Kitaabka Zakada Maalka

Waxaa dhigay:
Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Marjaca asalka ahna waa kitaabka Zakada ee Dr. Yuusuf Al Qardaawii iyo Kutubbada Fiqiga ee Al Imaamu Al Nnawawii.

Fadlan qoraalkaan oo PDF ah halkaan ka degso

Decorative Lines

bism Allah (2)

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

Tusmada kitaabka

Hordhaca dhigaha kitaabkaan:

Zakadu waa tiirka labaad ee islaamka, waana salaadda walaasheed oo intaasoo Aayadood ayay iskula dhigan yihiin oo isku lammaan san yihiin. Soomaalidu, gaar ahaan reer miyiga, gaar ahaan xoolo dhaqatada way wayneeyaan zakada oo bil dhan ayayba ku magacaabeen oo yiraahdeen ‘Bisha Zako” ama “Bisha Dago.” Xoolohooda zakada ku waajibtayna way ka bixiyaan Allaha ka abaal mariyee. Al Imaamu Calii bin Abii Dhaalib, (رضي الله تعالى عنه), markay geeridu u timid isagoo wiilkiisa Al Xasanu oo caruurtiisa ugu weynaa la dardaarmaya, ayagoo wiilashiisa kalena ay goob joog yihiin wuxuu kula dardaarmay waxaa ka mid ahaa:

“Ha aqbalin salaadda nin aan zakada maalkiisa bixin.”

Sidoo kale Amiiru Al Mu’miniina Cumar, (رضي الله تعالى عنه), markay geeridu isagana u timid, isagoo wiilkiisa Cabdu Allaahi ibnu Cumar la dardaarmaya wuxuu kala dardaarmay waxaa ka mid ahaa zakada. Bixinta zakada maalku waxay daahirisaa qalbiga iyo maalka qofka bixiyay iyo qalbiga qofka la siiyayba, siduu Nabigu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) u yirina “maal uma naaquso zako laga bixiyay”, waana macnaha Xadiithka.

Allaha nagu hanuuniyo noona sahlo inaan zakada xooleheenna bixinno, zakadaasoo ah kabid ay bulshada qaybihiisu is kabayaan oo kuwa Ilaahay wax siiyay ay ku kabayaan kuwa dan yarta ah. Wixii qalad ah oo kitaabkaan ku jira waxay ka yimaadeen aniga iyo shaydaan, inta suubanna waa galladaysi Ilaahay Tacaalaa.

Waxaan kitaabkaan ajarkiisa u niyooday labada i dhashay iyo anigaba iyo caruurtayda inuu Ilaahay na siiyo maalin ayan maal iyo wiilal toona wax tarayn qofka Ilaahay qalbi fiyow la hor yimaada mooyee. Waxaa dhigay midka raxmada iyo dambi dhaafidda Ilaahiis faqiirka u ah Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan, DVM – Ottawa, arliga Canada. Maalin arbaco ah ee bisha Safar ee 1429, una dhiganta 27 Febraayo 2008.

bisM-2

Zakada Maalka

Zakadu waa tiirka saddexaad oo uu islaamku ku dhisan yahay. Al Zakaatu waa eray Carabi ah macnihiisuna yahay “Kordhin, badasho”, oo maalka laga bixiyay badisaa, kana ilaalisaa naaqusid inay dhibaato gaarto iyo baa’ba’. Zakadu waxayna badisaa dhaqaalaha qofka la siiyo. Zako waxaa kale weeye “daahirin”, ayadoo daahirisa qofka bixiya iyo maalkiisaba. Zakaat waxaa kaloo weeye “barako”, ayadoo uu Ilaahay barakeeyo maalka laga bixiyo. Zako waxaa kaloo weeye “ammaan” uuna helayo qofka bixiya. Erayga Al Zakaat wuxuu Quraanka ku xusan yahay soddon goor, oo sideed iyo labaatan ka mid ah uu salaadda kula xusan yahay isla Aayad, taas ayaana u sabab ah in zakada la yiraahdo “salaadda walaasheed”.

Maxaa zakada loo bixinayaa?

Ilaahay (صبحانه و تعلى) wuxuu Aayadda boqol iyo saddex ee Suuratu Al Tawbah ku yiri:

خُذْ مِنْ أَمْوَالِهِمْ صَدَقَةً تُطَهِّرُهُمْ وَتُزَكِّيهِم بِهَا وَصَلِّ عَلَيْهِمْ ۖ إِنَّ صَلَاتَكَ سَكَنٌ لَّهُمْ ۗ وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ

[سورة التوبة آية ١٠٣]

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Xagga maalkoodana waxaad ka qaadaa zako, aad dambiyada uga daahirineysid, aadna darajadooda ka qaadeysid darajada munaafaqiinta kuna gaarsiineysid darajada mukhlisiinta, xoolohooduna ay ku badanayaan.”

Al Bukhaarii iyo Muslim waxay wariyeen inuu Rasuulka Ilaahay, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), yiri:

فأعْلِمْهم بأنَّ الله افترض عليهم صدقةً في
أموالهم، تُؤخذ من أغنيائهم، وتردُّ في فقرائهم

(صحيح البخاري ١٣٩٥ – مسلم ١٩)

 … oo ah:

“Una sheeg inuu Ilaahay korkooda fardi ka yeelay zakada maalalkooda oo kuwooda hodanka ah laga qaadayo, lana siinayo faqiirkooda.”

Yay Zakadu Waajib Ku Tahay?

Zakadu waxay waajib ku tahay inuu bixiyo qof kasta oo:

  1. (Kow) Muslim ah.
  2. (laba) Qaangaar ah.
  3. (Saddex) Caqli leh oo aan waalnayn.
  4. (Afar) Xor ah oo aan addoon la leeyahay ahayn.
  5. (Shan) Leh oo uu gantiisa ku jiro maal gaaray nisaabka ay zakadu ku waajibto.
  6. (Lix) Maalkaas uu milkigiisa yahay, uuna siduu doono ugu tasarrufi karo.
  7. (Toddoba) Aan dayn lagu lahayn.

8. (Sideed) Wuxuuna ka bixinayaa maalka dheeriga ku ah waxa isaga baahidiisa daboola iyo baahida dadkuu isagu sharciyan xilkooda hayo, sida:

  • Haweentiisa,
  • Caruurtiisa,
  • Waalidiintiisa,
  • Qaraabo kale,
  • Dadka u adeega,
  • Hoygiisa,
  • Mataaca iyo alaabta gurigiisa,
  • Cunnada,
  • Dharka,
  • Wax barashada,
  • Daryeelka
  • Caafimaadka,
  • Gaadiidka,
  • Qalabka uu ku shaqeeyo,
  • Kutubbada,
  • Hubka,
  • Dahabka iyo waxay haweenku is qurxiyaan iyo waxa la midka ah.

