Taariikhda Tataarka

Qaybta | 2aad

By Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma Email: Abuu.kalthuma@Gmail.com

Tuesday 21, June 2016 – Talaado 16, Ramadan 1437

Decorative Lines

bism Allah (2)

Fadlan marka hore akhriso qaybta 1aad…

Hadii uu ciidamadii meesha kala baxay Genghis Khan maxaa laga rajeynayaa marka?

Haday u bilaabatay shaqadiisa rasmiga ahayd marka Genghis khan ciidamadiis buu soo dareeriyay Uzbekistan buu soo galay wuxuu yimi cawaasimta muslimiinta waqtiga dunida magaalooyinka ugu waaweeyn ah, yacni taariikh dii hore marka la eego dowladahaan reer galbeedka iyo caasimaad kooda waa shalay, shalay ba yaanan ku odhan India goormuu tagaayay ingriiska, waa kuu axad britaniyiin ka soo waramo wax uu yidhi magaalo ku taala India muslimiinta markay xukumeysa ah (Murshidabad) baa la yidhaahdaa ayuu tegay markaas baa wuxuu soo darayaa uu leeyahay Murshidabad baa ka weyn London kana dhaqaale badan…

Genghis Khan's FaceGenghis Khan qarnigii 14naad

Oday kale oo Francis baa tagay markaasuu yidhay magaala ayaan tagay godod kii dahabka ee dunida aad moodo inaa iyada lagu guray, idan shalay ahayd Paris, London iyo wax kani. Cawaasimtii dunida waqtiga ugu waaweeyneed kuwaasi muslimka uu degan yahay buu ahaa Bukhaari markaa waxay ka mid ahayd magaalooyinka ugu waaweeyn.

616 hijriyada markay mareysay ayuu ku sameeyay (xisaar) magaaladii buu la go’doomiyay, magaalada waxaa jooga ciidan badan oo ninkii kaga tagay, ciidamadii uu qayb qaybin naayay uu meelahaa kaga tagay ciidan badan baa jooga, laakiin dadku qalbiga ayay ka dagaalamaan, qofka haduu qalbiga ka jabo waxaad moodaa inaanu wax badan iska celinin.

Waxay dalbadeed dadkii meesha joogay iyo wixiiba inay is dhiibaan laakiin (muqaabilil amaan) calanka cad baanu taageynaa laakiin nabad gelyo ha nala siiyo. Dadkii badh baa ceynkaa yidhi, badhna waa diideen, magaaladii markay is qabatay qolo leh aan is dhiibno ciidan kan intaa la ek boqor keenaba tagay iska celin kari meyno iyo qolo leh aan is difaacno ayay noqdeen, waxaa xoog batoo tira batay qolodii lahayd aan is dhiibno.

Qolodii lahayd aan is difaacno (qalcad) weyn oo magaalada ku dhex taalo ayay galeen, daweetana ciidanka intii qalcadaa gashay waxaa ku darsamay;

  • Culimadii iyo
  • Fuqahadii iyo
  • Dadkii wax garadka ahaana qalcadii bey ugu tageen.

Dadkii intii ugu tirada badney na waxay yidhaahdeen ma Tataar baa leyska celin karaaya aan is dhiibno. Waa is dhiibeen Genghis khan dhaqama diisa uu yaqaanay buu markaa ku dhaqmay, qolodii is dhiibtay wuxuu yidhay amaan baan idin siiyay, ee maxaan sameyn neynaa markaa?

Qoloda kale ayaan weerarayaa, albaabada ayay u fureen magaaladii buu soo galay, qolodii is dhiibtay buu iska daayay wuxuu yidhi idinku rag fiican baad tihiin waad is dhiibteen, hadaba dagaalka ayaanu wada galeynaa qolada kale ayaad ila weerareysaan waxaad bilowdaan dhufees yada iyo qanaadiqda waxaan ay qoteen iyo meelahaa kale idinka ayaa kala garanaya ila dumiya.

Muslim kii xaga kani, waxay u ek yihiin muslim kii deggenaa Afghanistan waqooyi geeda iyo akraadii Ciraaq iyo Shiicada Ciraaq baab kii oo kale weeyaan.

Waa lala jafay, markii la jafay toban maalmood ayuu (xisaar) ku haayay go’doomin qalcadaasi ama dhufeys kaa weyn, toban casho kadib ayuu jabsaday daweetana wixii ku jiray mid lagama sii deyn waa la gumaaday.

Markii qoladii gumaad kooda uu dhameeyay ayuu dib u soo jeestay magaala intii kale buu wuxuu yidhi codsi;

Wixii magaalada dhaqaale yaala hala soo saaro…

  • Dahabka
  • Kurusta
  • Fidata iyo wixii aad meesha ku haysateen

Intaas baan rabaa buu yidhi hala soo saaro, waa la cabsan nayaa wixii ciidanka ka harsanaa raggi intii tidhi waan dagaalameynaa waa laga taqalusay, intaani waa intii awalba is dhiibtay calanka cad dhiibatay.

