Is Dul Taag Iyo U Fiirsasho
‘’ Suuradda al-Xujuraat ’’

{ سورة الحجرات }

Qaybta | 2aad

Fadiilatu:
Sheekh Maxamed Cabdi Umul

‘’Ilaahay ha Xafido’’

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com
Webblog: http://www.wajibad.wordpress.con
Email: wajibad.com

Decorative Lines

bism Allah

،الحمد لله وحده ، والصلاة والسلام على من لا نبي بعده

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka aha Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Qaybta | 2aad

Aadaabta Lixaad

Sheekha Sidaan Ayuu
Hadal Kiisa Ku Bilaabay

Macnaha sideedaad ee aayada tilmaamtay waxay tahay:

Mushtamaca markaad la dhaqmeyso dadka la mucaamalooneyso walaalahaa ah (ha yasin) ha xaqirin ha kula dhaqmin qaacida ah in uu kaa hooseeyo haku fiirinin aragti ah ama il ah;

  • in aad adigu ka sareyso
  • in aad ka fiican tahay
  • in aad ka qiimo badan tahay.

Sababtu maxay tahay?

Inaad qiimaha iyo inaad ka khayr badan tahay iyo inuu kaa khayr badan yahay hal beeg uma aha laguma miizaamo in aad ka xoolo badan tahay;

  • hal beeg uma aha in aad ka xoog badan tahay,
  • hal beeg uma aha in aad ka quruxsan tahay,
  • hal beeg in aad ka aqoon badan tahay,
  • hal beeg uma aha in aad ka sidato madaahirta iyo muuqaalada adduunka.

Laakiin hal beeg geedu waa hal beeg kale inuu kaa sito ama aad ka sitato miizaan keedu noocaa ma aha waa nooc kale waxaa la diidayaa marka dadka ha yasin, ha xaqirin, ha daraabin, hoos ha u fiirinin adiguna ha is weeyney siinin oo ha is afuufin ee qadar kaaga garo dadkana ixtiraam oo walaalahaa ah.

AA CUUDU BILLAAH

‘’ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا يَسْخَرْ قَوْمٌ مِّن قَوْمٍ ‘’

War dad kii mu’miniinta ahaayoo iimaanka waxaas ma ogolee raggiina yey ragga kale ku jees jeesin…

‘’ عَسَى أَن يَكُونُوا خَيْرًا مِّنْهُمْ ‘’

Raggaan lagu jees jeesaya oo la yasaya oo la xaqiraya waxaa laga yaabaa inuu Ilaahay ak tiisa ka khayr badan yihiin kuwa yasaaya oo ku jees jeesaya…

‘’ وَلا نِسَاء مِّن نِّسَاء ‘’

Dumarna yeey dumar kale yasin oo ay ku jees jeesin.

Sababtu maxay tahay?

‘’ أَن يَكُنَّ خَيْرًا مِّنْهُنَّ ‘’

Waxaa laga yaabaa tan aad ku jees jeeseeso oo aad yaseyso oo hoos u fiirineyso inay kaa khayr badan tahay, inay Ilaahay ak tiisa kaa fiican tahay, kaa (daaca) badan tahay, Ilaahay kaa xigto ayaa dhici karto. Marka ruux Ilaahay kaa xigo oo kaa fiican adiga maxaa ugu jees jeesi oo u xaqireysaa oo u yaseysaa?

Waa macno aan sax ahayn dadka mu’miniinta ah marka ha yasin, hadaad aragto ruux dadka yasaayo oo xaqiraayo waa (kibiraani).

Ileyn Nabigeen wuxuu yiri:

:قال عليه الصلاة والسلام
إنَّ اللَّهَ جَمِيلٌ يُحِبُّ الجَمالَ الكِبْرُ بَطَرُ الحَقِّ وَغَمْطُ النَّاسِ

‘’ الكِبْرُ بَطَرُ الحَقِّ وَغَمْطُ النَّاسِ ‘’

Kibir waxaa la yiraahdaa in aad xaqa marka uu kuu cadaado oo aad ogaatid kadib aad diido iyo inaad dadka yasto oo aad xaqirto.

Yaa ama dhalasho iyo qabiil ku, waa reera laga nasab fiican yahay, oo yaa kuu sheegay in laga nasab fiican yahay?

Yaa ku yiri waad ka fiican tahay?

Marka waxaad ka fiican tahay ma jiro, waxaad ka fiican tahay waa waxaad Ilaahay miizaan kiisa kaga fiican tahay.

  • Marka nasab iyo dhalasho dadka haku yasin,
  • inaad ka dhaqaalo roon tahay haku yasin,
  • inaad jago ka sareyso haku yasin,
  • in aad ka xoog badan tahay haku yasin,
  • in aad ka magac roon tahay haku yasin haku xaqirin dadka.

Maxaa yeelay adiguna kor baad isu qaaday dad kiina hoos baad u dhigtay, waa dambi aad u weyn.

Nabigeen wuxuu yiri:

‘’Hadeydaan dambaabi lahayn waxaan idinka baqi lahaa wax kaba weyn dembiga, maxaa dembiga ka weyn?

Wuxuu Nabigaﷺ yiri:

” العُجب ”

Is cajibinta.

Inuu ruuxu is cajabiyo dad waxaa jiro rag, dumar oo un isagu isku maqan, wuxuu san ahayn buu isku arkaa meel uu san ahayn buu isla joogaa, meel uusan gaarin buu isla joogaa, dad kii ka qiimo badnaa na waa hooseeyaa. Waa jaahil naf tiisuu xataa garaneynin wax kale iska daa, naf tiisa xataa iyo qiima heeda iyo meeshuu yaalo ayuu xataa jaahil ka yahay.

Sidaas daraadeed Ilaahay khalqigiisa ha yasin, dumarku dumar yeyna yasin, ragguna yey rag yasin, kaad yaseyso inuu kaa fiican yahay ayaa dhici karto, inuu kaa khayr badan yahay ayaa dhici kareysa.

Macnahaa waa mabda’ muhim ah weeye.

In leys yasin oo bedelka is yasida in lagu bedelo in leys ixtiraamo oo leys qadariyo.

Kadib baa Rabbi (twt) aadaabta leyna siiyay oo aan iskula dhaqmeyno dhex deena ayaa waxaa ka mid ah:

In aadan dadka ceebeeynin

‘’ وَلا تَلْمِزُوا أَنفُسَكُمْ ‘’

Yacni ruuxa walaal kaaga ah ee muslimka ah waa naf taada oo kale waaye, naf taada ceeb miyaad u ogoshahay, yaa dhaleeceyn miyaad u ogoshahay, inaad wasaqeyso miyaad u ogoshahay. Maya!

‘’ وَلا تَلْمِزُوا أَنفُسَكُمْ ‘’

Walaal kaa waa naf taada oo kale ha ceebeeynin, ha caayin, ha af lagaadeynin. Yacni waxa weeye waxa uu mudan yahay mari wanaag iyo khayr buu kaa mudan yahay.