9. (Sagaal) Inuu maalkaasu milki giisa ku jiray laba iyo toban bilood oo bilaha Islaamku tirsado ama ka badan, uuna ku haystay nooc kasta oo maal ah sida lacag, dahab, ganacsi iyo wixii la mid ah.

Maalka Zakada Laga Bixiyo

Zakadu waxay waajib ku tahay oo laga bixinayaa dahabka, lacagta, xoolaha nicmooleyda ah ee geela, lo’da iyo ariga, badarka iyo zaraca beeraha, maalka ganacsiga, maalka dhulka hoostiisa lagala soo baxo.

Nisaab

Nisaab waxaa la yiraahdaa in go’an oo maal ah oo markuu maalka qofku gaaro ay waajib ku noqoneyso inuu zakada ka bixiyo. Hadduu maalku nisaabka ka yaryahay zako waajib kuma ah.

Zakada Dahabka,
Qalinka iyo Lacagta

Inay zakadu waajib ku tahay dahabka iyo qalinka iyo lacagta waxaa u daliil ah Aayadda afar iyo soddonaad ee Suuratu Al Tawbah:

وَالَّذِينَ يَكْنِزُونَ الذَّهَبَ وَالْفِضَّةَ
وَلاَ يُنفِقُونَهَا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ

[سورة التوبة آية ٣٤] 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Iyo kuwa dahabka iyo fiddada, waa qalinkee, kaydsanaya (oo kanz waa maalka aan zakada laga bixin) oo aan ku bixineyn jidka Ilaahay, waa aan zakada ka bixineyne, ugu bishaaree cathaab xanuun badan.”

Al Bukhaarii iyo Muslim waxay wariyeen inuu Rasuulka Ilaahay, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), yiri:

“لَيْسَ فِيمَا دُونَ خَمْسِ أَوَاقٍ صَدَقَةٌ”

oo macnihiisu yahay:

“Waxa shan wiqiyadood ka yar zako laguma laha.”

Al Bukhaarii wuxuu Abuu Bakar ka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), yiri:

“فِيهَا رُبْعُ الْعُشْرِ وَهُوَ خَمْسَةُ دَرَاهِمَ”

oo macnihiisu yahay:

“Lacagta macdanta laga tumay waxaa ku waajib ah cushur rubuciis, oo ah laba iyo bar boqolkiiba.”

Nisaabka dahabka, oo haddii uu gaaro zakadu ku waajibayso waxaa weeye labaatan Diinaar oo dahab ah, taasoo u dhigantah shan iyo sideetan graam, ha ahaado dahab ceeriin ah, ha ahaado mid tuman, ha ahaado mid lacag ah, ama si kaleba ahe. Markay taariikhdu ahayd sideed iyo tobanka Ramadaan kun iyo afar boqol iyo toddoba iyo labaatan Hijriga , ahna kow iyo toban Oktoobar laba kun iyo lix, shan iyo sideetan graam oo dahab ah wuxuu suuqa New York ka joogay kun iyo shan boqol kow iyo lixdan doollarka maraykanka.

Marka qofka leh shan iyo sideetan graam oo dahab ah, shuruudaha zakaduna u dhan yihiin wuxuu zako ahaan u bixinayaa boqolkiiba labo iyo nus dahabkaas ama lacag qiimihiisa u dhigantah, waana laba graam iyo boqol iyo shan iyo labaatan graam ama sagaal iyo soddon doolaar iyo afar iyo labaatan santi oo doollaarka maraykanka. Hadday dahabka ama lacagtu intaas ka badan yahiinna, hadba intii uu yahay ayuu wuxuu ka bixinayaa boqolkiiba laba iyo bar ama kunkiiba shan iyo labaatan. Nisaabka qalinka inuu maalku gaaro uu yahay si ay zako waajib ugu noqoto waa shan boqol iyo shan iyo sagaashan graam. Markuu nisaabka qalinku intaas gaaro ama ka badan zakada ku waajib noqoneysa waa boqolkiiba laba iyo nus.

Zakada Dahabka Haweenka

Dahabka iyo qalinka iyo dheemmanka iyo waxa la midka ah ee ay haweenku isku qurxiyaan zako waajib kuma ah. Afarta math-habba waxay qabaan inaan zakao lagu lahayn, oo yiri waxay la mid yihiin geela iyo lo’da shaqeeya. Maalik wuxuu Al Muwadh-dha’ uga wariyay ibnu Cumar iyo Caa’ishah, Allaaha raalli ka wada noqdee, inay Caa’ishah gabdhaha agoonta ah ee walaalkeed ka dhintay ayaduna xilkooda haysay dahabkaas u xiri jirtay, zakana ayan k abixin jirin. Mana jiro Xadiith laga wariyay Nabiga, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), uu dahabka haweenka zako ku xukumay. Waxaa jira Xadiith haweeney ku gooni ahaa.

Zakada Maalka Ganacsiga

Inay maalka ganacsiga zaku waajib ku tahay waxaa u daliil ah Aayadda laba boqol iyo toddoba iyo lixdan e Suuratu Al Baqarah:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَنفِقُوا مِن طَيِّبَاتِ مَا كَسَبْتُمْ وَمِمَّا أَخْرَجْنَا لَكُم مِّنَ الْأَرْضِ ۖ
وَلَا تَيَمَّمُوا الْخَبِيثَ مِنْهُ تُنفِقُونَ وَلَسْتُم بِآخِذِيهِ إِلَّا أَن تُغْمِضُوا فِيهِ ۚ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ غَنِيٌّ حَمِيدٌ

[سورة البقرة  آية ٢٦٧]

oo macneheedu yahay:

“Kuwiinna rumeeyeyow, zakada ka bixiya xagga kuwooda fiican ee waxaad kasbateen, oo qaybta xun ha ka bixinnina, kuna kasbateen ganacsi ama sanco.”

