Su’aal & Jawaab

Ku Saabsan Bisha Barakeysan
ee Ramadaanka

Qaybta | 2aad

Fadiilad: Sheekh Maxamed Cabdi Umul

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

bisM-2

 الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Su’aalo & Jawaabo Ku Saabsan
Bisha Barakeysan ee Ramadaanka

السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka aha Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Waxaan halkaan ku soo gudbineynaa qayb ka mid ah taxanaha su’aalaha iyo jawaabaha oo inoo soo jeediyay fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umul (xafidahullaah) ee lagu qabto wadanka Kenya magaalada Nairobi ee ay inoo soo diyaarisay kooxda (Ixsaan Media).

Ka faa’ideysi wacan.

Su’aasha | 233

”Saa’il kaan wuxuu leeyahay Sheekh. Hadii maalin ramadaan ah qof la dagaalamo, weliba dagaalka ka hor aad isu caayno soon keygu ma jawayaa?”

Jawaabta | 233

Soon horta maxaa la yiraahdaa waa?

Soonka saxda ah ee sharciga ah waa midkuu Nabigaﷺ sheegay:

 :عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ ، قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ

لَيْسَ الصِّيَامُ مِنَ الأَكْلِ وَالشُّرْبِ ، إِنَّمَا الصِّيَامُ مِنَ اللَّغْوِ وَالرَّفَثِ ، فَإِنْ سَابَّكَ أَحَدٌ أَوْ جَهِلَ عَلَيْكَ ، فَلْتَقُلْ : إِنِّي صَائِمٌ ، إِنِّي صَائِمٌ

Soonku ma aha in aad iska deeyso cuntada iyo cabitaanka,

‘’ إِنَّمَا الصِّيَامُ مِنَ اللَّغْوِ وَالرَّفَثِ ‘’

Soon waxaa la yiraahdaa af xumada iyo dhaqan xumada inaad iska deeyso ayaa soon la yiraahdaa.

Sidaas daraadeed addoo sooman inaad caay tanto waa qalad, hadii lagula dagaalamo, lagula caay tamo, lagugu bilaawo, lagu gar dareeysto haka jawaabin, waxaad tiraahdaa waan sooman nahay

Nabigeenﷺ ayaa sidaa yidhi axaadiith fara badan na wey ku sugan tahay mas’alada oo waxaa ka mid ah xadiith saxiixeynka ku yimid xadiithka Abii Hurrayrah oo Nabiguﷺ yidhi:

 :قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ

 ‘’ إِذَا كَانَ يَوْمُ صَوْمِ أَحَدِكُمْ ‘’

Markuu ahaado maalinka uu midkiin sooman yahay,

‘’ فَلا يَرْفُثْ ، وَلا يَجْهَلْ ‘’

Af xumo yuusan ku kicin, dhaqan xuma na yuusan ku kicin.

‘’ فإن امرؤ قاتله أو شاتمه ،
فليقل: إني صائم ، إني صائم ‘’

Hadii uu ruux la caay tamo ama uu la dagaalamo ha yidhaahdo,

‘’War waan sooman nahay, waan sooman nahay’’.

Marka aadan sooman neyn cidda ku cayda ama kugu xad gudubta ama xumaan kugu sameysa intuu ku yidhi in la ek baad ku sameyn kartaa sooma ah?

In aad ka siyaadiso ayaan la ogoleyn, inaad ka fiicnaato ood iska deysana wey ka sii fiican tahay laakiin […]

Wey banaan tahay markaadan sooman neyn, laakiin markaad sooman tahay, ruuxa ku caayay ee kugu xad gudbay uma jawaabi kartid waa inaad soon kaaga ilaashato waaye. Hadaad ilaashan weydo oo caay tanto, oo dagaalanto sida nin kaani sheegayo oo kale maxaa dhacaaya?

Waxaa dhacaaya soon kaagii ayaad ajar kiisii ama waayi ama qaar kamid ah baa waayi.

Sida loo badan yahay soonka ma burin oo soo qalee hada lagu dhihi maayo, laakiin waxa laga hadlaaya waa ajar kaad ka heli lahayd… yaa wax intee la ek baad ka heli doontaa mise waxba ka heli meysid.

