Su’aal & Jawaab

Ku Saabsan Bisha Barakeysan
ee Ramadaanka

Qaybta | 4aad

Fadiilatu: Sheekh Maxamed Cabdi Umul

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: abuu.kalthuma@gmail.com

Decorative Lines

bism Allah

 الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد

Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka ahay Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Waxaan halkaan ku soo gudbineynaa qayb ka mid ah taxanaha su’aalaha iyo jawaabaha oo inoo soo jeediyay fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umul (xafidahullaah) ee lagu qabto wadanka Kenya magaalada Nairobi ee ay inoo soo diyaarisay kooxda (Ixsaan Media).

Ka faa’ideysi wacan.

Su’aasha | 259

Dambiyada La Sameynaayo
Bisha Soonka

”Weydiyahaan waxa uu leeyahay xeritaanka shayaadiinta ee bisha soonka ee sidee la isu waafajin nayaa dambiyada la sameynaayo bishaas soonka?”

Jawaabta | 259

Waxaa leysu waafajin naayaa:

1- Kow; horta dambiyada shayaadiinta keliya kama timaadee naf taaduna wey ku amartaa sharka iyo dunuubta wey ka timaadaa sooma aha?

Quraanka ayaa Ilaahay noogu sheegay:

‘’ إِنَّ النَّفْسَ لأَمَّارَةٌ بِالسُّوءِ إِلاَّ مَا رَحِمَ رَبِّيَ ‘’

[سورة يوسف آية ٥٣]

Naftaada intay kugu jirta sabab bey u tahay inay dembi ku geliso.

2- Waa midda labaadee; waxaa iyadan jira oo xidh xidhneyn, shayaadiin tii insiga, waxa la xidh xidhay waa shayaadiin tii jinnka. Kuwii insiga oo xumaanta kuugu yeedhayey iyaguna waa sii deysan yihiin oo sababta ayay kamid tahay.

3- Waa mida saddexaadee; xadiiska riwaayaad kiisa qaar kamid ah qayday oo waxa la xidh xidhayo shayaadiin oo dhan ma ehee… waa shayaadiinta kuwoodii madaxa adkaa ee sii dhib badnaa ee bani aadam ka baadiyeyn tiisa aad ugu xeel dheeraa, xariiffiinta ku ah kuwaas ayaa la xidh xidhayaa. Kuwo yar yar laakiin dadka qaar kood ka adag baa soo hadhaya marka, kii daciif ahaa oo dhan kuwa ka adag baa jooga.

Bal shayaadiin oo dhan inaan la xidh xidhaynin ee qaar la xidhaaya qaar ka sii daran riwaayaadka xadiith ka mid ah ayaa saa ku qayday sidaas daraadeed asbaab taas oo iskaashatay baa keeni karto iyadoo ramadaan tahay hadana inay dembiyada qaar kood dhacaan.

Wallaahu Aclam.

Su’aasha | 260

Haduu Ruuxa Biyaha Gacanta Iskaga
Keeno Soon Kiisa Ma Buraayaa?

”Su’aashaan waxay leedahay hadii qofka siigeysto soonka maka furmaayaa, isla marka qeyb labaad buu ku daray wuxuu yidhi, siigadu ma lamid baa galmada?”

Jawaabta | 260

Inteynaan gaarin horta soonka ma jebisaa, () baa la yiraahdaa ama (nikaaxul yad) na waa loo yaqaanaa (ninkii gacan tiisa fuulay).

Horta si ahaan teeda waa xaaraan (cala saxiix) biyaha in gacanta la isaga keeno ama qalab kale la isticmaalo leysaga keeno biyaha waa xaaraan.

Waxaana ku tusayaa cumuumka aayada quraanka Alle (twt) yidhi:

وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ (٥) إِلَّا عَلَىٰ أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ (٦) فَمَنِ ابْتَغَىٰ وَرَاءَ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْعَادُونَ

[سورة المؤمنون آية ٧/٦/٥]

‘’Wixii aan xaas kiisa iyo addoon tiisa ahayn, ruuxii raadiyo oo shahwa ku guta kaasi waa xad gudbay.’’

Buu Allaah yidhi.

Marka gacan taada xaas na kuuma aha addoon taada kuu banaaneyd na ma aha, inaad shahwo isaga keento waxay soo galeysaa…

‘’ فَمَنِ ابْتَغَىٰ وَرَاءَ ذَٰلِكَ ‘’

Ayay soo galeysaa, wixii xaas iyo addoon ka soo hadhay bey soo galeysaa waana xad gudub aan banaaneyn.