Al Daarqudhniyyu iyo Abuu Daauud waxay ka wariyeen Samurah bin Jundub: “Rasuulka Ilaahay, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), wuxuu nagu amray inaan maalkeenna ganacsiga zako ka bixinno.” Dhammaadka bisha laba iyo tobnaad ee sanadka islaamka ayaa waxaa la xisaabayaa ganacsigaas: badeecadda taalla ayna ku jirto inta dayn ku maqan oo dhakhso la sugayo iyo faaiidada. Kulligoodna waxaa lagu xisaabayaa sicirka maalintaas. Nisaabka maalka laga kasbo tijaarada oo markii uu gaaro ay waajib ku noqoneyso in zakada laga bixiyo waxaa weeye shan iyo sideetan gram oo dahab ah ama lacag qiimeheeda u dhigma. Markaasaa waxaa zaka ahaan laga bixinayaa boqlkiiba laba iyo nus.

Zakada Zaraaca Beeraha

Inay zaraca beeraha zako waajib ku tahay waxaa u daliil ah Aayadda laba boqol iyo toddoba iyo lixdan ee Suuratu Al Baqarah:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَنفِقُوا مِن طَيِّبَاتِ
مَا كَسَبْتُمْ وَمِمَّا أَخْرَجْنَا لَكُم مِّنَ الْأَرْضِ

oo macneheedu yahay:

“Kuwiinna rumeeyeyow, zakada ka bixiya xagga kuwooda fiican ee waxaad kasbateen, oo waxa xun ka bixinnina, kuna kasbateen ganacsi ama sanco iyo zaraca aan dhulka idiinka soo saarnay”.

Wuxuu kaloo Ilaahay (صبحانه و تعلى) Aayadda boqol iyo kow iyo afartan ee Suuratu Al Ancaami ku yiri:

كُلُوا مِن ثَمَرِهِ إِذَا أَثْمَرَ وَآتُوا حَقَّهُ يَوْمَ حَصَادِهِ

[سورة الأنعام آية ١٣١]

oo macneheedu yahay:

“Kana cuna xagga mirihiisa markuu miro bixyo, xaqqiisana ka guda oo zakada ka bixiya marka lasoo gooyo.”

Rasuulka Ilaahay, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), wuxuu yiri:

“Fiimaa saqat Al Samaa’u wa al cuyuunu aw kaana cathariyyan al cushru wa fiimaa yusqaa bi al nnadxi nisfu al cushuri”,

oo macnihiisu yahay:

Beerta biyo roob oo Samada ka yimid ku waraabta ama ilo dhulka kasoo burqada ama ka waraabta biyaha biyo xireennada ama biyo ku socda gacan biyaha roobka kasoo qaaday god loo qoday oo ay isugu yimaadaan oo geedka salkiisa ku shubaya zakada waajibka ku ah waa cushur (1/10) oo ah mireheeda boqolkiiba toban. Beerta lagu waraabiyo ceel ama ay xoolo waraabiyaan ama gacantaba lagu waraabiyo ama rushayn ama wadaan ama biyo lasoo gatayba, waxaa ku waajib ah cushur nuskiis (1/20) oo ah boqolkiiba shan.

Zakadu waxay waajib ku tahay miraha beerah oo la kaydin karo sida badarka noocyadiisa oo idil, qamadiga iyo waxa la midka ah iyo timirta iyo canabka, oo canabka waxaa zakada laga bixiyaa markuu qallalo oo zabiib noqdo. Nisaabka miraha beeruhu waa lix boqol iyo saddex iyo konton kiiloograam, oo Al Bukhaarii wuxuu wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam yiri:

“ليس وَلا فِيمَا دُونَ خَمْسَةِ أَوْسُقٍ صَدَقَةٌ”

… oo ah:

“Waxa shan awsaq ka yar zako waajib kuma aha.” 

Zakada Macaadinta

Inay macaadinta zaku waajib ku tahay waxaa u daliil ah Aayadda laba boqol iyo toddoba iyo lixdan ee Suuratu Al Baqarah:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَنفِقُوا مِن طَيِّبَاتِ
مَا كَسَبْتُمْ وَمِمَّا أَخْرَجْنَا لَكُم مِّنَ الْأَرْضِ

… oo macneheedu yahay:

“Kuwiinna rumeeyeyow, zakada ka bixiya xagga kuwooda fiican ee waxaad kasbateen, oo waxa xun ka bixinnina, kuna kasbateen ganacsi ama sanco iyo waxaan dhulka idiinka soo saarnay”

Al Bukhaarii wuxuu wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), yiri:

“Fii al rriqati rubucu al cushri”,

oo macnihiisu yahay:

“Lacagta macdanta ka sameysan waxaa ku waajib ah cushur rubuciis, oo ah laba iyo bar boqolkiiba.”

Zakada macaadiintu waa laba iyo nus boqolkiiba oo isla markiiba laga bixinayo oo aan sanad inuu kasoo wareegto la sugayn. Macdanna waa ama wax jirmi leh sida birta oo kale ama dureera sida patroolka oo kale. Waxaa kalo la yiri inay dahabka iyo qalinka oo keli macdan ahaan zako waajib ku tahay. Runtana Rabbi ayaa og.

Zakada Rakaazka

Rakaax waxaa la yiraahdaa maal dhulka ku duugan oo islaamka hortiis lagu duugay. Al Bukhaarii wuxuu wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), yiri:

“Wa fii al rrakaazi al khumusu”,

o macnihiisu yahay:

“Rakaazkana waxaa lagu leeyahay khumus oo ah marka shan meelood loo dhigo meel.”

Waana boqolkiiba labaatan” oo isla markiiba la bixinayo.

Al Bukhaarii wuxuu Cumar ka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), yiri:

 الإِسْلامُ أَنْ تَشْهَدَ أَنْ لا إِلَهَ إِلا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ ، وَأَنْ تُقِيمَ الصَّلاةَ ، وَتُؤْتِيَ الزَّكَاةَ ، وَتَحُجَّ وَتَعْتَمِرَ , وَتَغْتَسِلَ مِنَ الْجَنَابَةِ وَتُتِمَّ الْوُضُوءَ ، وَتَصُومَ رَمَضَانَ

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Islaamku waa inaad ka markhaati kacdaa inuusan jirin ilaah aan Ilaahay ahayn, iyo Muxammad, Rasuulka Ilaahay yahay, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), aad salaadana oogtaa, zakadana bixisaa, ramadaanna soontaa, Baytkana u xajjidaa haddaad tegi kartid.” 

Zakada Xoolaha Nool

Xoolaha nool oo Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, abuuray, waxay zakadu ku waajibtay in laga bixiyo saddex nooc oo kala ah geela, lo’da iyo ariga. Arigu wuxuu ka kooban yahay riyaha iyo idaha.