‘’ وَلا تَنَابَزُوا بِالأَلْقَابِ ‘’

Waxaa kamid ah meel kaga dhac wax yaalaha aan la inoo ogoleyn mushtamaca dhaxdiisa in aan (naaneesta) xun isugu yeedhno, ruuxa magac wanaagsan buu leeyahay naanees xunna wuu leeyahay, naaneesta macnaha xun sheegeeysaa walaal kaa ha ugu yeedhin haku ceebin ka daa!

Qaasatan haduu kahanaayo.

‘’ بِئْسَ الاِسْمُ الْفُسُوقُ بَعْدَ الإِيمَانِ ‘’

Mu’miniin markaad noqoteen oo aad iimaan yeelateen kadib magacaan faasiq nimada ee xun inaad isugu yeedhaan waa arrin waaye, waa arrin Ilaahay miizaan kiisa ku liidato weeye. Marka dadka sida aad adiguba u jeceshahay, adiga maxaad jeceshahay?

Magacaaga fiican in lagugu yeedho, in lagu qadariyo, in lagu ixtaraamo sooma aha?

Inta aad jeceshahay ha lagaa helo.

Nabigeen wuxuu ku yiri xadiiska saxiixul muslim:

‘’Ruuxii jecel in naar laga fogeeyo janna na la geliyo, geerida ha u timaado isaga oo rumeysan Allaah iyo maalinta aakharo.’’

Kaasi waa qodob…

Qodobka kale waxa weeye:

‘’Dadka ha ula yimaado ha kula dhaqmo waxa uu jecel yahay in isaga loola yimaado oo lala dhaqmo.’’

  • Dadku waa adiga oo kale in lagu caaryo ma rabtid,
  • in lagu af lagaadeeyo ma rabtid,
  • in lagu xanto ma rabtid,
  • in lagugu xad gudbo ma rabtid,
  • in lagu yaso ma rabtid,
  • in magac xun lagugu yeedho ma rabtid.

Intaa aadan rabin dad kuna ma rabaan, dadka adiga oo kale ka soo qaad naf taada oo kale ka soo qaad (anaaniyada) iska daa.

Allaah (twt) macaani daas ayuu inoo dheegayaa, hadey hada kahor kaa dhaceen waxaa oo kale iyo dhaqan xuma daana ka soo laabo intaad (chance) ka haaysato oo ay geeridu kugu imaamin ka soo noqo oo dadkii hadii dhibaato kaa gaadhayna cafis weeydiiso, saamaxaad weeydiiso Ilaahay na u soo noqo (twt).

‘’ وَمَن لَّمْ يَتُبْ فَأُولَئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ ‘’

Baa lagu gaba gabeeyay yacni hawshaa iyada ah.

”Ruuxa aan arrin kaa ka laabanin na kaasi waa (daalim), daalim weeye Rabbi (twt) sidaas ayuu ku xukumay.”

Saas daraadeed waxaa la doonayaa ineynu noqono mushtamac, qoysas, bulsho, dhex deeda is qadarin iyo walaal nimo, isu (tanaazul) is ixtiraam, walaal kaa inuu kaa fiican yahay rumeyso, is yasid la’aan, kibir iyo isla weyna la’aan, mabaadi’daa qiimaha badan ayaa la doonayaa mushtamaca muslimka ah inuu ku dhaqmo.

Aadaabta Todobaad

Qaybtaana aad bey u taabatay suuraddu oo yacni waxa weeyaan, oo xooga iyadana saartay, waa sidii mushtamaca u noqon lahaa mushtamac dhex diisa isu fayow oo nadiif ah weeye.

Arrin taa intaa lagagama hadhinee Allaah (twt) iyadana wuxuu fogeeyay qodobo dhowr ah oo la doonayo ruuxa muslimka ah inuu iska (daahiriyo) mushtamac muslimka ahna in dhex deeda laga waayo oo leyska ilaaliyo maxay tahay?

Waa tuhmada nimada in aad dadka iska tuhunto…

  • Ehel kaaga
  • Nin kaaga
  • Ninka xaas kiisa

In aad xumaan ku tuhunto.

Dadka saaxiibadaa iyo inaad iska tuhunto un, tuhmo been ah waxaadan hubin un oo xumaan ah inaad ictiqaadiso waa qodob.

Qodobka labaad; markay tuhmo ku gasho inaad hubso is tiraahdo oo ceeb tii dadka raaraadiso, haa heblo waxaas ayaa iga soo gaaray, laakiin waa dawa galaayaa waa hubsahaa waa raadinaayaa, war yaa raadi ku yidhi?

Yaa ku yidhi ceebta dadka dawa gal oo raadi?

Marka horaba inaad tuhmo qalad qaadaa laguu diiday, hadiise tuhmo qalad ah aad ruuxa ka qaaday, hadana inaad sii dawa gasho ceeba hiisa soo raadiso laguuma ogola.

Maxaa ka dhalanaaya taa iyada ah?

Waxaa ka dhalanaaya oo iyadana qodob saddexaad ah inaad dadka xamato, inaad dadka ceeba hooda sheeg sheegto waxayna lahayn inaad dusha ka saarto iyada oo ka sii xag jigta.

Waxaas oo dhan baa la inoo diidayaa.

‘’ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا ‘’

War dad kii mu’miniinta ahoow (mar walba) u fiirso hal qabsiga leynagu yeedhayo waa (mu’miniintiiyow) maxaa yeelay waxaan iyo iimaanka waa isa diidayaan, waxaa kaleta iyada ah qalad kaan, dhaqan kan iyo iimaanka waa is diidayaan.

‘’ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا ‘’ War mu’miniintiiyow

‘’ اجْتَنِبُوا ‘’ Ka fogaada

‘’ كَثِيرًا ‘’ in badan oo

‘’ مِّنَ الظَّنِّ ‘’ Tuhmada ah

In badan oo tuhmada ka mid ah iska daaya, maxaa yeelay…

‘’ إِنَّ بَعْضَ الظَّنِّ ‘’ Tuhmada qaar keed

‘’ إِثْمٌ ‘’ Waa dembi

Xaqiiqa ma aha waa qalad waxba kama jiraan.

Waa kii Nabigeena yiri:

‘’War tuhmada iyo malaha beenta ah iska ilaaliya.’’

Maxaa yeelay been war la sheego kan ugu been badan waa inaad dadka iska tuhunto, Ilaahay (twt) ma jecla.

‘’ وَلا تَجَسَّسُوا ‘’

Ha is jaajuusina

Maxaa laga wadaa?

Dadka ceeba hooda ha dawa gelin ha raaraadinin, hadayna ku soo gaadhin ba ha raadsanin, hadey ku soo gaadha ruux ceeb tii aad ogaatana, ruux muslim ah ayaad ceeb tiisa ogaatay qari, haku sheekeynin ha faafinin astur sooma aha?