Dhaqaatiirta na waxay sheegaan shareecada markey shey xarimeyso sideeda ba cilad, dhib ku jiro darteed baa loo xarimay. Dhaqaatiirta waxay leeyahiin cuduro fara badan baa ka dhasho in shahwada leysaga keeno gacanta, qaar kood waxay gaarsiinayaan ilaa sideed cudur bey gaarsiinayaan qaar wey ka badinayaan ilaa dhowr iyo toban bey gaarsiinayaan. Marka horta ma banaana.

Marka labaad.

Hadii ruuxa isaga oo sooman iska keeno biiyaha, midaan mid ka fudud baan ka soo jawaabnay oo maxay ahayd?

Ninkii islaan tiisa sal salaaxay sooma ahayn, oo sidaa biyaha kaga yimaadeen soo culimada afarta mad-hab ba ma qabin soonka inuu ka jabayaayo, tani marka wey ka sii daran tahay oo tan asal ahaan teeda ayaan leysu idmin ba.

  • Tii hore waxay ahayd falka waa leysu idmay, laakiin inaad biyo ku keento ayaan laguu idmin.
  • Tana waxa weeye fal kana lama idmin biyahana lama idmin.

Marka waxa weeye tan ayaa ka sii daran seenaan soonka u jabin neynin waaye!

Sidaas daraadeed baa a’imada afarta ah ay qabaan inuu soonka jabaayo ciddii biyo gacanta isaga keento inuu soon kiisu jabaayo, waxay na daliishan nayaan xadiith kii markii dhoweyd aan sheegnay oo…

‘’ يدع طعامه و شهوته، من أجلي ‘’

Shahwada in aad ka tagto ayay ahayd markaad sooman tahay, shahwada inaad haweeney ku gudato iyo gacan ku gudatana waa shahwo gudasho labaduba.

Waa midda labaadee.

Sheekh ibnu Cutheymiin () Wuxuu uga qiyaas qaadan nayaa oo uu leeyahay waxay la mid tahay ee looga qiyaas qaadan karaa markuu ruuxu sooman yahay in uu iska matajiyo soo soonka ma jabineyso?

Haa weeye!

Sidoo kale madaahibta qaar kood baa qabee dhiig iska keeno (istooba) na soonka wuu ka jabaa buu yidhi, maa uu u jabayaa calashaan ruuxii waa daciifayaa, markuu biyo iska keena na wuu daciifayaa. Cila daa jaamicada daraadeed ayaa ula mid tahay buu leeyahay… Toobinka iyo iska matajinta ayay la mid tahay oo iyadana baabul qiyaas ahaan buu u daliishan nayaa.

Adiga warka murti diisa waxa weeyaan ninkii biyo iska keenay soon kiisa waa jabay, waa siday u badan yihiin culimada weeye.

Amaa ma lamid baa galmada?

  • dhinac kala mid ma aha,
  • dhinaca soonka jabin tiisu waa kala mid,
  • in lagaa rabo qala na waa kala mid,
  • in dembi dhaaf inaad Ilaahay weydiso oo toobat keento lagaa rabo na waa kala mid.

Laakiin dhanka kafaarada (cala raajix) kala mid ma aha.

Xaga kafaarada waxay qaas ku tahay galmada, laakiin biyo ama taataawasho ku soo baxay ama gacan lagu soo saaray kafaaro kama dhalato oo markaa kafaara dii kuguma laazimeyso sida raajixa ah waa se mas’ala khilaafiya laf teedu.

Wallaahu Aclam.

Su’aasha | 261

Shirkadaha Lacagta Loo Dhiibto

‘’Weydiyahaan wuxuu leeyahay sheekh hadii shirkad aan u dhiibto lacag hal malyan ah, kadibna ay ku shaqeysato aniga oo aan ogeyn lacagta faa’idada ah ee ka soo baxda ma iyaga ayaa iskaleh oo ku qaadanaaya ka shaqeyn siinta lacag taas mise aniga ayaa iskaleh?

Jawaabta | 261

Mas’aladaan mas’ala lamid ah waa su’aal soo noqotay, in ay su’aalahu soo noqdaan na ma fiicna, xalaqada waxaa loogu tala galay in su’aalo cusub ay ku yimaadaan su’aashaan laf teeda ayaan ka soo jawaabnay, su’aalo hore bey nagu soo martay, si (tafsiil) ah baana uga soo jawaabnay.

Hadaan si gaaban ugu celina waxa weeye:

Amaan naad ka laguu dhiibanaayo in horta lagu (tasarufo) oo lagu ganacsado oo la isticmaalo ma banaana ilaa uu ruuxii ku idmo mooyaanee.