Waana tan Nabiguﷺ tilmaamaya marka uu leeyahay:

 :قال رسول الله صلى الله عليه وسلم 
((مَنْ لَمْ يَدَعْ قَوْلَ الزُّورِ وَالْعَمَلَ بِهِ ، فَلَيْسَ لِلَّهِ حَاجَةٌ فِي أَنْ يَدَعَ طَعَامَهُ وَشَرَابَهُ ))

‘’ مَنْ لَمْ يَدَعْ قَوْلَ الزُّورِ وَالْعَمَلَ بِهِ ‘’

Beenta iyo hadal xumada iyo af xumada iyo dhaqan xumada ruuxaan isaga tagin,

Ilaahay (twt) waxba ku fali maayo xaajo iyo dan na kama laha inuu oomo oo gaajoodo.

Soon kaagu marka waa soon aan (nuxur) lahayn, ajar na ka heli meysid.

Mas’alada waa bura hayaa iyo ma bura haayo iyo hala soo qaleeyo, mas’ala kale waaye, laakiin meeshaan waxaa ka muuqata soon kaaga qatar buu galay.

Raasa maal kaaga marka ilaasho oo ha caay tamin hana dagaalamin isaga carar.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 234

”Saa’il kaan waxa uu leeyahay Sheekh (bankiga) ayaa waxaa ii taal lacag hal malyan oo (Kenya Money) ah hadii aan doonayo inaan lacag taasi ka zakeeyo ma inta marka hore dollar u bedelo ayaan sidaas ugu zakeynayaa mise lacag Kenya ah waan ku bixin karaa, qaab kee se lacag taasi u bixin nayaa?”

Jawaabta | 234

”Waxba ugama baahnid inaad dollar u bedesho iyada oo shillin keeda ah baad ka zakeynee.”

Halka malyan waxaa ka baxaayaa 2.5 cent oo ah 25 kun oo shillin, intaas ayaad ka bixin neysaa, lacag taad haysato hadey dollar tahay na dollar baad ku zakeyn hadey shillin tahay na shillin baad ku zakeyn, hadey (riyal) tahay na riyal baad ku zakeyn kolba nooca aad haysato bey zakadu kaaga baxaysaa, laakiin inaad dollar u bedesho looma baahna.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 235

‘’Saa’il kaan waxa uu leeyahay, waxaan leenahay Company gawaarida ka ganac sada ilaa iyo tobon gaari oo kiiba uu tobon kun oo dollar ku qiimeysan yahay baa inoo shaqeeya, lacagta (cash) ka ah inta badan isma soo gaarto waxaa laga yaabaa gaariga in la gado, lacag tiisana mid kale lagu gado marka hanti daas sideen uga zakeynaa?’’

Jawaabta | 235

Hantida inta badan aan laf ahaan teedu iib u oolin, laakiin wixii ka soo baxa la intifaac sado waxaa loo yaqaanaa (mustaqalaat) baa la yiraahdaa (المستغلات) mathalan;

  • waa warshad laf ahaan teeda iib ma aha laakiin wax baa ka soo baxa,
  • waa baawuur kireysan wax baa ka soo baxa,
  • waa guryo kireysan, wax baa ka soo baxa,
  • waa isbitaal wax baa ka soo baxa.

Laakiin laf ahaan tooda iib uma yaalaan (المستغلات) baa leysku dhahaa wax yaalahaas oo dhan, zaka doodana sida ay culimada badan kood qabaan (سلفن و قلفن) a’imadii afarta ahaa culimadii ka horeysay, culimada maanta joogta iyo (جماهير) tooda seey qabaan waxa weeyaan:

Hantida noocaas ah lafa heeda zako kuma waajibto,

  • Warshada laf ahaan teeda
  • Baabwuurta laf ahaan tooda
  • Guryaha laf ahaan tooda

Zako kuma waajibto, li’ana waqtigii Nabiga wey jiri jireen wax yaalaha la kireeyo sooma ah, wax yaalo la kireeyo oo wax ka soo baxaan, xoolaa la kireyn jiray wax yaalahaa la kireyn jiray wax laga heli jiray iyaga laf ahaan tooda Nabigaﷺ zako kuma waajibinin.

Laakiin zako waxaa lagu waajibiyay wixii ka soo baxa laba shardi markuu buuxiyo:

Shardiga koowaad waa inuu dhigmo oo sannad u soo wareego

Shardiga labaad na waa inuu gaadho kii iyo qadar kii (nisaab) ku waajibeysan.

Haduusan sannad u soo wareegin oo wixii ka soo baxaba (dabkaa) la saaraa, bil kastaba markuu soo baxo waa la biishaa waa la isticmaalaa. Sannad kii markuu soo wareegay wax u yaalaba maleh oo (cash) ah, zako laguma leh.