Xoolahii baa loo keenay magaalada wixii dhaqaale yaalay waa kan baa la yidhi, markuu dhaqaalihii isku hubiyay ayuu ciidan kiisii wuxuu ku yidhi waad fasaxan yihiin hadaba, waa fasaxan tihiintu waa yaan waxba laga sii deynin. Bukhaara sidey u dhameyd dhiigaa dhegta loo daray, gowraca magaaladii dhameyd waa la laayay, hantida inta uu isaga qaatay mooyaan nee askar tii baaqigii baa lagu sii daayay.

Waa la waday magaaladaan iyo siday u ekeyd Ibnu Kathiir oo ka waramayaa wuxuu leeyahay:

Waxay laayeen buu leeyahay dad aan tira dooda Alle mooyaan nee cid kale aan garaneynin, caruurtii iyo dumarkii waa kaxaysteen oo waa fara xumeeyeen, bal dumar reerka ragga hortiisa ayaa dumarka lagu fara xumeyn nayay, xaas kiisa caruur tiisa iyo hablahiisa hortiisaa lagu fara xumeyn nayay, ciddii madaxa ka yara taagta ama isa soo taagtana madaxaa laga jaraayay. Markuu magaalada wixii adduun yaalay qaatay wixii rag joogay dilay, wixii dumar joogay la fara xumeeyay ayuu yidhi hadaba baxa baaqigiina wuu gubay.

Bukhaara intii dagaalantay iyo intii is dhiibtay ba waa dhimatay, magaaladii Bukhaara la odhan jiray intii dagaalantay iyo intii is dhiibtay ba waa dhinteen.

Xadiiskii saxiixa ahaa muxuu lahaa?

(أيهلكنا الله وفينا الصالحون؟ )

Nabiga (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) ayay weydisay (أم المؤمنين) Zeynab (رضي الله تعالى عنها):

‘’Miyaan halaag sameynaa mise waa nala halaagayaa iyadoo dadka saalixiinta inagu jiraan?’’

(قال: نعم، إذا كثر الخبث)

Xumuhu haduu bato haa wa la idin wada halaagayaa buu yidhi.

Markuu Bukhaara dhulka la simay buu dhaqaaqay isaga oo ciidan kiisa wata, wuxuu qabtay magaalada ku xikta Samarkand.

Samarqand waa magaalo weyn Uzbekistan meesha la yidhaahda ayay imanka ku taalaa waa magaalooyin kii muslimiinta caanka ahaa, Samarkand iyo agagaar keeda Sukhda. (Sukhdatu Samarkand) taariikhda waad ku aragteen waxay yidhaahdaan (Janaatu Dunyaa Arbac) baa la odhan jiray, jannada dunida waa afar baa la odhan jiray (Sukhdatu Samarkand) baa ka mid ahayd afartaa la tirin jiray Sukhdada la sheegayo waa magaalooyinka tuulooyinka yar yar ku xidh xidhan zamarkand ayaa waxay yidhaahdeen 5 maalmood ood dhan kasta u socoto, shan maalmood socod ah ayaa beer iyo bustaan dhul cagaaran ahaan jirtay.

Uzbekistan

Waxay yidhaahdaan meesha sare hadaad korto abidkaa meel xun iyo saxaara ishaa qaban mayso wabiyada ayaa dareeri jiray dhul aad u qurux badan buu ahaa dad aad u tiro badan oo muslimiin na degan yihiin.

Magaalada Bukhaara wixii uu laayay mooyee wixii kale wuu soo kaxaystay maxaabiis buu soo kaxeeyay Ibnul Athiir maxaabiis taa markuu ka waramaayo wuxuu leeyahay:

Qofkii daala inta lagu soo socdo Bukhaara iyo loo kala socday, qofkii daala ama socon kari waaya waa la dilaa inta kalana waa la raraa waa iney socotaa, hadaad daasho wax lagu dhiiba qaadi kari weyday ama soco kari weyday na waa lagu dilaayaa. Dee dadkii dilka ayay ka cararayaan qofkii kurushi karaaba waa soo socday.

Samarkand markii loo soo dhawaaday buu wuxuu rabaa, reer Samarkand baajiyo ina aanu dagaal la galin maxaabiistii muslimiinta intuu qayb qaybiyay ayuu toban kii walba calan buu u dhiibay kii ahaa calamadii Tataarka tobon kii qof ba calan buu siiyay.