Idin kaasi laba mid buu noqon karaa;

Idan lafdi ah oo inaad carab kiisa iyo af kiisa ka hayso oo aad u fasaxan tahay isticmaal ama ku ganacso.

Iyo idan curfi ah oo in, isagu kuma dhihin laakiin dhaqanka iyo mucaamalada ayaa sidaa ah ba, wuxuu ogg yahay lacagaha laguu dhiibto inaad meel dhigin nee aad isticmaasho aad ku ganacsato ayuu ogg yahay, markuu u soo baahdana aad siineeyso buu ogg yahay. Asaga oo ogg yahay inay mucaamalada saas tahay buu kuu dhiibtay waxaa la yiraahdaa waa (idan curfi) ah waaye.

Waa sida mathalan shirkadaha xawaalada iyo bankiyada ee lacagaha la dhigto, waa la ogg yahay inaysan meel dhigeynin oo ay ku shaqeysan nayaan. Sidaas oo kale markuu ugu dhiibto looma baahna laazimna ma aha inuu yidhaahdo lacagta waad isticmaali kartaa, li’ana waxa weeye curfi ahaan waa mucaamalo la yaqaano waaba caadaba.

Marka idan lafdi ah ama curfi ah inaad haysato mooyee lacagta horta inaad ku tasarufto sax ma aha waa inaad meel iska dhigto waa koow.

Tan labaad; hadey dhacdo inuu ruuxii isaga oon idan haysanin uu lacagtii ku ganac sado oo ganacsi geliyo laba mid waaye;

  1. In ay qasaarto iyo
  2. Inay faa’ido

Haday qasaarto, qasaaruhu isaga un buu ku dhacaayaa (bil itifaaq) [bil ijmaac] qasaaraha lala wadaagi maayo. War lacag taada baan ku shaqeystay qasaaro ayaa yimid dee qasaaraha ila qeybso ma imaaneyso, qasaaro ayuu yimaado dooda isaga ayaa qaadi.

Faa’ido ayaa yimid, faa’idada yaa iskaleh baa dooda ka taagan tahay marka, intaas oo mad-hab bey culimada u kala tageen.

Qaar waxay yidhaahdeen, faa’idada nin kan xoolaha ku shaqeeyay oo loo dhiibtay baa iskaleh li’ana maadaama xoolahaani qasaara hooda iyo hadey lumaan oo isaga xambaarayo (الخراج بالضمان) qasaaraha iyo damaanadu waa is wadaan nee xoola haani hadey lumaan isaga ayaa bixin lahaa maadaama mas’uuliyad daa iyo damaana daa fuushay faa’ida dana isaga ayaa leh.

Tan labaad weeyee, isaga ayaa ku shaqeeyay wax ka soo saaray.

Amaa inuu ku shaqeystay taasi waa dembi madax banaan oo gooni ah bey istaageen culimada qaar kood.

Qolo kalena waxay yidhaahdeen:

Maya faa’idada waxaa iskaleh nin kii xoolaha lahaa, nin kaan xooga iyo waqtiga uu geliyay na waaba dembiile sidee wax looga siin nayaa tasaruf qaldan idan la’aan buu xoolaha ku tasarufay wax inuu ka helo ma aha, xoolahaa iyo waxay soo saareen ba nin kii xoolaha lahaa baa iskaleh, hal kaana qolo ayaa martay.

Qolo kale waxay yidhaahdeen;

Ma ehee war faa’idada soo baxday haloo qeybiyo nis nis ha loogu qeybiyo.

Maxaa yeelay faa’idada waxay ku timid xoolahii oo lagu shaqeeyay iyo xoog meesha galay sooma aha, labadaas ayuu ribixu ku yimid, marka nin kanna hoogiise wax ha lagu siiyo, nin kanna xoolahiis wax haku qaato sidaa faa’idada ha loogu qeybiyo.

Qolo kale oo culimad kamid ah ayaa soo booday oo waxay yidhaahdeen:

War meesha ribixa yaalaa xaaraam buu ku yimid xoolo idin la’aan lagu shaqeystay buu ku soo baxay, xoolo xaaraan ku soo baxa na sadaqo ayaa la mariyaa ee ribixa hala sadaqeeya. Kan shaqeeyay na yaan la siinin, kan xoolaha lahaa na yaan la siinin, masaakiinta iyo masaaliixda caam ah ha lagu bixiyo ayay dheheen.

Afar mad-hab sooma aha?

Hal kaas baa lagu kala maray marka!