Waxaa la mid ah wixii soo baxaba waxaa la geliyaa baawuur baa la geliyaa, baawuur kale ayaa lagu gadaa, sannad kii markii la gaadhay waxba lama hayaba, baawuur un baa meesha taag taagan laakiin wax (cash) ah kambaniga ma haysto iyadana zako laguma leh (cala saxiix).

Laakiin shardi waa iney sidaa u sameynin zako ka carar, qaar baa jiro ma ogg tahay ileyn shareecada bani aadamka ayay taqaanaa qaar baa jiraba zako yaan la’ idinka qaadin qabiil nimadu meeshay ka gashay.

Zako yaan leydanka qaadin bey waxba u dhiganeynin, wixii soo galaba baawuur kale gelin ee zakada ka carar, hadey zako ka carar ku gasho markaa lafahaaga ayaa la geli sooma aha? […]

‘’ المعامل نقيد القصده ‘’ baa la yidhaahdaa

Marka hadaad zako ka carar iyo laalaab gasho ganaax weyn baa markaa ku saarmi doono oo kugu soo socdo, marka daacad ka ahow mas’aladaa iyada ah, hadaad daacad ka tahay dib ah male In Shaa Allaahu Tacaalaa mas’alada waa sidaa.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 236

‘’Saa’il kaan sheekh waxa uu leeyahay yaa fadli badan insiga iyo jinniga sidoo kale insiga iyo malaa’ikta?”

Jawaabta | 236

Waxay ka mid tahay masaa’isha ay culimada yiraahdaan waa (من فضول العلم) bey ka mid tahay cilmiga qeybo waxaa jira (فضول) ah baa jira, faduulka waa cilmi iska ziyaada ah laakiin wax camal ah oo ka dhalanaaya ma jiro sooma aha?

Hadaa hada ogaato malaa’ikta ayaa fadli badan ama aadamaha ayaa fadli badan ama jinn baa fadli badan maxay kuu kordhisay?

Wax camal kama dhalanin Allahuma nooc ictiqaad ma aqaan!

Marka saa ay tahay culimada waa ka doodeen, horta jinnka iyaga meel dhig, jinnku dooda geli maayaan. Basharka oo dhan oo is wata oo faasiq qiisa iyo gaal kiisa iyo munaafaq qiisa iyo mu’min kiisa watana, malaa’ik lama tartami karaan iyadana meel dhig.

Waxa la tartan siiyay oo culimada ka hadlaan waxa weeyaan;

[saalixu al mu’miniin] ama [al mudiiciina min ummatu Muxammad] ama [mudiiciin min ahlil iimaan]  Iyo malaa’ikta.

Dadka wanaagsan ee aadamaha ah ama dadka Ilaahay adeeca ee rumeysay ee mu’miniinta ah iyo malaa’ikta kee baa fadli badan dooda hal kaas ayay geli kartaa, waana mas’ala horey looga dooday oo culimada ay aad uga doodeen.

(شيخ الإسلام ابن تيمية)

Baxthi dheer buu ka qoray oo dhinacyaha dooddoodii iyo adilada ku uruuriyay uu (niqaashay) (qulaasa) kama dambeyn ah oo mas’alada ka gaadhay ciddii u baahan (مجموع فتاوى) mujalladka afaraad bey risaala daasi ku jirtaa waa risaala qiimo badan uu mas’aladaa kaga hadlay.

Qulasa deeda qaar ka mid ah hadaan soo qaadano mas’aladaas wuxuu tilmaamay horta (salaf) kii baa ka hadlay (ridwaanu Allaahi caleyhim) waxayna tilmaamayaan bani aadamka saalixiin tiisu iyo mu’miniin tiisu (fil jumla) duuduub ahaan wey ka fadli badan yihiin, malaa’ikta duuduub ahaan.

Waxaan ka hadleyno waa [tafdiil ijmaali] ah waa duuduub, laakiin marka la yidhaahdo mid mid, [tafaashiisaa] ma geli karno sooma aha?

Hadii la yiraahdo malaa’ikta mid mid iyo bani aadamka mid mid ha leysugu aadiyo taa wax laga jawaabi karo ma aha.

  • Qeyb malaa’ikta ka mid ah wey ka fadli badan tahay qaar bani aadamka ka mid ah,
  • Qaar bani aadamka ka mid ah malaa’ikta waa ka fadli banaan kartaa

Tafaashiisaa hoose ma aha laakiin si duuduuban, marka mid walba duuduub kiisa la fiiriyo kee baa fadli badan.