Shuruudaha guud ee zakada xoolaha nool:

(Kow). Shardiga koowaad waa in tirada xooluhu ay gaaraan tiradii ay zakadu waajib ku noqon lahayd, oo ah nisaabka.

(Laba). Shardiga labaad waa in lahaanshaha xoolahaas ay laba iyo toban bilood oo bilaha Carabiga ay ka soo wareegeen.

(Saddex). Shardiga saddexaad waa in xoolahaasu yihiin kuwa daaqa duurka iyo daaqsiin furan, oo ayan ahayn kuwo lagu hayo guryo dhexdood, cuntana gacanta laga siiyo.

(Afar). Shardiga afaraad waa inayan xoolahaasu ahayn kuwa shaqeeya sida xoolaha beeraha lagu falo, kuwa beeraha lagu waraabiyo, kuwa xamuulka lagu qaado, kuwa macsarada shiida, iyo wixii la mid ah. Haddii afartaas shardi la wada waayo, ama midkood ama ka badanba la waayo, xoolahaas zako waajib kuma aha. 

Zakada Geela

Al Bukhaarii wuxuu ka wariyay Anas bin Maalik, in markuu Abuu Bakar u diray Baxrayn uu u dhigay warqad ay ku dhigantahay: “Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Tirada ugu yar ee geel ah oo zakadu waajib ku tahay waa shan halaad oo geel ah. Qofka tiro shan neef ka yeer oo geel ah leh, zako waajib kuma aha.

Shan ilaa sagaal halaad oo geel ah waxaa waajib ku ah oo laga bixinayaa hal neef oo ari ah. Toban ilaa afar iyo toban halaad oo geel ah waxaa waajib ku ah oo laga bixinayaa laba neef oo ari ah. Shan iyo toban ilaa sagaal iyo toban halaad oo geel ah waxaa waajib ku ah oo laga bixinayaa saddex neef oo ari ah. Labaatan ilaa afar iyo labaatan halaad oo geel ah waxaa waajib ku ah oo laga bixinayaa afar neef oo ari ah.

Shan iyo labaatan ilaa shan iyo soddon halaad oo geel ah waxaa waajib ku ah oo laga bixinayaa hal neef oo geel ah oo dheddig ah oo hal sano u buuxsantay, gashayna sanadkii labaad ee cumrigeeda. Lix iyo soddon ilaa shan iyo afartan halaad oo geel ah waxaa waajib ku ah oo laga bixinayaa hal neef oo geel ah oo dheddig ah oo laba sano u buuxsantay, gudana gashay sandkii saddexaad oo cumrigeeda.

Lix iyo Afartan ilaa lixdan halaad oo geel ah waxaa waajib ku ah oo laga binayaa hal neef oo geel ah oo dheddig ah oo saddex sano u buuxsantay, gudana gashay sanadkii afaraad ee cumrigeeda. Kow iyo lixdan ilaa shan iyo toddobaatan halaad oo geel ah waxaa waajib ku ah oo laga bixinayaa hal neef oo geel ah oo dheddig ah oo afar sano u buuxsantay, gudana gashay sandkii shanaad ee cumrigeeda.

Lix iyo toddobaatan ilaa sagaashan halaad oo geel ah waxaa waajib ku ah oo laga bixinayaa laba neef oo geel ah oo dheddig ah oo middiiba laba sano u buuxsantay, gudana gashay sanadkii saddexaad ee cumrigeeda. Kow iyo sagaashan ilaa boqol iyo labaatan halaad oo geel ah waxaa waajib ku ah oo laga bixinayaa laba neef oo geel ah oo dheddig ah, oo middiiba ay saddex sano u buuxsantay, gudana gashay sanadkii afaraad ee cumrigeeda.”

Zakada Lo’da

“Tirada ugu yar oo ay lo’da zakadu waajib ku noqoneyso waa soddon neef. Tiradii soddon neef ka yar zako waajib kuma aha. Hadday tirada lo’du soddon neef gaarto waxaa waajib ku ah oo laga bixinayaa hal neef oo lab ama dheddig ah oo ay hal sano u buuxsantay, kuna dhex jirah sanadkii labaad ee cumrigiisa.

Hadday tirada lo’du gaarto afartan ilaa sagaal iyo konton neef waxaa ku waajibtay oo laga bixinayaa hal neef oo lo’ ah oo dheddig ah oo laba sano u buuxsantay, kuna dhex jirtah sanadka saddexaad ee cumrigeeda. Hadday tirada lo’du gaarto lixdan ilaa sagal iyo lixdan neef waxaa ku waajibtay oo laga bixinayaa laba neef oo lo’ ah oo labood ah oo midkiiba ay hal sano u buuxsantay, kuna dhex jirah sanadkii labaad ee cumrigiisa. Hadday tirada lo’du gaarto toddobaatan ilaa sagaal iyo toddobaatan neef waxaa ku waajibtay oo laga bixinayaa laba neef oo lo’ ah oo kala ah: hal neef oo dheddig ah oo laba sano u 9

buuxsantay kuna dhex jirtah sandka saddexaad ee cumrigeeda, iyo hal neef oo labood ah oo ay u buuxsantay hal sano, kuna dhex jirah sanadka labaad ee cumrigiisa. Hadday tirada lo’du gaarto siddeetan ilaa sagaal iyo siddeetan neef waxaa ku waajibtay oo laga bixinayaa laba neef oo lo’ ah oo dheddig ah oo ay middiiba laba sano u buuxsantay, kuna dhex jirto sanadka saddexaad ee cumrigeeda. Hadday tirada lo’du gaarto sagaashan ilaa sagaal iyo sagaashan neef, waxaa ku waajibtay oo laga bixinayaa saddex neef oo lo’ ah oo labood ah, oo midkiiba ay u buuxsantay hal sano, kuna dhex jira sanadka labaad ee cumrigiisa.

Hadday tirada lo’du gaarto boqol ilaa boqol iyo sagaal neef, waxaa ku waajibtay oo laga bixinayaa saddex neef oo lo’ ah oo kala ah sidatan: hal neef oo dheddig ah oo ay u buuxsantay labo sano, kuna dhex jirta sanadka saddexaad ee cumrigeeda, iyo laba neef oo labood ah oo ay midkiiba u buuxsantay hal sano, kuna dhex jira sanadka labaad ee cumrigiisa.

Hadday tirada lo’du gaarto boqol iyo toban ilaa boqol iyo sagaal iyo toban neef, waxaa ku waajibtay, oo laga bixinayaa saddex neef oo lo’ ah oo kala ah sidatan: laba neef oo dheddig ah oo middiiba ay u buuxsantay laba sano, kuna dhex jirta sanadka saddexaad ee cumrigeeda, iyo hal neef oo labood ah oo ay hal sano u buuxsantay, kuna dhex jira sanadka labaad ee cumrigiisa.