Sababta maxay tahay?

Nin kii ceeb muslimiinta dawa gala oo raac raaco uruuriya, Ilaah baa isagana ceebtii dawa gala.

Xadiis kii Nabiga siduu ahaa:

 ‘’War dadka mu’miniinta ceeb tooda iyo cawra dooda ha raaraadinina oo ha dawa gelina.’’ 

:عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ

،أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَّلَّمَ خَرَجَ يَوْمًا

 ،فَنَادَى بِصَوْتٍ أَسْمَعَ الْعَوَاتِقَ فِي الْخُدُورِ

، يَا مَعْشَرَ مَنْ أَسْلَمَ بِلِسَانِهِ ، وَلَمْ يُسْلِمْ بِقَلْبِهِ

،أَلَا لَا تُؤْذُوا الْمُؤْمِنِينَ وَلَا تَغْتَابُوهُمْ

،وَلَا تَتَبَّعُوا عَوْرَاتِهِمْ

فَإِنَّهُ مَنْ تَتَبَّعَ عَوْرَةَ أَخِيهِ الْمُسْلِمِ تَتَبَّعَ اللَّهُ عَوْرَتَهُ
وَمَنْ تَتَبَّعَ اللَّهُ عَوْرَتَهُ فَضَحَهُ فِي بَيْتِهِ

[صحيح الجامع: 7984] [أخرجه أبو داود (4880) وأحمد (4/420-421)]

Ilaahay cawra diisa waa dawa galaa ruuxu mu’miniinta iyo dad kaa Ilaahay cawra dooda raaraadiya ceeb tooda, tiisana Ilaahay baa dawa gala oo raaraadiya, haduu Alle ceeb taada dawa galana Alle waa ku (fadeexeeynayaa) xataa guri gaaga guda hiisa ba ha ahaatee soo ma aragtid?

Marka meeshaani waxa weeye waa meel halis ah weeye, waa (martac) qatar ah waaye, waxaa la doonayaa marka dad kaa ahlu iimaanka ah ceeb tooda qari, ha raadinin marka hore ba, marka hore ba tuhmada keeneyso ka fogoow, oo walaal kaa mala wanaagsan malee.

Waa kii xadiiska Nabiga ahaa:

Xadiiskii Cabdullaahi ibnu Cumar (rc) culimada qaar kood ay leeyihiin waa xassan, wuxuu leeyahay Cabdullaahi ibnu Cumar (rc) Nabigaﷺ ayaan arkay oo kacbada dhawaafaya, markaa Nabigaﷺ wuxuu leeyahay:

حَدَّثَنَا عَبْدُ اللَّهِ بْنُ عُمَرَ , قَالَ: رَأَيْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَطُوفُ بِالْكَعْبَةِ , وَيَقُولُ  مَا أَطْيَبَكِ وَأَطْيَبَ رِيحَكِ , مَا أَعْظَمَكِ وَأَعْظَمَ حُرْمَتَكِ , وَالَّذِي نَفْسُ مُحَمَّدٍ بِيَدِهِ , لَحُرْمَةُ الْمُؤْمِنِ أَعْظَمُ عِنْدَ اللَّهِ حُرْمَةً مِنْكِ مَالِهِ وَدَمِهِ وَأَنْ , نَظُنَّ بِهِ إِلَّا خَيْرًا

“ مَا أَطْيَبَكِ وَأَطْيَبَ رِيحَكِ

‘’alla udgoonidaa, alla wanaag sanidaa, udgoonidaa buu leeyahay kacbadii buu ku leeyahay…’’

‘’ مَا أَعْظَمَكِ وَأَعْظَمَ حُرْمَتَكِ ‘’

‘’alla weynidaa oo xurma daadu weyna buu leeyahay kacbaduu Nabigu ku leeyahay…’’

Markaas baa wuxuu yiri:

‘’ وَالَّذِي نَفْسُ مُحَمَّدٍ بِيَدِهِ ‘’

‘’Waxaan ku dhaartay Allaha nafta Maxammed gacan tiisa ay ku jirta…’’

‘’ لَحُرْمَةُ الْمُؤْمِنِ أَعْظَمُ عِنْدَ اللَّهِ حُرْمَةً مِنْكِ ‘’

Kacbooy, kacbada saa u weyn ee saa u udgoon ee xurmadaa leh, ruuxa mu’minka ah baa Ilaahay ak tiisa ka xurmo weyn.

Maxay tahay xurmada mu’minka?

  • Xoolahiisa
  • Dhiigiisa
  • Iyo waxaan khayr ahayn loo maleeyo

Hal kaasi weeye, waxaan khayr ahayn in loo maleeyo, walaal kaa ficil baad ku aragtay, fal baad ku aragtay, hadal baa kaa soo gaadhay dhanka qeerka u badi. Haduu boqol macno 99 faham qaldan hadaad ka qaadan karto, hal faham oo saxsan na uu ku dhex jiri karo, faham kaa saxsan u qaado dhanka wanaagsan ka qaado walaal kaa malaha u wanaaji sooma aragtid?

Laakiin mala xun iyo tuhmo iyo waxaan meesha ku jirin maya!

Hadeey ku soo gaadho sooma aha, ceeb tiisu Nabigaﷺ wuxuu yiri:

،من ستر مسلماً ستره الله في الدنيا والآخرة

[رواه مسلم]

‘’Ruux muslim ah ruuxii ceeb tiisa astura Ilaahay baa astura.’’

Marka ceeb tiisa astur haka dhiganin dhaqan.

Dad waxaa jira raadiya oo uruuriya ruuxa qaladaad kiis, dhac dhaciis, dad baaba (aafada) haysataa. Dadka caadiga ee mu’miniinta ah intey ka gudbeen bey dad kaa culimada ee ummada wax u sheega oo diinta u sheega oo Ilaahay ku xidhahaya ayay mashaqa ka dhigteen inay uruuriyaan dhac dhacooda qaladaad kooda, bani aadamka kuli qalad waa leeyahay waxaas ayuu uruurinayaa oo meel isugu geeynayaa markaas ayuu faafinaaya waa halis weeye.

War dadka mu’miinta ceeba hooda ha raaraadinina, hadii kale sooma ah adiga ayay kuu daran tahay.

Waxaa lagu xijiyay…

‘’ وَلا يَغْتَب بَّعْضُكُم بَعْضًا ‘’

Ha is xamanina

Xanta maxaa la yiraahdaa?

Nabigaﷺ ayaa qeexay.

‘’ ذكرك أخاك بما يكره ‘’

‘’Walaal kaa wuxuu kahanaayo inaad ku sheegto waa xan.’’

Ilaahay na waa diiday (twt).