Wuxuu leeyahay marka a’imadii salafka (ridwaanu Allaahi caleyhim) oo mas’alada ka hadlay waxay qabaan in ay mu’miniinta aadamaha ka fadli badan yihiin malaa’ikta. Cabdullaahi ibn Camr ibn Caas buu (atharka) keenay uu leeyahay waa  sugan yahay.

Cabdullaahi (rc) wuxuu leeyahay:

:قد ثبت عن عبد الله بن عمرو انه قال

ان الملائكة قالت يارب جعلت بنى آدم يأكلون فى الدنيا ويشربون ويتمتعون
فاجعل لنا الآخرة كما جعلت لهم الدنيا

Malaa’iktii baa Alle waxay ku yidhaahdeen rabbiyow!

Bani aadamka adduunyada ayaad siisay wey cunayaan wey cabaayaan wey raaxeeysan naayaan, yaa! Anaga aakharo na sii!

Hadaan malaa’iktii nahay kuwaan adduunyo ayaad siisayee!

Markaas ayaa Alle wuxuu yiri (twt):

‘’ قال لا افعل ‘’

Ma yeelayo.

Wey ku celiyeen, hadana Rabbi wuxuu yidhi ma yeelayo, hadan wey ku celiyeen laba goor saddex goor.

Markaasuu wuxuu yidhi Rabbi (twt):

فقال وعزتى لا اجعل صالح ذرية من خلقت بيدى كمن قلت له كن فكان

Cizadeyda baan ku dhaartay yee cid aan laba deyda gacmood ku abuuray caruur tiisa ka dhigi maayo sida cid aan ku abuuray oo kale kalima deyda, (كن) oo markaa sidaa ku ahaaday.

Aadam maxaa lagu abuuray?

  • Aadam Ilaahay wuxuu ku abuuray laba diisa gacmood buu ku abuuray sooma aha?
  • Malaa’ik tana waxa lagu abuuray sida khalaa’iqda kale kalimada Ilaahay ee (كن) ah baa lagu abuuray.

Alle marka wuxuu leeyahay aadam oon gacan teyda ku abuuray caruur tiisa intii wanaag saneyd ka mid dhigi maayo sida idinka oo kale malaa’ikta ah oo aan (كن) idinku abuuray kalima deyda aan idinku abuuray macnaha.

Meeshaa marka waxaa ka muuqata, saalixiinta aadam dhalay ee bani aadamka ah inay malaa’ikta ka fadli badan yihiin.

Athar kaa waxaa weriyay Cuthmaan ibnu Saciid ibnu Daarimi, Cabdullaahi bin Axmad ayaa isagana sunanka ku weriyay.

ذكره عثمان بن سعيد الدارمى ورواه عبد الله بن
احمد فى كتاب السنن عن النبى صلى الله عليه و سلم مرسلا

Athar kale buu keenay oo Cabdullaahi bin Salaam laga werinaaya.

Cabdullaahi binu Salaam baa dhahaayo waa saxaabigii Israa’iiliga ahaa asal kiisu Yahuudiga ahaa.

Cabdullaahi wuxuu yidhi:

‘’ ما خلق الله خلقا اكرم عليه من محمد  ‘’

Ilaahay ma abuurin buu yidhi maqluuq ka karaama badan oo ak tiisa kaga sharaf badan Nabi Muxammadﷺ.

Markaas ayaa Cabdullaahi waxaa la yidhi:

‘’ فقيل له ولا جبريل ولا ميكائيل ‘’

Max xataa Jibriil iyo Miikaa’iil

Waa malaa’ikta kuwii ugu fadli badnaa waaye.

Markaasaa wuxuu ku yidhi kii su’aasha weydiin nayay buu wuxuu ku yidhi:

‘’ فقال للسائل اتدرى ما جبريل وما ميكائيل ‘’

Oo adigu ma taqaanaa Jibriil iyo Miikaa’iil waxay yihiin?

‘’ انما جبريل وميكائيل خلق مسخر كالشمس والقمر ‘’

Jibriil iyo Miikaa’iil waa khalqi Ilaahay saqiray oo sida qoraxda iyo dayaxa oo kale amran oo saqiran.

Yaa jid loo jeexay bey hayaan.

 ‘’ وما خلق الله خلقا أكرم عليه من محمد ‘’

Laakiin Ilaahay wax maqluuq ah oo Nabi Maxammadﷺ ka sharaf iyo karaama badan ma abuurin buu yidhi.