Hadday tirada lo’ du gaarto boqol iyo labaatan ilaa boqol iyo sagaal iyo labaatan neef, waxaa ku waajibtay oo laga bixinayaa saddex neef oo lo’ ah oo dheddig ah oo middiiba ay laba sano u buuxsantay, kuna dhex jirto sanadka saddexaad ee cumrigeeda; ama waxaa laga bixinayaa afar neef oo lo’ ah oo labood ah oo midkoodiiba ay hal sano u buuxsantay, kuna dhex jiro sanadka labaad ee cumrigiisa.

Wixii lo’ ah oo intaas ka badan, soddonkii neefba waxaa ku waajibtay oo laga qaadayaa hal neef oo lo’ ah oo labood ah ama dheddig ah oo ay hal sano u buuxsantay, kuna dhex jira sanadka labaad ee cumrigiisa.

Afartankii neef oo lo’ ahna waxaa ku waajibtay oo laga qaadayaa hal neef oo lo’ ah oo dheddig ah oo laba sano u buuxsantay, kuna dhex jirtah sanadka saddexaad ee cumrigeeda.” Inay zakada lo’da waajibka ku ah sidaas tahay waxaa u daliil ah Xadiithkaas ay Axmad, Tarmathi, Nasaai’ ka wariyeen Mucaath bin Jabal.

Zakada Ariga

Erayga “ari” wuxuu koobaa riyaha iyo idaha. “Tirada ugu yar oo ari ah oo zakadu ku waajibtay waa afartan neef. Tirada arigu hadday gaarto afartan ilaa boqol iyo labaatan neef waxaa ku waajibtay oo laga bixinayaa hal neef oo ari ah. Hadday tirada arigu gaarto boqol iyo kow iyo labaatan ilaa laba boqol oo neef, waxaa waajib ku ah oo laga bixinayaa laba neef oo ari ah. Hadday tirada arigu gaarto laba boqol ilaa saddex boqol iyo sagaal iyo sagaashan neef waxaa ku waajibtay, oo laga bixinayaa saddex neef oo ari ah.

Hadday tirada arigu gaarto afar boqol ilaa afar boqol iyo sagaal iyo sagaashan neef, waxaa ku waajibtay oo laga bixinayaa afar neef oo ari ah. Hadday tirada arigu gaarto shan boqol ilaa shan boqol iyo sagaal iyo sagaashan neef, waxaa ku waajibtay oo laga bixinayaa shan neef oo ari ah. Wixii intaas ka badan, boqolkii neefba waxaa ku waajib ah oo laga bixinayaa hal neef oo ari ah. Tiradii ari ah oo afartan neef ka yar zako waajib kuma aha, in qofka arigaas iska leh uu doono inuu bixiyo mooyee.

Ariga zakada loo bixinayaa waa inuusan ahayn mid da’ wayn oo gaboobay, ama mid ceebo leh, ama waxaro yaryar, ee waa inuu ahaado kuwo meel dhexaad ah, oo aan ahayn kuwa ariga ugu buurbuuran oo ugu fiican iyo kuwa ugu caato badan oo ugu liita midkoodna. Sidoo kale ma aha in orgiyada iyo wananka laga qaadoh.”

In zakada ariga ku waajibtay ay sidaas kor ku qoran ay tahay waxaa u daliil ah Xadiithka ay wariyeen Shaafici, Bukhaari, Axmad, Abuu Daauud, Nasaai’ iyo kuwa kaleba, kulligood Allaha Kariimka ah raalli ka noqdee, ayna ka wariyeen Anas bin Maalik, oo ka wariyay Abuu Bakar Al Siddiiqu.

Zakada Soonfur

Waxay waajib ku tahay inuu bixiyo qof kasta oo muslin ah, oo haysta wax ka badan quutkiisa iyo quutka ciyaalkiisa maalinta ciidda iyo habeenkeeda. Waxaa ku waajib ah inuu ka bixiyo naftiisa, iyo inta nafaqadooda lagu leeyahay, sida haweentiisa, caruurtiisa, khaadimintiisa. Zakadaas waa laba kiilo oo bur ah ama afar kiilo oo timir ah ama lacag qiimohooda u dhigantah.

Waxaa la bixin karaa maalinta uu Ramadaan dhasho ilaa maalinta Ciidda ah intaan Salaadda Ciidda la tukan. Waxaad siin kartaa, oo haboon, qaraabadaada u baahan, dal kaleba ha joogaane.

Xukunka Qofka Waajib Nimada
Zakada Inkirah

Qofka waajibnimada Zakada inkirah, o isagoo ogsoon waajibnimadeeda hadana yiraahda waajib ma aha oo dadka hodanka ah laguma laha, waa gaaloobay, Diinta Islaamkana waa ka baxay, maxaa yeelay wuxuu beeniyay Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, wuxuuna beeniyay Rasuulka Ilaahay, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ). Marka xukunkiisu, hadduusan ka tawbad keenin, waa xukunka murtadka oo waxaa loo ban dhigayaa inuu tawbad keeno, hadduu diidana seef ayaa madaxa looga goynayaa.

Xukunka Qofka
Bixinta Zakada Diida

Qofkii isagoo waajibnimada Zakada qirsan iyo inay ka mid tahay tiirarka Diinta Islaamku ku dhisantahay, hadana bixinteeda diida, waxaa u sugnaaneysa saddex nooc oo ciqaab ah:

Kow. Ciqaab adduunyadaan ku haleeleysah, oo xagga Ilaahay uga imaaneysah oo ah abaar iyo gaajo, maalkiisuna waa fasaadayaa oo xumaanayaa.

Laba. Ciqaab xagga shareecada iyo Dawladda Islaamka uga imaaneysah oo ah sidatan. Zakada xoog ayaa looga qaadayaa . Ciqaab ahaan iyo edbin iyo inuu dadka intiisa kale ku cibrad iyo waano qaato, oo aan zakada bixinteeda la diidin, maalkiisa oo dhan ayaa marka zakada laga qaaday inta usoo hartay laba meelood loo qaybinayaa oo markaas bar ama nus ganaax ahaan ay Dawladdu u qaadanaysaa.

Saddex. Ciqaab Aakhiro ku haleeleysah.

