka affurin ak tiisa

Oo maxaad u kala qaaday?

Oo Ilaahay ba soo ma kala qaadin markii xoolaha agoonta laga hadlaayay.

وَمَنْ كَانَ غَنِيًّا فَلْيَسْتَعْفِفْ وَمَنْ كَانَ فَقِيرًا فَلْيَأْكُلْ بِالْمَعْرُوفِ

(سورة النساء الآية: ٦)

Oo agoonta xoola hooda markii laga hadlaayay.

Tani na waxa weeye xoolahaa jidka xaaraanta ku yimaada, meesha (masrif) kooda sharciga lagu bixiya ba waa (masaalixda) iyo danaha guud un baa lagu bixiyaa. Xoola haasi haduu nin kaa hada ka toobad keeno ama isaga oon toban keenin ba uu yidhaahdo waan bixinayaa sheekh xaggeen ku bixiyaa, waxaan leenaha (masaaliixda caamka) ha lagu bixiyo danaha guud ha lagu bixiyo.

Danaha guud na waxaa ka mid ah masaakiinta iyo fuqarada ayaa ka mid ah.

Marka faqiirka iyo miskiinku xoolaha jidka xaaraanta ku yimid waa qaadan karaa, waa ku affuri karaa waa (intifaac) san karaa, laakiin hadaadan faqiir ahayn (qiil) uma haysatid in aad ku affurto xoolahaa xaaraanta ah.

Marka maku affuri kartid mana qaadan kartid.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 230

”Saa’ila daan waxa ay leedahay marka ay gabdhuhu Cuntada diyaari nayaan, ma dhadhamin karaan ama se ma calaalin karaan iyaga oo iska tufaaya?”

Jawaabta | 230

Soonka horta waxba yeeli meyso mar hadaadan laqin biyo aad ku luqluqatay oo kale weeye oo aad iska tuftay, marka soonka waxba yeeli meyso.

Hadii baahi timaadana wax (karaaha) ah kuma jirto sideey culimada u badan yihiin;

  • Mad-habka xanafiyada
  • Shaaficiyada
  • Xanaabillada mad-habka ak tooda ah (شيخ الاسلام ابن تيمية رحمه الله) uu dooran naayo.

Wax karaaha kuma jirto haday xaajo timaado.

Xaajadu maxay noqon kartaa?

Xaajadu waxay noqon kartaa gabdha raashiin kii bey kari neysaa, raashiika inay (test gareeyso) ayay u baahan tahay sooma aha inay yacni fiiriso raashiin kaan ma isu dheeli tiran yahay mise wax baa ka maqan, (milixdii) inay hubiso ayay u baahan tahay sooma aha?

Baahi baa jirto marka, markaas oo kale inay afka geliso oo ay dhadhamisoo iska tufto xaajo ayaa jirta, mar kaana karaaho kuma jirto oo wax dhib ah kahasho kuma jirto.

Saxaabada iyo taabiciinta qaar ka mid ah bey ka soo aroortay arrin taasi inay san wax dhib ah lahayn, Cabdillaahi ibnu Cabaas waxaa ka sugan in uu yidhi:

 ‘’Dheriga inuu ruux wax ka dhadhamiyo ama wax uun uu dhadhamiyo isaga oo sooman wax dhib ah malaha.’’

Sidoo kale Xassan al-Basri, Mujaahid ibn Jabri oo taabiciin tii kamid ahaa, a’imada madaahib tuna hal kaas ayay qaar badan mareen. Marka hadii loo baadho wax dhib ah maleh, laakiin waa inay gabdhuhu ka taxadaraan inuu san raashiin kaasi ku cararin oo uusan dhuunta gudbin, markaas soonka halis buu gelin nayaa.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 231

”Saa’il kaan wuxuu leeyahay sheekh xaas keyga ama waalid keyga soon lagu lahaa maka soomi karaa?”

Jawaabta | 231

Waad ka soomi kartaa (cala saxiix) xadiiska Caa’isha ayaa ku tusaayaa, oo nabigaﷺ yiri:

(من مات وعليه صيام صام عنه وليه)

[متفق على صحته من حديث عائشة رضي الله عنها]

Ruuxii dhinta isaga oo soon lagu leeyahay xigta diisa ayaa ka soomeyso.

Waana mad-habka (الإمام الشافعي).

Soon kaasi ama nadar ha noqdo ama soon kii waajibka ramadaan asliga ahaa ha noqdo. Labadaba waa laga soomi karaa sida daahirka xadiiska ka muuqda (الإمام الشافعي) na hal kaas ayuu maray, marka dhib maleh ka soon, waad ka soomi kartaa..

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 232

Waa su’aal isugu jirta laba su’aallood.