Meeshaan muxuu u leeyahay marka yacni Jibriil iyo miikaa’iil waxaa ka fadli badan Nabi Muxammadﷺ, marka Nabi Maxammadﷺ na waa basharka Aadam baa dhalay sooma aha.

Aathaar taas buu marka keenay (شيخ الإسلام ابن تيمية) kadibna wuxuu keenay wuxuu yidhi:

‘’ وما علمت عن أحد من الصحابة ما يخالف ذلك ‘’

Arrin kaa wax khilaafsan axad saxaabada ka mid ah inuu ka sugan yahay ma oggi buu yidhi.

Yacni saxaabadii iney saa wada qabeen ayaa meeshaa ka muuqata, asxaabta dadka sunnada u nisba sheegta ee a’imadaa afarta ah raacsan iyo kheyr koodana sidaas ayay qabeen oo Nabiyada Ilaahay iyo awliyada inay ka fadli badan yihiin malaa’ikta risaala gooni ah baan arrin kaa ka alifay buu yidhi.

Mar kale (شيخ الإسلام ابن تيمية) jawaab kale ayuu bixiyay (qulasada Baxthi giisu) markuu soo uruuriyay wuxuu yidhi marka bilowgan hore la fiiriyo buu yidhi malaa’ikta ayaa fadli badan, dhamaadka iyo meesha lagu dambeynaya marka la fiiriyana basharka iyo aadamaha ayaa fadli badan.

Hada marka la fiiriyo bilowgan hore malaa’ikta waa khalqi Ilaahay adeeca oo marna caasiyin sooma aha?

[ma caasiyana waxa la faray- waxa la fara na wey sameeynayaan]

Laakiin aadamahu

[kulu bani aadam qattaa]

Ibna aadamku waa gaf badan yahay buu yidhi.

Markii hada leysla joogo malaaikta baa fadli badan buu yidhi.

Laakiin meesha lagu dhamaanaaya markii jannada la galo, Ilaahay sida uu u fadilaayo mu’miniinta iyo wanaaga uu siinayo iyo derejada uu gaadhsiin nayo markaa waxaa fadli badan mu’miniinta bani aadamka ah markaa malaaikta ka fadli badan buu yidhi.

Marka bidaayada na malaa’ikta ayaa fadli badan

Nihaayada iyo dhamaad kana aadamaha ayaa fadli badan buu yidhi.

Qulasada (bacdi) giisa hal kaas ayuu ku soo uruuriyay (ibnu Qayyim) oo arday giisa ahaa isagu wuu u boggay natiija daa ayada ah aad buu ugu boggay.

Adiga mas’aladaa waa mas’alo dood badani ku jirta ee saasaa se loo badan yahay.

In ay ileyn malaa’iktii waxaa ku jirto aadamaha,

  • Waxaa ku jirta Nabiyadii
  • Waxaa ku jira Siddiiqiin tii
  • Waxaa ku jira Ulul Cazmi gii,
  • Nabi Maxammed baa ka mid ah,
  • Nabi Ibraahiim baa ka mid ah.

Yacni waxaa weeyaan marka malaa’ikta ma gaadhi kartid bey leeyihiin duuduub ahaan waaye.

Taasi waa mu’miniinta bani aadamka iyo malaaikta.

Jinn kii baa soo hadhay

Jinnku iyaga aadamaha ma gaadhi karaan, jinnka mu’miniin tiisu aadamaha na hana ma gaadhi karaan malaa’ik na ma gaadhi karaan sooma aha?

Ayagu gadaal bey joogaan bal waxaa ba laga dood san yahay ba mu’miniinta jinnku jannada ma galayaan mise geli maayaan, waa dood culimada sunnada dhex taalo waaye, marka labadaa hore u daa. Doodaa iyada ah ee aad looga dooday oo kutub badan laga qoray oo culimadu aad isgu hardiyeen natiija deeda markaad fiiriso waa uun keliya mas’ala citiqaadi iney ka dhalato mooyee camal ka dhalan maayo.

.(.والله أعلم)

Haadaa wa billaahi tawfiiq.

Su’aasha | 237

‘’Saa’il kaan waxa uu leeyahay sheekh macageygu waa Axmad oo ku nool dalka Australia waxaan ahay taksiile (Taxi Driver) maalin ayaa waxaa taksi geyga lagu ilaabay lacag dhan 827 dollar waxaan lacagtii u geeyay (Police Station) sida sharciga dalka uu yahay markii ay saddex bilood ay ka soo wareegatay ayaa leygu yidhi lacagtii soo doono cid looma haayee.