Ciqaabta Aakhiro

Al Bukhaarii wuxuu kitaabka zakada ku wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), yiri:

:عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِي اللَّهم عَنْهم قَالَ

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهم عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَنْ آتَاهُ اللَّهُ مَالًا فَلَمْ يُؤَدِّ زَكَاتَهُ مُثِّلَ لَهُ مَالُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ شُجَاعًا أَقْرَعَ لَهُ زَبِيبَتَانِ يُطَوَّقُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ثُمَّ يَأْخُذُ بِلِهْزِمَتَيْهِ يَعْنِي بِشِدْقَيْهِ ثُمَّ يَقُولُ أَنَا مَالُكَ أَنَا كَنْزُكَ

(صحيح البخاري)

(ثُمَّ تَلَا الْآيَةَ ( لَا يَحْسِبَنَّ الَّذِينَ يَبْخَلُونَ

وَلَا يَحْسَبَنَّ الَّذِينَ يَبْخَلُونَ بِمَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ هُوَ خَيْرًا لَّهُم ۖ بَلْ هُوَ شَرٌّ لَّهُمْ ۖ سَيُطَوَّقُونَ مَا بَخِلُوا بِهِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۗ وَلِلَّهِ مِيرَاثُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۗ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ

[سورة آل عمران ١٨٠]

“Qofka Ilaahay maal siiyey oo aan zakada ka bixin waxaa maalinta qiyaame maalkii looga soo dhigayaa mas lab ah oo cumri dheer oo sun badnidiisa daraadeed uusan korkiisu timo lahayn, labada indhood korkoodana laba bar oo madaw ku leh, ama isha korkeedaba dhibic madaw ku leh. Markaasuu inta isku duubo oo labada daan ka qaniino ayuu wuxuu ku leeyahay: “Anigu waxaan ahay maalkaagii aad kaydsatay.”

Markas akaadib ayu Rasuulka Ilaahay, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), wuxuu akhriyay:

”Waana Aayadda boqol iyo sideetan ee Suuratu Aali Cimraana)

… oo macneheedu yahay:

“Yeeyanna u malaynin kuwa ku bakhiilaya Ilaahay deeqdiisa uu siiyey inay khayr u tahay, oo ah maal ama cilmi ama xirfad, caqli iyo xeeladba, bal waxay u tahay shar. Maalinta qiyaamene waxaa lagu duubayaa, oo luqunta loogu duubayaa oo kuul looga dhigayaa, waxay ku bakhiileen. Ilaahay ayaana iska leh dhaxalka Samaawaadka iyo arliga. Ilahay waxaad falaysaanna wuu ogyahay.”

Wuxuu Muslim Abuu Hurayrah ka wariyay inuu Nabigu, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), yiri:

وعن أبي هريرة رضي الله عنه قال:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:

ما من صاحب ذهب، ولا فضة، لا يؤدي منها حقها إلا إذا كان يوم القيامة صفحت له صفائح من نار، فأحمي عليها في نار جهنم، فيكوى بها جنبه، وجبينه، وظهره، كلما بردت أعيدت له في يوم كان مقداره خمسين ألف سنة، حتى يقضى بين العباد فيرى سبيله، إما إلى الجنة وإما إلى النار

قيل: يا رسول الله فالإبل ؟ قال: ولا صاحب إبل لا يؤدي منها حقها، ومن حقها، حلبها يوم وردها إلا إذا كان يوم القيامة بطح لها بقاع قرقر أوفر ما كانت، لا يفقد منها فصيلا واحدا، تطؤه بأخفافها، وتعضه بأفواهها، كلما مر عليه أولاها، رد عليه أخراها، في يوم كان مقداره خمسين ألف سنة، حتى يقضي بين العباد، فيرى سبيله، إما إلى الجنة وإما إلى النار

قيل: يا رسول الله فالبقر والغنم ؟ قال: ولا صاحب بقر ولا غنم لا يؤدي منها حقها إلا إذا كان يوم القيامة، بطح لها بقاع قرقر، لا يفقد منها شيئا ليس فيها عقصاء، ولا جلحاء ولا عضباء تنطحه بقرونها وتطؤه بأظلافها كلما مر عليه أولاها رد عليه أخراها في يوم كان مقداره خمسين ألف سنة حتى يقضى بين العباد، فيرى سبيله إما إلى الجنة وإما إلى النار

قيل: يا رسول الله فالخيل ؟ قال: الخيل ثلاثة: هي لرجل وزر، وهي لرجل ستر، وهي لرجل أجر، فأما التي هي له وزر فرجل ربطها رياء وفخرا ونواء على أهل الإسلام، فهي له وزر وأما التي هي له ستر فرجل ربطها في سبيل الله ثم لم ينس حق الله في ظهورها ولا رقابها فهي له ستر وأما التي هي له أجر فرجل ربطها في سبيل الله لأهل الإسلام في مرج أو روضة فما أكلت من ذلك المرج أو الروضة من شيء إلا كتب له عدد ما أكلت حسنات وكتب له عدد أرواثها وأبوالها حسنات ولا تقطع طولها فاستنت شرفا أو شرفين إلا كتب الله له عدد آثارها وأرواثها حسنات ولا مر بها صاحبها على نهر فشربت منه ولا يريد أن يسقيها إلا كتب الله له عدد ما شربت حسنات

قيل: يا رسول الله فالحمر ؟ قال: ما أنزل علي في الحمر شيء إلا هذه الآية الفاذة الجامعة { فمن يعمل مثقال ذرة خيرا يره ومن يعمل مثقال ذرة شرا يره } متفق عليه

“Maa min saaxibi thahabin wa laa fiddatin laa yu’addii minhaa xaqqahaa illaa ithaa kaana yawmu al qiyaamati, suffixat lahu safaa’ixu min naarin fa uxmiya calayhaa fii naari jahannama, fa yukwaa bihaa janbuhu wa jabiinuhu, wa thahruhu, kullamaa baradat uciidat lahu, fii yawmin kaana miqdaaruhu khamsiina alfa sanatin xattaa yuqdaa bayna al cibaadi, fa yaraa sabiilahu immaa ilaa al jannati wa immaa ilaa al nnaari.”

Qiila: “Yaa Rasuula Allaahi, fa al ibilu?”