Quraanka meesha uu gaarsiiyay xanta iyo tusaalaha uu ka bixiyay iyo sida uu u tusaaleeyay waa cajab badan tahay

‘’ أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَن يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ تَوَّابٌ رَّحِيمٌ ‘’

War miyaad jeceshahay walaal kaa oo meyd ah inaad hilib kiisa cunto.

  • Kow waa walaal kaa shisheeye ma aha
  • Laba ma noolee waa meyd

Walaal kaa oo meyd ah hilib kiisa inaad googoosato inaad cunto war miyaad jeceshahay?

‘’ فَكَرِهْتُمُوهُ ‘’

Kahatee.

Arrin kaa inaad kahatay shaki kuma jiro.

Mar hadaad kahateen dadka aad xamateen ee aad wax ka sheegeeysaan hilib kiisa oo aad cuneyso waaye walaal kaa oo dhintay oo meyd oo hilib kiisa googoosaneeyo oo cuneyso ayay ka dhigan tahay.

Hada ka hor baa Abuu Bakar iyo Cumar () ayaa iyada oo socoto la yahay nin adeega u ahaa ayaa seexday ninka marka hurdo weyn buu galay markaas ayay waxay yidheen war kani hurdadii guryaha marka la joogay la seexan jiray ayuu hurdaa. Kadibna markuu soo kacay waxay yidhaah deen war Nabiga bal (iidaan) noogu raadi, iidaanka waa raashiin ka waxa lagu iidaanto weeye markaas ayuu Nabiga u yimid, Nabi Allow laba daadii saaxiib Abuu Bakar iyo Cumar baa iidaan ku weeydiisanaayo.

Nabigaﷺ fariin buu dib ugu celiyay oo wuxuu ku yidhi, waxaad ku tiraahdaa waad iidaama teen.

Nin kii isaga oo gacma maran buu ku soo noqday wuxuu yiri war Nabiga wuxuu idin yidhi waad iidaama teen.

War sideen ku iidaamanay?

Waa yaabeen!

Nabigaﷺ ayay u yimaadeen oo Rasuul Ilaahayow iidaan baan ku weydiisanay, waad iidaama teen maxay tahay?

Sow walaal kiin meydaan xamanin buu yidhi.

Maxay ku dheheen?

War hurda diisu tii guryaha la seexan jiray waaye.

Maadaama walaal kiina intaa aad ku dhahdeen oo aad xamateen waad iidaama teen oo hilib kiisa baan ku iidaama teen oo iidaan idin noqday waaye.

‘’ أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَن يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ ‘’

Waa arrin la kahdoo tabciga bani aadam ku, inuu hilibka xataa cadaw giisa cuno iska daa walaal kaa, gaal kii cadowga aad la dagaalameysay dishay xataa hilib kiisa inaad cunto tabciga bani aadamka ma ogola, nafta ayaa ka boodeeysa maxaad u maleyneysaa walaal kaa hilib kiisa marka.

Aadaabta Sideeddaad

Aadaabta sideedaad ama qodobka sideedaad ee suuradda ka warantay waxa weeye:

Waa miizaan aad u qiimo badan oo cadaalad ah oo dadka lagu qiimeeyo, markaad rabto inaad ogaato dadka seey ku kala fiican yihiin, miizaan kee la saaraa?

Markaad dooneysoo dahab kani ma fiican yahay mise waa xun yahay mici yaal baa jirto lagu garto. War dad kani, ruuxani makaa fiican yahay, ma dad ruux wanaagsan baa mise waa ruux xun miizaan kee lagu gartaa?

  • Ma xoolo ayaa lagu gartaa? Maya
  • Ma inuu jago iyo kursi ku fadhiyo oo madax yahay ama wasiir yahay ayaa lagu gartaa? Maya
  • Ma inuu xoog badan yahay baa lagu gartaa? Maya
  • Ma inuu leeyahay sumcad iyo magac leeyahay baa lagu gartaa? Maya
  • Miizaanku dadka ku kala sareeyaan Ilaahay ak tiisa muxuu yahay?

Kaas ayaa la inoo sheegayaa nasab iyo dhalasho ma aha, qabyaalad iyo qabiil na ma aha.

Alle (twt) wuxuu yiri:

‘’ يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ ‘’

Waxaa la inoo sheegay hadaan bani aadam nahay hal asal baan ka soo wada jeednaa, waxaa leynaga abuuray (lab iyo dhadig) xaggooda.

  1. Hal lab ah oo aabaheena Aadam ah
  2. Iyo mid dhadig ah oo hooya deen Xaawa ah

Laba daas ayaad ka soo wada jeedaan, asal keenu waa isku mid asal iyo dhalasho marka kuma kala fiicni oo ma jiro nin meel kale laga abuuray ee dhamaan teen hal kaas ayaan ka soo wada jeednaa.

Kadib markii asal kaa mid kaa leynaga abuuray ayaan (tarannay), waan badanay.

‘’ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ ‘’

Qaramo shacbi yaal iyo qabiillooyin iyo laamo ayaa markaa la kala noday oo loo qeybsamay. Maxaa la idin qeybiyay ma in qabiil qabiil ka fiican yahay, shacab shacab ka fiican yahay miyaa? Maya

Waxaa sidaa leydanka dhigay…

‘’ لِتَعَارَفُوا ‘’

Inaad isku garataan

Ileyn hadii la batay waxaa loo bahan yahay (Identity Card) wax astaan oo lagugu garto ayaa loo bahan yahay, astaantu marka waa (abtir kaaga), keliya waxaa loogu talo galay:

  • Hebel
  • Hebla
  • Ina hebel
  • Qabiil hebel
  • Shacab hebel
  • Wadan hebel

Intaas ayaa loogu tala galay.

‘’ لِتَعَارَفُوا ‘’

Inaad isku garataan

Ma aha in aad ku kala fiican tihiin ma aha.

Intaa markii la inoo sheegay baa waxaa la dawa dhigay…

‘’ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ‘’

Hadaad rabtaan (karaamada) iyo sharafka iyo qiimaha asaga waxaa asal u ah Alle ka cabsiga ruuxu wuxuu dadka kaga fiican yahay oo kaga qiimo badan yahay ee kaga sharaf badan yahay waa Alle ka cabsiga diin tiisii iyo akhlaaq diisa waaye.

Taas ayaa ama dadka kaa fiicney siisa ama ruux liito kaa dhigta, ama (gob) kaa dhigta ama (gun) kaa dhigta ama ruux sareeya kaa dhigta ama ruux hooseeya kaa dhigta.

Nabigeenaﷺ markii la weydiiyay:

(فالحديث الأول الذي ذكره الإمام النووي (رحمه الله

في باب التقوى هو حديث أبي هريرة رضي الله تعالى عنه
قال: قيل يا رسول الله من أكرم الناس؟

،قال: أتقاهم

Rasuul Ilaahayow dadka yaa ugu karaamo iyo sharaf badan?