Marka lacag taas ma qaadan karaa…? ‘’

Jawaabta | 237

Asalka waxa weeyaan diin teena dhaqama daas ama wadama daas leeyihiin ama gaalada ay leeyihiin meesheeda waaye.

Laakiin asalka diin teena waxa weeyaan:

  • Ruux haduu baadi helo waa inuu (yaahdiyo) sannad
  • waa inuu yaahdiyo,
  • waa inuu (haybaariyo)
  • waa inuu waa inuu ciddii lahayd raadiyo

Kolba (wasaa’isha) markaas dadku wax isu gaarsiiyaan buu isticmaali, haduu Television yahay hadey Idaacad tahay, hadii meelaha dadka la isugu yimaada tahay, hadii Internet oo hada soo kordhay yahay wasaa’isha lagu xidhiidha oo dhan ayuu intii surto gal ah isticmaalayaa.

Hadii baadi daa wax sheegta la waayo isaga ayaa is kaleh wuu isticmaalayaa marka, wax sheegta hadii la helana oo tilmaan teedii sheegana waa la siinayaa.

Tani marka (curfiga) iyo dhaqanka wadanka ka jiro waxa weeyaan xirada booliska gee, xeradii booliska markuu geeyay na mudo ayay iyagu leeyihiin mudadaa wax soo raadsado hadii la waayo nin kii keenay in lagu celiyo saasaa ka muuqato.

Asal ahaana baadida idaacadaha iyo television nada laga baahiyo ma jirto ayaan u maleynayaa goobaha Police Station nada uun baa la geeyaa dad kii wax ka maqan yihiin na hal kaas ayay tagaan. Intaasi waa curfi gooda caadada iyo dhaqanka baadinta ama yaahdinta ka jirta weeye sida ka muuqata su’aasha.

Hadii marka sidii nadaamka ahaa uu maray oo uu yaahdiyay meeshaa geeyay wax soo raadsado la waayay, cid yeelata marka isaga ayaa u mudan, hadey cid un qaadaneyso isagii helay baa u mudan.

Nabigeenﷺ xadiiska (عياض بن حمار) ayaa wuxuu leeyahay rasuulka:

‘’ من وجد لقطة فليشهد ذا عدل أو ذوي عدل ‘’

Ruuxii baadi hela, ruux caadil ama laba ruux oo caadil ah marqaati ha u sameeyo ha marqaati geliyo

‘’ ولا يكتم ولا يغيب ‘’

Yuusan qarinin, yuusan la dhuumanin oo qarinin

‘’ فإن وجد صاحبها فليردها عليه ‘’

Ciddii baadi daan is kalaheed haduu helo ha siiyo ha u celiyo.

Hadii la waayana?

‘’ وإن لم يجئ صاحبها, فإنه مال الله – عز وجل – يؤتيه من يشاء ‘’

Hadii ciddi sheegataba la waayo waa xoolo Ilaahay oo Ilaahay leeyahay oo cidduu doono ayaa Ilaahay siiyaa.

‘’ فهو أحق بها ‘’

Adigii soo helay marka wax kaa mudan ma jiro waad qaadani marka.

[xadiiska Axmad, Abuu Daawood iyo ibn Maajah ayaa wariyay waana xadiith saxiix ah.]

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 238

”Saa’il kaan sheekh waxa uu leeyahay jira nin aan saaxiibo nahay oo aaaminsan inuusan jirin qadarka, wuxuuna leeyahay hadii qof loo qoray irsaqiisa iyo haduu janno galaayo ama naar galaayo muxuu taraayaa camalka uu sameyn nayo.”

Hadiise cadaab hore la iigu qoray maxaan se isku daalinayaa..?

Jawaabta | 238

Shubha daasi waa shubho horeysay saxaabada qaar ka mid ah bey ku dhalatay, Ilaahay fadligiina Nabigaﷺ ayaa ka jawaabay. Waxay ahayd xadiiska Cali ibn Abii Taalib (fii saxiixul Bukhaari wa Muslim).

Wuxuu leeyahay Cali (rc) waxaanu joognay janaaso aas baanu ka qayb galeenay qubuurta (بقيع الغرقد) hal kaas ayaanu aas ka qayb galeenay Nabigaﷺ ayaa inoo yimid.