Qaala: “Wa laa saaxibu ibilin laa yu’addii minhaa xaqqaha , wa min xaqqihaa xalbuhaa yawma wirdihaa, illaa ithaa kaana yawma al qiyaamati, budhixa lahaa biqaacin qarqarin awfara maa kaanat, laa yafqidu minhaa fasiilan waaxidan, tadha’uhu bi axfaafihaa wa tacudduhu bi afwaahihaa, kullamaa marra calayhi awlaahaa rudda calayhi ukhraahaa fii yawmin kaana miqdaaruhu khamsiina alfa sanatin xattaa yuqdaa bayna al cibaadi, fa yaraa sabiilahu, immaa ilaa al jannati wa immaa ilaa al nnaari.”

Qiila: “Yaa Rasuula Allaahi, fa al baqaru wa al ghanamu?”

Qaala: “Wa laa saaxibu baqarin wa laa ghanamin laa yu’addii minhaa xaqqahaa, illaa ithaa kaana yawmu al qiyaamati budhixa lahu bi qaacin qarqarin, laa yafqidu minhaa shay’an, laysa fiihaa caqsaa’u wa laa jalxaa’u wa laa cadbaa’u tandhixuhu bi quruunihaa wa tadha’uhu bi athlaafihaa, kullamaa marra calayhi awlaahaa rudda calayhi ukhraahaa fii yawmin kaana miqdaaruhu khamsiina alfa sanatin xattaa yuqdaa bayna al cibaadi fa yaraa sabiilahu, immaa ilaa al jannati wa immaa ilaa al nnaari.”

Xadithka macnihiisu waxaa weeye:

“Ma jiro qof leh dahab iyo fiddo o aan xaqqooda ka bixin ee illaa maalinta qiyaame waxaa dahabkaas iyo qalinkaas looga sameeyaa waraaqo fidsan sida saxammo oo kale. Markaasaa waxaa saxammadaas fidsan lagu soo kululeeyaa naarta Jahannama. Markaasaa waxaa saxammadaas looga gubaa dhinacyadiisa iyo wajigiisa iyo dhabarkiisaba, oo marka qof bakhiil ah la baryo oo wax la weydiistoh, waxaa wajigiisa kolkiiba ka muuqaneysa kahasho iyo diidmo, markaasuu wajiga aruuriyaa oo kuduudiyaa.

Hadduu qofka wax baryayay mar kale baryada ku celiyo, bakhiilku dhinac ayuu isku dadbaa oo kan wax weydiistay ayuu dhiniciisa soo xijiyaa. Hadduu kan baryootamayay tuugmadii sii wado, kan bakhaylka ahi waaba ka jeestaa, oo dhabarkuu xijiyaa, isagoo jiha kale wajigiisa u duwaya, taasoo diidmadiisa iyo kahashadiisaba inuu wax bixiyo dhammaystiraysa.. Markay saxammadaas qaboobaanna inta naarta lagu soo kululeeyo ayaa hadana lagu gubaa oo sidaas lagu haynayaa maalin qadarkeedu konton kun oo sano yahay, ilaa addoommada la kala xukumo. Markaas kaddib ayuu arkayaa dariiqiisa uu qaadi lahaa oo geynayay ama jannada ama naarta.”

Markaasaa waxaa la yiri:

“Rasuulka Ilaahayow, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), geelana?”

Wuxuu Rasuulka (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) yiri:

“Ma jiro qof geel leh oo aan xaqqiisa ka bixinayn -xaqqiisana waxaa ka mid ah in maalinta ceelka lasoo arooriyo oo biyo la waraabinayo caanihiisa dadka goobtaas jooga oo u baahan loo liso oo la siiyo-ilaa markay tahay maalinta qiyaame waxaa qofkaas loo seexiyaa xagga calooshiisa isagoo wajigiisu hooseeyo meel waasac ah oo siman oo sulub ah. Markaasaa geelii oo intii ka burbuuran oo ayan nirigna ka maqnayn ayaa kor mara oo ku joogjoogsada oo cagaha kula tunta, afkana ku qaniina. Marka geelii wada kor maro, kiisii ugu horreeyey iyo kii ugu dambeeyey, ayaa mar kale hadana lagu soo celiyaa oo sidaas lagu hayaa maalin qadarkeedu konton kun oo sano yahay, inta laga kala xukumayo addoommada. Markaasuu dariiqiisa uu mari lahaa arkaa, kaasoo ama jannada geynaya ama naarta geynaya.”

Waxaa la yiri:

“Rasuulka Ilaahyow, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), lo’da iyo arigana?”

Wuxuu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) yiri:

“Ma jiro qof leh lo’ iyo ari oo an xaqqooda ka bixin ee ilaa markay tahay maalinta qiyaame waxaa qofkaas loo seexiyaa dhanka calooshiisa isagoo wajigiisu hooseeyo, meel waasac ah oo siman oo sulub ah, ayagoo lo’dii iyo arigii uusan midna ka maqnayn, ayanna ku jirin ri’ geeso laablaaban iyo ri’ aan geeso lahayn iyo ri’ geeso jaban, markaasay ku hardinayaan oo ku mudayaan geesohooda, oo ay cagahana kula tumanayaan. Markay wada kor maraan, ayaa hadana lagu soo celinayaa, oo sidaas ayuu ahaanayaa maalin qadarkeedu konto kun oo sano yahay, ilaa inta addoommada la kala xukumo. Markaas ayuu dariiqiisa uu mari lalaa arkaa, kaasoo ama jannada ama naarta geynaya.”

Dadka Xaqqa u Leh
Zakada Maalka In La Siiyo

Dadka xaqqa u leh in maalka zakada la siiyo, ay tahayna in la siiyo, waxaa tilmaamay Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa oo ku magacaabay Aaayadda lixdanaad ee Suuratul Tawbah:

“Innamaa al ssadaqaatu li al fuqaraa’i wa al masaakiini wa al caamiliina calayhaa wa al mu’allafati quluubuhum wa fii al rriqaabi wa al ghaarimiina wa fii sabiili Allaahi wa ibni al ssabiili fariidatan mmina Allaahi wa Allaahu Caliimun Xakiimun.”

Aayadda macneheedu waxaa weeye, Zakada waxaa iska leh:

  1. (Kow) Kuwa faqiirka ah.
  2. (Labo) Masaakiinta.
  3. (Saddex) Kuwa ka shaqeeya oo soo uruuriya.
  4. (afar) Kuwa quluub tooda islaamka loo soo dumayo.
  5. (Shan) Muslimiinta la addoon sado in lagu gato oo lagu xoreeyo.
  6. (Lix) Kuwa daynta badan lagu leeyahay o iska bixin waayey.
  7. (Toddoba) Jihaadka kuwa ku jira.
  8. (Sideed) Kuwa safarka ku jira o sahayda ka go’day.