Nabiga wuxuu yiri:

Mid kooda ugu cabsi badan.

Dhamaan tiina aadam baa idin dhalay bal Nabigeenaﷺ wuxuu tilmaamay dadka ka raadinaaya karaama iyo sharaf ka raadinaaya uu dadka kaga sareeya nasab iyo abtir ka raadinaaya Nabigaﷺ wuxuu ku tilmaamay inuu sida (dolshaanka) oo kale yahay (xaar walwaal) oo kale aan qiimo lahayn qashinka ku dhex jiro.

Yaa hadaad mooday abtir iyo qabiil anaga ayaa ka badan iyo anaga ayaa ka sharaf badan inay meel ku gaarsiineeyso, adduun kana meel ku gaarsiin meeyso waad ku (dulloobi).

[kal juclaan aladii yudahdiu qura bi anfihii]

Sida (xaar walwaalka) ama ma ehee (dolshaanka) saxarada san kiisa ku riixa haya, kaas oo kale ayaad la qiimo tahay adduunka, wax qiimo leh ma ihid, aakharo sooma aha

‘’ فَلَا أَنسَابَ بَيْنَهُمْ يَوْمَئِذٍ وَلَا يَتَسَاءَلُونَ ‘’

[ سورة المؤمنون آية ١٠١ ]

Nasab leys weydiin maayo melena lagu tegi maayo, bal iskaba dhaafee dadka kii kuugu xigay baad maalinta ka carareysaa.

‘’ يَوْمَ يَفِرُّ الْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ – وَأُمِّهِ وَأَبِيهِ ‘’

[ سورة عبس آية ٣٥/٣٤ ]

Aabaha, hooyada, raarka aad ka dhalatay…

’ وَفَصِيلَتِهِ الَّتِي تُؤْوِيهِ ‘’

 [ سورة المعارج آية ١٣ ]

Kuli waad ka carareysaa war tar ma jiro markaas, sidaas daraadeed waa inuu miizaan keeda noqdo aan dadka ku qadarineeno oo aan ku sharfeeno…

  • War ruuxani Ilaahay ma yaqaan?
  • Aqoon tiisii diineed maxay tahay?
  • Dhaqan kiisii diineed muxuu yahay?
  • Ilaahay waajibaad kiisa ma ilaaliyaa?
  • Xaaraanta ma fogaadaa?
  • Alle maku xidhan yahay?
  • Akhlaaq ma leeyahay?
  • Dhaqan kiisu waa noocee?

Taas ayaa dadku ku kala fiican yihiin.

‘’ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ‘’

Miizaan kaa Ilaahay dejiyay oo dadka ay u tartami karaan oo nin walba dadaal hadii Ilaahay uu waafajiyo uu ku keeni karo, kaas ayaad ku kala fiican tihiin. Laakiin abtirka adigu maanan isa siinin nee!

  • Waa lagu siiyay ee see dadka kaga fiicnaan kartaa?
  • Xoolaha waa lagu siiyay sidee kaga fiicnaan kartaa?

Tartan wax dadku ay kasban karaan bey ku kala fiicnaan karaan, waana camalka iyo daacada caqiidada fiican waaye, mabda’aana waa mabda’ maanta aanu u baahan nahay waaye qaasatan hadaynu nahay mushtamaca soomaaliyeed oo qabyaaladu (aafeeysay) oo abtir ka boos kiisii laga raray uu naafeeyay oo ina bur buriyay oo dal iyo diin iyo qaran iyo magac iyo sharaf oo dhan inaga baabi’iyay, yaa daawo weeye hadeynu qaadaneyno.

Aadaabta Sagaallaad

Qodobka Sagaallaad ee suuradda iyaduna tilmaamtay waxa weeye aad muhiim ka u ah:

Ruuxa waxaa la doonayaa si kasta hadaad u dadaal badan tahay oo aad u khayr badan tahay waxaa la doonayaa hoos isu dhig (tawaadac)

 (توادع) Hoos isu dhig (is liid), naf taada tuhun, adigu is xaqir.

Laakiin meel aadan gaarsiisneyn ha is gaarsiin, meedan gaadhin (ha laacin), wixii Ilaahay kuu diray (twt) shukri giisii waajibaadka uu kaa rabay wixii lagaga baahnaa, ma aadan la imaanin wax badan baa kaa dhiman (daraja daa) ma aadan gaadhin, weli wax baa kuu dhiman orad oo dadaal.

Laakiin adiga oon meel ba gaadhin hadaad uun iska dhigto oo inaad meeshii ugu dambeysay iyo daraja fiican aad joogto waa sheeko (shaydaan) weeye.

Macnahaa waxaa lagu tilmaamay qolo waxaa jiray niman reer baadiya ah (acraab) ahaa oo soo islaamay, markey soo islaam meen oo ay diinta soo galeen kuba cusub yihiin iimaanku se qalbi gooda uusan weli ku xidideysanin ayay markii ba intay boodeen bey waxay sheegteen iimaan dhameys tiran bey sheeg teen.

Markaas ayaa lagu yidhi war iimaan dhameys tiran weli meydaan gaadhin nee, waad uun soo islaam teen, bilowgii baad joogtaan, laakiin meeshaad sheega teen maydaan gaadhin nee suga!

Iimaanka dhameys ka tiran ee qiimaha badan ee ay sheeg teen, dadka ku tilmaaman baa loo sheegay iyo siduu ku yimaada marka, war meesha ha laacin baa la yidhi.

‘’ قَالَتِ الأَعْرَابُ آمَنَّا ‘’

Kuwii reer baadiyaha ahaa waxay yiraah deen waan rumeeynay iimaan bey sheeg teen dhameys tiran, haa maxaa la yidhi:

‘’ قُل لَّمْ تُؤْمِنُوا ‘’

War waxaad sheega teen oo iimaan dhameys tiran weli meydaan gaadhin, iimaanku qalbigiina weli kuma xidideysanin.

‘’ وَلَكِن قُولُوا أَسْلَمْنَا ‘’

Waxaa se dhahdaan waan islaam nay.

Maxaa laga wadaa?

Islaam nimada iyo iimaanka markay kulmaan, islaam nimada waxaa laga wadaa (acmaashii) muuqatay ee (daahirka) ahayd ee xubnaha laga rabay waa la nimid;

  • Tukan nay
  • Soon nay
  • Salaad nay
  • Xajjin nay

Acmaashii xubnaha waa la nimid waan (ash-shahaadanay) oo carabka waa ka ash-shahaadanay.

Iimaan kuna muxuu yahay?

Macnaha waa waxa qalbiga ku jira weeye sooma aha?

War heedhah meesha aad laac deen, sheega teen iimaan kaa weli meydaan gaadhin nee ee waxaad tiraahdaan…

‘’ أَسْلَمْنَا ‘’

Meel hoose bilowga ayaad joogtaan, laakiin hal kaa aad sheega teen weli meydaan gaadhin.