Nabigaﷺ waa fadhiistay anaguna hareera hiisa ayaanu fadhiisanay (ul) buu marka Nabigaﷺ gacanta ku hayaa, ushii buu foorariyay kadibna wuxuu bilaabay ushii inuu dhulka ku mud mudo oo ku gar garaaco.

Markaas ayaa Rasuulkaﷺ waxa uu yidhi:

‘’ ما منكم من أحد ما من نفس منفوسة إلا وقد كتب الله مكانها من الجنة والنار ‘’

Ma jirto (naf) ruux Ilaahay abuuray ma jiro ilaa haduu jiro Ilaahay wa qoray jannada meesha uu ku lahaa iyo naarta meesha uu ku lahaa.

Haduu naar galaayana waa wey qoran tahay haduu janno galaayana horey u sii qoran tahay.

‘’ وإلا وقد كتبت شقية أو سعيدة ‘’

Naf kasta oo Ilaahay abuuray horey buu u qoray inay liibaan neeyso oo janno gali iyo inay naar galeyso oo ay shaqaawo iyo dhur dari ku dhacaysa nasiib xumo horey bey u qoran tahay.

Saxaabadii hadal kaan markii Nabigaﷺ u sheegay nin baa soo boodhay wuu yidhi:

‘’ فقال رجل يا رسول الله أفلا نمكث على كتابنا وندع العمل ‘’

Marba hadii sidaasi tahay wixii inoo qornaa maan iska talo saarano, camal kaan iyo dadaal kaan na maan iska deeyno.

Soo iyada laf teeda ma aha?

Maxaa ba isu dhibeynaa ba, maxaan isu rafaadin neynaa marba hadii ruuxu wixii u qornaa uun geli doono ee maxaa rafaad ka iyo dhibka keenay bey dheheen, maan iyadaa un iska talo saarano oon isku hadleyno.

Nabigaﷺ wuxuu yidhi:

Nin kaasi jawaab tiisu waa jawaabta Nabigaﷺ bixiyay, wuxuu yidhi:

‘’ من كان من أهل السعادة فسيصير إلى عمل أهل السعادة
ومن كان من أهل الشقاوة فسيصير إلى عمل أهل الشقاوة ‘’

Adduunka koley iyo koley ruuxu shaqo la’aan ma joogayo camal wuu qaban sooma aha?

Ruuxii Ilaahay janno ugu tala galay na camalka ahlu jannaha baa loo fududeeyn nayaa oo adduunka isagaas buu qaban nayaa, ruuxu Ilaahay naar u qoray na camal kii ahlu naar ka ee naarta lagu galaayay baa loo fududeeyn nayaa oo sidaas buu naar ku galaayaa.

Mid walba jidkii loo qoray baa loo fududeeyn nayaa ee…

‘’ اعملوا فكل ميسر ‘’

Camal fala oo ha joojin nina oo dadaala mid walba waxaa loo fududeeyn nayaa wixii loo abuuray.

‘’ أما أهل السعادة فييسرون لعمل ‘’

Ahlu sacaada waxaa loo fududeeyn nayaa ileyn liibaan iyo camal keeda ah.

‘’ وأما أهل الشقاوة فييسرون لعمل أهل الشقاوة ‘’

Ahlu shaqaawa dana waxaa loo abuuray oo camal kii ahlu shaqaawada ah.

Markaas ayuu wuxuu akhriyay:

(فَأَمَّا مَنْ أَعْطَى وَاتَّقَى (5) وَصَدَّقَ بِالْحُسْنَى (6) فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْيُسْرَى (7
وَأَمَّا مَنْ بَخِلَ وَاسْتَغْنَى (8) وَكَذَّبَ بِالْحُسْنَى (9) فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْعُسْرَى

{سورة الليل}

Suurad daasi ayuu akhriyay Nabigaﷺ.

Marka shubha daasi dhahaysa aniga wixii ii qoran baa ii qoran, sidaas daraadeed dalaal ka wax ba tari maayo waa shubha aan sax ahayn waana inta badan shubhaadka sheydaan ka bani aadam ka ku soo tuurayo ayay ka mid tahay.

Adiga koley intaad fadhiisato sariir ku jiifi, meysid soo shaqeyn meysid?

Soo camal un qaban meysid?

Camal waad qaban oo fadhiisan meysid ee camal kaagu meeshii laguu abuuray un buu ku toosi doonaa ee adiga dadaal.

Waa qodobka labaadee…

Ilaahay ak tiisa waxa kaaga qoran laguma tusin ee waa lagaa qarsaday, khiyaar baa lagu siiyay oo dalaal na waa lagu yidhi.