9. “Ilaahay waa farad yeelay zaka daas, fardi yeelid Ilaahay xaggiisa ka sugnaatay, Ilaahayna waa ogg yahay, oo qof walba xaal kiisa waa og yahay. Xakiimna weeyoo, waa Xakiim Caadil nimo wax ku maamula, oo qof walba wixii uu mutaystay ku abaal mariya”.

Siddeed nooc oo dad ah ayaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaala, magacaabay inay u sugnaatay oo ay xaq u leeyihiin zakada laga soo qaado dadka hodanka ah oo bulshada muslimiinta ka mid ah.

Kow Faqiirka:

Faqiir waxaa la yiraahdaa qofka aan wax maal la yiraahdaba aan lahayn iyo wax kasab ah oo dhan, ama wax leh, laakiin waxa uu haysto ay ka yar yihiin nus inta dabooli karta baahi diisa isaga iyo inta nafaqeyn tooda xil ka saaran yahay, sida haween tiisa, caruurtiisa, labada waalid oo dhalay. Baahi diisu waxaa weeye baahida cuntada, hoyga, dharka, gaadiidka, cilmiga. Tusaale ahaan, haddii ay baahi diisa toban shillin dabooli karto wuxuu haystaa labo ama saddex ama afar.

Laba Miskiin:

Miskiin waxaa la yiraahdaa qofka maal wax ka haysta ama kasab, laakiin intuu haysto ay u dhiganto nus ama wax la mid ah inta u dabooli karta baahidiisa isaga iyo inta uu nafaqayntooda xilkooda hayo. Tusaale ahaan, haddii ay baahidiisa dabooli kartay toban, wuxuu haystaa lix ama toddoba.

Saddex Kuwa ka shaqeeya:

Kuwaan waa shaqaalaha dadka maalka leh zakada ka soo uruuriyah, kula xisaabtama inta qof walba ku waajibtay, kaddibna isku geeya, hadday xoolo nool yihiin xannaaneeya oo dhaqaaleeya. Guud ahaan waxaa weeye dadka maalka zakada ka shaqeeya. Haddii qofkaas zakada ka shaqeeyaa uu hodan yahay waxba laga siin mahayo. Hadduu mushaar ku qaatana zakada wax laga siin mayo. Haddii kale, oo uusan hodanna ahayn, mushaarna ku qaadanin, masruuf iyo intii deeqda ayaa laga siinayaa.

Afar Kuwa quluubtooda la dumayo:

Waxay ka koobmaan dhawr nooc oo dad ah, ayna ka mid yihiin:

  1. b) kuwo dhowaan Diinta Islaamka soo galay, iimaankoodu daciif yahay, maalka zakadana wax looga siinayo in iimaankooda lagu xoojiyo oo ay islaannimada ku sugnaadaan, oo haddii ay baahdaan laga yaabo inay gaalnimadoodii hore ku noqdaan.
  2. t) Kuwa Diinta Islaamka soo galay, iimaankooduna xoog leeyahay, maalka zakadana wax looga siinayo si ay dadka ayaga ka dambeeya u soo jiitaan oo ay Diinta Islaamka soo galaan.
  3. j) Dad sidoodaba gaalo ah, lagase rajo qabo inay Diinta Islaamka soo galaan.

Shan Luqummaha fakintooda:

Waa dad muslimiin ah addoonnimana ku jira, oo dad kale oo banii Aadam ah uu leeyahay, xoreyn toodana maal ku xiray. Waxaa dad kaas maal ka zakada wax looga siinayaa inay luqun tooda ku fakiyaan, oo sidaas ku xoroobaan.

Lix Kuwa daymoobay:

Kuwaani waa dadka galay dayn badan, awood na aan u lahayn inay iska bixiyaan. Waa isku mid in uu qof kaas dayn taas u galay danta iyo maslaxadda guud, iyo inuu u galay si khaas ah oo isaga u gaar ah. Maal ka zakada ayaa qof kaas wax laga siina hayaa si uu dayn taas isaga gudo.

Toddoba Jidka Ilaahay:

Qaybtaan waxaa weeye nafaqeynta dadka naftooda u soo bandhigay oo ku jira jihaad lagula dagaallamayo gaalada si ay Laa ilaahay illaa Allaahu Muxammadun Rasuulu Allaahi, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), u ahaato kalimada sarreysa.

Sideed Jidka wiil kiisa:

Waxaa jidka wiil kiisa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, ku magacaabay qofka socdaalka ku jira, oo jidka haya. Waxaa laga cabbiray in jidku qofkaas dhalay. Haddii ay qof kaas socotada ah sahaydu ka go’do, ama gaadiidku ka go’o, ama maal kii uu u baahnaa si uu meeshuu u socday, ama gurigiisa ba ku gaari lahaa ka go’o, maal ka zakada ayaa laga siinayaa.

Shuruudaha ay tahay in laga helo dadka zakada la siinayo:

  1. (Kow) Inuu muslim yahay
  2. (Labo) Xor yahay
  3. (Saddex) Inuusan Aali Muxammad, (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ), ka mid ahayn oo ayan sadaqadu u bannaaneyn, waana Banii Haashim iyo Banii Al Mudh-dhalib.

DHAMAAD

Mawduuca Bogga:

  1. Tusmada kitaabka
  2. Hordhaca dhigaha kitaa bkaan
  3. Zakada maalka
  4. Maxaa zako loo bixinayaa?
  5. Yay bixinta zakadu waajoib ku tahay?
  6. Aayaha maalka zakada laga bixiyo
  7. Nisaab
  8. Zakada dahabka, qalinka iyo lacagta
  9. Zakada dahabka haweenku xirtaan
  10. Zakada maalka ganacsiga
  11. Zakada zaraca beeraha
  12. Zakada macaadinta
  13. Zakada rakaazka
  14. Zakada xoolaha nool
  15. Shuruudaha guud ee zakada xoolaha nool
  16. Zakada geela
  17. Zakada lo’da
  18. Zakada ariga
  19. Zakada soonfur
  20. Xukunka qofka waajibnimada zakada inkirah
  21. Xukunka qofka bixinta zakada diida
  22. Ciqaabta aakhiro qofka zakada bixinteeda diida
  23. Dadka xaqqa u leh in la siiyo zakada maalka
  24. Shuruudaha ay tahay in laga helo qofka zakada maalka la siinayo

Decorative Lines

Waxaa dhigay:
Dr. Xasanweli Sheekh Xuseen Cismaan
Ottawa, arliga Canada
1427H – 2006M