‘’ وَلَمَّا يَدْخُلِ الإِيمَانُ فِي قُلُوبِكُمْ ‘’

Iimaanku weli qalbi giina kuma xidideysanin.

Tabcan waa mu’miniin oo iimaan waa soo galeen, laakiin daraja daa sare iimaanka weli meydaan gaadhin, li’ana iimaanka waa kala sareeyaa, dad kiisu waa ku kala sareeyaan iyaga oo mu’miniin wada ah, arrin kaas ayaa marka laga canaantay, waxaana lagu yidhi…

‘’ وَإِن تُطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ لا يَلِتْكُم مِّنْ أَعْمَالِكُمْ شَيْئًا ‘’

Hadaad Ilaahay iyo rasuul kiisa adeecdaan oo khayr la timaadaan, waxaad la timaadaan leydanka nusqaamin maayo, waxaad la timaadaan Ilaahay waa idin qoraayaa, laakiin meel aydaan gaadhin ha is gaadh siinina.

‘’ إِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ ‘’

Alle tabaaraka waa tacaalaa dembigana waa dhaafaa dadkana waa u naxariista.

Dadka iimaanka dhameys tiran sheegan karo waa kuwee marka?

Idinka ma ehee suga baa la yidhi meydaan gaarin hal kaa, laakiin waa kuwee?

‘’ إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ الَّذِينَ آمَنُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ ثُمَّ لَمْ يَرْتَابُوا وَجَاهَدُوا بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ أُوْلَئِكَ هُمُ الصَّادِقُونَ ‘’

Dadka mu’miniinta dhabta ah iimaanka qalbi gooda ku xidideeystay ee meesha idinku aad laaceysaan gaadhay, idinku se aydaan weli gaadhin, kuwaasi waxa weeyeen, waa dadka Allaah iyo rasuul kiisa rumeeyay, kadibna aad shakiyin oo qalbi gooda wax shaki ah uusan gelin, intaa aan ku ekaanin nee xoola hooda iyo naf tooduba jidka Ilaahay ku jihaaday.

U fiirsada, darajo ayay gaadheen, kuwaa weeye kuwa runta sheegay oo iimaan kooda ka run sheegaya, darajada iimaanka dhameys tiran leh gaadhay. Iimaan aan shaki ku jirin iyo dadaal diinta loo dadaalo sax;

  • salaadii tukaday
  • xajjiye
  • soome
  • sakadii bixiye

Intaa keliya ma aha, qalbi gooda iimaanka ku jira waa iimaan xidideestay oo aan shaki ku jirin, intaana waxay la dheer yihiin naf toodii qaaliga ahayd, iyo xoola hoodii qaaliga ahaa bey Ilaahay diin tiisa ayay u adeeji yeen sooma aragtid marka kuwaa weeye kuwa mu’miniinta iimaanka sheegan karaaya. Laakiin idinka hada un baad bilow tihiin adeer cagta dhiga baa la leeyahay.

Sidaas daraadeed macnaha aan ka faa’ideysaneeno waxa weeye meel aadan gaadhin ha is gaadh siinin sooma aha?

  • ha is amaanin
  • Ha isla weynaanin
  • Camal kaaga yuusan ku cajab gelinin

Iimaanka aad sheega neeyso uusan meel fog kula gaadhin.

Mar walba is tuhun oo waxaad isaga baqdaa (war amaad munaafiq) tahay, ileyn saxaabadii Nabiga saas ayay ahaan jireen, waa kan ninka (taabiciga) dhahaayo waxaan soo gaadhan soddon saxaabadii Nabigaﷺ kamid ah oo nin walba naf tiisa uga baqaayaa munaafaq nimo.

Marka mu’min baan ahay!

Maya u kaadi iimaanku darajada buu kala leeyahay ee meel aadan gaadhin ha is gaadh siinin mar walbana naf taad iyo camal kaaga xaqir ee hoos isu dhig, kadibna dadaalka lagaga baahan yahay la imow oo orad inaad gaadho darajaadka sare mar walbana (sacyi geeda) iyo dalaal keeda inaad ku jirto ayaa la doonayaa.

Allah (twt) arrin kaa marka jawaab adag buu ka bixiyay wuxuu yiri…

‘’ قُلْ أَتُعَلِّمُونَ اللَّهَ بِدِينِكُمْ ‘’

War ma Ilaah baad ugu warameysaan diin tiina, yaa markaad leedihiin (آمَنَّا) oo meel aydaan gaadhin laaceysaan ba Ilaahay baa diin tiini iyo iimaan kiinii iyo meesha aad gaadheen ugu warameysaan oo baraysaan miyaa, oo Alle idinma oggo miyaa.

‘’ وَاللَّهُ يَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الأَرْضِ وَاللَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ ‘’

Ilaahay waxa dhulka dhex diisa yaal, samaawaadka dhex dooda shey walba Ilaahay waa ogsoon yahay.

War meesha iimaan kaagu joogo iyo daraja daada joogto Ilaahay waa ogsoon yahay yaad u sheegeysaa? Ma Ilaahay baa baraysaa? Oo kaaga xoog ogaalsan si meel adag baa niman kaa, si adag baa loo (reddiyoo) meel baa lagaga soo hadhay.

Waxaa la mid ah dad fara badan oo naf tooda been u sheegeeyso intuu uu xoogaa yar sameeya ayaa wuxuu leeyahay (war yaa iga fiican) wallaahi jaannatul firdowsa aniga baaba iskaleh, talow ma ruuxa koowaad miyaan noqon doonaa mise ruuxa labaad!

Waxaa ba laga yaabaa inuu (faasiq) yahay oo waajibaadka Ilaahay na wax badan ka (dayacan) yihiin xumaanta iyo dunuub tana iskaba qastaba, hadan (maca daalika) isku kalsooni buu qabaa, isku kalsooni been ah buu qabaa.

Maya lama rabo taa waa dhaqanka munaafiqa.

Mu’min kana maxaa lagu yaqaanaa?

Asaga oo dadaalaya hadana inuu baqo ayaa lagu yaqaanaa, isaga oo dadaal inta ugu dambeyso la imaanayo ayuu hadan baqaayaa oo uu leeyahay war amaan raggii akhyaarta ahaa, naar inaan ka badbaado janno iskaba daa war keedee, hadaan naar ka badbaado (alleylahoo sad) weyn waaye.

Marka waxaa la doonayaa qadar kaaga Ilaahay baa garanaayo;

  • meesha aad joogto,
  • meesha aad kaga jirto khalqiga,
  • iimaan kaaga intuu gaarsiis san yahay,
  • heerka aad haadhay.

Allaah ayaa ogsoon ee wax badan baa adiga kaa qarsoon ee waxa weeye tartiib, hoos isu dhig oo dadaalka badi baa leys leeyahay, sidaas baa Rabbi (twt) inoo sheegayaa.