Sida qawaacid shareecada u dhow waxa weeye, in ribixa iyo faa’idada uu leeyahay waxa weeye nin kii xoolaha ku shaqeystay, dembiile na uu yahay maadaama uu xoolahaa haday lumi lahaayeen isaga uu qaadi lahaa oo lagu yeelan lahaa faa’ida doodana isaga inuu yeesho waaye sida deyn oo kale xukun keeda ayay qaadan, amaa idin la’aanta uu ku shaqeystay waa dembi iskii u madax banaan waaye oo gooni oo Ilaahay kala xisaabtamaayo hadaan la cafiyin.

Mas’ala daasi (الخراج بالضمان) ayay salka ku haysaa xadiiskii Nabigaﷺ qaacida sharci ah markii dambe noqday.

Marka khilaaf noocaas ah ayaa imaanaya markii lagu shaqeysto, sidaad daraadeed marka hore ba waa in laga taxadro oo xoolaha marka la idiin dhiibto hadaad rabto inaadan meel dhigin oo ku shaqeysato ama isticmaasho marka laguu dhiiban naayo ba idin weeydii, waxaad tiraahdaa xoolahaa waan isticmaali ama waan ku shaqeysan markaad u soo baahatana waad iga heli. Hadey saa noqoto marka wey kuu banaan tahay ribixa na markaa muran geli maayo.

Wallaahu Aclam.

Su’aasha | 262

Ducada Wax Maka Bedeli
Kartaa Khadarka Ilaahay

‘’Weydiyahaan waxa uu leeyahay sheekh ducada wax maka bedeli kartaa khadarka Ilaahay, tusaale ahaan wuxuu yidhi cimrigeyga ma kordhin neysaa hadii la ii duceeyo?’’

Jawaabta | 262

Ducada sida Nabigaﷺ sheegay waxay wax ka tartaa wax dhacay iyo waxaan weli dhicin ba.

Xadiith Caa’isha laga werinaayo oo Xaakim soo saaray Sheekh Albaani na uu leeyahay xassan ayaa Nabigaﷺ waxa uu leeyahay:

‘’Taxaday aad sameysay khadar waxba ka tari maayo.’’

Wixii laguu khadaray waan taxadaray waan xeeladeystay waxba ka tari maayo.

Wuxuu yidhi;

‘’،الدعاء ينفع مما نزل ومما لم ينزل‘’

Ducada waxay wax ka tartaa wax dhacay in wax laga bedelo iyo waxa aan weli dhicin inuusan dhicin oo la reebo labaduba ducada wax bey ka tartaa.

Markaasaa Nabiga wax uu yidhi:

‘’ وإن الدعاء ليلقى البلاء فيعتلجان إلى يوم القيامة ‘’

‘’Balaayo ayaa soo dageyso ducadii baa ka hor tageyso wey leggatamayaan ilaa qiyaamada laga gaarayo.’’

Yacni musiibo iyo balaayo kugu soo socotay ayaa duco aad duceysatay ama laguu duceeyay baa ka hor tageyso wey is qaban nayaan marka balaayadii kugu soo socotay iyo ducadii baa hardamaya oo is ceshen naya ilaa qiyaamada.

Adigu waaba tagtay markaa sooma aha?

Ayaga oo is haysta oo laggatamaya ayaad adigu qabriga gasho, marka wey ku seegtay waaye macnaha. Marka xadiith kaas waxaa laga qaadan nayaa ducada khadarka Alle (twt) wax bey ka tari kartaa.

Oo makhaadiirta Ilaahay see baa wax ugu tari kartaa waaye?

Mas’aladu waxa weeyaan khadarka Alle waxaa wax ka bedela, waa khadarka Alle laf tiisa waa khadar khadar.

Ducada laf teeda in la aqbalo waa khadar Alle (twt) sooma aha?

Marka waa laba khadar oo Rabbi oo is (defcin) naayo waaye.

Waxay la mid tahay mas’aladii Cumar Ibnu al-Khattaab (rc) markuu Shaam isaga oo u sii socda saxaaba badana la socdaan ayaa waxaa la yidhi Shaam daacuun baa ka dilaacay, daacuun () oo saxaabada badan laayay.

Cumar (rc) marka waa istaagay socdaal kii buu ka istaagay saxaabadii buu la tashaday. War maxaan sameynaa?

  • Muhaajiriinta oday yaashooda iigu yeedha
  • Ansaar iigu yeedha

Waa tashaday war maxaynu sameynaa?

Waxay isku raaceen.

Cumarow akhayaar tii ummada ayaa kula socotee meeshaasi cudurku ka dilaacay ha gelin ee noqo ee na celi. Cumar wuxuu go’aan saday inuu laabto marka, markuu go’aan saday.

Nin baa u yimid wuxuu ku yidhi:

War Cumarow ma khadar Ilaahay baad ka carareysaa buu ku yidhi!