Waa qodobka saddexaadee…

Qaacidada hadaan sideey tahay sideeda u socod siino oo adduunyada ku leexino, ninka shubha daa keenay cidda ugu horeysa ee shubha diisa burisa isaga buu noqon nayaa.

Adduunyada risiqa soo ma qorna?

Yaa intaan dhul iyo samada la abuurin baa la qoray.

Adiga oo uurka hooyadaa ku jiro oo dhalanin baa la qoray, qisiqaaga waa qoran yahay, wixii kuu qornaa na laba gooraba waad heli. Hadaan niraahdo ka waran adeer risiqaa ga waa qoran yahay yee fak fak tan iyo orad intaad iska deyso barkinta dheereeyso waxaa ga waa kuu imaan nayaan!

War nin kaasi ma inaga yeelayaa, yaa?

Maya nagama yeelayo (nafta orad bey kugu aamintaa) waaye, waa fak fakleenayaa sooma aha?

Maxaad adduunya daadina (maqaadiirta) markay timaado aad u diidi?

Aakhara daadii markii u shaqeyso lagu yidhaah dana maqaadiirta aad u daliishan?

Waxaad ilmo dhali lahayd waa qoran yahay

Inaad ma dhalees tahay na waa qoran tahay

Sariir taada ha kugu timaado ilmahu iska dhadhal adeer iska jiif.

Maxaa islaan iyo kadeed keeda iyo aroos keeda iyo qajajac deeda ku geliyay, wax dhan waa qoran yahay yee.

War nin kaas ma inaga yeela yaa?

Maya ma yeelayo.

Haa qasab inuu islaan raadiyo, waa inuu arooso waa inuu ilmo raadiyo.

Markii la yiraahdo kaalay tuko na wax baa ii qoran.

War tani ba wey qorneyd ee maxaa tan uga leexatoo tan u aaday.

Shubha daasi marka waa shubha sheydaan bani aadam ka aakhara diisa doonayo inuu ku sii jiidho oo naar inuu kugu geliyo buu rabaa, ileyn ruux ba meel buu ka soo galaa ma ogg tahay.

Waxaa adiga lagu yidhi sababka qaado oo dadaal, natiija dana Ilaahay u daa waa sir kaa qarsoon laakiin dadaal oo khayrka ku dalaal, wixii laguu abuuray na waa laguu fududeeyn nayaa adduun iyo aakhara ba wixii qorani jid kaasuu wada marayaa.

.(.والله أعلم)

Su’aasha | 238

”Saa’il kaan waxa uu leeyahay sheekh hadii xaas keyga oo qalan uur na leh aan (jamaaco) kadibna meeshii qalneyd dhaawac uu soo gaadho dartii ay u dhimato mag teeda ma leygu leeyahay?”

Jawaabta | 238

Islaan dhaawac ah maxaa kuu geeyay marka horaba?

Arrin dhib yar ma aha.

Dilka laba mid buu noqdaa:

يكون بل المباشر و يكون بالتسبب

  1. Dilka waa marna si toos ah wax u disho,
  2. Marna waa si toos ahan dilka ku yimaado.

Labadaba qisaasta waa meesheeda waa markii (kas) jiree, labadaba (mag) la’aan ma noqdo mag la’aan ma noqdo. Hadii uu dareen jiray iyo hadii uu san jirin ba dhaqaatiir ta hadii ay ku taliyaan haween taas yaan loo dhawaanin oo ay khatar muujiyaan oo aad isticmaasho sidaasina ay geeri deeda ku timaado (mag) teeda waa lagugu leeyahay.

Markii aad galmada sameyn neysay ayaad waxaad sameysay (xaraka) iyo dhaq dhaqaaq ziyaada ah oo keenay inuu (nabarka) dillaaco, si tartiib ahna wax isagama dillaacaan ba sooma aha?

Hawl culus baa meeshaa ka dhacday oo wax dillaacisay, sidaas daraadeed asalku waxa weeyaan in nin kaa lagu yeesho mag tii in lagu yeesho waaye.

Markuu ugu yar yahay wuxuu noqon nayaa waa (qatli) iyo dil ku dhacay (تسبب) mubaashir aan ahayn oo (qatta’) ku yimid waaye, kaasina mag baa ka laazimto.

Marka gabadha mag teedii iska bixi.

.(.والله أعلم)

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين 
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

هذا وبالله التوفيق

Decorative Lines

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com