Aadaabta Tobannaad

Qodobka ugu dambeeya oo suuradda lagu gaba gabeeyay oo iyadana mabda’ muhim ah ayaa wuxuu yahay:

Alle (twt) wuxuu inoogu waramay wax yaabaha uu ina siiyay iyo nicam ka uu adduunka inagu siiyay midda uga qaalli san ugu fiican baa suuradda aakhir keeda la inagu xusuusiyay. Hibo Ilaahay bixiyay waxaa ugu qaallisan hibada iimaanka, hibada islaam nimada caqiida toosan diin iyo dhaaca Ilaahay inuu ku siiyo, wax ka qaalisan oo ka qiimo badan ma jiro.

Iyaduna waxay ku imaaneysaa, niman baa soo islaamay markay diinta soo galeen islaam nimadii iyo iimaan kii ay qaateen baa waxay ka dhigeen sidii iyaga oo Nabigaﷺ abaal u galay oo kale.

  • waan rumeynay
  • waan ku raacnay
  • waan ku xoojinay
  • waan ku garab istaagnay,
  • xoolaha naga baan ku bixinay,
  • kan ayaan sameynay.

War seed wax leedihiin?

Iyagana waa la edbiyay oo Rabbi wuxuu leeyahay (twt):

‘’ يَمُنُّونَ عَلَيْكَ أَنْ أَسْلَمُوا ‘’

Nabi Maxammadoow ma waxay kugu galadeeysan naayaan, oo ay abaal kaaga dhigan naayaan ay kuu galeen inay islaameen?

War hadaad islaamtay oo diin soo gashay ma cid baad abaal ku leedahay, yaa?

Mise adaa abaal lagugu leeyahay?

Adiga ayaa abaal lagugu leeyahay!

Intay arrin tii bedeleen baa waxay ka dhigeen Nabi Maxammad baan abaal u galnay.

Alle wuxuu yiri (twt):

‘’ قُل لّا تَمُنُّوا عَلَيَّ إِسْلامَكُم ‘’

Waxaad ku tiraahdaa, islaam nimadiina aad islaam teen aniga ha igu galadeeysanina, waxba aniga meydaan ii tarin, aniga galad iguma lihidiin, gacan na iguma lihidiin, wax tar aniga aad ii geesa teena ma aha islaam nimada iyo diinta aad qaada teen.

‘’ بَلِ اللَّهُ يَمُنُّ عَلَيْكُمْ أَنْ هَدَاكُمْ لِلإِيمَانِ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ ‘’

Allaah se kor kiina galad ku leh oo nicmo iyo gacan ku leh inuu idinku hanuuniyay iimaanka darteed.

War malaayiin taa gaalada ah ee jaahilliinta ah ee naarta gelaya ee (khaatum) xumada ku dhimanaaya ee noloshooda iyo addun kooda fasaad san, Ilaahay intuu kaa soo dhex saaray oo kaa xushay oo kaa doortay, inuu Ilaahay (twt) wuxuu bixiyo waxa ugu qaalli sanaa ku siiyo soo galad maaha?

Yaad marka adiga galad ku sheega neysaa waaye?

Dad badan oo noocaas baa iska jiro oo diinta islaam kaba uga jiraba, mooda hayaba inuu dad kaleete wax ugu tara haayo, markaasaa laga yaabaa in uu ku yiraahdo war adeero diinta, baanu ku jirnaayee maad wax nagu siisaan, hadii kale waan isaga tageena ba.

War hadaad isaga tagto yaa kaaga dawa xun adiga, diinta aad ku jirto iyo qeer kaan iyo dhaaca daan yaad wax ugu taraysaa, soo adiga un ma ahan?

Allaah (twt) baa galad daa ku siiyay;

  • Abaal
  • Nicmo
  • Wanaag

Khayr Ilaahay ku siiyay waaye.

‘’ بَلِ اللَّهُ يَمُنُّ عَلَيْكُمْ أَنْ هَدَاكُمْ لِلإِيمَانِ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ ‘’

Sidaas daraadeed waa inaad mar walba Ilaahay (twt) qiimaha uu ku siiyay diinta uu ku siiyay, islaam nimada uu ku siiyay ee hibada Rabbi ee qaaliga ah ee nagu qaas yeelay (twt) inaan qiimahaa Rabbi u qirno waaye, nimca daa inaan Rabbi u ictiraafno waaye, inaan ugu mahad celino waaye.

Isaga ayaa leh (twt) oo Rabbi (twt) intaas oo maqluuqaad kiisa kamid ah wuxuu san siinin buu adiga kuu hibeeyay kugu qaas yeelay, taa iyada ah marka Ilaahay baa iskaleh ee ma aha inaad cid kale adigu ugu daneeysay oo abaal aad cid kale ku leedahay ma aha.

Nabigeenﷺ markii (ansaari) wax tirsatay, oo nabigaﷺ uu qaab wax u qaybiyay maalin tii (Xuneyn) xoola hii gaalad laga qabsaday qaab kuu u qaybiyay nabigaﷺ ayaa niman dhalin yaro oo reer ansaari ahaa xoogaa wax ka tirsaday.

Markaasuu Nabiga yiri:

Ansaar ha la ii uruuriyo, guri isugu taga meel isugu taga cid aan idinka ahayna yey san idinla joogin, ansaar markaas ayuu nabigaﷺ u tagi, markaas ayuu nabigaﷺ wuxuu ku yiri:

‘’ ” يَا مَعْشَرَ الْأَنْصَارِ ، أَلَمْ أَجِدْكُمْ ضُلَّالًا فَهَدَاكُمُ اللَّهُ بِي ، ‘’

War idinka oo lunsan sooma idin imaanin oo Ilaahay sabab teyda idin kuma hanuunin, mar kasta oo nabiga sidaa yidhaahdo waxay yiraahdaan

 ‘’ اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَمَنُّ ‘’

Ilaahay iyo rasuul kiisa ayaa dusha nada galad ku leh.

War idinka oo (ceedh) sooma idin imaanin oo Ilaahay sabab teyda dad (aghniyaa) idin kama dhigin.

‘’ اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَمَنُّ ‘’

Ilaahay iyo rasuul kiisa ayaa dusha nada galad ku leh.

War anaga ayaa galad nagula leeyahay, anaga ayaa shukri la inaga rabaa, aniga ayaa la inaga rabaa nicmada intaan qiima heeda iyo qadar keeda garano, inaan ciddii ina siisay oo Allaah (twt) uga mahad celino, Nabi Maxammedﷺ oo sabab ahaana, in aynu isagana una mahad celino mahad uu mudan yahay (scw) kuna ixtiraamno kuna qadarino rasuul keena (scw) Allahii ina siiyay ku jeclaano, rasuul keena sababta u ahaana ku jeclaano, inaga ayaa marka galad la inagu leeyahay, shukri ne la inaga rabaa, diin tana iyo islaam nimadana inaan qadarino la inaga rabaa.