Waxay reer Samarkand arkeen un wadan dhan oo calan kii wada sita oo soo socda waa muslimiin tii maxaabiista ahayd kuwaan calanka sita ciidamadii waa ka sii dambeeyaan. Markii ay meeshii arkeen dadkii (Haziima Nafsiya) baa ku dhacay qalbi jab.

Maxaabiista wuxuu ku qasbay inay dagaalamaan hadii kale waa la idin leynayaa buu ku yidhi, ciidan kiisa qolodii gamuun leeyda ahayd ama wax ganeysay na wuxuu yidhi nin waliba maxbuus qabso kaxayso gaashaan kuna waa isaga, isaga isu dhig daweetana gamuun kaaga rid kana ku beeganaw haduu nuux nuux sada na gowrac waxay na yidhaahdaan (Shield Bashariya) yacni dad lagu gabado ayuu baaqigiina ka dhigtay.

Magaalada dacal keeda markuu soo gaadhay si magaalada loo argagax geliyo wixii intaa oo dhan ka soo badbaaday magaalada dacal keeda markii uu yimi na, wuxuu yidhi ku hor gowraca magaalada baaqigiina halkaa birta lagu mariyay.

Reer Samarkand markaan naftii baa isugu timid, reer Samarkanda naftii baa haysata, reer Samarkanda waxay isku dayeen boqor kii meesha maray 50 kun oo askari buu u sii dhigay oo uu meeshaan kaga tagay kontan kii kun askari ee meesha joogay ee madax dooda ka tagtay iyana waa cabsadeen. Tiradu wax ma tarto ee dadka tayadiis iyo iimaan kiis intey Alle rumeysan yihiin baa wax badan tara.

Magaaladii markii dhan walba xisaar lagaga sameeyay go’doomin markii dhan walba lagaga sameeyay ayuu ciidan kii dhamaay ee meesha magaalada lagaga sii tahay, waxay ahayd inuu magaalada ka soo baxoo dibeda ku dagaalamo, dibeda uma bixinee magaaladii gudaheed dii buu galay dhalcaad kii dadka ku jiray buu la galay, isla markaana waxay go’aan sadeen go’aan ah in ay is dhiibaan.

Daweetana dadkii magaalada joogay ayaa ku qayliyay waxaa la isku dayay in la qanciyo fulay baqaaya cararaaya ciddi ma joojin karto waa diideen, waxay aqbaleen magaalada Samarkanda la odhan jiray iney iyana dhiibaan.

Dadkii markii sidaa arkay culimadii iyo dadkii baa wada hadlay waxaa la yidhi war kuwaani askar na ma aha ciddina ina difaaci meysee aan is difaacno aan wax iska celino 70 kun ayaa markaa soo baxay oo dadkii magaalada deganaay ah seyfa hooda iyo warma hooda ayay qaateen waxay yidhaahdeen waan is difaaceynaa.

Dadka kani waa dad xamaasadi hayso laakiin ma aha dad military training leh, dad ciidan nimo loo tawabaray ma aha, waa dad un nacay iyaga oo fara maran inta loo yimaada in birta la mariyo oo la gowraco waaye waxay ogg yihiin magaaladii dhameyd ee is dhiibtay oo Bukhaara ahayd ba sidii loo galay, marka koley waad dhimaneysaan bey is leeyahiin ee idinka oo soo jeeda dhinta.

Waa soo baxeen Genghis khan waa qabiir taatik yahan ah 70 kun markay soo baxeen oo uu garan naayo inaanay ahayn raggii militaryga ahaay ee dhabta ahaa ayuu wuxuu sameeyay taatik dagaal oo ah aan u baqa guurno aan u baqa cararno, dadkii markii leysku soo baxay ba wuu u baqa cararay.

Ciidan kiisii wuxuu faray inay baqa carar sameeyaan, baqa cararka waa inaad iska dhigto sidii nin jabay oo cararaya oo tagaya, laakiin xeelad dagaal buu wadaa ma rabo inuu cararo.

Waa soo baqa cararay dadkii awalba xamaasadeey sanaa waxay lahaayeen walee waa kaa gaalka idiin jabay, seefta ayaa lagala dawa cararay waa laga soo dawa amuumay. Ciidama diisa qeyb buu meel sii dhigay, dadkii markii magaaladii kala baxay uu gaar ula baxay ayuu (kamiinadii) xagga dambe ka mareen waxaa laga xidhay xaggii magaalada iyo maganka ay ka heli lahaayeen daweetana labada dhinac baa askar tiisa ka gashay 70 kaba madaxa ayaa laga jaray, todobaatan kii kun ee soo baxay madaxa ayaa laga jaray. Mar keliya 70 kun oo reer samarkhanda ahaa oo intoodii iimaanka uu ku jira wax is baday ah iyagana waa la gumaaday.