Sax meesha cudur baa ka dilaacay laakiin cudur kaasi inuu kugu dhaco iyo inuusan dad ku dhicin waa khadar Ilaahay, ma khadar Ilaahay baad ka carareysaa.

Markaasuu Cumar wuxuu yidhi:

[Na firu min khadrillaahi ilaa khadarillaah]

Adeer wuxuu yidhi khadar Ilaahay baan ka carareynaa, tu Ilaahay na waan u carareynaa buu yidhi.

 Ma war baa yaal?

  • Tana waa khadar Alle
  • Tana waa khadar Alle

Ilaa markii dambe Cumar (rc) uu u keenay xadiith kii CabdurRaxmaan Ibnu Cawf (rc) ee uu ku yidhi Nabi Maxammadﷺ baan ka maqlay isaga oo leh;

‘’Dhul haduu daacuun ka dillaaco ha gelina, hadaad ku jirtaan na haka bixin na.’’

Marka dambe ayaa xadiiska loo sheegay oo CabdurRaxmaan u sheegay Cumar (rc) laakiin markuu go’aan saday kadib bey ahayd.

Al-Muhim waxa weeyaan ducada aqbal keedu waa khadar Ilaahay, xaga Alle wax ka soo socda iyo balaayo iyo masaa’ib tana waa khadar Ilaahay.

Khadar ilaahay weeye marka wax laggatamayo oo is baajin naaya ee ma aha wax kale meesha kuma jiro.

Taasi waa middee.

Midda labaad: Su’aasha ah cumri geyga ma kordhayaa?

Cumrigu wax yaalaha khadaran buu ka mid yahay:

  • Risiq qaaga
  • Cumri gaaga iyo
  • Inaad ahlu naar tahay iyo
  • Inaad ahlu janno tahay kuli waa khadaran tahay.

Marka Cimriga ma ziyaadi karaa?

Axaadiith waxaa soo aroortay daahir keeda laga qaadan naayo ama laga fahmi karo inuu cimriga ziyaadi karo. Waxaa ka mid ah xadiiska Nabigaﷺ uu kaga hadlay qaraaba xidhiidhinta.

‘’Ruuxii qaraaba diisa xidhiidhiya athar kiisa iyo raad kiisa ayaa loo dib dhigaa.’’

Oo laba macno culimada ku fasireen:

  1. Cimri giisa ayaa siyaada
  2. Mise cilmiga ayaa loo barakeeyaa

Aayada quraanka ee Rabbi (twt) yidhi:

‘’ يَمْحُو اللَّهُ مَا يَشَاءُ وَيُثْبِتُ ۖ وَعِندَهُ أُمُّ الْكِتَابِ ‘’

[سورة الرعد آية ٣٩]

Aayadaa markey culimadu fasirayaan waxay yidhaahdaan, waxa jira laba khadar baa jira.

  1. Khadar malaa’iktu og tahay iyo
  2. Khadar malaa’iktu aynaan ogeyn oo Ilaahay ak tiisa yaala oo cid kale aynaan ka war haynin.

Khadarka Ilaahay ak tiisa yaala waa khadarka asliga ah waxnaba iskama bedelo, waana midka loo yaqaano (القضاء المبرم) baa la yidhaahdaa.

‘’ القضاء المبرم ‘’

Waxba iskama bedelo.

Waxaa jiro waraaqaha malaa’iktu hayso iyo cilmiga malaa’ikta mid yaalo oo asaga la yidhaahdo (والقضاء المعلق) baa la yidhaahdaa. Waa khadar iyo Khadda Alle laakiin wuxuu ku xidhan yahay shardi buu ku xidhan yahay.

Mathalan sida Ibnu Xajar uu leeyahay, waxaa la dhihi karaa mathalan, waxaa ku qornaan karaa oo malaga lagu leeyahay:

‘’Ninka la yidhaahdo hebel cimri giisu waa boqol sanno haduu qaraaba diisu xidhiidhiya. Haduu qaraaba diisa xidhiidhin waayo na! Waa lixdan sanno.’’

Malagu intaas ayuu hayaa.

Muxuu sugayaa malaga marka?

In aad qaraabadii xidhiidhiso oo cimri gaaga boqol noqdo, iyo in aad qaraabadii gooyso lixdan sanno noqdo. Malagu marka kama war haayo labadaan midka aad xaal kaagu noqon doono.

Laakiin Ilaahay ak tiisa maxaa yaala?