Hadaan nicmada rabbi qadarin weyno, oon qiima heedu garan weyno Allaah (twt) marka waa inaga qaadan naayoo ma istaahilno markaa, ma istaahishid nicma dii hadaad ba qadar keeda garan weydo oo islaam nimada qiima heeda garan weydo ma istaahishid waa lagaa qaadi marka, qalbiga iyo adiga toona ma istaahishid in iimaanka laguu daayo marka, banaanka ayaa laguu tuuri ama (kaniisad) gal ama diin la’aan ku nooloow ama waxaad doono noqo adeer wanaagan ma istaahishid ee banaanka ka mar.

‘’ لَئِنْ شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ ۖ وَلَئِنْ كَفَرْتُمْ إِنَّ عَذَابِي لَشَدِيدٌ ‘’ 

[ سورة إبراهيم آية ٧ ]

Nicmada hadaadan ka shukrinin waa lagaa qaadi li’ana ma istaahishid ehel uma tihid, sidaas daraadeed Alle (twt) aadaab taas ayuu (Suurada al-Xujuraat) ayuu si gaaban ayuu rabbi (twt) nagu baray waa aadaab mar u noqoneysa naf teena.

Mar una noqoneysa qaab kaan Rabbi ula dhaqmi lahayn, mar u laabaneyso sidii nabigeenaﷺ ula dhaqmi lahayn.

Mar u laabaneyso sidaynu warka iyo axaadiista iyo ina soo gaadheyso ula dhaqmi lahayn, marna ka hadleysa dadka Ilaahay (twt) wixii uu inoo soo dejiyay oo Nabi Maxammed inoo keenay (scw) in ay ka fiican tahay hawa deenu iyo naf teenu waxa inoo sheegeeyso.

Mar waxaa la ina barayaa (qawaacidii) iyo asaas kii aynu kula dhaqmi lahayn mu’miniinta khilaaf kooda.

Mar waxaa la ina baraayaa inaga dhex deena sidii isu qadarin lahayn oo isu ixtiraami lahayn oon isaga ilaali lahayn wixii walaal kaaga dhaawacaaya ama yacni waxa weeye ee dhib u geesanaaya.

Mar waxaa la inagala hadlaayaa asalka loo baahan yahay ineynu ku miizaano kala fiicnaanta, keenee fiican, keenee hooseeya, keenee sareeya.

Mar waxaa la inaga hadlaayaa iimaanka iyo kala sareeynta iyada ah, xataa hadii Ilaahay ku siiyo ha is qaad qaadin ee tartiib taada.

Mar waxaa la inagala hadlaayaa mabda’aan qiimaha badan oo Ilaahay ina siiyay iyo sidii uu qaaliga u yahay.

Suuraddu marka (macaani iyo qawaacid) aad u qiimo badan iyo aadaab taasi nolosheena loo baahan yahay in ku soo rogno, oo aynu ku dhaqano ayay k hadleysaa, waana macaani aad iyo aad u sareeya.

Mu’miniin tii markay qaateen xiligii nabigaﷺ noolee iyo gadaasheeda ba aad bey u (karaamooween) oo sharaf iyo qiimo u yeesheen adduun iyo aakharo, maantana muslimiinta iyo mushtamacaadka muslimka ah teey ku qiimoowi karaan waa dhaqanka noocaas iyo akhlaaqda noocaas ee quraanka jideyn naaayo, rasuulﷺ kana la yimid inaynu nolosheena raacno oo aynu qaadano.

Allaah (twt) suuraddu wuxuu ku gaba gabeeyay, waa leydanka war hayaa wax Ilaahay ka qarsoon na ma jiro.

‘’ إِنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ غَيْبَ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ وَاللَّهُ بَصِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ ‘’

Wax kasta oo qarsoon dhulka iyo samada dhex deeda yaala, Ilaahay kama qarsoona ee waa la socdaa, Allana waxaad sameeyneysaan waa idin arkaa.

Aadaab taa la soo jideeyay iyo wanaag gaasi ciddii qaadatay oo abaal wanaagsan lehne waa arkaa, aadaabta iyo dhaqan kaa wanaagsan cidda garab martay oo abaal xun mudan doontana Alle waa arkaa, la socosha haa iyo oggaasha haa Rabbi na abaal kiisa waxaad goosan doontaan adduun kana soo hor marta ayaa dhici karta, maalin loogu tala galay na waa jirtaa oo abaal kaas la qaadan doono.

Nin walba wuxuu sameeyay iyo jidka uu maray ayuu mira hiisa goosan doonaa.

Is hagaajiya oo inta aad nooshahiin is dawa qabta oo Ilaahay (twt) sharci giisa iyo amar kiisa qaata haka hor marina hana garab marin ee raaca oo dawa gala, taas ayaa adduun iyo aakharo liibaan ku gaadheysaan.

Macaani daas ayay suuraddu asaasi yaadka waaweey ee ka hadleysa iyo aadaabta qiimaha badan taa iyada ah weeye.

Ilaahay ha ina waafajiyo (twt) hana inaga dhigo kuwa ku camal fala oo qaata oo ku karaamoowa Alle ha inaga dhigo, jaahili yaadka iyo dhaqamada qaldan iyo aadaabta khilaafsan Ilaahay (twt) ha inaga xifdiyo inta ku jirtana Ilaahay (twt) haka saaro, Ilaahay na (twt) khaatumo wanaagsan iyo iimaan iyo islaam nimo dhaqan wanaagsan iyo akhlaaq wanaagsan Alle ha inagu dilo.

Allaah (twt) kuwa abaal gud ka wanaagsan qaata oo Ilaahay janna diisa iyo naxariis tiisa hela (rida hiisa) hela wajigiisa daawada Alle ha inagu daro, cadaab kiisa iyo cadhadiisa Alle ha inaga badbaadiyo.

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

هذا وبالله التوفيق

Wa salalaahumaa calaa nabiiyanaa Muxammad wacaa aalihii waxbihii wa salam.

*** *** ***

Hal kaan ayuu inagu dhamaaay labadii qaybood dersigeena ku saabsanaa Is Dul Taag Iyo U Fiirsasho – Suuradda al-Xujuraat oo aad inagu baraarujisay sida aan ku toosin lahay akhlaaq deena diinee iyo aadaab teeda.

Waxaa mahad leh Allaah (twt) oo inoo fududeeyay dersigaan qiimaha badan oo inoo soo jeediyay sheekheena aanu jecel nahay Sheekh Maxamed Cabdi Umul (Ilaahay ha xafido).

Fadlan wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

Macnaha erayga la soo gaabiyay:

  • (twt) – تبارك و تعلى
  • (swt) – صبحانه و تعلى
  • (scw) – صل الله عليه وسلم
  • (rc) – رضي الله عنه

Decorative Lines

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com