Maxaa soo haray magaaladii buu ku soo noqday markaas go’doomis kii buu ku bilaabay, ciidankii 50ka kun oo dagaalami waayay ee gudaha ku jiray Genghis khan bey la xidhiidheen waxay yidhaahdeen waan is dhiibeynaa laakiin nabad gelyo na sii, dadka intii kale ee magaalada ku hadhay wey diideen war saani si ma aha baa la yidhi, qoladii ciidanka ahayd waa ku adkeysatay Tataar kana wuxuu yidhi nabad gelyada ayaan ogolahay daweetana albaabadii magaalada ayay qasab ku fureen.

Waa askar shacabka na ka adag, waa hal kii gabyaaga Carbeed wuxuu lahaa:

‘’Asadun caleyya wa fil xuruubi nacaamatu.’’

Aniga markay i arkaan waa libaax dagaal markuu dhaca na waa goroyyo buu yidhi waa cararayaan.

Waa askar shacabka iyo masaakiinta ka adag, halka ragga isku haya marka la tagana calanka xad bey geynayaan!

Dadkii waxay ku qasbeen albaabada in la furo.

Magaaladii samarkhanda ahayd albaada ayaa loo furay daweetana Genghis khan iyo ciidan kiisii baa yimid, wuxuu yidhi shuruuda nabad gelyada iyo heshiiska aad ku heleysaan waxa weeyaan:

  • kow hubka soo dhiiba
  • iyo fardaha
  • iyo xoolaha

Idin kana waxaan idin gaadhsiin nayaa dhul nabad iyo meeshii aad rabteen, waa ciidan kii dowlada, markaa wuxuu leeyahay wixii hub ah iyo fardo iyo (dawaab) aad rarataan xoolo wixii hala soo wareejiyo idin kana waan idin geeynayaa, waan idin kaxayn nayaa dhul nabad ah meeshii aad dooneysaan baan idin qabad siinayaa.

Waa rag dee jabay yacni (fulaha) hadii inan yar u hanjabo inanka yar xoogiisa ma muuqdo ee digdig tiisa ayaa u muuqata. Waa jabeen nimanka kani maadaama ay jabeen hubkii iyo wixiina waxay yidhaahdeen waakan naga qabo. Ciidanka wixii hub uu haystay meel buu ka dhigay, waa un nidaam kaan maantaba la isticmaalo;

  • cuna qabateen ku soo roga,
  • hubka ha laga dhigo
  • yaan waxba laga iibinin

Marka dambe na waa lagu duulaa marka wax walba waqtiga laga dhigo.

Hubka oo dhan markii uu ka dhigay ayuu magaalada soo galay daweetana wuxuu amray in rag gooda iyo dumar kooda iyo caruur tooda kuwaan waxba inaan laga sii deynin la laayo magaalada tan, wixii xoolo ahna la qaado, dadkana in la cadaabo ilaa iyo xoolahu halka ay ku qarsoon yihiin inta ay ka sheegayaan.

Dumarka iyo caruurta wixii in la adoon sado la kaxaysto aanu u cuntamin ama weyn ama xanuun sanaaya ama kuwaana ma wad wadi karno ee hala dilo. Jaamica magaalada masaajidka ugu weyn ee magaalada ku yaalana hala gubo Genghis khan magaalada tan dhulka ayuu la simay.

Bukhaara wixii ku dhaceen Samarkhanda iminka sidaani ay u socoto cid muslim oo soo caawiso ee u kacday na ma jirin, boqor weliba wuxuu is yidhi adigu dowlad daadi iyo xuduud daadi iyo intaadi iyo askar taada iyo waxaada waad haysataa reer hebel baa la laayn nayaa adiga maxaa kaa galay!

Bal waxaa ba laga yaabaa inuu ku farxaayay dee dagaalo horey wada galeen wey is hayeen!

Waxba ha la yaabin waa waxa maanta dunida ka socdo un nee (faluuja) ayaa la liqayaa inta kale ayaa daawaneya, (falastiin) baa la laqayaa inta kale ayaa daawan neysa waa (nafsi shey).

Genghis khan magaaladii Samarkand ayuu fadhiistay daweetana wuxuu yidhi magaallooyin kani iyo leynt tooda tani waqti badan bey iga lumin neysaa ee maxaan sameyn nayaa?

Labaatan kii kun ee ciidan kiisa raggii ugu qatar sanaay ayuu soo saaray daweetana wuxuu yidhi dowlada tani jabtay ee waxaan rabaa Maxamed ibnu Khawarizm Shah ninka ahaa in madaxiisa la ii keeno, boqor kii ha laga daba tago wax kale oo aad eegtaan yey jirin socda boqorkii baan idin diray isna wuxuu degay samarkhanda buu iska degay.