”Saa’il kaan wuxuu uu leeyahay sheekh qofku hadii uu maalin ramadaan xaas kiisa u galmoodo iyo hadii uu maalin ramadaan ah zino ku dhaco ma isku waajibaad baa laga rabaa mise wey kala badsan naayaan…

Ninka xaas kiisa u galmoodo maalin ramadaan se hadii uusan awoodin wax yaabaha shareecada ku waajibisay mala cafin karaa iyada oo laga dhuxul qaadan naayo ninkii arrin kaasi sameeyay ee Nabigeenu isagu wax ugu daray. Haweeneeyda se iyadana ma waajibaad kaas baa laga rabaa mise ninka keliya ayay ciqaab ku tahay?

Jawaabta | 232

Horta waa saddex su’aallood, laba ma aha saddex isa saaran weeye, marka sida ay yihiin aan u kala qaadno.

  1. Su’aasha hore ee ah ninka xaas kiisa u galmooday isaga oo sooman maalin ramadaan
  2. Iyo ninka maalin ramadaan isaga oo sooman zineystay.

Ma isku waajibaad baa?

Jawaabtu waxa weeye xagga (kaffaarada) waa isku mid, oo mid walba waxaa laga rabaa;

  1. In uu qoor xareeyo, adoon in uu xareeyo, hadey suuroobi weydo,
  2. Inuu laba bilood oo isku xigta soomo ramadaan ka dib, hadii uu kari waayo,
  3. In uu quudiyo lixdan miskiin
  4. Waxaa kaloo ka dhaxaysa, in ay soo qaleeyaan maalinka ay jabiyeen
  5. Waxaa kaloo ka dhaxaysa oo labadaba loo baahan yahay dembi bey galeenee inay toobad keenaan.

Hal meel bey marka ku kala tagayaan, dembigay galeen ee la rabo inay ka toobad keenaan baa kala culus, mid wey ka middey san yihiin soon kii ramadaan oo ay galmo ku jabiyeen dembi geeda waa isaga mid sooma aha?

Laakiin middina waa zineystay oo waxaa intaa u dheer dembigii zinada, kanina intaa lama socoto sooma aha?

Sidaas daraadeed kani waa zaani oo nusuus tii zinada ku soo aroortay iyo (aathaam) teedii iyo dembi geedii waxeedii baa saaran, inta kalena nin kaan buu la mid yahay xagga kaffaarada se isku mid waaye hal kaffaaro ayay wada gudan naayaan.

Qaybta labaad ee su’aasha waxa weeyaan:

Nin kii kaffaarada lagu yeeshay hadii uu kari waayo, kaffaaradu soo saddex ma ahayn, saddex kala dambeysa bey ahayd waxaa la yidhi;

  1. Qoor xoree, ma kari karo
  2. Laba bilood oo isku xigta soon, ma kari karo
  3. Lixdan miskiin quudi, ma kari karo, waxba ma haysto

Intaaba markuu kari waayay ma faraha ayaa laga qaadayaa mise kaffaaradii waxay noqon neysaa deyn korka ka saaran oo xilliguu awood helo uu inuu gudo laga rabo?

Labadaas ayay culimadu isu khilaafeen.

Qaar waxay yidhaahdeen kaffaaradu ka dhici meysee waxay noqon deyn qoorta ka saran oo la rabo xilliguu xoolo helo inuu guto, waana mad-habka (jumhuurtu) culimada ay u badan yihiin oo Xanafiyada iyo Maalikiyada iyo Shaaficiyada saas ayay u badan yihiin, in ay deyn tahay oo lagu leeyahay.

Qowlka labaad waxa weeyaan oo culimada mas’alada ka qabaan, marba haduu kari waayay xiligaa isaga ah kaffaaradii meesha wey ka baxaysaa, sida soonka meesha uga baxay bey quudinta iyo cunta diina iyaduna meesha ayay ka baxaysaa, waxba laguma lahaba. Li’ana tawar buu u waayay caajis tawar waayay oo awood waayay na shareecada ma kalifto.

Daliilna waxaa u ah Nabi Maxammedﷺ nin kii xadiis kaba ku yimid oo arrin tani ku dhacday, markuu kari waayay wax kasta Nabiguﷺ isaga ayaa caawiyay ba.

Oo waxay ahayd markii la yidhi, markii soon la yidhi, maba kari karo buu yidhi, laba bilood soon, ma kari karo, waa yahay waxaad sameysaa lixdan miskiin quudi oo maxaan haystaa buu yidhi oon ku quudiya.

Haduu meeshii ba xoogaa joogay Nabigaﷺ waxaa loo keenay dambiile timir ah, dambiile timir ku jirto, markaas ayuu yidhi war aaway nin kii hada su’aasha I weydin naayay?

Waa ikan rasuul Ilaahayow!