Ilaahay wuxuu horey u sii ogg yahay inaad xidhiidhin doonto oo boqol cimri gaagu yahay iyo inaadan xidhiidhin doonin oo shardi gaa aadan la imaan doonin oo cimri gaaga lixdan yahay, Ilaahay ak tiisa waa go’an tahay, ak tiisa waa ka qoran tahay oo wax siyaada ah male.

Marka labadaas ayaa kala jira bey leeyihiin.

Mid kaan malaaikta ak teeda yaal waa midkuu Alle leeyahay:

‘’ يَمْحُو اللَّهُ مَا يَشَاءُ وَيُثْبِتُ ‘’

  • Wax baa laga tiraa
  • Wax baa la sugaa

Khadda haas (mucalaqa) ah waaye.

Midka Ilaahay ak tiisa yaalana ee aan waxba iska bedeleynin na waa:

‘’ وَعِندَهُ أُمُّ الْكِتَابِ ‘’

Waa (looxul Maxfuudka) (لوح المحفوظ) wax ku qoran oo kaas isaga waxba iska bedelin maayo waa (القضاء المبرم) midka la yidhaahdo waaye.

Marka cimriga asbaab waxaa jirta haduu ruuxu la yimaado laga yaabo inay raad ku yeelayo ama barakeyn tiisa ama kordhin tiisa.

Asbaab taana waxaa kamid ah:

  • Qaraabada xidhiidhin teeda
  • Ducada ayaa kamid noqon karta.

Wallaahu Aclam.

Su’aasha | 263

Nin Towbat Raadinaaya!

Markaan waxaa nagu soo socda nin qatar ah!

‘’Wuxuu leeyahay sheekh waxaan ahaan jiray tuug weyn oo dadka xoog wax uga qaata ma aqaan dadkii aan horey u dhacay iyo in xitaa qaar kood ay u dhinteen dhibaato aan anigu soo gaadh siiyay. See u toobat keenaa waa su’aasha hore.

Qeybta labaadna wuxuu leeyahay; dad kaas aanan garan karin xaq qooda see isaga gudaa xoolo iyo dhiig ba?

Jawaabta | 263

Dad badan baa la mid ah kaas oo iney tuug yihiin aan isu haysanin ba, waxaa nin kaa la mid ah dadka xuquuqda dad weynaha booba oo:

  • Wasiirada iyo
  • Madax weyna yaasha iyo
  • Madaxda iyo
  • Kuwa wadamada u taliya

Oo xoolaha dad weynaha iska uruursado oo guryaha ka dhisto, milki gooda iyo hanti dooda ka dhigta waa tuug aan is ogeyn waaye. Marka nin kaan oo kale ayay la mid yihiin.

Seen u toobat keenaa?

Li’ana ay waxaan dhaceen oo ay qaateen dadkii xuquuq diisa lahaa waxy koobi karaan maba aha ba sooma aha?

Waxay koobi karaan ma aha.

See looga toobat keenaa marka?

Waa meelaha dembiga kula galo waa meelaha ugu qatarsan bey kamid tahay meelaha ugu halisan, li’ana ruux (mucayin) ah markaad dhib gaadh siiso ama xoola ka qaadato waa wax la garan karo oo ruuxii iyo ehel kiisii wax gudbaa la dhehi karaa.

Laakiin ummada dhan oodan garaneynin hadii dhib kaaga uu gaadhay see baa looga toobat keenaa?

Yaa! Xoogaa tilmaam uun baan ku siin karnaa Ilaahay towba daada ha aqbalee.

Midda koowaad; Horta Ilaahay u soo noqo oo dembi dhaaf weydiiso wixii kaa dhacay na ka qoomamamod koow.

Waa midda labaadee; dadkii wixii aad garan neyso xuquuq doodii celi oo weeydiiso iney ku cafiyaan.

Waa midda saddexaadee; hadey kuu suuroowi weydo dadkii aad dhibaatada geesay u ducee, cimri gaaga intaad nooshahay u ducee, hadii Ilaahay wax ku siiyana u sadaqee, masaajid dhis, ceelal qod dad kii aad dhibka u geysatay u niyood.

Waa mida afaraadee; waxaad badisaa Ilaahay daaca diisa iyo khayrka badso, maxaa yeelay beri haduu lagu qabsado oo dadkii isa soo taagaan oo khayr kaagii baa la qaybsanaa la yidhaahdo…

  • Mid salaadii la siiyo
  • Mid soon kii la siiyo
  • Mid xajj kii la siiyo
  • Mid dembi giisa korka lagaa saaro

Wax kuu kala hadha bal meesha in aad la tagto dhaacada badso, markii deymaha lagaa guto kadib xoogaa aad jannada ku gasho hadey kuu soo hadho wax dhan sooma aha?