Meel kasta uu jira nin kaas raadiya samada haduu qabsado haka harina.

U fiirso waa labaatan kun oo askari dowlad dhan oo laba saddex magaalo laga haysto oo intii kale dhex tahay ayuu u dirayaa, waa caasimadii wadanka meeshuu ku socda, 20 kun baanu u diray marka kan, soo qabta buu yidhi madax weynahii wadanka.

Raadintii Maxamed Shah

Ninkii Maxamed ibnu Khawarizm Shah ahaa waa kii cararay magaala diisii Orjenda la oran jiray buu tagay wixii ciidan uu uruursan karo buu uruursaday meeshiisii buu sii joogay.

Waqti yar ba inta aan la joogin waaba Tataarka oo xiimaya muslim kii oo dhan soo dhex jeexay Organda maraya. Organda waxaa mara (nahru jiixoo ga) aanu sheegeyni webiga markaa dhan kiisa galbeed bey magaalada ku taalaa, daweetana webiga sadd weyn buu leeyahay yacni wuxuu leeyahay biyo xidheen weyn ayay meeshaa ka sameys teen.

Labaatan kii kun ee askari oo yaacaya oo Tataarka ahaa baa soo galay dhinicii bari bey isa soo taageen wabaa ka xiga magaaladii, seey u talaabi doonaan?

Qoloda tani way arkeen mar hadii webigii weeynaa dee meesha ka xiga inaan ciddina, doon yana ma joogaan meeshii wixii yaalay waa laga qaaday lama rajeynaayo inay ciddi ka soo talaawdo.

Tactic military bey niman kaani isticmaaleen markey meesha yimaadeen waxba waayeen, looxaan bey dhiseen dabeetana harag bey ku (dahaareen), loox xeedho oo kale baa la sameeyay harag baa daweetana lagu dahaaray, wixii qalab ee ka qoyaaya baa lagu guray daweetana fardahii baa laga daa degay, faraska ayaa webiga lagu ridaayaa, ninka na faras kuu dawa qabsan nayaa, looxaan weyn iyo waxaan gacan ayuu ku qaadayaa, farduhu waa dabaal yaqaaniin faraska ayaa dabaalanaaya oo ka talaabaya askariguna faras kaasuu dawada haysan nayaa, askariguna wuxuu gacanta kale ku haynayaa bahashaan dhan buu jiidhayaa looxaan alaabtu saaran tahay buu jiidayaa nidaam kaas ayay kaga talaabeen.

Labaatan kii kun askari iyo qalab kooduba xaga shisha ayaa loo talaabiyay.

Intii waxaan oo dhan oo ciidan ah soo talaabayay xagee lagu maqnaa dowlada muqaabaraad keeda meey miyaa la hurday sidee wax ahaayeen lama garan naayo!

Maxamed Khawarizm Shah iyo ciidan kiisa wax un baa indhaha kala qaadeen nimankii ciidankii Tataarka oo ka soo talaabay wabigii oo dhan kii kale taagan Maxamed Shah markuu ogaaday in la soo talaabay koox ciidan kiisii kamid iyo wax buu kaxaystay waa dhaqaajiyay waa ka baxay magaaladii isaga oon waxba eegin.

Ibn Athiir wuxuu leeyahay:

‘’Cid asaga oon dib u eegin xoogaa yar iyo koox diisa ayuu kaxaysay dabeetana wuu baxay, wuxuu qabtay Nishapur.’’

Nishapur waxay ku taala koonfurta Argenda ayay ku beegan tahay. Maadaama uu cararay ciidan kiina madax hadaay kaa cararto ciidanka intii kalena waa iska kala yaacay, laakiin labaatan kaan kun ee askari nidaam ayuu ku socon naayay ninka Genghis khan la yiraahda (awaamirta) sideeda ayay u fulin nayaan, ma odhan magaalooyin gala cid qabta aniga ninkaa ii doona buu yidhaahday, ciidankii markuu kala yaacay nin kiina uu baxsaday magaalada ma ay eegin, odaygii cararay bey ka dawa tageen magaaladiina waa iska dhaafeen.

Madax weynahii waa rooray, wuxuu rooraba magaalada Nishapur la yidhaah oo koonfur ka xigta ayuu yimid, kooxdaani na waa ka dawa timid waxba mey dilin waxba mey boobin toos bey u socdaan, muslim tiro badan bey dhex marayaan muslimka laf tiisina waxay is yidhaahdeen war balaayadaan hadii Ilaahay idinka badbaadiyay ha isku taataabina ee ha idin dhaafaan, iyana cidna ma taabtaan muhimad dooda ayay u socdaan dadkii iyo askar tii iyo wixii kale ee meel kaga soo hor baxaa na niman kaan idinma taaban, idina ha taabanina jidka ayaa loo baneeyay. Jidka markii si fudud loogu baneeyay odaygii bey dawa jamac sadeen.