Waxaa la yidhi timir taa qaadoo kac sadaqeyso

Markaas buu wuxuu yiri:

Oo ma cid aniga iga baahi badan baan ku sadaqeysan?

Ilaahay baan ku dhaartay ee magaalada Madiina kumaba buu yidhi qoys ka baahi badan qoys keyga ma dambiishaan aniga cid iga mudan ma jirto aniga iyo reer keeyga.

Nabigaﷺ intuu muusooday oo dhoola cadeeyay buu wuxuu yidhi, waa yahay oo kac reer kaaga ku sadaqeyso.

Nin kaa isga ah marka markii uu wax walba waayay, nabiga ma dhihin waa deyn korka kaa saaran xilligaad awoodo bixi lama dhihin. Waa marka labaadee xoogaagii lagu caawiyay markii uu yidhi reer keyga ayaa u baahan na, waxaa la yidhi reer kaaga siiso baa la yidhi, wax dambana looma sii raacanin.

Sidaas daraadeed hal kaas ayay arrin taasi ku ek tahay wax deyn ah oo sii soconeysana ma jirto ayay culimada qaar kood mareen waana mad-habka Xanaabillada iyo khawl ka mid ah akhwaasha Shaaficiyada waxaana dooran naaya culimo fara badan sidaas ayaana xoog badan marka la fiiriyo xaga daliilka, daahirka waxa weeyaan nin kaa wax lagu laazimiyay ee deyn qoorta laga saaro daliil qaas ah bey u baahan tahay.

Mar hadii Nabigaﷺ saari waayay adiga maxaad u saari faraha ka qaad, taas ayaad moodaa inay mas’ada u xoog badan tahay waase khilaafiya weeye.

Su’aasha qayb teeda saddexaad oo ah haweeneeyda iyada galmada lagu sameeyay iyada oo sooman, iyadana kaffaaro ma laga rabaa mise maya.

Waan kala qaadeynaa iyadana waxaan u kala qaadeynaa

  1. Mukraha iyo
  2. Mutaawica

In la qasbay oo xoog wax lagaga qaatay, haday taas tahay kaffaaro in lagu yeesho iskaba daayee, soon keedii bey wadan kartaa oo ka qabi maayo ayay culimadu qaar ka mid ah qabaan, kaffaaro meelba iska dhig, li’ana shareeca deena (ikraaha) iyo qasabku marba hadii ruuxa la qasbo dembi maleh sooma aha?

Taasi waa haday (mukraha) tahay ninka uu qasbo oo xoog wax kaga qaado.

Xaalada labaad waa inay (mutaawica) tahay mutaawicda wey ogoshahay waaye, haa iyadaaba ogolaatay, waxaa ba dhici karto inay iyadaba hawsha bilowday waaba iska suuroobi kartaa sooma aha? Oo iyada ninka fara qaad qaadka ku bilowday waa iska dhici kartaa waa mutaawica marka raali bey tahay.

Markaa iyada ah baa leyku qilaafsan yahay kaffaaro ma lagu leeyahay mise laguma laha, hal kaas bey culimadu isku qilaafayaan.

Sida saxiixa ah ee xooga badan leh waxa weeyaan inaan waxba lagu lahayn saas ayaa xoog badan in iyada wax kaffaaro ah lagu lahayn, waa mad-habka Imaanu Shaafici (رحمه الله), Axmed ibnu Xambal baa isaguna sidaa qabaa inaan wax kaffaaro ah lagu lahayn.

Sababtuna waxa weeyaan Nabiguﷺ nin kii xaas kiisa u galmooday ee hada ka soo warameynay arrin tii markii uu nabiga ula yimid oo weydiyay rasuulka isaga un buu kaffaaro saaray isaga un baa la yidhi kaffaaro bixi, xaas kiisa lamaba soo qaadinba, yaa shaarica ma wax baa ka qarsoomay marka?

Maya waxba kama qarsoomin laakiin wixii looga aamusay baa looga aamusay, mar hadiiba shaaricii ka aamusay oo kaffaaro uusan saarin in kaffaaro la saaro daliil kale ayey u baahan tahay marka.

Waa mas’alo labaadee waa asalku waa ((براءه دمه)), asalku waxa weeye dadka inaan qoor tooda wax la saarin ((إلا بدليل)). Daliil mas’aladaa qaas ahoo cad na ma jiro, mas’ala daas na waxay u badan tahay oo u xoog badan tahay sida Imaamu Shaafici uu yidhi weeyee inaan haweeneeyda galmada ka qayb gashay ama lagu sameeyay inaan ayada kaffaro lagu lahayn, hadey xataa mutaawica tahay mas’ala daasna dhan kaas baad moodaa inay u xoog badan tahay.

(.والله أعلم).

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين 
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

هذا وبالله التوفيق

Decorative Lines

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com