Waxaa meesha ka madhneyn Ilaahay (twt) waa (الْغَفُورُ الرَّحِيمُ) oo waxaa dhici karto adoonka haduu towbat (saadiqa) la yimaado inuu u dembi dhaafo ayaa dhici karta, adooma diisii uu dulmiyay na inuu Ilaahay qanciyo xuquuq dooda siiyana waa dhici karta. Marka laba gooraba towbada ku qasaari meysid ee towbat keen dadaal kaana muuji In Shaa Allaahu.

Walaahu Aclam.

Su’aasha | 264

Qof Dhintay Jir Kiisa
Ma Lagu Tawabaran Karaa?

”Weydiyahaan wax uu leeyahay sheekh qof dhintay jir kiisa ma lagu tawabaran karaa iyada oo ardayda jaamacadaha qaliinka lagu baraayo?”

Jawaabta | 264

Ruuxa meydka ah ee jidh kiisa la jeex jeexaya wax lagu baran nayo haduu muslim yahay, ruux mu’min ah haduu yahay laguma baran karo, li’ana waxa weeyaan () xurmada ruuxa mu’minka ah markuu nool yahay iyo markuu dhinto xurma diisa waa isku mid sida marka uu nool yahay aan loo jeexin karin, laf tiisa loo jabin karin ayaa markuu dhintana aan loo jeex jeexin karin oo aan loo jabin karin laf tiisa xurmadii buu leeyahay. Bal markuu qabriga galo qabri giisu xurmo ayuu leeyahay oo qubuurta muslimiinta xurmo ayay leedahay. Sidaas daraadeed laguma bar baran karo sida culimada badan kooda qabaan.

Qaar culimada ka mid ah ayaa rukhseeyay oo arrinta ogolaaday laakiin shuruud bey ku xidheen, shuruuda ay ku xidheen waxaa ka mid ah;

Waxay leeyihiin waa iney jirto (درور القسوة) waa inay jirto daruuro aad iyo aad u adag oo lagama maarmaan oo keeneyso wa iney jirto.

Mathalan hadii la waayo wax kale ardaydii cilmiga caafimaadka baraneysay na, ama xayawaannaad ama jiir ama wax yaalo kale oo bani aadam ka shabaha oo lagaga kaaftoomi kara hadii la waayo.

Arrin taasina dadka nool badbaadin tooda ay ku xidhan tahay (درور القسوة) waaye markaa daruura daasi horta in la helo waa lagama maarmaan. Jutha kale oo boos kaa geli kari aaynaan jirin xataa gaal ba ha noqotee shardi weeye, shardiga labaad badiil na waa inuusan jirin.

Shardiga saddexaad.

Waxay leeyihiin waa in la helo (Idan Musbaq) ah asagu markuu dhiman naayay waa inuu ogolaaday oo fasax iyo idan laga helay ama ehela diisa iyo qaraaba diisa waa in idan laga helo hadii sharuudahaa la helo ama xaaladaasi ay sidaa noqoto culimada qaar ka mid ah oo baneyn naya waa jiraan. Asalku se iyo jamaahiirta iyo fuqahada mucaasiriinta iyo majaamicda fiqiga waxay leeyahiin maya laguma bar baran karo ruuxa muslimka ah jutha diisa iyo meyd kiisa, Allaahuma xaallaad kaa daruurada culimada qaar kood ay soo reebeen mooyaanee.

Wallaahu Aclam.

Su’aasha | 265

Gabar Kale (min) Keed Ilmo
Maku Beeran Karnaa

”Weydiyahaan waxa uu leeyahay waa qof dumar ah waxay tiri sheekh aniga iyo nin keyga gabar kale (min) keed ilmo maku beeran karnaa hadii biyaha aanu anaga leenahay?”

Jawaabta | 265

Gabar kale (min) keed waxay ka wadaa ayaan u maleyhaa nin kale, (min) keed kale miyaa? Haa gabar kale (min) keed…

Su’aashaas jawaabteeda waa maya.

Li’ana mas’alada asal ahaan teeda wax la yidhaahdo (تلقيح) ilmaha mala beeri karaa oo dadka aan dhaleynin biyahooda ninka biyahiisa iyo hooyada ukun teeda ma leysku beeri karaa, si ay ilmo u helaan?

Mas’alada asal ahaan taas weeye (تلقيح صناعي) culimada qaar qabo wey jiraan inay banaan tahay laakiin shuruud ayay ku xidhaan.

Shuruudaa waxaa kow ka ah:

Shardiga koowaad; labadaan ruux waa inay is qabaan oo xadhig ah isu hayo

Shardi labaad; waa inay dariiqahii tooska ahaay galmada ahayd ay ku dhali waayaan

Shardiga saddexaad; xadhig goodii waa inuu weli jiro

Maxaay ka wadaan?