Intii aanu ciidan ba uruur sanin ayaa warku soo dhacay odhanaya Nishapur nimankii waa dul taagan yihiin, labaatan kii kun askar oo xiimaya Nishapur bey joogaan. Markuu warkaa maqlay madax weynahii oo xoogaa giisa intuu aruur saday ayuu Mazandaran magaala a yidhaah tow uga siiyay waa ka baxay tiina waa Iran magaalo ku taalo Nishapur markay isa soo taageen baa la yidhi madax weynahii waa baxay kumay weecan magaaladii odaygii bey ka dawa tageen, magaaladii iyana waa iska dhaafee.

Madax weynahii sidii uu u ordaayay wuxuu soo galay magaalo Rayy la yidhaahdo waa dhanka bari buu markaan u kacay markii hore Agenda buu ka yimid, Nishapur oo koonfur ah buu yimid bari buu u jeexay hadana wuxuu qabay markaa magaalo Rayy la yidhaahdo.

Rayy markuu yimi ayaa loo sheegay nimankii inaaney magaalooyin kii ku hakan ee ciddaada aya dawa socdaan. Waa dhaafay iyana Hamadaan buu u sii kacay waa magaalo kale oo Iran kamid iyana. Nimankii Tataar waa yimaadeen waxaa la yidhi duqii Hamadaan buu ugu tow siiyay, waa ka dawa shubeen magaaladii iyana kumay weecanin.

Waxaa ay magaalo marayaan ee ciidamo muslimiin jooga dad muslin ayaa jooga waa ummada Muslim ah waa madax weynahii ninkaan la eryayaa laakiin baqahii dadkaan galay iyo warkii labadaan magaalo dadkii siduu u soo gaadhay ciddi ba xaga faraha u fiiqi meyso waa loo baneeyay jidka iyana waa ka dawa tageen.

Hamadaan isaga oo jooga ayuu maqlay nimankii hadan iney weli soo socdaan Rayy buu ka soo baxay Hamadaan buu joogaa Mazandaran tii markii hore ka yimi ayuu dib ugu kala fireeyay. Mazandaran buu dib ugu noqday iyana waa ka soo dawa laabeen, wuxuu maqlay hadana nimankii in yar bey kuu soo jiraan waa cararay.

‘’Madax weyne wadan kiisii weli (hidden and see) ka cayaaraya baxaa la yidhaahdaa bahashaan dhuumashda iyo soo heli taanka!’’

Waa baxsaday, baxsadkii wuxuu qabtay gobol kaan la yidhaahdo Tabarestan.

Tabarestan waa gobolka ku xiga (بَحَر قَزْوِينْ) baddaan yar ee Khaswiyn la yidhaahdo gobolka ku xiga ee muslimiinta degi jireen baa Tabarestan la odhan jiray, gobol kaas buu tow uga siiyay daweetana waa ka soo dawa baxeen. Wuxuu gaadhay baddii badda markuu tagey ayuu Doon fuulay, daweetana (Jaziirad) yar oo badda bartan keeda ku taala ayuu degay, sidey u soo eryayeen bey xeeb tii isa soo taageen, nasiib daro wuu ka baxsaday iyo nasiib wanaag midday tahay garan maayo!

Geeridii Maxammad
Ibnu Khawarzim Shah

Boqor kii lama haayo meeshii markii isa soo taageen dee tani webi ma ehee waa bad, markaa dib bey uga laabteen. Boqorkii meesha waa ku cidleestay, waa ku fool xumaaday, waa baahaday waa ku baqtiyay waa dhintay.

Al dowla khawarzimiya ninkii ka talin jiray kaffan baa loo waayay faraash kuu ku seexan jiray baa lagu aasay (الدولة الخوارزمی) ee dhan na Chine dacal keeda joogta, dhan na Ciraaq dacal keeda joogta, dhan na (بَحَر قَزْوِينْ) joogta dhan na (نهر السند) ayay joogtaa, Pakistan, Afghanistan (Stan) oo dhan (نهر السند) webiga la yidhaahdo ee mara gobol kan Sind la yidhaahdo ee ku yaala Pakistan, intaa wadan kaa la eg nin kii ka talin nayay kaffan baa loo waayay faraash kuu ku jiifay baa lagu aasay.

أَيْنَمَا تَكُونُوا يُدْرِككُّمُ الْمَوْتُ وَلَوْ كُنتُمْ فِي بُرُوجٍ مُّشَيَّدَةٍ

[سورة النساء آية ٧٨]

‘’Meel kasta oo aad tagto ba, geeri wey ku haleeleysaa.’’

Khwarezmain Empire

Al dowla khawarzimiya hadaan dib ugu noqdo Muxammad ibnu Khawarizm Shah wax cajiib ayaad ka arki doontaan hadaan isaga taariikh diisa in yar ka waramo 21 sannad dood iyo weliba bilo ayuu wadan kaasi ka talin naayay, labaatan iyo kow gaas uu ka talin naayay boqor tooya diisa wey sii balaaran neysay. Boqor tooyin kii yar yaraa ee ak tiisa ka jiray oo dhan wuu baabi’iyay isagu isku soo hoos daray min Ciraaq ilaa Turkistan. Turkistan tan ee hada qayb haysto Chine ilaa Ciraaq inta ka dhax leh dowlad dan bey ahayd.

  • Afghanistan buu xukumi jiray
  • Qayb India ka mid ah buu xukumi jiray
  • Sajistan (Sistan) buu xukumi jiray
  • Karmaan oo Pakistan qayb ka mid ah buu xukumi jiray
  • Tabarestan ta aynu ka warami doono

Waxaas oo dhan buu haystay.

Nin kaan xal kiisa siduu ahaa?

Ninka kani shaqsi ahaan cibaado iyo maamul ba wuu ku fiicnaa ba la yidhaahdaa bal u fiirsada waa wax cajiib ah ayaad arki doontaan ne.

Waxay yidhaahdaan wuxuu ahaa nin samir badan, oo dhibaatada u adkeysi badan, oo socod badan oo aan raaxa jacleyn, oo bidh bidhka nololeed aan u jeedin, laakiin madax nimo hunguri uu haayo madax nimada aad ugu adag boqor tooyadana ilaashada.

Shaqsiya diisa qof ahaan waxay ku sheegaan inuu ahaa:

  • Nin cilmi lahaa
  • Oo culimad sharfi jiray
  • Oo cilmiga jeclaa
  • Oo majaalis tiisa cilmiga la fadhiisan jiray
  • Oo ahlu cilmiga ka barakeysan jiray la noolaan jiray

Oo hadaa xageey inkaatu kaga dhacday?

Asiga shaqsi ahaan tiisa waxaa la leeyahay nin cibaadeysto oo ceyn kaa buu haa maamul ahaan waxaa la leeyay nin dowla diisa iyo waxaan ilaaliyo si fiican u maamula buu ahaa. Waxay yidhaahdaan mushkila diisu wuxuu ahaa (siyaasi hinaasiya) buu ahaa. Madaxa in cid kale u qaado ma ogoleyn keligii talis, keligii inuu taliyo.

Ibnu Athiir wuxuu leeyahay:

Yacni wuxuu tilmaamayaa nin kaani buu yidhay dhulkoo dhan buu qabsaday, boqoradii kale iyo madax dii kale oo dhan buu laayay uu gumaaday, keligii baa meesha u hadhay. Markii isgu Tataarka jabiyeen buu yidhi….

Hadaan si kale u tilmaamo waxa weeyaan, aniga mooyaan nee madax kale yey jirin buu taagnaa, madax dii kale iyo wixii kale oo dhan buu dhulka la simay isaga markuu.

Genghis Khan Empire

Qisatu Tataar oo min Mongoliya iyo Kiev na waa leyga rabaa inaan ka waramo inta ka dhax leh sidii loo qabsaday, waqtigana 10 daqiiq ayaa ka hadhay.

Marka aan soo koobo waxaan odhan karaa dadka muslimiinta ah dhibaata dii dhex dooda taalay baa jabisay, mid nimo la’aantii baa jabisay daweetana intii kale markuu gumaadayay isaga oo qudha ayaa soo hadhay, isaga markii la jabiyay na wax wax ka dhiciya waayay.

Halkii Nabi Muxammadﷺ siyaasad diisa ahayd meel kasta oo dowladii Nabi Maxammadﷺ ay tagto madax ma uu bedelin Nabigaﷺ, manaahijta iyo maamulka qaabka loo wado uun buu wax ka bedeli jiray, laakiin ma jiro reer uu suldaan kiisa cazilay, boqor uu meeshiisa ka qaaday wixii uu Nabi Maxammedﷺ dhul uu qabsaday ma jirin nin madax meel uu haystay ka qaaday, laakiin wuxuu bedelin jiray qaabka wax loo maamulaayo iyo seey wax u socdeen.

Ciidankii yaraa ee labaatan ka kun ahaa dib bey u soo laabteen ciidan kaas iyo Samarkhanda lix boqol iyo konton kilometer baa u dhexeeya intay jareen ee ninkaa ay eryayeen, caalam kaa muslimka ee balaaran bey iska soo dhex marayaan iyaga oon ciddina taaban neynin, waaye muslim naf leh baan meesha joogin.