Nin dhintay oo biyahiisa laga reebay, naag tiisii uu qabi jiray intuusan dhiman, markuu dhintay ka dib ma lagu beeri karaa biyaha? Maya

Sababta maxay tahay?

Ninka marba haduu dhinto xadhigii sooma go’in?

Marba haduu dhinto xaas kiisii ma aha.

Saas daraadeed xadhigii waa inuu weli baaqi yahay oo weli xadhig goodu jiro.

Shardiga saddexaad waxa weeye (min) ka wax lagu beerayo waa inuu yahay haweeneey daas (min) keeda waa inuu yahay. Nin kale iska dhaaf haweeyneey uu qabee.

Gabadhu su’aasheeda waxa weeye haweeneey kale (min) keed iskaba daayee, mida iyada lala qabo ee (dan gala deeda) ah (min) keeda kuma beeran karto. See weeye nin baa laba dumar qaba mid baa min keedu xamileynin haduu ilmo qaado, middina wey qaadeysaa wey dhaleysaa.

Waxaa la sameeynayaa marka isaga biya hiisii iyo iyada ukun teedii baa leysla fal galin nayaa, markay isla fal galaan baa inta la soo qaado iyada min keedii ma xamili karee, tii lala qabay ayaa min keeda la gelin nayaa, meeshaasaa ilmo ooga dhalan nayaan marka.

  • Waa ilmo ay iyadu foollanin
  • oo iyada aanan walacin
  • oo iyadu aanan ku rafaadin bilaash ay ku heshay waaye.

Ma war kaas baa socon nayaa marka?

Ma socon naayo!

Marka (min) ka ilmaha la gelin naayo waa inuu yahay haweeney daas ilmaha dhaleysaa (min) keeda waa inuu yahay, haweeneey kale (min) keed lama gelin karo.

Sababta maxay tahay?

Ilmahu minka uu ku koraayo qasaa’is baa ka dhalan naya, yacni (qasaa’ista) aadamaha la socota, jiin kiisa la socda minka wax buu ka qaadan, biyaha iyo ukun tana wax buu ka qaadan naayaa. Sidaas daraadeed min kale ilmo lagu beeray, ilmo kama dhigan kartid.

Shuruudaa hadii la helo markaa dadka ma dhaleeyska ah meelahaa wax waa looga raadin karaa, laakiin shuruudaa iyo (quyuudaa) culimada dejiyeen in la xaqiijiya weeye.

Laba mid wuu noqon karaayo waxaa la yidhaahdaa, waxa weeyaan:

  1. [تلقيح داخل] iyo
  2. [تلقيح خارج] ayaa loo qeybiyaa

Talqiixa khaarijiga waxaa la yiraahdaa waa midkaan [طفل أنابيب] baa la yiraahdaa oo biyahii iyo ukuntii inta la soo qaada ayaa banaanka lagu (bacarimin) nayaa, marka isla fal galaan kadib baa meel la gelin nayaa oo minka dib loogu celin nayaa, kaa khaariji baa la yiraahdaa [طفل أنابيب] baa loo yaqaanaa.

Marna waa daaqili oo gudaha ayaa leyskula fal gelin nayaa oo biyahii ninka mathalan ayaa daciif xayawaan kii (manawiga) ayaa gaadhi la’ ukun gaadhi la’. Marka inta la soo qaado biyahiisa ayaa ukunta la gaarsiin nayaa.

Saasay iskula fal galaayaan oo minka guda hiisa ayaa leyskula fal galin nayaa kaana daaqili baa la yidhaahdaa, labadaba waa la sameeyaa, shuruud daasaana ka dhaxaysa.

.(.والله أعلم)

Macnaha erayga la soo gaabiyay:

  • (twt) – تبارك و تعلى
  • (swt) – صبحانه و تعلى
  • (scw) – صل الله عليه وسلم
  • (rc) – رضي الله عنه

Waxaa mahad leh Allaah (twt) oo inoo fududeeyay dersigaan qiimaha badan oo inoo soo jeediyay sheekheena aanu jecel nahay Sheekh Maxamed Cabdi Umul (Ilaahay ha xafido).

Fadlan wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

”Dhamaan dadka ka soo shaqeeyay khayrka iyo Sheekheena aan jecel nahay, Sheekh Maxamed Cabdi Umul waxaan leeyahay…”

جزاكم الله خير وبارك الله فيكم وجعله الله في ميزان حسناتكم

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين 
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

هذا وبالله التوفيق

Decorative Lines

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com