Waxay ku soo noqdeen magaaladii Mazandaran la odhan jiray, daweetana magaaladii bey qabsadeen iyada oo magaalo (xassiim) ahayd Mazandaran waxay ka mid tahay magaalooyin aan cahdigii Cumar (rc) markii uu Persia uu furtay oo dhan Mazandaran muslimiintii saxaabada wey furan karin waayeen.

Waxay yidhaahdaan waxaa la furtay casrigii Umawiyiin, maxaa la odhan jiray Suleymaan ibnu CabdilMalik waqti giisa baa la furtay, yacni magaala qalcada aad u adag leh bey ahayd, hadana dadku markuu qalbi ahaan jabo labaatan kii kun nin kaa soo waayay baaba soo cag mariyay ayaa gacanta soo mariyay Mazandaran na iyaga ayaa qabsaday, daweetana dib bey u soo noqdeen, waxay ku soo weecdeen magaaladii Rayy la dhan jiray.

Rayy markay ku soo socdeen dhexda waxay ka soo heleen ninkii madax weynaha ee eryeyeen hooyadii iyo xoogaa caruur tiisa iyo dumar kiisa kamid ah bey meel dhexe ka heleen, intiina inay maxbuus nimo u qabteen bey u direen, waa labaatan kii kun waxaan sidaan wax u wada, maxaabiis intay ka dhigeen bey waxay u direen Genghis Khan. Magaalada Rayy bey yimaadeen, markey Rayy imaadeen na iyana cagta ayaa la mariyay tuulooyin kii ku dhodhowaa baa la yimi iyana cagta ayay soo mariyeen.

Waxaa la yidhaahda (qaswiin) magaalada la yidhaah markay yimaadeen 40 kun oo qof bey madaxa ka jareen.

Waxay soo galeen Azerbaijan gobolka la yidhaahda, Azerbaijan bey iyana cagta mariyeen, magaalo (Tabriz) bey yimaadeen, Tabriz waxaa haystay bey yidhaahdaan nin madax ah oo qamri cab iska ahaan jiray (Ouzbak Ibn Bahlawan) lacag iyo maryo iyo wax buu kala hor tagay waa labaatan kii daweetana wuxuu yidhi amaan na siiya intaan qaata waa ka aqbaleen waa iskaga tageen.

Waxay yimaadeen magaalo Tabriiz la yidhaahdo, reer Tabriiz waxay yidhaahdeen dagaal baanu ka xignaa, dagaal bey u soo baxeen jihaad bey iclaamiyeen, qoloda tan waa qatar bey yidhaahdeen ina dhaafiya waa iska dhaafeen.

Armenia iyo Giorgia bey tageen cagta ayay mariyeen waa dhaafaan, waxay tageen magaalo la yidhaahdo qabiil kaan Kurj ka la yidhaahdo Kurjiga waa kuwaan imanka Georgian ka la yidhaahdo cagta ayay mariyeen waa Christan qabiil ah iyo (wathaniyiin) bey isugu jireen kuwaas na cagta ayay soo mariyeen magaalada Tabriiz la yidhaahda ayay cagta soo mariyeen waa soo dhaafeen. Sannad kaasi oo ah 617kii ayuu wuxuu ka dhigay Khorasaan oo dhan inay bilaa dowlad noqoto Khorasaan iyo Khawarizm labada gobol ee la yidhaahdo.

Khorasaan waxaa la yidhaahdaa waa gobol Iran bari geeda iyo waqooyiga Afghanistan intaas oo isku baxsan baa Khorasaan la odhan jiray taariikh yahanadii hore waa meeshay ku taal magaalada la yidhaahda;

  • Balaq
  • Marwa iyo
  • Nishapur
  • Haraad iyo
  • Qasna iyo waxaan oo dhami

Dhul kaas oo dhan buu soo maray oo wada (qalaac xassiin) ahaa.

Maadaama uu waqtiga iska gabagaba yahay   bal maanta hal kaas ayaan ku joojin nayaa.

.(.والله أعلم)

وصلى الله وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

هذا وبالله التوفيق

*** *** ***

Hal kaan ayuu inagu dhamaaay labadii qaybtii labaad ee Taariikhda Tataarka Inshaa Allaahu Tacaalaa hadii Ilaahay indoo fududeeyo waxaan soo diyaar neynaa qeybta saddexaad.

Waxaa mahad leh Allaah (twt) oo inoo fududeeyay dersigaan qiimaha badan oo inoo soo jeediyay Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil (Ilaahay ha xafido).

Fadlan wixii qalad ah ee aad meesha ku aragtaan oo saxid u bahaan nagu soo hagaajiya cinwaanka hoos ku qoray. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.

Decorative Lines

Waxaa qoray:
Abuu Kalthuma
Email: Abuu.kalthuma@gmail.com